26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shariif Xasan oo gobolka Sh/hoose u magacaabay guddoomiye cusub

Afgooye (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada magacaabista oo soo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo laga qaaday xilka u magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

C/raxmaan Cirro “Muuse Biixi waxa uu Somaliland ku hoggaamiyey colaad”

Hargeysa(Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday inuu fashil kusii si qaayo Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi.

Cirro, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu saaxada Somaliland lasoo galay colaad abuur waxa uuna ku baaqay inuu ka fiirsado talaabooyinka uu qaadayo.

Guddoomiye Cirro, waxa uu tilmaamay in waayadaani ay la fajacsanaayen go’aanka uu maamulka talada hayo ilaha dhaqaale ugu gacan galiyay Dowlada Imaaraadka, iyadoo taa ay iminka usii raacday in dhalinyarada dhiigooda lagu daadiyo dagaal.

Maamulka uu horboodayo Muuse Biixi ayuu sheegay inaanu laheyn muuqaal dhameysankara mudada uga harsan wakhtiga, sababo la xiriira ad adeeg iyo in culeysyo aan horay u jirin lasaaro shacabka oo marba mid la dhigaayo Jeelka.

“Anigu waxa muuqda un’baan sheegayaa waxaan oran lahaa Biixi haka shaqeeyo danaha guud, Somaliland uma baahna colaad iyo in ilaha dhaqaale la hoos geeyo dalal shisheeye”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay inaanu arag latashiyada maamulka Muuse Biixi, waxa uuna cadeeyay in xiligan Somaliland ay u baahan tahay keliya in masiirka lagala tashto waxgaradka.

Sidoo kale, Cirro ayaa ku taliyay in maamulka Muuse Biixi uu la imaado isbedel dhanka habdhaqanka ah, waxa uuna carab dhabay inaanu awood lagu maamuli Karin Somaliland.

Haddalka Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu dagaal kula jiro maamulka Puntland, halka waxgaradka deegaanada Somaliland loo xiro xoriyatul qoolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxaa ka jira in gudoonka sare ee BF uu caqabad ku yahay shaqooyinka BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro.

‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la  isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’

‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’

Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo is hortaagtay wasiirka gaashandhigga Somaliland iyo ciidamo gudaha u gali lahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu is hortaag ku sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf iyo Ciidamo uu watay.

Maamulka Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan ee Gobolkaasi Sanaag, waxaana lasoo sheegayaa inay u dhigteen jid gooyooyin lama gudbaan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed ee loo diiday inuu galo Magalada Badhan, ayaa maalmahaani ku sugnaa magaalada Hadaaftimo, halkaa oo uu kulamo kula qaadanaayay Saraakiisha iyo waxgaradka deegaanka.

Ciidamada Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan, waxaana halkaa ka dhacay israsaaseyn muddo kooban soctay oo u dhexeysay ciidamada Puntland iyo Ilaalada Wasiirka gaashandhiga Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed, ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Magalada Badhan oo loo diiday gali taankeeda.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku adkeysanaaya in uusan Magaaladaas geli Karin, Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ka cabsi qabta in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland uu abaabul Dagaal ka sameeyo Magalada Badhan, waana sababta loogu diiday galitaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykan mise Soomaali?, Janaayo mise December?: Arrin yaab ah oo wiil Somali ah ku haysata Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay Soomaaliya u masaafuriso nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi, hase yeeshee waxaa hortaagan hal xujo, oo ah in Cali uu sheeganayo inuu yahay Mareykan.

Kiiskiisa ayaa waxaa jahwareeriyey waqtiga uu dhashay. Cali waxaa u qoran inuu dhashay 1-da Janaayo, 1985, sida Soomaali badan oo Mareykanka degan, loo qoondeeyey markii loo soo qaadayey qaxooti ahaan. Hase yeeshee aabihiis Maxamed Salayman ayaa ku dooday inuu dhashay December 24, 1985.

Cali ayaa waxaa lagu qabtay doroogo iyo dambiyo kale sanado badan ka hor, waxaana dowladda Mareykanka u furan inay masaafuriyaan maadaama uusan ahayn Mareykan.

Hase yeeshe, Cali ayaa ku dooday inuu ahaa Mareykan marka uu dambiga galay. Sharciga Mareykanka ayaa qofka si toos ah Mareykan uga dhigaya marka waalidkiisa qaataan dhalashada, hadduu ka yaryahay 18 sano.

