28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mahdi Guled oo u jawaabay Kheyre iyo musharaxiintii go’aanka soo saaray maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeedkii maanta ka soo baxay 12-ka musharax oo sanadkan mid walba uu doonayo inuu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalkii maanta ka soo baxay musharaxiintaas oo ah kuwa ugu saameynta badan mucaaradka ayaa walaac looga muujiyey hanaankii loo soo xulay guddiyadda doorashada iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo.

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa laga dheehan karay qirashada in guddiyada cusub laga soo dhex xulay shaqaalihii xafiisyada dowladda, isagoo tilmaamay in wax farqi ah aysan u dhaxeyn guddiyadii qabtay doorashadii 2016-kii iyo kuwaan.

Mahdi sida uu qabo isku hanaan ayaa loo maray guddiyadii ay magacaawday dowladdii hore ee Xasan Sheekh iyo kuwa ay haatan magacaawday dowladdan Farmaajo.

“Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha.”

Kheyre oo oo ka walaacsan tallaabooyin ay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray qoraal daba socda bayaankii ay ku mideysnaayeen isaga iyo musharaxiin kale oo waaweyn, kaas oo ay walaac uga muujiyeen guddiyada ay dowladdu magacaawday doorashada dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mar kale uu ku celinayo inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka u dhacdo ‘si xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta’.

“Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Waxa uu sheegay inuu cadeynayo in musharaxiintii maanta soo saaray bayaan ka uu ka mid ahaa. Isla markaana ay walaac badan ka qabaan qaabka ay dowladda federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.

“Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan,” ayuu yiri.

Kheyre ayaa sheegay inay sax aheyn in xubno ka tirsan ciidanka ammaanka lagu soo daro guddiyada doorashada dalka, sidoo kalena uu qirayo shaqada adage ee ciidamadu hayaan.

“Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma  aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka,” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ku yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkan ku soo jeediyey talo ah in guddiyada maamulaya doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo hanaan la isla ogolyahay.

“Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

12 musharax madaxweyne oo go’aan culus kasoo saaray ka qeyb-galka doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Murashaxiin 12 ah oo ka tirsan kuwa la filayo doorashada guud ee Soomaaliya ee 2020/2021 ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku hanjabeen in aaney qeyb ka noqon doonin tartanka doorashada ee sanadkaan haddii uu noqdo mid loo qaabeeyey boob ergo, kuraasta iyo ku shubasho doorashada 2020/2021.

Murashaxiinta ayaa ka digay qalqal siyaasadeed iyo mid amni iyaga oo intaa ku daray iney xaqiijiyeen in guddiyada ay doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay musuq maasuqeen xafiiska madaxweynaha, midka ra’isul wasaaraha iyo midka nabad sugidda.

“Murashixiintu waxa ay si qoto dheer isula gorfeeyeen cabsida laga qabo in uu dalku galo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sababi kara burbur ku dhaca saabaanka guud ee dowladnimo hadii aan lagu guuleysan qabshada Doorashada Guud ee dalka 2020/2021 si waafaqsan heshiis siyasadeedkii Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gareen Madaxda Dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uuna meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya bishii Sebteembar 26, 2020 si loo xaqiijiyo hirgelinta iyo maamulka hannaanka iyo habraaca doorasho hufan oo laysla wada oggol yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Musharaxiinta waxa ay sidoo kale sheegeen xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliska NISA.

Sidoo kale musharixiinta ayaa sharci darro  ku tilmaameen magacaabista ra’isul wasaaraha ee guddiga doorashada gobollada waqooyi kaasoo uu weli muran ka taagan yahay.

Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu sharciyad buuxdo u heysto magacaabista Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi, waxayna codsadeyn in loo maro habkii loo maray sanadkii 2016.

“Waxaan cadeyneynaa hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in aynaan marnaba aqbali doonin in aan qeyb ka noqono hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada iyo kuraasta iyo ku shubashada doorashada 2020/2021, waxaana ugu baaqeynaa inta goori goor tahay in si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka,  xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubnaha ku caan baxay taageerada madaxweynaha si loo ilaaliyo madaxbannaanida guddiyada iyo dibu sixida xadgudubyada awoodeed ee la xiriira magacaabista xubnaha doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka musharaxiinta

MOWQIFKA IYO GO’AANKA MURASHAXIINTA MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA EE KA QAYBGALKA DOORASHADA 2020/2021

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha Nofeembar, 2020 ayaan inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021 oo ay magacyadoodu ku saxiixan yihiin xaga hoose ee warqadan, waxaan soo gunaanadnay kulamo aan caadi ahayn oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qabsoomay si fool ka fool ah iyo weliba iyada oo la adeegsanayo aalada casriga ah ee fududeysa qabashada kulamada xubnaha kala fog.

Ka sokow marxalada guud ee dalka ee qalafsan , murashaxiintu waxa ay si gaar ah uga doodeen xaalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku ku jiro maadaama ay mudo aad u kooban ka harsan tahay mudo xileedkii dastuuriga ahaa ee hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta sida uu xeerinayo Qod. 60aad ee Dastuurka KMG.

Murashixiintu waxa ay si qoto dheer isula gorfeeyeen cabsida laga qabo in uu dalku galo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sababi kara burbur ku dhaca saabaanka guud ee dowladnimo hadii aan lagu guuleysan qabshada Doorashada Guud ee dalka 2020/2021 si waafaqsan heshiis siyasadeedkii Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gareen Madaxda Dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uuna meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya bishii Sebteembar 26, 2020 si loo xaqiijiyo hirgelinta iyo maamulka hannaanka iyo habraaca doorasho hufan oo laysla wada oggol yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyey.

