25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ururka ONLF oo yeeshay guddoomiye cusub iyo qorshihii oo la bedelay

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ka socda shirweynaha ururka mucaaradka ONLF.

Shirka oo la filayo in dhowaan lasoo geba gebeeyo, ayaa waxaa mar kale guddoomiyaha ururka loogu doortay Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi hore u hayay.

Shirweynaha ayaa sidoo kale wax looga baddalay qaab dhismeedka Jabhada, waxaana la sameeyay nidaamyo cusub oo jiheyn doona ururka.

Guddoomiyaha ururka Mohamed Omar Osman, ayaa sheegay in ONLF ay qaadi doonto talaabo waliba oo horseedi kara isbedel dhanka Horumarka iyo Siyaasada.

Waxa uu sheegay in waxbadan ay ka bedeli doonaan Siyaasadii ay horay ugu dhaqmi jireen si loola jaanqaado maamulka Ethiopia ee hadda jira.

Geesta kale, Hoggaanka Jabhada ee ku kala sugan magaalooyinka Nairobi iyo Asmara ayaa qaadi doona dadaalo lagula kulmaayo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Lacagta cusub iyo dabinta IMF u dhigtay Somalia (Aan barano cashardii Erdogan)

Inta aanan imaan dalkiisa, waxaan dhowr jeer ka daawaday TV-yada caalamiga ah is beddelka dhaqaale ee uu doortay. RW Erdogan ayaa meel walba ka sheegaya, “waa inaan ciribtirnaa ceebtan dhowr jiil galaafatay ee dalkaan sharafta leh heysata”.

Waa November, 2005, maalintii iigu horeysay ee aan Turkey tago. Aniga iyo daraawalkii taksiga ayaa is fahmi la’. Wuxuu iga soo qaaday boosteejada weyn ee Ankara, ina keennay xaafadda Ulus. Waa meeqa marka aan iri, wuxuu igu yiri, “ konton iyo shan milyan oo Lira”, oo u dhigantay $50 xilligaas. Lacagta waraaqaha Turkey ka shaqaynaysay waxaa ugu yaraa 1,000,000 Lira, oo muddo ay Guinness World Records u diiwaan gelinaysay “lacagta adduunka ugu qiimaha liidata”. Waa ceebta soo jireenka ahayd ee uu ka hadlayo Erdogan in laga takhaluso. Waxaa wasiirka maaliyadda u ahaa Erdogan, wiil dhalinyaro ah, oo la yiraahdo, Ali Babacan, oo Jan 20th, 2005, wargayska caanka ah ee The Economist ka qoray maqaal guushiisa dhaqaale u hagar baxaya , “Babacan’s Miracle = Mucjisadii Babacan”. Asagoo aqoonta iyo geesinimada wasiirkiisa da’da yar kaashanaya, Erdogan wuxuu tirtiray “lixdii eber”, wuxuuna ku bedelay “1 Lira”, sidaas darteedna u yeelay Turkey lacag markaan la qiimo ahayd doollarka Maraykanka.

Erdogan wuxuu tallaabdaasi qaaday ayadoo ay IMF diidan tahay. Turkey, oo ka mid ah 6 waddan oo keliya ee IMF inta ka faa’ideystay, haddana ka badbaaday dabinteeda, waxay wax ka barteen taariikhdii fogeyd ee ay IMF iyo World Bank isla soo mareen, ayadoo ay IMF ahayd tan ku kaliftay xukuumadihii Erdogan ka horeeyay in ay qiima ridaan Liiraha, ayagoo ka keennay meel hal Dollar ahaa 9 Lira, 1966, illaa 2001 la gaarsiiyay hal Dollar in lagu sarifo milyan lix boqol iyo konton kun oo Lira.

IMF waxay waddamada u doontaan kaalmo, marka ay ciriiri dhaqaale dareemaan (sida hadda Masar). Haddii waddanka deyn lagu yeesho, waa inuu bixiyaa, si uu ammaah kale u helo, haddii uusan bixin Karin oo ay cafin u baahdaan ” Heavily Indebted Poor Countries” sida Soomaaliya, waxay dalbadaan cafis. Ka hor inta aysan amaah bixin, ama deyn cafin, IMF waxay shuruudo culus, ku soo rogtaa dalalka, kuwaas oo curyaamin kara dhaqaalaha, sida ku dhacday Turkey, Erdogan ka hor, ama Soomaaliyaba xiliggii maamulkii Siyad Barre. IMF waxay dalbataa shuruudahaan si ay lacagteeda dib ugu hesho, waddankana la hayste uga dhigto ama qalqal u geliso:

1- In ay dowladda aad u yarayso kharashka kaga baxa adeegga dadweynaha (waxbarashada, mushaharka shaqaalaha, ciidanka). Sida ku cad dikumintiga CIA, Siyaad Barre markii uu xiriirka u jaray Ruushka, dhaqaale daranna soo wajahday, IMF-na kaalmo ka doontay, waxyaabaha lagu xiray ee uu ka dhiidhiyay waxaa ka mid ahaa in uu ciidamada kala diro, shaqaalaha dowladda mushaharaadkooda yareeyo, sidoo kale Masar hadda ayay socotaa howshaas oo sicirka korontada shacabka lagu qaaliyeeyay.

2- In dowladda ay sharciyo adag ku soo rogto ilaha dhaqaalaha, canshuuro dheeraad ahna lagu soo rogo meelaha dhaqaalaha ugu badan ka soo xaroodo.

3- In la soo daabaco lacag cusub, si qiimaha lacagta dalka ay hoos ugu dhacdo sicir barar awgiis, kaddibna taasi ay keento sida ay ku andacoodaan, in wax soo saarka dalka dhoofintiisa ay u sahlanaanto (shuruud uu diiday Erdogan, dowladihii ka horeeyay yeeleen, sicir barar kalifay, hadda waxaa shuruuddaasi aqbalay Madaxweyne Siisii, Geniga Masar wuxuu joogaa heerka ugu hooseeya”. Marka laga tago waxa ay IMF ku andacooto, ujeedada qiima dhimista lacagta laga leeyahay waa in si dadban loo fuliyo shardiga koowaad ee kharash yarenta. (Tusaale ahaa marka uu shaqaale qaato 4,000,000 Som Shillin ah bishii, oo u dhiganta $200 oo dollar, marka uu sarifka laba jibaarmo, isla qofkii la siiyo 4,000,000 oo shilin, waxaa doolar ahaan ugu soo aadaysa $100 oo keliya). 1980s, Siyaad Barre wuu yeelay, wuxuuna daabacay lacagta 500, 1000 taas oo keentay sicir barar baaxad leh, oo markii dambe sababtay dhaqaale xumo iyo in ay ciidamadii loo waayo mushahar, kaddibna dowladdiisa laciifto illaa jabhado ay dalka ka qabsadaan. Sidoo kale in la diiday lacagtii yaryarayd ida shilin, 5 shilin, 20 shilin ilaa 100 ayadoo markii dambe 500 la diiday xiligii sicir bararka ee Cabdiqaasim ganacsato lacagta soo daabacay.

Maamulka Farmaajo, ma laha si deynta $5.2 bilyan looga cafiyo, deymo kalena u helo, wuxuu aqbalay shuruudahaan curyaaminta dhaqaale keenni kara ee ay IMF ku xirtay:

1- In la kordhiyo canshuuraha soo xarooda, taas oo ay yeelleen markii ay canshuurta iibka ku soo rogeen Muqdisho ayadoo aan wax sharci ah loo raacin.

2- In la sharciyeeyo ilaha dhaqaalaha ugu badan uu ka jiro sida Isgaarsiinta, kunturaadyada iwm. Taasna waa la yeelay.

3- In la soo daabaco lacag cusub, oo sicir barar hor leh keennaysa, oo 10,000, 5,000 kun ah, taas oo waafaqsan shuruudaha qiimo ridista IMF ee adduunka, laakiin su’aasha ayaa ah Soomaaliya wax walba Dollar ayay ku salaysan yihiin, kharash dhimis kama imaan doonto, sidoo kale wax aan dhoofino ma jiraan, oo noo sahlanaanaya. Maxay tahay ujeeddada?

Erdogan waxa uu diiday shuruudaha qaar ee IMF, asagoo markaas lagu lahaa $50 bilyan lacag ka badan. Wuxuu ka doorbiday soo celinta sharafta lacagtiisa, asagoo 1 Lira ka soo bilaabay, asagoo taas beddelkeeda beeciyay shirkadii qaranka, kana dhigay shirkado gaar loo leeyahay.

Dowladda Soomaaliya inta deyn cafintani indha saabtay ay dib uga gurato, ayay samayn kartaa in ay si tartiib ah u soo celiso qiimaha lacagta shilinka ayadoo ka soo bilaabaysa shilin. Balse uma muuqato. Deyn baa la cafiyay waa guul ma laha, ka weyn aasaaska dhismaha dhaqaale.

Haddii la soo daabaco lacag cusub oo 10,000, 5,000 ah, waxaa halis loogu jiraa in gebi ahaanba lacagta Soomaaliyeed laga diido suuqa, sidii dhacday 2001 markii lacag N20 ah la soo daabacay, oo gebigeedba suuqa ka baxday.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise, oo ma laha Bankiga ka soo shaqeeyay xiligii Siyaad Barre oo dhaqaalaha aan xurta ahayn, wuxuu walaaca ka dhalan kara lacagta cusub, iyo is bedelka suuqa la filayo eedda dusha ka saaray, “sariflayaasha ku cayaara sicirka lacagta” asagoo ugu hanjabay in la xir xiri doonno. Guddoomiye, sarifle lacag ma beddelo, mana xaddido, waa suuq furan sida seyladaha dhaqaalaha New York Stock Exchange, waxaa wada matoorka dhaqaalaha ee aan cidina xukumin ee la yiraahdo, “Fear and Greed = Cabsi iyo Hunguri”.

Adinka oo “deyn baa na laga cafiyay” guul u malaynaya, $5.2 bilyan oo berri la gudi karo, ha u waxyeeleynina aasaaska dhaqaalaha dalka. Ugu horeyn dhisa aasaaska dhaqaalaha sida sharciyada, la shaqeynta maamulada, hindiska iyo aqbalaadda siyaasad maaliyadeed oo wadajir ah iyo canshuuraadka, ee IMF iyo deynteeda naga hakiya.

Ugu yaraan ka talo qaato Turkey, si aad IMF una adeegsataan ugana guuleysataan.

W/Q: Hassan Adam Hosow

Sawirro: Mahad Salaad, CC Shakuur iyo Qalbi Dhagax oo ku kulmay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiin aad u dhaliilsan Siyaasada dowlada ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xildhibaanadan ayaa waxaa kamid ahaa Mahad Salaad iyo Carte oo waayadan saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

C/raxmaan C/shakuur ayaa kamid ahaa Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, waxa ayna dhamaantooda ka mideysan yihiin arbushaada iyo is hortaaga dowladnimada Somalia.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta la kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa dhamaantooda ka siman in Sarkaalka ONLF ay la wadaagan hanaan waliba oo lagu hagarsaaminkaro dowladnimada Somalia, waxa uuna mid waliba ka dhaadhicinayaa siyaasadiisa gaarka ah.

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, waxaa horay ula kulmay Xildhibaan Axmed Fiqi oo Sarkaalka ka dalbaday inuu kusoo biiro mucaaradka maadaama, hase yeeshee waa uu ku fashilmay.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta maciin biday adeegsiga Qalbi dhagax ayaa kasoo jeeda hal dhinac, halka Xildhibaanada kale ee labada Gole ay yihiin kuwo iska ilaaliyay in afkooda uu sabab u noqdo burbur ku imaada rajada Qaranka Somalia.

Madaxweyne TRUMP oo u hanjabay sharafta-na ka qaaday Sacuudiga, sabab?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dalalka Khaliijka ee Sacuudiga uu ugu horreeyo inay kabaan shidaal-yarrida caalamka ee Iran ay sababeyso, haddii kalena Mareykanka uusan difaaci doonin.

Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabteynta uu saaray Iran ay keento in dalkaasi uusan wax shidaal ah dhoofin marka la gaaro bisha November. Haddii labada milyan ee barmiil ee Iran ay soo saarto maalinkii laga waayo,  suuqayada caalamka ayaa laga dareemi doonaa kororka sicirka saliidda.

Haddii taas ay dhacdo Trump ayaa wajihi kara carrada dadka Mareykanka oo aan u dulqaadan karin kororka qiimaha shidaalka.

Qorshaha Trump ayaa ah in dalalka khaliijka ay sare u qaadaan wax soo saarkooda shidaalka, si meesha looga saaro shidaal yarida ka dhalaneysa cunaqabateynta Iran.

Si kastaba, inkasta oo Sacuudiga uu Trump ku raacsan yahay in la dhimo qiimaha saliidda, haddana waxay weli ka caga jiidayaan inay kordhiyaan wax soo saarkooda, ayada oo aan la ogeyn sababta.

Hanjabaadda Trump ayaa loo arkaa xushmad darro iyo liiditaan uu u muujiyey Sacuudiga, oo dunida Islaamka oo idil ka doorbiday Mareykanka iyo xulafadooda Yahuudda, oo ay hadda si buuxda ula safan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

R/W KHEYRE “Waxaa jira kuwo afku dhiiglayaal ah oo u baahan in la ciribtiro”

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in dalka ay kusoo kordhayaan shaqsiyaadka afku dhiiglaha ah.

Kheyre waxa uu sheegay in dhinacyada afku dhiiglayaasha ay ka hortagi doonaan maadaama ay halis ku hayaan degnaanshiyaha dalka.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre mar kale ku celshay inay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa, waxa uuna kuwa ku caanbaxay Musuqa ku sheegay inay yihiin afku dhiiglayaal.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin karin in laaluush la qaato amaba la barbaariyo af ku dhiigle.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa wada musuq-maaasuqa inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in maamulkiisa uusan u turi doonin xitaa shaqsiyaadka xilka u haya dowlada ee ku sifoobay Musuqa, Laaluushka iyo inuu noqdo afku dhiigle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu Kheyre cadeeyay in Mowqifka dowladiisa uu yahay in la ciribtiro dhammaan kuwa caadada ka dhigtay qalqal galinta dalka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta kale ee xilalka u haya dowlada ayuu ugu baaqay in xili hore ay ka fogaadan haddii ay jirto musuqa iyo laaluush ay wali gacanta kula jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal ganacsi oo dalalka Mareykanka iyo Shiinaha si rasmi ah ugu billowday

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay in ka badan 800 oo ah badaceedo ay China soo saarto. Canshuurtan ayaa dhaqan gashay jimcihii, markii saacadda ay hal daqiiqo dhaaftay 12-kii aroornimo, xilliga Washington.

Dhaqan-gelinta canshuurta Trump ayaa si rasmi ah u billaabeysa dagaalka ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha oo muddo laga digayey inuu dhaawici doono dhaqaalaha dalalka dunida oo idil.

Beijing ayaa ka digtay inay si xooggan uga aargudan doonto canshuurtan la saaray alaabha ay sameyso, oo gaareysa 34 bilyan oo dollar.

Afhayeenka wasaaradda ganacsiga China, Gao Feng ayaa weriyayaasha u sheegay khamiistii in China aysan ridi doonin xabadda koowaad, hase yeeshee aysan u furnaan doonin wax aan ka ahayn inay difaacdo danta China iyo dadkeeda.

Gao waxa uu sheegay in China aysan madaxa hoorsan doonin, oo aysan aqbali doonin in loo hanjabo oo la rakaateeyo.

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in 450 bilyan oo dollar oo canshuur dheeri ah uu saari doono badeecadaha China, haddii Beijing ay ka dhabeyso ballanqaadkeeda ah inay canshuurto alaabta Mareykanka uu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Sawirro: Qalbi-Dhagax oo muddo dheer kadib dib ula midoobay qoyskiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku sugan Sarkaalka ONLF Cabdi Kariin Muuse (Qalbi dhagax).

Qalbi dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF dhawaana laga soo daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa dib ula midoobay qoyskiisa muddo Toban bilood kadib.

Qalbi dhagax, oo aan muddo fog arag carruurtiisa ayaa waxaa iminka u suuragashay in magaalada Nairobi uu kula kulmo carruur dhowr ah oo uu dhalay.

Qalbi dhagax, ayaa carruurtiisa oo waaweyn ah ku booqday halka ay ka degan yihiin magaalada Nairobi iyagoo kala qaatay wixii macluumaad oo ku saabsan mudada uu kala fogeeyay Xabsiga.

Sawirro laga soo qaaday Qalbi dhagax iyo carruurtiisa ayaa muujinaya Gabar iyo Wiil uu dhalay oo dhinacyada ka fadhiya, iyadoo ay used mudan tahay in mid kamid ah Gabdhihiisa ay ku jiifto.

Xog: Safiirada Soomaaliya ee caalamka oo is-beddel lagu sammeeyey (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah safiirada Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka.

Arintani ayaa la sheegay in ay ka dambeyso isbedel balaaran oo madaxweynuhu uu ku sameynayo xiriirka diblomaasiyadeed Soomaaaliya kala dhexeeya caalamka waxaana safiirada ilaa haatan la badalay kamid noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Ethiopia Mohamed Cali Nuur Hagi oo sidaan xogta ku helnay loo bedelay safaarada Soomaaliya dalka Djibouti, halka safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Faransiiska Cali Shariif isna loo weeciyay Safaarada Soomaaliya ee Addis ababa.

Sidoo Safiirada uu isbedelku ku dhacay ayaa la sheegay in uu kamid noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan danjire Abdirizak Tano kaasoo isna la sheegay in  loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Iyadoo aan safiirkii isaga kaga horeeyay safaaradan ee xilka laga qaaday an loo dhiibin wax xil safaaradeed ah.

Xogta ayaa intaas kusii dartay in Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Sweden iyo dalalka Scandinavian-ka Cawaale Kulane isna loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka China,

Balse Safaaradaha ay baneeyeen safiiradan la badalay ee dalalka Faransiiska, Sweden, Cummaan iyo safiiradii dalal kale loo wareejiyey ayaan la sheegin iney banaan yihiin oo suurta gal ka dhigaysa in safiiro kale loo magacaabay.

Isbedelkan kooban ee dowlada Soomaaliya ay ku sameysay safiiradii qaar ee caalamka u fadhiyay ayaa imaanaya xili dowlada  uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay inabadan ku celcelisay in ay wanaajiso xiriirka diblumaasiyadeed ee caalamka kala dhexeeya Soomaaliya, balse waxaa xusid mudan in muddo ka badan sanad ay safiiro la’aan yihiin safaaradaha qaar ee Soomaalida ay ku leedahay caalamka.

Isbeddeladan ayaa la filayaa in si rasmi ah dhowaan loogu shaaciyo warbaahinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Video: Raadkii Mingiste oo soo muuqday iyo Itoobiya oo foolanaysa (Daawo)!!

Madaxda sare ee maamul-goboleedka Amxaarada oo uu xitaa la joogey Raysal Wasaare xigeenka Itoobiya ee Demeke Mekonen oo qoowmiyaddaa kasoo jeeda ayaa diidey hannaanka federaalka Itoobiya, sida uu faafinayo web raacsan Tigreega.

RW xigeenka Itoobiya Demeke Mekonen, oo uu wehliyo madaxwaynaha maamul-goboleedka Amxaarada Gedu Andargachew, iyo dadwaynaha gobolkaasi ayaa si cad ugu gacan sayray hannaanka federaalka ah iyo dastuurka dalkaasi, shir ay ku qabsadeen Bahir Dar.

Warku wuxuu intaa ku daray in meesha lagu xumeeyay calanka haatan ay leedahay dowladda federaalka ah ee dalkaasi iyagoo soo qaatay calankii hore ee Itoobiya ee uu adeegsan jirey nidaamkii Mingistu Heile Mariam, iyadoo ay meesha joogaan ciidamada federaalka ah ee Itoobiya, kuwaasoo isir ahaan u badnaa qoowmiyadda Amxaarada, sida uu qorayo Tigrai Online.

Webku wuu sii hadlayaa oo wuxuu RW Dr Abiy Ahmed ku eedeeyay inuu indhaha uun ka daawanayo waxa ay Amxaaradu samaynayso, iyagoo weliba ku tuhmaya inuu wax ka ogyahay arrintaas, waxayna qoraalka ku sheegayaan in haddii la diido federaalka Itoobiya aysan jiri doonin wax Itoobiya la yiraahdo oo dambe.

Dadka gobollada Benishangul-Gumuz, Gambela, Afar, Somali, Quruumaha Koonfireed,  Tigrai iyo xitaa Oromia waa inay iska jiraan waxa ka socda Itoobiya oo ah afgembi qaboow, waayo haddii federaalka la tuuro waxaa soo noqon doonta inuu Amxaarigu noqdo luuqadda rasmiga ah ee Itoobiya oo lagu khasbo qof kasta. Haddaba diyaar ma u tihiin inaad ka tanaasushaan wixii aad kororsateen 27 sano? ayuu qoraalku waydiinayaa?

Qoraalka ayaa ka digaya in haddii ay 8-da gobol ee kale isku raaci waayaan inay joojiyaan hanqal-taagga Amxaarada ay Itoobiya geli doonto dagaal sokeeye.

Qoowmiyadda Amxaarada ayaa caadiyan kasoo horjeedda nidaamka federaalka iyadoo aaminsan inay Itoobiya tahay hal dal, iyadoo sidoo kale aalaaba ku fikirta inay xukunka maroorsato.

Marka aad eegto faallooyinka ay dadku ka bixinayaan warkan waxaa ka muuqanaysa in Itoobiya ay usii dhowdahay bartii karta, haddaan xaalku si kale u qaboobin.

Xigasho: Hadalsame Media

Mucaaradka DF oo qorshe cusub dejinaya kaddib sii dayntii QALBI-DHAGAX

Miuqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Maxmamed Cabdullahi Farmaajo oo isugu jira Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa waxaa looga bartay iney dowladda ku mucaaradaan dhacdooyin iyo qorshe dowladda ay wado.

Dhiibistii Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax waxa ay mucaaradka ay u hadal hayeen si weyn iyagoo iska horkeenaya shacabka iyo madaxda dalka kuna mucaaradaya dowladda, balse hadda Qalbi dhagax waa xor oo dowladda Itoobiya ayaa sii deysay todobaadkii aynu ka soo gudbunay.

Sii deynta Qalbi dhagax kadib waxaa jirtay in Mucaaradka Dowladda qaarkood ay kula kulmeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hadda uu ku suganyahay iyagoo ka dalbanaya in garabka Mucaaradka Dowladda Soomaaliya uu ku soo biiro.

Mucaaradka Dowladda ayaa diyaarinaya qorsheyaal kala duwan oo ay u adeegsanayaan dagaalka ay kula jiraan dowladda si ay uga gudbaan xaaladda cakiran oo ay ku sugan yihiin.

Waxaana qorshehaasi kamid ah in Dowladda ay ku mucaaradaan heshiiskii ay la gashay dowladda Itoobiya ee dhanka dekadaha iyo hadalkii muranka badan dhaliyay ee uu sheegay Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abyi Ahmed oo ahaa in labada dal la mideynayo.

Waxaa kaloo qorshaha mucaaradka Dowladda Madxweyne Farmaajo uu yahay iney aragti aan wanaagsaneyn shacabka ka siiyaan maalgashiga lagu sameynayo dekadaha dalka oo dowladda dhowr ah diyaar u yihiin iney maalgashaadaan sida Dowladda Qatar, Itoobiya iyo Imaaradka Carabta oo laga mamnuucay dekadii Berbera.

Go’aankii Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ay ugu dareen liiska Argagixisada ururka ONLF balse Itoobiya ay ka saartay ayaa kamid meelaha ay dowladda ka weerari doonaan.

Shaqada gudoonka golaha shacabka oo dhowr jeer ay ka hadleen ayaa kamid ah meelaha ay sida aadka ah u daneynayaan iyagoo sheegay in Gudoomiye Mursal iyo xukuumadda  Ra’isul wasaare Kheyre iney isku aragti iyo isku siyaasad yihiin waxaana ay tilmaameen in Baarlamaanka uu u gacan galay Xukuumadda Soomaaliya,  ujeedka mucaaradka ayaana ah in dagaalkooda siyaasadeed ee Mucaaradnimada ay ku helaan taageero Shacab.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa aad ugu kalsoon iney ku meel maraan mucaaradnimadooda iyagoo marwalba raadinaya Qodob ay Dowladda kaga soo horjeestaan, waxaase dhif iyo nadir ah iney dowladda ku taageeraan howlaha wanaagsan oo ay qabato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Maxaa ka jira in Qalbi Dhagax iyo Sanbaloolshe ay ku wada sugan yihiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay kuwada sugan yihiin Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Somalia Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Sanbaloolshe ayaa la xaqiijiyay in magaalada Nairobi uu uga sii horeeyay Qalbi-Dhagax, waxaana lasoo sheegayaa in labada mas’uul ay ku kala sugan yihiin laba Hoteel aan sidaa usii kala fogeyn.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labada mas’uul aysan wali is arag inkastoo Saraakiisha ONLF ay iska fogeynayaan Sanbaloolshe hadana waxaa jira dadaalo lagu doonaayo in labaduba lagu wada kulansiiyo maadaama Sanbaloolshe uu go’aanka dhiibista Qalbi-Dhagax dusha ka saaray madaxda ugu sareysa dalka.

Sanbaloolshe oo dhawaan ku biiray garabka mucaaradka dowlada Somalia ayaa waxaa la kulanka Qalbi-Dhagax ku cadaadinaaya Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka tirsan garabka mucaaradka oo intooda badan xiligaani ku sugan Kenya.

Sidoo kale, warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu safar ka yahay dalka Kenya si aysan u wada kulmin Sarkaalka ONLF oo xiligaani aad u niyad xun.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana mar waliba suuragal ah in labada mas’uul lagu dhex dhexaadiyo magaalada Nairobi maadaama xiligaan ay ka mideysan yihiin mucaaradnimada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

In liiska argagixisada laga saaro ONLF maxay kaga dhigantahay DF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Itoobiya  waxa ay shalay meel mariyeen qaraar ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirada Itoobiya oo ku aadanaa in liiska argagaxisada looga saaro Ururka ONLF iyo labao urur oo kale oo horey looga mamnuucay dalkaasi.

Go’aankan Baarlamaanka Itoobiya ayaa dhiira gelinaya in kooxaha mucaaradka Itoobiya ay la soo baxana siyaasad degan oo nabdoon, waxaana dhabar jab uu ku yahay go’aankii xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay iney ka dambeeyen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo sarkaal Itobiyanka ah ee General Gabre oo dhawaan laga eryay xafiiskii IGAD sida uu horay u sheegay Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay warbaahinta.

Go’aankii ay qaateen golaha wasiiradda waxa uu ka hor imaanayay Ururka ONLF oo U dagaalama halganka gobonimo doonka dhulka Ogaadeeniya ee Soomaali Galbeed, waxaana 20-kii sano ee la soo dhaafay ay dagaal kula jiraan Nidaamka dowladda Itoobiya.

Waa mid kamid ah  go’aanada  ay ku fududaatay xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iusl wasaare Kheyre  in Liiska argagixisada lagu daro ONLF iyadoo aysan kamid aheyn liiska argagisada Caalamka sida USA, Canada, EU, U.E.A, Russia, China, I.WM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wax ka baraneysa ineysan faragashan arimaha dalal shisheeye gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya Maadamada ONLF iyo Itoobiya ay dhexdooda gashay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sii wada is bedelada siyaasadeed ee uu dalkiisa u horseeday tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana dhowaan xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis oo qaarkood dil ku xukunnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku tilmaamtay ONLF inay yihiin Urur Argagixiso oo caqabad ku ah Amniga Gobolka, kaddib  shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ay ka soo saareen qaraar ay ku ogolaadeen dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF oo hadda xuriyadisa dib u helay islamarkaana ku sugan Magaalada Nairobi  ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Iftiimin: Nuuca doorasho ee Puntland ka dhaceysa 2019

Sida caadiga ah hadeeysan suuragal aheyn oo aan la diyaarin habka doorasho ee hal cod iyo hal qof, looguna gudbin habka xisbiyadda badan oo ay ku xeeran yihiin waxyaabo aan suurtagal ka dhigeynin in la gaaro doorsho shacab waqtigaan.

Waxaa markaas laga fursaneeyn in la raaco habkii hore ee lagu dooran jirey golaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxwene kuxigeenkiisa (The background election of Puntland).

Hadaba waxaa jira laba guddi oo muhiim u ah doorashadda Puntland sida ku cad habraaca doorasho ee Puntland waxayna kala yihiin;

1) GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA IYO ANSIXINTA BAARLAMAANKA

Gudigaan waxaa la dhisaa inta aan la soo xuliin shaqsiyaadka ka mid noqon doona xubnaha baarlamaanka, ee ay soo saxiixi doonaanisimadda Puntland (Beel walba isimkeeda baa leh saxiixa uga mid noqoshadda xubinta baarlamaan ee beeshaas).

Waxaana soo wada xula gudigaas Madaxweynaha markaas taladda haya iyo musharaxiinta u tartameeysa xilka madaxweyne, iyagoo ku keenaya ogol- talowadaag ah ayna isku afgarteen. Dabadeedna waxay u keenaan Isimadda soo jireenka ee Puntland,kuwaasoo siiya saxiixa ogolaanshaha gudigaas.

Hadaba shaqadooda ugu muhiimsan waxay tahay in ay xaliyaan, hubiyaan wixii khilaaf ah ee markaas ka jira xubnaha lasoo xuley, sida hadeey isku qabsadaan laba xubnood hal boos, oo kale in ay hubiyaan qofka saxda ah ee isimka saxiixiisa dhabta ah wata, iyagoo ka hubinaya isimkoodii, si aan loo abuurin saxiix been ah.

Tiradda ay gudigaasi noqonayaa labadaas qolo baa ku heshiineeysa inta badanse waa (7-11 xubnood oo leh gudoomiyahooda).

2) GUDDIGA DOORASHADDA PUNTLAND

Guddigaan waxaa la dhisaa marka lasoo doorto xubnahaa golaha ee baarlamanka(66 xubnood) ,marka hore guddiga baarlamaanka baa iska dhexdoorta gudoomiye baarlamaan iyo labo gudoomiy-kuxigeeno, ka bacdi ayaa gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisu, golaha barlamaanka dhexdiisa ka magacaabaan guddiga doorashada Puntland (waana 5 xubnood oo leh gudoomiyahooda.

Guddigaasi waa kan habraaca doorasho soo diyaariya ee ay ku shaqeeyaan ilaa ay ku dhawaaqaan madaxweeynaha la doortey,halkaas beeyna shaqadoodu ku egtahay oo ku dhamaataa wixii ka dambeeyana waa xubno baarlamaan oo keliya. (ogow xubin baarlamaan hadeey gasho golaha fullinta,waxay waayeysaa booskeedii xubunimo).

Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashadda Puntland (TPEC),ay dowladda Puntland dusha u saartey in ay yihiin kuwa qabanaya doorashada

Puntland ee 2019-ka, waa guddi ka duwan hab doorasheedka hadda lagaga dhaqmo Puntland, shaqadiisuna waa mid ku qeexan habka

xisbiyadda badan ee hal cod iyo hal qof, waxayna ku kala duwan yihiin;

  1. a) Waa guddi ku meelgaar ah oo aan rasmi ahayn,
  2. b) Shaqadooda ugu weeyni waa qabashada doorashooyinka dowladaha hoose/heer deegaan, oo ku qabsoomeeysa hab xisbiyeed,
  3. c) Waxay kala saarayaan ururadda noqon doona ee usoo gudbaya xisbiyo QARAN, ka dib qabsoomidda dowladdaha hoose ,
  4. d) 3 xisbi qaran markeey helaan CERTIFICATE xisbinimo,wixii ka dambeeya gudiga kumeelgaarka ahi shaqadoodii waa dhamaatey,
  5. e) Ka dibna 3da xisbi qarameed ayaa dooranaya gudiga rasmiga ah ee doorashada,iyagoo ka keenaya mid tiro isle’eg.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Baarlamanka EU-da oo war kasoo saaray faro-galinta Imaaraatka iyo Sacuudiga ay ku hayan dalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraala oo kasoo baxay Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxaa looga hadlay faragalinta qaawan oo dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Somalia.

Qoraalka Baarlamaanka ayaa waxaa lagu muujiyay in dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ay ku xadgudbaan Qaranimada Somalia, iyagoo siyaasadooda u weeciyay maamulka Somaliland.

Baarlamaanka ayaa dowladahaasi ugu baaqay inay xushmeeyan qaranimada iyo xuduudaha Somalia, si Somalia ay uga soo kabato dhibta kaga imaaneysa culeysyada dowladaha kale.

Waxa uu baarlamaanka sheegay inay aad u cambaareynayaan faragalinta qaawan oo Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Somalia, taa oo ay tilmaameen inay ka dhalankarto caqabado kala duwan.

Sidoo kale, Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa cod dheer ku sheegay in Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ay joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Somalia.

Waxaa sidoo kale, lagu eedeeyay inay hakiyeen tayeynta ciidamada Somalia sida tababarada iyo qalabeynta Militeriga Somalia ee dagaalka kula jira Kooxaha xagjirka ah.

“Hakinta dhaqaalaha iyo tababarada waxa ay ku saleeyen danahooda oo ay ka waayen Somalia, waxa ay ku andacoonayaan in Somalia ay kala safarat Qadar”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, baarlamaanka ayaa dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga uga digay inay dhaliilsadan faragalinta ay ku hayaan Qaranimada Somalia, waxa ayna ka digeen inay sii wadaan faragalinta.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa cadeeyay in abtaladaani ay bilaawatay kadib markii Somaliland  ay Imaaraadka ku wareejisay Saldhig iyo Dekadda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arag sida quruxda badan ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Djibouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada oo halkaasi uu uga furmayo Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qayb galay saaka furitaanka aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.

 

Soomaali duq magaalo ka ah UK oo magaaladiisa ka mamnuucay Donald Trump 

Sheffield (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Sheffield ee dalka UK oo asalkiisu Soomaali ah, ayaa madaxweynaha Maraykanka ka “mamnuucay” in uu soo booqdo magaalada uu madaxda ka yahay.

Magid Magid ayaa ku dhawaaqay hadalkaas isaga oo ka hadlaya kalfadhiga golaha deegaanka magaalada, arrintaas ayuuna “taageero” ugu muujinayay Mexico. Ninkan oo ka tirsan xisbiga Green Party ayaa intaas kadibna Twitterka ku soo qoray magaalada wayn ee Sheffield laga mamnuucay Trump.

Duqan magaalada oo 28 jir ah oo la doortay bishii May ayaa ah duqii ugu da’ yaraa ee magaaladaas abid soo mara.

Golaha deegaanka ayaase sheegay in Magid uusan lahayn awood uu magaalada kaga mamnuuco cidna, balse goluhu uu si dimuqraadi ah u soo dhigi karo ugana doodi karo si ay u cambaareeyaan aragtida shaqsi ama urur.

Magid Magid ayaa magaalada Sheffield tagay isaga oo shan jir ah, waan Soomaaligii ugu horeeyay ee loo doorto duq magaalo dalka UK.

Isbedel maamul oo maanta Muqdisho ka dhacay iyo mas’uul xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdihso Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Hodan Maxamed Axmed (Cantoobo).

Guddoomiye Cantoobo oo xilkan laga qaaday ayaa  la magacaabay 23-Kii Bishii May ee Sanadii 2017.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wali ma soo magacaabin shaqsiga badali lahaa Maxamed Axmed Cantoobo oo mudo xilka Degmada Hodan hayay.

Waloow warar soo baxaya ay sheegayaan in Magacaabista lala sugayo Gudoomiyayaal kale oo xilka laga qaadayo Maalmaha soo socota.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waxaa sidoo kale loo Magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir,kaas oo uu horay u haayey Saalax Xasan cumar oo isna maanta loo Magacaabay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Xafiisyada Hogaanka sare ee Gobolka Banaadir ayaa aad mashquul u ah waxaana buux dhaafiyay Sooyaalka Shaqsiyaad doonaya iney xilal ka qabtaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo Dowladda Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“KUFSI, jirdil iyo tacaddiyo kale ayaa ka socda JEEL OGAADEEN” Waxaa yiri…

Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyaasi.

Warbixinta oo ka kooban 
88 bog, cinwaanna looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa sharraxaysa xadugudbyo arxan darro ah, jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ayadoo aanay maxaabiista inta badan helin daryeel caafimaad, la kulamidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo diiddo cunnada. Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah ilaalada xabsiga oo ay ka mid yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee Liyu booliska. Ciidankan ayaa si toos ah u hoos taga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, oo loo yaqaan Cabdi Illey. Inta badan maxaabiista ayaa ah dad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka ONLF ee laga mamnuucay Itoobiya, balse intooda badan laguma soo oogin dacwad ama lama horgeyn maxkamad.

“Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa qiray in xooggaga ammaanka ay jirdil u geysteen dad Itoobiyaan ah, balse weli waxba kama uusan qaban dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ah iyo xaqiijinta in laamaha ammaanka lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geysteen,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch. Waxa uu intaa ku daray, “Xaaladda argagaxa leh ee ka taagan Jeel Ogaadeen ayaa u baahan in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo ficillada madaxweynaha deegaanka, saraakiisha sarsare iyo ciidanka Liyu Booliska.


Si aad uga duwan qaabkii ay dowladda Itoobiya u beenin jirtay tacaddiyada dhaca, ayaa Ra’iisal wasaare Abiy waxa uu baarlamaanka dalkiisa 18-kii Juun ka hor qiray in ciidamada ammaanka ay ku kaceen jirdil. Si gaar ah uma aanu carrabaabin tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen ama waxa ay dowladdiisa ka samayn doonto si loo xaqiijiyo in lala xisaabtamo kuwa jirdilka ka geysta guud ahaan Itoobiya, ama cadaallada ay helayaan dhibbanayaasha.

Human Rights Watch ayaa waraysatay ku dhawaad boqol qof oo isugu jira xubno ka tirsan xooggaga ammaanka, mas’uuliyiin dowladda ah, iyo 70 qof oo horay loogu xiray xabsigan, waxaana ay diiwaangelisay tacaddiyadii ka dhacay Jeel Ogaadeen mudadii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii 2018.

“Inta badan mudadii saddexda sano ahayd ee aan ku xirnaa xabsigaasi ayaa waxaa la igu hayay meel gaar ah oo mugdi ahayd,” ayuu yiri maxbuus hore, oo intaa ku daray, “habeenkii oo keliya ayaa meesha la iga saari jiray si la ii jirdilo. Dhibaato badan ayay ii geysteen saraakiisha xabsiga, sida inay koronto iiga qabteen xiniinyaha, ay fiilooyin igu wareejiyeen, iyo inay madaxa ii galiyeen bac uu ka buuxo basbaas. Inta badan afka ayaa la iga xiri jiray si aan u qeylin.”


Maxaabiista ayaa sheegay in inta la qaawiyay lagu hor garaacay dadka kale ee xabsiga ku jiray, iyo in lagu qasbay inay maxaabiista hortooda ku sameeyaan falal dullinimo ah si loo cabsi geliyo kuwa kale.


“Mar ayay igu qasbeen in anigoo qaawan aan ku rafto meel dhiiqa ah ayagoo ulo igu garaacaya, maxaabiista kalena ay i daawanayaan,” ayay tiri Hodan oo 40 jir ah, isla markaana shan sano xirneyd ayadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxa ay intaa ku dartay, “Nin oday ah ayay ku qasbeen in asagoo qaawan uu la istaago gabadhiisa….. waa dareemi kartaa ceebta ay leedahay in sidaa qof lagu sameeyo asagoo ay fiirsanayaan maxaabiista kale.


Maxaabiista ayaa sheegay in saraakiisha sarsare ee xabsiga oo ay ka mid yihiin taliyayaal Liyu boolis ah ay amreen in maxaabiista la jirdilo, kufsado, cunnadana loo diido, oo xitaa iyaguba ka qeyb qaateen kufsiga iyo jirdilka. Qolalka xabsiyada oo ah kuwo buux dhaafay, ayaa habeenkii waxa maxaabiista si dhibaateyn ku jirto su’aallo u weydiiya hogaamiyayaasha maxaabiista, kuwaasoo macluumaadka u gudbiya madaxda xabsiga oo sidaa ku doorta maxaabiista la sii ciqaabayo.

Buux dhaafa xabsiga, jirdilka, cunno u diididda, cudurada halkaa ka dillaaca, raashinka iyo biyaha oo yar, daryeel caafimaad iyo fayadhowrka oo aan jirin, ayaa dhaliyay in maxaabiista qaar ay ku dhintaan Jeel Ogaadeen.


Carruur badan ayaa ku dhalata Jeel Ogaadeen, waxaana ka mid ah qaar la sheegay inay ku uurgaleen kufsi ay geysteen ilaalada xabsiga. Maxaabiista dumarka ah ayaa ka warramay qaabka ay ugu umuleen xabsiga gudihiisa, ayagoo inta badan aan haysan daryeel caafimaad ama xitaa biyo.


Ku dhawaad dhammaan maxaabiistii hore ee la waraystay ayaa sheegay in aan maxkamad la geyn ama aan lagu qaadin dacwad dembiyeed. Garsoorayaal hore ayaa Human Rights Watch u sheegay in mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ay ku cadaadiyeen inay xukumaan maxaabiis aanay la kulmin ama aanay arag caddeyn u dhiganta mudada xarigooda.


Ciidamada Itoobiya ayaa sanadihii 2007 iyo 2008 waxa ay deegaanka Soomaalida ka geysteen dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo kuwo dagaal intii uu socday howlgalkii ka dhanka ahaa ONLF, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ahaa; dilal sharciga ka baxsan, jirdil iyo kufsi. Ciidanka Liyu boolis oo la sameeyay xilligaasi ka dib, ayaa deegaanka si joogta ah uga galay dembiyo la mid ah kuwii hore, waxaana ay sii wadeen ciqaab wadareedka. Weerraro ay Liyu boolis ka geysteen deegaanka Oromiya horraantii 2016 ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana deegaannadooda ka barakacay ku dhawaad hal milyan oo qof.


Waa in dowladda Federaalka ay isbedel wax ku’ool ah ugu samayso amaba ay meesha ka saarto ciidanka Liyu boolis, ayna la xisaabtanto saraakiisha sarsare ee ciidankaasi, ayay tiri Human Rights Watch.


Jirdilka ayaa ah dhibaato si weyn uga taagan guud ahaan Itoobiya, Human Rights Watch-na waxaa si joogta ah usoo gaara warar ku saabsan tacaddiyo dalkaasi ka dhaca xilliyada su’aalaha la weydiinayo tuhunsanayaasha. Guddiga Xuquuqda Aadana ee Itoobiya ayaa tan iyo sanadkii 2011 marar badan baaray Jeel Ogaadeen, balse warbixinnada uu ka diyaariyay ayaan si shaac baxsan loo heli karin, mana cadda tallaabooyinka la qaaday, haddiiba ay jiraan, si looga hortago tacaddiyadaasi.


Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii hore ayaa sheegay in dadka qaba dhaawacyada muuqda, carruurta iyo haweenka uurka leh la geyn jiray qolal qarsoon, ama laga saari jiray xabsiga xilliyada uu booqashada ku imanayo guddiga, Qaar kale ayaa sheegay in loo meerin jiray waxa ay ku dhihi lahaayeen mas’uuliyiinta guddiga. Kuwa sida daahfuran ula hadlay xubnaha kormeerka ayaa wajahay aargoosi arxan darro ah.


Waa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu sameeyo guddi khubaro heer federal ah oo baara tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen, isla markaana aqoonsan kara saraakiisha ku lugta leh ayadoo aan loo eegeyn darajadooda. Waa in guddiga uu qiimeyn karo kiiska maxbuus kasta oo hadda ku xiran Jeel Ogaadeen, si loo sii daayo ama loogu dacweeyo dembiyo lagu salaynayo caddeyn lagu kalsoonaan karo.


“Xaddiga ay gaarsiisan yihiin jirdilka iyo tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen ayaa ah kuwo aan lasoo koobi karin,” ayuu yiri Horne, oo intaa ku daray, “Waa in Dr Abiy uu sii wado dhaleeceynta shaac baxsan ee ku aaddan jirdilka, iyo inuu tallaabo ka qaado Jeel Ogaadeen si uu u muujiyo inay ka go’an tahay joojinta jirdilka iyo soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta.”


“Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” waxaa laga heli karaa:
https://www.hrw.org/node/319795

Xog: Qalbi-Dhagax oo iska diiday hal arrin oo uu usoo jeediyay xildhibaan FIQI.!!

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan saacado qaatay ku yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Kulanka Xildhibaan Axmed Fiqi iyo Qalbi-Dhagax oo ku saleysnaa arrimaha Somalia ayaa waxaa si gaara diirada loogu saaray dhiibista Sarkaalka waxa uuna Xildhibaanka ka cudur daartay in dhiibista Qalbi-Dhagax uusan raali ka aheyn.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in dhiibistiisa ay kaalin weyn ka qaaten Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna sidoo kale u xaqiijiyay in dhiibistiisa aysan taageerin Xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Fiqi oo miisaan ku dhex leh garabka mucaaradka dowlada ayaa Qalbi-Dhagax usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida garabka mucaaraadka maadaama uu xadgudub ka tabanaayo dowlada.

Fiqi waxa uu Sarkaalka Qalbi-Dhagax u cadeeyay in cid waliba ay u furan tahay inay ka dhiidhiso khaladaadka ay ku dhaceyso dowlada sidaa aawgeed ay aad usoo dhaweynayaan inuu qeyb ka noqdo garabka mucaaradka ee u taagan sixitaanka khaladaadka jira, hase yeeshee waxaa soo jeedinta Fiqi aan jawaab ka bixin Qalbi-Dhagax oo wareysigiisa asbuucan shaki ku galiyay in Madaxda dalka ay kaalin ku leedahay dhiibistiisa.

Axmed Fiqi oo wakiil u ahaa Xildhibaanada garabka mucaaradka ayaa sidoo kale Qalbi-Dhagax u sheegay inay u sameyn doonaan casuumaad isaga iyo Saraakiisha ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi waxa uuna intaa raaciyay inay muhiim tahay inay ka fiirsadaan hadii ay jiraan dalabyo kaga imaanaya dowlada.

Qalbi-Dhagax oo ka meermeeraya aqbalaada soo jeedinta Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu latashi la sameynaayo Saraakiisha ONLF ka hor inta uusan qaadan go’aan.

Xildhibaano ay kamid yihiin Fiqi, Mahad salaad iyo Odawaa oo aad uga soo horjeeda dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in Qalbi-Dhagax ay xiligaan uga gudbaan Siyaasada cakiran, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay u adeegsadan dagaalka ay kula jiraan dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Baarlamaanka Itoobiya oo URURKA ONLF ka saaray liiska argagixisada dalkaas

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kulan ay maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii maanta ka dambeeya aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn.

Bishii September ee sannadkii 2017-kii ayeey golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ONLF u aqoonsadeen urur aragagixiso, walow baarlamaanka federaalka arrintaasi ka hor yimid.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka kaliya ee ONLF u aqoonsan argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]