27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Arrinta xasaasiga ah ee DF kaga hortagtay mamnuucista baasaboorka Taiwan – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah u mamnuucday in dalka ay soo galaan, ka baxaan, ama dhex-maraan dadka wata baasaboorka Taiwan. Tallaabadan ayaa dowladda Taiwan ku tilmaantay mid ka dhalatay cadaadis sii kordhaya oo uga imaanaya Shiinaha.

Warqad nuqul ka mid ah ay heshay The New York Times ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku sababeeysay go’aankeeda in uu la jaanqaadayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.

Qaraarkaas oo la ansixiyay 1971 ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee matasha Shiinaha. Inkasta oo uusan si toos ah u xusin madax-bannaanida Taiwan, haddana Beijing ayaa muddo dheer ku doodeysay in qaraarku siinayo xukun buuxa oo ay ku leedahay jasiiradda Taiwan.

Warqadda, oo taariikhdeedu tahay April 22, waxay sidoo kale cambaareysay furitaanka xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa—caasimadda Somaliland—iyadoo ku tilmaantay “ku-xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.”

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay “si degdeg ah” dib uga laabato go’aanka, waxayna sidoo kale ku dhiirrigelisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland ilaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in safiirka wasiir Lin uu baaqday.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Dowladda Shiinaha ayaa si buuxda u soo dhaweysay go’aanka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in tallaabadaasi ahayd “go’aan sharci ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Mr. Guo wuxuu sidoo kale xusay in Taiwan ay tahay “qayb aan laga goyn karin” Shiinaha.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warcelin ah oo ay u dirtay Caasimada Online.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Khubarada gobolka ayaa sheegay in go’aankaasi uu xoojinayo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana uu mid caalami ah ka dhigayo muranka muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

“Mamnuucidda waxay arrinta Soomaaliya iyo Somaliland gelinaysaa jawi cusub oo ah khilaaf juqraafi-siyaasadeed caalami ah,” ayuu yiri Moustafa Ahmad, khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan ee Geeska Afrika. 

Wasiirkii ugu muddada yaraa wasaaradda difaaca oo maanta xilka wareejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii uu hayay muddo 24 maalmood ah.

Wareegto uu todobaadkaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isku shaandhayn uu sameeyey waxa ay sababtay in xilkii laga qaado Mr. Jibriil, isaga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad. Isku shaandheyntaas ayaa sababtay in xilka Wasiirka Gaashaandhigga laga qaado Jibriil, laguna beddelo Axmed Macalim Fiqi.

Jibriil Cabdirashiid ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga la wareegay 6-dii April 2025, isagoo xilkaas kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirkii muddada ugu dheer soo hoggaamiyay Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Wasiir Fiqi oo si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sheegay inay u bilaabatay hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, isagoo tilmaamay muhiimada wasaaradda difaaca oo ah mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.

Hoos ka aqriso qoraal uu xil-wareejinta kadib soo saaray Fiqi:

Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, goob joogna uu ka ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Md.Salah Jamac.

Waxaa noo bilowdey hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, wasaaradda Difaacuna waa mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay, waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa.

Waxaan xoogga saaraynaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca.

Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira Loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka.

Waxaan mahadcelin gaar ah u dirayaa saaxiibada Soomaaliya ee nala garab taagan taakulada iyo sidii dalka looga baabi’in lahaa Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin cajiib ah u direy…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray dhambaal u direy shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Madxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed, oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 1-da May 2025.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu intaas kusii daray “Waxaan ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo, wuxuuna Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

Daawo: Qeybdiid oo dacwo ka ah Xasan Sheekh xilli barakacin lagu sameeyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey wax uu ugu yeeray dhul-boobka ka socda caasimadda.

Dhul-boobkan, oo uu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inuu u fulinayo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

“Macallin Mahdi ayaan u tagnay si aan dadka loo barakicin, laakin wuxuu nagu yiri: ‘Mar haddii waraaq ka timaaddo Madaxweyne Xasan Sheekh, wax la joojinayo ma jiro,’” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.

Senatorka ayaa sheegay in dhul-boobka ka socda magaalada Muqdisho uu saameeyey dhammaan bulshada, isagoo ka sheekeeyey boosas laga kireeyey qoyskiisa oo markii dambena awood dowladeed looga saaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ka mid tahay sharci-darrada ka jirta dalka, ayna madaxda sare ee dalka — oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh — sida ay rabaan ka yeelaan.

“Aniga hore ayaan u arkay in sida aad ku noolaan karto, ku nooloow waaye,” ayuu yiri Senator Qeybdiid, oo sheegay in inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh uusan joogsaneen dhul-boobku.

Senatorka ayaa quus ka muujiyey hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyey inuu ku tumanayo sharciga. “Maadaama dowladdii Soomaaliyeed aysan lahayn Maxkamad Dastuuri ah oo sharci loo raaco, waxaa dastuur u noqday in madaxweynuhu wixii uu rabo fuliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dib u dhaca shirka Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayay inuu maanta ka furmo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha shirka ayaa si rasmi ah u furmi doono maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5-ta bisha May 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal muhiim ah oo ay ku kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dalka u muhiimka ah, sida amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-habaynta dastuurka.

Dib-u-dhigista shirka ayaa timid maalmo kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo shuruud ku xiray ka-qaybgalka, wuxuuna tilmaamay in Puntland ay maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabanayso heshiisyadii ay horay uga baxday kuwaas oo sababay khilaafka taagan ee labada dhinac.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Cali Aadan: “Buuqa Baarlamaanka ka jira miyaa lagu daminayaa in shirka dib loo dhigo?. Waa lays fahmay.”

Ayuub Barre: “Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa kala diray shirkii.”

Xarbi Yare: “Shaqa wacan madaxda Soomaaliyeed, hadaanahay shacabka wax wanaagsan ayaa idinka rajeneynaa.”

Maxamed Cabdi Cali: “Waan socon waynayee aan orodno ayaa la dhahaa alaabtaan.”

Bashiir Ibraahim Cali: ” Gogosha nabadeed ma waxaa lo beddalay mid maamul Gobaleed kaliya?”.

Rooble oo farriin culus u diray Sheekh Aadan Madoobe, kadib arrintii shalay dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan baarlamaanka, isaga oo u caqli celiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay fowdada ka socota baarlamaanka, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay hadalladii shalay kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka ‘oo jiis ugu yeeray mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka’ wuxuuna ugu baaqay inuu ka laabto waddada uu ku socdo, uuna  ilaaliyo sharuucda u taalla dalka.

Waxaa kale oo uu si adag cambaareerayay gacan qaadkii shalay loo gaystay qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, isaga oo xusay inay ahayd xadgudub wayn oo dhacay.

“Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban” ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

BISMILLAHI

Waa wax aad looga xumaado fawdada ka socota Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo ah hay’adda ugu sarraysa Dalka.

Hab-dhaqankaan waa mid niyad jabinaya Shacabka sawir xunna ka bixinaya Dawladnimadeenna.

Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban.

Sidoo kale waxaan cambaaraynayaa xadgudubka loo gaystay Saxafiyiinta oo isugu jiray gacan ka hadal iyo carqaladayn shaqadooda ah, waa arin Khilaafsan Dastuurka oo dhawraya xaqa fikirka iyo xornimadiisa.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan.

Somalia denies rift with Egypt amid military pact delays

CAIRO, Egypt – Somalia has rejected claims of growing tensions with Egypt over a stalled military cooperation agreement, dismissing media reports of strained ties and a shift in foreign policy as “baseless and inaccurate.”

Ambassador Ali Abdi Awari, Somalia’s envoy to Egypt and permanent representative to the Arab League, said the relationship between the two countries remains “strong, historic, and unblemished.” He reaffirmed Somalia’s commitment to deepening cooperation with Egypt in security, political, and cultural fields.

His statement comes in response to a report by The New Arab, which cited unnamed sources claiming that Egypt is re-evaluating its military partnership with Somalia after delays in implementing a security pact signed in August 2024. The agreement had included plans to deploy over 1,000 Egyptian special forces to support Somali operations against Al-Shabaab militants in Middle Shabelle.

According to the report, Egyptian officials view Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s recent rapprochement with Ethiopia as a sharp departure from previous close coordination with Cairo — particularly on regional issues such as Ethiopia’s growing influence and the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

The shift, described as a “political shock” by Egyptian sources, has reportedly led Cairo to freeze troop deployment plans, although the agreement has not been officially canceled. Some Egyptian officials are said to now view Somalia as an unreliable partner.

Tensions were further reflected during last week’s African Union summit in Uganda, where Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi was notably absent. Prime Minister Mostafa Madbouly, who represented Egypt, voiced disappointment in Somalia’s “lack of clarity” on joint priorities, despite reaffirming Cairo’s support for Somalia’s unity.

Somalia’s ambassador dismissed the report’s claims as unfounded and urged media outlets to avoid spreading misinformation that could damage ties between “brotherly nations.”

“Egypt has always stood by Somalia, and we remain grateful for its support under the leadership of President Sisi,” Awari said.

The alleged friction comes as regional dynamics shift rapidly in the Horn of Africa, with Somalia strengthening ties with Turkey and Ethiopia — moves that some analysts say could complicate its relations with Cairo. The arrival of nearly 300 Turkish troops in Mogadishu to assist with security operations has added to Egypt’s unease, according to the report.

Despite rising speculation, there has been no official confirmation from either side that the military pact has been suspended. Both governments continue to emphasize their longstanding diplomatic partnership.

Sheekh Aadan Madoobe oo dalka ka baxay kadib tallaabo muran leh oo uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u baxay safar dibadeed, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe oo goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u ambabaxay magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa la xiriiro ka qayb-galka shirka guddoomiyaasha baarlamaannada Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona caasimadda Algiers .

Sida uu qorshuhu yahay shirka guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha waddamada Carabta gaar ahaan xaaladda dadka Falastiin oo haatan wajahaya xaalad adag iyo weeraro ay weli ku hayso Israel.

Safarka uu galay Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aadayo xilli uu haatan wajayo culeys ka haysta baarlamaanka, kadib markii ay mooshin ka keeneen qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka oo ku eedeeyay inuu jabiyay sharciga iyo xeerka golaha.

Arrinta ayaa isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah, kadib markii shalay uu buuq hareeyay kulan ay yeesheen xildhibaannada, kaas oo fowdo kusoo dhammaaday.

Kadib waxaa sii xigtay in xalay guddoomiyaha uu qaaday tallaabo kale, kadib markii xubno ka tirsan Golaha Shacabka uu ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha, sababo la xiriira amniga, sida lagu sheegay warqad xalay ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inay soo gudbiyaan talo-bixin iyo tallaabooyin ku habboon xubnahan, si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Dhankooda xildhibaannada ayaa soo saaray go’aan kale oo xasaasi ah, waxayna si adag u cambaareeyeen falkii ‘xad-gudubka’ ahaa ee shalay ilaalada xarunta golaha shacabka ay kula kaceen weriyayaasha Warbaahinta Madax-banaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyey in banaanka aysan waxba ka duuba karin saxaafadda, iyadoo laga hortegayo in xildhibaanada careysan ay helaan fursad ay kula hadlaan warbaahinta.

“Waxaan si cad u cambaareynayaa isticmaalka sharci-darrada ah ee Ciidamada loogu adeegsaday Saxaafadda, waxaana si gaar ah farta ugu fiiqayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amar ku bixiyay in la caburiyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xildhibaannada, gaar ahaan kuwa guddiga warfaafinta.

DF Soomaaliya oo Somaliland tusisay daciifnimadeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii April 2025 si rasmi ah u dhaqan gelisay xayiraad cusub oo mamnuuceysa in dalka soo galaan ama transit ahaan u maraan dadka haysta baasaboorada Taiwan.

Amarkan ayaa kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxaana si degdeg ah loogu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, iyadoo isla markiiba la dhaqan geliyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas, iyadoo ku eedeysay inuu ku yimid cadaadis Shiinaha ka yimid, islamarkaana ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aankeeda.

Isla markiiba, Taiwan iyo maamulka Somaliland ayaa si wadajir ah ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la aragti ah, in ay cadaadis ku saaraan Soomaaliya si loo laalo xayiraadda. Dhanka kale, Taiwan waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya iyo Somaliland labadaba.

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa si buuxda u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay mid sharci ah oo muujinaya madax-bannaanida qaranka iyo xaqiijinta mabda’a “Hal Shiinaha”.

Tallaabo muujisay awoodda Soomaaliya

Xayiraaddan safarka ma aha oo keliya arrin sharciyeed, balse waa tallaabo istiraatiiji ah oo dowladeed oo muujinaysa awoodda dowladda federaalka. Waxay bidhaaminaysaa awoodda sii kordheysa ee Soomaaliya ay u leedahay saameynta siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah, isla markaana caddayn u ah go’doonka diblomaasiyadeed ee weli haysta Somaliland.

Amarka dowladda Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay sida ay u shaqeyso awoodda dawlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay.

Iyada oo kaashaneysa xeerka caalamiga ah iyo maamulkeeda hawada, Muqdisho waxay ku qasbi kartaa shirkadaha diyaaradaha inay u hoggaansamaan go’aamadeeda – xitaa haddii Taiwan xafiis ku leedahay Hargeysa ama xiriir dhow la leedahay maamulka Somaliland.

Tallaabadan ayaa sidoo kale si degdeg ah u beddeshay siyaasaddii socdaalka ee Taiwan, taasoo muujinaysa awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay saameyso dhaqanka caalamka iyadoo adeegsaneysa waddooyin sharci ah oo rasmi ah.

Go’aankani wuxuu xoojinayaa mowqifka Soomaaliya ee ah:

  • Inay tahay wakiilka kaliya ee sharciyan metela shacabka Soomaaliyeed heer caalami ah;
  • Inay leedahay awood madax-bannaani oo ay ku maamuli karto xuduudaheeda iyo hawadeeda;
  • Inay tahay saaxiib diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Shiinaha, taasoo sii kobcineysa miisaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Awoodda xaddidan ee Somaliland

Inkasta oo Somaliland leedahay maamul iyo nidaamyo amni oo u gaar ah, dhacdadani waxay si cad u muujisay xuduudaha ay leedahay awooddeeda diblomaasiyadeed.

Baaqii wadajirka ahaa ee ay Taiwan iyo Somaliland u direen beesha caalamka wuxuu ahaa codsi ka yimid laba dhinac oo aan haysan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Midkoodna ma leh awood sharciyeed oo uu kaga hortegi karo amarka ka yimid dowladda Soomaaliya.

Digniinta socdaal ee ay Taiwan bixisay, taasoo labadaba ku saabsan Soomaaliya iyo Somaliland, si dadban ayey u iftiimisay nuglaanta Somaliland ee dhinaca sharciyadda caalamiga ah.

Inkastoo Somaliland ay xafiis u oggolaatay Taiwan inuu ka shaqeeyo gudaha Hargeysa, haddana ma awooddo inay bixiso dammaanad sharciyeed oo caalami ah ama ay ka hor tagto xayiraado kasoo baxa Muqdisho. Xiriirka ay la leedahay Taiwan wuxuu leeyahay qiime siyaasadeed oo muuqaal ah, balse ma leh miisaan siyaasadeed oo wax ka beddeli kara go’aanada caalamiga ah.

Qaybta istiraatiijiga ah ee arrintani waa mid xasaasi ah. Sida Soomaaliya ula safatay Shiinaha oo bogaadiyay go’aankaas, waxay sare u qaadayso muhiimada Soomaaliya ay ku yeelan karto isbeddellada siyaasadeed ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadan uga faa’iideysanaysaa:

  • Inay kasbato taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed;
  • Inay hesho dhiirrigelin dhaqaale mustaqbalka;
  • Inay muujiso inaysan ahayn kaliya dowlad la aqoonsaday, balse ay si firfircoon u adeegsanayso aqoonsigeeda si ay u go’doomiso ciyaartoy aan la aqoonsan sida Taiwan iyo xulafadeeda.

Aqoonsigu waa saldhigga awoodda

Arrintani waxay si gaar ah u muujinaysaa hal xaqiiqo oo ku saleysan siyaasadda caalamka: aqoonsigu waa halka ay ka dhalato awoodda dowladnimo.

Inkasta oo Soomaaliya ay wajahdo caqabado gudaha ah, haddana dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa si buuxda waxay u leedahay awoodda matalaadda diblomaasiyadeed iyo sharciyeed ee dalka.

Awooddaasi waxay u suurta-gelineysaa inay ku soo rogto xayiraado leh saameyn caalami ah – kuwaasoo aan xitaa lagu jebin karin maamul is-maamul ah sida Somaliland.

Dhanka kale, aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa xaddidaysa awooddeeda, xitaa gudaha dhulkeeda. Xayiraaddan ayaa muujisay daciifnimada xiriirkeeda dibadda iyo xannibaadaha diblomaasiyadeed ee hortaagan illaa ay hesho aqoonsi rasmi ah.

Soomaaliya, tallaabadan waa muujin xeeladaysan oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Somaliland, se, waa xasuusin dhab ah oo muujinaysa in dariiqa aqoonsiga caalamiga ah weli fog yahay.

Somalia’s Taiwan ban exposes Somaliland’s diplomatic limits

MOGADISHU, Somalia – On April 30, 2025, Somalia officially enforced a ban prohibiting the entry and transit of travelers holding Taiwanese passports. The directive, issued by Somalia’s Civil Aviation Authority, was communicated to international airlines and took immediate effect.

Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs (MOFA) strongly condemned the move, attributing it to pressure from China, and urged the Somali government to rescind the decision.

 In response, Taiwan and the Somaliland government issued a joint appeal calling on like-minded nations and international organizations to press for the revocation of the ban. Meanwhile, Taiwan advised its citizens to avoid traveling to both Somalia and Somaliland.

On the other hand, China on Wednesday voiced strong support for Somalia’s decision to bar Taiwanese passport holders, framing the move as a legitimate assertion of national sovereignty and a reaffirmation of the one-China principle.

A strategic assertion of Somali sovereignty

This travel ban is far more than a procedural measure but a strategic assertion of state authority. It highlights the Somali federal government’s growing ability to influence regional and international policy while underscoring Somaliland’s continuing diplomatic isolation.

Somalia’s directive demonstrates the power of recognized statehood. By leveraging its legal status and control over airspace, Mogadishu could compel global airlines to comply with its decision—regardless of Taiwan’s presence in Somaliland or the strength of their bilateral ties.

 The move immediately shifted Taiwan’s travel policy, revealing Somalia’s capacity to shape international behavior through formal channels.

This action reinforces Somalia’s position as:

  • The sole legitimate representative of the Somali state on the world stage;
  • A sovereign authority with the ability to dictate access to its airspace and borders;
  • A valuable diplomatic ally to China, whose backing adds weight and legitimacy to Somalia’s foreign policy positions.

Somaliland’s limited leverage

While Somaliland maintains its own administrative systems and security apparatus, this incident lays bare its diplomatic limitations.

The joint appeal by Taiwan and Somaliland for international intervention is effectively a plea from two actors operating outside the framework of global recognition. Neither has the formal standing to override or challenge Somalia’s directive.

Taiwan’s travel advisory, including Somalia and Somaliland, inadvertently reflects Somaliland’s vulnerability.

Despite hosting a Taiwanese office in Hargeisa, Somaliland cannot provide international legal assurances or override bans imposed by Mogadishu. Somaliland’s partnership with Taiwan offers symbolic support but lacks the muscle to influence real-world policy outcomes.

The geopolitical dimension of this ban is also significant. Somalia’s alignment with Beijing on the “One China” principle has drawn praise from China, which welcomed the decision as a lawful and principled stance.

For Somalia, this represents a strategic win: it gains political goodwill, potential economic incentives, and increased relevance in a broader international contest.

This alignment also sends a clear message to other global actors: Somalia is not just passively recognized—it is actively asserting its sovereignty and using international norms to marginalize actors like Taiwan and its unrecognized partners.

Recognition defines power

This episode underscores a core reality of global politics: recognition equals authority. Despite its internal challenges, Somalia’s internationally recognized government retains exclusive control over its diplomatic and legal identity.

That power allows it to impose restrictions with global consequences—restrictions that even a self-governing entity like Somaliland cannot meaningfully challenge.

In contrast, Somaliland’s lack of recognition limits its influence, even within its own territory. The ban exposes the fragile nature of its external relationships and highlights the diplomatic ceiling it faces without international acknowledgment.

For Somalia, the move is a rare yet strategic assertion of sovereignty. For Somaliland, it is a sobering reminder of how far international legitimacy still lies beyond its reach.

Danab oo howlgal culus ka fulisay Masaajid Cali Gaduud

0

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay xalay ka sameeyeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaankaasi, waxaana la gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi isla-markaana ay burburiyeen.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in cagta ay mariyeen xarumo kale oo weerarada ay kasoo abaabuli jireen Khawaarijta, iyaga intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalladooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Masaajiid Cali Gaduud ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen dagaalyhannada Al-Shabaab, waana deegaan istaraatiiji ah oo dhaca Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan arrinta gobolkan, si wax looga qabto culeyska ay soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada soconaya oo qorshahooda yahay in dib loogu laabto deegaannadii laga soo baxay ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Ciidamada ayaa howlgalladii ugu dambeeyay ku gaaray howdka deegaanka Ciid-ciidka iyo deegaanno kale oo dhaca Galgaduud, sida Cali Candhoole iyo Baraag Shiikh Cabdullaahi oo in ka badan 40km u jira Degmada Ceeldheer.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

CC Shakuur: Xasan wuxuu dagaalka Al-Shabaab ka dhigay mid laga ganacsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu ka soo baxay dagaalka oo siyaasadda dalka uu qaribayo, isagoo sheegay in la bilaabay dagaalka laga ganacsado.

“Madaxweynaha waa soo baneeyey furimaha, dagaalkii wuxuu noqday mid laga ganacsado, Aadan-yabaal oo ugu dambeysay waa laga soo saaray ciidankii, guul darro maamul oo ku talagal ah ayaa dhacday,” ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu dhaliilay qaabka loo maamulo ciidanka qaranka, isagoo sheegay in taliska xoogga lagu heysto maamulka ciidanka, taasina ay keentay jaha wareer iyo niyad jab ciidan.

“Qaladaadka dagaalka waxaa kamid ah in ciidanku seddax sano dagaal ku jiray, waa mamnuuc in askarigu lix bilood ka badan uu dagaal ku jiro oo furinta uu ku maqnaado, sirdoonka iyo sahayda ciidanka waa mid aad u liidata, taasi oo beylah ka dhigtay noloshii askarteena qiimaha badan,” ayuu yiri Warsame.

CC Shakuur ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab ay heystaan diyaaradaha wax basaasa ee yar yar, halka ciidankeena aysan heysan, taasi oo keentay dayacaad badan.

“Musuq iyo maamul xumada jirta waxay gaartay heer darajada lagu bixiyo saaxiibtinimo iyo xiriir ama Xildhibaan cod looga bedelanayo, ugu dambeyntii waa kan ciidankii Madaxweynuhu kasoo saaray furimaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray CC Shakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray in Shabaab ay diyaar garoobayaan oo ciidan badan ay dhisanayaan, “xitaa hub casri ah ayey heleen, halka ciidankeena la dayacay oo halgankoodii laga dhex ganacsanayo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loo dhigay iyo xogta qodob la isku qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah, dib loo dhigay ilaa Isniinta, 5-ta bisha Maajo 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal muhiim ah oo ay ku kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dalka u muhiimka ah, sida amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-habaynta dastuurka.

Dib-u-dhigista shirka ayaa timid maalmo kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo shuruud ku xiray ka-qaybgalka.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabanayso heshiisyadii ay horay uga baxday, kuwaas oo sababay khilaafka labada dhinac.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay waa wixii lagu heshiiyey oo laga leexday. Ilaa lagu soo noqdo wax heshiis ah, cidina dib uma noqonayso. Xasan Sheekh ha ka dhabeeyo ballanqaadkii gogosha, hana ku soo laabto wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in uu khilaaf kale ka taagan yahay ka-qaybgalka Madaxweynaha SSC-Khaatumo ee shirka, iyadoo ay arrintaas diidan yihiin madaxda goboleedyada HirShabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed.

Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inay diidan yihiin aqoonsiga maamul ee la siiyey SSC-Khaatumo, halka weli aan si rasmi ah loo go’aamin maqaamka gobolka Banaadir. Sidoo kale, Lafta-gareen ayaa saluug ka muujiyey in beelaha Daarood iyo Hawiye ay haystaan shan maamul-goboleed, halka beesha uu ka soo jeedo ay ku koobantahay hal.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa ku macneeyey dib-u-dhigista shirka fursad dheeri ah oo lagu sii wado wadatashiyada muhiimka ah ee u dhexeeya Madaxda Qaranka, si loo xaqiijiyo in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo miro-dhal ah.

Nairobi: Xildhibaan Kenyan ah oo toogasho lagu dilay

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Xildhibaan Charles Ong’ondo ayaa lagu dhex dilay bartamaha magaalada, isaga oo ku dhex jiray baabuurkiisa, isla markaana marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Nairobi.

Charles Ong’ondo ayaa xilliga dilay waxyar uun kahor ka baxay xarunta baarlamaanka, waxaana weeraray laba nin oo hubeysan, kadibna ku baxsaday mooto Fekon ah.

Labada nin ayaa eryaday xildhibaanka, iyaga oo rasaas ku furay, taas oo keentay inuu meesha ku geeriyoodo, sida ay ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalka Kenya.

Sidoo kale, waxaa toogashada ka bad-baaday darawalka xildhibaanka, waxaana haatan socda baaris ay wadaan ciidamada booliska, si loo soo qabto dambiileyaasha.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dilka xildhibaanka iyo waxa ay haayeen ragga toogtay ee cararay, kuwaas oo ay baadi goobayaan booliska Kenya.

Xildhibaanka la dilay ee Charles Ong’ondo ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga rug cadaaga ah ee muddada dheer mucaaradka ah ee Raila Odinga, kaas oo si weyn u cambaareeyay dilka.

Kenya ayaa waxaa ku badan beegsiga siyaasiyiinta sar sare iyo xildhibaannada oo inta badan la kulmo, dil, dhaawac, hanjabaadyo iyo afduub, waxaana ugu dambeeyay kiiska Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela ee Ismaamulka Wajeer, kaas isna oo horay loogu afduubtay waddada Enterprise ee magaalada Nairobi.

Yuusuf Xuseen oo muddo lix bilood ah la la’aa mar dambe, xilli habeen si lama filaan ah loogu soo celiyey gurigiisa, waxaana gaari ku geeyay rag wejiga duubtay.

Weli su’aalaha ugu waaweyn ee taagan ayaa ah; Yaa ka dambeeya weerarada lagu hayo xildhibaannada iyo siyaasiyiinta caanka ah ee waddanka Kenya, Maxaase loo beegsadaa? Su’aalahaas ayaan weli jawaabo rasmi ah looga helin gudaha dalka Kenya.

DF oo war ka soo saartay xiriirka iyo xiisada la sheegay in ay ka dhex-qaraxday Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar sheegaya in khilaaf diblomaasiyadeed uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ku tilmaantay warbixinnada sheegaya xiriir xumaaday iyo isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda inay yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn.”

Danjire Cali Cabdi Awaare, safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu weli yahay “mid taariikhi ah, adag, isla markaana aan dhaawacmin.” Waxa uu mar kale adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Masar ee dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka.

Hadalka danjiraha ayaa jawaab u ahaa warbixin uu daabacay wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid, oo soo xiganayay ilo aan magacooda la shaacin, kuwaasoo sheegay in dowladda Masar ay dib u eegis ku samaynayso iskaashigii milatari ee ay la lahayd Soomaaliya, kaddib dib u dhac ku yimid hirgelinta heshiis amni oo labada dhinac kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in in ka badan 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar loo diro Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in mas’uuliyiin Masri ah ay u arkaan diblomaasiyadda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Itoobiya inay si weyn uga leexatay wadashaqayntii dhoweyd ee uu la lahaa Qaahira—gaar ahaan marka loo eego arrimaha gobolka sida saameynta sii kordheysa ee Itoobiya iyo mashruuca Biyo-xireenka weyn ee GERD.

Isbeddelkaas, oo ilo Masri ah ku tilmaameen “yaab siyaasadeed,” ayaa la sheegay inuu sababay in Qaahira ay hakiso qorshihii dirista ciidamada, inkasta oo aan si rasmi ah loo burin heshiiskii. Mas’uuliyiin qaar ayaa haatan la rumeysan yahay inay Soomaaliya u arkaan lamaane aan lagu kalsoonaan karin.

Xiisaddaas waxay si muuqata uga dhex muuqatay shirkii Midowga Afrika ee toddobaadkii hore ka dhacay Uganda, halkaas oo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu ka baaqday. Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbouly oo u matalayay Masar shirka, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan “mugdiga” ka jira mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan danaha wadajirka ah, inkasta oo uu mar kale caddeeyay in Masar ay weli taageersan tahay midnimada Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ayaa warbixintaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn, isagoo ku baaqay in warbaahintu ka fogaato faafinta warar aan la hubin oo dhaawici kara xiriirka ka dhaxeeya “waddamada walaalaha ah.”

“Masar mar walba waxay garab istaagtay Soomaaliya, annaguna waan uga mahadcelinaynaa taageerada ay siisay shacabka Soomaaliyeed intii uu talada hayay Madaxweyne Sisi,” ayuu yiri Awaare.

Khilaafka la tuhunsan yahay ayaa imaanaya iyadoo ay si degdeg ah isu beddelayaan xaaladaha gobolka Geeska Afrika, iyadoo Soomaaliya ay xoojisay xiriirka ay la leedahay Turkiga iyo Itoobiya — tallaabooyin ay qaar ka mid ah falanqeeyayaasha u arkaan kuwa kicin kara walaaca Masar. Warbixintu waxay sheegtay in imaanshaha ku dhowaad 300 askari oo Turkish ah magaalada Muqdisho si ay uga qayb qaataan howlgalada amniga uu sii xoojiyay walaaca Qaahira.

Inkasta oo la hadal hayo khilaafkan, haddana ma jirto wax xaqiijin rasmi ah oo muujinaya in heshiiskii milatari la hakiyay. Labada dowladood ayaa weli adkeynaya sida ay uga go’an tahay sii wadidda xiriirkooda diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah.

Somalia postpones NCC talks amid Puntland boycott, disputes

MOGADISHU, Somalia – Somalia has postponed a critical National Consultative Council (NCC) session, initially set to begin Thursday in Mogadishu, amid mounting political tensions between the federal government and regional administrations.

The Office of Prime Minister Hamza Abdi Barre announced that the meeting will now take place on Monday, May 5. According to the prime minister’s office statement, the delay follows internal consultations between national leaders.

The NCC brings together the federal government and leaders of Somalia’s federal member states to address national priorities, including security, elections, and constitutional reform.

Puntland boycott and SSC-Khaatumo issue

The postponement comes days after Puntland President Said Abdullahi Deni refused to attend, citing unresolved disputes with the central government. Deni accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of reneging on prior agreements and declared that Puntland would remain absent until those commitments were restored.

“We are absent from the NCC because of unfulfilled agreements,” Deni said. “Unless the federal government returns to the agreed terms, no one will be returning to the table. President Hassan Sheikh must honor his promises and resume inclusive dialogue.”

Puntland, located in northeastern Somalia, has long had a strained relationship with Mogadishu over autonomy, resource sharing, and federal power issues. The region’s continued boycott threatens to further weaken the NCC’s credibility as a national unifying platform.

Adding to the discord is a dispute over the inclusion of SSC-Khaatumo, a newly revived regional administration seeking federal recognition after breaking away from Somaliland’s control in the contested Sool, Sanaag, and Cayn regions.

According to sources close to the negotiations, leaders of HirShabelle, Galmudug, and South West states have objected to SSC-Khaatumo’s participation in the upcoming talks.

Presidents Ahmed Qoor Qoor (Galmudug) and Ali Gudlawe (HirShabelle) reportedly oppose the federal status granted to SSC-Khaatumo, while South West leader Abdiaziz Laftagareen has voiced broader concerns over perceived clan imbalances in Somalia’s federal structure.

Laftagareen has reportedly criticized the dominance of the Darod and Hawiye clans, which control five federal member states. In contrast, his clan is represented in only one.

Mogadishu’s status is still unresolved

The meeting was also expected to revisit the unresolved status of the Banaadir region, which encompasses the capital, Mogadishu. While home to all federal institutions, Banaadir lacks formal recognition as a federal member state, which is a long-standing grievance for many residents and political leaders.

Despite previous pledges by successive governments, a constitutional resolution on Banaadir’s status remains elusive.

Sources close to Villa Somalia described the delay as a strategic move to allow further consultations and secure broader consensus among stakeholders.

“This postponement provides an opportunity to deepen dialogue and ensure the upcoming NCC session is inclusive and productive,” an official told local media outlet Caasimada Online.

President Hassan Sheikh Mohamud, who began his second term in 2022, has prioritized national reconciliation and institutional reform. However, internal disputes over governance, representation, and federalism continue challenging his administration’s efforts.

Somalia adopted a federal system in 2004 as part of efforts to stabilize the country after decades of conflict. The NCC was created to serve as a high-level platform for dialogue between the federal government and member states, but its effectiveness has often been hampered by political mistrust and power struggles.

While the council has helped facilitate agreements on electoral frameworks and security operations, recurring boycotts and disputes over recognition have diminished its cohesion.

The latest delay comes at a critical juncture as Somalia moves toward constitutional reform and prepares for future elections. The NCC’s ability to reconvene with full participation will be key to determining the country’s political stability and long-term federal integrity.

Aadan Madoobe oo 20 xildhibaan ka joojiyey kulamada BF, amarna ku bixiyey in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, sababo la xiriira amniga, sida lagu sheegay warqad caawa ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inay soo gudbiyaan talo-bixin iyo tallaabooyin ku habboon xubnahan, si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Warqadda uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa u qorneyd sidan:

UJEEDDO: KA JOOJIN KA QAYBGALKA FADHIYADA GOLAHA – SABABO AMNI DARTOOD

Anigoo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay 03882/GSH/XH/B-11/25 ee ka soo baxday Xafiiska Habdhowraha Golaha Shacabka kuna taariikheysan 30/04/2025,

Aniga oo xeerinaya Qodobbada kala ah 14aad, 16aad iyo 28aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo qeexaya masuuliyadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ku saabsan fulinta iyo dhowrista Xeerhoosaadka, ilaalinta nidaamka iyo habsami u socodka howlaha Golaha sida sharci-dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska,

Markuu tixgeliyey Qodobka 4aad faqraddiisa laad, iyo Qodobka 18aad xarfihiisa (a, b) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo waajibinaya in Guddoomiyuhu hubiyo amniga xubnaha Golaha, isla markaana uu qaadi karo tallaabo dheeraad ah haddii loo baahdo, isagoo amraya Habdhowraha in uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka xubnaha Golaha Shacabka.

Haddaba, sababo amni dartood, waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha Shacabka in uu ka joojiyo xubnaha Xildhibaannada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka, ilaa Guddiga Xeerhoosaadka, Dastuurka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay ka soo saaraan go’aankooda anshax-marineed ee waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Xubnahaasi waxay kala yihiin:

  1. Xil. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)
  2. Xil. Saadaam Maxamuud Cabdi (Jubeer)
  3. Xil. Daahir Amiin Jeesow
  4. Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)
  5. Xil. Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir)
  6. Xil. Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)
  7. Xil. Axmed Maxamuud Jaamac (Buux)
  8. Xil. Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi)
  9. Xil. Saadaq Cabdullaahi Cabdi
  10. Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)
  11. Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud
  12. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)
  13. Xil. Faysal Axmed Maxamuud (Wahaabi)
  14. Xil. Cali Mahdi Maxamed (Qalato)
  15. Xil. Xasan Cabdinuur Cabdi
  16. Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle
  17. Xil. Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gurey)
  18. Xil. Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed
  19. Xil. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Illey)
  20. Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig

Wabillahi Towfiiq.

Daawo: Boqor Buurmadow oo caayey Hawiye – “2026 waxaan dhiseynaa Daarood”

Garowe (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo maanta Hargeysa ka soo raacay maxaabiistii ka soo jeeday Puntland ee Somaliland siideysay ayaa saxaafadda la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, wuxuuna aad u dhaliilay beesha Hawiye.

Boqor Buurmadow ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ku taageeri doonaan inuu noqdo Saciid Cabdulaahi Deni, isagoo sheegay in Daaroodku ay ka dowlad yaqaansan yihiin Hawiyaha.

“Dadkaan reer Puntland waan is garabsa jirnay, waana guuleysa jirnay, laakiin maanta taladii Soomaaliyeed waadayacan tahay, waxaana rajeynayaa in arrinta maanta bilaabatay ay bud-dhig u noqoto in siyaasadda aan wax ka wada qabsano oo aan ku dhisno, nin reer Puntland oo Soomaali lagu aamini karo,” ayuu yiri Buurmadow.

Buurmadow ayaa sheegay in Hawiyaha ay ku sirmeen, balse hadda kadib ay dhisa doonaan Daarood, weliba Saciid Deni ayuu sheegay in lagu aamini karo Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Maqnaashaha Puntland ayey Soomaali u dayacan tahay maanta, xubnaha aan ku leenahay koonfur inay dhanka Daarood u soo beyraan, siyaasadda meel xun ayaan ka eegnay markii hore, waxaana Soomaali ku aaminay Hawiye aan waxba gelin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale, Buurmadow ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay maxaabiistii ay ka soo daayeen xabsiga Laascaanood ee SSC-Khaatumo oo sida uu sheegay lagu qasbay inay ku lebistaan calamka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Maanta waan jeclaan lahaa in sida aan Garoowe uga soo degay aan Laascaanood uga dego oo geeyo maxaabiis ay ku jiraan Korneyl Maxamed Jabriil iyo Xildhibaan Faarax, faan iyo sharaf ayey ii ahaan laheyd in maanta aan Laascaanood ka dego, waa ku fiicnaa laheyd, waana rajeynayaa in taasi dhacdo,” ayuu yiri Buurmadow.

Boqorka ayaa ka codsaday madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland in nabadda ay ka shaqeynayaan ay ku soo daraan Laascaanood, “waxaan u soo jeedinayaa garaadada Laascaanood in la is cafiyo oo nabad geliyo aan ku xalino wixii dhacay,” ayuu yiri Buurmadow.

Hoos ka daawo

Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo gacan hadalkii maanta u weeciyey dhinacyo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Musharaxiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-xaafadeed wadajir ah ka soo saaray gacan qaadkii ay maanta kulankii golaha shacabka ka dhex geysteen xildhibaano ka tirsan xukuumadda oo is baheystay.

Wasiirrada ka tirsan BFS ee maanta gacan qaadka sameeyey ayaa lagu eedeeyey inay u gacan qaadeen xildhibaano loo diiday inay aragtidooda dhiibtaan, mucaaradka ayaa falkaas ku tilmaamay cabsi gelin.

Sidoo kale, Ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyey in maanta ay jirdileen weriyaashii tegay kulankii golaha shacabka ee buuqa iyo gacan ka hadalka ku soo dhamaaday, weriyaasha ayaa loo diiday inay wax duubtaan, waxaana laga soo eryey kulanka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey Guddoomiye Aadan Madoobe, iyagoo kula taliyey guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga.

Hoos ka akhriso qoraalka Kheyre, Shariif iyo CC Shakuur:

Waxaan si adag u cambaareyneynaa falka gacan-ka-hadalka ahaa ee ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka, kuwaas oo si cad u weeraray Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo saxafiyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan. Ficilladan cabsi-gelinta iyo tacaddiga ah waxay si toos ah ugu xadgudbayaan xasaanadda Xildhibaananada, xorriyadda saxaafadda, sumcadda iyo haybadda dowladnimada.

Inkasta oo aan marar badan ka dignay hab-dhaqanka Guddoomiyaha, oo ay ka mid yihiin afduub siyaasadeed, hagardaamo joogto ah, iyo hoosaasin sharci-darro ah oo uu ku hayo Golaha, haddana waxay muuqataa inuusan weli diyaar u ahayn inuu ka waantoobo ficilladaas wax u dhimiaya sharafta iyo haykalka Golaha.

Hadallada aflagaadada ah ee uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iftiimiyay kala-duwanaanshaha weyn ee uu dhexeeya xilka uu hayo iyo masuuliyadda laga filayo in xilkaas lagu fuliyo. Waxaa xusid mudan in Sheekh Aadan Madoobe horey xilka Guddoomiyaha looga qaaday sanadkii 2011, iyadoo ay sabab u ahaayeen falal la mid ah kuwa hadda lagu eedeeyay.

Ugu dambayn, waxaan ugu baaqeynaa guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga, kana waantoobo ficillada xadgudubka ah iyo danaysiga shakhsiga ah ee dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladeed.

1- Shariif Sheekh Axmed
2- Xasan Cali Khayre
3- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Xildhibaano qoraal kulul ka soo saaray qalad kale oo Aadan Madoobe uu maanta galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Warfaafinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyey falkii ‘xad-gudubka’ ahaa ee maanta ilaalada xarunta golaha shacabka ay kula kaceen weriyayaasha Warbaahinta Madax-banaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in maanta uu amar ku bixiyey in banaanka aysan waxaba ka duuba karin saxaafadda, iyadoo laga hortegayo in xildhibaanada careysan ay helaan fursad ay kula hadlaan warbaahinta.

“Waxaan si cad u cambaareynayaa isticmaalka sharci-darrada ah ee Ciidamada loogu adeegsaday Saxaafadda, waxaana si gaar ah farta ugu fiiqayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amar ku bixiyay in la caburiyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga ayaa go’aankii saxaafadda looga mamcuunay inay golaha war ka dhex tebiyaan ku macneeyey mid lidi ku ah xorriyadda hadalka, xuquuqda aadanaha iyo sharciga dalka u yaalla.

“Saxaafaddu waa laf-dhabarta dimuqraadiyadda, mana aqbali karno in lagu caburiyo awood ciidan oo loo adeegsado dan gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka oo qoraalkaan ku saxiixan ayaa sheegay in si buuxda uu uga soo horjeedo tallaabadan sharci darrada ah.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan kuwa garsoorka iyo ilaalinta xuquuqda, in si dhab ah loo baaro arrintan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Qoraalkaan ayaa lagu cadeeyey in guddigu garab taaganyahay dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshada u gudbiyaan xaqiiqda.

“Saxaafaddu ma aha cadow, ee waa saaxiib muhiim u ah horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku saxiixan qoraalkaan looga jawaabay amarkii Guddoomiye Aadan Madoobe uu maanta u adeegsaday saxaafadda.

Kulankii Golaha Shacabka ayaa maanta ku soo dhamaaday buuq iyo gacan qaad, waxaana weli taagan xiisadii ka dhalatay xildhibaankii uu golaha ka saaray Guddoomiye Aadan Madoobe, Xildhibaanada qaar ayaa soo abaabulay mooshin ay xilka uga qaadayaan guddoomiyaha.