25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Heritage: Sida la doonayo in loo boobo doorashada 2020, waxaa i qarso noqon doonta boobkii 2016

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo uu soo saaray Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa si qota dheer looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya, iyadoo warbixintan ay dul istaagtay tallaabooyinkii u dambeeyey ee loo qaaday dhanka arrimaha doorashada dalka.

Warbixinta Heritage waxaa lagu sheegay in markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka dalka, ay u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka taas oo ah, “dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo lamid ah doorashadii 2016-kii.”

“Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed,” ayaa lagu yiri warbixintan Machadka Heritage oo dheer.

“Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan. Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federal ama heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri.

Qoraalka Heritage ayaa intaas ku sii daray,“Nasiib darro, habkani, waa hannaankii la isticmaalay 2016-kii oo waa ayadii saraakiil ku dhaweyd madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay hoggaaminayeen isla markaana boobayeen doorashii 2016-ka, kuwaas oo doorashadaas ka dhigay mid musuq xoog iyo xaqdarro harraysay. Sidaas oo ay tahay, wax isdaba marintii doorashadii 2016-ka kuwii ka danbeeyey wax weyn kama aysan faa’iidin, laakiin waxaa xildhibaanno laga dhigay in badan oo kamid ah kuwii ay u xaglinayeen madaxdii dowladaha (heer federaal iyo heer maamul goboleed) iyo masuuliyiintii ay doorashada u dhiibteen.”

“Boobka doorashadii 2016-kii waxa uu ahaa mid mahadhooyin reebay ilaa haddana Soomaali ay hadal hayso, sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii uu noqon doono i qarso.”

“Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu ay doonayaan inay mar kale doorashada u musuqmaasuqaan sidii doorashadii 2016-dii loo musuqay, iyagoo quud darraynaya inay guul ku gaari karaan boobka doorashada,” ayaa lagu yiri warbixintan.

“Nasiib darro, boobka iyo musuqa doorashadu waxa uu macno dilayaa hannaanka doorashada iyo dowladnimada, waxa uuna shacabka dhaxalsiinayaa inay ka quustaan dowlanimada iyo inay ka aamin baxaan inta siyaasadda ku jirta. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa dhisidda qaran dimuqraadi ah. In shacabku kalsooni ku qabaan hannaanka doorashooyinkana waxay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay nabad hesho qaranna uu u dhismo.”

“Machadka Heritage waxa uu ahaa mid kamid ah hay’adihii ugu horreeyey ee ku taliyey inuu dalku galo doorasho la hirgelin karo oo ku timid wadatashi saamileyda oo idil ah, intii lagu mashquuli lahaa doorasho aan hirgeli-doonin oo hal qof iyo hal cod ah. Sidii aan ku tilmaannay daraasaddeennii Juulaay 2019, dooddii ahayd waxaa la qabanayaa doorasho qof iyo cod ah, waxay ahayd mid hiigsi iyo han uun ah ee aan xaqiiqo ku salaysnayn, waxaana u ololeynayay siyaasiyiin quud darraynayey in ay daahid keento, taasina wakhti kordhin ay u dhasho.”

“Nasiib darro, markii muddo kororsi huwan doorasho qof iyo cod ah uu hirgeli waayey, siyaasiyiintii waxay la yimaaddeen tab cusub oo ah in guddiyada doorashada laga soo buuxiyo saraakiil taabacsan madaxda dalka ee heer federal iyo heer maamul goboleed, taas oo ujeedka laga lee yahay kaliya uu yahay in doorashada lagu shubto.”

“Haddaba, mar kale ayaan qaylo dhaan ka diraynaa ku noqoshada waddadii hungada ee masuul kasta oo federaalka ka taliya ama gobollada xukuma ay isku dayayeen inay qabtaan doorasho iyaga ku jaan go’an,” ayaa lagu yiri warbixinta Machadka Heritage.

“Ceebtii, cawaaqib xumadii iyo mirihii qaraaraa ee laga gurtay doorashadii 2016-ka ayaa dalka weli daba socda, waxayna reebeen ceeb iyo kala irdhow bulsho. Amniga iyo xasilka dalka ayayna caqabad ku tahay in lagu dhaqaaqo in la musuqmaasuqo doorashada 2020-ka. “

“Mana ahan oo kaliya guddiga federaalka ee doorashooyinka waxa hal dhinac ka raran, ee guddiyada doorashooyinka heer maamul-goboleed, oo ah kuwa inta badan doorashooyinka maamulaya, ayaa iyana ah kuwo aan la aqbali karin. Dhammaan madaxda gobolladu waxa ay magacaabeen dad madaxweynayaashu ay xusheen iyaga oo si qarsi la’aan ah u doonaya inay hub ahaan u isticmaalaan guddiyadaas si maxsuulka doorashadu uu u noqdo mid la falkiyey”.

“Guddiyadii doorashada ee heer maamul goboleed ayayba ahaayeen 2016 kuwii hoggaaminayey doorashooyinkaas lagu takri falay. Haddana, ifafaalihii in la saaran yahay waddadii 2016-ka ee doorasho boobidda, waa muuqataa, inay kasii daran tahay ayaadba mooddaa.”

Khaladaadka kale ee hirgelinta doorashooyinka

“Marka laga soo tago guddiyada doorashada heer federal iyo heer maamul goboleed ee dhinaca ka raran,waxaa jira wareersanaan badan oo ku jira hannaanka doorashada 2020-ka. Ugu horrayn, markaad eegto kharashka lagu xiray musharixiinta labada aqal ee baarlamaanka, waxaa laga doonayaa qofkii u tartamaya Aqalka Sare lacag dhan 20 kun oo dollar, halka qofka u sharraxan Golaha Shacabka lagu xiray 10 kun oo dollar, waana lacag ka badan boqolkiiba laba kun ama boqolkiiba kun dakhliga guud ee qofka Soomaaliyeed.”

Warbixinta Heritage ayaa intaas ku sii dartay “Inkastoo shuruudda lacagta lagu sababeeyey baahi loo qabo in dalku wax ka bixiyo kharashka doorashada, waxa ka ratibmaya in lacag sidaas u badan la isku xiro waa muuqataa: Waa farriin ah in doorashada ay galin karaan oo kaliya ama waxaa xil siyaasadeed qaban kara oo kaliya inta kooban ee heli karta lacagtaas ama qofkii ay dad kale maal gashadaan. Inta badan dadka u tartami kara 329-ka kursi ee labada aqal, ma heli karaan lacagaha doorashada ku gadaaman, waxayna ku khasbanaan doonaan inay maalgashi raadsadaan, kuwaas oo maal-galintooda cod-siin ku baddalanaya.”

“Si kale haddii loo yiraahdo, mulkiilayaasha siyaasadda dalka (inta lacagta siyaasadda u isticmaasha) waxay abuureen xaalad cidda doorasho xildhibaan geli karta iyo cidda mid madaxweyne geli kartaba ay iyaga hagaan (maaddaama ay lacag ku xiran tahay) ayna ka macashaan. Oo weliba, haddii musharixiinta baarlamaanka labadiisa aqal ay bixiyaan lacagtaas aadka u badan, badankoodu ma guulaysan doonaan, in kooban ayaana ka soo dhex bixi doonta tartarka musuqa ah, weliba iyagoo qaamaysan, soona diirteen 101 codbixiye oo hadda mindiyahooda sii soofeysanayaa” ayaa lagu yiri.

“Markii xildhibaannadaas gobollada laga soo doortay ay Muqdisho soo gaaraan, si ay madaxweyne u doortaan, hankooda waxaa hagaya lacag ka uruursi musharrax kasta oo madaxweyne si ay u deyn baxaan, si ay Muqdisho u degaan iyaga oo dowlad u eg, ayna dhaqaale dhigaal ah u keydsadaan, si ay ugu baxsadaan afarta sano ee oomanaha ah ee ku soo fool leh. Waxaas oo dhammina waxay muujinayaan in musuqmaasuqa hadda socda, inuu gogol xaar u yahay mid kasii fool xun oo dalku kusii siqayo. Xaqiiqooyinka aan halkaan ku tilmaamayno oo aan dad badan ka dahsoonayn waxay daboolka ka qaadayaan qurunka iyo dacarta ay noqotay doorashada Soomaaliya.”

“Doorashooyinkii baarlamaanku waxay lamid noqdeen kuwii madaxweynaha. Waxaana is xusuusin mudan in habkan musuqa iyo boobka iyo sarriig la’aanta ah aysan cidna ka faa’iidin – xitaa qofkii ku guulaysta madaxweynanimada dalka, maaddaama uu ku sumcad beelayo bixinta laaluushka ayna taasi ka horistaageyso inuu la dagaallamo musuqmaasuqa, maaddaama uu isaguba yahay natiijada laaluush xargo goostay.”

“Dhab ahaantiina, cidda khasaaraha ugu weyn uu kasoo gaarayo, dad cunnimada xilliga doorashada dhacda oo musuqa iyo laaluushka iyo boobka la xalaalaysto, waa dadka Soomaaliyeed, oo hoggaamiyayaashoodu ay sidaas u dhasheen. Sidaas oo ay tahay, musuqmaasuqu waa hal qayb oo ka mid ah khaladaadka doorashadaan ku gadaaman. Habkaan doorasho ee la qaatay waa mid ka dhar la’ isla xisaabtan, hufnaan iyo korjoogteyn lagu dhawrayo xornimada iyo xalaalnimada doorashada 2020-ka. Badanaa guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ahaa mid wixii la isku qabsado loo bandhigo si uu waardiye uga ahaado boobka aan gabbaadka lahayna” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.

“Laakiin sidii guddiyada heer federal iyo heer maamul goboleed ay u noqdeen kuwa ku kala xiran madaxda labada heer dowladeed, ayaa guddiga khilaafaadka doorashaduna uu yahay mid laga soo buuxiyey shaqaalaha, saaxiibada iyo gacan-yarayaasha madaxda federaalka iyo kuwa gobollada. Maxkamadaha Muqdishana ma lahan awood iyo sumcad ay doorashada ku garsooraan, taasina waxay hannaanka doorashada oo dhan ka dhigaysaa mid u nugul musuqmaasuq iyo boob.”

“Sannadkii 2016, guddiga hufnaanta ayaa la sameeyay, waxaana waajibkooda kamid ahaa inay korjoogteeyaan isla markaana ka warbixiyaan hannaanka doorashada. Waxaa hoggaaminayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah aqoonyahan aad loo ixtiraamo, laguna yaqaanno inuusan cidna uga gabban sarreynta sharciga. Inkastoo awoodda guddigu ay xaddidneyd, haddana warbixintoodii kama dambeysta ah waxaa loo arkay midda ugu hufan ee kasoo baxda hannaanka doorashada.”

“Guddigu wuxuu qoray inuu jiray musuqmaasuq, handadaad iyo boob codad oo nidaamsan, gaar ahaan doorashada baarlamaanka, waxaana kaalin muuqata ku lahaa guddiga heer gobol ee SEIT. Sannadkan, ma jiro guddi hufnaan oo laga fekeray, taasina waxay shacabka Soomaaliyeed ka qadin doontaa halka warbixin ee sida daacadda ah uga hadleysa musuqmaasuq baahsan. Doorkaan, mushkiladda waxaa sii xoojinaya kaalinta ciidanka amnigu ay ku leeyihiin hannaanka doorashada.”

“Saraakiil ka tirsan hey’adaha amniga ayaa loo magacaabay FEIT iyo SEIT, taas oo fursad u siineysa in ay hagaan nidaamka doorashada. Ma jiro qiimo ay ciidanku kusoo kordhinayaan hannaanka doorashada oo aan ka aheyn handadaadda ergada iyo musharrixiinta si ay codkooda u weeciyaan. Inkastoo hannaanka sannadkan uusan waxba uga duwaneyn 2016-dii, haddana siyaasadeynta ciidamada ayaa la dhihi karaa waa tallaabada kaliya ee hal-abuur khaldan ka muuqdo ee lasoo kordhiyay tookadan.”

Awoodda madaxda dowlad goboleedyada

“Sidii 2016-kii oo kale, madaxda dowlad goboleedyada ayaa la siiyay awood xad-dhaaf ah, gaar ahaan xulidda Aqalka Sare. Tusaale ahaan, madaxda dowlad goboleedyada waxay u diidi karaan qofka aysan rabin inuu xitaa u tartamo Aqalka Sare. Xitaa haddii musharraxaasi soo dhammeystiray shuruudaha laga doonayo (diyaarna u yahay inuu ku khamaaro $20,000), si fudud ayaa looga hor istaagi karaa inuu tartamo” ayaa lagu yiri warbixintan.

