27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Wada-hadallada Mareykanka iyo IRAN oo billowday – Yaa dhex-dhexaadinaya?

Muscat (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Iiraan ayaa Sabtida maanta ah bilaabay wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu si cad u sheegay in haddii aan heshiis laga gaarin arrintan, laga yaabo in la qaado tallaabo militari.

Wada-hadalladan ayaa ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, iyagoo dhexmaraya dhex-dhexaadiye, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan. Mareykanka ayaa doonayay in kulanka uu noqdo mid fool ka fool ah, balse Iiraan ayaa dooratay in la adeegsado dhex-dhexaadin.

Khilaafka ku saabsan habka wada-hadallada ayaa muujinaya sida ay culays u saaran tahay labada dhinac oo muddo dheer colaad siyaasadeed u dhexysay, kuwaas oo hadda isku dayaya in ay gaaraan heshiis cusub oo nukliyeer ah, kadib markii Trump uu 2018 ka baxay heshiiskii hore ee la gaaray sanadkii 2015.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa hoggaaminaya wafdiga Tehran, halka wakiilka gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu madax u yahay kooxda Mareykanka.

“Ujeedkeennu waa inaan gaarno heshiis sharaf leh oo caddaalad ku dhisan, annagoo ku wada hadleyna meel siman,” ayuu yiri Araghchi, isagoo hadalkiisa lagu baahiyay telefishinka dowladda Iiraan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Esmaeil Baqaei, ayaa sheegay in wada-hadalladani ay yihiin “bilow kaliya”, islamarkaana aan la filaynin in wareegan uu socdo muddo dheer.

Labada dhinac ayaa ku kala sugan hoolal kala duwan, iyagoo aragtidooda ku kala gudbinaya wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan, ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Iiraan, oo cadaadis dhaqaale kaga yimid cunaqabateynta adag iyo dagaallada Israel kula jirto xulafadeeda Xisbullah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza, ayaa dooneysa in laga yareeyo cunaqabateynta saameysay dhaqaalahooda.

Inkasta oo Tehran ay si weyn uga carootay ololaha Trump ee “cadaadiska ugu badan”, oo lagu kordhiyay cunaqabateynta laguna hanjabay weerarro ciidan, haddana waxay ogolaatay inay fursad siiso wadahadalkan cusub.

Dhanka kale, Mareykanka oo si dhow ula shaqeeya Israel – cadowga ugu weyn ee Iiraan – ayaa doonaya inuu hor istaago in Tehran ay gaarto awood ay ku horumarin karto hub nukliyeer ah.

Witkoff: “Tanaasul waa suuragal”

Hotel raaxo leh oo ku yaalla Muscat oo lagu tuhunsanaa in uu yahay goobta wadahadalladu ka socdaan ayaan wax calaamado ah oo muujinaya kulanka lagu arkin – ma jirin calamo, ilaalin dheeraad ah, ama taraafiko caadi ka baxsan.

Witkoff ayaa hore ugu sheegay The Wall Street Journal in “mowqifka Mareykanka” uu yahay in Iiraan gebi ahaanba joojiso barnaamijkeeda nukliyeer – arrin ay rumeysan yihiin xagjiriinta ku hareeraysan Trump, balse aan laga filaynin in Tehran aqbasho.

“Hasa yeeshee, taasi micnaheedu maaha inaanan raadin karin meel dhexe oo aan tanaasul ku gaari karno,” ayuu yiri Witkoff.

“Xadka aan ka tallaabi doonin waa in aanay Iiraan hub ka dhigin awooddeeda nukliyeer,” ayuu intaas ku daray.

Kulanka ayaa si lama filaan ah loogu dhawaaqay Isniintii, markaas oo Trump uu Aqalka Cad kula shiray Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Saacado ka hor intaan wada-hadalladu bilaaban, Trump ayaa saxaafadda u sheegay isagoo saaran diyaaradda Air Force One: “Waxaan doonayaa in Iiraan noqoto dal wanaagsan, horumarsan, oo farxad leh — balse ma lahaan karaan hub nukliyeer ah.”

La-taliyaha hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ali Khamenei, oo ah Ali Shamkhani, ayaa dhankiisa sheegay in Tehran ay “raadinayso heshiis dhab ah oo caddaalad ku dhisan.”

Kulanka Sabtida maanta ah dhexmaray labada dhinac, kuwaas oo aan xiriir diblomaasiyadeed yeelan muddo tobanaan sano ah, ayaa yimid kadib hanjabaado ciidan oo ay jeediyeen Mareykanka iyo Israel.

“Haddii ay khasab noqoto in la adeegsado awood milatari, waan adeegsanaynaa,” ayuu Trump yiri Arbacadii, mar uu su’aalo uga jawaabayay suxufiyiinta.

Heshiiskii 2015 iyo dadaallada cusub

Heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ayaa loogu talagalay in uu Iran ka hor istaago in ay samaysato bam nukliyeer, iyadoo loo ogolaanayo barnaamij nukliyeer oo ujeeddo shacab ah leh. Balse kadib markii Trump uu heshiiskaas ka baxay, Iiraan ayaa sare u qaaday heerka nadiifinta uranium-ka.

Warbixintii ugu dambeysay ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa si “walaac leh” u sheegtay in Iiraan ay leedahay 274.8 kiilo oo uranium ah oo nadiifin gaaray 60% – heer aad ugu dhow kan hubka nukliyeerka (90%).

Karim Bitar, oo ah bare ka dhiga cilmiga Bariga Dhexe ee jaamacadda Sciences Po ee Paris, ayaa sheegay in heshiis la gaaro uu noqon karo mid la xiriira badbaadinta nidaamka xukunka Iiraan.

“Waxa keliya ee ay mudnaanta siinayaan waa badbaadinta nidaamkooda. Waxay rabaan in ay helaan neef ay ka helaan in la yareeyo cunaqabateynta si dhaqaalahooda uu dib u kaco, maadaama nidaamka si weyn loo diidan yahay gudaha dalka,” ayuu yiri.

Mohamed al-Araimi, oo hore u ahaa agaasimihii Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Cumaan, ayaa isaguna sheegay in kulanka Muscat uu muujinayo “rabitaan dhab ah oo lagu xallinayo khilaafka”.

Si kastaba, wuxuu ku daray: “Anigu shakhsiyan ma aaminsani in kulammada maanta ay xallin doonaan dhammaan arrimahan murugsan. Waxay u baahan yihiin kooxo farsamo oo qoto dheer u galo.”

Fal-celin xoogan o ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa dhalatay tallaabo culus oo uu shalay qaaday Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu muddeeyay gogoshii uu horay u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa jimcihii shalay casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh?

Cali Faa’id: “Baaqu wuxuu iila muuqdaa mid aan hirgal ahayn ilaa casuumaad toos ah loo kala dirayo madaxda Dawlad Gobaleedyada oo uu kujiro Madaxwaynaha Jubbaland”.

Cabdirashiid Muxumed Cali: “Kuwiii badnaa ee dhahay Xasanoow waa ogolnahay inaa na wacday ee mucaaradka ahaa jab baa ku dhacay”.

Cabdicasiis Barqash: “Deni iyo Axmed Madoobe sidaas kuma imanayaane odayga xal kale hala yimaado”.

Cali Huurshe: “Shaqo wacan Mudane Madaxweyne dalka Doorasho Qof iyo Cod ah gali waliba degmooyinka ay suurtagalka ka tahay”.

Cabdifitaax Jubba: “Wax walba oo la’isku hayo waxaa ka daran khawaariijta. Madaxwayne waad ku mahadsantahay in aad garatay in loo midoobo si wadajir ah na loola dagaalamo”.

Somaliland oo arrin yaab leh ka sheegtay safarka Xamza uu ku tegay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale ka hadashay safarka uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre maanta ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, iyada oo shaacisay arrin yaableh.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mareykanka oo ay horay ula wadaadeen safarka Xamza uu qiyaamay, isla markaana uu uga baxay qorshihii ay isla meel dhigeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aano waxba iska beddalin safarka Ra’iisul wasaaraha oo uu tilmaamay inay Mareykanka kala hadleen baajintiisa, kahor inta aanu teegin Sool.

“Dowladda Maraykanka waa na qiyaantay; safarka Ra’iisul Wasaare Xamza ee Laascaanood waxba iskama beddelin, waxay noo balan-qaaday inay ka joojinayso.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu cagta saaro Laascaanood,balse ma dhicin waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi oo xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

“Ra’iisul wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo sida mashruuc ah in dagaalo laga bilaabo Sanaag iyo Sool. Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu horay u yiri Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha maamulka Sool ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta markii uu tegay Laascaanood waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u soo banaan baxay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Socdaalkan waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayo qaar kamid ah golihiisa waisirada, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin oo ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale booqashadan ayaa noqon doonto mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan, isla markaana jawi cusub u abuureyso labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Si kastaba, Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Sawirro: Xamza oo ka dagay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Xamza ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u soo banaan baxay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Socdaalkan waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayo qaar kamid ah golihiisa waisirada, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin oo ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale booqashadan ayaa noqon doonto mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan, isla markaana jawi cusub u abuureyso labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Sidoo kale inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ka carootay safarkan, waxayna horay uga soo saartay digniino adag oo uu dhagaha ka fureystay Xamza oo maanta tegay Laascaanood.

Si kastaba, Booqashadan ayaa waxa ay sidoo kale ku soo aadeysaa xilli xasaasi ah oo ay soo  baxayaan warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka heli karto dawlado waawayn oo uu ugu horreeyo Maraykanka, taas oo ay si weyn u diidan dowladda federaalka.

default

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii uu maanta gudoomiyey agaasime Mustafa Dhuxulow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheikh Cali Duhulow, ayaa sheegaya in maanta uu shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha muhiimka ah ee hay’addu u qabato bulshada. Waxaa kulanka lagu dhageystay warbixino ay soo jeediyeen waaxyaha, xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo la xiriiray caqabadaha jira iyo howlaha mudnaanta u leh hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shaqaalaha dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo adeegyada hay’addu u fidiso muwaadiniinta. Wuxuu si gaar ah amarrada ugu adkeeyay in la dardargeliyo ka hortagga socdaalka sharci darrada ah, ilaalinta xuduudaha, fududeynta adeegyada muwaadiniinta iyo kor u qaadidda hufnaanta ay hay’addu ku shaqeyso.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Agaasime Mustafa Sheikh Cali Duhulow wuxuu si joogto ah shaqaalaha ula yeeshay kulamo toddobaadle ah, kuwaas oo lagu qiimeeyo waxqabadka hay’adda maalmihii la soo dhaafay. Tallaabadani waxay muujinaysaa hoggaan firfircoon iyo howlkarnimo uu la yimid Agaasimaha cusub.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
+254-711830393

Jaamac oo weerar culus ku qaaday FAHAD – ‘Amiirka qurba-joogta khawaarijta’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa weerar adag ku qaaday agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, kaddib qoraal uu Fahad dhowaan baahiyay oo u muuqday mid si toos ah u weeraraya wasiirkii hore ee gaashaandhigga.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku eedeeyay “in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed saddexdii sano ee u dambeysay ay u gacan galeen shirqool uu soo maleegay dal carbeed, iyadoo la sheegay in qorshahaas ay fuliyeen laba qof oo xilal sare kasoo qabtay hay’ado awood u leh hirgelinta dano shisheeye, isla markaana adeegsaday habab arxan darro ah.”

Qoraalka Fahad wuxuu intaas ku daray: “Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleysteen in xilka Wasaaradda Gaashaandhigga loo dhiibo xilligii madaxweynihii hore, hase yeeshee wuxuu ku fashilmay fulinta shirqoolkaas, waxaana ka hor tegay Taliskii CXD ee waqtigaas. Nasiibdarro, isla Wasaaradda ayaa mar kale lagu soo celiyey si uu mar kale u furo waddadii qorshuhu maray. Midka kalena, wuxuu qabtay xilka ugu sarreeya ee Xoogga Dalka, iyadoo Madaxweynaha hadda jira uu u dhiibay.”

In kasta oo Wasiir Jaamac uusan ugu magacaabin Fahad Yaasiin si cad qoraalkiisa, haddana xubno ku dhow ayaa xaqiijiyey in fariintiisu si toos ah ugu socotay Fahad. Sidoo kalena, qoraalka ayaa si muuqata u muujinaya arrintaas.

Qoraalka Wasiir Jaamac:

“Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.

Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.

Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.

Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.

Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.

Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.

Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.

Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.

Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.

Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.”

DF Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay xiriirka Itoobiya kadib arrintii carada dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya uu mar kale deggan yahay, bilooyin kaddib markii heshiis badeed oo dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu sababay mid ka mid ah khilaafaadka diblomaasiyadeed ee ugu xumaa sanado badan ee ka dhex dhaca labada daris ee Geeska Afrika.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka sheegay Jimcihii madasha Antalya Diplomacy Forum ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wuxuu xusay in labada dowladood ay hadda ka shaqeynayaan soo celinta wada-shaqeyntii hore. “Waxaan la leenahay Itoobiya xiriir adag,” ayuu yiri Balcad. “Soomaaliya oo xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.”

Hadalka Balcad ayaa yimid in ka badan sanad kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay muddo 50 sano ah ka faa’iideysato marin badeed 19-kiloo mitir ah oo ku yaalla agagaarka Berbera.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale watay qodob muujinaya suurta-galnimada in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay madax-bannaani, inkasta oo aysan jirin dal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsaday.

Iyadoo cadaadis uga imanayay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka, waxaa la bilaabay wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo lagu soo afjaray heshiiskii Ankara ee la gaaray 12-kii Diseembar 2024.

Heshiiskaasi wuxuu caddaynayay in labada dhinac ay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana uu dhigayay saldhig rasmi ah oo loogu gogol xaarayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee marin badeed sharci ah oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadallada Balcad ayaa u muuqda kuwo dib u furaaya dariiqii diblomaasiyadda kadib markii Soomaaliya si kulul ugu eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa la saxiixatay Somaliland is-afgarad u oggolaanaya inay isticmaasho marin badeedka Badda Cas, taasoo beddelkeeda suuragal ka dhigi karta aqoonsi ay siiso Somaliland.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo wada-shaqeyntii labada dhinac, oo ay ku jireen iskaashigii milatari iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Khilaafkaasi wuxuu walaac weyn ku abuuray xulafada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka, kuwaas oo ka digay in xasillooni darrada labada dal ay wiiqi karto howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolka, isla markaana ay dhiirrigelin karto kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa taariikh ahaan iska kaashan jiray la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ciidamada Itoobiya door muuqda ku leeyihiin.

Si kastaba, calaamado muujinaya is-faham dib u soo laabanaya, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto ciidanka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo beddelaya howlgalka ATMIS ee lagu wado in uu dhammaado. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u oggolaatay inay soo dirto 2,500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AUSSOM.

Itoobiya oo askar looga dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

0

Waajid (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool ee Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ku socdaalayay qaybo kamid ah degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ciidamada la weeraray ayaa kasoo baxay garoonka degmada Waajid, waxayna kusii jeedeen saldhig ay ku leeyiin duleedka degmada, iyaga oo markaas weerar dhabagal ah kala kulmay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in gaadiid laga gubay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana haatan socda howlgallo lagu baadi goobayo Shabaabkii weerarka qaaday.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, welina ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan firxad xubnaha soo weeraray

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Bakool ayaa waxaa culeys xooggan ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxayna badanaa go’doomisay degmooyinka gobolkaas oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir caalami ah kala qayb-galay Erdoğan + Sawirro

0

Antalya (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Turkiga ayaa kala qeyb galay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo madaxda caalamka furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalkaasi.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaan siinaya madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah, loogana hadlayo xaaladaha guud iyo xoojinta xiriirada caalamagi ah.

Sidoo kale waxa ay muhiimaddu tahay isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan, si uu ugala hadlo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Turkigan oo shirkan soo qaban-qaabiyay ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana madasha khudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo daah-furay, iyada oo ay sii socon doonaan khudbadaha mas’uuliyiinta goobjoogga ah.

Soomaaliya ayay sidoo kale fursad muhiim u tahay ka qayb-galka Madasha Caalamiga ah ee Diblomaasiyadda Antalya, iyada oo Madaxweynuhu la filayo inuu taageero waydiisto dowladaha waa wayn ee kasoo qayb-galay shirkaas, maadaama uu ku jiro dagaal adag.

Dardargelinta dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel wanaagsan, waxaana Soomaaliya ay taageero wayn ka heleysaa Turkiga oo diyaarado ugu deeqay.

 

ABIY AHMED oo qaaday tallaabo cabsi badan abuurtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii wasiir u magacowday Getachew Reda, hoggaamiye hore oo fallaago ahaa kana tirsanaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaasoo dhowaan xilka laga qaaday. Tallaabadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay sii huriso kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka woqooyi ee dalka.

Gobolka Tigray weli wuxuu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii laba sano socday, kaasoo lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo lagu gaaray 2022, isla markaana horseeday dhismaha maamul ku-meel-gaar ah.

Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan qarnigan, iyadoo qiyaas ahaan ay ku dhinteen illaa 600,000 oo qof. Dagaalka wuxuu dhaxmaray jabhadda Tigray iyo ciidanka federaalka Itoobiya oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidanka Eritrea.

Getachew Reda ayaa xilka laga qaaday horaantii bishan, waxaana lagu beddelay hoggaamiyaha Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, kadib khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay hogaanka TPLF.

Hase yeeshee, Jimcihii shalay, Addis Ababa ayaa Getachew u magacowday “La-taliye sare oo u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha Geeska Afrika, iyadoo la siiyay darajada wasiirnimo”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X (horey Twitter).

Getachew oo 50 jir ah, ayaa horey u soo qabtay xilka Wasiirka Warfaafinta illaa inta aanu xilka la wareegin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018.

Mehdi Labzae, oo ah khabiir Itoobiya u jooga Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska ee Faransiiska, ayaa sheegay in magacaabista Getachew ay tahay “khiyaano dhab ah oo khatar u ah sii kordhinta kala-qaybsanaanta gobolka, ha ahaato heer siyaasadeed ama heer bulsho.”

“Getachew Reda wuxuu wali leeyahay taageero ballaaran, saamayn buuxdana waa uu ku leeyahay gobolka. Waa la arki doonaa waxa xiga,” ayuu yiri Labzae oo la hadlay AFP.

Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, ayaa isna qiray in magacaabistan ay sii kala fogeyn karto dhinacyada siyaasadda gobolka. “Magacaabista Getachew waxay sii xoojineysaa kala-qaybsanaanta, xilli gobolka uu wali ka soo kabanayo colaaddii dhiigga badnayd,” ayuu u sheegay AFP.

“Waxaa lagu eedeyn doonaa inuu dhabarka u jeediyay Tigray, isagoo haatan la safanaya cadowgii hore,” ayuu intaas ku daray.

Inkasta oo xaaladda guud ee gobolka ay u muuqato mid degan, haddana hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria 2022 ayaa wali ah mid aan si buuxda loo fulin, taasoo dhashay khilaafyo ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee Tigray.

Khubarada ayaa ka digaya in khilaafaadkaas ka dhex taagan TPLF ay kicin karaan xiisado cusub, iyadoo wararku sheegayaan in bishii hore ciidamo daacad u ah Debretsion ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah ayna xilalka ka qaadeen duqyaal uu magacaabay maamulka ku-meel-gaarka ahaa.

Dhinaca kale, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale u muuqda mid qallafsan, iyadoo Asmara lagu eedeeyay in ay taageerayso garabka Debretsion ee ka dhex jira TPLF.

Daawo: Taliye Odowaa oo farriin culus kasoo diray furinta

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo weli ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa farriin culus kasoo diray, taas oo ku aadan maalinta aas aas-ka ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April.

Taliye Odowaa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, taas oo ku aadan xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.

“Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii ciidanka Xoogga dalka, waxaan runtii aad iyo aad ugu hambalyeynayaa, uguna boggaadinayaa ciidamada maalintooda gaarka ah, iyaga qoysaskooda, waxaan leeyahay hambalyo” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Xoogga dalka ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boggaadiyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka.

“Runtii argagixisadu waxaa naf la-caari waxay marayaan meel gabogabo ah waxaan rabaa xubin kasta oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed dadaalkeeda iyo waqtigeeda inay laba jibaarto, sii adkeyso la dagaallanka argagixisada” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay ciidamada dib u xoraynta deegaanka oo iyagana door wayn ka geystay dagaallada adag ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

”Waxa aan halkan uga mahadcelinayaa ciidamada difaaca deegaanka doorka naf-hurka ah ee u hurteen naftiina dalka iyo sharafteenna” ayuu mar kale yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay dagaalka ku garab istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee halganka adag ugu jiro sidii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saari lahaa dalka.

“Waxa aan leeyahay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda, waxaynu dagaal kula jiraa argagixiso caalami ah” ayuu ku daray Taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa diray hambalyo tan lamid ah oo ku aadan xuska 12-ka April.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah” ayuu isna yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

DF oo amar culus ku soo rogtay dhamaan diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo sameeyo kormeerro badbaado iyo dib-u-shahaado-siinta dhammaan diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, kaddib shilal duulimaadyo oo isdaba joog ah iyo walaacyo sii kordhaya oo la xiriira amniga hawada dalka.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista, Maxamed Faarax Nuux, la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda duulista rayidka, kaas oo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraarku wuxuu waajibinayaa in baaritaanno badbaado lagu sameeyo dhammaan diyaaradaha ku duulaya, kasoo degaya ama ka baxaya Soomaaliya. Inkasta oo aan la cayimin waqti kama dambeys ah, masuuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada si degdeg ah loo bilaabi doono.

“Waa in la hubiyaa in diyaar kasta oo ka duuleysa ama kusoo degaysa Soomaaliya si buuxda loo baaray, loo diiwaangeliyay, lana hubiyay dayactirkeeda,” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kaddib shil halis ah oo dhacay 22-kii Maarso, markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay Kenya, nooca De Havilland DHC-5D Buffalo oo ay leedahay shirkadda Trident Aviation, ay ku burburtay deegaanka Ceel Xabaaloow, oo qiyaastii 24km u jirta Muqdisho.

Dhamaan shan shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday. Diyaaraddan ayaa kasoo laabatay howlgallo sahay gaarsiin ah oo ay u fulisay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dhoobley. Hay’adaha duulista Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkaas.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib weerar hoobiye ah oo lala beegsaday garoonka Aadan Cadde 6-dii Abriil, kaas oo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa sababay in shirkadaha Turkish Airlines iyo EgyptAir ay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan duulimaadyadoodii. Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda 9-kii Abriil, halka EgyptAir ay weli hakisay safarradii isbuucle ahaa ee ay ku mari jirtay Djibouti.

Waaxda duulista rayidka Soomaaliya ayaa si tartiib ah u kobcaysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo shirkado duulimaadyo caalami ah ay bilaabeen inay toos uga safraan una yimaadaan Muqdisho, taasoo ay suurtagelisay xasillooni amni oo isa soo taraysa. Si kastaba, dhacdooyin duulimaadyo oo halis ah ayaa weli soo laabtay.

Bishii Janaayo 2024, diyaarad xamuul ah oo Kenyan ah oo gargaar u siday Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa burburtay xilli ay degaysay, taasoo dishay laba qof. Bishii Luulyo 2023, diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Muqdisho, kaddib markii ay la kulantay dabaylo xooggan iyo cilad ka timid lugaha degista. Dhamaan 34 rakaab ee saarnaa waa ay badbaadeen, inkastoo laba qof ay dhaawacmeen.

Jubbaland oo hal arrin ku adkeysaneysa xilli uu Xasan diiday martiqaadka Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku adkeystay in uusan ka leexan doonin mowqifkii hore ee ku saleysnaa madax-bannaanida maamulka, xilli ay soo baxayaan xogo hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uusan martiqaadin hoggaamiyaha Kismaayo.

Jubbaland ayaa muujisay shaki la xiriira kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku casuumay madaxda maamul-goboleedyada, kaasi oo haatan aan lagu martiqaadin Axmed Madoobe.

Gogoshan ayaa markii hore la filayay inay qeyb ka noqoto dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saartay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu miiska iskugu keeno dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada. Balse, sida muuqata, Madaxweynaha ayaa taas ka dhagaha ka fureystay.

Maamulka ayaa caddeeyay in Jubbaland aanu ku shaqeyn doonin amarro uga yimaada Villa Somalia, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax. “Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli gogosha Villa Somalia loo arko mid aan loo dhammeyn, halkii ay noqon lahayd mid lagu mideeyo mowqifyada siyaasadeed laguna xoojiyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland ayaa u muuqata mid aan kalsooni badan ku qabin ujeeddooyinka ka dambeeya gogoshan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa horey u muujiyay inuu taageersan yahay in la isugu yimaado miis wada-hadal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wadajir siyaasadeed si looga hortago khataraha dalka horyaalla.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso hannaan siyaasadeed oo hufan laguna dhiso kalsooni dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Wuxuu xusay in khilaafaadka siyaasadeed ay dib u dhac ku keenayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, iyadoo laga reebay Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qeybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Somaliland oo halis amni ku tilmaamtay safarka Xamza, dalabna u dirtay caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland.

“Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka.

Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka.

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya.

Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.

Soomaaliya oo maanta dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dalka…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine, Danjire Andrii Sybiha.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo taariikhi ah, maadaama lagu shaaciyay dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Intii uu socday kulankaasi, labada mas’uul waxay saxiixeen heshiis rasmi ah oo ah hab-maamuus diblumaasiyadeed. Heshiiskaas ayaa u gogol xaaraya dib u bilaabashada xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, kadib muddo xiriirkaasi hakad ku jiray.

Saxiixa hab-maamuuskan diblumaasiyadeed wuxuu muujinayaa rabitaanka labada dowladood ee ah in ay dib u dhisaan, isla markaana xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay wada shaqeyn dhab ah yeeshaan.

Wada-hadalka labada wasiir ayaa si qoto dheer diiradda u saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah. Waxay si gaar ah uga wada hadleen fursadaha horumarineed ee labada dal u dhaxeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in la yeesho xiriir diblumaasiyadeed oo miro dhal ah. Wuxuu xusay in xiriirka Ukraine uu muhiim u yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka Soomaaliya wuxuu bogaadiyay dadaalka Ukraine ay muujisay ee ku aaddan furitaanka bog cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tusaale u tahay sida dalalka caalamku u daneynayaan in ay la shaqeeyaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya.

Danjire Sybiha wuxuu tilmaamay in xiriirka cusub uu horseedi karo iskaashi dhaqaale, taageero farsamo, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin in ay sahamiyaan fursado cusub oo ganacsi iyo horumarin ah oo ka dhex dhalan kara labada dal.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida xiriirka diblumaasiyadeed uu muhiim ugu yahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii wadayo kulamada iyo wada hadallada si loo xaqiijiyo horumar joogto ah.

Ugu dambayn, heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa danta guud iyo rabitaanka labada dal in ay noqdaan saaxiibo dhow oo si hufan u wada shaqeeya.

Wafdi miisaan culus oo maanta gaaray Laascaanood ka hor Xamza + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdigan oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay hoggaanka maamulka iyo bulshada magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

Xasan oo casuumad u diray madax goboleedyada marka laga reebo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ku saabsanaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay.

Faah-faahinta dagaal culus oo mar kale ka qarxay GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu saacadihii lasoo dhaafay si xoogleh uga socday duleedka degmada Luuq, iyadoo rasaas xoogan la maqlay gudaha degmada. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegayaa inay isticmaalayaan hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa daba socda dagaallo horey uga dhacay magaalada Luuq, kuwaasoo sababay xaalad amni darro oo isa soo taraysa.

Sida la og yahay, labada dhinac ee dagaalamaya ayaa horey ugu muransanaa maamulka degmada Luuq iyo sidoo kale aargoosi ku saleysan dilal hore u dhacay. Waxaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen isla beelahan, balse aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafkooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, oo uu hormuud u yahay madaxweyne ku-xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan, ayaa horey ugu guuldareystay in ay xaliyaan xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Inkasta oo dadaallo nabadeed la sameeyay, haddana dagaalka ayaa si kedis ah dib ugu qarxay, taasoo muujinaysa sida xal waara looga gaari la’yahay arrinta.

Odoyaasha dhaqanka ee degmada Luuq ayaa cod dheer ku baaqay in la joojiyo dagaalka, iyagoo ka digay inuu khasaare hor leh dhaliyo. Baaqyadaas nabadeed weli ma aysan yeelan wax saameyn ah, maadaama dagaalkii uu sii laba kacleeyay mar kale.

Dagaalamayaasha labada beelood ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase yeeshee heshiiskaasi ma noqon mid waara.

Markii heshiiskaasi burburay, waxaa muuqata in beelahaasi ay mar kale u laabteen adeegsiga hubka. Ilaa iyo hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ku aaddan xallinta colaaddan ka taagan Luuq.

Colaadda sii kordheysa ee degmada Luuq ayaa walaac weyn ku abuurtay bulshada deegaanka, kuwaasoo baaqyo isdaba joog ah u diraya dhinacyada dagaalamaya iyo dowladda, si loo soo afjaro rabshadaha.

Xogtii ugu dambeysay ee safarka R/Wasaare Xamza ee Laascaanood – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu safar shaqo oo laba maalmood ah ku tago magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Socdaalkan ayaa waxa uu noqonayaa mid si weyn u saameyn kara jihada siyaasadeed ee gobollada waqooyi, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay meel ay si gaar ah u eegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilaaban doona maalinta Jimcaha haddii dib u dhac kooban ku imaan, iyadoo la filayo in uu magaalada ka ambabaxo Sabtida. Socdaalku wuxuu noqonayaa mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan.

Xamza Cabdi Barre waxa uu socdaalkiisa ku wehlin doonaa ku dhawaad toban wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa. Waxa xusid mudan in wasiirradaas aysan ku jirin xubno ka soo jeeda gobollada Somaliland, taas oo u muuqata in dowladda Federaalka ay rabto in safarkan uu yeesho astaan mideysan oo qaran.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

Mashruucyadan ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan kalsoonida shacabka SSC-Khaatumo ay ku qabaan dowladda dhexe, iyo sidoo kale in ay tusaale u noqdaan sida ay u wada shaqeyn karaan heerarka dowladda kala duwan.

Intaa waxaa sii dheer, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si rasmi ah u furi doonaa xafiiska Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee magaalada Laascaanood. Tani waxay dadka deegaanka siin doontaa fursad ay ku helaan kaararka aqoonsiga qaranka, taasoo muhiim u ah xaqiijinta xuquuqaha muwaadiniinta.

Guddoomiyaha hay’adda NIRA ayaa horay u tagay magaalada Laascaanood, waxaana wararku sheegayaan in howlaha diyaargarowga furitaanka xafiiskaasi ay meel wanaagsan marayaan.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay xiisad iyo filasho weyn oo ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo rajeynaya in socdaalkani uu noqdo mid billaabaya wejigii cusub ee wada-hadalka, nabadda, iyo horumarka.

Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa safarkan ku tilmaamay “booqasho taariikhi ah” oo xoojin karta wada shaqeynta SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka. Waxay sidoo kale saadaalinayaan in socdaalkan uu calaamad u noqon karo isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Inkasta oo dadka qaar ay isweydiinayaan cidda ugu faa’iido badan booqashadan, haddana waxaa cad in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid leh saamayn fog, lagana yaabo inuu beddelo jihada siyaasadeed ee SSC iyo guud ahaan gobollada waqooyi.

Arrimaha ku xeeran safarka Xamza ee Laascaanood iyo siduu usoo afjari karo S/land

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Khaatumo.

Safarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni oo uu mas’uul sare booqdo magaalada istiraatiijiga ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhici doonto, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalkeeda. Waxaa hadda magaalada ku qul-qulaya wafdi horudhac u ah safarka Xamza.

Shacabka magaalada ayaa si weyn u diyaarinaya soo dhaweynta, waxaana lagu wadaa xaflad ballaaran in ay dhacdo. Wadooyinka Laascaanood waxaa durba lagu arkayaa boorarka sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo shacabka ay si weyn u muujinayaan rajadooda ku aaddan safarkan la filayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in safarkiisu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo, islamarkaana aan loo fasiranin mid abuuri kara kala qeybsanaan, balse ah mid lagu doonayo midnimo Soomaaliyeed.

“Booqashadayda Laascaanood waxay salka ku haysaa xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka. Ma aha safar lagu waxyeelleynayo gobol ama maamul kale, mana aha mid lagu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed. Waa safar lagu mideynayo shacabka walaalaha ah,” ayuu yiri Xamza.

Wuxuu uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Khaatumo waddaniyadooda iyo soo dhaweynta diirran ee uu dareemay xitaa ka hor intaanu gaarin magaalada.

Khaatumo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 25-kii Agoosto 2023, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland oo laga saaray saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha ku hareeraysan Laascaanood. Dagaalkaasi oo socday bilooyin ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca boqolaal kale.

Booqashadii ugu dambeysay ee mas’uul sare uu ku tago Laascaanood ayaa ahayd mid dhibaato sababtay.

Dilkii madaxweyne Sharmaarke

15-kii Oktoobar 1969-kii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke — oo sidoo kale ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka — ayaa lagu dilay Laascaanood xilli uu booqasho rasmi ah ku jiray.

Waxaa dilay askari, taas oo horseedday in xukunka laga tuuro dowladdii markaas jirtay, waxaana xukunka la wareegay taliskii milatariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo dalka xukumayay 21 sano. Ninkii dilka geystay waa la toogtay.

Waxaa markaa la fahmi karaa sababta safarka Xamsza uu durba u kiciyay dareenno kala duwan oo xooggan.

Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan safarka mid rajo leh, haddana waxaa jira dhaleeceyn iyo cabasho ka timid dhanka Somaliland.

Laascaanood gudaheeda, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka waxay si diirran u soo dhaweeyeen wararka ku saabsan safarka, iyaga oo caddeeyay in Khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo nabad ah, oo u furan cid walba.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Khaatumo, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xaqiijiyay in la sugayo safarka Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u diyaargarownay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo la filayo inuu dhowaan yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maamulka Khaatumo waa midka ugu nabdoon Soomaaliya. Shacabku si weyn ayay u sugayaan safarkiisa, waxayna diyaar u yihiin inay si diirran u soo dhaweeyaan,” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Falcelinta Hargeysa

Dhanka Hargeysa, wararka booqashada si wanaagsan looma qaadan.

Hoggaamiyeyaal iyo dad rayid ah oo hadlay waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku soo dhaweyn karin Laascaanood, iyagoo ku eedeeyay inuu jebinayo xeerar caalami ah. Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa ku celiyay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo si adag uga hadlay safarka Xamza.

“Madax-bannaanida Somaliland iyo dawladnimadeedu waa xaq taariikhi ah oo sharciyaysan, kuna saleysan rabitaanka shacabka. Socdaalkayaga madaxbannaanida waa mid ku saleysan adkaysi, is-maamul iyo xaq,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali, ayaa isaguna si toos ah ula hadlay saxaafadda Talaadadii, isagoo muujiyay dareen cad.

“Waddankeena iyo xuduudihiisa waan difaacaynaa si kasta oo ay ku kacdo. Nabaddeenna yaan loo arkin tabar-darro, balse waa dulqaadkayaga. Waxaan u aragnaa booqashadaada iyo falalkaaga mid la mid ah duullaankii Vladimir Putin uu ku qaaday Crimea iyo Donbas. Taasi ma keeneyso in Ukraine aysan jirin. Haddii aad tagto Laascaanood ama Garoowe, adigaa iska leh, laakiin annaga diyaar baan u nahay inaan is difaacno si kasta oo loogu baahdo,” ayuu yiri Wasiirka.

Mowduuca ugu hadal-heynta badan

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee laga hadlayo guud ahaan Soomaaliya.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka booqashada inay tahay fursad lagu soo afjari karo ajandaha muddada dheer ee gooni-isu-taagga Somaliland.

Nabiil Afrax, falanqeeye siyaasadeed oo reer Puntland ah, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay leedahay muhiimad qaran, ayna saameyn ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xaalada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Booqashada Xamza waxay calaamad u tahay jebinta sheegashada Somaliland ee gooni-isu-taagga, waxayna ka careysiin doontaa siyaasiyiinta Hargeysa ee mabda’aas shacabka ka iibinaya. Laascaanood muddo dheer waxay ahayd meel lagu loollamo. Dad badan oo waddani ah waxay safarkan u arkaan mid lagu adkeynayo midnimada qaranka,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in guusha safarka ay ku xirnaan doonto sida dowladda dhexe ay ula macaamisho Maamulada Khaatumo iyo Puntland. Wuxuuna ku daray in tijaabada dhabta ah ay tahay in safarku nabad ku dhammaado.

Cabsi amni

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay walaac la xiriira booqashada, iyagoo tilmaamay in ay xambaarsan tahay khataro siyaasad iyo amni.

“Waxaan ka walwalayaa ammaanka Ra’iisul Wasaaraha marka uu tago Laascaanood. Inkasta oo Khaatumo haatan xor tahay, Hargeysa iyo Garoowe ma ogolaan doonaan in uu booqdo dhul ay iyagu sheegtaan. Waxaa sidoo kale jira khataro kaga iman kara kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Cabdi Cali, oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Laascaanood waxay ku taallaa gobolka Sool, oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe — kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa lahaanshaha magaalada tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

25-kii Agoosto 2023, Laascaanood waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tahay deegaan xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay, waxayna aqoonsatay Khaatumo inay maamulka ugu cusub ee dalka, loona diyaarinayo dowlad goboleed.

Laascaanood waa magaalo leh taariikh qoto dheer, waxaana inta badan lala xiriiriyaa halgankii gobonnimada. Waxay u dhowdahay magaalada Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan — halyeygii Soomaaliyeed ee la dagaallamay gumeystihii Ingiriiska.

Jaamac Cali, darawal ka shaqeeya Laascaanood, ayaa rajo ka muujiyay safarka, wuxuuna codsaday in taallo loo dhiso halyeyga Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

“Waan soo dhaweyn doonnaa Ra’iisul Wasaaraha, waanan ilaalin doonnaa sidii ukumo. Haddii uu yimaado, waxaan rajaynayaa inuu taallo weyn ka dhiso bartamaha magaalada — taallo loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, aabbihii halganka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jamaac.