Marka aaibihiis Maxamed Salayman uu qaatay dhalashada, Cali wuxuu ahaa 18 jir, sida ku cad sharcigiisa Mareykanka, hase yeeshee wuxuu ku dooday dhalashada 1-da Janaayo inay tahay mid aan jirin, oo uu dhashay December 24 1985, sidaas darteedna uu ahaa 17 jir, uuna si toos u noqonayo Mareykan.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dooday in warqad dhalasho oo uu soo bandhigay ay ka buuxaan qaladaad xagga English-ka. Sidoo kale waxa warqadda ku saxiixan Cali Xaaji Muuse. Hase yeeshee, dowladda ayaa soo bandhigtay in 1985, duqa magaalada Muqdisho uusan ahayn Cali Xaaji Muuse.

Kiiska oo maxkamad la isla tagey, ayaa waxaa ku guuleystay Cali, hase yeeshee dowladd Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay.

Dhibaatada dhalashada beenta ah, ayaa waxa ay haysataa Soomaali badan oo qurbaha ku nool, oo mararka qaar xitaa saameysay caafimaad ahaan, maadaama loo qoro dawo aan ku habbooneyn da’dooda.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

 

Qatar oo Trump u qaaday tallaabo ay kaga adkaaan karto xulufada Sacuudiga

New York (Caasimada Online) – Shirkad ay leeyihiin qoyska Jared Kushner, oo ah wiilka qaba gabadha madaxweyne Trump, ayaa ku dhow inay heshiis la gaaraan shirkad xiriir la leh dowladda Qatar, taasi oo Qatar ka caawin karta xiriir dhow oo ay la yeelato aqalka cad.

Heshiiskan ayaa qoyska Kushner ka caawin doona in la badbaadiyo sar dheer oo ay ku leyihiin magaalada New York, oo wajaheysa xaalad dhaqaale xumo, una baahan lacag deg deg ah.

Jared Kushner aabihiis, oo lagu magacaabo Charles Kushner, ayaa wada-hadal kula jira shirkadda Brookfield Properties, si ay ula wareegto maamulka sar ka kooban 41 dabaq oo ku taalla adress-ka 666, Fifth Avenue ee bartamaha magaalada New York.

Shirkadda Bookfield Properties ayaa laga leeyahay dalka Canada, hase yeeshee waxaa maal-geliya hay’adda boqortooyada Qatar ee Qatar Investment Authority.

Daarta ay leeyihiin qoyska Kushner ayaa ay ku iibsadeen 1.8 bilyan oo dollar 11 sano ka hor, hase yeeshee wa ay soo saari weysay lacag u dhow qiimaheeda, waxaana 30% tahay mid banaan oo cidna aysan kireysan. Waxaysan sidoo kale awoodin inay bixiso lacagta billaha ah ee laga rabo, maadaama lagu iibsaday deyn bil kasta la gudayo.

Haddii dowladda Qatar ay bad-baadiso, waxay ka caawin doonta xiriirka Trump oo la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka, markii ay xiisadda khaliijka billaabatay.

Horey ayay Qatar u dooneysay inay sartan bad-baadiso, hase yeeshee waa ay ka baxday, waxaana la rumeysan yahayn in sababta Trump ula saftay xulafada Sacuudiga ay arrintan la xiriirto.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

 

Wararkii ugu dambeeyey roobab dabeyla wata oo ka da’ay Boorama iyo dad badan oo ku naf waayey

Boorame (Caasimadda Onli9ne) – Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay dhinteen 15 ruux kaddib roobab wata dabley xooggan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

Dadka dhintay ayuu sheegay guddoomiyaha in intooda badan ay ku sugnaayeen deegaannada Lughaya iyo Baki oo ka wada tirsan isla gobolka Awdal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan deegaano kale oo ay ka da`een Roobabka xoogan weaxaana degmooyinkaas ka mid Lughaya iyo Baki.

Waxaa kaloo jira sida guddoomiyuhu uu tilmaamay in dhibaato intaas ka badan ay geysteen oo daadadka ay burburiyeen guryo badan sidoo kalane ay ku dhinteen Xoolo badan.

Waxaa soconaya gurmad ay wadaan Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo haatan la bilaabay in gargaar la gaarsiiyay dadweynaha khasaaruhu ka soo gaaray roobabka iyo daadadka.

Roobabka ayaa sidoo kale laga soo sheegaya in ay wax yeelo ka geysteen deegaanno ka tirsan Puntland oo ay ku dileen dad iyo xoolaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somalia oo jawaab cad ka bixisay hadal ka soo yeeray Kenya oo badda la xiriira

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka arimaha dibada Xukumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasaarada arimaha dibada Kenya, kaas oo tilmaamayay in uu bilowday wadahadal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kuna aadan muranka Badda ee u dhaxeeya labada dowladood.

