26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Imaaraadka oo si qarsoodi ah howl sharci daro ah uga wada dekadda Berbera

Hargeysa(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bebera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dayactira Dekadda Berbera.

Dayactirka iyo howlaha Dekadda ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Injineero ay wadato shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Dekada Berbera oo murankeeda uu weli taagan yahay ayaa waxaa ka howlgalaaya inkabadan toban Injineero iyo shaqaale kor u dhaafaya todobaatan kuwaa oo gabi ahaan si xooli ah u wada howlaha ka socda Dekadda.

Howlaha ka socda Dekadda oo aan fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Somaliland iyo Shirkada DP World oo mataleysa Dowlada Imaaraadka carabta.

Gudaha Dekada ayaa waxaa ku sugan Saraakiil, Injineero iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee Dekadda, halka mas’uuliyiintuna ay yihiin kuwo dusha kala socda sida ay howsha u socto.

Howlaha Dekada oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyadoo ay kusoo xirtaan Maraakiib iyo Doonyo waaweyn.

Maraakiibta nooca yaryar ee Imaaraadka ayaa kamid ah kuwa kusoo xirta waxa ayna wadaan qalab dhismo iyo adeegyo kale.

Rarka Maraakiibta ka imaada dalka Imaaraadka ayaa badi sida agab Militery iyo qalab lagu dhisaayo Saldhiga uu Imaaraadka ka sameysanaayo magaalada Berbera.

Dowlada Imaaraadka, Somaliland iyo Shirkada DP World ayaa si wada jira u wada qorsho lagu sii wadaayo dhismaha iyo howlaha kale maadaama ay arrinta tahay mid u muuqata in la ilaaway.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dekadda Berbera oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta Dowlada Somalia ee howlaha ay Imaaraadka dib uga bilowday Dekadda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Dagaalka dekeddaha iyo danta Somalia (Q. 1-aad)

Baratanka ugu xanafta badan ee xilligan ka dhex socda aduunka gaar ahaan dowladaha soo koroya, kuwa dhaqaalahoodu xowliga ku socda iyo kuwa ku yaalla goobaha istaraatiijiga ah ama marinnada caalamiga ah ee baahida weyn loo qabo, wuxuu ku saleysan yahay dekeddaha oo iyagu ah meelo laga maamuli karo ganacsiga caalamka, lagana ilaashan karo danaha qaran ee dowladaha xifaaltamaya, nabadgelyada badaha, ladagaallanka waxa loo bixiyey argagixisada iyo burcad badeeda. Dekedduhu waxay saldhig u yihiin isu socodka aduunyada kala fog iyo fududeynta isu gudbinta ganacsiga caalamka. Waxaa kaloo badanaa arrimaha dekeddaha ku lifaaqan saldhigyo ciidan oo lugu dabo wado hindisayaasha ganacsi ee dusha sare ka muuqda!

SHIINAHA:

Shiinaha oo ah dalka dunida ugu dadka badan iyo kan labaad ee ugu dhaqaalaha weyn, ayaa halgan weyn ugu jira ballaarinta marinnadii uu marsiin lahaa dhoofinta wax soo saarkiisa xawaaraha ku socda, sidaas daraadeed ayuu jeexay mashruuca weyn ee la magac baxay hal suun iyo hal jid (one belt one road), kaas oo ah shabakado iskuwada xiran oo ka kooban dariiqyo dhaadheer oo badda iyo berrigaba maraya, jidad tareen, buundooyin, dhuumaha shidaalka qaada, xargaha korontada iyo internetka iwm. Kuwaasi oo dhammaantood loogu talo galay iney Shiinaha ku xiraan dunida inteeda kale gaar ahaan Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Mashruucaan –oo ah dib usoo cusbooneysiin taariikh duugoowdey taas oo ah dariiqii caanka ahaa ee la oran jirey jidkii xariirta ee Shiinihii hore gaarsiin jirey isla dhulalka uu iminka doonayo inuu gaaro– ayaa loo qorsheeyey inuu xiriiriiyo in ka badan 65 dal oo u dhigma 60% (Boqolkiiba lixdan) dadweynaha dunida ku nool, sidoo kalena noqon doona sadex meelood meel ahaan dhaqaalaha caalamka oo idil, iyadoo dowladda Beijing ay ku bixineyso aduun gaaraya  $1000,000,000, (Hal tirrilyan oo dollar).

Sida la shaaciyey hindisahaan wuxuu xoogga saari doonaa dhowr arrimood oo lafdhabar u noqon kara kala faa’iideysiga bulshaweynta caalamka, waxaana ka mid ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, dekaddaha, buundooyinka iyo warshadaha, fududeynta ganacsiga iyo isu gudubka aduunka, isu furka dhaqaalaha dowladaha iyo qaaradaha kala fog, isku xiridda maalgashiga dowladaha iyo shirkadaha ganacsiga, isdhaafsiga dhaqamada dadyowga kala duwan, isdhexgalka bulshooyinka iwm.

Hindisahaan Shiinuhu hormuudka ka yahay uuna maalgelinayo waxaa ogolaaday iney qeyb ka noqdaan dalal badan oo uu mari doono ama si uun uga faa’iidi doona dhaqaale ahaan ama adeeg ahaan, kuwaas oo badankoodu Shiinaha ka heley ballanqaadyo ah inuu ka taageeri doono kobcinta dhaqaalahooda, halka dalalka qaarna gaar ahaan kuwa reer galbeedku ay shaki ka muujiyeen isballaarinta Shiinaha ee dheereyneysa.

