24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Feysal Waraabe oo dhulka ku jiiday Muse Biixi “kama aan dhigteen madaxweyne”

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu sharciga Somaliland u gacan galiyay shaqsiyaad aan Lix bil ka hor aqoon laheyn.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in sharciga Somaliland uu yahay mid ay maamulanayaan waxa uu ugu yeeray shaqsiyaad aan aqoon laheyn kuwaa oo uu tilmaamay in boholo mugdi ah ay kusii wadaan Somaliland.

“Adeer anigu ma aaminsani in dalka uu hagaagi doono waayo sharciyada dhan waxaa naloogu dhiibay ilmo yar oo aan waxba garan oo ilmo adeer la ah Muuse”

“Sharciga waxa uu soo dhaafi la’yahay madaxtooyada marka waxaan leeyahay Somaliland maaha Madaxtooyada qura ee waa in wax laga bedelaa sharciyada maamulkooda loo gacan galshay shaqsiyaadka”

Waxa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Muuse Biixi uu ka badin la’ yahay kool-koolinta reerkiisa, isagoo arrinka noocaasi ah ku sheegay mid dhulka galin kara sharciga iyo kala danbeyntii ka jirtay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Muuse Biixi uu khaladaad cad ka galaayo Qaranka balse uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu la wadaago talooyin arrintaasi ku saabsan.

“Anigu Muuse maba u dooran laheen madaxweyne waayo waxaa ku yar siyaasada iyo hab maamulka waxa uu ka badin la’ yahay cidiisa iyo inta uu saaxiibada la yahay”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Muuse Biixi uu kala fadilo shacabkiisa, waxa uuna kaga digay inaanu baal-madow ka galin Somaliland.

Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa imaanaya xili uu jiro Khilaaf Siyaasadeed hoose oo ka dhex aloosan labada mas’uul kaasi oo ka dhashay ka qeybgalka shir dhawaan ka dhacay Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Yaab: Dal Yurub ah oo DF ugu deeqay kaliya €15,000

Vilnius (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Lithuania ayaa sheegtay inay EUR 60,000 (Lixdan kun) ugu talo-gashay arrimaha banii’aadnimada ee dalal badan oo caalamka ah.

Lacagtaas EUR 20, 000 waxaa loo qoondeeyey dalka Suuriya, iyada oo sii marineyso xafiiska UNHCR halka EUR 15, 000 la siin-doono dalka Mali. Soomaaliya waxaa ku soo aadey  EUR 15 kun waxaa loo soo xawili-doonnaa hey’adda cuntada adduunka ee World Food Program.

Lacagta Soomaaliya la siinayo waxaa la sheegay in lagu gargaari-doono 1.67 million oo dad ah, kuwaas oo u baahan cunto, heyso nafaqo-darro.

Waxaa kale oo la sheegayaa in lacag EUR 10,000 ay siin-doonnaa Guatemalan halkaasi oo burkaano waxyeeleysay in ka badan 1.7 million oo dad ah.

Sanadkan lacagta ay Lithuania horay ugu bixisay dalalka Ukraine, Yemen, Syria, Somalia, Mali, Guatemala, Palestinian iyo hey’adda UNHCR waxaa lagu qiyaasay EUR 245, 000.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected] 

Qarax culus oo Muqdisho ruxay iyo rasaas xooggan oo dhaceysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayada oo qaraxa inta badan laga wada maqlay degmooyinka magaalada.

Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, meel u dhow Shineemo Somalia.

Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya..

Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya dhanka isgooska shaqaalaha wadada makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran wadada Makka Al-Mukarama. Naga filo faahfaahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Ethiopia oo soo saartay war + militariga oo ku hareereysan Cabdi Iley

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.

Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo kadib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas lasoo dhoobay magaalada Jigjiga.

Xukuumadda Itoobiya ayaa isku dayaysay in si aan sharci ahayn ay awoodda ugala wareegto masuuliyiinta deegaanka gobolka Soomaalida.

Balse daadguraynta ciidamada ee Jigjiga ayaa dhalisay jawaab caro ku dheehan tahay – ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay markii la weeraray dadka aan kasoo jeedin qawmiyadda Soomaalida.

Kaniisad ayaa dab la qabadsiiyey dukaamana waa la bililiqaystay.

Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado.

Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda ay sii kicinayaan canaasiir mucaarad ah oo si xooggan uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

Addis Standard: Militariga Itoobiya oo ku hareereysan madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar

Sida uu qoray wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ciidamada militariga Itoobiya ayaa ku hareereysan maadxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wargayska ayaa qoray in ay ciidamada labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harrereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga.

Wargayska oo soo xiganaya ila wareedyo ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay gacanta ku dhigi doonaan ciidamada.

Wargayska ayaa sheegay in arrintasi loo samayn doono ”si looga hortago dhiig kale oo ku daata gobolka”

Wasiir xigeenka arrimaha dibedda oo la sii daayay isagoo aqbalay in 24 saac…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay damanad kusii deysay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Da’uud oo maanta loo jaray warqad xarig ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir ku-xigeenka lagu sii daayay damaanad isla markaana uu ogolaaday in 24-saac gudahood uu ku hortago Maxkamad si dacwadiisa loo qaado.

Wasiirka oo caawa u hoyan doono hooygiisa ayaa waxaa maalinimada bari laga sugayaa Maxkamada, iyadoo inta laga gaarayo wakhtiga maxkamada uu magaalada kusii joogi doono damaanada mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada.

Wasiir ku-xigeenka ayaa saacado un ka hor diiday in la horgeeyo Maxkamada, hase yeeshee waxa uu iminka aqbalay in 24 saac fursad loo siiyo si uu u hortago Maxkamada amartay xarigiisa.

Dowlada Somalia gaar ahaan Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka aanu la cafin doonin isla markaana kasoo hormuuqan doono Maxkamada.

Dacwooyinka lagu eedeeyay Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah inuu ka danbeeyay xadgudub la sheegay in lagu sameeyay Xafiiska Wasiirka oo la rumeysan yahay in la jabsaday isla markaana lagala baxay Dukumiintiyo.

In kastoo Wararku ay sheegayaan in 24 Saac gudahood uu Wasiir ku xigeenku ku hortagayo Maxkamada ayaanan weli wax go’aan ah laga gaari Karin halka ay xaaladu ku dambeyn doonto.

Waxaana sidaan oo kale dhawaan loo xirey Agaasimiha waaxda dib u dejinta barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka ay dowlada Somalia ku maxkamadeyneyso mas’uuliyiinta musuqa iyo xadgudubka kula kaca hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF Somalia oo shaacisay 4 sabab oo loo xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay maanta ciidamada CID Booliska Somalia weerar lagu soo xiraayo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha dibadda ku qaaden xarunta Wasaarada,ayaa waxaa arrintaasi goordhow ka hadlay Xeer ilalaiyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Hnati Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowraha oo si wada jira shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in xariga Wasiir ku-xigeenka uu ahaa mid loo maray waddo sax ah.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku hormaray haddalka ayaa sheegay in eedaha loo heysto Wasiirka ay yihiin kuwo sharci ah, isla mar ahaantaasina Maxkamad la horgeyn doono, si loogu qaado eedaha loo heysto.

Waxyaabaha ay ku hayaan ayuu sheegay iney qeyb ka yihiin:-

1-Ku xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne

2-Ku xad gudub awood xafiiseed

3-Ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed.

4-Ku xadgudub xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda

Waxa uu xeer ilalaiyaha sheegay ineysan marnaba aqbaleyn iney ka dhego fureystaan danbiyada ay qarankan ka galayaan Dadka xilalka dowladda ka haya, Wasiirka ayuu sheegay in eediisa ay eheyd mid mudo soo jiitameysay.

Sidoo kale, Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in baarista Kiiska Wasiir Muqtaar ay soo bilaabatay Bilowgii Bishii April, taasoo ka dhigan iney soo socotay mudo 4 bil ah.

Waloow ay soo shaac baxday Saaka uun markii Ciidamo ay tageen Xafiiska Wasiirka.

Wasiirka arimaha dibeda Somaliya ayaa kal hore oo maanta ah sheegay in Ciidankii laga qaaday Wasaarada, Wasiirkana shaqadiisa uu si caadi ah uwato, iyadoo arintaasna loo xil saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono kiiskan looheysto Wasiirku xigeenka ee la xiriira ilaa 7 danbe oo isbiirsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur oo si dadban u aflagadeeyey FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si la yaab leh u sifeeyey dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ku tilmaamay ‘Jinni’.

Qoraal uu labadii bishan Agoosto soo dhigay bartiisa falcelinadda badan dhalisa ee Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan u mahadcelinyaa Wasiir Abdi Aynte oo aan xalay marti ugu ahaa Magaalada Ammaan ee dalka Jordan. Wasiirka waxaan is lafa gurnay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyey. Waxaan kaloo si wayn uga hadalnay mustaqbalka, inagoo qiimayn ku samaynay wixii dhacay, waxaan kula kaftamay “Jini Ninkii keenaa bixiya”

Waxaa qoraalka la socday sawir uu kula jiro Cabdiraxmaan Cayte oo ahaa safiirkii London u fadhiyey Soomaaliya waxaana la magacaabay markii ay dowladda hadda jirtay talada la wareegtay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo badanaa fallanqeeya talaabooyinka dowladda ayaa inta ku soo bandhigga Facebook waxa ayna dhalisaa dodo is khilaafsan.

Muxuu ula jeeday hadalka ‘Jinni Ninkii Keenaa Baxiya!”

Hadalkaas waxa uu ahaa mid sarbeeb ah oo uu ku durayey Xisbiga Daljir Cabdiraxmaan Cayte ka mid yahay mas’uulintooda ugu sarreysa.

Hadalka waxa uu u dhacayaa “Daljir ayaa Farmaajo keentay ee iyaga ha ridaan!”

Cabdi Iley oo saxaafadda la hadlay kadib wixii Jigjiga ka dhacay maanta (Warbixin)

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday ESTV isagoo u tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay rabshidihii maanta ka dhacay Jigjiga.

Madaxweynaha oo warkiisu aad u koobnaa ayaa dadka kula dardaarmay inay dhowraan hantida iyo amniga, wuxuuna muuqaalka goobta uu ka soo hadlayo u muuqatay xarun ka mid ah xafiisyada degaanka ee Jigjiga.

Muuqaalkan laga soo duubay Madaxweeyne Cumar ayaa waxa ka muuqda diyaargaw la’aan baahsan waxa laga deehankaray in Cabdi Maxamed Cumar uu xilligan ku jiro Xaalad aan wanaagsaneen.

Madaxweeyne Cabdi Cumar oo si goos goos Codkiisa Warbixin Codeeysay oo Teleshinka laga soo daayay loogu soo darayay ayaa waxa uu sheegay in xaalkiisu wacan yahay, waxa uuna Bulshada ka codsaday in ay isdajiyeen.

Ilaa Waabirigii hore ee saaka Magaalada Jigjiga oo ah xarunta Dowlad deegaanka waxaa ka taagnaa xaalad cakiran kadib markii Magaalada inteeda badan ey soo galeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xaalka Jigjiga wali ma wacna waxaana laga cabsi qabaa had iyo jeer in ay dhacaan iska hor imaadyo Ciidan.

Imaaraatka oo wada qorshe hadduu hir-galo dhulka la jaraya Somalia iyo laba dal

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday qorshaha halista ah ee Imaaraadka Carabta uu ka leeyahya Geeska Afrika, iyo sida ay isugu dayayaan inay maamulaan gobolka oo idil.

Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ayuu Faarax Macallin ku sheegay in Imaaraadka Carabta oo uu ugu yeeray dowlad yar oo munishiibiyo ah ay ka dhaadhacsan tahay inay maamuli karaan Geeska Afrika oo dhan.

Waxa uu sheegay in Imaaraadka ay rumeysan yihiin in haddii ay gacanta ku dhigaan dhammaan dekadaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea ay Meesha ka saari karaan loolan dekadeed oo ku yimaada dekadda Jabal Cali ee magaalada Dubai.

Dekadda Jabal Cali, ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda Dubai, waxaana sanad kasta badeecadaha dekaddaas la isku dhaafiyo kasoo gala 80 bilyan oo dollar, taas oo macanaheedu yahay in haddii dekado kale ay kusoo baxaan ay weyn doonto dhaqaalaha.

Imaaraadka ayaa horey u iibsaday dekado badan oo ku yaalla gobolka, sida Berbera iyo Boosaaso, inkasta oo baaralamanka Soomaaliya uu laalaay, waxaana sidoo kale laga soo eryey dekadda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii Jabuuti ay ogaatay halista uga iman karta.

Imaaraadka oo ah dal yar, ayaa aaminsan in iibsashada dekadaha ay u horseedi karto inay hor-istaagaan in dalalka kale ee gobolka ay horumaraan, hase yeeshee siyaasiyiin badan ayaa ayaga oo sidaas wax u og haddana u saxiixay wixii ay rabeeen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
[email protected] 

Xog cusub: 4 koox oo isku haya siyaasada degaanka Soomaalida ee ETHIOPIA

Siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ay u muuqtay mid aan daganayn

Arintan ayaa waxa ay ka dambeeysay ka dib markii uu isbadal guud ka dhacay dalka Itoobiya.

Isbadalkan ayaa waxaa horkacayay rai’sul wasaaraha Itoobiya De Abey Axmed.

Hadabo yaa isku haya siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

1:Xisbiga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya

Xisbaga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya (XDSSHI) ayaa ah xisbiga imika ka arrimaya deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xisbiga ayaa hayay talada deegaanka Soomaalida Itoobiya in ka badan 10 sano.

Waxaa tobonkii sano ee ugu dambeeyay xilka hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

2:ONLF

Jabhadda ONLF ayaa muddo badan u dagaalamay sidii uu gobolkaasi u madaxbanaani uga qaadan lahaa Itoobiya.

ONLF ayaa waxa ay muddadaasi ahaayeen mucaard hubaysan oo dagaal kula jiray ciidamada Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horey ugu aqoonsanayd jabhadda ONLF in ay yihiin urur argagixiso.

Balse markii uu xilka la wareegay ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu baarlamaanka dalkaasi ka saaray ONLF in ay argagixiso yihiin.

Jabhadda ONLF ayaa u muuqtay muddoyiinkii u dambeeyay kuwa muujiyay dabacsanaan siyaasadeed.

3:Dulmi diid:

Dulmi diid: waa urur mucaarad ku ah dowlada uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa ay sheegeen in ay doonayaan isbadal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida magacooda ka muuqto waxa ay sheegeen in ay diidan yihiin dulmi ay sheegeen in ay waddo dowladda imika xilka haysa.

Ururka ayaa dadka xubnaha ka ah waxa ay u badan yihiin aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

4:Ururka SRAJ.

Ururka Isbahaysiga Caddaalada ee Deeganka Soomaalida ee (SRAJ) waxa ay sheegeen in ay doonayaan cadaalad laga hirgaliyo deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa ay wadaan olola ay sheegeen in ay ku doonayaan cadaalad ay helaan shacabka Soomaalida Itoobiya .

Isha: BBC

ONLF, Ina Ileey iyo aayaha ummadda (Xog-warann).!!!

Soomaali haddaan nahay, meelaha aan ku banjarnay, een sida xun ugu barriiqannay waxaa ka mid ah, in aannaan aqrin aqoon taaganta, si aan u hilaadinno timaaddada, oo ka dhigan, in aannaan ku cibroqaadan tagtii lagu tahlukoobay.

Gumaystihii na ka la qaybsaday, ee shantanoo ka la qaaray, gunnimadii ka la qaybinta ee uu na dhexdhigay waxay ka xumaatay, middii aan la kulannay, markii aan xorno sheegasho ah helnay, oo ka dhalatay, qaladaadkii aan galnay, xilligii xornimodonka iyo in aan garan waynnay, in aqoosha loo xeeladeeyo, haddii aad wayso sida aad rabto ama lagu muquuniyo.

Labo go’aan ama talaba waan eednay, oo araxda ayey naga jebisay, ilaa haddana, dhabarjabka maalintaa na gaaray ayaan ilaa hadda ka soo kabsan la’nahay.

Labada taloxumo waxay eheed; markii Ingiriisku soo jeediyey, in sanadaha xorriyad gaarsiinta isaga aan u wakiilanno, asna uu noo ballanqaaday, in uu shan Soomaali isu keeno, oo Jabuuti keliya shaki ku jirtay. Marka labaad waxay eheed, markii Soomaali galbeed odoyaashu ku dheheen Ingiriis, Kenyaan ha nagu darine, Xabashi ayaan ku biiraynnaa, iyagoo ku maahmaahay; ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa!

Taloseegga nagu dhacay, marka hore wuxuu na biday, in NFD uu Ingiriis raaciyey Kenya, halka Soomaali Galbeed lagu daray Xabashi, oo ah qaladka labaad, oo sababta Ingiriis ay u dheer tahay, codsigii odoyada, oo weli ay xabashida ushii ka qaadanayaan.

Tan kale, oo dhibka naga haysto waxay tahay Soomaali ahaa, fursad abuurka iyo dhalinta kanshado lagu meelmariyo himilooyinka bulsho, hanka ummmadeed iyo rajooyinka qawmiyadeed marka ay siyaasadda joogto, balse, xagga ganacsiga guulo fiican ka gaarnay.

Dagaalkii 1977, ee qar is ka xoorka ahaa, wuxuu na dhaxalsiiyey sheeko iyo shaahid midda aad doonto ayaad ku heli kartaa, oo burburka aan galnay, waanagan weli ka soo kabsan la’, sababteeda ay eheed, degaanka faalladu qusayo ee Soomaali Galbeed.

Qarni rubac iyo googo’ ka dhimman yahay ayaa ka soo wareegtay, maalintii Soomaali Galbeed, uu Ingiriis ku wareejiyey Xabashi. Waxay eheed maalin waxgaradka Soomaali Galbeed, meel soke wax ka fiiriyeen miisaan qaldanna wax ku cabbireen.

Dhacday, soo mana laabato, ee maxaa xigay?.

Markii Itoobiya ay jabhaduhu qabsadeen, ee Tigree, oo aan barbaarintiisa wax ku lahayn uu dalkii qabsaday, mar kale ayey naga hoosbaxday, oo go’id, gooni isu taag, gorgortan iyo maxaan gaar u leeyahay midna miiska wadahadalka la ma aannaan tegin, halgankii, dagaalladii dawladdii Soomaaliyeed iyo kuwii jabhaduhu waxay noqdeen hal bacad lagu lisay, oo sawtanba dawladdii dhexe garashoxumo nooga duntay.

Labada dawladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia isku sanad ayey xil gabeen, mid waxaa ka dhacay la ma arag iyo la ma maqal, sidii inaan geel ka la dhacaynno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka, ma jirin qorshe aan ka ahayn, in la rido Maxamad Siyaad Barre, rajiimka dalka cuuryaanshay. La ma kala roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii Xadka iyo Xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!” dalkiina u horseedday dagaal sokeeye, intii isaga ka dabamartayna dib ayey isu ruugeen!

Dhanka kale, Ethiopia waxaad moodday, in uu dhacay is baddal dabiici ah, wax walba sidii loogu talagalay ku dhaceen, maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaa lagula kala wareegay awooddii, hubaal in reer galbeed Soomaaliya la maagganaayeen dibirxun, iyagoo mar walba niyadda ku haya Dagaalkii 1977.

Waa fursaddii labaad oo naga luntay, ee aan ka faa’iidasyan, aanna garan waynno sida aan uga miradhalasanno dedaalladeenna iyo halgankeenna bulsho ama qawmiyadeed.

Tagtay, oo tiigsamaad ma lahan, ee maxaa xigay?.

In Xabashidii hoygeed ku cabsan jirtay, Soomaali Galbeedna kolonyada ku mari jirtay, in Xamar iyo xeebaha koofureed xoog iyo xarbi lagu keeno.

Xanuun kale iy xusuus murugadeda leh. 28/12/2006.

Is rogtaye, maanta ayaan mar kale helnay, oo haysanaa fursad, aan ku sixi karno wixii aan qalad sooyaal iyo siyaasadeed galnay. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbeddal xawlo ah, oo culus marna adag, haddaba waxay u baahan tahay, in la curiyo aragtiyo looga faa’iidaysan, lana helo aqooliyayaal ogaal badan, oo ka arrimiya, sidii mar kale, aysan fursaddu noo dhaafin, ma naqaan xilli ay na soo mari doontee ama maba ogin, in ay dib noo mari doontee.

Cabsidii iigu weyneed, ee i haysay, ee ku saabsaneed Degaanka Soomaali galbeed saaka (04/08/2018) ayey dhacay, oo ah, Cabdi Ileey, oo magaalada Jigjida ku dhexdagaalaya. Hubaal, in uu hore u ahaa qawsaar Tigreega u qaabilsan dilka iyo afduubka, oo isaga ayaaba qirtay, haddana, raba, in uu u xuubsiibto QABQABLE!

Noqoshada dambe way adag tahay, balse, tijaabo awoodeed iyo itaal midna ma reeban doono, oo qalalaasaha maanta dhacay, carada shacabka marka laga soo tago, oo garab u noqday, isaga ayaa siyaasad iyo cudud ciidan ahaan guulaystay, balse, intee sii jiri kartaa, maxaase xiga?

Qofka garta warcelinta weydiinta iyo qolada hirgelisa ayaa sooyaalku xusi doonaa.
Aniga waxay i la tahay, wixii maanta ka dhacay Jigjiga iyo wixii dambe, ee ka dhici doona Jigjiga iyo guud ahaan degaannada Soomaali Galbeed, ay masuuliyaddeeda akhlaaqeed, siyaasadeed, amni, dhaqan iyo bulsho ay qaadayaan madaxda ONLF iyo hoggaankeeda, maxaa yeelay, waa awoodda keliya ee Cabdi Ileey badali karta, ee leh aragti Soomaalinnimo.

Cabdi Ileey, in uu nin xun yahay, in uu dhiigyacab yahay, in uu dilaa yahay, in uu tilmaam walba oo xun ay qabanayso isu sheegi maynno, balse, sidee marxaladdan looga faa’iidaysan karaa, degaanka, dhismayaasha, ganacsiga, xarumaha maamulka iyo cibaadada looga ilaalin karaa burbur, dadka dhiiggoodana loo badbaadin karaa?.

Hubaal, in aadan helayn, badbaada aad rabto, ee bulsho iyo degaan, adoo weli la taagan ama ku doodaya Cabdi Ileey waa DAMBIILE, ee ha la maxkamadeeyo. Yaa kuu muhimsan, Cabdi Ileey, in aad la googgoosato, heer aad garsoor is la gaartaan ama in aad badbaadiso ayaanka iyo aayaha ummaddan shan ilaa siddeeda milyan lagu qiyaaso? ONLF ma ogtahay, in aan la joogin, marxladdii yooyootanka, ee la joogo marxaladdii yoolka la saari lahaa aayaha ummaddan la daalaadhacaysa dhibtaada iyo dhimaalka?.

Sida aan qab, ONLF waa in ay garwaaqsataa, maadaama uusan Cabdi Ileey si fudud xukunka uga dagayn, in ay si dadban ama toos tiisa suuragalaysa u la shaqayso si KMG ah, inta laga gudbayo marxaladdan ka la guurka ah, Itoobayana ay wajahayso is rogroggan badan, ee dhan walba leh.

Labo murti, oo mug iyo macno weyn leh ayaa afkeenna laga helayaa, oo dadka qaar moodaan, in labo ujeed oo is ka hor imaanaya ay sheegayaan, oo ka la ah; “Nimaan warankaagu gelin, warkaagu ma galo” tan kalana waxay tahay; “rag wax walba lagu dayoo, wax WALAALOW uga dhaama la waa!” balse, sidaa ma ahan, oo hadba murtidu waxay ku macno yeelanaysaa munaasibkeedu hadba marxaladda la joogo, oo marbay cudud rabtaa, marna caqli, ee ka la garo, hadba tan kuu habboon adeegsigeed. Had walba ha jilicsanaan, sidoo kale, hadba walba col u joog ha noqon.

Marka, sida ay i la tahay, ONLF iyadoo fiirinaysa, marxaladdan taariikhiga ah iyo badbaadinta aayaha dadka, waa in ay Cabdi Ileey wixii ay hore ugu qabeen dib marsadaan, haddaan laga soo qaadi karin XALAY DHALAY, maxaa yeelay, wixii dhacay waxaa looga gudbi karaa is cafin guud ama is maxkamadayn, oo tan dambe suuragal ma ahan in ay dhacdo sida muuqata.

Waxay i la tahay, in la garto, in cududda iyo caqliga la isugu geeyo, sidii degaanka Soomaalidu u heli lahaa metelaad madaxbannaan, oo u qalanta, si taas loo helana waxaa qasab ah, in is kuuridda iyo qooraansiga la is ka daayo, ee loo wada jeesto, sidii khayraadka degaankaa ku jira, ee qawmiyadaha kale u soo birotumanayaan loo Soomaaliyeysan lahaa, loogana sifayn lahaa wixii saxara ku jira.

Horta kan ha na dhaafo, ka dib, aan isaga imaanno wixii kale, waa waxa meeshaa na dhigay, oo Siyaad ayaan ku eednay, isna eel noga tagay, ee inta candhuufta dib loo liqo, si kale ha lagu dayo maanta, oo la wada dheefi karo, iyadoon mujrim loo dananayna, ha la milicsado mustaqbalka bulshadaa hororka badan ku soo wajahan yihiin.

Cabdi Ileey ha lagu la shaqeeyo wixii maangal ah, ee lagu gaari karo sii adkaynta ka la dambaynta, xoojinta xasilinta, wadaagga maamulka, joojinta xadgudubyada iyo hirgelinta hannaan maarayn oo loo siman yahay, si culayska awood qaybsi iyo maamul waaxayn, ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ka jira uu u yaraado, maxaa yeelay, tooda ayey ka badan la’yihiin, suura iyo maangalna ma ahan, in weli caqliyaddii lixdankii ay DASTUUR noo sii ahaato, ee waa in isbadallada, duraafaha iyo danaha nagu dhacaya aan wax ka qaadannaa, si aan u helno, nalol iyo hormar ubadkeennu u aayaan, illeyn anagu waynnaye, haddii aysan jirin dabbaalnimada na daashatay, oo ah, in aan hal qorid ama hal tolmo keliya ku joogno. Aayaha Soomaali Galbeed, wuxuu ku xiran yahay Itoobiya sida ay noqoto, marka aragtida waasiciya, oo la imaada, sidii wadaag aad u la yeelan lahaydeen, maxaa yeelay, aragtida go’iddu aad ayey u yar tahay, in ay suuragasho.

Midda kale, ee dhici karta waxay tahay, in Cabdi Ileey ka tago xukunka, oo cudud kale saarto ama caqligiisa uu ku garto, mar walbana, talooyinka sare, ee ku wajahan ONLF waxba is ka badali maayaan, maxaa yeelay, kan la keenayo, waa uun gacan yare Cabdi Ileey la shaqeeyey, wixii dulmi uu galayeyna la ogaa ama aan hor istaagin, marka in aad bannaanka warsaxaafadeedyo ka soo saartaan, maxay soo kordhin aan ka ahayn, in aadnaan waxba ka garan waxa socda iyo in aadnaan waxba ku qaadan wixii dhacay ama dhacaya. QUSHIGIIN.

Bashiir M. Xersi
[email protected]
https://bilediraac.wordpress.com/

Boorsadii lacagta ee Paris: Qiso dhex-martay Max’ed Siyaad Barre iyo Zenawi !!

Waxyaabaha Soomaalida eebbe ku manneystay waxaa ka mid ah deeqsinimada, marti-soorka, magangelyenta iyo geesinimada oo ay inta badan uga duwan tahay bulshooyinka kale ee mandiqadda Geeska Africa Iyo Dunida kale.

Yeelkeede, taas ma aha mid aysan qirsaneyn dadka la macaamila Soomaalida, sida aad ka fahmi karto qisada cajiibka ah ee uu Dr. Saadiq Axmed Enow ka sheekeeyey.

Dr Enow oo toddobaadkii hore boqolaal dhallinyaro ah kula hadlayey maqaayadda Pizza House halkaas oo ay dhallinyarada xarunta maktabadda Ifiye ku soo agaasimeen mawduuc ahaa ‘’isbedelka Siyaasadda Itoobiya iyo sida uu u saameynayo Geeska Africa”  ayaa ka sheekeeyey sheeko cajiib ah oo dhexmartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (AUN) Maxamed Siyaad Barre iyo Ra’iisul Wasarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ku sugnaa waqtigaas dalka France oo uu booqanayey waxaana London uga soo socdaalay dhallinyaro arday ah oo kacdoon Itoobiya ah ka waday gudaha dibedda.

Dhallinyaradaas oo ahaa kuwa Tigreeda waxaa ka mid ahaa Meles Zenawi waxa ayna u yimaadeen Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey France iyaga oo ka codsaday in ay la kulan siiyaann Madaxweyne Siyaad Barre.

Meles iyo xulafadiisa oo dhallinyaro yar yar ah waxa ay filayeen in ballan loo qabto kaddina ay fursad u heelaan la kulanka Madaxweye Siyaad, hase ahaatee wax aysan fileyn ayaa dhacay.

Safiirkii Soomaaliya waxa uu laba qol ka dejiyey dabaqii uu Siyaad Barre daganaa oo ahaa FIVE STAR halka iyagu ay ku fekerayeen in ay dhallinyarada magaalada qolalkooda ku sugaan!

Maxaa Xigay?

Meles iyo asxaabtiisii waxa ay la kulmeen madaxweyne Siyaad Barre iyaga oo doonayey in ay uga warramaan xaaladdii dalkooda ka jirtay kaddibna ka codsadaan taageero iyo lacag yar oo ay isku dabaraan.

Hase ahaatee, waxaa fajiciso ku ridday xogtii uu siiyey Siyaad Barre (Aun) oo ku saabsaneyd dalkooda iyo halka ay wax marayaan! Intaa kaddibna, waxa ay ka codsadeen kacag.

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu weydiiyey intii ay rabeen balse wey ku dhici waayeen qiimaha ayaga oo ka xishooday! Madaxweynaha inta uu fahmay ayuu safiirkii Soomaaliya ku amray in uu boorso samsaneed ah yiri ii soo qabo taas oo ku dhawaad 250,000 oo dollar ay ku jirtay!

Dr Enow waxa uu dhallinyarada u sheegay in qisadaas uu Meles uga sheekeeyey odayaal Soomaaliyeed oo uu lacago siiyey isaga oo is bar bar dhigayey deeqsinimada Soomaalida iyo dhaqanka wax bixin la’aanta ee Itoobiyaanka!

 

Bililiqo iyo boob maanta ka socda magaalada Jigjiga amnigii oo faraha ka baxay

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay xaaladda faraha ka baxday, iyadoo boob xoog leh iyo bililiqo ay ka socdaan magaalada, kadib markii saaka ay ciidamada milateriga Itoobiya galeen magaalada xarunta u ah is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa la soo weriyay qas weyn oo ka taagan magaalada iyo amnigii oo faraha ka baxay, waxaana la gubay Kaniisadii magaalada, iyadoona la boobay xarumn ganacsi, bankiyo iyo xafiisyadii dowladda Itoobiya ee magaalada Jigjiga.

Dad ayaa la sheegay inay qalalaasaha ku dhaawacmeen iyadoo muuqaalo baraha bulshada la baahiyey ay muujinayaan bililiqo baahsan oo ka dhacday magaalada iyo bannanbaxyo ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha degaankaasi Cabdi Maxamud Cumar.

Bannaabaxyada iyo qalalaasaha ayaa ku sii fidaya magaalada Dhagaxbuur oo la sheegay inay xaalad kacsan ka jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu ahaa meydka qofkiii maanta lagu arkay Kaaraan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Xaafadda Al-Shareeca ee degmada Kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa Saaka lagu arkay qof mey ah oo Waabirigii hore ay dadku Xaafadda ku arkeen.

Sid ay warbixiyeen dadka deegaanka ayaa ninkan meedkiisa waxaa ka muuqday Dhowr  Xabadood oo looga dhuftay Wajig iyo Madaxa.

Ciidamada amaanka ayaa Muddo kadib goobta soo gaaray waxa ay qaadeen meydka waxaana la geeyay xarunta danbi baarista ee CID.

Magaalada   Muqdisho ayaa waxaa soo kordhaya dilalka waxa ayna noqoneeysaa in Asbuucan iyo kii ka horeeyayba ugu yaraan 3 qof siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Dibadbax rabshado wata oo hareeyay Jigjiga & Cabdi Iley oo la la’yahay

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa ilaa Saaka qalasan xaaladda Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida deegaanada Itoobiya maamusho.

Ciidamo ka socdo dowladda Federaalka Itoobiya ayaa la wareegay Xarumaha ugu muhiimsan ee maamulkaas kadib markii ay isku dhaceyn Madaxweynaha Maamulkaas Cabdi Iley.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo halkaas ayaa sheegayo in shacab badan ay xireen jidadka waaweyn ee Jigjiga iyadoo taageersan Madaxweynaha maamulkaas.

Shacabkaas ayaa la arkayaa iyagoo budad iyo dhagxaan ku tuurayo Xarumaha ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo gawaarida jidadka isticmaaleyso.

Sidoo kale waxay gubeyn Kaniisad ku taalay Magaalada kadib markii la qabadsiiyey dab, waxaana hadda muuqato inay xaaladda meel xun sii gaareyso.

Siyaasiyiinta deegaanadaas kasoo jeedo ee maalin dhaweyd kulanka ku yeeshay Dira Dhawa ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan xaaladdana lagu soo celiyo sidii hore.

Siyaasiyiintaan ayaa ku baaqay inaan la wareeranin qoomiyadaha kale ee ku nool Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Maamulkaas.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, welina waxaa gudaha Magaalada ku jiro ciidamo tiro badan oo ka socdo dowladda Itoobiya.

Xiisadaan ayaa bilaabatay markii ay is fahmi waayeen dowladda Itoobiya iyo madaxweynaha Maamulkaas waxayna Itoobiya dooneysaa inay xilka ka tuurto.

Cabdi Iley ayaa garab weyn ka helay ciidamada Liyuu Boolis ee maamulkaas leeyahay waxaana xaafadaha qaar ee magaaladaas laga maqlaya rasaas goos goo ah.

Taageerayaasha Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dhigaya dibad baxyo rabshado wato.

Waxaa waddooyinka lagu gubay taayaro, qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, waxaana la soo sheegayaa inay jirto bililiqo.

Waxaa la sheegayaa inuu jiray isku day Baarlamaan Goboleedka Soomaalida Itoobiya ku doonayeen inay madax banaani ama gooni u goosad ku dhawaaqaan.

Lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda SOMALIA oo isku xiray baabuur aan xabada karin & xogtii u dambeysay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo Boolis ah oo si gaar ah u tababaran ayaa saaka galay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya iyadoo doonayey inay xiraan Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daauud, iyagoo watay amar Maxkamadeed.

Ciidamadaas ayaa loolan adag kala kulamay ciidamada Ilaalada Wasaaradda Arrimaha Debadda oo isugu jiray kuwa Soomaaliya ah iyo AMISOM.

Arrintan oo in muddo ah labada dhinac isku hor fadhiyeen ayaa waxaa markii dambe goobta tegay oo soo farageliyey Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Maxamed Cabdi, iyadoo ciidamadii Booliska lagu qanciyey inay ka tagaan xarunta Wasaaradda mas’uulka ay arrintan quseysana qaab sharci ah loo marayo, taasoo ah in loo yeero wasiirka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud ee la doonayay in la xiro ayaa la sheegay in loo heyso arrimo dacwad lacageed iyo kharashka ay wasaaradda soo xareyso oo si gaara loo maamulo halkii Wasaaradda maaaliyadda lagu wareejin lahaa.

Wasiir kuxigeenka oo la saaray gaari Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa la sheegay inuu ka dalbaday ciidamada in gaarigiisa uu fuulo, si uu u raaco, waxaana markii gaariga koray uu ka soo xirtay dhexda, maadaama uu ahaa gaari kuwa aan xabadaha karin.

Waxaa haatan kulan u socdaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska iyo Agaasimayaasha wasaaradda, kaasoo looga hadlayo dhacdada ka dhalatay xariga wasiirka iyo isku dayga la doonayay in lagu xiro Wasiir kuxigeenka.

Waxaa xusid mudan in shaqada wasaardda ee dhanka maamulka iyo maaliyadda ah inay hoostagto wasiir ku xigeenka taasoo hadda lagu heysto inuu is qaldan u maareeyey;

Dhaqalaha lagu eedeeyey inuu lunsaday waxaa kamid ah lacag kor u dhaafaysa 50 kun Dollar oo uu kasoo xareeyay sanadkii tagay tasdiiqinta shahaadooyinka dugsiyada sare oo ay khasab tahay inay ardayda inay warqad caddeyn ah ka soo qaataan Wasaradda Arrimaha Dobadda

Sidoo kale Waxaa  la xaqiijiyay in Xeer Ilaalinta ay amartay in lasoo xiro Wasiir Mukhtaar oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyadda Soomaaliya ee Zambia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Rasaas ka socota Jig-Jiga, Abdi Iley oo garab ka helay ciidamada Liyu Police-ka iyo wararkii u dambeeyey

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa qasan, kadib markii ciidamada milateriga Federaalka Itoobiya ay saaka la wareegeen goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Ciidamada ayaa lagu arkay bartamaha magaalada iyadoo wata gawaarida Gaashaaman, waxayna arrintan ka dambeysay xiisad soo dhex gashay dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo diiday inuu tago magaalada Addis ababa oo looga yeeray.

Rasaas ayaa laga maqlay magaalada, waxaana la arkayaa dadweyne ka baxsanaya isku dhacyada iyadoo ilo xogogaal ah ay sheegeen in ciidamada Liyu Polce ay difaacayaan madaxweyne Cabdi Iley oo aan la ogeyn wacaalkiisa. Warar aana xaqiijin ayaa sheegaya in xabsi guri la geliyey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya magaalada Jigjiga, waxayna madaxda maamulka DDSI waxa ka socda magaalada Jigjiga ku tilmaameen afgembi milateri oo dowladda Federaalka Itoobiya ku dooneyso inay maamulka kula wareegto.

Telefishanka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in ciidamada Federaalka ay la wareegeen xarumaha dowladda ee Jigjiga, sida Baarlamaanka, Garoonka diyaaradaha iyo dhismayaasha xukuumadda, iyadoo laga hortegay kulan ay yeelan lahaayeen Baaramaanka DDSI.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Cabdi Iley la la’yahay isla markaasna loo maleenayo inay wateen ciidamada Militari dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Dadweynaha magaalada ayaa bilaabay bannaanbaxyo ay uga horjeedaan ciidamada qabsatay magaalada, waxaana ay gubeen taayaro, iyadoo xaaladdu kasii dareyso.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wasiir kuxigeenka arrimaha debadda Somalia oo looga yeeray CID iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa looga wacay  Xarunta Dambi Baarista ee CID.

Wasiirka ayaa Saaka waraaq loogu keenay Xafiiskiisa isagoo loo sheegay inuu tago CID kadib markii lagu soo eedeeyey inuu sameeyey wax isdabamarin.

Waraaqda loo geeyey Wasiirka ayaa waxaa ku qornaa inuu si qaldan u isticmaalay lacago ay laheyd Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Waxaa xusid mudan in shaqada wasaardda ee dhanka maamulka iyo maaliyadda ah inay hoostagto wasiir ku xigeenka taasoo hadda lagu heysto inuu is qaldan u maareeyey;

Dhaqalaha lagu eedeeyey inuu lunsaday waxaa kamid ah lacag kor u dhaafaysa 50 kun Dollar oo uu kasoo xareeyay sanadkii tagay tasdiiqinta shahaadooyinka dugsiyada sare oo ay khasab tahay inay ardayda inay warqad caddeyn ah ka soo qaataan Wasaradda Arrimaha Dobadda

Sidoo kale Waxaa  la xaqiijiyay in Xeer Ilaalinta ay amartay in lasoo xiro Wasiir Mukhtaar oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyadda Soomaaliya ee Zambia.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayo kiiskaan la doonayey in lagu xiro wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debadda, Wararka  Qaar  ayaa  sheegaya in Ciidamo Boolis iyo kuwa Militari ay saaka gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee degmada Wadajir, iyagoo xafiiskiisa kala soo baxay Wasiir kuxigeenka, dabadeedna gaari saartay.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii ay isku dayeen inay wataan lagu celiyay albaabka xarunta, waxaana is hor-taagay Ilaalada Xarunta wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaana ka dhashay qalalaaso iyo rabshado.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ilaalada Xarunta oo isugu jira Ciidamo Boolis iyo Ciidamada AMISOM ay diidan yihiin in lala baxo Wasiir kuxigeenka, inkastoo la sheegayo ciidamada doonaya inay xiraan Wasiir kuxigeenka ay wataan warqad amar maxkamadeed ah.

Ismaandhaafka ka taagan xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la sheegayaa in lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballan qaaday inay la dagaalami doonto musuq maasuqa waxaana bil gudaheed musuq maasuq loo xiray ilaa 3 Mas’uul halka Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debadda looga wacay CID.

Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Xasan Kheyre oo ka hadlay qilaafka la sheegay in isaga iyo Puntland uu dhexmaray

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa ka jiro inuu Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Maamulka Puntland.

Kheyre  oo weli ku sugan deegaanada Puntland oo uu socdaal ku marayo ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf siyaasadeed ah oo soo kala dhex galay isaga iyo Maamulka uu hoggaamiye Cabdiweli Cali Gaas.

Ra’isulwasaaraha ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan kuwa caadeystay inay raadiyaan xumaanta kaliya taasna ay keentay in laga faafiyo warar been abuur ah sida uu hadalka u dhigay.

Kheyre ayaa sheegay in kuwaas beenta ka sameeey ay ku fashilmeen ujeedkii ay ka lahaayeen sida uu isaga hadalka u dhigay.

“Runtii waxaa jira kuwa mar walba raadiya Xumaanta,kuwaas waxaan leeyahay waad fashilanteen,waxaan leenahay reer Puntland iyo hooyada federaalkuba waxa ay noo soo dhaweeyeen sidii aan mudneyn,hadii intii aan joognay ay jirtay cid wel weshay,waxana leeyahay qalbigaaga qaboojiso oo raali ahaaw ayuu yiri kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dad ka murugeysan muxuu Ra’isulwasaaraha lasoo laaban doonaa Puntland wuxuuse ugu jawaabay

“Puntland waxaa ka dareemay faraxad, waxaa fuushay mas’uuliyada Weyn oo ay ku dhaliyeen Shacabka reer Puntland” .

Inkastoo Kheyre inkiray Khilaafkaas haddana waxaa la rumeysan yahay inuu jiro kadib markii la isku khilaafay dhagax dhigga Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Khilaafkaas kadib ayuu Gaas u sheegay Kheyre inuusan Garoowe ku qaban karin shirka Golaha Wasiirada inkastoo markii dambe arrintas Gaas looga guuleystay markii uu Kheyre garab weyn ka helay qaar ka tirsan Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Isimada Puntland .

Hadalkaan hoose ka dhageyso hadalka Kheyre

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

ITOOBIYA oo la wareegtay xarumaha muhiimka Jigjiga kadib madax banaani lagu dhawaaqaye oo la ogaaday

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay dhammaan goobaha muhiimka ah ee ku yaal Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Guud ahaan Magaalada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u badan iyo kuwa siyaasadeed.

Baarlamaanka Maamulkaas ayaa Maanta halkaas ku yeelanayo kulan xasaasi ah oo la doonayo in wax looga badalo qodobo ka mid ah dastuurka Maamulkaas u dajisan.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay is khilaafeen Madaxda Maamulkaas waxayna arrintaas sababtay in Maanta ciidamo lagu soo daadiyo .

Meelaha ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa kamid ah xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani, inkastoo wararkan uu yahay mid aad isu soo tarayay.

Xiisada saaka ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar

Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe.

Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa badalay dhammaan qaababkii siyaasadeed oo ay dowladdii hore kula macaami jirtay maamulada ka jiro deegaanadaas, waxaana muuqato in markaas culeys xoog leh lasoo saaray ismaamulka Soomaalida ee uu hoggaamiye Cabdi Iley.

Wararka ugu badan ee la helayo ayaa Sheegaya in Madaxweeyne Cabdi Maxamed Cumar iyo Maamulka Sare ee Itoobiya uu Mugdi soo kala dhex galay oo ayna ubadantahay in xilka laga tuuro Cabdi Maxamed Cumar oo Muddo soo maamulayay Dowlad deegaanka.

Sawiro iyo Muuqaalo koo kooban oo Warbaahinta Bulshada lasoo galiyay ayaa Muujinayay Xeyn Gawaari ah oo Milatarigu leeyahay oo Bartamaha Jigjiga taagan Sidoo kale waxaa la arkay askar aan tiro yareeyn oo Xaafadaha Magaalada isku dharariyay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah