26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Fiqi oo sheegay dhinaca ay tahay in Soomaalida ay la jirsadaan dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi sidoo kalana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Tigreygu uu wajahayo ciqaab daran oo lamid ah midii uu hore maamulkaasi ‘xasuuqa iyo barakicinta ugu geystay geeska Afrika, gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya’.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku taageeray howl-galka uu Abiy Axmed kula dagaalayo maamulka Tigreyga, xili saacadihii lasoo dhaafay uu kasii darayay dagaalkaasi, iyada oo laga soo saarayey baaqyo nabadeed.

Waxa uu sheegay in gumaadka ku socda ciidanka iyo madaxda Tigreyga ay bogaadiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadama uu ku dooday in maamulka TPLF uu dambiyo dagaal ka geystay gudaha Soomaaliya sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii.

“Tigreegii (TPLF)  madaafiicdooda iyo gaboodfalkoodu uu kala gaaray geeska Afrika si gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, kana geystay xasuuq aan loo meel-dayin, burburin magaalooyin camiran iyo barakicin malaayiin shacab ah, waxay maantay ku waajahayaan gurigoodii xaalad adag iyo ciqaab-daran oo la mid ah tii ay umadaha kale badeen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu ku yiri “Waxaa ila haboon In dadka Soomaaliyeed ay soo dhoweeyaan hawlgalka ciidan ee lagu baacsanayo madaxdii iyo ciidamada Tigreega (TPLF) ee dambiyada dagaal ka geystay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay si gaar ah sanadihii 2007 & 2008”.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya xili uu xawli kusii socda dagaalka dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga, taasi oo keentay in kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. 

Qiyaastii dad ka badan 2,500 oo Itoobiyan ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda dalkaasi, iyaga oo u tallaabay dalka Sudan.

Waxa kale oo la rumeysan yahay in Boqolaal qof ay ku naf waayeen dagaalkaasi, inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo tirada khasaaraha dagaalkaasi, maadama uu hawada ka maqan yahay isgaarsiinta iyo internet-ka gobolkaasi.

Qarax dhimasho leh oo ka dhacay guriga WASIIR ka tirsan maamulka Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Ksimaayo waxay sheegayaan in qarax khasaare geystay uu ka dhacay guri wasiir ka tirsan Jubaland uu ka degan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Guriga uu qaraxaasi ka dhacay waxaa degan wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi, waxaana lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Qaraxa ayaa ahaa mid guriga lagu sii diyaariyey, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Jubaland, waxaana ka badbaaday wasiir Caydiid oo loo qorsheeyey, sida aan xogta ku helnay.

Illaa seddax askari oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ugu yaraan laba kale, sida ay noo sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Guriga la qarxiyey ee wasiirku deganaa ayaa Kismaayo uga yaalla xaafadda Siinaay, gaar ahaan aagga Laba-suulle, waxaana haatan xaafadaas ka bilaawday baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

FARMAAJO oo ka hadlay doorashadii GUUDLAAWE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo Ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

Waa kuma madaxweynaha cusub ee la doortay ee maamulka HirShabeelle?

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Baarlamanka Maamulka HirShabelle ayaa maanta Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) u doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulkaas, isaga oo helay codad aad u badan.

Cali Guudlaawe wuxuu noqday madaxweynahii saddexaad ee maamulka HirShabelle, kadib Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna horay u ahaa madaxweyne ku xigeen.

Haddaba waa kuma Cali Guudlaawe?

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wuxuu ku dhashay dagmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe sanadkii 1974-kii.

Waxbarashada:

Waxbarashada aas-aasiga, sare iyo jaamacaddaba wuxuu ku qaatay magaalada Jowhar ee loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha saddexaad ee Hir-Shabeelle.

Jaamacadda Somali International University ayuu ka qaatay darajadiisa koowaad.

Xilalka uu soo qabtay:

Intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2006 wuxuu lasoo shaqeeyay maamulkii Maxamed Dheere ee ka talinayay Jowhar, wuxuuna ahaa madaxii maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa loo magacaabay sanadkii 2007, wuxuuna hayay xilka ilaa 2009.

Sanadkii 2014 wuxuu noqday gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, halka sanadkii 2016 loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabelle.

Barnaamijkiisa siyaasadeed

Cali, waxaa uu balanqday bulsho heshiis ah iyo inuu sameeyo dib u heshiisiin, isaga oo sheegay in uu u howlgeli doono xalinta tabashooyinka bulsho iyo midda siyaasadeed.

Horumarinta amniga ayuu balanqaaday inuu wax ka qaban doono, isaga oo xoojinta amniga, dib u habeynta booliiska

Garsoorka ayuu sheegay inuu wax badan ka qaban doono si muwaadin reer Hirshabellle ah aanu u taban wax xaq darro, lana marsiiyo garsoorka xulasho sax ah.

Dhan kale, waxaa uu balanqaaday la dagaalanka Al-shabaab, isaga oo xoog iyo maskaxba isugu geyn doona nabad galyada iyo isu furka deegaannada maamulka.

Waxaa sidoo kale balanqaaday shaqo abuur iyo kor u qaadista dhaqaalaha, dhismada waddooyinka, dhismaha garoomada , canshuurada, dhiirigelinta maalgelinta iyo warshadaha.

Guudlaawe waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doonto dowlad wanaag iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo horumarinta adeegyada bulshada, lagana helo waxbarasho ilaa heer jaamacadeed.

Arrimaha caafimaadka waxaa uu sheegay in isbitaallada waaweyn ee Hirshabelle uu u dhameystiri doono agab caafimaad iyo dhakhaatiir.

HirShabeelle oo maanta dooratay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle ayaa loo doortay hogaan cusub iyadoo xildhibaanada maamulkaas ay goor dhaw madaxweyne cusub u doorteen Cali Guudlaawe Xuseen, kadib markii uu si awood leh ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa helay 86 cod, halka musharaxii la tartamaayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan uu helay 13 cod, ma jirin musharax kale oo ku jirtay doorashada maamulka Hir-Shabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyay in Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona maamulka Hir-Shabelle.

Dhamaan waxaa xaadir ahaa 99 xildhibaan ee maamulka Hir-Shabelle, sidoo kale waxaa hoolka doorashada ku sugnaa xildhibaano heer Federaal ah oo ay deegaan doorashadooda tahay Hir-Shabelel iyo kuwa kale.

Sidoo kale guddi heer Wasiiro ah ayaa xaadir ku ahaa magaalada Jowhar, waxaana maamulka Hir-Shabelle hogaamin doona Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka.

Dhanka kale, Yuusuf Axmed Hagar ‘Daba-geed’ ayaa loo doortay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle kadib doorasho loo dhan yahay oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Yuusuf Dabageed oo dhawr jeer soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan, sidoo kalana mar wasiir ka noqday maamulka Hirshabelle ayaa codadkii ugu badnaa ku helay kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf wuxuu helay codad dhan 87 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Dheere uu helay codad dhan 12.

Yuusuf Dabageed wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Hirshabelle iyo beesha uu kasoo jeedo.

Xarunta Taliska Waqooyi ee ciidanka federaalka Ethiopia oo u gacan gashay Tigrayga

Mekelle (Caasimada Online) – Xarunta taliska ciidamada federaalka Ethiopia ee Waqooyi, oo ku yaalla magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray ayaa waxaa qabsaday ciidamada Tigray-ga, waxaa sidaas xaqiijiyey afhayeenka dowladda.

“Magaalada Mekelle, waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo dhan sababtyoo ah ciidamo iyo shaqaale ku filan halkaas nooma joogin,” waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka Taliska Cusub ee Xaaladda Deg Degga ah ee Ethiopia ee dhowaan la aas-aasay.

Taliskan ayaa ah kii horseeday dagaalka hadda socda, kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu 4-tii bishan ku eedeeyey ciidamada Tigray-ga inay weerareen xaruntaas, isaga oo kadibna amray weerar jawaab ah.

Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Waqooyi Jeneral Belay Seyoum ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in 550 oo askari oo ka mid ah ciidamada Tigray-ga ay ku dileen dagaalka islamarkaana ay qabteen 29 kale illaa hadda.

Sheegashadan ayaa imaneysa maalin kadib markii dowladda ay sidoo kale sheegatay in ciidamadeeda ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla meeel u dhow magaalada Humera ee ku dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea, hase yeeshee TPLF ayaa beenisay sheegashadan.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. Qiyaastii 2,500 oo Ethiopian ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda ayaga oo u tallaabay dalka Sudan.

Boqolaal qof ayaa la rumeysan yahay inay dagaalka ku naf waayeen, hase yeeshee tirada khasaaraha rasmiga ah ayey adag tahay in la xaqiijiyo.

Kenya oo shaacisay heshiis ay kusoo gaartay Muqdisho iyo dhisme ay ka billaabeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday inay bilaabi doonto dhisme cusub oo safaaradeed, midkaasi oo qeyb ka noqonaya dib usoo nooleynta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe uu mad-madow badan hadheeyay.

Dhismaha safaarada Kenya ayaa wax badan ka bedeli doona howlaha xiriirka labada dhinac, xili ay dooneyso Kenya inay hagaajiso xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneysa xili uu magaalada Muqdisho soo gaaray maalintii Sabtidii, wafdi ka socda madaxda ugu sareysa ee Arimaha Dibada, kuwaasi oo dowladda federaalka kala hadlay iskaashiga Ganacsi oo ay ugu weyn tahay arrinta qaadka.

Kulamada labada dhinac oo u muuqday kuwo dib boorka looga jafayo xiriirka fadhiidka noqday ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sidoo kale waxa looga hadlay Iskaashiga labada dhinac iyo arrimaha Amniga.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, Macharia Kamau oo hadal jeediyay kulamadaasi kadib, ayaa sheegay in Kenya ay u aragto xiriirka ganacsi mid ka wanaagsan kan lagu horumarin karo xiriirka guud ee ka dhexeeya dalalka.

“In aan ka fikirno in caqabadaha si buuxda loo xaliyaa ugu horeyn ka hor intaanan bilaabin ganacsiga iyo iskaashiga waa inaan dhayalsanaa oo la fahmaa aasaaska horumarka,” ayuu yiri Kamau oo la hadlayey Nation.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo howlihii ganacsiga, isla markaana ay dowladda federaalka ay ka qaado xayiraada saaran qaadka looga soo dhoofiyo Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid hooseeyo, iyada oo ay Soomaaliya hakisay qaadkii faraha badnaa ee uga imaan jiray Kenya, midaasi oo dhalisay ismari waa labada dhinac ah, inkasta oo u wax ka badelay mowqifkii adkaa ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa iyadu u muuqata mid dib u eegis balaadhan ku sameynaysa xiriirkeeda Soomaaliya, taasi oo meesha ka saari doonta go’aamo adag oo ay hore ugu soo rogtay Soomaalida, kuwaasi oo ay keenen xiisada labada dhinac.

Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay howl-gal qorsheysnaa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Baarsanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay xuno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43 ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cadoow Maxamed Sahal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay dileen sarkaal uu magacaiisa ku sheegay Cabdi Ibraahim Saleebaan oo ahaa madaxii  jabhadda kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose iyo ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray inay daawaceen saddex xubnood oo kale, kadib markii ay ka hortageen weerar uu sheegay inay doonayeen inay soo qaadaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa howl-gallo ballaaran ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Guriceel

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo ku cibaadeysanayey masjid ku yaalla magaalada Guriceel, kadib Salaaddii Cishaha.

Weerarka oo ay fuliyeey koox aan la garan oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa rasaas huwiyey dadka ku sugnaa masjida weyn ee lagu magacaabo Beder.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu saameeyey darbiga masjidka oo ay waxyeeleysay rasaasta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee Guriceel ayaa sheegay in dadka gacanta lagu soo dhigay ay ku socdaan baaritaano, islamarkaana ay dib ka shaacin doonaan natiijada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, balse masaajidka la weeraray ayaa ka mid ahaa kuwii ku xirmay dagaalladii horey gobollada dhexe ee dalka ugu dhex-maray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Xog: Mudulood oo kulan deg deg ah yeelanaya maanta

Warsheekh (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Mudullood ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta oo Arbaca kulan deg deg ah dhaqanku ka yeelan doonaan dadkii lagu xasuuqay degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Xubno kamid ah odayaasha ayaa sheegay in kulankaan uu ka dhici doono guriga Imaamka cusub ee Abgaal Imaam Daahir Maxamuud, waxaana kadib la go’aamin doonaa sidii lagu gaari lahaa goobtii lagu xasuuqay carruurtii iyo dumarkii ee duleedka degmada Warsheekh.

“Wax aad u xun ayaa dhacay, maanta ayaa ku balanay kulan deg deg ah oo ka dhici doono guriga Imaamka cusub waxaana kadib bixi doono xubno naga mid ah si loo soo arko wixii dhacay warbixina looga keeni,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo aan la hadalnay.

“Waa dhaqan aad u xun waana nagu ceeb hadaa nahay Mudullood, hore ayaa ka joogi la’eyn dhawaatiirtii iyo Culimadii la laayay tan ayaa noogu darsoontay fadhina nooma yaalo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoonka aan la hadalnay oo ka tirsan dhaqanka Mudullood.

Degmooyinka ku yaalla  xeebta gobalka Shabeelada dhexe ayaa wajahaya falal argagax leh oo salka ku haayo aanooyin qabiil.

Hore ayaa sidaan oo kale waxaa aano qabiil loogu dilay culimo, carruur iyo duqow degaanka ku sugnaa. Wali ma jirto wax xal ah oo arintaan laga gaaray inkastoo ay socdaan kulamo gaabis ah oo laga wado Muqdisho iyo Jowhar.

Cadaadiska la saaray Cabdi Xaashi oo laga digay arrin halis oo ay horseedi karto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senataro Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya waa qofka ugu sareeyo dadka matala gobalada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee ku jira dowladda Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi dadka yaqaana waxey ku tilmaamaan shaqsi dagan, Afgaaban, waddani ah, aad uga shaqeeyo wadajirka labada gobal, islamarkaana dowladnimo jecel.

Xilal kala duwan ayuu dalkaan ka soo qabtay waxaana la sheegaa inuu yahay qof kasbaday dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiintii iyo bulshadii uu la shaqeeyay.

Dhowrkii bil ee la soo dhaafay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cadullaahi waxa uu wajahayaa cadaadis badan oo halis ku ah wadajirka Qaranimada Soomaaliyeed waxaana bilaawday qeyla dhaan badan oo ka soo baxeyso dadka waqooyi ee daneeya wadajirka Soomaaliya iyo Somaliland.

Siyaasiin badan iyo aqoonyahaano ka soo jeeda degaanada Somaliland ayaa sheegay in Cabdi Xaashi yahay astaanta goballada Waqooyi ee hada ku sugan koonfur, dhibkii gaarana uu saameen karo mustaqbalka labada dhinac.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahaanka Soomaaliyeed ayaa arintaan ku tilmaamay kufsi siyaasadeed oo keeni kara dagaalo sokeeye iyo kalatag hor leh.

“Waxa ay wadaan Farmaajo iyo taliska NISA, waa kufsi siyaasadeed waxeyna keeni doonaan kala tag iyo colaad sokeeye in dalka dib ugu laabta, haddii aan hada laga gaarin,” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Cabdi Xaashi dadka koonfurta waxay ku tilmaamaan nin wadani ah dhib badneen afgaaban, kuwa Waqooyina waaba astoontooda koofurta u joogto, hab dhaqanka xun ee loo geestay waxey abuuri kartaa in wadajirkii sii fogaado lana sii kala tago,” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Muddo aan ka yareen sanado ayuu Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi wajahayaa cadaadis badan oo keeni kara in xaaladda halkaan ka sii fogaato waxaana lagu baaqayaa in si deg deg ah loo xaliyo cabashadiisa.

Trump oo wali diidan guusha doorashada ee Joe Biden

0

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa wali diidan in looga guuleystay doorashada dalka Mareykanka iyadoo Joe Biden uu ku guuleystay codadkii doorashada ee la tiriyay.

Trump wuxuu tuhun galiyay sida ay codadkii la tiriyay u noqon karaan kuwa jira, wuxuuna durba taageero ka helay hoggaanka sare ee xisbiga Jamhuuriga, waxeyna ku garab taagan yahiin dacwadda uu u gudbinayo maxkamadaha isagoo diidan guusha la saadaaliyay ee Joe Biden.

Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy iyo Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell ayaa si wadajir ah ugu taageeray Trump diidmada jiritaanka codeynta, waxeyna qabaan inuu ku saxan yahay go’aanka uu ku diiday saxnimada codadkii la tiriyay.

Labadaan masuul waxey aaminsan yahiin in Donald Trump uu ku saxan yahay inuu dacwo ka furo natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Joe Biden wuxuu wax laga xishoodo ku tilmaamay in Donald Trump uu aqbali waayo natiijada kasoo baxday doorashada isla markaana uu qiran waayay inuu guuldareystay.

Wararkii ugu dambeeyey dhismaha dekedda Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa dar-dar gelin balaadhan ka bilowday magaalo xeebeedka Hobyo oo muddooyinkii dambe ay si weyn uga socdeen dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso dekada Hobyo, iyaga oo kaashanaya Ganacsatada maamulkaasi iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Saabir Nuur Shuuriye, Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo hormuud u ah dadaalada lagu rabo dhismaha dekedda Hobyo oo soo martay heerar kala duwan, iyada oo uu ku guuleystay in dhismaha dekedaasi uu bilowdo wajigiisa koowaad.

Dhismaha dekedda ee wajiga 1-aad oo laga dhisayo qeyb kamid ah dekadda oo macmal ah ayaa waxa uu socon doona muddo ku siman lix bil, iyada oo si kumeel gaar ah loogu adeegsan karo baahiyaha ku xeeran deegaankaasi.

Waxa dekedda macmalka ah ee la bilaabayo kusoo xiran kara doomaha dherarkooda lagu sheegay ilaa 20-mitir, iyada oo sare u qaadi doonta kalluumaysiga oo baahi weyn xiligaan loo qabo.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Wasiir Saabir, waxa sare u kacday fursadaha maalgelin ee dekeda Hobyo, maadama uu dadaal badan geliyey sidii bulshada Galmudug iyo Ganacsatudu ay u maalgashan lahaayeen Dekadda Hobyo, taasi oo keentay inay dhismaheeda ku tartamaan shirkado badan.

Sidoo kale horaantii bishan unbay aheyd markii uu heshiis taariikhiya oo lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixday Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah, isla markaana uu fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxa kale oo dhawaan lagu wadaa inay deegaanada Galmudug gaaran Injineero ka socda shirkada Oriental, kuwaasi oo hordhac u noqonaya dhismaha dekedda weyne ee Hobyo, sida lagu sheegay heshiiska labada dhinac ee uu 3-dii bishan saxiixay wasiir Saabir.

Yaa ka dambeeya dagaal beeleedyada ka socda Galgaduud iyo Mudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ugu horreyn wasiir Falagle ayaa wax laga xumaaday dagaalladaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale ku eedeeyey in horinta colaad beeleedyada haatan ka taagan deegaanada Galmudug ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Falagle ayaa shaaciyey in u jeedada laga leeyahay ay tahay kaliya in la la wiiqo howl-gallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan dirirta, wax welibana ay ku dhammeeyaan wada-hadal iyo deganaan.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay guullo ka gaareen howl-galladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen, islamarkaana ay haatan ku sii jeedaan degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Markii aan guulo ka gaarnay Al-Shabaab waxa ay culeys Beelaha ku saarayaan sidii ay u dagaalami lahaayeen, Koofurta Mudug & deegaannada kale waxaa ka dhacay dagaallo lagu wiiqayo baacsiga cadawga, sidaas awgeed cid kasta oo ku lug yeelata waala maxkamadeyn doonaa,” wasiir Axmed Shire Falagle.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeysyo uga imaanayey dhinaca dagaalyahanada Ururuka Al-Shabaab oo marar kala duwan weeraro ku soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Maxay ka wada-hadleen wasiirka gaashaandhigga & safiirka dalka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday, sidii loo horumarin lahaa taageerada uu Mareykanka siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dib u dhiskooda.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray xoojinta ammaanka dalka oo dhowaan galayo maraxalad doorasho.

Safiirka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay boggaadineyso horumarka ay amniga ka sameeyeen ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qeyb qaataa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta & bartamaha dalka.

AL-SHABAAB oo 50 qof ku gowracay dalka Mozambique

0

Maputo (Caasimadda Online) – Sida ay shaaciyeen warbaahinta wadanka Mozambique, in ka badan 50 qofood ayaa xasuuq wadareed loogu geystay gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Cabo Delgado, waxaana weerarkaan fuliyay kooxo hubeysan.

Warbaahinta wadanka Mozambique oo xiganaya ilo wareedyo aysan shaacin magacooda ayaa qiraya in kooxda falka geysatay ay laba weerar geysteen Jimcadii iyo Axadii, sidoo kale waxey sheegeen in dableydaan ay gacan saar la leeyahiin ururka Daacish.

Ururkaan waxaa la sheegaa in muddo 3-sano ah ay ka dagaalamayaan dalka Mozambique isla markaana ay dileen boqolaal ruux halka ay dad kalana ka barakaciyeen deegaanno dhawr ah.

Dadka wadanka Mozambique waxey kooxdaan u yaqaanaan Al-Shabaab, sidoo kalana ma jiraan wax xiriir ah oo ay la leeyahiin dagaalyahanada ka dagaallama qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Dowladda Mozambique waxey mar kale ballan qaaday iney tallaabo ka qaadeyso dableyda iyadoo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay ilaa iyo hadda u qaadeen.

Sidoo kale dowladaha dariska la ah Mozambique ayaa cambaareeyay ficilada ay sameeyeen dableyda, waxeyna u ballan qaadeen dowladda iney taageero diyaar ula yahiin.

Dabageed oo loo doortay madaxweyne ku xigeen

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Yuusuf Axmed Hagar ‘Daba-geed’ ayaa loo doortay madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib doorasho loo dhan yahay oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Yuusuf Dabageed oo dhawr jeer soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan, sidoo kalana mar wasiir ka noqday maamulka Hirshabelle ayaa codadkii ugu badnaa ku helay kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf wuxuu helay codad dhan 87 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Dheere uu helay codad dhan 12.

Yuusuf Dabageed wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Hirshabelle iyo beesha uu kasoo jeedo.

Magaalada Jowhar waxey maanta martigalisay doorashada Hirshabelle iyadoo la doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waxaana kusoo baxay sida ay dadka badi fahamsan yahiin musharaxiintii ay wadatay Villa Somalia.

Mahad Salaad: “Mahdi Guuleedow Xamar waxay ku caan tahay koriso, kibriso iyo kufiso”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo qoraal uu soo saaray ku dhaleeceeyey war-saxaafadeedkii ay ku mideysnaayeen musharaxiinta ugu caansan ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkaas ku yiri, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Mahad Salaad oo ka jawaabaya hadalka Mahdi Guuleed ayaa yiri, “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!”

Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa intaas ku sii daray “Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!”

Mahdi Guled oo u jawaabay Kheyre iyo musharaxiintii go’aanka soo saaray maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeedkii maanta ka soo baxay 12-ka musharax oo sanadkan mid walba uu doonayo inuu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalkii maanta ka soo baxay musharaxiintaas oo ah kuwa ugu saameynta badan mucaaradka ayaa walaac looga muujiyey hanaankii loo soo xulay guddiyadda doorashada iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo.

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa laga dheehan karay qirashada in guddiyada cusub laga soo dhex xulay shaqaalihii xafiisyada dowladda, isagoo tilmaamay in wax farqi ah aysan u dhaxeyn guddiyadii qabtay doorashadii 2016-kii iyo kuwaan.

Mahdi sida uu qabo isku hanaan ayaa loo maray guddiyadii ay magacaawday dowladdii hore ee Xasan Sheekh iyo kuwa ay haatan magacaawday dowladdan Farmaajo.

“Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha.”

Kheyre oo oo ka walaacsan tallaabooyin ay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray qoraal daba socda bayaankii ay ku mideysnaayeen isaga iyo musharaxiin kale oo waaweyn, kaas oo ay walaac uga muujiyeen guddiyada ay dowladdu magacaawday doorashada dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mar kale uu ku celinayo inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka u dhacdo ‘si xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta’.

“Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Waxa uu sheegay inuu cadeynayo in musharaxiintii maanta soo saaray bayaan ka uu ka mid ahaa. Isla markaana ay walaac badan ka qabaan qaabka ay dowladda federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.

“Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan,” ayuu yiri.

Kheyre ayaa sheegay inay sax aheyn in xubno ka tirsan ciidanka ammaanka lagu soo daro guddiyada doorashada dalka, sidoo kalena uu qirayo shaqada adage ee ciidamadu hayaan.

“Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma  aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka,” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ku yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkan ku soo jeediyey talo ah in guddiyada maamulaya doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo hanaan la isla ogolyahay.

“Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.