Dariiqyadaan waxay u kala bixi doonaan jihooyin kala duwan sida,
Shiinaha–Ruushka,
Shiinaha–Turkiga,
Shiinaha–Bartamaha Aasiya,
Shiinaha– Mangolia,
Shiinaha–Pakistan,
Shiinaha–Bariga Dhexe,
Shiinaha–Afrika, iyo
Shiinaha–Yurub,

Iyadoo mid ka mid ah tareennadii tijaabada ahaa uu Shanghai iyo London u kala socday 14 cisho oo keliya!

Maadaama danta ugu weyni ay tahay inuu Shiinuhu aduunyada u iib geeyo alaabtiisa, isaguna wixii uu u baahan yahay si sahlan uga keensado dalalka kale, waa inuu helaa dekeddo caalami ah oo u fududeyn kara dhoofinta iyo soo-dejinta badeecadihiisa faraha badan. Waxaa kaloo aalaaba arrimahan ku lammaansan danaha siyaasadeed iyo kuwa istaraatiijiyadeed ee dhex yaalla dowladaha ku loolamaya dhul ka baxsan xuduudda dalalkooda, gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo uu ka dhexeeyo xiniftan xasaasiyad badan oo xilligan aad sii xoogeysanaya, kadib markii Mareykanku dareemey inuu Shiinuhu sidii daadkii dunida ugu fidayo ayna tahay arrin aan indhaha laga qarsan karin!

BAAKISTAN, HINDIYA IYO IRAN: 

Baakistaan oo ka mid ah wadamada jidkani marayo ayaa Shiinaha kaga kireysey dekedda Gwadar lacag dhan $46 bilyan oo dollar muddo 40 sano ah inuu horumariyo uuna adeegsado. Hindiya oo ah dal ay Baakistan iyo Shiinahaba deris la ah, labadabana aysan isku wanaagsaneyn, ayaa dareentey in fursadan iyada la dhaafiyey oo Baakistan loogu roonaaday. Sidaa daraadeed ayey tillaabadani ka xanaajisey dowladda Hindiya oo u aragtey iney Baakistan heli doonto deked caalami ah oo dhextaal u noqon karta ganacsiga aduunka, iyadoo arrintaas ka falcelineysa ayey Hindiyana dhankeeda Iran ka kireysatey dekedda Chabahar  ee dalka Iran oo 72 KM keliya uun u jirta dekedda Gwadar ee dalka Baakistan!

Marka la eego dhanka baaxadda iyo istaraatiijiyadda Gwadar oo kulaaleysa marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz iyo dhiirranaanta Shiinaha oo doonaya inuu gaaro badweynta Hindiya, waxay u muuqataa in Chabahar oo ay Hindiya dooneyso iney ka dhigato –iyadoo dhinac mareysa Baakistan– albaab ay ka gasho dalka aan badda lahayn ee Afghanistan, wadamada bartamaha Aasiya iyo weliba dalka Ruushka, aysan la tartami karin Gwadar. Dekedda Gwadar ayaa la sheegaa iney awood u leedahay iney xawisho 400 (afar boqol) oo malyan oo tan oo xamuul ah (Cargo) ah sanadkii, waxaana lala mataaneyn doonaa sida qorshuhu yahay dekedda Hong Kong ee dhulweynaha Shiinaha, halka dekadda dhinac taalla ee Chabahar ay xamili karto oo keliya 10 (toban) malyan oo tan sanadkii.

Hirgelinta dekeddan ayaa soo gaabin doonta masaafadii aadka u dheereyd ee uu qaadan jirey shidaalka iyo Gaas ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe si uu u gaaro Shiinaha, taas oo ka mid ah ujeedooyinka waaweyn ee Shiinuhu u dhisayo Gwadar maadaama uu yahay wadan warshadaha ku horumaray oo baahi weyn u qaba inuu si fudud ku helo tamarta uu u baahanyahay maalinwalba.

Waxay sidoo kale Hindiya ku hawllantahay hindise ah iney horumariso dekedda Duqm ee dalka Cummaan ee gacanka carabta si ay isugu fidiso marinkaas muhiimka u ah isu socodka caalamka inta uusan Shiinuhu uga hormarin!

Shiinaha ayaa sidoo kale maalgelinaya dekedo dhowr ah oo isla gobolkaas ku yaallo sida Sri lanka, Nepal, Myanmar, Bangledesh. Wuxuu kaloo wadahadal kula jiraa Jibouti oo ah dalka keliya ee uu Shiinuhu ku leeyahay saldhig millateri oo dalkiisa ka baxsan, waana buqcadda uu doonayo inuu ka dhigto albaabkii uu Afrika kasoo geli lahaa. Arrintaan ayaa is tustay afargeeskan ficiltamaya (Chinaha, Pakistan vs Hindiya, Iran) ee labo labada isu raacsan. Waxaa kale oo la filayaa in Geeska Afrika uu noqon doono halka ay isku hardin doonaan Shiinaha iyo Mareykanka oo labadaba ay ka go’antahay inaan laga riixin mandiqadan aadka istaraatiijiga u ah, iyadoo labadooda saldhig ciidan ee Jibouti ku yaalla ay isu muuqdaan, taas oo ah goobta keliya ee millateriga labada dal iyagoo isdiidan isdul keentay!

