25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

5 arrin oo dowladda Qatar u diidaya in si sahlan gacanta ugu dhigto dekada Hobyo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Soomaaliya ku sugan wafdi caalami ah oo ka scoda Dowladda Qatar kuwaa oo sahminaya dekadaha dalka iyagoo ujeedkoodu yahay iney maalgashi ku sameeyaan qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya.

Waxaa Dekadda Hubyo oo hoos timaado Maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Dowladda Qatar oo sahminaya si ay u maalgashtaan waxana halkan hoose idinkugu soo gudbinayaa 5 Qodobo  oo u saamaxeynin dowladda Qatar iney hesho maalgashiga dekadda Hobyo.

  1. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf wuxuu xeriir dhaw la’ leeyahay dowladda Imaaradka Carabta waxaana Maamulka Galmudug uu kamid yahay maamuladii ka hor yimid Dowladda Federalka Soomaaliya go’aankii ay ka qaadatay khilaafka Khalej-ka Carabta.
  1. Dowladda Itoobiya oo dhawan heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa iney muhiim u tahay Maalgashiga dekadda Hobyo oo dhacdo goob Strategic ah.
  1. Dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadana dooneyso inay maalgeshi ku sameysato Dekadaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo dowladda Qatar iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna khilaafkaas gaaray in dowladda Qatar la saaro cunaqabateyn, arrintaana waxay saameyn ku yeelan doontaa inay Qatar si fudud u hesho Dekadda Hobyo iyo Dekadaha kale ee Soomaaliya maadaama ay cadaadis kala kulmeyso dowladaha Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka…
  1. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo taageersan Imaaradka Carabta islamarkaana intooda badan ka soo jeeda deegaanada Galmudug.
  1. Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Galmudug oo saameyn ku yeelanaya maalgashiga ay Qatar la rabto dekadda Hobyo maadama isku siyaasad iyo isku aragti aaneyn aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafti ka socda dalka Qatar oo maanta booqday dekad ay Soomaaliya ka rabaan

Hobyo (Caasimada Online) – Wafdiga ka socday dowladda Qatar ayaa maanta tageya magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaga oo soo eegaya dekadda magaalaaas, oo ay doonayaan inay maal-gashtaan.

Waftigan ayaa waxaa safarkooda magalada Hobyo ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Xubnaha ka socda dalka Qatar ayaa doonaya inay sahmin ay ku sameeyaan dhismaha ku socda dekada Hobyo iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa kormeer ku tagay halka laga dhisayo dakada Hobyo oo uu dhawaan uu dhagax dhigay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib booqashadii uu ku tegay.

Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdiga ka socda wasaarada dekadaha dowladda Qatar waxa ay booqan doonaan dhowr goobood oo ka tirsan xeebta magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale dhawaan la filayaa in ay booqdaan dekadda degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Hobyo
[email protected]

Maxaad ka ogtahay xaqiida ay ciidamada DF u dilaan darawalada bajaajta? (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Daruufaha amni xumi ee ka jira magaalada Muqdisho iyo taxadar la’aanta Ciidamada amniga ayaa sababaya dil iyo dhaawac joogto ay la kulmayaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Bajaajta waxaana sii kordhaya walaaca ay qabaan waalidiinta magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan todobaadkii magaalada waxaa ka dhaca ama loo geestaa dhalinyarada wade-yaasha ka ah Bajaajta, dhaawac, Jirdil ama dil toogasho ah waxaana fuliya Ciidamada gaarka ah ee loo xilsaaray amaanka muwaadiniinta ku nool magaalada Muqdisho.

Wade-yaasha Bajaajta oo ah dhalinyaro maareeya Nolasha kumanaan dad ah oo Soomaaliya ku nool ayaa kuu sheegaya in Ciidamada ay ka soo horreyso rasaasta lagu furayo Gaadiidleyda taasina ay ku waayeen rag badan oo ka tirsan islamar kaana aysan ilaa hadda toboneeyo dad ah oo laga dilay aysan cadaalad u helin waxayna qeyla dhaan u direen Madaxda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka iyo Saraakiisha gobalka ayaa dhankooda kuu sheegaya in xaalad amaan darro ay ka jirto magaalada sidaas darteedna ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin sidii ay u sugi lahaayeen amaanka muwaadiniinta wade-yaasha Gaadiidkana ay ku xad gudbayaan amarro badan oo magaalada lagu soo rogay.

“Markii aad iska ilaaliso qof kugu midib ah oo wata gaari ama lugeynaya waxaa badanaya qaladaadka dhacaya kutala gal looma dilo dhalinyarada ee waxaa jira goobo ay ka caagan tahay isticmaalka gaadiidka waxaana loo arkaa qofkii ka soo gudba xadkaasi mid qatar xambaarsan waana in aan ka badbaadinaa nolasha shacabka iyo mida ciidanka wade-yaashana maahan dad war maqla tala qaata u hogaan-sama awaamiirta waxay ku soo galayaan iyagoo socda warna makaa yeelayaan, maxaa ka taqaanaa waxa uu yahay ma is qarxin rabaa ? ma soo qaldamay ? waan ku jahwareernay” sidaas waxaa noo sheegay Ciidan ku sugan Baraha kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaladka ugu weyn waxa uu ka jira Taliyaasha awaamiirta siiya Ciidamada sida ay KNN u sheegayn Ciidamada amniga ” Taliyaheyga waxa uu isiiyay amar ah in aan halkaan laga soo gudbi karin, hadii laga soo gudbo waxaan ku eedeysanahay dayacaad amni, mashin masuuliyiin, amar diido iyo IWM, waxaana mutaysanayaa shaqo joojin, Ciqaab Ciidan oo aad u adag, xerag iyo dhibaatooyin kale, laguuma ogolo inaa soo deyso Gabadha foosha ah ee aad ujeedo iney fool tahay waliba wadada ku dhax dhaleyso, hadii aad taliyahaada u sheegto dhibaatada jirta waa ku jeebeynaya Ciidamo kale halis ayaana ku jirtaa, dadkii annaga ayey noo heestaan naxariis laabayaal” sidaas waxaa KNN u sheegay Ciidamo ku sugan Baro kontarool oo ku yaala G/Banaadir.

Dad badan ayaa ku talinaya in Ciidamada ay joojiyaan toogashada dadka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah waxayna ku taliyeen Gaarigii laga shakiyo in rasaasta kor loogu rido, ama Taayarada Gaariga la toogto ama la banjariyo laakiin aan laga bilaabin toogashada wiilasha.

Xigasho: Radio Kulmiye

Xog: Ethiopia oo warqad muhiim ah gudoonsiisay C/Kariim Qalbi-Dhagax

Addis-Ababa (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi dhagax lasiiyay warqad uu maalmahaani ka sugaayay dowlada Ethiopia.

Warqadaani oo dhanka dowlada kasoo baxday saacado ka hor ayaa la xaqiijiyay inay ku soctay dhammaan Hay’adaha amaanka iyo maamulka Garoomada diyaaradaha Ethiopia.

Yaasin Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha DDSI ayaa xaqiijiyay Warqadaasi ay amar buuxa sii neyso jihooyinka ay ku socoto waxa uuna xaqiijiyay inay tahay mid lagu fasaxaayo Qalbi-Dhagax.

Sarkaalkan waxa uu intaa ku daray in dhammaan mas’uuliyiinta Hay’adaha iyo kuwa Garoomada la farax inaysan hor istaagin safarada uu Sarkaalka ONLF Qalbi-Dhagax uga baxaayo Ethiopia.

Sidoo kale, Sarkaalkan waxa uu xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax lasiiyay fasax xadidan oo uu uga maqnaankaro Ethiopia, isagoo carab dhabay in soo laabashadiisa ugu horeysa ay bilaaban doonto goortii ay su’aalo uga baahdan Hay’adaha amaanka ee arrinkiisa gacanta ku hayay.

Si kastaba ha ahaatee, Qalbi-Dhagax oo muddo ay kala maqan yihiin Saraakiisha ONLF ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha NISA ee Muqdisho oo soo iibsaday hub u socday Xuutiyiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka taagan hub ay dowladda Soomaaliya 22-kii bishii hore ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo isugu jiray 300 AK47, 300 Bastoolado iyo agab kale, waxaana shaki badan laga muujiyay sharciyadiisa iyo qaabkii loo soo dejiyay, sida ay sheegtay idaacadda VOA.

Caasimada Online ayaa ahayd warbaahinta ugu horreysay ee shaacisay inuu hubka usoo degay Kheyre oo uu wakiil ka ahaa taliyaha NISA ee Muqdisho, Saadaq John. Halkan ka aqri warkii aan qornay June 28. 

Hubkan ayaan lagu xareyn Bakhaarada ciidamada, isla markaana waxaa la wareegay Hay’adda NISA, iyadoo aysan la socon madaxda sare ee NISA iyo xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo Taliyaha NISA ee G/Banadir Saadaq John iyo madax gaara.

Warbixinta waxay soo bandhigay in hubkaasi laga soo iibiyey dalka Jabuuti isagoo ahaa suuq madow oo hore loo qabtay Badda Cas una socda Xuuthiyiinta dalka Yeman.

Waxaa kale oo su’aal ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas. ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shariif oo hal arrin oo xasaasi ah uga digay Farmaajo iyo R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka ku saleysan siyaasada maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow.

Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in lasoo dhaweysto maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay inaysan diidaneen midnimada, balse ay jirto tabasho xal u baahan.

“Waa in lala fadhiistaa Somaliland maadaama wadanka uu hadda ka jiro isbedel, xalka Somalia waxa uu muuqan doonaa wixii ka danbeeya wadahadalka Somaliland”

Waxa uu intaa raaciyay “Walaalkaa waxbuu kaa tabankaraa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo reer Koonfuroow maxaa idinka tallo ah arrinkaasi aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay hadana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay”

“Marka haddii aan alle ka baqno waxa ay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda”

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal degdeg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ugu baaqay inay garwaaqsadan tabashooyinka Somaliland, waxa uuna ugu baaqay keliya inay ka shaqeeyan wanaajintooda si ay usoo degdegto midnimada.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in adduunka uu raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso kala ququb iyo gooni isku taag, hase yeeshee waxa uu ku baaqay midnimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Somaliland waxay Somalia la midoobi doontaa kaliya hadii hal arrin ay dhacdo”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee maamulka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland aysan marnaba diyaar u aheyn la midoobida Somalia.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somalia ay kala yihiin habbeen iyo maalin, waxa uuna carab dhabay in Somaliland ay aasaas u tahay dimuquraadiyada.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland aysan kasoo kaban doonin dhibaato joogta ah, waa haddii shacabkeeda ay maalin qura niyeyestaan la midoobida Somalia.

“Wey adkaan doontaa inaan la midowno Somalia waayo Somalia uma jilcana dowladnimo iyo dimuquraadiyad”

“Aniga ma garanaayo sabab aan ula midowno Somaliland, waayo Madaxda ugu sareysa dowlada iyo baarlamaanka Somalia intuba kuma imaan rabitaan shacab sidee ula midownaa”

“Anagu madaxdeenu waxaa soo doortay shacab waxa ay ku yimaaden rabitaanka shacabka, taa ayaan uga duwanahay Somalia mana dooneysno la midoobideeda’’

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland ay qarka u saran tahay ictiraaf sidaa aawgeed la doonaayo in Madaxda ugu sareysa Somaliland ay muujiyaan dulqaad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay in maanka la galiyo la midoobid ama la tashi lala sameeyo Somalia, isagoo arrin aad u adag ku sheegay in niyad jab lagu rido shacabka.

Haddalka Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii ololinaayo khilaaf Siyaasadeedka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Cabdi Iley: Shidaalka aad aragtaan waxaa ka darran midka ku jira goob uu iska heysto shaqsi kaligiis.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia laga qodaayo ceel shidaal ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Cabdi Iley, ayaa sheegay in soo saarista shidaalka ku jira dhulka Soomaalida ay waxbadan ka bedeli doonto xaalada dhammaan deeganada maamulka.

Cabdi Iley, waxa uu sheegay in ceelasha uusan aheyn hal ceel, balse ay jiran ceelal badan oo u baahan in la qodo si looga faa’iideysto kheyraadka ku jira.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan dhowr ceel shidaal oo aysan wax war ah ka hayn Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kuwaa oo u baahan kaliya in lasiiyo wakhti kooban oo lagu soo saarayo.

Madaxweynuhu waxa uu qiray inuu jiro aag shidaal buux dhaafiyay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota, hase yeeshee la doonaayo in wakhti iyo baaritaan lagu bixiyo.

Cabdi Iley, oo arrinkaan ka hadlaaya ayaa yiri “Gobolka Jarar agagaarkeeda mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, ma garanaayo waxa uu damacsan yahay, waa dhul la ciirciiraya shidaal’’

“Dhulkaas inta ku jirta ayaa ku filan Somalia oo dhan, marka waa inaan ka shaqeynaa sida ninkaasi looga eryin lahaa dhulka uu iska heysto”

Sidoo kale, Cabdi Iley ayaa intaas sii raaciyay “Haddase waa la isaga daba yimid mana cadda waxa uu ula jeedo heesashada dhulka”.

Docda kale, Cabdi Iley ayaa hadalkaas ka jeediyay goob lagu sharaxaayay shidaalka uu maamulka soo saaray xili uu ku sugnaa magaalada Qabridahar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dadka Somaliland oo loo oggolaaday in ay qaataan baasaboorka JABUUTI.!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay billowday in dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland ay siiso baasaboorka dalka Jabuuti, xilli weli Somaliland aqoonsi ka helin adduunka.

Safaarada dowladda Jabuuti ku leedahay magalada Hargeysa ayaa laga billaabay bixinta baasaboorka dalka Jabuuti, waxaana shalay baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey gabar maalmo kooban dhalaneyd, taas oo iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in gabadha ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa, isla markaana si rasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti, isla markaana ay diyaar u yihiin.

Ugu dambeyn Hooyada dhashay gabadha yar ee ugu horreysay ee lasiiyo dhalashada iyo baasaboorka dalka Jabuuti ayaa ugu mahad celisay dowladda Jabuuti habka ugu fudud ee magaalada Hargeysa ay uga bilaabeen bixinta baasaboorka dalkaas.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sideed qodob oo guddiga maal-gashiga shisheeye ee Somalia ay soo saaren

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankaan maanta ay iskugu yimaadeen xubnaha guddiga maalgashiga shesheeye ayaa looga doodey 8 qodob oo muhiim u ahaa fadhigoodan oo bishiiba mar qabsooma,waxaana ka mid ahaa qodobada laga doodey maanta In la sameeyo siyaasada maalgashiga shisheeye.

Markii kulanka gudigu soo geba geboobay ayaa waxaa laga soo saaray illaa sided qodob oo muhiim ah,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

  1. Guddigu waxa uu u madax bannaan yahay  oo uu ka masuul ah Maalgashiga Shisheeye
  2. Guddigu si uu u shaqeeyo wuxuu dhamaystiri doonaa qabyo-tirka baahidiisa.
  3. Guddigu waxa ay soo jeedinayaan in Maalgashiga lagu ogaado Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo madmadawga laga saaro oo arrintaasna lasoo afjaro.
  4. Guddigu waxa uu isla qaatay inuu yeesho xafiis u gaar ah oo uu ku shaqeeyo kaas oo ku dhexyaalla Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
  5. Guddigu wuxuu isla qaatay in si degdeg ah English iyo Arabic loogu turjumo Xeerka Maalgaashiga Shisheeye ee AfSomaaliga ku qoran.
  6. Sida xeerku dhigayo, waxa guddigu isla qaatay in meeqaamka shirku noqdo sida xeerku qoran.
  7. Guddigu wuxuu isla qaatay in la sameeyo xoghaymo hoosaadyo iyo sharci yaqaanno ka hoos shaqeeya Guddiga.
  8. Guddigu wuxuu hagi doonaa isla markaana farsamo ka gaysan doonaa dhamaan shirarka maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya ee ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Tartanka loogu jiro maal-gashiga dekadaha ummadda Soomaaliyeed

Waa wax wanaagsan in dekadaha dalka ay helaan maalgelin xooggan si ay Soomaaliya uga faa’iideysato khayraadka dabiiciga ah, dalkuna  horumar dhaqaale u gaaro, shacabkuna horumar dhaqaale oo qof walba  taaban karo u helo sida umadaha hore u maray ee dunida. Waxaase u baahan in laga fakaro habka ugu habboon ee heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan maalgashiga loo gelayo, gaar ahaan kuwa ay dhici karto in dhibaato weyn ka timaado mustaqbalka haddii lagu degdego oo aan aad looga fiirsan lagalana tashan kuwa sharciga caalamiga ah iyo dhaqaalaha ku takhsusay.

2011 wixii ka horreyey burburkii kadib, caalamku waa uu naga jeestay intiisa badan. Dhibkii  dalka ku dhacay wax badan oo ka mid ahna waxaa hurinaayey welina ay dhici karto in ay ka shaqeynayaan sidii Somaaliya u burburi lahayd mar kale dowlado badan oo u arka horumarkeenna khatar iyaga ku toosan.

Mahadi ha gaarto 2011 waxaa noo soo gurmaday iyada oo waddenkeena adduunku u heysto lama galaan, dowladda turkiga oo wax xooggan ka qabatay gaajadii iyo macluushii jirtay, horumarin dhismo oo noocyo kala duwan lehna ka bilowday dalka. Turkiga oo uu hogaaminayey waqtigaas Mr. Rajab Ordogan oo Ra’iisulwasaare ahaa, dowladdiisa iyo shacabka turkiga ayaa adduunka u sheegtay in Soomaaliya la tegi karo waxna laga qaban karo.

Markaas kadib ayaa dowladaha qaar isku dayeen in ay Somaaliya caawiyaan, taas oo aan heerkeedu gaarsiisney in Somaaliya dib u soo kabato.

Somaaliya hadda way ka duwan tahay 2011 kii, waxyaabo badan oo soo xoogeysiga dowladnimada tusinaayo ayaa muuqda, howshuse fari kama qodna si Soomaaliya cagaheeda si buuxda ugu istaagto, weli kaalmo badan ayey u baahan tahay dowladda Soomaliya. Turkiga ayaana ugu horreeya ilaa iyo hadda dowladaha si mug leh ugu mashquulsan dib u soo celinta qarankii soomaaaliya ee burburay, arrin qarsoonna maahan, weyna ku mahadsan yihiin.

Waxa muuqanayo in dowlado dana is diidan dalkaan ka  leh tartan ugu jiuraan sidii ay ula wareegi lahaayeen dhaqaalaha dalka Somaaliya, si aan shacabku uga faa’iidin khayraadka Alle ku manneystay dalkaan, ama ayba cabsi ka qabaan in iyaga dhaqaalohooda dhibaato soo gaarto haddii soomaaliya ay noqoto waddan mideysan  oo khayraadkiisa maareysan kara.

Waxa u daliil ah in qaar  dowladaha ka mid ah ay isku dayaan in ay dowlad goboleedyada la macaamilaan iyaga oo aan soo marin dowladda dhexe, taasina keento siyaasad ahaan iska hor imaadka ka yimaada madaxda maamulda iyo dowladda dhexe, taas oo ku biya shubaneysa in somaliya ay ahaato dowlad taag daran oo wixii la doono laga sameysto shuruudahana loo yeeriyo. Intaas kuma eka, ee qaar maamullada ka mid ah haddii aysan dhammaantoodba ahayn ayaaba la hubeeya si ay ugu muuqdaan dowlado ama qaran gooni u taagan si aan loo dhihin maamul goboleed, waa nasiib darro.

Waxa aad garan kartaa akhristoow heshiisyada faraha badan ee lala galay ama hadda la diyaarinayo in lala galo dowlad goboleedyada in ajaanibta loo ogolaaday saami aan caadi ahayn (70% oo kale) iyo waqti aad u dheer (matal ahaan 30 sano) oo aan la saadaalin Karin waxa dhici karo iyo isbeddelada imaan karo.

Waxa aan dowladda Nabad  iyo Nolol kula tali lahaa in ay marka hore sharciyadii lagu maamuli lahaa heshiisyada caalamiga ah oo aan doldoleelo lahayn la timaado iyo in aysan aqbalin waxa ka hoosee 51% faa’iidada, iyo waqtiga heshiisyada oo aad loo soo gaabiyo, mar hadddii aan la saadaalin Karin waxa dhici kara waqtiga fog.

Waxa kale oo aan talo ku siin lahaa dowladda in aan la simin dowlad ka shaqeyneysa in aan qaran noqonno iyo mid maslaxadeeda kaliya u joogto dalka, amaba midnimadeenna si dahsoon ula dagaashan, danaheeda owgood.

Maalgashi dunida oo dhan ayey Soomaaliya ka heli kartaa, arrintu maahan in aan fiirino oo kaliya kuwa maalin walba dantooda noo dul taagan, ee nimaan noo fureyn yuusan noo rarin.

GUNNAANAD

Danta dadka, dalka iyo diinta waa in laga hor mariyo dan kasta oo dal kale ama qof leeyahay, waana in la saxo khaladaadka ka jiro xirriirak maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe dhxdooda si loo helo dowlad soomaliyeed oo awood badan dibadda iyo gudahaba, haddii kale waxa soo noqnon doona iska horimaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha laba dhinca, taas oo aan cidna maslaxad ugu jirin, laakiin ku wajahan burburinta dowlad qarannimo oo adag.

W/Q Dr. Eng. Axmed C. Calasow

Sidee ku heshiin karaan Soomaaliya iyo Somaliland?

Somaliland oo Soomaaliya inteeda kale ka go’day ku dhawaad 30 sano waxaa jiray wada hadalo kala duwan oo Dowladda Soomaaliya ay wada galeen kuwaa oo ku soo dhamaaday fashil.

Dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa ay dhowr jeer sheegtay in wada hadal toos ah maamulkiisa uu la geli doono Maamulka Somaliland, halka Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in Midowga Soomaaliya ay muhiim tahay balse la joojiyo hadalada xanafta leh sida uu ka sheegay Munaasabii 26-ka Juun oo ku beegneyd markii gobalada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystaha.

Waa in laga fogaadaa wax walba oo keeni kara horin colaadeed gaar ahaan hadalada xanafta leh ee ka soo yeera mas’uuliyiinta iyo maamulalada labada dhinac.

Soomaalida oo wax walba wadaagta sida Diin, dhaqan, Af iyo luuqad waa in ay wax kabarataa dalalka deriska la ah Soomaaliya oo soo afjaray khilaaf muddo ragaadiyay dowladnimadooda, sida Kenya oo waxaa heshiiyay Raila Oding iyo Uhuru Kenyatta oo muddo khilaaf ka dhextaagnaa , waxaa sidoo kale colaadoodii soo afjaray Mucaaradka Iyo Madaxda Koofurta Sudan, sidoo kale dalka Itoobiya.

Waa in Madxaweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka dagaa Magaalada Haregysa ee Maamulka Somaliland isaga oo si hoose u dhageysanaya tabashada iyo waxyaabaha ay tirsanayaan Maamulka Somaliland si loo midoowo.

Soomaaliya oo dib u heshiisa waxa ay soo ceshan kartaa sharaftii iyo karaamadii ay ku laheyd caalamka intiisa kale.

W/Q: Cabdicaziz Xasan Ibraahim 

Xuska maalmaha xorriyada caada-dhaqameed miyaa! mise astaan dawladnimo?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kasta xiliyadaan oo kale meel kasta oo Somaali dunida ka joogto waxaa laga Xusaa maalmaha Xorriyada ee 26 ka Juun iyo 1 da Luulyo. Lkn macnaha ay xanbaarsantahay xorriyadu iyo fahamka laga haysto ayaa kala fog sida;

Caada-dhaqameed Somaaliyeed oo sanad kasta la xuso, lana xasuusto, meeshana looga haro miyaa? Mise waa Astaan dawlad-nimo oo la rabo sanad kasta in la qiimeeyo waxa ka maqan iyo wixii laga hayo dawladdii la dhisay 1960 kii halgan dheer kadib???.

Gumaystuhu markii uu qabsaday Dhulka Somaaliya waxa ay haysatay 4 Astaamood oo kala ah:

1-Hal Qawmiyad oo ah Somaali.

2-Hal Diin oo ah Diinta Islaamka.

3-Hal Deegaan oo aan lahayn xuduud kala xira.

4-Hal Dhaqan iyo hal Luqad.

Alle ayaa ku manadaystay 4 taan Astaan Somaaliya Gumaysiga ka hor welina waa haysataa ee maxaa laga xuroobay 1960 kii? Oo mudan in la xuso sanad kasta?

WAXAAN FILAA IN AY JAWAABTU TAHAY:

1-Hal Dawlo oo madax banaan.

2-Hal Hogaamiye oo Somaali ah.

3-Hal Calan oo na mideeya.

4-Hal Awood oo na matasha.

Afartaan ayaa ah kuwa loo soo halgamay, lana soo dhiciyey 1960 kii halgan dheer kadib ee 58 sano kadib maxaa laga hayaa?

Imisa dawlo, hogaamiye, Calan iyo Gobal ayaan leenahay maanta? Dadka Somaaliyeed haddii ay Gumaysigii ka saareen dalkooda 1960 kii, ma ka xuroobeen Maskaxda? Mise weli Gumaysigii ayey ku tiirsanyihiin oo dhulkiisii uga daba tageen?.

Dadkii dhaliyey Xorriyada 1960 kii kuma fikirin mana samayn laba dawlo, laba calan, laba dastuur, laba hogaamiye, laba Astaan iwm, mana jirin koofur iyo waqooyi ee waxaa jiray laba Gumaysi kaliya oo kala haystay Koofur iyo Waqooyi, lamana midoobin 1 dii Luulyo ee waxaa la midoobay 26 kii Juun markii Calankaan Buluuga ah ee laga haystay Koofurta ilaa 1954 tii laga taagay Hargeysa 26 kii, lana qaatay Astaanta Jamhuuriyadda ee hadda la xuso, kaliya waxa ay reer Waqooyigu sugayeen reer Koofurta 4 maalmood inta uu Talyaani ka baxayo, 1 dii Luulyo kaliya waxaa lagu wada dhawaaqay lana wada dhistay Dawladii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.

Waxaa nasiib daro ah in Rag Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahan sheeganaya ay lasoo taagan yihiin maalin kasta ama ay qorayaan in Jamhuuriyadu aheed laba dawladood oo isku darmay 1960 kii, hadana kala go’ay 1991 taas oo ah marin habaabin taariikheed???.

Haddii uu weli jiro qof Somaali ah oo ka baqaya Somaali kale! Ama Somaali ka cararaya Somali kale una cararaya Gumaystihii laga xuroobay! Haddii uu jiro Somaali raba in beel beel iyo gobal gobal loo kala jaro dalka? Haddii Gumaystihii shalay u kala qeybiyey dalka beel beel, gobal gobal, kuna soo galay dalka heshiisyo Oday dhaqameed welina uu beel kasta iyo Odayaasheeda uu awood u leeyahay in uu heshiis gaar ah la galo!

Arrinta Xorriyada iyo Madaxbanaanidu waxa ay u baahantahay in dib loo eego dibna loo fasiro macnaha Xorriyad?

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qalbi Dhagax oo maanta ka dhoofay Addis Ababa

Adis Ababa ( Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Dalka Itoobiya ayaa isaga dhoofay Magaalada Adis Ababa.

Qalbi Dhagax oo shalay la siiyey waraaqda fasaxa ee uu dalka kaga bixi karo ayaa lagu arkay Garoonka Diyaaradaha ee Adis ababa.

Sida wararka sheegayaan Qalbi Dhagax ayaa ka dagi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo ay dagan yihiin qoyskiisa.

Qalbi Dhagax ayaa dhawr bil u xirnaa dowladda Itoobiya kadib markii dowladda Somalia ay kasoo qabatay Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug.

Dhiisbista Qalbi Dhagad ayaa waxaa ka dhashay muran badan iyadoo baarlamaanka Somalia uu ku tilmaamay inay aheyd Qalad.

Sida uu sheegay Qalbi Dhagax soo deyntiisa ayaa ka timid ra,sulwasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed oo dalka ku maamulayo siyaasad cusub.

Qalbi Dhagax ayaa si gaar ah ugu eedeyey taliyihii hore ee nabadsugidda Sanbaloolshe inuu ka dambeeyey xarigiisa isla markaasna la kala qariyey isaga iyo madaxda dalka ugu sareyso.

“Shacabka Muqdisho laguma maamuli karo in hantidooda la boobo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir taa oo lagu mamnuucay Heshiiskii darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in talaabada Guddoomiyaha Gobolka Yariisow ay horseedi karto sharci darro iyo inaan la aqoonsan warqadaha maamulba maamulka ka danbeeya.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu suuragal aheyn warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaaya maamulka Gobolka, kaa oo lagu caburinaayo dadka deegaanka ah.

Xildhibaanka ayaa qoraal kooban oo uu kusoo daabacay baraha bulshada ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba la aqoonsado warqadaha maamuladii hore, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in si sahlan lagu mamnuuco amar hore oo kasoo baxay dowladii lasoo dhaafay.

Waxa uu Xildhibaanku carab dhabay inay u muuqato in shacabka Muqdisho aan lagu maamuli karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa “Waxaa kale oo runti wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loosiiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha goabalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu boobi karin laguna baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah”.

Waxa uu qoraalkiisa intaa ku daray Xildhibaanka “Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay usoo Magacaabeen oo kaliya in ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan”,

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayuu ku sheegay mid aan aqoon fiican ka heysan nidaamka dowladeed, waxa uuna ku taliyay in wax laga bedelo warqadaha leyska soo daba saarayo.

Xildhibaanka ayaa wax kama jiraan ku sheegay warqadaha manta kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Yariisow, waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan laga laabto qoraalkaasi.

Dhinaca kale, waxa uu amarkaasi ku sheegay mid aan waxba dhaamin in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mahad Salaad: Beelo gaar oo dega Xamar ayaa lagu baabi’in tallaabada Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga hor yimid wareegto maamulka G/Banaadir ku laalay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo Beerihii dowladda Hoose ee Muqdisho, isagoo jawaab culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya kasoo gudubtay xiligii kacaameynta oo aysan habooneyn in loo soo jiidoa dib udhac iyo dowlad la’aan, wuxuuna is weydiiyay waxay ku kala duwan yihiin heshiisyadii ay saxiixeen Tarsan, Muungaab, Yuusuf Jimcaale iyo kuwa uu saxiixay Xasan Abshir ee dowladii Siyaad Barre.

“Waxaa is-weydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!…” ayuu yiri Mahad Salaad

Wuxuu intaas ku daray: “Ujeedu haddii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!”

Wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku hungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu hungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina..”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal qaraar oo mar kale ka dhex qarxay Oromada iyo Soomaalida Itoobiya

Baabili (Caasimadda Online) – Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda.

Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili.

Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin.

Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shakur: Aragtida Farmaajo uu qabay iyo xantii VILLA Somalia ayaa ii soo baxday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir eek u aadan in la burburiyey dhammaan heshiisyadii ay gashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadan Darjiinada danta guud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay hadda usoo baxday xantii uga horay uga maqli jiray Villa Somalia iyo Aragtida Madaxweyne Farmaajo ee ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo.

Wuxuu sheegay inay dowladda Farmaajo ku socoto wadadii kalitalisnimada isla markaasna aragtidaan camal ay horey u socon weysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook

Maanta markii aan dhagaystay Warka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa ii soo baxay dhabta xantii aan horay uga maqli jiray Villa Somalia. Aragtida Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo. Si taas loo meel mariyana ay tahay in

1- La qarameeyo (nationalize) shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha iyo Maaliyada iwm.

2- In lala wareego dhismayaalka danta guud ee dawladihii isaga ka horeeyey ay bixiyeen ama heshiis kiro mudo dheer ah ku galeen, kuwaasoo ay haatan ka dhisan yihiin kaalimo shidaal, hoteelo iyo jardiinooyin beero nasasho iyo ganacsi kale oo waawayn.

Waxay ilo xog-ogaal ahi ii sheegeen in Farmaajo uu kala dooran siiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu is casilo ama burburiyo jardiinooyinka ay horay u bixiyeen dawladihii hore.

Su’aashu waxay tahay xagee laga soo bilaabayaa sharciga iyo bixinta dhulka danta guud ee ay dawladu bixisay ama kiraysay? Ma Dawladii la doortay ee rayadka ahayd, ma tii xukunka xoogtay ee miliateriga ahayd? Mise kuwii ku meelgaarka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo u danbeeyo.

Madaxweynaha ama Gudoomiyaha xiligaas jooga miyaa go’aanka iska leh? Mise go’aanadii iyo sharcigii dawladihii ka horeeyey wuu jiraa.

Fikirka dawladnimo ee ku dhisan in ganacsiga ay dawlada gacanta ku hayso, in Baarlamaanka iyo lamaaha fulinta ay isku gacan ku jiraan, in ciidanka nabadsugida loo adeegsado jaasuusida, daba galka iyo fadeexaynta siyaasiyiinta, waa mid horay loo soo tijaabiyey dalka meel u gaynayo ma laha, mana filaayo in dib u heshiisiinta dalkani u baahan yahay ay wax wayn ka tarayso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wadahadal cusub oo DF iyo Imaaraadka Carabta dhex maray (Maxaa kasoo baxay)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay.

Kulankaan oo ahaa mid khaas ah ayaan la ogeyn waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadlay iyo xalka khilaafka labada dowladood.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale, gaar ahana Arimaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa garab weyn ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada oo la siiyey lacag aad u badan si ay uga hor imaadaan dowladda dhexe iyo go’aanada ka dhanka ah Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre gaaro dalka Imaaraadka Carabta si loo soo afjaro Khilaafkaan soo socday waqti badan.

QATAR oo ku soo biirtay loolanka dekadaha Somalia iyo wafdi imaaday XAMAR + 3 dekad oo ay dooneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi ka socdo Dowladda Qatar iyo Hey’ad maalgashi laga leeyahay dalkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafidigaan ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka Muqdisho, wuxuuna yahay qorshahooda si ay uga qeyb noqon lahaayeen loolanka loogu jiro maalgashiga Dekadaha Soomaaliya.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay wafdigaan ayaa booqan doono Dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo Hobyo si ay u  qiimeeyaan isla markaasna ay maalgashi Caalami ahugu sameyn lahaayeen.

Sidoo kale waxaa jiro Dekado kale oo ay Qatar qorsheneyso inay la wareegto, waxaana circa isku sii shareeri doono Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo hadda marayo meel xun.

Dowladda Qatar ayaa loolan adag oo dhanka Qaaradda Africa ah kula jirto dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkey kuwaas oo labaduba saameyn ku leh dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dekado badan kula heshiisay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Itoobiya kula heshiisay inay maalgeshi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo aan ilaa hadda magacyadooda la sheegin waxaana lala yaaban yahay sida ay isku qaban doonaan heshiisyadaan dhinacyada ka socdo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]