25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Maxaadan ogeyn oo uu Sheekh Shariif ka wadaa magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib bilooyin dhowr ah oo uu ku maqnaa wadamada dariska.

Saacado kadib markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa gurigiisa buux dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaal dhaqan, siyaasiin hore, Xildhibaano iyo madax ka tirsan ururada haweenka.

Guriga Sheekh Shariif ayaa laga dareemayaa mashquul badan waxaana jira kulamo uu durba bilaabay inuu la qaato qaar kamid ah dadkii gurigiisa soo booqday si ay usoo dhaweeyaan.

Villa Somalia ayaa mashquulka guriga Sheekh Shariif u aragta abaabul doorasho oo uu si toos ah uga bilaabay Muqdisho halka madaxda kale ay ka wadaan wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa muddo ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kadibna soo maray magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula soo kulmay xildhibaano iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Imaanshaha Shariifka ee Muqdisho ayaa ka dhigan inuu dib ugu soo laabtay saaxada siyaasadda dalka, isaga oo ka gaabsaday intii uu socday loolankii heshiiska doorashada ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in muddadaas uu Shariif ku maqnaa wax loogu yeeray “xeelad siyaasadeed” oo ay qeyb ka ahayd inuu yareeyo ka hadalkiisa siyaasadda dalka, si aan loogu arag qof mar kasta ka daba qeylinya dowladda oo hadalkiisa macno beelay, taas beddelkeedna uu doonayey in ficillada dowladda looga jawaabo kaliya qoraallada Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu kamid ah musharaxiinta sanadkaan la aamisan yahay in ay tatrtan adag la geli doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiin kale.

Nidaamka yaabka leh ee Al-Shabaab ay canshuuraha uga ururiso MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro iyo lacago baad ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyo weliba shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay dhawaan daboolka ka qaaday warbixin cusub oo la shaaciyey.

Warbixintaasi oo dhawaan uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga ee HIRAAL ee fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay qaabka ay Al-Shabaab usoo ururiso canshuuraha ay qaado, iyada oo adeegsaneysa Bankiyo kala duwan, ganacsato iyo shaqsiyaad kale.

Waxa ugu horeyntii warbixintaasi lagu sheegay in Al-Shabaab ay hal lambar oo isku mid ah u isticmaasho la xiriirka ganacstada iyo shaqsiyaadka ay canshuurta ka rabto ee isku deegaanka ah, taasi oo fududeynaysa cabsi gelinta dadkaasi oo ka xaqiijin kara shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ee kooxdaasi ku jira.

Canshuuraha ay kooxda Al-Shabaab ka qaado Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa loo soo aruuriyaa qaabab kala duwan, kuwaasi oo mararka qaar ku xiran xaddiga lacageed ee la uruuriyay, goobta ganacsigu ku yaal iyo meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaasi, sida lagu xusay warbixinta.

Arrinta yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta HIRAAL ayaa ah in saraakiisha u qaabilsan Shabaabka soo ururinta lacagahaasi ay mararka qaar si toos ah ugu tagaan meelaha iyo ganacstada laga rabo lacagta, isla markaana kasoo qaada lacag kaash ah, kuwaasi oo ka baxsan meelaha ay gacanta ku hayaan.

Shabaabka ayaa badanaa waxa lacagaha canshuurta ku ridaan ama ku aruriyaan xisaabaad (akoono) bangi oo ku diiwaan-gashan shaqsiyaad ganacsi leh iyo kuwa aan laheyn balse damaanad buuxda ka haysta saraakiisha sare ee kooxdaasi.

“Waxa jira xubno Al-Shabaab ah kuwaas oo iska dhiga in ay ganacsato yihiin isla markaana shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan uruurinta iyo dhaqdhaqaaqa lacagta. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah oo raba in uu lacago ka xawilo meelo ay Shabaab ka taliso ayaa lacagta u dhiiba xafiiska maaliyadda ee Shabaab, kaas oo isna u tilmaama ganacsade kale oo AS xiriir laleh kuna sugan dhulka dawladdu ka taliso, kaas oo ganacsadihii hore siiya lacagtiisii isaga oo kubixinaya lacag cashuur ah oo uu kasoo qaaday ganacsade kale” ayaa lagu yiri warbixinta HIRAAL

Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay ganacsatada iyo dadka kaleba ka qaado canshuuro ka badan midda dowladda.

