27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Gabar Somali ah oo lagu dilay Denmark iyo ninkii dilay oo…

Copenhagen (Caasimada Online) – Booliiska Denmark ayaa baaraya nin looga shakisan yahay inuu habeenimadii Isniintii toorey ku dilay gabar Soomaali ah oo 21 sano jir ahayd, dhacdadaas oo ka dhacday xaafadda Gormsvej ee magaalada Herning. Booliisku waxay rumeysan yihiin in weerarku uusan ahayn mid si aan kala sooc lahayn loo fuliyey.

Marxuumadda ayaa la helay waxyar un kadib 9:00 habeennimo iyadoo qabta dhaawacyo badan oo toorey ah. Dad marayey goobta ayaa la xiriiray adeegyada gurmadka degdegga ah, waxayna isku dayeen inay u fidiyaan gargaarka deg-degga ah, balse waxaa markii dambe geerideeda lagu xaqiijiyey isbitaalka Gødstrup. Booliiska ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameyn doono meydka Talaadada.

Booliisku waxay sheegeen in ninka looga shakisan yahay uu ka baxsaday goobta isagoo u jihaysan dhanka Silkeborgvej iyo Herning Center. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin u dhexeeya 20 ilaa 25 sano jir, dhererkiisuna yahay qiyaastii 180 sentimitir (5’9), jir ahaanna caato ama dhexdhexaad ah, maqaarkiisuna yahay bunni.

Muuqaal ahaan, waxaa lagu sifeeyey inuu u egyahay qof ka soo jeeda Bariga Dhexe. Markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay isagoo xiran surwaal isboorti oo madow ah, jaakad buuran oo madow iyo af-saab.

“Waxaan hawlgallo ka wadnay aagga habeenkii oo dhan, annagoo adeegsaneyna diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyaha booliiska,” ayuu yiri Taliye Hans Roost oo ka tirsan Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland. “Waxaan si weyn u daneynaynaa in aan helno xog kasta oo la xiriirta wixii aan caadi ahayn ee la arkay.”

Booliiska ayaa ugu baaqay dadka deegaanka ee leh kamarado ammaanka ama dashcam-yada inay dib u eegaan duubistooda laga soo bilaabo 7:00 ilaa 10:00 fiidnimo ee Isniintii, gaar ahaan agagaarka Gormsvej.

Sidoo kale, muuqaalada laga duubay Axaddii iyo waaberigii Isniintii ayaa loo arkaa inay wax tar yeelan karaan. Dadka xog haya waxaa la oggol yahay inay si qarsoodi ah talooyin u gudbiyaan.

“Haddii aad waddadaasi ku martay baabuur leh dashcam, ama halkaas ku joogtay, fadlan nala soo xiriir,” ayuu yiri Roost.

Illaa iyo hadda, hubkii lagu dilay gabadha lama helin, sidoo kalena qofna looma xirin kiiskan.

Roost wuxuu sheegay in natiijooyinka hore ay muujinayaan in gabadha si gaar ah loo bartilmaameedsaday. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in baaritaanku wali furan yahay, isla markaana dhammaan suurtagalnimada la tixgelinayo.

“Waqtigaan faahfaahin dheeri ah kama bixin karo, balse waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in weerarku uusan ahayn mid aan loo qorsheyn,” ayuu yiri.

Subaxnimadii Talaadada, booliisku waxay saldhig booliis oo guur-guura ka hirgeliyeen xaafadda Gormsvej si ay gacan uga geystaan baaritaanka una taageeraan dadka deegaanka ee walaacsan. Waddooyinkii horay loo xiray ee ku yaallay Gormsvej, Thyrasvej iyo Silkeborgvej ayaa la furay mar dambe iyadoo la dhimay joogitaanka booliiska ee halkaas.

Qof kasta oo haysta xog ama aragti la xiriirta kiiskan waxaa lagu boorriyey inuu la xiriiro Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland, lambarka 114.

Wararkii ugu dambeeyey ee kiiska dacwada ka dhanka ah Imaaraadka ee ka socda ICJ

Khartoum (Caasimada Online) – Suudaan ayaa Khamiistii u sheegtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) in Imaaraadka Carabta uu yahay “xoogga kaxeeya” ee ka dambeeya xasuuqa ay ka wado Darfur kooxda fallaagada ah ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, taas oo ay ku eedeysay in Imaaraadku taageero siinayo.

Khartuum ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka hor geysay ICJ, iyadoo ku eedeysay inuu door ku leeyahay xasuuqa lagula kacayo beesha Masalit, iyada oo la adeegsanayo taageerada loo fidiyo ciidanka Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jiray ciidamada qaranka tan iyo 2023.

Imaaraadka ayaa si adag u beeniyay inuu taageero siiyo RSF, wuxuuna ku tilmaamay dacwadda Suudaan “riwaayad siyaasadeed” oo carqaladaynaysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Markii uu furayay dacwadda, wasiirka caddaaladda ku meel gaarka ah ee Suudaan, Muawia Osman, ayaa maxkamadda u sheegay in “xasuuqa socda aanu suuragal noqon lahayn la’aanta kaalmada Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu taageerayo RSF.”

“Taageerada tooska ah ee Imaaraadku siiyo RSF—oo ay ku jirto sahayda hubka iyo kaalmooyin kale—waxay ahayd, welina tahay, xoogga ugu weyn ee kaxeeya xasuuqa hadda socda. Waxaa ka mid ah falal ay ka mid yihiin dil, kufsi, barakicin khasab ah, iyo dhac hantiyadeed,” ayuu yiri Osman.

Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay in ay amarto Imaaraadka inuu joojiyo taageerada la tuhunsan yahay ee RSF, isla markaana bixiyo magdhow buuxa oo ay ku jiraan lacago la siiyo dhibbanayaasha dagaalka.

Balse Reem Ketait, oo ah mas’uul sare oo u hadashay Imaaraadka, ayaa sheegtay in dacwadda Suudaan ay tahay “adeegsi qaldan oo xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay hay’ad caalami ah oo sumcad leh,” isla markaana ay tahay dacwad “aan wax sal ah ku lahayn sharciga ama xaqiiqada.”

“Suudaan waxa ay hadda u baahan tahay ma aha riwaayad siyaasadeed, balse waa xabbad-joojin degdeg ah iyo ballanqaad dhab ah oo labada dhinac ee dirirta ku lugta leh ay kaga go’an tahay wadahadal nabadeed,” ayay tiri Ketait oo war-saxaafadeed soo saartay.

Dacwaddan ayaa timid maalin un kaddib markii Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa RSF in ay dib u bilaabaan wadahadallo nabadeed oo lagu xallinayo colaadda dalka.

‘Dacwad si cad loo dhisay’

Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa ka digay in dacwadda Suudaan ay halis ugu jirto in ay ku burburto sababo la xiriira awoodda maxkamaddu u leedahay inay dhageysato.

Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention) sanadkii 2005, wuxuu ku daray reservation—ama diidmo gaar ah—oo la xiriirta qodob muhiim ah oo u oggolaanaya dowladaha xubnaha ka ah in ay is dacweeyaan ICJ.

Michael Becker, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah kana tirsan Trinity College ee Dublin, ayaa ku qoray maqaal uu u diray mareegta Opinio Juris in dacwadda Suudaan ay taabanayso “su’aalo muhiim ah.”

“Sida laga filan karo, maadaama Imaaraadku uu sameeyay reservation ku saabsan Qodobka IX markuu saxiixay heshiiska 2005, Maxkamaddu waxay u badan tahay in ay go’aamiso inaysan awood u lahayn dhageysiga murankan,” ayuu Becker qoray.

Suudaan waxay ku doodday in diidmada Imaaraadka ay si toos ah uga hor imanayso ujeeddada guud ee Heshiiska Xasuuqa, kaas oo diiradda saarayay mas’uuliyadda caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada ugu xun ee bani’aadantinimada.

Go’aannada ICJ, oo dhageysta murannada dowladaha u dhexeeya, waa kama dambays, waana qasab in la fuliyo. Hase yeeshee, maxkamaddu ma hayso awood ay ku dhaqan geliso amarradeeda.

Tusaale ahaan, ICJ waxay horey ugu amartay Ruushka inuu joojiyo duullaanka Ukraine, balse amarkaasi lama fulin.

“Waxaan maxkamadda horteeda keennay dacwad aad iyo aad u cad,” ayuu yiri wasiir Osman isagoo la hadlayay warbaahinta hortiisa Qasriga Nabadda ee magaalada Hague, halkaas oo ay ICJ fadhigeedu yahay.

“Anaga oo aaminsan, haddii aysan jirin taageerada Imaaraadka, dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah heshiiska xasuuqa lama arki lahayn,” ayuu ku daray.

Xog: Go’aanka Xasan Sheekh ee ka qeyb-galka Madoobe ee shirka uu ku baaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe,” uusan ka mid noqon doonin wajiga hore ee wadatashiyada qaran ee la qorsheynayo, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta wadahadallada siyaasadeed.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah kulan dhowaan albaabadu u xirnaayeen oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay qorshe labo weji ah oo loogu talagalay in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha mudnaanta leh.

Wajiga koowaad wuxuu u furnaan doonaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaal lagu wajahayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Wadahadalladan ayaa lagu wadaa in si toos ah looga baahiyo telefishanka qaranka si loo dhiirrigeliyo daahfurnaan iyo ka-qaybgal ballaaran.

Wajiga labaad, oo Villa Somalia ku tilmaantay “wada-hadal maamul,” ayaa xadidi doona ka-qaybgalka, waxaana lagu casuumi doonaa oo kaliya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan qaadasho.

Axmed Madoobe oo laga reebay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay wada-hadal toos ah oo uu la yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, balse si cad ayuu u sheegay in Axmed Madoobe aanu ka mid noqon doonin ka qaybgalayaasha shirka.

“Tani ma aha kulan dib u midayn ah. Waa wada-hadal u dhexeeya mas’uuliyiinta leh xilka iyo awoodda go’aan qaadashada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia. “Kaliya kuwa si sharci ah u metela dowladda iyo shacabka ayaa lagu casuumayaa.”

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu uu dhammaaday, arrintaasoo sii adkeynaysa khilaafka ka jira hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Dowladda Mareykanka, oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya amniga iyo xasillinta, ayaa si rasmi ah loogu wargeliyay qorshahan. Sida la sheegay, Danjire Riley wuxuu ku boorriyay Madaxweyne Xasan Sheekh in geeddi-socodku noqdo mid furan oo loo dhan yahay, inkastoo qaabka kama dambaysta ah ee shirka uu muuqdo mid horey loo go’aamiyay.

Xaaladda guud oo kacsan

In kasta oo Soomaaliya ay qabatay doorashooyin federaal ah sanadkii 2022 kadib dib u dhacyo badan, haddana khilaafaad siyaasadeed ayaa weli jira — gaar ahaan muranka ka dhashay isbeddellada dastuurka ee dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, kuwaas oo ay Puntland iyo kooxaha mucaaradka ahi si adag u diideen.

Dhinaca amniga, ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyada deegaanka ee Ma’wisleyda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa wali wada hawlgallo ballaaran oo ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada bartamaha dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli halis amni ku ah dalka, iyadoo inta badan ka faa’iideysata xaaladaha siyaasadeed ee aan xasilnayn si ay dib isu abaabusho una fuliso weerarro.

Iyadoo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasillinta (AUSSOM) uu si rasmi ah u beddelay ATMIS, waxaa sii kordhaya baahida loo qabo in hoggaanka dalka ay gaaraan is-afgarad guud oo ku saabsan jihada siyaasadeed iyo midda amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shirka soo socda u arkaa mid lagama maarmaan u ah xasillinta dalka, siyaasiyan iyo amni ahaan. Haddaba, su’aasha taagan waxay tahay: ma ka reebista hoggaamiyeyaal awood leh ayaa lagu gaari karaa ujeeddadaas, mise waxay sii wiiqi doontaa dadaallada lagu raadinayo midnimo qaran?

Maxaad kala socota xagjirka Puntland ee neceb Khaatumo?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaan Qaalib Xasan Baaruud oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka Puntland iyo kan Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya.

Xildhibaan Qaalib, oo laga soo doorto gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in labada maamul ay yihiin dad walaalo ah oo daris ah, balse ay jiraan siyaasiyiin iyo wariyeyaal ka dhex shaqeynaya labada dhinac kuwaas oo uu ku eedeeyay inay abuurayaan nacayb iyo kala fogaansho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xildhibaanku ku tilmaamay dadkaasi inay yihiin xag-jiriin khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabaadi’dii lagu aas-aasay maamulkaas.

“Dadka reer SSC-Khaatumo, Puntland waa gaashaan iyo difaac bir ah oo aan la jebin karin. Waa udub-dhexaadka jiritaanka Puntland. Laakiin siyaasadda guud, saxaafadda iyo hay’adaha dowladda Puntland waxaa ku dhex jira dad xagjir ah oo khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabda’a lagu dhisay,” ayuu yiri Xildhibaan Qaalib Baaruud.

Wuxuu intaas ku daray in dadkani ay yihiin kuwo si cad loo garanayo, isla markaana ay xilli walba wadaan hawlo siyaasadeed oo lagu kala fogeynayo Puntland iyo SSC-Khaatumo.

“Dadkaasi waa kuwo aan colaad iyo nabad midna Puntland wax ku soo kordhin karin. Hadh iyo habeen waxa ay ka shaqeynayaan waa kala fogaanshaha dadka walaalaha ah,” ayuu yiri.

Xildhibaan Qaalib ayaa sidoo kale si toos ah u dhaliilay kooxaha magacooda ku sheegaya SSC-Khaatumo, isagoo ku eedeeyay inay afduubteen halgankii, ayna hadda ku mashquulsan yihiin hurinta kala-qaybsanaan siyaasadeed.

“Waa isla kooxdii magaca SSC-Khaatumo afduubtay, halgankii is-yeelyeelsi ka dhigtay, haddana isku dirka shacabka walaalaha ah ku raadinaysa dano gaar ah oo Laascaanood iyo Xamar ka dhex raadinaysa. Labada dhinacba waxay khatar ku yihiin midnimada shacabka Puntland iyo SSC-Khaatumo,” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Qaalib ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii u dambeeyay si weyn u soo baxayeen warar muujinaya xurguf hoose oo u dhexeysa Laascaanood iyo Garoowe – labo maamul oo deegaan ahaan isku dhow, balse hadda kala aragti duwan arrimaha siyaasadeed.

Xiisaddan cusub ayaa sidoo kale imaneysa iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, uu gaaro magaalada Laascaanood – xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Turkey iyo Israel oo billaabay wada-hadal looga hortagayo dagaal ku dhex-mara dalka…

Baku (Caasimada Online) – Turkey iyo Israel ayaa yeeshay wadahadallo farsamo oo loogu talagalay in laga hortago isku dhacyo suurtagal ah oo ka dhex dhaca ciidamadooda ku sugan gudaha Suuriya, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah Khamiistii.

Wadahadalladii ugu horreeyay ayaa Arbacadii ka dhacay dalka Azerbaijan, iyada oo lagu gogol xaarayay sidii loo dhisi lahaa “nidaam hoos u dhiga xiisadda si looga fogaado dhacdooyin aan la rabin oo ka dhaca Suuriya,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo codsaday in aan la shaacin magaciisa, maadaama ay tahay siyaasad rasmi ah oo lagu ilaaliyo xogta.

“Dadaallada waxaa lagu wadi doonaa dhismaha hab lagu ilaaliyo deegaan dagaal-la’aan ah.”

Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad dhammaadkii sanadkii hore, Israel iyo Turkiga ayaa ku tartamaya saameynta ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sheegtay in diyaarado dagaal oo Israa’iili ah ay duqeeyeen saldhig ciidan oo gudaha dalkaas ku yaalla — saldhig Turkigu la sheegay inuu damacsan yahay inuu u adeegsado ballaarinta saameyntiisa gobolka.

Israel ayaa si gaar ah uga walaacsan in hoggaanka Islaamiga ah ee cusub ee ka arriminaya Suuriya in uu khatar ku noqdo xuduudda Israel, waxayna samaysay aag nabadeed oo ku yaalla gudaha Suuriya si ay u xakameyso khatartaasi.

Doorka sii kordhaya ee Turkiga gudaha Suuriya ayaa sidoo kale walaac ku abuuray Israel, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Talaadadii sheegay in saldhigyo milatari oo Turkigu ka sameeyo Suuriya ay noqon karaan “halis toos ah oo ku wajahan amniga Israel.”

Dowladda Ankara ayaa si buuxda u taageeraysa maamulka cusub ee Suuriya, kaas oo ay hoggaaminayaan kooxihii mucaaradka ahaa ee uu Turkigu taageerayay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee socday muddo 13 sano ah. Taageeradaas ayaa sidoo kale ka mid ah howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.

Sarkaalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in weli lagu guda jiro qorsheynta saldhig tababar oo ay wada yeeshaan Turkiga iyo Suuriya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlahaasi lagu wado si waafaqsan sharciga caalamiga ah “iyadoo aan la beegsanaynin waddan saddexaad.”

Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay in wadahadallo ay dhaceen Arbacadii, isagoo xusay in labada dhinac “isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si loo ilaaliyo xasilloonida ammaanka gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu “uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu dagaal ka bilaabo Suuriya – ha ahaato Israel ama waddan kale oo gobolka ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Ankara “aysan indhaha ka qabsan doonin xaalad kasta oo ka dhex dilaacda gudaha Suuriya – ha ahaato fowdo, weerar ama kicin – taas oo khatar ku noqon karta amniga qaranka Turkiga.”

In kasta oo ay horey iskula shaqeyn jireen sidii lammaane istiraatiiji ah, xiriirka u dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid qabow, wuxuuna sii xumaaday intii uu socday dagaalka Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si joogto ah u cambaareeyay dagaalkaasi, taasoo kicisay jawaabo kulul oo uga yimid madaxda Israel.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa toddobaadkan raadinayay taageero siyaasadeed oo uga timaada saaxiibkiisa, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ka doonayay garab uu kaga hortago Turkiga oo uu Israel u aragto inuu si isa soo taraysa u noqday dal cadaawad u haya.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa halkii uu ka garab istaagi lahaa Netanyahu, wuxuu si weyn u ammaanay Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “ninkii la wareegay arrimaha Suuriya,” wuxuuna isku soo bandhigay inuu noqon karo dhex-dhexaadiye dhexdooda ah, isagoo Netanyahu ugu baaqay inuu “macquul noqdo” marka uu wajahayo Ankara.

Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa ka hortagga weerarrada lagu laayo…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraysa sidii looga hortagi lahaa weerarada gaadmada ah ee kooxda Al-Shabaab ku layso askar badan oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda.

Masar ayaa taageeradan muhiimka ah ku xaqiijisay kulanka ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaasi oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa dalkaas, Badr Abdelatty.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada -hadlay dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad-celiyay dowladda Masar taageerada ay mar walba siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo arrimaha bini’aadantinimada. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan iskaashi iyo is-aamin.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay isla garteen in la sii xoojiyo wadashaqeynta labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, si looga hortago khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa si gaar ah u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Abdelatty wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo caalami ah, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Masar wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay mar walba ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay tahay arrin lama taabtaan ah.

Wuxuu intaas ku daray in Masar ay taageerayso hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu sugayo ammaanka gudaha iyo dib u dhiska dalka, isagoo ballan qaaday in xiriirka labada dowladood uu sii socon doono.

Ugu dambeyn, kulanka labada wasiir ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ballaaran oo la xiriira sii wadida wada-hadallada iyo dhisidda qorshayaal iskaashi oo waxtar u leh labada dal iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Explainer: How PM Hamza’s Las Anod trip could end Somaliland’s narrative?

Las Anod (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced on Saturday his intention to visit Las Anod, the interim capital of the newly formed Khaatumo administration.

The planned visit is being described as historic. It will mark the first time in more than half a century that a senior Somali official has traveled to the strategically significant city in the Sool region of northern Somalia.

Local authorities in Las Anod have confirmed that preparations for the visit are underway. However, an official schedule has not yet been released. Advance delegations have already begun arriving in the city in anticipation of the Prime Minister’s arrival.

