27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo si xikmadeysan ula hadlay Somaliland, arrimo kalena shaaca ka qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu kaga hadlayo socdaalkiisa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub siiyay idaacadda BBC-da, isaga oo qeybta dambe ee wareysigaasna si xikmadeysan oo cajiib ah uga hadlay arrinta Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen wax uu ugu yeeray ‘waayaha cusub’ ee Soomaaliya ay gashay iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inay aad isku af garteen, isla markaana Midowga Yusub uu diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan, sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Waxa uu sheegay in la dejinayo qorshooyin badan oo la xiriira tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxa ay u baahan tahay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ay tahay mid maslaxad ugu jirto dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanay jiri doonin cid la qasbayo ama dhibaato loo geysanayo, oo ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto midnimada umadda Soomaaliyeed.

Kulanka Brussels

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay is gacan qaadayaan Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay guddoomiyaha Guddiga Yurub Jose Manuel Barroso, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.

Masuuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan u siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horumar wanaagsan sameysay labadii sano ee u dambeeyay.

Kulanka kadib waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Catherine Ashton oo wakiilka sare ee Golaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Baroness Catherine Ashton, waxa ay sheegtay in ay wax wanaagsan tahay waaga cusub ee Soomaaliya u bilowday. Waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu gacan ka geystay aasaaska horumarka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay qabanqaabinayaan shir Soomaaliya ku saabsan oo ka dhici doona Brussels, kaasi oo ay sheegtay inuu la soo bixi doono qorshe cusub oo Soomaaliya lagu siinayo taageero siyaasadeed, ammaan iyo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay taagan tahay halkii ay Yurub taagenyd sanadkii 1945, oo wax walba burbureen ayna u baahan yihiin taageerada beesha caalamka, gaar ahaan midda Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku yimid magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu ka helay Midowga Yurub sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Xasan ee BBC

Faah Faahin Booqashada Ra’isul Wasaaraha ee Marko. + “Sawiro”

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta kormeerayey deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Marka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada,kan gobolka,saraakiil,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Marka Cadeey ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

sa
Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.
sa2

Waxaa hada ka soconaya xarunta maamulka gobolka Shabeelada Hoose kulan uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada kulankaasi oo Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay warbixinno kaga dhageysanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelada Hooseba.
sa1

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Marka oo khudbaddo ka jeediyey kulanka hada soconaya ayaa ballan qaaday iney hiil iyo hooba la garab taaganyihiin sidii loosoo celin lahaa sharafta,karaamada iyo dowladnimada umadda Soomaaliyeed.
sa3

Ra’isulwasaaraha iyo xubanaha Wasiirrada ee la socda ayaa khudbaddo u jeedin doona qeybaha kala duwan ee kasoo qeybgalay kulankan ayadoo Ra’isulwasaaraha iyo xubnaha la socdana ay bulshada u sharixi doonaan qorshe howleedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib kulankana Ra’isulwasaaraha wuxuu booqan doonaa magaalada qeybo ka tirsan.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey saakay kasoo ambabaxeen magaalada Muqdisho oo ay kasoo raaceen diyaarad  Helicopter ah oo ay ugasoo degeen deegaanka Shalaanbood oo ay gaadiid kasoo raaceen kuna yimaadeen magaaalada Marka.
sa4sa5

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo arrimo dhowr ah ka hadashay

Brussels (Caasimada Online) Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ka mid ah wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo oo ku sugan Brussels ayaa sheegtay arrimo dhowr ah.

Marwo Fowsiyoo wareysi siiyay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, ayaa ugu horreyn waxa ay ka hadashay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxana ay sheegtay in uu wanaagsan.

Wasiiradda ayaa sidoo kale daaha ka qaatay in dowladda Shiinaha ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium iyo weliba waddada isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.

“Shiinuhu wuxuu ahaa saaxiibka wanaagsan ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 1960-kii. Markii Shiinaha la godoomiyay, waan caawinnay Shiinaha , oo dedaal ayaan u galnay siddii ay ugu biiri lahaayeen QM,” ayay tiri Marwo Fowsiyo.

Wasiirradda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Shiinaha ay hadda diyaar u tahay siddii markale u caawin lahayd dowladda Soomaaliya. “Soomaaliya waxa ay ka gudbaysaa colaadii la hartay muddada ka badan 20-ka sano, waxayna u socotaa dib u dhiska dalka iyo dhinaca horumarka,” ayay tiri wasiirradda.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeynayso lix tiir oo waaweyn, taasoo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay tiri lixdaas waxa ay xoogga saari doonaan sugidda ammaanka, cadaaladda iyo weliba maareynta dhaqaalaha dalka.

Wasiiradda ayaa sheegtay in amniga ka dhashay dalka bil kasta ay dalka yimaadaan ilaa 1,000 qof kuwaasoo badan kood deegan ahaan ka sameesta dalka.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ay door wanaagsan ka qaateen sidii deggenaashaha dalka loosoo celin lahaa, mar uuna ayayna dalka ka baxayaan. Iyadoo xustay in bixitaankoodu uu ku xiran yahay marka la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dooneysa in ay iskaashi fiican la yeelato waddamada caalamka gaar ahaan kuwa dhaqaalaha badan leh.

Caasimada Oline

Xafiiska Wararka Brussels

UNHCR: Soomaalida ayagaa doonaya in ay dib u soo laabtaan dalkooda

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga  UNHCR ayaa lagu  sheegay in jiraan qaxootiga Soomaali ah oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

UNHCR ayaa sheegtay in dadkan ay ku nool yihiin dalka Kenya , kuwaasoo muujiyay sida ay u rabaan inay dib ugu soo noqdaan Somaaliya.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay  in 18 qoys oo qaxooti  Soomaali ah oo ku nool xerada Ifo 2 ay iska diin waangaliyeen xafiiska UNHCR  si ay ugu xaqiijiyaan hay’adda inay diyaar u yihiin celinta kaararkii ay raashinka ku qaadan jireen, isla markaana ay rabaan inay dib ugu soo noqdaan dalkooda.

UNHCR  ayaa soo dhoweysay tallaabadan cusub oo ay qaadeen qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalida , oo qaab iskaa ah ku doonaya inay dalkoodii ugu noqdaan, kaddib markii ammaankiisa uu wanaagsanaaday.

Waxaa arrintan lagu tilmaamay amniga darrada sii kordheysa ee ka jirta xeryaha Dhadhaab oo ah tan kuwa ugu ballaaran dunidda.

Soomaali badan oo ku noolaa magaalooyinka dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii xagga ammaanka uu ka soo hagaagay.

Kenya ayaa ku amartay Soomaalida ku nool magaalooyinka in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab kuwaasoo buux dhaafay isla markaana  ah kuwa go’doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Faroole oo cabasho iyo digniin isugu daray DF Somalia (Maxaa ka maqan?)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa digniin iyo baaq u jeediyay Dowladda Somalia, isaga oo tix raacaya aqoonsiga dhowaan ay ka heshay Mareykanka.

Faroole oo aad mooday inuu u hadlayay sida qof carreysan, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan looga baahneyn inay keligeed isku koobto dowladnimada.

Faroole waxa uu yiri “Haddii Mareykanka uu sheegay in Somalia uu aqoonsaday taa macnaheeda ma ahan in Somalia iminka ay heshay aqoonsi Dowladnimo, balse Soomaaliya waligeed ayeey Dowlad aheyd”.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in hadii Soomaali wadada toosani la mariyo ay hagaagayso, balse hadii hogaanka Dowladda dhexe ee dalka Soomaliya uusan hagaajin maamulka aysan waxba hagaageyn.

Wuxuu tilmaamay inaysan iminka raali ka aheyn qaabka iminka wax ay usocdaan iyo sidoo kale sida Dowladda Soomaaliya ay isugu koobayso awoodaha maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa mar kasta oo uu ka hadlo dowladda Somalia, waxa uu raaciyaa digniin iyo cabasho, ayada oo sida muuqata afka ka taageersan dowladda, balse qalbiga aan ka jecleyn.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo ku dhowaaqay hadal culus oo ka dhan ah maamulka gobalka Baay (Aqri)

Baydhabo (Caasimada Online)  Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan isaga iyo wasiirka gaashandhigga Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ay booqdeen magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegay in uu kala hadlay xildhibaannada iyo dadka ku dhaqan gobalka Baay siddii ay u yeelan lahaayeen maamul cusub.

Wasiirka ayaa codsaday in la badalo maamulka Gobalka Baay iyo midka magaalada Baaydhabo, kuwaasoo eedeemo badan ka soo yeertay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Baay ayaa hadda ku sugan magaalada Baaydhabo, waxana ay billaabeen wadatashiyo iyo kulamo ay lee yihiin waxgaradka iyo odayaasha ka soo jeeda gobalka Baay.

Kulamada ayaa looga hadlaayaa siddii loo badali lahaa maamulka hadda jira.

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baaydhabo ayaa sheegaya in si wayn uga soo horjeedaan in uu sii shaqeeyo maamulka gobalka Baay iyo kan magaalada Baaydhabo.

Iyo sidoo kale ay odayaasha u gudbiyeen 27-xubnood oo ay ku qoran yihiin in ay noqdaan maamulka rasmiga ah ee wasaarada arrimaha gudaha ay u soo magacaabeyso gobalka iyo magaalada Baaydhab.

Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo la kulmay wafdiga dhawaan tagay Baydhabo ayaa ku dhaliilay maamulka wax qabad la’aan iyo in uusan ka shaqeenin danaha shacabka.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dadkii uu kula kulmay Baydhabo ay dhammaantoo rabeen in la badalo maamulka hadda ka jira Baydhabo iyo Baay, inkastoo ay jireen xubno ka soo horjeeda.

Wasiirka oo la hadlaayay dadkii uu la kulmay ayaa yiri “ Wixii aad sheegteen iyo waxa aad dareenteen ma ihi qof meesha uga tagaya, ee waxan diidanahay in wax meesha laga saaro maamul noo toosaya ma lahan, waxaan rabnaa kii maanta yimaada dhaliil hadduu lee yahay in aan sheegno haddii uu amaananyahy aan sheegn amaantiisa haddii aan iska badaleyno idinka ayaa qiyaar u leh waa la badalaa haddii uu noo joogaayo idinka ayaa khiyaar u leh”

Wuuu sii hadlay “Annaga haddii aan nahay dowladda dhexe dadka cid aysan rabin ma rabno in aan ku juujuubno rabitaanka busshada ayaan ku shaqeeyneynaa doonista bulshadda iyo waxa ay ka qabto maamulkaas ayaan ku shaqeen doonaa” ayuu yiri mar kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

 

Sawirrada Amiin Caamir ee “Isma lahayn” iyo Shan arrin oo qosol badan

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa soo saaray qeybo kale oo ka mid ah sawirradiisa taxanaha ee Isma Lahayn.

Amin ayaa sawirradaas uga hadlaya waxyaabihii lama filaanka ahaa ee aan marnaba la maleysaneyn ee ka dhacay dalka Somalia ama qabsaday Soomaalida joogto caalamka intiisa kale.

Haddaba shan arrin oo ka yaabiyay Amin iyo Sawirradiisa Isma lahayn nala arka.

ismal copy

Daawo Video: Ukun dad badan ka yaabisay adna ka yaabin doonta.

Intaad dunida nooshahay wax kasta iska filo maalin un baad arkeysaa. Maanta waxaan idin soo gudbineynaa video yaab badan oo ka yaabiyay dad badan. Nin ayaa waxa uu isku dayay inuu jabsado Ukun, si uu markaas u dubto, una cuno, hase yeeshee markii ukunta uu jebiyay ayaa waxaa kasoo dhex baxday ukun kale, oo wax jajab ah aanay ka muuqan.

Daawo Video-gan yaabka badan.

Mowliidku waa banaan yahay: Raddin

Walaal kamid ah aqristayaasha boggan ayaa iisoo direy qoraal ku jira PDF, oo lagusoo aruuriyey axaadiis iyo aayada loo nisbeynaya mowliidka Nebiga (NNKH). Si qiimo iyo sharaf badan ayuu igu weydiiyey su’aal uu leeyahay ”Ma iiga jawaabi kartaa aayadahan iyo axaadiistaan”?.

Sidaa darteed baan jecellahay inaan si degen uga jawaabno intuu Ilaahay inoo fududeeyo aayadahan iyo axaadiista, inkastoo aan mowduucaan isla bogga horey ugu daabacnay.Ciwaanka kowaad ee qoraalkaasi ku jira PDF-ka waa: MALA XUSI KARAA MOWLIIDKA?Dabeetana daliilkii kowaad ee halkaasi ku xusan wuxuu noqday sidan:Waxaa Ilaahay Qur’aanka uu inoogu sheegey inaynu ku faraxno raxmadda Alle. Alle wuxuu yiri

 قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَٰلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ خَيْرٌ مِمَّا يَجْمَعُونَ

Suuradda Yuunus: 58d.

Haddaba waxaan is weydiinnaa tani ma waxay tilmaamaysaa ixtifaalka mowliidka nebiga (NNKH)? Muxuuse yahay macnaha aayadda? Waayo cidda lala hadlaya? Maxay ku macneeyeen culimada tafsiirka ereyga fadliga Ilaahay iyo ereyga raxmadda Ilaahay?

Macnaha aayadda oo af Soomaali ah waa:

”Ku dheh: Fadliga Ilaahay dartiis iyo raxmaddiisa, taasi haku farxaan, middaas baa u kheyr roon, waxa ay kulminayaan”.

Fadliga Ilaahay Quraanka ayay ku macneeyeen culimada tafsiirka, raxmaddana Islaamka, cidda uu hadalka u dhacayana waa Muslimiinta.

Abaddan halkani kuma jirta mowliidka ku farxa ama dhalasho xuso, xataa ishaaradeeda kuma jirta.

Haddii ay tahay raxmadda waa Rasuulka Alle, oo koonka loosoo direy sida uu Ilaahay suuradda Al Ambiyaa uu ku sheegey, taa macnaheedu waxaa weeye fadligii iyo raxmaddiiba asaga ayaa loosoo dhiibey oo fadliga waa Quraanka, raxmaddiina waa Islaamka. Ma jira marka cid Islaannimo sheeganaysa oo aanan ku faraxsanayn nebi Muxammad (NNKH). Laakiin farxaddu ayaanan isku si loo fahamsaneen.

Qof leh maalin walba ayaan ku farxaa nebiga oo aan xusaa oo aan ku sallin, iyo qof leh sanadkii halmar ayaan ku farxaa oo aan xusaa, runtii waxaa kala xukmi kara ilmaha yar koodii jecel Rasuulka Alle (NNKH) labadaasi shakhsi.

Haddii aad adiga u samayneyso xuska nebiga (NNKH), fulinta aayaddaas iyo kucamal falkeeda oo ay tilmaamayso in xuska mowliidka la sameeyo laguna farxo, waxay markaasi ka dhigan tahay Abuu Bakar iyo Cumar iyo Cuthmaan iyo weliba Cali inaanay ku farxin nebiga (NNKH), oo aanay fulinin aayaddaasi. Waxay noqoneysaa arrintu in saxaabadii oo idil aanay fahmin macna aayaddaasi oo aanay ku farxin. Turjumaankii Quraanka Cabdillaahi bin Cabbaas inaanu fahmin oo uu ku dhaqmin aayaddaasi ayay arrintu ka dhigan tahay, taasoo xaasha wakallaa ah.

Qodobka labaad ee qoraalkaasi ku xusan waa sida tan:

”Fadliga maalintuu dhashay Rasuulkeenna (NNKH), waxaa daliil ugu filan, dhalasha Rasuulkeenna (NNKH) waxay kamid tahay waxyaabaha la xurmeeyo”. Allaah wuxuu yiri:

 ذَٰلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللَّهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ عِنْدَ رَبِّهِ

Suuradda Al Xajj: 30d.

Waxaa haddaba is weydiin mudan, goorma ayaa Xajka lagu daray mowliidka Nebiga (NNKH), xurumaadka hala weyneyna ay aayadda oranayso waa maalmaaha cayiman ee xajka, bal dib ugu laabo tafsiirka Ibnu Kathiir, Dhabari iyo Mujaahid iyo dhammana culimda mufasiriinta. Waa maxay waxa halkaasi looga hadlaya, yaa yiri mowduuca ay aayadda ka hadleysa waa dhalashada nebiga (NNKH), ama wax lamida? yaa yiri xataa dumarkiisa ayaa laga hadlayaa? Yaa yiri carruurtiisa?

Mowduuc caam ah oo ku saabsan rukni kamid ah arkaanta Islaamka oo xurumaadka Ilaahay kamid ah ayay aayaddu kadleysaa, ee ma ahan mowliid, waana wax la isku dagay.

Bal dib ugu laabo oo kasoo saar kutubbada siirada hal maalin oo saxiix ah oo sheegeysa maalintii uu dhashay suubbanahu (NNKH). Bal keen Xaddiis ama saxiix ama daciif ah oo caddeyneynaya inuu Rasuulku (NNKH), xusay maalinta dhalashiida, ama uu amray asxaabtiisa inay xusaan? Ma heleysid. Maxay tahay sababta aayaddan ka hadleysa manaasiikta Xajka loogu soo daliishanaya arrin aananba ka sugnaan nebi Muxammad (NNKH)?

Qodobka saddexaad wuxuu u dhigay qoraha qoraalkaas sidan:

Rasuulka (NNKH) uu yiri:
((من سن سنة حسنة فله أجرها وأجر من عمل بها إلى يوم القيامة))

Waa tahay, marka hore xadiiskani waa saxiix, wuxuuna ku tusinayaa nooleynta sunnada Rasuulka (NNKH), macnahiisana af Soomaali ahaan waxaa weeye ”Qofkii sunneeyo sunno wanaagsan, wuxuu leeyahay ajar (lamida) kan ku camal falay illaa maalinta Qiyaamaha”. Muslim ayaa saxiixiisa kusoo  weriyey.Muu oran Rasuulku (NNKH): Qofkii keeno wax cusub, laakiin wuxuu yiri ”Qofkii sunneeyo sunno wanaagsan”. Macnuhu waxaa weeye qofkii nooleeya sunno la iska illaaway, oo ay dadku ku daydaan markaasi. Diinta Islaamka waxba laguma soo dari karo, Alle ayaa inoo sheegey inay dhamaystiran tahay. Nebiguna wuu inaga reebey in wax lagu soo kordhiyo. Macnaha xaddiiska ayaa marka ah ”Qofkii sunno ay dadka Ilaaween sunneeyo oo dadka bara oo tusa ama xasuusiya ama amro oo markaasi ay ku dhaqmaan dadkii, wuxuu qofkaasi heli doonaa ajarka sunnadaasi qofkii ku camal falo, iyadoonan qofkaasi laga nusqaamineyn ajarkiisa”.Tusaale: Rasuulka (NNKH) xadiis saxiixa wuxuu ku yiri
(( قصوا الشوارب وأعفوا اللحى خالفوا المشركين))

”Gaabiya shaaribaha, oo daaya gadhka, oo khilaafa Mushrikiinta”.

Sida aynu ognahay maanta dunida Islaamka, badankoodu kuma camal falaan amarkan Rasuulka (NNKH), wixii uu khilaafa yiri ayaana la sameeyaa. Kasoo qaad waddama badan inaanba laga aqoon xaddiiskaan, kasoo qaad dad badan inaanay aqoon. Qof baa baxaya shaarribba waaweyn oo Islaam ah, oo tagaya waddan kale, oo Islaam ah wuxuu soo ogaanayaa xaddiiskan dad ku camal falaya, wuxuu ku laabanayaa waddankiisii, markaasuu shaaribaha iska xiirayaa, dabeetana dadkii ayuu barayaa xadiiska, oo uu amrayaa, kadibna waxaa dhacaysa in xadiiskani lagu camal falo oo lagu dhaqmo. Ninkaasi marka wuxuu jideeyey sunno wanaagsan.Tusaale kale: Nin Islaama ayaa tegaya waddan umad Islaam ay joogaan, oo aanan laga aqoon tukashada salaadda Jimcaha in lagu tukado jamaaco iyo khudbo, markaasuu barayaa qaabka loo tukado oo khudbada loo aqriya, saa way ku camal falayaan oo ay billaabayaan”. Ninkani wuxuu sunneeyey sunno wanaagsan. Waxaa lamid ah nin u tegey qoom aanan aqoon fadliga salaatul leylka ama witirka, oo asagoo tukanaya markay arkeen ay la yaabeen, oo u sheegey inay tukadaan fadligeedana uga sheekeeyey, dabeetana ay billaabeen inay tukadaan. Ninkani wuxuu sameeyay sunno wanaagsan.

Xaddiiskan kore waxaa lamid ah xaddiis uu Muslim saxiixiisa kusoo weriyey oo uu kasoo weriyey Abuu Hureerah

 ما رواه أبو هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال:

((من دعا إلى هدى كان له من الأجر مثل أجور من تبعه لا ينقص ذلك من أجورهم شيئا ومن دعا إلى ضلالة كان عليه من الإثم مثل آثام من تبعه لا ينقص ذلك من آثامهم شيئا))

Waxaa kaloo lamid ah xadiiska Abuu Mascuud Al Ansaari oo oranaya:
 ((من دل على خير فله مثل أجر فاعله))

Xadiiskanina waxaa soo weriyey sidoo kale iimaam Muslim.

Wuxuu macneynayaa xadiiskii hore oo wuxuu oran

”Qofkii kheyr tusaa, wuxuu leeyahay ajar lamida kan falay”.

Sunnadii waa kheyrka, sunneyntiina waa tusid, taasoo ku muujineysa xadiiskii hore inuu ka hadlayay kheyr qarsoomay in dadka la tusaahi inay tahay mid lagu helaya ajar lamid ah kan sameeyay. Ma ahan in la yiri ”Qofkii wax cusub keeno”.

Sunnadu waa ficil ama hadal ka sugnaaday Rasuulka (NNKH), ee ma ahan wax cusub soo kordhin, taasi waxaa la yiraahdaa Ibdaac (Bidcah), Rasuulkuna (NNKH) wuu ka digay ibdaaca.

Wuxuu yiri:

 في الحديث الصحيح:

 ((وإياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة)) 

”Waxaan idinkaga digayaa adinka iyo wax soo kordhin, wax kastoo lasoo kordhiya waa bidco, bidco kastaana waa baadi”.Sidoo kale xaddiis saxiix Muslim ku sugan oo Caa’isha laga soo weriyey wuxuu Rasuulku (NNKH) yiri
((من عمل عملا ليس عليه أمرنا فهو رد))

”Qofkii la yimaado camal aanan kamid ahayn arrinteennan (diinteenna), waalala celin”.

Sidoo kale xaddiis saxiix Bukhaari iyo Muslimba ku sugan wuxuu oranayaa nebigu (NNKH)
 ((من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد))

”Qofkii kusoo daro arrinkeennan (diinta Islaamka) wax aanan kamid ahayn, waalala celin”.

Sidoo kale saxiixul Muslim, waxaa kusugan in uu salaadaha markuu khudbeynaya uu oran jirey nebigu (NNKH):
أما بعد: ((فإن خير الحديث كتاب الله وخير الهدي هدي محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها وكل بدعة ضلالة))
Intaa kadib ”War waxaa ugu kheyr badan kitaabka Ilaahay, hanuunna hanuunka Muxammad (NNKH), arrimaha shartana waxaa ugu shar badan wax soo kordhinteeda, wax soo kordhin kastaana waa bidco, bidco kastaana waa baadi”.

Hadalka Nebigu (NNKH), isma buriyo laakiin wuu is fasiraa. Sidaa darteed xaddiiska aad usoo daliishanayso mowliidka, waa mid aanan loo  daliishan karin wax soo kordhin, mowliidkuna waa waxsoo kordhin aanan nebiga (NNKH), asxaabtiisii, taabiciintii, taabicutaabiciintii iyo illaa jiilkii 5aad aanan ka sugnaan. Waa wax yimid qarnigii 6-aad ee hijiriga. Marka ma waxaynu iska tuurkaa warka nebi Muxammad (NNKH), ee saxiixa ee uu oranaya ”Waxkastoo lasoo kordhiyaahi waa bidco, bidco kastaana waa baadi”? Oo waxaynu dhahnaa ”Mowliidka waa wax lasoo kordhiyey oo aanan bidco ahayn? Xaasha wakallaa, markaasu waxay noqoneysaa hadalkii nebiga (NNKH) ee saxiixa ahaa inaynu been ku tilmaanno.. Allaynu kamagan galnaye.Dhanka kale haddii sida aad jeceshahay xadiiskaasi loosoo daliishada in wax soo kordhintu ay banaan tahay, taa macnaheedu waxaad ka dhigeysaa in hadalka Rasuulka (NNKH) uu is buriyey, tiiyoonay xaqiiqadu sidaasi ahayne, ay leedahay macno waadix ah oo muujinaya sida uu isu fisiraya hadalka nebiga Alle (NNKH).
-Waxaa kaloo uu ku xusay  qoraalka PDF-ka kujira qodobka ku xiga oo ah sidan:Cabdillaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu yiri:
ما رآه المسلمون حسنا فهو عند الله حسنBimacnaa ”Wixii ay Muslimiinta u arkaan wanaag, waa wanaag Alle agtiisa”.Xaddiiskani ma ahan hadal kasugnaaday Rasuulka (NNKH), waa mowquuf ku eg ibnu Mascuud. Zaylici wuxuu yiri: Waa qariib”, sida kusugan Nasbur raayi. Sakhaawi wuxuu xusay inuu yahay mowquuf ku eg Ibnu Mascuud, sida kusugan Maqaasid Alxasanah: 959.

Ibnu Cabdilhaadi wuxuu yiri ”Waa xadiis ku eg Ibnu Mascuud”.  انظر كشف الخفاء 2/263، وانظر السلسلة الضعيفة 2/17

Dhanka kale, xaddiiska hadduu la iman waayo shuruudda marfuucnimada yacni inuu gaarsiisan yahay Rasuulka (NNKH), oo uu ahayn mid saxiix ah dhanka marfuuca, markaas lama barbar dhigi karo xadiis marfuuc ah oo nebiga (NNKH) gaarsiisan oo saxiix ah, lalamana  xujeyn karo, sida axaadiista saxiixa ee aan kor ku soo xusnay ee uu nebigu (NNKH) oranaya wax kastoo la soo kordhiya waa bidco, bidco kastaana waa baadi.

Hadalkaas ibnu Mascuud ee Mowquufka ah, mahmaa uu saxiix noqdo, lalama xujeyn karo hadal gaarsiisan Rasuulka (NNKH) oo saxiix ah, taasina waa asluubta cilmiga xadiiska.

Fahamka xadiiska Ibnu Mascuud ee Mowquufka ah, waxaa ka hadlay culimo badan oo ay kamid yahiin Ibnu Qudaamah (Rowdatun Naadir: 86), Ibnu Al Qayyim (Al Faruusiyah: 60), Shaatibi (Al Ictisaam: 2/130). Waxayna sheegeen culimadaasi xadiiska inuu tilmaamaya labo arrimood oo bannaan marka la isbarbar dhigo middii ay umadda Islaamka isku raacday inuu kheyr ku jira. Tusaalaha ay u soo qaateen waxaa kamid ahaa doorashadii Abuu Bakar Siddiiq.

Amiir in la doorta waa wax shareecada ku bannaan, nebiga (NNKH) ayaana amray saddexdii qof ee isla socota oo meel u baxaysaba inay amiir doortaan. Maadaama doorashadii ay ahayd wax bannaan, waxaa la is barbar dhigey dadkii la dooran lahaa, wada tashiguna waa wax bannaan, waayo Ilaahay ayaa Quraankiisa ku yiri ”( وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِين)

Dhan in la isku raaco oo go’aan la qaatana, Alle baa ayidaya oo tilmaamaya inaanan laga noqnoqon go’aankaasi iyo dhanka ay Muslimiinta isku raaceen, waana taa midda uu Alle leeyahay  فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِين

Bimacnaa ”Haddii aad go’aan gaarto oo la isku raaco, (haka noqnoqon) ee Alle talo saaro, waayo Alle wuxuu jecel yahay kuwa sidaas sameeya ee talo saarto”.Ansaartu waxay arkaysay inay iyagu amiir samaystaan, (waxay ahayd wax aanan dembi ahayn), muhaajiriintana ay amiir samaysato (waxay ahayd wax aanan dembi ahayn), laakiin umaddii ayaa arrintaas ku kala tagtay, waxaana la isku raacay Abuu Bakar in la doorto, taasoo Ilaahay umaddii uu kheyr uga dhigey.Sidaa darteed xaddiiskaan looma soo daliishan karo in lagu xalaaleysto bidco. Sidaa darteed macnaha rasmiga ee xadiiska Ibnu Mascuud waa macnaha ay ishaareyso aayaddaasi Quraaniga ahi, ee mahan waxan soo kordhin iyo bidco.-Qodobka xiga ee qoraalka wuxuu ahaa mid calaamad su’aal ah, oo kadibna looga jawaabaya isla halkaas waxa la is weydiiyey, wuxuu ahaa sida tan:

Muxuu ka kooban yahay xuska mowliidka?

Xuska dhalasha Rasuulka Alle (NNKH), waxay ka kooban tahay
Siirada Nebiga (NNKH) oo la aqriya {لَقَدْ كَانَ فِي قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِأُولِي الْأَلْبَابِ} .[ سورة يوسف : 111 ]
-Qasiidooyin nebiga (NNKH), lagu amaanaya ayaa la qaadaa.
-Alle ayaa amaanay Rasuulka oo yiri ”Fadliga Alle dushaada waa kuweyn  yahay”.
-Nebiga asagaa is amaanay oo yiri ”“يا أيها الناس إنما أنا رحمة مهداة”
-Asxaabta nebiga (NNKH), ayaa amaantay oo ku sallisay.
-Salliga nebiga (NNKH), ayaa la badiyaa maalintaas.
-Saddaqa badan.

Waa haggaag, bal aan ka jawaabo qodobkan iyo faqradihiisa insha-Allaah.

Marka hore, siirada nebiga (NNKH), ma ahan cibrah oo keliya, bal ee waa axkaamtii iyo sunnadii, waayo Ilaahay ayaa aayad Quraan ah inagu amraya inaan qaadanno wuxuu noola yimid oo dhan oo aan ka harno wuxuu inaga reebay. Siirada nebiga (NNKH), malahan maalin cayiman oo laga sheekeeya, taasoo weliba sanadkii mar ah, laakiin waxaa habboon in mar walba la aqriya, waana ihaano iyo dulleyn iyo xaqirid la xaqiraya nebigu (NNKH), sida ay Nasaaradu u xaqireen nebi Ciise CS.

Wax badan oo aan aniga arkay qaasiidooyinka halkaas laga qaado ama kutubbada laga qoray qasiidooyinkaasi, waa wax aad uga fog diinta Islaamka oo bidci ah, dembi weyn iyo shirkina uu kusugan yahay.  Waxaa kamid qasiidooyinka aan arkay ee waa nebi amaan la oranaya in nebiga (NNKH) shaqsiyan la barya halkii uu  baryada lahaa Ilaahay. Nasaaradu waxay aaminsan yahiin inay nebi Ciise adiga kaa jecel yahiin, waayo adiga asaga maadan baryin, laakiin ayaga way baryeen oo Ilaahnimo ayay gaarsiiyeen, waana midda ay ku muteysan doonaan cadaabta Alle, sidaas oo kale dadka mowliidka xusaya waa sidaas oo kale waxay isu moodaan inay dadka nebiga ka jecel yahiin, laakiin baadi cad ayay kusugan yahiin. Shiicada waa sidaas oo kale, ahlu beydka nebiga (NNKH) inay kaa jecel yahiin ayay ismoodaan, sidaas oo ay tahay waxay wax u dhimaan ka badbadin darteed qoyska nebiga oo qaarkamid xaasaskiisa ay caayaan (Xafsa iyo Caa’isha).

Inuu Alle amaanay nebi Muxammad (NNKH) oo akhlaaq sare uu ku sugay waa mid uu Quraanka meelo badan uga hadlay, mana ahan aayaddaas oo keliya mid loosoo daliishada, bal ee waxaa jira aayada si waadix ah u tilmaamaya amaanta uu Ilaahay nebigiisa (NNKH) amaanay, waxaana kamid ah in Alle Quraanka uu inoogu sheegey in asaga iyo Malaa’iktuba ay nebiga (NNKH), ku salliyaan, dabeetana uu ina amraya. Laakiin Ilaahay inama oran xusa mowliidka, ama wax lamid ah.

Ilaahay suuradda Ash-Sharax wuxuu ku yiri (وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ)

Waxa lagu rafciyey meeqaamkiisa mahan xus mowliid, ee waa salliga uu Ilaahay ina amray, nebiguna (NNKH) uu ina baray fadligiisa oo joogta ah maalin walba iyo saacad walba, ee ma ahan maalin qaas ah in la rafciyay sanadkiiba. Taasu waa ihaano iyo ka hor imaadid xaqiiqada ay aayaddani tilmaamayso.Waa kuwan amarradii nebiga (NNKH) ee rafcinta meeqaamkiisa, bal fiiri waa axaadiis saxiixa oo wada gaarsiisan suubbanaha (NNKH).1.فعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:” إِذَا سَمِعْتُمْ الْمُؤَذِّنَ فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ ثُمَّ صَلُّوا عَلَيَّ فَإِنَّهُ مَنْ صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا ثُمَّ سَلُوا اللَّهَ لِي الْوَسِيلَةَ فَإِنَّهَا مَنْزِلَةٌ فِي الْجَنَّةِ لَا تَنْبَغِي إِلَّا لِعَبْدٍ مِنْ عِبَادِ اللَّهِ وَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ أَنَا هُوَ فَمَنْ سَأَلَ لِي الْوَسِيلَةَ حَلَّتْ لَهُ الشَّفَاعَةُ “.(رواه مسلم)
2. وعَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:” مَنْ قَالَ حِينَ يَسْمَعُ النِّدَاءَ اللَّهُمَّ رَبَّ هَذِهِ الدَّعْوَةِ التَّامَّةِ وَالصَّلَاةِ الْقَائِمَةِ آتِ مُحَمَّدًا الْوَسِيلَةَ وَالْفَضِيلَةَ وَابْعَثْهُ مَقَامًا مَحْمُودًا الَّذِي وَعَدْتَهُ حَلَّتْ لَهُ شَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ “.(رواه البخاري) 
3.وقال صلى الله عليه وسلم:-“من صلى على واحدة صلى الله عليه عشر صلوات وحط عنه عشر خطيئات ورفع له عشر درجات”
(رواه أبوداود عن أبى هريرة رضى الله عنه ).

4.وقال صلى الله عليه وسلم:-“إن أولى الناس بى يوم القيامة أكثرهم على صلاة”(رواه النسائى وابن حبان عن ابن مسعود رضى الله عنه ).
Bal waxaad keentaa hal xadiis oo daciif ama saxiixa oo tilmaamaya in ay tahay amaanta nebiga (NNKH) xuska dhalashadiisa?Asxaabtu way amaaneen waa sax, laakiin waayo qofka oran karo hal saxaabi ayaa xusay dhalashadiisa?Amaanta saxaabadu waxay ahayd joogto, waxayna ahayd salliga nebiga (NNKH) iyo raacidda sunnadiisa, laakiin ma ahayn sanadkiiba inay halmar xusaan dhalasho (happy birth day) sida Nasaarada oo kale. Qofka leh mowliid baan xusayaa oo jeceyl aan u qabo darteed nebiga ayaan u xusayaa, ma samaysaa oo ma la timid sunnadii Rasuulka? ma fulisay amarradiisii, ma tukataa habeenkii tahajudka, maku sallisaa maalin walba, salaadaha jamaaca ma ku tukataa, dacwada ma fidisaa, sunnooyinka ma tukataa, soonka nawaafisha ma soontaa? Amarradiisa oo dhan ma fulisaa? Haddii aanad fulinin, maxay tahay jacaylka aad sheeganaysa, sowmahan mid lamid ah kii Nasaarada ay Ciise ku beerlaxawsanayeen oo kale, sow mahan midka ay Shiicada Cali kuweyneeyaan oo ay ahlu sunnadu ku gaaleysiiyaan?Jacaylka nebiga maahan maalin qura oo sanadkii la xuso, ee waa sunnadiisa oo la raaco xuskiisana la joogteeya, wixii uu amray ama falayna lala yimaado, wixii aanu la imaaninna la isaga reebtooma.

Xadiis Bukhaari uu soo weriyey wuxuu yiri suubbanuhu ”Umaddeyda oo dhami Jannaday galaysaa, qofkii diida uun mooyaane. Waxay yiraahdeen: Oo yaa diidaya Rasuulkii Alloow!!, wuxuu yiri qofkii i adeeca Jannaduu galay, kii icaasiyana wuu iska diiday”.

قال عليه الصلاة والسلام : كل أمتي يدخل الجنة إلا من أبى . قالوا : يا رسول الله ومن يأبى ؟ قال : من أطاعني دخل الجنة ومن عصاني فقد أبى . رواه البخاري

Ma tahay marka mid adeecay, oo falay wixii uu amray, wixii uu ka reebayna ka reebtoomay? Wixii uu kufaray waa inaad ka reebtoonta bidcada iyo wax kusoo kordhinta diinta, wixii uu ku farayna waa wixii ka sugnaaday oo ficil iyo qowl ah.

Ammaa ka sheekeyntiisa bishii uu dhashay, ma ahan wax lagu gaaryeelo bishaas in laga sheekeeyo bishii uu dhashay, bal ee bilaha kale iyo xilli walbo ayay tahay in laga sheekeeyo dhalashadiisii iyo siiradiisii. Waxaa mar kale aad is weydiisaa ma bisha oo dhan ayaa la xusaa dhalashada nebiga mise maalin gaara? Haddaa lama yaqaan maalin gaara maalintuu dhashay, culimaduna aad ayay isugu khilaafeen. Maxaa xala?

-Qodobka xiga ee kuxusan qoraalkaasi wuxuu ahaa sidan:

Nebigeennu ma weyneen jirey maalinta uu dhashay?

Jawaabtuna waxay noqotay isla qoraal kuxusan halkaas oo oranaya sidan:

Haa wuu weyneen jirey, waxaa la weydiiyey soonka Isniinta, wuxuuna yiri  قال: ذلك يوم ولدت فيه

Xaddiiskani waxaa soo weriyey Imaam Muslim waxaana laga soo weriyey Abuu Qataadah, waa run, sida uu ugu xusan yahay halkaan, nebiguna (NNKH) wuu soomi jirey Isniinta, laakiin ma ahayn wax ku gaar ah bisha Rabiicul Awal. Wuxuu soomi jirey bil walba iyo Isniin walba. Maalinta loo asteeyay dhalasha nebiga (NNKH) ee 12-aadka ah, mar walba kuma soo haggaagto Isniin, waxaana sugnaatay Rasuulka (NNKH) maalmaha Isniinta iyo Khamiista oo keliya inuu soomi jirey usbuuca, haddaanu soonku ahayn faral ama mid sunna sida Caashuuraa iyo Carrafo oo kale. Sidaa darteed ma ahan in loosoo daliishta halmaalin oo sanadkii la xuso, Rasuulka oo soomi jirey maalin walboo Isniin ah.

Waa tahay, isla xaddiiskaasi waxaa kusugan ”Waana maalintii la isoo diray”, haddaba ma soo diridda ayuu xusi jirey mise dhashalada? Hijradiisii Madiinana miyuu xusi jirey? Illeen Isniin bay ahayd, sida ka sugnaatay Ibnu Cabbaas? Halkee baa laga xusaa maalin kastoo kamid ah usbuuca dhalashada qofka?Dhanka kale haddii ay tahay soonka Rasuulka (NNKH) mid uu kaga mahadinaya dhalashadiisa oo Ilaahay uu shukrinaya nooc kamid ah shukriyadiisii gaarka ahaa, markaasi haddii aynu innaguna ku dayaneyno waa inaynu soonnaa Isniin walba oo usbuuca kamid ah, si aan u raacno dariiqiisa, uguna mahadnaqno Ilaahay nimcada uu ina siiyey. Oo miyuu sameeyay wax ka baxsan soonka maalinta Isniinta? Haddaba halagu ekaado soonka Isniinta.Midda kale haddii uu u soomay Isniinta weyneen uu weyneynaya dhalashadiisa, la rubbamaa ay ku soo haggaagto maalinta 12-aad, Talaado, ama Arbaco, ama Khamiis, ama Jimco, ama Sabti ama Axad. Haddaba markaasi adigu ma waxaad xuseysaa 12-aadka  bisha, mise maalinta Isniinta sida aad sheegtay inuu nebigu xusi jirey Isniinta. Haddii aad ayaamahaasi kale xusto (markay kusoo haggaagto 12-aadka), markaasi waad khilaaftay Rasuulka (NNKH), waana dembi khilaafka Rasuulka (NNKH). Miyaanay sidaasi ahayn?Waxaa dhici karta in la yiraahdo waa xasuusin siirada nebiga (NNKH), la is xasuusinaya. Taasi waa ihaano iyo dulleyn, waana dulloobay ka aanan subax walba iyo galab walba aanan xusin Rasuulka (NNKH). Xataa salaadaheenna dhexdooda ayaan ku xusnaa xabiibkeenna (NNKH), maxay tahay marka dadka illawsan ee sanadkii la xasuusinaya, kuwaasu ma Islaam baa, kuwaasi ma Muslimiin baa, kuwaasi ma tukadaan? Kuwaasi ma fuliyeen sunnadii Muxammadiyada?

Intaasi waa raddin ku saabsan mowduuca uu walaalkey isoo weydiiyey oo aan uga jawaabnay siduu Ilaahay inoo waafajiyey.

Aanu marka ka hadalno Waa maxay mowliid iyo wixii Ilaahay inaga waafajiyo.

Inkastoo aan horey uga hadalnay mowduucan oo aynu soo gaabinnay, haddana su’aalahan badan waa midka dhaliyey, taasoo ku tusineyso inaanay dad badani ku qancin, ee ay weli haystaan adilla u diiddan inay fahmaan xaqa. Waxaana kamid ah aayada mowdicoodii aanan la dhigin iyo axaadiis si khalada loo fahmay.

Haddaba ixtifaal mowliid, waa waxa lagu yiraahdo luuqadda ingriiska ”Happy Birthday”. Waa xus la xusaya dhalasho oo soo noqnoqoto sanadkiiba mar. Lama xuso maalinta magaceeda, laakiin waxaa la xusaa bisha iyo maalinta taariikh ahaan ay ku beegan tahay, waayo maalinta magaceedu way baddalmi kartaa. Waxaa billawday oo ugu horreeyey Nasaarada, oo xusto maalinta ay u nisbeeyaan dhalashada Ciise CS.

Nebiga (NNKH) ma aanu xusin maalinta dhalashadiisa, asxaabtiisiina ma aanay xusin. Wuxuu xadiis saxiixa ku yiri Nebigu (NNKH) ”
فَإِنَّهُ مَنْ يَعِشْ مِنْكُمْ بَعْدِي فَسَيَرَى اخْتِلَافًا كَثِيرًا فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الْمَهْدِيِّينَ الرَّاشِدِينَ تَمَسَّكُوا بِهَا وَعَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ وَإِيَّاكُمْ وَمُحْدَثَاتِ الْأُمُورِ فَإِنَّ كُلَّ مُحْدَثَةٍ بِدْعَةٌ وَكُلَّ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٌ

”Qofkii sii noolaado oo idinka mid ah, wuxuu arki doonaa is khilaafid badan. Waxaan idinku ogahay sunnadeyda, iyo sunnada khulufaa’u Raashiddiinka kuwa la mahadiyey ah, xajista oo ku qabsada gows dambeedka. Waxaana idinkaga digayaa wax soo kordhin, wax kastoo la soo kordhiya waa bidco, bidco kastaana waa baadi”.

Khulufaa’u Raashidiin waa Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali. Ma aanay samayn ixtifaal mowliidka. Nebiguna (NNKH), muuna samayn. Asxaabtii oo idilna ma aanay samayn. Jiilkii saxaabaduna ma aanay samayn. Jiilkii saddexaadna ma aanay samayn, kuwii afraad iyo shanaadna ma aanay samayn. Qarnigii lixaad ayuu yimid ixtifaalka. Haddaba sowma ahan wax la soo kordhiyey? Wax soo kordhintu muxuu nebigu inoogu sheegey? Sow ma ahayn bidco? Bidco kastana muxuu ku macneeyey? Sow ma ahayn baadi? Haddaba xukun mowliidka haddii aad garasho leedahay.

Yaa billaabay? Waxaa billawday qolada la yiraahda Faatimiyiinta. Waa Shiica Ismaaciiliyah ah, oo kamid ahayd dowladihii soo maray Islaamka, quraafaad badanna soo kordhiyey.

Shiicadu waxaa kutubbadooda waaweyn ku dhigan

1. Lacnad asxaabta oo idil la naclado oo ay ugu horreeyaan xaasaska Nebiga Caa’isha iyo Xafsa, iyo Abuu Bakar iyo Cumar. Wax ka yar 10 saxaabi ayay rumeysan yahiin.
2. Shahiid ma jira aanan ahayn Shiica, qofka shiiciga ahna hadduu ku geeriyooda firaashkiisa waa Shahiid.
3. Quraanka oo ay taxriif kusameeyeen sida masaaxiifta ay haystaan ku xusan. Matalan suuradda Ash- Sharax oo kale si aanan ugu dhigneen kitaabka Quraanka ayay u aqriyaan.
4. Dhanka tafsiirka iyo fahamkooda Quraanka mahan fahamkii iyo macnihii saxaabada, bal ee waxayba ku sheegaan cid aanan Cali ahayn inaanay siday tahay u macneyn karin oo ay been sheegtay ciddii sidaas tiraahdo.
5. Waxay ku macneeyaan Musxafka ay haystaan ”Musxaf Faatimah”, waxayna ula jeedaan inay ku jirta suurado ama aayada aanan kujirin Musxafkeenna Cuthmaaniga ah, oo ay oranayaan waxaa jiray aayada ay haysay Faatimah oo Abuu Bakar aanu qorin.
6. Shuruudda koowaad ee lagu noqon karo agtooda Shiici waa in aad beri ka noqoto labada sheekh (Abuu Bakar iyo Cumar), aadna qirta inay gaaloobeen Islaannimadii kadib, oo aad intaa kadibna lacnaddo.
7. Abuu Daalib inuu yahay ahlu Janno aad u ictiqaadsanyahiin.
8. Xukuumadaha iyo dowladaha Islaamka iyo firiqooyinka oo dhan, wixii aanan ahayn Shiica, waxay aaminsan yahiin inay yahiin kufaar, malcuuniin, kuna waari doonto naarta.
9. Cali bin Abii Dhaalib inaanu dhiman, ee uu ku sugan yahay daruurta ayay ictiqaadsan yahiin.

Iyo waxyaabo kaloo badan oo aad la yaabaysaan. Rag u aaminsan ahlu sunnaha inay yahiin dad malcuuniin ah oo gaalo ah, rag aanan aaminsanayn asxaabtii Nebiga (NNKH), rag lacnadaya xaasaskii Rasuulka Alle (NNKH) Caa’isha iyo Xafsa, rag lacnadaya Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan, ma wax ay keeneen ayaanu diin ka dhigannaa?

Hadday sidaasi tahay ahlu beydka ayay sheegeen inay jecel yahiin, haddana way caayeene, bal waxay sameeyaan maalinta Caashuuraa weyneyn ay weyneynaayaan geeridii Xuseen iyo baroor diiq ay u sameeyaane, adna samee. Dusha ayay seefo iskala dhacaan jeer dhabarkoodu uu labo kala noqdo oo dhaqtarro loola cararo, qaarkood sanado la dabiibo, qaarna ayba u dhintaan. Sidaas samee adiga haddii aad tahay mid raacaya waxa ay keenaan.

Al Xaakim bi Amrillaah ninkii la oran jirey ee kamidka ahaa Faatimiyiinta, wuxuu isku dayay inuu soo bixiya qabriga Rasuulka (NNKH) oo uu ka wareejiya Madiinah, saa raggii uu diray baa Ilaahay uu usoo direy duufaan oo uu ka badbaadiyey. Mowliidka raggaasi Shiicada Ismaaciiliyada ayaa billaabeen, ee ma ahan wax ay billaabeen raggii saxaabada ahaa ee raaca nala yiri. Bilcaksi waa wax ay billaabeen raggii caynayay saxaabada, ee lacnadayay qoyskii nebiga (NNKH).

Haddii aad rabto ajar, ku salli nebiga, Ilaahay ayaa kugu sallinaya 10 mar, 10 dembina kaa tiraya, 10 ajarna kuu qoraye.

Arrinta mowliidka ka warran inay tahay wax shaki ku jira? Isaga tag hadday sidaaasi tahay wixii shaki kaa galo oo aad dhanka wixii aanan shaki ku jirin, oo umaddu Isku raacday, waayo xadiis saxiix ah ayuu Rasuulku (NNKH), inagu amrayaa inaan ka tagno wixii ina shaki geliya oo aan aadno wixii aanu shaki kujirin. Taasoo ka dhigan haddii aynu fulinno mid aan ajar ku heleyno fulinta amarkii Rasuulka (NNKH). Haddiise aynu kusii ekaanno wax shaki kujira oo lagu muransan yahay, markaasi waxaa dhici doonto inaanu khilaafno amarkan qayaxan ee Rasuulka (NNKH) ina siinaya.

Haddii aad u jeeddo inuu yahay wax soo kordhin cusub (bidco), oo aad samaysana, markaasu waxay noqoneysaa inaad khilaafto amarkii Rasuulka (NNKH) aynu kor kusoo xusnay ee uu lahaa ka digtoonaada wax soo kordhinta iyo bidcada, wax soo kordhin kasto waa bidco, bidco kastaana waa baadi.

Taasina waxaan ku muteysanaynaa mar kale inaan amarkii Rasuulka khilaafno.Ilaahay wuxuu yiri

 ((وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا))

[الحشر:7]

”Wuxuu idiinla yimaado Rasuulka qaato, wixii uu idinka reebayna ka hara”.

Haddii amarradiisa aan hal iyo labo iyo saddex jebinno oo aan u jebinno si aan u samayno wax uusan inoola iman, sow markaasi ma aynaan caasinin.  Markaasina sowma noqoneyna kuwii adeeci waayay Rasuulka (NNKH) ee iska diiday Jannada?

ويقول جل ذكره: ((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيِ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ))[الحجرات:1]

”Kuwa xaqa rumeeyayoow!!, ha ka hormarina Alle iyo Rasuulkiisa (Wax ka baxsan waxay layimadeen hakeenina), oo ka dhowrsada Allaah, Allana waa maqle ogaal badan”.

Rasuulkuna (NNKH) isagoo inaga reebaya inaan wax cusub keenno, oo wixii uuna noola imaninna aynaan doon doonin, wuxuu yiri

”Alle wuxuu waajibiyey dushiinna waajibaad ee ha dayicina (la imaada waajibkii), wuxuuna dhigey xudduud (sharci iyo qaanuun) ee ha gudbinna (ha dhaafina oo ha keenina wax aanan dhigneen, macnaha beer kale wax haka soo goosanina ee cuna midda uu Ilaahay idiin jideeyay ee xudduudiina kujirta). Waxyaabo ayuu idinka reebay ee ha falina, waxyaabo ayuu ka aamusay illawsho la’aan, (naxariis darteed), ee ha doon doonina”. Daaraqudni ayaa sunankiisa kusoo weriyey.

Intaas oo adilla ah ka dib, waxaad is weydiisaa su’aalahaan:

1. Aniga iyo Abuu Bakar yaa jecel Rasuulka (NNKH). Haddii ay naftaadu kuugu sheekeyso inaad adiga ka jeceshahay, markaasi been bay kuu sheegtay wayna ku lumisay. (Abuu Bakar ma samaynin waxani).
2. Aniga iyo Cumar yaa jecel Rasuulka (NNKH)? Haddii ay naftaadu kuugu sheekeyso inaad adiga ka jeceshahay, markaasi been bay kuu sheegtay wayna ku lumisay. (Cumar ma samaynin mowliidka).
3. Cusmaan iyo aniga… Sidoo kale.
4. Cali iyo anigana… Sidoo kale..

Wallaahi raggaasi buu Rasuulka (NNKH), kaa jeclaa, iyana kaa jecel.

”Haddii iimaanka umaddeyda kafad la saaro, iimaanka Abuu Bakarna kafadda kale, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar”.

”Haddii aan waday samaysan lahaa, waxaan ka dhigan lahaa Abuu Bakar, laakiin saaxiibkiin Ilaahay baa khaliil ka dhigtay”.

”Cumar jid ma maro, illaa shaydaankuna wuxuu maraa jidka kale”.

”Waxaan ku arkay Jannada dhexdeeda qasri aad uweyn oo labo jaariyadood ay agtaagan yahiin, markaasan weydiiyey, yaa iskaleh gurigan, saa waxay igu yiraahdeen Cumar.. Markaasaan soo xasuustay masayrkaada Cumaroow!!”.

”Maxaanan uga xishooneyn nimay malaa’ikta ka xishoota (Cuthmaan)”.

”Ma dhici doonto wax dambe oo Cuthmaan maanta ka dib dhiba”.

”Sugnoow!! Uxudeey!! waxaa dushaada saaran nebi, siddiiq iyo labo shahiide”.

”Qofkii Cali jeclaada aniguu i jeclaaday, qofkii nacana aniguu inacay”.

”Cali min ahli beyt an Nabiyi”.

”Ugu bishaaree Janno (Abuu Bakar)”.

”Ugu bishaaree Janno (Cumar)”.

”Ugu bishaaree Janno (Cuthmaan)”.

”Cali wuxuu ka mid yahay ahlu Jannaha”.

Raggaas ayuu ina amray nebigu inaynu raacno isaga bacdigiis. Miyay sameeyeen ixtifaal mowliid? Halkee baad adiga ka keentay waxani?Waa labo dariiq middood.

1. Dariiqa koowaad waa isu ekeysiin Nasaarada.
2. Kan labaadna waa dariiq ay jeexeen Shiicada caysa asxaabta nebiga oo aad raacdo.Maxaad u dhigeysaa ixtifaal Mowliidka? Waan jeclahay nebiga soomaha? Ma ogtahay maxay u dhigaan Nasaarada ixtifaal mowliid sayidinaa Ciise, oo aynaan innaga u dhigin?Way jecel yahiin.Maxay xuska Karballaa, Shiicada u dhigaan oo aynaan innaga u dhigin? Waxay jecel yahiin Xuseen.Xaalku waa sidaas, xaquna waa cadyahay sida ay maalinta u caddahay oo kale. Waxba kuuma diidaya baan filaa inaad dhalasha Ciisena xusto haddii aad xustay tan ay keeneen shiicada ee aanan nebigeenna suubban (NNKH) ka sugnaanin.

Wabillaahi Towfiiq. 

FG: Qofkii doonaya inuu wax badan ka ogaado Shiicada iyo Faatimiyada, waxaan siin karaa kutubbo ka hadlaya waxa ay yahiin, oo laakiin carabi ah.WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_________________________________________________________________________________
Afeef Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net oo keliya, lama daabacan karo idan la’aan.