“Dhaqanka waa mid kahor imaanaya dastuurka qabyada ah, kaas oo ilaalinaya xuquuqda muwaaddinku u leeyahay inuu isku sharroxo kuraasta dalka. Sidoo kale, dhaqankan wuxuu bar madow ku yahay hannaanka doorashada dalkeenna, waxayna dadka intooda badan ka rajo qabeen in tookadan laga saaro nidaamka doorashada.”

“Marka la eego nidaamka siyaasadda dalka, mudanayaasha Aqalka Sare waxaa laga filayaa inay matalaan dowlad goboleedka, taasina waa loo qaateen. Ha yeeshee, madaxda dowlad goboleedyada waxay taas ku dhex milaan rabitaankooda ah in senator-ku Xamar ku matalo hanka siyaasadeed ee madaxweynaha dowlad goboleedka, kana billaabo doorashada madaxweynaha dalka, soconeysana afarta sano ee senator-ku xilka hayo. Taasi waxay senator-ka ka dhigeysaa mid u dabran aragtida gaarka ah ee madaxweynaha gobolka. Haddii uu ka weecdana, waxaa taasi horseedi kartaa ciqaab ay kamid tahay waayidda kursiga.” Ayaa lagu yiri.

“Madaxda dowlad goboleedyada waxay sidoo kale saameyn qara weyn ku leeyihin doorashada xubnaha Golaha Shacabka, maaddaama ay iyagu soo magacaabeen siddeed kamid ah 11-ka guddiga SEIT. Iyagoo ku gabbanaya daaha gadaashiisa, waxay inta badan si toos ah u go’aamiyeen cidda ku guuleysata tartanka Golaha Shacabka. Waxayna howshaas iska xijiyaan guddiga SEIT. Taas waxaa kasii daran in kalkan loo oggolaaday madaxda dowlad goboleedyada inay si toos ah usoo magacaabaan tiro aan la cayimin oo ka tirsan ergada 101-da ah ee dooranaya xildhibaanka, waxayna tallaabadani xaqiijineysaa inay natiijada xakameeyaan. Si kale haddii loo yiraahdo, madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen inay isla dhacaan doorashada kalkan.”

“Musharrixiinta u tartamaya xubnaha Somaliland ayaa iyagu ku jira halis ka badan midda xubnaha kale ee dalka, maxaa yeelay doorashadoodu waxay ka dhaceysaa Muqdisho, halkaas oo ay marti u yihiin ugaarsiga dowladda federaalka ah. Guddiga SEIT ee loo magacaabay inuu maamulo doorashada Somaliland ayaa durba waxaa ka qayliyey guddoomiyaha Aqalka Sare iyo mucaaradka intiisa badan, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa dhinac u janjeera oo aan la aamini karin. Mar kale, tani waxay lamid tahay wixii dhacay 2016, xilligaas oo si weyn loo boobay kuraasta Somaliland.” Ayaa lagu yiri warbixintan.

 Talooyin

“Dimoqraadiyaddu waa hannaan isku yaacsan, gaar ahaan marka lagu dabbaqo dalalka sida Soomaaliya oo kale u nugul. Si kastaba ha ahaatee, boobka kuraasta waa laga fogaan karaa si loo ilaaliyo sharcinimada iyo sumcadda dimoqraadiyaddeenna curdanka ah. Waxaan soo jeedineynaa tallaabooyinkan, si loo gaaro hadafkaas:

1 –Guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota. Hannaan walba oo tartan xalaal ah laga rabana waa inuu ugu yaraan halbeeggaas yeeshaa.

2 –Waxaan soo jeedineynaa in dowlad goboleed walba iyo Muqdisho laga sameeyo “Guddiga Hufnaanta”, lana siiyo awood ballaaran oo uu ku korjoogteeyo guud ahaan hannaanka doorashada. Waxay la shaqeyn karaan guddiyada FEIT iyo SEIT, si loo sugo xornimada iyo hufnaanta doorashada. Guddiga waa in la siiyo awood uu si qumaati ah u faragalin karo wixii isdaba marin ah, sida handadaadda, isdaba marsiinta xulidda ergada iyo dhinacyada kale ee doorashada. Guddigan waa inuu ka koobnaado dad miisaan ku dhex leh bulshada dowlad goboleed walba, gaar ahaan culimada, ganacsatada iyo dadka kale ee aadka loo tixgaliyo. Dad badan oo sifooyinkaas leh way buuxaan dalka oo dhan.

3 –Madaxda dowlad goboleedyada waa inay ka waantoobaan inay muwaadiniinta u diidaan inay u tartamaan Aqalka Sare. Ma jirto sifo sharci ah oo muwaadin loogu diidi karo xaqiisa inuu kursi u tartamo. Dhaqankan waa mid aad u fool xun. Guddiga SEIT ee gobol walba waa in loo oggolaado inuu qaban karo araajida muwaadiniinta oo dhan.

4 –Waa in la sameeyo guddi heer federaal ah oo xalliya khilaafaadka, iyadoo la ogsoon yahay in doorashadni noqon doonto mid aad loogu muransan yahay. Xubnaha guddigan waa in lagu soo daro sharci yaqaanno (ay kamid ah yihiin khubarada shareecada) lagu yaqaanno hufnaantooda iyo xushmada ay bulshada ku dhex leeyihiin. Shaqada guddigan waa inay noqotaa inay xalliyaan khilaafaadka doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa madaxweynaha. Waxaa muhiim in guddigan loo oggolaado inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaro khilaafaadka, haddii la doonana uu ku celiyo doorashada. Marka ay waajibkooda gutaan ayaa quman in xildhibaannadu doortaan hoggaankooda iyo madaxweynaha dalka.

5 –Xubnaha hey’adaha amniga, shaqaalaha rayidka ah (oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta) iyo shaqaalaha madaxda federaalka kuwa goboleedka waa in laga mamnuuco inay guddiyadaas ku biiraan. Tallaabadani ma ahan oo kaliya mid maangal ah, balse waxay ku caddahay sharciga doorashada baarlamaanku ansixiyey horraantii sannadkan, madaxweynuhuna saxiixay.

6 –Beesha caalamku ma ahan in la isticmaalo oo ay dhaqaale ku kabaan hannaankan aadka u musuqmaasuqan. Tani waxay meel ka dhac ku tahay canshuur bixiyayaashooda, waxayna gef ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

7 –Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey waa in ay ogaadaan doorasho la boobo inay Soomaaliya u horseedi karto colaad ayna dib u celin karto xasiloonida bilowga ah ee labaatanka sano la soo unkayey. Haddaba, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa ilaalinta nabadda adduunka isla markaana garowsanaya mabda’a caalamiga ah ee waajib ahaanta u arka u gargaaridda inta nugul ee masuuliyiintoodu gabto, waa in ay Golaha Amnigu ka dalbaan siyaasiyiinta Soomaalida in ay dhaqan geliyaan doorasho hufan, xor oo xalaal ah. Haddii tallaabooyinkaas la wada qaado, waxaa hubaal ah inay xoojin doonaan hufnaanta doorashooyinka, isla markaana horseedi doonaan natiijo la wada oggol yahay.

Weerar khasaare gaystay oo caawa ka dhacay Jowhar maalmo kadib doorashadii

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolka HirShabelle.

Weerarkaas ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayey dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaas loo adeegsaday bam gacmeedka, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii geystay.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho ka dhalatay weerarkaas, ciidamada ayaa furay rasaas mudo socotay, in kastoo aan weli la ogeyn in khasaare ka dhashay rasaastaas.

Weerarka kadib, ciidamada ayaa bilaabay howlgallo guri guri ah, waxayna isku hareereeyeen guud ahaanba xaafadda Horseed oo weerarkan uu ka dhacay.

Maalin ka hor Jowhar waxaa lagu soo gabagabeeyey dooraashada maamulka HirShabeelle, waxaana deganeed xaaladda magaalada intii ay socotay doorashadaas.

Hasa yeeshee horay magaalada waxaa loogu dhex dilay mas’uuliyiin ka tirsaneed maamulka HirShabeelle, kuwaas oo isagu jiray xildhibaano  iyo wasiirro.

Mahdi Guuleed oo tusaale dhacay 2016 ugu jawaabay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka hadlay dhaliilaha dul hooganaya guddiyada doorashooyinka ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.

Mahdi Guuleed ayaa gebi ahaanba beeniyay in guddiyadaasi ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada Amnig, sida ay dhawaan sheegen Murashaxiinta madaxtinimada dalka, oo ku hanjabay in aaney qeyb ka noqon doonin tartanka doorashada ee sanadkan haddii uu noqdo mid loo qaabeeyey boob ergo, kuraasta iyo ku shubasho doorashada 2020/2021.

Waxa uu carabka ku adkeeyay ra’iisal wasaare ku-xigeenku in guddigaasi ay kamid yihiin oo keliya laba qof oo ka tirsanaa xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha, isagoona meesha ka saaray inay jirto cid ka tirsan ciidamada amniga oo qeyb ka ah guddiyada doorashada iyo khilaafaadka heer federaal.

Mahdi ayaa sheegay in guddigii 2016-kii ay kamid ahaayeen xubno la taliyayaal u ahaa madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, midaasi oo uu soo qaatay isbar-bar dhig uu ku sameeyay guddiga ay xukuumadiisu ku dhawaaqday iyo kuwii ka horeeyay hanaankii loo soo xulay.

Sidoo kale waxa uu xusay in xubnihii Xasan Sheekh uu guddigii 2016-kii ku darsaday ay u shaqeeyen si cadaalad ku dheehan tahay, isagoona xusay in macno sameynayn in xubno ka tirsanaa xukuumada ay qeyb ka noqdaan guddiga, balse ay muqadas tahay inay ilaaliyaan dhex-dhexaadnimada.

“Guddigii doorashooyinka 2016-kii waxaa kamid ahaa Cumar Dhagey oo ahaa la-taliyihii gaarka ahaa ee sharciga Madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna noqday guddoomiyaha Guddiga. Maxamed Keynaan oo la-taliye sare ka ahaa xafiiska Madaxweynaha, Nafiso Geedi oo ka shaqeyneysay xafiiska Madaxweynaha. C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo ahaa ku xigeenkii xoghayaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kamid ahaa oo kale Mustaqiim oo aheyd la-taliyaha siyaasada wasaaradda arrimaha gudaha. Guddiga iminka waxaan ka garanayaa C/nuur iyo iyo Inan ka tirsan la-taliyeyaasha xafiiska Ra’iisal wasaaraha”.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay dhawaan Murashaxiin 12 ah oo ka tirsan kuwa la filayo doorashada guud ee Soomaaliya ee 2020/2021 ay hore u sheegay in xubnaha guddiga lagu dhawaaqay ay ka kooban yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliska NISA.

Ikhwaanul Muslimiin oo ka jawaabay go’aankii kasoo baxay culimada Sacuudiga

Qaahira (Caasimada Online) – Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, kaasi oo ugu yeeray “urur argagixiso”.

Afhayeenka Ikhwaanul Muslimiinka Talat Fehmi, ayaa sheegay inay yihiin urur aaminsan fikrado isbeddel doon ah, oo u ololeeya Islaamka, balse aan ahayn argagixiso.

“Ikhwaanul Muslimiin oo 1928-kii lagu aas-aasay Masar, waa urur ka fog ficillada rabshadaha, argagixisada iyo kala qeybinta umadaha,” ayuu yiri Talat Fehmi.

Talat Fehmi ayaa sheegay in tan iyo markii la aas-aasay uu ururkan u ahaa mid u taagan isbeddelo diineed, oo ku baaqa adeecidda Allah ayada oo loo marayo xikmadaha oo la isdhaafsado, islamarkaana aan la dayaceyn diinta.

Fehmi ayaa sheegay in go’aanka Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga uu yahay mid la mid ah fikirka wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga, oo sanadii 2014 ururka Ikhwaanul Muslimiin ku calaameysi urur argagixiso.

Fehmi ayaa intaas ku daray in Ikhwaanul Muslimiinka ay mar kasta ahaayeen dhibanayaasha ficilalda rabshadaha wata iyo maamullada kali taliska ah.

Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ayaa qoraalkooda ku sheegay in Ikhwaanul Muslimiinka ay yihiin urur argagixiso oo aan matalin Islaamka.

Ikhwaanul Muslimiin oo la aas-aasay 1928-kii, ayaa 2013-kii laga mamnuucay dalkaas kadib markii xukunka laga tuuray Mohamed Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu doorto Masar, kana tirsanaa ururkan.