IMAARAATKA CARABTA IYO GEESKA AFRIKA:

Arrinta dekeddahan dhismaya ayaa walwal weyn ku abuurtay dalka Imaaraatka Carabta oo dhankooda ciddiyo ku dirir u ah si aan gobolka looga helin deked la tartami karta dekedda Jebel Cali ee Dubay. Dowladda Imaaraaatka –oo leh mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dhisa, maalgeliya ama maamula dekeddaha caalamka Dubai Port World (DP World)– ayaa ka walaacsan inuu wiiqmo suuqa ay haysato dekeddiisu, haddii ay dekaddo casri ah ka dhismaan dalalka dhaca labada daan ee badda cas sida (Soomaaliya, Jibouti, Eriteria, Sudan, Masar, Yemen, Sucuudiga iwm).

DP World ayaa hadda maamusha in ka badan 70 dekeddood oo dunida daafeeheeda ku kala yaalla, hase yeeshee badankooda uu ka abuurmay buuq maamul ama tuhun la xiriira inuu jiro damac qarsoon oo ku daaban galka sare ee ganacsi ee ay wadato dowladda Imaaraatka iyo shirkadeeda DP World.

Wadamada Yemen, Senegal, Indonesia,Soomaaliya,  Algeria, Jibouti, Sudan, Masar ikk, ayaa xilliyo kala duwan ka dacwoodey ama erdey ama si uun ay isu qabteen shirkadda DPWorld , iyagoo dowladahaasi u cuskaday ineysan shirkaddani daacad ka ahayn shaqada lugula heshiiyey aysanna kuba ekeyn amuuraha ganacsi ee ay u timid balse ay ku mashquulsan tahay dibindaabyooyin siyaasadeed oo dalalkaasi ka dhan ah.

Imaaraatka oo si xoog leh faraha ulasoo galay Geeska Afrika intii ka dambeysey sanadii 2010 iyo xilliyadii uu curtay wixii loo bixiyey gu’gii carabta ee dhicisoobey,  ayaa calaamadsaday dhowr dekeddood oo uu u arkayey iney istaraatiiji u yihiin ilaalinta danihiisa ganacsi iyo kuwiisa siyaasadeed.

Wadanka Jibuuti oo ku yaal bartilmaameed haboon ayey shirkadda DP World sanado kahor la gashay heshiis maalgelin iyo maamulid dekedda konteennarrada ee Doraleh, bishii lasoo dhaafay ayey Jibuuti laashey heshiiskaas iyadoo ku andacootey inuu yahay mid dhaawacaya qarannimada dalkeeda iyo madaxbannaanidiisa siyaasadeed iyo tiisa dhaqaaleba. DP World oo horey Jibuuti kaga guuleystey dacwad ay qaadday maxkamad London ku taalla ayaa hadana isla maxkamaddii ka furatay dacwad ka dhan ah xukuumadda Jibouti.

Waxay sidoo kale shirkaddan Imaaraatiga ahi heshiis ku qaadatay dekedda Casab ee dalka Eriteria oo Jibuuti ay deris yihiin xurguf horeyna ka dhexeysey. Waxay kaloo  Eriteria ka sameysatey saldhig millateri oo dalalka qaarkood dareen geliyey sida Jibuuti iyo Sudan, tan dambe –Waa Sudane – oo ay DP World horey u hollisey iney ka kireysato dekedda Port Sudan balse ay heshiin waayeen!

Waxaa taas kasii horreeyey eedeymo xoog leh oo imaaraatka loo jeedinayey inuu curyaamiyey dekedda Cadan ee dalka Yemen oo uu muddo hore kula wareegey heshiis waqtigiisu dheeraa, hase yeeshee dib u dhac weyn u geystey dekeddaas istaraatiijiga ah ee magaalada Cadan oo ahayd meel ay shidaalka ka qaataan maraakiibta ka gudbeysa marinka Baabul Mandam, maaddaama Imaaraatku xubin ka yahay xulufada Sucuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen, wey u sahlan tahay inuu siduu rabo ka yeelo dadka dhibaateysan ee rer Yemen!

Lasoco qeybta 2aad, Insha allah.
W/Q: Cabdixakiim Diriye
Email: diiriye303@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sacuudiga oo saddex dal u maraya xalinta khilaafka Somalia iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa ku howlan qorsho ay ku dhex dhexaadineyso Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta oo ku kala tagay eedeyno la xiriira faragalin xad dhaaf ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa xalinta Khilaafka la kaashaneysa Dowlada Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo xiriir dhow uu kala dhexeeyso Somalia, marka loo eego dalalka kale.

Qorshooyinka xalka loogu radinaayo khilaafka ayaa waxaa ku hormaraaya Sacuudiga iyo Ethiopia, waxaana lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan ay wada kulmaan Dhaxal-sugaha boqortooyada sucuudiga Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan, ayaa la filayaa inuu marti galiyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia si ay uga wadahadlaan xal u helida Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Abiy Axmed, ayaa aad usoo dhaweeyay talaabada lagu xalinaayo Khilaafka sii gaamuraaya ee Somalia kala dhexeeya Imaaraadka, wallow Ethiopia qudheeda ay qeyb ka tahay Heshiiska Dekadda Berbera oo uu Khilaafka ka dhashay, inkastoo uu afka juqda gabay.

Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxweynayayaasha Djibouti iyo Kenya oo laga dalban doono inay ku baxaan Khilaafka, waxaana aad loo saadaalinayaa in xal degdeg ah laga gaari doono Khilaafka waa haddii uu kusii socdo qaabka hadda loo raadinaayo xalka.

Qorshaha gu weyn ayaa ah in xal loo raadiyo Khilaafka labada Dowladood oo hakiyay howlo badan oo ka dhexeeyay Dowladaha saaxiibada ah.

Dowladaha Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa horay u sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay difaacato xoriyadeeda, waxa ayna ka digeen faragalin Siyaasadeed oo lagu sameeyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogaan Karin sida ay arrintu noqon doonto waxaana suuragal ah in Dowlada Somalia ay ku qanci weydo hanaanka ay Dowladahaasi xalka ku raadinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fadeexad ka taagan wafti ay DFS u dirtay shirka shaqaalaha adduunka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka furmo shirka shaqaalaha Aduunka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda ILO, ayaa dhinaca kale  waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka dowladda Soomaaliya ay u maamushay wafdiga uga qeybgali doona shirka dhinaca Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada dalka oo xiriir la soo sameeyay Caasimadda Online ayaa sheegay in dowladda federaalku si aan habooneyn u maamushay wafdiga shirkaa uga qeybgali doona Soomaaliya.

Nuqul ka mid ah qoraalka wafdiga Soomaaliya ku matali doona shirka oo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya in marka laga soo tago wafdiga dowladda dhexe ee Soomaaliya Puntland oo kaliya ka qeybgali doonto shirka oo uu ku matali doono Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Agaasimihiisa Wasaaradda sida ku xusan Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo noqonaya kii 107aad ayaa marka guud ahaan la eego dowladdaha ka qeybgali doona waxaa uu qorshuhu yahay in ay ku matalaan Dowlad waliba Saddex qeybood oo kale ah wafdi ka socda Dowladda, Shaqaalaha iyo loo Shaqeeyayaasha oo qeyb-walba ay tahay in ay iyaga iska soo dhax xulaan wakiilada shirka ku matalaya.

Laakiin dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa muuqaneysa in ay iyadu soo xushay wafdiga ka qeybgali doona shirweynaha oo u muuqada kuwa aan waafaqsaneyn nidaamka u degsan kulanka.

Qofka kaliya ee dumarka ah ee dhinaca Soomaaliya shirka uga qeybgali doona ayaa ah sida ku cad Qoraalka Faadumo Cabdullaahi Maxamed oo ah Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Geneva.

Mas’uuliyiintan ka tirsan dowlad gobolleedyada ee Caasimadda Online la soo xiriiray ayaa sheegay in arintan lagu tilmaami karo musuq-maasuq weyn oo dowladda dhexe ay ku sameysay ka qebgalka shirka madaama aan la siin dowlad gobolleedyada iyo Ururrada kale ee kulankani quseeyo mudnaantii ay lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka ugu danbeysa wax cod ah ku yeelan doonin dooddaha iyo Ajandayaasha shirka, taasoo ka dhiggan in kulan-weynaha ka furmi doona Geneva muhiimad gaar ah u yeelan doonin Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Madaxtooyada Punltnad ee Magaalada Garoowe ayaa sheegayo inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey.

Khilaafka labadaan Mas’uul ayaa kasoo bilowday markii ay Baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad leh ugu coddeeyeen in dalka laga mamnuucay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa taageero weyn u muujiyey go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya dalka uga mamnuucay shirkaddaas, waxayna arrintaas keentay inuu dilaaco khilaaf u dhaxeeyo isaga iyo Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa dhankiisa taageero u muujiyey shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta, isagoo si weyn uga hor imaaday go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isku dayey inuu soo saaro waraaq uu kaga hor imaanayo go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkaddaas, balse waxaa go’aankiisa in waraaq loo badalo ka hor imaaday madaxweyne ku xigeenka Camey iyo qaar badan oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeedo Sool, Cayn iyo Barri.

Markii uu Gaas ku guuldareystay inuu soo saaro waraaq isaga iyo Golaha Wasiirada, wuxuu qaaday tallaabooyin kale oo uu Imaaraadka ugu muujinayo inuu taageersan, waxaana tallaabooyinkaas qeyb ka ahaa safarkii uu Imaaraadka Carabta ku tagay iyo khudbaddii uu halkaas ka jeediyey.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagu eedeeyaa inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna marar badan taageeray go’aano kasoo baxay Villa Somalia.

Khilaafka labadaan Mas’uul ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Shaqada Maamulka Puntland, waxaana gebi ahaanba gaabis noqday shaqada madaxtooyada Garoowe kadib markii uu soo xaadiri waayey Camey.

Camey ayaa kasoo muuqan waayey kulamadii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirada ee uu shir guddoominayey Cabdiweli Gaas, waxayna arrintaan banaanka soo dhigtay Khilaafka labada Mas’uul.

Labada Mas’uul ayaa kaliya iska kaashaaday tan iyo markii Khilaafkaas soo baxay dagaalka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somalialand taasoo ay mowqif ahaan ka siman yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Sacuudiga oo aad looga hadal hayo arrin ka dhacday masjidka xaramka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay beejka wakaaladda wararka SPA ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inuu soo dhacay mid ka mid ah Wiishashka Masjidka Xaramka ee Maka al-Mukarama.

Wiishka oo aad u weynaa ayaan geysan wax khasaaro sidaa usii weyn, waxa uuna kusoo dhacay goob faaruq ah oo markaa ay mareen dad bada.

Wiishkan ayaa ku dhacay meel ka durugsan Dhagaxa Madoow ee kacbada, waxaana xilligaas goobta Dhagaxa Madoow ku sugnaa dad aad u farabadan.

Gudaha masjidka ayaa waxaa ka dhex socda dhismo ay wado Dowladda Sucuudiga kaa oo lagu casriyeynayo Masaajidka.

Saraakiisha Masaajidka ayaa sheegay in sababta uu wiishka u soo dhacay ay ahayd Xamuul badan oo uu u waday qeybta sare oo uu dhisme ka socday.

Waxa ay aheyd 2015-kii markii Wiish soo dumay waxaa ku dhintay 107 Xaaji,waxaana ku dhaawacmay 230 Xaaji, waxaana xilligaas Sharikadda Dhismaha ee Bin Laden joojisay dhismihii masaajidka muddo 2 Sao ah.

Amaro aan caadi aheyn oo lagu soo rogay ajaaniibta ku sugan mid kamid ah gobollada dalka Somalia

Afgooye (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay Wasaarada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa la duldhigay dhammaan Ajaaniibta ka howlgasha deegaanada maamulka.

Amarka kasoo baxay Wasaarada ayaa waxa uu si toosa ugu socdaa ajaanibta ka shaqeysa Hay`adaha ka howgalo deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo laga dalbaday in ay isdiiwaan geliyaan.

Wasiirka Wasaarada amniga ee Koofur Galbeed oo soo saaray amarka ayaa sheegay inay muhiim tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka Ajaaniibta, sidaa aawgeed laga doonaayo inay isdiiwaan galiyaan.

Waxa uu Wasiirka amarkiisa ku sheegay in diiwaan galinta ay kor u qaadeyso in lala socdo xaalada guud iyo tan amniyeen ee Ajaaniibta.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay ka warqabaan ajaanibta ku sugan deegaanada maamulkaas maadaama ayuu yiri magaalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u shaqeyneysay hay`adda Laan kheyrta Cas ee ICRC una dhalatay dalka Jarmalka.

Amarka Wasiirka Wasaarada amniga ee Koofur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka ay ku sugan yihiin ajaanib fara badan kuwaas oo aan la ogeyn inta ay la egyihiin tiradooda.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Tukaraq oo ay ka dhaceen dagaallo culus

Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Tukaraq ayaa sheegayo inay dagan tahay isla markaasna ay istaageen isku socodkii ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kadib markii uu halkaas ka da’ay roob aad u wey.

Roobabka ayaa keenay inay xirmaan dhammaan jidadka Magaaladaas, waxaana weli la dareemayaa inay Magaalada taha mid ku jirto xaalad colaadeed.

Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay inay ku jiraan xaalad diyaar garow dagaal isla markaasna ay la wareegi doonaan magaaladaas iyo meelo kale oo ay sheegeen inay kamid yihiin Puntland.

Sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa iyadana ku dhawaaqday inay difaacan doonto xuduudaheeda, waxayna sheegeyn inay diyaar u yihiin dagaal kasta oo uga imaado Maamulka Puntland.

Labada Maamul ayaa saxaafadda isku dhaafsanayey maalmihii ugu dambeeyey hadalo kulul, wuxuuna mid kale sheegayey in isaga lagu soo duulay isla markaasna ay magaaladaas hoos timaado Maamulkiisa.

Waxaa Magaaladaas iyo meelaha u dhow dhow laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana daqiiqad kasta la filan karaa dagaal, maadaama ay weli is hor fadhiyaan labadii ciidan ee dagaalmay.

Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa labadaba ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Tukaraq, waxayna dalbadeen in wax kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xuutiyiinta Yemen oo mar kale gantaalo ku garaacay dalka Sacuudiga

Riyadh (Caasimadda Online) – Ciidamada difaaca Cirka ee Sacuudiga ayaa Isniinta Maanta ah ka hor tagay Gentaal nooca Balaatigga ah oo ay ku weerareen dagaal yahannada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen, sida laga soo xigtay Ilo ku dhow isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Gentaalkan oo laga tuuray Waqooyiga Gobolka Sacda ayaa waxaa Hawada ku bur-buriyay Ciidamada difaaca Cirka ee ku sugan Gobolka Jizaan ee Koofurta Dalka Sacuudi Carabiya.

Telefishinka ku hadla Afka Xuutiyiinta Yemen ee Al-Masira ,ayaa xaqiijiyay in Gentaal ay ku tuureen Garoonka Diyaaradaha Jizan ee koonfurta Sacuudi Carabiya uu halkaasi ku dhacay, waloow anan la sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay.

Gentaalkan ay Sacuudiga ku weerareen Xuutiyiinta ka dagaallama Dalka Yemen ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ay ku tuuraan inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xus loo sameeyey sanad guuradii 25-aad ee howlgalkii Australia ee dalka Somalia

Lone Park Barracks (Caasimadda Online) – Dowladda Australia ayaa u dabaaldagtay sanadguuradii 25-aad ee kasoo wareegatay howgalkii UNISOM ee laga fuliyey dalka Soomaaliya.

