25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Saraakiil sare oo lagu dilay ITOOBIYA iyo xiisadda dalkaas oo kasii dareysa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay in la dilay labo sarkaal oo kamid ah shaqaalaheeda, xili ay ku gudo jireen gudashada waajibaadkooda shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Shaqaalaha la dilay ayaa xiligaasi ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Cafarta ee Itoobiya, halkaasi oo ay kusoo weerareen dabley hubeysan oo ilaa hadda haybtooda la garaneyn.

Labadaasi ruux ayey wasaaradu magacdooda ku kala sheegtay Maluto iyo Abebow, kuwaasi oo kaalin mug leh kasoo qaatay arrimaha waxbarashada ee Itoobiya, sida lagu xusay qoraalkaasi.

War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale waxa loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo qoyska ay ka baxeen labadaasi shaqaale, iyada oo lagu sheegay in cadaalada la horgeyn doono dadkii ka dambeeyay, xili ay socdaan baaritaano hordhac ah oo falkaasi la xiriira.

Dilka saraakiishan ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa dhaliyay xiisad cusub, iyada oo banaanka keentay xaalada amni ee dalkaasi, tan iyo markii uu galay xaalada cakiran, waxaana sii kordhaya dilalka ku saleysan qowmiyadaha.

Itoobiya ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase xoogan, taasi oo ka dhalatay dib u dhaca doorashada dalkaasi iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday xukuumada Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan.

Dowladda Abiy ayaan horey faah-faahin badan uga bixin waxa sababay rabshadaha gobolka Benishangul-Gumuz region, kuwaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qeexeen kuwa salka ku haya qowmiyado.

Mucaaradka Amxaarada ayaa sheegay in rabshdaha ay ka dambeeyaan meelshiyo kasoo jeeda qowmiyadda Gumuz, kuwaas oo beegsanaya qowmiyadda Amxaarada.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September.

Sacuudiga oo si aan laga fileyn uga falceliyey gefkii ay Faransiiska u gaysteen Nebi Muxamed NNKH

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay sawir gacmeedyada loogu gefayo Nebi Muxamed NNKH, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay xoojiso baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu doonayo in lagu qaado ficil ka dhan ah sawirrada lagu soo bandhigay Faransiiska ee loola jeedo Nebiga NNKH.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sidoo kale bayaan ku sheegay in Riyadh ay cambaareyneyso dhammaan ficillada aragagixisada, ayada oo ay u muuqato in la tixraacayo macallin lagu gowracay magaalada Paris kadib markii uu sawir gacmeed lgu sheegay Nebiga NNKH uu kusoo bandhigay fasalka, isaga oo cuskanaya xoriyadda hadalka.

“Xoriyadda hadalka iyo dhaqanka waa inay tusaale u noqdaan xushmad, dulqaad iyo nabad lagu diido ku dhaqanka ficillada naceybka, rabshadaha iyo xagjirnimada kasoo horjeeda wada-jirka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay warbaahinta dowladda.

Wargeyska Arab News ee Sacuudiga ayaa Talaadadii kasoo xigtay madaxa Ururka Dalalka Islaamka ee fadhiggiisu yahay Sacuudiga Mohammed Al-Issa inuu ka degay fal-celin xad dhaaf ah, taasi oo uu ku sheegay “mid taban oo ka baxsan waxa la aqbali karo,” islamarkaana faa’iido u ah kaliya “kuwa wax neceb”.

Sawir gacmeedyada lagu matalayo Suubanaha NNKH ayaa waxaa markii ugu horreysay sameeyey wargeys Faransiis ah, kaasi oo xafiisyadiisa ay 2015-kii weerareen dabley Islaamiyiin ah, kuna dileen 12 qof. Wixii ka dambeeyey gowraca macallinka, sawiradaas ayaa lagu soo bandhigay Faransiiska ayada oo isaga taageero loogu muujinayo.

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, halka baarlamanka Pakistan uu meel mariyey qaraar ku boorinaya dowladda inay u yeerto safiirkeeda Paris.

Gudaha Sacuudiga, qaadacaad ka dhan ah badeecadaha Faransiiska ayaa aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Reuters ayaa werisay in Isniintii magaalada Riyadh ay walba caadi u muuqdeen.

Isha: REUTERS + VOA

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay falalka maalmahii ugu dambeeyay aadka looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa caruurta la xado.

Toddobaadyadii ayaa Muqdisho waxaa aad looga hadal hayay kufsiga iyo caruurta oo la xado, taasoo walaac weyn ku abuurtay waalidiinta, waxaana waddanka uu ku jiraa xilli kala guur ah oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saareysa.

Sheekh Shariif oo kusoo laabtay Muqdisho ayaa sheegay iney tahay wax laga xumaado in wakhtigaan ay caruurta ku nool Muqdisho banaanka u bixi la’yahiin sababo cabsi ay ka qabaan in la xado oo la iibsado xubnahooda ama in kufsi loo gaysto.

“Waa wax laga xumaado in caruurta ay banaanka u bixi waayeen cabsi laga qabo in la iibsado xubnaha jirkooda, waxaan dowladda ka codsanayaa iney falalkaas uu kufsiga ka mid yahay ka hortagto,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran wuxuu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay wakhtigaan ku mashquulsan yahiin waxyaabo kale, balse wuxuu ka codsaday iney xil iska saaraan wax u qabashada dadka wakhtigaan dhibaatoonaya.

Hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli doorashada ay foodda nagu soo heyso, wuxuuna ka mid yahay tiro musharaxiin ah oo isu soo taagay xilka madaxtinimada dalka.

Sawirro: Qamar Suugaani oo maxkamad la soo taagay iyo dambiga loo haysto

0

Haregsa (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xiray halkaasi.

Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland.

Maxkamaddu ayaa amartay in fanaanka la sii haayo muddo hal todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Berbera.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xiriira safarkii uu kuu yimid magaalada Muqdisho.

Xariga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan magaalada Haregysa iyo ehelladiisa.

Inta badan Somaliland ayaa xarig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda yimaada magaalada Muqdisho ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqashada u yimaada, taas oo si weyn loogu dhaliilo xukuumadda ka jirta Hargeysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

 

Abaabulka mooshin culus oo ka socda GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ay wadaan mooshin haatan qorshihiisa uu ka socda magaaladaasi.

Mooshinkan oo abaabulkiisa uu maalmihii u dambeeyey ka socday Garoowe ayaa xalay soo shaac-baxay, kadib markii xildhibaanada wada ay kulan isugu yimaadeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay Caasimada Online u sheegeen in mooshinkaasi laga wada guddoonka sare ee golaha wakiilada Puntland, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka maamulkaas, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Warsame Maxamed.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeynaya labadaasi mas’uul inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi raacinaya in mooshinka illaa iyo hadda ay saxiixeen ku dhowaad illaa 50 mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Puntland.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in qorshuhu yahay in mooshinkan maalmaha soo socda la horgeeyo xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed iyo mooshinka ka socda Garoowe ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadkan uun uu furmay kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka Puntland.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo xaalad ay ku qasabtay in uu Al-Shabab ‘siiyo’ $3600 – Sidee ayey wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo dhawaan la daabacay ayaa qireysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dakhliga ugu badan ka helaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal ee fadhiggiisu yahay Muqdisho, oo warbixintan soo saaray, ayaa sheegay in dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qaacida ay gacantooda soo gasho lacag dhan 11 milyan oo dollar bishii, waxeyna toos uga timaadaa sida la sheegay ganacsatada iyo shacabka qaarkood.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa warbixin ay sanadkaan soo saareen ku sheegay in Al-Shabaab ay sanadkii helaan lacag ka badan 20 milyan oo Dollar, iyadoo taas badalkeeda ay u adeegsadaan waxyeeleynta dadka.

Warbixinta Machadla Hiraal ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya uu si dadban u dhiibay lacag ay qaadatay Al-Shabaab. Walow aan magaciisa lasoo gudbin, haddana wuxuu ku qasbanaaday, siduu sheegay, markii laga hor-istaagay guri uu ka dhisanaayay magaalada Muqdisho inuu lacagta bixiyo.

Sarkaalka wuxuu sheegay in cadaadis badan la saaray shaqaalaha dhismaha iyo shirkadaha qalabka dhismaha keena, taasna ay ku qasabtay inuu qaato go’aan uu ku joojinaayo dhismaha guriga ama uu lacagta shubo.

Isaga oo ka sheekeynaya sida ay wax u dhaceen ayuu yiri “Si kastaba ha ahaatee, waxa aannu mararka qaar la kulannaa xaalado ay qasab nagu noqoto in aan cashuur siino Al-Shabaab. Aan idinla wadaago sheeko ku saabsan lacago aan u diray Al-Shabaab iyada oo aan dhanka kalena dagaal joogto ah kula jiro. Bishii tagtay waxa aan bilaabay in aan guri dhisto. Injineerkii guriga ii dhiisayay waxa uu ii sheegay in si joogto ah loogu soo dirayay taleefanno iyo hanjabaado isdaba joog ah oo uga imaanayay Al-Shabaab taasoo lagu farayay in uu dhismaha joojiyo ama cashuurihii ku waajibay ka soo qaado hantiilaha guriga leh. Waa aan diiday in aan cashuurta bixiyo waayo wax cabsi ah kama qabin Al-Shabaab. Maalmo ka dib waxa joogsaday gebi ahaanba hawlihii dhismaha waayo waxa shaqada ka tagay injineerkii. Waxa aan u yeeray injineer kale isla markiiba, hase ahaatee injineerkii cusbaana waxa lagu bilaabay wicitaanadii iyo hanjabaadihii kii hore oo kale. Gaadiidkii usoo qaadayay agabka dhismaha guriga ayaa iyana lagu qasbay in ay joojiyaan alaabooyinkii ay ii keenayaan. Ugu dambayntii waxa qasab igu noqotay in aan ama joojiyo dhismaha ama bixiyo cashuurta Al-Shabaab. Waxa arrin aad looga xumaado ah in aan siiyay kooxda $3600 gurigaygiina sidaa iigu dhammaaday”.

Ma jiraan caddeymo culus oo arrintaan laga soo bandhigay, balse waxaa muuqaneysa iney Al-Shabaab si fudud lacagaha uga helaan masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada.

Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan xildhibaanada cusub ee HIRSHABELLE

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa xalay magaalada Jowhar si rasmiya looga dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle, iyada oo soo xulista xubnahaasi uu weli ka taagan yahay muran xoogan.

Guddiga farsamada ee maamulkaasi ayaa shaaciyay liiska 90 xildhibaan, kuwaasi oo iskugu jiray xubno cusub oo kamid yihiin wariyeyaal iyo kuwo hore ugu jiray baarlamaankii hore ee maamulkaasi.

Munaasibadassi loogu dhawaaqay liiska xubnahan cusub ayaa gebi ahaanba waxa ka maqnaa wakiiladii dowladda federaalka iyo weliba dhinacyadii maamulka ee hore u diidana soo xulistan.

Waxaa liiska xalay lagu dhawaaqay magacyadooda gebi ahaanba laga waayay xildhibaano caan ahaa oo hore xilal sare uga soo qabtay maamulka HirShabeelle.

Guddiga farsamada ee liiskan shaaciyay ayaa waxaa hore uga horyimid madaxweyanaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo muddoo xileedkiisu uu ka idlaaday 17-kii bishan October.

Waare ayaa ku doodayay inuu soo dhamaystirayo guddiga farsamada, isla markaana aysan xiligan qaban karin doorashada baarlamaanka ay ku dhawaaqeen.

Sida xogo soo baxaya ay daaha ka qaadayaan soo xulista xildhibaanadan ayaa waxa gacan weyn ka geystay xubno ay kamid yihiin; Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi oo iyagu xiligan ah sii-hayayaasha xilalkaasi, maadama xukuumadoodii uu ka dhamaaday muddo xileedkeedii.

Ku dhawaaqista liiska xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee HirShabeelle ayaa uga sii dareysa xiisada ka taagneyd soo xulista xildhibaanadaasi, lamana oga mowqifka ay dowlada federaalka ka qaadan doonto arrintan.

Hoos ka aqriso liiska magacyada xildhibaanada cusub

Isku tuur tuurka Sacuudiga iyo Kenya oo xaalad cakiran geliyey Soomaali badan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dejisay tobaneeyo kamid ah Maxaabiis Soomaali ah oo laga qabtay gudaha Sacuudiga, kuwaas oo la damacsanaa in loo soo celiyo Soomaaliya hase yeeshee waxaa dib loogu celiyay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Kenya ayaa diiday in dalkeeda laga sii saaro diyaarad kale oo ka dajisa Soomaaliya, iyadoo ay lacagta biixn doonto dowladda Sacuudiga, waxeyna Boqortooyadu sheegtay in aysan diyaaradaheeda ka dagi karin Muqdisho sababo amni halka Kenyana ay sheegtay in aysan xiriir wanaagsan la laheyn Soomaaliya.

Qaar kamid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Sacuudiga islamarkaana tarxiilka soo ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ay waysan yihiin Safaarad iyo dowlad arrinatan kala hadasha Sacuudiga maadaama ay muddo dheer ku jiraan xabsiyada dalka Sacuudiga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadkaas maanta laga dejin doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo laga soo saari doono diyaarad kale oo Soomaaliya laga leeyahay.

Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore dadka tarxiilka ah waxay toos uga dejin jirtay Muqdisho hase yeeshee waxaa hadda la aaminsan yahay in diidmadeeda salka ku heyso xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeyo oo aan wanaagsaneen.

Maamulka JUBBALAND oo amar soo saartay, kadib dilka madaxii shirkadda AMAL

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta War-saxaafadeed kasoo saartay dilkii magaalada Kismaayo labo cisho ka hor loogu geystay madaxii baanka Amal, Cabdullaahi C/salaan Sheekh Axmed (Shigshigow).

Kadib shir deg-deg ah oo Jubbaland ka yeelatay dilkaasi, waxay amartay in sida ugu dhakhsaha badan lagu dhameystiro baaritaanka falkaasi, isla markaana laamaha amaanku uu dadaal dheeriya geliyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay.

Golaha amniga maamulkaasi oo maanta kulan ka yeeshay falka amni darro ee lagu khaarajiyey Cabdullaahi Shigshigow ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay ehelkii, caruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Kulanka maanta ee arrintan looga hadlayay oo uu shir guddoominayay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili ay dilkaasi ka soo wareegtay muddo ku siman labo maalin, lamana oga sababta uu maamulkooda uga aamusnaa.

Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi looga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo.

Dilkan ayaa ahaa kii labaad oo magaalada loogu gaysto dad miisaan ku dhex leh muddo laba bil gudahood ah, ayada oo bishii September magaalada lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga Kismaayo Shaafi Raabi.

Sawiro: Dibadbaxyo ka dhan ah gefkii Macron ee Islaamka oo ka dhacay Soomaaliya

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, sida magaalooyinka Muqdsho iyo Gaalkacyo ayaa dhigay dibad-baxyo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Dadka dhigayey dibad-baxyada ayaa isugu jiray culuma-udiin, arday, waxgarad & qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas kasoo horjeeday madaxweynaha Faransiiska.

Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga dhiidhiyey aflagaadadii uu Macron u geystay Islaamka iyo taageerada uu u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay dibad-baxyadan ayaa sheegay in hadalka Macron uu meel ka dhac ku yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, iyaga oo gubayey Sawirradiisa.

Wadamo badan oo muslmiin ah ayey ka dhaceen dibad-baxyada & carada ka dhalatay hadalkii Emmanuel Macron boo aflagaadu u geystay Islaamka, isagoo taageero ugu muujiyey macalinkii la dilay ee sawir loogu gafayo Nebiga NNKH tusiyey ardaydiisa.

Kadib ku dhowaaqista xildhibaanada maxaa laga filan karaa HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waaxaa weli buuq iyo is jiid-jiid siyaasadeed uu ka taagan yahay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, iyada oo xalay si rasmi ah loogu dhowaaqay liiska xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanada la shaaciyey oo u badan dhalinyaro ku cusub siyaasadda ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 90 xubnood, sida ku cad liiska uu soo saaray guddiga farsamada.

Sidoo kale waxaa aad u kooban tirada haweenka ee ku jira xildhibaanada lagu dhowaaqay waxaana kaliya dumar ka ah 5 xubnood, taasoo saluug laga muujinayo.

Waxaa sidoo kale liiska dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, balse waxaa meesha laga saaray xubinimada guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa, halka Canab Axmed Ciise ay dib u heshay xildhibaanimadeeda, iyada oo shaneysay afar dumar oo lagu soo daray baarlamaanka cusub ee maamulka HirShabelle.

Kadib ku dhowaaqista xildhibaanada maxaa laga filan karaa HirShabelle?

Inkastoo guddiga farsamada doorashada HirShabelle uu shaaciyey in xildhibaanada lagu dhowaaqay loo qeybiyey hab-qabsiga beelaha dega gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ayaa haddana waxaa weli jira cabasho iyo dood ay qabaan beelaha qaar, gaar ahaan beesha Xawaadle oo miisaan ku leh dhismaha HirShabelle, siiba Beledweyne.

Beeshan waxa ay xildhibaanada cusub ka heshay illaa 12 xubnood, sida ku cad liiska lagu dhowaaqay, hayeeshee waxay dood ka qabtaa kursiga madaxweynaha oo markii hore la siiyey Beledweyne, balse haatan la doonayo in laga soo wareejiyo, taas oo dhalisay muran aad u xoogan.

Marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan dad badan ayaa dhaliil ka muujinayo, maadaama ay meesha ka maqan tahay doorka dowladda dhexe iyo kan maamulkii hore ee HirShabelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu waqtigiisu dhammaaday ayaa horey uga horyimid tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday guddiga farsamada, isaga oo xusay in uu qabyo yahay guddiga, islamarkaana lagu darayo xubno dheeri ah oo haween ah, balse ma jirto cid dhageysatay hadalka madaxweynaha ee ku aadan dhismaha guddiga.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana khilaafka ugu daran uu ka taagan yahay doorashada xilka madaxweynaha oo uu u taagan yahay Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba in HirShabelle ay ku socoto burbur iyo kala qeybsanaan hor leh, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in wax is-bedal ah uusan soo kordhi doonin, maadaama weli xilalka ugu sarreeya ay u taagan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore.

HirShabelle ayaa tan iyo markii la dhisay wajaheysay khilaafaad dhanka maamulka ah, daruufooyin dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah, waana kan ugu liito maamullada dalka.

Xog: 40 qof oo muddo laba bil ka badan kiis qabiil ugu xiran maamulka HirShabelle

Balcad (Caasimada Online) – Xabsi ku yaala magaalada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa tan iyo 18-kii bishii hore waxaa ku xiran 33 qof oo isugu jira dhallinyaro iyo odayaal da’ah, kuwaas oo la soo qabtay markii lix qof oo subac aqrinayay lagu dilay degaan hoos taga degmada Raage Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay tuulo aan aheyn tii uu dil wadareedka ka dhacay, waxaana la sheegay in ay wax ka ogaayeen dilkaas maadaama beesha wax dishay ay odayaasha qaarkood u yihiin dhaqan halka dhallinyaradana looga shakisan yahay inay dilkaasi wax ka ogaayeen.

Maxamed Muxumed Xasan, oo ay qaraabo yihiin dadka xiran ayaa dalbaday in odayaasha la soo daayo ama la soo taago maxkamad maadaama ay waqti dheer xiran yihiin.

“Muddo dheer ayey xiran yihiin mana jirto cid maxkamad soo taagtay, qaarkoodna waa ku xanuunsadeen xabsiga sababtoo ah waxaa ku jira dad waayeello ah oo ku sii jiri karin xabsiga,” ayuu yiri Maxamed Muxumad oo ka tirsan dadka degaanka.

Waxaan dalbanayaa in odayaasha la sii daayo islamarkaana si dhab ah loo baaro xasuuqii dhacay oo aan kawada xunahay waana dagaal beeleed 25 sano soo taagnaa balse dadka xiran waa in maxkamad la saaraa si dambi loogu heli ama loogu waayo balse in leeska heesto waa ayaan darro,” ayuu yiri Maxamed.

Maamulka HirShabeelle ayaa dadkaan ka soo xiray tuulo ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana saacado lagu haayay degmada Raage Ceelle iyadoo markii dambe loo soo wareejiyay Balcad.

Warar madaxa banaan ayaa sheegaya in maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidanka ay odayaashaan ka dalbadeen in la soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dil wadareedkii haddii cadeen waayaanna aan la sii deen doonin.

Danaha heer qaran & shaqsi ee heshiiska dhex-maray Israel iyo dowladaha Carabta

Guud-mar

Tan iyo markii Donald Trump uu lawareegay talada dalka Mareykanka, waxaa isbadal laga dareemay xiriirka siyaasada arrimaha dibadda ee dalkaas gaar ahaan dunida Islamka.Isbadaladaan siyaasadeed ayaa kubilowday xanibaad xaga safarka ah oo lagu rogay muwaadiniinta 7 wadan oo Islam ah oo lagu eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin ururo xagjir ah.Liiskan ayaa laga dheehan karay in laga reebay magacyada wadamadii muwaadiniintoodu kulug lahaayeen weeraradii kadhacay Mareykanka sida S.Arabia islamarkaan lagusoo daray kuwo aysan muwaadiniintoodu weeraro kagaysan dalkaas. Waxaa xigay kabixitaankii Mareykanka ee heshiiskii nuclearka Iran, aqoonsigii uu maamulka Trump u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda Israel iyo qorshihii guracnaa ee loogu magac daray ‘qorshihii qarniga’ kaasoo si aan gabasho laheyn xagal daacin ugu sameeyay xaqa dadka Falastiin garab istaagayna Israel.

Kadib fashil lafilan karay oo ku yimid waxii loogu yeeray heshiiska qarniga ee bariga dhexe, madaxweyne Trump, Raisal wasaare Benjamin Netanyahu oo wakiilanaya Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Trump ahna lataliye sare oo madaxweyne Trump ah ayaa u weeciyey damacooda ah inay baadi goobaan sidii loo xoojin lahaa ama rasmi looga dhigi lahaa heshiisyo ugub ah oo dhexmara Israel iyo dowladaha Carbeed ee garabka u ahaa dadka Falastiin. Kahor bilowga howl-galkaan diblomaasi oo uu horkacayaan Kushner iyo kooxdiisa waxaa jiray tuhun xoogan oo ah inuu goor horeba abuurnaa heshiis hoosaad u dhexeeya dowladaha Carbeed kuwooda ugu tunka weyn iyo Israel gaar ahaan S. Arabia iyo UAE, arrintaan oo guud ahaanba kahor imaanaysay qaraarkii kasoo baxay shirkii Jaamacadda Carabta sannadkii1967-kii oo qeexayey inaysan dowlad Carbeed Israel lagalin wax wada xaajood ah, wax heshiis nabadeed ah iyo aqoonsi dowladnimo ah midna.

Balse lagasoo bilaabo bishii August ee sannnadkaan, waxaa si rasmi ah loo shaaciyey heshiis rasmi ah oo dhex maray Imaaraatka iyo Israel, taasoo ay dabayaaleen heshiisyo kale oo dhex maray Israel, Bahrain iyo Sudan. Arrintaan oo waji kale u yeeshay guud ahaan siyaasada gobolka gaar ahaanna qadiyadda dadka Falastiin.

Dowladihii Carbeed ee goorhore heshiiska lagalay Israel

Kadib qaraarkii Jaamacadda Carabta 1967-dii oodaba socday dagaalkii Israel kuqabsatay dhul balaaran oo Falastiin leedahay, gobolka Sinai ee Masar iyo buuraha Golan Heights ee Syria, waxaa mudo 20 sanno kudhawaad ah dhaqan-galay fulinta qaraarka wadamada kubahoobay Jaamacadda Carabta ee ahaa inaan wax heshiis ah lala gaarin Israel, laakiin waxuu xaalku isbadalaysannadkii 1979-kii kadib markii heshiis gaar ah oo Mareykanku garwadeen ka yahay kala saxiixdeen Masar iyo Israel kana dhigtay dowladii ugu horeysay ee Carbeed oo heshiis lagaarta Israel. Masar oo markii horeba masuug kaqabtay doorkii liitay ee dowladaha Carbeed ku lahaayeen dagaalkii 1967-dii ee looga qabsaday gobolka Sinai iyo dagaalo kale oo kadanbeeyey oo gaar ah, ayaa istusisay inay adag tahay inay awood dagaal dib ugu hanato dhulkeeda taas badalkeedana heshiis wax ku raadiso. Kadib heshiiska Masar iyo Israel, dowladii labaad ee heshiis la gaarta Israel waxay noqotay dowlada Jordan ama Urdun sannadkii 1994-kii.Waxii waqtigaas kadanbeeyey majirin heshiisyo rasmi ah oo dhexmaray Israel iyo dowladaha Carabta ah inkastoo uu jiray iskaashi qarsoodi ah oo kadhex-jiray labada dhinac.

Saameyntii Trump iyo isbadalada xiriirka Carabta iyo Israel

Guushii 2016-ka Trump ee doorashada Mareykanka waxay guul la saadaalin karay u aheyd dowladda Israel oo sida laga cabiran karay shaqsiyadda Trump iyo kalmadihii ololaha doorashadiisa ay ka muuqatay janjeer iyo taageero xoogan oo dhanka Israel. Trump oo horey xiriir dhaqaale ula lahaa Sucuudiga, Imaaraatka iyo Israel ayaa sida muuqata uga faaideystay xiriirkaas mid siyaasadeed. Trump ayaa waqtigan ku guuleystay inuu heshiis kadhex abuuro dowladaha Israel, UAE, Bahrain iyo Sudan. Laakiin marka hore aan eegno ujeedada iyo danaha heer shaqsi iyo heer qaran ee gadaal ka riixaya qabsoomida heshiiskan.

Danaha heer shaqsi ee heshiiska Israel iyo Carabta

Xiriirkan cusub ee Israel iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta ayaan kaliya ku xadid-nayn dano heer qaran ah balse ay kulamaan yihiin dano shaqsi.Danahaan heer shaqsi ayaa waxaa qeyb ka ah dano dhaqaale, kuwa hub iyo kuwo xil siyaasadeed.Hadaba aan mid mid u eegno danaha shaqsi ee dadka horboodaya xiriirkan cusub ee Carabta iyo Israel.

a) Xiriirka Trump& Mohamed Bin Salman: Trump oo kasoojeeda qoys caan ku ah ganacsiga gaar haan ka-ganacsiga guryaha, hotelada raaxada, adeega dalxiisayaasha, xarumo ciyaaraha golf-ka iyo kuwa kale ayaa nasiib u yeeshay inuu madaxweyne kanoqdo dalka Mareykanka sannadkii 2016-ka taasoo sare u qaaday fursadaha ganacsigiisa iyo xiriirka uu la leeyahay caalamka. Wadamada uu Trump waqtiga dheer xiriirka ganacsi la lahaa waxaa ugu horeeya S.Arabia, UAE iyo Israel halkaasoo uu kahirgaliyey ganacsiyo u badan guryo deegan ah iyo hotelo waaweyn oo kuwa raaxada ah. Marka laga tago ganacsigiisa kajira dalalkaas, waxaa jira in shaqsiyaadka ugu taajirsan dalalkaasi oo ay kujiraan masuuliyiinta dowladahaas ay aad u isticmaalaan hotelada Trump kuleeyahay Mareykanka kuwaa oo ku qarash-gareeya malaayiin dollar. Trump oo aan sharciyan loo ogoleyn inuu gacanta ku hayo maamulka ganacsigiisa gaarka ah xiliga uu hayo xilka qaran ayaa mudada uu xilka hayey lagu eedeynayey inuu masuuliyadiisa qaran uga faa,ideysanayo midiisa gaarka ah. Muwaadiniinta kasoo jeeda Sacuudiga ayaa sida lasheego maal-galin qiimaheeedu gaareyo $600 billion kuleh gudaha Mareykanka. Hadaba, si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee S. Arabia iyo Trump, talaabooyinka uu Trump qaaday waxaa kamid ahaa

Trump waxuu safarkiisii ugu horeeyey ee dibada ah tan iyo markii uu xilka qabtay ku aaday Sacuudiga, taasoo muujinaysa muuhimada uu u leeyahay dalkaas.

Trump ayaa aad ugu taageeray talaabooyinka uu xabsiga ku dhigay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan dad badan oo kamid ah qoyska boqortooyada iyo kuwa kale oo afkaar ahaan kasoo horjeestay talaabooyinkiisa isbadal ee uu ka bilaabay Sacuudiga, arrintaan oo ay qolyaha u dooda xaquuqul insaanku cod dheer ugasoo horjeesteen.

Trump waxuu dhagaha ka fureystay joojinta qasaaraha duqeynta dalka Yemen ee Sacuudigi horkacayo iyo baaqa ururada xaquuqul insaanka.

Trump ayaa iska dhagatiraydilkii loo geystay suxufigii ka howl-galayey wargeyska Washington Post ee Jamal Khashogi oo Sacuudiga lagu eedeyey, taasoo xumeyn kartay xiriirka labada dal horseedi kartayna cunno-qabateyn heer shaqsi iyo mid dowlad.

Trump ayaa Sacuudiga ka gacansiiyey is-hortaag lagu sameeyey qaraar Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ku eedeynayey Sacuudiga inuu danbiyo dagaal ka geystay dalka Yemen.

Trump ayaa sidookale is-hortaag kusameeyey qaraaro kasoo baxay aqalka Congress-ka Mareykanka oo lagu dal-banaayey in la joojiyo doorka taageerada military ee Mareykanka kutaageero Sacuudiga dagaalka dalka Yemen iyo iibka hub ku kacayey $8 billion.

Trump ayaa Sacuudiga la qaatay in Mareykanku dib uga laabto heshiiskii nukleerka ee Iran, islamarkaana cunno qabateyn aan kala go, laheyn kusoo rogo dowlada, shirkadaha iyo shaqsiyaadka ugu firfircoon dalkaas.

b) Xiriirka Trump & Israel:Trump oo shaqsiyan lagu tiriyo inuu yahay qof ku adag siyaasadaha muxaafidnimada oo xiriir dhow la leh dhaqanka iyo diinta, ayaa xiriir soojireen ah oo dhaqaaluhu hormuud u yahay mudo la lahaa Israel, balse waji kale yeeshay kadib damaciisii ahaa inuu iskusoo sharaxo xilka madaxweynaha.

Trump ayaa xiligii ololaha doorashadiisa aad usoo jiitay ururka awooda badan ee AIPAC oo ah urur door iyo saameyn xoog badan ku leh siyaasada dalka Mareykanka, gaar ahaan naq-shadeynta siyaasadda arrimaha dibada ee kuwajahan Bariga-dhexe iyo Israel. AIPAC ayaa saameyn dhaqaale iyo mid xod-xodasho oo aad balaaran ku leh doorashooyinka inta badan xubnaha aqalka hoose, midka sare iyo mida madaxweynaha ee dalka Mareykanka taasoo marwalba muhiim kadhigta in siyaasiyiintu geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida ururkan. Trump oo qudbad kahorjeedinaya ururka AIPAC 21-March 2016-ka ayaa soo bandhigay balanqaad xiligaas loo arkayey wax caqliga kabaxsan  oo uu ku taageeri doono Israel hadii uu taageero kahelo ururka, taasoo ay ugu danbeyn kuqanceen xubnaha ururkan, kuna taageereen ololihiisa doorasho.

Kadib doorashadiisii, Trump ayaa durba saxiixay xeer madaxweyne oo u aqoonsaday magaalada taariikhiga ee Jarusalam ama Qudus inay tahay caasimada Israel.

Trump ayaa dib uga baxay heshiiskii nukleerka Iran ee maamulkii kahoreeyey saxiixay, taasoo ay Israel kacabsi qabtay waqtiga dheer ee Iran laga ogolaaday inay ku burburiso hubkeeda nukleerka,  kuna badalay cunoqabateyn xoogan.

Trump ayaa joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray ururka gacanta ku haya qaxootiga Falastiin ee UNRWA.

Trump waxuu sidookale joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamud Cabaas.

Trump ayaa sidookale taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray kajoojiyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista xaquuqul insaanka kadib markii uu ku eedeeyay inay ka hiilisay Israel.

c) Benjamin Netanyahu: raisal wasaaraha Israel oo ay guul weyn u aheyd doorashadii Trump maadaama uu ku taageeray go,aano farabadan oo caalami ah kuwaasoo ay ku adkeyd inuu kahelo madaxweyne kale oo Mareykan ah, ayaa sidookale waqtiyadaan danbe wajahayey culeysyo gudaha ah oo ay ugu horeyso eedo musuq-maasuq, gaabiskanatiijada labadii doorasho ee ugu danbeysay iyo banaan-baxyo looga codsanayo inuu is casilo. Netanyahu ayaa doonayo inuu xiriirka cusub ee Israel iyo Carabta iskaga dulqaado culeyska shaqsi ahaan gudaha kaheysta islamarkaana qaladaadkiisa dadku ku iloobaan waagan cusub ee u dilaacay Israel iyo Carabta. Wallow ay baaritaankii musuq-maasuq iyo banaan-baxyadu wali socdaan, hadana ra,yi uruurinta dadka Israel iyo saxaafadda dalkaasba waxaa hareeyey hadal haynta xiriirka Israel iyo Carabta, taasoo marka loo eego xiliga lagusoo beegay guul siyaasadeed siin karta Netanyahu.

d) Jared Kushner: ninkan oo asal ahaan qudhiisa kasoo jeeda qoys Yahuud ah ayaa inta uusan Trump kuguuleysan xilka madaxtinimo ahaa ganacsade galaangal fiican oo ganacsi laleh Israel waxuuna xiriirkan sii xoogaystay kadib markii loo magacaabay lataliyaha qaaska ah ee madaxweynaha, hogaankana u qabtay siyaasada bariga dhexe. Kushner ayaa la sheegaa inuu gacansaar dhow la leeyahay qaar kamid ganacsatada iyo bangiyada maalgalinta sameeya ee Israel, ganacsatada waaweyn ee kasoo jeeda UAE, halka uu xiriir shaqsi oo saaxiibtinimo sidookale la leeyahay dhaxal-sugaha Sacuudiga. Kushner ayaa sida muuqata howshiisa aqalka cad aysan ku xadidnayn lataliyenimo balse ah shaqsi awood balaaran kuleh dejinta iyo hagidda siyaasada arrimaha gudaha iyo dibeda Mareykanka asagoo sabab u ahaa in shaqada laga ceyriyo xubno badan katirsanaa maamulka Trump oo ay isku qabteen arrimahaan.

e) Shirkaddaha hubka Mareykanka:  shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanka oo galaangal xoogan oo dhaqaale kuleh doorashada xubnaha Congress-ka iyo madaxda kale ee Mareykanka ayaa doorweyn oo taariikhi ah kuleh siyaasadda arrimaha Dibedda ee dalkaas ayagoo madaxda dalkaas culeys kusaara sidii suuq iibka hubka ah looga abuuri lahaa caalamka. Lagasoo bilaabo 1990-kii, gobolka ugu hub iibsiga badan aduunka waxuu ahaa Bariga-dhexe, taasoo bartilmaameed u noqotay shirkadahan. Waxii kadanbeeyey kacdoonkii ka dhacay dalalka Carabta waxaa sare usii kacayey dhaqaalaha shirkadahan kasoo gala wadamada gobolka gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar. Hadaba, marka la isku geeyo dagaalada kasocda Yemen, Syria, Libya iyo cabsida kadhex abuuran qaar kamid ah wadamada Khaliijka iyo Iran waxay fursad dhaqaale iyo suuq u noqotay shirkadahan oo adeegsanaya Trump iyo kooxdiisa.

Danaha heer qaran ee xiriirka Israel iyo Carabta

a) UAE oo heshiiskan cusub ee ay Israel la gashay aysan ka marnayn dano dhaqaale ayaa ahmiyada uguweyn ee ay ku aqbashay bandhiga Mareykanku hormuud ka yahay la oran karaa helitaanka agab military gaar ahaan diyaaradaha casriga ah ee F-35. Diyaarada F-35 oo ay soosaarto dowlada Mareykanka ayaa siyaasad ahaan kaliya laga iibiyaa wadamada saaxiibka dhow la ah Mareykanka sida Israel. UAE ayaa muujisay inay heshiis ay Israel lagasho fududaanayo marka laga iibiyo diyaarada F-35. Sharuuda UAE waxaa durba kahoryimid Israel oo kacabsi qabta in wadan Carbeed gacanta loo galiyo diyaaradan casriga ah taasoo qal-qal galin karta amnigeeda, balse cadaadiska gudaha ka haysta Netanyahu iyo danaha dhaqaale ee Trump iyo Kushner ayaa ugu danbeyn keentay in la aqbalo codsiga UAE oo qudheeda cabsi ka qabta awooda military ee Iran.

b) Bahrain oo bulshada kunool lagu qiyaaso inay 70% yihiin Muslimka Shiicada ah ayaa waxaa xukunkeeda gacanta ku haya qoys Sunni ah taasoo abuurtay in mujtamaca Shiicada ah oo garab kahelaya dowlada Iran iskusoo-baxyo mudo socday oo ay ku dalbanaayeen isbadalo siyaasadeed ay sababtay dhimasho, dhaawac iyo xabsi. Sacuudiga oo cabsi kaqaba kacdoonka shacabka Shiicada iyo doorka Iran kuleedahay ayaa durba faragalin milatari ku sameysay xiligaas taasoo dowlada Bahrain u sahashay inay xaalada si caadi ah kusoo celiso ayadoo awood isticmaalaysa. Bahrain oo kamid ah dowladaha heshiiska lagalay Israel ayaa damaceedu yahay garab istaag military oo ay kahesho Israel ayadoo xaaladeeda lagu macneyn karo oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd ‘Cadowgaaga cadowgiisa waxaa lasiiyaa caano macaan’.

c) Sudan oo in muda ah wajahaysay cuno-qabateyn waqti dheer saarnayd oo lagu sababeeyay xiriir gabaadsiin ah oo dhexmaray madaxweynihii hore Omar Al-Bashir iyo hogaamiyihii Al-Qaida Osama Bin Laden iyo taageero falal argagixiso oo lid ku ah Mareykanka iyo xulufadiisa, ayaa sidookale tan iyo markii xukunka laga tuuray Al-Bashiir ay lasoo daristay culeysyo dhaqaale iyo sicir barar dhanka maciishada ah oo baahsan. Raisal wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok oo hogaaminaya dowlad kumeel- gaar ah oo ka kooban militarigii meesha kasaaray Al-Bashiir iyo dad shacab ah ayaa in mudo ah raadinayey sidii go,doonka dhaqaale looga saari lahaa Sudan. Hamdok oo ay koobnayd fursadaha u furan maadaama uu wajahayey dibad-baxyo gudaha oo dadku kagasoo horjeedaan sicir bararka iyo shaqo la,aanta kor usii kacaya ayaa kudhacay gacanta xulufada UAE iyo Sacuudiga. Dalabka uguweyn ee Hamdok ayaa ahaa sidii Sudan loogusoo celin lahaa saaxada dhaqaalaha caalamka ee uu xukumo Mareykanka taasoo furaheeda laga helikaray Sacuudiga iyo Imaaraatka. Sudan ayaa is-adkeyn mudo socotay kadib aqbashay inay qaadato masuuliyada qaraxyadii loo geystay safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania iyo markabii dagaalka ee USS Cole islamarkaana bixiso magdhow kor u dhaafay $300 million. Qaadashada masuuliyada qaraxyadaan iyo magdhowga ay Sudan bixinayso waxaa maamulka Trump uga muhiimsanaa in Sudan qeyb kanoqoto mowjada heshiiska cusub ee Israel iyo Carabta, taasoo lagu dhex qarinayey arrinta masuuliyada qaraxyada. Hamdok ayaa kadib heshiiskan raja kaqaba in laga qaado cuno-qabateynta mudada saarneyd dalkiisa islamarkaana lacago amaah deg-deg ah ka helo IMF iyo World Bank. Heshiiska Sudan ee Israel ayaa wajahaya dhowr caqabad oo ay ugu horeyso in dowlada Hamdok tahay kumeel-gaar, in heshiiskan u baahan yahay ansixin baarlamaan kaasoo aanan ilaa hada dhisnayn iyo banaan-baxyo hor leh oo loogasoo horjeedo heshiiskan.

d) Israel ayaa waqtigan u muuqata inay heshiisyadaan kasoo hooysay guul taariikhi ah maadama qadiyadii Carbeed ee kuwajahneyd xoreynta Falastiin kala qeybsantay taasoo u xalaaleyn karta dhulka ay xooga ku haysato iyo falalka guracan ee ay kuhayso shacabka Falastiin. Israel iyo maamulka Netanyahu oo si xowli ah u wada balaarinta dhismaha dhulka Falastiin iyo abuurida deegaano cusub ayaa leh ujeed meesha looga saarayo helitaan wax layiraaddo dhul iyo dowlad Falastiin ah taasoo uu dhaawac culus soo gaaray waqtigan.

e) Mareykanka iyo kooxda Trump oo hormuud ka ahaa gundhiga, iib-geynta iyo fulinta heshiiskan kunasoo beegay xili lagujiro doorasho ayaa marka lagasoo tago danaha dhaqaale ee heer shaqsi iyo abuurintaanka saaxiibo cusub oo ay Israel yeelato, sida muuqata heshiiskan saameyn xoogan oo lataaban karo kuma uusan yeelan ololaha iyo hadal haynta doorashada Mareykanka. Heshiisyada noocan oo kala ah oo badanaa saameyn kuyeesha ra, yiga iyo codeynta dadweynaha, waxaa waqtigan laga filan karay inay fursad u noqoto maamulka Trump laakiin ma noqon, taasoo loo sababeyn karo culeysyada dhaqaale iyo shaqo la,aaneed ee uu keenay xanuunka COVI-19 oo dadka uga ahmiyad badan xiligan. Sidookale heshiiskan waxuu u dhaba-xaarayaa in madaxda danbe ee Mareykanka si ka culeys yar sidii hore u wajahaan xaalada Israel iyo Falastiin oo markii hore ootin ku aheyd.

f) Sacuudiga wali si rasmi ah qeyb ugama ahan heshiiskan, laakiin siday Soomaalidu tiraahdo ‘halkii aad qaac ku aragto dabna ka filo’ oo macnaheedu yahay halkii aad Imaaraatka ku aragto Sacuudigana ka filo. Dad badan ayaa aaminsan in Sacuudigu doorweyn ku leeyahay qal-qaalada iyo hirgalinta heshiiskan, mustaqbalka dhowna si rasmi ah qeyb uga noqon doono maadaama Mohamed Bin Salman lagu sheego saaxiibka dhow ee kooxda Trump iyo Israel.

Gunaanad

Sida muuqata, heshiiskan waxuu dhaawac halis ah gaarsiin karaa qadiyada shacabka Falastiin oo markii horeba arrintoodu ceel kusii socotay. Midnimada Carbeed iyo difaacida xaquuqda Falastiin waxay aheyd xalka kaliya ee rajo looga qabay in mar la arko dowlad Falastiin leedahay oo xor ah balse arrintan ayaa dhanka kale fariin u direysa mujtamaca kale ee aan Islamka ama Carabta aheyn inay banaanka ka istaagaan qadiyadda Falastiin maadama kuwii Carbeed-ba dantooda ka eegteen. Shaki kuma jiro inay jiri doonaan dowlado kale oo Carbeed oo kusoo dhaca shabaqa Israel ee kaqeyb noqoshada heshiiskan haba ugu badnaadeen kuwa saboolka ah maadama Israel kusoo jiidan karto horumarka ay kagaartay dhanka beerashada casriga ah ee beeraha, tababarka ciidanka, iibka hubka iyo bixinta deymaha bangiyadda.

Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected] ama Facebook: xamdi wardheere.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid 

Siyaasi Mohamed Yuusuf oo digniin kasoo saaray waddada loo maray dhismaha baarlamanka HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan siyaasiyiinta, cuqaasha iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Hirshabelle ayaa ka horyimid qaabka loo soo xulay xubnaha xildhibaanada maamulkaas.

Siyaasiga Mohamed Yusuf Ahmed oo kamid ah xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka hoose ee  dowladda Federaalka ayaa si cad uga horyimid in habeen  la isaga dhawaaqo xubnaha barlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo uu ku tilmaamay mas’uuliyad darro iyo wax aan la aqbali karinoo shaqsiyaad masaalixdooda looga danleeyajay.

”Waxaa aragnaa in dad aan Hirshabelle u daneyneyn ay habeen ay iska qorteen istaafkoodii iyo shaqaalahoodii,” ayuu yiri siyaasiga Mohamed Yusuf oo intaana ku daray in wixii ka halaaba  Hirshabelle ay qaadi doonaan mas’uuliyaddeeda odoyaasha dhaqanka ee loo adeegsaday.

Wuxuu ka digay khatarta in la burburiyo maamulkaas oo ay tahay in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa, loogana hortagi lahaa qaswadayaasha danaha siyaasadeed un ku fushanaya isqabsiga beelaha dega maamulkaas.

Beesha caalamka oo saddex arrin ku cadaadineysa DF iyo maamul goboleedyada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray kulankii maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray wafdigii la socday Danjire James Swan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

James Swan ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay kala hadleen ahmiyadda ay leedahay sii socoshada wadashaqeynta hoggaanka dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

“Kulankeenii maanta ee aan la qaadanay Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay ahmiyada ay leedahay sii socoshada xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waxaana dhiiri galiyay soo nooleynta wadahadalladooda,” ayuu yiri James Swan.

Socdaalka uu maanta ku tegay Dhuusamareeb wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxaa ku wehliyey wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, danjire ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller iyo xubno ka socday urur goboleedka IGAD.

“Waxaan jeclahay inaan ku amaano, anigoo ku hadlaya magaca kooxdeena, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hoggaamintiisii ​​martigelinta shirarkii isdaba jooga ahaa ee Dhuusomareeb ka dhacay bilihii July iyo Ogosto, taas oo horseeday shirarkii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho bishii hore ee Sebtember, intii lagu jiray heshiiska doorashada dalka,” ayaa lagu yiri warbintan ka soo baxday xafiiska James Swan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku boorinayaa dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan wadashaqeynta iyo hanaankan ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka Qaranka, si marka kasta ay isula xariiraan, taas ooh or seedi karta hufnaan, cadaalad iyo wax wada-qabsi.”

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in socdaalkan uu ka mid yahay dadaallada lagu hubinayo qoondada haweenka ee 30%, taas oo muhiim ka dhigeysa inay metelaad ku yeeshaan guddiyada xulista ergada iyo doorashooyinka baarlamaanka, sida lagu yiri warbixintan.

“Intii aan joognay Dhuusamarreeb, waxaan sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye dadaalka uu ugu jiro dib-u-heshiisiinta, waxaana ku boorrinaynaa inay taasi sii socoto. Waxaan sidoo kale diiwaangelinnay walaaca aan ka qabno dhacdooyinka amniga ee ugu dambeeyay, maadaama Al-Shabaab ay u hanjabtay dadka,” ayuu yiri Danjire Swan.

Waxa uu sheegay inay dhanka ammaanka ka gacan siinayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay soo dhaweynayaa joogitaanka ciidamada AMISOM ee Galmudug si ay u taageeraan ciidamada amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay James Swan in booqashadii ay maanta ku tageen Dhuusamareeb inay u tahay booqashadii labaad oo ay bishan gudaheeda ku tageen mid ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka, isagoo soo dhaweyntii loo sameeyey uga mahad celiyey shacabka iyo madaxweynaha Galmudug.

Culimada Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyey gefkii Macron ee Islaamka soona jeediyey hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn caro uga muujiyay hadalka madaxweyana Faransiiska, Emmanuel Macron, kaddib dhacdadii lagu dilay macalinkii u dhashay dalkaas oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed uu sheegay inuu ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulan ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceyn u jeedisay madaxweynaha Faransiiska. Waxayna soo jeediyeen in Faransiiska lagula hadlo luuqad ay fahmayaan oo ah in xiriirka loo jaro.

“Culimada soomaaliyeed iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta Islaamka iyo danaha Muslimiinta, waxay dhaleecenayaan hadalka iyo mowqifka madaxweynaha Faransiiska,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ah afhayeenka hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Macron ‘uu dhaawac u geystay diinta Islaamka, isla markaana dagaalka toos ah ku qaadayo Muslimiinta.’

“Wuxuu go’aansaday in dagaal toos ah ku qaado diinta Islaamka iyo dadkeeda, Nebiga NNKH in sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan cad oo lagu qaaday diinta Islaamka, waa duullaan lagu qaaday dhammaan Islaamka” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekh Soomow ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka qaar ka mid ah dalalka Carabta ay ka soo saareen arrintan. “Dalalka diiday waxyaabaha uu soo saaro Faransiiska waan u hambalyeyneynaa.”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “dacaayadaha cunsurinimada iyo Islaam naceybka ah ay adeegsadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka, si ay u xoojiyaan danahooda siyaasadeed.”

“Khaladaadka ay galayaan cunsuriyiinta reer galbeedka ayaa hadda noqday dacaayad olole siyaasadeed ah. Macron waxyaabaha hadda ugu waaweyn ee u kalifay difaaca taasaa waxaa ka mid ah in Islaamka ceydiisa lagu galo olole siyaasadeed, wax shaqeyn karana ma ahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guud ahaan shucuubta dunida Islaamka ayaa aad uga carootay hadalka Macron, waxayna dalalka Islaamku joojiyeen badeecadihii uga imaan jiray Faransiiska, iyadoo ciqaab looga dhigayo gefka uu diinta suuban ee Islaamka u geystay madaxweynahooda.

Meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo looga soo hor jeedo gefka uu Faransiisku kula kacay Nebi Muxamad NNKH.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ay berri ka dhacaan banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah gefka madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron.

Warbixin faah-faahisay sida Al-Shabaab ‘u canshuurto’ shaqaalaha DF iyo inta uu la egyahay dakhligooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo BBC-du qortay ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabaab dhaqaale badan oo canshuur ah uu ka uruursado gudaha Soomaaliya, taas oo weliba ka badan tan ay qaado dowladda Soomaaliya.

Warbixintan oo laga soo xigtay machad cilmi barista ee Hiraal ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay ganacsatada ka qaadaan lacag dhan 15 million oo dollar bil kasta, taas oo ka badan lacagta dowladda kasoo gasha canshuurta ay ganacsatada ka qaado.

Ka sokow ganacsatada Al-Shabaab waxay lacag baad ah la qaadaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xataa saraakiisha ciidamada, sida warbixintaan lagu xusay.

Lacagta ay Al-Shabaab ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee 15-ka million gaaraysa kala bar waxay kasoo gashaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warbixintaan maanta la daabacay waxaa lagu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin dhibanayaal oo dowlada iyo Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaadaan, ayna ku qasbanyihiin inay bixiyaan.

“Ganacsatadu waxay lacagta u baxshaan oo ay Al-Shabaab u siiyaan waa cabsi ay ka qabaan ee ma’ahan rabitaankooda iyo qanaaco” ayaa lagu yiri warbixintaan laga soo xigtay machadka baaristan sameeyay ee Hiraal.

Waraysiyo laga qaaday mas’uuliyiin dowlada ku jira, ganacsato iyo xataa hoggaamiyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo magacyadooda la qariyay ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay lacago bille iyo mid sanadle ahba ka qaadaan dhamaan shirkadaha waa weyn ee dalka ka jira, taas oo ay u kala qeybiyaan canshuur iyo sako iyo xataa mararka qaar shirkadaha laga qaado lacag dhan 2.5% lacagaha faa’iidada ah ee ay helaan shirkaduhu.

Magaalada Muqdisho ganacsatada ka shaqaysta meelaha u dhaw xarumaha dowladda, sida agagaarka madaxtooyadda ayaa warbixintaan lagu sheegay in laga qaado lacago canshuur ah oo Al-Shabaab qaataan.

Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo dowladda ayay warbixintaan sheegaysaa in Al-Shabaabna ay il dhaqaale u tahay oo ay canshuuraan ganacsatada wax kala soo degta.

Mas’uuliyiin magacyadooda la qariyay oo dekedda ka shaqeeya ayay warbixintu sheegeysaa inay Al-Shabaab u gudbiyaan waraaqaha maanafeestada loo yaqaan ee maraakiibtu wadato.

Machadka Hiraal ee BBC-du warbixintaan kasoo xigatay waxaa uu sheegay in shaqaalaha dowladda qaarkood ay xataa Al-Shabaab siiyaan qeyb ka mid ah mushaarkooda si ay uga nabad galaan.

Shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee ka shaqeeya meelaha dowladu ka taliso waxay sheegeen in taleefoono lagala soo xiriiro, sidaasna ay lacagaha ku bixiyaan.

Dhulka ururku ka taliyo dhib badan kalama kulmaan oo toos ayay ganacsatada ugu tagaan, ugana qaataan inta ay doonaan ee lacag ah.

Beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku sugan meelaha ay ka taliyaan ayaa ah kuwa ugu badan ee ay lacagaha ka qaataan.

Warbixintaan oo aad u dheer  waxaa lagu xusay wareysi laga qaaday sarkaal tirsan ciidamada Soomaaliya oo lacag badan laga qaaday si ay u suurto gasho sii wadista dhismo guri uu dhisanayay.

Sarkaalkaan waxaa uu sheegay in markii uu diiday inuu bixiyo lacag la weydiistay in shaqaalihii dhismaha ka waday gurigiisa loo hanjabay, lana joojiyay gaadiidkii qalabka dhismaha geyn lahaa, taas oo ugu dambeyn keentay inuu baxsho lacag gaaraysaa 3,600$.

“Waan ku qasbanaa in lacagtaas baxsho, anigoo dagaal kula jira maleeshiyadooda, waayo wadada kale ee ii furan waxay aheyd, inaan dhismaha joojiyo” ayuu yiri sarkaalkaan ciidanka dowladda ka tirsan ee Al-Shabaab lacagta siiyay oo warbixintaan magaciisa iyo darajiisaba lagu sheegin.

Waxuu sidoo kale yiri “Anigoo ka xun ayaan baxshay lacagtaas”.

Sidoo kale waxay indho gooni ah ku eegeen Al-Shabaab dhismooyinka ay qaraxyada ku dumiyaan, marka la damco in dib loo dhiso oo ay mar kale lacago baad ah ka qaadaan, haddii loo diidana ay mar kale dib u weeraraan.

Ganacsade jooga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay taleefoon kula hadleen qof ay shaqo wadaag yihiin oo doonayeen inuu dib u dhiso Hotel ay horay u qarxiyeen kadibna ay ku qasbeen inuu baxsho lacag aan gorgortan iyo wada hadal toona laheyn.

Qofkii diida dalabka Al-Shabaab ee lacag bixinta ah, waxuu ku qasbanyahay inuu labo mid un sameeyo “inuu ganacsigiisa joojiyo, iyo inuu dalka ka baxo” ayaa warbixintaan lagu yiri.

Gaadiidka xamuulka qaada ee gobollada dalka iskaga safra wadayaashoodu waxay sheegeen in lacag badan Al-Shabaab ka qaataan, laakiin ay kaga duwan yihiin dowladda inay hal boono ku dhex maraan dhulkooda, halka dowladda meel walba lacag lagu weydiiyo.

Magaalooyinka Boosaaso, Jawhar, Kismaayo iyo Baydhaba ayaa lagu xusay warbixintaan inay ka mid yihiin magaalooyinka Al-Shabaab ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan.

Dhawaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa loo gudbiyay warbixin ay diyaariyeen guddiga daba-galka cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxay ku sheegeen in Al-Shabaab ay lacag badan ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku fuliyaan weerarrada ay dalka ka geystaan.

QM oo war kasoo saartay shaqaale lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday, kuwaas oo olole tallaal ka waday degaanka markii la toogtay.

“UNICEF waxaa ka argagixiyey weerarkii goor hore oo maanta Muqdisho ka dhacay, kaasi oo si naxdin leh ay noloshooda ugu waayeen laba shaqaale gargaarka bani’adaanimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF.

“Shaqaalahan geesiyayaasha ahaa ee tallaalka dabeysha ayaa furinta hore ku jiray ayaga oo noloshooda u halis gelinayey inay adeeg caafimaad oo muhiim ah siiyaan caruurta baylahan. Waxaan tacisdeena u yabooheynaa qoysaska dhibanaayasha.”

UNICEF ayaa sheegtay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka ay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga ah, ayna tahay inaan loo dulqaadan.

“UNICEF waxay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa weerarkan fuleynimada leh, waxayna ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta inay baaritaan buuxa ku sameeyaan. Shaqaalaha gargaarka waa inaan marnaba la beegsan.”

Isha: VOA

Xog: Heshiiska lagu hoos geynayo DF ee keenya in SOMALILAND ay joojiso wada-shaqeyntii QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa bishan gudaheeda soo saartay labo go’aan oo culus, kuwaasi oo ka dhan ahaa Qaramada Midoobay, isla markaana ay ku joojinaysa wada-shaqeynteeda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumada Somaliland ayaa wada-shaqeynta Qaramada Midoobay u joojisay heshiis wada-shaqayneed oo ay dhawaan kala saxiixdeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayey Somaliland u aragtaa mid lagu hoos geynayo dowladda federaalka, isla markaana wiiqaya qaranimadeeda, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax-banaan, sida uu mas’uul ka tirsan xukuumada Muuse Biixi u sheegay Caasimada Online.

Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa soo saartay bishan gudaheeda labo wareegto oo ku kala taariikheysnaa 17-kii iyo 25-kii October, kuwaasi oo ahaa go’aamo ay ku joojineyso xiriirka wada-shaqeyneed ee QM.

Xukuumadda ayaa markii hore sheegtay inay joojisay dhammaan howlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira dejinta qorshayaasha heshiiska wada-shaqaynta horumarinta waarta ee loo yaqaan (UNCF).

Iyada oo midka go’aankeeda labaadna ku shaacisay in xukuumadda Somaliland ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, isla markaana lagu hakiyey wada-shaqeyntooda.

Go’aanada Somaliland ee ay ku joojinayso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay mid ay uga jawaabeyso faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida ay ku doodo.

Hay’adaha kala duwan ee QM ayaa howlo horumarineed iyo mid bani-aadanimo oo baaxad leh ka wada deegaanada Somaliland, ilaa haddana ma jirto jawaab celin ay ka bixisay go’aanka Somaliland, iyada oo la soo warinayo inay ka baaran degayso ka fal-celinta go’aanadaasi.

Yaa W/Arrimaha Gudaha kor-joog uga ah soo xulista xildhibaanada HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in ilaa hadda cid ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan tagin magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle oo ay ka socoto soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka HirShabeelle oo kaliya uu iska wato dhismaha iyo soo xulista baarlamanka, oo la filayo in lagu dhowaaqo saacadaha soo socda, iyadoo aysan jirin cid goob joog ah oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxeyna arrintaan sababi kartaa in ay sii adkaato xaaladda HirShabeelle.

Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta beelaha iyagoo sheegaya in aysan heysan madaxbanaani halka qaarkoodna ay sheegeen in laga tagay xubnihii ay usoo xusheen kuraasta beesha, islamarkaana lagu badashay shaqsiyaad kale.

“Waa qasab in wasaaradda arrimaha gudaha goobjoog u ahaato soo xulista baarlamaanka, waana qeyb kamid ah awoodaha wasaaradda, haddii ay ka maqantahay xubnahana la shaaciyo waxaa dhici kara cabashooyin badan iyo musuq-maasuq ballaaran,” ayuu yiri Prof. C/risaaq Jimcaale oo la hadlay Caasimada Online.

“Haddii maamulka loo gaar yeelo laguna kor joogtaynin sida howshu u socoto waxay rabaan ayey sameyn karaan mana noqon doonto doorasho hufan oo cadaalad ku dhacda sababtoo ah waxaa maqlayaa in ay madaxda qaarkood musharax yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof C/risaaq Jimcaale.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xubno ka socda xafiiska taliyahay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay joogaan Jowhar islamarkaana ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ee soo xulista baarlamanka, halka sidoo kalane ay joogaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo iyagana shaqsiyaad wato.

Wasaraadda Arrimaha Gudaha, ayaa muddo ku dhow saddex bil aheyd mid aan shaqeyn sababo la xiriria wasiirkii hore oo tan iyo markii xilka laga qaaday Kheyre gees looga riixay shaqadiisa, maadaama uu ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, halka wasiirka cusubna uu jiro toddobaad kaliya.