25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dalalka Islaamka oo wada qorshaha ciidamo bad-baadiya reer Falastiin

Istanbul (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.

Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa.

Bayaan ka soo baxay dhammaadkii shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa lagu eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah.

Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa ururka Xamaas oo maamula Marinka Qasa ku eedaysay inay soo abaabusho dibadbaxyada iyo dadka rayidka ahna ay u horseedayaan halis.

Daad khasaaro xooggan geystay oo kusoo rogmay magaalada Qardho

Qardho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab dabeylo wata oo kusoo rogmaday qeybo kamid ah deegaanada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Roobabka Duufaanada wata ayaa la sheegay in ay geysteen Khasaarooyin naf iyo maalba leh oo ka dhacay deegaanada ku dhow dhow xeebaha gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa in daad xoogan uu kusoo rogmaday Qardho.

Roobabka iyo Duufaanada ayaa waxaa sidoo kale lagu la’ yahay dooman iyo shabaagyo oo ay la haayeen kalluumeysato,sidoo kale wadada isku xirtay Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa go’doonsan kadib markii daadab ka dhashey roobabkaasi dabeylaha watay ay gooyeen.

Deegaanada ay ka da’een roobabka dabeylaha wata ayaa waxaa kamid ah deegaano kuyaala gobolada Sanaag iyo Bari oo ka kala tirsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu la’ yahay Duufaanta iyo Roobabka dad farabadan oo la sheegay inay u badan yihiin Kaluumeysato, Gaadiid iyo Guryo aad u badan oo gabi ahaan la sheegay inay dhulka galeen.

Maalmahan waxaa jirtay digniino ay soo saarayaeen quburo ku xeel dheer arrimaha cimilada,kuwaasi oo sheegay in laga yaabo roobab duufaano wata oo ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka billowday xeebaha Puntland.

Dadaalo ku aadan u gurmashada dadka ay saameeyeen roobabka wata duufaanada ee ku dhuftay Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka socda halkaasi, iyadoo dowlada goboleedka Puntland sheegtay in ay jiraan qasaarooyin ka dhashen musiibooyinkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay in ay diyaariyeen dad kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo quburo,kuwaasi oo si koox koox ah u soo qiimeyn doonaa baaxadda saameynta dabeylahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in gurmad deg deg ah loo sameyn doono dadka ay saameyeen Daadadka gobolka Bari,islamarkaana wafdi qiimeyn ah maanta ay tagayaan Magaalada Qardho.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: Diyaarad siday 110 ruux oo burburtay iyo adkii saarnaa oo gebi la waayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen Wargeysyada waxaa burburay Diyaarad ay la socdeen dad shacab ah taa oo ku burburtay meel u dhaw Garoonka Caalamiga ah ee Marti  Havana ee dalka Cuba.

Diyaaradan oo gabi ahaan burburtay ayaa waxaa la socday 110 kuwaa oo gabi ahaan la xaqiijiyay inay ku nafwaayen burburka Diyaarada markii laga reebo Seddex garaab ah.

Diyaarada ayaa aheyd Boeing 737 waxaana gabi ahaan raqdooda la waayay Rakaabka iyo dhammaan wixii saarnaa diyaarada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaarada ay ka badbaadeen keliya Saddex qof, balse ay xaalad adag ku jiraan, isla markaana laga deyrinaayo xaaladooda caafimaad.

Wargayska Cuban Party Granma oo xiganeysa shirkadda Mexican oo diyaaradda laga kireystay ayaa sheegay in dadka la socday Diyaarada ay ahaayen 110 rakaab iyo shaqaale.

Dadka dhintay ayaa waxaa lagu dhawaaqay in loo qabanaayo 2 maalmood oo barooranimo qaran ah, waxaana hoos loo dhigi doonaa calanka dalkaasi.

Dad ku dhamaaday Roobab Duufaano wata oo ka Da’ay Puntland

Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab Duufaano wata oo ka da’ay deegaanada maamulka Puntland kuwaa oo geystay khasaaro dhimasho.

Roobabka Duufaanada wata ee ku dhuftay Puntland ayaa waxaa ila iyo hadda la xaqiijiyay inay ku naf waayen ilaa 2 ruux oo shacab ahaa.

Dadka ku naf waayay Roobabka Duufaanta wata ayaa la sheegay inay la socdeen gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe, halkaa oo uu ku helay roob wata Duufaano.

Guud ahaan ragga la socday Gaariga oo ahaa 5 Ruux ayaa maalinimadii shalay ka baxay magaalada Garowe, waxa ayna Roobabka ku haleeleen wadada.

Seddex kamid ah dadkaasi ayaa lagu la’ yahay nolol iyo Geeri, halka labo kamid ah Meydkooda laga helay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Roobabka wata Duufaanada ayaa socon doona muddo Seddex cisho ah, waxaana aad looga digaya inay burburin iyo khasaaro dhimasho u geysato dadka ku nool deegaanada laga digay.

Dhinaca kale, inta ugu badan dadka ku noolaa deegaanada looga digay Duufaanta ayaa ka barakacay Hooygooda, waxaana manta u bilowday Duufaan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Waa kuma Soomaaligii gacanta ka geystay siidayntii Nelson Mandela

Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay.

Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika.

Nelson Mandela

Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka.

Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud .

Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas.

Cabdirixiin Caabbi

Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay.

Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan.

Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah.

Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen.

Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor.

Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi.

“Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa” ayuu yiri Cali.

Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay.

ISHA BBC

Roobab dabeylo xoogan wata oo ka bilowday Puntland, Soomaaliland & Barakac ka socda Deegaanka Baargal

Garoowe (Caasimada Online)-Dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa lasoo sheegayaa inay isku beddeshay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Khubarada saadaasha hawada ayaa duufaantan ugu magac daray Sagar waxa ayna qeyb ka tahay dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, taa oo ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Wararka aynu ka heleyno Deegaano Xeebeedyada Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka socdo Barakac ay sameynayaan Dadka Deegaanka.

Deegaanka Baargaal ayaa kamid ah deegaanada maanta dadka ay ka Barakaceen si aanan saameyn ugu yeelan Roobka dabaysha wata ee saan-saantooda iminka laga dareemaayo Koofurta Yemen iyo Waqooyiga Somalia.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Baargaal Saciid Cawil Dhuxul oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay la hadleen, isla markaana ay u sheegeen in ay kaliya ka guuraan Goobaha sida gaarka ah loo saadinayo.

Sidoo kalem mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

Geesta kale, Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: Hooyga Ra’isul wasaarihii hore ee Malaysia oo laga helay lacag iyo dahab badan oo la musuqay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Reuters, ayaa waxaa lagu sheegay in Booliska dalka Maleysia ay gudaha u galeen Hooyga ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq oo laga helay Lacago iyo Dahab.

Warbixinta oo lagu xiganaayo Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ay qabteen Karoono badan oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad.

Howlgalka iyo baaritaanka lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen.

Musuqmaasuqa loo soo jeediyay Eedeysanaha ee mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Waxaa jira balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay.

Najib laftirkiisa ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar, taas oo uu mar kaste diido.

Jimcihiina Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

“Askarta ayaa baartay 72 boorso oo ka mid ahna waxaa laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

Mr Mahathir  Maxamed oo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Image result for ex-Malaysian PM house found gold and cash

Related image

Xog: Jeneraal Morgan iyo saraakiil kale oo ku wajahan deegaanka Tukaraq

Tukaraq (Caasimada Online) – Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda Puntland, halkaas oo mudo laba maalin ah ay ku wada dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaaray saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe, Nairobi iyo Muqdisho, iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka Tukaraq ay gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeraal Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland, kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.

Janeraalka ayaa waxaa markii uu tago Tukaraq uu la kulmi doonaa taliyaha Ciidamada Puntland Jeneraal Siciid Dheere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay isku-hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Sawirro: Gaas oo indhihiisa kusoo arkay askar ku dhaawacantay dagaalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  Isbitalka Guud ee Magaalada Garoowe ku booqdey dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland.

Madaxweynaha oo booqashada ku weheliyeen Wasiiro & Sarakiil kale ayaa kormeeray guud ahaan dhawacyada kusugan isbitaalka ,waxaana uu warbixin kooban ka dhagaystay Dhaqaatiirta iyo Madaxda wasaaradda Caafimaadka ee ku howlan la tacalidda dhawacyada.

Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in ay sharaf ku dhawacmeen,madaama ay ku jireen  difaacaya dalkooda iyo dadkooda,waxaana uu Eebe uga baryey in intii dhimatay uu u naxariisto ,inta dhawaca ahna u fududeeyo dhawaca soo gaaray.

Madaxweynuhu waxaa bahda Caafimaadka  Isbitalka Caasimada Dowladda Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan daryeelka Ciidanka dhaca ah.

DHAMMAAD

Kheyre oo booqasho kadis ah ku tagay dekadda Muqdisho xili ay ka jirto…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa gaaray Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa u kuurgalaayay hannaanka shaqo ee Dekadda Muqdisho, waxa ayna ku qotontay booqashadiisa sidoo loo ilaalin lahaa dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

Kheyre ayaa inta uu ku guda jiray booqashadiisa Dekadda kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso Dekaddu.

Waxa uu Kheyre Wasirka iyo mas’uuliyiinta kale ka wareystay caqabadaha ka jira Dekadda iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay Dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu kulanka ka sheegay sida ugu haboon ee looga fogaankaro wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Mas’uuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda, wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

Si kastaba ha ahaatee, Kormeerka uu Ra’iisul Wasaare Khayre u tagay Dekadda Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshaha isla xisaabtanka Xukuumadda, si loo dhaqan geliyo hanaanka casriga ah ee dowlad wanaaga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso: Magacyada guddiga uu guddomiye Mursal uu ku dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay Dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday Degaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Dhageyso Axmed Madoobe: Dowladda Farmaajo waxay haysaa waddaddii Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) -Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa manta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa goortii uu ka dagay magaalada Kismaayo kawarbixiyay shirka ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Hogaamiyayaasha maamulada uu kusoo dhamaaday guul waxa uuna tilmamay inuu ahaa mid laga gaaray ujeedkii laga lahaa shirka.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in shirkaasi uu lahaa muhiimad gaar ah oo la xiriirta dhamaystirka madasha Dowlad Goboleedyada dalka oo ahayd arrin Dastuuri ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madoobe, wuxuu tilmaamay in dowlada Federaalka ah ay ku dhiiri galiyeen in ay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaanka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah.

Madoobe waxa uu sheegay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay go’aan ka gaarto amnigeeda waxa uuna cadeeyay in maalin waliba Somalia loo qabto shirar dhanka amaanka ah, hadana ay dowladu tahay mid aan waxba ka kororsan.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ee hadda jirta ay ku mashquushay maamul Goboleedyada, hase ahaatee taasi ay tahay mid arbushaad u keeni karta Siyaasada dalka.

Waxa uu Axmed Madoobe tusaale usoo qaatay Dowladii Xasan Sheekh oo uu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka dowlad Goboleedyada kaga khasaartay Dowlada maantana ay wadadii hayso.

Dowlada hada jirta ayuu sheegay inay ku mashquusho howlo aan xiligooda la gaarin, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inay fashilin doonaan dadaalkeeda, waa haddii ay faragaliso.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay jiraan howlo kale oo dalka muhiim u ah oo ay tahay in iyaga ahmiyad lasiiyo halkii khilaaf iyo xasarad siyaasadeed loo adeegsan lahaa dhaqaalaha Qaranka iyo wakhtiga.

Dowlada Federaalka ayuu uga digay in khilaafka Khaliijka oo Soomaaliya loosoo minguuriya ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid si dadban loogu goodinaayo Dowlada Somalia, waxa uuna haddalkiisa imaanayaa xili uu Madoobe baqdin ka qabo in laga tuuro xilka.

Hoos ka dhageyso hadlaka Axmed Madoobe

Hal sabab oo keentay in uu mar kale baaqdo shirkii madaxda DF & maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha amniga qaranka ee u dhaxeya madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa markii labaad oo is xigta dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay isniintii la soo dhaafay ilaa shalay oo arbaco ahayd ka socday shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kaasi oo qorshaha ahaa inuu xigsado shirka madaxda sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee amniga qaranka ku mideysan, sida uu Axadi aynu soo gudubnay magaalada Baydhaba uu ka sheegay Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Warar soo baxay Talaadii ayaa waxaa heegayeen in Arbacadi shalay ahayd uu magaalada Baydhaba ku wajahnaa Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, si uu uga qeybgalo shirka baaqday ee golaha amniga qaranka,

Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa matali lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu maqnaa magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ilo ku dhaw madaxweynaha dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan inoo xaqiijiyay in shirka uu dib u dhac ku yimid, inkasta oo sababta uu ka gaabsaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu u baaqday khilaafka dowladda dhexe iyo maamuul goboleedyada ee xiisadda dalalka khaliijka.

Dowladda dhexe ayaa go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisaddaas, halka maamul goboleedyada ay taageerayaan dowladda Imaaraadka Carabta, oo dhaqaale ay ka helaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaaradda awqaafta iyo diinta oo ku dhawaaqday qiimaha xajka ee sanadkan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qiimaha sanadkaan ay ku xajin doonaan xujeeda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha wadanka.

Muddo bilooyin ah ayey soo socotay muranka ku aadan qiimo dhimis lagu sameyn doono lacagta lagu xajinayo sanadkaan, balse ugu dambeyn go’aan ayaa laga gaaray kadib markii ay heshiisyeen dowladda iyo Shirkadaha heysto qandaraaska Xajka.

Haddaba  Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sanadkan qiimaha xajka noqon doono $3,300 (Saddex kun, sadex boqol Doolar).

Lacagtaan ayaa waxay ka kooban tahay dhammaan adeegyada kala duwan sida degaanka, Gaadiidka, Nolosha 6-da maalmood xajka, Fiisaha, Diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaan kala heshiisay shirkadaha kala ah

Shirkadda Jubba Airways

Shirkadda Ocean Airways

Shirkadda Daalo Airlines

Shirkadda African Express

Shirkadda Freedom Airlines

Waxa la caddeeyay in Soo saaridda viisooyinka xajka ay mas’uuliyadeeda leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyada oo heshiis arrintaas kala saxiixan doonto shirkadaha

Shirkadaha aaa lagu wargeliyay in ay la soo xiriiraan wasaaradda laga bilaabo 16-5, 2018-21-05-2018, iyada oo ciddii ka dib dhacdo laga qaadan doono go’aan ku haboon.

Lama oga sida go’aankan u dhaqan geli doono, inkastoo aan wax badan laga dhimin qiimaja xajka, haddana shirkadda Jubba oo hore u heysatay Xajka iyadoo qeyb ka siisa Shirkadda kale ee Daallo oo ay mar midoobeen ayaan la ogeyn sida ay uga jawaab celin doonto arrintan.

Inkastoo qiimo dhimista la sameeyey aysan noqon sidii la filayey, haddana waxaa muuqato in lasoo yareeyey xoogaa yar taasoo noqon karta tallaabo bilow ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hey’adda lacagta ee IMF oo Somalia ogolaatay in ay daabacato lacag cusub

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad.

Hey’adda (IMF),  waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay 2 imtixaan oo lagu sameeyay bangiga dhexe,  loona  yaqaano Staff-Monitored Programmes (SMPs) oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah, waxaa xusid mudan in Muqdisho ay bilowday wada hadal ku aadan wareegga 3aad ee barnaamijkan.

“Soomaaliya waxaa ay u baahantahay taageero iyo deeq lacageed oo gaareysa $41 million, si barnaamijkan u fulo” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay  IMF u dirtay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaa uu soo daabici-doonaa wejiga 1aad lacagta Somali shilling (SHS) oo kala noocyada: 1,000; 2,000; 5,000; iy 10,000.

Sida qoraalkan lagu sheegay wejiga hore waa in la daabaco $752.5 million taas oo lagu badalayo tirada hadda shilling  Somaliga ah ee dalka laga isticmaalo oo gaareysa ,750 billion SHS.

Talaabbada uu Lacagta cusub ku daabacyo bangiga dhexe ee Soomaaliya waa tii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, waana tillaabo kale oo horay loogu qaaday qorshaha deyn cafinta.

Xigasho:Goobjoog News

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada

Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.

Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.

Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”

Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

 

Gaas: Muuse Biixi waxa uu ka yimid Hargeysa, mana dhaceyso inuu nabad ugu noolaado Tukaraq

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ,asagoo kasoo laabtay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda aysanna aqbalayn in lagu gardaroodo.

“Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq taasina dhici meyso shacabka Puntland waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo.

labada maamul ayaa guulo kakala sheegtay dagaalka waxaana muuqata in ay weli jirto saan saan colaadeed oo kataagan goobtii lagu dagaalamay.

dowladda federaalka ayaa dhawaan waxa ay ugu baaqday in ay labada maamul xabad joojin sameeyaan wixii qilaaf ahna wada hadal lagu dhameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdogan oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid burburtay

Ankara-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdagan ayaa qaramada midoobe kutilmaamay mid jileeceedu uu xadka dhaafay marka ay timaado laxisaabtanka yahuuda mar uu hadal ka jeedinayay Caasimadda Turkiga ee Ankara.

Madaxweeyne Erdagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii ay  in kabadan 60 qof oo Falastiiniyiin ah  yahuudda ay ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya.

Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hay’adda ReliefWeb oo ka digtay roobab duufaan wata oo ku wajahan Somalia

somalia-(Caasimadda online) – Hay’adda ReliefWeb ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ayna sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas.

Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo  socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen.

Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen waxa ay sidookale saadaasha sheegaysa in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysandoonin dalka Jabuuti.

Hay’addan Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata.

Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ku hoorayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Hindiya oo bisha Ramadaan darteed u hakineysa dagaalka Gobolka Kashmiir

Kashmiir-(caasimadda online) – War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir.

Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan.

Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka.

Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan.

Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]