26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Kadib dhacdadii Mareykanka, Cumar Cartan ma qaadanayaa baasaboor dal kale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay in uusan dooneyn inuu qaato baasaboor aan kan Soomaaliya ahayn, isaga oo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku faanaan dalkooda iyo jinsiyaddooda.

Cartan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo siyaasiyiinta haysta baasaboorrada dalalka shisheeye ay muhiim tahay inay qiimeeyaan baasaboorka dalkooda hooyo, ayna ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa sumcaddiisa iyo awooddiisa.

Garsooraha ayaa xusay in qaadashada baasaboor shisheeye ay inta badan la xiriirto xaalado qaxootinimo, isagoo tilmaamay in qofka fursad u haysta inuu ku noolaado dalkiisa ay habboon tahay inuu ku dheganaado baasaboorkiisa Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale muujiyay rajo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu awood u leeyahay inuu horumar sameeyo haddii dhalinyaradu ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta qaranka.

“Baasaboor aan keenna ahayn ma rabno. Dhallinyaradu ma aha inay caadifad qaaddo oo ay yiraahdaan waddanka waan nacnay, kadibna ay qaxootinimada ka door bidaan dalkooda. Qof aan qaxooti ahayn ama aan xaaladdaas soo marin oo baasaboor kale haysta ma jiro,” ayuu yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Hadalka Cartan ayaa kusoo aadaya xilli dunida si weyn looga hadal hayo dhacdadii dhowaan loogu diiday inuu galo dalka Mareykanka, taas oo keentay inuu seego ka qeyb-galka tartanka Koobka Adduunka ee 2026, halkaas oo FIFA ay u soo xulatay inuu garsoore ka noqdo.

Inkasta oo caqabaddaasi soo wajahday, Cartan ayaa ku adkeystay ku dhegganaanshaha baasaboorka Soomaaliya, isaga oo sheegay in xal u raadinta caqabadaha jira ay ka muhiimsan tahay in laga leexdo aqoonsiga iyo jinsiyadda dalka hooyo.

Si kastaba, Garsooraha u dhashay dalka Soomaaliya ee Cumar Cartan ayaa dhawaan dhex-dhexaadin doona ciyaarta weyn ee Super Cup-ka ee dhexmari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, sida uu ku dhawaaqay xiriirka ciyaaraha Yurub ee UEFA.

UEFA ayaa muujisay garab istaaggeeda iyadoo u dhiibtay hoggaaminta ciyaar weyn oo dhici doonta bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Kadib markii ay dib u soo celiyeen saraakiisha xadka Mareykanka, guddiga maamula kubadda cagta Yurub ayaa xaqiijiyay inuu garsoori doono kulanka Super Cup-ka ee bisha August ka dhici doona magaalada Salzburg.

“Go’aanka Artan loogu magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta Koobka Super Cup-ka ee UEFA ayaa loo qaatay iyadoo la raacayo hannaanka Is-fahamka ee dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo dhiiri-geliyo iskaashiga dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEAFA.

Sidoo kale wuxuu yiri: “UEFA iyo CAF waxaa ka go’an ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan horumarinta kubbadda cagta ee heer kasta iyo horumarinta qiyaamka asaasiga ah ee midnimada, sinnaanta, iyo takoor-la’aanta.”

Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhow heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka

Islamabad (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa maraya marxaladihii ugu dambeeyay, iyadoo warar kala duwan oo ka soo baxay Tehran, Washington iyo Islamabad ay muujinayaan in heshiisku ku dhow yahay gabagabo rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in is-afgarad lagu joojinayo colaadda u dhexeysa labada dal uu marayo heer gabagabo ah, isaga oo xusay in dhinacyadu ay gaareen horumar weyn oo ku aaddan qoraalka heshiiska.

Araghchi ayaa sidoo kale warbaahinta uga digay inay ka fogaato faallooyin iyo saadaal ku saabsan qodobbada heshiiska, illaa si rasmi ah loo dhammeystiro loona shaaciyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u baahiyay hadalka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, inkastoo uusan si toos ah u faahfaahin mowqifkiisa, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka warbaahinta caalamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay si buuxda isugu raaceen qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska, isla markaana uu hadda marayo marxaladdii ugu dambeysay ee lagu dhameystirayo.

Warbaahinta caalamka oo ay ku jiraan wakaaladaha waaweyn ee wararka sida Reuters iyo Associated Press, ayaa si weyn u tabinaya horumarka wada-hadalladan, iyaga oo sheegaya in heshiiska uu noqon karo mid ka mid ah horumarrada diblomaasiyadeed ee ugu waaweyn ee gobolka ka dhaca sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale, falanqeeyayaasha caalamka ayaa tilmaamaya in haddii heshiiskan la dhameystiro uu saameyn weyn ku yeelan karo xasilloonida Bariga Dhexe, xiriirka Washington iyo Tehran, iyo sidoo kale xaaladda amni ee gobolka oo dhan.

Inkasta oo ay jiraan rajooyin xooggan oo laga qabo heshiiska, haddana dhinacyada ayaa weli ka digaya in wax kasta oo kama dambeys ah lagu dhawaaqo illaa si rasmi ah loo saxiixo loona xaqiijiyo dhammaan qodobada lagu heshiiyay.

Kheyre oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh iyo dowladdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay iska hor-imaad ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis, isagoo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin lagu hayo shacabka danyarta ah.”

Kheyre oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen dad rayid ah, isla markaana ay dhacdadaasi sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku hawlan dhulboob, uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto shacabkii uu talisku ku dilay weerarkan, una booga-dhayo intii uu ku dhaawacay.”

Kheyre ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii dowladdu ku joojisay baneynta dhulka danta guud, maadaama ay weli sii socdaan falal uu ku tilmaamay boob dhuleed, barakicin iyo gabood-fallo ka dhan ah shacabka.

“Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday, oo horay u sheegay inuu joojiyay dhulboobka, uu maanta ku hawlan yahay boobka dhulka danta guud, barakacinta danyarta iyo xasuuqa shacabka. Taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh, oo caadeystay gabood-fallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.”

Sida uu sheegay, falalka noocan ah waxay dhaawacayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda, sidoo kalena caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu jeediyay Xasan Cali Kheyre ee la xiriira dhacdadii ka dhacday xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis.

DF iyo FAO oo yeeshay wada-hadallo muhiim ah – Maxaa kasoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdifatax Cabdulqaadir Faarax ayaa xarunta Wasaaradda kulan istiraatiiji ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), oo ay hoggaaminaysay Marwo Verenica Mutiro, madaxa barnaamijyada FAO ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay agaasimaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta, Maxamuud Siciid Nuur iyo madaxda qaybaha kala duwan ee waaxda kormeerka iyo qiimaynta.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo FAO, iyadoo mudnaanta la siinayo waafajinta taageerada FAO iyo himilooyinka ku cad qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025–2029).

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dejiyo meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga mustaqbalka, gaar ahaan sugnaanta cuntada, horumarinta wax-soo-saarka, adkeysiga bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo saddex sano ah, kaas oo hagaya wada-shaqeynta, mudnaanta barnaamijyada iyo natiijooyinka la filayo in la gaaro.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta dadaallada abaabulka kheyraadka, si loo helo maalgelin dheeraad ah oo taageerta mudnaanta horumarineed ee dalka, loona dardargeliyo hirgelinta barnaamijyada saameynta leh.

Agaasimaha guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed lagu saleeyo mudnaanta qaranka, natiijooyin la cabbiri karo, iyo isla xisaabtan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee wasaaradda iyo FAO, iyadoo la dardargelinayo qorsheynta wadajirka ah, isku-duwidda barnaamijyada, iyo taageerada horumarinta qaranka.

Sidee NISA u fashilisay qaraxyo ay maleegaysay kooxda Al-Shabaab?

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan ku fashiliyay walxo kiimiko ah oo la sheegay in loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Walxahan kiimikada ah ayaa laga helay dhul deex ah oo ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka.

Sida saraakiishu sheegeen, walxaha la qabtay ayaa ku jiray in ka badan boqol jirgaan, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo diyaariyay samaynta walxaha qarxa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Al-Shabaab ay walxahan ku aastay goobtaas kadib markii ay ka war heleen in ciidamada ammaanka ay daba socdaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo qorshayaashooda.

Taliyaha nabad-sugidda qaranka ee degmada Marka, Maxamed Sheekh Xasan ayaa ciidamada deegaanka uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen soo helidda walxahan, isagoo tilmaamay in macawiisleyda gobolka ay heleen godad lagu aasay jirgaannada xilli ay roondo ku marayeen inta u dhexeysa Marka iyo Gendershe.

Taliyaha ayaa sheegay in macluumaadka ay bixiyeen ciidamada deegaanka lala wadaagay taliska NISA ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo keentay in si degdeg ah loo fuliyo howlgalka lagu soo saaray walxahaas. Wuxuu sidoo kale xusay in la laba-jibaari doono howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir ayaa sheegay in jirgaannada la qabtay ay ku jireen noocyo kala duwan oo budo kiimiko ah, kuwaas oo sida uu sheegay Al-Shabaab u adeegsan jirtay samaynta qaraxyada.

Wuxuu xusay in ujeeddada walxahaas ay ahayd in lagu waxyeelleeyo shacabka, balse ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshahaas.

Cabdiraxmaan Cirro oo looga digay in uu saxiixo heshiiska Israel

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo lagu wado inuu safar ku tago magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil ayaa looga digay inuu saxiixo heshiiska loo yaqaan Abraham Accords.

Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dhinac iyo arrimo la xiriira cadaadisyada dibadda iyo gudaha ee soo wajahay maamulka uu hoggaamiyo tan iyo markii ay soo baxeen talaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka Israa’iil.

Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya digniinaha loo jeedinayo Cirro ee ku saabsan suurtagalnimada inuu saxiixo heshiiska Abraham Accords, kaas oo dalal dhowr ah oo Carbeed hore ula galeen Israa’iil si loo caadiyeeyo xiriirka ka dhexeeya dhinacyadaas.

Si kastaba, dadka ka soo horjeeda heshiiska ayaa ku doodaya in qaar ka mid ah dalalkii hore ugu biiray ay dib uga laabteen ama ay dib u qiimeeyeen mowqifkooda ku aaddan heshiiskaas.

Qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda tallaabadaas ayaa ku doodaya in heshiiskaasi uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da ay aaminsan yihiin bulshada Muslimiinta ah, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyaha Somaliland inuu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xiriir rasmi ah oo lala yeesho Israa’iil.

Sidoo kale, culimo iyo aqoonyahanno ku sugan deegaannada Somaliland ayaa la sheegay inay si cad uga hadleen safarka la qorsheeyay, iyagoo muujiyay walaac ku aaddan saameynta siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan karta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah culimada iyo dadka aragtiyahooda ka dhiibtay arrintan ay la kulmeen cadaadisyo la xiriira mowqifyada ay ka qaateen safarka iyo xiriirka la sheegay in la doonayo in lala yeesho Israa’iil, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin eedeymahaas.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu safarkiisa Tel Aviv sii maro dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkan uu noqonayo mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu ku soo beegmayo xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan mustaqbalka xiriirka Somaliland iyo Israa’iil.

Xasan Sheekh oo jeediyay hadal uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli mucaaradka diidan yahay hanaankan doorasho.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in Soomaaliya ay weli kasii maqnaato doorasho dadweyne, isagoo xusay in muddo 58 sano ah ay ka soo wareegtay doorashadii ugu dambeysay ee noocaas ah ee dalka ka dhacda. Waxa uu tilmaamay in maanta la hayo fursado badan oo lagu xaqiijin karo himiladaas.

“58 sano kahor ayaa noogu dambaysay doorasho. Wax way naga qaldan yihiin waxna way inoo saxan yihiin, waxaa loo baahan yahay in aan qabano doorashada si wixii qaldamay berri loo saxo, waxaan u baahanahay labo xisbi oo wayn oo dalka ku tartama,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haddii ay caqabado iyo khaladaad ka jiraan howlaha socda la sixi karo inta geeddi-socodku socdo, balse aan looga joogsan doonin in Soomaaliya ka hana qaado doorasho dadweyne.

Xasab Sheekh ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada dalka uu mari doono hannaan lagu kala saarayo axsaabta siyaasadeed, isagoo tilmaamay in xisbiyada tirada badan ee hadda jira laga soo saari doono saddex xisbi qaran oo waaweyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiyada kale ee aan ku soo bixi karin heerkaas ay heli doonaan fursad ay ku midoobaan ama ay awooddooda isu geeyaan, si ay door muuqda uga qaataan tartanka siyaasadeed iyo maamulka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay inay sii haysato awoodda ama ay dib u dhigto isbeddelka siyaasadeed, isagoo sheegay in ujeeddada dowladda ay tahay hirgelinta doorasho dadweyne oo beddesha nidaamka doorashooyinka dadban.

