25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Gaas: Muuse Biixi waxa uu ka yimid Hargeysa, mana dhaceyso inuu nabad ugu noolaado Tukaraq

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ,asagoo kasoo laabtay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda aysanna aqbalayn in lagu gardaroodo.

“Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq taasina dhici meyso shacabka Puntland waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo.

labada maamul ayaa guulo kakala sheegtay dagaalka waxaana muuqata in ay weli jirto saan saan colaadeed oo kataagan goobtii lagu dagaalamay.

dowladda federaalka ayaa dhawaan waxa ay ugu baaqday in ay labada maamul xabad joojin sameeyaan wixii qilaaf ahna wada hadal lagu dhameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdogan oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid burburtay

Ankara-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdagan ayaa qaramada midoobe kutilmaamay mid jileeceedu uu xadka dhaafay marka ay timaado laxisaabtanka yahuuda mar uu hadal ka jeedinayay Caasimadda Turkiga ee Ankara.

Madaxweeyne Erdagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii ay  in kabadan 60 qof oo Falastiiniyiin ah  yahuudda ay ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya.

Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hay’adda ReliefWeb oo ka digtay roobab duufaan wata oo ku wajahan Somalia

somalia-(Caasimadda online) – Hay’adda ReliefWeb ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ayna sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas.

Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo  socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen.

Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen waxa ay sidookale saadaasha sheegaysa in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysandoonin dalka Jabuuti.

Hay’addan Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata.

Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ku hoorayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Hindiya oo bisha Ramadaan darteed u hakineysa dagaalka Gobolka Kashmiir

Kashmiir-(caasimadda online) – War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir.

Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan.

Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka.

Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan.

Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe iyo naafadda ciidamada xoogga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Kheyriga ee  Hormuud Foundation ayaa deeq raashin, dhar iyo xoolo nool ku wareejiyey Mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe ee Xamar taasoo ay ugu talagashay inay Bisha Barakeysan uga baxaan maxaabiista ku xiran Xabsigaas.

Ugu horeyntii Madaxa Hey’adda Kheyriga ah ee  Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ka war bixiyey waxyaabaha ay ka kooban tahay deeqdaan, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay: 100 Loor oo Sonkor ah, 100 loor oo Bariis ah , 100 loor oo Bur ah , 1000  Kun Liitar oo Saliid Caddey ah, 5 Juuni oo caleenta Shaaha ah, 10 Kartoon oo Cabitaanka Foster ah, 4 Kun oo Kiilo oo Timir ah, Sidoo kale wuxuu sheegay inay wareejiyeen ilaa 5 neef oo Geel ah oo nooca ugu sareeyo ah.

Cabdullaahi Nuur ayaa Sidoo kale ka dhawaajiyey inay Hormuud Foundation  madaxda Xabsiga dhexe ku wareejiyeen dharkii ay ku ciidi lahaayeen dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Hormuud Foundation ka guddoomay deeqdii raashinka iyo xoolo nool ka koobneyd wuxuu Alle uga baryey inuu siiyo badal ka kheyr badan

”  Waxaan leenahay Hormuud Foundation Illaahey maashii ay kasoo saareen wax ka badan oo kheyr badan allaha ugu badalo, aduunka Allaha ku xafido, Aakhrana Allaha ugu badalo janadisa, Qabrigana allaha u waasiciyo” Ayuu yiri  Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo saxaafadda kula hadlay Xarunta xabsiga dhexe.

Dhan kale Hey’adda Kheyriga ee Hormuud Foundation ayaa naafada Ciidamada xoogga dalka ee dagaalkii 77 ee ku nool Isbitaal Martiini soo gaarsiisay deeq isugu jirtay lacag iyo timir. waxaana mar kale deeqdaan faahfaahin ka bixiyey Madaxa Hey’adda Kheyriga ah ee  Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan wuxuuna yiri:

” Waxaan halkaan oo ah Isbitaalka Martiini deeqa isugu jirto lacag iyo Timir soo gaarsiinay naafada ciidamada Xogga dalka ee dagaalkii 77, waxayna deeqdaan ka kooban tahay 5 Kun oo Dollar iyo 400 oo Kiilo oo Timir ah” ayuu yiri.

Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo Naafadii Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli ay maalmo ka hor 100 Kun oo Dollar ugu deeqday dadka ay saameynta ku yeelatay daadadka ku fatahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Fadeexad: A/Madoobe iyo dilkii gabadha Qabri Dahar (Maxaa ka dhacay Kismayo)

Kismaayo (Caasimada Online) – Laamaha amaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe, ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed.

Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka.

Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen.

Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen.

Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya.

Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa.

Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan.

Isha: Radio Garowe

Qodob ku jiray go’aanadii maamul goboleedyada oo la beeniyey (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan baarlamaanka 10aad ee federaalka ah, gaar ahaan Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka, ayaa xaqiijiyay in guddigooda ay la shaqeeyaan xubnaha 6da ahaa ee matalayey dowlad goboleedyada.

Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa, qoraal shalay ka soo baxay golaha dowlad goboleedyada oo shirkoodii Baydhabo ku sheegay in aanay shaqeyn xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan “2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyadu.

Hadadaba waa kuwan liiska iyo magacyada dowlad goboleedyada ugu jira Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.

Xog: Dowlada oo billowday qorshe xal loogu raadinayo khilaafka Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta.

Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia.

Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow.

Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la’yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia.

Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah.

Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis.

Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka arimaha dibadda Qatar oo u digay dalal wada shiqool ka dhana Somalia

Doxa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, ayaa ka digay in faragalin Siyaasadeed iyo mid Amni lagu sameeyo Somalia.

Wasiirka oo magaalada Dooxa kula hadlay saxaafada maxaliga xili uu dhaweynaayay wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Qadar aysan ka waaban doonin isgarabtaga Somalia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Qadar ay diyaar u tahay ilaalinta Madax-banaanida Somalia, sidoo kalane ay difaaceyso Qaranimada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Qadar kama raali noqon doonto faragalin lagu sameeyo Somalia waana ka digeynaa in lagu xadgudbo amuuraheeda gaarka ah’’

Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay inay jiraan wadamo badan oo aan ku raali aheyn horumarada ay tiigsaneyso Somalia, hase ahaatee arrinka noocaasi ah aan la aqbali Karin.

Qadar ayuu sheegay inay isgarabtaagi doonto Somalia inta ay ka hiigsato mustaqbalkeeda waxa uuna si gaara mahadcelin ugu jeediyay Dowlada Somalia.

Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa carab dhabay in Somalia ay ka gudbi doonto xiliga qaraaran oo ay ku jirto, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka saacidi doonaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.

Haddalka Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Qadar ay qaab Siyaasadeeysan Somalia ugu adeegsaneyso Imaaraadka oo uu Khilaaf kala dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaaradda awqaafta iyo diinta oo soo saartay digniin la xiriirta ramadaanka

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay digniin kasoo saartay dadka Maqaayadaha furaya Maalintii iyada oo la sooman yahay.

Xog-hayaha Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Maalintii iyada oo dadku ay sooman yihiin in la furo Maqaayado si dhuumaaleysi ah looga cunteynayo.

Waxa uu sehegay in ay codsi u jeediyeen laamaha amniga Soomaaliya,si ay kala Shaqeeyaan in gacan adag lagu qabto dadka maqaayadaha furaya Maalmaha Bisha ramadaan.

Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lagala Shaqeeya kahortegida dadkaas,maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada Islaamka.

Sikastaba xilliyadaan oo kale marka la gaaro Bisha Ramadaan waxaa lafuraa Goobo maqaayado ah oo si dhuumaaleysi ah looga cunteeyo taas oo keentay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ay digniintaan soo saarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya oo ciidamo boolis ah u diyaarisay amniga Nairobi inta lagu jiro soonka

Nairobi-(Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo  gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamo kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada,Hoteellada,Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah.

Waxa uu intaas ku daray in Ciidamadaan loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin.

Joseph Ole Tito,ayaa yiri: “dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan,waxaa ay tagayaan Hoteel,iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan”.

ugu danbayntii Taliyaha Booliska magaaladda Nairobi ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan ka tirsan BF oo lagu dhex garaacay Nairobi lana dhigay isbital

Nairobi (Caasimada Online)-Ciidamada dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay jir dil xoogan u geysteen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS, lana dhashay allaha u naxariistee Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji, ayaa la xaqiijiyay in iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana laga jir dilay qeybaha sare ee jirka, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska uu kasoo jeedo.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo hadda jiifa Isbitaal ku yaalla Nairobi, ayaa waxaa si gaara u jir dilay ciidamada Booliska kuwaa oo ku andacooday inay ka shakiyeen gaari uu saarnaa Xildhibaanka oo u muuqaal ekaa mid lasoo xaday.

Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska ee loo aaneynaayo inay goobjoog ka ahaayen Kiiska ayaa sheegay in xiliga ay Jir dilayeen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ay ku guda jireen baadi-Goobka Gaari la xaday.

Qorshaha ciidamada Booliska Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa inay toogtaan Xildhibaanka iyo dadkii kale ee la socday, hase ahaatee uu ka badbaadiyay kadib markii saaxiibkii uu kusoo dajiyay Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi.

Gaariga uu la socday Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ayaa noociisa ahaa ‘’toyota rav4’’, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

Sidoo kale, Gaariga ay baadi-Goobayeen ciidamada Kenya ayaa noociisa ahaa ‘’toyota lexus’’ oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

Docda kale, Dowlada Somalia iyo Safaarada Somalia ee Kenya ayaan weli ka hadal dhibaatada loo geystay Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraajioo hadda yaal Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Jeneral Gorod oo soo saaray baaq lagu xirayo mas’uuliyiin

Muqdisho (Caasimada Online)-Gen. Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay qashinka tuban qeybo kamid ah Xaafadaha iyo Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay bilicdeeda qarisay wasaq badan oo u muuqata inay ka dhalatay nadaafad daro iyo inaanu jirin is xilqaam.

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho aysan iska xilsaarin shaqsiyaadka ku magacaban, waxa uuna cadeeyay in qashinka uu qeyb ka yahay amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.

‘’Waxaan la socnaa in goobaha uu qashinku ku badan yahay lagu aaso miinooyin, sidaa aawgeed waxaanu dooneynaa in lagala xisaabtamo dadka ku shaqada leh’’

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod, waxa uu soo jeediyay in Degmadii lagu arkaa qashin badan loo xiraa Guddoomiyaha ka mas’uulka ah, maadaama uu dayacay mas’uuliyadii saarneyd.

“Waxaad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana mas’uul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa’’

Sidoo kale, Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir qudhiisa lagula xisaabtamo bilicda magaalada waxa uuna cadeeyay inaanu jirin mas’uuliyad u muuqata.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa imaanaya xili laamiyada waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada Muqdisho ay dhex tuban yihiin wasaq, halka qaarna ay yihiin kuwo aan laheyn leyrar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaalkii ugu cuslaa oo Baraha Bulshada ku dhex maray Erdogan & Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda

Khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilkii ciidamada Yuhuudda u geysteen bannaanabxayaashii reer Falastiin ee Marinka Gaza.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ay isu mariyeem baraha bulshada, waxaana Turkiga uu dalkiisa ka saaray safiirkii Isreal ee Ankara.

Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gacanta dhiig kula jira oo gumeysi ku haya dadka reer Falastiin oo ah shacab aan iska difaaci karin, iyadoo dowladda Yuhuudda ku tilmamay mid ku dhisan Cunsuriyad oo aysan dembiyadeeda dagaal ku dabooli karin weerar ay ku qaado Turkiga, iyadoo muddo ka badan 60 sanadood jebineysay Qaraaradda Q/Midoobay.

Intaas kaddib Ra’isal wasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan, wuxuuna ku eedeeyay in Erdogan oo laayey boqolaal Turki ah aanu Israel siin karin cashar akhlaaqda ku saabsan iyo hab dhaqanka ciidamada.

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Erdodan inuu taageero ururka Argagixisada ee Xamaas, si fiicana u yaqaan argagixisada iyo xasuuqa, wuxuuna u soo jeediyay inuusan waano siin karin Israel. laakiin Madaxweyne Erdogan ayaa arrintaasi ugaa jawaabay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya gumeysiga Yuhuuda.

Israa’iil ayaa sidoo kale ka carootay in safiirkeeda laga soo saaray Turkiga lagu baaray garoonka magaalada Ankara iyadoo muuqaallo laga duubayo taasoo xadgudub ku ah sharciga diblomaasiyadda.

Xaaladda ayaa ka sii dartay waxayna dowladda Turkiga shaacisay in Israel iyo Masar ay diideen in fasax siiyaan diyaarad ay Turkiga leedahay oo dooneysay inay dadkii lagu dhaawacay Marinka GAZA loo qaado Turkiga si loogu soo daweeyo.

Akhriso Shanta qodob ee ugu kulul ee kamid ah war murtiyeedka maamul Goboleedyada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada oo laba Maalin uu uga socday shir Xasaasi ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray war murtiyeed kulul.

Haddaba waxaan idinla wadaageynaa Shanta qodob ee ugu kulul ee kamid ah qodobada kasoo baxay Kulanka Madaxda maamul Goboleedyada.

Qodobada ugu kulul ayaa ku saabsan Dhaqaalaha soo galo dowladda dhexe, Amniga, Xiriirka sii xumaanayo ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale culeys ay Maamul Goboleedyada qaar sheegeen inay kala kulmayaan dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka akhriso qodobadaas oo faahfaahinsan

1) lyadoo laga duulayo nooca dowladnimo ee dadka soomaaliyeed doorteen oo ah habka Federal, Goluhu wuxuu isla qiray in masuuliyada kowaad ee xal u helida dhibaatooyinka dhaqaale, amni, ganacsi iyo bulsho ee dadka dowlad goboleedyada haysta ama soo food saara, uu waajib ka saaranyahay hogaamiyeyaashooda, Sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynaysaa cid kasta oo gacan tageero ka gaysan karta bahiyahooda.

2) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo wadamada isu tagga Emarat-ka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladu dhinac la jirto, wayna cadahay in hadii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doonto xiriirka soo jireenka ah ee ganacsi, deegaan, dhaqaale iyo maaliyadeed ee sadexda dal iyo sadexda shacab wadaagaan. Sidaas darteed, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowlada Federalka in ay ka shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgalinayo danaha dadka iyo dalka Soornaaliyeed.

3) Waxaa jira dhaqaale badan oo ku aadan kabida miisaaniyada dalka oo dowlada dhexe ka hesho dalal iyo hay’ado kale ee deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee Dowlada dhexe ama ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaas aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku dhiiri galinyaa dalalkaas iyo hay’adahaas in ay sameeyaan qoondeyn ku salaysan labada heer dowladeed si loo xaqiijiyo midnimada iyo isku haynta dalka.

4) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey fara galinta mar walba lagu hayo hanaanka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada taas oo keeni karta arnni daro baahda, sidaas darteed Goluhu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo faragalintaas islamarkaana xooga la saaro la dagaalanka aragagaxisada iyo dib u dhiska wadanka.

5) Sidoo kale Goluhu wuxuu niyad jab ka muujiyey in ilaa iyo hada Dowlada dhexe aysan wax tilaabo ah ka qaadin balan qaadkeedii ku xusnaa qodobka 1.2 ee heshiiskii Golaha Amniga qaranka ee la gaarey 10 bishii Febraayo 2018 kaas oo sheegayey “Dowladda federaalku waxay ko caawinaysaa aidamada Booliska Dowlachgoboleedyada oo ay kujiraan daraawishta (Hub, Saanad, Agab anion, Raashin, Dawo, Gunn Tababar iyo Tayayn), ee kala qeyb qaadan doom Ciidanka Xoogga Dalka Soornaallyeed (CODS) hawlgalada clidan ee lagula dagaalamayo argagixisada”. Sidaas darteed wuxuu Goluhu si adag ugu baaqayaa Dowlada dhexe in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ku aadanaa taakulaynta ciidamada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan in la dardergaliyo qaybinta agabka ciidan ee hada yaaala, si hawlgalada ciidan ee xoreynta dalka loogu isticmaalo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykanka oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray dagaalka Tukaraq

Tukaraq (Caasimadda Online) – Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war uu kasoo saarey dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo ay shalay illaa iyo xalay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso in si deg deg u joojiyaan colaada, islamarkaana miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan, si ay ugada wada hadlaan wax kasta oo dhinac walba uu tabanayo.

“Hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa xabad-joojin degdeg ah ee ku aadan arinta Tukaraq,” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasoo Baraha Bulshada lasoo dhigay.

“Waxayna ku boorinaysaa maamulada Somaliland iyo Puntland wada-hadal iyo wadashaqayn dhab ah oo ku xiran dadka deeganka si loo soo afjaro colaadda [ka tagaan deegaanka Tukaraq[,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay howlgalka.

Geesta kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Aaga lagu dagaalamayay ayaa waxay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan, islamarkaana aanu jirin Saaka oo Arbaco ah wax dagaal ah, oo ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Dagaalka ayaa wuxuu reebay saameyn xoogan marka loo eego inuu barakiciyay dad badan kuwaasoo isku diyaarinaayy bisha Barakeysan ee Ramadan, waxaana sidoo kale uu geystay khasaaro maaliyadeed.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah loola oga khasaaraha nafadeed ee labada dhinac soo kala gaarey, dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo tan iyo 2002 ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland.

Warkaan kasoo baxay Xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay isa-soo tarayaan baaqyadda nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadda dagaalamaya, kaasoo ay usoo jeedinayaan madaxda dowlada, beesha caalamka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo milateri ah oo ku qaraabanayey magaca Daacish oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Rag hubeysan ku lebisan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada milteriga ayaa lagu qabtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho iyadoo ku qaraabanayey magaca Daacish oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggab oo ka koobnaa laba nin, kuwaasoo dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan degaankaasi, iyagoo sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen

Raggan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Guryo la degan yahay, isla markaana ay joojiyeen Dhismooyin ka socday degaankaasi, markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaday inay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu arko magaalada Muqdisho in ciidamo ka tirsan milateriga ay sheegtaan Daacish isla markaana lacago baad ah uga qaateen dadka ama ku dhibaateeyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faysal Cali Waraabe oo sheegay cidda gadaal ka riixeyo dagaalka Tukaraq

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in gadaal ay ka riixeyso dagaallada ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waraabe oo wareysi siiyey, ayaa sheegay in xilligaan wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiig dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu jirin wax la yiraahdo Puntland, ayna jiraan oo kaliya Somaliland iyo Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho ayaa nalooga soo duulay, dagaalka illaa Xamar ayuu imaan doonaa, weyna isku xiran yihiin Muqdisho iyo Hargeysa” ayuu yiri Faysal.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney ogaadaan dagaalka ka socda Tukaraq iyo in looga gardaaran yahay Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Zakariya Xaaji oo kashifay qorshayaal halis ku ah qaranimada oo ay ka diideen Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha socdaalka Dooxa ku wehlinaaya Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Dowlada Imaaraadka carabta ku dooneysay inay ku faragaliso howlaha Dowlada.

Xildhibaan Zakariya Xaaji, oo si gaara ugu waramaayay Wargeyska Asharaq ee ka soo baxa dalka Qdar, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay is hortaagtay qorshaha uu Imaaraadka ku doonaayay inuu ku maamulo Dhammaan ciidamada iyo Xerooyinkooda.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay inay dowladda Imaaraadka Carabta ku xadgudubtay shaqooyinka gaarka ah ee dowlada Somalia, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dowlada ay muujiso dulqaad intaa ka badan.

‘’Isfahan’waaga waxa uu soo bilowday goortii uu Imaaraadka isku dayay inuu la wareego maamulka Ciidamada iyo Xerooyinkooda, waxaanu ka dowlad ahaan isla fahanay inaan diidno rabitaanka Imaaraadka eek u aadan maamulida ciidamada iyo xerooyinkooda’’.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay in dowlada Imaaraadka qudheeda aysan ka raali noqoneynin in Dowlada Somalia ay maamusho ciidamada iyo xerooyinkeeda, sidaa aawgeed aysan dooneynin in Imaaraadka uu Somalia ka maamulo taago sharci daro ah.

Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi, ayaa wax laga weydiiyay xiriirka Somalia iyo Qadar, waxa uuna sheegay in iminka uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana la doonaayo inuu kasii wanaagsanaado halka uu hadda joogo.

Xiriirka Somalia kala dhexeeya Qadar ayuu sheegay inuu yahay mid soo jireen ah oo aan shalay bilaaban, sidaa aawgeed ay Somalia xiligaan maslaxad u aragto inay adkeyso xiriirka.

Sidoo kale, Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan ka raali noqon doonin in lagu faragaliyo howlaheeda, waxa uuna cadeeyay inay soo dhaweyneyso Dowlada dal waliba oo aan dooneynin faragalin.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqda mid muujinaaya in Dowlada Somalia ay u go’day dalka Qadar oo xiriir kala dhexeeyo, halka ay horay u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafyada Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]