25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Daacish oo sheegatay inay ka dambeysay dilkii ka dhacay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ayaa shaacisay inay ka danbeysan dil Galabta ka dhacay Suuqa Bakaaraha, magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo suuqleyda Bakaaraha ka mida ayaa ka dhacay qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxaana fuliyay saddex nin oo ku hubeysnaa Bistoolado, iyagoo markii ay dileen wiilka kadib ka duubay muuqaal Video ah.

War kasoo baxay Wakaalada Wararka Daacish ee ACMAAQ ayaa lagu sheegay inay dil ku fuliyeen mid ka mida ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, iyadoo toogasho lagu dilay, waxayna arrintan caddeyn u tahay inay sii kordhayaan howlgallada Daacish ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Caddeyn: DF oo dugsiga Jen. Gordon ku wareejisay shir gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa lasoo warinayaa in Shirkad si gaara loo leeyahay ay ku wareejisay dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowlada Federaalka ayaa la xaqiijiyay in wareejintaasi ay ula gol leedahay sida loo dhameystiri lahaa tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto dugsiga oo ay qabyeysay Dowlada Imaaraadka carabta.

Warqad ay ku saxiixan tahay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa muujineysa in Dugsiga lagu wareejiyay Shirkad lagu magacaabo Red Four Security Group Somalia (RSG).

Shirkadan magaceeda loo soo gaabiyay RSG ayaa loo fasaxay inay si rasmi ah ula wareegto tababarada iyo howlaha ka socday Dugsiga Jen. Gordon, waxa ayna qaabilsanaan doontaa qeybaha Lojistikada iyo tababarka.

Warar aan la hubin oo soo baxaaya ayaa sheegaya in Shirkadan Heshiiska lala galay ee qaabilsan arrimaha Amniga ay maamulaan Khubaro dhanka amaanka ah oo kasoo jeeda dalka Mareykanka.

Dowlada Somalia aya horay u sheegtay inay ku filan tahay dib usoo celinta howlaha Dugsiga Jen. Gordon, waxaana Dugsigaasi Imaaraadka Carabta lagala wareegay bishii la soo dhaafay, iyadoo Saraakiishii maamuli jirtay gebi ahaanba ay joojiyeen howshii tababarka xeradaas.

HOOS KA AKHRISO WARQADA TALISKA MILITERIGA DFS

Amiirka Qatar oo qoraal cajiib ah ka soo saaray la kulankiisii Farmaajo

Doha (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.

Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiim bin Xamaad Althani ayaa qoraal uu ku qoray Twitterkiisa ku sheegay in dowladda Qadar ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso midnimada,madaxbanaanida iyo Amniga Soomaaliya islamarkaana ay dowladda Soomaaliya siineyso kaalmo joogto ah.

Hadalkan waxaa uu soo baxay kaddib kulan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Magaalada Dooxa kula yeeshay Amiirka Qadar.

Billowgii Bishan waxaa sarkaal ka tirsan Dowladda Qadar uu u sheegay Reuters in dowladdiisa ay siisay Soomaaliya lacag dhan $385Milyan oo doollar,taas oo inta badan loo adeegsaday howlaha Bani’adamnimada,Waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliya.

 

” Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aan walaalaha nahay waa xiriir ku dhisan walaaltinimo iyo Ixtiraam, wada hadalada aan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sii xoojinayey arrintaan, waxaana xoogga ku saarnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dowladood ka dhaxeeyo”.

” Dowladda Qatar way sii wadi doontaa sidii ay u taageeri laheyd Midnimada  Soomaaliya, xasiloonideeda, qaranimadeeda  iyo barwaaqada shacabkeeda”. ayuu yiri Amiirka Qatar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hadalka Amiirka ayaa u muuqdo inuu ahaa mid lagu durayo dowladda Imaaraadka Carabta taasoo lagu eedeeyey inay ka shaqeeneyso sidii loo kala jari lahaa midnimada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii ay dowladda dhexe ku adkeysatay inay go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqato inay si weyn u garab istaagtay dowladda Qatar oo ku jirto xaalad go’doomin ah, waxayna dowladda Imaaraadka Carabta awoodeeda dhan isugu geysay sidii ay Soomaaliya xiriirka ugu jari laheyd dalkaas taasoo u muuqato inay tahay rajo ceel kusii dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii sedexaad kulan la qaatay amiirka dalka Qatar tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna midaas muuijineysaa inay Soomaaliya jirto dhanka dowladda Qatar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaal culus oo ka qarxay Tukaraq iyo hub culus oo la isu adeegsanayo

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka noocyadooda kala duwan, waxaana barakacaaya dadka deegaanka.