Wasiir Cawad ayaa sheegayinaanu jirin wax wadahadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inuuusanjirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxkamadda racfaanka Somaliland oo xukun cusub ku riday Boqor Buurmadow

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay Saddex sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Boqor Buurmadow ayaa horay Maxkamadu waxa ay ugu ridday Xukun 5 Sano ah balse uu racfaan ka qaatay basle maalmihii lasoo dhaafay ay socotay qaadida dacwada kiiskiisa,ugu dambeyna Maanta lasoo gaba gabeeyey.

Maxkamada rac-faanka ee Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ogolaatay racfaan uu xukun Shan sano ahaa ay horey ugu riday maxkamada ciqaabta Boqor Cusmaan Aw Maxmuud oo si wayn loogu yaqaan Boqor Buur-madow.

Boqorka ayaa waxaa lagu xukumay Shanta sano bishii Abriil ee sanadkaan 2018, gaara ahaan 26-keeda, iyadoona xukunkaas uu dhaliyay Khilaaf masuuliyiinta Somailand dhex-diisa ah, maadaama madaxda ay isku beesha ahaayeen boqorka ay ka gadoodaan.

Ugu dambeyn, Rac-faan uu ka qaatay xukunka lagu riday ayaa waxay maxkamadu ay mar kale ku xukuntay Boqorka saddex sano oo xabsi ah, sida ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Rac-faanka ee maamulka Somaliland.

Boqor Buur-madow ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laguna xukumay inuu ka been abuurta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu ka qayb-galay Caleemasaarka Ugaaska Beel-daaje iyo waliba dacaayad ka dhan Somaliland.

Boqor Buur Madow ayaa Maxkamada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex waxa ay ku ridday xukun 3 Sanno ah taas oo meesha ka saareysaa xukunkii hore ee ahaa 5 sanno.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo jawaab kulul kasoo saartay eedeyntii yaabka lahayd ee Puntland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal shalay kasoo yeeray maamulka Puntland ,kaasoo ahaa in Somaliland ay taageero siiso Ururka Daacish ee ka dagaallama degaanada maamulka Puntland.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Puntland ayay ku sheegeen in aysan jirin xiriir ka dhaxeeya Somaliland iyo sidoo kale kooxda Daacish.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Wasiirrada Maamulka Somailand,madaxweynayaashii hore ee Somaliland soo maray qaarkood iyo xubno kale.

Kulanka kaddib ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in Somaliland ay difaacaneyso dhulkeeda islamarkaana dagaalkii 15kii Bishan ka dhacay Tukarraq uu ahaa duullaan lagu qaaday dhulka Somaliland.

Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa isku raacay in ay difaacaan dhulkooda,islamarkaana ay gaaraan Xuduudii ay horay u sheegeen in ay leeyihiin.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii shalay kulan aan Caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Puntland lagu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Somaliland.

Waxaa ay Somaliland sheegtay in aysan jirin eedda Puntland islamarkaana  uu caalamka Somaliland ku yaqaanno in aysan taageerin waxa loogu yeero argagixisada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Roobab xanibay waddooyinka Muqdisho oo ka da’ay magaalada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay Roob xooggan oo muddo socday kaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.

Gugaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho waana Roob siweyn loo wada sugayay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleyl daran balse saaka Jawiga magaalada waa mid Qabow ah waxaana wadooyinka qaar fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da’ay magaalada.

Biyaha Xareedda ayaa jaray waddooyinka laamiga ah iyo kuwa Jid cadayaasha ah waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka dadweynaha waxaana maanta xiran suuqyada waaweyn ee gobolka Banaadir iyo Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, degmada Xamar Weyne waxaa dumay mid kamida guryaha qadiimiga ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa lasoo sheegayaa in Roobabku ay dileen carruur ku sugnaa guryaha cooshadaha ka sameysan oo ay deganyihiin dadka Barakacayaasha ah.

PUNTLAND oo iclaamisay dagaal muddo fog socon doona (Yey la galaysaa?)

Garoowe (Caasimada Online) – Gollaha Wasiiradda ee dowladda Puntland ayaa shalay yeeshay shir aan caadi ahayn, kaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka Sool iyo dagaalkii 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa laga soo saarey markii uu soo idlaaday War Saxaafadeed lagu shaaciyay in Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal waqti dheer socon doono oo ka dhan ah Somaliland.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan dagaal sida la sheegay lagu xureynayo deegaanada ka maqan Puntland, ee ku jira gacanta maamulka Somaliland.