Sidoo kale, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay doodwadaag iyo fallanqeyn dheer ka dib si gaar ah u saluugeen gaabiska iyo dibu-dhaca ku yimid qaybihii hore ee jadwalkii loo asteeyey hawlaha doorashada ee ku mudeysnaa ilaa bisha Feberaayo ee sannadka 2021.

Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya – iyaga oo mar kasta tixgelin gaar ah siinaya sarreynta sharciga iyo hufnaanta hannaanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan hannaanka doorashada dadban ee lagu wada heshiiyey, isla markaasna dhowraya sida ku cad Qodobka 60 (1) ee cadaynaya mabaadii’da iyo muddada xilhaynta – waxa ay sida soo socota cadeynayaan mowqifka iyo go’aankooda ku aadan arrimaha soo socda:

i. Hannaanka iyo madaxbannaanida dhismaha xubnaha Guddiyada Doorashooyin labada heer dowladeed ee ilaa iyo hada lagu dhawaaqay.

ii. Cida iska leh awooda dhismaha xubnaha guddiyada doorasho ee maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

iii. Welwelka iyo cabsida xoogan ee la filan karo markii uu dhamaado mudo xileedkii hay’adaha dastuuriga ahaa ee Dowlada Federaalka isla markaasna ay ka dhalato halkaas firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sabab u noqon kara burburka saabaankii dowladnimo ee dalka,

Sidaas darteed, inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna garwaaqsan dadaalladii lagu bixiyay wadatashiyadii lagu gaaray heshiisyadii siyaasadeed ee hanaanka doorashada dadban oo ku salaysnaa heshiis loo wada dhanyahay talada hannaanka doorashada, WAXAAN SI XOOGGAN U DIIDANAHAY:

1. Hannaanka loo maray dhismaha Guddiyada Doorashooyinka labada heer dowladeed ka dib markii aan xaqiijinay in Xafiiska Madaxweynaha, iyo kan Ra’iisal Wasaaraha iyo kan Hoggaanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay musuqmaasuqeen dhismihii guddiyada aan kor ku soo xusnay iyaga oo ka dhigay guddiyadii doorashooyinka ee labada heer dowladeed xubno askar ah oo ka tirsan hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, shaqaalihii maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubno aad loogu yaqaan taageerada madaxweynaha taasina ay si cad u burineyso heshiisyadii siyaasadeedkii wada-ogolka looga gaaray hanaanka doorashada dadban ee 2020/2021.

2. Magacaabista Xukuumadda Federaalka xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal ku metelaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland, waxaana caddeyneynaa in marna aysan sharciyad haba yaraatee u haysan Xukuumadda Federaalka ama xubin ka tirsan Xukuumadda ay kaalin ku yeelato magacaabista xubnaha guddiyada doorashada ee kuraasta Somaliland.

Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa – iyaga oo ilaaliyo nidaamka metelaadda siyaasadeed ee Dalka, isu-dheellitirnaanta iyo madaxbannaanida guddiyada doorashada – ay cadaynayaan, si la mid ah sidii lagu maareeyey magacaabista xubnaha guddiyada doorashada kuraasta Somaliland 2016,  in waqtigan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi hadana ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya Dalka isla markaasna ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal. Waxaan sidoo kale cadeyneynaa in aan aqoonsanahay oo kaliya xubnaha uu Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo magacaabo maareynta doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Si la mid ah, waxaan cadeyneynaa hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in aynaan marnaba aqbali doonin in aan qeyb ka noqono hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada iyo kuraasta iyo ku shubashada doorashada 2020/2021, waxaana ugu baaqeynaa inta goori goor tahay in si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka,  xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubnaha ku caan baxay taageerada madaxweynaha si loo ilaaliyo madaxbannaanida guddiyada iyo dibu sixida xadgudubyada awoodeed ee la xiriira magacaabista xubnaha doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Ugu dambeyntii, hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021, waxaan si mas’uuliyadi ku jirto uga digeynaa qalqal siyaasadeed iyo mid amni oo ku yimaada heshiiskii siyasadeedkii ee Nidaamka Doorashada Dadban iyo dibu-dhac ku yimaado qabsoomidii doorashada guud ee 2020/2021, hadaba hadii ay taasi dhacdana waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo keliya madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” isaga oo si ula kac ah u abuuray firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.

Tixda Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya

1. Madaxweynihii 7aad, Mudane Shariif Sheekh Axmad
2. Madaxweynihii 8aad, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
3. Ra’iisal Wasaare Hore, Mudane Xasan Cali Kheyre
4. Madaxweyne Hore ee DGKG, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan
5. Madaxweyne Hore ee DG Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed
6. Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)
7. Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali
8. Danjire Dahir Maxamuud Geele
9. Wasiir Hore, Mudane Cabdraxmaan Cabdishakuur
10. Mudane Cabdinasir Cabdulle Maxamed
11. Xil. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
12. Mudane Mohamed Cabdiraxman (Siiriin)

= DHAMMAAD

 

Mas’uuliyiinta Tigray-ga oo shaaciyey in ciidanka Eritrea ay kusoo biireen dagaalka

0

Mekelle (Caasimada Online) – Madaxweynaha gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay ciidamo kasoo gudbisay xuduudda kuwaasi oo weerar ku qaaday ciidamo deegaanka ah, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya gobolkiisa iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

“Tan iyo shalay ciidamada hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki waxay kasoo gudbeen xuduudda dalka, waxayna qabsadeen dhulkeeena,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael.

“Waxay naga soo weerarayaan dhanka Humera ayaga oo adeegsanaya hub culus,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael, hase yeeshee sooma bandhigi wax caddeymo ah oo muujinaya in ciidamada Eritrea ay dagaalka soo galeen.