Ciidamada labada dhinac ee uu dagaalka u dhexeeyo ayaa isku adeegsanaaya Hubka culus, waxaana lasoo warinayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dagaalka ka socda degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay dagaalka, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.

Dhanka maamulka Puntland saraakiil amni oo u hadashay ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu jiro, balse hada aanay faah faahin ka bixin Karin.

Sidoo kale, Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Dhinaca kale, labada ciidan ee uu dagaalka u dhexeeyo ayaa kala dalbanaaya Gaadiid dagaal oo hor leh, waxaana suuragal ah in dagaalka uu kasii xoogeysto halka uu hadda maraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sacuudiga oo casuumay wasiiro Somaliland ah iyo hal dan oo laga leeyahay

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan Somaliland ayaa lagu casuumay Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Somaliland.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu waraaq u soo diray afar ka mid ah wasiirada Somaliland, kuwaasi oo la sheegay in iyaga iyo boqortooyada ay ka wadahadli doonaan arrimo la xiriira Maalgashiga.

Sucuudiga ayaa doonaya in uu maalgashado Somaliland, iyadoo afar kamid ah masuuliyiinta Somaliland loo soo diray warqad casuumad ah si ay dalkaasi uga wada hadlaan arrimaha la xidhiidha maalgashiga.

Shirkad uu leeyahay mid kamid ah dhaxal-sugayaasha boqortooyada Sucuudiga ayaa martiqaad usoo dirtay masuuliyiinta kala ah:Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Xasan Maxamed Gaafaadhi, wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga, Maxamed Cali Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha Debadda ee Wakiillada iyo Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Kulankan ayaa lagaga wada hadli doonnaa maalgashiga khayraadka beeraha iyo xoolaha ee Somaliland.

Qorshahan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hiigsiga 2030 ee Boqortooyada Sacuudiga, oo waxaa aanu rabnaa in aannu dawladaha walaalaha ah ka caawinno horumarka  ayaa lagu yidhi warqaddan.

Sawirro: Kerry oo kulan qarsoodi ah la qaatay saraakiil Iranian ah

Warbaahinta Mareykanka ayaa todobaadkan si aad ah u hadal heysa kulan qarsoodi ah oo xoghayihii hore ee arimaha dibadda John Kerry uu la qaatay  wasiirka arimaha dibadda ee Iran Javad Zariif, oo looga hadlay heshiiskii Nuclear-ka Iran oo Trump uu kabaxay.

Kulankan ayaa ka dhacay Magaalada Paris ee dalka Frence waxaana sidoo kale John Kerry la kulmay Kamal Kharazi oo horay u ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibadda.

Mr Kamal Kharazi ayaa sidoo kale kamid ah xubno  loo magaacabay goalha xeriirka caalamiga ee dalka Iran waxaana magaacabay Ali Khamenei .

John Carry ayaa Iran u Muujiyay sida uu kaga xun yahay heshiiska uu kabaxay Donald Trump, waxaana uu sheegay in six un looga tashtay go’aankaasi.

Todobaadkii hore waxa uu Trump ka baxay heshiis Iran ay la galeen quwadaha caalamka sanadii 2015-kii, kaa oo ku saabsan Barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Sawiradan qarsoodi ah waxaa qaaday Jason Osborne oo horay u ahaa ninka qudbadaha u qora Trump, waxaana uu sawiray John Kerry oo ka sii tagaya kadib markii uu kulan la qaatay Jaml Kharazi  oo la shaqeeya safaaradda Iran ee Frence , Abul Qassem Delfi  oo ah agaasimaha istartijiyda arimaha Dibadda Iran iyo Abdul Rheda Fargi Rad oo ah sarkaal ka tirsan waaxda arimaha dibadda Iran.

By:Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

[email protected]

Marwada Trump oo la dhigay Isbitaal iyo qaliin la filaayo inay gasho

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa gashay qalliin uu Aqalka Cad ku tilmaamay mid kali la xiriira.

Xafiiskeeda ayaa sheegay in qalliinkaas ay fuliyeen dhakhaatiir ka tirsan xarunta caafimaadka ee Walter Reed National Military Medical Center oo ah mid milatari.

Qalliinka ayaa lagu guulaystay mana jiraan wax dhibaato ah oo lagala kulmay, ayay tiri afhayeen u hadashay.

Melania oo 48 jir ah ayaa la filayaa in ay isbitaalka ku sii jirto inta toddobaadkan ka dhiman si ay ugu soo kabato isbitaalkaas oo ku yaalla Bethesda, Maryland.

Donald Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in uu ku sii jeedo xaaskiisa si uu u booqdo.

“Marwada koobaad waxay rajaynaysaa in ay caafimaaddo si ay u sii waddo shaqada ay dhammaan carruurta u hayso” ayay tiri Stephanie Grisham oo ah afhayeenka Melania oo war qoraal ah soo saartay.

Toddobaadkii hore ayay Melania billawday ol’ole looga gol leeyahay in carruurta lagu baro ahmiyadda bulshada, dareenka iyo caafimaadka jirka.

ISHA BBC

Akhriso mid kamid ah heshiisyadii ay Maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar

Doha (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa Hishiis iskaashi iyo wax wada qabsi la saxiixatay wasiirka wasaarada Caafimaadka Dowlada Qatar Dr Xanaan Mohamed Al kawaari.

Hishiiskaan oo mudo badan laga soo shaqaynaya oo kol hore ay labada wasaaradood isugu af garteen is fahan loo badalay hishiis ayaa maanta lagu hor saxiixay Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliya iyo Amiirka qatar hortooda.

Hishiiskaan ayaa wuxuu ku qotomaa iskaashi xagga tayaynta iyo tababarada howlawdeenka caafimaadka , Sare u qaadidda tayada adeegyada isbitaallada iyo baahinta gurmadka dag dagga ah iyo wax ka qabdka cudurrada faafa.

Sidoo kale hishiiskan wuxuu soomaliya ka saacidayaa in la helo xarumo caafimaad oo bixiya adeegyo tayo leh iyo sidoo kale wuxuu wasaaradda caafimaadka soomaliya ka caawinayaa in ay yeelato awoodda fulinta gurmadka dagga dagga ah , tayanta isbitaalada guud ee dalka qalabaynta xarumaha lagu daaweeyo bukaanada iyo hirgalinta mashaariic iyo adeegyo caafimaad oo hor leh dalka guud ahaannna laga hirgaliyo.

Waxaa la filayaa in gudiyo farsamo oo isku dhaf ah ay ka wada shaqeeyaan hirgalinta hishiiskaan sidoo kalena ay yeeshaan qorshe howleed lagu fuliyo hishiiskaan taariikhiga ah.

Hishiiskaan wuxuu qayb ka yahay qorshayaasha guud oo ay wasaarada Caafimaadka soomaliya ka leedahay baahinta iyo fulinta daryeel caafimaad oo leh tayo lagu kalsoonyahay iyo sidoo kale kobcinta iyo sare u qaadidda aqoonta iyo xirfada shaqaalaha caafimaadka soomaliya

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Erdogan oo qeexay Hadafka cad oo ay Dowladiisa ka leedahay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa daboolka ka qaday qorshaha cad Dowladiisa ee ku aadan isgarabtaaga Somalia, kadib khudbad uu ka jeedinaayay shir ka dhacay London.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad qiiro leh ka jeedinaayay shirka sanadlaha ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Britain, ayaa waxa uu khudbadiisa kusoo qaatay sida uu Turkiga u garabtaagan yahay Somalia iyo in Britain qudheeda laga doonaayo inay qaadato kaalinteeda.

Shirka oo ka dhacaayay magaalladda London ayaa waxaa lagu soo qaatay guud ahaan Siyaasada Turkiga ee Mandiqadda Bariga Dhexe, waxa uuna Erdogaan sheegay inay ka go’an tahay dadaal waliba oo Nabadda loogu baahin lahaa Mandiqadda Bariga Dhexe.

Waxa uu Madaxweyne Erdogan sheegay in ammaanka Gobalka Europe iyo Atlantic muhiim u yahay dalkiisa, wuxuuna intaasi ku daray inay Dowladiisa dadaal xooggan gelinayso sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Mandiqadda Bariga Dhexe.

Mar uu Erdogaan ka hadlaayay Hadafka dowladiisa ee Somalia iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa waxa uu yiri “Hadafkeennu waa sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Syria, Iraq iyo Afganistan, waxaana jecel nahay inaan  horey u sii wadno Dagaalka ka dhanka ah nooc kasta oo Argagixiso ah”

Erdogaan waxa uu sheegay in haddafkiisa ugu weyn uu xiligaan yahay in Somalia la gaarsiiyo halka ay mudneyd waxa uuna yiri ‘’Wey naga go’antahay inaan Somalia geyno halkii ay mudneyd, waxaa jira rajooyin badan oo hadda muuqda’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Adduunku waa inuu arkaa Somalia oo kasii kabaneysa dhibta, Syria, Iraq iyo Afganistan oo xaaladoodu tahay meel dhexe’’

Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Turkiga iyo Britain si wadajir ah ula dagaalamayeen Deganaansho La’aanta iyo dadaalka lagu taageerayo Samafalka Aadanaha ee ka socda Gobalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Erdogaan ayaa ku celcelshay in hadafkooda ku aadan Somalia uu yahay in la geeyo halka ay mudan tahay isla markaana xal looga raadiyo burburka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar? (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.

Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.

Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.

DHAMMAAD

 

Wararkii ugu dambeeyey 37 qof oo Falastiiniyiin ah oo la dilay xilli Qudus laga furayo safaaradda Maraykanka

37 qof oo Falatiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil ku toogteen marinka Qaza taaso noqotay toddobaadkii ugu dhiigga badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta.

Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen ‘dibadbaxyadii soo celinta’ kaaso socday muddo lix toddobaad ah.

Israa’iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka.

Ciidammada Israa’iil waxa ay sheegeen in illaa 35,000 oo falastiiniyiin ah ay ka qaadanayaan isu soo baxyada rabshadaha wata.

“Maanta waa maalin weyn, waxaanan doonaynaa in aan xeendaabka gudubna, Israa’iil iyo adduunkaba u sheegno in aanan ogolaan doonin in waligeen nala heysto” ayuu yiri Cali oo macalin ka ah magaalada Qasa.

Dadka maanta lagu dilay dibadbaxyada waxaa kamid ah carruur halka in ka badan 1000 qof ay ku dhawaacmeen.sida ay sheegtay laan arrimaha caafimadka ka shaqayso oo taabacsan kooxda Xamaas.

Heshiis dhexmaray Israa’iil iyo Falastiiniyiinta sanadkii 1993-dii ayaa waxa uu dhigayaa in meeqaamka Qudus laga wada xaajoodo mararkale.

Rarista safaarada ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay Ra’isulwasaare Netanyahu.

Dadka Yuhuuda ee ku dhaqan magaalada Tel Aviv ayaa ammaanay madaxweyne Trump, iyada oo la taagay tabeelooyin lagu bogaadinayo.

Furitaanka safaaradda ayaa horey loosoo dhigay si loo waafajiyo maalinta loo dabaaldagayo sanad guurada 70-aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Israa’iil.

Hoggaamiyaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa go’aanka Trump ku tilmaamay “Dharbaaxadii Qarniga”, isaga oo intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uusan Maraykanka ahaan karin dhexdhexaad arrimaha Bariga Dhexe.

Axmed Madoobe “Dowladda waxay ku mashquulsan tahay ciddii imaan laheyd 2020-ka taasina waa…”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khudbad ka jeediyay Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaladaadka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonaayo inta kasokeysa in si aad ah loo shaqeeyo.

Waxaa uu sheegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdiweli Gaas “Dowladnimadda waxay kusoo aruurtay Facebook”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay.

Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa weerar ku qaaday hab-dhaqanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanadeeda siyaasadeed.

Isagoo Khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayuu shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer martay qodobo badan oo hore loogu heshiiyay, isla markaana isku koobtay dhaqaalihii dalka.

Madaxweyne Gaas in dowladda Soomaaaliya loogana baahan yahay inay la timaado isbadel dhan walba ah, laakiin aysan ku Mashquulin waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey: “Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”.

Waxaa uu si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas.

Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa ku adkeysatay sheegay in Maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan tallaabooyinka Masiiriga ah ee Dowladda Soomaaliya qaadeyso oo aysan keligeed go’aan iska gaarin, talo-na ay ku leeyihiin sidii dalka loo hoggaamin lahaa.

Wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan 95% dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in waliba ay dowladda federaalka kala tashato, halka dowladda ay joogto oo kaliya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo (Sawiro)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa si rasmi u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Shirkaan kii ka horeeyey ayaa waxaa lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana shirkaas uu kusoo aadayaa xilli khilaafka  ka dhaxeeyo dowladda Somaliya iyo amamulada qaar waxaana ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya.

Ammaanka Baydhbao ayaa aad loo adkeeyay,iyada oo martigeliyaha shirkaas ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulkiisa uu u sameeyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiya.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay.

Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.

Shirkadda Korontada ee BECO oo mar kale qiimo dhimis ku sameysey Adeegeedii Korontada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo aad uga Barteen Shirkadda BECO Korontada Qiimo Dhimis  ayaa Shir Jaraaid oo ku saabsan Qiimo Dhimis Hor leh Shirkada ay ku sameysey Adeegeedii Korantada ee Bulshada Soomaaliyeed ku qabatey Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda weyn, waxaana Shirkaan jaraaid ku sugnaa Madaxda Shirkada BECO.

Shirkaas Jaraaid waxaa ka Hadley Madaxa Howlgelinta Shirkada BECO Mudane  Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey Heerarkii Qiimo Dhimis ee ay Shirkada Soo Martey tan iyo Markii Shirkada ay Midowdey  si  ay Macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso Shirkada BECO.

“ Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxay Qiimo Dhimis ku sameysey Adeegii Koronta  oo ay gaarsiisey 48% kaasoo markii hore uu ahaa 55%  , ujeedkuna waa sidii Macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan  loogu Daneyn lahaa” sidaa Waxaa yiri Madaxa Howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in Qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas Taagnaada waxaa uu sii raaciyey.

“ Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay Fursad ku heli lahaayeen Warshada yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado “  Waxaa uu sheegey Mudane Cabdirisaaq  in Qiima Dhimsta Shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u Foq taasoo  aan dooneyno in Shacabka Soomaaliyeed helaan Koronta Raqiis ah oo la jaan qaadi karta Caalamka.

Ugu Dambeyn  Mudane Cabdirisaaq waxaa uu Carabka ku dhuftey in Qiima Dhimistaas ay bilaabanayeso Bisha lagu Jiro sidoo kale waxaa uu sheegey in Qiima Dhimistaan ay ku soo beegantey Xili  loo diyaargaroobayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan si Bulshada u helaan Koronto raqiisa maadaama Bishan la isticmaalayo Xadi koronto badan

Xafladda furitaanka dhismaha Guddiga Nabadda ee Degmada Kaxda

WaxaaTaariikhdu Markey ahayd 13/5/2018 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir xafladaas oo ku saabsaneyd dhismaha guddiga Nabadda Degmadda Kaxda, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha nabadgelyada Degmada

Waxaa hadalo talo soo jeedin iyo waxyaabahii ay soo qabteen Guddiyadda nabadda

 

Degmooyinka Gobolka Banaadir ka soo jeediyey  Marwo Deeqo Maxamed Muuse iyo Cabdulle Yalaxow Maalin. Waxayna sheegeen in Gidiyada Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa mar waliba loo baahan yahay maadaama Nabada ay qayb ka tahay Nolosha bulshada

Intaa kadib waxaa ujeedada Guddigaan iyo qaabka ay u shaqeynayaan ka hadlay Madaxa Barnaamijyada Hay’adda SOYDEN Aweys Nuur  isagoo sheegey in Hay’adda SOYDEN ay tahay Hay’adda fududeyneysa  howshaan iyadoo la kaashaneysa hey’adda Conflict Dynamic International (CDI).

Madaxa Barnaamijyada Hay’ada SOYDEN waxa uu sheegey in codsi uga yinid maamulkii hore ee Gobalka Banadir ay isku xilqaameen sidii degmadan cusub looga hirgelin lahaa guddiga nabada isagoo hoosta ka xariiqey in Amniga iyo nabada kala maarmin, Sidaa Darteed amnigana lagama shaqeyn karo haddii aan nabada la xoojin sido kale nabada ma waareyso haddii aysan jirin Amni sugan marka  waxaa muhiim ah in nabada laga shaqeeyo.

Waxaa magaca Degmadda martida loo ahaay isla markaan guddiga laga dhisaayay magaceeda ku hadashay gudoomiyaha ururka haweenka degmada kaxda Marwo Aamino Mursal Cabdi,waxay sheegtey in Gudiyada Nabada ee Deegaan waxaa uu Muhiim u yahay Bulshada halkaas ku dhaqan si ay u gaarto Horumar la taaban karo.

Ugu dambeyn waxaa kulankii furay gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Xasan Ali Malaay waxaana uu u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Gudiga nabada Degmada Kaxda gaar ahaan Hayada SOYDEN oo uu sheegey in ay tahay Hayad u Tagaan  sidii Somaaliya uga dhalan lahayd Nabad

Hadaba shirkaan ayaa soconaayo mudo 3 maalmood iyadoo lagu dhisaayo guddiga nabadda degmada Kaxda.Ujeedada ka dambeysa dhismaha guddigana waxa ay tahay sidii loo xoojin lahaa nabadeynta bulshada ku nool gobalkan Banadir gaar ahaan degmada Kaxda oo ah degmadii u dambeysey ee laga dhiso gobalka.

Guddiga nabada oo noqon doono hay’ad heer Degmo ah kana shaqeyn doonta xoojinta iyo abaabulida howlaha nabada lagu dhisaayo taas ayaana ah sababta ka dambeysa in gudigaan maanta laga dhiso degmada Kaxda.

Hay’ada SOYDEN waxa ay hore uga dhistey gudiyo nabadeed degmooyin gaaraya ilaa 29 degmo kuwaas oo laga hirgeliyey maamul Gobaleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed  kuwaas oo ay ku jiraan 16 degmo ee hore uga biirey Gobalka Banadir.

Hay’ada SOYDEN waxa kale oo ay gacan ka geysataa sidii gudiyada nabada iyo maamulada degmooyinka iskala shaqeyn lahaayeen nabadeynta bulshada ee heer Degmo, waxeyna tababaro kala duwan oo ay ka mid yihiin sida looge digo colaada loogana jawaabo inta Khilaafka uusan gaarin meel fog ay siisay gudiyadaas aan kor ku soo xusnay

Faahfaahin laga helay dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa sheegay in ku dhawaad Saac uu socday iska horimaadka. Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland.

72-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Tukaraq laga dareemayey xiisad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay weli socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddaasi.

Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: RW Kheyre oo ku dhagan Wasiir Beyle & Tuhun qarsoonaa oo soo ifbaxay (Maxaa cusub)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa la xaqiijiyay inuu baaritaan ku hayo ku dhawaad laba bil oo aan xuquuq lasiin Hay’adaha  amaanka iyo Shaqaalaha rayidka dowlada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa baaritaan ku haya halka laga bixiyay dhaqaalahaasi iyo sababta aysan u bixin Wasaarada Maaliyada, xili uu jiro isla xisaabtan.

Kheyre ayaa arrinta xuquuqda aan lasiin shaqaalaha kala xisaabtamaaya Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa isaguna ku doodaya inuu bixiyay dhaqaalahaasi balse uusan ogeyn qaabka ay ugu tagri faleen Madaxda Hay’adaha dowlada.

Waxa uu Beyle meesha ka saaray in Wasaaradiisa ay dhigaalsato mushaar lagu amray bixinteeda, waxa uuna cadeymo u sameynayaa sida uu ku qancin lahaa Ra’isul wasaare Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inaanu dhici doonin misna laga aamusi doonin xuquuq shaqaale ka tirsan Dowlada oo aan la bixin.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili Xarumaha dowlada ay weli ku dhex jiraan shaqsiyaad caadeystay ku tagrifalka Hantida Qarnka iyo Mushaaraadka shaqaalaha dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waxyaabaha uu Madaxweyne Farmaajo kala hadli doono Amiirka dalka Qatar oo la ogaaday

Doha (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo gaaray dalka Qatar ayaa maanta waxa uu kulamo la leeyahay madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo Labada dal ku saabsan.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo si aad ah u lafa guri doona xiriirka dowladaha Qatar iyo Soomaaliya.

Waxaa jiri doona heshiisyo ay gaari doonaan Labada dowladood kuwaasi oo u badan dhanka horumarinta iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, oo iyaguna la kulmi doona wasiirada dhiggooda ah ee dalka Qatar.

Safarka uu madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qatar ayaa kusoo beegmaya xilli uu mugdi sii galayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay iney dhex dhexaad ka tahay khilaafka wadamada kahliijka, taasi oo ay aad usoo dhoweeyeen dowlado badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Weerar kale oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday dalka Indonesia iyo wararkii ugu dambeeyey

Surabaya (Caasimadda Online) – Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.

Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa shegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.

” Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Joko Widodo.

Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay.

Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]