25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mahdi Maxamed Guuleed: “Halkii aan doono ayaan ka tegi karaa Somaliland balse hal sabab ayaan u rabin”

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa markii u horeysay wareysi uga hadlay sababta ay mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda federaalka aysan ugu safri karin Somaliland.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyntii dooday in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xilalka haysa u safri karaan Somaliland oo sheegata inay tahay dal madax-banaan, balse ay tix-gelinayaan nabad-gelyada reer Somaliland.

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee ay siyaasiyiinta xilalka haya aysan ugu safri karin deegaanada Somaliland ay tahay dhowrista Amniga guud ee Somaliland iyo Midnimada shacabka reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu u yeelnay (in Hargeysa aanan tagin) nabadda dadkaa annaga oo eegayna, waanu tagi karnaa, laakiin ma rabno in rabshad iyo buuq uu dhasho. Wasiirka warfaafintu Burco wuu tagi karaa, Wasiirka Dastuurku Ceerigaabo waa tagi karaa, Wasiir Beyle wu tagi karaa Awdal, wax u diidan majiro oo habeen iyo maalin wada-hadal iyo telefoon baa noo socda” ayuu yiri Guuleed Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Markaa waxa aanu ilaalinaynaa Nabadda jirta inay jirto oo dadkaasi (reer Somaliland-na) iyagoo hal mid ah wada-hadal iyo xal miro-dhal ah la gaaro”.

Mahdi ayaa ugu dambeyntii waxa kale oo ku dooday in haddii afti la qaado ay dadka reer Somaliland badankooda ay aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana ay u dooran lahaayeen midnimo, taasi oo meesha ka saareysa madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay dhawaan Somaliland soo saartay go’aamo ay ku shaacineysay shuruudo lagu xirayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganadeeda ee xilalka ka haya DF, si ay ugu safraan Somaliland, kuwaasi oo ay ku fareysay ka tanaasulka midnimada Soomaaliya iyo inuu iska casilo xilka uu hayo.

R/W ABIY AHMED oo ku dhowaaqay inay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray ayaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Ayada oo is-gaarsiinta gobolka ay go’an tahay, way adag tahay in si madax-banaan loo xaqiijiyo sheegashada Abiy.

Abiy ayaa sheegay in meydadka qaar ka mid ah ciidamadiisa oo la toogtay laga helay magaalada Sheraro, kuwaas oo laga toogtay lugaha ayada oo garbo duub loo xiray. “Xaasadnimada noocan ah waa wax laga naxo,” ayuu yiri.

Ma uusan sheegin tirada meydadka askarta la helay, mana uusan soo bandhigin caddeymo. Sidoo kale ma jirto jawaab ay bixiyeen xubnaha TPLF, oo horey ciidamada dowladda federaalka ugu eedeeyey “arxan-darro” iyo duqeymo ka dhan ah shacabka Tigray-ga.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Ethiopia Birhanu Jula ayaa warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana u sheegay in Taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka ay ka bad-baadeen shan maalmood oo dagaal culus ah, ayna dib u qabsadeen magaalooyin ay ka mid yihiin Dansha, garoonka diyaaradaha Humera iyo Baeker.

“Waxaan jeclahay inaan u mahad-celiyo ciidamada federaalka ee tusaalaha u ah geesiyaasheena iyo dagaalka joogtada ah ee ay wadaan, xitaa haddii cuntada iyo biyaha laga jaray muddo shan maalmood ah,” ayuu yiri.

Tigray-ga weli kama jawaabin sheegashada ciidanka dowladda.

Halista weyn ee Soomaaliya ‘uga soo wajahan’ dagaalka Abiy Axmed iyo Tigray-ga

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga oo maalmihii dambe kasii dareysay.

Senator-ka ayaa ugu horeyntii sheegay in Itoobiya oo u jiheysata colaad sokeeye ay tahay arrin xambaarsan khatar xoogan oo ku wajahan gobolka oo dhan, oo qeyb ka tahay Soomaaliya.

Waxa uu xusay in shacabka iyo xukuumada Soomaaliya ay la gudboon tahay inay taxadar iyo feejignaan ka muujiyaan colaada sokeeye, xili qaar kamid ah siyaasiyiinta dalku ay ku baaqayeen bedelka midaasi, oo aheyd inay bogaadiyaan dagaalkaasi.

“Waddanka ugu tiro badan Bariga Africa dad ahaan inuu u jiheysto colaad sokeeye waa aarrin xambaarsan khatar xooggan ku wajahan gobolka oo dhan. Marka hore waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Dhexe Ethiopia, madaxda Gobolka Tigray iyo TPLF inay garwaqsadaan in dagaal iyo colaad sokeeye aan lagu gaari karin hadaf siyaasadeed” ayuu ku yiri Mashruuc qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Soomaaliya xukuumad ahaan iyo shacab-ba waxaa la gudboon in ay taxaddar  iyo feejignaan ka muujiyaan colaadda sokeeye ee Ethiopia”.

Senator Mashruuc ayaa waxa uu soo jeediyay inay dowladda federaalka Soomaaliya ay u aqoonsato dagaalka sokeeye ee Itoobiya khatar ku wajahan amniga qaranka Soomaaliya ‘National Security Threat’, maadama Soomaaliya ay xuduud baaxad leh la leedahay dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu xukuumadda dhexe ugu baaqay inay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya iyo  Somaliland ee dhaca xuduuda dheer Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala shaqeyso sidii loo sugi lahaa xudduudda dalka, loona maareyn lahaa qaxootiga ku soo wajahan dalka.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay dal aan awood u laheyn marti-gelinta qaxootiga tirada badan ee ku soo ku food leh dhan dhaqaale, amni iyo dhan siyaasadeed, isla markaana looga baahan yahay inay qaado  talaabooyin ay ku xaqiijineyso bed-qabka Shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada ilaalinta nabad-gelyada guud ee gobolka (Bariga Africa).

“Soomaaliya waa inay ka shaqeysaa sidii loo damin lahaa colaadda sokeeye Ethiopia iyadoo u mareysaa xiriirrada DUBLIMAASIGA, xubinimada ururada AU iyo IGAD iyo UN si loo gaaro nabad waarta ee dalka Ethiopia iyo tan guud ee Bariga Africa” ayuu yiri ugu dambeyntii Senator Mashruuc.

Saraakiil ka tirsan Tigray oo xasaanadda laga qaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee dalka Itoobiya oo maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay xaaladda gobolka Tigray ayaa xaasanadda ka qaaday saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dhacay waqooiga wadanka Itoobiya.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqoday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Saraakiishaasi waxaa ugu horreeyo madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Dhammaan xubnahan ayaa waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan xiisada kacsan ee gobolka, dagaallada socda iyo dambiyo kale.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano TPLF.

Itoobiya ayaa xaalad gashay, tan iyo markii ay qarxeen dagaalladaasi, iyada kumanaan qoysas ay ka tallaabadeen xuduuda dalka Suudaan, si uga fogaadaan colaadaasi.

Dagaal culus oo markale dib uga qarxay gobolka Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Huldooyaale oo hoosta Camaara oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka culus.

Dagaalka oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa salka ku hayo dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dib uga qarxay Huldooyaale uu ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la dhigay isbitaallada.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo lagu soo warramayo in dagaalka uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa.

Waa maalintii saddexaad oo uu dagaalkan ka socdo duleedka deegaanka Camaara oo isku hayaan labo beelood oo walaalo ah.

Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa sidoo kale haatan wada dadaallo looga hortagayo colaadaasi oo ku soo laa-laabatay gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Maryan Qaasim oo weerar ku qaaday culimada + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa culumada Soomaaliyeed aad ugu dhaleeceysay, sida ay u dayaceen doorkoodii shariifka ahaa ee dalku uga baahnaa.

Maamo Maryan Qaasim waxay sheegtay in culumada Soomaaliya aysan in dhahoodu qaban qaladaadka iyo gabood fallada ka dhaca dalka, balse markii gabar qalad ka dhaco ay afka furtaan.

Waxyaabaha ay ku dhaleeceysay culumada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah, sidii ay uga gaabsadeen markii ay dowladda madaxweyne Farmaajo Itoobiya u gacan gelisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ah muwaadin Soomaaliyeed, Itoobiyana ay markaas cadaw u arkeysay.

Xilligaas Maryam waxay ka mid aheyd golihii wasiirrada ee Kheyre hoggaaminayey, kuwaas oo kulan ay isugu yimaadeen ka shaaciyey in Qalbi-Dhagax iyo ururka uu ka tirsan yahay ee ONLF ay argagixiso yihiin, tallaabadaasna illaa hadda kama laaban dowladda madaxweyne Farmaajo.

Maryan Qaasim waxay sheegtay in maalinkaas ‘shakhsiyan’ Ilaahey waafajiyey towfiiqda oo ay ka mid aheyd wasiirro tiro yar oo diiday in xukuumaddii ay ka tirsanaayeen la qaataan mowqifkii ahaa in Qalbi-Dhagax iyo ONLF ay argagixiso yihiin.

Hadalka wasiir hore Maryan Qaasim oo ku socday culumada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed uu Guddoomiye Xaliimo Yarey ugu yeeray inay ka towbad keento hadal ay ka dhahday goob fagaare ah.

Xaliimo Yarey ayaa xiligaas sheegtay in Xaawo iyo Aadan isku si Alle u abuuray oo aan Xaawo laga abuurin feerta Aadan, balse saacado kadib ayey shacisay inay ka towbad keentay.

Maryan Qaasim ayaa qabta in doorka culumadu uu ku egyahay tafaftirka qaladaadka ka dhacaya haweenka, balse aysan arkin, qaladaadka iyo gabood fallada mararka qaar ka dhacaya dowladda ama xooggaga kale ee dalka ka jira.

Marka laga soo tago eedeynta Maryam Qaasim, hey’adda ay ku bahowday culumada Soomaaliyeed ayaa ku milantay xafiisyada ugu sareeya ee dalka laga maamulo, taas oo keentay in qaladkii ka dhaca dowladda ay badanaa culumadu ka gaabsato.

Hoos ka Daawo Maryan Qaasim oo wareysigan siisay TV-ga Universal.

Muxuu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ka yiri Soomaalida?

0

Washington (Caasimada Online) – Musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka, wuxuuna ku garaacay madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump.

Joe Biden iyo Donald Trump aad ayey ugu kala aragti duwanaayeen arrimaha Soomaalida, inkastoo madaxweynaha talada haya uusan aqbalin doorashadii dhacday, hadana waxaa jira hadalo uu Biden horay uga sheegay Soomaalida oo dib loo xasuustay.

Joe Biden wuxuu lasoo shaqeeyay Barack Obama, waxaana la xasuustaa inuu sanadkii 2015 ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo dadka kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku nool dalka.

Joe oo sideed sanadood madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la lahaa dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka, wuxuuna si gaar ah ula hadlay sida uu isaga xiriirka ula leeyahay.

“Soomaalida yar ee ku nool magaalada aan kasoo jeedo ee Delware waa ay muuqdaan, annigu gaar ahaan waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaalida ku nool magaaladaas haddii aad ii raacdo halka laga raaco tareenka, waa ay joogaan oo takaasiley ayay ka yihiin halkaas, xiriir wanaagsan ayaa iga la dhaxeeya,” ayuu yiri Joe Biden.

Biden wuxuu sheegay inuu si gaar ah saaxiibo ugu leeyahay bulshada Soomaalida, waxaana hadda muuqaneysa in Soomaalida ku nool Mareykanka ay aad ugu faraxsan yahiin guusha uu gaaray musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga.

Hadalkaan wuxuu ka sheegay shirweyne ay kasoo qeyb galeen Muslimiinta oo ay Soomaalida ka mid yahiin, waxaana looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa xagjireynta caruurta.

Ugu dambeyntii Donald Trump wuxuu bulshada Soomaalida ku daray liiska wadamada aan dadkeeda loo ogoleyn iney galaan Mareykanka, wuxuuna dhawaan ku sheegay qaxootiga ku sugan Minesota inuu wax ka qaban doono maadaama uu ku sheegay dad kusoo qulqulay wadankooda.

Xog: DF oo ugu dambeyn ogolaatay inay dib u eegis ku sameyso imtixaankii 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji, uu wado qorshe lagu baarayo cabashooyinkii ka dhashay Imtixaankii Qaranka ee dugsiga sare.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow wasiirka ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirka iyo xubno ka socdo bahda waxbarashada iyo siyaasiin reer Muqdisho ah kawada hadleen dooda waxbarashada.

Guddoomiyaha midowga Iskuulada Gobalka Banaadir ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ka sheegay in rajo weyn ka qabaan in wasiirka uu baaritaan ku sameeyo cabashooyinka waalidiin badan oo ardeydooda dhacday sanadkaan.

“Rajo weyn ayaa ka qabnaa in si dhab ah loo baaro Imtixaankii ay wasaaraddu qaaday, howshaasna waa bilaabatay mana rabo inaa galo faah faahin kale,” Cabduqaadir Maxamed Xasan oo ah guddoomiyaha Midowga Iskuulada Muqdisho.

Lama hubo inta ay qaadan karto dib u eegista natiijada Ardeydii dhacday oo gaareysa ku dhowaad 10 kun oo arday.

Sidoo kale lama oga sida ay u xalin doonto wasaaradda waxbarashada Soomaaliya inkastoo wararka qaar sheegayaan in wasiirka dadkii la hadlay u sheegay in madkii la baaro haddii uu qaladka ka yimid dhanka wasaaradda la sixi doono, haddii ay ardeydu dhaceenna ay dib ugu laaban doonaan waxbarashadooda.

Somalia iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 98 milyan oo Euro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey kulan ballaran oo u dhexeeyey xukuumaddiisa iyo ururka Midowga Yurub, kaas oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale diblimaasiyiin sar sare oo ka socday Ururka Midowga Yurub.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta, sida uu shaaciyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal kooban.

“Waxaan guddoomiyay wadahadal heer sare ah oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay leeyihiin, waxa uuna ku saabsanaa arrimaha wadaagga labada dhinac ee loola jeedo in lagu sii xoojiyo iskaashiga socda ee doorashooyinka soo socda, dib-u-habeynta dhaqan dhaqaale iyo is bedelka siyaasadeed ee ku saleysan ruuxda hindisaha horumarineed, ee ay leeyihiin Soomaalida iyo kuwa ay hoggaamiso Soomaalida,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro, waxaana saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

“Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro. Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya  Mudane Nicolas Berlanga.

Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageero dhinacyo muhiim ah, sida dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda iyo dib u dhiska ciidamada.

Wafdi ka socda Jabuuti oo gaaray Somaliland + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga dalkaas, Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) ayaa maanta soo gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wafdiga ayaa waxa garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi, oo ay horkacayeen wasiirka horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed iyo wasiirka horumarinta khayraadka biyaha, Maxamed Muuse Diiriye.

Waxa sidoo kale wafdiga Maxamed Soomaali kamid ah wasiiro kuxigeeno ka tirsan dowladda Jabuuti, oo maalmaha soo socda magaalada Hargeysa kulamo kula qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Safarka wafdigan ka socda Jabuuti ayaa u daaran dar-dar gelinta xiriirka labada dhinac iyo weliba hirgelinta mashaariic horumarineed oo in muddo ah uu soo socday qorshaheedu.

Wafdiga ayaa isla maanta qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay madaxweyne Muuse Biixi, kuwaasi oo kala hadlay xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga arrimaha horumarinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Waxa kale oo Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha & horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Wafdiga Maxamed Soomaali ayaa imanaya xili xiriirka Somaliland iyo Jabuuti uu sarre usii kacayo, kadib markii bishan gudaheeda ay labada dhinac is weydaarsadeen wufuud kala duwan, si loo dar-dar geliyo xiriirka labada dhinac iyo mashaariicda horumarineed.

Puntland oo gacanta ku dhigtay lacag dhan hal bilyan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Qardho ayaa sheegaya in maanta lagu qabtay lacag dhan hal bilyan oo Shilin Soomaali ah.

Lacagtaan aadka u badan ayaa waxaa gaarigii siday gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka Puntland ee ka howl-gala magaalada Qardho ee maamulkaasi, gaar ahaan askarta joogta inta u dhexeysa koontaroolka deegaanka Al-Xamdulilaahi iyo Waaciye.

Maamulka degmada Qardho oo ka hadlay soo qabashada lacagtaasi ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in la doonayey in lagu qal-qal geliyo Puntland ,si sare loogu qaado sicir bararka haatan ka jira deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu maamuku sheegay in haatan lacagtaasi la dhigay Bangiga Qardho, islamarkaana ay sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah.

Lama oga ujeedka dhabta ah ee laga lahaa lacagahaasi, iyada oo raggii waday haatan gacanta lagu hayo.

Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado adag oo ka dhashay sicir barar baahsan oo ka jira deegaanadeeda, kuwaas oo saameeyey bulshada.

QM oo war cusub ka soo saartay dagaalka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa war cusub ka soo saartay dagaalka ka socda gobolka Tigray oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka Tigray ee loo yaqaano TPLF.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa marka hore lagu sheegay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah ee lagu kor dagaalamayo.

Sidoo kale QM, gaar ahaan xafiiskeeda arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka aysan geli karin gobolka Tigray, si ay ugu gurmadaan shacabka.

Sidoo kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in aan gargaar sida cunnada iyo adeeg caafimaad la gaarsiin karin dadka ku go’doomay dagaalkaasi.

Is-gaarsiinta deegaanka ayaa sidoo kale meesha ka baxday, taas oo sii adkeysay xaaladda adag ee ka jirta gobolkaasi.

Kumaan dad ah ayaa ka barakacay guryahooda, una tallaabaday wadanka Suudaan, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 11,000 oo qoys, waxaana Qaramada Midoobay ay shaaca ka qaaday in tirada dadka qaxaya ay sare u kici karto maalmaha soo socda.

Xaaladda gobolka Tigray ayaa weli u cakiran, iyada oo sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac badan.

Karaash oo shaqo joojin ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland + sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa shaqo joojin ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska Axmed Karaash oo ku taariikheysneyd shalay oo ay ku beegneyd 11-ka bisha Novermber ee 2020-ka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyey wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay November 11, 2020 waxaa shaqo ka joojin lagu sameeyey wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Cabdirisaaq Jaamac Aadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan qoraalka ah ee uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntand laguma sheegin sababta shaqada looga joojiyey labadaasi mas’uul.

Caasimada Online ayaase ogaatay sababta, waxaana shaqo joojinta ay ka dhalatay, kadib markii dhowaan uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhismaha wasaaradda ku dhexmaray wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay wuxuu dagaalkaasi dhaawac wejiga ah ka soo gaaray wasiirka oo la sheegay in ay agaasimaha isku qabteen lacag.

Xog: Maxaa keenay inay S/LAND u dhawaato Israel?

Hargeysa (Caasimada Online) – Inkasta oo aan dal loo aqoonsaeyn, Somaliland ayaa door-bidaysa inay kamid noqoto dalalka Muslimka ah ee heshiiska la galay Isreal, xili uu muddooyinkii dambe uu soo fiicnaanayey xiriirka Isreal ay la leedahay dunida Muslimka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Israel ayaa iyadu laftigeeda daneynaysa inay xiriir saaxiibtinimo la sameysato xukuumada Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aan caalamka dal ahaan looga aqoonsaneyn.

Xukuumada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe si weyn usoo dhaweynaysay xiriirada ay Israel la sameysaneysay dalalka gobolka sida; Imaaraadka Carabta iyo Sudan, kuwaasi oo dalalka Islaamka qaarkood ay cambaareeyen.

Xiriirka lagu wado inay yeeshan Somaliland iyo Israel ayaa waxa hormuud u ah dowladda Imaaraadka Carabta, oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo xukuumada Muuse Biixi, taasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Somaliland ay raacdo wadada Imaaraadka ee dhawaan xiriirka kula sameysatay Israel.

Waxa kale oo xiriir dhex-mara labada dhinac ahmiyad gaar ah siinaya ama muhiim kasii dhigaya sida uu baahiyey Wargeyska Business Week, ahmiyadda dhuleed ee Somaliland, badda Cas iyo marinka Bab el-Mandab oo uu sheegay inay noqon karto goob laga difaaco ama laga ilaaliyo Maraakiibta sida joogtada ah u isticmaala.

Guuxa xiriirkan ayaa imanaya xili ay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland ay hore u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israel, ayna xiriir la yeelato Tel Aviv, kuwaasi oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sano baadi goobeyso, ee ay ku guuleysan la’dahay Somaliland.

Taiwan oo saraakiil sar-sare u soo direysa Somaliland iyo qorshe cusub oo socda

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Taiwan ayaa shaacisay in saraakiil ka tirsan maamulkeeda ay u direyso Somaliland, oo sanadkan horaantaasi ay kala saxiixdeen heshiis diblumaasiyadeed, kaasi oo keenay inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa.

Mas’uuliyiinta ay Taiwan u direyso magaalada Hargeysa ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dar-dar gelinta heshiiskii ay hore u kala saxiixdeen labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhinacyada horumarinta.

Wafdiga Taiwan ayaa dhawaan gaari doona Somaliland, kuwaasi oo soo indho-indheynaya arrimaha beeraha, isgaarsiinta, iyo mashaariicda caafimaadka maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Taiwan.

Sidoo kale waxay xubnahaasi hogaamin doonaan gar-gaar ay Taiwan ugu talo gashay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

“Dhamaadka November, Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta (ICDF) ayaa koox gar-gaar u diri doona Somaliland, si ay u furaan xafiis saldhig u noqda shaqada laga bilaabayo bilawga 2021-ka”.

Somaliland iyo Taiwan ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, kaasi oo ay si weyn uga hor-yimaadeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu kala sheegta labada maamul, ee iyagu ku doodaya madax-banaanida.

UNICEF oo ku dhowaad $3 milyan siineyso Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda caruurta u qaabilsan QM ee UNICEF ayaa ku dhowaaqaday lacag malaayiin Dollar ah oo ay ugu deeqyso maamulka Puntland.

Lacagtan oo gaareyso $2.9 milyan ayaa sanduuqa caruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF wuxuu shaaciyey inuu ku taageeri doono horumarinta waxbarashada Puntland.

Sidoo kale hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashada Puntland iyo bahda kale ee waxbarashada ay iska kaashan doonaan kordhinta helitaanka sinnaanta waxbarashada, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo xoojinta nidaamyada maaraynta waxbarashada ee Puntland.

UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in dhaqaalahan lagu qalabeyn doono iskuullada iyo macalimiinta.

“Lacagtan cusubi ma caawinayso oo keliya in carruur badan la siiyo fursad ay ku aadaan iskuullada laakiin waxay sidoo kale ku qalabaynaysaa aqoonta iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nolosha,” ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF Somalia.

Hay’adda UNICEF ayaa dhaqaalahan ka heshay sanduuqa iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada, iyada oo lagu taageerayo kaabayaasha muhiimka u ah waxbarashada.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Tigray

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Ethiopia ayaa sheegay inay maanta duqeeyeen baqaaro hub iyo goobo shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla gobolka Tigray, ayada oo uu sii xoogeystay dagaalka, islamarkaana kumanaan qof ay u qaxeen dalka Sudan.

Taliyaha ciidamada cirka Jeneral Yilma Merdassa ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay ahaayeen kuwa ay Tigray-ga qorsheynayeen inay u adeegsadaan inay weeraro kasoo qaadaan, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda taageersan ee FANA.

Hase yeeshee qof degan magaalada caasimadda ah ee Mekelle ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inaysan jirin wax duqeymo ah oo magaalada ka dhacay tan iyo Axaddii.

Waxa uu intaas ku daray in inkasta adeegga isgaarsiinta iyo bankiyada aysan weli shaqeeneyn, haddana dukaamada iyo suuqyada ay db u furmeen, magaalada ay caadi tahay.

Dhinaca kale, Alsir Khaled oo ah madaxa hay’adda qaxootiga Sudan ee magaalada xuduudda ku taalla ee Kassala, ayaa sheegay in 11,000 oo qof oo Ethiopian ah ay toddobaadkan usoo qaxeen Sudan.

Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada qaxootiga ay u badan tahay inay sare usii kacdo, waxayna ugu baaqday dalalka deriska la ah Ethiopia inay furaan xuduuddooda.

Dagaalka oo hadda socda toddobaad, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal askari oo labada dhinac ah, inkasta oo ay adag tahay in la helo tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaalka uu socon doono illaa meesha laga saaro hoggaanka xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigray.

Xasan Sheekh iyo Shariif oo shaaciyey mowqifkooda doorashada Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hoggaamin doona HirShabelle, halka ku xigeenkiisa loo doortay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa dadaalka lagu bixiyay dhismaha maamulka HirShabelle oo uu ugu horreeyaan safarradi nabadaynta ahaa ee uu Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ugu noqnoqday Magaalo Madaxda Maamulkaas ee Jowhar,” ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga Sheekh Shariif.

Bulshada reer HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa qoraalkan looga dalbaday inay garab istaag u muujiyaan madaxda cusub ee maanta lagu doortay Jowhar.

“Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, Madaxda la doortayna waxaan kula dardaarmaynaa inay u istaagaan Fulinta howlaha bulshadu ka sugayso, sidoo kale Bulshada HirShabelle iyo Dowladda dhexe waxaan ugu baaqaynaa inay u muujiyaan garab istaag iyo wadashaqayn guul horseedda,” ayuu ku sii daray qoraalka Xisbiga Himillo Qaran.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga hambayo ugu diray Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maanta HirShabeelle loo doortay.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)” ayuu yiri.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda cusub “Alle uga baryay inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, isagoo ku baaqay in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.”

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u mucaarada siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, balse waxay doorashada HirShabeelle ka yihiin isku mowqif, sida ku cad qoraaladooda.

Dowrashada maamulka HirShabeelle waxaa aad loogu xaglinayey inay ku socoto hanaan ay ugu talagashay dowladda federaalka, waxaana lasii saadaalinayey in madaxdan ay ku soo bixi doonaan, balse mucaaradka dowladda dhexe kuwooda ugu cad-cad ayaa ku qanacsan sida ay doorashadu u dhacday, dad badan ayaana is weydiinaya sababta.

Fiqi oo sheegay dhinaca ay tahay in Soomaalida ay la jirsadaan dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi sidoo kalana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Tigreygu uu wajahayo ciqaab daran oo lamid ah midii uu hore maamulkaasi ‘xasuuqa iyo barakicinta ugu geystay geeska Afrika, gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya’.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku taageeray howl-galka uu Abiy Axmed kula dagaalayo maamulka Tigreyga, xili saacadihii lasoo dhaafay uu kasii darayay dagaalkaasi, iyada oo laga soo saarayey baaqyo nabadeed.

Waxa uu sheegay in gumaadka ku socda ciidanka iyo madaxda Tigreyga ay bogaadiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadama uu ku dooday in maamulka TPLF uu dambiyo dagaal ka geystay gudaha Soomaaliya sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii.

“Tigreegii (TPLF)  madaafiicdooda iyo gaboodfalkoodu uu kala gaaray geeska Afrika si gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, kana geystay xasuuq aan loo meel-dayin, burburin magaalooyin camiran iyo barakicin malaayiin shacab ah, waxay maantay ku waajahayaan gurigoodii xaalad adag iyo ciqaab-daran oo la mid ah tii ay umadaha kale badeen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu ku yiri “Waxaa ila haboon In dadka Soomaaliyeed ay soo dhoweeyaan hawlgalka ciidan ee lagu baacsanayo madaxdii iyo ciidamada Tigreega (TPLF) ee dambiyada dagaal ka geystay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay si gaar ah sanadihii 2007 & 2008”.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya xili uu xawli kusii socda dagaalka dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga, taasi oo keentay in kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. 

Qiyaastii dad ka badan 2,500 oo Itoobiyan ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda dalkaasi, iyaga oo u tallaabay dalka Sudan.

Waxa kale oo la rumeysan yahay in Boqolaal qof ay ku naf waayeen dagaalkaasi, inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo tirada khasaaraha dagaalkaasi, maadama uu hawada ka maqan yahay isgaarsiinta iyo internet-ka gobolkaasi.

Qarax dhimasho leh oo ka dhacay guriga WASIIR ka tirsan maamulka Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Ksimaayo waxay sheegayaan in qarax khasaare geystay uu ka dhacay guri wasiir ka tirsan Jubaland uu ka degan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Guriga uu qaraxaasi ka dhacay waxaa degan wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi, waxaana lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Qaraxa ayaa ahaa mid guriga lagu sii diyaariyey, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Jubaland, waxaana ka badbaaday wasiir Caydiid oo loo qorsheeyey, sida aan xogta ku helnay.

Illaa seddax askari oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ugu yaraan laba kale, sida ay noo sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Guriga la qarxiyey ee wasiirku deganaa ayaa Kismaayo uga yaalla xaafadda Siinaay, gaar ahaan aagga Laba-suulle, waxaana haatan xaafadaas ka bilaawday baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.