25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Soomaali duq magaalo ka ah UK oo magaaladiisa ka mamnuucay Donald Trump 

Sheffield (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Sheffield ee dalka UK oo asalkiisu Soomaali ah, ayaa madaxweynaha Maraykanka ka “mamnuucay” in uu soo booqdo magaalada uu madaxda ka yahay.

Magid Magid ayaa ku dhawaaqay hadalkaas isaga oo ka hadlaya kalfadhiga golaha deegaanka magaalada, arrintaas ayuuna “taageero” ugu muujinayay Mexico. Ninkan oo ka tirsan xisbiga Green Party ayaa intaas kadibna Twitterka ku soo qoray magaalada wayn ee Sheffield laga mamnuucay Trump.

Duqan magaalada oo 28 jir ah oo la doortay bishii May ayaa ah duqii ugu da’ yaraa ee magaaladaas abid soo mara.

Golaha deegaanka ayaase sheegay in Magid uusan lahayn awood uu magaalada kaga mamnuuco cidna, balse goluhu uu si dimuqraadi ah u soo dhigi karo ugana doodi karo si ay u cambaareeyaan aragtida shaqsi ama urur.

Magid Magid ayaa magaalada Sheffield tagay isaga oo shan jir ah, waan Soomaaligii ugu horeeyay ee loo doorto duq magaalo dalka UK.

Isbedel maamul oo maanta Muqdisho ka dhacay iyo mas’uul xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdihso Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Hodan Maxamed Axmed (Cantoobo).

Guddoomiye Cantoobo oo xilkan laga qaaday ayaa  la magacaabay 23-Kii Bishii May ee Sanadii 2017.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wali ma soo magacaabin shaqsiga badali lahaa Maxamed Axmed Cantoobo oo mudo xilka Degmada Hodan hayay.

Waloow warar soo baxaya ay sheegayaan in Magacaabista lala sugayo Gudoomiyayaal kale oo xilka laga qaadayo Maalmaha soo socota.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waxaa sidoo kale loo Magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir,kaas oo uu horay u haayey Saalax Xasan cumar oo isna maanta loo Magacaabay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Xafiisyada Hogaanka sare ee Gobolka Banaadir ayaa aad mashquul u ah waxaana buux dhaafiyay Sooyaalka Shaqsiyaad doonaya iney xilal ka qabtaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo Dowladda Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“KUFSI, jirdil iyo tacaddiyo kale ayaa ka socda JEEL OGAADEEN” Waxaa yiri…

Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyaasi.

Warbixinta oo ka kooban 
88 bog, cinwaanna looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa sharraxaysa xadugudbyo arxan darro ah, jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ayadoo aanay maxaabiista inta badan helin daryeel caafimaad, la kulamidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo diiddo cunnada. Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah ilaalada xabsiga oo ay ka mid yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee Liyu booliska. Ciidankan ayaa si toos ah u hoos taga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, oo loo yaqaan Cabdi Illey. Inta badan maxaabiista ayaa ah dad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka ONLF ee laga mamnuucay Itoobiya, balse intooda badan laguma soo oogin dacwad ama lama horgeyn maxkamad.

“Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa qiray in xooggaga ammaanka ay jirdil u geysteen dad Itoobiyaan ah, balse weli waxba kama uusan qaban dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ah iyo xaqiijinta in laamaha ammaanka lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geysteen,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch. Waxa uu intaa ku daray, “Xaaladda argagaxa leh ee ka taagan Jeel Ogaadeen ayaa u baahan in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo ficillada madaxweynaha deegaanka, saraakiisha sarsare iyo ciidanka Liyu Booliska.


Si aad uga duwan qaabkii ay dowladda Itoobiya u beenin jirtay tacaddiyada dhaca, ayaa Ra’iisal wasaare Abiy waxa uu baarlamaanka dalkiisa 18-kii Juun ka hor qiray in ciidamada ammaanka ay ku kaceen jirdil. Si gaar ah uma aanu carrabaabin tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen ama waxa ay dowladdiisa ka samayn doonto si loo xaqiijiyo in lala xisaabtamo kuwa jirdilka ka geysta guud ahaan Itoobiya, ama cadaallada ay helayaan dhibbanayaasha.

Human Rights Watch ayaa waraysatay ku dhawaad boqol qof oo isugu jira xubno ka tirsan xooggaga ammaanka, mas’uuliyiin dowladda ah, iyo 70 qof oo horay loogu xiray xabsigan, waxaana ay diiwaangelisay tacaddiyadii ka dhacay Jeel Ogaadeen mudadii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii 2018.

“Inta badan mudadii saddexda sano ahayd ee aan ku xirnaa xabsigaasi ayaa waxaa la igu hayay meel gaar ah oo mugdi ahayd,” ayuu yiri maxbuus hore, oo intaa ku daray, “habeenkii oo keliya ayaa meesha la iga saari jiray si la ii jirdilo. Dhibaato badan ayay ii geysteen saraakiisha xabsiga, sida inay koronto iiga qabteen xiniinyaha, ay fiilooyin igu wareejiyeen, iyo inay madaxa ii galiyeen bac uu ka buuxo basbaas. Inta badan afka ayaa la iga xiri jiray si aan u qeylin.”


Maxaabiista ayaa sheegay in inta la qaawiyay lagu hor garaacay dadka kale ee xabsiga ku jiray, iyo in lagu qasbay inay maxaabiista hortooda ku sameeyaan falal dullinimo ah si loo cabsi geliyo kuwa kale.


“Mar ayay igu qasbeen in anigoo qaawan aan ku rafto meel dhiiqa ah ayagoo ulo igu garaacaya, maxaabiista kalena ay i daawanayaan,” ayay tiri Hodan oo 40 jir ah, isla markaana shan sano xirneyd ayadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxa ay intaa ku dartay, “Nin oday ah ayay ku qasbeen in asagoo qaawan uu la istaago gabadhiisa….. waa dareemi kartaa ceebta ay leedahay in sidaa qof lagu sameeyo asagoo ay fiirsanayaan maxaabiista kale.


Maxaabiista ayaa sheegay in saraakiisha sarsare ee xabsiga oo ay ka mid yihiin taliyayaal Liyu boolis ah ay amreen in maxaabiista la jirdilo, kufsado, cunnadana loo diido, oo xitaa iyaguba ka qeyb qaateen kufsiga iyo jirdilka. Qolalka xabsiyada oo ah kuwo buux dhaafay, ayaa habeenkii waxa maxaabiista si dhibaateyn ku jirto su’aallo u weydiiya hogaamiyayaasha maxaabiista, kuwaasoo macluumaadka u gudbiya madaxda xabsiga oo sidaa ku doorta maxaabiista la sii ciqaabayo.

Buux dhaafa xabsiga, jirdilka, cunno u diididda, cudurada halkaa ka dillaaca, raashinka iyo biyaha oo yar, daryeel caafimaad iyo fayadhowrka oo aan jirin, ayaa dhaliyay in maxaabiista qaar ay ku dhintaan Jeel Ogaadeen.


Carruur badan ayaa ku dhalata Jeel Ogaadeen, waxaana ka mid ah qaar la sheegay inay ku uurgaleen kufsi ay geysteen ilaalada xabsiga. Maxaabiista dumarka ah ayaa ka warramay qaabka ay ugu umuleen xabsiga gudihiisa, ayagoo inta badan aan haysan daryeel caafimaad ama xitaa biyo.


Ku dhawaad dhammaan maxaabiistii hore ee la waraystay ayaa sheegay in aan maxkamad la geyn ama aan lagu qaadin dacwad dembiyeed. Garsoorayaal hore ayaa Human Rights Watch u sheegay in mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ay ku cadaadiyeen inay xukumaan maxaabiis aanay la kulmin ama aanay arag caddeyn u dhiganta mudada xarigooda.


Ciidamada Itoobiya ayaa sanadihii 2007 iyo 2008 waxa ay deegaanka Soomaalida ka geysteen dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo kuwo dagaal intii uu socday howlgalkii ka dhanka ahaa ONLF, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ahaa; dilal sharciga ka baxsan, jirdil iyo kufsi. Ciidanka Liyu boolis oo la sameeyay xilligaasi ka dib, ayaa deegaanka si joogta ah uga galay dembiyo la mid ah kuwii hore, waxaana ay sii wadeen ciqaab wadareedka. Weerraro ay Liyu boolis ka geysteen deegaanka Oromiya horraantii 2016 ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana deegaannadooda ka barakacay ku dhawaad hal milyan oo qof.


Waa in dowladda Federaalka ay isbedel wax ku’ool ah ugu samayso amaba ay meesha ka saarto ciidanka Liyu boolis, ayna la xisaabtanto saraakiisha sarsare ee ciidankaasi, ayay tiri Human Rights Watch.


Jirdilka ayaa ah dhibaato si weyn uga taagan guud ahaan Itoobiya, Human Rights Watch-na waxaa si joogta ah usoo gaara warar ku saabsan tacaddiyo dalkaasi ka dhaca xilliyada su’aalaha la weydiinayo tuhunsanayaasha. Guddiga Xuquuqda Aadana ee Itoobiya ayaa tan iyo sanadkii 2011 marar badan baaray Jeel Ogaadeen, balse warbixinnada uu ka diyaariyay ayaan si shaac baxsan loo heli karin, mana cadda tallaabooyinka la qaaday, haddiiba ay jiraan, si looga hortago tacaddiyadaasi.


Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii hore ayaa sheegay in dadka qaba dhaawacyada muuqda, carruurta iyo haweenka uurka leh la geyn jiray qolal qarsoon, ama laga saari jiray xabsiga xilliyada uu booqashada ku imanayo guddiga, Qaar kale ayaa sheegay in loo meerin jiray waxa ay ku dhihi lahaayeen mas’uuliyiinta guddiga. Kuwa sida daahfuran ula hadlay xubnaha kormeerka ayaa wajahay aargoosi arxan darro ah.


Waa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu sameeyo guddi khubaro heer federal ah oo baara tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen, isla markaana aqoonsan kara saraakiisha ku lugta leh ayadoo aan loo eegeyn darajadooda. Waa in guddiga uu qiimeyn karo kiiska maxbuus kasta oo hadda ku xiran Jeel Ogaadeen, si loo sii daayo ama loogu dacweeyo dembiyo lagu salaynayo caddeyn lagu kalsoonaan karo.


“Xaddiga ay gaarsiisan yihiin jirdilka iyo tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen ayaa ah kuwo aan lasoo koobi karin,” ayuu yiri Horne, oo intaa ku daray, “Waa in Dr Abiy uu sii wado dhaleeceynta shaac baxsan ee ku aaddan jirdilka, iyo inuu tallaabo ka qaado Jeel Ogaadeen si uu u muujiyo inay ka go’an tahay joojinta jirdilka iyo soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta.”


“Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” waxaa laga heli karaa:
https://www.hrw.org/node/319795

Xog: Qalbi-Dhagax oo iska diiday hal arrin oo uu usoo jeediyay xildhibaan FIQI.!!

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan saacado qaatay ku yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Kulanka Xildhibaan Axmed Fiqi iyo Qalbi-Dhagax oo ku saleysnaa arrimaha Somalia ayaa waxaa si gaara diirada loogu saaray dhiibista Sarkaalka waxa uuna Xildhibaanka ka cudur daartay in dhiibista Qalbi-Dhagax uusan raali ka aheyn.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in dhiibistiisa ay kaalin weyn ka qaaten Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna sidoo kale u xaqiijiyay in dhiibistiisa aysan taageerin Xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Fiqi oo miisaan ku dhex leh garabka mucaaradka dowlada ayaa Qalbi-Dhagax usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida garabka mucaaraadka maadaama uu xadgudub ka tabanaayo dowlada.

Fiqi waxa uu Sarkaalka Qalbi-Dhagax u cadeeyay in cid waliba ay u furan tahay inay ka dhiidhiso khaladaadka ay ku dhaceyso dowlada sidaa aawgeed ay aad usoo dhaweynayaan inuu qeyb ka noqdo garabka mucaaradka ee u taagan sixitaanka khaladaadka jira, hase yeeshee waxaa soo jeedinta Fiqi aan jawaab ka bixin Qalbi-Dhagax oo wareysigiisa asbuucan shaki ku galiyay in Madaxda dalka ay kaalin ku leedahay dhiibistiisa.

Axmed Fiqi oo wakiil u ahaa Xildhibaanada garabka mucaaradka ayaa sidoo kale Qalbi-Dhagax u sheegay inay u sameyn doonaan casuumaad isaga iyo Saraakiisha ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi waxa uuna intaa raaciyay inay muhiim tahay inay ka fiirsadaan hadii ay jiraan dalabyo kaga imaanaya dowlada.

Qalbi-Dhagax oo ka meermeeraya aqbalaada soo jeedinta Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu latashi la sameynaayo Saraakiisha ONLF ka hor inta uusan qaadan go’aan.

Xildhibaano ay kamid yihiin Fiqi, Mahad salaad iyo Odawaa oo aad uga soo horjeeda dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in Qalbi-Dhagax ay xiligaan uga gudbaan Siyaasada cakiran, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay u adeegsadan dagaalka ay kula jiraan dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Baarlamaanka Itoobiya oo URURKA ONLF ka saaray liiska argagixisada dalkaas

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kulan ay maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii maanta ka dambeeya aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn.

Bishii September ee sannadkii 2017-kii ayeey golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ONLF u aqoonsadeen urur aragagixiso, walow baarlamaanka federaalka arrintaasi ka hor yimid.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka kaliya ee ONLF u aqoonsan argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected] 

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxmed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo u kictamay dalka Jabuuti ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada oo dalkaasi uga qeybgali doona shir ka dhexeeya dalalka Africa.

Shirka ay ka qeybgalayaan Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha, waxaana goobjoog shirkaasi ka noqonaya madaxda Wadamo badan oo afrikan ah iyo Wakiilo metelaya dowladda Shiinaha.

Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Wadamada Afrika iyo sidii dowladda Shiinaha ay maalgashi uga sameysan laheyd Africa.

Geesta kale, shirka oo uu khudbad ka jeedin doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo turxan bixin doona ahmiyada shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

ABIY AHMED oo maanta fuliyey mid ka mid ah ballan qaadyadii uu sammeeyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qaaday talaabo lidi ku ah maamulkii isaga ka horeeyay kadib markii uu shaqada ka eryay Saraakiisha gacanta ku hayay Xabsiyada Ethiopia oo horay looga dardaarmay.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waraaq kasoo baxday Xafiiskiisa ku eryay 5 Sarkaal oo dowlada mas’uul uga ahaa Xabsiyada waaweyn ee magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed, ayaa Saraakiishaasi ku eedeeyay inay ku tunteen maxaabiista isla markaana seejiyeen daryeelka ay ugu tallo gashay dowlada.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in talaabada uu ku eryay Saraakiisha ay qeyb ka tahay ballanqaadyo uu sameeyay xiliga magacaabidiisa, waxa uuna ku goodiyay inay sii socon doonto xil ka qaadista kuwa ku sifoobay dhibaateynta shacabka.

Geesta kale, Abiy ayaa ka digay in lagu xadgudbo sharciyada dalka u degsan waxa uuna ku baaqay in la wanaajiyo dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Siduu Mareykanka u arkaa heshiiska dekada Berbera iyo saamiga ETHIOPIA?!!

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera.

Danjire Mike, oo uu u waramay wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, aragtida dawladda Maraykanka ee heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world ee ah saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee 19%.

Waxa uu safiirka Maraykanka ahi yidhi “Runtii arrintaas aragti kama lihin. Itoobiya waa in ay garato, waxa macno u samaynaya danaheeda gaarka ah, iyo xidhiidhada ay la yeelanayso gobalka. Laakiin, arrintu ma’aha wax u yaalla in ay dawladda Maraykanku mawqif gaar ah ka yeelato.”

Safiirkan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Maraykanku la dhacsantahay talaaboyinka isbedel ee uu ilaa hadda qaaday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in Maraykanku sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto sidii loo sii wadi lahaa wada hadalka nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraatka oo Soomaaliya u soo iibsaday duuliyayaal iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah (XOG)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Imaaraat-ka carabta ayaa la xaqiijiyay inay soo kireysatay duuliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal u dhashay dalka South Africa.

Dowlada Imaaraat-ka ayaa duuliyayaashaasi u adeegsaneysa duqeynta ciidamada Xuutiyiinta ee dalka Yeman kadib la wareegidooda madaarka Berbera ee Somaliland.

Duuliyayaasha Imaaraat-ka ay kasoo kireysatay dalka shirkad laga leeyahay dalka South Africa ayaa tirro ahaan dhan 4 duuliye kuwaa oo laga howlgalin doona Saldhiga Berbera iyo kan Isbaheysiga Sacuudiga ee ku yaala dalka Yemen.

Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha ayaa si rasmi ah uga howlgali doona Saldhiga Berbera, balse waxa ay hadda si KMG ah uga sii shaqeyn doonaan Saldhiga isbaheysiga ee Yemen.

Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha oo ay soo kireysatay Imaaraadka ayaa waxaa la socda ciidamo gaara oo ay leedahay shirkadda Saracen International ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.

Imaaraat-ka ay Saracen qandaraas ku siisay diyaarinta ciidamo iyo duliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal ah oo ay u adeegsadaan dagaalka Yeman ka socda, waxa ayna wargeysyadu qoreen in shirkada Saracen ay wareejisay duuliyayaasha iyo ciidamada.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyn doonto qeyb kamid ah Saldhiga Berbera oo si hordhac ah loo hagaajiyay, waxa uuna ujeedku yahay in dalkeeda ay kasoo fogeyso dhibaatada uga imaankarta Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa horaantii bishii September 2016-kii Imaaraadka u saxiixday heshiis u saamaxaya inay saldhig Milatari ku yeelato Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawiro: Jaceylki xalay Qalbi Dhagax Nairobi lagu tusay iyo soo dhoweyntii cajiibka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qalbi-Dhagax oo ka soo duulay magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal ruux oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Somalia iyo Kenya.

Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta uga hortagay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Siyaasiga Faarax Macalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu arkay muuqaalo iyo sawiro la soo geliyay baraha bulshada dadweynaha ka qeyb qaatay soo dhaweynta C/kariin ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya, Sawirka (Qalbi-dhagax) iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid yihiin geesigeena soo dhawoow.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa markii uu gaaray Nairobi ka mahadceliyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna xalay si gaar ah kulamo ula yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Wafdi Imaaraati ah oo ku sugan Israel xilli isbaheysi cusub la aas-aasayo..!!

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wafti milatari oo ka socda dalka Imaaraadkaa Carabta ayaa ku sugan Israel, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay ku joogaan, sida ay ku warrameen warbaahinta Israel.

“Ciidamada cirka Israel waxa ay dhowaan marti-geliyeen wafti milatari oo ka socda Imaaraadka, si ay u eegaan habka ay u shaqeeyaan diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo” Waxaa sidaas ku warramay taleefishinka 124 ee Israel, oo soo xigtay saraakiil Israeli ah.

“Wafti ka socday dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulamada” sida uu sheegay il-wareedka.

Sida uu sheegay taleefishinka 124 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isku dayeysa inay diyaaradaha F-35 kasoo iibsato Mareykanka, xilli uu jiro isbaheysi cusub oo Israel iyo dalalka Khaliijka sameysanayaan oo ka dhan ah Iran.

Dowladda Imaaraadka Carabta weli ma aysan xaqiijin booqashada saraakiisheeda ay ku joogaan dhulka Yahuuda ay xooga ku haysato, ayada oo jirto in Imaaraadka xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah uusan la lahayn Israel.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey Yahuuda, ayada oo xitaa ay beddeleen qadiyadoodii Falastiiniyiinta iyo Qudus, oo hadda ay u muuqdaan inay dhinaca Yahuuda la safteen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

 

 

 

 

 

Aqri: Machadka isgaarsiinta qaranka oo dib u hawlgalay

Caasimada Online (Muqdisho): Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Injineer Cali Afey oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda iyo Injineer Daahir Jeyte oo ka tirsan Shirkadda NationLink oo ku hadlayay magaca shirkadaha isgaarsiinta, oo labaduba ka tirsanaa ardeydii ka soo aflaxday machadkan, ayaa ka hadlay kaalintii uu machadkan lahaa iyo in aqoontii ay ka kororsadeen ay haatan ku shaqeeyaan maamulayaasha isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada GalMudug, Mudane Axmed Dubbad Cali, oo matalayay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, ayaa ku ammaanay Wasaaradda guusha laga gaaray dib-u-hawl-gelinta Machadka, isagoo u rajeeyay Machadka guulo waaweyn.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa labaduba ka hadlay sida aqoonta teknoolojiyada ay u horseedi karto shaqo-abuurista, kordhinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah. “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay Isku-xirka Waxbarashada iyo Cilmi-baariista Soomaaliya (Somali REN) oo ku deeqay qalabka computer-ka, website-ka iyo dajinta manhajka Machadka, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Isgaarsiinta inay markan kaalintooda ka geystaan sidii dhismihii hore ee Machadka loo dhisi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ku ammaanay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, oo labaduba munaasabadda goobjoog ka ahaa, gacanta ay ka geysteen guulaha degdegga ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda, ayaa ku ammaanay Wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ansixinta sharciga iyo dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo inay haatan dib u soo nooleysay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha oo isbarbardhig ku sameynayay waqtiga ku baxa iyo dhaqaalaha ay soo kala saari karaan qofka ku shaqeysta teknoolojiyada iyo qofka ku shaqeysta beero ama xoolo aan cilmi lagu dhaqin ayaa xusay n dadkeena loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online
Muqdisho-Office
[email protected]

Kheyre: Sarkaal iyo askari aan daacad noo aheyn ma sii wada joogi karno.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladiisu ay ahmiyad gaara siin doonto akhlaaqda Saraakiisha iyo ciidamada u bareeray difaaca Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay adag tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto dowlada iyo Sarkaal aan daacad u aheyn Qaranka, waxa uuna farta ku goday in Askariga uu akhlaaq xumada ka dhexlo Sarkaalka u taliya.

“Waan la socnaa in Askariga uu akhlaaqda fiican iyo tan xunba uu ka dhexlo sarkaalka u taliya, sidaa darted ma wada shaqeyn doono sarkaal iyo askari aan u diyaarsaneyn akhlaqda iyo difaaca dalka”

“Ma jirto sabab uu dowlada ugu shaqeynkaro sarkaal iyo askari aan daacad u aheyn Qaranka, askariga wanaagsan waa in danihiisa uu ka hormariyaa mida gaar ahaaned”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in askari waliba ay daacad ka tahay difaaca Qaranka, waxa uuna carab dhabay in dalka uu yahay mid kasoo kabanaaya burbur una baahan in lagu dhaqo daacad.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ka digay in la arko Saraakiisha iyo askar ku xadgudbeysa shacabka, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid ka dhalankarta ciqaab.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan khaasa uu la qaatay saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa loo xallin la’yahay colaada xaafada Tukaraq?

Tukaraq (Caasimada Online) – Deegaanka Tukaraq  oo katirsan gobalka Sool waxaa wada maamula Puntland iyo Somaliland  , waxaana deegaanka Tukaraq in Muddo ah ku dagaalamaya Ciidamada laba dhinac  kuwaa oo sidoo kale isku hub aruursanaya islamarkaana xili walba dagaal diyaar u ah.

Tan iyo markii  dib u soo cusboonaaday dagaalka labada dhinac waxaa ka dhashay khasaaro naf iyo maalbo leh oo soo kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland waxaana meesha ka marneyn dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamay.

Waxaa jirtay waa waan nabadeed oo ay garwadeen ka aheyd Beesha Caalamka balse la ogyahay in colaadii sii xumaatay iyadoo la xasuusti Markii danjirha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambassador Micheal Keating uu la kulmay Madaxda Labada Maamul inuu dagaalka dib u bilowday.

Sababaha ugu weyn ee colaada loo xalin la’yahay ayaa ah  in aysan  is hor fariisan madaxda labada maamul oo la ogyahay in natiijooyin  wanaagsan ay ka soo bixi la haayeen hadii Madaxwyenaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ay kulan gaar ah ka yeelan la haayeen dagaalka  ka dhex aloosan, gaar ahaan muran dhuleedka u dhaxeeya.

Dagaalka Tukaraq waxaa sidoo kale in xal laga gaaro ku hor gudban hadalada ka soo yeera Mas’uuiyiinta kala duwan ee Puntland iyo Somaliland gaar ahaan saraakiisha iyo Madaxda Ciidanka oo sii hurinaya colaada Tukaraq.

Aamusnaanta culumada Soomaaliyeed oo iyagu lagu yaqiinay iney calanka Nabadda u dooraan dhincyada dagaalama ayaan weli ka hadlin dagaalka Tukaraq.

In La soo afjaro dagaal u dhaxeeye laba maamul wey fududahay hadii loo tanaasulo nabadda iyo wada noolaashaha.

Sawirro: Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka DF oo Qalbi-Dhagax la kulmay

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Sarkaalkaan ayaa caawa kasoo duulay Garoonka Boley ee magaalada Addis Ababa waxaana Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Kenya.

Xildhibaanada ka tirsan BFS ee soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Fiqi oo qeyb weyn ka ah Xildhibaanada mucaaradka ee dowlada Somalia.

Siyaasiyiinta ka qeybqaatay soo dhaweynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Faarax Macalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Nairobi u gacan qaaday qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweeyay waxaana intaa kadib loo dhaadhiciyay Hoteel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka oo uu kusii nagaan doono maalmaha fooda nagu soo haya.

Qalbi-Dhagax ayaa nasiinadiisa kadib lagu wadaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana xusid mudan in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Somalia kuwaa oo daneynaaya la kulanka Qalbi-Dhagax.

Ma cada in Qalbi-Dhagax uu booqashada Nairobi kadib u safri doono magaalada Muqdisho, walow uu horay u sheegay inuu gaari doono Muqdisho.

Akhriso: Axmed Madobe oo golihiisa wasiirada isku shaandheyn ku sameeyay

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Caawa isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, iyadoo Wasiiradii hore qaarkood ay waayeen xilkooda.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu sheegay in wadatashi uu la sameeyey ku-xigeenadiisa kadib uu magacaabay tirro Wasiiro ah, halka qaarna uu xilka ka qaaday.

HOOS KA AKHRISO ISKU SHAAN DHEYNTA

Wasiir ka tirsanaa DF ee Soomaaliya oo caawa ka badbaaday isku day dil

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirka ayaa la sheegay in gaari uu la socday isla markaana sii galaayay hooygiisa lagu dhuftay gaari kale oo markii hore ku diyaarsanaa agagaarka Wasaradii hore ee Amniga Gudaha.

Gaariga lagu dhuftay kan Wasiirkii howlaha guud ayaa la sheegay inuu ahaa gaari raaxo, waxaana intaa kadib xigay rasaas ooda looga qaaday Wasiirkii howlaha guud.

Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Wasiirka gaarigaasi loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo falka ku dhufashada iyo rasaastuba ay ku bilaabatay xili uu ku xaroonaayay Hooygiisa oo ku yaalla agagaarka Wasaaradii hore Amniga ee ku dhow taalada Daljirka daahsoon.

Intaa kadib ilaalada la soctay gaariga Wasiirkii howlaha guud ayaa iska caabiyay Kooxda isku dayday inay khaarijiso Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska oo ku baxay falkaasi ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ku dhintay hal qof, halka laba kale oo shacab ahaa uu soo gaaray dhawac.

Sidoo kale, Wasiir Saalax ayaan weli ka hadal weerarka lagu doonaayay in lagu khaarijiyo, waxa ayna Saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee halkaa gaaray sheegen in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Dhinaca kale, waxaa xilkaani Wasiirnimo horay looga dishay Wasiir Siraaji, waxaana xusid mudan in dilka iyo weerarka ceynkaani ah uu yahay mid aysan turxan bixin dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro qurux badan: Qalbi Dhagax oo si xarago leh uga dhoofay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow garoonka Bole ee magaalada Addis ababa ka dhoofay Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax).

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), ayaa waxaa magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia kala dhoofay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kaalin ku lahaan deysmadiisa.

Qalbi-Dhagax,ayaa waxaa wehlinaayay ku dhawaad lix xubnoo oo Seddex kamid ah ay ahaayen Ganacsato gacan ka geystay deesmadiisa, waxa uuna kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Markii Xabsiga laga siidaayey Qalbi Dhagax ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayaa in uu magangalyo ka helay dowladda Kenya,waxaana haatan magaalada ay degan tahay Soomaalida ee Islii ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee soo dhaweyntiisa.

Gaari cod baahiye ku xiran yahay oo uu sawir Qalbi Dhagax ku dhegan yahay oo dhex wareegaya xaafada Islii ayaa dadweynaha ugu baaqaya inay isugu soo baxaan soo dhaweynta Qalbi Dhagax.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Qlabi Dhagax uu la ahdli doono dadka isu diyaarinaya soo dhaweyntiisa, isagoo faahfaahin doona qabashadiisii, sida loo sii daayay iyo waxa uqorsheysan maadaama dib uu uhelay Xoriyadiisa.

Aqriso: Hoteelo caan ah iyo goobo kale oo uu saameyn doono amarka Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto shalay kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waxaa lagu baabi’iyay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo beeraha ku yaalla gobolka Banaadir.

Amarka Guddoomiyaha oo ahaa mid xadidan maalmaha lagu dhaqan galinaayo ayaa waxa uu saameyn doonaa goobo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Goobaha uu saameyn doono amarka Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa kamid ah Hoteel caan ka ah magaalada Muqdisho iyo Goobo dhowr ah oo ay isku arkaan dadka shacabka ah.

Haddaba goobaha muhiimka ah ee ilaa iyo hadda la xusi karo in amarkaasi uu saameynaayo ayaa waxaa kamid ah:-

1)- XAAFADA AFASIYOONI, waxaa ku yaalla dhul Danguud oo ay ka mid yihiin Darjiino laga kireeyey Ganacsato,Goobaha Ganacsi ee ku yaalla waxaa ka mid ah Kaalin Shidaal oo weyn iyo Bakhaaro lagu xareeyo Qalabka dhismaha, kuwaa oo dhamaantooda ku yaala dhabarka dambe Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

2)- MALL-KA SANCA, waxaa ka dhisan Suuq weyn oo ka kooban dhismooyin guryo 5 dabaq ah, waxaana wehlinaaya baakinka la dhigto gaadiidka iyo maqaayado, waxaana xusid mudan in lagu maalgaliyay malaayiin doolar.

3)-HOTEL AFRIK, waxa uu ku yaala hoteelkan isgooska KM4,waxa uuna ahaa Jardiin lagu nasto oo laga dhigay hotelka,isla markaana uu ka mid ah yahay hotelada waaweyn ee Muqdisho laguna maalgaliyey lacag Malaayiin Dollar ah.

4)-AFARTA DARJIINO, oo kamid ah isgoysyada ugu waaweyn Muqdisho,ayaa ahaa darjiino lagu nasto,waxaana dadka ay ku sugi jireyn gaadiidka dadweynaha,balse hadda waxaa ka dhisan Maqaayad Weyn.

Darjiinada aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo dhowr ah ayaa waxaa xalaaleeyay Dowladii dhacday iyo maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

Haddaba burburinta goobahaani ayaa dhulka galin doonta Ganacsato badan oo dhaqaale xoogan ku dhistay dhulka danta guud.

Dhinaca kale, Ganacsatada oo amarka Gobolka u arka mid kasoo horjeeda danahooda gaarka ah ayaa qaabab khaldan u dhigaaya amarka iyaga oo adeegsanaaya Xildhibaano dhaqan iyo caado u leh qeyla dhaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

5 arrin oo dowladda Qatar u diidaya in si sahlan gacanta ugu dhigto dekada Hobyo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Soomaaliya ku sugan wafdi caalami ah oo ka scoda Dowladda Qatar kuwaa oo sahminaya dekadaha dalka iyagoo ujeedkoodu yahay iney maalgashi ku sameeyaan qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya.

Waxaa Dekadda Hubyo oo hoos timaado Maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Dowladda Qatar oo sahminaya si ay u maalgashtaan waxana halkan hoose idinkugu soo gudbinayaa 5 Qodobo  oo u saamaxeynin dowladda Qatar iney hesho maalgashiga dekadda Hobyo.

  1. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf wuxuu xeriir dhaw la’ leeyahay dowladda Imaaradka Carabta waxaana Maamulka Galmudug uu kamid yahay maamuladii ka hor yimid Dowladda Federalka Soomaaliya go’aankii ay ka qaadatay khilaafka Khalej-ka Carabta.
  1. Dowladda Itoobiya oo dhawan heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa iney muhiim u tahay Maalgashiga dekadda Hobyo oo dhacdo goob Strategic ah.
  1. Dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadana dooneyso inay maalgeshi ku sameysato Dekadaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo dowladda Qatar iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna khilaafkaas gaaray in dowladda Qatar la saaro cunaqabateyn, arrintaana waxay saameyn ku yeelan doontaa inay Qatar si fudud u hesho Dekadda Hobyo iyo Dekadaha kale ee Soomaaliya maadaama ay cadaadis kala kulmeyso dowladaha Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka…
  1. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo taageersan Imaaradka Carabta islamarkaana intooda badan ka soo jeeda deegaanada Galmudug.
  1. Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Galmudug oo saameyn ku yeelanaya maalgashiga ay Qatar la rabto dekadda Hobyo maadama isku siyaasad iyo isku aragti aaneyn aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]