27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Shariif Cabdalle oo xog dheeri ah ka bixiyey guurista gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xogo dheeri ah ka bixiyay xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka.

“Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”.

“Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Hadaad xumaan keentaan xabad ayaan afka idinka gelinayaa waa iga digniin”

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda.

Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee.

Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi  dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xukuumadda Somalia oo mooshinka Farmaajo ka soo saartay war (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay inuu buray mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mr Buux.

Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in wax sahlan aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaanka eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco haddii uu sax yahay mooshinka, balse xogheynta baarlamaanka ay sheegtay inuu buray mooshinka, islamarkaana meesha aysan oolin wax uu iska difaaco.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan karto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan qaadan kara.

Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka kasoo baxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee yimaada madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka iyadoo ilaa xalay ay nadaafad ka socotay wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho, maadaama  maanta la filayo inay magaalada soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea.

Wafdiga madaxweynaha Eritrea waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, wasiiro iyo ganacsato u dhalatay dalkaasi Eritrea, sida wararka aan ku heleyno.

Wafdiga ayaa muddo labo maalin ah oo maanta ka bilaabaneyso ku sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madaxweynaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Calanka iyo Sawirka Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu sharaxay  wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu waddaa in garoonka Muqdisho uu kusoo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoosh Jabriil oo sheegay in Mursal uu qodob dastuuri ah ku lumiyey xilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal uu xilkiisa lumiyey, kadib markii uu ku xadgudbay qodob dastuuri ah.

Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka 65-aad ee dastuurka faraciisa 3-aad uu dhigayo in guddoomiyaha baarlamanka uu ka baxo dhammaan wixii xisbi ah ee uu ka tirsan yahay inta uusan qaban xilka, islamarkaana ay shaqadiisa dhex-dhexaad noqoto.

“Guddoomiye Baarlamaan ma ku milmi karo xisbi ama arrimo siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u gutaa howshiisaa sharci dajinta ah. Bal xisaabta ila fiiriya.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa shalay ka guuray gurigiisa oo ku dhex-yaalla xarunta Villa Somalia wuxuuna degay hotel Shabeel oo ah xarunta xisbigii hore ee Daljir ee hadda ku biiray xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo.

Guddoomiyaha ayaa waxaa hadda ku hareereysan xildhibaanada Daljir iyo Damu-Jadiid ee isku noqday UPD, waxaana laga cabsi qabaa in go’aano badan oo ka dhan ah dowladda ay kasoo baxaan.

Saacad un kadib markii uu shalay u guuray xaruntiisa cusub, waxa uu Mursal soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinka madaxweynaha uu weli taagan yahay, inkasta oo 14 xildhibaan oo ka mid ahaa 92-ka xildhibaan ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay, taasi oo xogahayaha baarlamanka uu sheegay in mooshinka ay jebisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Goodax Barre: Mooshinka madaxweyne Farmaajo, 3 hadaf ayaa laga leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in seddex arin oo mid kamid ah halis ku ah qaranimada Soomaaliya laga leeyahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Goodax ayaa seddexda arin ee ka dambeysay mooshinka wuxuu ku kala sheegay inay kala yihiin:-

1 In xubnaha mooshinka wada ay doonayaan in Xubnihii Ethiopia ka joogay Somalia “Gabre” ay sii joogaan Soomaaliya
2 In Ajaaniib badan ay jaajuusiin u yihiin ayna u shaqeeyaan
3 In Koofur Galbeed iyo Jubbaland la doonayo in laga dhigo Gobol Islamic State ah

Wuxuu sidoo kale seddex qeyb u kala saaray xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xildhibaanada ay ka fiirsadaan mooshinka ay keenayaan.

“Xildhibaanada mooshinka keenay seddex ayay u qeybsamaan, Qeyb Xukun ayaa ka dhuman oo ay daba ordayaan, Qeyb Si toos ah ayay ajaaniibta ugu shaqeeyaan, qeybta kalana waxii qaldanaa inay sii qaldanaadaan ayay rabaan, waxay isku wacdeen seddexdaa qeyb iyagoo ah dantooda iyo inay dadka masabitaan” ayuu yiri xildhibaanka Goodax Barre.

Xiisadda mooshinka ayaa wali taagan, waxaana uu mooshinkaasi saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii hay’adaha  kala duwanaa ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala dageen meel ka baxsan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo shaaciyey dagaal ka dhan ah ILHAAN CUMAR

Wargeyska  Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka.

Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan  inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay.

Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan  Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan.

Wargeyska  Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka  MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey  Bandhig  Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xiriirsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib  ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeereen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaaray Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay hoyga MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo looga hadlayo siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhaca Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay gudoomiyaha kala hadleen sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka.

Gudoomiye Mursal ayaa muuqda in uu helay fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii, sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka, uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ugu dambeyntii iska guuray shalay.

Dhanka kale, xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la qaatay gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya.

Gudoomiye Mursal ayaa shalay Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

“Xildhibaanada BF Somalia ha qeybsadaan nimcada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador C/Salaan Xaaji oo kamid ahaa xubno horey kaga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda soo korortay.

Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay xaaladdaha dalka kusoo kordhay ayuu sheegay in xaalad hadda taagan ay tahay mid aan u wanaagsan dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horaantii mooshinka ay aheyd in la xaliyo wax walbaa.

Wuxuu Nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya oo Caalamka dhan eeganayaan islamarkaana la filayay in laga gudbayo dhibatooyinkii jiray in hada laga shaqeeyo arrimo keeni kara dhib u dhac dalka ku yimaada, sida uu sheegay Ambasador C/Salaan.

Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya guddoonka baarlamaanka ee hala hadlaya ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay arintaasi, wuxuuna sheegay in meesha ay ka cadahay inuusan jirin sharci kala saaraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo qaboojinta xiisadda soo korortay oo dib u dhac keeni karta.

“Waxaa Nasiib daro ah iyadoo caalamka dhan na eegayo oo la is leeyahay armey kasoo laabtaan halkii ay jireen, in howshaan la keeno ma aheyn, waxaa kasii xun in guddoonkii baarlamaanka ay kala qeybsan yihiin, waxaa meesha ka cad in sharci kala xira inuusan jirin”ayuu yiri Amb C/Salaan.

Khilaafka ugu daran ayuu sheegay inuu u dhaxeeya dadkii la doonayay inay shacabka u adeegaan, isaga oo tilmaamay inay la mid tahay “Maroodi cows ku dul dagaalamaya” sida uu sheegay.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada is haya inay raadiyaan xal ka wanaagsan tan hadda ay wadaan, maadaama ay dantooda isku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiror: Sheeko cajiib ah oo ka dambeysa in shillinka lacagta Kenya laga beddelo sawirrada madaxdii hore

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxa ay daabacday Shillimaad cusub iyada oo meesha ka saartay sawiraddii madaxdii hore ee dhaganaan jiray.

Lacag Shlinka Kenya waxaa hore ugu dhaganaa saddexdii Madaxweyne ee hore u soo maray ee kala ahaa Jomo Kenyatta, Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki.

Kibaki waxa uu jabiyey ballan uu galay intii aan la dooran 2002 oo uu ku sheegay in uusan sawirkiisa lacagta Kenya ku dhajin doonin.

Hase ahaatee, kaddib Dastuur cusub oo ay shacabka Kenya u codeeyeen 2010 ayaa lagu go’aansaday in lacagta lacagta aan lagu dhajin karin ama ka muuqan karin sawir qof shaqsi ah.

Ujeedka ugu weyn ayaa loo sababeeyey in bulshada Kenya ay u arkeen in shaqsiyaadkaas ay dalka is leheeysiinayaan am ula dhaqmayaan hanti ay leeyihiin oo kale.

Madaxweynaha hadda oo uu dhalay Madaxweynihii koowaad ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadda u hogaansamay dastuurka meeshana ka saaray sawiraddii saddexdii isaga ka horreeyey.

Bangiga Kenya ayaa lacag cusub daabcay balse waxa ay ku kooban tahay shillinka iyada oo la sugayo in sidoo kale lacagta warqadda ah laga saaro sawiradda oo lagu bedelo sawiradda xayawaanada duur joogta ah sida Libaax, Maroodiga iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Halka lagu hayo Roobow oo la ogaaday iyo dagaal ka socda BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo maanta lagu xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.

Dagaalka ayaa billowday saacado kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ay xireen Roobow.

Dhanka kale is-gaarsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, loona soo wado magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in wafdooyinka qaar ee magaalada shacab fara badan ay isugu soo baxeen, kuwaas oo doonaya in wax ay ka ogaadaan waxa ka jira gudaha magaalada, ayada oo qaarkood ay carreysan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Safarka madaxweyneha Eritrea ee Muqdisho

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Eritrea oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Imaanshaha madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea Isias Afawerki.

Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, islamarkaana la xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya la filayaa inuu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha eritrea.

Eritrea ayaa qeyb ka ah dowlaha isbadalka geeska Africa hogaaminayo , waxaana safarka madaxweynaha Eritrea kadib la filayaa inay magaalada Muqdisho yimaadaan madaxda dalalka Ethiopia iy Eritrea.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Xog: Madaxweyne Afwerki oo berri imanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa la filayaa in berri uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Afwerki ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Eritrea ayaa muddo laba maalmood ah joogi doona caasimadda Soomaaliya, waxaana uu wada-hdallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doonaa madaxweyne Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayey wixii ka dambeeyey 28-kii July, markaasi oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho saddex maalmood qaadatay ku bixiyey magaalada Asmara.

Labada hogaamiye, oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa wixii markaas ka dambeeyey saxiixday heshiisyo saddex geesood oo dhowr ah.

Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaalin ka gaysatay in golaha ammaanka QM uu xayiraadda hubka ka qaado Eritrea, horaantii bishii November.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Waan waantii oo dhamaatay iyo Mursal oo mooshin laga keenayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogo muhiim ah ku soo gaarayaan xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ahaa fashilmay dadaaladdii la’isugu soo dhaweeynayey Gudoomiye Mursal iyo xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkii Madaxweynaha ee buray.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Mursal ayaa is maandhaafay kaddib markii uu dhawr jeer uga baxay balallamo ay kala sixiideen.

Taas waxa ay dhabbaha u xaartay in gudoomiyaha baarlamaanka ka soo guuro gurigiisii xarunta Villa Somalia, isaga oo soo dagay guriga xibsigii hore loo oran jiray Daljir ee hadda ku biiray Daamjadiid.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in laga rejo dhigay Mursal oo hadda uu diyaar yahay mooshinkii lagu ridi lahaa.

Tirada xildhibaanada ka soo horjeedda mooshinka Mursal laga keenayo ayaa la sheegay inay badan tahay, waxaana mooshinkan hogaamin doona guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Muudeey.

Dhinaca kale waxaa jira xildhibaano sheegaya in Mursal la ridi doono ka hor inta uusan soo laaban Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo saaka u dhoofay dalka Qadar.

Xiisadda siyaasadeed qasan ayaa bilaabatay kaddib markii uu 9-kii bishan gudoomiyaha Baarlamaanka qabtay mooshin ay tiro xildhibaana ah ka keeneen Madaxweynaha Jamhuuridda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Hase ahaatee, Buux oo ah xoghayaha joogta ah ee baarlamaanka ayaa warqad uu shalay soo saaray ku beeniyey in mooshinka laga keenay Madaxweynaha buray kaddib markii 14 xildhibaan sheegeen in magacooda iyo saxiixooda lagu been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxay Kheyre, Cawad iyo Muudeey kala kulmeen guddoomiyaha BF, Mursal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay cadaadis maalmo ahaa iyo kulamo isdaba joog ah oo lala yeelanayay si xal looga gaaro mooshinka uu qabtay ee ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo.

Ka hor inta uusan ka guurin xarunta Villa Somalia hoyga uu ka deganaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayay guddoomiyaha baarlamaanka si xal looga gaaro mooshinka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xalay kulan aan loo kala kicin ay yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh.

Kulankaasi ayaa waxaa la doonayay in xal looga gaaro mooshinka, islamarkaana guddoomiye Mursal uu ku cadeeyo in mooshinka uu buray si loo dhabar jebiyo xildhibaanada mooshinka keenay.

Guddoomiye Mursal ayaa sida xogta aan ku heleyno wuxuu diiday dhamaan soo jeedimaha ay sameeyeen ra’iisul wasaaraha dalka iyo ku xigeenada baarlamaanka, sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Waa Sababta koowaad ee dhalisay inuu isaga guuro Villa Uganda oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka wada ayaa shalay sheegay in guddoomiye Mursal uusan baahan doonin inta ay nool yihiin, sida uu ku dhawaaqay Axmed Macalin Fiqi oo mooshinka hor boodaya.

Xildhibaano kale oo mooshinka wada ayaa la sheegay inay leeyihiin hotelka la dajiyay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana taasi ay sii adkeysay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cawad oo afar qodob kala hadlay boqorka Sacuudiga iyo dhismaha urur cusub

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay boqorka Dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa afar arin kala hadlay boqorka Sacuudiga oo kala ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, Adkeynta amaanka gobolka, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay wasiirada arrimaha Dalalka Yemen, Sudan, Masar iyo Jabuuti, isaga oo kala hadlay isbadalka gobolka Geeska Africa iyo sidii xiriirada dalalkaasi kala dhaxeeya Soomaaliya loo wanaajin lahaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu kulan kale la qaatay wasiirada iyo boqorka Sacuudiga kaasi oo ujeedadiisa ay aheyd sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Waxaa soo wanaagsananaya Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya oo mugdi uu galay waxii ka dambeeyay markii Somalia dhexdhexaad ay ka noqotay go’doomintii lagu sameeyay Dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah 
[email protected]

Yuu Mursal kula kulmay safarkii Qubrus (Cyprus)?

Istanbul (Caasimada Online) – Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka.

Guddoomiye Mursal ayaa hotelka uu Qubrus (Cyprus) ka dagay ee Mediterranean Beach Hotel kula kulmay ku xigeenka madaxa golaha amniga qaranka dowladda Imaaraatka Ali Mohammad Hammad Al Shamsi, iyada oo ay soo if baxeyso waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ahaa in muddo saddex bilood ah lagu rido dowladda hadda jirta, kadibna la keeno dowlad cusub oo Imaaraadka taageersan.

La-taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) horayna u ahaa ku xigeenkii NISA ayaa kulanka fududeeyay isaga sidoo kale qaatay mas’uuliyadda dhanka sirdoonka iyo habka loo fulin karo qorshahan ay imaaraadku dejiyeen.

Mursal ayaa loo ballan qaaday qarashka ku baxaya kala qeybinta baarlamaanka iyada oo safaaradda Imaaraadku ay gawaari ugu geyn doonto hotelka oo uu iminka degay.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah safaaradaha reer galbeedka ee Xalane Deggan si ay magangeliyo u siiyaan guddoomiye Mursal iyo qaar kamid ah xildhibaannada haddii uu qorshahan ka fashilmo.

Qorshaha Imaaraadka ayaa hadda u muuqda mid ka rajo wanaagsan sidii hore, maadaama Mursal uu hadda gacanta ugu jiro xisbiga Daljir, kana suurtoobaan wax badan.

Waxyaabaha cabsida leh ee hadda jira ayaa ah in haddii mooshinka madaxweynaha loo waayo xildhibaano taageera, in Mursal kulan u qabto xildhibaanada mooshinka keenaya kadibna shaaciyaan inay rideen madaxweynaha, taasi oo dowladda burburin karta ama carqalad gelin karta.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Gudoomiyaha barlamanka oo xarunta xisbigii Daljir ka dhigtay guri iyo xafiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta ka guuray gurigii iyo xafiiskii uu ka daganaa Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna dagay guriga ay Muqdisho ku leeyihiin xubnaha Xisbigii Daljir ee ku biiray Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh.

Xildhibaano ka kala tirsanaa Daljir iyo Damul-jadiid laakiin hadda ku midoobay UPD oo ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Cabdisaabir Nuur Shuuriye, Mahad Maxamed Salaad, C/laahi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa wadahadal ay kula jireen Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaatay muddo 3 maalin ah kaddib ugu dambayn ku guuleystay in ay ka raraan Madaxtooyada.

Warar hoose oo la xiriira guuritaanka Guddoomiye Mursal ayaa xaqiijiyay in uu meel fiican marayo qorshe ah in Mursal uu ku biiro Xisbiga Mucaaradka ah ee UPD  qorshahaas ay lacag fara badan ku bixineyso dowladda Imaaraadka.

Laga soo bilaabo markii shalay Xoghayaha Baarlamaanku sheegay in uu jabay  mooshin  9-kii bishaan ay xubno ka mid ah Golaha shacabku sheegeen in ay gudbiyeen Madaxweynaha, waxaa hoos u dhacday xiisad siyaasadeed oo taagneed labadii maalin ee ka horeysay laakiin talaabadan cusub ee Guddoomiye Mursal uu ku dhaqaaqay ayaa dad badan shaki kale ku abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Sababta uu guddoomiye MURSAL uga guuray Villa Somalia oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu wali jiro khilaafka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya isaga iyo ku xigeennadiisa.

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi, oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu degay Dhisme ku yaalla agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Hotel Shabeel.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in sababta uu Guddoomiyaha u guuray ay tahay qatar dhinaca amaankiisa la xiriirta.

Waxaa uu intaas ku daray in mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ay amaankiisa qatar geliyeen islamarkaana uu qatar galay amnigiisa.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in goobta hadda uu degay Guddoomiyaha Golaha shacabka uu amaankeeda suganyahay islamarkaana aysan jirin wax amnigiisa la xiriira oo ay shaki ka qabaan.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta hadalka xildhibaan Jindi ee ah in halis la geliyey nolosha guddoomiye Mursal

Muqdisho waxaa wali ka jira khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo isku khilaafay mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqri: Gudoomiye Mursal oo war cusub kasoo saaray MOOSHINKA Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa soo saaray waraaq xasaasi ah oo uu kaga hadlay mooshinka laga soo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa si rasmi ah u sheegay inuusan Jabin mooshinkii laga gudbiyey Madaxweynaha.

Wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyey inuu dastuur ahaan sax yahay mooshinka isla markaasna dhawaan laga doodi doono si codka kalsoonoda loogu qaado.

Waraaqda Guddoomiye Mursal ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay uu xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu sheegay inuu mooshinkii jabay kadin markii laga been abuurtay saxiixa illaa 14 xildhibaan.

Xiisadda ka dhalatay mooshinka Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Mursal ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna uu dagay Hotel u dhow garoonla Diyaaradaha Aadan cadde.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray guddoomiye Mursal