27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Daawo: R/W Xamza oo Laascaanood uga sii gudbay magaalo kale kadibna…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa hadhimo-sharafeed lagu maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya oo 30 KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlay shacabka magaalada ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhi ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan.

Waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha heer federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.

Ra’iisul Wasaaraha oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada kaarka muwaadinka.

Socdaalka Xamza oo loogu magac daray “socdaalkii nabadda iyo midnimada” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaaladaasi.

Safarka Xamza ayaa waxaa si adag uga horyimid maamulka Somaliland oo horey uga talin jiray magaalada Laascaanood, balse looga saaray dagaal, kadibna waxaa si buuxda uga talinaysay SSC-Khaatumo, oo dowladda federaalka u aqoonsatay mid kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

MUQDISHO oo si rasmi ah looga billaabayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daahfuray ololaha qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaa la qorsheynayaa in bartamaha toddobaadkan ay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabato diiwaangelinta muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda. Dadkaasi ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan doorashada golaha deegaanka oo loo asteeyey in ay qabsoonto bisha Juun.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ololahaani uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu soo celinayo awoodda go’aan ka gaarista shacabka.

Wuxuu si gaar ah u xusay in diiwaangelinta si rasmi ah looga bilaabi doono Degmada Shangaani maalmaha soo socda, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka in ay si firfircoon uga qeyb qaataan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in 15-ka bishaan April si rasmi ah loo furi doono goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo xusay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa uu dhammaaday.

Dhankiisa, Maxamed Axmed Yabooh oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in toddobaadkan gudaheed laga bilaabi doono diiwaangelinta sagaal degmo oo ka tirsan gobolka.

Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu bulshada ku wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka doorashada qof iyo cod.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku qabato doorasho qof iyo cod ah, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan in nidaam aan sax aheyn loo maray hanaankan doorasho.

Sawirro: Xamza oo Laascaanood ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed casri ah

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.

Mashaariicda uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha garoon diyaaradeed casri ah oo yeelaneyso magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in deegaannada maamulka SSC-Khaatumo ay ka hirgaliso mashaariic waaweyn oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada.

Shalay ayuu sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamza uu magaalada Laaacaanood ka dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada kaarka muwaadinka ee (National ID).

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo ka sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka kooxaha argagixisada.

Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

Safarka Ra’iisul Wasaarw Xamza ee Laascaanood oo la filayo inuu maanta soo gaba-gabeeyo ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaaladaasi.

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta loo balansanaa ayaa baaqday, kaasi oo qeyb ka ahaa kulamada caadiga ah ee Golaha.

Kulanka maanta baaqday ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka tan iyo markii ay galeen fasax gaaban oo la xiriiray maalmaha ciidda. Fasaxa kadib, waxaa laga sugayay in Golaha si rasmi ah ugu laabtaan howlaha shaqo.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Khamiistii ku go’aamiyay in dib loo bilaabo kulamada Golaha laga bilaabo maanta oo Isniin ah. Go’aankaas kadib, waxaa la filayay in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulan muhiim ah, balse ugu dambeyn wuu baaqday.

Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah kulamo yeelan jiray saddex maalmood toddobaadkii, kuwaas oo ah Sabti, Isniin iyo Arbaco. Sidaas darteed, kulanka ugu dhow ee la rajeynayo in uu qabsoomo waa maalinta Arbacada, haddii aan isbeddel kale imaan.

Waxaa horey u dhacay in kulamo dhowr jeer ah oo Golaha Shacabka loo qorsheeyay ay baaqdaan, iyadoo marar badan aysan jirin wax sabab ah oo si rasmi ah loogu shaaciyo baaqashadaas. Tani waxay noqotay arrin soo noqnoqota.

Baaqashada kulamo noocan ah ayaa inta badan dhalisa su’aalo iyo dareen shaki leh oo ku saabsan hufnaanta howlaha Golaha iyo qorsheynta kulamadooda.

Si kastaba, Goluhu weli ma shaacin war rasmi ah oo caddeynaya sababta kulanka maanta uu u qabsoomi waayay.

Somali forces fight Al-Shabab for control of strategic town

BUULO-BURDE, Somalia – Somali government forces and allied local militias have been engaged in intense fighting for over two weeks against Al-Shabaab militants in the strategic village of Aboorey in the central Hiiraan region, officials and residents said on Sunday.

The offensive, part of a wider government campaign to reclaim territory from the al-Qaeda-linked insurgents, has seen both sides pour in reinforcements, with heavy weaponry deployed across the front lines.

“The battle is intensifying as more troops are mobilized on both sides,” a Somali military officer told Caasimada Online by phone, requesting anonymity due to security protocols.

Strategic crossroads in central Somalia

Aboorey, located at a vital junction linking Hiiraan, Middle Shabelle, and parts of Galmudug, has served as a logistical and operational hub for Al-Shabaab for years. Analysts say the village enables the group to move fighters and supplies between key regions.

Government forces, backed by local clan militias known as Macawiisley, launched the operation to reclaim Aboorey amid broader efforts to dislodge the militants from central Somalia. Progress, however, has been slower than expected due to a drop in aerial support.

“The reduced air cover has significantly hampered the offensive, allowing Al-Shabaab to entrench and launch stronger counterattacks,” said a Mogadishu-based security analyst monitoring the conflict.

Over the weekend, Al-Shabaab fighters reportedly launched a coordinated counteroffensive, targeting advancing troops with mortars and small arms fire. Local sources say the group is being reinforced by fighters crossing from western Hiiraan, highlighting Aboorey’s strategic value.

Residents reported heavy overnight clashes on Saturday, with militants attempting to defend long-held positions in and around the village. “The fighting has been non-stop. We hear gunfire day and night,” said a resident reached by phone.