Residents are actively preparing to welcome the Prime Minister, and a large reception ceremony is expected. Billboards featuring his image have appeared across the city as locals express hope and excitement for the high-level visit.

Prime Minister Hamza emphasized that the visit aims to strengthen cooperation between the Federal Government of Somalia and the Khaatumo administration. He underscored that the trip should not be interpreted as divisive but as a step toward national unity.

“My visit to Las Anod is focused on reinforcing the working relationship between the Khaatumo administration and the Federal Government. This is not a visit meant to harm any region or administration, nor is it an attempt to divide the Somali people. It is a mission for unity,” he stated.

The Prime Minister also expressed gratitude to the people and leadership of Khaatumo for their patriotism and the warm reception extended to him—even before his arrival.

Khaatumo officially declared its autonomy on August 25, 2023, following a fierce battle with Somaliland forces, who were ousted from a strategic military post in the hills surrounding Las Anod. The months-long conflict resulted in hundreds of deaths and widespread displacement.

The last high-level visit to Las Anod ended in tragedy.

The assassination of president Sharmaarke

On October 15, 1969, then-President Abdirashid Ali Sharmaarke—Somalia’s first Prime Minister—was assassinated in Las Anod during an official visit.

He was shot by a soldier, a killing that triggered the fall of the civilian government and the rise of the military regime led by General Mohamed Siad Barre, who ruled the country for 21 years. The soldier responsible for the assassination was executed.

This historical context helps explain the strong hopeful and critical reactions that Prime Minister Hamza’s planned visit has stirred.

While many Somalis view the trip as hopeful, the Somaliland administration has expressed disapproval and concern.

However, within Las Anod, local leaders and residents have enthusiastically welcomed the news of the visit, reaffirming that Khaatumo is a peaceful Somali administration open to all.

General Abdi Hassan Mohamed Hijar, Khaatumo’s Minister of Justice and Religious Affairs, confirmed the region is fully prepared.

“We are ready to receive the Prime Minister of the Federal Government, who is expected to arrive in Las Anod soon. Khaatumo is the most peaceful administration in Somalia. Our people are eagerly awaiting his visit and are ready to welcome him warmly,” Minister Hijar said.

Reaction from Hargeisa

In Hargeisa, the news of the planned visit has been met with hostility.

Some Somaliland leaders and civilians accused the Prime Minister of violating international norms, claiming he has no right to visit territory they consider part of Somaliland. While Somaliland claims independence from Somalia, it has not received international recognition.

Somaliland Presidential Spokesperson Hussein Aden Igeh reiterated the self-declared republic’s secessionist position and issued a stern warning regarding the visit.

“Somaliland’s independence and sovereignty are legally grounded and historically justified, based on the will of our people. Our quest for statehood is rooted in self-governance, resilience, and legitimate rights,” he wrote on platform X.

During a press conference on Tuesday, Somaliland’s Minister of Information, Ahmed Yasin Sheikh Ali, took an even stronger tone.

“We will defend our country and its borders by any means necessary. Do not mistake our peace for weakness—our restraint is not surrender. We view your visit and actions as comparable to Vladimir Putin’s invasion of Crimea and Donbas. That did not erase Ukraine. If you choose to visit Las Anod or Garowe, that’s your decision—but we are fully prepared to defend ourselves,” the Minister declared.

Hamza’s anticipated visit to Las Anod has become Somalia’s most widely discussed topic.

Political analysts see the trip as a critical opportunity to counter Somaliland’s long-running secessionist agenda.

Nabil Afrah, a political analyst from Puntland, said the Prime Minister’s visit holds national importance and could reshape the future of Somali territorial unity, particularly in the Sool and Sanaag regions.

“Hamza’s visit challenges Somaliland’s secessionist claims and is likely to anger Hargeisa’s political elite, who have long pushed that narrative. Las Anod has long been a flashpoint. Many patriots see this visit as a bold step in strengthening national unity,” he said.

He added that the success of the visit will depend on how the Federal Government engages with the Khaatumo and Puntland administrations. The true test, he noted, will be whether the visit concludes peacefully.

Security concerns

Security analysts have voiced concern over potential risks associated with the visit, citing political tension and militant threats.

“I’m worried about the Prime Minister’s safety in Las Anod. Although Khaatumo is currently in control, both Hargeisa and Garowe may resist his presence in areas they claim. There are also looming threats from extremist groups such as Al-Shabaab and ISIS,” said analyst Abdi Ali.

Las Anod lies in the contested Sool region, between the cities of Hargeisa and Garowe—areas that have disputed control over the city since Somalia’s central government collapsed in 1991.

On August 25, 2023, Las Anod formally declared itself a liberated city. The Federal Government welcomed the declaration and recognized Khaatumo as Somalia’s newest regional administration, paving the way for its integration as a federal member state.

Las Anod is a city with deep historical roots and strong ties to Somalia’s anti-colonial struggle. It is located near Taleh, the former headquarters of the Dervish movement led by Sayid Mohamed Abdulle Hassan, a national hero who fought against British colonial forces.

Jamac Ali, a driver in Las Anod, expressed optimism and called for a monument to honor the legendary freedom fighter.

“We will welcome the Prime Minister and protect him like an egg. If he comes, I hope he will build a major monument in the city center dedicated to Sayid Mohamed Abdulle Hassan—the father of Somalia’s liberation struggle,” Jamaac said.

Dafle: Aas-aasihii hay’adda NISA oo geeriyooday iyo Fahad Yaasiin oo xog culus bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa geeriyooday aas-aasihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Jeneraal Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) siyaasigii ugu saameynta badnaa qaaradda Afrika sanadihii lixdamaadkii, sidoo kalena ahaa saraakiishii ugu xukunka adkeed dowladdii kacaanka ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Isagoo ah nin da’a ah ayuu caawa geeriyooday Dafle, muddo dheer ayuu ka soo shaqeynayey Hay’adda NISA, isagoo ahaa Agaasimihii aas-aasay, sidoo kale wuxuu door cajiib ah ka soo qatay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya iyo xornimada dalal badan oo Afrikan ah.

Fahad Yaasiin oo NISA Agaasime ka soo noqday ayaa kamid ah dadka ka hadlay geerida Dafle, wuxuuna sheegay inuu la yaabay xogtiisa markii uu ugu tegay Taliska NISA ee Habar-Khadiija, isagoo sheegay inuu ugu magac daray Masjid laga dhisay xarunta NISA.

“Aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah, loollankii dagaalkii qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in awoodda Sirdoonka Soomaaliya uu gaarsiiyey heer ay ka war qabeen nolosha ka jirtay guriga Mingistu Xayla Maryam-kii Itoobiya.

“Guulihii furimaha dagaalkii 1977-kii waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Ciidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay Sidoonka Qaranka Soomaaliya ayaa weli lagu hoggaamiyaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, inuu arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, isagoo yiri, “waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee xarunta Hay’adda ka dhisan – Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.”

Wasiirka Amniga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna ka hadlay geerida Jeneraal Dafle ayaa yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay Allaha u naxariistee Jeneraal Axmed Saleebaan Dafle oo kamid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa, mudda dheerna u soo adeegayey dalkiisa, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira kuwa ciidan iyo maamul.”

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed Saleebaan Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya, sanadkii 1937-kii, waxaana 1971-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran, intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib, Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.

Daawo: Xafiiska Xamza oo qodobo ka soo saaray safarka Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed u uku tegayo Laascaanood, waa booqasho qeyb ka ah ‘dadaallada xukuumadda Xamsa ee nabadda, midnimada, iyo horumarinta dalka’ sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku ilaalineyso midnimada dalka, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si dhow ugu kuur-geli doona xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay Xamza Cabdi Barre uu booqashadaan diiradda ku saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, six al waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada SSC Khaatumo.

Masuuliyiinta SSC Khaatumo ayuu Xamsa Cabdi Barre la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood, sidoo kale wuxuu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay shaacisay xukuumaddu.

Hormarka deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ayaa diiradda lagu saari doonaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood, nabadeynta deegaanka iyo mideynta bulshada ayaa saldhig looga dhigi doonaa wax kasta.

Xamza Cabdi Barre, ayaa Laascaanood ka dhagax-dhigi doona, kuwa la hirgeliyana xarigga ka jari doona, sida lagu shaaciyey faahfaahinta xukuumadda ee safarkaas.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo tayo leh” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Türkiye iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis gaas iyo shidaal looga soo saarayo…

Ankara (Caasimada Online) – Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka, taasoo ah tallaabo weyn oo hor leh oo lagu xoojinayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ee dhinaca tamarta.

Heshiiskan oo Khamiista maanta ah lagu saxiixay magaalada Ankara, ayaa shirkadda shidaalka qaranka Türkiye ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) siinaya oggolaansho ay ku sahamiso saddex aag oo dhuleed oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaas oo guud ahaan baaxaddoodu gaareyso ku dhawaad 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, kaasoo ah tillaabo cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta.

“Heshiiskan wuxuu billow u yahay iskaashi cusub oo dhinaca dhulka ah,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan ku bilaabi doonnaa baaritaanno seismic oo ah 2D iyo 3D, iyadoo aan si degdeg ah ugu tallaabi doonna qodista marka aan helno xog dhammeystiran.”

Tani ma aha markii ugu horreysay ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha tamarta. Xagaagii hore, Türkiye iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis wadaag ah oo ku saabsan sahaminta shidaalka badda.

Türkiye waxay markaas u dirtay markabka sahminta ee Oruç Reis, oo ah mid ay dalka gudihiisa ku horumarisay, si uu baaritaanno uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa weli ka shaqeynaya saddex aag badeed oo guud ahaan dhul ahaan gaaraya qiyaastii 15,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

“Ilaa hadda, mashruuca waxaa la dhameystiray boqolkiiba 78,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan hiigsaneynaa in baaritaannada seismic-ka la dhammeeyo bisha May. Marka xogta la falanqeeyo, ayaa la go’aamin doonaa tallaabooyinka xiga ee qodista.”

Iskaashi ka baxsan shidaalka

Labada dal waxay sidoo kale eegayaan fursado iskaashi oo ka baxsan shidaalka iyo gaaska. Wasiir Bayraktar wuxuu sheegay in Türkiye ay rajaynayso in iskaashiga lagu ballaariyo qeybta macdanta.

“Waxaan dooneynaa inaan xiriirka sare u qaadno, annagoo bilaabayna mashaariic la taaban karo oo dhanka macdanta ah,” ayuu yiri. “Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa aragti dheer oo ku wajahan horumar waara iyo xasillooni goboleed.”

Wasiirka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah, wuxuuna sheegay in uu sare u qaaday heerka xiriirka labada dal.

“Heshiiskan wuxuu xiriirkeena u gudbinayaa marxalad cusub,” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsanahay inaan si wadajir ah u horumarino khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, si ay labada dhinacba uga faa’iideystaan. Markii shuruucdeenna iyo habraacyadeenna sharciyeed ay diyaar noqdaan, waxaan si diirran u soo dhoweyn doonnaa shirkadaha macdanta ee Turkiga.”

Bayraktar wuxuu intaa ku daray in wafdiga Soomaaliyeed ay Türkiye sii joogayaan dhowr maalmood si ay u booqdaan xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay markabka qodista ee Fatih.

Türkiye sidoo kale waxay dadaal xooggan ku bixineysaa horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee tamarta. Bisha May 2-deeda, magaalada Istanbul waxay martigelin doontaa Shirka Caalamiga ah ee Khayraadka Dabiiciga ah, halkaas oo wasiirrada tamarta iyo shirkadaha waaweyn ee caalamka ay ka wada hadli doonaan fursado cusub. Shirka waxaa marti-gelin doona Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan.

“Türkiye waxay garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa,” ayuu yiri Bayraktar. “Hadda, waxaan ku faraxsanahay inaan garabkooda ku sii soconno xilli ay u jiheysanayaan mustaqbal ifaya.”

New Türkiye-Somalia oil deal expands energy ties on land

ANKARA, Türkiye—Türkiye and Somalia have signed a new agreement for onshore oil and gas exploration, taking another big step in their growing energy partnership.

The deal, signed Thursday in Ankara, gives Türkiye’s national oil company, Turkish Petroleum Corporation (TPAO), the green light to explore three land blocks in Somalia covering around 16,000 square kilometers.

Turkish Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar and Somali Minister of Petroleum and Mineral Resources Dahir Shire Mohamed signed the agreement, which adds a new layer to the countries’ ongoing cooperation in energy.

“This agreement marks the start of a new onshore partnership,” Bayraktar said. “We’ll begin with two- and three-dimensional seismic surveys, and based on what we find, we’ll move quickly to drilling.”

This isn’t the first time the two countries have teamed up on energy. Last summer, Türkiye and Somalia signed a production-sharing deal for offshore exploration. Türkiye sent its locally developed seismic vessel, Oruç Reis, to Somalia’s coastal waters. That vessel is still at work, surveying three offshore areas that span about 15,000 square kilometers.

“So far, the project is 78% complete,” Bayraktar said. “We’re aiming to finish the seismic surveys by May. Once we’ve analyzed the data, we’ll decide on the next steps for drilling.”

Looking beyond oil

Both countries are also eyeing future opportunities beyond oil and gas. Minister Bayraktar said Türkiye hopes to expand the partnership into the mining sector next.

We’re preparing to take this relationship to the next level by launching concrete mining projects,” he said. “This isn’t just about energy—it’s about long-term development and building regional stability.”

His Somali counterpart, Minister Dahir, echoed those thoughts and called the agreement a historic moment. “This deal takes our relationship to a whole new level,” he said.

“We’re excited to develop Somalia’s natural resources in a way that benefits both sides. And once our legal frameworks are ready, we’re looking forward to welcoming Turkish mining companies to Somalia.”

Bayraktar added that Somalia’s delegation will stay in Türkiye for a few more days to visit key facilities, including the Fatih drillship.

Türkiye’s commitment to global energy cooperation is also moving forward. On May 2, Istanbul will host the International Natural Resources Summit, where energy ministers and major companies worldwide will explore new opportunities. The summit will be held under the patronage of President Recep Tayyip Erdoğan.

“Türkiye stood by Somalia during its most difficult times,” Bayraktar said. “Now, we’re proud to walk alongside them as they move toward a brighter future.”

Maamulka Trump oo isku khilaafsan xiritaanka safaarada Mareykanka ee Muqdisho

Washington (Caasimada Online) – Guulo dhowaan ah oo ay gaareen falaagada Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana laga daadgureeyo inta badan shaqaalaha, si looga hortago khataraha amni, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadahadallada gudaha oo la hadlay New York Times.

Hase yeeshee, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump, gaar ahaan kuwa ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, ayaa ka digaya in xiritaanka safaaradda uu dhaawici karo kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu sababi karo burbur degdeg ah. Taa bedelkeeda, waxay taageersan yihiin in la kordhiyo howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya si loogu sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Doodaha is khilaafsan waxaa hurinaya xusuusta dhacdooyin xanuun badan oo hore u dhacay, sida weerarkii 2012 ee koox Islaami ah ku qabsatay xarunta Mareykanka ee Benghazi, Liibiya, iyo burburkii lama filaanka ahaa ee xukuumaddii Afghanistan xilligii ciidamada Mareykanka ay ka baxayeen dalkaas sannadkii 2021.

Tani waxay sidoo kale muujinaysaa caqabadda ballaaran ee hortaagan maamulka Trump marka uu dejinayo istiraatiijiyadda siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya — dal ay hareeyeen khilaafaadyo qabiil iyo kala dambeyn la’aan, halkaas oo Mareykanku muddo labaatan sano ku dhow ku waday dagaal xadidan oo ka dhan ah argagixisada, balse horumar muuqda aan laga gaarin.

Arrintan ayaa u muuqata inay iska hor keenayso la-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee la-dagaalanka argagixisada, Sebastian Gorka — oo taageersan in si adag loo wajaho kooxaha Islaamiyiinta ah — iyo xubno kale oo xag-jir ah oo ka tirsan isbahaysiga siyaasadeed ee Trump, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaallada “aan dhammaan” ee bilowday kadib weeraradii 11-kii September 2001, kuna dooda in Soomaaliya aysan ahayn mid dan weyn ugu fadhida Mareykanka.

Toddobaadkii hore, Gorka ayaa shir isugu yeeray saraakiil ka kala socota hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, si looga arrinsado jihada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin xog ogaal u ah wada-hadalladaas, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Shirkaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday iyadoo aan la gaarin go’aan rasmi ah.

Dowladihii Mareykanka ee kala dambeeyay ayaa raacay siyaasad ku qotonta taageeridda dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tababar iyo qalab u fidinayay unugyada gaarka ah ee Danab, sidoo kalena adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn si ay u siiyaan taageero cirka ah marka ay la dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida.

Siyaasaddan ayaa loogu talagalay in ay dhidib u dhigto awoodda dowladda Soomaaliya si ay mustaqbalka u sugi karto ammaankeeda. Laakiin, sida dhacday meelo kale oo ay ka mid tahay Afghanistan, yoolkaasi wali ma rumoobin.

Xaaladdu waxay kasii dartay warar sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya aysan dagaalka u istaagin, iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay inuu ka leexday taageerayaal ka tirsan beelaha mucaaradka iyo xitaa kuwa garabkiisa taagnaa.

Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan ka jawaabin codsiyo falcelin ah oo arrintan la xiriira.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Arbacadii sheegay in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay “si buuxda u shaqeyneyso” isla markaana wasaaraddu ay “si joogto ah u qiimeyso ugana falceliso xogaha la xiriira khataraha, iyadoo la waafajinayo tallaabooyinka ammaanka iyo howlgalka.”

Maureen Farrell, oo horey u ahayd masuulka siyaasadda Afrika ee Wasaaradda Difaaca xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in Al-Shabaab aan lagu jabin karin kaliya awood milatari. Waxay ku talisay in Mareykanku diiradda saaro xubnaha xagjirka ah ee halista leh, iyadoo lagu dadaalayo in inta kale ee kooxda lagu qanciyo wadahadal siyaasadeed.

“Haddii aan ka fekerayno in aan yareyno joogitaankeenna, waa in aan ka faa’iideysanaa fursaddaas si aan cadaadis ugu saarno horumar dhab ah oo lagu gaaro himilooyinkeenna,” ayay tiri Farrell, oo haatan ah madaxweyne ku xigeen ka tirsan shirkadda la-talinta amniga ee Valar Solutions. “Waa fursad naadir ah oo aan si daacad ah u sheegan karno in aan diyaar u nahay in aan baxno haddii isbedello la taaban karo aan la helin.”

Muddadii ugu badneyd ee xukunkiisa hore, Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ka qaaday xayiraado xilligii Obama la saaray duqeymaha. Balse toddobaadyadii ugu dambeysay ee xafiiskiisa, wuxuu si lama filaan ah u amray in inta badan ciidamada laga saaro Soomaaliya, marka laga reebo tiro yar oo ilaalinaysa safaaradda.

Ciidamadii ayaa dib loogu daabulay Kenya iyo Jabuuti, hase yeeshee si wareegto ah loogu soo celinayay gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray. Sannadkii 2022, kadib markii hoggaanka milatariga ay sheegeen in gelitaanka iyo ka bixitaanka dalka uu khatar yahay, Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday in ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo joogitaan rasmi ah gudaha Soomaaliya.

Waxaa haatan gudaha Soomaaliya ku sugan 500 ilaa 600 oo askari Mareykan ah, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Maamulka cusubna wuxuu fuliyay dhowr duqeyn oo ka dhan ah xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan waqooyiga dalka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, guulo dagaal oo ay gaareen Al-Shabaab ayaa keenay in kooxda ay ku soo dhowaato magaalada Muqdisho, taas oo keentay walaac ku saabsan ammaanka safaaradda Mareykanka — xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha. Roobabkii xilli roobaadka ayaa hakiyay dagaalka, taas oo bixisay waqti dheeraad ah.

Omar Mahmood, falanqeeye sare oo ka tirsan Hay’adda Crisis Group una qaabilsan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in weerarradii ay Al-Shabaab bilaabeen dabayaaqadii Febraayo ay si lama filaan ah ugu dhaceen dowladda, taas oo keentay in kooxda ay dib u qabsato qaar ka mid ah tuulooyin ay horey u weysay laba sano kahor. Si kastaba, wuxuu sheegay in guulaha la sheegayo ay yihiin kuwo la buunbuuniyay, isla markaana kooxda aysan hadda u muuqan inay Muqdisho bartilmaameedsanayso.

“Dowladdu si dhab ah ayay ula tacaaleysaa xaaladda – ciidamadii dhawaan la tababaray ma aysan la falgelin dagaalka si wanaagsan, siyaasadduna si xun ayay u kala firdhan tahay – balse cabsi laga qabo in Muqdisho la qabsado waa mid si weyn loo buunbuuniyay,” ayuu ku yiri email. “Tani waa wax ku caadi ah Soomaaliya, gaar ahaan dhexdeeda saaxiibada caalamiga ah, in marka ay wax yar qaldamaan, ay dadku si degdeg ah ugu rido cabsi iyo saadaal xun.”

Si kastaba, qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wali taageersan in safaaradda la xiro, lagana daadgureeyo shaqaalaha si nidaamsan, si looga fogaado baahi degdeg ah oo lagu sameeyo howlgal samatabixin, sida tii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kabul, Afghanistan, bishii Agoosto 2021.

Waxaa kale oo jirta cadaadis lagu saarayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay isku ururiso howlaheeda safaaradeed ee qaaradda Afrika. Sidaa darteed, ururinta shaqaalaha Mareykanka ee Soomaaliya meel kale oo Bariga Afrika ah, sida Kenya ama Jabuuti, ayaa u adeegaysa yoolka dhimista kharashaadka dowladda, sida ay sheegeen masuuliyiin arrinta ka warqabay.

Qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa si iskood ah isugu caleemo saaray maamullo madax-bannaan. Mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo ayaa ah in qaar ka mid ah xarumaha iyo hantida Mareykanka la geeyo saldhig militari oo wakhtigii Soviet-ka laga dhisay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan u soo jeediyay maamulka Trump inuu la wareego saldhigyo ciidan iyo dekedo, oo ay ku jirto mid ku taalla Somaliland, inkastoo dowladda federaalka aysan maamul u lahayn dhulkaas, sida ay Reuters daabacday dabayaaqadii Maarso.

Shirkii toddobaadkii hore, Gorka ayaa la sheegay inuu si adag uga hor yimid fikradda ah in la yareeyo joogitaanka Mareykanka, isagoo ku dooday in aan la aqbali karin in Al-Shabaab ay dalka la wareegto, isla markaana soo jeediyay in la kordhiyo weerarada lagu beegsanayo dagaalyahanada kooxda.

Isbedel kasta wuxuu saameyn ku yeelan karaa xiriirka Mareykanka la leeyahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Masar ayaa leh ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka Kenya ay si toos ah u la kulantay weerarro ay kooxdaasi ka fulisay gudaha dalkooda.

Yaraynta howlgallada ayaa sidoo kale keeni karta su’aalo ku saabsan in hay’adda CIA ay sii wadi karto hawlaheeda gudaha Soomaaliya. Xusuusin ahaan, weerarkii Benghazi, kooxaha weerarka geystay waxay weerareen xarunta CIA-da ee ku taallay meel u dhow safaaradda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin go’aanka siyaasadeed ee Mareykanka ka qaadanayo Soomaaliya: in la sii wado siyaasadda hadda jirta si Al-Shabaab loo xakameeyo, in si weyn loo kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda, ama in la yareeyo joogitaanka iyadoo la ilaalinayo awoodda lagu fulin karo weerarro fogfog oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada argagixisada.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah su’aashu waxay tahay: haddii Al-Shabaab ay la wareegto dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya, ma ku ekaan doonaan xukun gudaha ah, mise waxay bilaabi doonaan weerarro dibedda ah ama martigelin doonaan kooxo argagixiso ah oo sidaas sameeya?

Kooxda Al-Shabaab waxay ka dhalatay fowdadii siyaasadeed ee Soomaaliya bartamihii 2000-meeyadii, waxayna 2012-kii daacad u noqotay Al Qaacida. Qaar ka mid ah garabyadeeda ayaa weerarro ka fuliyay meel ka baxsan Soomaaliya, sida toogashadii 2013 ee ka dhacday xarunta Westgate Mall ee Nairobi, Kenya, iyo weerarkii 2020 ee lagu qaaday saldhig Mareykanka leeyahay oo ku yaalla Manda Bay, Kenya, kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha.

Soomaaliya waxay ka soo horjeeddaa gacanka Cadan, dhinaca dalka Yemen, halkaas oo maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaas oo khatar ku haya marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah ee Suez. Taliyaha Taliska AFRICOM, Gen. Michael E. Langley, ayaa toddobaadkii hore u sheegay Congress-ka in milatarigu uu si dhow ula socdo calaamado muujinaya xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Charlie Savage wuxuu wax ka qoraa arrimaha ammaanka qaranka iyo siyaasadda sharciga.

Eric Schmitt waa weriye ka tirsan The New York Times oo ku takhasusay arrimaha ammaanka qaranka, isaga oo si gaar ah diiradda u saara howlaha milatari ee Mareykanka iyo arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada ee dibadda. Wuxuu ku hawlanaa tabinta mowduucyadan muddo ka badan soddon sano.

Muxuu yahay heshiiska ay saxiixday DF ee $306 milyan?

Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta (Arab Monetary Fund – AMF) heshiis looga cafinayo dayn gaaraysa $306.5 milyan, tallaabo muhiim ah oo ay dowladda ku tilmaantay guul istaraatiiji ah oo kaalin weyn ka qaadaneysa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya, oo muddo tobannaan sano ah la daalaa-dheceysay dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, ayaa hadda ku jirta dadaallo dib-u-dhis dhaqaale. Dhibaatada waxaa sii xumeeyay abaaro, fatahaado iyo weerarro xagga dalagga ah oo ayaxa geystay sannadihii u dambeeyay.

Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Soomaaliya ay ugu jirto cafinta deymaha culus ee dalka ku dhacay tobannaan sano kahor, xilli uu burbur ku yimid hay’adihii dowladda kaddib markii uu billowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991. Intii u dhaxeysay, Soomaaliya waxay ka baxday nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo aan lahayn awood ay ku maamusho daymaha ama ay ku hesho deeqo iyo maalgelin caalami ah.

Sanadkii hore, Soomaaliya waxay ku guuleysatay in laga cafiyo 99% dayntii ay ku lahayeen waddamada xubnaha ka ah Paris Club – tallaabo lafdhabar u ahayd dadaallada ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Heshiiska ay la gashay AMF—oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, islamarkaana hormuud u ah xasilloonida maaliyadeed iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Carabta—ayaa salka ku haya dib-u-habayn lagu sameynayo deynta ay Soomaaliya ku lahayd sanduuqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu AMF soo saaray. Balse, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay dadaallada Soomaaliya ee dhinaca cafinta daymaha, isla markaana uu yahay “tallaabo aasaasi u ah dib-u-xirirka Soomaaliya la leedahay sanduuqa.”

Saxiixa heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay magaalada Kuwait, ayaa sidoo kale “ka tarjumaya kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto jihada cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-habaynta.”

Al-Shabaab oo cashir loogu dhigay 2 gobol – Maxaa 24-kii saac ee tegay dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah.

Deegaanka Aboorey

Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas.

Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada.

Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan.

Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi.

Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas.

Dagaalka Aadan Yabaal

Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad.

Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.

Xogta mashruuca marinka xiriirinaya Berbera iyo Addis Ababa ee qorshihiisu socdo

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya).

Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka.

Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta

Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka.

“Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay.

Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka

Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah.

Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka.

Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay heshiis cusub oo lala soo galay waddanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka.

Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo.

Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.

Daawo: DF oo Muqdisho ku xirtay ciidamo kasoo cararay furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay askar ka tirsan ciidamadeeda oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan “Shub”, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loo diray dagaalka ay si fuleynimo ah uga soo baxsadeen aagga hore, kadibna ay kusoo laabteen Muqdisho. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay falkaas mid ceeb ku ah askartaas, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Shub ayaa xusay in askartii la qabtay lagu xiray xabsiga dhexe ee Xamar, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Rag isku mid ma aha, goobta dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Kuwa fuleyda ahaa ee ka soo cararay jiidda hore annaga Muqdisho kuma dayn, waanu soo qabanay, waaran ayaana u jarnay, xabsiga ayaana ku shubnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in weli ay baadi-goobayaan askari kale oo baxsad ah, isla markaana la filayo in mar dhow la soo qabto.

“Waxaa jira nin naga fakaday oo aan weli raadineyno, waana heli doonnaa, isaguna wuxuu geli doonaa Gaal Shire,” ayuu yiri Taliye Shub.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ammaan u jeediyay askarta kale ee weli ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga qayb-qaadanayaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka.

Maalmo kahor ayaa Muqdisho laga sagootiyay ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo loo diray furimaha hore si ay uga qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna garab siiyaan ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ku jira.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Booliska ayaa iyana lagu daray safka hore, si ay u xoojiyaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib usoo abaabulaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalladii u dambeeyay, iyagoo xoreeyay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulka HirShabelle.

Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro badan oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay maydadka qaarkood.

Daawo: Maydka Jeneraal Sheegow oo diyaarad laga saaray garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay.

Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday.

“Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.”

Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay Jeneraalka, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu u dhintay dayacaad caafimaad, maadaama uusan helin daryeel ku filan.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hoggaaminayay iyo kuwa dowladda. Kaddib qabashadiisa, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu codsanayaan in xorriyaddooda dib loo siiyo.

“Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah, kuwaas oo dowladda u xiran. Howlo farsamo oo haatan socda ayaa jira, marka la dhameystiro iyagana waa la sii deyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada marxuum Sheegow.

Puntland oo gashay xaalad adag, kadib arrin culus oo soo korortay (Warbixin)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taasoo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurro la xiriira biyo la’aanta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland, iyadoo xaalado aad u adag laga soo sheegayo dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka.

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujineysa xaalad degdeg ah oo la xiriirta nafaqo-xumo sii kordheysa, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ku sugan Puntland.

Wasaaradda ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ku saabsan wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka soo kordhay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Puntland, taasoo sababtay biyo la’aan baahsan oo saameysay dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay farriin culus u dirtay hay’adaha samafalka, iyadoo ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka taagan Puntland.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa hay’adaha bah-wadaagta la ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada inay ka qeyb qaataan sidii gargaar biyo-dhaan ah loogu sameyn lahaa dadka ay abaartu saameysay,” ayaa lagu sii daray bayaanka.

Intaas waxaa lagu daray in, “Wasaaradda ay ku hawlan tahay sidii looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo yaraanta biyaha ee ka jira deegaannada Puntland.”

Puntland ayaa hore ugu jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana hadda kusoo biiray dhibaato bani’aadanimo oo si weyn u saameysay bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga soo warinayaa abaar daran, iyadoo roobabkii la filayay aysan di’in, arrintaasoo uga sii dartay kuleylka iyo xaaladda abaarta ee dalka ka jirta.

Cabdikariin Qalb-dhagax oo xil sare loo doortay maanta

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa maanta loo doortay hoggaanka sare ee ururka ONLF, kadib kulan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka.

Golaha Dhexe ee ONLF ayaa xilkan u doortay Qalbi-dhagax, iyagoo xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku kacay tallaabooyin ka hor imaanaya xeer-hoosaadka ururka.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore uu jabiyay xeer-hoosaadka ururka, faragelinna ku sameeyay habraaca go’aan-qaadashada, isla markaana khatar geliyay badqabka xubnaha xisbiga.

Kaddib xil ka qaadistaas, Cabdikariin Qalbi-dhagax oo horey u ahaa ku-xigeenka guddoomiyaha ONLF, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka guddoomiyaha, wuxuuna sii hoggaamin doonaa ururka ilaa laga gaarayo shirweynaha guud ee xiga.

Sidoo kale, ururka ONLF ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifkiisu weli yahay sidii hore, islamarkaana uu taageersan yahay heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2018, kaas oo ay ku tilmaameen tiirka nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan deegaan Soomaalida Itoobiya.

Qalbi-dhagax, oo ah sarkaal sare oo ururka ONLF ah, ayaa si weyn loogu xasuustaa doorkiisii dagaalka ururka, iyadoo xusuus gaar ahna loo hayo dhacdadii ay dowladda uu hoggaaminayay Farmaajo ugu gacan gelisay Itoobiya. Arrintaas ayaa dhaliyay caro weyn, hase yeeshee markii dambe ayuu dib u helay xorriyaddiisa, kaddib isbeddallo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya.

Isbeddelka haatan lagu sameeyay hoggaanka sare ee ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf culus u dhexeeyo ururka iyo maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka dowlad-deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa dhowaan ku eedeeyay Mustafe Cagjar waxqabad la’aan iyo hoggaan xumo, taasoo uu madaxweynaha si adag uga jawaabay, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.

Cagjar ayaa dhankiisa ONLF ku sifeeyay koox adag oo aan dulqaad badan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Baahiyaha shacabka deegaanka haysta waa badan yihiin, dowladduna marnaba kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarineed ee shacabka. Waxay ka jawaabeysaa kuwa ay u aragto in lagu xallin karo tabarta jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Si kastaba ha ahaatee, ururka ONLF ayaa si cad u muujiyay niyad-jab uu ka qabo tallaabooyinkii u dambeeyay ee xisbiga talada haya, taasoo hoos u dhigtay kalsoonidii labada dhinac, kuwaas oo horay u yeeshay wada-hadallo lagu xallinayay khilaafkooda siyaasadeed.