25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Soomaali ka mid noqday golaha wasiirada Tanzania

0

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

“Waa farxad gaar ii ah iyo mid guud oo ay ila wadaagaan dadka Mareykanka ah iyo dadka kasoo jeeda luuqaddan aan ku hadlayo. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan farriimihii ay ii soo direen,” ayuu yiri Xamse Warfaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Joe Biden oo wiil Soomaali ah u magacaabay xil sare

Minneapolis (Caasimada Online) – Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa ku biiraya maamulka madaxweye Joe Biden, isaga oo la-taliye sare u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Xamse, oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minnesota, ayaa noqonaya Soomaaligii ugu darajada sarreeyey ee uu madaxweyne Mareykan ah xil u magacaabo. 

Xamse ayaa shaqada DEED ka tagaya 17-ka Janaayo, markaasi oo uu kadib ku biiri doono Wasaaradda Arrimaha Dibedda, isaga oo kaalin weyn ka cayaari doona sare u qaadidda Dimoqraadiyadda ee dunida iyo imaatinka qaxootiga ee Mareykanka.

Qoraal ay Isniintii baahisay Waaxda DEED ee Minnesota ayuu Xamse uga mahad-celiyey madaxweyne Joe Biden xilka uu u magacaabay. “Aniga oo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne.”

Xamse ayaa ku biiraya Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. Xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya madaxweynaha go’aan ka gaarista tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta. 

Xafiiskan waxa kale oo uu maal-gelin siiyaa hay’adaha dib u dejinta qaxootiga.  

Xamse ayaa yimid Mareykanka isaga oo qaxooti ah 1994-kii. Waxa uu bartay culuumta siyaasadda iyo maamulka. Sanadii 2014 wuxuu daabacay buug uu u magac daray America Here I Come: A Somali Refugee’s Quest for Hope oo macnaheedu yahay America Waa I Kan: Rajo Raadinta Qaxooti Soomaaliyeed. 

Barasaabka gobolka Minesota Tim Walz ayaa sanadii 2019 Xamse u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED).

“Waxaan ku kalsoonahay in Xamse uu shacabka Mareykanka ugu adeegi doono si la mid ah sharaftii, khibrad siyaasadeedkii iyo hoggaankii wada-shaqeyn ee uu ugu adeegay shacabka Minnesota,” ayuu yiri barasaab Walz.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrimaha uu Farmaajo kaga dhowaaqay khudbaddii uu xalay jeediyey (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, waxuuna u hadlay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dahweeyey heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii golaha wadatashiga qaranka oo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Farmaajo waxuu khudbadiisa ku qiray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay masuul ka yihiin qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan khudbadiisa uga war-bixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka,” ayuu yiri Farmaajo

Farmaajo ayaa sidoo kale ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo uu sheegay inay ku dhisan tahay wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Ugu dambeyntii Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxuuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

Hoos ka daawo khudbadda

Maxkamadda Ciidamada oo xukun toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Faarax

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay qof shacab ahaa ugu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Askariga la qisaasay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Faarax Dhaqane, kaas oo dhowaan maxkamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadeynta askariga la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa shacab.

AUN Mowliid ayaa ahaa Farsamayaqaan sameeya gawaarida, waxaana dilkiisa uu ka dhashay, kadib markii ay is maandhaafeen isaga iyo askariga maanta la toogtay.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumkii uu horey u dilay, mas’uuliyiin ka mida maamulka Gedo.

Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey Aabaha dhalay marxuumka la dilay oo ku sugnaa goobta ay toogashada ka dhacday.

Waa dilkii labaad oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida fulisay, waxaana ugu dambeeyey Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo shalay lagu toogtay barxadda degmada Luuq, kadib markii isna lagu helay dil uu u geystay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaajle.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ka mid ahaa dilkii lagu fuliyey 22-kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Al-Shabaab oo shaacisay inay dagaal kula wareegtay deegaan u dhow BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada fuliyey weerarka ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada, ayna ka qaateen saanad milatari.

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana Qalimow oo ah deegaan istaraatiiji ah, kuna yaallo waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Dhowaan ayey aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday magaalada Balcad oo ay muddo kooban la wareegtay, walow ay markii dambe dib uga baxday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xubno Al-Shabab ah oo lagu soo bandhigay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo badhigay saddex xubnood oo ‘kasoo goostay’ kooxda Al-Shabaab, isla-markaana isku dhiibay ciidamada maamulkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyey howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.

Xubnahan ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo sidoo kale xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Saddexda xubnood ee kasoo muuqda warbaahinta, mid ka mid ah wuxuu watay qoray AK47 ah iyo booshkiisa, iyada oo lagu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo.

Sidoo kale xubnaha kasoo goostay Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay u adkeysan waayeen go’doonka ay kooxda ku heyso shacabka maamulkaasi.

Wareysiyo lala yeeshay saddexda xubnood ayey ku sheegeen inay kasoo dagaalameen  Jubbooyinka iyo Sh/Hoose, isla-markaana ay kasoo qeyb qaateen weeraro dhowr ah.

Waxa kale oo ay farriin u direen dhalinyarada kale ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ugu yeeray inay isaga soo tagaan, iskuna soo dhiibaan dowladda.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay xubnahan ay soo bandhigtay Koonfur Galbeed, isla-markaana shaaciyey inay kasoo goosteen iyaga.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana loo sababeynayaa howl-gallada ay haatan wadaan ciidamada huwanta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wareysi: Wiil kasoo goostay ERITREA oo soo bandhigay xogta dhalinyaradii la qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir oo ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa soo bandhigay xogta dhalinyaradii uu ku jiray oo qaar la dilay, qaar soo baxsadeen, qaarna weli adoonsi ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan oo u waramay Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradaas inta ka nool ay ku jiraan xaalad aad u adag, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan adoonsiga wiilashooda lagu heysto Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in dhalinyarada qaar la dilay, kadib markii ay isku dhaceen iyaga iyo ciidamada Eritrea, qiyaastii 400 oo wiil ayuu sheegay in siyaabo kala duwan ay ugu geeriyoodeen Eritrea, inta uu ogyahay.

Dhammaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea ayuu sheegay inuu ku qiyaasayo 5,400 (Shan kun iyo afar boqol) waxuuna sheegay in hadda loo heysto lacagta cunadii lasii jiray intii ay tababarka ku jireen.

4-tii bishii October ee sanadkii 2020-kii ayuu Cabdulqaadir sheegay in tababarkii uu u dhamaaday, wixii intaas ka dambeeyana ay ku jireen xaalad aad u adag oo adoonsi ay ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro ka soo goosatay xeryihii tababarka ee dalka Eritrea, kuwaas oo qaarkood ay dhex ku geeriyoodeen.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayuu Cabdulqaadir ugu baaqay inay dhigaan banaanbaxyo iyo wax kasta oo ay uga dhiidhi karaan dhibaatada heysata wiilasha Soomaaliyeed ee ku jira adoonsiga Eritrea.

Waxuu sheegay in dhibkii loo geystay uu aaqiro iyo aduun Alle kula xisaabtamayo Farmaajo oo dabinkaas u maleegay, sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ka codsaday in dhalinyaradaas inta hartay uu noloshooda badbaadiyo.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

“Kiiska weerarki la igu qaaday waxaa daboolay sarkaalka u sareeya CID,” waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharmaake Cabdinuur oo ah suxufi ka tirsan warbaahinta Goobjoog ayaa si murugo leh uga hadlay dhaawaca halis ah oo uu sanadkii hore gaarsiiyey askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Sharmaake ayaa xilligaas waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray caloosha, kadib markii uu xabad ku dhuftay askarigaas, waxaa muddo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu illaa hadda helin cadaalad.

“Ereygii ugu xumaa oo aan hilmaami waayay oo kamid aheyd su’aalihii uu i weydiiyay sarkaalkii u sareeyay CID-da waxay aheyd ‘xabadii kugu dhacday xanuun miyaa?’ – waxaa xaqiiqsaday in suxufi ku nool Soomaaliya uusan cadaalad heli doonin illaa inta ay joogan dadka xilalka waaweyn ka haya dowladda,” ayuu yiri Suxufi Sharmaake.

Waxa uu intaas kusii daray “Kiiskayga waxaa dabooshay xarunta dambi baarista ee CID-da, sarkaalka u sareeyay xarunta markuu ogaaday in aan u shaqeeyo telefishanka Goobjoog waxay ku fadhiyaan kiiskayga oo maxkamadna looma gudbin.”

Suxufiga ayaa sidoo kale sheegay in Sarkaalkii Isgoyska lagu dhaawacay oo ahaa Siinaay ay gebi ahaanba inkiray inay dhaawaceen, ayaga oo ilaalinaya askarigii xabada ku dhuftay, sida uu sheegay.

“Askarigii xabada igu dhuftay waxa uu rabay in uu isii dhameystiro, xabada oo igu taalla ayaa cararay oo waxa galay meel harqaan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Sharmaake.

Dhacdada Sharmaake lagu dhaawacay ayaa dhacday daba-yaaqada bishii Maarso ee 2021-ka, illaa haddana majirto cid loo soo qabtay, sida uu sheegayna kiiskiisa maba la gudbin, taasi oo muujineysa heerka caburinta iyo cadaalad darada ka jirta Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka QOOR QOOR oo guul yaab leh ka sheegtay shirkii Golaha Wadatashiga

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor ayaa sheegtay in madaxweynahooda uu dadaal badan ku bixiyay in heshiis laga gaaro shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran, ka hor inta aan heshiiska laga soo saarina qarka u saarmay in uu fashilmo.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu waqti badan geliyay isku soo jeedka dhinacyada ku kala aragtida duwanaa ee shirka.

“Shaqsiga aan habeen iyo maalin aan seexan ee uu waaga ugu baryey isaga oo u kala dab-qaadaya fikir kala duwan, muhiim maaha in uu ka hadli waayo idaacada, in sidaa wax uga dhacaan madaxweynaheena ka dambeeyay,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale waxa uu xusay in Qoor-Qoor oo dul hoganayaan dhaliilo badan uu juhdi badan ku bixiyay in dalka kasii jirto xasilooni siyaasadeed, isaga oo madaxda sare dhowr jeer isku soo dhaweeyay, sida uu sheegay.

Falagle ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Galmudug ay cadow badan leedahay, taasi oo sabab u tahay sida uu sheegay meesha ay ku taallo iyo hogaanka wanaagsan ee ay haysato.

Hadalkan ayaa imanaya, xilli lasoo gaba-gabeeyay shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo maalmo dhowr ah ka socday magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray hanaan cusub oo lagu hagayo doorashada uu mad-madowga badan ku gadaamna.

Waxay kusoo aadeysa ayada oo maamulka Galmudug ee Qoor-Qoor uu wajahayo culeyso uga imaanaya qaar kamid beelaha dega deegaanadaas, oo saluug xoogan ka muujiyey hanaanka hogaamintiisa, ayna socdaan Gole badbaado oo looag arrinsayo maamul cusub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shirkii Muqdisho: Rooble oo ku guuleystay qodob muhiim ah balse mid ku fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib 7-cisho oo Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku shirayeen Muqdisho ayaa waxay shalay galab soo saareen war-murtiyeed aan macno badan xambarsaneyn oo u badan qodobo ku jiray heshiisyadii hore ee golaha oo cid ku shaqeysay aysan jirin.

Sida ku cad war-murtiyeedkii, golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble loo daayay qodob muhiim oo la xiriira guddiyada doorashada, maadaama aan lagu soo hadal qaadin isbadalkii uu ku sameeyay guddiya xalinta khilaafaadka oo todoaba xubnood uu ka eryey iyo gudoomiyihii guddiga doorashada heer federaal.

In bayaankii golaha aan lagu soo hadal qaadin qodobka quseeya isbdelka lagu sameeyey guddiyada doorashada ee heer federaal waxay meesha ka saareysaa damacii garabka Farmaajo oo rajo ka qabay inay sii hoggaamiyaan guddiyada, ayada oo Rooble uu horey usoo magacaabay xubno taabacsan.

Haatan waxay ka dhigan tahay in Ra’iisul Wasaaruhu ku adkaaday arrinta guddiyada oo hoggaankooda uu shaqada ka eryey, tallaabooyinkii uu Rooble ka qaaday guddiyada waxay ka dhasheen habkii loo maareeyey cabashada kuraastii la boobay ee golaha shacabka.

Si kastaba, Rooble ayaa waayey oo ku guul-dareystay qodobkii la xiriira amniga dalka.

Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay golaha ayaa aad uga dooday masuuliyadda amniga guud ee dalka, sida muuqatana wax guula kama soo hoyn ra’iisul wasaare Rooble oo doonayey inuu golaha ka dhaadhiciyo in isaga si buuxda loogu wareejiyo amniga dalka.

