27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

NIRA oo si rasmi uga shaqo bilowday SSC iyo Firdhiye oo noqday qofkii u horreeyay ee…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xarunta cusub ee Hay’adda Diiwaangelinta Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) ayaa maanta si rasmi ah looga daah-furay magaalada Laascaanood er xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo.

Xaruntan oo uu maanta xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee laga furo gobollada waqooyi.

Xaruntan ayaa bulshada deegaanka u qaban doonta adeeg muhiim ah, iyaga oo ka heli doona Kaarka Aqoonsiga Qaranka (National ID), waxaana ay ka baaqsan doonaan safarro dheer oo ay adeeggaan ugu aadi lahaayeen meelo kale.

Qofkii ugu horreeyay ee lagu diiwaan-geliyo xarunta Laascaanood ee NIRA ayaa noqday hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye.

“Qofka muwaadinka ah waa in la diiwaan-geliyaa oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah. Marka xaqiiqdaas ayaa ka dhalatay in reer Khaatumo laga hirgeliyo adeeggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay munaasabadda xarig-jarka xaruntan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray: “Xarig-jarka xaruntan kadib, waxaan maanta ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyay ee la diiwaan-geliyo.”

Aqoonsiga Qaranku waa xaq Dastuuri ah oo muwaadin kasta uu xaq u leeyahay, si uu u helo aqoonsi qaran iyo diiwaangelin. Waana saldhigga horumarka uu qaranku hiigsanayo.

Xukuumadda Dan-Qaran oo fulinaysa waajibkaas, ayaa dib u yagleeshay Aqoonsi Qaran oo dhijitaal ah, xogtiisuna sugan tahay.

Dil maanta ka dhacay xarun degmo oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil maanta ka dhacay xarunta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay wiil dhalinyaro ah.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoog ah, dilkan ayaa waxaa geystay nin hubeysan oo ka tirsan askarta maamulka degmada Deyniile.

Dilka ayaa ka dhacay albaabka hore ee xarunta, iyadoo wiilka dhalinyarada oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mustaf Axmed Geedi uu isla markiiba ku naf baxay goobta, kadib toogashada askariga u geystay.

Ninka dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamada amniga ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobay ninka dilka geystay oo la sheegay inuu ka tirsanaa ilaalada xarunta degmada Deyniile.

Weli laamaha amniga ee degmada Deyniile kama hadlin dhacdadan, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkan loo geystay wiilka dhalinyarada ah.

Magaalada Muqdisho oo waayadii dambe ka reysatay dilalka ay geystaan askarta, kadib go’aanno adag oo dowladda ka soo saartay, haddana waxaa muuqata in aan weli xal rasmi ah loo helin arrintaan.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha dhacdadan kala soco Caasimada Online.

Boosaaso oo noqotay xarun laga daabulo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah

Bogota (Caasimada Online) – Askar hore oo u dhashay dalka Colombia ayaa loo qaaday dalka Suudaan si ay u xoojiyaan ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), iyadoo loo ballan qaaday mushaar fiican laguna khiyaaneeyey in ay ilaalin doonaan xarumo shidaal baaris ah.

“Naxariis ma jirin – sheekadan u bixi cinwaanka ah: ‘Waxay ka baxsadeen naarta’,” ayuu yiri askari hore oo Colombian ah, intii uu ku jiray wicitaan muuqaal ah oo gariiraya. Wuxuu la hadlayey mid ka mid ah ragga uu Suudaan kula dagaallamay afar bilood. Labadooduba waxay galeen dagaalka iyagoo ah calooshood u shaqeystayaal. Isagu bishii hore ayuu kusoo laabtay dalkiisa.

Labadan nin waxay ka tirsanaayeen guuto lagu magacaabo “Desert Wolves” – magac sir ah oo loo adeegsaday afar shirkadood oo dhamaantood ka kooban askar hore oo Colombian ah.

Waxa loo diray Suudaan si ay u xoojiyaan RSF – koox u tababaran sida militariga oo sanadkii 2023 afgambi ku qaaday dowladda militariga Suudaan ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan.

Suudaan, waxaa haatan ku sugan 24.6 milyan oo la ildaran macaluul, halka 12 milyan oo kale ay ka barakaceen guryahooda – taasoo ka dhigtay dhibaatada barakaca ugu ballaaran adduunka.

RSF oo lagu xoojiyey askar Columbian ah

RSF, oo hadda lagu xoojiyey dagaalyahanno Colombian ah, ayaa lagu eedeeyey dambiyada dagaal ee ugu xun – gaar ahaan hor istaagga gargaarka bini’aadantinimo. Sida ay daabacday La Silla Vacía, ku dhawaad 300 oo askar hore oo Colombian ah ayaa kooxda ku biiray tan iyo sanadkii hore, qaar badan oo ka mid ahna waxaa loo sheegay howlgal amni, balse la geeyey dagaal toos ah.

Waxay u sii mareen shabakad calooshood u shaqeystayaal ah oo uu hoggaamiyo Álvaro Quijano, oo ah sarkaal hore oo Colombian ah. Wuxuu la shaqeeyaa shirkad ammaan oo gaar ah oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Global Security Service Group.

Mid ka mid ah askarta dhowaan kasoo laabtay Suudaan, oo fadhiyey maqaaxi ku taalla Bogotá isagoo qaxwo kulul cabaya, ayaa dib u milicsaday bilowgii: “Waxaan meesha tegey annagoo ahaa ilaa 150. Annagaa ahaa guutadii ugu horreysay. Waxaan tagnay dhamaadkii 2024,” ayuu yiri.

Ninkan, oo codsaday in loogu yeero Héctor si loo ilaaliyo amnigiisa, wuxuu ka mid yahay afar askari hore oo wareysi siiyey La Silla Vacía. Waxay bixiyeen sawir dhammaystiran oo ku saabsan doorkii Colombian-ka ku lahaayeen dagaalka Suudaan.

Qiyaasta Héctor, ilaa 80 askari oo saaxiibadiis ahaa ayaa dalka kusoo laabtay, laakiin laba guuto oo cusub ayaa gaaray Suudaan tan iyo bishii December. Wuxuu rumeysan yahay in hadda ay u dhaxeyso 350 ilaa 380 askari hore oo Colombian ah oo ku sugan goobaha dagaalka.

La Silla Vacía waxay heshay dukumiintiyo sir ah, muuqaal dagaal iyo sawirro goobeed oo muujinaya ka qeybgalka Colombian-ka – gaar ahaan dagaalka El Fasher, oo ka mid ah meelaha ugu dhiigga badan. Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay RSF inay joojiyaan go’doominta magaaladaasi.

Shaqo shidaal ilaalin ah oo isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah

Qoraallo 18 bog ah oo xambaarsan amarrada sirta ah ee loo diray guutada Colombian-ka ee lagu geeyey El Fasher ayaa xambaarsanaa tilmaamo ku saabsan ilaalinta xeerarka caalamiga ah ee dagaalka iyo xuquuqda aadanaha.

Laakiin tilmaamahaasi way iska hor imanayaan falalka RSF – oo ay ku jiraan eedeymo ah dambiyo dagaal, sida xasuuq iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah.

Héctor wuxuu sheegay in guutadoodu ay El Fasher gaareen bishii November 2024. “Dagaalku wuxuu ahaa guri-guri, jid-jid. Ma ciyaartay Call of Duty? Sidaas ayuu ahaa,” ayuu yiri.

Wuxuu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo lala galay shirkadda GSSG, taasoo sheegtay in shaqadoodu noqon doonto ilaalinta xarumaha shidaalka ee Bariga Dhexe ama Afrika. Laakiin halkii la geeyn lahaa goobahaas, waxaa lagu daabulay Suudaan.

Baasaboorkiisa wuxuu muujinayaa inuu ka duulay Abu Dhabi ilaa Benghazi, Libya. Halkaas waxaa baasaboorradoodii ka qaaday rag uu sheegay inay ahaayeen askar Libyaan ah. “Waxay noo sheegeen in qofna uusan ka bixi doonin Libya ilaa aan gaarno RSF,” ayuu yiri.

Waxa lagu hayey xero ciidan muddo toddobaadyo ah, kadibna waxaa lagu qaaday baabuurta nooca pickup-ka ah, waxaana loo sii gudbiyey xadka Suudaan iyagoo ka tallaabay saxaraha.

“Markii aan Libya ka gudubnay, waxaan gacanta u galnay koox burcad ah,” ayuu yiri Héctor. “Waqtigaas waan hubeysnaa. Markii aan gaaray xadka Chad iyo Suudaan, weerar ayaa nagu dhacay. Burcaddii waxay si degdeg ah u amreen in aan dhaqaaqno.”

Habeenkii, lix baabuur oo pickup ah ayaa kasoo muuqday iyadoo nalka dansan yahay, mid walbana wuxuu lahaa qori weyn oo .50 cal ah. Hal baabuur ayaa isku dhacay, waxaana lugta ku dhaawacmay askari hore oo lagu magacaabo Christian Lombana.

Kadib, maleeshiyaad taageersan dowladda Suudaan ayaa helay aqoonsi, baasaboorkii iyo xitaa kaar baska Bogotá ee Lombana – kuwaasoo markaas baraha bulshada lagu faafiyey. Waxaa la rumeysan yahay in Lombana la geeyey Imaaraadka si lugta looga qalo.

Héctor iyo saaxiibadiis waxay aaminsan yihiin in la iibiyey – waxayna tuhun ka qabaan in saraakiil Libyaan ah ay siiyeen xogtooda maleeshiyaadkii weerarka qaaday. Markii dambe, amar cusub ayaa ka yimid Colonel Quijano: u gudba RSF.

Dagaalka El Fasher iyo weerarrada “tayra”

Héctor wuxuu sheegayaa in guutadoodu ay gaareen bannaanka El Fasher dhammaadkii 2024. Colombian hore ayaa horey u joogay halkaas – gaar ahaan kuwa ku takhasusay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drones). Saddex kamid ah ayaa halkaas ku dhintay – maydkoodana lama soo celin.

Ciidamada Suudaan waxay sheegeen inay dileen 22 askari Colombian ah iyo afar Imaaraad ah 29-kii November 2024, balse askarta Colombian-ka ah waxay sheegeen in kuwii dhintay ay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka tirsan Wagner (Africa Corps).

Dagaalyahannada Colombian-ka ah waxay la kulmeen weerarro drone ah, qaraxyo iyo duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Suudaan – kuwaasoo ay ugu yeeraan “tayra”. “Subax kasta, waardiyaha wuxuu ku qeylin jiray: ‘Tayra! Tayra!’ Dabadeedna dhulka ayaad isku tuuri jirtay,” ayuu yiri Héctor.

Tilmaamaha Desert Wolves waxaa ku jira wax ka qabashada weerarada drone-ka. “Haddii ay dhacdo weerar is-qarxin ah, la mid noqda habka loo wajaho weerarka diyaaradda ‘tayra’,” ayaa lagu qoray dukumiintiga.

Waxaa la xaqiijiyey in askarta Colombian-ka ay dhaawacyada ka daryeelaan dagaalyahanno RSF ah – qaar badan oo ka mid ahna waa carruur. “Waxaan daaweynay wiilal 10 ama 11 jir ah,” ayuu yiri Héctor, isagoo muujinaya muuqaal wiil yar oo dhaawacmay kadib weerar drone ah.

Si kastaba, Héctor iyo saaxiibadiis waxay codsadeen in dib loo celiyo. Waxay sheegeen in aysan helin lacagihii ballanqaadka ahaa, caymisyadii dhimashada ama gunnooyinkii. Shirkadda A4SI waxay ballanqaadday $5,000 bil kasta oo labaad si askarta loo qanciyo, balse ma aysan fulin.

Nyala oo noqotay xarunta calooshood u shaqeystayaasha

Nyala, caasimadda Koonfurta Darfuur, ayaa noqotay saldhigga ugu weyn ee Colombian-ka. Sida ay sheegtay Reuters, RSF ayaa ka dhistay saddex hangar oo waaweyn garoonka Nyala, halkaasoo laga arkay drones sahamin ah.

Hadda, socodka Kolombiyaanka wuxuu maroaa waddo cusub: Madrid ilaa Itoobiya, kadib Boosaaso (Soomaaliya), markaasna N’Djamena (Chad) iyo ugu dambeyn Nyala, halkaasoo RSF ay garoonka gacanta ku hayso.

Markii uu dib ugu laabtay Colombia, Héctor wuxuu sitay laba shaabadood – mid ka timid Imaaraadka iyo mid laga bixiyey dekedda Boosaaso. Waxaa la rumeysan yahay in Imaaraadka uu saldhig ciidan halkaas ka dhistay.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyey xoojiyey saameyntiisa magaalada Boosaaso, isagoo si weyn ugu maalgeliyey kaabeyaasha dekedda. Wuxuu sidoo kale taageero ciidan siiyey Soomaaliya – heer ay qaar ka mid ah askarta Colombian-ka ee dib ugu laabtay dalalkooda sheegeen in ay ka gudbeen saldhig ciidan oo Imaaraadku leeyahay.

“Boosaaso way fududahay in looga tallaabo Chad,” ayuu yiri mid ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha. “Imaaraadku wuxuu halkaas ku leeyahay saldhig ciidan, heshiisna wuu ku leeyahay si uu u isticmaalo.”

“Waxaan u tegey si aan nolosha u hagaajiyo,” ayuu yiri Héctor. “Laakiin markii aan gaarnay, waxaa nalagu khasbay dagaal.” Si kastaba, shaqo dalka gudihiisa laga helo oo lacagtaas la mid ah way adag tahay.

Marka la weydiiyo sababta raggan u sii socdaan, jawaabtu waa mid: lacag iyo khiyaano. “Waxaa la leeyahay tababare ayaad tahay, balse markii aad timaaddo, dagaal toos ah ayaad geli doontaa,” ayuu yiri mid.

Mushaarka ballanqaadka ah wuxuu ahaa $2,600 askarta caadiga ah iyo $3,400 serjannada – laakiin qaar badan lacagtii kama aysan helin.

Colombia oo mamnuucaysa calooshood u shaqeystanimada

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro wuxuu cambaareeyey calooshood u shaqeystanimada bishii November 2024. Wuxuu faray wasaaradda arrimaha dibadda inay soo celiyaan askarta baxday. Weli, maydkoodii lama soo celin.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sidoo kale hor keentay sharci lagu mamnuucayo calooshood u shaqeystanimada, si loo joojiyo askarta hore oo aan hadda la xakameyn karin. Sharicigan wuxuu marayaa akhrintiisii labaad ee Senate-ka.

Dhinaca kale, hay’adaha caalamiga ah iyo NGO-yada ayaa ka digaya in dagaalka Suudaan uu sii kululaan doono. Hawlgallada Kolombiyaankuna wali way socdaan. 

Elon Musk’s Starlink granted license to operate in Somalia

Mogadishu, Somalia — Somalia’s National Communications Authority (NCA) has granted a telecommunications license to Elon Musk’s satellite internet firm Starlink, allowing the company to begin operations in the country.

The license was awarded during a ceremony held in the capital, Mogadishu, attended by senior government officials and representatives from Starlink. The event marked a significant step toward expanding internet access across Somalia, particularly in rural and underserved areas.

Starlink was represented by Ryan Goodnight, Senior Director of Market Access, and Micaela Pawlak, Market Access Manager. Both reaffirmed the company’s commitment to providing satellite internet across Somalia.

NCA Director Mustafa Yasin Sheikh said Starlink’s arrival supports national efforts to deliver internet services countrywide. “We expect this service to especially benefit Somali citizens, businesses, and government institutions in areas where internet access has been limited,” he said.

Minister of Communications and Technology Mohamed Adan Moalin welcomed Starlink’s entry, saying it aligns with the government’s long-term vision.

“We are pleased to welcome Starlink to our country. This step supports our goal of ensuring all Somalis, wherever they are, have access to affordable and far-reaching internet services,” the minister said.

Somalia currently relies on several undersea fiber-optic cables that connect coastal regions to the global internet. The addition of Starlink’s satellite-based service is expected to complement existing infrastructure and extend connectivity to remote parts of the country.

Officials say the new service will help ensure that all Somalis can benefit from digital access, improve public services and support economic growth in underserved areas.

Shan qodob oo uu Xasan Sheekh ka sheegay Itoobiya, Somaliland, Gaza iyo Turkey

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, Turkiga, oo ay ka qayb galeen madax badan oo caalami ah. Hadalkiisa waxa uu diiradda saaray shan qodob oo muhiim ah: xaaladda Soomaaliya, xiriirka dalalka dariska, arrimaha Bariga Dhexe, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo taageerada caalamiga ah.

Madasha Antalya, oo ay Turkigu martigeliyaan, ayaa ah goob looga hadlo xaaladaha taagan ee caalamka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay door ka qaadato xasiloonida caalamka iyo tan Bariga Dhexe.

Madaxweynayaasha ka qeyb galay sanadkan waxaa ka mid ahaa madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharac.

Taageerada Turkiga iyo xiriirka labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga yihiin “saaxiibo dhab ah” oo xiriirkoodu ku saleysan yahay dano wadaag ah. Waxa uu xusay in Soomaaliya ka soo kabaneyso burburkii, isla markaana ay horumar la taaban karo ka samaysay hay’adaha dowliga ah, inkasta oo aysan weli gaarin heerka la rabo.

Wuxuu tilmaamay in xiriirka Turkiga uu si dhab ah u bilaabmay kadib markii Turkiga uu garab istaag u fidiyay Soomaaliya sanadkii 2011, markaas oo abaartu ay si daran u saameysay dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale xusay in arrinta ugu weyn ee Soomaaliya haysata ay tahay argagixisada, isagoo muujiyay mahadnaqa taageerada Turkiga oo ay ka mid tahay bixinta tababarrada, qalabka, iyo la-talinta ciidamada amniga.

Turkigu waxa uu sidoo kale martigeliyay wadahadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhashay heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland sanadkii 2024.

La-dagaallanka argagixisada

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaynayso la dagaallanka kooxahan, iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka, UK, Turkiga iyo dalalka dariska ah.

Waxaa uu ku dhawaaqay in markii ugu horreysay tan iyo 1969, la qaban doono doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay jirto kala aragti duwanaansho arrintaas ku saabsan.

Horumarka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda ku fadhido kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay matalayso Bariga Afrika. Wuxuu ku adkaystay in Soomaaliya ay gaari doonto booska ay xaqa u leedahay.

Soomaaliya waxa uu sheegay in ay leedahay kheyraad qaali ah iyo goob istiraatiiji ah, balse hay’adaha dowliga ah aysan wali si buuxda u shaqeyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo isbeddello waara oo ay ka mid tahay fulinta ajendaha Midowga Afrika ee Hiigsiga 2063.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib ugu biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika muddadii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin taariikh dheer oo xiriir iyo colaado isugu jira. Waxa uu sheegay in xiisadaha hadda jira sabab u noqdeen in la daciifo xoogga la saaro horumarka.

Wuxuu tilmaamay in baaqii Ankara ee labada dal ay ku kala saxiixdeen uu ahaa fursad lagu dhisayo mustaqbal wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay ku jiraan wadahadallo soconaya. Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in labada dal aysan doonayn colaad, balse ay hiigsanayaan nabad waarta.

Qadiyada Falastiin iyo arrinta Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag u taageeray qadiyada Falastiin, isagoo sheegay in arrintani ay tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo diinimo. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda oo lagu beddelo dhul kale.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Ma jiro cid u furan in Falastiiniyiin la keeno Soomaaliya si loo beddelo dhulkooda. Taasi xal ma aha, mana aqbaleyno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isha: BBC

Xasan Sheekh oo shirka Golaha Wadatashiga ku casuumay hoggaamiyaha SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu yeeray Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), isagoo ku casuumay inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Casumaadda Madaxweynaha SSC Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaasx islamarkaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in muhiimadda shirka ay tahay sidii looga arrinsan lahaa mustaqbalka dalka, isagoo xusay in Madaxweynaha SSC Khaatumo uu madasha shirka fursad u heli doono inuu ka hadlo danaha iyo aragtida shacabka uu metelo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Maamulka SSC Khaatumo uu ku jiro marxalad cusub oo dhanka dhismaha maamulka ah, taasoo u baahan taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo yoolalka shacabka deegaankaasi.

Xamza Cabdi Barre wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay SSC Khaatumo, isla markaana ay aqoonsan tahay dadaallada ay wadaan si ay u helaan maamul rasmi ah oo matala shacabka deegaankaas.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay bilaawday inay si toos ah uga qeyb qaadato dhismaha xarumaha maamulka ee SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu dhisayo magaalada Laascaanood.

Si kastaba, casuumaadda Madaxweyne Firdhiye ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, taasoo muujinaysa in SSC Khaatumo ay si rasmi ah ugu soo biirayso hanaanka siyaasadeed ee dalka, iyadoo codkooda laga maqli doono miisaska go’aan qaadashada qaranka.

R/W Xamza oo mashaariic weyn ka dhagax dhigay SSC-Khaatumo + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah.

Mashaariicdan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka KMG ah SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:

𝟏. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟐. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝.
𝟑. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟒. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝.
𝟓. 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞
𝟔. 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟕. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).
8. 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨( 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥).

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta soo gaba-gabeynaya booqashadiisa Laascaanood ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay hoggaanka SSC, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dowladda federaalka xaqiijisay taageeradeeda SSC, oo haatan si weyn isku hayaan Somaliland.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

Cirro oo shaaciyay xog cusub oo la xiriirta aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay ololaha Somaliland ee ku aadan aqoonsiga, gaar ahaan rajada ay ka qabaan dalka Mareykanka.

Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The New York Times ayaa rajo aad u weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo”, sida uu ku caddeeyay wareysiga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u doorashadii Trump ay u noqotay fursaddii ugu wayneyd ee soo marta Somaliland, ayna ku gaari doonaan guusha ictiraafka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kalsooni wayn ay ku qabaan maskaxda ganacsi ee Trump, isla markaana labada dhinac ay kala heli doonaan fursado muhiim ah.

“Aniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la filayo in Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tego Washington, sida uu xaqiijiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna dhowaan booqasho ku tegay dalka Mareykanka.

Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab.

Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.

Daawo: DF oo keensatay qalabkii doorashada qof iyo cod iyo halka ay ka bilaabaneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa keensatay qalab ay sheegtay in lagu galayo doorashada soo socota, kaas oo lagu soo bandhigay munaasabad uu maanta Muqdisho ku qabtay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo faah-faahin ka bixiyay qalabka ay keeneen ayaa sheegay in maanta loo soo bandhigay dadka Soomaaliyeed, ururada syaasadda iyo saaxibada caalamka ah, si tijaabo loogu sameeyo, kahor doorashada.

“Maanta waxaan daah-fureynaa qalabka aan rabno inaan doorashada ku qabano, annaga oo u bandhigeyno dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalaka, waxaan rabnaa in qalabka la fiiriyo warbixin guudna laga bixiyo” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in waajibaadkooda ay gudanayaan, isla markaana doorashada golaha deegaanka la bilaabi doono bisha June ee sanadkan, iyada oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir, si dadweynaha ay usoo doortaan golayaashooda.

“Beri maahinee saa dambe dalka Soomaaliya waxaa ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta dadweynaha Soomaaliyeed oo loo diyaarin doono in bisha June sodonkeeda la qabto doorashada golaha deegaanka” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashada.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Diiwaan-gelinta waxa ay ka bilaabaneysaa gobolka Banaadir, kow waxay ka bilaaban doonto degmada Shangaani, kadibna waxaa ku xigi doono Shibis, Xamarweyne iyo degmooyinka kale, kadibna waxaa sii aadi doonaa gobollada oo dhan ee dalka”.

Dhawaan guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in illaa 5 urur ay is diiwaan-geliyeen, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.

SSC oo ka carootay hadalkii kasoo yeeray Xasan Sheekh kadib tegistii Xamza

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si caro leh uga fal-celiyay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo la xiriira safarka ra’iisul wasaare Xamza uu shalay ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa isaga oo faah-faahin ka bixinayay ujeedka safarka Xamza, wuxuu ku sheegay inuu la xiriiro nabadda iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga ayaa xusay in Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu dadaal u galayo sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isla-markaana uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta maxaabiista ee ay weli kala haystaan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in lagu jiro xal raadinteeda, ayna arrimahaasi qayb ka yihiin xaaladaha ka jira gudaha dalka, balse la xallin doono.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa si adag uga fal-celiyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha, wuxuuna uga jawaabay 3 qodob oo uu ku naqdiyay tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh.

“Nimco kastaa nusqaanteeda leh. Madaxweynihii Qaranka oo xamili kari waayey soo dhoweyntii heer qaran ee loo sameeyey RW Xamza iyo xubnihii xukuumadiisa ee maanta ka degey Laascaanood. Fariinta ku dhex jirta hadalka madaxweynaha:-

1- In shacabka SSC Khaatumo ay yihiin SomaliLand, 2- In la wada hadashiisiiyo dadka reer Laascaanood iyo Hargeysa xiisada gudahooda taal, 3- Si taasi u suurto gasho, in maxaabiista la is weydaarsado” ayuu yiri Garaad Mukhtaar oo qoraal kooban soo saaray.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha uu dhabarka jabiyay ra’iisul wasaarihiisa oo hadda booqasho ku joogo Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii aad baan uga xumahay in Madaxweyne Xassan Shiikh caawa dhabarka ka toogtey Raysal Wasaarihiisii iyo Xubnihii kale ee weheliyey, isaga oo xitaa fursad siin waayey inuu sugo safarka RW Xamza dhammaadkiisa” ayuu mar kale sii raaciyay.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul wsaaraha ku sheegtay mid lagu xoojinayo midnimada dalka, taasoo si weyn uga cadhaysiisay Somaliland oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Xasan oo saddex qodob kala hadlay Erdoğan + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya Madasha Diblumaasiyadda Antalya ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo xasaasi ah.

Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada-hadlay saddex qodob oo ku aadan iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay kulanka Xasan iyo  Erdoğan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Kulankan oo ayaa qayb ka ah shirar gaar gaar ah oo uu Madaxweynuhu ka wado dalka Turkiga, kuwaas oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee kasoo gayb-gashay Madasha Diblumaasiyadda Antalya oo looga hadlayo xaaladaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badr Abdel At oo Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynihiisa, isagoo sidoo kale u rajeeyay in la sii wado wada-shaqeynta labada dal oo haatan sii xoogeysaneyso.

Dr. Badr Abdel Aty ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo xiriirka Muqdisho iyo Qaahir oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo dhex-maray labada dowladood.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas qayb ka ahaa ciidamo ay Masar usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya.

Si kastaba, kor u qaadida iskaashiga labada dal ayaa ku yimid, wada-hadallo toos ah oo ay yeeshen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar,, kuwaas oo xiriirkooda sii xoojiyay intii ay taagnayd xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo haatan xal rasmi ah laga gaaray.

AUSSOM oo wajahaysa khatar dhaqaale iyo Midowga Afrika oo digniin u diray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Howl-galka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam ayaa si cad u muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM.

Sivuyile ayaa sheegay in xaaladda dhaqaale ee taagan ay khatar gelinayso sii jiritaanka howlgalka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in dhaqaale xumada jirta aysan ahayn mid sahlan, balse ay tahay dhibaato sababi karta burburka howlgalka.

Bam oo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si toos ah uga digay halista laga dhaxli karo haddii aan wax laga qaban caqabadaha dhaqaale ee soo foodsaaray howlgalka.

Wuxuu sheegay in xaaladda AUSSOM aysan hadda u muuqan mid la sii wadi karo haddii aan la helin taageero maaliyadeed oo degdeg ah. Isagoo sii faah-faahinaya ayuu tilmaamay in AUSSOM ay si weyn ugu tiirsan tahay maalgelin joogto ah iyo in ciidamo si habsami leh loo keeno gudaha Soomaaliya.

Wuxuu xusay in hakadka iyo dib-u-dhaca ku yimid bixinta mushaaraadka ay sababtay niyad-jab ballaaran oo soo wajahay shaqaalaha howlgalka, gaar ahaan kuwa rayidka iyo ciidamada milateriga ah.

Mushahar la’aanta oo sida uu sheegay qaadatay muddo u dhexeysa 7 ilaa 9 bilood, ayaa keentay in shaqaalaha qaar ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen howlgalka. Xaaladdan ayuu Bam ku tilmaamay mid dhaawac weyn gaarsiisay sumcadda iyo howl-maalmeedka AUSSOM.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in magaalada Kampala lagu qabto shir muhiim ah 25-ka April, kaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka iyo kala duwanaanshaha aragtida ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinaca maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sida laga warqabo, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo dhammeeyo kahor 30-ka June. Si kastaba, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelinta oo hor taagan hirgelinta qorshahaasi.

Qaraar uu horay u meel-mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda la wadaago si istiraatijiyadeysan oo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Bam wuxuu ku cel-celiyay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa xal waara oo dhinaca maaliyadda ah, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana aan dib loogu noqon qalalaasihii hore ee dalka ka jiray.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in haddii aan xal laga helin, ay dhici karto in howlgalka uu ku burburo sababo la xiriira dhaqaale xumo, taas oo si toos ah u saameyn karta amniga gobolka iyo dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhab ah uga fiirsato masiirka howlgalka AUSSOM, lana muujiyo taageero muuqata oo degdeg ah, si howlgalku u yeesho waqti, awood iyo agab uu ku fuliyo waajibaadkiisa amni iyo midka siyaasadeedba.

Yaa gar leh Wasiir Jaamac iyo Fahad Yaasiin – Fallanqeyn

Waxaa hadallo duurxul iyo dhaliilo ah hawada isu mariyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo horey usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga, iyo Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo ka tirsanaa dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Fahad ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu u adeegayo dowlado shisheeye. Fahad mar walba eeddiisa wuxuu saaraa dowlado uu isaga dantiisa ka waayo, isagoo qof walba oo ka aragti duwan ku sifeeya inuu u adeegayo dowlado kale, sida uu isaga ugu adeegi jiray Qatar iyo Itoobiya.

Wasiir Jaamacse wuxuu duray Fahad iyo kooxdiisa, isagoo ku eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxda Khawaarijta ee arxanka daran, kuwaas oo dalka iyo dadkaba dhaawac weyn u geystay intii ay haysteen talada sirdoonka iyo qeybaha kale ee amniga.

Wasiirku wuxuu xusay dhacdooyin caddaynaya sida Fahad Yaasiin u lumiyay miisaankiisii siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo sida isaga iyo kooxdiisu mar walba uga soo horjeedaan halganka lagula jiro argagixisada.

Waxaa kale oo uu sheegay in xilligii Fahad uu madax ka ahaa hay’adaha amniga, lacagaha baadda ee Al-Shabaab lagu siin jiray mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada laga jari jiray. Waxa uu ku eedeeyay inay saami ku lahaayeen cashuuraha laga qaado shacabka, taasoo dadka ku khasbeysay inay bixiyaan baadda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay hadalkii Farmaajo ka jeediyay 2012-kii taageerayaashiisa hortooda, isagoo sheegay in uu Muqdisho ku arkay beel dhaaftay beelaha kale 30 sano, haddii aan dib loo celin aysan suurtagal noqon doonin in dalka la simo. Wuxuu Farmaajo ku baaqay in beesha Muqdisho ay aqoon, dhaqaale, ganacsi iyo siyaasad ahaanba dhaaftay beelaha kale, loona baahnaa in dib loo celiyo si loo simo fursadaha.

Jaamac wuxuu ku eedeeyay in markii Farmaajo la doortay, isaga iyo kooxda uu Fahad kamid yahay ay gacmo furan ku qaabileen kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in la abaabulay qaraxyo badan, suuqyo la gubay, horumar la hor istaagay, lana abuuray xasillooni darro si dhallinyarada uga cararto dalka — dhammaan waa qorshayaal lagu curyaaminayo beesha uu Farmaajo ka ciil qabay, sida uu sheegay, Fahadna uu ahaa gacantii fulisay.

Waxaan leeyahay: Wasiir Jaamac waa Wasiirka keliya ee si cad u muujiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. In kasta oo ay jireen eedo iyo dhaliilo loo jeediyay muddadii uu xilka hayay, taasi ma qarinayso doorka muuqda ee uu ka qaatay la-dagaallanka argagixisada.

Gunaanad:

Marka laga eego danta guud ee dalka iyo dadka, doodda u dhaxeysa Wasiir Jaamac iyo Fahad Yaasiin, waxaa muuqata in Wasiir Jaamac uu yahay ninka wax u taray ummadda, halka Fahad uu yahay nin ka xun sida argagixisada loo jebiyay, boodhna isku qarinaya.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Dab xooggan oo ka kacay xarunta madaxtooyada….

Freetown (Caasimada Online) – Dab ayaa ka kacay Sabtidii gudaha xarunta madaxtooyada Sierra Leone ee ku taalla bartamaha magaalada Freetown, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo dowladda. Madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaan ku sugneyn dhismaha xilliga uu dabku kacay.

Sarkaal sare oo ka tirsan adeegga dab-damiska ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dabka la xakameeyay kadib shan saacadood oo ay ciidamada dab-damiska si adag ugu howlnaayeen damintiisa.

Dabku ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu baabi’iyay dokumentiyo muhiim ah iyo qalab xafiiseed, sida uu sheegay sarkaalku.

Bayaan hore ee kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dabku ka kacay dabaqa saddexaad iyo kan afraad ee dhismaha State House, halka xafiiska madaxweynaha ee ku yaalla dabaqa labaad uu ka badbaaday waxyeello.

Sababta dabka dhalisay, oo billowday abaare 4:00 galabnimo (1600 GMT), weli lama xaqiijin, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya daaqadaha sare ee dhismaha weyn ee caddaanka ah.

Mohamed Kamara, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay AFP: “Fiidkii maanta waxaan aragnay qiiq iyo dab xooggan oo ka baxaya daaqadaha iyo dabaqa ugu sareeya ee dhismaha.”

Booliiska ayaa xiray waddooyinka ku xeeran xarunta, iyadoo ciidamo amni iyo askar milatari ahna la geeyay goobta si loo sugo ammaanka.

Madaxweyne Bio ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shir caalami ah.

A Historic turning point: PM Hamza’s visit to Las Anod

A Fragile Dawn: Mogadishu Reaches Across Decades of Division

The tarmac of Las’ Anod Airport witnessed a moment etched in Somali history on April 12, 2025. Prime Minister Hamza Abdi Barre became the first sitting Somali premier in over half a century to set foot in    Las’ Anod, the capital of the SSC-Khatumo State of Somalia, an autonomous administration located in northern Somalia. This unprecedented visit, laden with symbolic weight, arrives after years of strained relations between Mogadishu and the self-declared SSC-Khatumo administration, a region whose acronym represents the Sool, Sanaag, and Cayn regions. The warm reception extended by SSC-Khatumo leader Abdikadir Ahmed Aw-Ali “Firdhiye” and a jubilant populace underscores the profound hope and cautious optimism that accompanies this engagement. Yet, beyond the celebratory scenes, a critical question lingers: will this landmark interaction blossom into tangible progress for SSC-Khatumo, addressing its deep-seated grievances, or will it ultimately recede as a fleeting strategic maneuver within Somalia’s intricate and often unpredictable political landscape? The answer will profoundly shape the future trajectory of federal-regional dynamics and the fragile unity of the nation.

Las Anod: Crucible of Conflict, Beacon of Hope

Las’ Anod embodies more than just its administrative designation; it stands as the poignant epicenter of Somalia’s most fiercely contested territorial disputes. SSC-Khatumo’s roots can be traced back to the early 2010s, evolving from earlier movements and officially declaring itself an autonomous state in 2012. This formation was largely driven by the Dhulbahante clan’s rejection of both Somaliland’s secessionist aspirations and Puntland’s administration over the Sool, Sanaag, and Cayn regions. They sought to establish their own administration within the Federal Government of Somalia. The SSC-Khatumo administration claims authority over the Sool region (where Las’ Anod is located), parts of the Sanaag region, and the Ayn region, areas also contested by neighboring Somaliland and Puntland. This city, scarred by cycles of brutal conflict, mass displacement, and persistent political instability, now serves as a critical proving ground for Mogadishu’s avowed commitment to genuinely integrating regions that have historically voiced dissent and sought greater self-determination. The timing of Prime Minister Hamza’s visit is particularly significant, unfolding amidst heightened tensions with neighboring Somaliland, which steadfastly maintains its assertion of sovereignty over Las Anod. In a clear and assertive response, SSC-Khatumo officials have publicly reaffirmed their allegiance to the Federal Government of Somalia, while simultaneously pledging unwavering security for the Prime Minister’s delegation – a potent message to Hargeisa signaling a perceived shift in regional influence.

The Federalism Conundrum: A Test of Sovereignty and Inclusion

Somalia’s federal system, conceived as a mechanism for power decentralization and inclusive governance, has often inadvertently become a source of contention, fueling disputes over boundary demarcation, resource allocation, and the equitable distribution of political power. SSC-Khatumo does not seek secession from Somalia but aims to be recognized as a Federal Member State within the Federal Government of Somalia. On October 19, 2023, the Federal Government of Somalia acknowledged SSC-Khatumo as an interim administration, although it is not yet formally recognized as a full Federal Member State. Prime Minister Hamza’s unprecedented visit to Las’ Anod presents a potential fork in the road, potentially leading to one of two transformative outcomes:

  1. Formal Integration: A Path Towards Recognition: By engaging directly with SSC-Khatumo’s leadership within their regional stronghold, Mogadishu may be signaling a willingness to initiate a concrete process aimed at formally integrating the region as a new and recognized federal member state. Such a move could directly address the long-standing grievances articulated by the SSC-Khatumo people regarding their representation within the federal framework and their equitable access to national resources and political decision-making processes.
  2. Strategic Leverage: Countering Secessionist Ambitions: Against the backdrop of Somaliland’s persistent pursuit of international recognition as an independent sovereign state, the federal government may be strategically utilizing its engagement with regions like SSC-Khatumo to robustly assert its own claims of national sovereignty and territorial integrity on the international stage. By forging stronger ties with regions that actively contest Somaliland’s authority, Mogadishu aims to project an image of a unified nation actively addressing its internal political complexities.

Prime Minister Hamza’s publicly announced agenda, which includes planned engagements with influential traditional elders, representative women’s groups, and the region’s youth – the future custodians of SSC-Khatumo – hints at a potentially inclusive and participatory approach. However, the true measure of this visit’s success will not be found in initial symbolic gestures but rather in the tangible follow-up actions. Without demonstrable progress in areas such as constitutional amendments to clarify SSC-Khatumo’s status, the concrete integration of security forces to ensure lasting stability, or the establishment of transparent and equitable resource-sharing agreements, the visit risks being dismissed as mere political expediency, failing to address the fundamental issues fueling regional aspirations. SSC-Khatumo has already established its own governing structures, including a legislative body (the Legislative Assembly Council, which commenced its term in July 2023 with 45 members) and an executive body, with ongoing efforts to establish a judicial branch.

Beyond Symbolism: Security, Development, and the Promise of Progress

The symbolic significance of Prime Minister Hamza’s visit, while undeniable, must be accompanied by tangible and meaningful improvements in the lives of the people residing in a region deeply scarred by conflict and neglect. Las’ Anod and the broader SSC-Khatumo region continue to grapple with significant developmental deficits, including dilapidated infrastructure, severely limited access to essential public services such as healthcare and education, and the persistent threat of insecurity stemming from the presence of clan militias and extremist elements. Addressing these challenges requires concrete and sustained action in key areas:

  • Security Sector Reform: A cornerstone of long-term stability lies in the integration of SSC-Khatumo’s local security forces. Will these forces be seamlessly and equitably incorporated into the command structure of the Somali National Army (SNA), fostering a unified national security apparatus, or will they maintain operational autonomy, potentially leading to future coordination challenges and continued fragmentation? The region has been the site of an ongoing armed conflict, particularly around Las Anod, between SSC-Khatumo forces and the Somaliland Army, a conflict that escalated significantly in February 2023. While a military stalemate exists, tensions remain high, underscoring the urgent imperative for a cohesive and unified security framework capable of protecting civilians and preventing future outbreaks of violence.
  • Economic Rejuvenation: Prime Minister Hamza’s visit is anticipated to include the inauguration of federally funded development projects and the unveiling of new initiatives aimed at revitalizing the region’s struggling economy. These initiatives are likely to focus on critical areas such as infrastructure development (roads, water systems, energy), the expansion and enhancement of educational opportunities, and the strengthening of healthcare infrastructure. However, the crucial determinant of success will be the demonstrable speed and effectiveness with which these projects are implemented on the ground, fostering tangible improvements in the daily lives of the residents and building much-needed public trust.
  • Delicate Diplomacy: Navigating Clan Dynamics: The socio-political landscape of SSC-Khatumo is significantly shaped by the dominant presence of the Dhulbahante clan. Effectively navigating regional dynamics will necessitate a delicate and nuanced approach to clan diplomacy, carefully balancing the legitimate interests and aspirations of the Dhulbahante with those of neighboring Puntland and Somaliland, both of which have historically maintained complex and often competing interests in the Sool, Sanaag, and Cayn regions. A failure to engage in inclusive and sensitive dialogue could inadvertently exacerbate existing tensions and undermine broader efforts towards lasting stability and reconciliation.

Should the federal government in Mogadishu fail to translate the initial goodwill generated by this historic visit into concrete and impactful actions on the ground, the nascent optimism is likely to quickly dissipate, potentially reinforcing long-held perceptions of federal neglect and abandonment among the residents of SSC-Khatumo. The Las’ Anod conflict has also resulted in significant casualties and the displacement of a large number of civilians, leading to humanitarian concerns in the region.

International Implications: A Message to a Watching World

Somalia’s international partners, including key multilateral organizations such as the United Nations (UN), the European Union (EU), and strategically significant neighboring states, are undoubtedly observing this pivotal development with keen interest. The successful stabilization and integration of the SSC-Khatumo region into the broader federal framework could significantly weaken Somaliland’s long-standing pursuit of international recognition and bolster the federal government in Mogadishu’s assertion of national territorial integrity on the global stage. Conversely, if the federal government’s engagement with SSC-Khatumo is perceived as superficial or lacking in tangible follow-through, it could inadvertently push the SSC-Khatumo administration towards exploring alternative alliances, further complicating the already intricate regional political landscape. Somaliland vehemently rejects Somalia’s recognition of SSC-Khatumo and considers the region part of its territory. This difference in perspective remains a significant point of contention and a threat to regional stability. Ethiopia and Kenya, both deeply invested in the stability and security of the Horn of Africa, may also find themselves needing to reassess their respective regional strategies in response to the unfolding situation in SSC-Khatumo, potentially choosing to either actively support Mogadishu’s integration efforts or consider direct engagement with the SSC-Khatumo administration should federal commitments falter. The international community’s perception and subsequent response to this unfolding situation will undoubtedly play a crucial role in shaping the future trajectory of Somalia’s internal dynamics and its complex relationships with its regional neighbors.

A Moment of Hope, A Path Fraught with Uncertainty

Prime Minister Hamza Abdi Barre’s visit to Las’ Anod stands as an undeniably historic juncture, representing a rare and significant gesture of potential unity in a nation still grappling with the deep scars of internal conflict and political fragmentation. However, the true and enduring significance of this landmark event will ultimately be judged not by the initial symbolic act but by the subsequent actions and unwavering commitments of the federal government. The critical question that hangs in the balance is whether Mogadishu will seize this pivotal opportunity to move beyond mere rhetoric and actively work towards institutionalizing SSC-Khatumo’s legitimate place within the federal structure of Somalia, meaningfully addressing its long-standing grievances and aspirations for greater autonomy and equitable representation. Furthermore, the promises made regarding enhanced security and tangible economic development must be translated into concrete realities on the ground, fostering a genuine sense of trust and shared progress among the long-suffering people of the region. For now, the residents of Las’ Anod and the broader SSC-Khatumo region have extended a cautious but palpable hand of hope and engagement. However, their patience, understandably, is not inexhaustible. In April 2025, the situation in SSC-Khatumo is marked by a fragile stability following periods of intense conflict. The historic visit of the Somali Prime Minister to Las’ Anod signals a potential new chapter in the relationship between the federal government and the SSC-Khatumo administration. However, the underlying issues of territorial disputes with Somaliland and the need for concrete development and security integration remain critical challenges that need to be addressed for lasting peace and stability in the region. The formal status of SSC-Khatumo within the Somali federal system is still evolving. The onus now rests squarely on the federal government in Mogadishu to demonstrate, through concrete actions and sustained commitment, that this historic visit was indeed more than just a fleeting symbolic milestone and instead marks the dawn of a transformative new era of genuine engagement, integration, and lasting peace for all Somalis.

Final Reflection: In a nation where decades of conflict and political instability have eroded public trust in central governance, the timeless adage that actions speak far louder than words carry profound weight. Prime Minister Hamza’s journey to Las’ Anod holds the potential to be remembered as the genesis of a transformative new chapter in Somalia’s long and arduous quest for lasting unity and stability—or merely another poignant reminder of opportunities lost amidst the complexities of a nation striving for wholeness.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Somalia PM visits Las Anod in historic move for unity

LAS ANOD, Somalia – Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre made a historic visit to Las Anod on Saturday—the first by a sitting federal premier to the city in decades—prompting celebrations among locals and sharp condemnation from Somaliland, which claims sovereignty over the area.

Thousands of residents lined the streets waving Somali flags to welcome Barre, who was accompanied by senior federal officials and greeted by leaders of the self-declared SSC-Khatumo administration.

In his address to the crowd, Barre described the trip as a mission of “unity, peace, and Somali brotherhood.”

“This visit represents national solidarity and the promise of lasting peace, he said. “Khatumo belongs to its people—and we will stand with them.”

Las Anod, the capital of the Sool region, has been at the center of a long-running territorial dispute between Somalia’s federal government and Somaliland, a self-declared republic that broke away from Somalia in 1991 but lacks international recognition.

The city has been under SSC-Khatumo control since local militias, supported by residents, expelled Somaliland forces following violent clashes in early 2023.

During the visit, Barre’s government announced a slate of federal development initiatives to strengthen administrative services and rebuild public infrastructure.

Federal Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh), who accompanied the Prime Minister, said Somalia’s National Electoral Commission, National ID Authority (NIRA), and Disaster Management Agency (SoDMA) would soon open offices in Las Anod.

“We’re bringing governance closer to the people, Xoosh told state media. “This is just the beginning—we have more programs on the way.”

During his stay, the SSC-Khatumo administration also confirmed that Barre would oversee the launch of key infrastructure projects and hold meetings with local leaders and civil society groups.

Somaliland condemns visit as breach of sovereignty

The trip has sparked a sharp rebuke from Somaliland’s leadership, which views Las Anod as part of its sovereign territory. In a statement issued Saturday, Somaliland’s House of Representatives condemned Barre’s visit as a “blatant interference in its internal affairs.

“The Prime Minister’s presence in Las Anod constitutes a serious violation of Somaliland’s territorial integrity and national sovereignty, said House Speaker Yasin Haji Mohamoud Hiir (Faratoon), who signed the resolution.

The statement called on Somaliland’s government to cut off all dialogue with Somalia and demanded that the international community hold Mogadishu accountable for any instability resulting from the visit.

“This act undermines peace in the region, and any fallout will be the responsibility of the Somali government, the resolution said.

Political observers say Barre’s visit could have wide-reaching implications for Somalia’s fragile federal structure and its relations with Somaliland and Puntland.

Dr. Abdirashid Ismail, deputy director of the Heritage Institute for Policy Studies, said the trip can be interpreted as part of Barre’s constitutional mandate—but warned that timing and perception matter.

“If the visit is part of efforts to unify federal member states and respond to community needs, it could be a positive step, said Ismail. “But if it becomes entangled in political posturing, especially amid federal-state tensions, it risks deepening divisions.”

Some analysts argue the visit may also aim to consolidate support among the Darod clan base, to which Barre belongs, as political alliances across Somalia shift ahead of future elections.

Guuleed Ahmed Dafac, a Somaliland affairs analyst, said the visit puts additional political pressure on Somaliland.

“This is the first time since Somaliland declared independence in 1991 that a Somali prime minister has entered territory it claims, Dafac noted. “It’s a symbolic and strategic move that challenges Somaliland’s narrative on the ground.”

SSC-Khatumo seeks federal recognition

For residents of Las Anod and the SSC-Khatumo leadership, the Prime Minister’s presence is seen as a step toward long-sought federal recognition.

“People here have suffered from conflict and neglect, said one local leader. “Our priority now is to fully integrate into the federal system and receive the rights and services other regions enjoy.”

SSC-Khatumo, which emerged from the ashes of last year’s fighting, functions as a de facto administration but lacks formal recognition as a federal member state. Some are interpreting Barre’s visit as a signal that Mogadishu may be open to granting such recognition in the future.

The visit comes at a time of heightened sensitivity across Somalia’s political landscape. Puntland, another federal member state with historical claims to the Sool region, recently suspended relations with the federal government over constitutional disputes. Observers warn that any federal endorsement of SSC-Khatumo could strain relations further.

While Barre’s government insists the trip was motivated by national unity and service delivery, the broader consequences—both domestic and regional—are likely to unfold in the weeks ahead.

Sawirro: Xamza oo caawa kulan xasaasi ah la yeeshay Isimada SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isimada ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamza ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Sidoo kale inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan, maadaama ay Somaliland si adag uga hortimid safarka Xamza.

Si kastaba, Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka heli karto dawlado waawayn oo uu ugu horreeyo Mareykanka, taas oo ay si weyn u diidan tahay dowladda federaalka.
















Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe uu Xamza Cabdi Barre ka fulinayo Laascaanood

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu dadaal ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga, ayaa ka hadlay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood, isagoo sheegay in Xamse uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku sheegtay mid lagu xoojinayo midnimada dalka, taasoo si weyn uga cadhaysiisay Somaliland oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo oo ay aasaaseen dadka deegaanka kaddib markii Somaliland laga saaray magaalada Laascaanood horraantii 2023, islamarkaana taageersan dowladda Federaalka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha. Waxay arkaan safarkaasi inuu yahay tallaabo muhiim ah oo u horseedi karta aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan dowladda dhexe.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shacabka magaalada si weyn u soo dhaweeyeen ayaa la hadlay dadweynaha, isagoo sheegay in safarkiisu xambaarsan yahay fariin midnimo iyo nabad.

“Kulankeennu ama booqashadeennu waxay xambaarsan tahay midnimo, nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed. Waxaan leennahay: Khaatumo ha noolaato, dadkeeduna ha noolaadaan. Inaan maanta idinla joogno, waana idinla joogi doonnaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wuxuu intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay sida diirran ee shacabka Laascaanood u soo dhaweeyeen, isagoo raalli-gelin u diray dadkii muddo dheer cadceedda kula sugayay.

“Waxaan mudanayaal iyo marwooyin aan ka cudurdaaranaynaa oo aan idinka raalli gelinaynaa qorraxda kulul iyo waqtiga dheer ee aad na sugeysay. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta idinla joogno,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Booqashadan ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

Somaliland oo soo saartay go’aan 4 qodob ah kadib tegistii Xamza ee Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen Hargeysa ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, iyaga oo soo jeediyay in la joojiyo wada-hadalladii ay kula jireen xukuumadda Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa si weyn u cambaareeyay safarka Xamza Cabdi Barre, waxayna kasoo saareen shan qodob oo xasaasi ah, sida lagu caddeeyay go’aanka soo baxay.

Baarlamaanka ayaa kula taliyay xukuumadda inay laasho wada-hadalladii u socday Hrageysa iyo Muqdisho, sababo la xiriira safarka Xamza ee Laascaanood.

“Golaha wakiilada wuxuu xukuumadda usoo jeedinayaa inay gebi ahaanba laasho, isla markaana aanay qayb ka noqon wadahadal dambe oo ay xukuumaddu la yeelato maamulka Somaliland” ayaa lagu yiri qodob kamid a go’aanka Golaha Wakiilada Somaliland.

Golaha ayaa sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu diyaargarawdo sugidda iyo ilaalinta xuduudaha qaranka ee ay u xil-saran tahay.

Waxaa kale oo go’aanka lagu sheegay in baarlamaanka uu taageerayo mowqifka ay horay xukuumadda Somaliland ka qaaday safarka ra’iisul wasaare Xamza oo ay sheegtay inuu farogelin ku haya arrimaha gudaha Somaliland iyo madax bannaanideeda.

Sidoo kale golaha ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne deg-dega ah oo loo dhan yahay, kaas oo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa sidoo kale, shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha safarka Xamza ay qaadi doonto dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Go’aankan waxaa ka horreeyay isku day kale oo ay sameysay Somaliland, si ay u baajiso safarka Xamza, iyada oo la xiriirtay illaa dowladda Mareykanka, balse waxba kama soo bixin, sida u goor sii horeysay qiray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa xusay in Mareykanka oo ay horay ula wadaadeen safarka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barrre uu qiyaamay, isla markaana uu uga baxay qorshihii ay isla meel dhigeen.

“Dowladda Maraykanka waa na qiyaantay; safarka Ra’iisul Wasaare Xamza ee Laascaanood waxba iskama beddelin, waxay noo balan-qaaday inay ka joojinayso.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu cagta saaro Laascaanood,balse ma dhicin waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi oo xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Xasan oo lasoo gaarsiiyay farriin uga timid…

0

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lasoo gaarsiiyay farriin culus oo uga timid dhiggiisa dalka Masar, Mudane Cabdulfitaax Al-sisi oo si weyn ugu boggaadiyay xiriirka labada dal.

Farriintan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badr Abdel Aty, xilli ay labada mas’uul ka wada qeyb galayaan Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay kulan doceed ayaa marka hore u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynihiisa, isagoo sidoo kale u rajeeyay in la sii wado wada-shaqeynta labada dal oo haatan sii xoogeysaneyso.

Dr. Badr Abdel Aty ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in dowlad ahaan ay Soomaaliya ka taageerayaan ka hortagga argagixisada, ayna ku garab istaagaan dagaallada xoreynta ee haatan socda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka go’an tahay taageeridda midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay tahay arrin lama taabtaan ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo guddoomay farriinta uga timid dhiggiisa Masar ayaa uga mahadceliyay doorka taageerada ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya heerarkeeda kala duwan.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo xiriirka Muqdisho iyo Qaahir oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo dhex-maray labada dowladood.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas qayb ka ahaa ciidamo ay Masar usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya.

Si kastaba, kor u qaadida iskaashiga labada dal ayaa ku yimid, wada-hadallo toos ah oo ay yeeshen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar,, kuwaas oo xiriirkooda sii xoojiyay intii ay taagnayd xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo haatan xal rasmi ah laga gaaray.