Dhinaca kale dowladda Eritrea ayaa beenisay inay ciidankeeda kusoo biireen dagaalka, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda federaalka Ethiopia.

“Kan waa dagaal gudaha ah, qeybna kama nihin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadallo nabadeed iyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka.

“Guddoomiyaha ururka Moussa Faki Mahamat waxa uu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ilaaliyaan xuququda aadanaha, islamarkaana xaqiijiyaan bad-baadada shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ururka.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aan la joojin doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka xsibiga xukuma gobolka Tigray-ga ee TPLF.

Wafdigii Kenya ee Muqdisho tegay oo war kasoo saaray kulamadii ay la yeesheen DF

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay kulamadii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray wafdigii ka socday xukuumadeeda iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa meesha ka saaray in ajendaha u weyn ee kulankii Muqdisho uusan aheyn midka qaadka, oo ay xayiraad saarneyd muddooyinkii dambe.

Machari ayaa sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa mid ku qotomay xoojinta xiriirka labada dal, taasi oo qeyb ka tahay isku socodka dadka, oo muddo badan ay labada dowladooda ay ka wada-hadleen, sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale xusay in arrinta qaadka iyo dhibaatooyinka ay u geysatay beeraleyda Kenya uu isagu kusoo hadal qaaday kulankaasi, balse uu aheyn ajendaha rasmiga ah ee isku keentay mas’uuliyiinta labada dhinac.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in gundhiga kulankaasi uu ahaa sidii loogu fudeydin lahaa dadka Soomaalida dal ku galka Kenya, oo muddooyinkii dambe ay si weyn u adkeysay xukuumada Nairobi.

“Maya si gaar ah ugama annu wada hadal arrintaasi, balse aniga uun baa u sheegay dhibaatada ay arrintaasi ku hayso beeralayda Kenya” ayuu yiri Xoghayahe Macharia Kamau

Si kastaba, Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay in xal ka geli doonto arrinta xayiraada qaadka, iyada beeraleydeedana u sheegtay in dowladda dhigeeda ah ee Soomaaliya la furi doonta wada-hadalo looga hadlayo.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa Maalin walba khasaara lacag dhan Shan bilyan oo lacagta Kenyan ah, midaasi oo horseed u noqon karta gebi ahaanba inay joojiyaan ka ganacsiga qaadka, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka hore ugu dartay xayiraado la soo rogay oo la xiriirtay cudurka Coronavirus, inkasta oo xayiradahaasi la wada qaaday, haddana waxba iskama badalin xayiradii hore u saarneyd qaadka laga keeni jiray Kenya.

Xiisada Kenya iyo Soomaaliya ayaa mad-madow badan gelisay xiriirka labada dhinac, inkasta oo maalmihii u dambeeyay u muuqday xiriirkaasi mid soo hagaagaya, maadama labada dhinac ay bilaabeen wada-hadalo hordhac ah.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka gobolka Tigray-ga oo guul laga sheegtay

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in militariga ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo 60 km u jira magaalada Humera ee ku taalla gobolka Tigray kuna teedsan xuduudda dalalka Eritrea iyo Sudan.

Warbaahinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada ay askar ay sheegeen inay yihiin Tigray oo usoo soo dhiibay ciidamada dowladda.

Hase yeeshee wakaaladda wararka Tigray-ga ayaa sheegtay in taasi aysan waxba ka jirin, oo ay qeyb ka tahay dacaayadda ay faafinayaan Abiy Ahmed iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in 20 askari iyo shacab Ethiopian ah ay u tallaabeen xuduudda Sudan.

Dagaalka ayaa xooggiisa ka socda galbeedka gobolka Tigray, meel u dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay hawlgalka Militari oo ay xukuumadda sameyneyso wuxuuna soo jeediyay iney wadi doonaan inta hub ka dhigis lagu sameynaayo kooxaha hubeysan.

“Kaddib marka hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo,” ayuu yiri Abiy Axmed

Dhanka kale Aqalka cad ee mareykanka ayaa laga soo hadal qaaday xiisadda ka socota dalka Itoobiya iyadoo Elizabeth warren ay aaminsan tahay in gobolka Tigray aan la gaarsiin karin kaalmo beni’aadanimo.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay dagaalladda halkaas ka socda kuwaas oo laga yaabo iney ku barakacaan dad ku dhaw 10 Malyan oo qofood, sidoo kalana aad looga deyrinayo xaaladooda maadaama aan gar-gaar la gaarsiin karin.

Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah iyo sarkaakiil oo lagu qabtay Gaakacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey waqooyiga Gaalkacyo ayaa qabtay shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah, taas oo dilal iyo qaraxyo ka fulin jirtay magaaladasi.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo ay ku jiraan labo sarkaal oo sar sare, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Puntland.

Ragga la soo qabtay oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka iyo weerarka gobolka Mudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha la soo qabtay oo la wareystay ayaa qirtay in howl-galkan ay wadeen tan iyo 2018-kii, islamarkaana ay fuliyeen qaraxyo iyo dilal intaba.

Puntland ayaa saraakiil u hadashay waxa ay sheegeen inay dib ka shaacin doonaan  magacyada xubnaha la qabtay, gaar ahaan marka la soo gaba-gabeeyo baaritaanka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, iyaga oo xusay inay heleen macluumaadka iyo xogta ku aadan ragga la soo qabtay.

Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weerarada iyo qaraxyada ka fuliyaan kooxaha Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano hoostaga maamulka Puntland.