Xafladda ka dhacday duleedka Magaalada Lone Park Barracks dalka Australia ayaa lagu xusay sanadguuradii kasoo wareegtay howgalkaas oo ay qeyb ka aheyd wadamadii ka qeybgalay.

WO1 Hodges oo ahaa afhayeenkii ciidamadii ay Australia u dirtay howgalkii UNISOM ayaa sheegay inay howlgalkaas uga qeybgaleen ilaa 990 qof, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya gaareen May 13, 1993..

Afhayeenka ayaa tibaaxay inay Soomaaliya xilligaas ka jirtay abaar iyo gaajo aad u daran oo keentay inay dhintaan ilaa 300,000 qof oo Soomaali ah.

Wuxuu tilmaamay inay shaqo fiican kasoo qabteen Soomaaliya isla markaasna ay badbaadiyeen dad badan oo gaajo u dhiman lahaa sidau u hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inay ciidamadooda ka qeyb qaateen sidii hey’adaha gargaarka loogu ogolaan lahaa inay dadka dhibaateysan gaarsiiyaan gargaarka bini’aadanimo oo dhinac walba ah.

” Soomaaliya waxaa u tagnay sidii aan u badbaadin laheyn dad badan oo dhibaateysnaa, Inkastoo ay dad badan gaajo u dhinteen, haddana khibrad badan ayaan kasoo helnay howlgalkaas” ayuu yiri afhayeenka.

Faahfaahin ku saabsan madaxweyne Erdogan oo ka badbaaday isku day dil oo loo qorsheeyey

Ankara (Caasimadda Online) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Turkiga uu ka badbaaday isku day dil xilli uu socdaal ku marayay wadanka Boosnia ee dhaca Mandiqadda Albulqaad qaaradda Yurub.

Sirdoonka guud ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay baarayaan wararka laysla dhaxmarayo ee sheegaya in sirdoonno caalami ah ay qorsheeyeen dilka Erdogaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxo katirsan Mucaaradka Turkiga oo kaashanaya sirdoonka Yahuudda ay maleegeen qorshe lagu khaarijin lahaa Rajeb Erdogaan xilli uu ku sugnaa magaalada Sarajevo oo ah caasimadda wadanka Bosnia.

Jaaliyadda Turkiga ee wadanka Maqdooniya ayaa sirdoonka Turkiga gaarsiisay in lamaleegayo isku day dil oo ka dhan ah Erdogaan, war kasoo baxay sirdoonka Turkiga ayaa lagu sheegay in sirdoonno reergalbeedka ay soo gaarsiiyeen in kooxo Turki ah isku diyaariyeen fulinta isku day dil oo ka dhan ah madaxweynaha Turkiga.

illaa iyo hadda wardoonka dowladda Turkiga uma suurtagelin in ay xadidaan heybta iyo halka ay ku suganyihiin kooxaha dilka geysan rabay oo katirsan Jamaacada Fataxullaah Gooleyn sida uu faafiyay wargeyska Bin Shafiiq ee kasoo baxa magaalada Ankara.

Warbaahinta taageerta xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa maamulka Yahuudda (Israa’iil) ku eedeeyay in uu gacan ka geystay qorshaha lagu dili lahaa Erdogaan.

Bartamihii sanaddii 2016 wadanka Turkiga waxaa ka dhacay inqilaab melleteri oo ladoonayay in lagu maja xaabiyo Erdogaan oo xilligaas ahaa R/wasaare balse isku daygaas ayaa si lamafilaan ah u fashilmay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay isbitaalada danta guud ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda samafalka ee Hormuud Foundation ayaa Raashin iyo lacago caddaan ah waxay ay gaarsiisay Isbitaalada Danta guud (Dowliga ah) ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Hormuud Foundation ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir gaarsiisay deeqo isugu jirto Shidaal iyo Raashin taasoo lagu wareejiyey Maamulka Isbitaalka.

Sidoo kale Hormuud Foundation ayaa deeqo lacageed gaarsiisay Isbitaallada Madiino, Dayniile,  Keysaney iyo Laasareeti waxaana bukaan kasta oo Isbitaaladaas  ku jiro la siiyey lacag dhan $100 (Boqol Dollar) sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation.

” Sida aad ka arkeysaan gadaasheeda, waxaan Isbitaalka Banaadir soo gaarsiinay raashin isugu jiro Bariis, Bur, Sonkor, Saliid, Caleen Shaah iyo Timir, sidoo kale waxaan soo gaarsiinay Shidaal booyad ah” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan.

Sidoo kale Cabdullaahi Nuur ayaa ka dhawaajiyey in Isbitaalada kala ah Madiino, Dayniile,  Keysaney iyo Laasareeti la gaarsiisay gargaar lacageed.

” Waxaan dhammaan bukaanada ku jiro Isbitaaladaan Alle uga baryayaa inuu Caafiyo isla markaasna uu u barakeeyo deeqda aan soo gaarsiinay, waxaana Madaxda Isbitaalada ka rajeeneynaa inay sii laba jibaaraan adeegga ay Bulshada u hayaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Nuur.

Agaasimaha Isbitaalada Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ka mahad celiyey deeqdaan la gaarsiiyey Bukaannada ku jira Isbitaalka wuxuuna yiri;

” Hormuud waligeed ay sameyn jirtay sidaan, abaal weyna waan u heynaa, Jazaakal Allah, waan idinka guddoonay, mar kasta ayey caawisaa dadka dhibaateysan ee isbitaalada ku jira weliba marka lagu jiro xaaladahaan oo kale” .

Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud ee Magaalada Muqdisho ku yaal ayaa kusoo aadeyso xilli ay asbuucii hore deeq isugu jirta Raashin iyo xoolo nool ay gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Naafada ciidamada Xoogga ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkadda Hormuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed mar kasta garab taagan, waxayna kala qeyb qaadataa xaalad kasta oo soo kororto, waxayna aheyd maalmo ka hor markii ay 100 Kun oo Dollar ay ugu deeqday dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha Magaalada Beled Weyne.

Soomaaliya oo dalbatay $80 million oo wax looga qabanayo arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Xarunta QM ee UN News Center waxay QM iyo DFS si wadajir ah u soo saareen Codsigaasi, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaarsiiyo Kharajkaasi oo wax loogu qabanayo dadka Soomaalida ee ku barakacay Daadadkii dhawaan ka dhacay  qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa qeylo-dhaan u diray beesha caalamka, iyaga oo codsaday lacag dhan $80 million oo deg-deg ah, si wax looga qabto fatahaadda ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

OCHA waxaa ay sheegeysaa in roobab da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah. Fatahaadaha waxaa ay geysteen khasaare naf iyo maal leh, barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale taas oo la sheegayo inay uga sii darday dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Dadka wax ku noqday waxaa ay heys’adda  OCHA ku qiyaastay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof.

Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada waxaa ay sheegayaan in aaney isku halleyn karin lacagtii $1.5 billion ee laga sugayey beesha caalamka sanadkan.

Peter de Clercq, oo UNka u qaabilsan arrimaha banii’aadnimada waxaa uu sheegayaa in loo baahanyahay xal waara iyo u adkeysi la xiriira arrimaha isbadalka hawada iyo cimillada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Safiirka Kenya ee Somalia oo shaaciyay tirada dadka Kenya ee ku nool Somalia 

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Somalia Mr Lucas Tumbo ayaa shaaca ka qaaday inay helayaan macluumaad muujinaaya in Kenyaanka ugu badan ee qaxooti ah ku noolyihiin Somalia.

Danjire Lucas Tumbo, waxa uu sheegay inay xaqiiqsadeen in Kenyaanka ugu badan ee ku nool dal African ah ay yihiin kuwo ku dhex nool Somalia, kuwaa oo uu cadeeyay inay Somalia u joogan shaqooyin kala duwan.

Waxa uu Mr Lucas Tumbo tilmaamay in qurbojoogta ugu badan ee Kenyanka ah ee jooga Somalia ay yihiin kuwo xoogsato ah, halka qaarna ay yihiin Ganacsato.

Mr Lucas Tumbo oo ah Danjiraha ayaa sheegay in qurbojoog Kenyaanka ah ee joogta Somalia tirro ahaan ay kor u dhaafeyso 35,000 qof.

Danjiraha waxa uu carab dhabay in qurbajoogta Kenyaanka ah ee ku nool Somalia ay yihiin kuwo ku kala nool “18,000 waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,000 Jubaland iyo 3,000 oo ku nool Muqdisho iyo weliba deegaano kale,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Mr Lucas Tumbo ayaa cadeeyay in ka Safaarad ahaan ay kawarqabaan dhammaan muwaadiniintaasi, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu kala dhexeeyo xiriir.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Lucas Tumbo ayaa Dowlada Somalia uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweysay Muwaadiniinta Kenyaanka ah, isagoo cadeeyay in Somalia iyo Kenya ay yihiin kuwo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorshaha ciidanka Kenya looga saarayo Somalia oo uu war ku soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Guddi ka shaqeyn doona sida ciidamadiisa looga saari lahaa dalka Somalia.

Guddiga uu magacaabi doono Madaxweyne Kenyatta ayaa ka koobnaan doona Khubaro ciidan iyo caawiyayaal laga soo dhex xuli doono aqalka looga arrimiyo dalkaas.

Khubarada dhanka ciidan ee qeybta ka noqon doona Guddiga ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Saraakiil iminka qeyb ka ah Taliska AMISOM qeybtiisa Somalia.

Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa sheegay inay aqbali doonaan talaabo waliba oo laga maarmi waayo, waxa uuna carab dhabay inay ixtiraami doonaan go’aan kasoo baxay Golaha Amaanka QM ee soo saaray xiliga ciidamada Kenya laga saarayo Somalia.

Qaramadda Midoobey ayaa shaacisay in Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya in ay dalkooda dib ugu laaban doonaan,islamarkaana arintaasi ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa qorsheynaya in ay ka baxaan Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in laba sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay dalkooda iyo Xuduudooda ay dib ugu laabtaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shariif Xasan oo gobolka Sh/hoose u magacaabay guddoomiye cusub

Afgooye (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada magacaabista oo soo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo laga qaaday xilka u magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

C/raxmaan Cirro “Muuse Biixi waxa uu Somaliland ku hoggaamiyey colaad”

Hargeysa(Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday inuu fashil kusii si qaayo Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi.