Al-Shabaab has controlled parts of Aboorey for years, and losing it would mark a major setback for the group’s influence in central Somalia.

Government reinforcements expand operation

In response, the Somali National Army has deployed additional forces to Aboorey and nearby Yasooman in an effort to encircle the militants and cut off supply routes. Commanders hope this will pressure Al-Shabaab to retreat from the area.

Troop movements have also been reported toward Buulo-Burde, a key town under government control, to prevent potential Al-Shabaab regrouping or counter-raids.

Federal forces are supported by militias from the local Hawadle clan, who have played a critical role in past offensives against Al-Shabaab in the region.

“The government is determined to clear the entire corridor of militant presence,” a defense ministry spokesperson told local media on Sunday.

Al-Shabaab has waged a deadly insurgency against the Somali government since 2007, aiming to impose its strict interpretation of Islamic law. While the group has lost significant territory, it retains the capacity to carry out suicide bombings, ambushes, and complex attacks, particularly in rural areas.

Since taking office in 2022, President Hassan Sheikh Mohamud has pursued a military strategy rooted in local collaboration. His administration has empowered clan militias and launched coordinated offensives, aiming to fracture Al-Shabaab’s grip on the countryside.

Though early gains were made, particularly in central regions, progress has slowed in recent months due to logistical challenges, including reduced international air support and limited resources.

The United States and African Union forces have provided intermittent airstrikes and intelligence support, but the intensity and frequency of such assistance have diminished.

High stakes for both sides

While Somali forces have made gains, the battle for Aboorey underscores Al-Shabaab’s resilience and the enduring challenges facing government operations. The outcome of the current standoff could reshape militant control in central Somalia and set the tone for future offensives.

If government troops succeed in seizing Aboorey, it would disrupt Al-Shabaab’s network in the region and isolate its fighters in neighboring provinces. However, a protracted conflict may stretch Somali forces thin and allow the militants to regroup elsewhere.

The humanitarian impact remains unclear as the fighting continues, with restricted access hindering independent verification of casualties and displacement.

Puntland oo beenisay arrin lagu eedeeyay oo ka dhan ah safarka R/W Xamza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay joojisay duulimaadka diyaaraddii Laascaanood geysay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Bayaankan oo ay soo saartay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa lagu tilmaamay eedeymahaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Warkan ay Puntland ku sheegtay been-abuur ayaa si xawli ah ugu faafay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Puntland ay shaqada ka joojisay diyaaraddii sidday wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxay si degdeg ah uga falcelisay arrintan, iyadoo ka digtay faafinta wararka been-abuurka ah ee marin-habaabinaya bulshada.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ugu baaqday inay wararka xaqiiqda ah ka helaan ilo rasmi ah, isla markaana aysan ku kadsoomin qoraallo aan la xaqiijin.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in aysan jirin wax diyaarad ah oo la hor istaagay ama laga xanibay adeeggeedii caadiga ahaa.

“Ma jiraan wax duulimaad ah oo wasaaraddu joojisay,” ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay. Waxaana intaas lagu daray in qoraallada lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya joojinta diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha ay yihiin kuwo ay faafinayeen dad gaar ah.

Puntland waxay uga digtay dadka falalka noocan ah sameynaya inay iska ilaaliyaan fidinta wararka aan la xaqiijin, maadaama ay taasi dhaawac ku tahay kalsoonida shacabka iyo xiriirka dowladda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in maamulka Puntland uusan raalli ka ahayn safarka Ra’iisul Wasaare Xamza, oo noqonaya markii u horreysay oo mas’uul sare oo dowladda federaalka ah ka tirsan uu booqdo magaalada Laascaanood.

Firdhiye oo DF ka dalbaday arrin la xiriirta Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye oo khudbad ka jeediyay munaasibad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dagaalka kala dhexeeya Somaliland, isaga oo dalab culus u gudbiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Firdhiye ayaa sheegay in mar kale ay Somaliland ugu baaqayaan nabad iyo deganaan, si looga gudbo xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollad Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaashaha iyo deris-wanaagga, si shuruud la’aan ah.

“Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada,” ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye.

Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaadato doorka wada-hadallada ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland, si ay xal u wada gaaraan labada dhinac oo horay ugu dagaalamay Laascaanood iyo qaybo kale oo kamid ah Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Firdhiye ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay qaataan kaalintooda, si looga maarmo in dowlado shisheeye ay soo farogeliyaan xiisaddaasi.

“Xukuumadda Dan-qaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dawlado shisheeeye qaadan lahaayeen. Ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso. Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan u rajaynaynaa.” ayuu sii raaciyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga waydiiyay safarka Ra’iisul wasaarihiisa ee magaalada Laascaanood uu sheegay inuu u tegay xal raadin iyo sidii nabad loogu raadi lahaa colaadihii ka dhashay dagaalladii ka dhacay halkaas, gaar ahaan arrinta SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Xamza uu halkaas u tegay, si uu u abuuro jawi wada-hadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ka carootay booqashada Ra’iisul wasaaraha, iyada oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Xamza ee degmada Laascaanood.

Xogta dagaal culus oo ka socda deegaanka Aboorey

0

Buulo-burde (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo weli ka socda gudaha deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalladan oo socda in ka badan laba todobaad oo xiriir ah ayaa marba marka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah.

Khasaaraha ayaa sidoo kale sii kordhaya, maadaama dagaalka uu yahay mid xooggan oo dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in weerar culus uu xalay ka dhacay deegaanka, kaas oo lagu beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab oo isku dayaya inay difaacdaan Aboorey oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay muddo dheer ka talinayeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in horumarka ciidamada huwanta ay caqabad wayn ku noqotay hoos u dhaca taageerada cirka ah, taas oo sii dheereysay dagaalka ka socda halkaasi.

Duqeymaha laga gaabiyay ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayo ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda dagaalka sii xoojineyso, waxayna ciidan dheeraad ah geysay deegaannada Aboorey iyo Yasooman, si loo xoojiyo howlgallada socda halkaasi

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan lagu dagaalamayo, si Shabaab looga faramaroojiyo deegaannadaas oo ay ku xoogan tahay.

Trump oo ku dhowaaqay in uu taageerayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa Axaddii soo saaray bayaan xooggan oo uu ku muujinayo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo uga digay Xuutiyiinta inay saldhig ka helaan dalka, sidoo kalena bogaadiyey duqeymo dhowaan lala beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan Puntland.

Bayaanka, oo lagu daabacay barta Truth Social, ayaa sidoo kale u muuqda mid wiiqaya dadaalladii diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku doonaysay inay ku hesho aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo.

“Waxaan garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed, waa inaysan ogolaanin in Xuutiyiinta ay gudaha u galaan dalka (taas oo ay isku dayayaan!), si loo ciribtiro argagixisada loona gaarsiiyo dalka horumar iyo barwaaqo,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo dhowaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu dib-u-doorashada Trump ku tilmaamay “fursaddii ugu weynayd” ee Somaliland ay ku heli karto aqoonsi caalami ah.

Cirro ayaa u sheegay The New York Times inuu rumeysan yahay in aragtida Trump ee ganacsiga ku dhisan ay noqon karto fure u ah in Mareykanku ugu dambayn aqoonsado jamhuuriyadda iskeed isu magacawday.

“Aniga iyo shacabka Somaliland waxaan si dhab ah u aaminsannahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay dhabbaha u xaari karto aqoonsigeenna,” ayuu yiri Cirro.

Si kastaba, taageerada cad ee Trump uu u muujiyey dowladda federaalka Soomaaliya, iyo sida uu Soomaaliya ugu tilmaamay xulafo istiraatiiji ah oo muhiim u ah la-dagaallanka argagixisada, ayaa si weyn u niyad-jabin karta rajooyinkii Somaliland.

Bayaanka Trump ayaa yimid kadib markii Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xaqiijiyey in 1-dii Febraayo 2025 uu fuliyey duqeymo lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeymahaasi ayaa lagu bartilmaameedsaday hoggaanka ISIS-Soomaaliya, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay godad buuraley ah oo ku yaalla qiyaastii 50 mayl koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay ilaa 14 xubnood oo ka tirsanaa ISIS, kuwaas oo uu ka mid ahaa Axmed Maeleninine — qof muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, kana shaqeyn jiray qorista dagaalyahannada, maalgelinta, iyo qorsheynta weerarada ka baxsan gudaha Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen dadaallo lagu gelinayay dagaalyahanno gudaha Mareykanka iyo qaaradda Yurub.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu meesha ka saaray caqabadihii xukuumaddii hore ee uu sheegay inay hor istaageen awoodda buuxda ee ciidamada Mareykanka.

“Waa waqtigii argagixisadu ay qarsan lahaayeen, balse ma waayi doonaan caddaalad. Ciidamadeenna — kuwa ugu awoodda badan ee dunidu aragtay — way heli doonaan, oo si degdeg ah cadaalad ugu fuliyaan,” ayuu yiri Trump.

“Waxaan meesha ka saaray xeerarkii khatarta lahaa ee Joe Biden, waxaana mar kale awood siiyay ciidamadeenna — sidaan horey ugu sameeyay dagaalkii aan la galay ISIS, oo aan saddex toddobaad gudahood ku burburinay xilligii General Daniel Caine, oo ah Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka.”

Haddaba, taageerada Trump uu siiyay Muqdisho waxa ay u muuqataa in ay albaabkii fursadda u xirtay Somaliland.

“Trump wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay xulafo muhiim u ah Mareykanka oo ka shaqeynaysa la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri falanqeeye goboleed. “Taasina waxa ay aad u yareyneysaa suurtagalnimada taageerada Mareykanka ee gooni-u-goosadka Somaliland — gaar ahaan xilli ammaanka gobolka uu aad u xasaasi yahay.”

Daawo: R/W Xamza oo ku dhowaaqay in Khaatumo ay tahay maamul ka tirsan DF

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xalay la kulmay waxgaradka, qaybaha bulshad iyo hoggaanka sar ee maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira aqoonsiga maamulkaas curdunka ah.

Xamza oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa marka hore ballan qaaday in bulshada SSC-Khaatumo ay heli doonaan xuquuq lamid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda maamulkaasi in ay maamulka curdunka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamza.

Intaasi kadib waxa uu si rasmi ah ugu dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu yahay maamul jira oo kamid ah maamullada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray in lagu muransan yahay deegaannada maamulkaasi.

“DFS waxay si cad oo qoraal ah idinla qaadatay qaabkii aad wax u sameysateen si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo xeerarka u degsan dalka” ayuu mar kale yiri Xamza.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan DFS, mana ah meel lagu mursan yahay”.

Xamza ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay SSC Khaatumo, isla markaana ay aqoonsan tahay dadaallada ay wadaan si ay u helaan maamul rasmi ah oo matala shacabka deegaankaas.

Dhanka kale, SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Firdhiye oo isna aqbalay.

Casumaadda Madaxweynaha SSC-Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo sheegay inuu imaanayo shirka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaas isla markaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood, waxayna wax badan ka beddashay xiriirka SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Soomaalida iyo ajaaniibta ka dagaalameysa Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa toddobaadkan sheegay in in ka badan 150 muwaadiniin Shiinees ah ay ka dagaallamayaan safka Ruushka ee duullaanka Ukraine, isagoo ku eedeeyay Moscow inay “dagaalkeeda ku jiidaysay dalal kale”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo la arkayo in labada dhinac ee colaadda — Ruushka iyo Ukraine — ay si isa soo taraysa u adeegsanayaan dagaalyahanno ajaanib ah. Haddaba waa kuwan qaar ka mid dalalka ay dadkooda ku jiraan dagaalka.

— Kuuriyada Waqooyi —

Xogaha ugu culus ee la helay waxay muujinayaan in Ruushku uu adeegsaday kumanaan askari oo Waqooyi Kuuriya ah, kuwaas oo loo diray gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka kadib weerar lama filaan ah oo ay Ukraine ka qaaday xadka bishii Agoosto 2024.

Ilo kala duwan oo ay ku jiraan Koonfur Kuuriya, reer Galbeedka, iyo Kyiv ayaa sheegaya in Pyongyang ay dirayso ugu yaraan 10,000 askari.

Inkastoo Waqooyi Kuuriya ay markii hore beenisay arrintan, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si toos ah uga gaabsaday inuu wax caddeeyo markii la waydiiyay sawirro satalaayt ah oo muujinaya dhaq-dhaqaaqyo milatari oo la tuhunsan yahay.

Ukraine ayaa sidoo kale shaacisay muuqaallo muujinaya laba askari oo Waqooyiga Kuuriya u dhashay oo lagu qabtay dhaawac, kuwaas oo si faahfaahsan uga warramay sidii ay ugu dambeeyeen safka hore ee dagaalka.

— Tabaruceyaal; dagaal-yahanno la qasbay —

Dagaalyahannada kale ee ajaanibta ah, labada dhinacba, qaar badan waa tabaruceyaal u socda ujeeddooyin siyaasadeed ama bani’aadanimo. Qaar kale ayaa loo kaxeeyay iyagoo laga dhaadhiciyay ballanqaadyo been ah, mushahar sare iyo rajo nololeed oo ka duwan xaqiiqada dagaalka.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah ugu wajahan yahay dhalinyarada kasoo jeeda dalal sabool ah—sida Hindiya, Bangladesh, Nepal, Cuba, Sierra Leone iyo Soomaaliya—isagoo u ballanqaadaya mushaar sare iyo dhalasho Ruush ah. Sidoo kale, dadka lagu qasbay ama lagu khiyaameeyay waxaa ka mid ah muwaadiniin la siray iyagoo raba shaqo ama magangalyo, balse markii dambe la horkeenay dagaal culus.

Si kor loogu qaado qorista, Moscow waxa ay dadaal weyn gelisay bixinta dhalasho degdeg ah oo loo siiyo muwaadiniinta ajaanibta ah ee safka dagaalka ku biira.

— Soomaalida: Dagaal aysan u iman —

Waxaa si gaar ah loo xusay in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu khiyaameeyay, lana qasbay in ay ka dagaallamaan Ukraine iyagoo markii hore Ruushka u tagay rajo shaqo, waxbarasho ama tahriib.

Kiis la taaban karo ayaa ah Maxamed Adil, oo u dhashay Soomaaliya, kana mid ahaa maxaabiis lagu qabtay Donetsk bishii Janaayo 2024. Adil ayaa sheegay in markii uu u dhoofay Moscow bishii Agoosto 2023, uu filayay inuu shaqo ka helo halkaas, balse kadib uu arkay xayeysiin ciidan.

Markii uu saxiixay heshiis shaqo, afar maalmood gudahood ayaa loo diray safka hore ee dagaalka. Mushaharka la ballanqaaday wuxuu ahaa $2,000 bishii—lacag uu sheegay inay tahay wax ka badan 14 jeer wixii uu Soomaaliya ka heli jiray.

Ruushka ayaa sidoo kale dibedda ka soo qoray dagaalyahanno kasoo jeeda Yemen, Nepal iyo Soomaaliya isagoo adeegsanaya ballanqaadyo shaqo iyo mushahar sare. Laakiin markii ay dalka yimaadaan, waxaa lagu khasbaa in ay galaan tababar milatari kadibna loo diro dagaalka.

Kiis kale ayaa ah midka Ilyas Axmed Elmi, saxafi Soomaali ah, kaas oo isku dayay inuu ka gudbo xadka Belarus si uu u gaaro Yurub. Wuxuu sheegay in markii la qabtay, loo sheegay in la siinayo fursad shaqo iyo tababar, balse markii dambe la qorsheeyay in loo diro dagaalka Ukraine.

Sida ay warinayaan The Kyiv Independent iyo The Guardian, arrintan waxay muujinaysaa sida dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonyaya nolol ka wanaagsan ay ugu nugul yihiin khiyaanada ciidan ee Ruushka, gaar ahaan marka ay qaxootinimo ku sugan yihiin ama ku jira xaalado nololeed oo liita.

— Tirooyinka iyo quruumaha kale —

Labada dhinac midna si toos ah ugama warbixiyaan tirada rasmiga ah ee dagaalyahannada ajnabiga ah ee ku jira ciidamadooda. Bishii Maarso 2022, Ukraine waxay sheegtay in 20,000 qof ay doonayeen in ay ku biiraan cutubka “International Legion”. Ma jirto tiro la cusbooneysiiyay oo rasmi ah tan iyo markaas.

Ruushkuna wuxuu sheegay in sannadkii 2024 uu siiyay dhalashada 3,300 muwaadin ajnabi ah kuwaas oo ka dagaallamay Ukraine.

Waxaa lagu waramay in dadka kasoo jeeda Mareykanka, Britain, Faransiiska, Colombia, Ireland, iyo dalal badan oo Aasiya iyo Latin America ah ay ka barbar dagaallamayeen Ukraine, halka Ruushkuna si gaar ah u beegsaday muwaadiniinta kasoo jeeda dalal sabool ah.

Dagaalka Ukraine ayaa noqday goob ay isugu yimaadeen dagaalyahanno ka kala yimid daafaha dunida—kuwaas oo qaar ay tabaruceen, qaarna lagu qasbay. Waxaa si gaar ah u taagan su’aalo la xiriira masiirka dadka laga faa’iidaysto saboolnimadooda, sida Soomaalida, kuwaas oo dagaal aysan raadineyn lagu dhex tuuray.

Markii dagaalka Ruushka iyo Ukraine sii fido, waxa cad in dadka nugul ee adduunka—gaar ahaan kuwa aan helin fursado sax ah—ay yihiin kuwa ugu badan ee naftooda ku waynaya dagaal aysan qeyb ka ahayn.

Xog: Al-Shabaab oo 10 sano kadib go’doonkii ka qaaday degmooyin ka tirsan K/G

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in 10 sano kadib Al-Shabaab ay haatan xayiraadda ka qaadeen degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool oo ay horay u go’doomiyeen maleeshiyaadka kooxda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Al-Shabaab ayaa hadda cunaqabateynta ka qaaday degmooyinka Xudur, Waajiid, Diinsoor iyo Qansaxdheere oo kala tirsan labadaas gobol.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in degmooyinkaas maanta iyo shalay ay gaareen gaadiidka nuucyadiisa kala duwan oo sida badeecado, kuwaas oo ay geeyeen ganacsato kasoo jeeda deegaankaas, waana markii ugu horreysay muddo ka badan toban sano.

Arrintan ayaa wax badan ka beddaleyso xaaladdii adkeyd ee ka jirtay deegaannadaasi, maadaama nolol adag ay wajahayeen shacabka ku dhaqan halkaasi, sababo la xiriira xayiraadda ay muddada dheer ku hayeen kooxaha argagixisada, gaar ahaan Shabaab.

Sidoo kale, sababta ka dambeysa arrintan ayaa lagu sheegay inay ku timid wada-hadallo dhex-maray waxgaradka deegaanka, ganacsatada iyo kooxda, iyaga oo isku afgartay in xayiraadda la qaado, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sidoo kale ku warramaya in Al-Shabaab ay arrintan ka damacsan tahay qorshe kale, isla markaana xubnihii u joogay gobollada Baay iyo Bakool ay u daabushay furimaha dagaalka, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Shacabka ayaa dhankooda billaabay dabaal-degyo waa wayn oo ay kusoo dhoweynayaan cunaqabateynta laga qaaday, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo kala duwan oo laga soo duubay degmooyinka haatan laga qaaday go’ddoonka.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ay muddada dheer joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana sidoo kale gobolladan ay kooxda ku leedahay saldhigyo waa wayn iyo xarumo maxkamadeed oo ay ugu yeeraan dadka shacabka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan xayiraadda ay kooxda ka qaaday inta badan degmooyinka maamulkaas oo hadda gaadiidkii rarnaa ay gaareen, kuwaas oo badeecooyin kala duwan geeyay deegaannadaasi.

Go’doominta kooxda Al-Shabaab ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhalatay xaalado bani’aadanimo oo soo laa laabtay, waxaase la filayaa in qaadista xayiraadda ee kooxda ay haatan wax badan ka beddali doonto nolosha shacabka deegaannada maamulkaasi.

Cirro oo shaaciyey fursad ay ka dhex-arkaan arrin uu si aad ah u daneeyo Trump

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa dib-u-doorashada Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ku tilmaamay “fursaddii ugu weynayd” ee Somaliland ay ku heli karto aqoonsi rasmi ah oo caalami ah, isagoo xusay sumcadda Trump ee ah gorgortame ku shaqeeya dano dhaqaale.

Isagoo la hadlayay The New York Times kahor safar uu ku tegi doono magaalada Washington bisha Luulyo, Cirro waxa uu carabka ku adkeeyay in maskaxda ganacsi ee Trump ay noqon karto furaha riyada dheer ee Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, haddana weli ma helin wax aqoonsi caalami ah.

“Aniga iyo shacabka Somaliland waxa si adag noo rumeysan in aragtida ganacsi ee Madaxweyne Trump ay noqon karto jidkii noo horseedi lahaa aqoonsi caalami ah. Tani waa fursaddii ugu wanaagsanayd abid,” ayuu yiri Cirro.

Hadallada Cirro waxay muujinayaan in Somaliland ay dooneyso in ay ka faa’iideysato sumcadda Trump ee ah gorgortamiye la taaban karo. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Somaliland ay u bandhigi karto Mareykanka dan istiraatiiji ah oo muhiim ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa rajo ka qaba in ay la gaaraan heshiis Mareykanka si loogu oggolaado inuu si istiraatiiji ah u adeegsado dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera—kuwaas oo ku yaalla gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo caalami ah, laguna bartilmaameedsado weerarro ay fuliyaan Xuutiyiinta Yemen.

Garoonka Berbera oo leh dhabbaha duulimaad ee dhererkiisu yahay 4.2 kiiloomitir, waxa uu xilligii Dagaalkii Qaboobaa u adeegayay saldhig milatari oo ay dhistay Midowgii Soofiyeeti, waxaana dhawaan dib u casriyeeyay Imaaraadka Carabta.

Dadaallada Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan walaaca Mareykanka ee ku aaddan amniga Soomaaliya iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Jabuuti—waxaana Washington ay baadi-goob ugu jirtaa saldhigyo kale oo gobolka ah maadaama Shiinuhu uu halkaas ku yeeshay saameyn milatari oo isa soo taraysa.

Khubarada mashruuca Project 2025 oo ah hindise siyaasadeed oo ay wadaan taageerayaasha Trump, ayaa tilmaamay in kaabeyaasha milatari ee Berbera ay Mareykanka si gaar ah uga dhigayaan meel istiraatiiji ah.

Qaar badan oo ka mid ah kooxahani waxay dalbanayaan in Mareykanku ka laabto siyaasaddiisa “Soomaaliya Weyn,” iyagoo ku dooday in ay si dadban uga faa’iideystaan danaha Shiinaha. Somaliland waxay isku muujineysaa xulufo diiddan ballaarinta Shiinaha, iyadoo xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Taiwan tan iyo 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadinta, waxayna billowday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran si ay uga hortagto taageero Mareykanku u muujiyo Hargeysa.

Sida ay weriyeen Reuters iyo Semafor, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ugu baaqay Trump inuusan aqoonsan Somaliland, isagoo taa beddelkeeda soo jeediyay in Mareykanku la wareego dekedaha iyo garoomada istiraatiijiga ah—oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Somaliland.

Bishii Janaayo 2024, Somaliland waxay la saxiixatay Itoobiya heshiis muran dhaliyay oo ku saabsan saldhig ciidan badeed, taasoo kicisay xiisad diblomaasiyadeed oo cusub oo kala dhex gashay Soomaaliya. Inkasta oo Itoobiya aysan si rasmi ah u aqoonsan Somaliland, haddana dhacdadaasi waxay hoosta ka xarriiqday muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay gobolka ka leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in aqoonsi rasmi ah oo Somaliland la siiyo uu keeni karo xasillooni-darro gobolka ah, dhiirrigelin karto kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, isla markaana abuuri karto khilaaf diblomaasiyadeed oo lala galo saaxiibada Mareykanka sida Turkey, Masar, iyo Midowga Afrika, kuwaasoo si cad uga soo horjeeda arrintan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakal, ayaa xaqiijiyay in wafdi heer sare ah oo ka socda Somaliland ay booqan doonaan Mareykanka bisha May, halka Madaxweyne Cirro isna la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Washington bisha Luulyo—taasoo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah.

Xuutiyiinta oo gantaalo ku weeraray garoonka Tel Aviv iyo meelo kale oo Israa’iil ah

Qudus (Caasimada Online) – Milateriga Israel ayaa sheegay in gantaalo laga soo riday dalka Yemen Axaddii, balse ay rumeysan yihiin in dhexda laga qabtay, wax yar ka hor inta aysan kooxda Xuutiyiinta Yemen sheegan masuuliyadda weerarkaas.

“Kadib digniino dhawaan laga maqlay dhowr goobood oo Israel ah, dib-u-eegis kadib, waxaa la xaqiijiyay in hal gantaal laga soo riday Yemen,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga Israel.

“Isku dayo lagu soo ridayay gantaalka ayaa la sameeyay, waxaana u muuqata in si guul leh loo bartilmaameedsaday,” ayaa lagu daray.

Weriyeyaasha AFP ee magaalada Qudus ayaa maqlay digniinta siren-ka, taasoo ay ku xigtay jug xoogan.

War kale oo milateriga Israel uu ku qoray luqadda Cibraaniga ayaa sheegay in “labada gantaal ee la tuhunsan yahay laga soo tuuray Yemen.” Booliiska Israel ayaa sheegay in sidoo kale dhowaqa digniinta lagu hawlgeliyay magaalada Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii dambe sheegtay masuuliyadda weerarka gantaalada.

Bayaan ay soo saareen, kooxda ayaa sheegtay inay fuliyeen “howlgal milatari oo ay ku weerareen laba gantaal riddo dheer… mid lagu beegsaday saldhigga Sdot Micha oo ku yaalla bariga magaalada Ashdod ee la haysto, halka midka kalena lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion.”

Kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iiraan, ayaa si joogto ah u weeraraysay Israel iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn tan iyo intii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023, kadib weerarkii ay Hamas ku qaaday Israel.

Xuutiyiintu sidoo kale waxay weerarro la beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo sheegay in ay u taagan yihiin garab istaagga shacabka reer Falastiin ee ku sugan Gaza.

President Trump vows strong backing for Somalia

MOGADISHU, Somalia — U.S. President Donald J. Trump on Sunday delivered a powerful statement reaffirming America’s support for Somalia, cautioning against Houthi infiltration, and celebrating recent U.S. military strikes against ISIS militants in Puntland.

The statement, posted on Truth Social, also appears to undermine Somaliland’s recent diplomatic efforts to gain U.S. recognition.

“We will support the Somali People, who should not allow the Houthis to embed (which they are trying to do!), to end terrorism, and bring prosperity to their Country,” President Trump wrote.

The President’s remarks follow a high-level push by Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Cirro, who described Trump’s re-election as “the greatest opportunity” for Somaliland to gain international recognition just a few days ago.

Cirro had told The New York Times that he hoped Trump’s pragmatic, business-oriented worldview would finally lead the U.S. to recognize the self-declared republic.

“My people and I strongly believe President Trump’s business-oriented mindset will pave the way for our recognition,” Cirro said.

However, Trump’s firm endorsement of the Somali federal government and his portrayal of Somalia as a vital counterterrorism ally may severely dampen Somaliland’s hopes.

U.S. strike on ISIS-Somalia

Trump’s statement came after the U.S. Africa Command (AFRICOM) confirmed it had coordinated joint airstrikes with the Federal Government of Somalia on February 1, 2025. The operation targeted ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles southeast of Bosaso.

AFRICOM reported that approximately 14 ISIS operatives were killed in the precision strike, including Ahmed Maeleninine, a key recruiter, financier, and planner of external ISIS operations, including attempts to infiltrate jihadists into the United States and Europe. No civilian casualties were reported.

“Degrading ISIS and other terrorist organizations’ ability to plot and conduct attacks that threaten the U.S. homeland, our partners, and civilians remains central to U.S. Africa Command’s mission,” the command said in a statement.

Trump restores military power

President Trump used the opportunity to announce that he had dismantled bureaucratic constraints that, according to him, weakened U.S. military capabilities under the previous administration.

“Time for the terrorists to hide, but it won’t do them any good. Our Warfighters, the Greatest the World has ever seen, will find them and bring them to swift Justice,” he stated.

“I just got rid of Joe Biden’s dangerous red tape and empowered our Warfighters, once again—just like I did against our fight with ISIS, who were completely obliterated in 3 weeks under General Daniel Caine, our new Chairman of the Joint Chiefs of Staff.”

Trump’s message is being closely scrutinized in Hargeisa, where Somaliland officials had hoped to use the Berbera Port and Airport as bargaining chips for recognition, betting on Trump’s transactional approach to foreign policy. Somaliland has operated as a de facto state since 1991 but has never secured formal international recognition.

However, Trump’s alignment with Mogadishu may signal a closing door.

“Trump just framed Somalia as a key U.S. counterterrorism partner, said one regional analyst. “That leaves little political room for endorsing Somaliland’s separation—especially in a high-stakes security context.”

Xildhibaanada BF ee ka soo jeeda Somaliland oo ka hor-yimid go’aan uu qaatay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa si adag uga hor yimid casuumaad uu madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si uu uga qayb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo Muqdisho.

War-saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen 29 xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka, ayay ku sheegeen in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid dhaawacaya hannaan-dhiska dowladeed, isla markaana sii hurinaya colaadda Gobolka Sool, xilli ay jiraan dadaallo nabadeed oo ay hormuud u yihiin beelaha deegaanka.

“Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu, oo sida uu sheegay uu la qabo madaxweynuhu, waa go’aan aan lahayn saldhig sharci, horseedina kara kala qaybsanaan siyaasadeed iyo fowdo ku timaadda geeddi-socodka dhismaha dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xildhibaannada ayaa ku adkeystay in masiirka midnimada Soomaaliya uu leeyahay saldhig sharci iyo mid taariikhi ah, loona baahan yahay in la ilaaliyo. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lid ku ah midnimada iyo wadajirka qaranka ay noqon doonto mid keeni karta xasilooni darro cusub.

“In dariiqa keli ah ee Soomaali midaysan, xasilloon oo is ogol lagu heli karaa ay tahay dib u ambaqaadidda wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay yiraahdeen.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale si cad u sheegay in aanay aqbali doonin wax tixgelin ah oo la siiyo maamul sheeganaya in uu yahay dowlad-goboleed cusub, iyadoo aan la raacin hanaanka uu dhigayo Dastuurka KMG ah. Waxay xuseen in qodobka 49-aad iyo 48-aad ee Dastuurka ay si cad u tilmaamayaan in wax maamul cusub ah lagu dhisi karin qaab sharci darro ah.

“Hindise kasta oo degmo ama qaybo ka mid ah gobol loogu aqoonsanayo maamul Goboleed iyadoo aan la raacin dariiqa dastuurka, waxay tahay mid horseedi karta burbur dowladeed iyo kala daataan maamullo hore u dhisnaa,” ayay ku digeen.

Si gaar ah, waxay uga digeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada in ay si khaldan u turjumaan rajada midnimada Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii la iska indhatiray xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee xanuunka leh, ay adkaan doonto in la helo fursado dhab ah oo nabadeed.

“Waxaanu diidan nahay in si khaldan oo dhantaali karta rajada midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed loo wajahayo arrimaha midnimo-doonka,” ayaa lagu xusay gebogebada bayaankooda.

Bayaan-kan ayaa imaanaya ayada oo maanta uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddii, islamarkaana uu ka qayb geli doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Madaxweynaha SSC Khaatumo wuxuu madasha shirka fursad u heli doonaa inuu ka hadlo danaha iyo aragtida shacabka uu metelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada maamulkaasi ku doonayo dhismaha rasmiga ah ee hay’adihiisa.

Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay durba bilowday dhismaha xarumo maamulka u ah SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah laga hirgelinayo magaalada Laascaanood.

Somaliland eyes Trump for recognition breakthrough

Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Cirro has characterized the re-election of U.S. President Donald Trump as the “greatest opportunity” for Somaliland to attain formal international recognition, citing Trump’s reputation as a pragmatic negotiator driven by economic interests.​

In an interview with The New York Times ahead of a planned visit to Washington in July, Cirro emphasized that Trump’s business-oriented mindset could be key to realizing Somaliland’s long-held aspiration. Although Somaliland declared independence from Somalia in 1991, it remains unrecognized internationally.​

“My people and I strongly believe President Trump’s business vision could lead us to international recognition. This is the greatest opportunity we’ve ever had,” Cirro stated.​

Analysts suggest Somaliland might offer significant strategic incentives to the United States.​

Strategic leverage: Berbera port

Somaliland officials hope to negotiate an agreement granting the U.S. strategic access to the Berbera port and airport—facilities located along the Gulf of Aden, a critical international shipping route frequently targeted by Yemen’s Houthi rebels.​

Berbera Airport, featuring a 4.2-kilometer runway, was previously a Cold War-era military installation constructed by the Soviet Union and was recently upgraded by the United Arab Emirates.​

Somaliland’s diplomatic push coincides with growing U.S. security concerns regarding Somalia and diplomatic tensions with Djibouti, prompting Washington to seek alternative regional bases amid China’s increasing military presence.​

Experts from Project 2025, a policy initiative backed by Trump supporters, have highlighted Berbera’s military infrastructure as uniquely advantageous for U.S. strategic interests.

Many within this group advocate shifting away from the current “Greater Somalia” policy, arguing it indirectly benefits Chinese interests. Somaliland has positioned itself as an ally opposing Chinese expansion, notably strengthening diplomatic ties with Taiwan since 2020.​

Tensions and regional implications

The Somali Federal Government firmly opposes Somaliland’s efforts for recognition and has initiated an extensive diplomatic campaign to counter any potential U.S. support for Hargeisa.

According to Reuters and Semafor, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud recently urged Trump not to recognize Somaliland, suggesting instead that the U.S. directly assume control over strategic ports and airports, including those in Somaliland.​

In January 2024, Somaliland signed a controversial naval base agreement with Ethiopia, sparking renewed diplomatic tensions with Somalia and raising fears of wider conflict involving Ethiopia’s rivals, Egypt and Eritrea.

While Turkey-brokered talks led to the “Ankara Declaration” in December 2024, where Ethiopia and Somalia agreed to end the dispute and respect sovereignty, the exact status of the original MoU remains ambiguous.

Ethiopia has not publicly confirmed its cancellation, and Somaliland’s current Foreign Minister has noted a lack of transparency surrounding the initial agreement.

However, some analysts warn that formal recognition of Somaliland could destabilize the region, potentially embolden extremist groups like Al-Shabaab, and trigger diplomatic conflicts with U.S. allies such as Turkey, Egypt, and the African Union, all of whom openly oppose Somaliland’s recognition.​

These actors strongly uphold the principle of territorial integrity and fear that recognizing Somaliland could set a dangerous precedent for secessionist movements across the continent.

Somaliland Foreign Minister Abdirahman Dahir Bakal confirmed that a high-level delegation from Somaliland would visit the United States in May. President Cirro is expected to make an official visit to Washington in July as part of Somaliland’s diplomatic campaign for international recognition.​

Xamza oo Laascaanood ka caddeeyay arrin cajiib ah

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo ayaa caddeeyay in dadka deegaannada SSC ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.

“Waxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen, waxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiran.”

Mudane Xamza ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka deegaanku ay heli doonnaan adeegyada hey’addaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic waaweyn oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda federaalka ay ka hirgelinayso deegaannada SSC.

Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

DF oo shirkad uu leeyahay Elon Musk siisay ruqsad ay kaga howlgasho Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa Axadda maanta ah si rasmi ah u siisay shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk ruqsad isgaarsiineed, taasoo u oggolaaneysa in ay ka hawlgasho gudaha Soomaaliya.

Munaasabadda guddoonsiinta ruqsadda oo ka dhacday caasimadda Muqdisho waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socday shirkadda Starlink.

Shirkadda waxaa munaasabadda ku matalay Ryan Goodnight, Agaasimaha Sare ee Suuqa Starlink, iyo Micaela Pawlak, Maareeyaha Gelitaanka Suuqa. Labada mas’uul ayaa caddeeyay in adeegga internet-ka ee ay bixiso shirkaddu uu dhowaan ka billaaban doono guud ahaan dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink uu wax weyn ka tari doono dadaallada lagu ballaarinayo adeegga internet-ka ee dalka.

“Waxaan rajeynaynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo hay’adaha dowladda ee ku sugan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyaha.

Dhankiisa, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin, oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u soo dhoweyneyso imaanshaha Starlink.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri Wasiirka.

Soomaaliya ayaa horey ugu tiirsaneyd dhowr xarig internet oo badda laga soo geliyo, kuwaas oo ku xiran qaar ka mid ah xeebaha dalka. Starlink ayaa ku soo kordhinaya adeeg cusub oo ku shaqeeya dayax-gacmeedyo, taasoo suurta-galin doonta in internet-ku gaaro gobollo iyo tuulooyin aad u fog oo aan horey loogu heli jirin adeeg isgaarsiineed oo joogto ah.

Daawo: Masar oo agab ciidan soo gaarsiisay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Masar kala wareegtay agab ciidan oo ay Muqdisho soo gaarsiiyeen wafdi sare oo ka socday Qaahira.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka ciidanka ay ku deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta mas’uuliyiinta dowladda, wuxuuna sheegay in ujeedka imaanshihiisu uu qeyb ka yahay xoojinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, taasoo muujineysa aragtida Madaxweynaha Masar.

Wuxuu xusay in dowladda Masar qeyb weyn ka qaadatay tayeynta iyo tababaridda saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo tilmaamay in wejiga koowaad ee tababarada la siiyay 100 ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa ay Masar bixisay 40 ka mid ah koorsooyinka la siiyay ciidamada booliiska. Kaaliye Axmed ayaa intaa ku daray in uu jiro wejiga labaad oo la qorsheynayo in tababarayaal Masaari ah loo soo diro dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu ballaarinayo tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo ilaa 200.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxamed Cali Xagaa, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in taageeradan ay muujineyso xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin taageerada lagu xasillinayo amniga gudaha dalka, taasoo ay ka mid tahay taageerada dhinaca tababarka ciidamada iyo qalabka ciidanba.

Munaasabadda wareejinta agabka waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka iyo Qunsulka dalka Masar ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Maxamed Albazi iyo Maxamed Fowzi, halka ay Wasiiru-dowlaha Amniga Soomaaliya ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga XFS, Yuusuf Cali Maxamed iyo Jeneraal Maxamed Maxamuud Garaar.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdiga Masar guddoonsiiyay haddiyado ay ugu talo-gashay Wasaaradda Amniga, iyaga oo intaa kadib wafdigu dib ugu laabtay dalkooda Masar.

Hoos ka daawo muuqaalka