26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dagaalkii ugu cuslaa oo Baraha Bulshada ku dhex maray Erdogan & Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda

Khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilkii ciidamada Yuhuudda u geysteen bannaanabxayaashii reer Falastiin ee Marinka Gaza.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ay isu mariyeem baraha bulshada, waxaana Turkiga uu dalkiisa ka saaray safiirkii Isreal ee Ankara.

Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gacanta dhiig kula jira oo gumeysi ku haya dadka reer Falastiin oo ah shacab aan iska difaaci karin, iyadoo dowladda Yuhuudda ku tilmamay mid ku dhisan Cunsuriyad oo aysan dembiyadeeda dagaal ku dabooli karin weerar ay ku qaado Turkiga, iyadoo muddo ka badan 60 sanadood jebineysay Qaraaradda Q/Midoobay.

Intaas kaddib Ra’isal wasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan, wuxuuna ku eedeeyay in Erdogan oo laayey boqolaal Turki ah aanu Israel siin karin cashar akhlaaqda ku saabsan iyo hab dhaqanka ciidamada.

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Erdodan inuu taageero ururka Argagixisada ee Xamaas, si fiicana u yaqaan argagixisada iyo xasuuqa, wuxuuna u soo jeediyay inuusan waano siin karin Israel. laakiin Madaxweyne Erdogan ayaa arrintaasi ugaa jawaabay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya gumeysiga Yuhuuda.

Israa’iil ayaa sidoo kale ka carootay in safiirkeeda laga soo saaray Turkiga lagu baaray garoonka magaalada Ankara iyadoo muuqaallo laga duubayo taasoo xadgudub ku ah sharciga diblomaasiyadda.

Xaaladda ayaa ka sii dartay waxayna dowladda Turkiga shaacisay in Israel iyo Masar ay diideen in fasax siiyaan diyaarad ay Turkiga leedahay oo dooneysay inay dadkii lagu dhaawacay Marinka GAZA loo qaado Turkiga si loogu soo daweeyo.

Akhriso Shanta qodob ee ugu kulul ee kamid ah war murtiyeedka maamul Goboleedyada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada oo laba Maalin uu uga socday shir Xasaasi ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray war murtiyeed kulul.

Haddaba waxaan idinla wadaageynaa Shanta qodob ee ugu kulul ee kamid ah qodobada kasoo baxay Kulanka Madaxda maamul Goboleedyada.

Qodobada ugu kulul ayaa ku saabsan Dhaqaalaha soo galo dowladda dhexe, Amniga, Xiriirka sii xumaanayo ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale culeys ay Maamul Goboleedyada qaar sheegeen inay kala kulmayaan dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka akhriso qodobadaas oo faahfaahinsan

1) lyadoo laga duulayo nooca dowladnimo ee dadka soomaaliyeed doorteen oo ah habka Federal, Goluhu wuxuu isla qiray in masuuliyada kowaad ee xal u helida dhibaatooyinka dhaqaale, amni, ganacsi iyo bulsho ee dadka dowlad goboleedyada haysta ama soo food saara, uu waajib ka saaranyahay hogaamiyeyaashooda, Sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynaysaa cid kasta oo gacan tageero ka gaysan karta bahiyahooda.

2) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo wadamada isu tagga Emarat-ka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladu dhinac la jirto, wayna cadahay in hadii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doonto xiriirka soo jireenka ah ee ganacsi, deegaan, dhaqaale iyo maaliyadeed ee sadexda dal iyo sadexda shacab wadaagaan. Sidaas darteed, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowlada Federalka in ay ka shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgalinayo danaha dadka iyo dalka Soornaaliyeed.

3) Waxaa jira dhaqaale badan oo ku aadan kabida miisaaniyada dalka oo dowlada dhexe ka hesho dalal iyo hay’ado kale ee deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee Dowlada dhexe ama ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaas aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku dhiiri galinyaa dalalkaas iyo hay’adahaas in ay sameeyaan qoondeyn ku salaysan labada heer dowladeed si loo xaqiijiyo midnimada iyo isku haynta dalka.

4) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey fara galinta mar walba lagu hayo hanaanka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada taas oo keeni karta arnni daro baahda, sidaas darteed Goluhu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo faragalintaas islamarkaana xooga la saaro la dagaalanka aragagaxisada iyo dib u dhiska wadanka.

5) Sidoo kale Goluhu wuxuu niyad jab ka muujiyey in ilaa iyo hada Dowlada dhexe aysan wax tilaabo ah ka qaadin balan qaadkeedii ku xusnaa qodobka 1.2 ee heshiiskii Golaha Amniga qaranka ee la gaarey 10 bishii Febraayo 2018 kaas oo sheegayey “Dowladda federaalku waxay ko caawinaysaa aidamada Booliska Dowlachgoboleedyada oo ay kujiraan daraawishta (Hub, Saanad, Agab anion, Raashin, Dawo, Gunn Tababar iyo Tayayn), ee kala qeyb qaadan doom Ciidanka Xoogga Dalka Soornaallyeed (CODS) hawlgalada clidan ee lagula dagaalamayo argagixisada”. Sidaas darteed wuxuu Goluhu si adag ugu baaqayaa Dowlada dhexe in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ku aadanaa taakulaynta ciidamada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan in la dardergaliyo qaybinta agabka ciidan ee hada yaaala, si hawlgalada ciidan ee xoreynta dalka loogu isticmaalo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykanka oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray dagaalka Tukaraq

Tukaraq (Caasimadda Online) – Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war uu kasoo saarey dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo ay shalay illaa iyo xalay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso in si deg deg u joojiyaan colaada, islamarkaana miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan, si ay ugada wada hadlaan wax kasta oo dhinac walba uu tabanayo.

“Hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa xabad-joojin degdeg ah ee ku aadan arinta Tukaraq,” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasoo Baraha Bulshada lasoo dhigay.

“Waxayna ku boorinaysaa maamulada Somaliland iyo Puntland wada-hadal iyo wadashaqayn dhab ah oo ku xiran dadka deeganka si loo soo afjaro colaadda [ka tagaan deegaanka Tukaraq[,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay howlgalka.

Geesta kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Aaga lagu dagaalamayay ayaa waxay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan, islamarkaana aanu jirin Saaka oo Arbaco ah wax dagaal ah, oo ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Dagaalka ayaa wuxuu reebay saameyn xoogan marka loo eego inuu barakiciyay dad badan kuwaasoo isku diyaarinaayy bisha Barakeysan ee Ramadan, waxaana sidoo kale uu geystay khasaaro maaliyadeed.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah loola oga khasaaraha nafadeed ee labada dhinac soo kala gaarey, dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo tan iyo 2002 ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland.

Warkaan kasoo baxay Xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay isa-soo tarayaan baaqyadda nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadda dagaalamaya, kaasoo ay usoo jeedinayaan madaxda dowlada, beesha caalamka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo milateri ah oo ku qaraabanayey magaca Daacish oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Rag hubeysan ku lebisan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada milteriga ayaa lagu qabtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho iyadoo ku qaraabanayey magaca Daacish oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggab oo ka koobnaa laba nin, kuwaasoo dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan degaankaasi, iyagoo sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen

Raggan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Guryo la degan yahay, isla markaana ay joojiyeen Dhismooyin ka socday degaankaasi, markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaday inay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu arko magaalada Muqdisho in ciidamo ka tirsan milateriga ay sheegtaan Daacish isla markaana lacago baad ah uga qaateen dadka ama ku dhibaateeyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faysal Cali Waraabe oo sheegay cidda gadaal ka riixeyo dagaalka Tukaraq

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in gadaal ay ka riixeyso dagaallada ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waraabe oo wareysi siiyey, ayaa sheegay in xilligaan wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiig dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu jirin wax la yiraahdo Puntland, ayna jiraan oo kaliya Somaliland iyo Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho ayaa nalooga soo duulay, dagaalka illaa Xamar ayuu imaan doonaa, weyna isku xiran yihiin Muqdisho iyo Hargeysa” ayuu yiri Faysal.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney ogaadaan dagaalka ka socda Tukaraq iyo in looga gardaaran yahay Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Zakariya Xaaji oo kashifay qorshayaal halis ku ah qaranimada oo ay ka diideen Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha socdaalka Dooxa ku wehlinaaya Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Dowlada Imaaraadka carabta ku dooneysay inay ku faragaliso howlaha Dowlada.

Xildhibaan Zakariya Xaaji, oo si gaara ugu waramaayay Wargeyska Asharaq ee ka soo baxa dalka Qdar, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay is hortaagtay qorshaha uu Imaaraadka ku doonaayay inuu ku maamulo Dhammaan ciidamada iyo Xerooyinkooda.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay inay dowladda Imaaraadka Carabta ku xadgudubtay shaqooyinka gaarka ah ee dowlada Somalia, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dowlada ay muujiso dulqaad intaa ka badan.

‘’Isfahan’waaga waxa uu soo bilowday goortii uu Imaaraadka isku dayay inuu la wareego maamulka Ciidamada iyo Xerooyinkooda, waxaanu ka dowlad ahaan isla fahanay inaan diidno rabitaanka Imaaraadka eek u aadan maamulida ciidamada iyo xerooyinkooda’’.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay in dowlada Imaaraadka qudheeda aysan ka raali noqoneynin in Dowlada Somalia ay maamusho ciidamada iyo xerooyinkeeda, sidaa aawgeed aysan dooneynin in Imaaraadka uu Somalia ka maamulo taago sharci daro ah.

Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi, ayaa wax laga weydiiyay xiriirka Somalia iyo Qadar, waxa uuna sheegay in iminka uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana la doonaayo inuu kasii wanaagsanaado halka uu hadda joogo.

Xiriirka Somalia kala dhexeeya Qadar ayuu sheegay inuu yahay mid soo jireen ah oo aan shalay bilaaban, sidaa aawgeed ay Somalia xiligaan maslaxad u aragto inay adkeyso xiriirka.

Sidoo kale, Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan ka raali noqon doonin in lagu faragaliyo howlaheeda, waxa uuna cadeeyay inay soo dhaweyneyso Dowlada dal waliba oo aan dooneynin faragalin.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqda mid muujinaaya in Dowlada Somalia ay u go’day dalka Qadar oo xiriir kala dhexeeyo, halka ay horay u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafyada Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tukaraq iyo meydad hor leh oo goordhow la helay

Garoowe (Caasimada Online ) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq ay gudaha u galeen Gaadiid dagaal oo ay leedahay Somaliland kuwaa oo jihooyin kala duwan ka galay deegaanka.

Gaadiidkan ayaaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 14 gaari oo xalay ilaa saaka kasoo gudbay degaanka Tukaraq, waxaana la sheegayaa inay gudmad u yihiin ciidamada maamulka ee ku jira aaga.

Gaadiidka gurmadka ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ku jira noocyada ay ku xiran yihiin Hubka culus, waxaana aad looga cabsi qabaa inay dib u ololiyaan dagaalka Tukaraq.

Dagaalka xoogiisa ayaa degaanka Tukaraq waxa uu mar kale ka dhacay habbeenimadii xalay, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac.

Meydadka 5 Askari ayaa saaka laga helay gudaha degaanka Tukaraq gaar ahaan goobaha xalay lagu dagaalamay kuwaa oo la sheegay in oogada jirkooda ay ku taalo rasaas dhowr ah.

Meydadka Askarta ayaa laga soo kala qaaday labada dhinac waxaana qaarkood laga toogtay Madaxa kuwaa oo aan muuqaneynin wajiyadooda, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale, ciidamada maamulka Puntland ee jiida dagaalka ayaa ku jira heegan, waxaana xusid mudan in la maqlaayo rasaas goosgoos ah oo ay isweedarsanayaan labada ciidan.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono, waxaana aad looga cabsi qabaa in mar kale uu dhaco dagaal rogaal celin ah oo ay qaado Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

 

QM oo war kasoo saartay dagaalka culus ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka qaraaran ee kasocda deegaanka Tukaraq isla markaana u dhexeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Michael Keating, waxa uu nasiib darro ku sheegay in dad deegaan wada ah ay u bareereen daadinta dhiigooda, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu Michael Keating ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Michael Keating, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.

Michael Keating, waxa uu labada maamul ku booriyey inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, waxa uuna cadeeyay in colaada ay ka dhalato in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa Hoagaamiye Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan.

Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanta Michael Keating, ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu horay ugu baaqay labada maamul in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Fadeexad dhaawac culus gaarsiisay magacii dadka Soomaalida oo ka taagan gobolka Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa baaraya xatooyo lagu tuhmayo 10 ka mid ah goobaha carruurta lagu xanaaneeyo, oo ay leeyihiin Soomaalida halkaas degan.

Chuck Johnson oo ah sii-hayaha madaxa waaxda caafimaadka iyo adeegga dadweynaha ee Minnesota, ayaa sheegaya in baaritaankan oo billowday 2014 uu horseeday in la xiro 13 goob, lix kiis dambi helis ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 4.6 milyan oo dollar.

Johnson ayaa sheegay inay soo shaac baxday qiyaano cad oo caado noqotay.

“Waa xaalad aan xaqiiqdii wax daryeel la siin carruurta, hase yeeshee carruurta loo geeyo goobaha xanaanada sida daryeel kuwa u baahan. Waxaana jirta in waalidiinta carruurta mararka qaar lacagta dowladda laga xado qeyb laga siiyo, taasi oo ah heshiis ka dhaxeeya waalidka iyo milkiilayaasha goobaha” ayuu yiri Johnson.

Hadalkiisa ayaa loola jeedaa inuu jiro heshiis dhex mara waalidka iyo kuwa leh goobaha xanaanada caruurta, ayada oo waalidka lacagta dowladda ay ku bixiso xanaanada caruurta qeyb laga siiyo, si ay caruurtooda u geeyaan goobaha xittaa haddii aysan u baahaneyn, ayada inta kale ee lacagtana ay qaataan dadka leh goobaha xanaanada.

Waxaa la rumeysan yahay in lacag dhan 100 milyan oo dollar, laga xaday gobolka, sanadihii ugu dambeeyey.

Eedayamaha noocan ah, oo Soomaali badan xabsiga loo dhigay, ayaa dadka Soomaalida magacooda gaarsiiyey dhaawac xooggan, kana carreysiiyey bulshooyinka kale oo u haysta Soomaalida tuugo dhacaya lacagtii ay canshuur ahaanta u bixiyeeen.

Caasimada Online
Xafiiska Minnepolis
[email protected]

Golaha ammaanka QM oo go’aan cusub ka gaaray wakhtiga ciidamada Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada Golaha amaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda gudaha iyo daafah Somalia.

Wargeysyada oo xiganaaya warbixin uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in 30-ka October ee soo socota tirada Ciidanka labisan ee AMISOM ka jooga Somalia ay noqdaan 20,626 oo Askari, halka ay hadda ka yihiin 22,126 oo Askari.

Waxaa warbixinta kasoo baxday Golaha lagu sheegay in muddo dhimista Askarta Militeriga ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah, sida uu soo saaray Golaha.

Golaha waxa uu sheegay in lamideyn doono Booliska isla markaana loo bedeli doono Boolis xirfadeysan, waxaana loo qeybin doonaa 5 Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah.

Unugyadan la sameynaayo ayaa la sheegay inay ka qeybqaadanayaan dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya ee la doonaayo inay bedelaan kuwa AMISOM.

Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah, iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya  10,900, kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM.

Sidoo kale, Taliska iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxaa fursad loo siinayaa in ilaa dhamaadka Bisha July ee soo socota ay Ciidamo u diri karaan Somalia kaddibna ay billaabaneyso ku beddelidda  Booliska, sida uu yahay qaraarka kasoo baxay Golaha.

Dhinaca kale, Golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in qorshaha dhismaha ciidamada Somalia iyo kan bixitaanka AMISOM uu noqon doono kan ay ku qeexeen warbixintooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Tukaraq iyo ciidan gurmad ah oo ku qulqulaya

Tukaraq (Caaimada Online) – Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland  ayaa istaagey xiligii makhribka ee xalay, Soomaaliya, waxaana uu socdey muddo 10 saac ah.

Dagaalka ayaa u qaybsanaa  dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq,  dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad  ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah.

Dagaalka ayaa makhribkii  istaagey iyada oo ciidanka Puntland ay ku hakadeen buundada Tukaraq dhanka xigta Garoowe, halka ciidanka Somaland ay magaalada Tukaraq ka xigeen dhanka Laascaanood.

Magaaalada Tukaraq ayaa cidlo ah waxaana ka qaxay dadkii deganaa halkaas. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  gelinkii danbe ee shalay ayaa dagaalku  badnaa mid la isku garaacayo madaafiicda culus sida qoriga PM-ka.

Labada ciidanba waxaa  soo gaarey gurmadyo xoojin ah, waxaana aad loo saadaalinayaa in waaberiga maanta dagaalku dib u qarxi doono haddii aan isla habeenimada caawa ah, ciidanka Somaliland baneyn aaga qoraxdu ugu dhacdey.

Dhimashada labada dhinac kala gaartey ayaa ku dhaw 30 qof, halka dhaawucu intaas ka badan yahay, Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 9 gaari oo tikniko ah, halka Somaliland sheegatey in ay qabsadeen 6 Tikniko ah oo Taangi ku jiro.

8 Janaayo 2018 ayey ahayd markii Ciidamada Somaliland duulaan ku qabsadeen Tukaraq oo ahayd kastamka Puntland  ee gobolka Sool.

Isha: HM

Gaadiidkii casriga ahaa ee DF loogu deeqay oo loo isticmaalayo si qaldan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dhex qulqulaaya Gaadiid casri ah oo dhawaan ay dowladda Qadar ugu deeqday Dowlada Somalia.

Gaadiidkan oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’adaha amaanka, gaar ahaan Booliska, halka qaarna loo hibeeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada, hase ahaatee waxa ay u muuqdaan kuwo aan la marin wadadii loogu tallo galay.

Gaadiidkan oo u badan Landcroser ayaa waxaa si mas’uuliyad darro ah ugu dhexwata gudaha magaalada Carruur dhalinyaro ah oo u muuqda inay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu qaabab khaldan ku helay gaadiidka.

Gaadiidka qaarkood oo aanu Xabadda Karin ayaa waxaa xiliyada qaar ku arkeysaa Xeebta Liido iyo Goobo kale oo aan munaasib aheyn waxaana ka dhex muuqda Carruur qaab khaldan u isticmaala gaadiidka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal isugu jira ayaan heysan Gaadiid ku haboon kuwaa oo la dayacay amnigooda, halka Gaadiidkii loogu tallo galay ay ku tamashleynayaan Carruur.

Dowlada Somalia ayaa waxaa loogu deeqaa Gaadiid casri ah, hase ahaatee waxaan la ogeyn halka la mariyo, iyadoo taa loo fasirankaro inaanu jirin maamul u xilsaaran dhex u xirashada ilaalinta Hantida Qaranka.

Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay isku xil qaantay maareynta Hantida Qaranka, waxaase xusid mudan inay jiraan shaqsiyaad qaabab khaldan u isticmaala Hantida Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qaabka ay Dowlada Somalia uga jawaab bixin doonto ku tagrifalka Gaadiidka casriga ah ee loogu deeqay, balse ay ku tagrifalaan carruur ay dhaleen mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aroos naadir ah oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa waxaa isku aroosay Lamaane aan wax maqli karin isla markaasna aan hadli karin. Waana arrin naadir ku ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo magaalada Gaarisa ee ay arrintani ka dhacday, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay.

Caruus Maxamed Cabdixamiid ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay arooska wuxuuna u mahadceliyay waalidkii iyo waalidka xaaskiisa”.

Bashkas iyo Cabdixamiid waxa u kala turjumaanay Xaliimo Guure oo ku takhasustay luuqadda miidaarka ee dhagoole yaasha.

Caadiyan dadka Soomaalida ah ayaan aad u daryeelin dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida dhagooleyaasha, haddaba BBC-da ayaa caruuska waydiisay sida ay arrintan ugu suuragashay?

“Waalidkay ayaa aad iigu dadaalay waxna i baray, ina garabtaagnaa ilaa iyo heerkan, soomaaliduse aad bay u takooraan dhagoole yaasha, guryaha ayay ku hayaan, marka waa in ay ogaadaan ahmiyadda ay leedahay in wax la baro dhagooleyaasha”, yuu yiri Maxamed oo luuqadda miidaarka adeegsanaya.

Hadalkaasna waxaa ku raacay Sheekh Cusmaan Cabdi oo isku meheriyay lamaanahan is caashaqay, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in aan la dayicin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sheeka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in qof dhagoole ah uu ka caqli badnaan karo dadka aan dhagooolaha ahayn.

Maxamed wuxuu rajaynayaa in uu toddobo ilaa siddeed ilmood dhalo wuxuuna jeclaan lahaa in uu wiil ku curto gabadhna ku xijisiiyo.

Wuxuu sheegay in uu carruurtiisa jeclaan doono haddii ay dhagoole yaal noqdaan iyo haddii kalaba.

Cabdixamiid Sheekh Xasan Shiil oo ah aabaha carruurka ayaa sheegay in uu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood isla markaasna ay aysan dhammaantood waxba maqlin isla markaasna aysan hadlin.

Cabdixamiid wuxuu sheegay in labii gabdhood laga guursaday, Maxamedna uu soo calmaday gabadh sidiisa oo kale aan waxba maqlin isla markaasna hadlin isla markaaasna uu ku taageeray.

“Waxaan u dhigay aroos ay kharash badan ku baxday si uusan isu dhihin waad ka liidataa kuwa wax maqla” ayuu aabaha oo la hadlay BBC-da.

Isha: BBC

Mursal oo Baydhaba ku wajahan xili ay ku shirayaan maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaca ah uu u socdaalo magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiye Mursal, oo ka socta Garoonka magaalada.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana xusid mudan in socdaalkiisa Baydhabo uu yahay mid kusoo beegmaaya xili halkaa uu ka socdo shirka Hogaamiyayaasha maamulada.

Qorshaha socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo la kulmida madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas oo shirkooda dhaliilo farabadan laga muujiyey.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaanan weli shirkoodii soo gaba gabeyn, waxaana warar soo baxayay ay sheegayen in ay jiraan qodobo ay isku mari la’yihiin taas oo waqtiga ku dheereysay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in Guddoomiye Mursal uu xal u helo tabashooyinka Hogaamiyayaasha Maamulada, iyadoo wixii intaa ka danbeeya leysla soo aadi doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Rasaas laga maqlaayo Tukeraq & Puntland oo soo bandhigtay Gaadiid dagaal oo ay qabsatay + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online)-Dagaalada culus oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu dib Caawa uga bilowday deegaanka Tukeraq ee Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in Caawa uu dib u Qarxay, waxaana la maqlayaa Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay is weedarsanayaan ciidamada labada maamul ee dagaalamaaya.

Dagaalka hadda socda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan waxa uuna Khasaaraha Dhimasho ilaa maanta gaarayaa inkabadan Afartan Askari, halka Dhaawacana uu kor u dhaafayo Sodon oo qaarkood aan weli loo helin Dawo.

Dhaawacyada gurmadka helay ayaa waxaa la kala geeyay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Burco iyo Oog iyadoo hadda lagu daweynayo Isbitaaladaasi.

Askarta dhimatay waxaa ku jira saraakiil Lix kor u dhaafaya oo labada dhinacba ka dhintay.

Taliyihii ciidanka Somaliland ee Tukeraq Maxamed Daa’uud ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay saraakiisha ku dhintay dagaalka.

Xaalada Isbitaalada la geeyay dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay mashquul badan ka jira islamarkaana laga joojiyay dadkii soo booqanayay.

Taliyaha ciidamada Millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan deegaanka Tukeraq ayaa sheegay in dhaawacyo iyo dhimasho badan ay jiraan labada dhinacba balse aanay warbaahinta u sheegi karin khasaaraha dhabta ah.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka Puntland oo la hadley VOA ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq oo hadda xabaddu magaalada ka socoto goordhawna ay sii dhaafi doonaan.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, Saxaafadda ayaan ku casumi doonaa mar dhow ayuu yiri Tukaraq.

Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen.

Wuxuu sheegay in caawa Gaadiid Dagaal oo leedahay Somaliland ay ku hoyanayaan gacanta maamulka, kadib markii maantaay ciidamada labada maamul ku dagaalameen deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale, Labada maamulba waxaa ay xoojinayaa ciidamada ku dagaalamaya Tukaraq iyadoo magaalo kasta laga soo daad guraynayo ciidamada Gurmad ah.

 

Dowlado badan oo carab ah oo go’aamiyey haddii ay berri soon tahay

Sida ay qorayaan Wakaaladaha Wararka ee Dowladaha Carabta waxaa la go’aamiyey in Maalinta Berri ah la dhameystiri doono 30 Shacabkaan, isla markaasna ay maalinta ugu horeyso soonka noqon doonto Khamiista.

Dowladaha Xaqiijiyey arrintaan waxaa ugu horeysay dowladda Qatar oo ku dhawaaqday inay adkaatay aragtida Bisha Ramadaan, waxayna Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta go’aamisay inaysan berri soon aheyn.

Sidoo kale guddigii ay dowladda Sacuudiga u saartay raadinta Bisha Ramadaan ayaa soo gudbiyey inay arki waayeen Bisha isla markaasna waxay Maxkamadda ugu sareyso sacuudiga ku dhawaaqday in Berri la dhameystiri doono 30-ka Shacabaan.

Wadamada kale ee looga dhawaaqay in berri 30 Shacabaan la dhameystiri doono waxaa kamid ah:

  1. Ciraaq
  2. Urdun
  3. Lubnaan
  4. Iyo dowlado kale

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Soomaaliya weli ma aysan soo saarin go’aankeeda ku aadan Haddii ay Berri soon tahay iyo haddii kale, sidoo kale ma jiro ilaa hadda gobol ka tirsan Soomaaliya oo laga arkay Bisha.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay dowladda Soomaaliya go’aan soo saarto, waxayna u badan tahay inay go’aamiso in Berri la dhameytiri doono 30 Shacbaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

3 qodob oo halis ku ah DF oo la ogaaday inay yihiin ajandaha shirka maamullada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa galay maalintii sadaxaad, waxaana maanta dibad joog ka ah Warbaahinta.

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maanta diiradda saaraya sidii ay u wajihi la haayeen culeesyo siyaasadeed oo ay wajahaan dhamaan Maamul Gobaleedyada gaar sadax maamul gobaleed oo ku soo dhaw xiligii ay gali lahaayeen doorasho Madaxweyne iyo isbaheysiyo deegaanadooda ka abuurmaya.

Warar Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay laga helay ayaa soo sheegaya in Ujeedada shirka maamul gobaleedyada uusan aheyn sidii warbaahinta ka sheegeen Madaxda maamul Gobaledyada Bilaawgii shirkaan ee ahaa Ka tashiga Dastuurka, amaanka, siyaasadda iyo u Gurmashada dhibaatada ka taagan Beladweyne.

Dadkii aan la hadalnay oo ay ku jiraan xogheyno wax ka qoray Ajandayaasha Shirka ayaa sheegay in Ujeedada Shirka ay tahay Codsiyo ka yimid 3 maamul Gobaleed oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed kuwaas oo sheegay iney wajahaan Culeesyo uga yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sadaxdaan Maamul Gobaleed oo ay deegaanadooda ka dhaceyso dhamaadka sanadkaan iyo bilawga Sanadka 2019 doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa siyaasiin Soomaalida Kenya degta ah ay Abuureyso siyaasiin la wareega Talada Maamulada kuwaas oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya waxaana malaayiin lacag ah ku bixinaya Gadar sida ay hadalka u dhigayn.

Xubnaha Shirka soo qaban qaabiyay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ajandaha Shirka ay ugu wayntahay 3 qodob oo kala ah.

  1. Ka feejignaanta fargelin Dowlada dhexe ay ku sameyso doorashada deegaaanada Maamul Gobaleedyada
  2. In Cabasho Beesha Caalamka looga Gudbiyo Dowladda Soomaaliya laguna cadeeyo ineysan la shaqeyn Karin Maamul Gobaleedyada.
  3. Iyo dhamaan Maamul Gobaleedyada ay Xiriirka U jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen iney ku xadgudubtay Dastuurka, sidoo kalane fulin weysay qodobo lagu heshiiyay Bishii October 2017.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gees oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Shalay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda waxa uuna ku tilmaamay dad facebook isticmaala oo aan waxba ka aqoonin Waajibaadka Dowladnimada.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Masuuliyiinta shirka ku sugan ayaa sidoo kale weeraray Madaxda Dowladda, hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayuu kula taliyay inay wadashaqeeyaan hadii aysan isku duubnaanina ay xaaladooda sidaan kasii adkaan doonto.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale ku taliyay in laga feejignaado talaabooyin uu sheegay in hore ay u dhaceen hadana ay taagan ka taagan Jubbaland lana xisaabtamo Dowladda Federaaka ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shirka marti gelinaya hadal kooban uu jeediyay masoo hadal qaadin culeesyada Siyaasadeed iyo Cabashada Madaxweynayaasha kale ay qabaan, dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya waxay Shariif Xasan ku tilmaamaan hogaamiya aan warbaahinta ku soo bandhigin aragtidiisa Siyaasadeed mana jirto hadal adag oo diiwaanka u galay tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale si degan u hadlay waxa uuna diiradda saaray oo kaliya wadashaqeyn iyo is faham in la helo ay tahay lama huraan , sidoo kale fatahaadaha ka jira deegaanka HirShabeelle ayuu ka hadllay.

Shirkaan ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maanta gelinka dambe waxaana laga soo saari doonaa War-Murtiyeed ku aadan Xaaladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Kumliye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso qodobada laga soo saaray shirka daahfurka dib-u-eegista dastuurka

Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

• Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa;

• Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;

• Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka;

• Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;

• Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol;

• Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka;

Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka

2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka

3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay

4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah

5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya

6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa

Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay
ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka;

Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda:

a) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:-

I. Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;

II. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;

III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.

IV. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo

b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;

Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:

1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.

2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019.

3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.

4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.

5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:

• In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka;

• In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan;

• In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.

Bogaadin:

Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaalka Somaliland iyo Puntland

Tuka-raq-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya saddex arrin oo muhiim ah

Ankara-(Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]