25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaan Xiddig oo weerar ku qaaday guddoonka BF iyo xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano uu sheegay in si maalaayacni ah uga maqan yihiin kulamada baarlamaanka.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in maqnaanshiyaha Xildhibaanada baarlamaanka ay muujineyso mas’uuliyad daro ka muuqata Guddoonka Golaha shacabka.

Guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay in laga doonaayo inay la xisaabtamaan Xildhibaanada maqan, isagoo ku baaqay inay lagamamaarman tahay in la helo isla xisaabtan.

‘’Waa nasiib darro in Gudoonka uusan la xisaabtamin Xildhibaanada maqan, taxa ay isla xisaabtan la’aanta muujineysaa in cid waliba ay u banaan tahay sameynta waxa ay doonto’’

‘’Waxaa arrin khalad ah in Xildhibaanada qaar ay joogteeyan kulamada, qaarna ay ka maqnaadan kulamo waliba waxaan arrinkaas weydiineynaa Gudoonka baarlamaanka’’

Xiddig ayaa sheegay in XIldhibaanno yar oo uu isaga ka mid yahay ay xilli hore xaadiraan kulanka Golaha shacabka halka kuwo kalena uu sheegay in aysan imaan fadhiga Golaha shacabka.

Waxaa uu intaas ku daray in markii ay dhaceysay doorashada Guddoonka cusub Xildhibaanno ka badan 200 ay xaadireen kulanka islamarkaana ka qeybgaleen doorashada guddoonka cusub, hadana ay ka maqan yihiin kulamada muhiimka ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in muhiimada ay u shaqeynayaan Golaha shacabka ay tahay wax u qabashada dadka iyo dalka hayeeshee aysan Xildhibaannada qaar arrintaas ku baraarugsaneyn.

Haddalka Xildhibaan Xiddig ayaa u muuqanaaya mid lagu muujinaayo khaladaadka ay caadeysteen Xildhibaanada baarlamaanka iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirta dhanka Guddoonka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

QM oo war kasoo saartay khasaaraha roobabka iyo duufaanta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada saadaasha hawada ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay roobab duufaano wata oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Duufaan xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo sababtay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Duufaanta waxaa ku burburay guryo badan, iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, kadib fatahaada ka dhashay roobabka kaas oo geystay khasaaro lixaad leh.

Roobabka wata dabeylaha ayaa ku rogmaday qeybo kamid ah deegaanada labada maamul sida magaalooyinka Qardho, Barbera iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Hay’adda QM u qaabilsan isku dubarridka arrimaha bani’adanimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in khasaare xoog leh uu geystay Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Waqooyiga iyo bariga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay UNOCHA ayaa waxaa lagu sheegay in 35 Guri ay baaba’een sidoo kalena ay in ka badan 2,000 oo neef ku Bakhtiyeed duufaanta iyo Roobka ku dhuftay xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta UNOCHA ayaa lagu sheegay in 56 Neef oo Geel ah, 1,260 Neef oo Ari ah iyo 19 Dambeer ay ku nafwaayeen degaanada dhaca  Laasqori,Habarshiiro iyo Ceel Buur ee Gobolka Sanaag.

“Hay’adaha  bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda gargaarka ee QM.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Saxaafada oo aad uga hadleysa kulankii Ozil, Gundogan iyo Erdogan

Labo ciyaartooy oo u dhashay dalka Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxda dalka Jarmalka si ay sharaxaad uga bixiyaan kulan ay la qaateen madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan.

Labada ciyaartooy ayaa la kulmay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier kadib markii siyaasiyiin kala duwan ay ku eedeeyeen in ay taageero u fidiyeen Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin.

Dowladda Jarmalka ayaa horey u dhaleeceysay Erdogan , iyada oo ku eedeeyay sidii uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay.

Waxa ay ka tirsanyihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.

Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa sidoo kale eedeeyay labadan ciyaartooy.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa.

Erdogan ayaa hoggaamiya Turkiga muddo 15 sano ah, iyada oo 14-ka bisha June loo dareerayo goobaha codbixinta dalkaas.

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Erdogan mit Özil (picture-alliance/dpa/Uncredited/Presdential Press Service)

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

Related image

Image result for Recep Tayyip Erdogan and Mesut Özil

ISHA BBC

Somaliland oo xabsiga dhigtay Suldaan caan ah oo ka hadlay dagaalka…

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada booliska maamulka Somaliland, qeybta gobalka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland.

Suldaanka ayaa ku xiran xabsiga magaalada Burco, waxaana la xiray xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadii Maqrib, kaasoo ku yaal xaafada Kenya ee magaalada Burco.

Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa ka mid ah saladiinta inta badan dhaliisha xukumada talada Somaliland haysa waxaanu suldaanku inta badan ka hadlaa hadba xaalada iyo marxalada taagan.

Sababta xariga suldaanka ayaa si rasmi ah Somaliland u shaacin, hase ahaatee wuxuu xarigiisa kusoo beegmayaa afar cisho kadib hadal dhaliil ah oo uu u jeediay xukuumadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha gudaha uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada coladada ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigta waxgaradka goboladeeda ee siyaasadaheeda dhaliila iyo ciddii soo hadal qaata Soomaaliweyn, iyadoo dhawaan ay xabsiga dhigeen Boqor Buur Madow oo magaalada Carmo ee gobolka Bari Puntland xaflad u yimid iyo abwaanada dhalinta yar ee Naciimo Qorane oo ku caanbaxday inaysan la gamban Soomaalinimada.

Caasimada Online
Xafiiska Burco
[email protected]

Dhageyso: Muuse Biixi oo qaatay go’aan aan laga fileyn, baaqna u diray Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaatay go’aan nabadeed oo aan laga fileyn, islarmarkaana sheegay in Somaliland ay tahay nabad doon islamarkaasna aysan wadin wax dagaal iyo colaad intaba ah.

Muuse Biixi ayaa tilmaamay in ay Somalilanad leedahay xaduud uu sameeyay gumeystihii islamarkaasna looga baahanyahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Puntland in ay ixtiraamaan Sohdinta Somaliland.

Biixi waxaa uu sheegay in Somaliland aysan u socon in ay dhibaateyso Puntland waxaa uuna ku baaqay in laqaato nabadda.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Muqdisho: Sarkaal si dhow ula shaqeynayay ciidamada Mareykanka oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, ayaa waxa uu galabta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo xoogiisa inta badan laga wada maqlay intabadan magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada loo yaqaano Tarabuush.

Qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada uu tababaray Mareykanka, kaa oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage).

Sarkaalka gaarigiisa loogu xiray Qaraxa ayaa ugeeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, waxaana lasoo warinayaa inuu kamid ahaa Saraakiisha sida gaarka ah ula shaqeysa Mareykanka.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Marxuumka Qaraxa lagu dilay uu heystay qeybta Tababarada ee Ciidamada loo yaqaano Bangraft ee ku sugan Xerada Balidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaan wali ka hadal Qaraxa ka dhacay Xaafad kamid ah Degmada Wadajir iyo Geerida Sarkaalkan lagu magacaabo Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amisom oo ku adkeysatay shuruud adag oo ay DF ugu wareejineyso amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Charles Tai Gituai oo ah ku-simaha xilka Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in AMISOM ay ka fiirsan doonto qorshaha lagu doonaayo in amniga Somalia loogu wareejiyo ciidamada Somalia.

Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu sheegay inuu hadda socdo qorshaha ciidamada AMISOM looga saari lahaa Somalia, hase ahaatee ay muhiim tahay in Somalia ay kasoo baxdo shuruudaha.

Jeneral Charles Tai Gituai , waxa uu tilmaamay in mudada loo qabtay ee la doonaayo inay kaga baxaan Somalia ay tahay sannadka 2020-ka, iyadoo inta aan la gaarin la doonaayo in xal loo helo shuruudaha ciidamada loogu wareejin lahaa amniga.

Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu cadeeyay in Ciiddanka AMISOM ay diyaar u yihiin inay dhigooda Somalai ku wareejiyaan Sugidda Ammaanka Guud ee dalka, isla markaana mudada u harsan ay sii tusaan hanaanka amniga.

Ku-simaha ciidamada Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu intaa ku daray inay aad ugu kalsoon yihiin shaqooyinka ciidamada Booliska Somalia, waxa uuna xusay inay Booliska haystaan Xabsiyo, Nidaam Garsoore oo shaqeynaya, Dugsiyo iyo Xarumo Caafimaadba leh.

Jeneral Charles Tai Gituai, ayaa ku celcelshay in Somalia laga doonaayo fulinta shuruudaha lagu xiray, waxa uuna cadeeyay intaa kadib ay suuroobeyso inay wareejiyaan amniga Somalia.

Si kastaba ha ahaatee,shuruudaha laga doonaayo Somalia ayaa waxaa kamid ah inay buuxiyaan Hanaanka ciidan, tababarada iyo inay ciidamadu heystaan khibrad ay ku maareynkaraan shaqooyinkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo sawirro muujinaya daadka kusoo rogmaday magaalada Qardho

Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay daadad xoogan ayaa kusoo rogmay Magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kuwaas oo magaalada kaga yimid togag kala duwan.

Biyahaan oo aad u xoogan ayaa jaray inta badan waddooyinka magaalada, waxa ayna sidoo kale dhulka dhigeen Guryo dhowr ah, halka Gaadiid badan ay horay usii qaaden.

Daadadkaan ayaa sababay hakat ku imaaday isu socodkii gaadiidka u kala gooshi jiray magaalada boosaasoo iyo gobolada kale ee dalka.

Daadadka ayaa geystay khasaare hantiyeed waxayna galeen goobo ganacsi oo kala duwan sidoo kale waxa uu saamayn wayn ku yeeshay roobku  ganacsatadii yaryarayd ee magaalada.

Daadka xalay magaalada kusoo rogmaday ayaa ahaa mid aad u tira badan biyaha ayaana is haystay in ta u dhaxaysa xarunta gobolka karkaar ilaa iyo masaajidka mawlaca.

Sidoo kale, waxaa iyaguna gebi ahaanba qarsoomay suuqa wayn ee magaalada iyo beerihii ku dhexyaalay, taasina waxa ay muujinaysaan sida ay biyahaan u tira badnaayeen iyagoo soconayay in ka badan todobo saacadood.

Maamulka gobolka Banaadir oo xilal cusub magacaabay maanta (Aqriso magacyada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo kordhiyey xilal la sheegay inay noqonayaan agaasimeyaal kuwaasoo u shaqeynaya sida gacan-yareyaal ay leyihiin Guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir.

Waxaa wareegto lagu magacaabay 4 Agaasimayaal Guud oo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye kuxigeenada G/Banaadir. Waxayna agaasimayaasha Guud ee la magacaabay waxaa ka mida: Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda oo loo magacaabay C/fataax Cali Xasan, kasoo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.

Waxaa kaloo Agaasimaha Howlaha Guud loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo hore u ahaa afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laga qaaday xilka Afhayeen ee G/Banaadir, wuxuuna ka hoos ka shaqeyn doonaa Guddoomiye kuxigeenka ee howlaha guud Aadan Sheikh Cali Fidow oo muddooyinkan danbe go’doon ahaa, shaqooyinkiisiina lagala wareegay.

Waxaa la filayaa in la magacaabo Agaasimayaasha Guud ee Maamulka iyo Maamuliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada.

Agaasimayaasha Guud ee afarta ah ayaa waxaa hoostagi doona Agaasimayaasha waaxyaha dowladda hoose ee horay u hoos-tagi jiray Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir.

Agaasimeyaashan oo sida xogheyn u shaqeyn doona ayaan la ogeyn in guddoomiye ku xigeennada loo magacaabay ay raali ka yihiin ama lagala tashaday, waxayna u muuqdaan kuwo sii kordhinaya jahawareerkii ka jiray maamulka G/Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somalia oo xubin buuxda ka noqotay urur caalami oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiradda Cadaaladda iyo xeer ilaaliyaasha guud ee Dalalka ku meeysan Suuqa Bariga iyo koofurta Africa ayaa jimcihii ku heshiiyay in Soomaaliya lagu daro urur goboleedka.

Heshiiska Soomaaliya loogu ogolaaday ururka COMESA ayaa socday hal maalin oo ka dhacay Magaaladda Caasimadda u Dalka Zambia ee Lusaka, waxuuna heshiiskaasi wadada u xarayaa in ogolaansho buuxa ay Soomaaliy ka hesho kulan weeynaha dhici doona Sanadka soosocda.

Kulankaasi oo socday muddo hal maalin ah waxaa lagu saxiixay Heshiiska ay Somalia kaga mid noqonayso Mucaahadada Suuqa Guud ee COMESA ayaana qalinka lagu duuqay.

Hadal ka soo baxay Xoghaynta COMESA ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi timid, kadib, Wada-xaajood ay Dowladda Somalia iyo Dowladaha xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA bilowgii isbuucan ku yeesheen caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.

Ogolaansha Soomaaliya loo ogolaaday in ay ururka COMESA ku biirto ayaa yimid kadib Wada xaajood ay yeesheen Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Golaha wasiiradda ee COMESA kaasi oo ka dhacay caasimadda Zambia.

Ku biiritaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ururka ka dhigayaa Ururka ganacsi ee ugu weyn Qaaradda Africa oo xubnihiiyu waxay gaarayaan 20 dal.

Ururukaan COMESA waa urur ay ku mideysanyihiin Wadamadda dhaca Bariga iyo koofurta Africa oo suurta galinaya Aag ganacsi oo xor ah, waxana la aasaasay 1994 kii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Afar nin oo isbaaro casri ah dhigtay Internetka oo lagu xirey Maraykanka

Booliiska dalka Maraykanka ayaa dacwado kusoo oogey afar qof ah oo ah mulkiilayaasha bog internetka ah oo la sheegay in dadka lagu baado , loogana qaato lacago sharci daro ah.

Boggan ayaa lagu magacaabaa mugshot.com, waxaana la galiyaa sawirrada dadka ay booliiska xiraan, kadibna waxaa lagu rakaateeyaa in ay bixiyaan lacag si sawirka iyo macluumaadkooda looga saaro bogga.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay lacago ka qaateen dad gaaraya 5,700 qof, iyaga oo ka heley lacag dhan $2 milyan oo doolar.

Xeel illaaliyaha California Xavier Becerra ayaa yiri “Dadka aan iska bixin karin lacagta, waxa ay dhib la kulmaan marka ay shaqooyinka raadsadaan ama ay bilaabayaan xiriir cusub oo lammaane”, isaga oo ula jeeda in dadka ay shaqada ka raadsadeen ay macluumaadka qofka ka arkayaan bogga, kadibna laga yaabo in sidaas uu shaqadii ku waayo.

Nimanka dacwadaha lagu soo oogay ayaa waxa ay kala yihiin Thomas Keesee, Kishore Vidya Bhavnanie, David Usdan iyo Sahar Sarid.

Waxaa dadka lagu dhiirogaliyay in ay dacwad keensadaan haddii uu jiro qof lacagtaas laga qaaday, hadhoowna maxkamadda horteeda ugu marqaati furaan.

Inkasta oo la xirey mulkiilayaasha, haddane bogga wali hawada ayuu ku jiraa.

Wararkii ugu dambeeyey ee Tukaraq iyo xiisad colaad oo maanta ka taagan

Tukeraq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa saakay  sheegaya in degaankaasi  ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada labada dhinac oo ku hubeysan boqolaal gadiidka dagaalka ah wali isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaal mar kale ka dhici kara deegaanka.

Ciidamo badan oo kala yimid Soomaaliland iyo Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyay la geeyay degaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Shacabka ku nool degaaanka Tukaraq ayaa cabsi badan ka muujiyay xiisadan dagaal ee saakay ka taagan degaankaasi, iyagoona qaarkood bilaabay in ay ka sii barakacaan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Waxaa jiray Dadaalo la doonayay in lagu xaliyo xiisada dagaal ee ka dhax aloosan Puntland iyo Soomaaliland balse marar badan fashilmay.

Waxaana labada dhinac dagaalka soo cusboonaaday degaanka tukaraq mid waliba ku eedeeyay dhinaca kasoo horjeeda.

Madaxda Puntland iyo Soomaaliland ayaa dhowr jeer waxaa ay warbaahinta isku mariyeen hadalo xanaf ah, taasi oo sii abuuri karta in dhibaato hor leh ay ka dhacaan Degaanada ka tirsan gobalka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu Biixi ka yiri wararka sheegaya in ciidamadiisa ay qabsanayaan Garoowe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay qabsanayaan  magaalada Garoowe.

Waxa uu Biixi sheegay inaanu u socon magaalada Garoowe, isla markaana aysan dooneynin inay ku xad dudbaan dhul aan iyaga khuseyn.

Waxa uu Biixi sheegay in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay iska difacdo cidkasta oo deegaanadeeda kusoo duusha, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiye Muuse Biixi ayaa sheegay in Soomaliland ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado cidkasta oo diidaa Nabada,balse marka hore ay siin doonaan digniin tan xigtana ay noqon doonto in ay la-daagalamaan.

Biixi waxa uu tilmaamay in marwalba Soomaaliland ay diyaar u tahay in ay nabada qaadato hase ahaatee aysan ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo xadgudbo.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Somaliland ay gaarto xuduudeeda rasmiga ah ee uu sameeyay Gumeystihii Ingariiska.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay dooneyso in nabad lagu dhameeyo Khilaafka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland.

Haddalka Biixi waxa uu imaanayaa xili Maamulada Somaliland iyo Puntland ay hawadda isku mariyeen Hanjabaado saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii dagaal culus oo ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Degaanka Tukaraq  ee gobolka Sool ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamada maamulka Puntland oo dagaal kaga qabsaday maamulka Somaliland, waxaana iminka is horfadhiya labada ciidan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiir kashifay wad-hadal Kenya ay kula jirto DF oo ku saabsan badda

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Dibada ee Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma, ayaa waxay daboolka ka qaaday inuu hada soconayo wadahalo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalkeeda oo ku saabsan muranka dhanka Badda.

Soomaaliya ayaa ku doodeysa in Kenya ay kusoo xad-gubtay sohdinteeda dhanka Badda, islamarkaana waxay dacwad ka geysay Maxkamada Cadaalada Aduunak ee ICJ, taasoo wajigii koowaad ee Dacwad ay soo dhamaatay, xili loo fadhiyo go’aanka maxkamada.

Laakiin, kahor inta uusan soo bixin go’aanka Maxkamada ayaa waxaa wasiirka arrimaha dibada ee Kenya waxay ka dhawaajisay hadal shaki badan ku abuuraya Bulshadda Soomaaliyeed, kaasoo ah inay dooneyso inay ku xaliso arrintaan si Isfahan.

Iyadoo wareysi siinaysay wargeyska New Africa islamarkaana xaalada guud ee gobolka Geeska Afrika wax laga weydiinayay ayaa waxay kaloo ka ha hashay wasiiradda ujeedka ay ciidamadooda ujoogaan Soomaaliya.

“Dad badan ayaa nagu dhaleecayna joogitaanka ciidankeena ee Soomaaliya, laakiin waxaan aragnaa in halkaas ay ku jirto danaheena, maxaa yeelay in gobolka uu noqdo mid Barwaaqo iyo amaan ah, waa inay xoojino joogitaankeena Soomaaliya,” ayey tiri.

Iyadoo ka hadlaysay muran Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayay hadalkeeda kusii dartay: “Waxaan mar walba doorbidi lahayn inaan udirno Muqdisho fariin ah inay haboon tahay in murankeena aan inaga xalinno oo uusan soo gelin gacan saddexaad.

“Waxaan leenahay Urur goboleedka IGAD halkaasoo aan ku xalin karno murankeena. Waxaa jira heshiis is fahan oo aan xukuumada Muqdisho kula jirno, taasoo xoojinaya xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada dal iyo macnaha wadaxaajoodka,” ayay hadalkeeda raacisay.

“Dabcan wadank wuxuu haystaa ikhtiyaarro kala duwan oo ay kamid tahay inuu tago maxkamad, laakiin Soomaaliya waxaan la leenahay xiriir aan kala go’lahayn. Walina waxaan sahmineynaa dhamaan wadooyin kale,” ayay tiri Wasiiradda.

“Waxaan noo socda wadahalo aan rajeynayo inaan kuwada gaarno heshiis wada ogol ah,” ayey hadalkeeda kusoo qatintay Wasiirka arrimaha Dibada ee dowladda Kenya Monica Juma.

Isha: Radio Garowe

Booqashada Farmaajo ee Qatar ma dhaawacaysaa moowqifkii dhexdhexaad?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan kasoo laabtay safar shaqo oo rasmi ah oo uu ku tagay dalka Qatar, halkaas oo kulan kula qaatay amiirta dalkaas Sheekh Tamiin Binu Xamad Al Taani, heshiisyana kula soo saxiixday.

Booqashadan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka dalalka Khaliijka, kaas oo kusoo muusay Soomaaliya.

Shirkii dhawaan Baydhabo ay ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada ayay ku sheegeen in ay dowladda Soomaaliya la jirsatay dhinac ka mid ah kuwa isku haya arrimaha Khaliijka, iyaga oo walaac ka muujiyay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga.

Mar sii horeysay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si qayaxan dowladda federaalka ugu eedeeyey in ay ka baxday dhexdhexaadnimadii, islamarkaasna ay la safatay dowladda Qatar.

Haddabe safarkan uu madaxweynaha kaga soo laabtay Qatar maxaa loo fasiran karaa?

Saraakiisha Villa Soomaaliya qaarkood oo aan wax ka weeydiinay eedeymaha loosoo jeediyay ayaa iska fogeeyay, waxayna sheegeen in safarkan uusan ka duwanayn kuwii hore ee madaxweynaha uu ku tagay dalalka kale ee Khaliijka.

Tusaale safarkii koowaad waxa uu madaxweynaha ku tagay dalka Sucuudiga, dalka Imaaraatka waxa uu booqday 2 jeer, halka dalka Masarna uu booqasho ku tagay labo jeer.

“Soomaaliya waxa ay u furantahay cid kasta oo maalgashi iyo waxtar u haysa, mana jirto cid aan si gaar ah ula socono” ayuu yiri mas’uul sare oo Villa Soomaaliya ka tirsan, kaas oo balse magaciisa ka gaabsaday markii ay la xiriirtay BBC-da.

Madaxtooyada waxa ay isweeydiinaysaa sababta dhexdhexaadnimada dalalka Suudaan iyo Moroco iyo kuwa kale aysan shaki ugu jirin, balse tan Soomaaliya tuhun loo galinayo, islamarkaasna loogu riixayo in ay dhinaca Sucuudiga iyo Imaaraatka la jirsato.

Malaha jawaabtaas waxaa haya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laftiisa oo dhawr jeer oo kala duwan ka hadlay meelo fagaarayaal ah, wuxuuna sheegay in xaaladda faqrinimo iyo burburka dowladnimo ee ku dhacay Soomaaliya aysan ka dhignayn in dowladda ay iibinayso go’aanadeeda masiiriga ah iyo madaxbanaanida dalka.

Sidaasi oo ay tahay waxaa jira dadaalo laga dhex wado Soomaaliya iyo Imaaraatka, kuwaas oo uu ku lug leeyahay madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi, sida ay qoraha maqaalkan u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Maxaa laga faa’iiday safarkii Qatar ee Madaxweynaha?

Sida ka muuqatay wararkii iyo muuqaaladii ay faafinayeen warbaahinta labada dal, madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay soo dhaweyntii ugu balaarnayd.

Wax kasta oo halkaas ka dhacay waxa ay muujinayeen labo dal iyo labo hoggaamiye oo isku qaba kalsoonida weyn iyo saaxiibtinimo ixtiraam ku dhisan.

Lama wada oga waxyaabaha ay ka wada hadleen hoggaamiyeyaasha labada dal, balse waxyaabihii koobnaa ee warbaahinta lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah heshiis ay kala saxiixdeen labada dumar ah ee wasiirada ka ah wasaaradaha caafimaadka labada dal, Dr Foowsiyo Abiikar Nuur iyo Dr Xannaan Maxamed Al Kuwaari.

Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Qatar ay Soomaaliya gacan ka siiso dhismaha kaabayaasha caafimaadka, kuwaas oo u kala qeybsama arrimaha ay ka mid yihiin la tacaalista masiibooyinka dabiiciga, tabobarista shaqaalaha caafimaadka, iyo waliba arrimaha cilmi-baarista caafimaadka.

Waftiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha, waxaana jiray is faham laga gaaray arrimaha dhabayaasha gaadiidka kala duwan, balse ma jiraan wax la shaaciyay oo faahfaahin ah.

Mid ka mid ah arrimaha Imaaraatka iyo dowladda federaalka ay isku qabteen ayaa waxaa ka mid ah heshiis dekedo ku saabsan oo ay Imaaraatku la saxiixdeen qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira iyaga oo aanan soo marin dowladda dhexe.

Waxaa kale oo safarka madaxweynaha qeyb ka ahaa wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah mudane Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo la sheegay in uu gacanta ku hayo wax ka badan qorshayaasha 100 mashruuc oo laga hirgalinayo guud ahaan dalka, kuwaas oo la waafajinayo kaalmooyinka ay dalalka shisheeye u fidinayaan Soomaaliya.

“Dhammaan dalalkii uu booqday madaxweynaha, Turkiga iyo Qatar kuwa kaga waxtar badan Soomaaliya wali maanan soo arag, dhammaan kuwa kale lacago caddaan ah ayay yaboohayaan, balse labadan dal mashaariic bulshada wax ku ool u ah ayay diyaar la yihiin, waxayna u arkaan in horumarka Soomaaliya iyo kooda uu isku xiranyahay” ayuu yiri mas’uulka madaxtooyada Soomaaliya.

Dood taa ka duwan waxaa qaba dowlad goboleedyada Soomaaliya oo sheegay in dowladda Imaaraatka ay taalo hantidii Soomaalida oo dhan, uu ku xiranyahay ganacsiga, gaar ahaan xawaaladaha oo xarumaha ugu waaweyn ku leh Dubai, taas oo ay ku tiirsantahay nolosha malaayiin Soomaali ah. Waxa ay ku doodayaan in ay daw tahay in xiriirka loo wanaajiyo Imaaraatka.

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada waxa sidoo kale ay ay war saxaafadeedkoodii dhawaan ku sheegeen in dowladda federaalka ay tahay in ay dowladda raacdo qodobka 53aad ee dastuurka, kaas oo ka hadlaya in waxyaabaha quseeya masiirka dalka laga talo galiyo dowlad goboleedyada, balse dowladda federaalka waxa ay dhankeeda cuskanaysaa qodob kale oo siinaya awood in ay iyadu leedahay go’aanka arrimaha ku saabsan dibedda iyo difaaca iyo kuwa kale.

Isha: BBC

Xiisadda khaliijka: DF oo wadda qorshe cusub oo maamul goboledyada ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho lagu shirinaayo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ka duwanaan doona kuwii hore ayaa waxa uu qorshuhu yahay in Hogaamiyayaasha maamulada looga tiro aaminaanshiyaha Imaaraadka Carabta ee uu Khilaafka kala dhexeeyo Somalia.

Qorshaha ugu weyn ee shirka ayaa ah sida maamulada ka jira dalka ay u qaadan lahaayen fakirada Dowlada isla markaana ay qeyb uga noqon lahaayen go’aanada Dowlada.

Dowlada Somalia ayaa caqabado kala duwan kala kulmeysa Hogaamiyayaasha maamulada oo intooda badan garab u noqday Dowlada Imaaraadka oo si cad uga soo horjeedo hanaqaadka Somalia.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Dowlada Federaalka ay Hogaamiyayaasha maamulada gaarsiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku qabato Shirka walow aan wali loo sameyn cayimaad.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa aad uga didsan qodobo laga soo saaray shirka Hogaamiyayaasha maamulada ugu soo xirmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Ma cadda saameynta uu Hogaamiyayaasha iyo maamuladooda ku yeelan doono shirka ay qorsheyneyso Dowlada ee culeyska lagu saarayo Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan Faarax C/Qaadir oo la dhigay isbital laguna sammeeyey qallin

Istanbul (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan BFS la dhigay isbitaal ku yaalla dalka Turkiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir lagu sameeyay qaliin dhanka dhabarka, kadib markii uu kusoo kacay xanuun hore.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaan Faarax uu hadda yahay mid ay xaaladiisu wanaagsan tahay, hase ahaatee uu weli ku jiro isbitaalka lagu qalay.

Waxa uu intaa ku daray in si gaara qaliinka loogu sameeyay Sinta, balse uu iminka caafimaad ahaan yahay mid aad u wanaagsan, sida uu haddalka u dhigay mudanaha aan xogtaani la wadaagnay.

Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir, ayaa waayadaani ku sugnaa dalka Turkiga, gaar ahaan Hooyga uu dalkaasi ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay aad isugu dhow yihiin.

Mas’uuliyiinta ka tirsan guud ahaan Dowlada ayaa inta badan howlahooda caafimaad u aada dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga iyo India oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Somalia.

Ma aha markii ugu horeysay oo Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir uu arrimo caafimaad u tago dalka Turkiga, hase ahaatee wareegaani uu galay qaliin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dalalka Islaamka oo wada qorshaha ciidamo bad-baadiya reer Falastiin

Istanbul (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.

Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa.

Bayaan ka soo baxay dhammaadkii shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa lagu eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah.

Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa ururka Xamaas oo maamula Marinka Qasa ku eedaysay inay soo abaabusho dibadbaxyada iyo dadka rayidka ahna ay u horseedayaan halis.

Daad khasaaro xooggan geystay oo kusoo rogmay magaalada Qardho

Qardho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab dabeylo wata oo kusoo rogmaday qeybo kamid ah deegaanada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Roobabka Duufaanada wata ayaa la sheegay in ay geysteen Khasaarooyin naf iyo maalba leh oo ka dhacay deegaanada ku dhow dhow xeebaha gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa in daad xoogan uu kusoo rogmaday Qardho.

Roobabka iyo Duufaanada ayaa waxaa sidoo kale lagu la’ yahay dooman iyo shabaagyo oo ay la haayeen kalluumeysato,sidoo kale wadada isku xirtay Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa go’doonsan kadib markii daadab ka dhashey roobabkaasi dabeylaha watay ay gooyeen.

Deegaanada ay ka da’een roobabka dabeylaha wata ayaa waxaa kamid ah deegaano kuyaala gobolada Sanaag iyo Bari oo ka kala tirsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu la’ yahay Duufaanta iyo Roobabka dad farabadan oo la sheegay inay u badan yihiin Kaluumeysato, Gaadiid iyo Guryo aad u badan oo gabi ahaan la sheegay inay dhulka galeen.

Maalmahan waxaa jirtay digniino ay soo saarayaeen quburo ku xeel dheer arrimaha cimilada,kuwaasi oo sheegay in laga yaabo roobab duufaano wata oo ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka billowday xeebaha Puntland.

Dadaalo ku aadan u gurmashada dadka ay saameeyeen roobabka wata duufaanada ee ku dhuftay Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka socda halkaasi, iyadoo dowlada goboleedka Puntland sheegtay in ay jiraan qasaarooyin ka dhashen musiibooyinkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay in ay diyaariyeen dad kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo quburo,kuwaasi oo si koox koox ah u soo qiimeyn doonaa baaxadda saameynta dabeylahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in gurmad deg deg ah loo sameyn doono dadka ay saameyeen Daadadka gobolka Bari,islamarkaana wafdi qiimeyn ah maanta ay tagayaan Magaalada Qardho.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]