25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF oo war kasoo saartay ‘weerarkii NISA ku qaaday’ xildhibaan C/llaahi Nuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadashay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0 ee magaalada Muqdisho.

Dhacdada ayaa waxa ay la xiriirtay in askari ka tirsan ciidanka ku sugnaa Barta Kontorool uu hal xabad ku riday gaari uu la socday Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda amniga ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo maalin kahor xilli galabnimo abbaarahihii 5:30-PM ka dhacday barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee magaalada Muqdisho, waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taas oo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.”

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ay bilowday baaritaanada la xiriira dhacdadaas, dibna ay ka soo saari doonto wixii go’aan ah, iyada oo sidoo kale tilmaamtay in ciidamada ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Wasaaradda amniga ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada ay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, islamarkaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Ugu dambeyntii Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqday dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.

Sawirro: Farmaajo oo war ka soo saaray dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Somaliland oo rumeysan in C/Wi Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka Tukaraq

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka uu la galayo Somaliland, balse dadka Puntland aysan ka  war-hayn.

Aqoonyahan Cabdiraxman Axmed Kayse oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu dagaalka Tukaraq u billaabay sababo la xiriira doorashada madaxweyne ee kusoo socota, oo ujeedkiisu yahay inuu u guuleysto.

“Gaas, wuxuu isu muujinaya shacabka Puntland, ma jirto ujeedo kale oo uu dagaalka ugu soo qaaday Somaliland. Wuxuu doonayaa in loo arko hoggaamiye xooggan oo Puntland difaacaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Si kastaba, Puntland ayaa aaminsan in dagaalka Tukaraq ay billowday Somaliland.

Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland, sidaas darteedna ay is difaacayaan.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalka uu socon doono, illaa laga xoreeyo gobolka Sool, sida ay hadalka u dhigtay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Tukaraq: Somaliland oo soo bandhigtay 118 askari oo ciidamada Puntland ah

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in ay kasoo goosteen maamulka Puntland, gaar ahaan kuwo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 118 askari ayaa gaaray, laguna soo bandhigay magaalada Taleex, ayaa maamulka Soomaaliland waxa ay sheegeen in ay si iskood ah uga soo baxeen furumaha dagaalka, islamarkaana xilligan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada Somaliland.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada la sheegay in Puntland ay ka soo goosteen oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale, ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Puntland kadib markii ay wadatashi la sameeyeen saraakiisha Ciidamadooda, Odayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, kadibna ay kasoo baxeen halkii ay ka dagaalamayeen.

Ciidamada ay Somaliland soo bandhigtay ayaa ku sugnaa deegaanka Geed Qaboobe oo ka mid ah deegaanada Gobolka Sool oo ay xiisada dagaal ka jirto, isla markana Ciidamada Puntland iyo Somalilnad isku hor-fadhiyaan.

Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale  oo ah Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Somaliland in waxqabad dhab ah oo ay u muujiyaan maadaama ay ku biireen ciidamada maamulka Somaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka Ciidamada hoggaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale.

Xog: Dowlada Somalia oo ka walaacsan talaaboyinka Abiy iyo wafdi tagey Addis

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka walaacsan tallabooyinka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ee ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay u aragto mid aan habbooneyn xiriirka uu Abiy Ahmed la sameynayo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, inkasta oo uu hoey u ballan-qaaday inuu dalka ku ixtiraamayo dowladda federaalka.

Abiy Ahmed ayaa dhowaan dalkiisa kula kulmay Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, islamarkaana qorsheeyey kulamo kale oo uu la yeesho madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa la sheegay inuu toddobaadkan socdaal ku tagey dalka Ethiopia, oo uu arrimahaas kala hadlay mas’uuliyiinta dalkaas. Sida warku sheegayo, Fahad ayaa ka codsaday mas’uuliyiointa dalkaas inay ixtiraamaan madax banaanida dalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu kala hadlay socdaal uu Abiy Ahmed dhowaan ku tagey dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo Soomaaliya aysan isku wanaagsaneyn. Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey uga sheegay dowladda Itoobiya markii la doortay inay joojiso qaabilaadda madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana ay wixii danaha ah oo ay Soomaaliya ka leedahay kala xiriirto dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas oo ka baxay ballan ay ka qaadeen Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland iyo Puntland ay ka baxeeen ballan ay ka qaadeen dowladda Mareykanka.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uu si hoose dhex-dhexaadin uga dhex waday Somaliland iyo Puntland, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq oo ay labada dhinac isku hayaan.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu la hadlay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas, oo kala hoggaamiya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Faysal ayaa sheegay in Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas ay isla subaxii khamiista ka baxeen saddex qodob oo ay Mareykanka ka ballan-qaadeen habeenkii arbacada, kuwaas oo kala ahaa:

1 – In la joojiyo dagaalka

2 – In la furo wadahadallo xal lagub gaaray

3 – In la isku celiyo maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday

Somaliland iyo Puntland, labaduba ma aysan xaqiijin jiritaanka ballan-qaadkan inay u sameeyeen Mareykanka, waxaana labada dhinac shalay ka dhex qarxay dagaal culus oo ku saabsan gacan ku haynta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayada oo midba midka kale uu ku eedeeyey inuu dagaalka billaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dagaalka dekeddaha iyo danta Somalia (Q. 2-aad)

Halkan ka aqriso qeybtii koowaad

IMAARAATKA IYO SOOMAALIYA:

Soomaaliya oo ka mid ah goobaha dunida ugu istaraatiijisan, oo ay ku kulmaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, kaabiga u saaran gacanka cadmeed, isla markaasna kulaasha marin biyoodka lafdhabarta u ah ganacsiga aduunka ee Baabul Mandam, ahna mandiqad xiriirisa qaarada Afrika iyo Bariga Dhexe, lehna xeebta ugu dheer Afrika iyo dekedo dhowr ah oo ku teedsan xeebaha labada badood ee kor ku xusan– ayaa xilligan u muuqata mid indhaha aduunyada soo jiidaneysa taas oo loo aaneyn karo arrimo dhowr ah oo isbiirsaday.

