25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Matabaan ilaa Berbera – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Siddeedaad

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay.  Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte.  Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km.

Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km.

Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop.

Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan.  Waan ka shakinnay.

Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas.  Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan.  Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood.

Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC.

Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.

Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.

Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.

Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?

Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay.  Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil.  Tog weyn ayaa ag mara.  Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da’o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday.  Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer.

Waa kala-bayr saddex geesood ah.  Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta.  Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco.

Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray.

Matabaan ilaa Gaalkacyo

Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay.

Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday.

Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb.  Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin.  Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd. Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka.

Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa.

Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno.  Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq.

Waa ay noo timid.  Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay.

Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood.  Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay.  Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah.

Garowe

Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe.  Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay.  Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan.  Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay.  Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis.

Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay.

Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas.  Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo.  Halkaas ayaan habeen ku hoyannay.

Laas Caanood iyo Caynaba

Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay.  Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan.

Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar.   Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda.

Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay.  “Waar degmaan nahaye ha noo gefin”  ayaa mid igu yiri.  Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda.

Burco

Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay.  Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay.  Mas’uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay.  Halkaas ayaan ku kala warqaadannay.

Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay.  Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas’uuliyiintii kale ee halkaa joogay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra’yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco.  Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go’a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn.

Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987.

Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada.  Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia.  Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay.

Shiikh

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay.  Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta.  Si xallad leh ayayna u sameysay.

Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta.

Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa.

Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane.  In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira.

Bandow

Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah.  Waa bandow habeenkii.  Waxaan ku degnay Hotel Yaxye.

Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame “Kuukaay” oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas’uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera.  Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah.  SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato.

Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno.  Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay.

Hal habeen ayaan seexannay.

Berri subax

Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey’adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey’adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa.   Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay.  In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa.

Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gobolka Sanaag: Xudunta isku xidha midnimada Soomaaliya

Hordhac:

1.    Sanaag

Gobolka Sanaag waa gobolka labaad ee ugu weyn Soomaaliya, wuxuuna u xuduud la leeyay Gobolada Waqooyi galbeed, Togdheer, Sool, Bari iyo Gacanka Cadmeed. Waxa ku nool dad ka badan nus malyuun qof (UNFPA 2014), wuxuuna leeyay cimilo iyo dabeecad kala gedisan, buura dhaadheer, xeebo banana, guban, iyo banaano fidsan.

Taariikh ahaan: sida ay tilmaamayan raadadka taariikheed ee ku duugan gobolka waxa ka jiri jirtay Ilbaxnimooyin fac weyn iyo xaddaarado qadiim ah, waxa kaloo ku yaal xabaalo ay ku asaasan yihiin awoowayaashii qabaa’ilka iyo beelaha Soomaliyeed badankood sida darted waxa loo yaqaan Dhulkii awoowayaasha .

Waxa gobolka muda fara badan ka talinaysay Boqortooyadii Morasaante (Warsangeli), waxana boqoradaas ugu caansanaa Suldaan Maxamuud Cali Shire oo isku xili ahayeen markii gumaysiga dalkeena yimi.

Waxa ka soo jeeda dad fara badan oo can ku ahaa halgankii xornima doonkii Soomaaliya, waxa ka loo jira Abwaano iyo gabyaa in badan midnimada iyo jiritanka Soomaliya maansooyin ka curiyey sida, Xaaji Aadan Afqalooc, ……. IWM.

2.     Deeganada iyo Awoodaha Maamul

Gobolka Sanaag waxa uu ka koobnaa Waqtigii Dowladii dhexe ee Soomaaliya  shan (5) degmo oo kala ah: 1. Degmada Laasqoray waxa dega Warsangeli, 2. Degmada Badhan waxa dega Warsangeli, 3, Dhahar Waxa dega warsangeli , 4. Degmada Ceergaabo waxa dega Warsangeli, Dhulbahante, Habarjeclo,  habar yoonis iyo gahayle. 5. Degmada Ceel-afweyn  waxa dega habar jeclo iyo Qayb sacad yoonis ah.

Degaan ahaan waxa dhulku u kala qayb san yahay 78% Warsangeli, 10% Habar jeclo, 6% Habar yoonis, 4% dhulbahante. 2% others. (Sanaag, P & P,2008).

Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ka mid noqashadii maamulada Puntland iyo Somaliland waxa keenay duruufo iyo bahidii xiliga jirtay oo ahayd inaanay jirin dowlad dhexe oo awood u leh hanashada iyo maamulka geyiga Soomaliyeed, sidaa darteed Bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Sanaag waxay ku khasbanaayeen inay maamuladaas wax la qayb sadaan laakin waa ku hungoobeen waxayna kala kulmeen :

1.     In aragtida maamulka Waqooyi ku dhisan yahay ay tahay mid ka soo horjeeda Haybta iyo Midnimada Soomaliya oo ah mid ay shacabka reer Sanaag u soo halgameen muddo badan, wax kasatana kala weyn.

2.      Qadarin la’aan iyo xuquuqday ay ku lahayeen maamuladaas oo anay si toosa u helin.

 waxa kaloo cad in ay maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku fashilmeen inay  soo gadhsiyaan gobolka horumar iyo nidaam maamul oo awood leh, waxa qudha ee ka jirin gobolkasna uu yahay nidaam taqliidiga ahee ay ka dhaxleen boqortoyooyinkii ka jiri jiriy, isgana lagu mareeyo duruufaha nololeed.

BULSHO DANAYNAYSA MIDNIMADA

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag aayaa ah mid aad u jecel oo danaynaysa midnimada iyo qaranimad Soomaaliya taasna waxa tusaale u ah:

1.     Gobolka Sanaag waxa uu gabaad iyo saldhig u ahaa kacdoonkii Sayid Maxamed C/leh Xasan iyo Daraawiishtiisi ee lagu doonayey xornimada iyo Midnimada Soomaaliaya, waxayna saldhigyo ka sameysteen deeganada Badhan, Jiidali, Midhisho, …… IWM, sabatuna waxay ahayd dadka deegaankaas oo ay xoriyada iyo midnimadu Soomaalidu ku wayntahay, halgamayaashaana u arkaayey niman wada halgan muqadas ah.

2.     Boqortooyooyinkii  Gobolka ka talin jirtay waxay ahayeen kuwo ay ku weyntahay Soomalinimadu kana hortaga faragelinta shisheeyaha, waxan tusaale u ah Boqor Maxamuud Cali Shire markuu diiday inuu u hogaan samo awaamirtii guumaysiga Ingriiska waxa loo masaafuriyey jasiirada Sishal (Seychelles) taariikhdu markay ahayd May 1920.

3.     Waxyaalaha lagu eedeeyo Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada ugu waaweyn Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyihiisa C/raxmaan Ciro waxa kamid ah inuu yahay xisbi tageersan midnimad Soomaaliya; taasina waxa lagu sababeyn teegarada badan uu ku leeyahay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo ah bulsho jecel midnimad iyo is-haysadka Soomaalida.

4.     Dabaal degyadayada iyo soo dhaweynta loo sameye doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sannad guuradii ka soo wareegtay doorashadiisa oo aan badi meel kale laga samayn wadanka, taasina waxay ka dhalatay iyaga oo ka aaminsan inuu yahay hogaamiye soo ceelin kara midnimadii Soomaalida, arinkaana ka midha dhalin kara.

Guud ahaan Gobolka Sanaag ayaa ah kaydka dhaxalka iyo hiddaha Soomaaliya, Bulshadiisuna waa mid ku abtirsata Soomali weyn, Sidaa darteed waxay u heelan yihiin in la helo Dowlad Soomaliyeed oo xoog badan oo soo gaadha Gobolka isla markaan ay ka helaan xuquuqdii ay lahayeen.

Mohamed Said Farah (MSF). Badhan- Sanaag

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Itoobiya oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay

0

Golaha wasiirrada ee waddanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah ay dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu is-casilaadisii gudbiyey Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, toddobaadkan waxyaabo badan ayaa ka dhacay dalka Itoobiya – oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin mucaaradka oo xabsiga laga sii daayayiyo ballan qaad loo sameeyay boqollaal qof oo kale oo arrimaha qowmiyadaha u ololeeya in la sii deynayo.

Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Xigasho: BBC

Muxuu ku qotomay kulanka khaaska ahaa ee Muqdisho ku dhexmaray Michael Keating & Al-Othmani

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM, waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Al-Othmani.

Waxa uu kulanka ka dhacay Xarunta Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho, waxa ayna labada mas’uul kawada hadleen Xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya DFS, Is garabtaaga dowlada Somalia, Wanaajinta xiriirka Somalia iyo in dib loo hagaajiyo xiriirka QM iyo Imaaraadka.

Waxa ay Michael Keating iyo Al-Othmani isla soo qaaden sidii loo kordhin lahaa shaqo abuurka loo sameynayo dhalalnyarada Soomaaliyeed, ammaanka dalka, xasiloonida, Horumarka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadanimo.

Mr Michael Keating, ayaa ammaanay dadaalka dowlada Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.

Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Al-Othmani, ayaa ka mahadceliyay is araga Michael Keating isagoo muujiyay sida uu u xoojiyay xiriirka iskaashiga ah ee u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska QM.

Geesta kale, qoraalka wakaaladda ayaa waxaa lagu sheegay in Michael Keating iyo Al-Othmani ay kulankooda ku kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo ku xeeran xiriirka QM iyo Imaaraadka ee ku aadan hanaanka wada shaqeyneed.

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]

Xog: RW Kheyre oo marti qaad ka helay dal qalalaaso Siyaasadeed ka dhex dhaliyay DF iyo Maamulada

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu booqan doono dalka Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedka aan  xogtaan ka helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Kheyre uu warqada Casuumaada ka gudoomay Danjiraha dalka Imaaraadka u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, oo ay wada kulmeen.

Casuumaada loo sameeyay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa salka ku heysa wadahadal laga galaayo xiisada ay dowlada Imaaraadka ka dhex abuurtay dowlada Somalia iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo aan weli loo helin xal rasmi ah.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu ku guda jiro gudashada casuumaadiisa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay kawada hadli doonaan faragalinta ay weli Imaaraadka ku heyso Somalia, Weerarkii Senetar Qeybdiid iyo in dowlada Imaaraadka ay Somalia ula dhaqanto sida dal u madaxbanaan Siyaasadiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawaan Xafiiskii magaalada Muqdisho kula kulmay Danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi oo ku wareejinaayay warqada casuumaada.

Dhinaca kale, casuumaada loo sameeyay Kheyre ayaa kusoo aadeysa xili uusan wanaagsaneyn xiriirka dowlada Somalia iyo Imaaraadka, waxaana la filayaa in socdaalka Kheyre uu noqdo maalmaha soo socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Wasiir Cawed oo xog ka bixiyay Khilaafyada ka dhex aloosan DF, UAE , Qadar & Maamulada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee Somalia Axmed Ciise Cawed, ayaa wareysi gaara oo uu uga hadlaayay arrimaha Somalia siiyay Idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga.

Wasiir Cawed, ayaa wareysigiisa ku difaacay dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna sheegay in dowladu ay u taagan tahay xalinta dhibaatooyinka gudaha iyo dibadda.

Falastiin Axmed Iimaan, oo wareysiga la yeelatay Wasiir Cawed ayaa wax ka weydiisay arrimo dhowr ah oo u muuqday inay ahaayen kuwo mugdi ku jiray waxaana kamid ahaa Khilaaf Siyaasadeedka DF iyo maamul Goboleedyada ee ka dhashay kala taageerida Qadar iyo Imaaraadka Carabta, Kulmada Muqdisho ku dhexmaray Ra’isul wasaare Kheyre, Safiirka Imaaraadka ee Somalia iyo Wasiir Cawed qudhiisa.

Wasiir Cawed waxa uu sheegay in laga soo gudbay khilaafka dowlada Federaalka iyo maamulada ee ka dhashay Siyaasadaha isdiidan ee Qadar iyo Imaaraatka, waxa uuna sidoo kale sheegay in talada dalka looga danbeeyo dowlada Federaalka, sidaa aawgeedna xiisada ka dhexeysa Qadar iyo Imaaraadka ay horay go’aan cad uga gaartay dowlada Somalia kaana uu yahay kan socondoona.

