25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

3 qodob oo halis ku ah DF oo la ogaaday inay yihiin ajandaha shirka maamullada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa galay maalintii sadaxaad, waxaana maanta dibad joog ka ah Warbaahinta.

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maanta diiradda saaraya sidii ay u wajihi la haayeen culeesyo siyaasadeed oo ay wajahaan dhamaan Maamul Gobaleedyada gaar sadax maamul gobaleed oo ku soo dhaw xiligii ay gali lahaayeen doorasho Madaxweyne iyo isbaheysiyo deegaanadooda ka abuurmaya.

Warar Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay laga helay ayaa soo sheegaya in Ujeedada shirka maamul gobaleedyada uusan aheyn sidii warbaahinta ka sheegeen Madaxda maamul Gobaledyada Bilaawgii shirkaan ee ahaa Ka tashiga Dastuurka, amaanka, siyaasadda iyo u Gurmashada dhibaatada ka taagan Beladweyne.

Dadkii aan la hadalnay oo ay ku jiraan xogheyno wax ka qoray Ajandayaasha Shirka ayaa sheegay in Ujeedada Shirka ay tahay Codsiyo ka yimid 3 maamul Gobaleed oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed kuwaas oo sheegay iney wajahaan Culeesyo uga yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sadaxdaan Maamul Gobaleed oo ay deegaanadooda ka dhaceyso dhamaadka sanadkaan iyo bilawga Sanadka 2019 doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa siyaasiin Soomaalida Kenya degta ah ay Abuureyso siyaasiin la wareega Talada Maamulada kuwaas oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya waxaana malaayiin lacag ah ku bixinaya Gadar sida ay hadalka u dhigayn.

Xubnaha Shirka soo qaban qaabiyay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ajandaha Shirka ay ugu wayntahay 3 qodob oo kala ah.

  1. Ka feejignaanta fargelin Dowlada dhexe ay ku sameyso doorashada deegaaanada Maamul Gobaleedyada
  2. In Cabasho Beesha Caalamka looga Gudbiyo Dowladda Soomaaliya laguna cadeeyo ineysan la shaqeyn Karin Maamul Gobaleedyada.
  3. Iyo dhamaan Maamul Gobaleedyada ay Xiriirka U jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen iney ku xadgudubtay Dastuurka, sidoo kalane fulin weysay qodobo lagu heshiiyay Bishii October 2017.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gees oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Shalay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda waxa uuna ku tilmaamay dad facebook isticmaala oo aan waxba ka aqoonin Waajibaadka Dowladnimada.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Masuuliyiinta shirka ku sugan ayaa sidoo kale weeraray Madaxda Dowladda, hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayuu kula taliyay inay wadashaqeeyaan hadii aysan isku duubnaanina ay xaaladooda sidaan kasii adkaan doonto.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale ku taliyay in laga feejignaado talaabooyin uu sheegay in hore ay u dhaceen hadana ay taagan ka taagan Jubbaland lana xisaabtamo Dowladda Federaaka ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shirka marti gelinaya hadal kooban uu jeediyay masoo hadal qaadin culeesyada Siyaasadeed iyo Cabashada Madaxweynayaasha kale ay qabaan, dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya waxay Shariif Xasan ku tilmaamaan hogaamiya aan warbaahinta ku soo bandhigin aragtidiisa Siyaasadeed mana jirto hadal adag oo diiwaanka u galay tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale si degan u hadlay waxa uuna diiradda saaray oo kaliya wadashaqeyn iyo is faham in la helo ay tahay lama huraan , sidoo kale fatahaadaha ka jira deegaanka HirShabeelle ayuu ka hadllay.

Shirkaan ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maanta gelinka dambe waxaana laga soo saari doonaa War-Murtiyeed ku aadan Xaaladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Kumliye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso qodobada laga soo saaray shirka daahfurka dib-u-eegista dastuurka

Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

• Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa;

• Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;

• Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka;

• Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;

• Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol;

• Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka;

Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka

2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka

3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay

4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah

5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya

6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa

Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay
ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka;

Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda:

a) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:-

I. Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;

II. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;

III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.

IV. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo

b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;

Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:

1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.

2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019.

3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.

4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.

5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:

• In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka;

• In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan;

• In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.

Bogaadin:

Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaalka Somaliland iyo Puntland

Tuka-raq-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya saddex arrin oo muhiim ah

Ankara-(Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Lataliyihii dhinaca war-faafinta ee xafiiska Khayrre oo is casilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in C/qaadir Cashir Nadara oo ahaa lataliyihii dhinaca Warfaafinta ee Ra’iisul Xasan Cali Khayre uu is casilay.

C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo.

Xiriir ay Idaacadad kulmiye ee Magaalada Muqdisho la samaysay Nadara ayuu ku xaqiijiyay arintaas, isagoo intaa ku daray inuu yahay Murashax utaagan kursiga Xildhibaan ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo uu dhawaan Baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Wararka ayaa shaegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo dhawaan, RW Xasan Cali Khayre ayaa lafilayaa in Nadaara uu ku taageero helida kursiga xildhibaanimo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in tallaabada uu isugu sharaxayo xubinta Xildhibaanimo ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso Magalada Baydhabo ay ku dhiirageliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero siinaya.

C/qaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017.

Nadaara ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku xaqiijiyey inuu xilkiisa iska casilay laga bilaabo Maanta

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka jira eedeyntii uu abwaan Baarleex u jeediyey wasiir Cilmi Caynsane?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha Bulshada ee Soomaalida ku jiray eedeyn uu Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex usoo jeediyey Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane.

Abwaanka ayaa Wasiirka ku eedeyey in anu waxba u qaban isla markaasna uu ku dayacan yahay Magaalada Muqdisho.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal xooggan ku sameysay eedeynta uu Abwaanka soo jeediyey, waxaana ilaa xad isku daynay inaan wax badan ka ogaano isla markaasna aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno waxa dhabta ah ee jira.

Sidee ayuu ku bilowday xiriirka Wasirka iyo Abwaanka?

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xildhiban Cilmi Cumar Ceynsane ayaa baraha Bulshada ku arkay Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo  ku xanuunsanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka oo si weyn uga danqaday Xaaladda bini’aadanimo ee uu ku sugnaa Abwaanka ayaa go’aansaday inuu keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si loo geeyo isbitaalada casriga ah ee ku yaalo.

Abwaanka ayaa laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiir Ceysane oo markaas saxaafadda kula hadlayey garoonka dhexdiisa sheegay inuu Abwaanka halkaan u keenay sidii loo daaweyn lahaa maadaama Magaalada Hargeysa isbitaalada ku yaal wax looga qaban  waayey.

”  Abwaanka waxaan rabaa inaan geeyo isbitaalada Magaalada Muqdisho, haddii markaas wax looga qaban waayo waxaan u la raadin doona sidii loogu qaadi lahaa dakhatiirta dalka Debadiisa ah” ayuu yiri Wasiirka oo xilligii abwaanka Muqdisho imaanayey la hadlay Warbaahinta.

Sidoo kale Abwaanka oo xilligaas la hadlayey Warbaahinta ayaa isna sheegay inuu Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsanayo in loo fidiyo gargaarka daawo ah

” Aniga waxaan ahay Abwaan soo halgamay, guryo iyo xoolo nin doonayo maahi, waxaana madaxda dowladda ka codsanayaa inay igu caawiyaan sidii la iiga daaweyn lahaa xanuunka wadnaha iga hayo” ayuu yiri Abwaanka.

Maxaa xigay?

Wasiir ku xigeen Cilmi Cumar Ceynsane ayaa Abwaanka dajiyey Hotel Muqdisho oo ku yaal Isgoyska Nambar afar ee Magaalada Muqdisho oo anu uga tagnay.

Abwaanka oo muddo laba bil ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dhammaan Isbitaalada ku yaal Muqdisho sida: Digfeer, Masaarida, Dr. Dasuuqi iyo Kalkaal.

Daaweyn iyo la tacaalid badan kadib, Dhakhaatiirta ayaa ku taliyey hadii loo heli karo in lo diro dakhatiirta dibada ah dawoyinkisana la siiyo uuna isticmaali karo inta dalka debadiisa loo qaadi karo taasoo ka caawin karto inuusan xanuunka ku dhibtoon.

Qarashaadka ku baxayey isbitaaladii la geeyey dhammaan waxaa bixinayey Wasiir Ceysane, kaliya daawada bes maahan e xataa qarashaadka Hotelka iyo cuntadiisa muddo laba bil ah waxaa bixinayey Wasiirka.

Qorshaha Dibadda looga qaadayey

Wasiir Ceysane oo raacayo taladii Dhakhaatiirta ee aheyd in Abwaanka dalka Dibadiisa lagu soo daaweeyo ayaa si deg deg ah ugu soo sameeyey Baasaboor isaga iyo gabar uu dhalay oo laba rabo in ay raacdo oo la qorsheeyey inay Turkiga u baxaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Xaaladda Abwaanka u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna mar kasta ku dadaalayey sidii loo Caawin lahaa Abwaan Baarleex.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay meel gaba gaba ah u mareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhowaan ay soo gabagabowdo qorshaha dibada loogu qaadayo laguna soo daweyn doono dalka Turkiga haddu Alle idmo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waraaqaha Caafimaadka ee abwaanka loo diray Hospitalada dalka Tukey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo.

Hadalkii kasoo yeeray Abwaanka

Abwaanka ayaa cudur daar ka bixiyey eedeyntii uu Wasiir ku xigeenka usoo jeediyey, wuxuuna sheegay in la marin habaabiyay uuna yahay qof xanuunsan.

Waa sidee hadda Xaaladda Abwaanka?

Ugu dambeyntii Maamulka Hotelka uu Muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku haya xaalada caafimaad ee Abwaanka ayaa noo  xaqiijiyay in daryeelka abwaan Baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiroba dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo aan la kulanay kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey Abwaanka.

Waxaana xusid gaar ah mudan in Goobta uu deganyahay Abwaanka iyo  dhamaan kharashkadkas ku baxa uu ilaa hadda si shaqsiyan ah gacanta ugu hayo wasiir Caysane oo go’aansaday inuu Mushaarkiisa ugu gargaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cali Raage iyo xildhibaan Xiddig oo Jubbaland u heshiiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in Cabdi Cali Raage oo ah la Taliyaha Arimaha Siyaasada ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland uu ku biiray Kooxda dagaalka siyaasadeed kaga soo hor jeedo Axmed Madoobe.

Cabdi Cali Raage oo Miisaan siyaasadeed ku leh Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in arintan uu ku dhiirigeliyey Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo Kuna xiray Madaxtooyada.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ay ilma Adeer yihiin Cabdi Cali Raage ayaa loo balanqaaday in loo Magacaabayo Xilka Wasiiru Dawlade halka Cabdi Cali Raage loo balanqaaday Dhaqaale uu ku furfuro Jubaland si looga guulaysto Axmed Madoobe.

Xildhibaan Xidig ayaa dhankiisa ka wada Ololaha ugu balaaran ee looga soo horjeedo Axmed Madoobe isagoo dantiisu tahay Xilka Wasiiru Dawladaha.

Dawlada FS ayaa dadaal weyn ugu jirta inay xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo Taageero weyn u muujiyey Dawladda UAE arintaasoo ka caraysiisay Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muuse Biixi “Ragga nasoo weeraray waxaan u dhigi doonaa cashir lamid ah midkii aabahood Afwayne”

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dalwadda federaalka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen kuwa Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

“Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.

Muuse Biixi waxaa kale uu ku hanjabay in ay cashar u dhigi doonnaan dadka weerarka kusoo qaaday; “Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”

Dagaal saaka aroortii ka bilaabmay Tukaraq ayaa weli ka soconaya  kaasi oo u dhaxeeya labada ciidanka Somaliland iyo Puntland, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in khasaare xooggan uu dhashay dagaalka kaasi oo ah dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kala socotaa 4-ta qodob ee uu aadka uga cabsanaayo Gaas?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wajahaaya mowjado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka Dowlada Somalia iyo Mucaaradka maamulka.

Cabdiweli Gaas oo culeesyo kala duwan kala kulmaaya Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa walaac ka muujinaaya in Dowladu ay uga faa’iideysato xiliga Doorashada maamulka oo aan sidaa usii fogeyn.

Gaas oo muujiyay awoodo uu isku hortaagayo Siyaasada Dowlada Federaalka, ayaa duulaan ka dhigtay in Dowladu ay ku degdegtay go’aanka ay ku cadaadineyso Imaaraadka Carabta.

Baqdinta ugu badan ee C/weli Gaas uu xiligaan ka qabo Dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ah:

1-In Dowlada Somalia ay ka shaqeyso inay meesha ka saarto maamulka Gaas, si maamulka cusub ee bedeli doona uu u noqdo mid adeeca Dowlada.

2-In qalqal dhaqaale lagu sameeyo Doorashada maamulka oo diyaar garowgeeda uu hadda socdo.

3-In qar ka tuurkiisa ay Dowlada Somalia u adeegsato Xubnaha mucaaradka ee xiligaan doonaaya inay booska kala wareegan C/weli Gaas iyo maamulkiisa.

4-In Dowlada Somalia ay C/weli Gaas kala dagaalanto ololaha oo la rumeysan yahay inay kala dhantaali karto Dowlada.

C/weli Gaas, ayaa u muuqanaaya in mucaaradnimadiisa cusub uu Imaaraadka uga bedelanaayo taageero dhaqaale iyo ballanqaadyo dhanka doorashada maamulka, waxaase muuqaneysa in Siyaasadiisa ay tahay mid u muuqaal eg tan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa il gaara ku heysa Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo isgarabtaagay Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Erdogan oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil iyo khilaafka oo cirka isku shareeray

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Israel inay geysatay xasuuq waxana uu cambaareeyay rarintaanka safaarada Maraykanka loo soo raray magaalada Qudus.

Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka.

Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa ku dhowaaqday saddex maalin oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii Falastiiniyiinta ahaa  ee lagu diley magaalada Qaza.

Dhinaca kale Turkiga iyo Koonfur Afrika ayaa kala baxay Israel safiiradooda kadib xasuuqii shalay ay ciidamada Israel kula kacen shacabka Falastiin ee banaanbaxa ka dhigayey Marinka Gaza.

Ilaa iminta 59 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen rasaastii ay ciidamada Israel ku rideen Dadkii shacabka ahaa ee ku mudaharaadayey xaduuda u dhaxeysa Gaza iyo dhulka israel heysato.

Xukuumada Ankara ayaa waxa ay ugu yeertay dalalka Islaamka ah inay kulan deg-deg ah isugu yimaadaan toddobaadkan waxana ay baaq  u dirtay Golaha  Ammaanka in fadhi aan caadi ahayn ka yeesho arrinta xasuuqa ay ciidamada Yuhuudu ka geysteen Qaza.

Ciidamada Israel ayaa rasaas nool nool iyo sunta ilmada ka keenta dadka ku isticmaalay banaabaxyo lagu diidanaa furitaanka ay dowlada Maraykanku ka furatay safaaradeeda magaalada Qudus waxaana ku dhintey dad ku dhow lixdan ruux halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 2,700.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaalkii Tukaraq oo sii xoogeystay iyo dhinacyada oo adeegsanaya hub culus

Tukaraq  (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee  laga heleyo dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay.

Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dalalka Africa oo noqday kuwii camiray furitaanka safaaradda USA ee Quddus

Qudus (Caasimadda Online) – Iyadoo Shalay uu Mareykanka si rasmi ah u furay Safaaradiisa Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa waxaa la yaab noqotay in wadamada ugu badan ee kasoo qeybgalay ay noqdeen kuwa Africa .

Dowladda Israa’iil ayaa casuumaad u fidisay ilaa 86 wadan ee safaaradaha ku leh dalkeeda, waxaana kaliya aqbalay inay kasoo qeyb galaan ilaa 30 wadan.

12 kamid ah wadamada ka qeybgalay ayaa ahaa kuwa Africa, waxayna qaaradaan noqotay midda ugu badan ee camirta Xafladda furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Qudus taasoo ay ka dhalatay muran badan.

Dalalka Koofur Afrika iyo Turkiga ayaa si rasmi ah safiirradooda Isreal ugu yeertay si ay gadood uga muujiyaan taallabada uu qaaday Mareykanka.

Waxaa kale oo jira dalal u badan Dunida Muslimka oo cambaareeyay furitaanka Safaaradda Mareykanka iyo kuwo aan ka hadlin.

Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa ka gaabsaday cambaareynta furitaanka safaaradda waxaana ay beddelkeeda cambaareeyeen Ciidanka Israel ee dadka ku dhow 60 Qof shalay kaliya ku dilay Gaza.

Afrika:

Kenya

Ethiopia

Koofurta Suudaan.

Tanzania.

Rwanda

Angola

Zambia

Nigeria

Congo DR

Congo

Ivoary Coast

Cameroon.

Europe:

Georgia

Mecidonia

Ukarine

Romania

Albania

Hungry

Czech Repuplic

Austria

Serbia.

Asia:

Myanmar

Vietnam

Philippines

Thailand

America:

Paraguay

Dominica Repuplic

Guantamela

El Salvador

Panama

Peru

Hunduras.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sidee ayey warbaahinta Imaaraadka u hadal heysaa safarka Farmaajo ee Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa aad u hadal haya Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Warbaahinta ayaa booqashada Farmaajo ku micneyneysa qaabab kala duwan, waxa ayna qaarkood tilmaamayaan in booqashadaasi ay tahay mid taageero loogu muujinaayo Qadar.

Wargeysyada ayaa qoray in Dowlada Qadar ay arbushaad Siyaasadeed u abuureyso Somalia, iyadoo ka faa’iideysaneysa Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia.

Waxa ay qoreen in Qadar ay dano gaara ka leedahay Somalia, taa oo hoostaal Madaxweynaha Somalia, waxa ayna si gaara u tilmaamayaan in qorshaha Qadar uu yahay inay saaxada ka saarto Imaaraadka oo hakat galisay howlahii ay kawaday Somalia.

Qadar ayey sheegen inay u hanqal taageeyso buuxinta dhammaan boosaska ay baneeysay Imaaraadka, sida tababarada, Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kamid yihiin ka qeybqaadashada Siyaasada iyo Amniga.

Waxa ay sidoo kale, qoreen in Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani, uu rabitaankiisa ka helay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo balse aanu weli dhicin Heshiiska lagu bilaabi lahaa dhammaan howlahaasi.

Madaxweynaha Somalia ayey sheegeen inuu ahmiyad gaara siinaayo dowlada Qadar, isla markaana uu ka beyray dhex dhexaadnimadii ay horay u shaacisay Dowlada Somalia, taa oo meesha ka saartay rajada Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Hoggaamiyihii Todobaad  oo ka socda dalalka Afrika ee booqda dalka Qatar tan iyo markii ay Xiisadaha Khaliijka bilowdeen bishii June 5-dii ee sannadkii hore.

Booqashadda Farmaajo ku joogo dalka Qatar ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay DFS iyo Dowladda Imaaraadka oo galangal xooggan ku lahayd Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saxaafada u adeegsaneysa dagaal Siyaasadeedka ay kula jirto Dowlada Somalia oo ay u aragto caqabad hortaagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xaaf: Haddii wixii jira aan ka hadalno ma waxaanu cadow ku nahay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf), ayaa weli ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaa oo uu ka socdo shirka Hogaamiyayaasha maamulada.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf), oo ka hadlaayay kulan xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa soo hadalqaaday tashwiishka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamulada dalka, waxa uuna sheegay inaanu jirin dhibaatooyin caqabad ku noqonkara dowlada oo ay maleegayaan maamulada, markii laga sootago sixitaanka dowlada.

Xaaf, waxa uu sheegay in maamulada dalka aysan diyaar u aheyn inay ka hor imaadan dowlada, hase ahaatee qorshaha uu yahay sida lagu sixi lahaa Dowlada, haddii uu dhaco khaladaad ka imaada dhankeeda.

Waxa uu Mr Xaaf tilmaamay in ka maamul ahaan ay doonayaan in Dowlada Federaal ay xaqiiqda u sheegay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu suuragal aheyn inay ka aamusaan waxa uu ku sheegay khaladaad ay sameyneyso dowlada.

‘’Waanu ka hadleynaa wixii khaladaad ah oo ka dhaca dowlada, suuragal maaha yaan la hadlin waayo hadalkeena ayaa wax ku saxmaan waan sheegeynaa wixii khalad ah’’

‘’Maaha in nala dhaho waxaa tihiin mucaaradka ama cadowga Dowlada, micnaha haddii aan runta u sheegno dowlada ma waxaanu nahay cadow, suuragal maaha’’

Xaaf waxa uu sheegay in Dowlada Somalia aysan ixtiraamin maamulada dalka, sidaa aawgeed ay caqabad noqotay wada shaqeyn toosa oo dhexmarta Dowlada iyo maamulada.

Sidoo kale, waxa uu Xaafa sheegay in Dowlada Federaalka laga doonaayo inay xoriyad siiso maamulada ka jira dalka, isagoo carab dhabay in dowlada qudheeda ay ku dhisan tahay maamulada.

Haddalka Xaaf ayaa u muuqanaaya in weerar dadban ku ah Dowlada Somalia oo waayadan uu khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Maamulada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka ka socdo Tukaraq

Garoowe (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa looga hadlay dagaalka iyo waxyaabaha Sababay, waxaana Puntland ay ku eedeeysay Somaliland in ay dagaal kusoo qaadeen ciidamada Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Masheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso:

Halgankii xisbiga S.Y.L oo 75 sanno jirsaday: Aqriso taariikhdiisa billow illaa dhammaad

Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhallinyaro Kala Fikir ah:

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu  u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo  Aways  iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi.

Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo  iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura.

Dalka Sidee Buu Ahaa:

Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal  ayaa laga raaci jiray,  shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha.

Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho.

Dastuurkii SYL:

Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:

-In Soomaaliwayn la isu raadiyo,

-Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado.

-In dadka wax la baro.

Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa:

-Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

-Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen

-Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL

Geesiyaddii SYL:

Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe .

Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm.

1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL.

Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud.

Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948

11 Janaanyo 1948:  Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu.

Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada.

11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah.

SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida  iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay.

Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab.

Dhacdadii Dhagaxtuur:

September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada .

October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.

Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.

Xukunkii Daakhiliga:

April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin  iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan.

Madaxbanaani:

Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii.

SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad:

SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay.

Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa,  waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer.

SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura.

75 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%,  malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta.

W/D: C/casiis Gurbiye 

Xaaf “Dowladda Daacad maka aha Federaaleynta, aad bey u necebtahay.”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka qeybgalay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Maanta ka furmay baydhabo, ayaa Jeediyay Khudbad dheer isagoo ka hadlay arimo ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa soo hadal qaaday Arimaha federaalka oo Dowladdii hore ay qaadatay, Isagoona Sheegay in Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan Daacad ka eheyn ku dhaqan Nidaamka Federaalka Dalka udagsan, Taa badalkeed ayuu sii sheegay in Dowladda Neceyb weyn ay uqabto Federaalka.

“Dowladeena ma jecla Federaaleynta, aad bey u neceb tahay, haddii aan ku sii adkeynana waxaa ka baqayaa inay dhibaato timaado, midkii aan soo maray oo kale, waa in aan tartiib tartiib u barano, ayagana u barno waaye”ayuu yiri Xaaf.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in hadii Maamul Goboleedyada ay isku dayaan iney ku adkeeyaan Dowladda Qaadshada federaalka ay qabaan cabsi ah Suura galnimada in Culeysyo ay kala Kulmeen Dowladda.

Waxa uu isaga Shaqsiyan isweydiiyay, waxa uu la Kulmi Karo, Maadaama dhawaan uun uu ka soo baxay Khilaaf ka dhashay arimihii Khaliijka oo uu isaga la saftay Imaaraatka Carabta iyo Xulufadiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladdan ay dadaal ku bixineyso sidii ay dib ugu soo laaban leheyd Talada Dalka, halkii laga suganayay iney Dalka waxbadan uqbaato.

Madaxda maamul goboleedka oo ku mideysan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shir ku leh magaalada Baydhabo, iyadoo shirka looga hadlayo arrimo badan oo ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamulada dalka oo aan xiriirkooda wanaagsaneyn.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Xaaf

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daacish oo sheegatay inay ka dambeysay dilkii ka dhacay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ayaa shaacisay inay ka danbeysan dil Galabta ka dhacay Suuqa Bakaaraha, magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo suuqleyda Bakaaraha ka mida ayaa ka dhacay qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxaana fuliyay saddex nin oo ku hubeysnaa Bistoolado, iyagoo markii ay dileen wiilka kadib ka duubay muuqaal Video ah.

War kasoo baxay Wakaalada Wararka Daacish ee ACMAAQ ayaa lagu sheegay inay dil ku fuliyeen mid ka mida ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, iyadoo toogasho lagu dilay, waxayna arrintan caddeyn u tahay inay sii kordhayaan howlgallada Daacish ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Caddeyn: DF oo dugsiga Jen. Gordon ku wareejisay shir gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa lasoo warinayaa in Shirkad si gaara loo leeyahay ay ku wareejisay dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowlada Federaalka ayaa la xaqiijiyay in wareejintaasi ay ula gol leedahay sida loo dhameystiri lahaa tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto dugsiga oo ay qabyeysay Dowlada Imaaraadka carabta.

Warqad ay ku saxiixan tahay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa muujineysa in Dugsiga lagu wareejiyay Shirkad lagu magacaabo Red Four Security Group Somalia (RSG).

Shirkadan magaceeda loo soo gaabiyay RSG ayaa loo fasaxay inay si rasmi ah ula wareegto tababarada iyo howlaha ka socday Dugsiga Jen. Gordon, waxa ayna qaabilsanaan doontaa qeybaha Lojistikada iyo tababarka.

Warar aan la hubin oo soo baxaaya ayaa sheegaya in Shirkadan Heshiiska lala galay ee qaabilsan arrimaha Amniga ay maamulaan Khubaro dhanka amaanka ah oo kasoo jeeda dalka Mareykanka.

Dowlada Somalia aya horay u sheegtay inay ku filan tahay dib usoo celinta howlaha Dugsiga Jen. Gordon, waxaana Dugsigaasi Imaaraadka Carabta lagala wareegay bishii la soo dhaafay, iyadoo Saraakiishii maamuli jirtay gebi ahaanba ay joojiyeen howshii tababarka xeradaas.

HOOS KA AKHRISO WARQADA TALISKA MILITERIGA DFS

Amiirka Qatar oo qoraal cajiib ah ka soo saaray la kulankiisii Farmaajo

Doha (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.

Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiim bin Xamaad Althani ayaa qoraal uu ku qoray Twitterkiisa ku sheegay in dowladda Qadar ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso midnimada,madaxbanaanida iyo Amniga Soomaaliya islamarkaana ay dowladda Soomaaliya siineyso kaalmo joogto ah.

Hadalkan waxaa uu soo baxay kaddib kulan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Magaalada Dooxa kula yeeshay Amiirka Qadar.

Billowgii Bishan waxaa sarkaal ka tirsan Dowladda Qadar uu u sheegay Reuters in dowladdiisa ay siisay Soomaaliya lacag dhan $385Milyan oo doollar,taas oo inta badan loo adeegsaday howlaha Bani’adamnimada,Waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliya.

 

” Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aan walaalaha nahay waa xiriir ku dhisan walaaltinimo iyo Ixtiraam, wada hadalada aan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sii xoojinayey arrintaan, waxaana xoogga ku saarnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dowladood ka dhaxeeyo”.

” Dowladda Qatar way sii wadi doontaa sidii ay u taageeri laheyd Midnimada  Soomaaliya, xasiloonideeda, qaranimadeeda  iyo barwaaqada shacabkeeda”. ayuu yiri Amiirka Qatar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hadalka Amiirka ayaa u muuqdo inuu ahaa mid lagu durayo dowladda Imaaraadka Carabta taasoo lagu eedeeyey inay ka shaqeeneyso sidii loo kala jari lahaa midnimada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii ay dowladda dhexe ku adkeysatay inay go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqato inay si weyn u garab istaagtay dowladda Qatar oo ku jirto xaalad go’doomin ah, waxayna dowladda Imaaraadka Carabta awoodeeda dhan isugu geysay sidii ay Soomaaliya xiriirka ugu jari laheyd dalkaas taasoo u muuqato inay tahay rajo ceel kusii dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii sedexaad kulan la qaatay amiirka dalka Qatar tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna midaas muuijineysaa inay Soomaaliya jirto dhanka dowladda Qatar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]