Go’aanka kasoo baxay Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii xalay uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in maamulkiisa uusan duulaan ku ahayn Garoowe.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA

Isha: Garowe Online

Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay hadallada Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland.

Xasan Sheekh ayaa ka codsaday madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland inaysan colaada Tukaraq sii hurinaya isla markaana hadalada xanafta leh oo ay jeedinayaa masuuliyiinta joojiyaan.

“Waxaan kaloo ka codsanayaa madaxda maamulada inay joojiyaan hadalada xanafta leh oo ay warbaahintu isku marinayaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa inuu soo xoogeysto dagaalka. Sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka uusan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed hiig-sanaayo, waxaana uu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso inay si deg deg u joojiyaan dagaalka, maadaama uu dib u dhac u keenayo dalka sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa coladada gaamurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland inay xushmeeyaan bisha ramadaan oo ah bil barakeysan oo dadku cibaado mooyee wax kale bishaan qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Kheyre oo sheegay 2 arrin oo ay kasoo kabanayaan shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed ay aad uga sii gudbayaan dhaqanadii lagu dhaliili jiray.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay u muuqaneyso in Umadda Soomaaliyeed ay yeelanayaan Himilooyin mideysan oo looga fogaanaayo waxyaabaha caqabada ku ah Qaranka iyo dib u dhaca heysta Somalia.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay inuu dareemaayo in Soomaalida xiligaan ay ka gudbeen laba arrin oo uu tilmaamay inay uga duwanaan jireen adduunka, waxa ayna kala yihiin Mooraal jab daashaday Shacabka iyo in dadka lagu kala sooco qabiilka, balse iminka laga sii gudbaayo.

Waxa uu cadeeyay in labada Sano ee fooda nagu soo heysa ay Somalia ka talaabi doonto dhammaan waxyaabihii sababta u ahaa burburka, isagoo cod dheer ku sheegay in Soomaali cusub ay u muuqato.

‘’Adduunka waxaan uga duwanaan jirnay is faquuqa iyo niyad jabka, waxaa hadda ii muuqda guul laga gaaray ka gudubka waxyaabahaasi, inta dhiman waxaan rajeynayaa inaan ka gudbeyno wakhtiga dhow’’

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in bisha barakeysan fadligeeda ay alle ka baryaan inuu ka dhexsaaro dhibta haraadiga ah ee ka jirta dalka.

Docda kale, Kheyre ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan wax waliba oo midnimo u noqon doona Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Xubnaha beesha caalamka iyo DF oo ku kulmay Muqdisho?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo Beesha caalamka kaas oo looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha oo xubin ka ah guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, xubna ka socda Qaramada midoobay, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isku dubba Ridaha gargaarka Soomaaliya, ururada Caalamiga ah ee aan dowliga aheyn iyo masuuliyiin ka socota maamul Gobaleedyada.

“Saaka waxaa noo qabsoomay shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, bulshada rayidka ah iyo Beesha caalamka. Waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi halaa howlaha ay guddigu hayaan. Guul ayuu kusoo dhamaaday”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenku.

Shirka oo lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay fatahaaduhu geesteen iyo deegaannada ugu daran ee ay waxyeeleeyeen ayaa intii uu socday waxaa leesta gartay in ay muhiim tahay in la sameeyo qorsha looga hor tegayo soo noqnoqshada dhibaatooyinka nuucaan oo kale ah.

 

Xildhibaan Xiddig oo weerar ku qaaday guddoonka BF iyo xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano uu sheegay in si maalaayacni ah uga maqan yihiin kulamada baarlamaanka.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in maqnaanshiyaha Xildhibaanada baarlamaanka ay muujineyso mas’uuliyad daro ka muuqata Guddoonka Golaha shacabka.

Guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay in laga doonaayo inay la xisaabtamaan Xildhibaanada maqan, isagoo ku baaqay inay lagamamaarman tahay in la helo isla xisaabtan.

‘’Waa nasiib darro in Gudoonka uusan la xisaabtamin Xildhibaanada maqan, taxa ay isla xisaabtan la’aanta muujineysaa in cid waliba ay u banaan tahay sameynta waxa ay doonto’’

‘’Waxaa arrin khalad ah in Xildhibaanada qaar ay joogteeyan kulamada, qaarna ay ka maqnaadan kulamo waliba waxaan arrinkaas weydiineynaa Gudoonka baarlamaanka’’

Xiddig ayaa sheegay in XIldhibaanno yar oo uu isaga ka mid yahay ay xilli hore xaadiraan kulanka Golaha shacabka halka kuwo kalena uu sheegay in aysan imaan fadhiga Golaha shacabka.

