25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Jabuuti iyo Imaaraadka oo dhex dhexaadin laga dhex bilaabay iyo madaxa DP World oo tegay Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online)- Kulan magaalada Jabuuti ku dhex maray madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman iyo agaasimaha dekaddaha ee Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa looga hadlay khilaafka sababay in Jabuuti laalsho heshiiska dekadda Dooraale ee DP World.

Kullankaan ayaa ka danbeeyay wada hadalo labada dal dhex mareen oo ay garwadeen ka aheyd dowladdaha Sacuudiga iyo Masar.

Xalinta khilaafka Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa loo xilsaaray madaxa sirdoonka ee Masar Maxamed Rafaat a inuu isu soo dhaweeyo Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, laakiin waxa aan weli muuqan wax isfaham u eg oo soo muuqda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in gebi ahaanba shirkaddaha dalkeeda ay gebi ahaanba ka banaan howlo ganacsi oo Jabuuti ay ku leeyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Terminaalka saliidda iyo gaaska ee loo yaqaano Horizon Djibouti Terminals iyo hoteelka caanka ah ee Kembeski oo ay DP world dhistay.

Dowladda Jabuuti iyadana mowqifkeeda waxba iskama badalin, waxayna Imaaraadka iyagana sugayaan jawaabta dacwada ay u gudbiyeen maxkamad ku taal Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Xog ka cusub dagaalka Tukaraq oo gaadiid siday saad iyo kuwo dagaalka looga gubay maamulka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu dagaal culus subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ka bilowday deegaano hoostaga magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, waxaana la maqlayaa Jug iyo rasaas aad u xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka lagu dilay ciidamo dhowr ah, isla markaana geeridu ay iminka kor u dhaaftay 12 oo labada dhinac ah, halka dhaawacyada ay waxyeeladu soo gaartay ay gaarayaan ilaa 14 oo dhammaantooda ay yihiin ciidamo.

Inta uu Dagaalka socday maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gubeen ilaa 4 gaari nooca dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwo saad u waday ciidamada Puntland ee ka dagaalamaaya Jiida.

Gaadiidka la gubay ayaa labada kamid ah waxa ay yihiin noocyada Dagaalka oo ay adeegsanayeen ciidamada Puntland, inkastoo ay Puntland beenisay.

Nuux Taani oo ah Taliyaha ciidamada Millitariga Somaliland ayaa sheegay in dagaalka ay bilaabeen ciidanka Puntland, Somaliland-na ay iska difaacday.

Puntland war ay soo saartay waxay ku sheegtay in Somaliland ay duulaan ku soo qaaday ciidanka Puntland ee ku sugan Tukaraq.

15 Bishan May ayey ahayd markii ay bilowdeen dagaaladan kawaas oo dhaliyey khasaaro labada ciidan kala gaartey.

Dhinaca kale, 8 janaayo 2018 ayaa ciidamada Somaliland ku soo duuleen Tukaraq, waxaana ay qabsadeen Tukaraq iyo deegaano u dhaw, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciidankoodu soconayo ilaa ay ka gaaraan Yoocada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay dagaalka culus ee ka socda Tukaraq

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo uu dagaal culus ka socdo deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalkaasi goordhow soo saaray Maamulka Puntland.

Qoraalka ku saabsan dagaalka ee kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay Puntland u cadeyneyso in saakay abaare 05:30 ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidanka Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq.

Puntland waxay qoraalkeeda ku sheegtay in masuuliyadda dagaalkaas ay qaadeyso Somaliland, islamarkaana Puntland ay difaaceyso dhulkeeda iyo dadkeeda.

Waxa ay Puntland ku sheegtay qoraalka inuu muqadas u yahay dagaalka ay ku difaacaneyso dhulkeeda sidaa aawgeedna ay sii wadi doonaan dagaalka inta ay kasoo ceshanayaan dhulka laga faramaroojiyay.

Dadka deegaanka ayaa u martiyey Dagaal leysu adeegsanaayo Hubka culus iyo Dabeylo xoogan oo Duufaano wata.

 

Haddii Imaaraadka ay sidan ku sameeyeen Mareykanka ma u daahayaan Somalia?

Dubai (Caasimada Online) – Soomaali badan ayaa aad uga carreysan faro-gelinta siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta ay ku hayaan siyaasadda gudaha dalka Soomaaliya, oo ay qas xooggan ka wadaan.

Hase yeeshee waxaa hadda soo baxday, in iska daa Soomaaliya, Imaaraadka ay xitaa faro-geliyeen siyaasadda Mareykanka iyo doorashadii dalkaas ka dhacday 2016, ayaga oo taageero siinaya Donald Trump, sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka.

Hase yeeshee, Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Anwar Gargash ayaa arrintan ku beeniyey qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Donald Trump Jr, uu la kulmay safiirada Sacuudiga iyo Imaaraadka, sanaddii 2016.

“Waa in dareen lagu bixiyaa xaqiiqda intii la eegi lahaa warar aan jirin. Imaaraadku marna dadaal kuma bixin doorashadii Mareykanka ee 2016” ayuu Gargash ku qoray bartiisa twitter-ka.

“Si la mid ah dowldaha kale ee saaxiibka la ah Mareykanka, Imaaraadku waxay xiriir la lahaayeen shaqaalaha iyo la-taliyayaasha labada olole ee madaxweyne, si ay wax uga ogaadaan musharaxiinta iyo mowqifkooda siyaasadda arrimaha dibedda” ayuu yiri.

Wargeyska New York Times ayaa toddobaadkii tagey qoray in wiilka madaxweyne Trump ee Trump Jr uu ergada Sacuudiga iyo Imaaraadka la kulmay ayaga oo aad u danaynayey in aabahiis uu ku guuleysto Aqalk Cad.

Qareenada Trump Jr, ayaa sheegay in waxba aysan kasoo bixin kulankaas.

Su’aasho waxay tahay, haddii Imaaraada Carabta ay faro-geliyeen Mareykanka, oo ah dalka ugu quwadda weyn dunida, ma u daahayaan Soomaaliya?

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Aqriso magacyada: Kheyre oo magacaabay wasiiradii ka banaanaa xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal cusub, oo ka mid noqon doona xukuumadda.

Kheyre ayaa soo dhameystiray xubnihii ka banaanaa golaha wasiirada, oo qaarkood la iska casilay, qaarna xilal kale dowladda looga dhiibay. Haddaba hoos ka aqriso liiska oo buuxa.

Xilalka Wasiirada

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Aqriso liiska wadamada la qorsheeyey inay xaliyaan khilaafka DF & Imaaraad

Riyadh (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa qaaday talaabooyinkii ugu horeeyay oo lagu raadinayo xalka Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Dadaalada lagu baadi-goobayo xalka khilaafka labada dal ayaa waxaa horboodaya dowlada Sacuudiga oo Siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin Imaaraadka carabta.

Shirar gaara oo lagu doonaayo in albaabada loogu furo xalinta Khilaafka ayaa waxa uu arbacadii ka furmat magaalada Jidah kaa oo ay ka qeybqaadanayaan mas’uuliyiin ka socda dalalka u kacay xalinta Khilaafka.

Shirka ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu dajiyo qorshooyin looga gudbaayo Khilaafka oo u muuqanaaya mid sii kordhaaya.

Xal u raadinta Khilaafka ayaa waxaa kusoo biiray dowlado dhowr ah oo aan horay uga mid aheyn waxaana kamid ah:

Sacuudiga, Kuwait, Muritania, Masar, Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Turkiga.

Dowladahaani ayaa waxaa garbin doona dowlado kale oo dusha kala socon doona shirka lagu xalinaayo Khilaafka labada dal.

Talaabada ugu horeysa oo ay qaadi doonaan dowladahaani ayaa ah inay u kala dabqaadan Madaxda dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo aan iminka is horfadhiisan.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalka labada dal ayaa waxaa hogaamin doona Dowlada Sacuudiga oo maslaxad u aragta wadahadalka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Farmaajo iyo Gaas waxba noogama qaadi doonaan xulafadooda” Waxaa yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Muxumed (Mataan) oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay Puntland ku garabsiineyso dagaalka ay kula jirto Somaliland.

Xildhibaan Mataan ayaa sheegay in Dowlada Somalia iyo Puntland ay isku baheysanayaan Somaliland oo uu sheegay inay iminka heysato qeybo kamid ah deegaanka Tukaraq.

Waxa uu Xildhibaan Mataan cadeeyay inay heleen macluumaad muujinaaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Cabdiweli Gaas ku taageeray dagaalka Tukaraq, hase ahaatee dagaalka ceynkaasi ah uusan waxba u dhimi doonin Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Farmaajo iyo C/weli Gaas si waliba oo ay isku baheystaan waxba kama qaadi karaan Somaliland waxaan isaga difaaceynaa cududeena’’ ayuu yiri Xildhibaan Mataan oo la hadlaayay Wargeysyada kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Mataan ayaa tilmaamay in Somaliland ay weligeeda ka talin jirtay deegaanka Tukaraq iminkana ay dib u qabsan doonto iyadoo aan u babac dhigin ayuu yiri isgarabsiga Dowlada Somalia iyo Puntland.

Waxa uu yiri Xildhibaanka ‘’Dowlada Somalia waxaanu ka dooneynaa inay cadeysato mowqifkeeda ama inay gacan ka taagato isgarabtaaga ay ku heyso Puntland’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay Xildhibaanka in weerar waliba oo Somaliland kaga imaada Dowlada Somalia iyo Puntland ay iska difaaci doonto, isla markaana aysan wax u qaadan doonin.

Haddalka Xildhibaan Mataan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Dowlada Somalia ay dhawaan ku baaqday in la hakiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Isbeddel siyaasadeed oo kasoo muuqda deegaanka Soomaalida Itoobiya

Toddobaadyadii u dambeeyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay arrimo naadir ah. Arrimahaas ayaa dabo socday isbadal siyaasadeed oo wayn oo dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ka dib markii uu xilka iska casilay ra’iisulwasaarihii hore Hailemariam Desalegn isaga oo arrintaas ku macneeyay in uu waddada u xaarayo in isbaddallo dhab ah ay ka dhacaan dalka Itoobiya, isla markaasna la dhagaysto dalabka shacabka.

Haddaba waxaan halkan ku soo koobaynaa dhacdooyinkii naadirka ahaa ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ka dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

Mudaaharaadyo

Gobolka Siti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu diidanaa dawladda si gaar ahna loogu dhaliishanaa nidaamka dib u curashada loo yaqaanno, sida ay dad deegaanka ah BBC-da u sheegeen.

Nidaamka dib u curashada ayaa ah in shaqaalaha dawladda loo wareejiyo deegaan aan ahayn midka uu ka soo jeeda.

Dadka gobolkaas ayaana ka cawday in loo keenay dhallinyaro kale kuwoodii aan shaqo lawada siinin.

Dawladda deegaanka ayaase sheegtay in arrintan looga golleeyahay in lagula dagallamo qabyaaladda iyo nin jeclaysiga.

Dadka arrintan sida guud u dhaliishanna waxay nidaamkaas ku duraan in shaqaalaha laga baddalo guryahoodii iyo qoysaskooda isla markaasna aan dhaqaale kale lagu kabin oo la siiyo isla mushahaarkoodii oo kali ah.

Mudaaharaadyadii ayaa qaboobay wuxuuse si lama filaan ah uga qarxay magalada Wajaale.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mudaharaadkaas sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC.

Xukuumadda Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay markaas inay billawday in ay soo abaabusho isu soo baxyo ay ku muujinayso taageeradeeda, waxaana deegaanka oo dhan ka dhacay dibadbaxyo waawayn.

Wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo fadhigoodu ahaa magaalada Jigjiga ayaana ka soo muuqday dibadbaxyada lagu muujinayay cududda taageerada dawladda oo deegaannada fogfog ka dhacay.

Masuul Hay’adda Xuquuqda Insaanka Itoobiya ka tirsan oo Jigjiga lagu jir dilay

Waxaa magaalada Jigjiga lagu jir dilay masuulkii hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya u qaabilsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jamaal Maxamed Warfaa.

Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagay sawirka Jamaal oo u muuqda qof dhaawacyo ku yaalaan oo furaash dul jiifa.

Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ah iyo kuwa Deegaanka midkoodna durba kama uusan hadlin arrintaas.

Balse Demisew Benti oo warfaafinta u qaabilsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in la jir dilay Jamaal wuxuuna intaas ku daray in la diray guddi xaqiiqo raadin ah.

“Waa run Jamaal oo ah masuulkii hay’adda u qaabilsanaa Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga lagu jirdilay, yaa jirdilay, maxaa loo jirdilay, sidayse arrintaasi u dhacday waa arrin qayb ka ah baaritaanka aan wadno ayuu yiri”.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa marar badan laamaha ammaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida ku dhaliilay in ay tacadiyo gaystaan.

Balse arrinta la iswaydiinayo ayaa ah haddii Jigjiga lagu jirdili karo masuulkii loo idmaday ilaalinta xuquuqda aadanaha, waa sidee midda shacabka?

Dareen ka dhashay gabadh meydkeeda laga heley Qabri-Dahare

Xabsi ku yaala magaalada Qabridahar ayaa laga dhex helay gabadh mayd ah oo la sheegay in halkaas ay ku sugnayd wakhti aad u kooban, arrintaasina waxay dhacday 11 bishii Maarso.

Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah oo ku sugnaa magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen booliiska, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.

Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda.

“Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Balse masuuliyiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in gabadhaasi ay is dishay.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen carol eh iyo mudaaharaad.

Demisew Betni oo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya u qaabilsan warfaafinta ayaa sheegay in dhacdadan iyo kuwo kalaba la soo gaarsiiyay hay’adda ayna baaritaanno ku hayaan.

Dad maamulka dhaliishan oo Addis Ababa isku arruursanaya

Odayo dhaqameedyo iyo waxgarad u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo saluugsan xukuumadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tagay magaalada Addis Ababa si ay cabasho ugu gudbiyaan dawladda dhexe, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah odayadaas.

Odayaas ayaa sheegay in cabashadooda gaarsiiyeen Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya, isla markaasna ay la kulmeen xeer ilaaliyaha guud ee faderaalka iyo masuuliyiin kale oo heer faderaal ah.

“Anagoon diyaarsanayn ayuu damcay in uu nala kulmo ra’iisul wasaaruhu, waxaana codsanay in aan soo diyaargarawno oo cabashadanada markaas u gudbino” ayuu yiri mid ka mid ah odayada.

Markii dhawaan la doortay ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in shacabka la dhagaysan doono isla markaana uu la hadli doono dhammaan mucaaradka iyo dadka dhaliishan.

Arrintaas ayaa horseeday in ay magaalada Addis Ababa iska xaadiriyaan mucaraadkii Itoobiya oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xisbiga Oromada ee Oromo Democratic Front oo dibadjoog ahaa.

Kooxihii fursaddaas ka faa’iidaystayna waxaa ka mid noqday dadkii ku kacsanaa xukuumadda Jigjiga.

Mucaaradkaas Soomaalida ah ee Addis Ababa ku sugan oo aan magac ku midaysnayn ayaa baraha bulshada ka dhaliila Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xukuumaddiisa, waana arrin naadir ah.

Dad badan ayay layaab la noqotay in dad mucaradsan madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa iyaga oon bareerahooda qarsanaynin.

Dhacdooyinkaasi isbadel ma keeni doonaan?

Waxaa laga yabaa in haddii arrimahaasi ay sii xoogeystaan ay cadaadis ku keenaan madaxweynaha iyo maamulkiisa. Balse inuu dhaco isbadel siyaasadeed oo la taaban karo waxay u baahan tahay labo arrimood midkood :

Midda koobaad: Kala qaybsanaan soo kala dhex gasha Guddiga fulinta ee awoodda badan ee X.D.SH.S.I, kaas oo awood u leh in uu xasaanadda ka qaado madaxweynaha.

Midda labaad: Dawladda dhexe ee faderaalka ah oo si cad u sheegta in aysan ku qanacsanayn hoggaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya soona bandhigta cadaymo.

Labadaas arrimood midkoodna hadda midkoodna ma muuqdaan, sidaas daraadeedna waxay u muuqataa in ay xilka sii hayn doonto xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo looga bartay in uu la jaan qaado isbadalladii sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.

Dokumenti sir ah oo laga xaday ciidamada Israel lagana cabsi qabo in loo…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbixin Sir ah oo ay lahaayeen Ciiddanka Maraakiibta Quusta Badda ee Yuhuudda ayaa la sheegay inuu ka lumay  Flash USB drive ah oo ay ku jireen Macluumaaad Xasaaasi ah.

Haweeney Qandaraasle ah ayaa sheegtay inuu ka lumay USB driver-ka oo ay ku jireen Dukumentiyo xasaasi u ah oo u gaar ahaa Nidaamka Difaaca horumarsan ee Shirkadda Rafael Advanced Defense Systems Ltd.

Milliteriga iyo Boliska dharka cad ee Yuhuudda ayaana bilaabay baaritaan ku aadan suurto-galnimadda inuu lumay ama la xaday USB drive-kaasi.

Warbixin ka soo baxday Ciiddanka Maraakiibta Badda Quusta (Submarine)-ka ayaa lagu sheegay in Haweeney  Qandaraasle ka ah Saldhigga ka shaqeysa Rafael Advanced Defense Systems Ltd ee magaalladda Xayfa ayaa  sheegtay inuu qalabkaasi kaga lumay  gurigeeda.

Waxay kaloo sheegtay inuu qalabkaasi ka lumay 2 isbuuc ka hor, mar ay Xafiiska ka qaaday oo ay la aaday gurigeeda.

Wax faahfaahin ah lagama bixinin nooca Xogta eek u kaysanaa USB Drive-kaasi, inkastoo la sheegay inay ku jireen Xog dhinaca Ammaanka oo aad khatar u ah.

Haweenydaasi ayaa la shegay inay muteysan doonto Tallaabo dhinaca Anshaxa Shaqada ama lagu soo oogi doono Dembiga ahaa inay lumisay Warbixintaasi.

Shirkadda Qandaraaslayaasha Rafael Advanced Defense Systems Ltd  ee (RAFAEL) waxay mas’uul ka yihiin Xogaha lagu farsameeyey Nidaamka Difaaca Gantaalladda ee Ciiddanka Difaaca Hawada iyo kuwa Gujiska ee Yuhuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Kheyre oo ku dhaggan mas’uuliyiin sare iyo mudo ku eg 90 cesho oo loo qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

“Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga.

Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.

Dagaal hub culus leysu adeegsanayo oo dib uga qarxay degaanka Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa culus, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaseeyen gaari dagaal oo ay leedahay Puntland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dagaalkan, inkastoo Saraakiisha labada dhan aysan weli faah faahin badan ka bixin dagaalka oo hadda socda.

Ciidamada labada dhinac ayaa kala qabsaday  gaadiid dagaal, waxaana jiraan khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Dagaalka ayaa khasaarihiisa ugu badan waxa uu soo gaaray ciidamada labada dhinac, waxa ayna dhaawacyada ku kala dabiibayaan goobaha caafimaad ee ku yaalla Gobolka.

Sidoo kale, dadka ku sugan gobolka Sool ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan gaarayaan, iyada oo ay jirto in hub culus lala helay gaadiid Sahay iyo mid Shidaal oo labada maamul ay kala wataan, kuwaasi oo aagga uu dagaalka ka socda ku gubanaya.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Docda kale, Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur oo sheegay inuu ka bad-baaday weerarka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay isku rasaaseeyen ciidamo ka tirsan NISA iyo Ilaalo la soctay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha Shacabka.

Is rasaaseynta ayaa la sheegay inay bilaabeen ciidamada NISA oo ka shakiyay gaari nooca aan xabadda Karin oo uu la socday Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur kaa oo xoog ku jiiray barkoontarool oo ciidamada NISA ay ku baarayeen gaadiidka.

Ciidamada NISA oo isku dayay inay baaraan Gaariga ayuu isku dayay inuu awood ku maro ciidamada waxaana sidaa isku rasaaseeyay ciidamadii ku sugnaa koontaroolka lagu baaraayay gaadiidka iyo ilaalada Xildhibaanka.

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday halka loo yaqaan Isgooska Viat, iyadoo ciidamada NISA ay markii danbe ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Gaariga uu la socday Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha Shacabka

Sidoo kale, is rasaaseynta ayaan ka dhalan wax khasaaro ah sida aan wararka ku helnay,weli xildhibaanka kama hadlin dhacdadaas.

Xildhibaanka oo ka mid ah kooxda Qabyo ayaa qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada ku sheegay in NISA ay si cad u weerareen markii uu isku sheegay, balse uu ka bad-baaday.

Si kastaba ha ahaatee amarada lagu xaqiijinaayo Amniga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caqabad ku ah Ilaalada Wasiirada iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo aan u nugleen awaamirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo Sool ku soo rogtay amar 6 qodob ah iyo dagaalka Tukaraq oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucaayo hubka, Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ee lagu qabto Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Amarka lagu mamnuucay hubka ,Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn, ayaa waxa uu kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland.

Amarkaani oo lagu saleeyay baahiyaha loo qabo xakameynta hubka ,Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ayaa waxaa lagu sheegay in cidii jabisaa ay la kulmi doonto cawaaqiib.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ayaa sheegay in amarkiisaan uu yahay mid daba socda xiisada dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland taas oo weli ka taagan deegaanka tukaraq ee isla Gobolka Sool.

Amarka ee uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland oo ka kooban 6 Qodob ayaa kala ah:-

1-Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban isticmaalka iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda.

2-Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool.

4-Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile.

5-Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon.

6-Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in cidii ka hor imaadaa amarkaasi ay muteysan doonto cawaaqiib looga abaalmarin doono amar diidada.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa aad looga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal ka dhaco deegaanka Tukaraq oo la xaqiijiyay inuu weli ka socdo barakac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOMALIA iyo Pakistan oo saxiixday heshiis $10.5m ah oo Somalia loogu dhisayo barnaamij muhiim ah

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Shahid Khaqan Abbasi ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis ku kacaya 10.5 milyan oo dollar oo ay kala saxiixdeen dalkiisa iyo Somalia, kaasi oo Soomaaliya looga caawinayo dhisidda habka keydka aqoonsiga dadweynaha.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan goobjoog uga ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye, madaxa mashruuca kaarka aqoonsiga Dr. Nuur Diiriye Xersi iyo safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Almakhzumi.

Heshiiskan ayaa dhigaya in maamulka diiwaan-gelinta iyo keydka qaranka Pakistan ee NADRA ay Soomaaliya u hormariyaan taknoolajiyad iyo qalab awood u siinaya dowladda inay yeelato xarunta keydka iyo diiwaanka xogta dadweynaha. Barnaamijkan ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawinaya maareynta doorashooyinka.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa Pakistan uga mahad-celiyey inay Soomaaliya ka caawineyso habka kaarka aqoonsiga. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in furitaanka safaaradda Pakistan ee Muqdisho ay sii xoojin doonto xiriirka labada dal.

Haddii qorshahan si rasmi ah loo dhameystiro, dowladda Soomaaliya ayaa awood u yeelan doonta in dhammaan aqoonsiga dadweynaha ku hayso keyd computer, taasi oo fududeyn karta doorashooyinka qof iyo cod, gacanna ka geysan karta sugidda amniga.

 

 

Khilaafka cusub ee ka dhex taagan madaxda Galmudug oo banaanka u soo baxay iyo xaaladda oo aad u xun

Muqdisho (Caasimadda Online) – Khilaaf cusub oo ka dhex taagan maamulka Galmudug ayaa soo shaac baxay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka sheegeen in midowgii Ahlu suna iyo Galmudug la isku mari la’ yahay.

Kulan ay xalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mida madaxda Galmudug iyo xildhibannada maamulkaasi ayaa lagu caddeeyay inuu taagan yahay khilaaf ka dhex taagan Maamulka Galmudug, sida uu shaaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa ka taagan qaabka isku darka Baarlamaanada Ahlu suna iyo Galmudug, waxaana mar kale kala taagan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Axmed Shaakir oo dhinac kale ah.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku doodaya in ay sharci darro tahay, lana dhinac maray Dastuurka Galmudug markii la isku daray Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo Madaxweyne Xaaf u iskiisa u bedelay Dastuurkii, waqtiga uu kororsaday.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu soo xalinayo khilaafka cusub ee ka taagan ee maamulka Galmudug. Wuxuuna intaas ku daray in Galmudug ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo muddo 4 sano ah kororsaday markii la sheegay in baarlamaanka Galmudug uu ansixiyey dastuur cusub ayaan wax hadal ah ka soo saarin arrintan, waxayna xaaladda u muuqataa in Galmudug ay mar kale cagta saartay khilaaf cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Duufaanno hor leh oo la filayo inay ku dhuftaan Puntland 48 saac gudahood

Garoowe (Caasimadda Onlin) – Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan.

Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika.

Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka,

Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.

Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta

Somaliland

Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxay sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Muqdisho

Roobabka mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri.

Roobaabka ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran.

Jabuuti

Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo soo saartay go’aan culus oo ku saabsan mustaqbalka gobolka Sool

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’antahay in guud ahaan Gobolka Sool ay dib ugala wareegaan Maamulka Somaliland ee degaannada ugu badan ee Gobolka maamula.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay xoreynta Gobolka Sool.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa  guddiga difaaca waxaa ay  joojiyeen  in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool

Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka culus ee kasoo baxay guddiga amniga ee  Puntland

 

 

Waalid maxkamad geeyay wiilkooda oo 30 jir ah oo diiday in uu ka guuro

Waalid Maraykan ah oo wiilkoodu ka diiday in uu ka guuro si uu noloshiisa u dabaro ayaa tallaabo adag ka qaaday, maxkamad ayayna ka dacweeyeen.

Macluumaad ay maxkamadda la wadaageen ayay waalidkii ku sheegeen in Michael Rotondo uusan bixinin lacag kiro ah, hawsha gurigana uusan wax ka qabanin, isla markaasna uu diiday qorshe ay u soo bandhigeen oo ay ku siin lahaayeen lacag uu magaalada kula qabsado.

Inkastoo Christina iyo Mark Rotondo ay shan ogaysiis qoreen haddana waxay sheegeen in wiilkoodu uu wali diidan yahay in uu guuro.

Michael ayaa ku doodaya sharci ahaan in aan la siinin ogaysiis ku filan oo uu ku guuro.

Hooyada iyo aabahan ayaa dacwadooda ka furay maxkamadda ugu sarraysa deegaanka Onondaga oo u dhaw Syracuse, New York taariikhdu markay ahayd toddobadii May.

Qareen Anthony Adorante ayaa Syracuse.com u sheegay in lamaanuhu aysan aqoonin si kale oo ay guriga uga saari karaan wiilkoodan qaangaarka ah.

“Waxaan go’aansanay in aad sida ugu dhakhso badan uga guurto gurigan” ayaa ku qoran waraaqdan oo ku taariikhaysan 2 Feebaraayo, sida waraaqaha maxkamadda la geeyay ku cad.

Markii Michael uu iska dhago tiray warqaddaas, waalidkii ayaa u qoray waraaq rasmi ah oo uu ka caawiyay qareenkoodu.

“Gurigan waa in aad ka guurtaa” ayaa lagu qoray ogaysiiska oo ay sixiixday hooyadii Rotondo 13kii Feebaraayo.

“Hab qasab ah oo sharciga waafaqsan ayaa si degdeg ah loo adeegsan doonaa haddii aadan guurin meesha lagu gaaro 15 Maarso 2018.

Intaas ka dibna lamaanaha ayaa wiilkooda u soo bandhigay 1,100 oo doolar si uu magaalada ugula qabsado, iyaga oo si cadna u faahfaahiyay dabcigiisa.

“Waxaa jira shaqooyin wali u bannaan dadka taariikh xumada shaqo leh sidaada oo kale, mid ka mid ah qabo, waa in aad shaqaysataa” ayay dheheen.

Bishii Maarso markii ay 30 maraysayna waxaa u caddaatay in wiilkoodu uusan u jeedin in uu guuro.

Bishii Abriil markii la gaarayna waxay tageen maxkamadda magaalada si guriga looga saaro wiilkooda.

Laakiin waxaa loo sheegay maadaama uu Michael qoyska ka mid yahay in ay u baahan yihiin amarka maxkamadda sare si guriga looga raro.

Michael ayaa dacwadda waalidkii ku tilmaamay “aargudasho” wuxuuna maxkamadda ka codsaday in ay tuurto kiiskaas.

Maxay tahay lacagta loo qeybiyey xildhibaanada BF ee aan aheyn mushaarka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay lacag aan ahayn Mushaar iyo Gunada ay sharci ahaanta u leeyihiin.

Xogta ayaa sheegeysa in dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegaya in lacagtan loo siiyey xildhibaannada inay u isticmaalaan Ramadaanka iyo Ciidul firtiga (Xagal Ciid), halka xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay tahay mahadcelin doorashadii guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Warar kale ayaa la sheegaya in lacagtan oo marka la isku daro noqoneysa ku dhow 1.5 Milyan oo Doolar loo talogalay inay xildhibaannada fududeeyaan sharciyo muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya oo Baarlamaanka horyaalla.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa bixinta lacagtan ku xiray safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga yimid dalka Qatar, wuxuuna si weyn u cambaareeyay in sidaasi ay dhacdo xilligan oo xaalad ba’an iyo fatahaad ka jirto dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli bixin inta badan dhaqaale ay ugu yahoohday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Weli lama soo werin xildhibaanno diiday lacagta oo su’aal ka keenay waxa ay tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]