Inkastoo golahaan uusan awood u laheyn in Rooble uu ku wareejiyo masuuliyadda ammaanka guud ee qaranka, hadana in xubnaha qaar ay toos uga soo hor-jeestaan waxay muujineysaa saameynta Farmaajo oo maqan uu ku lahaa shirkaas.

Qodobka ugu weyn bayaankii ka soo baxay shirka waxa uu ahaa in AMISOM ay sugto ammaanka Madaxtooyada, AMISOM waxay kala ilaalineysaa oo la dhex-dhigayaa ciidamada ilaalada u ah Farmaajo iyo Rooble oo dhufeys isugu jira, wixii ka dambeeyay 27-kii December, xiligaas oo Rooble uu sheegay inuu ka badbaaday ‘afhgembi uu soo abaabulay Farmaajo.’

Bayaanka ka soo baxay shirkii Rooble iyo madax goboleedyada laguma soo hadal qaadin sida laga yeelayo kuraastii la boobay ee doorashadoodu ay ka dhacday Baydhaba iyo Dhuusamareeb, waxayna u muuqataa in cabashada beelaha iyo siyaasiyiinta kuraastaas aan dheg-jalaq loo sii doonin oo horay looga gudbay.

Kuraasta ugu daran ee habkii loo maareeyey doorashadooda ay buuqa dhalisay, isla markaana Rooble ku kaliftay inuu bedelo hoggaankii guddiyada waxaa soo kala qaatay Yaasiin Farey, Mahdi Guuleed iyo Xildhibaan Sareedo, waxaana haatan god dheer ku sii dhacday rajadii laga qabay in lagu noqdo doorashada kurstaas.

Beelaha iska leh kuraastaas iyo musharaxiin uu ku jiro guddoomiyihii hore ee golaha shacab Maxamed Cusmaan Jawaari oo loo diiday inay u tartamaan ama talo ku yeeshaan aayaha kuraastooda ayaan la ogeyn sida ay ugu qancayaan bayaankaan iyo in laga socdo cabashadooda oo aan wax laga qaban.

Heshiisyadii u dambeeyey ee Golaha wadatashiga Qaran ayey siyaabo kala duwan uga soo muuqdeen inta badan habraacyadii ay galabta soo saareen, hase yeeshee laguma dhaqmin, hadana rajo badan lagama qabo in lagu dhaqmi doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

NISA oo xoojisay ciidankeeda garoonka Aadan Cade iyo amarkii Wasiirka Amniga Rooble oo shaqeyn waayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee xukuumadda xil-gaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu bilowgii todobaadkii hore ku amray hoggaanka hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka in ciidanka NISA laga soo saaro Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Farriintaas oo dad badani ay ku tilmaameen mid xasilooni darro xambaarsaneyd ayaa lasoo warinayaa inay ugu dambeyn ka dhaqan geli weysay Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha NISA waxay xaqiijiyeen in amarkaas kadib ay hey’adda ciidan dheeri ah geysay Garoonka. Ciidankaas dheeriga ah waxay ku sheegeen mid loogu talagalay in lagu sii adkeeyo ammaanka garoonka.

Sidoo kale, waxaa la xoojiyey amarrada iyo shaqada ciidanka Nabad sugidda ee jooga waddooyinka soo gala Garoonka Aadan Cadde, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hey’adda NISA.

Dabagal aan ku sameynay waxa ka fulay amarkii kasoo baxay Wasiirka Amniga ayaan ku ogaanay in xukuumadda federaalka ay ka gaabsatay oo aysan ku adkeysan soo jeedintaas.

Sababta ay xukuumadu uga dhuumatay dhaqan gelinta amarkaas waxaa lagu sheegay inay sabab u tahay inay toos uga hor yimaadeen wakiillada iyo safiirada Beesha Caalamka ee dagan daafadaha Garoonka Aadan iyo maamulka diyaaradaha Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya, kuwaas oo farriintaas ku tilmaamay mid dhaawaceysa shaqada garoonka Aadan Cadde.

Inkastoo ay ciidanka NISA ay dhibaatooyin badan ka geysteen gudaha Garoonka oo marar badan ay xayireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u lahaa inay safraan haddana in NISA ay ka baxdo garoonka Aadan Cadde waxay su’aal dul dhigeysaa shaqada garoonka, Ajaanibta Xalane dagan iyo duullimaadyada caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya.

Ciidanka NISA waa ciidan si gaar ah loogu tababaray inay ka hor tagaan dhibaatooyinka Al-Shabaab, sidaas darteed waxay banaanka ka ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah ee dalka, kuwaas oo uu ku jiro Garoonka Aadan Cadde.

Uma badna inuu wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ka shalaayey inuu shaqeyn waayey amarkiisii Garoonka Aadan Cadde, marka loo eego sida uusan amarkaas munaasab ugu aheyn xaaladda amniga dalka iyo sida ay dad badani uga soo horjeesteen.

Dagaalka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble wuxuu aaday dhanka amniga, waana sababta uu Cabdullaahi Maxamed Nuur u qaaday tallaabadaan walaaca gelisay amniga garoonka.

Haddii uu sii socdo loolanka xagga awoodda ciidanka ah ee u dhaxeeya labada nin ee Farmaajo iyo Rooble waxaa la aamisan yahay inuu si taban u saameyn karo hey’adaha iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QM oo war kasoo saartay heshiiska cusub ee shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiska cusub ee ay shalay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano kasoo saaray xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

QM ayaa boggaadisay qodobada ay soo saareen Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shirkoodii Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo natiijo la aamini karo, marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay si loogu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay aaaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan, si loo gaaro natiijo la aamini karo waqtiga cusub ee la qabtay,” ayaa yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale QM ayaa ugu baaqday madax goboleedyada inay diiradda saaraan hufnaanta doorashada, si ay u noqoto mid lagu kalsoon-yahay.

Waxa kale oo ay Qaramada Midoobay shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada-shaqeyntooda, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya khilaaf hor leh ama uga sii dari kara xiisadda taagan.

Hadalka Qaramada Midoobay oo si dhow ula socoto xaaladda cakiran ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, ayda oo shalay Muqdisho lagu soo xiray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo gabagabeeyey muddo 40 cisho gudahood ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo muddo sanad ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka CADAKIBIR iyo khasaaraha soo kala gaaray Al-Shabaab iyo ciidanka DF

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Cadakibir oo u dhaxeeya magaalada Guriceel iyo deegaanka Baxdo ayaa sheegaya in illaa iyo xalay dagaal culus uu deegaanka ku dhex marayo ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cadakibir ee gobalka Galgaduud, waxa uuna u dhaxeeya Ciidamada dowaldda, kuwa maamulka Galmudug, ciidamada Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka Cadakibir oo isku dhinac ah iyo xubna ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad Gashaanle Dhexe Cali Maxamed Cagaweyn, Korneel Cabduqadir Maxamed Gasaawe oo ahaa taliyihii howlgalinta qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo seddax askari oo kale.

Sidoo kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalkii Shalay waxaa looga dilay illaa 7 xubnood halka dhaawaca soo gaaray lagu sheegay inuu kor u dhaafayo illaa 10 kale.

Dagaalka ayaa illa iyo saaka sidoo kale ka socda deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Guriceel iyo deegaanka Baxdo.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay deegaanka Cadkibir oo ay sheegeen iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen dagaalka sadax askari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Baxdo oo u dhaw deegaanka Cadakibir, halkaas oo ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamo ku sugnaa oo garab ka helay dadka deegaanka Baxdo.

Muxuu gudiga doorashada ka yiri go’aannada ka soo baxay shirkii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, wuxuuna guddiga soo dhoweeyey go’aanada kasoo baxay shirkaasi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga uu boggaadinayo qodobada lasoo saaray, gaar ahaan dhammeystirka habraacyada doorashada iyo muddeynta xilliga la qabanayo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) wuxuu soo dhoweynayaa go’aannada ay Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen dhammeystirka habraacyadii, muddeynta iyo turxaanbixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu ku soo aaday xilli adag, isla-markaana loo baahnaa, si looga gudbo xiisadda haatan taagan.

“Heshiiskan ayaa ku soo aaday xilli muhiim ah, baahi weyna loo qabay dardar-gelinta, mudeynta iyo turxaan bixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ka dalbaday daneeyayaasha doorashooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii ay waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd doorashada.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo Golaha Wadatashiga Qaran aysan shirkooda kusoo hadal qaadin khilaafka ka jira Guddiyada Doorashooyinka ee ka dhashay tallaabadii uu qaaday Rooble, waxayna taasi muujineysaa inay ansax tahay xubnihii laga eryey shaqada.

Si kastaba, heshiiska cusub ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ugu muhiimsan tahay in doorashada lagu soo gabagabeeyo 40 cisho ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood xoogan ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

BEELAHA HAWIYE oo soo saaray go’aano xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa si buuxda u taageeray ra’iisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay waxgaradka beelaha Hawiye ayaa bulshada reer Muqdisho looga codsaday in Khamiista soo socota ay ka soo qeyb galaan banaan-baxyo balaaran oo looga soo hor jeedo ficillada Madaxweynihii hore.

Banaanbaxaas oo la shaaciyey inuu ka dhici doono fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ayaa cinwaan looga dhigay, “Afgembi diidnay, doorashaan rabnaa.”

“Beesha Hawiye waxay saldhig u tahay dowladnimada Soomaaliya, waxayna dooneysaa in hoggaanka dalka la isku wareejiyo, iyadoo la raacayo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxay shaaciyeen in uusan jirin damac kursi oo beesha uga jira garabka Farmaajo oo ay ku tilmaameen ‘kaligi-taliye’ “Ma jirto xuquuq siyaasadeed oo nooga maqan ama uu nasii karo kaligii taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaanka Hawiye.

Beesha ayaa aad u cambaareysay kooxo ay sheegeen inuu soo abaabulay Farmaajo oo been abuur ka faafisay beel-weynta Hawiye, iyagoo cadeeyey in beeshu aysan wax cilaa-qaad ah la laheyn Farmaajo.

“Kooxahaasi waxay wareejinayaan inay shireen ‘Farmaajo iyo beesha Hawiye’ waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in uusan jirin habayaraadee wax kulan ah oo aan la yeelanay Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay beesha Hawiye.

Sidoo kale beeshu waxay cadeysay in aysan jirin sabab ay hadda kadib xataa ula kulanto Farmaajo, maadaama aysan waxaba uga xireyn, “Waxaan cadeyneynaa in aysan jirin cid wakiil ka ah beesha Hawiye oo la kulmeysa madaxweynihii hore kiligi-taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Beesha ayaa si buuxda isu-garab taagtay shirka golaha wadatashiga qaranka iyo howl-gudashada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

“Waxaan u cadeyneynaa umada Soomaaliyeed, in aanaa u dulqaada doonin cid kasta oo xagal-daacineysa dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Hawiye.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

GALMUDUG oo shaacisay xog ku saabsan saraakiishii lagu dilay dagaalka Cadakibir

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta la aasay meydadka saraakiil iyo askar ka tirsanayd military-ga Soomaaliya, oo shaley gelinkii dambe ku dhintay dagaal ka dhacey deegaanka Cado Kibir, oo ku dhaw degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha la aasay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamad Cartan, oo ahaa taliyihii hawlgelinta Qeybta 21-aad, iyo Gaashaanle Dhexe Cali Maxamad Soocade, oo ahaa taliyihii Guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallada Al-Shabaab ay ka geysteen Gobolka Galgaduud oo ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda.

Falagle waxa uu sheegay in weerarada Al-Shabaab ay yihiin kuwo jidgal ah, ujeedka ay ka leeyihiin ayuu ku sifeeyay in ay muujiyaan joogitaankooda deegaannada Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Axmed Shire.

“Waxa aan ka tacsiyeenayaa saraakiil si qaldan waddada ugu galeen Al-Shabaab oo geeriyootay, waxa ay wadeen sahan deegaannada ah, Shabaab waxa uu ujeedkoodu ahaa waan joognaa balse ma jiro dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud” ayuu yiri Falagle.

Axmed Shire Falagle waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Galmudug wadajir ay u wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay kawada shaqeynayaan xoojinta nabadgalyada.

Isku dhac Ciidan oo ka dhacay Dhuusamareeb ayuu Wasiir Axmed Shire Falagle ku sheegay in xal ka gaarista shaqaaqadaas loo daayay saraakiisha Ciidamadaas ay ka kala tirsan yihiin si ay u mariyaan anshaxa u yaalla.

Daawo: Fiqi oo faahfaahiyey qorshaha banaan-baxa ka dhanka ah afgamibigii 27-ka December iyo cida fasaxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay banaan-baxa 13-ka bishaan ka dhici doona Muqdisho, sida la qorsheeyey, wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday xubnaha taageera Farmaajo.

Fiqi ayaa sheegay in banaan-baxaas oo dhacaya Khamiista soo socota ay ogolaansho uga heystaan wasaaradda amniga Soomaaliya, isagoo wax lala yeebo ku tilmaamay in xubno ka tirsan gobolka Banaadir ay ku goodiyeen inay ka hortegayaan isku soo baxaas.

“Farmaajo waxuu galabta ka hadashiiyey ninkii u qaabilsanaa caayda ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka amniga, waayahaan oo dhan afgembi ayaa laga hadlaayey, halkee lagu arkay nin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan oo dhahaya ciidanka aniga ayaa amra? Malaha gobolka ayaa doonaya inuu ciidamada inqilaabo,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in kooxda Farmaajo ay ku xadgudbayaan dowladnimada Soomaaliya, “In dad Cali Yare oo kale ah ay dadka reer Muqdisho wax u meeriyaan ilhaano ayey ku tahay, waxa uu maanta ku hadlay dowladnimo sal kuma laha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Fiqi.

“Banaanbaxa aan dhigayno Khamiista, waxaa ogolaansho noo siisay Wasaaradda Amniga wuuna dhacayaa.”

Ugu dambeyntii Fiqi oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri, “Isku soo baxa, cabira shacuurtiina oo ku jebiya xeyndaabka cabsida iyo fowdada, kuna jebiya xeyndaabka Farmaajo iyo CBB-diisa, codkiina meesha uga saara ninkaas saacadihii ugu dambeeyey ee geeridiisa ku jira.”

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxkamadda Ciidamada oo toogatay askari dilay Bajaajle

0

Luuq (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor), waxaana dhowaan lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane oo uu horey u dilay, kaas oo ahaa wade Mooto Bajaajle ahaa, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu dilku ka dhex dhacay gudaha saldhigga ciidamada booliiska degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maxkamadeynta askarigan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ay ku ridday dil toogasho ah, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Goobta lagu toogtay marxuumka oo ah barxadda toogashada ee Luuq-Ganaane ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumka, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Gedo iyo kan Degmada Luuq.

Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey waalidiinta iyo ehellada wadihii mooto Bajaajlaha ee uu horay u dilay askariga la toogtay.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ugu dambeeyey dilkii lagu fuliyey 22kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

DF Somalia oo shaacisay inay dagaal ku dishay 25 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran Gorgor ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamada uga fuliyeen deegaanada Bariire iyo Tawakal, halkaas oo ay dagaal kula galeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 4-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas ay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab,ayna ku beegsadeen goobo ay isku uruursanayeen dagaalyahano fara badan.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dagaalka ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalyahan iyo saraakiil kale, sida uu hadalka u dhigay.

Taliska Gorgor ayaa intaasi ku daray inuu dhaawacana intaasi kasii  badan yahay, waxayna tilmaameen in howl-galka ay sii wadi doonaan, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa xoojiyey howl-gallada ka socda gobolka Shabeelaha oo weerarada ugu badan ay kasoo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay dad loo heesto DILKII Cabdikaafi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyey magaalada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay rag iyo dumar loo heesto inay ka dambeeyeen dil xalay wiil dhalinyaro ah loogu geystay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame, waxaana uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garoowe.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska, qaybta gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa siroodnka ay gacanta kusoo dhigeen illaa afar qof oo lagu eedeynayo dilka marxuumka, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha Magalada ka sameyeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka oo xiligaas goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qaybta Booliska ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in falkan loo soo qabtay Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo saddex dumar ah, kuwaas oo loo gudbiyey laanta dambi baarista ee CID-da.

Booliska ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada sameeyey howl-galka lagu soo qabtay afartaasi qof ee eedeysanaha ah, loona heesto dilka.

Dhinaca kale duqa magaalada Garoowe, Axmed Saciid Muuse oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dilka Cabdikaafi, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka.

“Waxaa la diley Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tirsanaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee Garoowe. Illaahay janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir allaha ka siiyo. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ciidanka amniga kala qaybqaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray duqa Garoowe.

Maalmihii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee deegaanada maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii