25.6 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

DF Somalia oo ‘ka hortegtay’ hub culus oo lasoo gelin rabay gudaha dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ka hortageen hub sharci darro ah iyo rasaas la doonayey in si sharci darro ah loo soo geliyo dalka, kadib xogo ay heleen laamaha amnigu.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi ay ku lug lahaayeen hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay is-baheysteen, islamarkaana ay doonayeen inay hubkaas iyo rasaastaba ay soo galiyaan gudaha dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajnabi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedkan ayaa lagu shaaciyey in qorshahan ay dowladdu u argato duulaan cad oo lagu soo qaaday madax banaanida dalka.

“Wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa,” ayaa la sii raaciyey qoraalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo, sidaas daraadeedna laga hortegay in hubkaasi la soo geliyo gudaha dalka.

Ugu dambeyn waxay dowladdu sheegtay inay haatan wado baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi, gaar ahaan ujeedka laga lahaa.

“Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa,” ayaa gabagabadii lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada haatan lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkana uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka 2021-ka.

Maareeyihii dekadda Kismaayo iyo dad kale oo caawa lagu dilay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in lagu dilay Maareeyihii dekadda magaalada Kismaayo Cawil Cali Barre iyo laba qof oo kale.

Dadkaas ayaa ku dhintay is-rasaaseyn gudaha magaalada ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Jubbaland.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday isgoyska Golol oo u dhaw taalada weyn ee magaalada, waxayna u dhaxeysay ciidamo ka kala tirsan Nabad sugidda Jubbaland oo halkaas bar control ku leh iyo kuwa ilaalada madaxtooyada oo wadada isku deyey inay xoog ku maraan.

Labada ciidan ayaa is weydaarsaday rasaas mudo daqiiqado ah socotay, waxaana ku dhintay dad uu ka mid yahay Maareeyihii  dekadda Kismaayo Allaha u naxariistee Cawil Cali Barre, kuwaas oo ay rasaastu ugu tagtay xaafadahooda.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay, in kastoo aan weli la xaqiijin inta uu dhanyahay, hadana dadka noo waramay waxay noo xaqiijiyeen dhaawaca hal askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Jubbaland.

James Swan oo farriin culus kasoo saaray doorashada kadib la-kulankii Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xogyahaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo maanta magaalada Dhuusamarebe kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa faah-faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen, wuxuuna soo saaray farriin culus oo ku aadan doorashada Soomaaliya.

James Swan, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay inuu Qoor Qoor kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerada ay QM siiso Galmudug, iyo xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya, oo hadda uu ka jiro is-mari waa ka taagan qabashada doorashooyinka dalka.

Swan ayaa sheegay inuu Qoor Qoor ku bogaadiyey “dadaallada uu wado ee uu isugu dayayo inuu ku xalliyo muranka ka taagan fulinta qorshaha doorashada.”

“Waxaan ku booriyey inuu sii wado kaalinta uu cayaarayo ee ah joogteynta xiriirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri James Swan.

Ergeyga QM ayaa intaas ku daray inuu kala hadlay madaxweyne Qoor Qoor muhiimadda ay leedahay in la xalliyo arrimo taagan ee xasaasiga ah, si Soomaaliya ay uga dhacdo doorasho la isku haleyn karo. 

“Waxaan mar kale ku celiyey aragtida saaxiibada caalamiga ee ah in heshiis iyo wada-shaqeyn lagu hormarinayo waxa u wanaagsan dalka ay tahay waxa iminka looga baahan yahay Soomaalida, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay kusii taagnaato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku wada-hadlayaan, si doorashooyinka qaranka loo qabto ayada oo heshiis lagu wada-yahay, salna looga dhigayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana ay xoojinayaan daah-furnaan, caddaalad iyo u wada-dhamaansho.”

GALMUDUG oo war kasoo saartay DAGAAL culus oo ka dhacay Bacaadweyn

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo war ka soo saartay dagaalkii galabta ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa guulo ka sheegatay dagaalkaas.

Dagaalkii galabta ayaa bilaawday kadib markii dhowr hoobiye ay Al-Shabaab kuureen gudaha magaalada Bacadweyn, waxaana halka laga soo riday madaafiicdaas ku baxay ciidamada dowladda iyo inta badan dadka magaalada, markii ay gaareen halkii laga soo ridayey hobiyeyaasha waxaa dagaal adag kala hor-yimid dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

“Ciidamada Qalabka sida, kuwa amniga Galmudug iyo ciidamada deegaanka Bacaadweyn ayaa galabtay weeraray saldhigyada kooxda Argagixisada Alshabaab ay ka samaysteen agagaarka magaalada Camaara. Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay saldhigii kooxda khwaarijta, ayadoo argagixisadu halkaas ay kala guddoomeen dhimasho badan iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw lagu baahiyey bogga wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu shaaciyey goobta dagaalku ka dhacay uu ku sugnaa wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, isla markaana uu ciidamada ammaanka ku bogaadiyey sida ay isaga difaaceen Al-Shabaab.

“Wasiirka Amniga Galmudug oo jiidda hore ee dagaalka ku sugan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada amniga guusha ay dagaalkii galabtay ka soo hooyeen, asagoo bogaadiyey kaalinta geesinimada leh ee dadka reeer Bacaadweyn ay muujiyeen. Galmudug waxa ka qodan qabuuraha khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Bacaadweyn waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi Qeybdiid, isla markaana ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo maanta gaaray, si ay ugu kuur galaan xaalda nololeed ee ka jirta deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro aysan u kala harin ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Illaa hadda lama xaqiiji karo inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo saacado badan ka socday duleedka Bacaadweyn, marka laga reebo Galmudug oo guulo ka sheegatay.

Safiirka Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay diginin culus oo ku aadan doorashada Soomaaliya kadib markii safiir Donald Yamamoto uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga musharaxiinta mucaaradka.

Yamamoto ayaa arrimaha doorashooyinka kala hadlay Musharaxiinta kala ah; Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdinaasir Cabdile Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, oo lasoo dhigay twitter-ka

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

“Waxaan kala hadlay Cabdikariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Cabdinaasiir Cabdille Maxamed, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan baahida deg degga ah ee loo qabo in la helo isu-tanaasul suurta-geliya doorasho lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku dhacda. Maya doorasho hal dhinac ah, maya doorashooyin is-barbar socda, maya rabshado,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Digniintan ayaa u muuqata inay si toos ah ugu socoto dowladda federaalka oo qorsheyneysa inay doorashooyin hal dhinac ah ka qabato maamul goboleedyada taageersan.

Dawladda federaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaalada ay beesha caalamka ku dhex-dhexaadinayaan dhinacyada isku haya doorashada dalka, inkasta oo uusan weli muuqan isbedel xal u noqon kara ismari-waaga taagan.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socda deegaanka Bacaadweyn

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa sheegayo in halkaas uu dagaal ku dhex marayo dhowr saacadood dadka Deegaanka iyo Mitarliga Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalka ayaa yimid markii dhowr hoobiye lagu soo tuuray Magaalada Bacaadweyn kadibna waxaa halka hoobiyayaasha laga soo tuuray ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda waxaana kadib sidaas ku bilowday dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa maqribnimadaan wuxuu xoogiisa ka socdaa duleedka Bacaadweyn, waxayna dadka deegaanka sheegayaan in khasaaro xoog leh la gaarsiiyey ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee dagaalka soo qaaday.

Qaar ka tirsan meydadka kooxda Al-Shabaab ayaa daadsan duleedka Magaalada Bacaadweyn, sidoo kale waxaa jiro khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Dowladda iyo kuwa Shacabka ah ee u abaabulan hab Beeleed.

Bacaadweyn waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi Qeybdiid, isla markaana ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo gaaray maalmo ka hor si ay ugu kuur galaan xaalda nololeed ee ka jirta deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro aysan u kala harin ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Dowladda iyo Al-Shabaab labadaba weli kama aysan hadlin dagaalka Bacaadweyn maadaama uu weli dagaalka socdo, waxaana labada dhinac soo kala gaaray gurmad ciidan oo xoog leh.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala socdo Caasimada Online.

Xog: Xildhibaano laga hor-istaagay inay ka shiraan askarta lagu la’yahay Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa is hortaagay shir muhiim ah oo ay xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ka yeelan lahaayeen xaaladda Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirkaan uu ka dhici lahaa Villa Hargeysa oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la damacsanaa in looga hadlo laba qodob oo kala ah, doorashada iyo dhallinyarada lagu la’yahay dalka Eritrea.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS ayaa la sheegay inuu bixiyay amar tilmaamaya in aanan la furi karin xarunta baarlamanka, iyadoo markii ay doodda sii badatay la sheegay in la beddalay dhamaan furayaashii xarunta laguna xiray Sakatuurooyin cusub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay guddoomiye Mursal siisay amarka lagu joojiyay fadhiga baarlamaanka iyadoo diidan qodobada la qorsheeyay in laga hadlo.

Xildhibaanada kulankaan soo abaabulay ayaa la sheegay in ay u badanyihiin kuwa mucaarad ah islamarkaana aad u diidanaa sida ay Xukuumada Soomaaliya u maareysay qeyla dhaanta waalidiinta Soomaaliyeed oo ay carruurta ka maqanyihiin iyo dooda ka taagan doorashada Soomaaliya.

Dhowaan ayaa Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu waraaq ku saabsan ciidamada lagu la’yahay dalka Eritrea u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

“Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga kor-joogteynta hay’addaha Dowladda, tix-gelinaya cabashooyin ka soo gaaray waalidiin caruurtooda tababar ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea, waxaan kaa codsaneyna inaad noo cadeyso Ciidamada halkaa tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay, iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda hooyo,” ayaa lagu yiri waraaqda uu guddiga u diray Farmaajo.

“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda.”

“Waxaan kale oon ka codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dawladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba. Annaga oo ku kalsoon inaad nala wadaagi doonto cadeymo ay ku qancaan waalidiinta iyo ummada Soomaaliyeed, naga guddoon salaam xushmad leh.”

Farmaajo weli kama soo jawaabin codsiga guddiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisaddii ka taagneyda qeybo ka mid ah GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii xooganaa ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosna maamulada deegaanada Bohol-Garas iyo Qooneey ee hoostaga demada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa xal kama dambeysa ah laga gaaray.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gedo ee dowladda Soomaaliya, Axmed Buulle Gareed ayaa shaaciyey in xal laga gaaray khilaafkaas, kaasi oo ay xalintiisa ka qeyb qaateen maamulka Gedo iyo odayaasha dhaqanka.

Guddoomiye Buulle ayaa sheegay in khilaaf dambe oo ka dhex-mara maamulada deegaanadaas lagula xisaabtami doono cidda ka dambeysa sababtiisa, isagoona faray in maamulada Bohol-Garas iyo Qooneey ay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiya Luuq ee gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Buulle ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay Shan qodob oo lagu xaliyay khilafka ka dhex-jiray mas’uuliyiinta labada Maamul, kuwaas oo kala ah;

1: Degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey ay yihiin labada degaan oo hoostaga degmada luuq, isla markaana uusan jirin degaan degaan kale hoostaga, sida ku cad xeerka u yaal degmooyinka dalka.

2: Guddoomiyaha degmada luuq uu mas’uul ka yahay sida ugu fudud ee deeqaha iyo macaawinada au hay’adaha safamalka u garsiin lahaayeen degaanadaas iyo degaannada kale ee Gobolka Gedo.

3: In maamulada degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey la faraayo inay si toos ah ula Shaqeeyaan Guddoomiyaha degmada luuq ee gobolka Gedo.

4: In sidoo kale maamulada degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey la faraayo inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan wixii quseeya dhanka amniga ee degaanadooda.

5: In khilaaf dambe ee dhexmara labada degaan oo ay dad walaalo ah ku nool yihiin  lagula xisaabtami doono cidda sababta khilafka yeelayo.

Urur Islaami ah oo xiriir la leh Al-Shabaab oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in dalka Itoobiya laga sameeyey urur la magac baxay Islamic State Center oo xiriir la leh Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay durba gacanta ku dhigtay xubno kamid ah ururkaas.

Maxamed Rashaad oo ka mid ah hoggaanka ururkaan ayaa warbaahinta OBN u sheegay in ururkoodu uu xiriir fiican la leeyahay urarada Al-Shabaab iyo Daacish, islamarkaana ay la dhacsan yihiin fikiradda ay aaminsan yihiin.

“Ururka Islamic State Center ee dalka Itoobiya, xeer ahaan iyo fikir ahaanba wuxuu la socdaa oo uu ku xiran yahay ururada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Maxamed Rashaad.

Ururkaan ayaa waxaa tababar siiyey xubno sare sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegtay Dowladda Itoobiya, waxayna sidoo kale dowladda sheegtay inay jiraan taageero dhaqaale oo ay dibadda ka helaan.

Ururukaan ayaa waxaa laga aasaasay Gobolka Baale ee Oromiya, waxaana ujeedka loo sameeyey lagu sheegay sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan talada dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ururkaan uu hadda billaabay inay dadka ku dhiiri gelinayaan inaysan wax canshuur ah siinn Dowladda taasoo laga yaabo inay iska hor keento Dowladda iyo dadka Shacabka ah ee markii hore bixin jiray Canshuurta.

Ugu dambeyntii xubnaha gacanta lagu dhigay ee ka tirsan ururkaan ayaa waxay gaarayaan illaa 25 qof, waxaana xusid mudan inay isticmaalayeen magacyo Carbeed.

Khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan W/Batroolka iyo 6 mas’uul oo halmar laga eryey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Waaxda Batoolka ee Xukuumadda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu tallaabo yaab leh qaaday Wasiirka Wasaaradaas Cabdirashiid Axmed Maxamed.

Khilaafkaan ayaa soo bilowday kadib markii Wasiir Cabdirashiid Axmed Maxamed uu halmar wasaaradda ka eryey lix mas’uul oo wsaaradda ka tirsanaa, ayada oo qaar ka mid ah lagu eryey warqad kasoo baxday ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho magacyada Mas’uuliyiinta uu Wasiirka ka eryey Wasaaradda, waxayna kala yihiin:

1- Xoghayihii joogtada Wasaaradda batroolka, Jamaal Qaasim Mursal.
2- Agaasimaha guud ee Wasaarada Batroolka, , Karar Shukri Doomey
3- Madaxa nidaaminta wasaaradda, Dr. Cabdullaahi Xayday
4- Madaxa farsamadda Wasaaradda, Cabdiqaadir Abiikar
5- Madaxa Waaxda sharciyadda Wasaaradda, Abukaate Tahiil
6- Agaasimaha hay’adda batroolka, Ibraahim Cali Xuseen.

Agaasimaha hay’adda ayaa isaga si gaar ah wuxuu xilka ugu waayey go’aan kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana lagu beddelay Caasha Cusmaan Axmed, oo la sheegay inay ilmo-adeer yihiiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta laga eryey Wasaaradda ayaa waxay xogta sheegeysaa inay isku qabteen cidda soo galeysa heshiisyadda bixinta ruqsadaha baarista, sahminta iyo soo saarida shidaalka.

Mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ayaa waxay ku doodayaan in hay’adda batroolka ay u madax-banaaneyd qabashada shaqadaan balse wasiirka uu faragelin ku hayey sanadihii dambe taasoo keentay inuu ugu dambeyn qaado tallaabadaan oo lagu tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafkaan taagan, waxaana dhawaan la filayaa inuu kulan dhex maro Guddiga kheyraadka Golaha Shacabka iyo wasiir Cabdirashiid, waxaana laga wada hadli doonaa sababta keentay khilaafkaan iyo sida looga gudbi karo.

Xog: Dowladda oo shuruud ku xirtay wada-hadal ay la furto Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay shuruud ku xireyso inay ku dhowaaqdo shir la isugu yimaado oo xal loogu raadinayo is-maro waagan taagan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay ku adkeysaneyso in Puntland iyo Jubaland ay marka hore ku dhowaaqaan guddiyada doorashada ee ay diidan yihiin, si wada-hadal u furmo.

Labadan maamul ayaan weli magacaabin guddiyada doorashada heer gobol. Waxay sidoo kale diideen inay Muqdisho usoo diraan guddiyada doorashada heer federal ee ay horey u magacaabeen, kadib markii ay ku eedeeyen dowladda federaalka inay guddiyada heer federal kasoo buuxisay saraakiil sirdoon ah.

Shuruudda cusub ee dowladda ayaa imaneysa ayada oo lagu wado in madax goboleedyada ay shir isugu yimaadaan, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in go’aanka dowladda uu shirkaas baajiyo, maadaama inta aan la gaarin ay dowladda istaagtay mowqif adag.

Xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxtooyada ay diyaar u tahay in xubnaha cabashada laga qabo ay ka saarto guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, haddii Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabaan guddiyada, ayada oo labadan maamulna ay ku adkeysanayaan in marka hore xubnaha doodda laga qabo laga saaro guddiyada.

Arrintan kale ee muranka uu ka taagan yahay oo ah ciidanka dowladda ee jooga Gedo, waxaan xog ku heleynaa in madaxweyne Farmaajo uusan marnaba aqbali doonin inuu yeelo shuruudda Axmed Madoobe ee ah in ciidankaas lasoo saaro.

Dhammaan caqabadahan ayaa ka dhigaya in xalka ugu dambeeya uu ku jiro gacanta beesha caalamka, ayna saamileyda siyaasadda Soomaaliya sugayaan amar uga yimaadaan halkaas, laguna kala saaro.

Rag hubeysan oo toogasho kale ka geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka waxaa labo ruux oo dhalinyaro ahaa lagu dilay halka loo yaqaano Carwa-Idko oo ka tirsan degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dhalinyarada toogashada lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkan oo ahaa mid qorsheysan.

Shalay ayey aheyd markii dilal qorsheysan oo loo geystay askar iy odayaal dhaqameed ay siyaabo kala duwan uga dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Si kasta muddooyinkii dambe ayaa waxaa ku soo badanayey caasimada falal liddi ku ah amniga, waxaana dhacdooyinkan ay imaanayaan xilli dalka uu jiro marxalad doorasho.

Xog: Qeyb ciidanka xoogga dalka ka mid ah oo hab qabiil qabiil ah u kala saftay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan militeriga Soomaaliya waxaa bur-burtay heykalkii iyo qiimihii qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ee Qeybta 21-aad ay saameen weyn ku yeelatay colaad beeleedyada ka socda Galmudug, islamarkaana cabsi soo kala dhax-gashay darteed ay kala firdhadeen.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidanka uu shaki weyn soo kala dhax-galay, taasina ay sababtay in qabiil qabiil isu raadsadaan islamarkaana ay isaga amar qaataan. 

Markii aad tagto gobalada dhexe ayaa laguu sheegayaa in ciidanka ay gaar gaar u dagaan, islamarkaana ayba qaarkood difaaca isaga jiraan si aan loo beegsan maadaama ay gobalka ka jirto colaad badan oo dhanka beelaha. 

Arintaan ayaa waxaa sii fogeysay dil wadareedkii duleedka magaalada Guriceel loogu geestay 6 ka mid Saraakiisha Milateriga Soomaaliya iyadoo markii horana ay jirtay cabsi kale. 

“Ciidanka ayaa u kala jabay, dhowr qeyb oo Habar-gidir ah, qeyb Mareexaan ah, qeyb Dir ah, koox kastana waxay iska ilaalineysaa isla garabyo kale oo ka tirsan 21-aad,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Galmudug.

“Sida ay isaga cabsadaan dhaxdooda Al-Shabaab ugama cabsadaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo aan la hadalnay. Mustaqbalka qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inuu ku socdo waddo halis ah oo burbur ah. 

PUNTALND ‘oo dagaal uga hortageysa’ qorshe xasaasi ah oo ay waddo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Ciidamo fara-badan ku daabulay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad xoogan, kadib markii Somaliland ay ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo cusub oo siyaasadeed.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta ayaa waxay ka hortagi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Somaliland ee gobolka Sanaag, gaar ahaa magaalada Badhan, iyaga oo qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay amni darro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan cusub ayaa waxa uu maamulka Puntland uga hortagi doona qorshe ay wado Somaliland, kaasi oo ku aadan sidii deegaanadaas looga bilaabi lahaa cod-bixinta doorashooyinka Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale shaqo joojin ku sameysay qaar kamid ah ciidamada booliska ee ka howl-galayay magaalada Badhan, kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka bilowday Somaliland, taasi oo ay wax ka qaban waayeen.

Gobolka Sanaag ayaa waxa laga dareemaya xiisad ka dhex aloosan maamulka Puntland iyo Somaliland, kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay ku dagaalamay gacan ku haynta deegaano ay ku muransan yihiin labada maamul.

Arrintan ayaa imaneysa, xili ay xukuumadda Somaliland u diyaar garoweyso qabashada doorashooyinka golaha wakiilada iyo dowladaha hoose, kuwaasi oo ay rabto inay ka qabsoomaan gobolka Sanaag oo deegaano kamid ah ay isku hayaan Puntland.

JAMES SWAN oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Galmudug.

James Swan & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Intaasi kadib ayaa wakiilka Qaramada Midoobay iyo xubnaha la socda loo galbiyey madaxtooyada Galmudug oo uu kulan kula yeelan doono madaxweyne Qoor-Qoor.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan is marin-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka 2021-ka.

Swan ayaa maalmihii u dambeeyey wada wada-tashiyo ku aadan muranka ka jira doorashooyinka, isaga oo kulan hab maqal & muuqaal ah la yeeshay madaxda maamulada Puntland & Jubbaland oo ka biyo diidan hannaanka doorashad 2021.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo food-leh doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha, waxaana hareeyey khilaaf u dhexeeya dowladda & mucaaradka.

Yaa ka dambeeya beegsiga lagu hayo siyaasiyiinta beelaha dega Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysa beegsiga siyaasiinta u dhashay magaalada Muqdisho oo todobaad gudihiis laga dilay ku dhowaad 20 qof, kuwaas oo sagaal ka mid ah dhinteen shalay kaliya.

Musiibooyinka u gaarka ah dadka Muqdisho iyo hal-doorkooda ayaa soo jiray sanadihii la soo dhaafay, hase yeeshee waxay dhibaatada ugu xooggan ay billaabatay markii toddobaadkaan qarax lagu dilay maamulkii deggaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho iyo dad la socday, kuwaas oo ah dhallinyaro waxbaratay oo ka soo jeeda Muqdisho.

Maalin kadib waxaa qarax Miino oo halis ah ka bad-baaday guddoomiyaha degmada Yaqaashiid oo isagana ka tirsan aqoonyahaanka Muqdisho u dhashay. Iyadoo arrintaas ay wal wal abuurtay ayaa haddane la toogtay guddoomiyaha degmada Hodan inkastoo aan wali la caddeynin sida uu kiiskaan u dhacay.

Allah ha u naxariistee Maxruum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa shalay la aasay waxaase ku xigtay in shalay qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan Mudullood, gaar ahaan Muxuyadiin Xasan Afrax, iyo Xuseen Caraale Caddaan oo labadooda ka tirsanaa baarlamaanka hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah siyaasiinta Mudullood ee miisaanka leh.

Qaraxaas waxaa ku dhintay 4 qof oo ciidan ah. Sidoo kale shalay oo kaliya waxaa Muqdisho dilal loogu geytay 5 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira, taas oo wadarta geerada ka dhigeysa 9 qof iyo 4 dhaawac ah oo ay ku jiraan mus’uuliyiin, kuwaas oo dhamaantood isku heyb ah ama u dhashay Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu ku socdo beegsi toos ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in shaarka Al-Shabaab lagu beegsanayo hal-doorada Muqdisho.

DF oo amar ku soo rogtay hay’adaha ka howlgala dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar culus ku soo rogtay hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala dalka, kaas oo la xiriira inay hay’aduhu adeegsadaan ama isticmaalaan bankiyada dalka.

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo soo saaray amarkan ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha dalka iyo dowladda dhexe ay sanadkii hore 2020-kii ku heshiiyeen in hay’aduhu ay lacagahooda dhigtaan bakiyada ku yaalla dalka, haatana la rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan-galinta hishiiskaasi.

“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacagaha dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta Somalia.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacago balaayiin Dollar ah ay sanadkiiba soo galaan dalka, loona baahan yahay in lala socda, sida loo maareeyo.

“Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wasaaradda qorsheynta ay diyaarisay bar gaar ah oo loogu talal-galay in lagula socda lacagaha Dollarka ee soo galo dalka.

“Waxaan sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyo, halka lagun isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala socon karaan Page-ka wasaaradda,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirku.

Soomaaliya ayaa waxaa ka howl-galada hay’adaha badan oo qabta shaqooyin kala duwan, hadana ma jiri jirin cid si gaar ah ula xisaabtanta oo la socota dhaq-dhaqaaqooda.

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay koontaroolada ku yaalla Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xalay illaa saaka howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale bara-koontarool oo hor leh ka sameystay jidadka waa weyn ee ku yaalla caasimada.

How-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku baarayeen gawaarida, meelo bartilmaameed u ahaa & dadka ay ka shakiyaan.

Sidoo kale ciidamada ayaa su’aallo weydiinayey shaqsiyaadka la socda gawaarida yar-yar iyo mootooyinka, iyaga oo qofka ay ka shakiyaana geynayey saldhigyada.

Ciidamada ayaa sidoo kale kordhiyey baraha koontarool ee caasimada, iyaga oo kuwa hor leh ka sameystay jidadka Maka Al-Mukarrama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha.

“Ciidamo Booliis ah ayaa baro kontorool cusub ka sameystay qaybo kamid ah waddooyinka waa weyn oo markii hore ay ka joogeen Isgoysyada, Dadka ayay baarayeen, Gawaarida & Mootooyinka sidoo kale way fatashayeen, halka su’aalo ay weydiinayeen dadka la socda, ” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ujeedka loo kordhiyey koontaroolada ayaa waxaa saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheegeen inuu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee maamlmahaan ku soo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shalay ayey aheyd markii werar qarax ahaa oo mas’uuliyiin lala eegtay iyo dilal qorsheysan oo loo geystay askar & odayaal dhaqameed ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey weeraro ka dhacay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro culus ka fuliyeen degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa xigay dagaallo dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dalka Jabuuti.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarkaka dhacay degmada Buulo-Burte lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga oo lagu magacaabo, Axmed Faarax Booniye iyo sidoo kale askari kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda.

Sidoo kale weerarka labaad oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa dhaliyey iska hor imaad dhex-maray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa wadanka Jabuuti & Al-Shabaab, kaas oo la’isku hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa rasaasta labada dhinac.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay degmooyinka Buulo-Burte & Jalalaqsi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Al-Shabaab oo afduubatay in ka badan 50 baabuur

0

Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka kasoo baxaya magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50 gaari oo ay lahaayeen dadka ku nool magaaladaas.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xoog ku kaxeystay gawaarida ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Xarardheere.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in Al-Shabaab ay gawaarida ka kaxeysteen beel ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadeen.

Magaalada Xarardheere waa meelaha ugu badan oo ay ku xoogan yahiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuldareystay iney magaaladaas koonfurta gobolka Mudug dhacda ka xoreeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.