25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Faarax C/Qaadir oo faallo cajiib ah ka qoray dagaalka Somaliland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, ayaa qoraaal ku saabsan dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, soo dhigay bartiisa twitter-ka. Haddaba hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka.

Tukeraq 2018 miyeynu ka itaal liidanaa Gaalkacyo 2016?

Dagaaladii sokeeye ee ka dhashay burburka dowladnimo, waxay maalinba heer soo joogaan waa laga garaadsaday. Dalkuna waxuu dib u unkay dowladnimadiisii, shacabkuna waxay samaysteen maamullo howsha ugu weyn ee ay qabtaan ay tahay in laga heshiiyo waxyaabaha colaadda hurin kara.Somaliland iyo Puntland waxay ku tilmaannaayeen goobahii ugu horreeyay ee ay ka dhismeen nidaam kalsooni weyn ka heysta shacabka deegaannadaas, kuna guulaystay soo celinta nabadda, dhismaha hay’adaha dowladnimada, bixinta adeegga bulshada iyo qabashada doorashooyinka. Doorashadii sanadkii hore ka dhacday Somaliland waxay yididiilo gelisay dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Waa nasiib darro weyn in loo guntado dagaal, loo noqdo Jaahiliyaddii, lana burburiyo yididiilladii dadkeenna. Tuke Raq, waxay mudnayd inaan ilaashanno maadaama aan ognahay inay u dhowdahay goobaha dunida isku keen haysataa damaca badan ka leedahay. 

Murugadeeyda waxay sii koradhay markaan dib u eegay xaalkeenna maanta, xusuustayna in dagaalkii nasiib darrada ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo 2016 loo wada gurmaday si loo damiyo, guulna laga keenay. 2016kii waxaa Gaalkacyo isagu tagay Ra’iisalwasaarahii, xubno wasiiradiisa ah, madaxdii maamul goboleedyada iyo beeshii caalamka.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, saraakiisha iyo afhayeenadana waa inay cashar ka bartaan dagaaladii sokeeye oo maanta aysan jirin cid ku faaneyso guulna ka sheeganeeyso waxii kala gaaray ummadeena Soomaaliyeed. waxii nabad lagu waayana dagaal laguma helayo.

Ugu dambayntii madaxda dowladda Federaalka waa inay garwaaqsataa waajibka ka saaran inay si macno leh ugu howl gasho daminta dagaalkan foosha xun. Taloow maanta Tuke Raq 2018, ma ka liidanaa sidaan ahayn Gaalkacyo 2016.

Wasiirka arrimaha gudaha oo war cusub kasoo saaray khilafka madaxda G/Mudug

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay maamulka Galmudug, ayaa waxaa goordhow arrintaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Khilaafka soo gala dhexgalay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye, oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Somalia ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto Khilaafka madaxda maamulka.

Sabriye waxaa uu sheegay in dowladda Somalia ay si weyn uga xun tahay Khilaafka soo gala dhex galay Madaxda Galmudug,islamarkaana Galmudug ay u baahan tahay in Madaxdooda ay is xaliyaan.

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si shuruud la’aan ah lagu xaliyo Khilaafka ka dhextaagan Galmudug, waa ayaan darro in la garan waayo wanaaga xalka ku jira’’

Wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xilli ay waddeen dhexdhaxaadin in Magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen Madaxda Galmudug, sidaa aawgeedna la doonaayo in lasoo nooleeyo wadahadalka.

Sidoo kale, Sabriye ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowlada Somalia ay arrin mushkiladeeda leh u qaadan doonto Khilaafka kala geeyay maamulka Galmudug, waxa uuna ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro Khilaafka.

Docda kale, Madaxda Galmudug oo laba u kala jabay ayaa kala gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug, taa oo sii xoojisay Khilaafka oo iminka gaaray heerkii ugu adkaa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Qaar ka mid ah wasiirradii la magacaabay oo maanta la dhaariyay + Sawirro

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa xilalkoodii kula wareegay Wasiiraddii dhawaan uu magaacabay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa Maanta ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey, Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawed iyo kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariay wasiirada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.

