25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed iyo mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay.

Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan  la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen.

Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka.

Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay gaari iyo walxo qaraxa + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa iyo gaari la doonayay in lagu xiro.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen bambaanooyin iyo gaarigii waday oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Koofur Galbeed.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka yimid baadiyaha magaalada Baydhabo, iyada oo la doonayay in lagu weerarao goobaha dadweynaha ku badan yihiin, sida uu sheegay wasiirka amniga Koofur Galbeed.

Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo qaban qaabada doorashada koofur Galbeed waxaana wasiirka amniga uu sheegay inay adkeynayaan amaanka magaalada inta doorashada ay ka dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xafiiska KHEYRE oo laga bilaabay olole xoogan oo ku aadan mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ay ku adkeysanayaan sii socoshada mooshinka ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa laga bilaabay barnaamijyo lagu taageerayo madaxweynaha.

Maalintii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo taageero loogu muujinayay madaxweynaha Soomaaliya, balse qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee la doonayay inay arimahaasi difaacaan ayaa diiday inay hadlaan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa odayaal dhaqameed iyo xubnaha taageersan xukuumadda ka joojiyay inay la hadlaan warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho oo mucaarad ku ah xukuumadda.

Taa badalkeeda waxaa odayaasha lagu amrayay inay la hadlaan xarumaha warbaahineed ee dhaqaalaha laga siiyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo ay kasoo muuqdeen Idaacadaha iyo Tv-yada Qaar.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan xitaa lagu qasbay inay warbaahinta la hadlaan iyaga oo taageero u muujinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga abaabulaa xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Nabadoono ka qeyb galay kulan shalay ka dhacay Hotel SYL ayaa sheegay inaysan la hadli karin warbaahinta qaar, balse waxay xaqiijiyeen in abaabulka barnaamijka uu ka yimid dhanka xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Xildhibaano saaxiibo ahaa ayaa salaanta iska qaadi la’ mooshinka dartiis”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee shalay shaaciyay inuu dhexdhexaad ka yahay mooshinka uuna wado dadaaladii lagu dhameyn lahaa ayaa bixi xog dheeri ah oo mooshinka la xiriirta.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa sheegay in mooshinka uu dhaliyay xiisad cusub oo ka dhex beerantay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo sababtay in is qabtaan xildhibaano saaxiibo ahaa.

Wuxuu sheegay in mooshinkaan uu sababay in xildhibaano saaxiibo dhow ahaa isu caroodaan oo xitaa hadda xaalkooda uu gaaray inay salaanta iska qaadi waayaan.

Sababta arintaasi ka dambeysa ayuu sheegay inay tahay in xildhibaanka carooday laga been abuuray saxiixiisa, isaga oo uga carooday xildhibaanka gudbiyay inuu isaga saxiixay mooshinka.

“Mooshinkaan wuxuu keenay in xildhibaano saaxiibo ahaa salaanta iska qaadi waayaan, maxaa yeelay xildhibaanka laga been abuurtay ayaa ku xanaaqay xildhibaanka saxiixiisa mid u  eg sameeyay, waxayna keentay been abuurkaasi inay isku dhacaan, hadda salaanta xitaa iskama qaadaan”ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa ka gaabsaday inuu magacyadooda sheego xildhibaanada, balse waxaa muuqata xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada ee ka dhalatay mooshinka cusub, waxaana ay warbaahinta isku mariyaan xildhibaanada hadal adag.

Caasimada Online
Xafiisa Muqdisho
[email protected]

Sadex arrin mid oo xigi kara kadib markii la sheegay in MOOSHINKA uu jabay

Sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee baarlamanka, waxaa buray ama meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed-ka oo uu ku saxiixan yahay xogyaha Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in 14 xildhibaan oo saxiixooda laga been abuurtay ay ka bexeen Moshinka taas oo ku soo koobtay tiradii 92 ahayd 78 aan Kooramka Dastuur ahaan buuxineyn.

Hadaba su’aalaha la’is weydiinayo ayaa ah, maxaa xigi doona hadalka Buux haddii uu dhab noqdo oo uu mooshinka sidaas ku burbro.

1 – In uu is-casilo Gudoomiye Mursal

Caadiyan siyaasadda waxaa xeer u ah in marka la dagaalamo qolo laga adkaado taas oo horseedda in kooxda guuldarreysata ay is casisho.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa sidii  ay ku bexeen hoggaamiyeyaal badan oo uu ugu dambeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain David Cameroon oo xilka banneeyey markii looga adkaaday codbixintii ka bixista UK oo uu isaga ka soo horjeeday.

Maadama Gudoomiye Mursal sida muuqata looga adkaaday Mooshinkii uu qabtay, dalka khalkhalka siyaasadeed ku galiyey waxa dhici karta in uu is casilo.

Sababta ugu weyn ee keeneysaa in uu hoggaamiyaha is casilo waxaa weeye in wajigii quruxda badnaa ee lagu wada shaqeeyey meesha ka bexeyso iyo siyaasadiisii uu noqoneysa mid aan gadmeyn ama macno yeelan doonin.

2 – Mooshin in laga keeno Mursal

Waxaa dhici karta in Mooshin laga keeno Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaddib buritaankii ku yimid, sida la sheegayo, kii uu isaga ka qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Caadiyan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ma aamini doonaan Mursal mar dambe waxaana meesha ku jirta in ay kala dhinteen labadiisa ku xigeen.

Maadama ay halkaas hawsho mareyso, waxaa imaan karta ama uu xaalka ku dambeyn karaa in Mursal uu maro wadaddii Gudoomiyhii isaga ka horreeyey ee Jawaari maray.

3 – Dowladda Dhexe oo go’aan ka duwan kii hore ka qaadatay doorashada Koonfur Galbeed

Sida cad, xiisaddan taagan waxyaabaha dhaliyey waxaa qeyb ka ah xiisadda doorashada Koonfur Galbeed oo ay dowladda dooneyso in ay saameyso.

Iyada oo ay taas jirto, hadana dowladda markii hore qaab dagan ayey u mareysay arrintaas taas oo keentay in ay ku daba dheeraato, hase ahaatee, si ay uga gaashaamato in buuq kale ku furo iyada oo lagu jiro qaban qaabanada doorashada, waxa ay si toos ah oo aan gambasho lahayn u faragalin doontaa doorashada si ay u keento musharaxa ay dooneyso in uu bedelo Shariif Xassan Shikeh Aadan.

Tallaabadan dowladda waxa ay ka caawin doontaa in ay meel isaga xirto kiiskaas Koonfur Galbeed oo ay gacanna ku dagaalanto mucaaradka Muqdisho la jooga, gacanna maamulada kale.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Laba arrin is-biirsaday oo keentay in taageero loo helo mooshinka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Soomaaliya ma ahan mid cusub, oo intiisa badan  waxaa la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaasi oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey.

Inta badan qodobada mooshinka loo cuskaday sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr ah oo cusub, oo xaaladda taagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay.

Mar walba mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa mid qoran, balse waxaa loo la’aa taageero, ayada oo xildhibaanada mooshinka ay ahaayeen qiyaastii 40 illaa 50 xildhibaan, oo intaas ay muddo dhaafi waayeen. Si kastaba, laba xaalad oo si-biirsaday ayaa looga faa’iidyestay mooshinka, looguna helay inay saxiixaan 92 xildhibaan.

Markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex oogan dowladda iyo maamul goboleedyada waxaa kordhay tirada xildhibaanada mooshinka, hase yeeshee weli ma aysan gaari karin 92-ka xildhibaan ee loo baahan yahay si uu mooshinka sharci u noqdo.

Ugu dambeyn xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa horseeday in ugu dambeyn taageeradii loo baahnaa loo helo mooshinka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doorto ama kuwa Digil iyo Mirifle ayaa ah xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamanka, sababtoo ah waa kuwo isku duuban oo inta badan codkooda midaysan yahay, taasi oo ka dhigeysa awood.

Xildhibaanadan ayaa si aad ah u dhaliilsan sida dowaldda u wajaheyso xaaladda Koonfur Galbeed iyo diidmadeeda ah in Roobow uu ka qeybgalo doorashada, waxaana arrintaas ka faa’iideystay xildhibaanadii hore mooshinka uu uga fashilmay ee Imaaraadka Carabta ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Salad Cali Jeelle oo bixiyey xog cajiiba oo mooshinka Farmaajo ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Lataliyaha dhinaca Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jelle ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay in mooshinka lagu soo beegay waqti aan habooneyn islamarkaana uu ku yimid si kedis ah, isagoo ujeedada laga leeyahay ku sheegay in lagu dhabarjebinayo ama lugaha looga qabanayo horumarada ay sameyneyso dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Isbadalada Geeska Africa ayuu sheegay in looga soo horjeedo oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay, waxaana uu sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta qaarkood aysan dooneyn isbadalada geeska Africa.

“Mooshinkaanu Waxaa looga soo horjeedaa isbadalka Soomaaliya ay geeska Africa ka sameysay, markii dadkii Soomaalida dhibateeadii ku faraxsanaan jiray mooshin ay gadaal ka riixayaan ayaa arintaan ay xoogeysatay, dadka mooshinka wadana waxay ka dhigayaan gorgortan siyaasadeed”

Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa hadalkiisa ku daray in Mooshinka ay qeyb ka yihiin ururada Hubeysan ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Laamaha amaanka lagu hor istaagayo.

“Waxaa la mashquulinaayaa Hay’adaha Amniga, hadduu mooshin yimaada Hayadaha Amniga ayuu toos u saameynayaa, Mooshinkaan waa mid loogu shaqeynayo Argagixisada, waxayna arintaan dhibaato ku tahay horumarkii jiray, Mooshinkaan wuxuu gacan siinayaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya, oo xitaa maalgalin ayay ku leeyihiin”`ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheega in mooshinkaan uu yahay mid lagu muujinayo awooda baarlamaanka iyo heerka uu gaaray khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay xilligaan u shaqayn karin siyaasadda kooxda mooshinka FARMAAJO?

Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go’aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri “gaari fariin la’aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye”.
khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa “politics of fear and anger”. Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muujiyo in dhulka kharar ugu jiro inuu gacanta ka baxo, shisheeyo kusoo duulay, dhaqanki iyo habnololeedkoodi la baddalayo badbaadaduna ay ku jirto in baddalo dadki talin jiray (elites).
Hasa ahaatee waxaad mooddaa arrintaan inaysan hadda ka gadmayn dadka Soomaaliyeed. Falcelinti ka timid mooshinka maahayn dhiig kacay, qiiro iyo taaggeero loo moojiyay mooshinka ee wuxuu noqday isgarabtaag iyo rabitaan la tusay madaxweynaha mooshinka laga keenay. Inta bannaanka usoo baxday ka sakow, baraha bulshada iyo dadka ka qayb galay doodaha lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda way ku yarayd cid beer jileec tustay mooshinka. Sababtu maxay tahay?
Dhowr arrimood ayaa sabab u ah baa isleeyahay. Kow, cabsida lasoo bandhigay meesha kama muuqato. Ittobiyada la sheegay inay dalka la wareegayso waxaad moodda inuu xaalkeedu lidka u socdo. Labaatanki sano ee lasoo dhaafay waa marki ay Itoobiya ugu faro-galinta yarayd arrimaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban ba. Wax caddayn ah oo la taaban karo oo muujinayo inay Itoobiya farogalin ku hayso iyo inay qorshaynayso inay Soomaaliya la wareegto ma jiraan.
Labo, dadka isteerinka u hayo mooshinka maahan kuwo lagu bartay waddaniyad iyo cadow nacayb. Tusaale, Mahad Salaad wuxuu ka mid ahaa raggii Jigjiga ka dhaanteeyay, ONLF argagixso ku tilmaamay, madaxtooyada oo ay Amxaaro dagantahayna maamumuli jiray. Inuu ninka madxatooyada ka saaray saafaraddi Itoobiya kana dhigay meel gooni u ah madaxda Soomaaliya ku tilmaamo caamil Itoobiya in fahmo way adagtahay!
Saddex ma muuqdo waji cusub oo dadka laga iibiyo. Labada xisbi ee hadda ugu qaylada badan mucaaradka waxaa madax ka ah rag horay loo soo tijaabiyay. MD Xasan Sheekh afar sano ayuu joogay Villa Soomaaliya. Waxtarkiisa waa la bartay waxa uu keeni karana cidna daah kama saarra. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa loo aqoonsanyahay masuul siyaasadda ku haftay. Sidaas darteed dadka waxaa u cad haddii Farmaajo maanta la tuuro inaysan jirin cid hadda xilka u taagan oo lagu baddalo taasoo keeni karto dalku inuu galo marxalad u eg tii sagaashamaadki. Taasi kama dhigna inaysan jirin cid Farmaajo ka fiican laakiin waxay tilmaamayaa dadka hadda bannaanka usoo baxay ee raba kurisga.
Afar, dadku wuuu daalay. Soddon sano ka badan ayaa maalin walba huuhaa dhiiggooda lagu kicinayay si fududna colaad loogu abuurayay. Waxay soo gaareen hadda heer ay eektaan danahooda gaarka ah ruux walbana uu ka fakero saamaynta gaargka ah ee uu ku yeelan karo mooshinku. Arrintaas waxaa tusaale u ah qoraalka ay soo saartay rugta ganacsiga taasoo ay ku xustay in mooshinku saamayn ba’an ku yeelan doono howlaha ganacsiga iyo maalgashiga sidaas darteed ay codsadeen in laga laabto.
Ugu danbayn, waxaa habboon in mucaaradku la yimaado siyaasad aanan cabsi galin iyo caraabin ahayn. Inay cashar ka bartaan khaladaadka hadda dowladdu ku jirto siyaasaddooda mustaqbalkana ku dhisaan dhaqaale, horumarin iyo hagaajin xaaladda nolosha shacabku ku jirto. Itoobiya na qaadanayso marbaa lagu soo caano maalay laakiin hadda waxay soo xirantay. Waxaa kaloo habboon inay sugtaan labada sano ee dhimmaan taasoo ah muddo yar oo aan ka badnayn inta la diyaagaroobayo iyo isbaridda dadka.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sidee ayuu MURSAL kusii hoggaamin karaa BFS?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa gudoomiyaha Golah Shacabka, laakiin tan iyo markii uu qabtay mooshin laga keenay madaxweyne Farmaajo wuxuu u muuqda nin hal dhinac ah.

Mursal ayaa isku wareejiyay xildhibaanada mcaaradka kuwaas oo lagu qiyaaso ilaa 100 mudane, halka inta kale ay yihiin xildhibaano taabacsan madaxweyne Farmaajo.

Dood badan ayaa ka timmid inuusan Mursal qaabilin awoodii Baarlamanka tan iyo markii uu mooshinku soo baxay. Labo jeer oo uu kaamirada kasoo muuqday waxaa dhinac fadhiyay xubnaha mucaaradka.

Markii ay halkaas taagan tahay, waxaa kusoo baxeysa su’aal ah ‘Mursal yuu gudoomiye u yahay, sideese kusii hogaamin karaa Golaha shacabka?.

Mudane ka tirsan Baarlamanka ayaa sheegay inuusan waligiis arag gudoomiye Baarlamaan oo dhaqankaan leh.

Hadii uusan badalin dhaqankaan cusub ee uu halka dhinac isugu dhiibay, waxaa uu Mursal u muuqda nin lumin kara hogaamintiisa golaha sida ay qabaan xubno badan oo ka tirsan golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii Mursal iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhex maray Gudoomiyaasha Golaha Aqalka sare iyo Golaha Shacabka waxa ay kaga hadlayeen sidii loo saldhigi lahaa Guuxa siyaasadeed ka dhex jiray Guddoonka Golaha.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo tagay Hoyga Gudoomiye Mursal waxa uu u jeediyay in wax waliba loo maro Dastuurka Dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka u yaalla.

Kulanka oo warbaahinta dibad joog ka ahayd, waxa ay illo wareedyo ku dhow ay Caasimada Online u sheegeen in Mursal iyo Cabdi Xaashi ay kawada hadleen sida Xal looga gaari karo Khilaafka.

Inkasta oo aan jirin war kasoo baxay Labada Gudoomiye ee Kulmay, wararka la helayo ayaa sheegaya in ay ku ballameen fadhi kale, Golaha Aqalka sare-na ay dhex geli doonaan si loo damiyo Xiisadda Siyaasadeed.

Golaha Aqalka sare waxaa horyaalla xal ka gaarista Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ergo Golaha ka socotane ay la kulmeen Madaxda Dowlad Goboleedyada si loo dhameeyo Khilaafka.

Labadii Cishe ee lasoo dhaafay Guuxa Siyaasadeed ee Golaha shacabka ka dhex jiray ayaa cirka isku sii shareerayay, kadib markii Muranka uu bannaanka yimid, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabkane ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa kahor yimid qabashada Mooshinka ee Gudoomiye Mursal, iyaga oo sheegay in aan sahlaneen Mooshinka Madaxweynaha iyo Xasaanad ka qaadista Xildhibaanada, sidoo kalena aan jirn Maxkamadda Dastuuriga si ay u gasho.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu soo saaray maanta ku sheegay in uu Mooshinka uu jabay, kadib markii 14-Mudane ay sheegeen in Magacyadooda lagu darsaday liiska iyaguna aan raalli ka ahayn, sidaasne ay Xildhibaanada ku noqdeen 78.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Golaha Shacabka waxaa mooshinka Madaxeynaha gudbin karta saddex meelood Meel (1/3) oo u dhiganta 92-Xubnood, Maadaama Xildhibaanada ay yihiin 275-Xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

Xog: Maxaa ka jira in Abiy Ahmed iyo Afwerki ay berri imanayaan MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii dhowaa aad u werinayey in hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay berri iman doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida wararkan lagu sheegay safarka Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa daba socda kulankii magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya ay ku yeesheen madaxda Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Si kasaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin in Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ay berri imanayaan Muqdisho.

“Waxaan kuu xaqiijin karaa 100% in warkaas uu been yahay. Ma jiro shir saddex geesood ah oo dhacaya berri ama toddobaadkan gudihiis” ayuu yiri mas’uul la hadlay Caasimada Online.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, iyo Afwerki iyo Abiy ayaa horey ugu kulmay magaalooyinka Asmara 5 – 6 September 2018, iyo magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018, waxayna galeen heshiisyo ku saabsan is-dhexgal dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: R/W Kheyre oo berri u safraya Qatar iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa berri u safraya magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Safarka Kheyre ayaa ah mid madaxeed rasmi ah oo dowladda dalkaas ay u fidisay ra’iisul wasaaraha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in booqashadan uu Kheyre kala hadli madaxda dalkaas arrimo badan oo ay ugu weyn tahay mashaariic hore ay Doxa u ballan-qaaday inay ka fulineyso Soomaaliya.

Ma jiraan faah-faahinno intan dheer oo laga helayo safarka Kheyre, oo la sheegay inuu yahay mid muddo ka hor la qorsheeyey inuu dhaco, waxaana maanta Muqdisho ka baxay wafto hurdhac u ah booqashadan.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fiqi oo ka sheekeeyey “la-yaab uu kusoo arkay Villa Somalia” + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Booqashadii xalay ay ugu tageen Villa Soomaaliya, iyadoo markii laga celiyay kadib ay awooda u adeegsadeen inay gudaha ugu tagaan guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in booqashadoodii xalay inay ku arkeen in ciidamada amaanka aysan u sinneyn madaxda ugu sareyso dalka oo uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka.

“Villa Soomaaliya sida magaceeda ka muuqata waxay leedahay maamuus iyo xasaanad gaar ah, waa xafiisyada iyo hoyga madaxda qaranka ugu sarraysa mudada ay xilka hayaan, waa meel shaqaalaha ka shaqaynaya, askarta ammaankeeda sugaysa laga doonayo in ay noqdaan kuwo qaran oo u siman madaxda, dadka shaqada u imaanaya iyo kuwa soo booqanaya intaba”.

“Booqashadeenii xalay annagoo xildhibaanno afartmeeyo ah una soconay guddoomiyaha Golaha shacabka hoygiisa iyo habdhaqankii aan kala kulanay askarta Ilaalada ah waxey u ekeysiinaysay Villa Soomaaliya guri gaar loo leeyahay”.

“In xildhIbaanadii qaranka ee booqanayey ama dadkii hawluhu kala dhexeeyeen guddoomiyaha loo diido in ay u gudbaan hoyga guddoomiyaha,iyo in gaarigii adeegga cuntada u geyn jiray Guriga guddoomiyaha laga celiyo halkaas, iyo in askarta la joogta guddoomiyaha cuntadii laga goosto intuba ma ahan Dhaqan dawladnimo iyo mid Soomaaliyeed intaba”.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka waa mas’uulka labaad ee qaranka, wuxuuna madax ka yahay hey’adda ugu weyn hey’adaha dawladda Soomaaliya, Villa Soomaaliya asaga iyo madaxweynaha waa u siman yihiin, in askar amar la siiyey loogu awood sheegto, lana cunaqabateeyo waa wax sharciga dawladnimada ka baxsan, waxaana madaxweynaha kula talin lahaa ciddii taladaas ku siisay waa ku qaladaye fadlan talaabooyinkaas ka noqo, tan waxaan ceeb ahayn lagama dhaxli doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya oo caddeeyey mowqifkiisa mooshinka FARMAAJO

Qahaira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa ka hadlay mooshinka ay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiqaasim ayaa sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin, oo mooshin iyo wax la mid ah waqti looga lumiyo.

Waxa uu sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo qaldan sida heshiisyada madaxweynaha uu la galay dalalka deriska, ay tahay in laga wada-xaajoodo oo la eego.

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii burbur.

Wareysigan wuxuu siiyey warbaahinta qaranka, hoos ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

War cusub oo kasoo baxay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdaullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter kusoo dhoweeyay tallaabo muhiim u ah Soomaaliya oo ay qaaday hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

IMF ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo geba gebeysay wajigi kowaad ee barnamaij dib u eegis loogu sameynay hanaanka maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo guul ku dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladeena waxaa ka go’an inay Soomaaliya horey usii dhaqaajiso, waxaan soo dhoweynayaa qoraalka kasoo baxay IMF ee wanaagsan, kuna saabsan habka maaliyadda dalkeena.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalka IMF uu astaan u yahay in dadaalka dowladda iyo ballan-qaadyadii ay sameysay ay mira dhalayaan.

“Waxaan sii kordhin doonaa dadaalkeena ah inaan guul ku hoggaamino shacabka Soomaaliya”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo mooshin ay kasoo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo doonaya in xilka laga qaado, kaasi oo hadda 14 xildhibaan ay sheegeen in magacooda looga been abuurtay.

Dhinaca kale, warka IMF ayaa guul weyn u ah dowladda oo xildhibaan horey ay ugu eedeeyeen musuq-maasuq, taasi oo u muuqata in IMF aysan ku raacsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xildhibaanada mooshinka oo sheegay in saddex arrin uusan Farmaajo sameyn karin dalkana ka bixi karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo u muuqda inay isku dayayaan inay xakameeyaan awoodda madaxweynaha.

Xildhibaanadan ayaa soo saaray qoraal ay ku baaqayaana rrimo uusan madaxweynaha sameyn karin inta uu socdo mooshinka, oo go’aan laga gaarayo. Qoraalka oo facebook soo dhigay Mahad Salad ayay ku sheegeen in madaxweynaha:

1 – Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

2 –  Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:

  1. a) – In wax heshiis ah uusan geli karin.
  2. b) – In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.
  3. c) – In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

Qodobadan ayaa u muuqda kuwa kasii daraya xaaladda dalka, hase yeeshee ma cadda cid fulin karta ama fulin doonta dalabka xildhibaanada mucaaradka ah.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo soo saaray go’aan cusub oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow ka hadlay qoraalkii kasoo baxay xoghayaha baarlamaanka iyo halka uu marayo mooshinka.

Xildhibaan Axmed Macalin, Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar iyo xildhibaano kale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo saareen warqad ay ku cadeynayaan halka uu marayo mooshinka, islamarkaana ay ka horjeedaan qoraalka kasoo baxay xoghayaha guud xafiiskiisa.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn ka hadlay diidmada loo diiday Villa Hargeysa waxaana ay tilmaameen ineysan aqbaleynin in xarunta Villa Somalia laga dhigo meel shaqsiyaad gaar ah ay maamulaan.

Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa Sidan:-

Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro:

1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey

2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod.

  1. Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha.

Mooshinku waa sharci, waa waajib, madaxwaynaha haraaco sharciga, fowdo ma aha dowladnimo.

Caasimada Onine
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Mursal cunada iyo biyaha ayaa laga goostay anagana tallaabo ayaan qaadeynaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’doominta lagu sameeyay guddomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan C/Xakiin Macalin Ahmed oo kamid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen go’doominta guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina ay ugu tageen.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka loo diiday inay la kulmaan , balse aysan jirin cid hor istaagi karta inay la kulmaan guddoomiyahooda, islamarkaana ay xoog kaga gudbeen dhagxaan lagu gooyay hoyga guddoomiyaha.

Xildhibaan C/Xakiin ayaa tilmaamay inay talaabo qaadi doonaan, walow uusan sheegin talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay iyo cidda ay ka qaadayaan, maadaama aysan jirin Talaabo ka weyn mooshinka ay gudbiyeen oo ay qaadi lahaayeen.

Waxa xalay la arkayay xildhibaano badan oo la kulmay Guddoomiyaha kuwaasi oo uu kamid ahaa xildhibaankii shalay galab shaaciyay in guddoomiyaha Baarlamaanka maxbuus laga dhigay.

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada mooshinka oo laga hor-istaagay arrin ay damacsanaayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha loo diiday inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayeen inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa, balse waxaa warbaahinta loo diiday inay gudaha u galaan madaxtooyada, sida wararka aan ku heleyno.

Villa Hargeysa ayaa ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku sugan Afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkaasi ay doonayeen inay kaga jawaabaan warqadda kasoo baxday xafiiska xogheynta baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay qorsheeyeen inay isaga soo baxaan madaxtooyada ayna warbaahinta kula hadlaan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Halkee ayaad soo mareysaan, annaga diyaar ayaan u nahay inaan warbaahinta la hadalnee, Albabaabka ayaa la idinka celinayaa, marka annagaa soo baxeyso oo hoteel idiinkuugu waceyno naga warsuga”sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan teleefanka kula hadalnay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ayaa cirka isku shareereysa, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono haddii sidaan xiisadda sii ahaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dadka degan Garoowe oo muujiyey sida ay u arkaan mooshinka madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka.

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay dadweyne aan badneyn, waxaana ay ku dhawaaqayeen inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo muujiyay sida ay kaga soo horjeedaan mooshinka cusub.

Dadweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada mooshinka gudbiyay inay ka laabtaan mooshinka oo aysan ka shaqeyn dib ugu laabashada waxyabihii laga soo gudbay.

Dhinaha kale waxaa banaanbax lagu taageerayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo dadweyne lamid ah kuwa ku banaanbaxay Magaalada Garowe ay ku kulmeen Baydhabo.

Banaanbaxyo waaweyn ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dadka banaanbaxayay ay ku taageerayeen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeeday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha ayaa maraya marxalad adag  iyadoo xoghayaha guud ee baarlamaanka uu sheegay inuu buray mooshinkaasi, kadib markii dad badan oo laga been sheegtay ay ka laabteen mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]