  • Soomaaliya oo ah wadan kasoo kabanaya colaado sokeeye oo dabo dheeraday kuna soo laabanaya fagaarayaasha caalamka sanooyin badan oo laga rajo dhigey kadib.
  • Dagaalka dunida ee Dekeddaha iyo marinnada oo kuso fiday xeebaha Soomaaliya.
  • Dowlado muhiim u ahaa aduunyada oo burburay ama xasarado lugaha la galay.
  • Soomaalida oo ah bulsho leh hal abuur ganacsi iyo hindise shaqo.
  • Tartanka lugu boobayo kalluunka Soomaaliya oo noqday hanti beylah u ah shiisheeyaha badaha meeraya.
  • Dhisidda saldhigyo ciidan oo kusoo badanaya mandiqadda ay Soomaaliya ku taallo.
  • Mashruuca argagixiso ladirirka ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha looga qaraabto.
  • Ol’olaha Ladagaallanka burcad badeeda ee badda Soomaaliya lugu baarto.
  • Quwadaha waaweyn ee is haya oo Soomaaliya u arka goob ku habboon dagaallada dadban.
  • Siyaasadda Soomaaliya oo ay weli inteeda badan gacanta ku hayaan xoogag shisheeye.

Sanadkii 2011 markii ay dalka ka dillaacday macaluushii ugu xumeyd, wadamadii u soo gurmadey waxaa ugu daacadsanaa uguna deeqsisanaa dalka Turkiga oo hogaamiyihiisa (Erdegon) oo horkacaya wefti ballaaran oo ka koobnaa qoyskiisa, wasiirro, ganacsato, xildhibaanno, gargaarayaal binii aadamnimo, kalkaaliyayaal caafimaad, horumariyayaal, injineerro, weriyayaal, uu kasoo degey Muqdisho.

Tillaabadaas oo indhaha caalamka kusoo jeedisey dalkaan la deyriyey, Soomaaliya, ee dayacan. Maseyr ka dhashay booqashadii Erdogan oo ay qaadeen qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta ayaa sababay in Imaaraatku uu si toos ah usoo beegsado Soomaaliya.

Intaa ka dib Soomaaliya waxay kaalinta koowaad ka gashay dalalka Imaaraatku uu bartilmaameedsaday, isagoo ogsoon muhiimadda dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee ay Soomaaliya u leedahay gobolka, iyo in soo laabashadeedu ay saameyn doonto dalkiisa gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.

DP World, Berbera iyo Bosaaso:

Ka hor inta uusan cidna heshiis ganacsi la gelin Imaaraatku, wuxuu hawshiisa ka bilaabey tababarid ciidamo Soomaali ah oo si gaar ah loogu uruuriyey xarumo uu maamulo, kuwaas oo dabcan hordhac u ahaa arrimo uu mardambe keeney oo ahaa inuu heshiisyo muran badan dhaliyey ku qaatey labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso. Ciidamadaas oo uu kuwooda ugu xooggan ka sameystey Boosaaso iyo Muqdisho, ka dib wuxuu sanadkii 2016 heshiis khuseeya dekedda Berbera iyo saldhig millateri la galay Somaliland.Tillaabadaas oo ay ka hortimid dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaab jajuub u muuqdey lugu marsiiyey Baarlamaanka Somaliland, iyadoo waxa la ansixiyey uusan ahayn qoraalkii lugu heshiiyey laf ahaantiisii ee uu ahaa turjumaad af Soomaali ah oo laga sameeyey nuxurkiisa guud!

Bilowga bishii Maarso ee ina dhaaftay, ayaa isla heshiiskii hore oo wax ka badel lugu sameeyey –iyadoo lugu soo daray saami 19% ah oo ay leedahay dowladda Itoobiya, lugu sixiixay Imaaraatka, iyadoo xilligaas uu sixiixu dhacayey uu isla Imaaraatka ku sugnaa Raysul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo sida la sheegey aan haba yaraatee waxba laga ogeysiin arrinta lakala sixiixdey. Taas oo aad uga xanaajisey xukuumadda Muqdisho oo u aragtay bahdil weyn oo lugula kacay ayna tahay in tillaabo laga qaado!

Waxaa xigtey labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shirkadda DP World ka mamnuucay iney gebi ahaanba ka shaqeyso dalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey iney ku xadgudubtey madaxbannaanida Soomaaliya, ayna u gudbiyeen xafiiska madaxweynaha, inkasto ay –isla markiiba– Xamar ka kacday xiisad siyaasadeed oo aan la ogeyn iney arrimahaan xiriir la lahayd iyo inkale.Taas oo galaafatay gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari, dibna u dhigtey dooddii DP World ee taagneyd, iyadoo shirkaduna ay dhankeeda sheegtey inuusan go’aankaasi khuseyn ayna sii wadi doonto hirgelinta heshiiska Berbera!

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka geysey, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka, iyadoo ku eedeysey ku xadgudub madax bannaanida dalkeeda iyo faragelin qaawan oo garabmarsan xuduudda dublumaasiyadeed ee dowladuhu ku wada xiriiraan!

Waxaa arrinta Baasiin (Petrol) kusii shubay la wareegiddii dowladda Soomaaliya malaayiin dollar oo la sheegey iney siddey diyaarad Imaaraati ah oo aan la aqoon cidda ay ku socotey, sidoo kalena ay xirtey xeradii tababarrada ciidamada ee Imaaraatku maamuli jirey ee Muqdisho ku tiilley! Waxaa kaloo la hadal hayaa in Imaaraatku uu ka guurayo saldhigga tababarrada ee uu ku leeyahay Boosaaso, ka dib markii ay ismaandhaafeen Maamulka Puntland oo dhagaha ka furaystay cadaadis uga imaanayey Imaaraatka oo ahaa inuu ka hor yimaado go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa DPWorld!

TURKIGA IYO QADAR: 

Waxaa Imaaraatka dhinac socda Turkiga iyo Qadar oo isu garabsanaya si ay meesha uga saaraan saameynta xooggan ee Imaaraatku Soomaaliya ku yeeshey. Turkigu wuxuu maamulaa dekedda iyo Gegida diyaaradaha ee Muqdisho. Wuxuuna ka dhistey safaaraddiisa ugu weyn dunida iyo saldhig ciidan kan ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay. Wuxuu kaloo hamminayaa inuu goobo kaloo cusub dalka ka deggo.

Qadar oo ay go’doomiyeen dalal Imaaraatku kow ka yahay, meelo badanna ay isku soo hardiyeen –Sida dekedda Port Sudan oo markii ay DP World iyo Sudan is fahmi waayeen ay Qadar qaadatay maalgelinteeda– ayaa usoo bareertay faragelinta Soomaaliya,oo ay dooneyso iney ka dhigato meel ay kaga fakato cunaqabateynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee deriskeedu saaray.

Waxaana u dambeeyey iney soo magacawday safiir sare (Safiir aan caadi ahayn) oo macneheedu yahay inuusan la mid noqon doonin safiirrada kale ee dalka jooga ee uu yeelan doono awoodo dheeraad ah iyo qaadasho go’aamo culculus, oo dalkiisa dani ugu jirto (Haddey rabaan Soomaaliya haka dhan ahaadeene)!

Sidoo kale la wareegidda Turkiga iyo Qadar oo wada socda Jasiiradda badda Cas ku taal ee Sawakin ee dalka Sudan, iyo saldhigga millateri ee uu Turkigu ka sameystey magaalada Doxa ee dalka Qadar, ayaa cirka kusii shareeray loolankii wadamadaan ka dhexeeyey!

Dowladda Soomaaliya oo horey u sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay xasaradda Carabta, ayaa u muuqata iney si uun ugu jinjeerto dhinaca Qadar iyo Turkiga oo la aragti ah. Taas oo ka xanaajisey maamullada qaar (gaar ahaan Somaliland iyo Puntland) oo u arkey Qadar iyo Turkiga dowlado uun ay idaacadaha ka maqlaan balse waxqabadkoodu uusan soo dhaafin xaayndaabka Xamar, taasina ay ku kalliftay iney iyaguna u jinjeersadaan dhanka Imaaraatka iyo dowladaha uu dabada ku wato!

 

Turkiga iyo Qadar waxay xoog iyo xeelad hayeen waxay isugu geeyeen Xamar, halka Imaaraatku uu Xamar na la joogo, Puntland iyo Somaliland-na uu isagu gadaal marsaday –Inkastoo Puntland ay iminka u muuqato mid arrimahan dib uga fekereysa– , taas oo Imaaraatka ka dhigtey dowladda ugu galaangalka badan dalka, xukuumadda Soomaaliyana u muujisey sidii waalid warasadiisii maalin cad laga kaxaaystay! Haddiise ay labadaa dowladood –Turkiga iyo Qadar– mashaariicdooda horumarineed gaarsiin lahaayeen deegaannada Muqdisho ka durugsan, waxay awoodi kari lahaayeen iney maamullada la jaalka ah Imaaraatka ay dhankooda soo mariyaan ama ugu yaraan ay dhexdhexaad ka dhigaan!

Imaaraatku wuxuu muddo tusaale u ahaa ganacsiga xorta ah iyo adeegsiinta aduunyada dalkiisa ku kala goosheysa, wuxuuna ahaa dal la jeclahay in laga ganacsado iyadoo la xeerinayo canshuur dhaafka ay leedahay dekedda Jebel Cali ama in loo dalxiis tago si loo daawado daaraha daruuraha saaran ee ay caanka ku tahay Dubai iyo dukaamadeeda aadka u camiran!

Hase yeeshee sanooyinkii dambe waxay u muuqatay dowlad meelwalba dagaal kaga jirta cidwalibana ay ka cabaneyso. Dadka arrimahan u dhuundaloola ayaa isbadelkaas ku macneeyey cuqdad uu Imaaraatku ka qaaday kacdoonnadii dadweynaha carabtu ku codsanayeen iney ka hoos baxaan keligood taliyayaasha ku dulgaboobey, waxay si gaar ah u shareysteen ururka Ikhwaanu Muslimiinka oo ay u arkeen cadowga koowaad ee ay tahay in la tirtiro. Taas oo lugu fasiray in Imaaraatku aaminsanyahay haddey shucuubtaasi xoroowdo iney dalalkooda dhisan karaan, taasina ay keeni karto iney hoos u dhacdo kaalinta hogaamineed ee Imaaraatku ku leeyahay ganacsiga gobolka!

BADELKA IMAARAATKA:

Dhacdooyinkaas kor ku xusan ka hor dadka Soomaaliyeed wax sas ah kama qabin Imaaraatka, taa badelkeeda waxay aad u jeclaayeen iney deggaan, ka ganacsadaan, hantidoodana geystaan Dubai. Sida muuqata taas waxaa iminka meesha ka saaray dareenka ay inta badan shacabku ka qaadeen damaca Imaaraatka iyo danta uu ka leeyahay Soomaaliya  oo ay u arkeen mid ka maran wax tixgelin ah oo uu u hayo qaranimada dalkooda iyo midnimada dhulkooda!

Welise Imaaraatku wuxuu awoodaa inuu dib isu saxo oo uusan lumin saaxiibtinimada dadka Soomaaliyeed oo cidwalba oo gobolkaan dani ka soo gasho ay guusheedu ku xirnaan doonto inta ay   tixgeliso danaha Soomaaliya. Waxay kaloo Imaaraatku u baahan yihiin iney fahmaan qaab fikirka qofka Soomaaliga ah iyo sida loola dhaqmo, aysanna u maleyn in dheregta iyo gaajadu ay yihiin halbeeg lugu hawl geli karo!

Soomaaliya dano badan ayaa kaga xiran Imaaraatka, xiriirkooda oo xumaadaana khasaara weyn ayaa kasoo gaari doona shacabka Soomaaliyeed oo inta badan noloshoodu ay iminka ku xiran tahay Imaaraatka. Hase yeeshee haddii lugu kallifo waxay taas ku illaawi karaan, ficillo iyo hadallo ay ka arkayaan masuuliyiin iyo warbaahin laga leeyahay Imaaraatka oo aflagaado iyo xaqiraad ula bareeraya Soomaalida iyo dalkoodaba!

Haddii ay xaaladu sidaan kusii socoto Soomaalidu waxay ku khasbanaan doonaan iney raadsadaan seylado kale oo ay ku badeshaan suuqa Imaaraatka, si ay ugu yaraan uga hoos baxaan ganacsiga iyo siyaasadda macna darrada ku dhisan ee isku milan, ee dadka qaarkood ay ku macneeyeen inuu yahay nooc gumeysi silloon ah oo aan la xamili karin!

Seyladaha badelka noqon kara waxaa ugu macquulsanaan doona kuwa aan kasoo sheekeynney ee dalalka Pakistan iyo Iran!

Hirgelidda dekedda Gwadar – oo ah mashruuc aad loo sugayo rajo badanna laga qabo, la iskuna halleyn karo- Soomaaliya waxay u noqon kartaa suuq ay kasoo adeegato kuna xiri kara aduunyada inteeda kale, ayna kaga maarmi karto dekeddaha Imaaraatka ee danaha siyaasadeed u dabran!

Soomaaliya goobta ay dhacdo iyo marinnada ay kulaasho ayaa ka dhigaya wadan dalkasta oo kale kaga habboon inuu noqdo xarunta ay isaga kala gooshaan gaadiidka badda mara. Sidaas daraadeed qorshayaasha dambe waa iney noqdaan in dekeddaha Soomaaliya loo diyaariyo bar ganacsi oo aduunyada xiriirisa!

Haddii uu hirgalo hindisaha Shiinuhu wado Soomaaliya waxay noqon doontaa goobaha uu kusoo fidi doono kana faa’iideysan doona, waa haddii la helo hogaan Soomaaliyeed oo han leh kana aragti dheer inta maalintaas hor muuqata, iyo dad dantooda yaqaan ee aan iyagu uun isku mashquulsaneyn!

W/Q: Cabdixakiim Diriye
Email: diiriye303@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Beesha caalamka oo soo saartay war culus oo ku saabsan dagaalka Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan iskudhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaal culus ayaa aroortii saaka ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo ‘Somaliland’, waxaana lagu soo warramayaa in la isu-adeegsanayo hubka cul-culus.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, ay billaabaan wadahadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dallada waxbarashada Fpens oo uu ku dhacay xukun maxkamadeed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dallada waxbarashada FPENS, tasoo keentay in heer maxkamadeed ay gaarto, kadib markii bishii Maarso awoodiisii shaqo si sharciga ka baxsan shaqada looga joojiyay Faarax Maxamed Sheekhow, amaarkaasina waxaa fulintiisa lahaa agaasimaha fulinta ee dalladaasi C/raxmaan Cumar Sh. Nuur.

Faarax Maxamed shiikhow waxa uu ka tirsan yahay shaqaalaha dalladda waxbarashada FPENS muddo 8 sano ah waxa uu ka soo qabtay xilal kala duwan .

1. Maamulaha guud ee machadka tababarada

2. Xiriiriyaha hay’ada NRC iyo FPENS 2013-2017

3. Kaaliyaha xafiiska imtixaanaadka

4. Xoghaynta machadka tabarada

5. Xoghayaha xafiiska cilmi baarista

6. Xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka.

Sababta shaqada uu ugu joojiyay Agaasimaha fulinta ee dalladda FPENS C/raxmaan Cumar Sheekh Nuur xubintaasi xilalka kala duwan kasoo qabtay ayaa lagu micneeyay cabsi ka qabay kursigiisa maadama uu yahay shaqsi isku darsaday aqoon karti iyo firfircooni dhanka shaqada ah isagoo dhoor jeer ka dalbaday inuu si gaar ah ula shaqeeyo ugana warbixiyo shaqaalaha kale ee dalladda.

Wuxuu cabasho ku saabsan shaqo ka farisintisa aan awooda sharci lahayn u gudbiyay gudomiyaha dallada FPENS  C/qaadir Xasan Axmed  kadle isagana wuxuu ku raacay shaqo eryidii  Agaasimaha. Sidaas ayuu dacwad uga furtay maxkamadda gobolka madama dastuurkii dallada ay degsatay la-baal maray gabood falna lagula kacay, wuxuuna go’aansaday in sharciga lagu kala baxo muddo 2 bil ayey socotay dacwada ugu dambeyn go’aan ayaa ka soo baxay maxkamadda.

Gudomiyaha dallada FPENS sidoo kale waa milkiilaha shirkadda Somnet xilka dalladda uu ka haayo wuu iskaga magacaban yahay kamana warqabo dastuurka dallada iyo xeerarkeda waana waxa looga guleystay aqoondarada ka haysatay xaga xeerarka ay degsatay dalladda Agaasimaha fulinta isaga ayaa keenay dallada kuma imaan magacaabis gollaha maamulka daladda board of directions oo ka kooban 14 xubnood sida uu sharcigoda dhigayo.

Sida laga sheekay maxkamadda agaasimaha waxa uu xabsiga dhexe ka soo baxay bishii Maarso 2016 sidoo kale April 2016 waxa loo magacaabay Agaasimaha fulinta dallada FPENS isago qariyay in dambi uu galay maxkamadna ay xukuntay waxaana loo haystay baabuur Hilux ah uu lunsaday sidaas fududuna uu kursigas ku helay 2 bil gudohod markii la magacabay wuxuu sameyay shaqo joojin baddan Faaraxna waxa uu ahaa shaqaalihi 5aad uu shaqada ka joojiyo.

 Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay  cabasho xooggan laga muujinaayay Imtixaanka mideysan ee ay sanadkaan soo rogtay Dalladda waxbarashadda ee FPENS.

Halkaan Hoose ka aqriso warqadaha dacwada iyo go,aanka Maxkamada ka soo baxay.

W/qoray: Cali Muhiyaddiin`
Email:[email protected]

Museveni oo saadaaliyey dhowrka sano ee Somalia uga harsan xasiloonida

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweeri Museveni ayaa shaaca ka qaaday inay rajo weyn ka qabaan in Somalia ay cagaheeda ku istaagto ‘’Tobanka sano’’ ee fooda nagu soo heysa gudaheeda.

Yoweeri Museveni, waxa uu sheegay in Ugandha ay ahmiyad gaara u aragto Somalia oo ka hanaqaad halka ay iminka taagan tahay waxa uuna cod dheer ku sheegay inay uga dhigan tahay Ugandha oo hagaagda.

‘’Somalia wey hagaagi doontaa waxaan rajeyneynaa inay Xaalladu caadi ku soo noqon doonto 10-ka sanno ee soo socda’’

Museveni, ayaa hadalkaan sheegay mar uu Madaxtooyada Kambala kula hadlaayay arday loo tababaryo Hawlaha Ciiddanka, oo wax ku barta Kolejka Milliteriga ee  ‘’The British Advanced Commanders’ Staff College’’ ee dalka Britain,  kuwaasi oo booqsho 5 maalmood ku jooga Uganda.

Waxa uu Yoweeri Museveni tilmaamay in dowladiisa ay dooneyso in si dhaba ay u waajahdo sida ay ardaydu kor ugu qaadi laheyd tayadooda waxbarasho, si ay uga dhex muuqdaan dhigooda.

Madaxweyne Yoweeri Museveni waxa uu sheegay in Ciiddamadda dalalka Uganda iyo Britain uu ka dhexeeyo Iskaashi dhinacyo badan,  isla markaana ay wadaagaan  Ammaanka, Siyaasadda Horumarinta iyo Maalgashiga.

Museveni mar uu ka hadlayey arrimaha Gobalka, waxa uu tusaale usoo qaatay sida ciidamada Ugandha ay uga qeybqaadanayaan dadaalka lagu doonaayo in lagu nabadeeyo Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa ay bixisay dadaalka ugu badan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan.

Yoweeri Museveni, waxa uu cadeeyay in Ugandha aysan ka jiifan doonin baahiyaha amni ee Gobolka, sidaa aawgeed ciidamadiisa uu doonaayo inay ku daydaan Saraakiisha ciidan ee hogaamineysa ciidamada Ugandha ka jooga Somalia.

Yoweeri Museveni, waxa uu ardayda uu la kulmay ugu baaqay in hankooda uu ahaado mid cad oo aan dib loogu laabaneyn, si buu yiri ay ugu biiraan Saraakiisha difaaca ugu jira karaamada dalkooda.

‘’Waxaa la doonayaa dhalinyaro tusaala u noqonkara adduunka, waa in la helaa Saraakiil ka dhameystiran dhan waliba sida akhlaaqda, tababarka iyo wax waliba oo xoojinkara sharafkooda’’

Sidoo kale, Museveni waxa uu tilmaamay inay dadka Uganda noqon dooaan Bulsho casri ah 25-ka sanno ee soo socda, sidaa aawgeed la doonaayo in laga dhabeeyo jiheynta mustaqbalka fog ee Ugandha.

Si kastaba ha ahaatee, Mosavani waxa uu hadalkiisa kusoo idleeyay mahadcelin uu u jeediyay Dowlada Britain oo uu sheegay inay kala dhexeeyso wada shaqeyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Duufaanno hor leh oo ku soo socda xeebaha Somalia oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya digniinada laga soo saarayo duufaanno hor leh oo ku soo fool leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland.

Duufaanada kusoo fool leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland, ayaa la xaqiijiyay inay ka soo kacayaan gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

War saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa waxaa Puntland looga digay Duufaanada kusoo fool leh xeebaheeda.

IGAD, waxa ay digniinteeda ku aadan Dufaanta ku sheegtay xaalado isa sii taraysa oo loo baahan yahay in mar waliba ay ka feejignaato Puntland.

Qubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26-ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30-MM.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, Roobab watay Duufaano oo bilowga asbuucaan ku dhuftay  deegaanada Puntland ayaa waxaa ku dhintay dad u badnaa xoolaaleey, halka duunyo badan ay ku burbureen dabeylaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faallo: Somalization shalay iyo maanta

Somalization ((الصوملة waa erey bixin u taagan Colaad & Fowdo Siyaasadeed. Waana Magac & Sifo muddo dheer Soomaaliya xariir la lahaa. Qofka Soomaaliga noocuu yahayba suuraddan ayaa fasireysa. Shiikha, Aqoonyahanka, Siyaasiga, xataa ganacsadaha Aduunka maraya ee degaya Hotelada Shanta Xidigoood.

Eraygan waxuu caan baxay Dabayaaqada Qarnigii tagay 1991-1999,  walina waa mid taagan oo dihniga Bulshada caalamka ku sawiran. Nasiib wanaag Sanadahan dambe waxa soo baxay Magacyo Soomali oo caalamka Xiddig ka noqday, sida Wasiirka Canada Ahmed. Maxweynaha Maxkamada Caalmiga,  AbdalQawi, Ilham Omar & Majid Majid oo loo magacaabay Duqa Xaafada Shiffield ee London, UK.

Waxaa jira Xidigo kale oo ku caan baxay Fanka & Cayaaraha. Keynaan ayaa ka mid ah, waxaa lagu xasuustaa Heesihii uu ka qaaday furitaanka Cayaarihii Aduunka ee Johannesburg lagu qabtay, waliba waxuu Masraxa ku muujiyay Calanka Soomaali oo u taagan Astaaanta Qaran ee Soomaaliya, Xilli uu Ereyga  Somalization-ku uu Caalmka heystay. waxaa ayana la mid ah Jawahir Rooble oo la sheegay in ay noqotay gasoore Kubada Cagta oo ka diiwaan gashan FIFA.

Su,aasha taaaagan ayaa ah, haddii Xumaaanti ka dhalatay Colaaddi sokeeyo ay noqotay ceeeb ku suntan Magaca Soomaali noocuu yahayba, magacyadan Cusub ee Caalamiga noqday ma badali karaan suuradda xun ee laga fahmay Magaca Soomali..??? Haddii ay badali karaaan ma suuro gali kartaa in magacyadan laga dhahaalilioy Falsafad lagu buriyo Suuraddaa xun.. Suuraddan oo sintay Shiikha & Sheydhaanka, Jaahilka & Aqoonyahanka. Dambiilaha & Dambi laawaha.

Waxaase suuro gal ah oo dhici karta in intaaba aysan aheyn. waxaa Magacyadan laga furi karaa  dood ku dhisan Fahamka Diiniga, ayadoo laga fiiriniyo Dabeecda ay ku soo caan baxeen & Halka ay ka soo muuqdeeen oo ah Wadamada Reer Galbeeedka.

Si kasta oo ay noqoto waxaa hubaal ah in Magaci Soomaali uu ka duwan yahay Fahamki shalay laga heystay. Maantana ay suuro gal tahay in intaa & ka badan oo ah Qiimaha & waanagga uu leeyahay Magacan la soo saari karo, laaakin waa gooorma… waa goorti qofku ka tago Magacyada Laangaabka ah ee sababay in aan Tusaale u noqono wax walba oo xun (Somalization)….

W/Q: Mahdi Muse
[email protected]

Dhageyso: Cameey oo laga duubay cod sir ah (Sirtii Puntland oo banaanka timid)

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo taleefoonka kula hadlayey qurba Joogta Beesha Dhulbahante ee ku sugan debadda ayaa laga duubay cod sir ah oo ku saabsan dagaalka ka socdo Takuraq ee u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey ayaa ugu horeyn codka laga duubay ku sheegayo inay Puntland dagaalkaan diyaarinaysay waqti ku dhow 5 bil isla markaasna lagu bixiyey qarash aad u badan.

Wuxuu sheegay inay Puntland ka go’an tahay sidii ay u qabsan laheyd laascaanood muddo 7 Berri, wuxuuna sheegay in markaas ay Dhulbahante talada wax ku lahaan doonto.

Wuxuu Beesha Dhulbahante ku eedeeyey inay ka jiifto dagaalkaan isla markaasna aysan ku laheyn ciidan badan iyo dhaqaale midne.

Camey ayaa Dhulbahante u sheegay in laga fiican yahay inay tolkooda ka baxaan sida uu hadalka u dhigay isagoo u sheegay inay dad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka yar yihiin daarood intiisa kale, sidaas darteedna loo baahan yahay inay tolkooda wax la qeybsanadaan.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha Dhulbahante kasoo gaaray dagaalkaan ayuu ku sheegay in inta uu ogyahay ay dhinteen ilaa 2 askari oo beeshaas kasoo jeedo isla markaasna uu mid kale dhaawac culus qabo kaasoo loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Camey ayaa Beeshiisa ku calaacalay isagoo ka codsaday inay dagaalkaan uga qeyb qaataan naf iyo maal isla markaasna dadka debadda joogo ay isku soo daraan lacago xataa haddii ay ahaato Toban Dollar qofkiiba.

Wuxuu tilmaamay in dagaalkaan uu noqon doono midkii Qarniga isla markaasna ciddii aan ka qeyb qaadan ay la mid tahay nin ka qaday dhaxalka aabihiis.

Beesha Dhulbahante ayuu ka codsaday inay dagaalkaan u midoobeen rag iyo dumar, wuxuuna si gaar ah u sheegay in xaaladahaan camal loo baahan yahay Haweenka isla markaasna loo dhiibo lacagta iyo saadka.

Wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay dagaal toos ah kusoo qaaday Dhulbahante iyo Darood intiisa kale, midaasna ay aheyd muddo badan mid ay ka gambanayeen balse ay hadda banaanka soo dhigeen.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka laga duubay Camey


Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Xeer ilaaliyaha qaranka oo war cusub kasoo saaray kiiska muranka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Somalia ay arrimaha Badda Somalia kala hadashay Dowlada Kenya oo uu kala dhexeeyo muran badeed muddo soo jiitamaayay.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo ay mala awaaleen shaqsiyaad gaara, isla markaa aanu jirin wadahadal ay Kenya kala galeen muranka Badda.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Dacwada badda Somalia ay weli tahay mid taagan, isla markaana ay Dowlada Somalia dooneyso inay soo celiso xuquuqda Somalia ay ku leedahay badda.

Isagoo ka hadlaayay arrinta Badda iyo wararka ku jira suuq ayuu yiri ‘’Waxa ay dadka qaar meelaha wadaan waxba kama jira Somalia waxa ay dhowreysaa Jawaab laga sugaayo dowlada Kenya oo ku saabsan arrinta badda oo aan horay u gudbinay dulucdeeda’’

‘’Dowlada Kenya waxa ay kasoo Jawaabtay 1802/2018, wixii intaa ka danbeeyay dowlada Somalia ayaa lasiiyay inay kasoo Jawaab bixiso dhankeeda waxaana ku ballansanahay inaan Jawaabta ku geyno 18/06/2018 wixii intaa ka danbeeya Dowlada Kenya ayaa qaadan doonta Jawaab kale’’ ayuu yiri mar uu u waranaayay Voa

‘’Qorshaha waxa uu yahay markii intaa leyskala soo gudbo waxaa la mudeyn doonaa dhageysiga dacwada oo weli qabyo noo ah’’ ayuu yiri isaga oo u waramaayay Idaacda Voa.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Mowqifka Dowlada Somalia uu yahay mid cad oo aan mugdi ku jirin, waxa uuna cadeeyay in arrintaan uu horay uga hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, isagoo wixii intaa ka danbeeya ku sheegay mid lagu qodqodaayo Dowlada Somalia.

‘’Wixii haddal ah waxaa horay u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda waxaanu dhankeeya ka xaqiijinayaa in howshu ay tahay mid socta lana filaayo inay soo afmeerto dowlada Somalia marka ay dhamaadan Jawaabaha loo xayiran yahay’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu sidoo kale sheegay in haddalka kasoo yeeray Wasaarada arrimaha dibadda Kenya uu yahay mid ay dowlada Kenya ku muujineyso sida ay jeceshahay, hase ahaatee dowlada Somalia ay ku qanci doonto Jawaabaha kasoo bixi doona Maxkamada.

‘’Wasaarada arrimaha dibadda Kenya waxa ay ka hadashay sida ay jeceshahay taana ma khuseyso Somalia, waxaa noo cad mowqifkeena ku aadan inaan ka mirro dhalino soo celinta Badda Somalia’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in rabitaanka Dowlada Kenya uu ahaa in gabi ahaan la hakiyo dacwada Badda, hase ahaatee ay iminkana ku dadaaleyso inay faafiso warar niyad jabinaaya Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Muhiimad nooma laha haddalka kasoo yeeray Kenya wayo waxa uu rabitaankeeda ahaa in la joojiyo dacwada marka xaq bey u leedahay inay faafiso warar muujinaaya rabitaankeeda’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Dacwada ay iminka taalo Maxkamada isla markaana Kenya aanu halkaa waxba ka galin, Somaliyana ay u hogaansami doonto wixii kasoo baxa Maxkmada.

Sidoo kale, Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Siyaasada Somalia ay tahay in Dacwada Badda Somalia lagu xaliyo go’aanka Maxkamada Caalamiga, wixii intaa kasoo harana aanu dhag jalaq usiin doonin Somalia.

Haddalka Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaarada arrimaha dibadda Kenya ay kiiska dacwada badda Somalia ku sheegtay mid ay si gaara u wada xaliyeen Somalia iyo Kenya, isla markaana laga gudbay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arag sawirro: Dhaawacyo iyo meydad dhowr ah oo la geeyay Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaa la geeyay Meydadka iyo dhaawacyada Tahriibayaal ajaaniib ah oo uu gaari kula rogmay duleedka magaalada.

Tahriibayaasha ayaa lasoo sheegaya inay kasoo jeedan dalka Ethiopia, gaar ahaan qowmiyada loo yaqaan Oromada, kuwoo oo xiligaa kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in Gaariga rogmaday uu ku socday xawaaro aad u dheereeya sidaana uu ku qalibmay.

Tahriibayaasha dhaawacmay ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 35, halka ruux kamid ahaa isla goobta uu ku naf waayay.

Dhaawacyada iyo Meydka ayaa iminka yaala Isbitaalka guud ee Magalada laas-caanood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Takuraq iyo Muse Biixi oo sheegay in dhinac walba laga soo weeraray

Takuraq (Caasimadda Online) – Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee lagu muransan yahay ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Ilaa hadda lama ogo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq.

Taliyaha guud ee ciidammada militariga Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga laisgu khilaafsan yahay ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar kusoo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in sababta loo soo wareeray tahay inay doonayeen inay ka faa’iidaysta inta lagu mashquulsan yahay daad gureynta dadkii duufaantu ku wax-yeelaysay goboladda Galbeedka.

“Saakay lixdii subaxnimo ayaa ciidamada maamulka cago jiidka ah ee dawladda fadaraalka Soomaaliya isku dayeen inay soo weerarraan ciidamdaa qaranka ee uu fadhigoodu yahay jiida hore ee Tuka-Raq, iyaga oo is leh ka faa’iidaysta xilliga ay reer Somaliland dad iyo dawladba
ku hawlan yihiin sabatabixinta dadkii ku tabaaloobay dufaanadii ka dhacay Somaliland”ayuu yiri Guri Barwaaqo oo ka hadlayey dagaalkii saaka dhacay Tuka-Raq.

Wasiirku kama hadal khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi, hasse ahaatee waxaa uu xusay uun in ay is difaaceen oo ay dib u riixeen ciidankii soo weeraray.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Dagaalka Tuka-raq ayaa indhawaalaba socday, labada dhinacna midba midka kale ayuu ku eedeynayaa dagaalka.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta gaarey deegaano ay duufaanta ku dhuatay ee Bariga Soomaaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan ay ku mashquulsan yihiin samatabixinta dadkiii ku waxyeeloobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay bariga Soomaliland laakin weerar gardaro ah lagu soo qaaday.

“Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso,laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa mana jirto cid hor istaagi karta horumarka soomaaliland,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakin soomaaliland marwalba weey iska difaaceysaa weerraka uga yimid Soomaaliya ayuu yiri Muuse Biixi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Sidee ayey u dhacay is rasaaseyntii dhex martay Nabad Sugidda iyo ilaalada xildhibaan Cabdullaahi?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Galab Waxay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Viat is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabadsugidda ee halkaas koontaroolka ku leh iyo Ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Xildhibaanka ayaa watay gaari  Cabdi Bile ah oo ay saaran yihiin ciidan iyo gaari aysan karin Xabadda.

Waxaa ugu horreeyey gaariga Cabdi Bilaha ah oo si xooli ah ku dhaafay Koontaroolada Ciidamada Nabadsugidda waxayna arrintaas keentay inay ciidamada halkaas joogay rasaas ku furaan, waxayna rasaasta socotay xoogaa.

Markii la is rasaaseeyey kadib, Xildhibaanka oo saarnaa gaariga aysan Xabadda karin isla markaasna daba socday gaariga Cabdibilaha ah ayaa ciidamada u sheegay inuu gaarigaan yahay mid isaga la socdo isla markaasna uu yahay Xildhibaan ka tirsan dowladda.

Kadibna waxaa sidaas ku istaagtay rasaastii socotay, waan waan iyo is afgarad kadib waxaa loo ogolaaday Xildhibaanka iyo ilaaladiisa inay meesha ka gudbaan.

Wararka qaar ayaa sheegayo in is rasaasseyntaas ay ka dhalatay 3 dhaawac ah oo laba mid ah ay yihiin ciidamadii Nabadsugidda ee koontaroolkaas ku sugnaa halka midka kalana uu ahaa ilaalada Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheeg in si bareer ah loo beegsaday.

Sidoo kalana Weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin falkaas dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Kheyre oo mamnuucay xil ka qaadis lagu sameeyo mas’uuliyiinta qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Warqad kasoo baxday Xafiiskiisa ku mamnuucay xil ka qaadis lagu sameeyo Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah ee Wasaradaha iyo Hay’adaha JFS.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu qoraalkiisa ku mamnuucay in xil ka qaadis lagu sameeyo Agaasime iyadoo aan lagala tashan xil ka qaadista Agaasima waliba oo xil u haya Qaranka.

Qoraalka tiinbareysan ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysneyd 16-kii bishan ayaa lagu amray Wasiirada in ay kala tashtaan ra’iisul wasaaraha tallaabada anshax marinta ah.

Qaar ka mid ah Wasiirada dowlada federalka ayaa hore shaqo joojin ugu sameeyay Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Guud, taasoo ka dhalata khilaaf iyo is qabqabsi ku aadan qaabka shaqo joojinta loogu sameeyo.

Mala socotaa in 13-ka wasiir ee la magacaabay ay 12 ka mid ah yihiin xildhibaano?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay buuxiyay xilalkii Wasiirada ee ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo qaarkood dhowr bilood banaanaa.

Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada la magacaabay ayaa gaarayay illaa 13 Wasiir, waxaa la sheegayaa in 12 ka mid ah ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaa ay kala yihiin 6;  Wasiir,5; wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle,kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

  1. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka,waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.
  2. C/Rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  3. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  4. Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  5. Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga,waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  6. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay.
  7. C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
  8. C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  9. Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
  10. Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
  11. Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  12. C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
  13. Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..

Maxaa cusub?.

  • 13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%.
  • Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta.
  • Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.
  • Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.
  • Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jabuuti iyo Imaaraadka oo dhex dhexaadin laga dhex bilaabay iyo madaxa DP World oo tegay Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online)- Kulan magaalada Jabuuti ku dhex maray madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman iyo agaasimaha dekaddaha ee Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa looga hadlay khilaafka sababay in Jabuuti laalsho heshiiska dekadda Dooraale ee DP World.

Kullankaan ayaa ka danbeeyay wada hadalo labada dal dhex mareen oo ay garwadeen ka aheyd dowladdaha Sacuudiga iyo Masar.

Xalinta khilaafka Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa loo xilsaaray madaxa sirdoonka ee Masar Maxamed Rafaat a inuu isu soo dhaweeyo Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, laakiin waxa aan weli muuqan wax isfaham u eg oo soo muuqda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in gebi ahaanba shirkaddaha dalkeeda ay gebi ahaanba ka banaan howlo ganacsi oo Jabuuti ay ku leeyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Terminaalka saliidda iyo gaaska ee loo yaqaano Horizon Djibouti Terminals iyo hoteelka caanka ah ee Kembeski oo ay DP world dhistay.

Dowladda Jabuuti iyadana mowqifkeeda waxba iskama badalin, waxayna Imaaraadka iyagana sugayaan jawaabta dacwada ay u gudbiyeen maxkamad ku taal Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]