Xubnaha Maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay wasiirada cusub in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guuleestaan howlaga qaran ee Hor-yaalla.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane; Xasan Cali Kheyre soo Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u bannaanaaday siyaabo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur oo meel xun geeyey kiiskii NISA kadib markii…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Kutlada Baarlamaaniga Horusocod ee mucaaradka ah ayaa dalbaday baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dhacdadii 23-kii bishan ka dhacday Koontarool ay leeyihiin Ciidanka NISA oo ku yaalla agagaarka KM-0 oo rasaas lagu riday gaari uu saarnaa.

Qoraal uu Xildhibaanka u diray Guddoomiyaha Golaha shacabka, kuna ogeysiiyay Guddiyada Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayuu kaga qaabkii wax u dhaceen, isagoo dalbaday in la sameeyo baaritaan ka madax banaan kan Laanta Fulinta.

Xildhibaanka ayaa codsaday in baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dhacdadaas oo uu horay u sheegay in ay aheyd mid lagu doonayey in isaga lagu dilo balse uu ka badbaaday.

Qoraalka ayaa waxa uu u diray Guddiyada Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,isaga oo uga warbixiyey qaabkii uu falkaasi u dhacay iyo in uu doonayo in uu cadaalad helo,isla markana si dhab ah loo baaro.

Wasaaradda Amniga ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan ku sameyneyso falkii dhacay, isla markaana askari ka tirsan NISA uu hal Xabad ku riday gaari hor gudbay Koontaroolka agagaarka KM-0

Haddaba  halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu xildhibaanka qoray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Kheyre oo unug ciidan oo ku beel ah ku darsaday ciidamada madaxtooyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay  tallaabo si weyn looga hadal hayo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hal Unug oo ciidan ka tirsan beeshiisa Murusade gaar ahaan Habarceyne ku dursaday ciidamada Ilaaliya amaanka Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee la yiraahdo 60-aad.

Ra’isulwasaaraha ayaa keensaday ilaa 11 Askari oo u dhashay Beeshiisa, waxaana arrintaas ka dhalatay muran farabadan oo ku aadan inuu Kheyre keensado Madaxtooyada ciidamo isaga ku heyb ah.

Ra’isulwasaaraha ayaa ciidankaas ka dhigtay istaafkiisa gaarka ah, waxaana muuqato inuu Ra’isulwasaaraha garab maray habka loo qaadan jiray ciidamada ka tirsan qeybta 60-aad ee ilaaliyo Madaxtooyada iyo Madaxda qaranka.

Maalmihii ugu dambeeyey arrintaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan, waxayna keentay inay taliyaasha ciidamada Madaxtooyada ka hor imaadaan arrintaas, inkastoo aysan wax saameyn ah ku yeelan go’aanka Ra’isulwasaaraha maadaama ciidamadii uu keensaday loo diiwaan geliyey inay kamid ah noqdaan Qeybta 60-aad.

Lama ogo haddii uu arrintaan wax ka ogyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Galmudug oo labo garab u kala jabtay iyo madaxdii oo kala degay laba magaalo

Caadaado-(Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu mar kale khilaaf soo kala dhexgalay, iyadoo laba qeybood u kala baxeen madaxda sare ee maamulkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa saaka gaaray magaalada Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG Galmudug, iyadoo dib mar kale u soo cusboonaaday khilaafkii horay u ragaadiyay maamulkaas.

Xubnahaan waxaa Garoonka Cadaado,kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

labadan Mas’uul ayaa dhowaan shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhaxeysa Madaxda Galmudug oo salka ku heysa isku darkii Baarlamaanka, awoodda oo hal dhinac noqotay iyo is bedel lagu sameeyay Dastuurka, kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu muddo kororsaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusmareeb Caasimadda Galmudug, iyadoo la  filayo inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirro cusub.

Xaaladda ayaa mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana fashilmay dadaalkii loogu jiray in khilaafka madaxda Galmudug xal loo helo oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay laba dowladood ka sameysmaan oo mid waliba Galmudug sheeganeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay Tukaraq iyo arrin cusub oo ay labada dhinac wadaan

Tukaraq-(caasimadda Online) – Xaalad degenaasho oo aan cago badan ku taagneyn ayaa ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo maalin ka hor dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay deegaanka gaaraan wafdi ka socda maamulka Somaliland oo la sheegay in ay u kuurgali doonaan xaalada deegaanka, iyaga oo dhinaca kalana la kulmi doona saraakiisha ciidamada halkaa ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda dhanka Somaliland ay booqan doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidankooda, isla markaana ay u kuur galayaan xaalada.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Dowladda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Wafdigaan ayaa xal u raadinaya dagaalka dhiigga badan ku daatay ee tan iyo Bilaawgii sanadkaan ka socday deegaanka Tukeraq kaas oo u dhaxeeya Ciidamo kala Taabacsan maamuladda Puntland iyo Soomaaliland.

Beesha caalamka ayaa horey ugu baaqday in la joojiyo dagaalka Tukaraq, waxaana ay ka dalbadeen dhinacyada dagaalamaya inay gaaraan heshiis xabad joojin shuruud la’aan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaad kala socotaa xiriirka qarsoodiga ee Xaaf iyo sirdoonka SAACS?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa heshiis wada-shaqeyn oo qarsoodi ah la leh shirkad sirdoon oo ka dhisan dalka Mareykanka, sida ay baaritaan ku ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in tan iyo bishii April ee sanadkan, ay shirkadda sirdoonoka SAACS Independent Intelligence Agency ay talooyin siineysay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Lama yaqaan nooca talooyinkan iyo haddii shirkaddan ay deegaanada Galmudug ka fulineyso howl-gallo sirdoon. Waxaan sidoo kale caddeyn haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay ka war-hayso arrintan.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo Iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
.

Dokumenti CIA: Dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo qorshihii gumeysiga 1948

Qaw (Bender Ziyaadda), Boosaasana gumeysi ayaan ka dhaxalnay miyey dhihi lahaayeen? Somaliland waxay leedahay Ingiriiskii ayaan ka dhaxalnay, Puntland-na waxay leedahay anaga ayay nagu beel yihiin. Waa Tukaraq, Sool.

Qoraal sir ah oo CIA keydisay 1948, 12 sanno ka hor xurriyadda ayaa sharxaya qaabka xudduud beeleedka British Somaliland iyo Italian Somaliland ay u abuuraan iyo dannaha laga lahaa.

Gumeysiga asagoo qeybinaya dhulka Soomaaliyeed, dhacayana kheyraadka dalka ayuu hadda isticmaalayay luuqad uu ku muujinayo in beel gaar ah uu dannaheeda ka shaqaynayo si ay u taageerto.

Qoraalkaan sirta ah waxaa ku cad in Ingiriiska markii uu ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka uu damcay in uu ku soo durko Koonfurta, uuna ka codsaday wafdigii afarta quwadood ee adduunka “Four Power Commission of Investigation” in xudduudda British Somaliland iyo Italian Somaliland laga dhigo Bender Ziyaadda oo Boosaaso u dhow.

Sida dhabta ee ku qoran qoraalkaan, codsigaas wuxuu ku salaysnaa sabab muuqata (1- beelo u kala hiillin ah), iyo sabab daahsoon (2- oo dhaqaale iyo ciidan ah) :

1- Abuurridda marin toos ah oo ay sahaydu u marto.

Protocolkii May 5, 1894 ee ay laba gumeysi ku kala qeybsadeen xudduudda waxay maraysay cirifka 49th dhanka waqooyi galbeed. Markii la ogaaday in Bender Ziyaadda ay xudduudda Ingiriiska martay, ayay haddana heshiis kale wada galeen laba dhinac March 19, 1907 taasoo lagu go’aansaday in Bendar Ziyaadda ay ka mid noqoto qeybta Talyaaniga kaddib markii uu beesha halkaas degganayd ka dhaadhiciyay in aan kala jarin, jufada Bender Ziyaadda degtana loogu darin British Somaliland. Talyaaniga markaas kaddib wuxuu sammeeyay dhul ballaarsi ayagoo sheegtay illaa iyo Hais oo 5KM dhanka waqooyi ka xigta Bender Qaasim. Labadoodaba heshiiskii waa ka baxeen. Talyaaniga wuxuu ku dooday in aan beesha Majeerteen la kala jarin, halka Ingiriiska uu sheegayo in baceedda uga soo degta Berbera ay si iska daba wareeg ah Hargeysa iyo Ceerigaabo ku gaarto ayadoo laga wareejinayo magaalooyin kale sidaas darteedna Bender Ziyaadda uu doonnayo si beesha Warsangeli dhaqdhaaq dhaqaale loogu sahlo.

CIA oo qodobadaas falanqaynaysa waxay muujisay in marmarsiiyada Britain aysan sax wada ahayn ayadoo sharxaysa inta KM ee ka jarmaysa masaafada marinka Bendar Ziyaadda iyo Ceerigaabo.

2- Boob Kheyraadka iyo dhufeys

Saddex qodob oo qarsoonnaa ayay CIA-da sheegtay in dhab ahaan la isku heysto:

b- CIA waxay sheegtay in galaangalka Britian uu yahay mid dagaal iyo awood ballaarsasho. Markaasi Bender Ziyaadda waxay ahayd meel diyaarado ay ka degi iyo duuli karaan ayadoo aan si rasmi ah u ahayn garoon diraayad ahayn. Sidoo kale waxaa ku yaalla saddex dhufeys iyo saldhig ciidan oo Talyaanigu dhisay.

t- Bender Ziyaadda waxaa ceegaaga macdan fara badan oo ku fadhida 50 KM, oo isugu jirta, dahab, maar iyo qalin. Sidoo kale Laas Baar oo dahab.

j- Kalluumaysi oo ay halkaas ka wadday shirkad Talyaani ah in lala wareego, kaddibna halkaas laga hirgeliyo warshad bacaysa kalluunka.

Inkastoo waxa ay Ingiriiska iyo Talyaaniga isku heysteyn uu ahaa dhul Soomaaliyeed xadayntiisa, si ay kheyraadka u dhacaan ama danahooda u difaacdaan haddana si ay taageero uga helaan beelaha qaar, waxay u muujinayeen in ay dahanooda ka shaqaynayaan.

Ingiriis oo leh Warsangeli ayaan dhaqaale u abuuraynaa, halka Talyaani uu leeyahay Majeerteen lama kala jari karo.

2018, xudduuddii sidaas ku sameysantay ayay Somaliland leedahay, laba dowladood ayaan kala ahayn, Puntland-na beel ahaan ayay u sheegataa.

Maryooley waa isku caqli jiilba jiil. Caqligii 1948, 70 sannadood kaddib weli waa sidiisa.

W/Q: Hassan Adam Hosow

Aqri: Imaaraadka Carabta oo ay masjidka Al-Aqsa ku ceebeysteen Falastiiniyiinta

Qudus (Caasimada Online) – Horey ayay Soomaalidu u tiri “waan baahanahay bakhti looma cuno”, waxaana sidaas sameeyey Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qudus, oo iska diiday bahdilaadda Imaaraadka Carabta.

Falastiiniyiinta ayaa iska diiday deeq Imaaraadku geeyeen masjidka barakeysan ee Al-AQSA, sababo la xiriira in Imaaraadku u muuqdaan inay markan la safan yihiin Yahuudda.

Waxa ay billaabeen olole xagga twitter-ka oo loogu magac daray #we are not hungry, si dadka loo gaarsiiyo inay iska diidaan cuntad Imaraaadka ay geeyeen masjidk Al-AQSA.

Tallaabadan ayaa timid markii Imaaraadka ay koox ka qeyb gasha usoo direen tartan xagga orodka baaskiilka ah oo Yahuuddu ay ku qabteen dhulka ay xoogga ku haystaan ee Qudus, taasi oo Falastiiniyiinta ay u arkeen in Imaaraadka ku aqoonsadeen jiritaanka dalka Yahuudda iyo in Qudus ay ayaga leeyihiin.

Guddiga Olombikada Falastiin ayaa cambaareeyey ka qeyb-galka kooxda Imaaraadka ee tartankaas.

Radio ku hadla afka Hebrew ee Yahuudda ayaa sheegay inuu soo noqday xiriirka Yahuudda iyo Imaaraadka, ayada oo Imaaraadka ay casuumad booqasho oo rasmi ah usoo direen wasiirka isgaarsiinta Yahuuda, Ayoob Kara.

Horey ayaa wargeyska Washington Post ee Mareykanka wuxuu u qoray in safiirada Imaaraadka iyo Bahrain ee Washington, Yousef Al-Otaiba iyo Abdullah Bin Rashed Al-Khalifa ay maqaayad ku taalla magaaladaas kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, markii uu booqashada ku joogay halkaas.

Kooxdii Imaaraadka ee cuntada geeyey masjidka Al-AQSA ayaa weji-gabax kala noqday halkaas, markii cidna ay qaadan weysay deeqdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Laba kaclaynta xukuumada Nabad iyo Nolol iyo sida loo soo dhaweeyay

Xukuumada Nabad & Nolol oo laba-sana jirsatay kana badbaaday cuduradii dili jiray kuwii ka horeeyay ayaa ku dhawaaqday isku shaandhayn Golaha oo muda dheer laga sugayay, waana is bedelkii ugu badnaa ee lagu sameeyo Xukuumad dhisan ee soo martay dalka ilaa sanadkii 2000, in 13 Wasiir lagu daro Xukuumad dhisan ama la kala bedelo.

Waxaana lagu aqriyay ama lagu soo dhaweeyay aragtiyo kala duwan:

A- Dad taageeray una arkay horumar iyo talaabo loo qaaday dhanka dawladnimada, joogtaynta shaqada, isla xisaabtanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

B-Dad dhaliilay una arkay culays lagu daray culays iyo tiro aan tayo lahayn oo lasii kordhiyay.

Dooda oo mid kasta u heli karo xujo ama cadayn hadana waxaa muuqda qodobadaan:

1-13 ka Wasiir waxa ay ka tirsanyihiin Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, taas oo tusaale u ah sida Xukuumadda iyo Barlamaanku isugu dhawaanayaan; Negative ama Posative midii loo arko!

2-Wasiirada oo dhalin yaro ah kuna cusub Wasiirnimada iyo Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, Lafta-gareen iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta; Negative ama Posative kii loo qaato!

3-Waxaa la khilaafay 4.5 oo lagu dhaqmi jiray markii wax la magacaabayo ama la casilayo, lkn hadda waxaa la maray wada cusub oo ah:

9 Wasiir oo hal beel ah iyo 4 ta kale oo 3 beel kala ah iyo beel laga tegay oo aan dood qabin, taas oo ka dhalatay is bedelkii Gudoomiyaha Barlamaanka iyo tartankii loo galay Gudoomiyaha cusub; Negative ama Posative kii laga dhigto.

4-Ragii Qamaaray ee isu casilay tartankii Gudoomiyaha oo daadka siyaasadu qaaday markii laga reebo Wasiir Lafta-gareen oo is badbaadiyay wareegii labaad ee ciyaartii doorashada Gudoomiyaha; Negative ama Posative midkii loo arko!

5-Mucaaradkii Nabad & Nolol oo laga waayay liiska cusub ee Wasiirada; Negative iyo Posative tii loo akhriyo!

6-Faragelinta iyo Talada Barlamaanka iyo Madaxda Gobalada oo ku yareed Liiska cusub, taas oo horay uga muuqa jirtay talaab kasta oo la qaadayo; Negative iyo Posative middii lagu fasiro!

7-Xildhibaano taageeray Xukuumadda oo rajo ka qabay Wasiirnimo oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Mucaaradka, halka qaarna ku daaleen Mucaaradka oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Xukuumadda; Negative ama Posative middii loo fahmo!

Qodobadaas iyo kuwa kale waa sida “Sararta labadeeda dhinac oo qof kasta dhinac ka arko” siyaasadana is bedel kasta waxa uu leeyahay Macaan iyo Qaraar.

Wasiirada cusub iyo kuwii hore waxaan u rajaynayaa in xilkooda Alle la garab galo xilligaan adag ee dalku marayo.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Xog: DF oo qorshe adag la damacsan xiriirka maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa horay sharci daro ugu tilmaantay heshiisyada ay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka la galayaan Dowladaha Shisheeye ee daneeya arrimaha Somalia.

Xukuumadu waxa ay horay u sheegtay in heshiisyadaasi inta badan ay ka dhacaan dalka dibadiisa, xili dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay heshiisyo dhexmara  maamul Goboleedyada iyo Dowladaha Shisheeye.

Xukuumada Somalia oo dhinacyo badan ka eegeysa Heshiisyad qarsoodiga ah, ayaa iminka wada qorsho lagu hakinaayo xiriirka maamul Goboleedyada kala dhexeeya dowladaha shisheeye sida Kenya, Ethiopia iyo Imaaraadka carabta.

Qorshahaani ay wado Xukuumada Somalia ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya oo la marin doonaa Danjirayaasha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, oo inta badan fududeeya is araga Hogaamiyayaasha iyo dowladaha Shisheeye.

Sida uu Qorshuhu yahay Xiriirka maamul Goboleedyada kala dhexeeya Dowladaha Shisheeye ayaa hakat gali doona Bilaha fooda nagu soo haya, iyadoo heshiisyada loo mari doono dowlada Somalia oo qura.

Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibadda  ayaa horay u sheegtay in waxyaabaha ay ku dhaqaaqayaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada qaar ay dhaawac ku tahay qarannimada Somalia.

Sidoo kale, Qorshaha Xukuumada Federaalka ayaa ah in la xadido safarada Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo la rumeysan yahay inay ka safar badan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono qorshaha ay wado  Xukuumada Somalia, ee lagu hakin doono xiriir Siyaasadeedka ka dhexeeya maamul Goboleedyada iyo Dowladaha shisheeye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

Baarlamaanka Somalia oo ku dhagan mid kamid ah wasiirada R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dalbaday in la horkeeno Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in Wasiirka uu hor imaado maanta oo sabti ah, iyadoo uu ujeedku yahay in su’aalo laga weydiiyo Xaaladda Waxbarashadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiin doona deeqaha waxbarashadda iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo mugdi uu ku jiro.

Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Wasiirka uu qaabab aan muuqan u maareeyo Waxbarashada iyo deeqaha ay hesho dowlada.

 

 

Galmudug oo yeelaneysa wasiiro cusub iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Cadaado (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ku dhawaaqi doono xukuumad cusub.

Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inuu soo gabagabeeyay wadatashi uu la sameynaayay Xildhibaanada iyo Odayaasha Galmudug, waxaana lagu wadaa in Wasiirada cusub uu ku dhawaaqo maalmaha fooda nagu soo haya.

Wasiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Wasiiro hadda ku jira Xukuumada Galmudug.

Wasiirada horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ee  dib usoo laaban doona ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Hogaamiye Xaaf oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna.

Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelan doono maamulka Galmudug.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa shalay ilaa xalay ka socday shirar looga arinsanayo qorshaha lagu doonaayo in lagu magacaabo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo maray qeybinta kuraasta.

Sidoo kale, Xaaf ayaa la qorsheynayaa in dhanka Ahlusuna uu ka keeni doono Wasiirada Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ma cadda sida Golaha Wasiirada cusub lagu marin doono baarlamaanka maamulka oo qudhooda la sheegay inay isku hayaan awood qeybsiga Wasaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Maamulka G/Banaadir oo xilkii ka xayuubiyay 12 mas’uul oo sar sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir uu xilka ka xayuubiyay 12 Gudoomiye waaxeed oo hoostaga Seddex Degmo oo ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiye waaxeedyada ay xilkooda ku waayen dayacaad lagu eedeeyay kuwaa oo ka tirsanaa degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo Yaaqshiid.

Xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada ayaa soo degdegtay kadib dacwooyin ka dhan ahaa oo u gudbay maamulka sare ee Gobolka Banaadir, waxaana xigay xil ka xayuubintooda.

Dacwadaha Guddoomiye waaxeedyada xilka laga qaaday ee dacwadooda ay u gudubtay maamulka Gobolka ayaa waxaa kamid ahaa in wada shaqeyn uusan kala dhexeen Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir weli kama uusan hadal xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada, inkastoo warar madaxbanaan ay sheegayaan in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay ka biya diidan yihiin.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka digay in wada shaqeyn ay u dhexeyn weydo maamulka Gobolka iyo Degmooyinka, isagoo sheegay in wixii amniga khuseeya lagula xisaabtami doono Guddoomiyayaasha degmooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Muxuu yahay qorshaha socdaalka uu Kheyre ku tagey Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalad Muqdisho ka sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo tirro Xildhibaano ah.

R’isul wasaare Kheyre ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Mid kamida Xildhibaanada wehlinaaya Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in labada mas’uul ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin heshiiska dekedda Berbera oo ay Ethiopia qeyb ka tahay, xiriirka Ethiopia ay la leedahay maamul goboledyada Soomaaliya, oo dowladda aysan raali ka ahayn iyo ciidamada Ethiopia ka joog Somalia. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka.

Socdaalkan ayaa imanaya ayada oo maanta ay Caasimada Online ay shaacisay in agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin uu toddobaadkan socdaal ku tagey dalka Ethiopia.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka walaacsan tallabooyinka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ee ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay u aragto mid aan habbooneyn xiriirka uu Abiy Ahmed la sameynayo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, inkasta oo uu hoey u ballan-qaaday inuu dalka ku ixtiraamayo dowladda federaalka.

Abiy Ahmed ayaa dhowaan dalkiisa kula kulmay Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, islamarkaana qorsheeyey kulamo kale oo uu la yeesho madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada.

Sida warku sheegayo, Fahad ayaa ka codsaday mas’uuliyiointa dalkaas inay ixtiraamaan madax banaanida dalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu kala hadlay socdaal uu Abiy Ahmed dhowaan ku tagey dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo Soomaaliya aysan isku wanaagsaneyn. Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo war kasoo saartay ‘weerarkii NISA ku qaaday’ xildhibaan C/llaahi Nuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadashay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0 ee magaalada Muqdisho.

Dhacdada ayaa waxa ay la xiriirtay in askari ka tirsan ciidanka ku sugnaa Barta Kontorool uu hal xabad ku riday gaari uu la socday Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda amniga ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo maalin kahor xilli galabnimo abbaarahihii 5:30-PM ka dhacday barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee magaalada Muqdisho, waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taas oo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.”

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ay bilowday baaritaanada la xiriira dhacdadaas, dibna ay ka soo saari doonto wixii go’aan ah, iyada oo sidoo kale tilmaamtay in ciidamada ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Wasaaradda amniga ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada ay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, islamarkaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Ugu dambeyntii Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqday dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.

Sawirro: Farmaajo oo war ka soo saaray dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Somaliland oo rumeysan in C/Wi Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka Tukaraq

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka uu la galayo Somaliland, balse dadka Puntland aysan ka  war-hayn.

Aqoonyahan Cabdiraxman Axmed Kayse oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu dagaalka Tukaraq u billaabay sababo la xiriira doorashada madaxweyne ee kusoo socota, oo ujeedkiisu yahay inuu u guuleysto.

“Gaas, wuxuu isu muujinaya shacabka Puntland, ma jirto ujeedo kale oo uu dagaalka ugu soo qaaday Somaliland. Wuxuu doonayaa in loo arko hoggaamiye xooggan oo Puntland difaacaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Si kastaba, Puntland ayaa aaminsan in dagaalka Tukaraq ay billowday Somaliland.

Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland, sidaas darteedna ay is difaacayaan.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalka uu socon doono, illaa laga xoreeyo gobolka Sool, sida ay hadalka u dhigtay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Tukaraq: Somaliland oo soo bandhigtay 118 askari oo ciidamada Puntland ah

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in ay kasoo goosteen maamulka Puntland, gaar ahaan kuwo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 118 askari ayaa gaaray, laguna soo bandhigay magaalada Taleex, ayaa maamulka Soomaaliland waxa ay sheegeen in ay si iskood ah uga soo baxeen furumaha dagaalka, islamarkaana xilligan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada Somaliland.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada la sheegay in Puntland ay ka soo goosteen oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale, ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Puntland kadib markii ay wadatashi la sameeyeen saraakiisha Ciidamadooda, Odayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, kadibna ay kasoo baxeen halkii ay ka dagaalamayeen.

Ciidamada ay Somaliland soo bandhigtay ayaa ku sugnaa deegaanka Geed Qaboobe oo ka mid ah deegaanada Gobolka Sool oo ay xiisada dagaal ka jirto, isla markana Ciidamada Puntland iyo Somalilnad isku hor-fadhiyaan.

Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale  oo ah Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Somaliland in waxqabad dhab ah oo ay u muujiyaan maadaama ay ku biireen ciidamada maamulka Somaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka Ciidamada hoggaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale.