25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Saameynta uu Joe Biden ku yeelan karo dunida Islaamka

0

Guud-mar

Joseph Biden ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalka mareykanka asagoo guul taariikhi ah kagaaray madaxweyne Donald Trump oo ay siweyn u loolameen. Biden waa rug-cadaa kusoo gaamuray siyaasadda dalka Mareykanka, asagoo xilka aqalka sare ee senatorka dalkaas kumatalay deegaanka uu kasoo jeedo ee Delaware lagasoo bilaabo sannadkii 1972-2009-kii, markaas oo loo doortay xilka madaxweyne kuxigeenka dalkaas.

Biden oo taqasus-kiisa waxabarasho uu yahay sharciga, ayaa mudadii uu ahaa mudane katirsan aqalka sare lagu bartay codkarnimo iyo inuu heli ogyahay doodaha kalfadhiyada, asagoo meel adag ka istaagay dagaaladii Mareykanku kawaday Vietnam taageerayna in lagasoo saaro ciidamada Mareykanka dalkaas, sidookale waxuu ahaa gayfane u ololeeya xaquuqda aadanaha, helida adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah,  dhowrista deegaanka iyo qaadista canshuur loo siman yahay oo laga qaado dadka tujaarta ah iyo saboolkaba.

Biden ayaa dhanka kale xiligii uu kamid ahaa gudiga siyaasada arrimaha dibeda ee aqalka sare aad ugasoo horjeeday dowladii midab takoorka ee ka arriminaysay dalka South Afrika, asagoo aad u dhaliili jiray siyaasada arrimaha dibeda Mareykan ee kuwajahan S/Afrika. Biden ayaa sidookale markii hore aad u taageeray qorshihii lagu weeraray Iraq ee meesha looga saaray Saddam Hussein balse markii danbe ku sifeeyay qalad weyn oo lagu dhacay.

Kahor inta uusan kuguulaysan ololaha doorasho ee xilka madaxweynimo 7-dii November 2020-ka, Biden waxuu xilka madaxweynenimo iskusoo sharaxay sannadadii 1987-dii balse ololihiisa ma noqon mid najaxa, markale 2008-dii waxuu iskusoo sharaxay doorashada xisbigiisa markan wuu awoodi waayey inuu u babac-dhigo ololihii musharaxiintii kula loolamayey xisbigiisa ee Barack Obama iyo Hilary Clinton sidaasna ugu hungoobay mar labaad hankiisii. Kadib 8 sanno oo uu ahaa madaxweyne kuxigeen iyo 4 sanno oo diyaar garoow xoogan ah, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga dimoquraadiga ayaa gartay inuu Biden yahay musharaxa ugu mudan ee la tartami kara meeshana kasaari kara madaxweyne Trump, taasoo olole xoogan oo lagusoo jiitay mujtamaca kala diimaha, isirka iyo rabitaanka duwan ee Mareykanka kadib miro-dhalay kana dhigay madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka.

Doorkii maamulkii Obama iyo Biden ee dunida islaamka

Maamulkii madaxweyne Obama oo uu Biden qeybta ka ahaa ayaa dunida Islaamka la lahaa xiriir isku dhafan oo dhinac ka wanaagsan marka la barabar dhigo maamulka Trump dhinacna aysan ka marnayn dhibaato uu kageystay dunida Islaamka gaar ahaan duqeymihii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka geysteen dalalka Soomaaliya, Yemen, Pakistan iyo Afghanistan kuwaa oo lagu dilay shacab kumanaan ah sida lagu sheegay warbixino ay soo saareen hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka. Doorkii Mareykanku kulahaa kicinta iyo taageerida kacdoonkii ka curtay wadamada Carabta iyo duqeymihii huwanaa magaca NATO ee lagu qaarajiyey Qaddafi ayaanan sidookale lagu eed-tirin maamulkii Obama iyo Biden.

Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?

Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca aduunka jira hadii ay tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo aragnimo ka helay mudadii uu katirsanaa maamulka Obama.

Xiligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhamaantood ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la,aaneed, faquuq, xayiraad safar iyo isir naceyb ee kudhashay ama sii xoogeystay mudadii uu Trump xilka hayey. Biden ayaa marar badan u balan qaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd 7 dal oo Islaam ah taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horeysa ee uu xilka la wareego. Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasada ay u laheyd inay mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha kasaaraan Trump.

Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden hordhigay codsi ka balaaran mida xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen waxka qabashada faquuqa iyo naceybka diinta, laalida barnaamijka kahortaga rabshadaha iyo argagixisada oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah, kaqeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga hogaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaradii Mareykanka ee loo raray Qudus dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv.  Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badan saameeyn kuleh inaysan musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb kafuliyo qeybo badana iska indhatiro.

Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan midii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta. Biden inuu qaato go,aanka ah in Iran laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo catoow badan oo uga imaada saaxiibada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.

Marka loo imaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo inuu soo nooleeyo wadahadaladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabikaro inay miro dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka kuhaya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.

Sidookale Biden kuma dhiiran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac kadhiganaya ga,aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyadeeda lahaayeen maamulka ka horeeyey. Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku dhiiran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta galbeed ee Falastiin iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono.

Marka loo imaado qilaafka kadhex-aloosan wadamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hogaaminaya dowlada ugu awooda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanku kaleeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu hada xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha hubka iibiya. Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo daliil-sanaya gabood faladii bini,aadannimo ee kadhacay dalkaas, taasna ay horseedo in dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada iskuhaya siyaasada Yemen.

Marka loo imaado arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii October ee sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono Mareykanka. Go,aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso xiliga lagusoo beegay oo aheyd xili doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go,aan qaran. Inkasta oo hadalka iyo go,aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, hadana askarta Mareykanka ee jooga dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxada Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Africa gaar ahaan wadamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso. Hadaba, Biden oo taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka fuliyaan wadamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay inuu sii xoojin doono howl-galka ciidamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowlada kusoo baxda doorashada  Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.

Gunaanad

Biden sida uu kusheegay qudbadiisii aadka loowada sugaayey, ahmiyada koowaad ee maamulkiisa xiligan ayaa ah ladagaalanka xanuunka COVID-19 oo saameyn xoogan kuyeeshay shaqada, dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka shacabka Mareykanka. Waxaa kale oo looga fadhiyaa inuu xal u helo dhibaatooyinka faquuq, shaqo la,aanta iyo beegsi ee lagu hayo dadka madoowga ah iyo soo galootiga, kuwaasoo uu balan qaad badan u sameeyey xiligii ololihiisa. Iskusoo dumida wakiilada lasoo doortay iyo taageerayaasha xisbiyada jamhuuriga iyo Dimuquraadiga oo aan qudheeda aheyn howl-yar ayaa xusid mudan.

Marka laga tago xal u helida arrimaha Mareykanka dhexdiisa kajira, waxaa looga fadhiyaa inuu soo nooleeyo xiriirkii iyo wadashaqeyntii hakadka gashay ee kala dhexeeyay saaxiibada soojireenka Mareykanka ee reer Yurub. Waxaan meesha ka maqnayn yag-leelida xiriir isku dheelitiran oo dhexmara Mareykanka iyo China. Macaamilka dowladaha China iyo Mareykanka ayaa aad u xumaaday waqtigii maamulka Trump taasoo horseeday inay labadhinac galaan dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo u badan canshuurta dulsaarta ah. China madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada Mareykanka waxay hordhigtaa hal su;aal oo soojireen ah taasoo ah: China hal ah ama China laba ah oo lagala jeedo aragtida madaxweynaha ladoortay ee gobolka Taiwan, jawaabtaas ayaana go,aamisa xiriirka mustaqbal ee labada wadan. Dowlada China wali uma aysan hambalyeyn Biden ayagoo marka hore miisaan saaraya aragtidiisa kuwajahan China.

Biden waxaa horyaala shaqo kale oo culus oo ah inuu Mareykanka dib ugu celiyo heshiisyo, ururo iyo hay’addo farabadan oo uu maamulkii Trump go,aamiyey inay iskaga kabaxaan, kuwaa oo ay kamid yihiin hay’adaha UNESCO iyo UNHRC oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, heshiiskii cimilada ee Paris Climate Agreement oo maamulkii Obama taageero weyn u ahaa, ururka muhaajiriinta ee Global Compact for Migration iyo ururka kale ee Trans-pacific Partnership oo ahaa urur macaamil ganacsi oo kulmin jiray Mareykanka, wadamada pacific-ga iyo kuwa Asia.

Hadaba, marka la isku wadageeyo dhamaan howlaha culus ee looga fadhiyo Biden oo ay ugu horeyaan kuwa kajira gudaha Mareykan, boor kajafida xiriirka wadamada Yurub iyo China, ku laabashada heshiisyadii, ururadii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Mareykanku kabaxay xiligii Trump, ma muuqato raja badan oo ah inuu Biden wax weyn kabadali doono xaaladaha kajira dunida Islaamka.

Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: [email protected] ama Facebook: Xamdi Wardheere

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ciidanka Japan ee ka howl-gala Soomaaliya oo muddo kordhin horleh loo sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Japan ayaa muddo hal sano ku kordhiyey howl-galka ciidamada dalkaasi ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Japan ee Howl-galka la dagaalanka burcad-badeeda ayaa loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Soomaaliya, si u sii wadaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Sidoo kale golaha wasiirada Japan ayaa ku boorriyey ciidamada Badda inay sii laba jibaaraan howl-galladooda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee NHK.

Ujeedkan howl-galkan ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta isticmaasha biyaha caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan burcad-badeeda.

Ciidamada Badda ee dowladda Japan oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado dagaal ayaa howl-galkan soo bilaabay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Si kastaba weerarada kooxaha burcadb-badeeda ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday, inkasto weli ay cabsi ka taagan tahay marinka biyaha Soomaaliya.

Ammaanka Jowhar oo la adkeeyey iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar oo ay beri Arbaco ah ka dhaceyso doorashada madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa lagu soo warramayaa in lagu daadiyey waddooyinka magaalada, kuwaas oo baaraya gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ka wada xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maraya heer gaba-gabo ah, iyada oo haatan ay socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Illaa afar musharrax ayaa isku soo taagay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah:-

1-Masharrax Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore oo haatan u taagan xilka madaxweynaha

2-Musharrax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo isna u sharraxan xilka madaxweynaga HirShabelle.

3-Musharrax Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo u tartamayo xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

4-Musharrax Maxamed Maxamuud Cabdulle oo isna u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

Si kastaba xilka madaxweynaha ee 4 sano ee soo socota ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo Cali Guudlaawe, halka ku xigeenkiisa loo badinayo Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo jawaab kasoo saaray warar la xiriira dagaalka gobolka Tigrayga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka Tigreyga, kaasi oo maalmihii u dambeeyay laga muujinayey walaac xoogan oo Itoobiya lugaha u galin kara dagaal sokeeye.

Abiy ayaa qoraal uu soo saaray maanta waxa uu meesha uga saaray walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho dagaal sokeeye, isagoona arrinkaasi ku tilmaamay mid ‘xaqiiqo aan ku fadhin’.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka gobolka Tigreyga laga leeyahay sidii ay dowladda federaalka cadaalada u horgeyn laheyd qolo uu ku sheegay ‘qas-wadayaal’, isla markaana ay ku soo celinayaan nidaamka sharciga ah si ay dadka nabad ugu noolaadaan.

Waxaa lagu xusay qoraalkaasi in dowladda federaalka Itoobiya ay abaal u heyso saxiibadeeda walaaca ka muujiyey xaalada Itoobiya iyo wel-welkooda ku aadan in dalka Itoobiya uu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Qoraalka Abiy ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay dal u madax-banaan meel-marinta nidaamka sharciga, isla markaana ay awood u leedahay maareeynta arrimaheeda gudaha.

“Howl-galka ciidanka Itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega waa mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadan, cadaaladana ay u wajahaan qas-wadayaasha” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in dhawaan uu soo afmeeri doono howl-galka ay dowladda federaalka ka bilowday gobolka Tigreyga, xili madaxweynaha maamulkaasi uu maanta ku baaqay xabad joojin iyo in wada-hadal laga galo xiisada labada dhinac ee isku rogtay dagaalka.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa weli kusii adkeysaneysa in dagaalka ay ku qaaday Tigreyga uu yahay mid loo baahna, maadama ay ku doodeyso inay dib ugu soo celinayso kala dambeynta  iyo meel marinta nidaamka sharciga. 

Trump oo eryey Xoghayihii Gaashaandhigga kadib markii uu diiday qorshihiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal tweet ah shaqada uga eryey Xoghayihii Gaashaandhigga Mark Esper, isaga oo xasilooni darro kusii abuuray dowladda oo waqtigeeda uu ka harsan yahay wax ka badan laba bil un.

“Mark Esper waa la eryey. Waxaan uga mahad-celinayaa adeeggiisa,” ayuu Trump ku yiri qoraalka twitter-ka, oo sidoo kale uu ku sheegay in Christopher Miller, oo madax ka ah xarunta ka-hortagga argagixisada uu xilkan sii hayn doono.

Trump ayaa eryey Esper kadib markii ay dhowr bilood ka hor isku dhaceen, markaasi oo Esper uu diiday qorshe Trump doonayey inuu ciidamada militariga ugu adeegsado inay kala eryaan dadka dhigayey dibad-baxyada ka dhanka ah booliska ee ka dhashay dilka loo gaysto dadka madow.

Esper ayaa xilligaas qorshaha Trump ku tilmaamay mid sharci-darro ah, maadaama militariga aan loo adeegsan karin inay la dagaalamaan shacabka ay ilaaliyaan.

Hase yeeshee Trump ayaa ka cabsaday markaas in hadduu eryo Esper ay saameyn kartay fursaddiisa dib u doorasho xilli ay soo dhoweyd doorashada madaxweynaha, taasi oo iminka looga adkaaday.

Go’aanka uu Trump qaaday maanta ayaa walaac xooggan ku abuuray saraakiisha Pentagon-ka iyo xulufada Mareykanka, maadaama uu kusoo aaday xilli kala guur ah, oo dowlad cusub la filayo inay la wareegto dalka 20-ka Janaayo 2021.

Trump ayaa weli ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweynaha ee uu ku guuleystay Joe Biden, isaga oo ku doodaya qiyaameyn aan jirin in lagu sameeyey.

Sawiro: Muxuu ahaa ujeedka kulankii uu Farmaajo maanta ku qabtay Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha”

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorsheyaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanideeda iyo Sharafka shacabkenna.

Dhankooda dhallinyarada goob joogga ku ahaa kulanka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay mideynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorsheyaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

Boqolaal ASKARI oo la dilay iyo DAGAALKA gobolka Tigray-ga oo sii xoogeystay

Dansha (Caasimada Online) – Dagaalka sii xoogeysanaya ee ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa dilay boqolaal qof, sida ay ilo-wareedyo xiga dhanka dowladda u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaal ka tirsan militariga oo ku sugan gobolka Amhara, lana jira ciidamada federaalka, ayaa Reuters u sheegay in iska hor-imaad xooggan oo ka dhacay aagga Kirakir lagu dilay ku dhowaad 500 oo ka mid ah askarta Tigray-ga.

Sidoo kale saddex ilo-wareed oo ku sugan isla gobolka Amxaarada ayaa sheegay in boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Dansha.

Reuters si dhab ah uma xaqiijin tirada khasaaraha, hase yeeshee diblomaasiyiin ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in boqolaal askari oo labada dhinac ah lagu dilay dagaalka.

Weriyayaal ka tirsan Reuters oo ku sugan gobolka Amxaarada oo deris la ah gobolka Tigrayga ayaa sheegay inay arkeen baabuurta xamuulka oo lag buuxinayo ciidamo iyo qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaas oo loola cararayo jiidda hore ee dakaalka si ay u caawiyaan ciidamada federaalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka dowladda ay duqeeyeen bakhaaro hub ah iyo bartilmaameedyo kale.

“Kaligii talisku waxay muujiyeen inaysan wax arxan ah u hayn burburinta dadka Tigrayga ayaga oo illaa 10 duqeymo ka fuliyey magaalooyinka Tigrayga,” ayaa lagu yiri qoraal uu facebook soo dhigay xisbiga maamula gobolka ee TPLF.

Sidoo kale shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo ilo-wareedyo amni ayaa soo sheegay ind agaal xooggan uu ka socdo dhulka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu sii xoogeystay taasi oo boqolaal ciidan iyo maleeshiyo Tigray ah ku qasabtay inay is-dhiibaan. Waxay sidoo kale beeniyeen in TPLF ay soo rideen diyaarad dagaal.

Daawo: Guddoomiye Xaliimo Yarey ‘oo towbad keentay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday iney towbad keentay.

Xaliimo Yarey ayaa laba maalmood kahor sheegtay hadal ay culimada ku sheegeen mid lagu beeniyey aayad qur’aan ah ayada oo sheegtay in bini’aadamku “uu isku mid yahay, ragga iyo dumarkuna aysan waxaba is dheereyn oo Xaawo iyo Aadan isku si loo abuuray, oo aysan jirin in Xaawa laga abuurtat feerta Nebi Aadan CS.”

Muuqaal ay soo duubtay maanta oo ay ku towbad keentay ayey gudoomiye Xaliimo Yareey waxey ku sheegtay iney tahay qof Muslimnimada ay dhab ka tahay, isalmarkaana wixii gaf ka dhacay ay alle SWT uga towbad keentay, qof walba oo ugu gafay hadalkeediina ay cafisay.

“Bismillaah, waxaan salaamayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan, waxaan cadeynaa anigoo ah Xaliimo Ismaaciil Ibraahim inaan ahay  qof Muslim khaalis ah, waxaan qof aaminsan alle, rumeysanna rasuulkiisa, hadalkii aan maalin dhaweyd jeediyay wixii gaf ahaa oo ku jiray ilaahey ayaan uga towbad keenay,” ayey tiri Gudoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey.

“In allaale intii igu gaftay alle ayaan cafis u weydiinaa, anigana cafis ayey iga yahiin, intii ii naseexeysayna waxaan alle uga baryayaa Ajar iyo Xasanaad,” ayey sii raacisay.

Hadalka kasoo yeeray Xaliimo Yareey wakhtigaas waxaa kasoo hadlay Sheekh Cali Wajiis oo ugu yeeray inay ka towbad keento, maadaama ay beenisay Aayad Qur’aan ah, “Arrintaas waxay inkirmaad cad ku tahay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis saxiix ah” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

“Ilaahey SWC markuu nooga waramaayey abuuritaankii Aadan iyo Xaawo, waxuu noo sheegay in Xaawo uu ka abuuray feerta Aadan, basharka/dadka oo dhana uu ka farcansiiyey Aadan iyo Xaawo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Aayad Qur’aan ah ay ku soo aroortay in haweenku guryahooda joogaan, isagoo ku macneeyey laba arrin oo kala ah, 1-gabadhu inay nasato, maadaama ay tahay wershad soo saarta dad nool 2-Inay ilaaliso xaqa ay koriinada u leeyihiin caruurteeda.

Ugu dambeyntii muuqaalka laga duubay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey” ayaa hadal wanaagsan ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dadka ay ka dhiibteen aragti fiican.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA XALIIMO YAREEY

MADASHA oo shaaciyay sababtii ay u uga aamuseen doorashada HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo qeyb ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Maxamed Cabdiraxmaan Siiriin, ayaa faah faahiyay sababtii ay Madasha Xisbiyada Qaran uga gaabsatay doorashada HirShabeelle oo laga soo sheegayo musuq maasuq badan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Kulan Maxamed Siiriin, ayaa sheegay in sababta ay uga aamuseen doorashada HirShabeelle ay tahay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u dirin guddi faro geliyo, in aysan joogin wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo doorashada HirShabeelle ay maamuleen guddigii uu magacaabay Madaxweynihii maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

“Annaga doodeynu waxay aheyd in doorasho la qabto oo aysan dhicin muddo korarsi, doorashadii waa laga heeshiiyay, waxaana dhiman guddiyadii oo la isku raaco meeshaas war kale kama furno marka laga reebo arinta guddiyada iyo wixii soo kordha waana sababta warkeenu u yaraaday,” ayuu yiri Maxamed Siiriin oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee sanadkaan.

“Arrinta HirShabeelle looma faro gelin sidii K/Galbeed iyo Galmudug ama Jubaland oo weerar lagu ahaa, waxaa ilaa hadda u jeednaa guddigii maamulka dhistay oo doorashada maamulaya balse ma heyno cid ay dowlada dirstay oo wasaarad ah ama guddi kale sidii Galmudug sabab aan u hadalnana uma jeedno,” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbiga Kulan Maxamed Siiriin.

Dhinaca kale, waxa uu aad uga hadlay guddiyada doorashada oo dhamaantood uu sheegay in aysan aheyn kuwa dhax-dhaxaad ah islamarkaana ay keeni karto kala tag iyo shakiga oo sii bato.

“Waan ku baaqeynaa in la keeno guddi madaxbanaan oo dhax-dhaxaad ah oo tartamayaasha u kala gar-qaadi kara, ee kuwaan waa shaqaale iyo ciidan mana ahan rag lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo la hadlay Warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha gobolka Tigrayga oo hadal lama filaan ah kasoo saaray dagaalka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Tigrayga, Debretsion Gebremichael ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in wada-hadal laga furo xiisada dagaalka isku bedeshay ee kala dhaxeysa dowladda federaalka Itoobiya.

Debretsion ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka, isla markaana la bilaabo wada-hadallo dejin kara si xiisadda hadda taagan.

Madaxweynaha Tigrayga oo u muuqda mid kasoo dabcay mowqifkiisi adkaa ee uga soo horjeeday xukuumadda Abiy, ayaa ku baaqaya xabad joojin, xili uu dhawaan Midowga Afrika ka dalbaday inay soo fara-geliyaan xiisada labada dhinac, si looga baaqsado dagaalo sokeeye.

Mowqifka cusub ee madaxweynaha Tigrayga ayaa imanaya maalmo un kadib markii ciidamada millateriga Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanada maamulkiisa, kuwaasi oo lagu burburiyey xarumo keyd u ahaa, sida ay ku warantay wakaalada Reuters.

Arrinta ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu sheegay inay dowladiisu soo afmeeri doonto hadafkii laga lahaa howl-galada maamulka Tigrayga, midaasi oo meesha ka saareysa suurtagalnimada ay dowladda federaalku wada-hadal ugala furayso maamulkaasi.

Xiisada labada dhinac ayaa si weyn looga deyrinayaa, iyada oo Qaramada Midoobay ay ka digtay dagaaladaasi oo ay sheegtay inay halis ugu jiraan barakac ku dhawaad 9-milyan oo qof, kuwaasi oo wajahayana arrimo bini-aadantimo.

CALI GUUDLAAWE oo bixiyey amar deg-deg ah

Jowhar (Caasimada Online) – Musharax Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle ahna sii-hayaha xilka Madaxweyne kuxigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka hadlay fal argagax leh oo dad rayid ahaa xalay lagu dilay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Xaluule ee degmada Warsheekh.

Cali Guudlaawe ayaa ugu horeyn si weyn u cambaareeyay falkaasi, oo lagu dilay Hooyo umul ku jirtay iyo labo caruur ah oo ay dhashay, iyada oo lagu dhaawacay haweenay oo qoyskaasi kamid aheyd iyo Wiil kale oo Shan sanno jir ah.

Waxa kale oo u tacsiyadeeyay qoyska iyo eheladii ay ka baxeen dadkaasi, isagoon ku baaqay in arrintaasi xalkeeda ay iska kaashadaan maamulka degmada, Odayaasha iyo culimada deegaankaasi.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu amar deg deg ah siiyey ciidamada amniga, oo uu faray inay ku baxaan deegaanka uu falkaasi ka dhacay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan maleeshiyadii ka dambeysay dilkaasi.

Weerarkaasi oo ahaa mid arxan darro ah oo ay fuliyeen maleeshiyaad aan la aqoonsan ayaa waxa lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa, halka la dhaawacay haweeney qoyska ka mid aheyd iyo wiil 5 sano jir ah.

Si kastaba weerarrada noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayey gobolka Shabeellada Dhexe, laba bilood ka hor, 17-kii Sebtember ee sanadkan ayaa sidaan oo kale koox weerar u soo qaaday waxay hal meel ku dishay lix culumo ah oo Qur’aan akhris ku jirtay, iyagoo dhaawacay mid kale, waxuuna falkaasi ka dhacay duleedka

Wararkii ugu dambeeyay doorashada hoggaanka maamulka HirShabeelle

0

Jowhar (Caasimadda Online) –  Doorashada hoggaanka maamulka HirShabelle ayaa la filayaa iney qabsoonto maalinta Arbacada oo ku beegan 11-ka bisha November, waxaana ka jira halkaas guux ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Maalinkii labaad ayey socotaa is diiwaan galinta musharaxiinta iyadoo guddiga doorashooyinka maamulka Hir-Shabelle aysan wali soo saarin liiska musharaxiinta, balse maanta ayey ku egtahay waqtiga loo qabtay.

Ilow wareedyo ku dhaw guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in kaliya hal musharax uu is diiwaangaliyay, balse la filaayo in musharaxiinta kale ay maanta is diiwaan galiyaan, waxaana la filayaa in musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay noqon doonaan tiro kooban.

Sida ku cad jadwalka doorashada Hir-Shabelle oo ay soo saareen guddiga doorashooyinka, maalinta berito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka Nofeembar, waxaa jirta qudbo jeedinta musharaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Cali Guudlaawe Xuseen oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore Hir-Shabelle ayaa shalayto kusoo bandhigay magaalada Jowhar inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka, waxaana la sugayaa musharaxiin kale oo tartan la galay iyadoo warbaahinta ay durba sii fahamsan tahay inuu yahay shaqsiga ugu cad-cad.

Doorashada Hir-Shabelle ayey indhaha dhan kusii jeedaan iyadoo ay tahay caqabadda kaliya ee ku hor-gudban in la guda-galo doorashooyinka guud ee dalka, waxaana isha lagu hayaa qofka kusoo bixi doona inuu hogaamiyo, dadka siyaasadda ka hadlana waxey aaminsan yahiin in hogaanka maamulkaan uu saameyn ku yeelan karo doorashada guud ee dalka.

KENYA oo uu soo dabciyey cadaadiska uga yimid DF, kuna dhowaaqday isbeddel

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo wajaheysa cadaadiska dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii la xayiray qaadka dalkaas, ayaa u muuqata mid isbeddel muujineyso si ay u qanciso dowladda federaalka.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Macharia Kamau oo dhowaan booqasho ku yimid Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka shaqeynayo sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa Fiisaha dal ku galka, kaasi oo Kenya ay adkeysay markii ay billaabatay xiisadda badda.

Macharia Kamau ayaa shaaciyey inay muhiimaddu tahay in la horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha oo tusaale u soo qaatay dalalka Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Turkey oo diyaaradahooda duulimaadyo joogto ah ku yimaadaan Soomaaliya ayaa xusay inay muhiim tahay inay tixgeliyaan ahmiyada iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhowaan ku yimaaday magaalada Muqdisho oo uu ka bixiyey faah faahin kooban, wuxuuna yiri “Waxaan u safray Soomaaliya aniga iyo wafdi kooban oo ka socda wasaarada arimaha dibada oo ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo maaraynta iyo khubaro kale si aan u eego xaalada kooxdeena diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada dowladood iyo labada shacab aysan kala maarmin, islamarkaana illaa 35,000 Kenyan ah ay ku nool yihiin gudaha Soomaaliya halka nus malyuun Soomaali ah ay sidoo kale degan yihiin gudaha dalka Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid hooseeyo, iyada oo ay Soomaaliya hakisay qaadki faraha badnaa ee uga imaan jiray Kenya.

Hadalka kasoo yeeray Kamau ayaa imanaya ayada oo Kenya ay isku dayeyso inay dowladda Soomaaliya ka dhaadhiciso inay qaaddo xayiraadda qaadka ee ay kusoo rogtay  Kenya.

Wuxuu sidoo kale hadalkan muujinayaa in cadaadiska dowladda Soomaaliya ay saartay Kenya uu shaqeynayo, islamarkaana Kenya ay hadda diyaar u tahay inay wax ka beddesho siyaasaddeeda Soomaaliya.

Diyaarad dagaal oo lagu soo riday dagaalka TIGRAY-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda gobolka Tigrayga oo sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay uruka TPLF ciidamada deegaanka Tigray ayaa soo riday diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka oo lagu magacaabo, Getachow Rada ayaa tilmaamay in diyaaradda la soo riday xilli ay dooneyso inay duqeyn ka fuliso meelo u dhaw Maqale.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray Getachow Rada in ciidamada federaalka Itoobiya ay la wareegeen deegaano iyo magaalooyin hor leh oo ku yaallo gobolka Tigrayga.

Dhanka kale xaaladda gobolka uu dagaalka ka socdo ayaa ah mid aad u adag, iyada oo la jaray isgaarsiinta, sidoo kalena hakad la galiyey dhaq-dhaqaaqa guud.

Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, iyada oo baarlamaanka dalkaasina uu meel-mariyey in dowladdu ay fara-geliso xiisada ka taagan gobolka Tigray-ga

ERITREA oo ay suurta-gal tahay inay ku biirto dagaalka ka socda gobolka Tigray

0

Mekelle (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu noqdo mid sii daba dheeraada oo ku baaha guud ahaan gobolka Geeska Africa. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa Arbacadii iclaamiyay tallaabo milateri oo ka dhan ah gobolka waqooyi bari ee Tigrayga.

Saldhigashada welwelka soo shaac baxay ayaa ah dalka yar ee dhinaca waqooyi gobolka Tigrayga deriska yihiin ee Eritrea, inuu gaashaan u noqdo go’aanka Abiy Ahmed, waxaase shaki ku jirin inay jiraan warbixino sheegaya in si adag loo askareeyay dhalinyarada reer Eritrea iyo dhaq dhaqaaqyada ciidamada ee gudaha Eritrea ee gobolkaan xuduuda la leh.

Talaabada milatari ee Addis Ababa waxay timid kadib bilo uu taagnaa khilaaf u dhaxeeyey dawladda dhexe iyo xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), xisbigaas oo xukumayey siyaasada Itoobiya muddo soddon sano ku dhow ilaa Abiy xukunka la wareegay 2018.

Cadaawada ka dhaxeysa madaxweynaha mudada dheer xukumayay Eritrea Isaias Afwerki iyo kooxda TPLF ayaa dib usoo cusboonaaday tobanaan sano kadib – laakiin marwalba sidan ma ahayn. Laga soo bilaabo bartamihii 1970-naadkii ilaa horraantii 1990-meeyadii, Jabhadda Xoreynta ee Ereteriya (EPLF), oo uu Isaias aasaasey, iyo kooxda TPLF waxay walaalo ku ahaayeen halgankii dheeraa ee looga soo horjeedey dawladdii milatariga ee Itoobiya ee uu hoggaaminayey Mengistu Haile Mariam.

Mengistu waxaa xukunka laga tuuray bishii May 1991, laba sano kadib Ereteriya waxay xornimadeeda ku qaadatay afti dadweyne. Dhanka kale kooxda TPLF ayaa noqotay mid hogaamisa isbahaysiga xukuma dalka Ethiopia, “Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front” (EPRDF), iyadoo hogaamiyihii dhintay ee Tigray Meles Zenawi uu noqday raysalwasaaraha wadanka.

1998, Eriterea iyo Itoobiya, si kastaba ha ahaatee, waxay u dagaallameen dagaal dhuleed, dhaqaale iyo siyaasadeed oo murugsan oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof. In kasta oo heshiiskii nabadeed ee Algiers bishii Diseembar 2000 la soo afjaray colaaddii xadka ee deriska, haddana Itoobiya iyo Ereteriya waxay ku sugnaayeen xaalad is-hor-taag hubaysan muddo ku dhow 18 sano intii uu Meles talada hayay iyo kadibba.

Dagaalkan qabow ayaa umuuqday inuu dhamaaday kadib isku soo dhawaanshihii Abiy iyo Isaias, kadib markii uu qabtay xafiiska bishii Abriil 2018, isagoo badalay ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn oo ay wejihi jireen bilooyin mudaaharaadyo dowladda looga soo horjeeday.

Kadib todobaadyo wadahadalo qarsoodi ah oo ka dhex socday EPRDF oo Abiy madalayay waxaa la rumeysan yahay inuu ka adkaaday diidmadii kaga imaaneysay TPLF oo horey u ahaan jirtay tan ugu awooda badan si uu ugu guuleysto gudoomiyaha isbahaysiga qoomiyadaha badan, ee afarta xisbi, jagadaas oo isaga ka dhigtay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Bishii Luulyo 2018, is-dhaafsi diblomaasiyadeed oo isdaba-joog ah oo xawli ku socda una dhexeeyay Addis Ababa iyo Ereteriya waxay keeneen guul, iyadoo cadaawadiii muddada dheer soo jirtay lagu badalay tanaasul iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Martin Plaut, oo muddo dheer u kuur galayay siyaasada Geeska Afrika,wuxuu leeyahay dabeecadda madmadowga leh ee ka dhalatay diblomaasiyadda Itoobiya iyo Ereteriya ayaa si tartiib tartiib ah loogu quudiyay kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha ee Itoobiya.

“Suuragal ma ahan in la hubiyo doorka Ereteriya ee dagaalada gudaha ee Itoobiya. Tan iyo booqashooyinkii ugu horeeyey ee midba midka kale ku tago caasimadaha labada hogaamiye bishii Luulyo 2018 waligeed ma dhicin shir jaraa’id oo ay suxufiyiintu ku weydiin karaan midkood ra’isul wasaare Abiy ama madaxweyne Isaias waxa ay rajada ka leeyihiin in ay gaaraan, ”ayuu yiri Plaut.

“War-murtiyeedyadu waxay ahaayeen been iyo war-bixin la’aan. Si kastaba ha noqotee, way iska cadahay in cilaaqaadku uu maanta yahay mid aad u dhow oo aan macquul ahayn in hogaamiyaha Itoobiya uu hawlgal weyn oo noocaas ah ka fulin lahaa xadka Eritrea, isaga oo aan ku cadeyn nambarkiisa ka soo horjeedka, ”ayuu raaciyay Plaut.

In kasta oo maamulka Isaias uu si cad ugu celceliyey cadaawada qotada dheer ee ay u hayaan kooxda TPLF, ku lug lahaanshaha Eritrea haddii ay jirto khilaafka hadda jira wali ma cadda ilaa hadda. Dhanka kale, khadka taleefanka iyo isgaarsiinta internetka oo ka go’ay Tigray-ga ayaa adkeeyay xaqiijinta xaalada gobolka iyo xuduudaha, taasoo keentay in la isla dhexmarayo.

“Waxaa jiray warbixino sheegaya in si adag loo askareeyay dhalinyarada reer Eritrea iyo dhaq dhaqaaqyada ciidamada ee gudaha Eritrea, kuna dhow xadka ay la wadaagaan Tigray. Qaar ka mid ah ayaa filayay hawlgal isku dubaridan oo ka dhan ah Tigray oo ay Itoobiyaanku ka soo weerarayaan koonfurta iyo Ereteriyaanka ka imanaya waqooyiga. Illaa iyo hadda tani uma muuqato inay dhacday, ”ayuu yiri Martin.

“Weerarka Ereteriya weli waa uu socon karaa, laakiin Tigrayga ayaa si fiican u hubaysan, Madaxweyne Isaias ayaa laga yaabaa inuu waqtigiisa dalbado si uu u arko bal in ciidamada Ra’iisul Wasaare Abiy ay horumar sameynayaan ka hor intaanay ciidamadooda gelin.”

Tsedale Lemma, oo ah tifaftiraha guud ee wargayska Addis Standard, isla markaana ka warbixisa arimaha gudaha iyo dibada, ayaa sheegay in maqnaanshaha heshiiskii nabadeed ee 2018 ay quus ka dhigtay tuhunka saraakiisha Tigrayga ee ku aadan ujeedka Abiy iyo Isaias.

Waxay sidoo kale xustay “daahitaankii xukunka” ee ka yimid Abiy “inay dhinac u dhigto TPLF inay qayb dhab ah ka noqoto heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eriteriya bilowgiiba”.

“Waxay ahayd inuu ogaa RW Abiy in dhamaan khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhaxeeya TPLF, nabada udhaxeysa Itoobiya iyo Eriteriya macquul ahaan macquul maahan hadaan ku lug lahaanshaha iyo hadal macno leh ee TPLF,” ayuu yiri Tsedale.

TPLF waxay ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy inuu isku dayayo inuu “dhinac ka dhigo iyo xitaa inuu dambi galiyo” kooxda TPLF, hogaamiyayasha Tigrayga bishii Sebtember waxay qabteen doorashooyin iyaga oo diidaya go’aankii dawlada dhexe ee ahaa in dib loo dhigo dhamaan doorashooyinka sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus. Iyada oo ay kacsantahay xiisad isla markaana dhinac walba uu ka kassan yahay dareenka, hogaamiyeyaasha TPLF bilihii lasoo dhaafay waxay sidoo kale ku eedeeyeen cadowgooda Ereteriya, in ay faragalin ku hayso arimaha gudaha Itoobiya si ay isugu dayaan in ay gees uga dhigaan Tigray.

Bal aan eegno, xaalada maalmaha soo socda iyo isbadalada dhici doona, dadaalka midowga Africa, IGAD iyo caalamka oo ugu horeeyo Mareykanka iyo Shiinaha oo xiriir wanaagsan la leh Itoobiya.

Ali Muhiyaddiin – Waxaad kala xiriiri kartaa facebook: Somali Journalist ama [email protected]

Musharax la tartama Cali Guudlaawe oo la raadinayo

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in ilaa hadda xilka Madaxweynaha HirShabeelle uu u taagan-yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo kaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ilaa hadda aan la heynin musharax kale oo la tartama Cali Guudlaawe, islamarkaana saacadihii ugu dambeeyay la baadi goobayo musharaxiin tartan aan sax aheyn la gala Guudlaawe.

Xubno kala duwan oo siyaasiin ah oo aan la hadalnay ayaa sheegay in siyaasiin badan laga codsaday islamarkaana loo ballan qaaday, xil, lacag, iyo in aan laga qaadin lacagta diiwaan gelinta ah, si ay isugu sharaxaan tartanka doorashada oo illaa hadda uu hal qof u taagan yahay.

Guudlaawe ayaa la rumeysan yahay inay wado dowladda federaalka, islamarkaana madaxweynenimadiisa ay tahay mid qoran, taasi oo tartanka ka dhigtay mid dad badan ay dib uga gurtaan.

Shalay oo ku beegneyd 8-da November ayey bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta waxayna ku egtahay maanta, halka 10-ka bishana la filayo in la dhageysto Khudbadaha musharaxiinta tartanka Madaxweynaha.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka iyagoo ka codsaday in muddo kordhin loo sameeyo jadwalka si loo helo musharaxiin, waxaana loo balan qaaday in si deg deg ah loo keeni doono Musharaxiin kale.

Doorashada HirShabeelle ayaa la filayaa in ay dhacdo 11-ka bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkaan, haddii uusan jadwalka doorashada Madaxweynaha wax iska badalin.

Ilhaan oo doorashadeedii, kadib cambaareyn kulul u jeedisay maamulka Israel

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo markale dib loogu doortay xubinimada Congress-ka Mareykanka ayaa doorashadeeda kadib, cambaareyn xoogan u jeedisay maamulka Israel oo maalmihii dambe burburin ka waday dhulka Falastiin.

Ilhaan oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay inay Israel dhibaato ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, islamarkaana ay burburisay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Israel inay xad-gudub weyn oo dhambi ah ka geysaneyso daanta Galbeed.

Waxaa sidoo kale intaasi raacisay, hadii Mareykanka uu ka aamusu tacadyadaasi inuu qeyb ka noqonayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo

“Waxa socda waa xadgudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa marar badan qalabka warbaahinta ka weerartay maamulka Israel oo siyaasad ahaan isku hayaan.

Sawirro: GALMUDUG oo loo dhisayo DEKED cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Talyaaniga iyo hay’adda cunnada u qaabilsan QM ee WFP ayaa maanta gaaray magaalada Hubyo ee gobolka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka dekedaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cabdi-Saabir Nuur Shuuriye.

Wararka ayaa sheegaya in jeedka wafdigan uu yahay in ay dhagax dhigaan deked macmal ah oo laga dhisayo magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhaqaalaha ku baxaya dekeddan oo si KMG u sii shaqeyn doonto inta laga dhisayo dekedda rasmiga ah ee Hobyo ayaa waxaa bixinya cunnada adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo WFP, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale wafdigan uu qeyb ka yahay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameeyey  xeebta Hobyo & meesha ku habboon in laga aas-aaso dekedda macmalka ah.

Qorshahaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyada oo dhowaan heshiis lagu dhisayo dekedda Hobyo lagu saxiixday magaaladda Lodon ee dalka Ingiriiska.

Galmudug ayaa ku dadaaleysa sidii ay u horumarin laheyd dhaqaalaheeda, iyada oo laga faa’iideysanayo dhismaha dekedda Hubyo oo muhiim gobollada Galgaduud & Mudug.

DENI ‘oo Ethiopia ka diiday’ qorshe la xiriira FARMAAJO kadib cadaadiska Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo warinayaa inuu dhawaan diiday qorshe uu soo bandhigay ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, xili uu dhawaan socdaal ku tagay caasimada dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Puntland ka dalbaday inuu taageero, isla markaana qeyb weyn ka noqdo ololaha dib loogu dooranayo madaxweyne Farmaajo, oo si weyn isku hayaan siyaasiyiin ay hore xulafo dhow u ahaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo toddobaadkii hore safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulankaasi la qaatay Abiy Ahmed, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii u dambeeyay ee laga gaaray, iyo weliba taageerada uu ku gacan seyray.

Rashiid Cabdi oo degan dalka Kenya, isla markaana ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa diidmada Deni ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo uu ku xusay in ‘Madaxweyne Deni uu ka diiday Abiye Axmed soo jeedinta taageerada Farmaajo’.

Rashiid ayaa waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Imaaraadka oo ka yaaban culeyska Abiy ay diyaarad gaar ah u soo dirtay, maadama ay si weyn isku hayaan madaxweyne Farmaajo.

“Imaaraadka Carabtu waxay si aad ah ula yaabeen culeyska Puntland lagu saaray inay taageerto dib u doorashada Farmaajo. Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu toddobaadkii hore Addis Ababa ugu yeedhay Deni, isagoo si cad ugu sheegay ‘Waxaanu kaa doonaynaa inaad taageerto Farmaajo.’ Deni wuu diiday, diyaarad khaas ah oo uga timid UAE ayaa u qaaday Abu Dhabi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Abiy Ahmed ayaa xiriir dhow oo saaxiibtinimo la leh Farmaajo, waana sababta u weyn ee la fahamsan-yahay inuu u rabo dib usoo laabashadiisa, xili uu wajahayo loolan adag oo uga imaanaya siyaasiyiin caanka ah iyo kuwo ay hore xulafo u ahaayeen oo is khilaafeen.

China oo bilowday qorshe Mareykanka dhabar jab ku ah oo ku wajahan Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa la filayaa inay soo gaaraan saraakiil iyo qandaraaslayaan amni oo madaxbannaan, kuwaasi oo dhanka amniga ka caawinaaya labadaasi dal si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa ka danbeysay markii China ay xoogga saartay dalalkaan, iyadoo China ay saldhig milateri aka hirgelisay dalka Jabuuti, waxaa si loo dhaawaco ama khasaare loo gaarsiiyo ka saldhigaasi ka faa’iideysan kara xulufada Mareykanka sida Sacuudiga, si danahiisana u burburin wuxuu bilaabay inuu qandaraaslayaal amni geeyo Jabuuti iyo Itoobiya.

Sida uu daabacay Foreign Policy, waxay tallaabadaan uu qaaday China dhabar jab ay ku tahay danaha Mareykanka siina xoojin doonta loolanka Mareykanka iyo China ee Africa.

Foreign Policy ayaa daabacday in Al-Shabaab laga walaacsan yahay inay burburiso ganacsiga badda cas, taasina ay sabab u tahay qorshahaan cusub ee China.

Shiinaha weligiis kama qeyb aheyn la dagaalanka argagixisada, hase ahaatee xiligaan wuxuu difaacanaya danahiisa iyo istiraajiiyada uu Africa ka leeyahay.

Haddii xiisada iyo dagaalada Itoobiya sii daba dheeraadaan waxaa suuragal u noqoneyso AL-Shabaab inay si fudud fariisamo ugu sameystaan gudaha Itoobiya, wixii ay doonaana ka fuliya.