25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Qayb cusub oo lagu soo kordhiyay Taliska Booliska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qayb cusub kusoo kordhiyay taliska qaybta guud ee gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Galbeed Sare, waxaana hoostagi doono saldhigyada saddex degmo oo ka tirsan gobolka.

Taliskan cusub ayaa maanta si rasmi ah loo daah-furay, waxaana hoostagi doono degmooyinka Garasbaaley, Dayniile iyo Daarusalaam oo horay uga kala tirsanaa talisyada qaybaha Galbeed iyo Bari, laakin hadda kadib waxay isku noqon doonaan Galbeed Sare.

Sidoo kale, qaybtan cusub ee lasoo kordhiyay aya waxaa lagu magacaabaa Gaashaanle Dhexe Daa’uud Axmed Caraale oo maanta xilkaas si rasmi ah ula waeegay, kadib munaasabad ka dhacday degmada Garasbaaley oo uu ku shaqeyn doono.

Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdulaadir Nuur (Mooshin) oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda qaybtan cusub, wuxuuna tilmaamay u jeedadu tahay in hoos loo daadajiyo howlaha ammaanka caasimada.

“Saddexda degmo ee kala ah Garasbaaley, Dayniile iyo Daarusalaam waxay noqon doonaan qaybta Galbeed Sare, waxaana u gartay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Mooshin ayaa sidoo kale ka dalbaday maamullada degmooyinka iyo shacabka inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee qaybtaasi, si wax looga qabto ammaanka guud.

“Maamullada degmooyinka iyo hay’adaha dowliga ah waxaan ku wargelineynaa in ay si dhow ula shaqeeyaan, ayna ka qayb qaataan fududeynta howlaha maalinlaha ee uu qaban doonto taliyaha qaybta” ayuu mar kale yiri Maxamed Cabdulqaadir Nuur (Mooshin).

Muqdisho ayaa haatan ku jirto xaalad deganaasho ah, waxaana laga nastay qaraxyadii horay uga dhici jiray caasimada, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda Soomaaliya.

Mareykanka oo qaadaya tallaabo fududeyn karta in uu heshiis la gaaro IRAN

Washington (Caasimada Online) – Iyadoo wadahadallo cusub oo nukliyeer ah ay u socdaan Mareykanka iyo Iran, diblomaasi sare oo Mareykan ah ayaa Sabtidii sheegay in intii lagu jiray wadaxaajoodyo ka dhacay magaalada Rome, Washington ay si cad ugu adkaysatay dalabkeeda ah in Iran ay gabi ahaanba joojiso dhammaan hawlaha bacriminta uranium-ka ee ka socda dhulkeeda.

Inkasta oo qodobkan uu weli yahay is-mariwaaga ugu weyn, haddana waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimo kale. Sida uu sheegay sarkaalka Mareykanka, waxaa la isla soo qaaday hindise hordhac ah oo ah heshiis bilow ah, kaas oo Iran ay ku muujin lahayd diyaar ahaanshaheeda ah inay si buuxda uga tanaasusho raadinta hubka nukliyeerka.

Qayb ka mid ah qaab-dhismeedka heshiiskan ayaa ah in maamulka Mareykanka uu tixgelinayo suurtagalnimada dib-u-dhigidda qaar ka mid ah cunaqabataynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa dhawaan arrintan ka hadlay, isagoo yiri: “Hub nukliyeer eber ah — waa heshiis. Bacrimin eber ah — heshiis ma jiro. Waa waqtigii go’aan la qaadan lahaa.”

Hadalkaas oo uu jeediyay kahor safarkiisa Rome, wuxuu mar kale xoojiyay xuduudda siyaasadeed ee aan Iran ka tanaasuli doonin. Kahor intaas, Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa si adag u dhaleeceeyay baaqyada lagu dalbanayo in la joojiyo bacriminta uranium-ka, isagoo ku tilmaamay “xad-dhaaf iyo wax laga argagaxo,” wuxuuna ka digay in wadahadallo ku dhisan shuruudo noocaas ah aysan midho dhal noqon doonin.

Hadalka diblomaasiga Mareykanka ayaa yimid maalmo kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu ka hor sheegay Senate-ka in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu oggolaado Iran inay yeelato barnaamij nukliyeer oo ujeedkiisu yahay adeeg rayid ah, balse uusan marnaba ogolaan doonin bacriminta uranium-ka, iyada oo laga walaacsan yahay in taas ay Tehran u suurtagelin karto inay mustaqbalka horumariso hub nukliyeer ah.

Rubio wuxuu qiray in heshiis noocaas ah lagu gaaro “uusan noqon doonin mid sahlan.”

Muxuu Firdhiye kala hadlay xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metalo DF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa sii wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta dowladda iyo wakiilada beesha caalamka.

Firdhiye ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metelo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, isaga oo kala hadlay masiirka maamulkaas iyo dardar-gelinta hawlaha hortebinta u leh SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka, iyaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, maadaama lagu jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo mid doorasho oo si weyn la’isugu hayo.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sidoo kale xildhibaannada uu la kulmay dalbaday inay sii xoojiyaan dadaallada ay wadaan, ayna qayn ka noqdaan horumarinta SSC-Khaatumo oo haatan ah dowlad-goboleed cusub.

“Hoggaamiyaha ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo sidoo kalana ku booriyey laba-jibbaarka hawlaha baaxadda leh ee horyaal ka qaran ahaan iyo Dawlad-goboleed ahaanba” ayaa lagu yiri qoraal oo ay kulanka kasoo saartay SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ka waday gudaha caasimada, isaga oo taageero u raadinayo maamulka uu hoggaamiyo oo dhowaan uun aqoonsi ka helay dowladda federaalka, kadib booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha ku tegay Laascaanood.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Muqdisho u yimid ka qayb-galka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay Villa Soomaaliya, isaga oo markii ugu horreysay ku metalay reer SSC-Khaatumo, kadib markii uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu ku biiray xisbiga Cadaaladda iyo Wadajira (JSP) oo maalmo kahor looga dhowaaqay Muqdisho, isla markaana uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale qayb ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaano A/Madoobe ka dalbaday in $27,500 oo bil kasta uu ka qaado uu siiyo ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku bahoobay Golaha Samata-Bixinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ciwaan uga dhigeen “qoondayn qaar ka mida lacagta laga jaro xildhibaanada.”

Xildhibaanadaan oo ugu horeyn bogaadinaynyaa Ciidamada Qaranka iyo ku wa deegaanka ee Macawiislayda oo dagaal adag kula jira argagixisada ayaa tilmaamay lacag laga qaado oo ay ku talinayaan in la siiyo ciidanka.

Dood adag ayaa maanta ka dhacday kulankii golaha shacabka, kadib markii xildhibaanadu isku qabsadeen in lacag loo jaro ciidamada dalka xoreynayo, iyadoo xildhibaanada qaar ay si toos u diidmo uga muujiyeen taas.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa ku taliyey in guddi loo saaro qaabka baarlamaanku qeyb ka mid ah mushaarkiisa uu ugu deeqi karo ciidamada qaranka iyo kuwa macawiisleyda ee ka dagaalamaya gobollada dalka.

“Waan ka xunahay dhacdadii maanta ka dhacday Golaha Shacabka ee gunada gaarka ah ee xildhibaanada la rabo in sifo baalmarsan curfiga dowladnimada iyo xeerhoosaadka golaha looga jaro lacag dhan $500 oo Dollar,” ayaa lagu yiri qoraalka xildhibaanada.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu bil kasta mushaarkooda ka jaro Xildhibaan walba lacag dhan $100 dollar, taas oo hadii la isku daro bishii noqoneysa $27,500 oo dollar.

“Laga billaabo maalintii xildhibanada la dhaariyay illaa Bisha April 2025, lacagtaas Guddoonku jaray oo gaaraysaa hal Million oo Dollar, kuna ururtay gasnada gudoonka Golaha Shacabka, wuxuu gudoonkuna ku guul daraystay in uu keeno xisaab celin ku saabsan habka loo maareeyey lacagta laga jaro Xildhibaanada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xildhibaanada ku bahoobay Golaha Samata-bixinta Qaranka ayaa qoraalkaan ku sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay soo jeedinayaan in Guddoonka Golaha Shacabka ay lacagtaas qayb ka mid ah ugu deeqaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee Macawiislayda oo ka dagaalamaya gobollada fogfog ee dalka.

Sida ku cad qoraalkaan waxaa hadda kiiska dhaqaalihii maanta muranka abuuray dusha loo saaray guddoonka Golaha Shacabka oo xildhibaanada qaar ay ka dareemeen inay la dhacsan yihiin qorshaha ay qaar kamid ah wasiirrada xildhibaanada ah ay soo jeediyeen ee dhaqaalaaha looga jarayo mushaarka xildhibaanada.

 

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo libin weyn ku helay arrin ay maanta sameysay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin firfircoon ka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliila dowladda federaalka ayaa soo saaray qoraal uu si adag ugu cambaareeyey Suxufiyiintii maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa hadda helay kiis ay dowladda ku qabsadaan, halka dowladda federaalka lagu dhaliilo in aysan laheyn qorshe ay ku jiheyn karto aragtida bulshada iyo in ay qaado tallaabooyin fursad buuxda siinaya mucaaradkeeda.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga sharci-darrada ah ee ay ciidamada ammaanka Muqdisho kula kaceen suxufiyiin iyo dadweyne aragtidooda kaga qaybqaadanayey rayi ururin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri CC Shakuur.

Weriyaal ka tirsan TV-yada Shabeelle, Somali Cable, SYL iyo Goobjoog ayaa maanta laga xiray jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyagoo shacabka weydiinaya ‘sida ay u arkaan dhaqdhaqaaqa mucaaradka iyo xaaladda guud ee dalka.’

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Tani waxay caddayn u tahay in rajiimka talada haya si ku tala gal ah u beegsanayo warbaahinta, unna caburinayo xoriyadda hadalka, taas oo laf-dhabar u ah isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo dowlad wanaagga.”

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay ka waantoobaan cabsi gelinta, beegsiga suxufiyiinta iyo cabburinta xoriyadda rayiga oo ka mid ah xuquuqda lamataabtaanka ah ee uu dastuurku dammaanad qaaday.

Sidaan oo kale, waxaa maanta shir jaraa’id u qabtay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey inay bilowday caburin uu sheegay inay caddeyneyso fashilka madaxweynaha maanta jooga, isaga oo xusay in aysan suuragal ahayn doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qorsheyneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan cambaaraynayaa tacadiyada iyo caburinta ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah waxaana nasiib darro ah in nidaamka maanta jira oo sheeganaya inuu rabo doorasho qof iyo cod ah uusan aqbali karin in weriyeyaashu ay soo gudbiyaan dareenka iyo aragtida shacabka. Falalkaasi waa kuwa ka soo horjeeda dowladnimada iyo dastuurka” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalka Shariif, CC Shakuur iyo siyaasiyiinta kale ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmahaan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa shalay isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

Kulankaas ayaa dareen culus ku abuuray dowladda.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la isku fahmi la’yahay nooca doorashada, iyadoo arrintaas ay u sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

 

9 carruur ah oo la waayey iyo DF oo soo saartay digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota kalluumeysatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee degan dhulka xeebaha ah, taasi oo ku saabsan bad-xireenka la galay.

Warbaahinta Muqdisho ayaa saakay tebisay codadka waalidiin cabanaya oo jooga xeebta Liido, kuwaas oo carruurtoodii ay baddu qaaday Jimicihii shalay, xilli ay halkaas ku dabaalanayeen.

“Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, waxay si rasmi ah ugu wargalineysaa dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in digniintaan ay si toos ah ugu socoto dadka ku shaqeysta doomaha yaryar ee ku jira badda, kuwaas oo ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale, sida safarrada.

“Inta lagu jiro xilligan kacsanaanta badda, waxaa dhici karta khatar badan, shilalka badda iyo waxyeelada soo gaarta doomaha iyo kalluumeysatada,” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sidoo kale ugu baaqday dadweynaha in laga fogaado dhaqdhaqaagyada xeebaha, sida dabaasha iyo in laga agdhawaado xeebaha xilligan badxireenka ah.

“Si looga hortago halista ay keeni karaan mowjadaha xooggan iyo xaaladaha cimilada oo aan degganayn, waxaan cod dheer dadkeena ugu sheegeynaa inay ka fogaadaan badda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ka soo baxay dowladda ayaa ku soo aadaya, iyadoo Jimcihii shalay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ay qaaday ugu yaraan sagaal carruur ah, kuwaas oo u damaashaad tegay, carruurtaas ayey baddu qaaday xilli ay caadi u dabaalanayeen.

Geelle oo weerar ku qaaday Imaaraadka Carabta, ka digay qorshe ay damacsan yihiin

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay dowladda Khaliijka inay u adeegsanayso maalgelinteeda balaayiinta doollar ah ee Afrika si ay ugu daboolato qorshayaasheeda ballaarinta awoodda militari.

Wareysi uu dhawaan siiyay idaacadda Radio France International ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in maalgashiga Imaaraadka ee Afrika, oo gaaraya $110 bilyan, uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo lagu fidinayo awoodda militari, balse loo ekeysiinayo mashaariic horumarineed oo dhaqaale.

“Imaaraadku waa mid si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo ka shakisan ujeedada dhabta ah ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kan lagu sameynayo kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, saadka iyo isgaarsiinta.

“Maalgelintan ma aha mashruucyo dhaqaale oo keliya,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle, isagoo raaciyay, “waxaa si toos ah ugu xiran ujeedooyin militari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo xasilloonida wadamada Afrika.”

Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horey u diidday codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsanaa in saldhig militari laga sameeyo gudaha Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku kadib diidmadaasi ay dadaalkooda u weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelo muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku yaalla marinada muhiimka ah ee badda.

Jabuuti, oo ku taalla marinka laga soo galo Badda Cas, ayaa martigelisa saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal badan sida Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.

Maamulka Madaxweyne Geelle ayaa muddo dheer siyaasaddiisa ku dhisay isku dheellitirka xiriirka militari ee wadamada shisheeye, waxaana hadalladiisa laga dheehan karaa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan tartanka gobolka, gaar ahaan marka horumarka dhaqaalaha lagu dhex milo ujeedooyinka difaaca.

“Isku milanka maalgashiga dhaqaale iyo ujeedooyinka militari ee wadamada shisheeye waa khatar weyn oo ku soo wajahan nabadda gobolka,” ayuu ka digay Madaxweyne Geelle.

“Waxaan u baahan nahay inaan si taxadar leh u wajahnno iskaashiga noocan ah, si aan loo dhaawicin madax-bannaanideenna.”

Imaaraadka Carabta wali kama uusan jawaabin eedeymaha Madaxweynaha Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa hore u sheegay in maalgashiyadooda Afrika ay ujeedadoodu tahay taageeridda kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta amniga gobolka.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli ay kordheen walaaca iyo baaritaanada ku saabsan fara-gelinta wadamada Khaliijka ee Afrika, halkaas oo ballanqaadyada dhaqaale badanaa lala socodsiiyo heshiisyo dhanka kaabayaasha istiraatiijiga ah iyo iskaashi militari ah.

DF oo soo saartay digniin culus kadib markii ciidamada siyaasiyiinta mucaaradka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku socota ciidamada ilaalada u ah siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka ku dhex wata magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali oo maanta la hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in lala xisaabtami doono ciidamada dowladda ee shalay galbinayay xubnaha mucaaradka ee isugu tegay Mowlaca wayn ee Macallin Nuur.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in caasimada Muqdisho aan lagu dhex wadan karin hubka waa wayn, isla markaana maagaaladu ay tahay nabad.

“Mar kale ayaan ku celineynaa inaan hub waa weyn loo isticmaali karin magaalada Muqdisho, magaaladaan waa magaalo amni, wax dhibaata ah ka jira ma jirto, waxaan la xisaabtami doonaa baaburta hubka waa weyn saaran yahay, askari aan lagu ogeyn mas’uul waalala xisaabtami doonaa, sidoo kalana baabuurta aan buufsaneen, qof walba oo mas’uul ah waxa uu xaq u leeyahay nambar go’an” ayuu markale kuceliyayCumar Cabdi Cali.

Djinaca kale wasiiru dowladaha wasaaradda gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee shalay eedeymaha waa wayn u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, isaga oo sheegay inay dagan yihiin guryo nabad ah oo amaankooda ay sugayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu degan yahay Airporta Muqdisho, waxaana uu aaday Siigaale, Berito hadii meel kale looga waco waa uu adaaya, yaa waaye cid ka sugeeysa ammaanka magaalada, magaalada waa amni, waana been abuur waxa uu sheegay, cidii ammaanka ka been sheegtana waxaa arkaya shacabka Muqdisho ku nool” ayuu mar kale yiri Wasiir Cumar Cabdi Cali.

Mucaaradka Soomaaliya oo hadda kusoo qulqulaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa damacsan in ay qaadaan tallaabooyin lagu istaajinayo qorshaha dowladda, halka Villa Somalia ay horay u sheegtay in aan loo joojin doonin ciddii ka aragti duwan ee dood ka qabta hanaanka, taas oo keeni karta isku dhacyo hubeysan in ay Muqdisho ka dhacaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka walaacsan qorshe xoog ah oo mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada ay xoogeeda isugu geysay Villa Somalia.

24-kii saac ee lasoo dhaafay qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay xubno u badan wasiirro oo ay ugu horeeyaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kuwaas oo warbaahinta marsiiyey hadallo ay ku weerareen mucaaradka ku sugan Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay tallaabo ay maanta qaaday DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay tallaabo ay maanta qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay xirtay Wariyeyaal dhowr ah oo ku jiray shaqo maalmeedkooda, inkastoo mar dambe xabsiga laga sii daayay.

Shariif ayaa cambaareeyay falkan, wuxuuna ku eedeeyay dowladda dhexe inay caburin joogta ah ku hayso suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howlgalka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falka lagu xiray Wariyeyaasha uu kasoo horjeedo dastuurka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay caddeyneyso fashilka madaxweynaha maanta jooga, isaga oo xusay in aysan suuragal ahayn doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qorsheyneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan cambaaraynayaa tacadiyada iyo caburinta ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah waxaana nasiib darro ah in nidaamka maanta jira oo sheeganaya inuu rabo doorasho qof iyo cod ah uusan aqbali karin in weriyeyaashu ay soo gudbiyaan dareenka iyo aragtida shacabka. Falalkaasi waa kuwa ka soo horjeeda dowladnimada iyo dastuurka” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalka, Shariif ayaa kusoo aadayo xilli haatan Muqdisho ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa shalay isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

Daawo: SACDIYA oo lagu dheggan yahay kadib ku biiristii xisbiga Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xooggan ayaa ka dhalatay in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar ay ku biirtay xisbiga cusub ee madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo dhowaan laga daah-furay magaalada Muqdisho.

Sacdiya ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha horumarinta bulshada iyow wacyigelinta ee xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo ay sidoo kale ku xigeenno ka yihiin Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxa xisbigan xubno  buuxo ka ah madaxweynayaasha HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh.

Doodda ka dhalatay ku biirista Sacdiya ee xisbigan ayaa waxaa maanta la horgeeyay Baarlamaanka, waxaana ka hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay in arrintan ay ka hor imaaneyso dastuurka dalka.

Jeesow ayaa sidoo kale Sacdiya ugu baaqay inay ka baxdo xisbigan ama ay sharraxdo sifaha ay ugu biireyso ururkaas, iyada oo ah guddoomie ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

“Guddoomiye Sacdiyo inay noqotay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Madaxweynaha qodob ayaa diidaya ee hanoo sheegto haddii ay ogoshahay. Hadii walaashey ay ku qanacday xilkaas waxaan ka codsanayaa aniga oo ku hadlaayo baarlamaanka afkiisa inay kasoo degto, haddii ay ku qancina ay nagala hadasho arrintaas” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhanka kale, Xildhibaan Caasho Koos ayaa garab istaag u muujisay guddoomiye Sacdiya, waxayna tilmaamtay in xikaasi ay qaban karto “Gudoomiye Sacdiyo waa muwaadin Xilka la rabo ayaa loo dhiibi karaa”.

Intaas kadib waxaa arrintan si deg-deg ah usoo farogeliyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si wayn u difaacay ku xigeenkiisa koowaad, wuxuuna gebi ahaan ka horyimid doodda laga keenay ku biiristeeda xisbiga madaxweynaha.

“Waxa laga hadlaayo waa guddoomiyaha ee si fiican u fiiriya dastuurka ee kuma qorna guddoomiye ku xigeenka laakiin hadda arrintaas uma fadhino raalli ahaada walaalayaan doodaas waa idinka qabsaday sababtoo haddii aan galno meel kale ayay nala aadeysaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Qofkii dood sharci ah qabo si kale ayaan u wajaheynaa, hadane waxaan ku soconeynaa ajendaheenna”

Khilaafka Puntland iyo SSC-khaatumo oo weji cusub yeeshay kadib arrin soo korortay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeyso maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa sii xoogeysaneyo marba marka ka dambeyso, waxaana labada dhinac oo daris ah ay qaadayaan tallaabooyin iska soo horjeedo oo colaad ka horinayo labada maamul.

Xiisadda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf toos ah oo ku aadan lahaanshaha dhul ay isku haystaan labada maamul oo aan weli kala guran.

Labada dhinac ayaa isku qabsaday degmada Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay haatan ciidamo dheeraad ah gaysay Puntland, si ay uga hortagaan kuwa SSC-Khaatumo.

Ciidamada ay dirtay Puntland ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay halkaasi Jimcihii tageen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo, arrintaas oo ay si weyn uga hortimid Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxa Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in degmada Shaxda ay yimaadeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo baxay dhanka Taleex, balse laga saaray magaalada, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan helnay helay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska”.

Maamul-Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale diray digniin culus oo ku aadan xaaladda soo korortay, isagoo ku goodiyay inay ka hortagi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah amniga.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Puntland.

Demmada la’isku hayso ee  Shaxda ayaa ku taalla xadka gobolka Sool, waxaana horay u sheegan jirtay Somaliland oo iyana maamusha qaybo kamid ah gobolkaas.

Puntland iyo SSC ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana ka dhex taagan xiisad culus oo sii laba kacleeysay, kadib aqoonsigii ay dowladda federaalka siisay Khaatumo

Xog: Dr. Cabdiweli GAAS oo loo magacaabayo xil sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha hore ee Puntland, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed, iyadoo haatan la dhammeystirayo habraacyadii rasmiga ahaa ee magacaabistiisa.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, magacaabista Dr. Gaas ayaa ah mid dhowaan si rasmi ah loo shaacin doono, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada Midowga Afrika uu ku doonayo in uu door muuqda kaga qaato xal u helista colaadda muddada dheer ka taagnayd dalka Suudaanta Koonfureed.

Soomaaliya oo xubin ka ah Urur Goboleedka IGAD — kaasoo door muhiim ah ka ciyaara dadaallada nabadeynta Geeska Afrika — ayaa kaalin firfircoon ku leh arrimaha South Sudan. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa kalsoonida la gelinayo doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waaya-aragnimada shaqsiga loo xulanayo howlahaas.

Midowga Afrika horey uma lahayn Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, halka ay qaaradaha kale sida Galbeedka, Koonfurta iyo Bartamaha Afrika horey u lahaayeen ergo gaar ah. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa isbedel cusub oo Midowga Afrika uu doonayo inuu ku dardar geliyo doorkiisa siyaasadeed ee gobolka.

Urur-goboleedka IGAD ayaa sanadihii u dambeeyay si toos ah uga shaqeynayay xalinta khilaafaadka dalalka Sudan, South Sudan iyo dagaalkii Tigray ee Itoobiya, iyadoo Midowga Afrika uu inta badan ka ahaan jiray kormeerayaal dibadda ah, balse aanu si toos ah uga dhex muuqan geeddi-socodyadaas.

Dr. Gaas, oo muddooyinkii dambe ka maqnaa saaxadda siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayaa dhawaan safarro diblomaasiyadeed ku tagay Jabuuti iyo dalal kale, iyadoo lagu warramayo inuu halkaas ka bilaabay ololihiisa ku aaddan xilka Ergayga Gaarka ah. Wararka qaar waxay tilmaamayaan in magacaabistiisa ay tahay mid si gaar ah loogu tixgeliyey khibraddiisa siyaasadeed iyo fahamka uu u leeyahay isbedelka siyaasadeed ee gobolka.

Haddii la ansixiyo, Dr. Cabdiweli Gaas wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xil noocaas ah ka qabta Midowga Afrika, taasoo sare u qaadaysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya oo arrimo la xiriira badda kala hadashay S/Land

Haegeysa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo mar kale qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Badda Cas, kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo dhowaan booqasho ku tegay dalkaas ayaa kulan gaar ah la yeeshay diblumaasiyiinta safaaradda Itoobiya ee waddanka Jabuuti, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan Badda Cas.

Kulanka oo si gaar ah u dhex-maray Madaxweyne Cirro iyo  Danjire ku xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Kebede Abera Ido ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin amniga Badda Cas iyo marinada ganacsiga.

Labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Hageysa iyo Addis Ababa.

Danjire Kebede Abera Ido oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga amniga iyo ganacsiga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah labada dhinac.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay inay adkeyso iskaashiga kala dhexeeya Itoobiya oo ay wadaagaan dano gaar ah iyo xuduud dheer.

Itoobiya ayaa horay Somaliland ula gashay heshiis muran badan dhaliyay oo ku aadan Badda, kaas oo horraantii sanadkii hore wada saxiixeen Muuse Biixi iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axme, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, inkastoo markii dambe labada dal ay ka heshiiyeen kadib khilaaf dheer oo u dhexeeyay muddo sanad ah.

Si kastaba ha’ahaatee, Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysa Bad ay hesho, si ay ugu soo marto badeecada uga timaada dalalka caalamka, waxaana muddooyinkan ay xoojineysay dadaalladeeda ku aadan helinta marin biyood ay ka hesho gudaha Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhankeeda raadineysa ictiraaf, si ay hesho aqoonsi iyada oo bixisay dadaal ku aadan gobolka iyo guud ahaan caalamka, balse illaa hadda ma gaarin wax natiijo ah.

Daawo: Xildhibaannada BF oo ku kala qaybsamay arrin xasaasi ah oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu kala qaybsamay arrin la xiriirta taakuleynta ciidamada dagaalka adag kula jira Al-Shabaab.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa soo jeediyay in la taageero ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee halganka adag ku jira, si looga dhiirogeliyo dagaalka socda, isla-markaana loo jaro lacag dhan 500 oo dollar, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen.

“Xildhibaan kasta 500 dollar waa in uu iska jaraa si loogu taakuleeyo Ciidamada Naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego.

Sareedo ayaa dhankeeda tiri “Mushaarkeyga cid xoog ku jari karto malahan mana leygu hanjabi karo, ciidanka wixii tabarteenna ah anaga ayaan u jareyno ee guddi haloo saaro”.

Dhankeeda Xildhibaan Gobsan ayaa tilmaamtay in aysan cadaalad ahayn in xildhibaanku qaato 5 kun oo dollar, askariga sugayana amnigiisana la siiyo 200 oo dollar oo kaliya.

“Askarta lacagta ay qaataan waa 200 dollar Anagoo Xildhibaano ah oo 5-kun dollar qaato Waxba nagama dhibeyso in Qoondo yar aan siino Ciidamada amnigeena ilaaliyo”. ayay tiri xildhibaan Gobsan

Xildhibaan Cadar ayaa iyaduna kamid ah xildhibaannada ka biyo diiday soo jeedintan “in qof iska soo istaago oo mushaarkeyga go’aan ka gaaro ayaan iska diidnay”.

Intaas kadib guddoonka ayaa soo jeediyay in la asnixiyo qaraar ku aadan in 500 oo dollar loo jaro askarta difaaca ku jirta, balse dood ayaa ka dhalatay oo xildhibaannada qaar ayaa ka horyimid in lacagtaasi laga jaro, waxayna keentay in guddoomiyuhu soo xiro kulanka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Erdogan oo ku dhowaaqay go’aan ku saabsan in uu mar kale is-sharxayo iyo in kale

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay inuusan danaynayn inuu mar kale u tartamo xilka madaxtinnimada dalka.

“Waxaan rabnaa dastuur cusub oo aan annagu danteenna ka lahayn balse u adeegi doona dalka oo dhan. Anigu ma doonayo inaan mar kale isu soo taago doorasho ama noqdo musharrax,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo saaran diyaaraddii kasoo qaaday safar uu ku tagay dalka Hungary, sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda Anadolu.

Hoggaamiyaha Turkiga oo 71 jir ah ayaa hadalkan sheegay xilli uu riixayo qorshe lagu beddelayo dastuurka dalka si loo abuuro hannaan rayid ah oo aanay qorin dadkii afgambiyada milateri sameeyay, sida uu tilmaamay.

Dastuurka hadda jira ee Turkiga ayaa la ansixiyay kaddib afgambi dhacay sanadkii 1980, kaas oo ka mid ahaa afgambiyo badan oo milatarigu ku qabsaday talada dalka taariikhdiisa casriga ah.

“Waa inaan dhisno guddiyada dastuuriga ah, dhaqsi ugu diyaarinna dastuur rayid ah, kadibna aan u bandhigno shacabka,” ayuu yiri Erdogan oo xilalka ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha soo kala hayay tan iyo sanadkii 2003. “Waa inuu noqdaa dastuur qaran iyo mid ka tarjumaya baahiyaha maxalliga ah. Turkiga waa inuu helaa dastuur noocaas ah.”

Xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AKP), oo uu Erdogan hoggaamiyo, ayaa awoodda dalka la wareegay labaatan sano kahor, isagoo dadaal badan ku bixiyay kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Erdogan ayaa sumcad weyn ku yeeshay shacabka Muslimiinta ah ee arkayay inuu wax ka beddelay xayiraadaha la xiriira xorriyadda diimeed ee ay soo rogeen dowladihii isaga ka horreeyay.

Hase yeeshee, sanadihii u dambeeyay xisbiga AKP iyo Madaxweyne Erdogan ayaa wajahay mucaarad xooggan, iyadoo dhaqaaluhu hoos u dhacay sicir-bararkuna sare u kacay, taas oo hoos u dhigtay awoodda wax iibsi ee dadweynaha Turkiga.

Dastuur rayid ah

Isbeddellada lagu sameeyo dastuurka ma aha inay keenaan doorashooyin madaxtinnimo oo degdeg ah, iyadoo doorashada xigta qorshuhu yahay inay qabsoonto sanadka 2028. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga, Jamhuuriyadda (CHP), ayaa dalbanayay doorashooyin hore, inkasta oo musharraxooda ugu sarreeya uu hadda ku jiro xabsi isagoo wajahaya eedo musuq-maasuq oo uu beeniyay.

Waxaa ka harsan laba sano in ka badan doorashada soo socota, mana cadda ilaa hadda cidda tartami doonta. Erdogan ayaa hore u muujiyay inuu mar kale tartami karo isagoo yiri: “Haddii aad diyaar tahay, aniguna diyaar ayaan ahay,” hadal uu sanadkan horey uga sheegay xilli uu garab taagnaa fanaan caan ah oo Turki ah.

Sidoo kale lama oga haddii isbeddellada dastuurka uu riixayo Erdogan ay siin doonaan xuquuq dheeraad ah dadka laga tirada badan yahay ee Kurdish-ka dalkaas. Bulshada Kurdish-ka ayaa muddo dheer ku baaqaysay in dastuurka wax laga beddelo, taasoo qayb ka noqon karta wada-hadallada u dhexeeya dowladda Turkiga iyo kooxda PKK.

Kooxdan oo Turkigu iyo dowladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka u aqoonsan yihiin inay tahay urur argagixiso ah ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay hubka dhigto, balse waxay doonaysaa isbeddelo dastuuri ah si ay ugu fuliyaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed gudaha Turkiga—taasoo la kulmeysa mucaaradad xoog leh gudaha dalka.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ujeedka wadahadalada uu yahay sidii loo gaari lahaa “Turki xor ka ah argagixisada,” lana soo afjaro dagaal 40 sano socday oo galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof labada dhinacba.

“Sida muuqata ma doonayo inuu sanado badan sii tartamo, balse isagoo hore u sameeyay horumar muuqda oo kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinacyo kale ah, wuxuu rabaa inuu ka tago dastuur rayid ah iyo Turki xor ah oo nabad ku nool,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga AKP oo la hadlay wargeyska The National.

Dadka dhaleeceeya Erdogan ayaa muddo dheer sheegay inuu qorsheynayo inuu beddelo dastuurka si loogu oggolaado inuu markii saddexaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha.

Si kastaba, hadalka Erdogan ayaa u muuqda inuu caddaynayo inuusan doonayn mar kale inuu xilka u tartamo balse uu rabaa inuu soo bandhigo dastuur cusub oo dalka Turkiga u adeegi kara.

Nidaamka madaxtinnimada ee hadda jira, oo la dhaqan geliyay sanadkii 2018, ayaa dhigaya in madaxweynuhu xilka hayn karo laba muddo oo keliya. In markii saddexaad xilka la isku soo sharaxo waxay u baahan tahay in meesha laga saaro xaddidaadda labada xilli, taas oo u baahan codad ka badan kuwa ay hadda haystaan xildhibaanada isbahaysiga xisbiga AKP iyo xisbiga waddaniga ah ee MHP.

Dad isku qoys ahaa oo lagu laayey gobolka Sh/Dhexe

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka gaysteen deegaan hoostaga degmada Warsheekh ee gobolkaasi, iyaga oo halkaas ku laayey dad isku qoys ah.

Dhacadadan oo salka ku hayso aano qabiil ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceelow, waxaana halkaas lagu dilay saddex qof oo isku qoys ahaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaalo ahaa iyo maamo kamid ahayd dadka deegaanka, kadib markii haleeshay rasaas goobta ka dhacday.

Dilka dadkan shacabka ahaa ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo la sheegay in horay looga dilay nin iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka, halkaas oo uu ka dhex-qarxay iska hor imaadka sababay dhimashada.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haatan xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in deegaanka ay mashaqadu ka dhacday aysan ka howlgelin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle, taas oo keentay in mar walbo dilal ka dhacaan halkaasi.

“Cid qabatay maleh way baxsadeen oo ciidan dowladeed ma joogaan meesha” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo maamulka degmada Warsheekh oo ku aadan dilalka ka dhacay halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogan, waxaana weli halkeedii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.

Xildhibaanada Jubaland iyo Puntland oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa ka socda Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh, kawaas oo ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubaland iyo Puntland ay ku biireen dhaq-dhaqaaqyada socda, kuwaas oo buuxiyay garabka xubnaha mucaaradka.

Xildhibaannadan oo deegaan dooashadooda ay tahay labadan maamul oo uu khilaafka kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay  Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kamid ah siyaasiyiinta kusoo laabtay Muqdisho ee haddane ka bilaabay kulamada siyaasadeed xiligan xasaasiga ah.

Kulanka dhex-maray Cumar Cabdirashiid iyo xildhibaannada ayaa daarnaa booqasho iyo kala war qaadasho, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ay tahay xilligan in loo wada istaago badbaadinta Soomaaliya maadaama uu dalku ku jiro xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku balamay in kulamada ay sii socdaan, si looga tasho is mari-waaga taagan iyo muranka hareeyay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Mucaaradka Soomaaliya oo hadda kusoo qulqulaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa damacsan in ay qaadaan tallaabooyin lagu istaajinayo qorshaha dowladda, halka Villa Somalia ay horay u sheegtay in aan loo joojin doonin ciddii ka aragti duwan ee dood ka qabta hanaanka, taas oo keeni karta isku dhacyo hubeysan in ay Muqdisho ka dhacaan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa shalay isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka walaacsan qorshe xoog ah oo mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada ay xoogeeda isugu geysay Villa Somalia.

24-kii saac ee lasoo dhaafay qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay xubno u badan wasiirro oo ay ugu horeeyaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kuwaas oo warbaahinta marsiiyey hadallo ay ku weerareen mucaaradka ku sugan Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

 

Muxuu ahaa ujeedka shirka ay guddoomiyeen wasiir Fiqi iyo Odowaa? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wasiirka iyo taliyaha ayaa guddoomiyaha guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta ahna agaasimaha xiriirka iyo Lafalgalka dadweynaha ee waaaaradda arrimaha gudaha Cabdicasiis Axmed Gurbiye ka dhageystay warbixin ku aadan ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jiro dib u xoreyn iyo la-dagaalanka  Argagaxisada,  iska warqabka, mideynta ajendeyaasha iyo farriimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha xasilinta.

intaas kadib taliyaha ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyay howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha Xoogga Dalka, sida ay ugu raadjoogaan firxadka Al-Shabaab iyo kaalinta ay tahay in guddigan uu ku lahaado gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay abaabulka, ka hortagga dacaayadaha argagaxisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha Ciidanka Qalabka Sida, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dadaallada xasilinta iyo soo kabashada isaga oo adkeeyey in la laba jibaaro howshan loona diyaargaroobo wajigii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacco Coppi, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin adkeynta iyo horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal, iyadoo si gaar ah la isla meel dhigay dardargelinta tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinaca difaaca, xoojinta awoodda ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha waawayn ee taageera ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna dowladda federaalka ugu deeqay gaadiid dagaal iyo saanad milatari

DF oo xulufo ka dhigatay Sacuudi Carabiya xilli ay is-hayaan Imaaraadka Carabta

Riyadh (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u xoojiyay iskaashigooda istaraatijiyadeed kaddib ansixinta heshiis amni oo cusub oo xoogga saaraya la dagaallanka argagixisada iyo wadaagga sirdoonka.

Heshiiskan, oo si rasmi ah uu u ansixiyay Golaha Wasiirrada Sacuudiga 21-kii May 2025, wuxuu calaamad u yahay horumar weyn oo xiriirka labada dal ah, wuxuuna qeyb ka yahay hindisaha fog ee Vision 2030, oo Sacuudi Carabiya ku dooneyso inay ku ballaariso saameynta gobolka iyo xoojinta xasilloonida Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Heshiiska oo markii hore lagu kala saxiixday magaalada Jeddah bishii Febraayo 2024, ayaa dhigaya hannaan rasmi ah oo iskaashi oo dhex mara Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) iyo Hay’adda Amniga Boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu muujinayaa ballanqaad labada dhinac ah oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo joojinta maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.

“Heshiiskani wuxuu saldhig u noqonayaa dagaalka aan kula jirno Khawaarijta iyo dambiyada la xiriira maalgelinta argagixisada,” ayuu yiri Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isagoo si gaar ah u xusay kooxda al-Shabaab. Heshiiska ayaa la filayaa inuu kor u qaado awoodda Soomaaliya ee la socodka hanjabaadaha, burburinta unugyada argagixisada iyo isku-duwidda hawlgallada amniga oo lala sameeyo Sacuudiga.

Qayb ka mid ah aragtida fog ee Vision 2030

Heshiiska waxaa mar kale la xaqiijiyay intii lagu guda jiray kulan dhowaan ku dhex maray Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid. Labada masuul ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza e ayaa u mahadceliyay dowladda Riyadh taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan meelaha dib-u-dhiska u baahan. Dhankiisa, Safiir Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyay in Boqortooyadu ay ka go’an tahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya — arrin la jaanqaadaysa aragtida Vision 2030 ee diiradda saareysa iskaashi goboleed iyo kala-duwanaanta ilaha dhaqaalaha.

Marka laga soo tago dhinaca amniga, xiriirka labada dal ayaa ku fidaya dhinacyada shaqo-abuurka iyo wada-shaqaynta maaliyadeed. Dhammaadkii 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis shaqo oo fududeynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay shaqo ka helaan gudaha Sacuudi Carabiya.

Boqortooyadu sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartay dadaalladii keenay cafinta daynta Soomaaliya, iyadoo bishii Juun 2024 la gaaray heshiis lagu fududeeyay Sanduuqa OPEC, taas oo si weyn u taageertay dhaqaalaha Soomaaliya xilli uu wajahayay culaysyo xagga miisaaniyadda ah.

Arrimahan ayaa muujinaya xiriir laba geesood ah oo sii qotomaaya, kuna dhisan dan guud iyo aragti la wadaago oo ku wajahan xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo hoos u dhacay

Xilli xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu sii xoogeysanayo, waxaa si lamid ah u liicaya xiriirkii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta. Xasaradahaasi waxay cirka isku shareen kaddib weerarkii dhimashada sababay ee bishii Febraayo 2024 lagu qaaday saldhigga ciidamada Imaaraadka ee General Gordan ee Muqdisho, halkaas oo lagu dilay afar sarkaal oo sare oo Imaaraadi ah.

Inkasta oo Imaaraadku weerarka ku tilmaamay “musiibo murugo leh,” haddana wuxuu si degdeg ah u hakiyay dhammaan taageeradii ciidan iyo dhaqaale ee uu siinayay Soomaaliya. Tallaabadan waxaa loo arkay in ay calaamad u tahay hoos u dhac rasmi ah oo ku yimid xiriirka labada dhinac, inkasta oo ay sanad ka hor – Janaayo 2023 – kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkasta oo ay muujisay tacsiyo rasmi ah isla markaana ay beddeshay mas’uuliyiin sare, haddana waxay diiday dalabyo dheeraad ah oo Imaaraadku la yimid — kuwaas oo warar rasmi ah sheegeen inay ku jireen in xilka laga qaado:

  • Agaasimihii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale
  • Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre
  • Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Inkasta oo qaar ka mid ah mas’uuliyiintan la beddelay, haddana Villa Somalia waxay diiday in ay si buuxda uga dhabeyso dalabyada Imaaraadka, iyadoo arrinta u aragtay faragelin ku ah madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in Imaaraadku joojiyo taageerada uu siiyo madaxda maamul goboleedyada sida Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Saciid Deni (Puntland), kuwaas oo dowladda dhexe u aragto in loo adeegsanayo saameynta siyaasadeed ee Imaaraadka.

Ilo sirdoon ayaa sheegay in Imaaraadku uu tan iyo markaas beddelay xeeladdiisa, isagoo si hoose u maalgelinaya mucaaradka Muqdisho, si uu cadaadis ugu saaro dowladda federaalka kahor doorashooyinka soo socda. Warbixino la helay ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in la xoojiyo isbahaysi mucaarad ah si loo wiiqo awoodda dowladda talada haysa.

Meelmarinta heshiiska amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa muujinaysa in Muqdisho ay si cad ugu leexatay dhanka Riyadh, xilli loollanka siyaasadeed ee gobolka uu sare u kacayo. Inkasta oo Imaaraadku weli raadinayo saameyn siyaasadeed oo kale, haddana qaabka Sacuudiga ee ku saleysan hay’adaha rasmiga ah, maalgelinta tooska ah, iyo iskaashi waara ayaa u muuqda mid si weyn uga helaya garab iyo taageero gudaha Soomaaliya.

Daawo Sanbaloolshe oo diray dalab ku socda shacabka Galgaduud iyo Sh/Dhexe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo weli ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ayaa farriin culus iyo dalab xasaasi ah u diray dadka degan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Sanbloolshe ayaa baaq cod dheer ah diray, wuxuuna ka codsaday shacabka labadaas gobol inay gacan siiyaan beesha Xawaadle iyo ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Agaasimaha NISA ayaa xusay in loo baahan yahay in loo midoobo Al-Shabaab, isla-markaana la xoojiyo furimaha dagaalka ee haatan ku furan Khawaarijta, si looga adkaado.

“Dadka Soomaaliyeed ee hayb wadaagta nahay qaasatay dadka deggan Shabeelada Dhexe iyo dadka deggan Galmudug waxaan ka codsanaa in furimaha dagaalka tegaan ama meesha ay joogaan xabadda ka bilaabaan ama ay noo yimaadaan” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Far kaliya fool ma dhaqdo, haddaa isku tagno waa jiidi karna Shabaab ee intii uu na jiidi lahaa kaalaya nala jiida”.

Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada dowladda ee ku aadan reer Hiiraan, isaga oo sheegay in weli ay ka maqan xuquuq dowladnimo oo ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladnimada Soomaaliya Ninka dhibkiisa badsada waa inuu dheeftiisa badsado, laakiin hada waxaa jirta adiga dhimo dhibka badso dhefta anigaa iskaleh” ayuu sii raaciyay.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo dagaallo qaraar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maalmo kahor ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.