Afar dowladood oo lacagta ugu badan ku bixinaya doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Olalaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag ku  bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay ku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah.

Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirsadeen wakiilo la kulama madaxda Qaranka.

Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doolar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii aysan qorshahooda koowaad ku guuleysan.

“Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yiri Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah.

“Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen.

Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guuleestaan doorashada Soomaaliya.

QM: “Waxa caddeymo ah waa loo waayey eedihii loo jeediyey Jeneral Saadaq”

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa shaaca ka qaaday in wax dambi oo ku saabsan xiriir Al-Shabaab lagu waayey Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, oo ah taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

Kooxdii hore ee QM u qaabilsaneyd kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Somalia-Eritrea UN Monitoring Group), ayaa ku eedeeyey Jeneral Saadaq inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee, kulan xalay uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya, ayaa safiirka Belgium ahna guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateenada QM Philippe Kridelka, waxa uu ku sheegay in kadib dib u eegis lagu sameeyey warbixinadii ay soo gudbiyeen kooxdii UN Monitoring Group la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu ku xiran yahay Al-Shabaab.

“Waxaan jeclahay inaan idinku wergeliyo in Guddiga Khubarada QM ay caddeeyeen, kadib dib u eegis ku sameeyeen warbixin ay soo gudbiyeen kooxdii ka horreysay ee UN Monitoring Group ee ku saabsan Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, in la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, islamarkaana guddiga aysan hadda wax baaris ah ku hayn Jeneral Saadaq,” ayuu yiri Philippe Kridelka.

Go’aanka Guddiga Khubarada ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey dowladda Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ee QM, Zhang Jun ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa mowqifkeena joogtada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan laga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo guddiga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogteynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sameeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin. Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jeneral Saadaq Omar Maxamed, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.”

Dowladda Soomaaliya iyo qareeno matalayey Jeneral Saadaq ayaa muddo waday dagaal sharciyeed ka dhan ah eedeymaha aan salka laheyn ee ay usoo jeediyeen Kooxdii la beddelay ee UN Monitoring Group, taasi oo ugu dambeyn laga guuleystay.

Arrintan ayaa muujineysa in Soomaalida ay leeyihiin awood iyo habab ay uga jawaabi karaan ugana dhiidhin karaan eedeymaha aan caddeymaha loo hayn ee uga yimaada hay’adaha iyo ururada caalamiga ah, oo aysan ahayn inay iska aamusaan oo ay iska aqbalaan.

Hoos ka daawo muuqaallada Philippe Kridelka iyo Zhang Jun.

Al-Shabaab oo dagaal ku bilowday madaafiic xalay ku qaaday magaalada Marka

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka o u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ku billowday madaafiic, sida ay xaqiijiiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka madaafiicda markii lagu hore lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Marka, waxaana xigay iska hor-imaad dhex-maray labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in halkaasi uu ka qarxay dagaal saacado socday oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, balse xaaladda aya haatan ah mid degan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/Hoose.

MURSAL oo farriin culus u diray xukuumadda Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galayey xalay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada baarlamaanka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada soo socota 2020/2021.

Mursal ayaa marka hore farriin u diray xukuumadda cusub ee hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo sheegay in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda.

Sidoo kale afhayeenka golaha shacabka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya inay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo horey heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan codka kalsoonida la siiyey golaha wasiirada ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

DF oo war kasoo saartay aflagaadadii loo geystay Nebiga NNKH iyo Islaamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay aflagaadadii loo gaystay Nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay magacowdo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo aflagaadadan ku kacan.

Macron ayaa Arbacadii hore cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.”

“Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku boorrinayso hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

Xog: Xildhibaanada cusub ee HirShabelle oo lagu soo rogay lacag 500 oo dollar ah

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jowhar ayaa Caasimada Online u sheegay in dhamaan Xildhibaanadii lagu dhawaaqay lagu wargeliyay in qof kasta oo kamid ah laga rabo lacag dhan $500 (Shan boqol oo doolar) si loo siiyo kaarka aqoonsiga Xildhibaannimo.

Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada labaad ee HirShabeelle ayaa la sheegay in Xildhibaanada u gudbiyeen Akoon uu guddiga leeyahay islamarkaana qof kasta loo sheegay in kaarkiisa aqoonisga ay kaga xiran tahay $500, haddii uusan bixinna aan kaarka la siin doonin.

“Waxay dadka dhan la noqotay in af cad lagu dhaho waxaa lagaa rabaa $500 iyadoo lagu dhawaaqay, olole waa soo dhamaaday hadda mar hadii laguugu dhawaaqo waxaa tahay Xildhibaan mana heysanaba lacag waa naga dhamaatay,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ee Xalay lagu dhawaaqay.

Arrintan ayaa timid kadib markii shalay subax ay tageen xarunta guddiga farsamada xildhibaanadii lagu dhowaaqay loona sheegay inay bixiyaan lacagtaas.

Xildhibaanadii dib u soo laabtay ayaa sheegay inaysan hore u jirin lacago ay hore ugu bixiyeen inay qaataan aqoonsiga xildhibaanimada sanadkii 2016.

Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa habeenkii Talaadada ku dhowaaqay Xubnaha baarlamaanka dowlad gobaleedka HirShabeelle, iyadoo ay daba socdaan doodo badan oo ay qabaan beelaha qaar.

Maxay tahay xeelada cusub ee dowladda Mareykanka ku wajahayso Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo warbixin cusub ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo hor leh oo lagu wajahayo dagaalka adag ee lagula jiro kooxdaasi.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu markan diirada saarayo sidii loo xakameyn lahaa ilaha kala duwan oo ay dhaqaalaha ka hesho kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa ak codsaday dowladda federaalka iyo dowlada goboleedyada inay taageeraan qorshahaasi, si looga hortago in dhaqaale fara badan ay hesho Shabaab.

Dhanka kale Mareykanka ayaa warbixintiisa ku shaaciyey inuu doonayo inuu hoos dhigo qatarta Al-Shabaab ee Soomaaliya, isaga oo ka cunaqabateynaya hubka & qaraxyada

“Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Soomaaliya sidii ay uga faa’iideysan lahayd nidaamka cunaqabateynta hubka iyo waxyaabaha qarxa.” ayaa lagu yiri warbixinta.

Safiirka Mareykanka u fadhiya QM ayaa sidoo kale golaha ammaanka u sheegay in tallaabo laga qaadi doono wadamo la sheegay in Al-Shabaab ay maaliyadda u soo marto.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka qeyb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo duqeymo dhanka cirka ah markasta ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Cali Cosoble oo qoraal lama filaan ah soo saaray – Ma isbedelay mowqifkiisii dhismaha HirShabeelle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si ka duwan sidii laga filayey uga fal-celiyey shaacinta liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Madaxweyne Cosoble, oo in badan mucaaradsanaa hab dhismeedka maamulka cusub ee HirShabeelle, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xildhibaanada cusub ee maamulkaas.

Sidoo kale qoraalkiisa waxuu ku sheegay in sida u muuqata xubnahan cusub ee baarlamaanka HirShabeelle ay ka tayo roon yihiin kuwii hore ee asaga doortay, kadibna riday, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ii muuqata Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle inuu ka taya sarreeyo Baarlamaankii ka horreeyay. Waxaan u rajeynayaa guul, waxaana leeyahay HAMBALYO,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cosoble.

Qoraalka Cosoble ayaa waxaa aamini waayey dadka ku xiran boggiisa ee u muuqda inay kasoo jeedaan beeshiisa, kuwaas oo qoraalka uga jawaabay inay weydiiyaan in akoonka laga jabsaday iyo in kale.

Isaga oo taas ka jawaabaya ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay facebook waxa uu ku yiri “Kama aanan hadal qaddiyad iyo heshiis laakin waxaan isu eegay baarlamaankii hore iyo midka hadda lagu dhawaaqay, waxaana taya sarreeya midka cusub.”

Madaxweyne Cosoble ayaa ka soo jeeda beesha Xawaadle oo degta gobolka Hiiraan, islamarkaana aad u saluugsan sida haatan loo wajahayo dhismaha maamulka HirShabeelle.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo inta badan siyaasiyiinta beeshaas ayaa ku doodaya in markii la yagleelayey maamulkan afar sano ka hor lagu heshiiyey inaan Xawaadle lagula tartami karin kursiga madaxweynaha HirShabeelle.

Haatan waxaa muuqata in dowladda dhexe ay qorsheyneyso in kursiga madaxweynaha HirShabeelle uu noqdo mid loo geli karo tartan furan, in kastoo wax walba ay isbedeli karaan.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan, sida Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa kol hore gaaray Jowhar, iyagoo eedeyn u jeediyey xubnaha beeshooda ee saluugsan sida wax u socdaan.

Haatan waxaa muuqata in siyaasiyiinta Xawaadle ee gaartay Jowhar, isla markaanawax ka dhisaya maamulka uu ku mowqif noqday Cali Cosoble oo markii hore aad u diidanaa sida wax u socdaan, sidoo kalena dowladda federaalka ku eedeynayey inay dhismaha HirShabeelle ku heyso faragelin qayaxan.

Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Kooxda Al-Shabaab ayaa badanaa ka war haysa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda Muqdisho, iyada oo xogtaasi u gudbiyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay shaacisay warbixin uu baahiyey machadka Hiraal.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay inay garato cashuurta ay ka qaadayso ganacsiyadaasi, maadama ay manifeestada wax soo dejinta ka hesho shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dekedda oo la leh wada-shaqeyn.

Al-Shabaab ayaa xogtaasi u adeegsata xadiga canshuurta, iyada oo dalbata canshuurta kastamka ee dhammaan wixii la soom dejiyay, midaasi oo ka dhigan in kooxdu wax u canshuurto qaab lamid ah dowladda, balse ka dhaqaale badan.

Intaas kadib kooxda ayaa xadiga canshuur ee ay go’aamisay u gudbisa ganacstada wax kala soo dega dekadda, taasi oo aan la hayn wax gor-gortan ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Ganacsatada ayaa badanaa bixiya lacagaha ay kusoo dalacdo kooxdaasi, iyaga oo u arka inaysan jirin cid sugi karta amnigooda, haddii ay u hogaansami waayan lacag bixintoodaasi, midaasi oo aysan dowladdu awood u laheyn maadama ay maamulkeeda ka dhex shaqeeynayso kooxdani.

“Arrin aad u muhiim ah oo usuuro gelisa in Shabaab cashuur uruursato ayaa ah awoodda ay u leedahay helidda waraaqaha dekedda alaabta lagaga soo caddeeyo (manifest) marka ay doonaan, iyaga oo ka helaya dadka dawladda ugu jira ee lashaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxa kale oo lagu yiri “Sidaa daraadeed, ganacsatada way ku adag tahay in ay ka qariyaan hawlahooda kooxda, marka taa lagu daro awoodda kooxdu u leehay inay hawlo ka fuliso meelaha magaalooyinka ah, way ku adagtahay in ganacsatadu diiddo in ay bixiyaan lacagta kooxdu rabto”.

Kooxda ayaa inta badan xoriyad buuxda gaancsigooga u siisa ganacstada siiya canshuuraha ay dalbadaan, halka kuwa diidana mutaan ciqaab adag, isla markaana noloshooduna halis gasho.

Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay qaado canshuuro ka badan midda dowladda, iyada oo kala bar lacagahaasi ay kasoo xaroodaan magaalada Muqdisho.