Al-Shabaab oo billaabay inay u iib keenaan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen xoolaha baadda ah ee dadka laga qaato islamarkaana loo iib keeno magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waa weyn oo ay ka taliyaan dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Xubnaha amaanka ee aan la hadalnay ayaa sheegay in xoolo isugu jira Ari badan oo kumanaan ah, lo’ iyo geel ay Al-Shabaab usoo iib keenaan Muqdisho iyo magaalooyin kale. Xoolahaas ayaa si baad ah balse lagu sheegay Zakawaad waxaa looga qaadaa dadka ku nool goballada ay joogaan Al-Shabaab.

“Shaqsiyaad Al-Shabaab ah ama ganacsato iyo dalaaliin xiriir laleh, ayey usoo dhibaan xoolaha ay dadka ka qaataan waxaana lagu iibiyaa Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Afgooye iyo magaalooyin kale,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online islamarkaana aan qarinay magaciisa.

“Waqtiyo kala duwan ayaa sheegnay waxaana qabnaa in wax laga qaban doono, aniga hadda kuma dhahaayo waa kuwaan ama waa hebal iyo hebal, balse waa arin la hubo oo jirta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dhowaan ayaa machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho sheegay in Warbixin ay sameeyeen ku ogaadeen in Al-Shabaab ay soo galaan malaayiin lacag ah islamarkaana ay canshuurta ugu badan ka qaadaan goobaha ganacsiga iyo dhismooyinka Muqdisho.

Xog: Cali Guudlaawe oo loo helay musharax la tartama

Jowhar (Caasimada Online) – Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ayaa si rasmi ah loo soo xiray shalay.

Ilaa hadda laba Musharax ayaa loo diiwaan geliyay tartanka Madaxweynaha waxeyna kala yihiin Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo hadda ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee waqtiga ka dhamaaday.

Aqoon dheer looma lahan Musharaxaan kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jimcaale oo ka soo jeeda magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxeynu wararku sheegayaan in loo keenay in uu camiro ama tartan la ogyahay natiijadiisa la galo Cali Guudlaawe.

Guudlaawe oo ay aad isugu dhow yihiin Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxweynaha xiga ee HirShabeelle.

Tartanka Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale loo diiwaan geliyay laba xubnood oo kala ah Maxamed Dheere oo ka tirsan Xukuumadii HirShabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ah guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Maanta ayaa la filayaa in Musharaxiinta Khudbadahooda jeediyaan iyadoo ugu dambeyna Arbacada ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

DF Soomaaliya oo saraakiil ciidan u dirtay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beeryare) ayaa shalay galab gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka Danab ee ka howlgala gobollada Jubbaland.

Taliyaha ururka 5-aad ee ciidanka Danab Carab Dheeg Axmed ayaa ka mid ahaa saraakiishii Kismaayo ku soo dhaweysay Taliyaha guud ee Danab iyo wafdiga la socday.

Ujeedka safarka Taliyaha Danab ee deegaanada Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kormeer iyo dhiira-gelin loogu sameynayo ciidamada Danab ee ka howlgala gobollada Jubooyinka ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa kormeeray saldhigyada Danab ee magaalada Kismaayo, isagoo khudbado dhiira-gelin ah u jeediyey ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 5-aad ee ka howlgala Jubbaland.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu gaaro deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku suganyihiin qeybo ka tirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Waa markii ugu horeysay ee Taliye Beeryare uu gaaro deegaanada Jubbaland tan  iyo markii loo magacabay xilka Taliyaha guud ee Danab.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ururkooda 5-aad ayaa badanaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo meelo badan ay uga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

ABGAAL xal ma u waayeen gumaadka socda ee u horseedaya sumcad dilka?

Sanadkaan 2020-ka oo kaliya gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka dhacay afar kiis oo dil ah oo aad u xanuun badan islamarkaana quluubta shacabka Soomaaliyeed ku reebay murugo badan oo ma-hadho ah.

Falkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay degaanka Golaleey oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe, kadib markii lagu dilay 8 dhaqtar oo ku sugnaa xarun hooyada iyo dhallaanka ah oo ku taala degaankaas.

Maalmo qeylo dhaan ah iyo hadal heyn badan kadib, waxaa loo saaray guddi, iyadoo ugu dambeynna ay ku dhamaatay Afdaboolan DAHAB ama aamusanaan. Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in si hoose oo qabiilaysan loo xaliyay.

Maalmo kadib, degaan ku yaallo dhulka xeebta ah ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay nin waayeel ah oo jira 95 sano, waxaana loo dilay aano qabiil, taas isla maalmo kadib sababtay dil kale oo aargudasho ah.

Falkii 3-aad oo kamid kuwii ugu xanuunka badnaa ayaa ka dhacay degmada Raage-ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uuna ahaa dil wadareedkii loo geestay 7 Macalim oo u fadhiyay SUBAC. Arrintaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaan badan waxaana ilaa hadda xiran odayaal dhaqan oo ku eedeysan ku lug lahaanshiyaha falkaas ama abaabulkiisa.

Kii ugu dambeeyay ayaa habeen hore ka dhacay degaan 10 KM u jira degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellada Dhexe waxaana xasuuq argagax leh loo geestay Hooyo umul ah, canugii ay dhashay oo maalmo jira iyo wiil 3 sano jir ah oo ay dhashay hooyada.

Arimahaan oo dhan ayaa ah falal salka ku haayo aanooyin qabiil ilaa hadana ma jirto cid wax ka qabatay, iyadoo lagu eedeeyay maamulkii gobalka kan dowlad gobaleedka iyo dowladda dhexe in ay ka gaabiyeen dhibaatooyinkaan.

Sidoo kale, Beesha Abgaal oo dhammaan dadka is-dilaya ay ka dhasheen, oo leh siyaasiyiin, mas’uuliyiin dowaldeed, aqoonyahano, culimo iyo waxgarad kale maxay arrimahan si dhab ah ugu raadin la’dahay xal waara?

Falalkan waxay dhaawac xooggan ku yihiin magaca iyo sumcadda beeshan oo Soomaali oo idil isku raacsan tahay inay tahay beel nabadda jecel, soo dhoweyn iyo qadarin leh marka ay noqoto sida ay dadka kasoo jeeda qabaa’illada kale ula macaamilaan dadkeeda.

Sawirro: UK oo ballan qaad culus u sameysay K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maamulka Koonfur Galbeed u ballan qaaday taageero ku aadan sidii la’isugu furi lahaa waddada isku xirta Muqdisho & Baydhabo.

Kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Baydhabo, islamarkaana ay ka qeyb-galeen saraakiil ka kala socotay qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, daraawiishta K/ Galbeed, wasiirada arrimaha gudaha maamulkaasi iyo xubno ka socday safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka.

Ugu horreyn kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii la’isugu furi lahaa deegaanada go’doonsan iyo jidadka ay jareen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu dhowaaqi doono howl-galladaasi oo ay muhiimadoodu tahay, sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay go’doomiyeen.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda UK ay ballan qaaday inay ka gacan siin doonto sidii Al-Shabaab looga saari halkaasi.

“Safaaradda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Arrimaha Koofur Galbeed ka gacansiineysa bixinta waxyaaha lagu suuragelin karo xasiloonida, halka Ciidamada qaybta 60-aad ee Xoogga dalka ay mas’uuliyad iska saareen sugidda amniga, qorshaha socda waa in Daynuunay & Baydhabo nabad la isaga kala gudbo, waxaana xiga Muqdisho & Baydhabo,” ayuu yiri wasiir Maxamed Abuukar Cabdi.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyaga oo ka fuliyo qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Jubaland oo dad u soo qab-qabatay weerarkii Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ciidamada Jubbaland ay xalay ka sameeyeen gudaha Kismaayo, kadib markii weerar loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka dagan yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamukaasi, Cabdi Baaley.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo ka mid ah ehellada guddoomiyaha oo isagu guriga ka maqnaa marka uu dhacayey weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo sameeyey baaritaano kooban, iyada oo gacanta ku dhigay shaqsiyaad u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo inay fuliyeen weerarkaasi.

Shaqsiyaadka gacanta lagu dhigay ayaa isugu jira kuwo qaarkood socday oo howl-galka la kulmay iyo kuwo loogu tegay goobo ay ku caweynayeen.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland weli wax faah faahin ah kama bixin howl-galkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Magaallo xeebeedka Kismaayo waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo badi ay sheegteen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Maxey tahay sababta ay SACUUDIGA u daahiyeen hambalyada JOE BIDEN?

0

Riyadh (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxey ku qaadatay iney u hambalyeyso madaxweynaha dooran ee dalka Mareykanka Joe Biden 24-saacadood iyadoo dowladaha Caalamka ee xiriirka la leh Mareykanka ay la dhaqsadeen.

Inkastoo ay dhambaal direen hadana wuxuu ahaa mid aysan ka muuqan taageero weyn, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaana dhawr nuuc u rog-rogay sababta rasmiga ah ee arrinkaas ka damabeysa.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa xiriir dhaw la leh Donald Trump, sidaas darteed wey ku adkaatay ayaa la leeyahay inuu dhaqso ugu hambalyeeyo Joe Biden oo guulo waaweyn gaaray, sidoo kale madaxweynaha la filayo inuu afarta sano ee soo aadan hogaamiyo Mareykanka wuxuu sameeyay ballan qaadyo ka dhan ah boqortooyada Sacuudiga.

Waxyaabaha uu ballan qaaday Joe Biden waxaa ka mid ah inuu ku laaban doono heshiiskii hubka Nuclear-ka ee dowladda Islaamiga IRAN, iney wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka beni’aadanimo oo ay geystaan Sacuudiga iyadoo si gaar ah loo soo hadal qaaday dilkii Jamaal Kashoggi.

Sidoo kale Joe Biden wuxuu ka fiirsan doonaa taageerada ay Mareykanka ka siinayaan dhigooda Sacuudiga dagaalka ka socda Yemen, waxyaabahaas ayaa ugu waaweyn sababta uu Maxamed Bin Salmaan u daahiyay fariintiisa hambalyada ee ku aadan Biden.

Warbaahinta waxey aad u hadal qaadeen dhabar jabka ku yimid xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib doorashada Joe Biden, waxaana durba lasoo qoray hadalo lagu muujinayo sida ay u daran tahay dharbaaxada ku dhacday boqoortoyada.

Warbaahinta Caalamka waxey qirayaan in si diblomaasinimo ah ay Sacuudiga u doonayaan iney sii ilaaliyaan cilaaqaadka ay la leeyahiin Mareykanka, balse cidna ma fileyso iney ka heli doonaan Joe Biden wixii ay ka heli jireen Donald Trump.

Inkastoo ganacsiga labada wadan uu meelo muhiim ah isaga tiirsan yahay, hadana qof walba wuxuu sugayaa sida xiriirka labada dal uu usoo shaac baxo, balse cidna ma fileyso in Sacuudiga ku raaxeysanayaan natiijada doorashadii lagu doortay Joe Biden.

Musharax Cali Guudlaawe oo sagaal arrin ballan-qaaday

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe Khudbado ka jeediyay Musharaxiinta afarta ah ee u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Dad badan oo sugayay Khubadaha Musharaxiinta ayaa sheegay in musharaxiinta ay jeediyeen khudbado ku qotama xaaladda degaanka, waxaana ugu balanqaad badnaa Cali Guudlaawe oo balan qaadyadiisa ku saleeyay dhibaatooyinka HirShabeelle.

Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono 9 qodob, haddii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle waxaana qodobadaas ay kala yihiin.

1) Dib u heshiisiin, Waxqabadkiisa 1-aad ayuu Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ku sheegay inuu yahay dib u heshiisiin iyo inuu dhameyn doono dhamaan tabashooyinka laga qabo dhismaha HirShabeelle. Si gaar ah waxa uu dul istaagay colaad beeleedyada iyo is faham waaga siyaasadeed isagoo sheegay inuu dib u heshiisiintu kala qaadi doono mid bulsho iyo mid siyaasadeed.

2) Amaanka, Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono amaan darida ka jirto guud ahaan HirShabeelle, kuwaas oo ka dhashay colaad beelaha, qatarta Al-shabaab iyo maleeshiyaadka degaanka. Amni la’aantu ayuu sheegay in ay sababtay in waxbadan oo la qaban lahaa suurta geli waayeen.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne ayaa sheegay inuu kordhin doono ciidanka booliska HirShabeelle oo hadda gaaraya 60 oo Askari. Sidoo kale waxa uu balan qaaday inuu isu furi doono degmooyinka go’doonka ah ee labada gobal.

3) Garsoorka, Madaxweyni ku xigeenkii hore ee HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in garsoorka waxbadan ka qaban doono hadii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle afarta sano ee soo socoto. Garsoorka ayuu sheegay inuu u xulan doono dad aqoon u leh maadaama uu ku xiran yahay amniga iyo daganaanshaha maamulka.

4) Kobaca dhaqaalaha, Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa sheegay inuu hormarin doono dhaqalaaha HirShabeelle islamarkaana sameen doono shaqo abuur si dhalinyarada uga baxaan daruufaha shaqa la’aanta ah eek u gudban. Dhaqaala la’aantu ayuu sheegay in ay qeyb weyn ka geysan karto amni darrada iyo dhibaatooyinka maamulka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jidadka muhiimka ah dhisi doono maadaama uu ka jiro bur bur badan, isagoo tusaale usoo qaatay wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo wadooyin kale. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu dhisi doono garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beladweyne

5) Mideynta Canshuuraha, Musharax Guudlaawe ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta Canshuuraha HirShabeelle, isagoo sheegay in lagu guul dareestay afartii sano ee la soo dhaafay mideynta Canshuuraha. Waxa uu sheegay inuu sameyn doono Akoon mideysan oo lagu soo shubo canshuuraha HirShabeelle si degaanka wax loogu qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu maalgashi dibada iyo gudaha ah u raadin doono HirShabeelle. Maalqabeenada degaanka ayuu sheegay inuu keeni doono HirShabeelle si ay u maalgashadaan.

6) Dhiiri-gelinta Kaluumeysiga iyo Tacabka Beeraha, Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu dhiiri gelin doono wax-soosaarka HirShabeelle, gaar ahaan Kaluumeysiga iyo beeraha. Waxa uu sheegay in la taageeri doono beeralayda iyo kaluumeysiga si ay hormarin ugu sameeyaan wax soo saarkooda.

7) Musuq Maasuq, Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Musuq Maasuqa la dagay HirShabeelle. Waxa uu sheegay inuu sameen doono isbadal weyn oo dhab ah si loo dhameeyo musuqa oo saameen weyn ku yeeshay degaanka iyo dowladda HirShabeelle.

8) Arimaha Bulshada, Mr Guudlaawe oo ah Musharax Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in haddii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle uu wax ka qaban doono tayo xumida heysata goobaha caafimaadka ee HirShabeelle islamarkaana uu dhisi doono Isbitaalo oo weyn oo tayo leh.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu hormarin doono arimaha hormarinta. Waxa uu sheegay inuu dhisi doono garoomo kubadda Cagta lagu ciyaari si uu u kordho isdhaxgalka Bulshada.

9) Xal u helida fatahaadaha, Musharaxaan Madaxweyne ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Fatahaadaha wabiga Shabeelle oo dhibaatooyin badan u geestay HirShabeelle isagoo balan qaaday inuu dhisi doono biyo xireeno ama difaacyo hor istaaga fatahaada wabiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si deg deg ah u sameen doono Warbaahin ka kooban Radio iyo Telefishin oo maamulku leeyahay, kaas oo aan lagu guuleysan in la dhiso sanadihii la soo dhaafay.

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Sinna-Dhaqo.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo halkaasi ka soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta ay waxyeelado ka soo gaartay qaraxaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa duleedka Dhuusamareeb ka jiray dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ku soo qaada caasimada maamulkaasi.

Saameynta uu Joe Biden ku yeelan karo dunida Islaamka

0

Guud-mar

Joseph Biden ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalka mareykanka asagoo guul taariikhi ah kagaaray madaxweyne Donald Trump oo ay siweyn u loolameen. Biden waa rug-cadaa kusoo gaamuray siyaasadda dalka Mareykanka, asagoo xilka aqalka sare ee senatorka dalkaas kumatalay deegaanka uu kasoo jeedo ee Delaware lagasoo bilaabo sannadkii 1972-2009-kii, markaas oo loo doortay xilka madaxweyne kuxigeenka dalkaas.

Biden oo taqasus-kiisa waxabarasho uu yahay sharciga, ayaa mudadii uu ahaa mudane katirsan aqalka sare lagu bartay codkarnimo iyo inuu heli ogyahay doodaha kalfadhiyada, asagoo meel adag ka istaagay dagaaladii Mareykanku kawaday Vietnam taageerayna in lagasoo saaro ciidamada Mareykanka dalkaas, sidookale waxuu ahaa gayfane u ololeeya xaquuqda aadanaha, helida adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah,  dhowrista deegaanka iyo qaadista canshuur loo siman yahay oo laga qaado dadka tujaarta ah iyo saboolkaba.