Waxaa uu intaas ku daray in markii ay dhaceysay doorashada Guddoonka cusub Xildhibaanno ka badan 200 ay xaadireen kulanka islamarkaana ka qeybgaleen doorashada guddoonka cusub, hadana ay ka maqan yihiin kulamada muhiimka ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in muhiimada ay u shaqeynayaan Golaha shacabka ay tahay wax u qabashada dadka iyo dalka hayeeshee aysan Xildhibaannada qaar arrintaas ku baraarugsaneyn.

Haddalka Xildhibaan Xiddig ayaa u muuqanaaya mid lagu muujinaayo khaladaadka ay caadeysteen Xildhibaanada baarlamaanka iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirta dhanka Guddoonka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

QM oo war kasoo saartay khasaaraha roobabka iyo duufaanta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada saadaasha hawada ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay roobab duufaano wata oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Duufaan xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo sababtay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Duufaanta waxaa ku burburay guryo badan, iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, kadib fatahaada ka dhashay roobabka kaas oo geystay khasaaro lixaad leh.

Roobabka wata dabeylaha ayaa ku rogmaday qeybo kamid ah deegaanada labada maamul sida magaalooyinka Qardho, Barbera iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Hay’adda QM u qaabilsan isku dubarridka arrimaha bani’adanimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in khasaare xoog leh uu geystay Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Waqooyiga iyo bariga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay UNOCHA ayaa waxaa lagu sheegay in 35 Guri ay baaba’een sidoo kalena ay in ka badan 2,000 oo neef ku Bakhtiyeed duufaanta iyo Roobka ku dhuftay xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta UNOCHA ayaa lagu sheegay in 56 Neef oo Geel ah, 1,260 Neef oo Ari ah iyo 19 Dambeer ay ku nafwaayeen degaanada dhaca  Laasqori,Habarshiiro iyo Ceel Buur ee Gobolka Sanaag.

“Hay’adaha  bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda gargaarka ee QM.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Saxaafada oo aad uga hadleysa kulankii Ozil, Gundogan iyo Erdogan

Labo ciyaartooy oo u dhashay dalka Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxda dalka Jarmalka si ay sharaxaad uga bixiyaan kulan ay la qaateen madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan.

Labada ciyaartooy ayaa la kulmay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier kadib markii siyaasiyiin kala duwan ay ku eedeeyeen in ay taageero u fidiyeen Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin.

Dowladda Jarmalka ayaa horey u dhaleeceysay Erdogan , iyada oo ku eedeeyay sidii uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay.

Waxa ay ka tirsanyihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.

Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa sidoo kale eedeeyay labadan ciyaartooy.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa.

Erdogan ayaa hoggaamiya Turkiga muddo 15 sano ah, iyada oo 14-ka bisha June loo dareerayo goobaha codbixinta dalkaas.

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Erdogan mit Özil (picture-alliance/dpa/Uncredited/Presdential Press Service)

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Related image

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

ISHA BBC

Somaliland oo xabsiga dhigtay Suldaan caan ah oo ka hadlay dagaalka…

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada booliska maamulka Somaliland, qeybta gobalka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland.

Suldaanka ayaa ku xiran xabsiga magaalada Burco, waxaana la xiray xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadii Maqrib, kaasoo ku yaal xaafada Kenya ee magaalada Burco.

Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa ka mid ah saladiinta inta badan dhaliisha xukumada talada Somaliland haysa waxaanu suldaanku inta badan ka hadlaa hadba xaalada iyo marxalada taagan.

Sababta xariga suldaanka ayaa si rasmi ah Somaliland u shaacin, hase ahaatee wuxuu xarigiisa kusoo beegmayaa afar cisho kadib hadal dhaliil ah oo uu u jeediay xukuumadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha gudaha uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada coladada ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigta waxgaradka goboladeeda ee siyaasadaheeda dhaliila iyo ciddii soo hadal qaata Soomaaliweyn, iyadoo dhawaan ay xabsiga dhigeen Boqor Buur Madow oo magaalada Carmo ee gobolka Bari Puntland xaflad u yimid iyo abwaanada dhalinta yar ee Naciimo Qorane oo ku caanbaxday inaysan la gamban Soomaalinimada.

Caasimada Online
Xafiiska Burco
[email protected]