Sidoo kale, Wasiir Cawed waxa uu difaacay kulamada Muqdisho ku dhexmaray RW Kheyre, Safiirka Imaaraadka Maxamed Al Hammadi iyo kulankii uu isaga la qaatay isla Safiirka, waxa uuna sheegay in kulamadaasi ay kamid tahay dadaalada lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Somalia ay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka magaalada Nairobi uga socda Ethiopia iyo ONLF.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR AXMED CIISE CAWED

Maxaa kasoo cusboonaaday wadahadalka Ethiopia & Jabhada ONLF

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda wadahadalka dowlada Ethiopia iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.

Wadahadalkaan socda ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada dheer socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Wadahadalka oo intiisa badan soo idlaaday ayaa waxaa iminka leysu fahmi la’ yahay qodobo gaara oo ay kala wataan labada dhinac.

Qodobada gaarka ah ee la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Qoondada ONLF ay ku yeelanayaan maamulka DDSI iyo tirada Kuraasto laga siindoona oo aan weli la isku fahmin.

Qodobada la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hanaanka loo ciidameynaayo dagaalamayaasha Jabhada ee sababta u ah wadahadalka heerkan soo gaaray iyo qodobo kale oo aan weli la carab dhabin.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in saacadihii ugu danbeeyay ay Iscasilaada Ra’isul wasaarihii Ethiopia Mr Hailemariam  iyo xiisada kasoo cusboonaatay deegaanada ay degaan Oromada.

Xubnaha dowlada Ethiopia u matalaayay wadahadalka ayaa la sheegay inay dalbadeen in wadahadalka la galiyo hakat gaaban waxaana soo baxeysa inay ku baxeen xiisadaha soo cusboonaaday iyo saameyn Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Mr Hailemariam.

Sidoo kale, Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hakad galay shirka.

Waxa uu sheegay in hakatka uu yahay mid sabab u ah xiisadaha sii ololaaya ee ka tagaan Ethiopia, isagoo cadeeyay in dib leysaga soo laaban doono.

Waxa uu yiri “Wufuuda Ethiopia ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, waxaa hakatka shirka loo sababeynayaa iscasilaada Ra’isul wasaaraha iyo xiisadaha soo cusboonaaday’’

Dhinaca kale, Xubnaha ONLF u matalaaya wadahadalka ayaa sheegay inay fursad ballaaran ay u arkaan iscasilaada Hailemariam iyo xiisada soo cusboonaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiir Beyle dalka ha laga qabto

0

Tallaabooyinka uu qaadayo Wasiir Beyle ee ku saabsan canshuuraha waa kuwo ow ugu tala galay laba arrimood: midda hore in magaalada Xamar ay ka qaxaan wixi ganacsato beedacad keeni lahaa iyo in dadka ku nool magaalada ay iibsan waayaan cuntada daruuriga ah sicir barar awgiis.  Siyaasadda dhaqaale uu Beyle wato ma ahan mid ay wax ka ogyihiin labada qof ee dalka ugu sareysa oo ah Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre oon waxba kala socon waxa uu sameynaayo Wasiir Beyle oo ah canshuur xad-dhaaf ah oo cid bixin kartaa aysan jirin.  WAANA SABABTA DEKEDA XAMAR U XIRAN TAHAY SAGAAL MAALMOOD SABAB LA’AAN.

R/Wasaare Kheyre oo isku dayay inuu arrinta xalliyo waxaa horjoogsaday Beyle oo yiri lacagta waa inaan ka qadnaa wax kasta oo dhaca. Tani waxay tilmaam cad u tahay in dalkaan aysan ka jirin siyaasad maamul balse ay tahay KU-TAKRI-FAL AWOOD ( absolute abuse of power) oo u gaara Wasiir Beyle!!!

Canshuurta uu soo rogay waxay ka badan tahay qiimaha lagu soo iibiyay badeeca dalka la keenay, taasina waxay horseedi doontaa in ganacsatada ay u guuraan meelo ka baxsan Xamar oo noqotay bahalo galeen Beyle ku galgashay oo danahiisa ka fushada…cid daba gasha ama radisa AMA IS-WEYDIISA in canshuuraha uu soo rogay ay yihiin kuwo macquul ah oo dal Somaliya oo kale ah lagu dabaqi karo!!!

Wasiir Beyle ma loo sheegay meesha uu ku nool yahay inay tahay tuulo ka mida Somaliya oo la yiraahdo Xamar.  Tirada ku nool Xamar waxaa lagu qiyasay inay yihiin seddax malyan oo ruux…laba malyan oo ka mid ahna aysan heli karin quutul yowmka daruuriga u ah nolosha…laakin Wasiir Beyle oo weli ku nool noloshi New York wuxuu soo rogay canshuur laga qaado qofki koob shaaha caba oo laga rabo inuu bixiyo rubac doolar canshuur ah oo lagu kordhiyo qiimaha koobka shaaha!!!

Wasiir Beylöe wuxuu rabaa inay dadka ganacsiga yar-yar ku heysta magaalada Muqdisho ay bixiyaan canshuur loo kaashado deynta lagu leeyahay dalka taasoo horseedi doonta, sida uu qabo Beyle, in nagala cafiyo balaayiin doolar oo dowladda Somaliya laga rabo.  Deynta yaa gudaaya yaase laga cafinaa ma dadka Xamar ku nool bes ayaa wakiil ka ah dalka oo dhan mase waa canshuur loo adeegsanaayo ujeedooyin aan weli lagu dhawaaqin.

Mashaariicda uu Madaxweyne Farmaajo soo ballanqaaday inuu ka fulinaayo gobollada Puntland & Galmudug uu maal- gelin doono isagoo adeegsanaya canshuurta ay bixiyaan dadka Xamar deggan.  Dowladda dadka meeshaan ku nool maxay ugu qabataa canshuuraha ay bixiyaan? Sida uu sheegay wasiir Beyle boqolkiiba sideetan (80%) kharajka dowladda wuxuu ka yimaadaa Xamar waana ku qadsan yihiin mashaariicda ka socota gobollada kale. Ma jiraan wax khidmad ah oo ay dowladdu ka fulisay Muqdisho oo dadweynaha ay ka faaiideen.

Ma heystaan waxbarasho, daaweyn, biyo nadiif ah iyo biiad ay ku noolaadaan haddii hantida laga qaado loo adeegsan lahaa horumarka magaalada dadku raalli ayey ka ahaan lahaayeen.

Wax alla wixi ay shaqeystaana waxaa looga qaataa si baad ah oo lagu magacaabayo canshuur taas oo la siiyo xildhibannada barlamaanka, aqal sare oon wax loo sameeyay cidna aqaanin, casuumado iyo xaflado waaweyn oo oo usbuucii 4 ilaa 5 jeer la qabto laguna bixiyo kharaj fara badan oo cunto u badan, dadka Xamar deganna nus-ka-nus waa baahan yihiin.

Waxaan ku tali lahayn in canshuurta laga dhaafo cuntada dalka soo gasha oo dhan ama tan dibadda laga keeno, siiba bariiska, baastada, saliida, burka, galleyda, mesegada, sisinta, caanaha iyo  wax alla wuxu dadku quuto, si nolosha ay u noqoto mid qof waliba uu higsan karo ama raadi karo si uu uga badbaado sicir bararka uu soo wado Wasiir Beyle oo berrri markuu xisaabtiisa aruursado dib ugu noqonaaya meeshuu ka yimid sida asaxaabtiisa kale oo dhan.

Waa in la sameeyaa guddi ka kooban khubaro dhaqaale oo dib ugu sameeya baaritaan iyo qiimeyn canshuuraha dadka laga qaado.Madaxda dowladda war kama haayaan sida loogu nool yahay magaalada, wasiir Beylana weli ma garan in canshuurta oo la kordhiyo waxay dhaawac weyn ku tahay masaakinta dalkaan meel ay ka aadaan aan heysan, ganacasatadana wax dhibaato ah kuma qabaan oo waxa bi’ doona waa danyarta aan heli Karin meel uu ka shaqeeyo iyo wax ow cuno… WASIIR BEYLE HA LAGA QABTO DALKAAN INTEY GOORI GOOR TAHAY!! MA JIRAAN DADWEYNE DAREEMI KARA WAXA KU SOO SOCDA!!!

W/Q: Axmad Calasow

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog-warran: Maxaa xiga is-casilaadda ra’iisal wasaaraha Ethiopia?

0

Raysalwasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa maanta warqaddiisii iscasilaadda gudbiyey. Iscasilaaddan la yaab ka ah ee Raysalwasaaraha Ethiopia ayaa ku soo beegmaysa xilli uu waddanku wajahayo buuq iyo jahwareer siyaasadeed.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga ka sii daysey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah oo ay ku jiraan qaar amid ah mucaaradka waddanka ugu caansan. Siideyntan siyaasiyiinta iyo weriyayaasha oo ay badankoodu ka soo jeedaan qowmiyadda Oromada ee dalkaas ugu badan ayaa lagu soo dhaweeyey dabbaaldeg iyo farxad.

Maxaa uu Raysalwasaaruhu isku casiley?

Iscasilaadda Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo dad badan amakaag ku noqotay waxa sabab u ah dibadbaxyada iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee waddanka Ethiopia hareeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay muddaharaadyo gacan-ka-hadal isku beddelayey oo Ethiopia ka bilaabmay sannadkii 2015. Sababta dibadbaxyadani u bilaabmeen waa in dawladda Ethiopia qorshaysay inay fidiso xuduudda magaalada Addis Ababa iyada oo khatar gelisey dhulka Oramadu ku nooshahay. Qoymiyadda Oromada oo isdareensiisay inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ku dulman tahay nidaamka Ethiopia iyada oo haddana ah tan ugu tirada badan waddanka ayaa bilawday dibadbaxyada dawladda lagaga soo horjeedo. Ka dib, qowmiyadda Amxaaradda ayaa iyana ku xigtey oo bilawday inay ka soo horjeesato xukuumadda hadda jirta.

Raysalwasaaraha Ethiopia oo maanta shacabka reer Ethiopia la hadlayey ayaa yiri “deganaansho la’aanta iyo dhibaatooyinka siyaasadeed [ee waddanka ka jira] ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca qaar kale”, waxa uu Raysalwasaaruhu intaas ku daray “Iscasilaaddayda waxa aan u arkaa mid muhiim u ah dedaalka loogu jiro in la sameeyo dibuhabaynno badan oo keeni doona nabad iyo dimuqraadiyad waarta.”

Raysalwasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in uu si kumeelgaar ah xilka u sii hayn doono inta Xisbigiisa iyo Baarlamaanka dalku ay ka aqbalaan iscasilaaddiisa, Raysalwasaare cusubna u soo dooranayaan.

isku soo duub oo waxa muuqata in sababta uu Raysalwasaaruhu isku casiley ay tahay buuqa siyaasadeed ee waddankiisa beryihii ugu danbeeyey ka jirey kaas oo mugdi geliyey mustaqbalka waddanka Ethiopia oo ah waddanka labaad ee Africa ugu tirada badan iyo weliba mid kamid waddamada ugu dhaqaale koboca badan qaaradda.   

Maxaa xiga iscasilaadda Raysalwasaaraha?

Sida aan kor ku soo sheegnay Ethiopia waxa ay sannadihii ugu danbeeyey wajahaysey culays siyaasadeed iyo deganaansho la’aan. Labada qowmiyadood ee waddanka ugu badan, Oromada iyo Amxaarada, ayaa dawladda ku kacay iyaga oo u arkayey mid u shaqaysa qowmiyadda Tigreega ee tirada yar. Raysalwasaaraha hadda iska casiley kursiga Raysalwasaaraha waxa badi dadweynaha reer Ethiopia u arkayeen mid ay ku şhaqayştaan Tigreegu oo danahooda ku fushadaan isla markaana aan itaal sidaa u sii buuran lahayn.

Sida muuqata, Xisbul-xaakimka talada Ethiopia gacanta ku haya iyo weliba ruugcaddaaga siyaasadeed ee daaha dabadiisa ka taliya waxa ay arkeen inaanay xoog ku maquunin karayn isla markaana ku aamusin karayn dadka mucaaradka ku ah siyaasaddeeda. Sidaasi awgeed, waxa ay bilaabeen inay siyaasaddoodii adadayga badnayd wax ka beddelaan.

Dawladda Ethiopia iyada oo isbeddelkan hirgelinaysa isla markaana siyaasad ahaan soo debcaysa ayay ku dhawaaqday in ay sii deyn doonto maxaabiista siyaasadeed ee kumanaanka dhaafaya, ballanqaadkaasna waa ay fulisey ka dib markii Oromadu ay aad u muddaharaadeen iyaga oo dalbanaya siideynta maxaabiista siyaasadeed ee qowmiyaddooda ka soo jeeda. Waxa sidoo kale ayaamihii la soo dhaafay waddanka Kenya wadahadal uga socdey jabhadda ONLF ee xoraynta Ogadenia iyo Xukuumadda Federaalka Ethiopia. Wadahadalkan ayaa la sheegay in xukuumadda Ethiopia ay ku doonayso soo xeragelinta jabhaddan in muddo ah dagaalka kula jirtey.

Ugu danbayntii, iscasilaadda Raysalwasaaruhuna waxa ay sida la filayo qayb ka bahay qorshe ay dawladda Ethiopia ku doonayso inay ku xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa dalka Ethiopia gudihiisa la isla dhexmarayey in Raysalwasaare cusub oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda loo dooran doono jagada Raysalwasaaraha iyada oo looga gonleeyahay in qowmiyaddaas lagu dejiyo. Haddii ay tani run noqoto, oo isbeddel dhab ah uu ka dhaco xisbiga talada haya dhexdiisa, waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Ethiopia ay ugu yaraan degi doonto. Haddiise jagada Raysalwasaaraha lagu buuxiyo qof u shaqeeya qowmiyadda Tigreega oo aan awood fiican lahayn, isla markaana waddanka aan laga samayn isbeddel siyaasadeed oo ballaadhan isla markaana dhab ah, lana xallin waxyaabaha tirada badan ee mucaaradku ka cabanayo, waxa mugdi geli doona mustaqbalka Ethiopia iyada oo xaaladda waddanku gacanta ka bixi karto ayna adkaan doonto xal-u-helidda dhibaatada siyaasadeed ee dalkaas.

Isku soo duub oo xalka waddanka Ethiopia iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu hadda ku jiraa iyada oo uu dhaco isbeddel kor ilaa hoos ah oo meesha lagaga saarayo nidaamka adadag ee hadda ka jira dalkaas, iyada oo la unkayo nidaam cusub oo ilaalinaya xuquuqda aadamaha, mucaaraddada iyo xorriyatul-qowlka.

Dekadda Muqdisho oo maalintii 10-aad u xiran hal sabab darteed

0

Waxaa weli xiran shaqadii Dakadda Magaalada Muqdisho maalintii tobanaad, iyadoo amuurtaasi ay sabab u tahay koror xooggan oo Canshuur ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, iyadoo ganacsatada ay ka biyo diidan yihiin qiimaha canshurta lagu kordhiyay.

Badeecadaha kala duwanaa ee Dakadda laga soo dajin jiray, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, maadaama ganacsatada ay diideen inay bixiyaan qarashka faraha badan ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay.

Qaar ka mid ah ganacsatada Dakadda Muqdisho agabka kala duwan kala soo daga ayaa waxa ay sheegeen in Kartoonka Bagaashka ah lagu canshuuro Dakadda lacag dhan $16.5, lacagtaasina ay tahay mid aad u badan oo ganacsatada aysan ka bixi Karin.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen Dakadda Magaalada Boosaaso Kartoonka Bagaashka in lagu canshuuro lacag dhan 0.8 oo ka yar hal doolar, waxaana muuqata farqi wayn oo u dhaxeeya lacagta Canshurta dakadda Muqdisho iyo Dakadda Boosaaso.

Dowladda Somaliya ayaa ku fashilantay kordhinta canshuurtaan ay Dakadda ku soo rogtay, waxayna illaa hadda maaro u la’dahay sida ay ku socod siin karto canshuurta, maadaama ganacsatada ay diideen.

Rugta Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka dhex taagan ganacsatada Somaliyed iyo Dowladda, waxaana masuuliyiinta Rugta ganacsiga kulamo kala duwan ay la qaateen madaxda dowladda.

Shalay oo ugu dambeysay Muqdisho waxaa ka dhacay kulankii 11-aad oo ay isugu yimaadeen dowladda Federalka Somaliya iyo Ganacsatada, Masuuliyiinta dowladda ayaa madasha ka sheegay in dowladda uu saaran yahay culeys dhaqaale oo mushaarka ciidanka iyo Shaqaalaha rayidka ay bixiso, sidaasi awgeedna lama huraan ay noqotay in la kordhiyo canshuurta Dakadda Muqdisho.

Ganacsatada ayaa u sheegay madaxda dowladda haddii culeys dhaqaale uu haysto dowladda Somaliya, taasi macnaheeda uusan aheyn in culeys la saaro ganacsatada Somaliyed oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, nidaamka canshuurta dalkana bixiya, balse iska diiday kaliya kordhinta faraha badan ee canshuurta hal mar lagu sameeyay.

Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay sheegeen inaysan u dulqaadaneyn in qarash fara badan la saarto, iyadoo laga duulaayo culeys dhaqaale oo dowladda Somaliya soo wajahay.

Hal sabab oo Hailemariam ku qasabtay inuu is casilo iyo dhibaatada ka dhallan karto haddii ay wiiqmato awooda Itoobiya!

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) _ Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya.

Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay 10 qof tira kaalana waay ku dhaawacmeen.

Wariyaha BBC Emmanuel Igunza, oo ku sugan caasimadda Addis Ababa, ayaa sheegaya in toddobadyadii ugu dambeeyay dowladda ay xabsiyada ka siidaysay kumannaan ah taageerayaasah mucaaradka , balse ay wali dibadbaxyada ay sii socdaan.

Dalka Itoobiya ayaa tan iyo 2015 waxaa ka socday dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa.

Xisbiga haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda., sida ay sheegayso tafaftiraha BBC ee Afrika Mary Harper.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa u arkayay rai’sul wasaaraha mid jilicsan oo jahwareersan, ayay intaa ku dartay, waxaana arrintaas loo arkaa sababta ka dambeysay inuu xilka iska casilo.

Itoobiya oo wiiqanta islamarkana ay xasilooni daro ay soo wajahdo ayaa waxay halis ku tahay guud ahaan gobolka geeska Afrka sida ay wariyahayaga ku waramayso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Gaas oo amar kasoo saaray doonidii kusoo caarisay xeebta Boosaaso

0

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Dalka, Shirkii Amniga Qaranka, Nabadeynta Beelaha Deegaanka Cagaare, Xaaladda badbaadinta Doontii Caariday, Xeerka Nidaamka Cabashooyinka Puntland, wax ka bedelka  magaca Wasaaradda Deegaanka iyo Warbxino.

Xaaladda Amniga Dalka

Golaha Wasiirada Puntland  ayaa waxa ay Warbxin ka dhegeysteen  wasaaradda Amniga oo sheegtay in Ciidamada ku jiraan feejignaan joogta ah iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cadowga Puntland

Shirkii Amniga Qaranka

Madaxweynaha Puntland  ayaa uga warbixiyey  Golaha Wasiirada Shirkii Amniga  Qaranka  iyo qodobadii ay isku raaceen Gollaha Amniga Qaranka, wuxuuna u sheegay Madaxweynaha  Golaha in xaalad adag laga marayo dhisme Ciidan Qaran oo dalka lagu aamini karo, taas awgeedna  loo baahan yahay  in waqti la geliyo dhisme Ciidan Qaran oo dalka lagu aamini karo dhinac walba, wuxuuna Madaxweynaha  u sheegay gollaha  in Madashu dadaal ugu jirto  soo dhammeystirka iyo sameynta  Ciidan Qaran,

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Gollaha uga warbixiyey heshiiskii laga gaaray kalluumeysiga Soomaaliya

Nabadeynta Beelaha Cagaare

Gollaha Wasiirada ayaa bogaadiyey Issimada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaare oo soo af meeray khilaafaadkii iyo isku dhacyadii deegaankaas, wuxuuna  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas u caddeeyey shacabka Puntland in ay ka qeyb qaadan doonaan fulinta iyo dhammeystirka heshiiskaasi, horeyna Puntland uga qeyb qaadatay isagoona Madaxweyanah bogaadiyey guud ahaan Issimada dowladda deegaanka Itoobiya ee ka qeyb qaatay heshiiskaasi.

Xaaladda Badbaadinta Doontii soo Caariday

Madaxweynaha Puntland ayaa ka dhegeystay  Gollaha Wasiirada  xaaladda badbaadinta doontii soo caariday oo si weyn uga qeyb  qaateen shacabka, shirkadaha dalka iyo dowladuba, wuxuuna Madaxweyanha  bogaadiyey dhammaan intii ka qeyb qaadatay howshaasi, isagoona Madaxweyanaha amar ku siiyey Wasaaradda Maaliyadda in aan laga qaadi Karin wax canshuur ah.

Nidaamka Maareynta Cabashooyinka Puntland.

Hay’adaha maamul wanaaga Puntland ayaa hor keentay Gollaha Wasiirada xeerar kala ah xeerka nidaamka maareynta cabashooyinka iyo xeerka Axdiga adeega dadweynaha, xeerkan ayaa xoojinya wada shaqeynta dowladda iyo dadweynaha.

Wax ka bedelka Magaca Wasaaradda Deegaanka

Gollaha Wasiirada Puntland  ayaa ka bedelay magacii hore ee wasaaradda deegaanka waxayna u bedeleen wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada, si ay wasaaraddu wax uga qabato wax yeelada is bedelka Cimilada deegaanada Puntland

Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa ugu dambeen warbixin ka dhegeystay  Wasaaradda Haweenka oo shaqooyin ka soo fulisay gobolka Mudug, wuxuuna Madaxweynaha u sheegay Gollaha in gabadha ay yihiin halyeeyo meel walba oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya caafimaadka iyo Waxabarashada.

Faahfaahin kasoo baxeysa Qaraxa Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa waxa uu maanta ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Horseed.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa laga wada maqlay inta badan Xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in Gaariga Qarxay uu noociisa ahaa Spacio.

Gaariga ayaa xiliga uu Qarxaayay yiilay xaafadda Via Liberia gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Maleyka.

Nooca Qaraxan ayaa la sheegay inuu yahay midka dhajiska ah ee Baabuurta lagu xiro, kaasi oo inta badan lagu xiro Baabuurta ay wataan shaqsiyaadka Dowladda Federaalka ka tirsan ee Magaalada dhex jooga.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa lahaa Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka, waxaana xusid mudan in xilliga uu Qaraxa dhacayayna uusan saarneyn Askariga.

Sidoo kale, khasaaraha Qaraxa ayaa ahaa mid ku koobnaa hal qof oo shacab ahaa oo xilliga uu Qaraxa dhacayay Aaggaasi ka agdhowaa.

Dhinaca kale, Qaraxa noocaani ayaa noqonaaya mid kasii dhamaanaya magaalada Muqdisho, isla markaana kusii badanaaya Gobolada dalka, gaar ahaan Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ra’isul wasaarahii Itoobiya oo ku dhawaaqay sababta uu xilka isaga casilay

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ra’isulwasaraanimo ee dalka Itoobiya iyo xilka Guddoomiyaha ee xisbiga talada haya.

Is casilaada Hailemariam Desalegn ayaa ku soo beegantay xilli uu dalka ku jiro xiisad Siyaasadeed kadib markii wadankaan dhaca Geeska Africa ay soo wajahday rabshado keenay in xabsiyada laga sii daayo kumanaan maxaabiis si loo yareeyo xiisadaha.

Boqolaal qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay dalkaan, waxayna arrintaan imaaneyssa kadib markii ay dowladda bilowday qorshooyin hormarineed oo lagu dhisayo Caasimadda Adis Ababa, waxaana la aaminsan yahay inay sii xoogeysteen rabshadahaan laga soo bilaabo sanadihii 2015 ilaa 2016 waxaana ka dhalatay mudaaharaadyo, xayiraad Siyaasadeed iyo xad gudubyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

“Xasilooni darada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed waxay sababeen dhimashada dadweyne badan iyo barakaca dad aan yareyn,” ayuu yiri Ra’isulwaaraha xilkiisa iska casilay mar uu ka hadlayey TV-ga dowladda.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa is casilaadiisa ku sheegay inay sabab u tahay rabshadaha dalkaas hareeyey, wuxuuna tilmaamay inay is casilaadaan nabad joogta ah ka dhalin karto dalka Itoobiya, wuxuuna yiri

“waxaan is casilaadeyda u arkaa mid dalka ku hogaamin karta nabad joogto ah iyo dimqoraadiyad” .

Hailemariam ayaa sheegay inuu xilka Ra’isulwasaaranimo sii heyn doono inta ay ka aqbalayaan xisbigiisa talada haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) iyo Baarlamaanka lagana soo magacaabayo mid cusub.

DEG DEG: Reysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo is-casilay

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaarihii Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa iska casilay xilkaas,waxaana uu warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay guddiga fulinta ee Xisbiga EPRDF ee dalka Xukuma.

Dibadbaxyo ka dhan ah Dowladda Itoobiya ayaa ka socda Gobollada Amxaarada iyo Oromada,waxaana jirta in dowladda ay dhawaan xabsiga ka siideysay boqolaal Siyaasiyiin iyo dad u xir xiran kacdoonka ka dhanka ah dowladda.

Wargeyska Adisababa Stanadard ayaa baahiyay is casilaadda ra’isalwasaaraha iyada oo aan wali la ogeyn in guddiga fulinta ee Xisbiga talada haya in ay aqbaleen iyo in kale.

Warkan ayaa waxa baahiyay TV-ga dowladda maamusha ee EBC TV.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.

Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.

Ma cadda sababta ka dambeysa is casilaaddan deg degga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Adeegto eeyo banaanka lala seexiyay oo dayac u dhimatay

0

Penang (Caasimadda Online) – Haweenay u shaqaynaysay qoys Malesian ah ayaa isbitaalka ku geeriyootay kadib markii sidii la sheegay ay si bini’aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen, iyaga oo cunto fiican u diiday, islamarkaasna banaanka la seexiyay eeyaha.

Adeegtadan oo lagu magacaabo Adelina, kana soo jeedda dalka Indonesia ayaa u shaqaynaysay qoys degan Penang, Malesia.

Dhacdadan waxaa BBC-da u xaqiijiyay nin siyaasi ah oo ku jira siyaasada dalkaasi Malesia Steven Sim, kaas oo haweenayda usoo gurmaday.

Waxaa lasoo badbaadiyay 10kii bishan, xiligaas oo la geeyay isbitaal si looga dhayo dhaawacyo aanan la daweynin oo kaga yiilay gacmaha iyo lugaha.

Booliiska ayaa hadda baaraya haweenay 36 jir ah iyo walaalkeed oo ahaa kuwii ay u shaqaynaysay, waxaana lagu tuhmayaa dilka haweenaydan.

Wali si rasmi ah looma shaacin sababta ay u dhimatay Adeline, balse waxaa jira tuhun ah in qaniinyada xayawaanka dhaawacyo ka dhashay oo aanan la daweynin ay u dhimatay.

Waxaa la fahamsanyahay in dhaawacyada oo caabuqay awgeed ay saameeyeen xubnaheeda muhiimka ah ee gudaha, taasna laga yaabo in ay tahay sababta geerida keentay.

Wasiirka arrimaha dibedda Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegay in uu doonayo in ay caddaalad hesho Andeline.

Malesia ayaa ah dalka ugu badan ee soo dhoofsada adeegtooyinka qaarada Asia.

Illaa 2.5 milyan qof oo muhaajiriin ka yimid Indonesia oo ka shaqeeya Malesia.

Soogalootiga kale waxa ay ka kala yimaadeen dalalka Myanmar, Philippines, Vietnam, Bangladesh, Laos, Cambodia, Sri Lanka iyo Thailand.

Sharciga shaqaalaha Malesia ee la ansixiyay 1995-tii oo ay ahayd in uu difaaco xuquuqda adeegtooyinka ayaanan u aqoonsanaynin in ay yihiin shaqaale, balse u aqoonsan qaadimiin oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Eng Yariisoow oo gobalka Banaadir qoondo dheeri ah ka siiyay beesha R/W Kheyre (Aqriso magacyadda iyo xilalka)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan waxaa ay aaminsanayeen in Eng Yariisow uu yahay nin loo keenay gobalka inuu danno shaqsi ah fuliyo ee aan loo keenin inuu u adeego dadka gobalka Banaadir si cadaalad ah oo siman, waxaa kaloo meesha ku jirta in Ra’iisul wasaare Kheyre uu ahaa qof kaalin muuqata kulahaa dagaalkii lagu qaaday Taabit Cabdi iyo qorshihii lagu keenay Yariisow.

Durba waxaa soo baxay mid ka mid ah waxyaabihii lagu xamaanayay Eng Yariisow kadib markii uu qoondo dheeri ah siiyay beesha Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ,waxaan idinla wadaageynaa qaar ka mid ah is badalada uu sameeyay Yariisow oo aan xafiiska joogin xitaa hal bil , dhamaan is badalaan waxey u muuqdaan kuwo ka yimid xafiiska Ra’iisul wasaare Xaan Cali Kheyre.

Beesha Murusade waxey heysataa gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Banaadir, gudoomiye Yariisow wuxuu hadda ugu daray Xamdi Cali Nuur oo uu adeer u yahay Ra’iisul wasaare Kheyre taas oo loo magacaabay agaasimaha guud ee qasnadaha lacagta ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale Eng Yariisow ayaa agaasimaha guud ee canshuuraha gobalka Banaadir u magacaabay Ayaan oo ah gabar beesha Murusade u dhalatay waxaana xilkaas laga qaaday nin u dhashay beesha Saruur ee Habar Gidir.

Beesha Murusade waxey sidoo kale horey u heysteen Agaasimaha iibka ee gobalka Banaadir, tani waxey ka dhigan tahay iney la wareegeen dhamaan hanaanka dhaqaalaha ee maamulka gobalka Banaadir.

Arintaan waxey abuurtay shaki badan oo ku saabsan awoodda uu Eng Yariisow ku lee yahay maamulka cusub iyo sidda uu cadaalad u sameyn karo, buuq badan ayaa ka dhashay xilalkaan cusub ee halka reer lagu tixay.

Sida ay hadda wax ku socdaan waxey cadeyn u tahay eedeymo loo jeediyay dhowr jeer Ra’iisul wasaare Kheyre oo ah inuu rabo inuu maamulo lacagta soo gasha gobalka Banaadir si uu danno shaqsi ah ugu qabsado waana sababtii ugu weyneed ee uu ula dagaalamay duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Sida sharciga ah maamulka gobalka Banaadir wuxuu toos u hoos tagaa xafiiska madaxweynaha, laakiin waxaa ilaa hadda muuqata fara galinta uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku hayo maamulka gobalka Banaadir taas oo laga yaabo iney xiisad kale abuurto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kursigii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaje oo ku guuleystay wiil la dhashay

0

Kismaayo (Caasimada Online)- Doorashada kursigii uu ka dhintay wasiir Cabaas Siraaje oo sanadkii hore lagu dilay Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay wiil la dhashay oo lagu magacaabo Maxamuud C/llaahi Siraaje.

Maxamuud ayaa waxaa kula tartamay kursiga beesha Hubeer Fardowsa Xuseen Maxamed, waxaana cod loo qaaday kadib 50 cod ku guuleystay Maxamuud Siraaje.

Guddiga doorashooyinka ayaa saxaafadda u sheegay in kursigii beesha Hubeer ee uu ka geeriyooday Cabaas Siraaje uu ku guuleystay Maxamuud Siraaje.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa maalin ka hor soo gaaray magaalada Kismayo, waxaana uu taageero ka haystay beesha uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Maxaa ka jiro inuu natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulankii dhex maray R/W Khayre iyo Ganacsatada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jira shaqada Dekada magaalada muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada iskaba daa in mid cusub keenaane taasi oo ay kaga biyi diidsan yihiin canshuur lagu soo rogay in laga qaado taas oo ah % 5 qiimaha badeecada ay keenaan.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mudo todobaad gudahiis ah  tiro laba jeer ah qabtay shir jaraa’id oo u arintaasi kaga hadlayay, isagoo walaac ka muujiyay is faham darada u dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhankooda kulan ay yeesheen waxay ku diideyn Canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay , taasi oo noqotay in labada dhinac soo kala dhex-galo isfaham waa keenay in arintu gaarto Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ganacsatada ayaa dood kulul dhex martay, waxaana Ganacsatada ay qeyla dhaan ka keeneen canshuurta xad dhaafka ee lagu soo rogay alaab kasta oo dekeda laga soo dejiyo oo lagu kordhiyo 5%, taasoo Ganacsatadu sheegeen inay tahay mid u gaar ah Dekeda Muqdisho,

Ganacsatada ayaa cabashadooda u sababeeyay Dekedaha kale ee dalka aanay ka jirin canshuur xad-dhaaf ah, isla markaana hadii ay tan suura gasho ay dib u dhac badan kala kulmayaan Ganacsigooda, ayna keeni karto in Suuqyada Muqdisho uu ka dhaco sicir barar iyo inuu kordho qiimaha wax lagu iibsado.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku adkeystay in canshuurta ay tahay mid dowladda u baahan tahay, qeybna ka ah nidaamka dowladnimada, isla markaana aanay suurta gal aheyn in wax laga dhimo, waxaa uu ka codsaday in Ganacsatada inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay in Ganacsatada in Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ku riixeyso sidii loo qaadi lahaa canshuuraha, isla markaana la waafajiyo nidaamka canshuur qaadista, si ay horseed ugu noqoto in laga cafiyo deymaha.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada ay diideyn bixinta lacagta lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho, halka Xukumadana ay dalbatay in la bixiyo lacagta dheeraadka ah.

Sidoo kale Xukumadda Khayrre ayaa Ganacsatada ka dalbatay in ay sii socoto shaqada Dekadda oo todobaad hakad ku jirto, Ganacsatada ayaa la feliyaa in maanta yeeshaan kulan kale oo u gaar ah kaas oo ay kaga hadlayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen Muranka Dekadda.

Waxaa weli xiran shaqadii Dakadda Magaalada Muqdisho maalintii Sagaalaad, iyadoo amuurtaasi ay sabab u tahay koror xooggan oo Canshuur ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, iyadoo ganacsatada ay ka biyo diidan yihiin qiimaha canshurta lagu kordhiyay.

Badeecadaha kala duwanaa ee Dakadda laga soo dajin jiray, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, maadaama ganacsatada ay diideen inay bixiyaan qarashka faraha badan ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

$50 Million ayey ku xiran tahay dhismaha Ciidamada Cirka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin sanadkii hore uu Bangiga Adduunka ka soo saaray dhaqaalaha ku bixi kara amniga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Muqdisho u baahan tahay ilaa 10 Milyan oo Dollar si ay u dhisato Ciidamada Cirka 10-ka sano ee soo socota. Hadda 170 qof ayaa u qoran Ciidamada Cirka, mana heystaan wax qalab ah.

Bangiga Adduunku waxaa uu ku taliyay in canshuurta kor loo qaado si qarashkaasi u soo xaroodo, awoodda ciidamadana, gaar ahaan kuwa cirka, loo dhiso. Bangigu waxaa uu qarashka ku baxaya amniga gudaha ku qiyaasay sanadkii $150-220 million.

Mar uu ka hadlayey horumarinta Ciidamada Cirka, waxaa uu sheegay Bangigu in loo baahan yahay qarash dhan $50 million muddo 10 sano ah.

Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay laheyd Ciidamo Cir iyo diyaarado military oo ay ku jiraan diyaaradaha guuxa ka dheereeya iyo helicopters.

Ciidanka Cirka: Tirada guud ee Ciidanka Cirka waxaa ay ahaayeen 1,000 askari, tirada duuliyeyaasha 40, nooca(MIG 19, 29 xabbo iyo 15 duuliye), nooca MIG-21(11 xabbo iyo 9 duuliye), nooca MIG 17/15(13 xabbo iyo 6 duuliye) iyo diyaaradaha wax-daabula noocyada G-222, AN-24 iyo AN-26 min labo xabbo, qeybtan dambe 10 duuliye ayay lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]