“Dalkaan in doorasho ay ka dhacdo ayaan rabnaa. Tikteetar iyo boqortooyo ma rabno, xalna ma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray: “Shaatiga dowladnimada wuu tolan yahay, ee waa inuu gashto qofka uu u galo. Yaa gashan kara oo ku jaan-go’an ayaa ah su’aasha.”

Al-Shabaab oo si yaab leh uga faa’iideysatay kiiska Cumar Cartan iyo Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday inay si dacaayad ah uga faa’iideysato go’aankii Mareykanka uu ugu diiday garsoore Soomaaliyeed Cumar Cabdulkadir Cartan inuu galo dalkaas si uu uga qeyb qaato dhex-dhexaadinta Koobka Adduunka ee 2026, xilli kiiskaas uu caro iyo niyad-jab xooggan ka dhaliyay gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay qoraal ay ku sheegtay in go’aanka Mareykanka uu muujinayo waxa ay ugu yeertay “nacaybka dhabta ah” ee Washington u qabto shacabka Soomaaliyeed. Qoraalkaas ayaa qeyb ka ah dadaal muuqda oo ay kooxdu ku doonayso inay dhacdada ugu beddesho farriin siyaasadeed iyo mid xagjirnimo oo ka dhan ah Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Cumar Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya qaaradda Afrika, ayaa lagu waday inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka qeyb gala Koobka Adduunka. Balse waxaa laga celiyay garoonka diyaaradaha Miami, inkastoo uu haystay oggolaansho socdaal oo hore loogu siiyay inuu Mareykanka ku tago.

FIFA ayaa xaqiijisay in Cartan uusan tababar iyo ciyaar-qabasho midna ka sameyn doonin Koobka Adduunka, maadaama go’aanka oggolaanshaha gelitaanka dalka martigelinaya uu ku jiro gacanta dowladda Mareykanka. Maamulka Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in diidmada lagu saleeyay baaritaan amni, balse faahfaahin buuxda kama bixin eedeymaha loo cuskanayo.

Kiiskaas ayaa si weyn uga careysiiyay Soomaalida, maadaama Cumar Cartan loo arkayay astaan qaran oo guul ka gaartay heer caalami ah. Markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweyne, mas’uuliyiin iyo taageerayaal kubadda cagta ah, kuwaas oo u arkayay in guushiisa aysan ku koobneyn garsoorenimo, balse ay ahayd magac iyo sharaf u soo hoyatay Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa hadda isku dayeysa inay dareenkaas qaran u rogto farriin ka dhan ah Mareykanka. Qoraalka ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa ku doodaya in Washington aysan Soomaaliya ula macaamilin saaxiibtinimo, balse ay taageerto hoggaan ay kooxdu ku tilmaantay musuqmaasuq iyo siyaasiyiin ku tiirsan shisheeye.

Kooxda ayaa sidoo kale ku eedeysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dagaal dhaqaale iyo mid militari ku hayo dalka. Waxay si gaar ah u xustay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliya Soomaaliya, iyadoo sheegtay in weerarradaasi ay waxyeello u geystaan rayid.

Si kastaba, qoraalka Al-Shabaab ayaa si cad u muujinaya in kooxdu ay dhacdadan u aragto fursad ay ku xoojiso sheekadeeda siyaasadeed ee muddada dheer ku dhisneyd ka-horimaadka Mareykanka, dowladda federaalka iyo dalalka taageera Soomaaliya, inkasta oo kooxda aysan xitaa ogoleyn daawashada kubadda cagta.

Khabiirro amni ayaa inta badan sheegaya in kooxaha xagjirka ah ay dhacdooyinka noocan ah u adeegsadaan kicinta dareenka bulshada, gaar ahaan marka ay dhacdo la xiriirto sharaf qaran, caddaalad-darro la dareemayo, ama go’aan dibadeed oo saameynaya muwaadin caan ah.

Kiiska Cumar Cartan ayaa ka duwan dhacdooyin siyaasadeed oo caadi ah, sababtoo ah wuxuu si toos ah u taabanayaa arrin si weyn Soomaalidu ugu faantay: in markii ugu horreysay garsoore Soomaaliyeed uu ka soo muuqdo masraxa ugu weyn kubadda cagta adduunka. Taas ayaa ka dhigtay dhacdo leh miisaan shucuureed oo ay si fudud u adeegsan karaan dhinacyo siyaasadeed iyo kooxo xagjir ah.

Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku boorrisay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka jeestaan waxa ay ugu yeertay mashquul ku-meel-gaar ah, sida Koobka Adduunka, ayna xoogga saaraan dagaal ka dhan ah saameynta shisheeye iyo dadka gudaha ee la shaqeeya. Farriintaas ayaa muujineysa isku day ay kooxdu ku doonayso inay dhacdo isboorti u beddesho wacyigelin xagjirnimo iyo abaabul siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin sida Al-Shabaab ay kiiskan ugu adeegsatay dacaayad, balse mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa horey u muujiyay inay ka xun yihiin go’aanka Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya riyada garsooraha iyo rajadii dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku daray dalalka ay saameeyeen xannibaadaha socdaalka ee maamulka Trump, inkastoo dhacdooyinka ciyaaraha waaweyn sida Koobka Adduunka ay caadiyan leeyihiin habab gaar ah oo lagu fududeeyo socdaalka ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta la xiriira tartanka.

Diidmada Cumar Cartan ayaa sidoo kale dhalisay dood ka baxsan Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah dadka ka faallooda kubadda cagta ay su’aal geliyeen sida FIFA ay u maareyneyso tartan caalami ah oo martigeliyuhu si gooni ah u diidi karo shaqsiyaad ay hay’addu horey u dooratay.

Si kastaba, dhacdadan ayaa hadda yeelatay laba weji: mid isboorti iyo mid amni-siyaasadeed. Wejiga koowaad wuxuu ku saabsan yahay garsoore Soomaaliyeed oo laga hor istaagay riyadiisa Koobka Adduunka; kan labaadna wuxuu ku saabsan yahay sida koox xagjir ah ay dhacdadaas ugu adeegsaneyso olole ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadiisa gudaha Soomaaliya.

Magaca Cumar Cartan, oo markii hore ku xirnaa guul iyo sharaf Soomaaliyeed, ayaa sidaas ku noqday qeyb ka mid ah dood ballaaran oo ku saabsan socdaalka, amniga, xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo awoodda kooxaha xagjirka ah ay u leeyihiin inay dhacdooyinka caamka ah u rogaan hub dacaayadeed.

War ka soo yeeray Israa’iil oo horseedi kara dagaal Turkey

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israel ayaa Turkey ku tilmaamay “cadowga qaranka”, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa Ankara iyo Tel Aviv, oo horey ugu kala fogaa dagaalka Gaza, weerarrada Israel ee Lubnaan iyo Suuriya, iyo loollanka saameynta gobolka.

Ariel Kellner, oo ka tirsan xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Galei Israel ku sheegay in Turkey ay tahay “dal cadow ah si kasta oo loo eego.”

Kellner ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye doonaya inuu soo celiyo khilaafadii Islaamka.”

“Waa qof aad khatar u ah oo Israel si qoto dheer u neceb,” ayuu yiri Kellner, isaga oo intaas ku daray in Israel iyo dalalka reer Galbeedka ay tahay inay Erdogan u arkaan “khatar”.

Hadalka Kellner ayaa yimid kadib markii Erdogan uu sheegay in weerarrada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan ay gaareen heer ay khatar ku yihiin amniga Turkey, isla markaana waxa uu ugu yeeray “gardarrada Israel” ay halis ku tahay amniga gobolka iyo kan caalamka.

“Israel waa in la joojiyaa, tani waa waajib saaran bani’aadannimada,” ayuu yiri Erdogan.

Netanyahu ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaas, isaga oo Erdogan ku tilmaamay “kaligii taliye Yuhuud naceyb qaba.” Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo wax laga weydiiyay hadalka Erdogan, ayaa sheegay inuu yahay “saaxiib wanaagsan” oo ay si wanaagsan u wada shaqeeyeen.

“Waa saaxiib aad u wanaagsan oo aan leeyahay, si fiicanna waan u wada shaqeynay. Aad ayaan u jeclahay,” ayuu yiri Trump.

Turkey ayaa noqotay mid ka mid ah dalalka ugu codka dheer ee dhaliila Israel, gaar ahaan dagaalka Gaza, weerarrada Iran, Lubnaan iyo tallaabooyinka ay Israel ka waddo Suuriya. Ankara ayaa Israel ku eedeysay inay hurineyso colaado gobolka ka jira, isla markaana ay caqabad ku tahay nabadda Bariga Dhexe.

Xiriirka Turkey iyo Israel ayaa si weyn hoos ugu dhacay bishii May 2024, markii Ankara ay ku dhawaaqday inay joojisay ganacsigii ay la lahayd Israel. Turkey ayaa sidoo kale ku biirtay dacwadda Koonfur Afrika ay ka gudbisay Israel ee taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taas oo la xiriirta dagaalka Gaza.

Si kastaba, inkastoo xiriirka ganacsi ee tooska ah la jaray, warbixinno ayaa sheegaya in badeecooyin Turkish ah ay weli Israel ku gaaraan dalal saddexaad, halka saliidda Azerbaijan ee marta dhuumaha Baku-Tbilisi-Ceyhan ay weli gaarto Israel iyadoo ka soo baxda dekedo Turkish ah.

Xiisadda labada dal ayaa todobaadyadii u dambeeyay yeelatay wajiyo cusub, kadib markii saraakiil Israel ka tirsan ay si furan u bilaabeen inay Turkey ku tilmaamaan cadow mustaqbalka halis gelin kara Israel.

Dabayaaqadii bishii May, wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha Israel, Miki Zohar, ayaa isna sheegay in Turkey loo baahan yahay in loola dhaqmo sidii “dal cadow ah”, isaga oo ka digay in Ankara ay noqon karto mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee Israel wajahdo.

“Waa inaan bilownaa inaan Turkey ula dhaqanno sidii dal cadow ah,” ayuu yiri Zohar.

Wasiirka ayaa intaas ku daray: “Haddii Turkey ay doorato waddada dagaalka ee naga dhanka ah, shaki kuma jiro inay bixin doonto qiimo aad u culus. Israel way taqaan sida ay isu difaacdo iyo sida ay u dhaawacdo kuwa waxyeelleeya.”

Hadalladan kulul ayaa muujinaya in xiriirka Turkey iyo Israel uu galay marxalad aad uga fog khilaaf diblomaasiyadeed oo caadi ah. Labada dhinac ayaa hadda si furan isugu adeegsanaya erayo dagaal iyo hanjabaad, xilli dagaalka Gaza iyo loollanka saameynta Suuriya ay sii kala fogeynayaan Ankara iyo Tel Aviv.

Turkey, oo xubin ka ah NATO, ayaa muddooyinkii dambe isku dayeysay inay kordhiso saameynteeda Suuriya kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dalkaas ka dhacay, halka Israel ay sii waddo weerarro ay sheegto inay ku beegsaneyso khataro amni oo ka iman kara Suuriya iyo Lubnaan.

Falanqeeyayaasha gobolka ayaa sheegaya in khilaafka labada dal uu ka tarjumayo isbeddel ballaaran oo ka socda Bariga Dhexe, halkaas oo dagaalka Gaza uu dib u qaabeeyay xiriirrada siyaasadeed, isla markaana uu sare u qaaday tartanka awoodda ee u dhexeeya Turkey, Israel iyo dalalka kale ee gobolka.

Inkasta oo aanay weli muuqan calaamado muujinaya in khilaafka labada dal uu isu beddelayo iska horimaad militari oo toos ah, haddana hadallada ka soo yeeraya madaxda iyo siyaasiyiinta labada dhinac ayaa muujinaya in xiriirka Ankara iyo Tel Aviv uu gaaray heerkii ugu xumaa sanadihii u dambeeyay.

Itoobiya oo shaacisay in TPLF ay duulaan tahay iyo dagaalka oo maalmaha soo socda…

Addis Ababa (Caasimada Online) — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in xoogag ku sugan gobolka waqooyiga dalka ee Tigray ay diyaarinayaan weerar ka dhan ah dowladda federaalka, tallaabo dhalisay cabsi cusub oo laga qabo in dalkaas uu dib ugu laabto dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee dhowaan la soo afjaray.

Ciidamada Tigray ayaa dagaal laba sano socday la galay ciidamada federaalka Itoobiya, kuwaas oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidamo ka socday Eritrea. Dagaalkaas, oo socday intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022, ayaa lagu dilay ku dhowaad 600,000 oo qof, sida ay muujinayaan qiyaaso loo aaneynayo Midowga Afrika.

Dagaalka ayaa ku dhammaaday heshiis nabadeed oo lagu gaaray Pretoria sanadkii 2022, balse heshiiskaas ayaa bilihii u dambeeyay la kulmay cadaadis sii xoogeysanayay, iyadoo dhinacyadu marar badan isku eedeeyeen jebinta qodobbadii lagu heshiiyay.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii dagaallo toos ah ay mar kale dhexmareen ciidamada Tigray iyo ciidamada federaalka dabayaaqadii 2025, markii ugu horreysay tan iyo markii la saxiixay heshiiska nabadda.

Digniin ka timid Addis Ababa

Wasiirka arrimaha Bariga Afrika ee Itoobiya, Getachew Reda, iyo madaxa sirdoonka dalkaas, Redwan Hussein, ayaa sheegay in garab mayal-adag oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF uu go’aansaday inuu “maalmaha soo socda” weerar ku qaado dowladda federaalka.

Labada mas’uul ayaa qoraal ay ku daabaceen Al Jazeera ku sheegay in TPLF ay isku diyaarineyso inay “huriso dagaal cusub”, iyagoo ku eedeeyay inay taageero ka heleyso Eritrea, oo xiriirkeedu dowladda Addis Ababa uu aad u xumaaday.

TPLF weli si degdeg ah ugama jawaabin eedeymaha cusub. Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in TPLF ay xiriir dhow la yeelatay Eritrea, inkastoo kooxdaas ay eedeymahaas beenisay.

“Waa lama huraan in cid kasta oo saameyn ama awood ku leh TPLF iyo taageerayaasheeda Asmara ay cadaadiskii ugu xoogga badnaa saarto, si looga hortago in dalka uu dib ugu laabto dagaal,” ayay ku yiraahdeen qoraalka.

Waxay sidoo kale ka digeen in dib u bilaabashada dagaalka ay noqon doonto mid halis ah, islamarkaana “cawaaqib culus ku yeelan doonta gobolka”.

Getachew Reda iyo Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in kulamo u dhexeeya saraakiil Eritrean ah iyo xubno ka tirsan TPLF ay ka dhacayaan caasimadda Eritrea ee Asmara, magaalada Mekelle ee xarunta Tigray, iyo gudaha Sudan.

Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo xiisado is-biirsaday. Bishii May, Itoobiya iyo Sudan — oo lafteedu dagaal sokeeye ku jirtay tan iyo 2023 — ayaa is dhaafsaday eedeymo ku saabsan in mid walba uu ku xadgudbay dhulka kan kale, islamarkaana uu taageero siiyay xoogag mucaarad ah.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale sii xumaaday sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan kadib heshiiskii Pretoria oo Eritrea aysan qeyb ka ahayn. Asmara ayaa horay u diidday eedeymaha Addis Ababa ee la xiriira faragelinta gudaha Itoobiya, halka dowladda Abiy Ahmed ay ku adkeysatay in Eritrea ay taageereyso kooxo hubeysan.

Heshiis nabadeed oo sii daciifaya

TPLF ayaa muddo ku dhowaad 30 sano ah awood weyn ku lahayd siyaasadda Itoobiya, kahor inta uusan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xukunka imaan sanadkii 2018. Xukuumadda Abiy ayaa sanadkii hore TPLF ka mamnuucday dhaqdhaqaaq siyaasadeed, balse kooxda ayaa weli awood ballaaran ku leh gudaha Tigray, halkaas oo ay ku heysato ciidan u gaar ah.

Dabayaaqadii April, TPLF ayaa sheegtay inay dib u soo celisay baarlamaankii gobolka, kaas oo dowladda federaalka ay ku tilmaantay sharci-darro.

“Si cad oo ka dhan ah heshiiskii 2022, haraadiga TPLF waxay burburiyeen maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee gobolka, waxayna dhisteen maamul sharci-darro ah oo iyaga u gaar ah,” ayay ku yiraahdeen labada mas’uul qoraalkooda.

Tallaabadaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in gobolka Tigray uu yeesho laba maamul oo is diidan, taas oo sii adkeyn karta fulinta heshiiskii Pretoria iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.

Tigray ayaa lahaa dad gaaraya ku dhowaad lix milyan kahor dagaalkii 2020-2022. Ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan saameynta dagaalka, iyadoo gobolka uu sidoo kale wajahayo dhaqaale xumo weyn kadib markii la jaray kabkii dhaqaale ee federaalka.

Gobolka Tigray kama qeybgelin doorashadii guud ee Itoobiya ee qabsoontay 1-dii June, taas oo xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party si weyn loogu saadaalinayo inuu ku guuleysto.

Xiisadda cusub ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Itoobiya ay weli wajahayo colaado kale oo gudaha ah, gaar ahaan gobollada Amhara iyo Oromia, taas oo ka dhigeysa xaaladda dalka mid aad u nugul.

Haddii dagaal cusub uu ka qarxo Tigray, waxaa laga cabsi qabaa inuusan ku ekaan waqooyiga Itoobiya oo keliya, balse uu saameyn ku yeesho guud ahaan Geeska Afrika, oo horeyba ula daalaa dhacayay dagaallo, barakac iyo loollan siyaasadeed oo heer gobol ah.

Ruto oo si adag uga hadlay soo celinta Cartan, kuna tilmaamay qalad laga galay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo ka hadlay dhacdada garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah Cumar Cartan oo laga soo celiyay dalka Mareykanka ayaa si adag u dhaliilay dowladda Mareykanka oo ka hor istaagtay inuu garsoore ka noqdo koobka adduunka ee FIFA 2026.

Cumar Cartan oo ku guuleystay abaal-marinta garsooraha ugu fiican qaaradda Afrika sanadkii 2025 ayaa laga celiyay garoonka caalamiga ah ee Miami kadib markii saraakiisha kastamka iyo ilaalinta xuduudaha Mareykanka (CBP) ay sheegeen inay jiraan walaacyo la xiriira baaritaannada amniga iyo hubinta xogtiisa.

Cartan ayaa sitay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, waxaana markaas dib loogu celiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Madaxweyne William Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid aan cadaalad ahayn, isagoo sheegay inay dhaawacayso sumcadda iyo dadaalka ciyaartooyda iyo garsoorayaasha Afrika ee ka qeyb-gala tartamada caalamiga ah.

“Tallaabada Mareykanka looga soo celiyay Garsoore Cumar Cartan waa qalad weyn oo laga galay Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah dib loogu eego arrinta si Cumar Cartan loogu oggolaado inuu ka qeyb-galo tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood xooggan oo ka taagan qaaradda Afrika, iyadoo taageerayaal badan iyo mas’uuliyiin isboorti ay walaac ka muujiyeen saameynta ay arrintani ku yeelan karto ka qeybgalka Afrika ee munaasabadaha caalamiga ah.

Si kastaba, Garsoore Cartan ayaa shalay ku soo laabta dalka, isagoo si weyn loogu soo dhaaeeyay magaalada Muqdisho. Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda final-ka loobka adduunka ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo dalka Mareykanka.

Trump oo baajiyay duqeymihii IRAN – Maxaa isbeddelay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay duqeymihii la qorsheeyay ee dalka Iran, isagoo tilmaamay suurtagalnimada in heshiis rasmi ah lala saxiixdo Tehran kadib wada-hadallo heer sare ah oo dhexmaray labada dhinac.

“Iyadoo lagu saleynayo xaqiiqda ah in wada-hadallada lala leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay ee hoggaanka Iran ayna ansixiyeen, waxaan… baajiyay duqeymihii iyo weerarradii qorsheysnaa ee caawa lagu qaadi lahaa Iran,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

Trump ayaa sheegay in “qodobadii ugu dambeeyay” ee heshiiska ay ansixiyeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh, inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha rasmiga ah ee lagu heshiiyay. Wuxuu intaas ku daray in waqtiga iyo goobta saxiixa rasmiga ah dhowaan lagu dhawaaqi doono.

Si kastaba, madaxweynaha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in go’doominta dhinaca badda ee ciidamada badda Mareykanka ay ku hayaan dekedaha Iran, taas oo bilaabatay bartamihii bishii Abriil ay sii jiri doonto ilaa inta si buuxda looga dhammaystirayo heshiiskaas.

Isbeddelka ku yimid hadalka Trump

Farriintan dambe ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid hannaankii hadalka Trump ee saacadihii hore ee Khamiista, markaas oo uu ku hanjabay duqeymo hor leh, isagoo sheegay in ciidamada Mareykanka ay dhowaan la wareegi doonaan kaabeyaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan saliidda Iran.

“Ciidamada Mareykanka waxay Iran ku garaaci doonaan si adag caawa,” ayuu Trump soo dhigay saacado ka hor. “Waqti aan fogeyn kadib, waxaan la wareegi doonaa Jasiiradda Kharg iyo xarumaha kale ee kaabeyaasha saliidda, waxaanan si buuxda u maamuli doonaa suuqyadooda saliidda iyo gaaska, si la mid ah sidii aan ku sameynay Venezuela.”

Ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee Jasiiradda Kharg

Jasiiradda Kharg waxay udub-dhexaad u tahay dhoofinta saliidda dalka Iran. Weerar kasta oo lagu qaado kaabayaasheeda tamarta wuxuu cawaaqib-xumo weyn ku keeni karaa suuqyada saliidda adduunka oo markii horeba qarka u saarnaa burbur.

Dhoofinta saliidda ayaa weli ah isha ugu muhiimsan ee dakhliga dowladda Iran, taas oo Jasiiradda Kharg ka dhigaysa hantida ugu muhiimsan ee dhinaca dhaqaalaha dalkaas.

Khatarta dagaal loo dhan yahay oo dib u qarxa

Go’aanka Trump ee barta bulshada ayaa imanaya kadib markii Mareykanka iyo Iran ay isweydaarsadeen weerarro culus maalintii saddexaad oo xiriir ah, taas oo Bariga Dhexe qarka u saartay dagaal ballaaran.

Weerarkii u dambeeyay ee Mareykanka, oo socday ilaa subaxnimadii Khamiista ee waqtiga Iran, ayaa u muuqday mid ka xoog badan kuwii dhacay dhowrkii maalmood ee ka horreeyay.

Iran ayaa soo saartay macluumaad aad u yar oo ku saabsan baaxadda khasaaraha gaaray, waxayna sheegtay inay gantaallo uga jawaabtay dhinaca waddamada Kuweyt, Baxrayn iyo Urdun, sidii ay samaysay maalintii ka horreysay.

Ciidamada Mareykanka ayaa sii wada xannibaadda dhinaca badda, iyagoo sheegay in Khamiistii ay gantaal ku dhufteen markab taangi ah oo isku dayayay inuu qaado saliidda Iran si ay u curyaamiyaan.

Mas’uul u dhashay dalka Hindiya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerar uu Mareykanku ku qaaday markab ganacsi oo kale horraantii toddobaadkan uu ku dilay saddex badmaax oo u dhashay Hindiya.

Isweydaarsigan cusub ee madaafiicda iyo gantaalaha ayaa yimid xilli dadaallada nabadeed ay u muuqdeen kuwo istaagay. Trump ayaa horay uga digay Tehran inay “bixin doonto qiimaha” haddii horumar laga gaari waayo wada-hadallada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarrada Mareykanka ay “si dhab ah uga dhigeen xabbad-joojinta mid aan macno lahayn,” inkastoo aysan si rasmi ah u sheegin inay ka baxday xabbad-joojinta.

Loolanka marinka Hormuz iyo barnaamijka nukliyeerka

Udub-dhexaadka wada-hadallada ayaa ah xayiraadda ay Iran saartay Marinka Hormuz, taas oo carqaladeysay saadka tamarta adduunka, kor u qaadday qiimaha shidaalka, kuna qaalisay cuntada iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee caalamka oo dhan.

Iran ayaa ku dhawaaqday in marinkaas la xiray, laakiin ma cadda waxa ay taasi ka dhigan tahay maadaama ay markii horeba si weyn u xaddidday isu-socodka biyahaas.

Hoggaanka Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa diiday sheegashada Iran, Trump-na wuxuu sheegay in Mareykanku uu sameeyay hawlgal qarsoodi ah toddobaadyadii la soo dhaafay si maraakiibta looga dhex mariyo marinkaas xasaasiga ah.

Dhinaca kale, labada dhinac ayaa weli isku khilaafsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Tehran waxay ku adkeysaneysaa inuu yahay mid nabdoon, balse Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka cabsi qaba in loo isticmaalo dhisidda hub atomik ah, sababo la xiriira kaydka weyn ee yuraaniyamta la hodmiyay ee ay Iran haysato.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa caddeeyay in sababta ugu weyn ee ay dagaalka u galeen 28-kii Febraayo ay ahayd sidii loo hubin lahaa in Iran aysan waligeed awood u yeelan karin inay soo saarto hubka nukliyeerka.

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aamiyay in waddooyinka Muqdisho…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu mamnuucayo in lo’da lagu sii daayo waddooyinka magaalada Muqdisho, si wax looga qabto dhibaatooyinka la xiriira nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta la wadaagay go’aan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo mamnuucaya lo’da lagu daayo waddooyinka magaalada.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kadib wada-tashi uu guddoomiyuhu la yeeshay qoysaska lo’da ku dhaqda gudaha Muqdisho iyo sidoo kale cabashooyin muddo dheer ka jiray caasimadda oo la xiriiray saameynta ay lo’du ku leedahay isu socodka iyo nadaafadda magaalada.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in lo’da lagu sii daayo waddooyinka ay sababto wasakh iyo nadaafad-darro ka dhalata saxarada xoolaha, taas oo saameyn ku yeelata caafimaadka bulshada iyo deegaanka, isla markaana dhaawacda muuqaalka guud ee caasimadda.

Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in lo’du ay carqalad ku noqoto isu socodka gaadiidka, iyadoo mararka qaar sababta shilal, ciriiri iyo khataro saameeya badqabka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka caasimadda.

Dhanka kale, maamulka ayaa tilmaamay in lo’da lagu daayo goobaha dadweynaha ay caqabad ku tahay dadaallada lagu dhiraynayo laguna qurxinayo magaalada Muqdisho, maadaama ay baabi’iso geedaha iyo dhirta lagu beero waddooyinka iyo goobaha cagaaran.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay jirto khatar caafimaad oo ka dhalan karta caanaha iyo hilibka xoolaha quuta wasakhda iyo qashinka lagu tuuro goobaha furan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amray in si buuxda loo mamnuuco lo’da lagu sii daayo waddooyinka Muqdisho, iyadoo dadka dhaqda lo’da la siiyey muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabanaysa 16-ka Juun 2026 kuna eg 27-ka Juun 2026, si ay u xareeyaan xoolahooda.

Maamulka ayaa sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko lo’ ay waddooyinka ku sii daysay marka ay dhammaato muddada loo qabtay, isagoo ugu dambayn uga mahadceliyey shacabka iyo qoysaska dhaqda lo’da wada-shaqaynta ay muujiyeen.

Cumar Cartan oo lagu dhawaaqay inuu dhex-dhexaadin doono finalka Super Cup-ka Yurub

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kadib markii loo sheegay Garsoore Cumar Cartan inuusan wax garsoor ah ka qaban doonin Koobka Adduunka, iyadoo dib looga soo celiyay dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu abaal mariyay inuu qaban doona tartan weyn.

Xiriirka  ciyaaraha Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday in garsooraha u dhashay dalka Soomaaliya ee Cumar Cartan uu dhex-dhexaadin doonaa ciyaarta weyn ee Super Cup-ka ee dhexmari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.

Cartan ayaa loo doortay inuu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha matalaya qaaradda Afrika ee Koobka Adduunka, baddalkeedase waxaa diiday hay’adda Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamka Mareykanka (CBP) ee Garoonka Caalamiga ah ee Miami, waxaana dib loogu soo celiyay duulimaad dalka Turkiga.

Cartan ayaa ku adkaystay inuu watay waraaqihii saxda ahaa iyo dhalashadii/viisadii saxda ahayd, laakiin maamulka Trump ayaa u ogolaan waayay inuu galo gudaha Mareykanka. Go’aankan ayaa dhaliyay carro xooggan oo ka timid adduunka kubadda cagta, kuwaas oo garab istaagay garsooraha Soomaaliyeed.

UEFA ayaa muujisay garab istaaggeeda iyadoo u dhiibtay hoggaaminta ciyaar weyn oo dhici doonta bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Kadib markii ay dib u soo celiyeen saraakiisha xadka Mareykanka, guddiga maamula kubadda cagta Yurub ayaa xaqiijiyay inuu garsoori doono kulanka Super Cup-ka ee bisha Ogosto ka dhici doona magaalada Salzburg.

“Go’aanka Artan loogu magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta Koobka Super Cup-ka ee UEFA ayaa loo qaatay iyadoo la raacayo hannaanka Is-fahamka ee dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo dhiiri-geliyo iskaashiga dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda.

“UEFA iyo CAF waxaa ka go’an ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan horumarinta kubbadda cagta ee heer kasta iyo horumarinta qiyaamka asaasiga ah ee midnimada, sinnaanta, iyo takoor-la’aanta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEAFA.

Madaxweynaha UEFA, Alexander Ceferin ayaa sidoo kale ku daray in Cumar Cartan uu yahay garsoore daddaalaya, dhallinyaro ah oo aad u wanaagsan laakiin haddana khibrad leh, kaasoo isku caddeeyay heerka tartanka ugu sarreeya ee Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika.

“Kubbadda cagta waxaa loo sameeyay inay dadka isku xirto, UEFA-na waxay rabtaa inay muujiso ixtiraamka ay u heyso Cumar iyo xirfaddiisa garsoornimo ee aadka u sarreysa, taasoo u horseeday magacaabistan sharafta leh. Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibkay, Madaxweynaha CAF Patrice Motsepe, oo si xamaasad leh u taageeray dadaalkayaga.”

Cartan waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican Afrika, wuxuuna qarka u saarnaa inuu noqdo wakiilkii ugu horreeyay ee abid dalkiisa uga qeyb gala Koobka Adduunka. Waxaa loo magacaabay sarkaalka ugu fiican qaaradda, isagoo sidoo kale soo maamulay labo ciyaarood oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika.

Tallaabadaan ayaa durba qoyska ciyaaraha ee dunida ku kala firirsan aad u soo dhoweeyay, iyagoo taageero xad-dhaaf ah u muujiyay garsooraha Soomaaliyeed, taasoo uu ku hilmaamay hab-dhaqanka xun ee saraakiisha socdaalka Mareykanka ula dhaqmeen Cumar Camar.

Muqdisho: Haweeney uu gubay ninkeeda oo geeriyootay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiyo Cali oo ahayd hooyo dhashay 11 carruur ah ayaa maanta ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dab la sheegay in ninkeeda uu ku gubay habeenkii Arbacada.

Marxuumadda ayaa la sheegay in lagu gubay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, iyadoo falkaas uu geystay ninkeeda oo lagu magacaabo Sayid Cumar, sida ay sheegeen ehelada qoyska.

Ehelada Safiyo Cali ayaa u sheegay warbaahinta in marxuumaddu saacadihii la soo dhaafay la tacaalaysay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray gubashada, hase yeeshee ay ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawacyadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Safiyo Cali iyo Sayid Cumar ay maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnayd muran iyo khilaaf qoys, ka hor inta uusan dhicin falka sababay geerida Safiyo.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in eedeysanaha lagu magacaabo Sayid Cumar uu ka baxsaday magaalada Muqdisho kadib markii uu geystay falkaas, iyadoo aan weli la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

Ehelada marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhacdadan, isla markaana ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno ninka lagu eedeeyay dilka Safiyo Cali, si loogu qaado tallaabo sharci ah.

Si kastaba, qoyska marxuumadda ayaa sheegay inay aasi doonaan gabadhooda, iyagoo si cad u diiday inay qaataan wax mag ama diyo ah, waxayna ku adkaysteen in waxa kaliya ee ay doonayaan ay tahay in sharciga la marsiiyo eedeysanaha loo haysto falkan naxdinta leh.

Aadan Madoobe oo deg-deg ula wareegay xilka madaxweynaha K/G + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si deg-deg ah xilka ula wareegay, kadib markii uu shalay kusoo baxay doorashadii ka dhacday Baydhabo, isaga oo helay 88 cod.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaamiyihii kumeel gaarka ee xilka sii hayay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Inta ay socotay munaasabadda Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hoggaamiyaha cusub ku wareejiyey dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka loo doortay, una rajeeyey inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Dhankiisa Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa shaqadii iyo dadaalkii uu geliyey xilliga kala guurka, isaga oo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska Dowladda Koonfur Galbeed.

Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jowhar

0

Jowhar  (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha heer federaal iyo heer dowlad-goboleedka iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh ee caasimada Jowhar ayaa ah inuu daah-furo mashaariic horumarineed oo waa wayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha madaxtooyo casri ah, xarumo wasaaradeed iyo waddooyin muhiim ah oo laga hirgeliyay magaaladaasi.

Sidoo kale, waxaa haatan HirShabelle ku sugan madaxdii ugu badneyd oo goobjoog noqon doono mashaariicda maanta laga daah-furayo halkaasi, iyada oo qorshuhu yahay in sidoo kale madaxdu ay dhagax dhigaan kuwa kale.

Dhanka kale, Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howl-gallada sugidda nabad-gelyada si loo xaqiijiyo ammaan buuxa inta uu socdo safarka madaxweynaha.

Inta uu madaxweynaha ku sugan yahay Jowhar, waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo looga hadli doono xaaladda guud ee amniga, horumarinta, adeegyada bulshada iyo sidoo kale doorashooyinka.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, isla markaana lagu dardar-gelinayo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Si kastaba, safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jowhar ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay maamulka HirShabelle ka wado qabashada doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo guddiga doorashada uu muddeeyay in 9-ka July 2026 ay qabsoomi doonto doorashada hoggaamiyaha HirShabelle.

Xiisad culus oo ka soo cusboonaatay degmada Cabdicasiis iyo mucaaradka oo..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad horleh oo markale kasoo cusboonaatay gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo dhawaan ay ku dagaalameen dowladda iyo mucaaradka.

Xiisaddan cusub ayaa salka ku hayso burburin ay ciidamada Booliska haatan ka bilaabeen Buulo-goley ee degmada Cabdicasiis, kadibna waxay isku dhaceen dadka deegaanka, taas oo keentay isku dhac sababay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay adeegsadeen rasaas, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dhinaca kale mucaaradka oo ka hadlay falkan ayaa si xooggan ugu cambaareeyay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay weli sii waddo burburinta dhalalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeeyay dhibanayaasha, wuxuuna dhanka kale eedeymo u jeediyay Xasan Sheekh.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawllan dhulboob uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto shacabkii uu taliska ku dilay weerarkan, una boogadhayo intii uu ku dhaawacay”, ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in aan weli la joojin burburinta dhulalka ee caasimada, welina uu socda barakicinta shacabka iyo xasuuq, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday oo horay u sheegay in uu joojiyay dhulboobka uu maanta ku hawllan yahay boobka dhulka dantaguud, barakacinta danyarta, iyo xasuuqa shacabka, taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay gaboodfallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.

Xiisadda degmada Cabdicasiis ayaa mar kale soo cusbooneysiineyso muranada dhulalka, iyada oo dhawaan ay dowladdu sheegtay in gabi ahaanba la joojiyay duminta xaafadaha ay dagan yihiin shacabka balse boobka ayaa weli sii socda.

Cawad oo ka digay kalitalisnimo ka hanaqaada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka falceliyay hadalka kasoo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor oo shaaciyay inay ku baraarugsan yihiin qorshe lid ku ah maamulkooda oo ay waddo Dowladda Federaalka, xilli haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo deegaannada Puntland.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hadalka Lugatoor ee ku aadan in la difaaco jiritaanka Puntland, lagana hortago qorshaha uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay si weyn isku hayaan Saciid Deni.

“Waa ku raacsanahay Madaxweyne Ku-xigeenka inaan kulligeen ka ilaalino Puntland hardaamada iyo kalitalisnimada Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda Soomaaliya oo dhan halis ku ah,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Dhanka kale, Cawad ayaa ka digay maamul xumo dumiso Puntland iyo kalitalisnimo gudaha ah, isaga oo soo jeediyay in iyadana laga hortago.

“Madaxweyne Ku-xigeenku ha nagu raaco inaan Puntland ka ilaalinno inay dumiso maamul-xumo iyo kalitalisnimo gudaha ah,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Qorshahan ayaa madaxda sare ee maamulka ee Puntland kusoo baraarugtay kadib mudo sanad ah oo uu socday in ciiddamo taabacsan dowladda Soomaaliya laga qorayo deegaannada maamulkaasi.

Dadka Puntland ayaa arintan u arka mid lagu cuuryaaminayo horumarka bulsho iyo dhaqdhaqaaqyada kala dhaxeeya gobolada kale ee Soomaaliya, waxayna hadalka madaxda u arkaan arin aan waxba laga qaban karin.

Waxaa kale Madaxda Puntland oo ku mashquulsanaa arrimo kale waxay xiligaan kusoo baraarugeen kacdoon bulsho iyo mid lid ku ah maamulka xiligaan hoggaanka u haayo ee uu hoggaamiye Saciid Cabdullahi Deni oo ay u arkaan siyaasi damac siyaasadeeed ka leh hoggaanka sare ee Federaalka.

Xiligaan Puntland waxay wajaheysaa culeysyo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay diidmada maamulka Saciid Deni oo hoos u dhigay inay Puntland hesho kab-kii miisaaniyadeed ee Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay ka heli jirtay

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay, kaas lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa timid kadib markii dhaq-dhaqaaq laga dareemay aaga magaalada Baydhaba, kadibna diyaarado dagaal ayaa beegsaday maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diyaarinayay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Khawaarijta ayaa doonayay in ay soo weeraraan fariisimaha ciidamada dolwada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla koonaha magaalada, balse markii la ogaaday kadib ayaa lagu duqeeyay goobta.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa innoo sheegay in howlgalkan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay argagixisada, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeynta Al-Shabaab lagu beegsaday ee ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba.

Horay waxaa magaaladan weerarro uga fuliyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo illaa iyo hadda ku sugan agagaarka Baydhaba, halkaas oo ay ku leeyihiin fariisimo ciidan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli shalay Koonfur Galbeed ay ka dhacday doorashada maamulka OO Madaxweyne loogu doortay Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen oo hadda dibad joog ah.