Cirro, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu saaxada Somaliland lasoo galay colaad abuur waxa uuna ku baaqay inuu ka fiirsado talaabooyinka uu qaadayo.

Guddoomiye Cirro, waxa uu tilmaamay in waayadaani ay la fajacsanaayen go’aanka uu maamulka talada hayo ilaha dhaqaale ugu gacan galiyay Dowlada Imaaraadka, iyadoo taa ay iminka usii raacday in dhalinyarada dhiigooda lagu daadiyo dagaal.

Maamulka uu horboodayo Muuse Biixi ayuu sheegay inaanu laheyn muuqaal dhameysankara mudada uga harsan wakhtiga, sababo la xiriira ad adeeg iyo in culeysyo aan horay u jirin lasaaro shacabka oo marba mid la dhigaayo Jeelka.

“Anigu waxa muuqda un’baan sheegayaa waxaan oran lahaa Biixi haka shaqeeyo danaha guud, Somaliland uma baahna colaad iyo in ilaha dhaqaale la hoos geeyo dalal shisheeye”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay inaanu arag latashiyada maamulka Muuse Biixi, waxa uuna cadeeyay in xiligan Somaliland ay u baahan tahay keliya in masiirka lagala tashto waxgaradka.

Sidoo kale, Cirro ayaa ku taliyay in maamulka Muuse Biixi uu la imaado isbedel dhanka habdhaqanka ah, waxa uuna carab dhabay inaanu awood lagu maamuli Karin Somaliland.

Haddalka Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu dagaal kula jiro maamulka Puntland, halka waxgaradka deegaanada Somaliland loo xiro xoriyatul qoolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxaa ka jira in gudoonka sare ee BF uu caqabad ku yahay shaqooyinka BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro.

‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la  isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’

‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’

Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo is hortaagtay wasiirka gaashandhigga Somaliland iyo ciidamo gudaha u gali lahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu is hortaag ku sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf iyo Ciidamo uu watay.

Maamulka Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan ee Gobolkaasi Sanaag, waxaana lasoo sheegayaa inay u dhigteen jid gooyooyin lama gudbaan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed ee loo diiday inuu galo Magalada Badhan, ayaa maalmahaani ku sugnaa magaalada Hadaaftimo, halkaa oo uu kulamo kula qaadanaayay Saraakiisha iyo waxgaradka deegaanka.

Ciidamada Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan, waxaana halkaa ka dhacay israsaaseyn muddo kooban soctay oo u dhexeysay ciidamada Puntland iyo Ilaalada Wasiirka gaashandhiga Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed, ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Magalada Badhan oo loo diiday gali taankeeda.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku adkeysanaaya in uusan Magaaladaas geli Karin, Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ka cabsi qabta in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland uu abaabul Dagaal ka sameeyo Magalada Badhan, waana sababta loogu diiday galitaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykan mise Soomaali?, Janaayo mise December?: Arrin yaab ah oo wiil Somali ah ku haysata Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay Soomaaliya u masaafuriso nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi, hase yeeshee waxaa hortaagan hal xujo, oo ah in Cali uu sheeganayo inuu yahay Mareykan.

Kiiskiisa ayaa waxaa jahwareeriyey waqtiga uu dhashay. Cali waxaa u qoran inuu dhashay 1-da Janaayo, 1985, sida Soomaali badan oo Mareykanka degan, loo qoondeeyey markii loo soo qaadayey qaxooti ahaan. Hase yeeshee aabihiis Maxamed Salayman ayaa ku dooday inuu dhashay December 24, 1985.

Cali ayaa waxaa lagu qabtay doroogo iyo dambiyo kale sanado badan ka hor, waxaana dowladda Mareykanka u furan inay masaafuriyaan maadaama uusan ahayn Mareykan.

Hase yeeshe, Cali ayaa ku dooday inuu ahaa Mareykan marka uu dambiga galay. Sharciga Mareykanka ayaa qofka si toos ah Mareykan uga dhigaya marka waalidkiisa qaataan dhalashada, hadduu ka yaryahay 18 sano.

Marka aaibihiis Maxamed Salayman uu qaatay dhalashada, Cali wuxuu ahaa 18 jir, sida ku cad sharcigiisa Mareykanka, hase yeeshee wuxuu ku dooday dhalashada 1-da Janaayo inay tahay mid aan jirin, oo uu dhashay December 24 1985, sidaas darteedna uu ahaa 17 jir, uuna si toos u noqonayo Mareykan.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dooday in warqad dhalasho oo uu soo bandhigay ay ka buuxaan qaladaad xagga English-ka. Sidoo kale waxa warqadda ku saxiixan Cali Xaaji Muuse. Hase yeeshee, dowladda ayaa soo bandhigtay in 1985, duqa magaalada Muqdisho uusan ahayn Cali Xaaji Muuse.

Kiiska oo maxkamad la isla tagey, ayaa waxaa ku guuleystay Cali, hase yeeshee dowladd Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay.

Dhibaatada dhalashada beenta ah, ayaa waxa ay haysataa Soomaali badan oo qurbaha ku nool, oo mararka qaar xitaa saameysay caafimaad ahaan, maadaama loo qoro dawo aan ku habbooneyn da’dooda.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]