Bishii May ee sanadkan, Saudi Arabia ayaa si rasmi ah waxay Ikhwaanul Muslimiin ugu dartay liiska madow ee ururada argagixisda.

Itoobiya oo soo saartay amar culus oo kasii daraya dagaalka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay waraaq ay ku amrayso xariga saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigrayga, xili uu shalay xaasanadda ka qaaday Baarlamaanka federaalku madaxda gacanta ku haysa gobolkaasi oo dhaca waqooyiga wadanka Itoobiya.

Amarkan ayaa imanaya xili ay howl-galo xoogan oo millateri ay ciidamada federaalku ka wadaan gobolka Tigrayga, isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaano hor leh, sida uu shalay shaaciyey Abiy Ahmed.

Waraaqda ay soo saartay dowladda federaalka Itoobiya ee lagu xirayo saraakiishaasi, ayaa sidoo kale waxa ku xusan siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed ka taliya gobolka Tigrayga.

Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee dalka Itoobiya ayaa shalay kulan xasaasi ah oo ay ka yeeshen xaaladda gobolka Tigrayga ayaa waxay xaasanadda ka qaadeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dowladda federaalku ay kula jirto dagaal culus.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi, sida lagu sheegay war kasoo baxay kulanka ay shalay yeeshen xildhibaanadu.

Waxa saraakiishaasi ugu horreeya madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF. 

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa iyada oo ay si weyn u qasan tahay xaalada gobolka Tigrayga oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maamulka meylka adag iyo dowladda federaalka, oo iyadu ka sheegatay dagaalkaasi guulo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

QM oo xayiraad hor leh ku soo rogtay Soomaaliya iyo walaaca cusub ee sababay

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in Soomaaliya laga joojiyo u rarida walxaha qarxa ama laga sameeyo aaladaha dilaaga ah ee qarxa, xili ay gudaha dalka si weyn uga taagan tahay khatarta argagixisada.

Kulan uu shalay yeeshay golaha amaanka QM ayaa lagu meel-mariyey in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya ee walxaha qarxa , iyadoo ay jirto ‘qatar weyn’, iyaga oo sheegay in loo isticmaali karo weerarada Al-Shabaab ee dadka badan lagu haligo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu goluhu usoo jeediyay inay sii labo jibaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah, oo muddooyinkii dambe kusii xoogeysanayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaraarkaasi ayaa waxa lagu ansixiyey ’13-0′, iyada oo ay u codeeyeen dalalka Ruushka iyo Shiinaha, taasi oo sii adkeynaysa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana ka hor imaneysa dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab millateri ah.

Qaramada Midoobay ayaa hore u baahisay warbixin ay ku sheegtay in kooxaha xagjirka ah ay gudaha Soomaaliya ka ururiyaan lacago baad ah oo dhan 21-Milyan, midaasi oo walaac uga muujisay khatarta amni ee dalka.

Ugu dambeyntiina golaha ayaa si wada-jir ah u cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska, iyagoona muujiyay walaac ay ka qabaan joogitaanka kooxo xiriir la leh kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe sarre u kacayeen weerarada Al-Shabaab, iyago oo isla sanadkan gudihiisana dhowr hoobiye ku garaacay garoonka diyaaradaha caalamiga ee aadka loo ilaaliyo, halkaas oo ay ku yaallaan safaaradda Mareykanka iyo xarumo muhiim ah.

Belgium oo tallaabo cajiib ah ka qaaday rag doonayay inay gubaan qur’aanka

0

Brussels (Caasimadda Online) – Dowlada Belgium-ka ayaa wadankeeda ka ceyrisay isla markaana muddo sanad ah ka mamnuucday wadankeeda shan qofood oo la sheegay iney wadeen qorshe ay ku gubaan kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Shantaan qofood oo la sheegay iney u dhasheen wadanka Denmark ayaa qorsheynayay iney deegaan ay Muslimiinta ku badan yahiin falkaan foosha xun ku sameeyaan, balse waa laga hortagay.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi wuxuu damacaan ku tilmaamay mid ka hor imaanaya kala dambeynta iyo nidaamka ka jira wadanka Belgium-ka, waxaa xusid mudan iney taageero buuxa u yahiin siyaasiga xagjirka ah ee Rasmus Paludan kaas oo ka tirsan xisbiga Midig fog ee wadanka Denmark.

Siyaasigaan waxaa dhawaan laga soo ceyriyay dalka Faransiiska todobaadkaan gudahiisa kadib markii uu qudhiisa damcay inuu bartamaha magaalada Paris ku gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Siyaasigaan islaam naceybka ku caan baxay wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Stram Kurs, dhawaan ayaana lagu xiray dalka Denmark kadib markii uu muuqaalo aflagaado u ah Islaamka soo dhigay baraha bulshada.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Belgium-ka waxey qireen in xukuumadda ay ka hortagay qorshaha shan qof oo la tuhunsanaa iney deegaanka Molenbeek-Saint-Jean ee ka tirsan magaalada Brussels falkaan ka geystaan.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi waa shaqsi ku dhashay Belgium balse ay dhaleen qoys Ciraaq ah wuxuuna aad usoo dhaweeya xarigga raggan iyo in dalka laga ceyriyo.

CABDI XAASHI oo si adag uga jawaabay eedeyntii uga timid Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kalana wuxuu sheegay inuu wali ku adkeysanayo go’aankii uu ka gaaray gudiyaada ay dowladda magacowday ee doorashada 2021.

“Arintaasi waa gaf, isagana ayey u gaar tahay” ayuu Cabdi Xaashi u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, sidoo kalana wuxuu taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin  ku eedeeyay inuu isaga doonayo inuu soo xulo xubnaha ka mid noonaya guddiyada codeynta.

Mushkiladda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo gudoomiyaha aqalka sare waxey tahay soo xulista guddiga doorashooyinka ee ka wakiilka ah Somaliland, wuxuuna sheegay iney doonayaan iney soo xulaan dadka halkaas kasoo jeeda, sidoo kalana ay guuldaro weyn ka imaan doonto hadii aan sidaas la sameyn.

Waxaa laga cabsi qabaa in jadwalka doorashooyinka ay dib u dhacaan sabab la xariirta in la saluugsan yahay guddiyada doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday oo la tuhmay iney ku jiraan xubno ka tirsan Nabad-sugidda, shaqaalaha Villa Somalia iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dowladda.

Xubnaha Mucaaradka waxey si cad u diidan yahiin guddiyada doorashada ee ay dowladda magacowday, waxeyna aaminsan yahiin iney arintaas kasoo horjeedo heshiiskii wadar ahaanta loo gaaray ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxaa laga digay khalalaase ka dhaca wadanka, sidaas darteed hay’ad caalami ah ayaa ku baaqday in muddo kororsi la sameeyo si dhibaatada looga baaqsado, balse xubnaha mucaaradka wey ka biyo diideen arintaas.

Lama oga sida ay xaaladdu ku biyo shuban doonto, balse waxaa aad looga digayaa dhibaato, waxeyna arintaani kusoo aadyesaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kor u kac ah tan iyo markii ay ka burburtay xukuumadii Militariga horaantii sagaashamaadkii.

FARMAAJO oo saxiixay heshiiska doorashooyinka, soona saaray war cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020.

“Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

ITOOBIYA oo ‘arrin dhabar jab ku noqonaysa madaxda Tigrayga’ faray ciidankooda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ciidamada daacada u ah madaxda Tigreyga ugu baaqday inay isa soo dhiiban, xili ay ciidamada federaalku ay qabsadeen deegaano hor leh oo gobolka Tigrayga.

Howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolka Tigrayga ayaa ku socda dar-dar xoogan, iyada oo uu maanta ra’iisul wasaare Abiy Ahmed shaaciyey in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, waana mida la aaminsan yahay inay keentay baaqan cusub.

Ciidamada federaalka ayey dowladdu sheegtay inay ka adkaadeen ciidamada Tigrayga, kuwaasi oo daacad u ah mas’uuliyiin uu baarlamaanka Itoobiya ka qaaday xasaanada oo xiligan gacanta ku haya talada maamulkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, Kenea Yadeta ayaa isaguna sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF, oo uu hogaanka u sareeya ee Itoobiya uu ku eedeyay xasuuq arxan daro ah.

Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee dalka Itoobiya oo maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay xaaladda gobolka Tigrayga ayaa iyagu xaasanadda ka qaaday saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga wadanka Itoobiya.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqoday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Waxa saraakiishaasi ugu horreeyo madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Si kastaba, Baaqa cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ee ku aadan isasoo dhiibsita ciidanka Tigrayga ayaa dhabar jab weyn u horseedi doona madaxda maylka adag ee gobolkaasi, haddii ay aqbalaan ciidamada deegaankaasi oo xiligan wajahay dagaal culus oo uga imanaya ciidamada federaalka iyo go’doominta dowladda dhexe.

Madaxweyne ERDOGAN oo lagu dhaliilay garab istaag uu u sameeyay Soomaaliya

0

Dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa lagu dhaliilay lacago ay ka bixisay Soomaaliya horaantii bishan.

Mucaaradka dalka Turkiga ayaa madaxweyne Erdogan ku dhaliilay lacag ay xukuumadda Ankara ka bixisay Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn dhaqaalaha Turkiga uu ku daldalayo Soomaaliya xilligan oo dhaqaalaha Turkiga uu saameeyay cudurka Covid 19 iyo dhibaatada ka dhalatay musiibadii ka dhacday dalkaas.

Ali Mahir oo kamid ah mucaaradka dalka Turkiga ayaa dowladda ku eedeeyay in lacag badan ay siiyay Soomaaliya balse aysan dhaqaale fiican siinin dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay dhul gariirkii ku dhuftay magalaada Izmir.

“Waxaad lacag dhan 10 milyan oo Liira ugu deeqday dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirka, halka lacag dhan 2.4 milyan oo doollar na aad ka bixisay Soomaaliya”, ayuu yiri Ali Mahir oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Turkiga ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Turkiga ayaa horraantii bishan waxaa uuTurkiga faafinta rasmiga ah ee dowladda uu ku shaaciyay in lacag 2.4 milyan oo doollar uu ka bixiyay Soomaaliya, lacagtaas oo lagu wareejiyay hey’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka, si loo gaaro yoolka deyn cafinta Soomaaliya.

Haseyeeshee tallaabada Turkiga waxaa soo dhaweeyay dowladda Soomalaaliya oo sheegtay in Turkiga ay uga mahadcelineyso taageerada dhaqaale ee uu siiyay.

“Waxaan si niyad sami leh ugu mahadcelinayaa madaxweynaha Turkiga, taageerada dhaqaale ee uu Soomaaliya la garab taagan yahay, gaar ahaan dib u habeynta dhaqaalaha dalka, taas oo keentay in Turkiga uu bixiyay deynta lagu leeyahay Soomaaliya”, sidaas waxaa boggiisa Twiter ku qoray wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda, Cabdulqaadir Maxamed.

Inkastoo aan la ogeyn culeyska arrintan ay ku keeneyso dowladda Turkiga, haddana shacab badan oo Turki ah waxaan ka qarsaneyn tagaeerada dhaqaale, mida gargaar iyo tan amni ee uu Turkiga siiyo Soomaaliya, walow dadka qaar ay hadda ku andaconayaan in marka hore ay tahay in dowladda ay ahmiyadda siiso dhibaatooyinka ka jira dalka, gaar ahaan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay Covid 19 iyo musiibadii ka dhacday Izmir.

Deynta Soomaaliya lagu lahaa ayaa gaareysay 5.2 bilyan oo doollar balse waxaa hadda lagu soo warramayaa inay gaadhay 3.7 milyan oo doollar kadib markii dalal badan oo caalamka ay cafiyen deymihii ay ku lahaayeen Soomalaiya, halka qeyb kale oo kamid ahna la bixiyay.

Dalalka tagaeeray deyn cafinta Soomaaliya ayaa gaaraya in kabadan boqol wadan oo Turkiga uu kamid yahay, waxaana haddii la dhameeyo deyn cafinta la aminsan yahay in Soomaaliya ay u sahli doonta kobac dhaqaale, la macaamilka hey’adaha dhaqaalaha adduunka iyo in ay fursad u heli doontaa taageera dhaqale.

Abiy oo madaxweyne KMG ah u magacaabay Tigrayga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Kumeel gaar ah u magacaabay gobolka ay dhibaatada ka bilaabatay ee Tigraay.

Gobolkaan ku yaalla waqooyiga dalka ayey dhibaatada laga cabsi qabo iney dalka dagaal sokeeye galiso ka bilaabatay, balse Dr. Mulu Nega ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay inuu maamulo isla markaana soo dhiso xukuumad kumeel gaar ah.

Markuu bilowday dagaalka u dhaxeeya gobolka ismaamulka Tigraay iyo dowladda dhexe waxey Baarlamaanka Itoobiya ku dhawaaqeen iney kala direen taliskii, waxaana xigtay in 39 sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Tigraay xasaanadda laga qaado.

Saraakiisha xilka qaadista lagu sameeyay waxaa ugu weyn madaxweynahii maamulkaas ee Debretsion Gebremichael, sidoo kale saraakiisha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya.

Xaaladda Itoobiya ka jirta aad ayaa looga deyrinayaa iyadoo Qaramada Midoobey ay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka ku nool gobolkaas ee ka qaxaya dagaallada halkaas ka socda maadaama aysan jirin waddo lagu gaarsiin karo gargaar.

Boqolaal qof oo gobolka Tigray-ga lagu xasuuqay iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in boqolaal qof oo shacab ah lagu xasuuqay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo dad goobjoogeyaal ah ay ku eedeeyeen ciidamada kooxda gobolka maamusha ee TPLF.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee lagu soo weriyo khasaare nafeed xooggan oo shacabka kasoo gaaray dagaalka u dhaxeeya xisbiga TPLF iyo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Warbixinta Amnesty ayaa timid maalin kadib markii dowladda Abiy ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray.

“Amnesty International waxay maanta xaqiijin kartaa in tobaneeyo ama boqolaal qof lagu dilay magaalada Mai-Kadra ee Koonfurta Galbeed ee gobolka Tigray, habeenkii 9-ka November ayada oo la adeegsanayo mindiyo iyo baangado,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Amnesty.

Amnesty ayaa sheegtay inay xaqiijisay sawirro iyo muuqaallo laga argagaxo oo laga soo duubay meydadka dadkaas.

Meydadka waxaa ka muuqday dhaawacyo u muuqda inay sababeen hubka wax jara sida mindiyaha iyo baangadaha, ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamada TPLF kadib markii ay guul-darro kala kulmeen militariga dowladda, inkasta oo Amnesty ay sheegtay inaysan si madax-banaan u xaqiijin karin cidda ka dambeysa xasuuqan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay TPLF oo ku aadan dhacdadan.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray ayaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Ayada oo is-gaarsiinta gobolka ay go’an tahay, way adag tahay in si madax-banaan loo xaqiijiyo sheegashada Abiy.

Xog: Ciidanka ilaalada Villa Somalia oo la-dallacsiiyay hal arrin-na laga codsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay dhamaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaano Koofiya-cas, waxaana saraakiishooda loo jeediyay dardaaran iyo talooyin ka yimid Madaxweynaha.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo dalacsiiyay dhamaan ciidanka koofiya-casta waxa uuna u sheegay in ay ku amaanan-yihiin qaabkii ay ula shaqeeyeen Madaxweynaha oo hada gabo-gabo ah muddo xileedkiisa.

Xogaha aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ciidanka kula dardaarmay in ay noqdaan ciidan Qaran oo ay iska dhigaan Shaatiga Qabiilka iyo nin Jecleysiga, isagoo aad uga kala hadlay dhiiri gelinta colaada ee siyaasiinta qaar.

Ciidankaan oo maalmihii la soo dhaafay in badan oo kamid ah u socday tababar iyo kulamo wacyi gelin ah ayaa la sheegay in waqtiyo badan loo aqriyay fariimo iyo talooyin ka yimid Madaxweynaha halka waqtiyo aan badneen uu Madaxweynaha qaabilay saraakiil ka tirsan ciidanka Koofiya-casta.

Dhamaan dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu saraakiisha ku adkeeyay in aysan u dhaga-nuglaanin hadalada qabyaaladeysan ee siyaasiinta isagoo sidoo kale u sheegay inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay oo si wadajir ah min hal darajo u dalacsiiyay ciidankaan.

Khubarada amniga ayaa sheegay in talaabooyinkaan ay yihiin kuwa uu Madaxweynaha ku xoojinayo moraalka ciidanka ilaalada u ah maadaama uu dalka galay xaalad adag, islamarkaana ay jiraan siyaasiin badan oo ku baaqaya in dadka Banaadir, HirShabeelle iyo Galmudug isku duubni muujiyaan.

Magaalada BAYDHABA oo madaafiic lagu garaacay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaafiic dhowr ah ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo hadda xarun ku-meel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Illaa toddobo hoobiye ayaa laga maqlay magaalada iyo nawaaxigeedaba. Madaafiicda ayaana u muuqatay mid loo riday dhanka Madaxtooyada Baydhabo, oo uu degan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Ilo dhanka amniga ayaa sheegaya in madaafiicda laga soo tuuray magaalada bannaankeeda, mana cadda in waxyeelo gaysteen.

Weerarka hoobiyaha loo adeegsaday ayaa dhacay, xili inta badan dadka reer Baydhabo ay jiifeen.

Sidoo kale caweyskii xalay ayaa magaalada lagu soo tuuray illaa toban hoobiye oo kale, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Horaantii bishan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiye-yaal ah loogu weeraray magaaladaasi, iyadoo aanay cidina wax ku noqon.

Tahriibayaal ku geeriyooday doon kula qalibantay Libya

0

Tripoli (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in ugu yaraan 74 muhaajiriin kusii jeeday wadanka talyaaniga ay ku geeriyoodeen xeebaha wadanka Liibiya kadib markii ay la qalibantay doonidii ay la socdeen.

Wadanka Liibiya waa marinka ugu weyn oo ay tahriibayaasha qaaradda Afrika iyo wadamada kale ay isticmaalaan si ay u gaaraan qaaradda yurub, balse maritaankooda badda Mediterranean-ka waxey kala kulmaan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin.

Shaqaalaha Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM waxey xaqiijiyeen iney badbaadiyeen 47 qofood oo la socday doonida qalibantay, sidoo kale waxey warbixin ku sheegeen in ku dhawaad 1000 qofood ay sanadkaan ku geeriyoodeen badda Mediterranean-ka.

Warbixinada waxey sidoo kale sheegayaan in sanadkaan gudahiisa 11 kun oo qofood dib loogu celiyay Liibiya, balse hay’adda wey ka deyrineysaa xaaladooda maadaama ay la kulmaan xad-gudubyo marka ay dib ugu laabtaan wadanka Liibiya.

Waxaa la sheegaa in Arbacadii dad ka badan 100 qofood laga badbaadiyay dooni kula dagtay agagaarka jasiiradda Lampedusa, balse ay doonidaas ka geeriyootay 5 qofood.

IMO waxey sheegtay in ilaalada xeebaha Khums iyo kalluumeysato ay gacan ka geysteen in la badbaadiyo 47-ruux, waxaana wadar ahaan doonida la socday dad ka badan 120 qofood sida la sheegay.

Wadamada ay dadka doonida saarnaa kasoo jeedeen lama shaacin, mana cadda hadii ay Soomaali ka mid yahiin dadka geeriyooday ama kuwa la badbaadiyay.

DF oo go’aan kasoo saartay dalabka mucaaradka ee ah in is-beddel lagu sameeyo guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay isbeddel ku sameyso guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay kadib qeylo-dhaan kasoo yeertay mucaaradka iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha.

Qeylo-dhaantan ayaa salka ku haysay tuhuno la xiriira inay guddiyada ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, halka sidoo kalena uu muran ka taagan yahay in xubnaha Somaliland ay soo magacowday xukuumadda.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in guddiyada ay yihiin sida loogu heshiiyey oo loo magacaabay, islamarkaana aan waxba laga beddeli doonin oo doorashada ay sidaas ku dhaceyso.

“Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso, qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay,” ayuu yiri Jeneral Mukhtaar.

Waxaa uu intaas ku daray “Muhiimka waxaa ah in doorashada laga ilaaliyo wax carqalad iyo caqabad dhalinayo, in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo, wax kasta oo hakinaya oo waqtigeeda ama dariiqa looga heshiiyay ka leexinaya in aad looga fogaado oo la iska ilaaliyo, dowladda waxay diyaar u tahay  in waqtigeeda arrintaas ku qabsoonto, guddiga sida loo magacaabo u magacaaban yihiin sida loogu tala galay oo loo heshiiyay waqtiyada waqti walba wixii loogu tala galay inay qabsoomaan ayaa qorshaha uu yahay.”

Jeneral Mukhtaar ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho, waxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashada

Hoos ka daawo wasiirka

Guddoomiyaha degmada Hodan oo qarax lala eegtay caawa iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay waddada 21-ka October ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, ayada oo ujeedka uu ahaa in lagu dilo, sida aan xogta ku helnay.

Labo ka mid ah askarta ilaalada u aheyd gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawac yahay gudoomiyaha degmada Hodan, balse ma cadda heerka uu la eg yahay dhaawaca gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Qaraxyada soo boodada ah ayaa habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsanayay gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Banaadir.

Toddobaad kahor ayaa sidan oo kale qarax ka dhacay nawaaxiga KM4 ka badbaaday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Faarax.

Bil ka hor ayaa waxaa isna ka badbaaday qarax miino Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaar ka mid ah ilaaladiisa ay waxyeelo ka soo gaartay.

Xog: Ciidamada Amniga oo guryahooda Muqdisho kala baxay mas’uuliyiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa saddex habeen ka hor guryahooda kala baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, mas’uuliyiinta la xiray, ayaa kala ah:-

1 – Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abiikar “Caano geel” oo ah guddoomiyaha dhallinyarada ee degmada Kaxda.
2 – Zakariye Cabdullaahi Cilmi, guddoomiyaha Waaxda 3-aad ee Cumar Fiyaasko.
3 – Faaarx Qooreey, guddoomiye ku-xigeenka Waaxda 1-aad ee Jeneral Liiq-Liiqato.

Illaa iyo hadda ma cadda, sababta loo xiray dadkan, mana jirto wax faah-faahin ah oo ay arrintaan ka bixiyeen mas’uuliyiinta amaanka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo kan degmada Kaxda.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mid kamid ah xubnaha la xiray uu markiisii hore ka tirsanaan jiray Al-Shabaab balse uu ka soo baxay sanado ka hor.

27-kii October, degmada Kaxda ayaa waxaa ka dhacay toogasho lagu dilay guddoomiye waaxeed iyo qof la socda, kuwaasi oo xilligaas olole tallaal ka waden degaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay afar qof ay ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Mahdi Maxamed Guuleed: “Halkii aan doono ayaan ka tegi karaa Somaliland balse hal sabab ayaan u rabin”

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa markii u horeysay wareysi uga hadlay sababta ay mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda federaalka aysan ugu safri karin Somaliland.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyntii dooday in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xilalka haysa u safri karaan Somaliland oo sheegata inay tahay dal madax-banaan, balse ay tix-gelinayaan nabad-gelyada reer Somaliland.

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee ay siyaasiyiinta xilalka haya aysan ugu safri karin deegaanada Somaliland ay tahay dhowrista Amniga guud ee Somaliland iyo Midnimada shacabka reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu u yeelnay (in Hargeysa aanan tagin) nabadda dadkaa annaga oo eegayna, waanu tagi karnaa, laakiin ma rabno in rabshad iyo buuq uu dhasho. Wasiirka warfaafintu Burco wuu tagi karaa, Wasiirka Dastuurku Ceerigaabo waa tagi karaa, Wasiir Beyle wu tagi karaa Awdal, wax u diidan majiro oo habeen iyo maalin wada-hadal iyo telefoon baa noo socda” ayuu yiri Guuleed Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Markaa waxa aanu ilaalinaynaa Nabadda jirta inay jirto oo dadkaasi (reer Somaliland-na) iyagoo hal mid ah wada-hadal iyo xal miro-dhal ah la gaaro”.

Mahdi ayaa ugu dambeyntii waxa kale oo ku dooday in haddii afti la qaado ay dadka reer Somaliland badankooda ay aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana ay u dooran lahaayeen midnimo, taasi oo meesha ka saareysa madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay dhawaan Somaliland soo saartay go’aamo ay ku shaacineysay shuruudo lagu xirayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganadeeda ee xilalka ka haya DF, si ay ugu safraan Somaliland, kuwaasi oo ay ku fareysay ka tanaasulka midnimada Soomaaliya iyo inuu iska casilo xilka uu hayo.