Xog: Maxay mucaaradka uga aamusan yihiin doorashada HirShabeelle, si ka duwan doorashadii Gallmudug?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa xalay lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka HirShabeelle oo gaaraya 90 xubnood, kadib doodo iyo muran maalmo qaatay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiyiin kale ayaa taageeray liiska xildhibaanada, halka qaar kale oo badanna ay ka aamuseen.

Si guud doorashada dowlada gobaleedka HirShabeelle ayaa ku socoto jawi dagan marka laga reebo doodda beelaha dhaxdooda ah, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kaga imanaya dhinacyada kale ee siyaasadda, sida, madaxdii hore ee dalka, xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta kalaba si lamid ah tii Galmudug.

Dad badan ayaa is weydiinaya, waa maxey sababta ay uga aamusan yihiin Madasha Xisbiyada Qaran doorashada HirShabeelle oo ay u taageeri waayeen ama u mucaaradi waayeen?

Dad kala duwan oo ka tirsan Madasha ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyadu aysan ku deg degi karin mucaaradida HirShabeelle maadaama ay ka soo jeedaan islamarkaana ay madaxdii hore oo Madasha hogaamisa ka qabaan rajo weyn oo ah codadka baarlamaanka.

“Dhamaantood waxay ku tashanayaan codadka baarlamaanka mana mucaaradi karaan qof kasta oo musharax ah waliba kuwa ay wadato dowladda, sababtoo waxaa cashir uga filan diidmadoodii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, sidaas darteed ma rabaan siyaasi kale oo ay mucaaradeen inuu Madaxweyne ka noqdo HirShabeelle,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hore ayaa sidaan oo kale waxaa u sheegay Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in aysan madaxda Madasha Xisbiyada aysan ka hadli karin arimaha HirShabeelle oo ay u tartamayaal siyaasiin ay isku heyb yihiin madaxda Madasha.

Waxaa sidoo kale jirta in madaxdan, gaar ahaan Xasan Sheekh ay horey eedo badan ugal kulmeen beeshooda, ayadoo lagu dhaliilay inay ka hiiliyeen oo ay duudsiiyeen xaqooda iyo maqam u dhigma culeyskooda siyaasadeed, sidaas darteedna mar kale uma muuqan karaan inay kasoo horjeedaan qof ku beel ah.

Xog: Beelaha ku lugta leh dilalkii ka dhacay Cabudwaaq iyo kaalinta DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xaalad bandow ah lagu soo rogay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud kadib markii xalay koox hubeysan ay bartamaha magaalada ku dishay laba qof oo ka mid ah dadka degaanka.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla halkaas, oo ay kooxda wax dishay gashay kuna toogteen labada qof.

Xog ay heshay Caasimada Online, oo aan kasoo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaysa in dadka la dilay iyo kuwa dilka gaystayba ay kasoo wada jeedaan laba jufo oo ka tirsan beesha Mareexaan, sababta dilka ka dambeysana ay tahay aano qabiil.

Jufada dilka gaysatay ayaa la sheegay inay tirsanayaan in dad laga dilay muddo iminka laga joogo in ka badan afar sano, hase yeeshee ay muddo socotay waan-waan iyo in la siin doono diyo taasi oo aan dhicin.

“Markii 2018 uu madaxweyne Farmaajo yimid Cabudwaaq ayey dowladda federaalka kala dhex-gashay beelahan, waxaana xal lagu gaaray in dowladda ay gacan ka gaysato in la bixiyo diyada, hase yeeshee illaa markaas diyadii lama bixin,” ayuu yiri mid kamid ah maamulka degmada Cabduwaaq, oo la hadlay Caasimada Online.

Mas’uuliyiin isugu jira odayaal, siyaasiin iyo qeybaha kale ee bulshada Cabudwaaq ayaa Caasimada Online u sheegay in ballan-qaadka ay sameysay dowladda ee la fulin waayey uu xaaladda sii xumeeyey.

Dhinaca kale amarka bandowga ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Dhuusamareeb.

“Amarka Bandow ee magaalada, waxaa laga bixiyay Dhuusamareeb waxana bixiyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, oo kasoo jeeda beesha Mareexaan lamana oga sida uu xaalku ku dambeyn doono balse arrintaan waxay u baahan tahay xal dhab ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulka aan la hadalnay ee ka tirsan maamulka degmada.

Muuse Biixi oo shaaciyey qorshaha ay ku qasbeyso QM ee la xiriira DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay khilaaf soo kala dhex-galay Qaramada Midoobay iyo xukuumada uu hogaamiyo, taasi oo keentay inay Somaliland joojiso wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’addaha QM.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn waxkasta oo wiiqaya qaranimada Somaliland, isla markaana lagu hoos geynayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in QM ay siyaasadeyso kaalmaha bani-aadanimo iyo howlaha horumarineed ee ay fuliso, isla markaana ay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col yihiin, la gasho heshiis wax u dhimaya madax-banaanideeda.

Muuse Biixi ayaa sheegaya in sababta ay isku qabteen QM ay tahay inay dooneyso in qorshe howleedka ay ugu talo-gashay dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan gobollada Somaliland, maadama uu ku doodayo inay yihiin labo dowladood oo kala madax-banaan.

Sidoo kale waxa uu markii u horeysay sheegay in arrinta keentay in wada-shaqeyntii QM joojiyan ay ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay, kaasi oo la xiriira in Somaliland ula macaamilaan sida dowlad madax-banaan, isla markaana  mashaariicdoodana kala xaajoodan xukuumadiisa.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili ay  xukuumadda Somaliland ay shaacisay in hakisay wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Qaramada Midoobay oo mashruucyo kala duwan ka wada deegaanada Somaliland.

Saraakiil sare oo lagu dilay ITOOBIYA iyo xiisadda dalkaas oo kasii dareysa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay in la dilay labo sarkaal oo kamid ah shaqaalaheeda, xili ay ku gudo jireen gudashada waajibaadkooda shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Shaqaalaha la dilay ayaa xiligaasi ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Cafarta ee Itoobiya, halkaasi oo ay kusoo weerareen dabley hubeysan oo ilaa hadda haybtooda la garaneyn.

Labadaasi ruux ayey wasaaradu magacdooda ku kala sheegtay Maluto iyo Abebow, kuwaasi oo kaalin mug leh kasoo qaatay arrimaha waxbarashada ee Itoobiya, sida lagu xusay qoraalkaasi.

War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale waxa loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo qoyska ay ka baxeen labadaasi shaqaale, iyada oo lagu sheegay in cadaalada la horgeyn doono dadkii ka dambeeyay, xili ay socdaan baaritaano hordhac ah oo falkaasi la xiriira.

Dilka saraakiishan ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa dhaliyay xiisad cusub, iyada oo banaanka keentay xaalada amni ee dalkaasi, tan iyo markii uu galay xaalada cakiran, waxaana sii kordhaya dilalka ku saleysan qowmiyadaha.

Itoobiya ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase xoogan, taasi oo ka dhalatay dib u dhaca doorashada dalkaasi iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday xukuumada Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan.

Dowladda Abiy ayaan horey faah-faahin badan uga bixin waxa sababay rabshadaha gobolka Benishangul-Gumuz region, kuwaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qeexeen kuwa salka ku haya qowmiyado.

Mucaaradka Amxaarada ayaa sheegay in rabshdaha ay ka dambeeyaan meelshiyo kasoo jeeda qowmiyadda Gumuz, kuwaas oo beegsanaya qowmiyadda Amxaarada.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September.

Sacuudiga oo si aan laga fileyn uga falceliyey gefkii ay Faransiiska u gaysteen Nebi Muxamed NNKH

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay sawir gacmeedyada loogu gefayo Nebi Muxamed NNKH, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay xoojiso baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu doonayo in lagu qaado ficil ka dhan ah sawirrada lagu soo bandhigay Faransiiska ee loola jeedo Nebiga NNKH.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sidoo kale bayaan ku sheegay in Riyadh ay cambaareyneyso dhammaan ficillada aragagixisada, ayada oo ay u muuqato in la tixraacayo macallin lagu gowracay magaalada Paris kadib markii uu sawir gacmeed lgu sheegay Nebiga NNKH uu kusoo bandhigay fasalka, isaga oo cuskanaya xoriyadda hadalka.

“Xoriyadda hadalka iyo dhaqanka waa inay tusaale u noqdaan xushmad, dulqaad iyo nabad lagu diido ku dhaqanka ficillada naceybka, rabshadaha iyo xagjirnimada kasoo horjeeda wada-jirka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay warbaahinta dowladda.

Wargeyska Arab News ee Sacuudiga ayaa Talaadadii kasoo xigtay madaxa Ururka Dalalka Islaamka ee fadhiggiisu yahay Sacuudiga Mohammed Al-Issa inuu ka degay fal-celin xad dhaaf ah, taasi oo uu ku sheegay “mid taban oo ka baxsan waxa la aqbali karo,” islamarkaana faa’iido u ah kaliya “kuwa wax neceb”.

Sawir gacmeedyada lagu matalayo Suubanaha NNKH ayaa waxaa markii ugu horreysay sameeyey wargeys Faransiis ah, kaasi oo xafiisyadiisa ay 2015-kii weerareen dabley Islaamiyiin ah, kuna dileen 12 qof. Wixii ka dambeeyey gowraca macallinka, sawiradaas ayaa lagu soo bandhigay Faransiiska ayada oo isaga taageero loogu muujinayo.

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, halka baarlamanka Pakistan uu meel mariyey qaraar ku boorinaya dowladda inay u yeerto safiirkeeda Paris.

Gudaha Sacuudiga, qaadacaad ka dhan ah badeecadaha Faransiiska ayaa aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Reuters ayaa werisay in Isniintii magaalada Riyadh ay walba caadi u muuqdeen.

Isha: REUTERS + VOA

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay falalka maalmahii ugu dambeeyay aadka looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa caruurta la xado.

Toddobaadyadii ayaa Muqdisho waxaa aad looga hadal hayay kufsiga iyo caruurta oo la xado, taasoo walaac weyn ku abuurtay waalidiinta, waxaana waddanka uu ku jiraa xilli kala guur ah oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saareysa.

Sheekh Shariif oo kusoo laabtay Muqdisho ayaa sheegay iney tahay wax laga xumaado in wakhtigaan ay caruurta ku nool Muqdisho banaanka u bixi la’yahiin sababo cabsi ay ka qabaan in la xado oo la iibsado xubnahooda ama in kufsi loo gaysto.

“Waa wax laga xumaado in caruurta ay banaanka u bixi waayeen cabsi laga qabo in la iibsado xubnaha jirkooda, waxaan dowladda ka codsanayaa iney falalkaas uu kufsiga ka mid yahay ka hortagto,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran wuxuu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay wakhtigaan ku mashquulsan yahiin waxyaabo kale, balse wuxuu ka codsaday iney xil iska saaraan wax u qabashada dadka wakhtigaan dhibaatoonaya.

Hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli doorashada ay foodda nagu soo heyso, wuxuuna ka mid yahay tiro musharaxiin ah oo isu soo taagay xilka madaxtinimada dalka.

Sawirro: Qamar Suugaani oo maxkamad la soo taagay iyo dambiga loo haysto

0

Haregsa (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xiray halkaasi.

Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland.

Maxkamaddu ayaa amartay in fanaanka la sii haayo muddo hal todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Berbera.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xiriira safarkii uu kuu yimid magaalada Muqdisho.

Xariga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan magaalada Haregysa iyo ehelladiisa.

Inta badan Somaliland ayaa xarig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda yimaada magaalada Muqdisho ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqashada u yimaada, taas oo si weyn loogu dhaliilo xukuumadda ka jirta Hargeysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

 

Abaabulka mooshin culus oo ka socda GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ay wadaan mooshin haatan qorshihiisa uu ka socda magaaladaasi.

Mooshinkan oo abaabulkiisa uu maalmihii u dambeeyey ka socday Garoowe ayaa xalay soo shaac-baxay, kadib markii xildhibaanada wada ay kulan isugu yimaadeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay Caasimada Online u sheegeen in mooshinkaasi laga wada guddoonka sare ee golaha wakiilada Puntland, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka maamulkaas, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Warsame Maxamed.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeynaya labadaasi mas’uul inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi raacinaya in mooshinka illaa iyo hadda ay saxiixeen ku dhowaad illaa 50 mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Puntland.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in qorshuhu yahay in mooshinkan maalmaha soo socda la horgeeyo xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed iyo mooshinka ka socda Garoowe ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadkan uun uu furmay kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka Puntland.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo xaalad ay ku qasabtay in uu Al-Shabab ‘siiyo’ $3600 – Sidee ayey wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo dhawaan la daabacay ayaa qireysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dakhliga ugu badan ka helaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal ee fadhiggiisu yahay Muqdisho, oo warbixintan soo saaray, ayaa sheegay in dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qaacida ay gacantooda soo gasho lacag dhan 11 milyan oo dollar bishii, waxeyna toos uga timaadaa sida la sheegay ganacsatada iyo shacabka qaarkood.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa warbixin ay sanadkaan soo saareen ku sheegay in Al-Shabaab ay sanadkii helaan lacag ka badan 20 milyan oo Dollar, iyadoo taas badalkeeda ay u adeegsadaan waxyeeleynta dadka.

Warbixinta Machadla Hiraal ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya uu si dadban u dhiibay lacag ay qaadatay Al-Shabaab. Walow aan magaciisa lasoo gudbin, haddana wuxuu ku qasbanaaday, siduu sheegay, markii laga hor-istaagay guri uu ka dhisanaayay magaalada Muqdisho inuu lacagta bixiyo.

Sarkaalka wuxuu sheegay in cadaadis badan la saaray shaqaalaha dhismaha iyo shirkadaha qalabka dhismaha keena, taasna ay ku qasabtay inuu qaato go’aan uu ku joojinaayo dhismaha guriga ama uu lacagta shubo.

Isaga oo ka sheekeynaya sida ay wax u dhaceen ayuu yiri “Si kastaba ha ahaatee, waxa aannu mararka qaar la kulannaa xaalado ay qasab nagu noqoto in aan cashuur siino Al-Shabaab. Aan idinla wadaago sheeko ku saabsan lacago aan u diray Al-Shabaab iyada oo aan dhanka kalena dagaal joogto ah kula jiro. Bishii tagtay waxa aan bilaabay in aan guri dhisto. Injineerkii guriga ii dhiisayay waxa uu ii sheegay in si joogto ah loogu soo dirayay taleefanno iyo hanjabaado isdaba joog ah oo uga imaanayay Al-Shabaab taasoo lagu farayay in uu dhismaha joojiyo ama cashuurihii ku waajibay ka soo qaado hantiilaha guriga leh. Waa aan diiday in aan cashuurta bixiyo waayo wax cabsi ah kama qabin Al-Shabaab. Maalmo ka dib waxa joogsaday gebi ahaanba hawlihii dhismaha waayo waxa shaqada ka tagay injineerkii. Waxa aan u yeeray injineer kale isla markiiba, hase ahaatee injineerkii cusbaana waxa lagu bilaabay wicitaanadii iyo hanjabaadihii kii hore oo kale. Gaadiidkii usoo qaadayay agabka dhismaha guriga ayaa iyana lagu qasbay in ay joojiyaan alaabooyinkii ay ii keenayaan. Ugu dambayntii waxa qasab igu noqotay in aan ama joojiyo dhismaha ama bixiyo cashuurta Al-Shabaab. Waxa arrin aad looga xumaado ah in aan siiyay kooxda $3600 gurigaygiina sidaa iigu dhammaaday”.

Ma jiraan caddeymo culus oo arrintaan laga soo bandhigay, balse waxaa muuqaneysa iney Al-Shabaab si fudud lacagaha uga helaan masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada.