25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Duufaanno hor leh oo la filayo inay ku dhuftaan Puntland 48 saac gudahood

Garoowe (Caasimadda Onlin) – Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan.

Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika.

Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka,

Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.

Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta

Somaliland

Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxay sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Muqdisho

Roobabka mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri.

Roobaabka ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran.

Jabuuti

Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo soo saartay go’aan culus oo ku saabsan mustaqbalka gobolka Sool

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’antahay in guud ahaan Gobolka Sool ay dib ugala wareegaan Maamulka Somaliland ee degaannada ugu badan ee Gobolka maamula.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay xoreynta Gobolka Sool.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa  guddiga difaaca waxaa ay  joojiyeen  in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool

Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka culus ee kasoo baxay guddiga amniga ee  Puntland

 

 

Waalid maxkamad geeyay wiilkooda oo 30 jir ah oo diiday in uu ka guuro

Waalid Maraykan ah oo wiilkoodu ka diiday in uu ka guuro si uu noloshiisa u dabaro ayaa tallaabo adag ka qaaday, maxkamad ayayna ka dacweeyeen.

Macluumaad ay maxkamadda la wadaageen ayay waalidkii ku sheegeen in Michael Rotondo uusan bixinin lacag kiro ah, hawsha gurigana uusan wax ka qabanin, isla markaasna uu diiday qorshe ay u soo bandhigeen oo ay ku siin lahaayeen lacag uu magaalada kula qabsado.

Inkastoo Christina iyo Mark Rotondo ay shan ogaysiis qoreen haddana waxay sheegeen in wiilkoodu uu wali diidan yahay in uu guuro.

Michael ayaa ku doodaya sharci ahaan in aan la siinin ogaysiis ku filan oo uu ku guuro.

Hooyada iyo aabahan ayaa dacwadooda ka furay maxkamadda ugu sarraysa deegaanka Onondaga oo u dhaw Syracuse, New York taariikhdu markay ahayd toddobadii May.

Qareen Anthony Adorante ayaa Syracuse.com u sheegay in lamaanuhu aysan aqoonin si kale oo ay guriga uga saari karaan wiilkoodan qaangaarka ah.

“Waxaan go’aansanay in aad sida ugu dhakhso badan uga guurto gurigan” ayaa ku qoran waraaqdan oo ku taariikhaysan 2 Feebaraayo, sida waraaqaha maxkamadda la geeyay ku cad.

Markii Michael uu iska dhago tiray warqaddaas, waalidkii ayaa u qoray waraaq rasmi ah oo uu ka caawiyay qareenkoodu.

“Gurigan waa in aad ka guurtaa” ayaa lagu qoray ogaysiiska oo ay sixiixday hooyadii Rotondo 13kii Feebaraayo.

“Hab qasab ah oo sharciga waafaqsan ayaa si degdeg ah loo adeegsan doonaa haddii aadan guurin meesha lagu gaaro 15 Maarso 2018.

Intaas ka dibna lamaanaha ayaa wiilkooda u soo bandhigay 1,100 oo doolar si uu magaalada ugula qabsado, iyaga oo si cadna u faahfaahiyay dabcigiisa.

“Waxaa jira shaqooyin wali u bannaan dadka taariikh xumada shaqo leh sidaada oo kale, mid ka mid ah qabo, waa in aad shaqaysataa” ayay dheheen.

Bishii Maarso markii ay 30 maraysayna waxaa u caddaatay in wiilkoodu uusan u jeedin in uu guuro.

Bishii Abriil markii la gaarayna waxay tageen maxkamadda magaalada si guriga looga saaro wiilkooda.

Laakiin waxaa loo sheegay maadaama uu Michael qoyska ka mid yahay in ay u baahan yihiin amarka maxkamadda sare si guriga looga raro.

Michael ayaa dacwadda waalidkii ku tilmaamay “aargudasho” wuxuuna maxkamadda ka codsaday in ay tuurto kiiskaas.

Maxay tahay lacagta loo qeybiyey xildhibaanada BF ee aan aheyn mushaarka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay lacag aan ahayn Mushaar iyo Gunada ay sharci ahaanta u leeyihiin.

Xogta ayaa sheegeysa in dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegaya in lacagtan loo siiyey xildhibaannada inay u isticmaalaan Ramadaanka iyo Ciidul firtiga (Xagal Ciid), halka xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay tahay mahadcelin doorashadii guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Warar kale ayaa la sheegaya in lacagtan oo marka la isku daro noqoneysa ku dhow 1.5 Milyan oo Doolar loo talogalay inay xildhibaannada fududeeyaan sharciyo muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya oo Baarlamaanka horyaalla.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa bixinta lacagtan ku xiray safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga yimid dalka Qatar, wuxuuna si weyn u cambaareeyay in sidaasi ay dhacdo xilligan oo xaalad ba’an iyo fatahaad ka jirto dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli bixin inta badan dhaqaale ay ugu yahoohday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Weli lama soo werin xildhibaanno diiday lacagta oo su’aal ka keenay waxa ay tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hormuud Foundation oo deeq lacageed u qeybisay 500 oo kamid ah nafada ku nool gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Qeybta Sama Falka iyo Gargaarka uqaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa 500 oo Qof oo Naafo ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan u qeybisay lacag Cash ah, iyadoo qof kasta la guddoonsiiyey lacag dhan $100 Dollar.

Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqda lacageed oo ay maanta hey’adda u qeybisay qaar ka tirsan Naafada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Dad gaaraya 500 oo Qof oo Naafo ah oo isugu jira kuwa lixaadaha La’ iyo kuwa Aragga la’, kuwaas oo ka imaaday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dagmooyinka ku dhowdhow ayaan siinay lacag, waxayna ka socdeen 500 oo qoys, waxaana qof kasta siinay 100 Doollar, Allaha u barakayo” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.

“Waxay qeyb ka tahay barnaamijyada aan ugu talagalnay Bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo aan ugu adeegeyno bulshadeena Soomaaliyeed, Shalay ayeyna aheyd markaan deeq isugu jirtay Raashin, Shidaal iyo lacag aan gaarsiinay Shanta Isbitaal ee Muqdisho ugu weyn kowooda danta guud kuwaas oo kala ah: Dayniile, Madiino, Banaadir, Keysaney iyo Laasareeti, sidoo kale waxaan deeq gaarsiinay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe iyo naafada Xoogga ee ku nool Isbitaalka Martiini”. ayuu yiri Cabdullaahi.

“Sida aad ka war qabtaan Muqdisho waxaa maalmahaan ka da’yey roobab keenay inay burburaan guryo isla markaasna ay dad badan barakacaan, sidaas darteed waxaan Shalay deeq timir ah oo gaareysay 800 oo Kiilo gaarsiinay dad ku barakacay Degmada Hodan” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale intii ay socotay Xafladda lacagta lagu guddoonsiinayey naafadaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’isulwasaare Soomaaliya Maryan Aadan Amiin waxayna tiri

“Hormuud waxaan rabnay ayey u taagan tahay hadaan dhaho dambi igama raacayo, Ramadaan marka la gaaro sidaas ayey bulshada wax u siisaa, markay fatahaado dhacaan waxay taagan yihiin biyaha dhexdooda, marka abaar dhacdo way dhex taagan yihiin iyagoo wax bixinayo, waxaana dhihi karaa  waxa ay dadka ka qaado kala bar iyaga ayey ku bixisaa” ayey tiri Marmo Maryan.

“naafada Soomaaliyeed raas caseyr ilaa raas Kambooni ayey ka imaadeen, waxaana ku shaqo leh Hormuud, meel kasta calankeeda ayaa ka taagan, sida ay wax u qabatay lama arkayo hey’ad u qabato, anigana afar sano iyo lix bilood ayaan joogaa Xamar,  intaan Xamar joogay Hormuud Talecome ayaan lacag ka qaataa Ramadaan kasta, sida Qur’aanka lagu sheegay Hormuud ajar weyn ayey ka heleysaa, Naafada noocyadooda kala duwan sida ay Hormuud wax ugu qabatay cid ugu qabaneyso lama arkayo” ayuu yiri mid kamid ah dadkii naafada ahaa ee Maanta deeqda lacagta ah ka helay Hormuud Foundation.

“Hormuud waan u mahacelinayaa, wayna naga farxisay, Allaha ajar ka siiyo, Maanta soonka wax aan ku moodno ayey na siiyey” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadkii maanta deeqda lacagta la siiyey.

“Sharaf iyo Cisho waxaa leh Hormuud Foundaton oo dadaal ay sameysay  500 qof oo naafo ah isku keentay, waxaana caddeynaya in tallaabada Hormuud ay qaaday aysan qaadin shirkadaha kale iyo Hey’adaha” ayuu yiri mid kale oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu siiyey.

Dhammaan naafadii loo qeybiyey deeqdaan lacageed ayaa goofta munaasabadda dhacday ka tagay iyagoo faraxsan, waxayna tallaabada ay Hormuud qaaday muujineysaa sida ay mar kasta ugu taagan tahay adeegga Bulshada Soomaaliyeed.

Xog: Khilaafka Cabdi Wali Gaas iyo C/xakiin Cameey oo arrin xun horseeday

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/Xakiin Cumar Cameey ayaa waxaa soo baxaya khilaaf u dhaxeeya kaas oo sababay in todobaadyadii la soo dhaafay aysan wada shaqeyn labada mas’uul.

Khilaafkan waxaa uu soo baxay kaddib markii Bishii March Golaha shacabka ee Soomaaliya ay soo saareen qaraar dalka looga mamnuucay Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,waxaana go’aanka golaha shacanka diiday C/Wali Gaas halka C/Xakiin Cameey uu taageeray.

Kulan ay Golaha wasiirrada Puntland yeesheen kaddib go’aankii Golaha shacabka ayuu C/Wali Gaas ku doonayay in warqad lagu diidayo go’aankaas ay soo saarto Puntland waxaase diidey madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirrada.

C/Wali Gaas ayaa kaddib u safray Imaaraadka Carabta iyada oo markii uu ku soo laabtay Garoowe uusan soo dhaweyntiisa ka qeyb gelin C/Xakiin Cumar Cameey.

Waxa  kale oo jirta in muddo todobaadyo ah uusan Cameey xaadirin xafiiskiisa shaqada oo uu sare u kacay khilaafka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

C/Xakiin ayaa inta badan waqtigiisa ku bixiyay dagaalka degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool oo uu ka soo jeedo halka Gaas uu ku mashquulay shirkii dowlad Goboleedyada iyo siyaasadda Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu tuhmayaa in ay ka gaabiyeen saameyntooda siyaasadeed ee Gobollada ay ka soo jeedaan oo hadda ay ku dagaallamayaan Puntland iyo Somaliland.

Xigasho: Garowe Online

Aqriso: 6 qodob oo sabab u ah in madaxda maamul goboleedyada kibraan

Waxaa sii kordhaaya Khilaaf Siyaasadeedka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira dalka, kadib markii ay hawada isku mariyeen hadalo kulul.

Dowlada Somalia ayaa dooneysa inay dib usoo celiso awoodeeda si loo helo wada shaqeyn Dastuuri ah oo ka dhex curta Dowlada iyo maamul Goboleedyada.

Maamulada ayaa dhankooda kasoo horjeeda in lagu xakameeyo Dastuur, iyadoo Hogaamiyayaasha maamuladaasi ay rumeysan yihiin inay meesha ka baxeyso awoodooda.

Siyaasad ahaan markii la qiimeeyo waxaa aad isugu dhow awoodaha Dowlada iyo maamulada oo si siman uga wada shaqeeya dalka, waxa ayna taa cuuryaamisay in dalka uu ka dhaqan galo awaamirta dowlda.

Haddaba qiimeyn la sameeyay ayaa waxaa arrimahaasi lagu ogaaday inay ka danbeeyen dhow qodob oo aan kasoo qaadan doono 6 qodob oo kala ah:

1-Baarlamaanka oo aan isla xisaabtan la sameyn Hoagaamiyayasha maamul Goboleedyada oo keentay in maamulada ay ku awood noqdaan Dowlada.

2-Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo Siyaasad ahaan ku xiran dalalka Shisheeye oo qaab ahaan ay ugu shaqeeyan ‘’Ka iibsashada macluumaadka dalka’’

3-Dalalka shisheeye sida Ethiopia iyo Kenya oo dhaqaale lagu arbusho Qaranimada Somalia ku bixiya maamul Goboleedyada.

4-Hogaamiyayaasha iyo maamulkooda oo rumeysan misna aaminsan inay ka awood badan yihiin Dowlada FS, iyagoo ku tashanaaya Xildhibaanada labada aqal ee laga soo kala xulay deegaanadooda.

5-Dowlada Somalia oo qudheeda aaminsan in maamul Goboleedyada ay yihiin awoodo aan la taabankarin, sababo la xiriira dalalka Shisheeye iyo inay adeegsadaan Xildhibaanada ugu jira labada Gole.

6-Baarlamaanka Somalia oo aan maamulada u aqoonsaneen in ka maamul ahaan ay hoostagaan Dowlada, taasina ay meesha ka saartay in maamulada ay ku dhaqmaan awood lamid ah tan dowlada.

Maamul Goboleedyada ayaa inta badan u caga jugleeya Dowlada Somalia, waxa ayna taa ku imaadaa kadib markii laga hor istaago ku dhaqanka Heshiisyo qarsoodi ah iyo in awoodaha Dowlada ay isticmaalan, iyadoo aan la wargalin Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan Siyaasad ahaan aaminsaneyn inay gacan ku dhigi karto awoodaha maamul Goboleedyada, sababo la xiriira iskaashi ka dhexeeya dhammaan maamulada iyo Dowlada oo cadaadis hoosaad kala kulmeysa Xildhibaanada laga soo xulay deegaanada maamulada.

Dhammaan arrimahaani isbiirsaday ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Somalia aysan laheyn itaal ay ku maareynkarto maamulada dalka, maadaama Dastuurka dalka uu yahay mid gacan ku rimis ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay kusoo beegmayaan iyadoo uu jiro khilaaf maamulada kala dhexeeya Dowlada Somalia, kadib markii ay la safteen dowlada Imaaraadka oo ka gudubtay xeendaabka.

W/Q: Cabdullaahi Axmed Cusmaan

CC Shakuur: Lacag dalka Qadar laga keenay ayaa loo qeybinayaa xildhibaanada

Muqdisho (Caasimad Online) – Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame, oo ah siyaasigii dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, ayaa sheegay in lacag laga keenay dalka Qadar loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook, ayuu ku sheegay CC Shakuur in $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar) la keenay dalka kadib booqashadii Farmaajo ee Doha.

“Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar),” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.

“Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin,” ayuu yiri CC Shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan wali bixin Halkii Milyan ee ugu deeqday fatahaadda gobolka Hiiraan, sidoo kalena aysan waxba ka qaban burburkii Muqdisho ay gaarsiiyeen Roobabka ka da’aya.

“Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin,” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada 8-dii Febuary ee 2017, ayaa xiriir wanaagsan la leh, lacagna ka qaata dowladdab Imaaraadka Carabta.

Maamul goboleedyada oo ka soo horjeestay sharci ay waddo DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira, ayaa wax ay ka soo horjeesteen Sharciga lagu dhisayo Hey’adda Waddooyinka oo ay wado Wasaaradda Howlaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-Saxaafadeed ay siwadjir ah u soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in shir uu qabtay Wasiirka Wasiirada Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya uu shirkaasi ka qeybgaliyey dad aan matalin Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay siwadajirka ah u soo saareen Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeedkan, waxaa si wada jir ah u soo saaray: Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sida aan wada ogsoonnahay dalkeenna Soomaaliya, wuxuu doortay ku dhaqanka nidaamka federaaliga ah. Waxaana lagu heshiiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo si wada jir ahna loo ixtiraammo dastuurka ku-meelka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurka ku-meel gaarka ahi, wuxuu mudnaantooda siinayaa mabaadi’da wada-shaqeynta iyo is-ixtiraamka heerarka kala duwan ee dawladaha federaalka sida ku xusan dhammaan qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qodobada 50aad, 51aad iyo 54aad.

Waxaa lama huraan ku ah dhammaan heerarka dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya in laga wada xaajoodo heshiisna laga gaaro arrimaha khuseeya siyaasadda iyo dhaqaalaha sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah.

Arrimahan, waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sharciyada lagu hagayo maamulkooda iyo maareyntooda sida (Waddooyinka, Gegooyinka dayuuradaha, dekedaha, kalluumaysiga iwm).

Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah soona shaac baxday in xunbaha golaha wasiirada ee federaalka qaarkood aanay ilaa hadda gaarin farriinta siyaasadeed, nuxurka, ujeeddooyinka iyo guud ahaan mabaadi’da uu xambaarsan yahay nidaamka federaaliga ahi.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyenta ee Federaalka, wuxuu shir lagu ansixinayo qabyo qoraalka hindise sharciyeed lagu dhisayo hay’adda waddooyinka (Draft Highway Authority Establishment Law) ku qabtay Muqdisho 15kii iyo 16kii bishan May 2018, isagoo ku casuumay inay ka soo qayb-galaan dad aan ka mid ahayn shaqaalaha kana wakiil ahayn wasaaradaha hawlaha guud ee dawlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Qabyo qoraalka sharcigan oo aan la marin heer ka mid ah heerarkii iskaashiga, wada-tashiga, go’aan gaarista iyo is-ixtiraamka lama huraanka u ahaa, waxaa wasaaraddu hawlaha guud ee federaalku, iyadoo marin habaabinaysa u soo gudbin doontaa Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Habraaca loo maray wada-tashiga sharcigan iyo ansixintiisa, waxay lid ku tahay ama khilaafsan tahay guud ahaan mabaadi’da nidaamka federaalka iyo hab-dhaqanka heerarka dawladda federaalka ah iyo sidoo kale qodobka 50aad, qodobka 51aad iyo Qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya.

Arrintan sida wasiirku u maamulay iyo habraaca uu adeegsaday ama rabo in lagu ansixiyo, waxay nagu beertay walaac, iskaashi la’aan, wada shaqeyn la’aan iyo kalsooni darro aan ka qabno wasiirka iyo hab-raaciisan aan xalaasha ahayn ee gurracan ee uu u marayo go’aan ka gaaridda iyo ansixinta sharciyada khuseeya hawlaha wasaaradaha hawlaha guud ee heerarka dawladda federaalka ah.

Waxa kaloo xusid mudan shirkii 23-28 April 2018 ee lagu qabtay Muqdisho kuna saabsanaa mashruuca Tayeynta Wasaradaha Hawlaha Guud ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee uu maalgaliyey Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank); fulintiisa ay u xilsaaran tahay haya’dda UNOPS inuu ku dhammaaday natiijo la’aan sababahan soo socda awgood:

  1. Heshiiska saddex geesoodka ah ee mashruucan Tayeynta Hay’adaha Hawlaha Guud – heer Federaal, heer dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir (Tripatite Agreement for Strengthening Institutions for Public Works) oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Bankiga Horumarinta Africa iyo UNOPS 13kii Jannaayo 2017 – qodobkiisa 4aad, qaybtiisa 4.02 (ii) wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in la sameeyo guddi haga mashruucan (Project Steering Committee); wuxuuna cayimay inay xubno ka yihiin hay’adaha hawlaha guud ee kor ku xusan. Guddigan oo magacaaban, waxaan muran ku jirin in shir guddoonka guddigan uu yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federaalka Soomaaliya. Guddigan, waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay inay go’aammo ka gaaraan arrimaha ay u arkaan inay muhim u yihiin hirgelinta mashruuca. Hase yeeshee, mudadii shirkani socda, waxaa soo if-baxday:
  2. in wasiirku shirkan ka hor gaaray go’aammo aan guddigu ka tashan, sida heshiiska lala galay Habitat oo qayb ka mashruucan;
  3. wasiirku, wuxuu goobta shirka ka caddeeyey inuu go’aammo gaari karo keligiis isagoo metalaya Guddiga Hagidda Mashruuca (PSC).

iii. Wasiirku, wuxuu dhagaha ka furaystay dhammaan talooyinkii laga soo jeediyey shirkaas iyo in shir-qoraal (munites of meeting) laga soo saaro.

Sidaa darteed, annagoo kalsooni buuxda ku qabna Golaha Wasiirada ee Federaalka iyo 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka inay dhowrayaan nidaamka federaalka, xeerinta Dastuurka Ku-meel Gaarka ah iyo maamul wanaagga (Good governance); waxaan go’aan ku gaarnay in aan arrimahan sida ugu sahlan ku gaarsiinno:

  1. Hoggaanada Sare ee Dawlad Goboleedyada;
  2. Ra’isal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada,
  3. Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya:
  4. A) Si ay u hubiyaan habraaca loo maray hindise sharciyeedyada ka hor inta aan la hor-keenin golaha wasiirada federaalka iyo 2da Aqal ee sharci dejinta; iyo

 

  1. B) Si looga feejignaadu khaladaadka noocan oo kale ah oo aan markan u aragno khalad ka dhacay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada soona noq-noqon kara;

Waxaa naga go’an kuna han-weynnahay in heerarka kala duwan ee dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay sii wadaan iskaashigooda, wada-jirkooda, midnimadooda iyo in ay wada-shaqeyntoodu noqoto mid dadkeenna iyo dalkeenna u horseedda guul, horumar, barwaaqo iyo dhaxal ay ku faani karaan carruurteenna iyo jiilasha naga dambeeya. =========Dhammaad

Ganacsi Sacuudiyaan ah oo Somalia ugu deeqay wax ay aad ugu baahneyd

Riyadh (Caasimada Online) – Kulan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga ay ku yeesheen Wasiirada Caafimaadka Jaamacadda Carabta ayay kaga wada hadleen Xaaladaha Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya una dhashay Sacuudiga Xamuud Bin Samraan Al-Xawaadi ayaa Milkiilaha Shirkadda Ganacsiga AlWaclaan ka gudoomay Gaadiidka Deg dega oo uu ugu deeqay Soomaaliya.