Biden ayaa dhanka kale xiligii uu kamid ahaa gudiga siyaasada arrimaha dibeda ee aqalka sare aad ugasoo horjeeday dowladii midab takoorka ee ka arriminaysay dalka South Afrika, asagoo aad u dhaliili jiray siyaasada arrimaha dibeda Mareykan ee kuwajahan S/Afrika. Biden ayaa sidookale markii hore aad u taageeray qorshihii lagu weeraray Iraq ee meesha looga saaray Saddam Hussein balse markii danbe ku sifeeyay qalad weyn oo lagu dhacay.

Kahor inta uusan kuguulaysan ololaha doorasho ee xilka madaxweynimo 7-dii November 2020-ka, Biden waxuu xilka madaxweynenimo iskusoo sharaxay sannadadii 1987-dii balse ololihiisa ma noqon mid najaxa, markale 2008-dii waxuu iskusoo sharaxay doorashada xisbigiisa markan wuu awoodi waayey inuu u babac-dhigo ololihii musharaxiintii kula loolamayey xisbigiisa ee Barack Obama iyo Hilary Clinton sidaasna ugu hungoobay mar labaad hankiisii. Kadib 8 sanno oo uu ahaa madaxweyne kuxigeen iyo 4 sanno oo diyaar garoow xoogan ah, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga dimoquraadiga ayaa gartay inuu Biden yahay musharaxa ugu mudan ee la tartami kara meeshana kasaari kara madaxweyne Trump, taasoo olole xoogan oo lagusoo jiitay mujtamaca kala diimaha, isirka iyo rabitaanka duwan ee Mareykanka kadib miro-dhalay kana dhigay madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka.

Doorkii maamulkii Obama iyo Biden ee dunida islaamka

Maamulkii madaxweyne Obama oo uu Biden qeybta ka ahaa ayaa dunida Islaamka la lahaa xiriir isku dhafan oo dhinac ka wanaagsan marka la barabar dhigo maamulka Trump dhinacna aysan ka marnayn dhibaato uu kageystay dunida Islaamka gaar ahaan duqeymihii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka geysteen dalalka Soomaaliya, Yemen, Pakistan iyo Afghanistan kuwaa oo lagu dilay shacab kumanaan ah sida lagu sheegay warbixino ay soo saareen hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka. Doorkii Mareykanku kulahaa kicinta iyo taageerida kacdoonkii ka curtay wadamada Carabta iyo duqeymihii huwanaa magaca NATO ee lagu qaarajiyey Qaddafi ayaanan sidookale lagu eed-tirin maamulkii Obama iyo Biden.

Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?

Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca aduunka jira hadii ay tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo aragnimo ka helay mudadii uu katirsanaa maamulka Obama.

Xiligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhamaantood ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la,aaneed, faquuq, xayiraad safar iyo isir naceyb ee kudhashay ama sii xoogeystay mudadii uu Trump xilka hayey. Biden ayaa marar badan u balan qaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd 7 dal oo Islaam ah taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horeysa ee uu xilka la wareego. Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasada ay u laheyd inay mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha kasaaraan Trump.

Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden hordhigay codsi ka balaaran mida xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen waxka qabashada faquuqa iyo naceybka diinta, laalida barnaamijka kahortaga rabshadaha iyo argagixisada oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah, kaqeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga hogaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaradii Mareykanka ee loo raray Qudus dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv.  Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badan saameeyn kuleh inaysan musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb kafuliyo qeybo badana iska indhatiro.

Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan midii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta. Biden inuu qaato go,aanka ah in Iran laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo catoow badan oo uga imaada saaxiibada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.

Marka loo imaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo inuu soo nooleeyo wadahadaladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabikaro inay miro dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka kuhaya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.

Sidookale Biden kuma dhiiran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac kadhiganaya ga,aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyadeeda lahaayeen maamulka ka horeeyey. Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku dhiiran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta galbeed ee Falastiin iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono.

Marka loo imaado qilaafka kadhex-aloosan wadamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hogaaminaya dowlada ugu awooda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanku kaleeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu hada xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha hubka iibiya. Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo daliil-sanaya gabood faladii bini,aadannimo ee kadhacay dalkaas, taasna ay horseedo in dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada iskuhaya siyaasada Yemen.

Marka loo imaado arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii October ee sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono Mareykanka. Go,aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso xiliga lagusoo beegay oo aheyd xili doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go,aan qaran. Inkasta oo hadalka iyo go,aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, hadana askarta Mareykanka ee jooga dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxada Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Africa gaar ahaan wadamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso. Hadaba, Biden oo taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka fuliyaan wadamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay inuu sii xoojin doono howl-galka ciidamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowlada kusoo baxda doorashada  Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.

Gunaanad

Biden sida uu kusheegay qudbadiisii aadka loowada sugaayey, ahmiyada koowaad ee maamulkiisa xiligan ayaa ah ladagaalanka xanuunka COVID-19 oo saameyn xoogan kuyeeshay shaqada, dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka shacabka Mareykanka. Waxaa kale oo looga fadhiyaa inuu xal u helo dhibaatooyinka faquuq, shaqo la,aanta iyo beegsi ee lagu hayo dadka madoowga ah iyo soo galootiga, kuwaasoo uu balan qaad badan u sameeyey xiligii ololihiisa. Iskusoo dumida wakiilada lasoo doortay iyo taageerayaasha xisbiyada jamhuuriga iyo Dimuquraadiga oo aan qudheeda aheyn howl-yar ayaa xusid mudan.

Marka laga tago xal u helida arrimaha Mareykanka dhexdiisa kajira, waxaa looga fadhiyaa inuu soo nooleeyo xiriirkii iyo wadashaqeyntii hakadka gashay ee kala dhexeeyay saaxiibada soojireenka Mareykanka ee reer Yurub. Waxaan meesha ka maqnayn yag-leelida xiriir isku dheelitiran oo dhexmara Mareykanka iyo China. Macaamilka dowladaha China iyo Mareykanka ayaa aad u xumaaday waqtigii maamulka Trump taasoo horseeday inay labadhinac galaan dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo u badan canshuurta dulsaarta ah. China madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada Mareykanka waxay hordhigtaa hal su;aal oo soojireen ah taasoo ah: China hal ah ama China laba ah oo lagala jeedo aragtida madaxweynaha ladoortay ee gobolka Taiwan, jawaabtaas ayaana go,aamisa xiriirka mustaqbal ee labada wadan. Dowlada China wali uma aysan hambalyeyn Biden ayagoo marka hore miisaan saaraya aragtidiisa kuwajahan China.

Biden waxaa horyaala shaqo kale oo culus oo ah inuu Mareykanka dib ugu celiyo heshiisyo, ururo iyo hay’addo farabadan oo uu maamulkii Trump go,aamiyey inay iskaga kabaxaan, kuwaa oo ay kamid yihiin hay’adaha UNESCO iyo UNHRC oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, heshiiskii cimilada ee Paris Climate Agreement oo maamulkii Obama taageero weyn u ahaa, ururka muhaajiriinta ee Global Compact for Migration iyo ururka kale ee Trans-pacific Partnership oo ahaa urur macaamil ganacsi oo kulmin jiray Mareykanka, wadamada pacific-ga iyo kuwa Asia.

Hadaba, marka la isku wadageeyo dhamaan howlaha culus ee looga fadhiyo Biden oo ay ugu horeyaan kuwa kajira gudaha Mareykan, boor kajafida xiriirka wadamada Yurub iyo China, ku laabashada heshiisyadii, ururadii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Mareykanku kabaxay xiligii Trump, ma muuqato raja badan oo ah inuu Biden wax weyn kabadali doono xaaladaha kajira dunida Islaamka.

Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: [email protected] ama Facebook: Xamdi Wardheere

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ciidanka Japan ee ka howl-gala Soomaaliya oo muddo kordhin horleh loo sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Japan ayaa muddo hal sano ku kordhiyey howl-galka ciidamada dalkaasi ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Japan ee Howl-galka la dagaalanka burcad-badeeda ayaa loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Soomaaliya, si u sii wadaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Sidoo kale golaha wasiirada Japan ayaa ku boorriyey ciidamada Badda inay sii laba jibaaraan howl-galladooda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee NHK.

Ujeedkan howl-galkan ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta isticmaasha biyaha caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan burcad-badeeda.

Ciidamada Badda ee dowladda Japan oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado dagaal ayaa howl-galkan soo bilaabay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Si kastaba weerarada kooxaha burcadb-badeeda ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday, inkasto weli ay cabsi ka taagan tahay marinka biyaha Soomaaliya.

Ammaanka Jowhar oo la adkeeyey iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar oo ay beri Arbaco ah ka dhaceyso doorashada madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa lagu soo warramayaa in lagu daadiyey waddooyinka magaalada, kuwaas oo baaraya gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ka wada xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maraya heer gaba-gabo ah, iyada oo haatan ay socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Illaa afar musharrax ayaa isku soo taagay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah:-

1-Masharrax Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore oo haatan u taagan xilka madaxweynaha

2-Musharrax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo isna u sharraxan xilka madaxweynaga HirShabelle.

3-Musharrax Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo u tartamayo xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

4-Musharrax Maxamed Maxamuud Cabdulle oo isna u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

Si kastaba xilka madaxweynaha ee 4 sano ee soo socota ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo Cali Guudlaawe, halka ku xigeenkiisa loo badinayo Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo jawaab kasoo saaray warar la xiriira dagaalka gobolka Tigrayga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka Tigreyga, kaasi oo maalmihii u dambeeyay laga muujinayey walaac xoogan oo Itoobiya lugaha u galin kara dagaal sokeeye.

Abiy ayaa qoraal uu soo saaray maanta waxa uu meesha uga saaray walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho dagaal sokeeye, isagoona arrinkaasi ku tilmaamay mid ‘xaqiiqo aan ku fadhin’.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka gobolka Tigreyga laga leeyahay sidii ay dowladda federaalka cadaalada u horgeyn laheyd qolo uu ku sheegay ‘qas-wadayaal’, isla markaana ay ku soo celinayaan nidaamka sharciga ah si ay dadka nabad ugu noolaadaan.

Waxaa lagu xusay qoraalkaasi in dowladda federaalka Itoobiya ay abaal u heyso saxiibadeeda walaaca ka muujiyey xaalada Itoobiya iyo wel-welkooda ku aadan in dalka Itoobiya uu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Qoraalka Abiy ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay dal u madax-banaan meel-marinta nidaamka sharciga, isla markaana ay awood u leedahay maareeynta arrimaheeda gudaha.

“Howl-galka ciidanka Itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega waa mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadan, cadaaladana ay u wajahaan qas-wadayaasha” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in dhawaan uu soo afmeeri doono howl-galka ay dowladda federaalka ka bilowday gobolka Tigreyga, xili madaxweynaha maamulkaasi uu maanta ku baaqay xabad joojin iyo in wada-hadal laga galo xiisada labada dhinac ee isku rogtay dagaalka.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa weli kusii adkeysaneysa in dagaalka ay ku qaaday Tigreyga uu yahay mid loo baahna, maadama ay ku doodeyso inay dib ugu soo celinayso kala dambeynta  iyo meel marinta nidaamka sharciga.