Tiro ahaan waxa ay gaarayaan Afar Gaadiid, iyagoona deeqdaan uu Ganacsadaha Sacuudiga ka shaaciyay Kulan ay lahaayeen Wasiirada Caafimaadka Dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Gaadiidka ayaa yaalla Magaalada Riyadh, waxaana loo gudbinayaa Magaalada Jiddeh si kadib loogu soo qaado Soomaaliya, laguna Wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiir Xamuud ayaa sanadkii tagay Danjirenimo ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo iyanna ka gudoontay.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Al-Waclaan oo Deeqdaan bixiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu talagaleen, wixii kale oo ay tari karaana ay ka qeyb qaadanayaan.

Saciid Camuudi oo ah Madaxa Iibka Shirkadaan ayaa sheegay in Magaalada Riyadh ay ka qaadi doonaan Gaadiidkaasi afarta ah si ay u geeyaan Magaalada Jiddeh oo ay ugu soo dirayaan Soomaaliya, si gacanta Dowladda Federaalka loogu simo.

Siyaasi caan ah oo loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay La-taliye sare oo u qaabilsan dhinaca siyaasadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka 19-kii bishan ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay taariikh nololeedka iyo khibrada siyaasadeed ee Mudane Xasan Maxamed Jimcaale uu u magacaabay La-taliye sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Jimcaale ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wasiirada dowladihii dalka soo maray, wuxuuna soo noqday wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin: Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta  iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa soo noqday Guddoomiyihii  Guddiga Road Map-ka ee Doorashadii 2012-ka, waana siyaasi la soo shaqeeyay dhammaan dowladihii dalka soo maray 18-kii sano ee ugu danbeeyay.

La-taliyaha Sare ee Arrimaha siyaasadda guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Guddoomiyaha cusub ee dhowaan la doortay Maxamed Mursal Sheekh uu xilka hayo muddo Bil ah.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Gaas oo cadeeyay qorshaha cad oo ay ka leeyihiin Dagaalka Tukaraq ee kala dhexeeya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa daboolka ka qaaday in dhammaan ciidamada iyo shacabka Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay badbaadinta deegaanka Tukaraq.

Cabdiweli Gaas oo arrinta Tukaraq kala hadlay Saraakiisha iyo waxgaradka Puntland ayaa ku amray inay isgarabtaagan dhalinyarada ku jirta jiida dagaaalka ee Tukaraq.

Cabdiwali Gaas, ayaa waxgaradka amar uga dhigay inay ka qeybqaatan Dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxa uuna u cadeeyay in dagaalkaasi uu yahay mid waajib ku ah maamulka iyo shacabkiisa.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha ay ka leeyihiin dagaalka Tukaraq uu yahay sida ay Puntland ku maamulan laheyd deegaanada muranka ugu jira, sida Tukaraq.

‘’Cida aan dagaalka Tukaraq u arag mid waajib ah waxaa ku waajibay inay afka qabsadaan hadii aan waxba soo kordhineynin’’

Cabdiweli Gaas waxa uu Saraakiisha iyo waxgaradka u cadeeyay in Mowqifka Puntland uu yahay in dib u xoreyn lagu sameeyo deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in dhiig badan oo dhalinyaro reer Puntland ah ku waayen.

‘’Tukaraq waxaa ku daatay dhiiga carruurteena waxaa na gubeysa in dhiigaasi qoyan laga dhigaa mid aan waxba ka jirin, waa inaan isgarabtaagnaa dhalinyaradeena ku jira jiida gadaalka’’ ayuu Gaas ku yiri Saraakiisha iyo waxgaradka ee uu kala hadlaayay arrinta Tukaraq.

‘’Mowqifkeena waa in Tukaraq maamul ahaan ay si toos ah u hoos imaadaa Puntland doonimeyso dhul aan iyada laheyn’’

Gaas, waxa uu cadeeyay inay muhiim tahay in si wada jira loo taageero qadiyada ay Puntland ku hantineyso dhulkeeda Tukaraq ee lagu heysto, waxa uuna ku baaqay in loo midoobo deegaanka Tukaraq.

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa u muuqanaaya mid lagu xoojinaayo go’aan ay Puntland ku iclaamisay dagaal toosa oo ay la galaan Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Daacish oo soo bandhigtay cadeyn ay ku miijinayaan dil ay manta ka geysteen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Askari katirsanaa Ciidamada Ilaalada Nabad galyada Wadooyinka oo Maanta lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay waxa ay sheegeen in uu ahaa Sarkaal katirsan Degmada Hodan, waxayna Baahiyeen Sawirro uu ka dhex muuqdo mid kamid ah Kooxdii dilka u geysansatay oo Rasaas ku dhufanaya.

Weerarkaas ayaa dadka degaanku sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada ilaalada gaadiidka waddooyinka. Dawladda Soomaaliya weli kama hadlin dilkaasi iyo cidda ka dambaysay.

Askariga xilliga la dilaayay ayaa wuxuu ku hawlanaa kala hagista gaadiidka wadooyinka marayay nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, qaybta Degmada Hodan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, kuwaasi oo sameeyay hawlgalo baaritaan ah, mana jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Dilal ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye ayay sheegatay Kooxda Daacish, waxaana ugu dambeeyay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha isla Bishaan May.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawiro: Shiinaha oo Diyaar u ah in Soomaaliya uu la ganacsado

Waqti dheer ka hor Shiinuhu waxa uu ahaa dalka dunida ugu dhaqaalaha badan tan iyo qarnigii 19-aad waxaana bedalay oo kaalinta Koowaad galay dalka Mareykanka oo ka faa’iideystay fursado badan oo uu heystay, kadib Shiinuhu waxa uu billaabay siyaasad cusub oo dib loogu qaabeynayo dhaqaalahiisa, isaga oo gaaray in celcelis ahaan dhaqaalihiisu sanadkii uu kordho 9.5% isaga oo uu shiinuhu sii joogteeyey horumar dhaqaalle oo joogta ah xilli aad u dheer, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping siyaasadda Shiinaha ee cusub waa in albaabada loo furo cidkasta oo Shiinaha la ganacsaneysa.

Shiinaha ayaa galaangal horleh doonaya in uu Afrika ku yeesho isaga oo horay u camiray Suuqyadda waaweyn ee Qaaradda Afrika  oo badeecadda Shiinahalaga laga keeno sida daadka loogu soo shubay, taas  oo ay sii sahashay wax-soosaarka Shiinaha oo ka jaban dalalka kale ee tartanka kula jira Shiinaha dalalka reer galbeedku waxa ay aaminsanyihiin in Shiinuhu uu doonayo in dhaqaalaha Afrika uu gacanta ku dhigo.

Magaladda Beijing oo aan dhowaan booqday waxa ay igu salaantay sida magaaladu ay tusaalle wanaagsan ugu noqon karto wadamada maagaladdu ay daneyneyso ee Afrika, waxaana halka laga qaabeyo nuuca ay noqonayaan waddooyinka nuucyadda kala duwan leh ee Shiinuhu uu ka hirgeliyey waddooyin badan oo Shiinaha iyo Yurub ku yaalla, kuwaas oo uu Shiinuhu dhisay iyo kuwo kale oo uu damacsanyahay in hadda uu dhiso.

Intii aan ku sugneyn magaladda Beijing innaga oo ah koox weriyayaal ah waxaan la kulanay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha haba ugu badnaadaan kuwa qaabilsan Qaaradda Afrika maadama aan Soomaaliya ka soconay.

Dadkii aan la kulanay waxaa ka mid ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibbadda Waaxdeeda Africa, Hu Zhang Lian waxa uu inoo sheegay in ay aad u daneynayaan Afrika oo xiriir wanaagsani kala dhexeeyo, waxa uu si gooni ah u xusay dalalka barriga Afrika, waxa uu inoo sheegay in ay hadda aad u daneynayaan Soomaaliya oo ay sugi’la yihiin inta ay maalgalin toos ah ugu sameynayaan Soomaaliya, laakiin wali ay soomaliya ka taaganyihiin duruufo aan taageereyn in Soomaliya ay u fasaxaan muwaadiniintooda in ay tagaan.

Siyaasadda Shiinaha ee halka cunug oo sanado badan dalkaa ka jirtay ayaa keeneysa in shacabku ay san u holadan in ay aadan goobaha xalilooni darrado ka jirto sida Soomaaliya oo kale, maadaama halkii qof ee waxyeello soo gaarto uu u dhigmo qoys dhan oo musiibo ku habsatay.   maadaama amnigooda iyagu ay masuul ka jihini, balse marka ay xaaladdu isbadasho gacanacsato kadan oo Shiineys ah iyo kuwo dhisaya wadooyinka ayaad lu arki doontaan meelkasta oo Soomaliyo ka mid ah.

Dhowaan Shirkad Shiineys ah ayaa heshiis la agaartay Soomaliya si dib u dhis loogu Sameeyo dekadda Hobyo ee Maamulka Galmudug, waxa ayna Shiineysku ay dhiseen dhowaan eelaboorka Boosaaso iyga oo si gooni ah u daneynaya in mashaariic horumarineyd eey ka Sameeyaan goobaha Xasillan ee Dalka Sida Somaliland iyo Putland.

In ka badan 140 Milyan oo shacabkeenna ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2017 u safray adduunka intiisa kale iyaga oo ka jawaabay baaqa madaxweyne, Xi Jinping ee ah in dhammaan ay furanyihiin irdaha ganacsiga.

Intii aan joognay Beijing dadka magaalaadda ee aan la kulanay waxa ay noo muujiyeen sida ay ugu guuleysteen dhaqankooda ku dhisan dulqaadka iyo xushmada, Beijing oo ay kunoolyihiin dad kabadan 21 milyan inkabadan 7 milyana ay u soo shaqo tagto kamana muuqato in ay tahay magaalo Buuq badan, taasna waxaa ka mahadsan wadooyinka nuucyada badan ee meelkasta maraya iyo shacabka oo qofkastaahi uu shaqo u degdegayo.

                            Warshadaha Chongqing

Magaladda Chongqing oo ay ku noolyihiin dad ka badan 30 Milyan ayaa kamid aheyd goobaha aan booqday magaladdan waa magaladda ugu weyn dal weynaha shiinaha waxa ayna ku dadaaleysa magaaladdu in ay ka hormarto dhan walba, magaaladda waxaa kunool dad soodhoweyn leh oo u diyaar ah qaabilaada dad dhaqano kala duwan leh, waxaana ka go, maamulka magaaladda in ay ku dhaqaaqaan tilaabo kasta oo u dhaweynkarta in ay hesho suuq cusub, taas oo aan ka fahmay sida masuuliyiinta shirkadaha waa weyn ee wax soosaarka Chongqing ay ugu kululaayeen in ay lakulmaan ajaanibta magaaladda booqaneysa oo ay fursad dahabi ah u arkaan in ay u shaqraxaan badeecada suuq goobka ah oo ay hayaan.

Magaalada waxaa nagu soo Dhoweeyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Chongqing Mr Qian Zhaogang oo noo sharaxay sida ganacasatada Shiineyska ah ay u daneeynayaan in ay Soomaaliya ay maalgashtaan isaga oo xusay in bartamaha sanadkan ay carwo ku soo bandhigidoonaan dalka Jabuuti, soomaaliyana ay ilgooni ah ku eegayaan.

Intii aan joognay Chongqing Waxaa nalagu casuumay in aan booqasho waqtikooban ah ku bixino warshadda baabuurta sameysa ee WANHOO oo ah shirkad tartan kulul ku wajaheysa dalka shiinaha, Wanhoo waxa ay soo saarta gawaarida looyaqaano Tricycle-ka ee sadexda taayar leh kuwaas oo isugu jira baabuur xamuulka loogu  galay oo yar yar iyo kuwa bajaajta loo yaqaano, meelaha ay shirkaddani ay daneyneysay waxaa ka mid ahaa in soomaaliya ay u soo dhoofiso baabuurtaa iyo kuwo nuucyo kala duwan leh oo loo isticmaalo waraabka iyo ka shaqeynta Beeraha, taas oo ay beeraaleyda Soomaaliyeed ka faa’iideysan karaan maadama uu qalabkani abuurayo in marqura uu soo saaro wax-soor mug leh.

Madaxweynaha Wanhoo oo aan la sheekeystay waxa uu ii sheegay in shirkaddiisu ay meelo badan oo caalamka ah ka shaqeyso gaar ahaan waxa uu si gaar ah u xusay in suuq fiican ay ku heystaan Barriga qaarada Afrika, sida dalalka Tanzania,Kenya iyo Itoobiya, soomaaliyana ay aad u daneynayaan waqtigaan iyaga oo kalsooni  kuqaba in soomaaliya ay u tahay suuq cusub oo mustaqbalka dhow ah.

Waxaan  sidoo kale booqanay shirkadda gawaarida sameysa ee LIFAN innaga oo goobjoog ka noqonay gawaari ku jirta farsamadoodii gabangabada iyo kuwo markaa naqshadooda la sameynayo, Maamulaha shirkadan Frank lau oo aan kulan la yeelnay waxa uu inoo sheegay sida ay shirkadiisu ay u daneyneyso suuqa soomaaliya oo aysan ku badneyn gawaarida shiinaha lagu sameeyo, waxa uu uu sharaxaad ka bixiyey sida ay ugu howlgalaan wadamada dariska la ah Soomaaliya si fududna ay ugu soo biiri karaan suuqyada dalkeenna.

Dal weynaha shiinaha oo dadkiisu ay gaarayaan 1.4 bilyan ayaa soo saaraya dad badan oo xirfadlayaal ah oo u baahan in farsamadooddu ay gaarto meelka baxsan dalkooda,waxaana ka muuqada meelkasta oo dalka shiinaha ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha oo si heersara ah loo farsameeyey, kuwaas oo soojiidashadooda gaarka ah leh.

Inkastoo dad gaaraya 30 million oo shiineys ah ay ku noolyihiin faqri haddana magaalooyinka waaweyn ee aan booqanay waxa ay u muuqdeen kuwo aan ka turjumeyn dadkss faqriga ku nool.

Si kastaba ha ahaatee Shiinuhu waxa u u muuqdaa wadan ay ka go’antahay in Soomaaliya uu la ganacsado.

Axmed-weli Xuseen Maxamuud

Soomaalida Minnesota oo ka jawaabay fadeexaddii uu ka baahiyey taleefishinka Fox

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay dibadbax ka dhan ah mid ka mid ah Telefishinka Fox 9, iyagoona iska fogeeyay warbixin ka baxday oo ay sheegeen in ay Maskaxdii ka dambeysay ay tahay Xisbiga Jamhuuriga ee talada haya.

Warbixinta Telefishinka ayay ku tilmaameen in lagu buun buuniyay in Soomaalida Mareykanka ay lacago ku taageeraan waxa Mareykanka ugu yeeray Ururada Argagixisada.

Waxay warbixintaas sheegtay in goobaha lagu xanaaneeyo caruurta ee Soomalaida lagu lunsado lacag badan oo ah tan dowadda, kadibna lacagtaas qaarkeed loo diro kooxaha argaixisada. Si kastaba, Caasimada Oe ayaa horey u daabacday inuu jiro baaritaan ku saabsan musuq lagu tuhmayo goobahaas, balse aanu jirin wax xiriir ah oo ku saabsan argagixsada. Halkan ka aqriso.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida oo sameeyay Dibadbax ka dhan ah warkaas ayaa meesha ka saaray jiritaanka eedaymaha loo jeediyay.

Waxa ay sheegeen in arrintaan hoos loogu dhigaayo Horumarkooda islamarkaana loo jeedinaayo Indhaha Bulshada Mareykanka iyadoona looga faa’iideysanaayo Buun-buuninta Xisbiga Talada haya uu sameynayo.

Waxa ay ku baaqeen in aanan lagu deg degin go’aan ka qaadashadooda, hadii ay jiraanna Shaqsiyaad Kiiskaas ku lugta lehna aanan guud ahaan Dadka lagu wada darin balse si gaar ah loola xisaabtamo.

Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota oo ah halka ay ugu badan yihiin ayaa wajahaya Culeysyo ugu imaanaya Dowladda, waxa ayna arrintaan sheegeen in ay dhalatay markii Madaxweyne Trump uu talada la wareegay.

 

Somaliland oo xabistay dad lagu qabtay iyaga oo Hargeysa ku sameynaya…

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay, iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda  Somaliland.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in raggaan oo gaaraya ilaa 5 iyaga iyo qalab ay wateen gacanta ku dhigeyn,isla markaana ay ku jiraan Xabsiga Hargeysa.

Xogaha ay heleyso Caasimadda Online ayaa waxa ay sheegayaan in raggaan ay tahay markii labaad oo la qabto,waxana horay usii daayey masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi soomaaliland.

Xukuumada Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga,maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii u dambeeyey nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in tahriibe ka soo jeeda dalka Itoobiya ay tooagsho ku dileen ciidamada Booliska Somaliland kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada ka baxsado.

Taliyaha Laanta socdaalka Gabiley ee qaabilsan Xuduudka Tgwajaale Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa sheegay in tahriibaha Itoobiyaanka ah oo kasoo jeeday Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya uu ku Geeriyooday Togwajaale, kaddib markii uu ay haleeshay rasaas lagu riday xilli uu isku dayay inuu iidanka Booliska ka baxsado.

Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,oo Warbaahinta Maamulka Somaliand la hadlay ayaa sheegay in  Geerida Ninka Tahriibaha ah timid kaddib markii uu isku dayay in uu Booliska ka baxsado.

Booliska ayaa ka war helay goob ay ku suganyihiin Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugan Tog-Wajaale,waxaana markii ay tahriibarayaasha ka war heleen in Boolis ku soo socdo isku dayeen in ay ka baxsadaan halkii ay ku sugnaayeen sidaasna rasaas loogu furay uu ku dhintay Nin u dhashay Oromada Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hadii DF laga waayo 4-tan qodob ee soo socda waxa ay lamid noqon doontaa dowladihii hore (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa xiligaan la kulmeysa caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dalalka shisheeye oo ay ugu horeyso Imaaraadka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta kuwooda ku xiran shisheeyaha.

Caqabadaha ugu badan ee xiligaan heysta dowlada Federaalka ayaa ku xeeran mideynta danaha Siyaasadeed ee Somalia iyo mida Shisheeye, arbushaada dhanka Amniga iyo Siyaasada.

Dowlada Somalia ayaa waxaa loo adeegsanaya Maamul Goboleedyada ka jira dalka, kuwaa oo ku doodaaya in Dowlada Somalia ay ka weecatay Siyaasada ay kula dhaqmi laheyd dowlada Shisheeye.

Maamul Goboleedyada oo loo soo wakiishay sida ay Dowlada Somalia uga cadaadin lahaayen la dhaqanka Dowlada Imaaraadka ayaa ku doodaaya in Somalia aysan awood dhaqaale iyo mid Siyaasadeedba ku aadin Imaaraadka sidaa aawgeed ay muhiim tahay inay la midowdo Imaaraadka.

Hogaamiyayaasha Maamulada waxa ay ku andacoonayaan inaanu xushmad ka helin Dowlada Somalia sida Latashiga iyo loo qabto shirar ay ku kala warqaadanayaan.

Dhaliilaha Maamulada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa u badan in Dowlada Somalia ay dhinac isaga saareyso shaqsiyaadka ay talada kala dhexeysay.

Haddaba haddii DFS laga waayo 4-taan qodob waxaa ku adkaan doonta inay ka miro dhaliso Siyaasada afarta Sano ee aan dhex maquureyno:-

1-In maamul Goboleedyada ay kala tashato waxyaaha aan khaaska aheyn sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada.

2-In Dowlada Federaalka ay mudnaan gaara siiso Siyaasiyiinta Mucaaradka si qudhooda ay qeyb uga qaatan masiirka dalka oo mid guud ah.

3-In Dowlada Federaalka ay ahmiyad gaara siiso Odayaasha dhaqanka oo waayadan u muuqda kuwo aan muuqan, sababo la xiriira la-tashigooda oo meesha ka baxay.

4-In Dowlada Federaalka ay sameyso barnaamijo gaara oo ay ku uruurineyso dhaliisha loo jeedinaayo, ka hor inta mucaaradka aysan la wadaagin Saxaafada xorta ah, waana tan kaliya oo ay ku hor maraan Dowladaha hanaqaaday.

Dunida tagtay waxaa laga rumeysan yahay in Dowlad waliba ay tixgalin gaara siiso qodobada aan kor kusoo qornay oo laf dhabar u noqon kara hanaqaadka Dowlad wanaagsan.

Dhaliilaha ugu badan ee iminka loo jeediyo Dowlada Somalia ayaa ah la tashi la’aan iyo inaysan ahmiyad gaara siinin shaqsiyaadka miisaanka ku leh dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa  looga fadhiyaa inay tixgalin gaara siiso waxyaabaha ku xeeran jiritaanka Qaranka oo ay qeyb ka noqoneyso wadatashi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Imaaraadka oo si qarsoodi ah howl sharci daro ah uga wada dekadda Berbera

Hargeysa(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bebera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dayactira Dekadda Berbera.

Dayactirka iyo howlaha Dekadda ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Injineero ay wadato shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Dekada Berbera oo murankeeda uu weli taagan yahay ayaa waxaa ka howlgalaaya inkabadan toban Injineero iyo shaqaale kor u dhaafaya todobaatan kuwaa oo gabi ahaan si xooli ah u wada howlaha ka socda Dekadda.

Howlaha ka socda Dekadda oo aan fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Somaliland iyo Shirkada DP World oo mataleysa Dowlada Imaaraadka carabta.

Gudaha Dekada ayaa waxaa ku sugan Saraakiil, Injineero iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee Dekadda, halka mas’uuliyiintuna ay yihiin kuwo dusha kala socda sida ay howsha u socto.

Howlaha Dekada oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyadoo ay kusoo xirtaan Maraakiib iyo Doonyo waaweyn.

Maraakiibta nooca yaryar ee Imaaraadka ayaa kamid ah kuwa kusoo xirta waxa ayna wadaan qalab dhismo iyo adeegyo kale.

Rarka Maraakiibta ka imaada dalka Imaaraadka ayaa badi sida agab Militery iyo qalab lagu dhisaayo Saldhiga uu Imaaraadka ka sameysanaayo magaalada Berbera.

Dowlada Imaaraadka, Somaliland iyo Shirkada DP World ayaa si wada jira u wada qorsho lagu sii wadaayo dhismaha iyo howlaha kale maadaama ay arrinta tahay mid u muuqata in la ilaaway.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dekadda Berbera oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta Dowlada Somalia ee howlaha ay Imaaraadka dib uga bilowday Dekadda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Dagaalka dekeddaha iyo danta Somalia (Q. 1-aad)

Baratanka ugu xanafta badan ee xilligan ka dhex socda aduunka gaar ahaan dowladaha soo koroya, kuwa dhaqaalahoodu xowliga ku socda iyo kuwa ku yaalla goobaha istaraatiijiga ah ama marinnada caalamiga ah ee baahida weyn loo qabo, wuxuu ku saleysan yahay dekeddaha oo iyagu ah meelo laga maamuli karo ganacsiga caalamka, lagana ilaashan karo danaha qaran ee dowladaha xifaaltamaya, nabadgelyada badaha, ladagaallanka waxa loo bixiyey argagixisada iyo burcad badeeda. Dekedduhu waxay saldhig u yihiin isu socodka aduunyada kala fog iyo fududeynta isu gudbinta ganacsiga caalamka. Waxaa kaloo badanaa arrimaha dekeddaha ku lifaaqan saldhigyo ciidan oo lugu dabo wado hindisayaasha ganacsi ee dusha sare ka muuqda!

SHIINAHA:

Shiinaha oo ah dalka dunida ugu dadka badan iyo kan labaad ee ugu dhaqaalaha weyn, ayaa halgan weyn ugu jira ballaarinta marinnadii uu marsiin lahaa dhoofinta wax soo saarkiisa xawaaraha ku socda, sidaas daraadeed ayuu jeexay mashruuca weyn ee la magac baxay hal suun iyo hal jid (one belt one road), kaas oo ah shabakado iskuwada xiran oo ka kooban dariiqyo dhaadheer oo badda iyo berrigaba maraya, jidad tareen, buundooyin, dhuumaha shidaalka qaada, xargaha korontada iyo internetka iwm. Kuwaasi oo dhammaantood loogu talo galay iney Shiinaha ku xiraan dunida inteeda kale gaar ahaan Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Mashruucaan –oo ah dib usoo cusbooneysiin taariikh duugoowdey taas oo ah dariiqii caanka ahaa ee la oran jirey jidkii xariirta ee Shiinihii hore gaarsiin jirey isla dhulalka uu iminka doonayo inuu gaaro– ayaa loo qorsheeyey inuu xiriiriiyo in ka badan 65 dal oo u dhigma 60% (Boqolkiiba lixdan) dadweynaha dunida ku nool, sidoo kalena noqon doona sadex meelood meel ahaan dhaqaalaha caalamka oo idil, iyadoo dowladda Beijing ay ku bixineyso aduun gaaraya  $1000,000,000, (Hal tirrilyan oo dollar).

Sida la shaaciyey hindisahaan wuxuu xoogga saari doonaa dhowr arrimood oo lafdhabar u noqon kara kala faa’iideysiga bulshaweynta caalamka, waxaana ka mid ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, dekaddaha, buundooyinka iyo warshadaha, fududeynta ganacsiga iyo isu gudubka aduunka, isu furka dhaqaalaha dowladaha iyo qaaradaha kala fog, isku xiridda maalgashiga dowladaha iyo shirkadaha ganacsiga, isdhaafsiga dhaqamada dadyowga kala duwan, isdhexgalka bulshooyinka iwm.

Hindisahaan Shiinuhu hormuudka ka yahay uuna maalgelinayo waxaa ogolaaday iney qeyb ka noqdaan dalal badan oo uu mari doono ama si uun uga faa’iidi doona dhaqaale ahaan ama adeeg ahaan, kuwaas oo badankoodu Shiinaha ka heley ballanqaadyo ah inuu ka taageeri doono kobcinta dhaqaalahooda, halka dalalka qaarna gaar ahaan kuwa reer galbeedku ay shaki ka muujiyeen isballaarinta Shiinaha ee dheereyneysa.

Dariiqyadaan waxay u kala bixi doonaan jihooyin kala duwan sida,
Shiinaha–Ruushka,
Shiinaha–Turkiga,
Shiinaha–Bartamaha Aasiya,
Shiinaha– Mangolia,
Shiinaha–Pakistan,
Shiinaha–Bariga Dhexe,
Shiinaha–Afrika, iyo
Shiinaha–Yurub,

Iyadoo mid ka mid ah tareennadii tijaabada ahaa uu Shanghai iyo London u kala socday 14 cisho oo keliya!

Maadaama danta ugu weyni ay tahay inuu Shiinuhu aduunyada u iib geeyo alaabtiisa, isaguna wixii uu u baahan yahay si sahlan uga keensado dalalka kale, waa inuu helaa dekeddo caalami ah oo u fududeyn kara dhoofinta iyo soo-dejinta badeecadihiisa faraha badan. Waxaa kaloo aalaaba arrimahan ku lammaansan danaha siyaasadeed iyo kuwa istaraatiijiyadeed ee dhex yaalla dowladaha ku loolamaya dhul ka baxsan xuduudda dalalkooda, gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo uu ka dhexeeyo xiniftan xasaasiyad badan oo xilligan aad sii xoogeysanaya, kadib markii Mareykanku dareemey inuu Shiinuhu sidii daadkii dunida ugu fidayo ayna tahay arrin aan indhaha laga qarsan karin!

BAAKISTAN, HINDIYA IYO IRAN: 

Baakistaan oo ka mid ah wadamada jidkani marayo ayaa Shiinaha kaga kireysey dekedda Gwadar lacag dhan $46 bilyan oo dollar muddo 40 sano ah inuu horumariyo uuna adeegsado. Hindiya oo ah dal ay Baakistan iyo Shiinahaba deris la ah, labadabana aysan isku wanaagsaneyn, ayaa dareentey in fursadan iyada la dhaafiyey oo Baakistan loogu roonaaday. Sidaa daraadeed ayey tillaabadani ka xanaajisey dowladda Hindiya oo u aragtey iney Baakistan heli doonto deked caalami ah oo dhextaal u noqon karta ganacsiga aduunka, iyadoo arrintaas ka falcelineysa ayey Hindiyana dhankeeda Iran ka kireysatey dekedda Chabahar  ee dalka Iran oo 72 KM keliya uun u jirta dekedda Gwadar ee dalka Baakistan!

Marka la eego dhanka baaxadda iyo istaraatiijiyadda Gwadar oo kulaaleysa marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz iyo dhiirranaanta Shiinaha oo doonaya inuu gaaro badweynta Hindiya, waxay u muuqataa in Chabahar oo ay Hindiya dooneyso iney ka dhigato –iyadoo dhinac mareysa Baakistan– albaab ay ka gasho dalka aan badda lahayn ee Afghanistan, wadamada bartamaha Aasiya iyo weliba dalka Ruushka, aysan la tartami karin Gwadar. Dekedda Gwadar ayaa la sheegaa iney awood u leedahay iney xawisho 400 (afar boqol) oo malyan oo tan oo xamuul ah (Cargo) ah sanadkii, waxaana lala mataaneyn doonaa sida qorshuhu yahay dekedda Hong Kong ee dhulweynaha Shiinaha, halka dekadda dhinac taalla ee Chabahar ay xamili karto oo keliya 10 (toban) malyan oo tan sanadkii.

Hirgelinta dekeddan ayaa soo gaabin doonta masaafadii aadka u dheereyd ee uu qaadan jirey shidaalka iyo Gaas ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe si uu u gaaro Shiinaha, taas oo ka mid ah ujeedooyinka waaweyn ee Shiinuhu u dhisayo Gwadar maadaama uu yahay wadan warshadaha ku horumaray oo baahi weyn u qaba inuu si fudud ku helo tamarta uu u baahanyahay maalinwalba.

Waxay sidoo kale Hindiya ku hawllantahay hindise ah iney horumariso dekedda Duqm ee dalka Cummaan ee gacanka carabta si ay isugu fidiso marinkaas muhiimka u ah isu socodka caalamka inta uusan Shiinuhu uga hormarin!

Shiinaha ayaa sidoo kale maalgelinaya dekedo dhowr ah oo isla gobolkaas ku yaallo sida Sri lanka, Nepal, Myanmar, Bangledesh. Wuxuu kaloo wadahadal kula jiraa Jibouti oo ah dalka keliya ee uu Shiinuhu ku leeyahay saldhig millateri oo dalkiisa ka baxsan, waana buqcadda uu doonayo inuu ka dhigto albaabkii uu Afrika kasoo geli lahaa. Arrintaan ayaa is tustay afargeeskan ficiltamaya (Chinaha, Pakistan vs Hindiya, Iran) ee labo labada isu raacsan. Waxaa kale oo la filayaa in Geeska Afrika uu noqon doono halka ay isku hardin doonaan Shiinaha iyo Mareykanka oo labadaba ay ka go’antahay inaan laga riixin mandiqadan aadka istaraatiijiga u ah, iyadoo labadooda saldhig ciidan ee Jibouti ku yaalla ay isu muuqdaan, taas oo ah goobta keliya ee millateriga labada dal iyagoo isdiidan isdul keentay!

IMAARAATKA CARABTA IYO GEESKA AFRIKA:

Arrinta dekeddahan dhismaya ayaa walwal weyn ku abuurtay dalka Imaaraatka Carabta oo dhankooda ciddiyo ku dirir u ah si aan gobolka looga helin deked la tartami karta dekedda Jebel Cali ee Dubay. Dowladda Imaaraaatka –oo leh mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dhisa, maalgeliya ama maamula dekeddaha caalamka Dubai Port World (DP World)– ayaa ka walaacsan inuu wiiqmo suuqa ay haysato dekeddiisu, haddii ay dekaddo casri ah ka dhismaan dalalka dhaca labada daan ee badda cas sida (Soomaaliya, Jibouti, Eriteria, Sudan, Masar, Yemen, Sucuudiga iwm).

DP World ayaa hadda maamusha in ka badan 70 dekeddood oo dunida daafeeheeda ku kala yaalla, hase yeeshee badankooda uu ka abuurmay buuq maamul ama tuhun la xiriira inuu jiro damac qarsoon oo ku daaban galka sare ee ganacsi ee ay wadato dowladda Imaaraatka iyo shirkadeeda DP World.

Wadamada Yemen, Senegal, Indonesia,Soomaaliya,  Algeria, Jibouti, Sudan, Masar ikk, ayaa xilliyo kala duwan ka dacwoodey ama erdey ama si uun ay isu qabteen shirkadda DPWorld , iyagoo dowladahaasi u cuskaday ineysan shirkaddani daacad ka ahayn shaqada lugula heshiiyey aysanna kuba ekeyn amuuraha ganacsi ee ay u timid balse ay ku mashquulsan tahay dibindaabyooyin siyaasadeed oo dalalkaasi ka dhan ah.

Imaaraatka oo si xoog leh faraha ulasoo galay Geeska Afrika intii ka dambeysey sanadii 2010 iyo xilliyadii uu curtay wixii loo bixiyey gu’gii carabta ee dhicisoobey,  ayaa calaamadsaday dhowr dekeddood oo uu u arkayey iney istaraatiiji u yihiin ilaalinta danihiisa ganacsi iyo kuwiisa siyaasadeed.

Wadanka Jibuuti oo ku yaal bartilmaameed haboon ayey shirkadda DP World sanado kahor la gashay heshiis maalgelin iyo maamulid dekedda konteennarrada ee Doraleh, bishii lasoo dhaafay ayey Jibuuti laashey heshiiskaas iyadoo ku andacootey inuu yahay mid dhaawacaya qarannimada dalkeeda iyo madaxbannaanidiisa siyaasadeed iyo tiisa dhaqaaleba. DP World oo horey Jibuuti kaga guuleystey dacwad ay qaadday maxkamad London ku taalla ayaa hadana isla maxkamaddii ka furatay dacwad ka dhan ah xukuumadda Jibouti.

Waxay sidoo kale shirkaddan Imaaraatiga ahi heshiis ku qaadatay dekedda Casab ee dalka Eriteria oo Jibuuti ay deris yihiin xurguf horeyna ka dhexeysey. Waxay kaloo  Eriteria ka sameysatey saldhig millateri oo dalalka qaarkood dareen geliyey sida Jibuuti iyo Sudan, tan dambe –Waa Sudane – oo ay DP World horey u hollisey iney ka kireysato dekedda Port Sudan balse ay heshiin waayeen!

Waxaa taas kasii horreeyey eedeymo xoog leh oo imaaraatka loo jeedinayey inuu curyaamiyey dekedda Cadan ee dalka Yemen oo uu muddo hore kula wareegey heshiis waqtigiisu dheeraa, hase yeeshee dib u dhac weyn u geystey dekeddaas istaraatiijiga ah ee magaalada Cadan oo ahayd meel ay shidaalka ka qaataan maraakiibta ka gudbeysa marinka Baabul Mandam, maaddaama Imaaraatku xubin ka yahay xulufada Sucuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen, wey u sahlan tahay inuu siduu rabo ka yeelo dadka dhibaateysan ee rer Yemen!

Lasoco qeybta 2aad, Insha allah.
W/Q: Cabdixakiim Diriye
Email: diiriye303@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid