27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink oo raaligalin bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ay dadka ku nool waddanka Soomaaliya ay ku jahwareereen shirkadda isgaarsinta Nationlink oo laga waayay hawadda, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka shirkadaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Isgaarsiinta Nationlink ayaa lagu yiri : UJEEDDO: RAALI GELIN Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink Waxay Macaamiisheeda sharafta leh ee isticmaasha Adeega GSM-ka ka raali-gelineysaa Ciladii Farsamo ee ku timid GSM-ka shirkadda Qeybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciladaasoo aheyd mid si lama filaan ah ku dhacday haddana la xaliyey, Taasoo sababtay in ay macaamiisha qaaliga ah ee shirkadu waayaan adeega GSM-ka .

Ugu dambeen war-saxaafadeedka ayaa lagu yiri : Nationlink Waxay u mahad-celineysaa Dhamaan macaamiisheeda sharafta leh sida ay ugu Dulqaateen xiligii ay shirkadu ku howlaneyd xalinta ciladaas.

WABILAAHI TOWFIIQ.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa GSM-ka shirkadda Qeybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya la waayay taasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink waa shirkada ugu wayn ee Soomaaliya xagga Taleefonka, waxa ka horreeya shirkadda kale ee Hormuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

KASHIFAAD: Dhul boobka Muqdisho & musuq maasuqa maxkamadda sare

Ammaanka Muqdisho oo wax weyn oo uu iska beddelay iyo horumar daba socda ayaa ku qasbay dad badan inay db ugu laabtaan magaalada oo ay nolol cusub ka billaabaan.

Hase yeeshee dad badan, ayaa markii ay magaalada tageen oo ay ka war dooneyn guryahoodii ay ka maqnaayeen muddo, waxa ay ugu tageen milkiyad cusub iyo dad aysan garaneyn oo dhex fadhiya.

Muqdisho iminka waa ay ka dhammaatay “ANAA KAA XOOG WEYN” iyo “REER HEBEL”, waxaase naxdin leh in wax ka darran taasi ay magaalada ka socdaan.

14_JAN_2013 copyMaxakamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada, ayaa gacanta la galeysa kiisas badan oo ku saabsan muran dhuleed iyo guryo la isku qabsaday, oo inta badan ku yaalla koonfurta magaalada.

Dad badan ayaa guryahoodii waayay kadib markii maxkamadda sare ay u sharciyeysay dad kale, mana jirto wax ay ka qaban karaan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in maxkamadda ay kumanaan dollar ku qaadaneyso gurigii ay milyakaddiisa sharciyeyso, ayada oo aan si dhab ah ugu kuur galeen qofka leh.

Dhacdadii ugu yaabka badneyd ayaa ka dhacday xaafadda Laba Dhagax oo ka tirsan degmada Wardhiigely, iminkana loo bixiyay Warta Nabadda, halkaasi oo dadka xaafadda ay inoo sheegeen in qof aysan weligood arag la siiyay guri ay og yihiin qofka dhab ahaan u leh.

Cabdullahi Cali Axmed, oo degan xaafadda oo Caasimada Online uga sheekeeyay dhacdadaas ayaa yiri “Laba nin baa isku qabsatay dhul banaan oo halkan ku yaalla, oo maxkamadda dacwo iska geeyay, waxaana markaa kadib maxkamadda ay soo dirtay guddi la hadla dadka xaafadda, si loo kala saaro, waxaana dhammaan odayaashii xaafadda ay u sheegeen dadkii guddiga ahaa in dhulka la isku heysto iyo guri ku dhegganba uu lee yahay oday la yiraahdo Xasan Jaamac, oo muddo dalka ka maqnaa, islamarkaana aysan garaneyn qof kale ee sheeganaya weligoodna aysan arag. markii guddigu baxeen waxaan moodnay in Xasan Jaamac la siin doono dhulkiisa, waxaase yaab nagu noqotay in loo xukmiyay ninkii kale, ayada oo aan wax caddeyn ah uusan heysan, balse sida la sheegay uu bixiyay laaluush.’.

Waxaa sidoo kale jira dhacdooyin kale oo badan, oo noocaas la mid ah, ayada oo magaalada iminka uu ka socdo dhul boob baahsan.

Horey ayaa maamulka gobolka Banaadir uu uga digay dadka guryaha iibsanaya iyo kuwa iibinayayba inay joojiyaan, illaa inta maamulka awood uga yeelanayo inuu kala sharciyeeyo arrimahan isku wada dhex qasan, haddii kale suurta gal ay tahay in qof laga iibiyo hantida dad kale, halkaasna ay lacag uga lunto.

FAALLO: Puntland “Boqortooyadii Bisadaha” miyaa!!!?

Siyaasi weyn oo rer Puntland ah ayaa hore u sheegay inay degaankaas ka jirto wax uu ugu yeeray Boqortooyada Bisadaha “Cats Kingdom”. Taasoo buu yiri markuu curriga weyni keligi laf haysto curiyada yar yari inay agtiisa yaaw-da guraan maahee intaa umasoo dhaafaan, bisadaha kalena iyaga bal warkoodba daa.

Waxa taa ka dhigan, Puntland maalinba ninkii ka madaxa ayaa curri ka ah, dastuurka iyo shuruucda dalkuna waa isaga. Cid kastoo mucaaradana codkeedu sidii yaaw-dii bisadaha, madaxweyne waan ku aragnaa ma dhaafsana. Bal eega sida hawlyarida ah ee madaxweyne Faroole usii wato feenashada laftiisa mucaarad ku sheegiina yaaw-diisii usii tabardhigtay.

Ujeedkaygu maaha inaan Faroole u hambalyeeyo ama mucaaradka Punland guubaabiyo. Balse markii wax kaleba meel layska dhigo, waxan ka aamusi kari waayey sida ay u shiiqeen iyo halka ay ku dambeyeen dadaaladii uu Jen. Cadde Muuse ugu kala dab qaadayey dhinacyadii u muuqday inay isku hayeen siyaasada Puntland.

Abaare bartamihii bishii December 2012 ayay ahayd markii uu ka soo degay Bosaso Jen. Cade, oo ah madaxweynihii keli ahaa ee soo mara Puntland oo isagu ka xishooday inuu kororsado mudada xilkiisa, bulshaduna ku qadariso ilaa hada. Imaatinkiisu wuxuu yididiilo geliyay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo ay damqaysay khatarta kasoo fool leh isqabqabsiga kasoo yeerayey Puntland oo ka mida meelaha tirada yar ee Somalia xasilooni ka jirto. Durba wuxuu Bosaso kula kulmay madaxweyne Faroole, dabeedna mucaarad ku sheegii iyo waxgarad kaloo badan ayuu shirar kula qaatay Qardho, Garowe iyo Galkacyo. Ugu dambayntiina wuxuu isagoo afka gacanta saaray dib ugu guryo noqday magaalo xeebeeda Bosaso oo uu kasoo socod bilaabay. Halkii laga sugayay warbixin wixi uu kala kulmay dhinacyada u muuqday inay is hayaana wuxuu siyaasiga weyn ee ruug cadaaga ahi taa ka door biday inuu ka gaabsado ka hadalka siyaasada Punland.

Waxay dad badani aamuska Jen. Cade ku macneeyeen inuu ugu dambayntii u hogaansamay xeerkii “Boqortooyada Bisadaha”. Qaar kalena waxay u arkeen inuu ku qancay inaan waqtiga haray oo yar darti waxba laga qaban karin xaaladaha taagnaa. Dar kalena waxay weli ka dhursugayaan mucjiso uu madaxweynihii hore sidii ushii nebi Muuse mar qura xaqa iyo baadilka ku kala saari doono.

Si kastaba ha ahaatee, qolyihii iyagu mucaarad baan nahay ku doodi jiray qudhoodii waxay 8dii January ka dib u qaybsameen nin dhoofay nin dhuuntiyo nin dhabarka u goday xeerkii Boqorooyada Bisadaha. Nabadoonkii ugu mawqifka adkaa Mudug, Yasin Cabdisamad oo mucaaradnimo darted xabsiga loo dhigay, warsaxaafadeed  uu qabtay 8dii January wuxu ku yiri: “Faroole iyo wiilashiisa aynu boqortooyo u caleema saarno illayn isma haysan karno weligeene”.

Hadaba dabagal lagu sameeyay waxa aamusiyay ergaygii nabadaynta Puntland, isla markaana makarafoonkii mucaarado la moodka dabka ka bakhtiiyey ayaa hada lagu ogaaday in inta badan bulshada Puntland oo uu u horreeyo Jan. Cade iyo mucaaradka qaarkiba, ay hala rooro run moodeen.

Taariikhda markaan dib u yar milicsano Faroole waa tuu ragii huwanaa shaatiga mucaaradada la heshiiyay horraantii ansaxinta dastuurka cusub ee Puntland. Waa tuu horjoogihii mucaaradka Mudug, wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cali Yusuf Gaagaab uu goobjooge ka noqday shirweynihii lagu ansixiyay dastuurka 5ta sano u jideeyay Faroole. Halka uu horjoogihii mucaaradka Bari wasiirkii hore ee amniga Puntland Jen. C/llahi Sicid Samatar uu door biday inuu dibeda u dhoofo heshiiskii ka dib, isagoo ka cududaartay goobjoognimada shirweynaha.

Dhowr bilood ka dib ayay labada nin iyagoo ku andacoonaya inay weli mucaarad yihiin, waxna iska bedelin mawqifkoodii ay ku diidanaayeen xil kororsiga Faroole kasoo laabteen safarkoodii dibeda. Nasiib darro waxay labaduba ku kala fariisteen kuraastoodii hore ee horjooganimada mucaaradka Mudug iyo Bari, iyadoon cidina kaga hor iman khiyaamadii ay sameeyeen. Xataa siyaasiyiintii kale oo ay mucaaradnimada isla sheeganayeen isma weydiin muxuu noqon karaa qandaraaska kale ee nimankani Faroole lasoo galeen haduu kii hore dhamaaday?  Taas bedelkeed gacan yarayaashoodii xalay dhalay iyo xeerkii “Boqortooyada Bisadaha” ayay dhanna u dhaafi waayeen. Isla markiina waxay dhankooda kala tumeen durbaankii mucaaradada oo ushii lagu tumi lahaa mar hore Faroole nimankani gudoonsiiyeen. Sidaa darted ayaa durbaanka mucaarado ku sheega diryankiisu bulshada badankeed u daari waayay.

Jen. Cade Muuse-na safarkiisii xaqiiqa raadiska wuxuu kusoo ogaaday inaan mucaarado dhab ah oo ka horjeeda qorshaha Faroole aysan jirin. Haday jiri lahaydna in Faroole mar hore madaxa kaga taagay rag magaceeda ku qaraabanaya isagana u maalinaya si aanay meesha usoo gelin mucaarado dhab ahi. Sidaa darted ayaa jananku ka maskab jabay sida saaxiibadiisii hore ee siyaasada Puntland simsaaro isugu bedeleen, isla markaana arkay haba qalloocnaado kororsiga Faroolee inaanu qatartii la moodayay inay kasoo fool leedahay isku dhaca labada dhinac meesha ku jirin, dabeedna isagoo xushmaynaya xeerka “Boqortooyada Bisadaha” ayuu bustihiisa hoos galay.

Hase yeeshee Faroole siduu ugu guulaystay inuu bulshada rer Puntland ugu hodo mucaarado aan dhab ahayn ee isagu gacantiisa ku sameeyay, ayuu la damacsan yahay inuu mustaqbalkana ku dago xisbiyada magac u yaalka ah ee uu isagu meel kasta kaga dhawaaqay, rag Gaagaab iyo Samatar oo kale ahna madax uga dhigay.

Waxay taasi soo bixi doontaa markay qabsoonto doorashada golayaasha degaanada oo uu Faroole u asteeyay bisha May ee fooda inagu soo haysa. Taasoo ay ku tartami doonaan sida la shaaciyey 6 xisbi oo kulligood xisbigiisa Horseed ka farcamay ayna ansixiyeen gudigiisa doorashada ee gacan ku rimiska ah. Waxayna siyaasadiisu mira dhal u noqon doontaa markay sannad ka dib 3da xisbi oo uu 6daas ka doorto jilida riwaayada xisbiyada badan kusoo bandhigaan doorashada 8da January 2014 sida isaga u qorshaysan. Xilligaasoo rer Puntland sidii caadada u ahayd iyagoo xeerinaya dhaqankii “Boqortooyada Bisadaha” ay dimoqraadiyada Faroole sida la filayo mahadin doonaan.

Hadaba su’aashu waxay tahay madax qarsiga cade iyo waxgaradka kale ee Puntland immisa in le’eg ayay xeerinta dhaqanka “Boqortooyada Bisadaha” ku daba joogi doonaan macangagnimada Faroole, gudiga uu magacawday, xisbiyo macna belay iyo mucaarad marin habaabay  inay masiirkooda go’aamiyaan?.  Jawaabta su’aashaas waxan u daayey bulshada rer Puntland!!! 

W/Q: Ahmed Warsame

[email protected]

London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Saldhiga Shalanbood ee ciidamada Dowlada oo la weeraray + Khasaraha

Kooxo aan la garanaynin ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada dowlada ee degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha hoose.

Weerarka ayaa ahaa bam laga tuuro gacanta ,kaasi oo lagu tuuray saldhiga degmada Shalanbood halkaa oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Shan ka mid ah arkarta ciidamada dowlada oo ku sugneyd saldhiga xiliga weerarka uu dhacayay ayaa la sheegayaa inay waxyeelo soo gaartay,iskatoo aan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca.

Weerarka ka dib ciidamo badan oo dowlada ka tirsan ayaa saldhiga soo gaaray,waxayna durba dhinacyada u fardhiyeen rasaas xoogan,sida dadka deegaanka Caasimada Online u sheegeen.

Maamulka degmada ayaa sheegay in saaka baaritaano xoogan ay wadaan oo ay ku baadi goobayaan dadka weerarka geystay ,iyadoo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin heerka qasaara uu yahay.

Ethiopia: Nabad ka dhalata Somalia, waa nabadda Ethiopia

London (Caasimada Online) Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay nabad ka dhalata Soomaaliya in ay tahay nabadda dalka Ethiopia.

Wasiiirka arrimaha dibedda dowladda Ethiopia oo hadda ku sugan magaalada London ee dalka Britan ayaa sheegay in Soomaaliya hadda waxoogaa isbadal uu ka jiro, laakin loo baahan yahay siddii loo adkeen lahaa.

Wasiirka ayaa yiri “ Haa Ethiopia nabad ayey u baahan tahay nabad Soomaaliya ka dhacdana waa nabad Ethiopia, dhibaatada gobalka Soomaalida waxan u heesanaa in tahay mid gudaha Ethiopia ah iyo mid dibedda ah labadaba , waxan isku dayeenaa in aan wax ka qabano ”

Wuxuu sheegay in horrey ay heshiis ula gaareen jabhada ugu wayn dalka Ethiopia ururka ONLF oo uu shegeay in ay wadahadal la yeesheen si loo soo afjaro dhibaatada ka jirta gobalka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamo badan ay hadda ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo gacan siinaya dowladda Soomaaliya iyo ciidamada midowga Africa ee AMSIOM.

Wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay siddii ay gacan uga geesan lahayd nabadeeda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahaay kaalmo dibedda ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo.

Dowladda Ethiopia labo jeer ayaa Soomaaliya ciidamo u soo dirtay waa sanadkii 2006-da oo ay kula dagaalantay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya midowgii maxkamaddaha islaamiga iyo hadda oo gacan ay siineyso AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya oo xaley ka deggay Washington

Washington (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley ka degay magaalada Wanshinton ee xarunta waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Wanshinton halkaasoo lagu wado in uu kulan kula qaato madaxda dalkaas oo uu ku jiro madaxweyne Brack Obama.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in looga yeeray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, waxana la filayaa in arrimo badan lagala hadlo oo ay ku jirto arrimihii ugu dambeeyay xaaladda Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ku soo dhaweeyay garoonka saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibedda iyo aqalka cad ee dalka Maraykanka.

Wafdiga madaxweynaha oo ka kooban illaa siddeed xubnood waxa ku jira ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka warfaafinta Cilmooge.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in magaalada Wanshinton ay joogi doonaan illaa khamiista soo socota, kaddibna uu aadi doono magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha inta uu halkaas joogo waxa uu la kulmi doonaa saraakiisha wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Bankiga Adduunka iyo madax kale.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Maraynka tan iyo markii loo doortay xilkaas 10-kii September sannadkii hore 2012-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Warraka Washington

 

Soomaali loo diiday sharciga Holland oo soo bandhigay film cajiib ah, si aan loogu celin Somalia (Daawo Video)

Dhowaanahan waxaa jiray Soomaali loo diiday Sharciga Holland, loona sheegay in dib loogu celin doono dalkooda Somalia. Soomaalidaasi ayaa haddaba waday cabashooyin iyo dadaallo ayaga oo isku dayaya in Dowladda Holland ay qaabisho.

11-kii bishan ayaa iyaga oo caawimaad ka helaya dad u dooda soo galootiga iyo shacabka Holland, waxa ay soo bandhigeen muuqaal kooban oo ciddii aan ogeyn inuu yahay been argagax gelinya. Waxa uu muuqaalka muujinaya dad geeriyodoay, oo xabado ay ugu dhaceen meelo badan sida Madaxa. Waxa ay sidaas u sameeyeen inay muujiyaan sida xaalkooda noqon doono haddii Somalia lagu celiyo.

Haddaba daawo muuqaalka, hana aragagixin waa ruwaayad un ee maahan dhab.

Dibadbax looga soo horjeedo burcad badeeda oo ka dhacay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka dhaceen dibad-baxyo ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Wariye ku sugan Cadaado ayaa u sheegay Caasimada Online in boqolaal qof oo u badan carruur iyo haween ay maanta magaalada ka dhigeen dibad baxyo looga soo horjeedo kooxaaha burcad badeeda ee maraakiibta iyo shaqaalaha la socda ka afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Dibad baxyada ayaa la sheegay in ay soo abaabuleen maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka arrimiya Cadaado.

Dadka dibad baxayay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan falalka ay sameenayaan kooxahaha burcad-badeeda, waxa kaloo ay ku soo dhaweeyeen tallaabadii dhowr cishi ka hor uu mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii burcad badeedda Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne” uu ku dhawaaqay inuu ka baxay falalka burcad badeednimada.

Waxa kaloo ay sheegayn in ay soo dhaweenayaan in 100 burcad badeed ah oo ku sugan qaybo ka mid ah gobalka Galgaduud ay ku dhawaaqeen in ay ka fariisteen ganacsigii burcad badeednimo.

Dadka dibad baxyada ka hadlay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Cadaado Axmed Saalax Ibraahim oo sheegay in dibadbaxa uu astaan u tahay sida dadka ku dhaqan deegaannadaas ay uga go’an tahay inay arkaan dhammaadka burcad badeednimada ku sugan gobalka ay ka baxaan falalka ay ku jiraan.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa sarkaal ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha burcad-badeeda oo lagu magacaabo Af-weyne iyo koox uu hoggaaminaayay ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen falalkii burcad badeednimo ee ay ku guda jireen sanooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay la heestayaal u afduubnaa kooxaha burcad-badeeda oo tiradooda gaarayay illaa lix qof.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cadaado

Uganda oo weli u xiiso qabta in ay iska sii joogto Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo xilliga AMISOM uu ku egyahay bisha March ee sannadkan, ayaa dowladda Uganda waxa ay ku baaqday in la kordhiyo muddada ay sii joogayaan AMISOM Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda General Katumba Wamala, oo wareysi siiyay wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala ayaa sheegay in Soomaaliya oo dagaalo ku jirtay 21-sano loo baahan xilliga siddii nabad iyo ammaan looga dhigi lahaa.

Howgalka AMISOM ayaa hadda waxa u haray xilliga loogu talagalay muddo labo bi loo kaliye.

Wuxu yiri “ Soomaaliya waa sida ilmo yer, weli naas ayaa la nuujinayaa, waxa ay u baahan tahay kaalmo caalamka intiisa kale ka yimaada,” ayuu yiri Katumba oo hadda ku sugan Soomaaliya.

Uganda ayaa door weyn ku leh arrimaha nabadda Soomaaliya, waxana ay hoggaamisaa howgalka millatari iyo midka boolis ee Soomaaliya.

AMISOM ayaa taageerada ugu badan ka hesha QM, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Mr. Katumba ayaa yiri “Xaallada bini’aadinimo ee Soomaaliya dib ayey u soo laabaneysaa, waxa waddanka Soomaaliya oo dhan yimaada 40-diyaarad maalintii kuwaasoo dib ugu soo laabanaya dalka, iyo 15-markab oo ku soo xirta maalinta kasta dekedda wayn ee Muqdisho”.

Bishii November ee kal hore, ayaa afar bil oo kaliye loogu daray howgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxana waddamada dariska ay ku baaqeen in waqti dheeri ah loogu daro muddada.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ku deeqay howgalka AMISOM oo hadda waddamada ay ka kooban yihiin ay ka mid yihiin Kenya, Djibouti iyo Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kampala

Xawaalado ku yaala Jowhar oo la xeray maanta + Sababta

Xawaalo gaaraya seddex xawaaladood oo ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la sheegayaa inay maanta u xereen kasoo bixid la’aanta amaro maamulka uu kusoo rogay sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegay in shirkadaha xawaaladeed ee xeran maanta lagu amray inay bixiyaan lacag gaaraysa ku dhawaad 1000$ ,taasi oo uu maamulka sheegay in wax looga qabanayo xaalada nadaafada deegaanka.

Daa’uud Xaaji Ciiro,afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkadaha la xeray ay ka soo horjeesteen amarka kasoo yeeray maamulka gobolka oo ah bixinta lacagta lagu amray.

Jubba Express iyo Olompic Express ayaa ka mid ah xawaaladaha maanta aan shaqeynin sababta la xiriirta bixin dhaqaalaha maamulka uu ku amray.

Waa markii ugu horeysay oo waxii ka dambeeyay bishii December 9 keedii markii ciidamada dowlada ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada xarig loo geysto xawaaladaha ka shaqeeya Jowhar.

XOG iyo GORFEYN: Federaalnimada Koox baa ku Daneysata!!

 Waxaa Xaqiiqo ah inaysan “Federaalnimo” si buuxda u suurtogeli karin inta Gobollo badan ayna weli u dhisnayn Maamul Goboleed loo yaqaan.

Si Federaalnimo u hirgasho, waa in Gobolladii oo dhan hoosta ka dhismaan oo ay yeeshaan Dawlad gobolleedyo leh xaduudyadooda, maamul-hoosaad Goboleedyo, xeer-hoosaad Gobolled, isla markaana ay si buuxda oo leh astaan Dawlad-gobolleed ay si buuxda uga qayb-qaataan dhismaha hadoodilka Federaalnimada.

Federaalnimada hadda taagan waa arrin qabyo ah, sida Dastuurkuba uu u yahay qabyo oo loo baahanyahay in Qaladaad badan oo ku jira dib loo saxo, waxaana Federaalnimo buuxda la gaari doonaa marka Gobollaada aan weli dhismin ay soo hanaqaadaan.

Gobollada hadda Federaalnimada uu u hanaqaaday waxaa kamid ah: Somaliland, Puntland iyo Galmudug, keligoodna ma masali karaan Federaalnimo buuxda.

Cidda Federaalnimada u durbaan tumaysa gacan ha siiyaan dhismada Gobollada aan weli dhisnayn si ay u yeeshaan Dawlad Goboleed diyaar u ah kamid noqoshada habka Federaalnimada.

Ilaa Gobollada ay salka kasoo dhismaan, 3-da u taagan Dawlad-goboleedyo ma tibaaxi karaan Federaalnimo qabyo ah, cid ku xisaab-qaadan kartanah ma jirto.

Sidoo kale, qaadashada Federaalnimadu ma ahan arrin muqaddas ah oo lagu tusbiixsado ama laysku sanduuleeyo. Gobol walba wuxuu xaq u leeyahay inuu maamul ahaan u dhisan yahay kahor inta uusan kusoo biirin Federaalnimada.

Haddii laga baxay ku-meelgarnimadii, waa laga arrinsan karaa in dhismada dawladnimada lagu habeeyo Federaalnimo ama la qaato Dawlad dhexe oo sal-ballaaran, Golo Baarlamaan baana ka xaajoon kara Arimahaas.

Markii loo baahdo, waa loo codayn karaa in la qaato Federaalnimada ama daaqadda laga tuuro, waxaana haa iyo maya iska leh gobollada aan weli dhisnayn.

Waxaa dhisan Baarlamaan ka doodi kara Nidaamka Gobollada ku habboon inay qaataan: Inay u codeeyaan Dawladnimo dhexe ama Federaalnimo. Cidu kuma qasbana inay qaadato Federaalnimada, haddayna ku haysan danteeda guud. Waa arrin u baahan in la waafajiyo rabitaanka Bulshada ee Federaalnimadu ma ahan in koox yaru u durbaan tunto si ay ugu daneystaan.

Caqliga fiyow wuxuu is-warsadaa: Ma Federaalnimada ayaan Shiishka saarnaa mise waxaan xoogga saarnaa xallinta arrimaaha u dhexeeya geeri iyo nolol.

Wax walba Waqti ku habboon bay leeyihiin waana in la hormariyo Arrimaha Dhiig-joojinta ah, sida: Xoraynta gobollada argagixisado haysato, dibu-dejinta iyo taakulaynta Qaxootiga, soo Furashada Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyada Dalalka Shisheeye, soo noolaynta kaabeyaalka Bulshada, daryeelka Nugulka Bulshada, horumarinta Waxbarashada, daryeelka Caafimaadka, iyo la Dagaaalanka Musuq-Masuqa.

Sidoo kale, Bulsho-weynta Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay inay Fikradooda cabbiraan, iyadoo la tixgelinayo Codka iyo rabitaanka Gobollada aan weli dhsinayn.

Sidaan horey usoo sheegnay Cadaaladu waa Furaha Nabada, hadii Nabad la helo Hormar baa la gaaray, hadii Hormar la gaaranah Midnimo Soomaaliyeed oo aan liiq-liiqan ayaa udbaha loo taagay.

Wa billaahi tawfiiq…


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst – [email protected]

Qisadii Xamnah Bint Jaxsh Bin Ri’aab

Waxay kamid ahayd dumarkii saxaabiyaadka ahaa ee cibaadada badnaa, waxay la dhalay saxaabo aad uga dhawaa Rasuulka (NNKH), xagga maxabbada iyo kal gacalka.

Gabadhani waxaa dhashay mid kamid ah eeddooyinkii Rasuulka (NNKH), taasoo la oran jirey Umaymah bint Cabdilmudallib, lana hooyo iyo la aabbo ahayd nebiga (NNKH) aabbahiis Cabdillaahi.

Inkastoo ay dhashay gabadh Haashimiyad ah, haddana Xamnah ma aanay ahayn Qureeshiyad, balse waxay ka dhalatay reerka la yiraahda Asad bin Kinaanah.

Inaayadeedu waxay ahayd Xamnah bint Jaxsh bin Ri’aab bin Yacmur bin Sabrah bin Murrah bin Kathiir bin Ghanam bin Dawdaan bin Asad.

Waxay isku jifo ahaayeen asxaabta kala ah, Shujaac bin Wahab, iyo Cukaasha bin Muxsin, iyo kuwo kale oo badan oo kamid ahaa muhaajiriintii labada hijra.

Waxay lahayd walaalo badan, oo dhammaantood noqday saxaabo kamid ahayd asxaabtii ugu horreeysay ee Islaamta, Xamnana safka hore ayay kaga jirtay rumeynta risaaladii uu la yimid Muxammadul Amiin ibnu Cabdillaahi (NNKH).

Walaaladeedu waxay kala ahaayeen

1. Amiirkii kowaad ee Islaamka, Cabdillaahi bin Jaxshi, wuxuu ku shahiiday dagaalkii Uxud, wuxuuna kamid ahaa asxaabtii uu Rasuulka aadka u jeclaa, misna kuwii ugu horreeyey ee rumeeyey nebiga (NNKH), ee dar Ilaahay u haajiray labadii hijra.

2. Zaynaba bint Jaxshi xaaskii nebiga (NNKH), waxay ahayd mid cibaado badan oo soon iyo saddaqa badan. Rasuulka (NNKH), markuu dhimanayay wuxuu xaasaskiisii ku yiri ”Tiinnii ugu gacan furan (saddaqo badan), waa midda ugu horreysa ee iga dabaiman doonto”. Zaynab ayay ahayd middii ugu saddaqada badneyd, ee ugu horreysay ee nebiga (NNKH), ka daba dhimatay”. Zaynab waxaa horey usoo goorsaday Zayd bin Xaarith, saa markuu furay baa Ilaahay uu toddobada samo kasoo guuriyey oo u guuriyey nebigiisa (NNKH), waana gabadha keliya ee nebi Muxammad (NNKH) aanay ehelkeeda u guurinin.

3. Abuu Axmed Cabdu bin Jaxshi oo indhool dariir ahaa, kana mid ahaa muhaajiriintii ugu horreysay ee Alle dartii u hijrootay.

4. Ummu Xabiibah bint Jaxsh oo ahayd xaaskii Cabdiraxmaan bin Cowf.

5. Cubaydullaahi bin Jaxshi, wuxuu Islaamay horraantii dacwada diinta Islaamka, wuxuuna qabi jirey gabadhii Abii Sufyaan, Ummu Xabiibah Ramlah bint Abii Sufyaanm waxayna iskula haajireen dhulka Xabashida. Laakiin wuu ka riddoobay diinta oo noqday Nasraani, illaa uu halkaasi ku bakhtiyey. Ummu Xabiibah mar dambe waxaa guursaday nebiga (NNKH).

Xamnah iyadu waxaa guursaday saxaabi kamid ahaa asxaabtii uu ugu jeclaa Rasuulka (NNKH), waa Muscab bin Cumeyr. Wuxuu ahaa Muscab mid kamid ahaa dadkii ugu ladnaa magaallada Makkah, hooyadiis waxay ahayd haweeney maalqabeen ah, dharka xariirta ayay u xiri jirtay, cunta midduu jeclaysta ayay siin jirtay, saa hablaha reer Makka ay tamannin jireen Quruxdiisa iyo heybadda ka muuqan jirtay wiilkaasi yar.

Wuxuu ahaa mid dharka xariirta isu kala badbaddalo, nolasha uu kujiray waa yarayd nin dhalinyara ah oo ku jiray xilligaasi.

Maalintuu Islaamay ayay hooyadiis ka jartay nafaqadii, dharkiina u diidday, markaasuu mara calal yar ah oo jeexjeexan uu xiran jirey, sidii loo ciqaabi jirey, marna ma dhicin inuu ka laabto diinta Islaamka. Wiilkii quruxda badnaa wuxuu noqday weyti caato ah oo lafihiisii iyo haraggiisii ay isku dhageen. Nebiga ayuu iska ag fadhin jirey intii Makkah la joogay, markiina loo hijroonayay Xabashida. Wuxuu damcay inuu la hijrooda saxaabada, laakiin waala xabbisay, oo hooyadiis ayaa ku dhejisay xarig aad u adag.

Nebigu (NNKH) wuu la murugooday xaalladda Muscab, markaasuu amray asxaabtiisii inaanay hijroonin oo ay sugaan inta Alle Muscab faraj u furaya. Habeenkii buu soo jabsaday xariggii oo uu u yimid Rasuulk asagoo moodaya in raggii ay baxeen. Markaasaa Nebigu (NNKH) uu kexeeyey oo uu u geeyey kadibna sogootiyey asagoo macaanaqeynaya.

Nebigu (NNKH) aad buu u jeclaa Muscab, wuuna ilmeyn jirey markuu arka. Maalin waxaa dhacday Nebigu (NNKH) oo saxaabadiisa la fadhiya wuxuu arkay Muscab oo mara jeexjeexan sita oo dhinaca Nebigu (NNKH) fadhiya, markaasuu Nebigu (NNKH) yiri ”Wallaahi waxaan arki jirey ninkan oo wiil ka qurxoon aanu Makkah jirin, oo dharka uu sita dhar ka qurxoon aanay Makkah ool, habluhuna ay tamannin jireen, saa wuxuu ka doortay waxaasoo idil Alle iyo Rasuulkiisa, maantana waa kan marada jeexjeexan sita, oo sidan u baaba’ay”. Kadibna wuu ilmeeyay Nebigu (NNKH), asxaabtiina way la wada ilmeeyeen.

Muscab wuxuu ahaa safiirkii kowaad ee Islaamka, wuxuu Rasuulku (NNKH), u doortay intuu noolaa inuu noqdo ninkii calanka Islaamka qaadi lahaa. Dagaalkii Bader asaga ayaa siday calanka Islaamka. Kii Uxudna sidoo kale saa maalintii Uxud ayaa la diley. Waxaa la waayay maro lagu kafano, saa caleemo geed iyo calal yar oo uu sitay lagu kafanay.

Ninkan fadliga badan ayay Xamnah nasiib u yeelatay inay guursato. Saa maalintii Uxud markay saxaabadii soo laabteen, baa lagu yiri ”Abtigaa Xamza, waala diley”, markaasay tiri ”Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun”. Waxaa lagu yiri ”Walaalkaa Cabdillaahina waala diley”, say sidii oo kale tiri.

Waxaa lagu yiri ”Ninkaagii Muscabna waala diley”. Markaasay ilmeysay oo ay u oysay xabiibkeeda. Nebigu (NNKH) maalintaasi wuxuu yiri ”Wallaahi afadu ninkeedu wuxuu kaga yaal meel weyn”.

Xamnah waxay soo nooleyd xayaata qurux badan, ayadoo kusoo qaadatay nolasheeda la jaar noqoshada Rasuulkeennii suubbanaa (NNKH). Waxay ahayd gabadh soon iyo salaad badan oo saddaqaduna aad u bixin jirtay. Caabidad cibaadada ku xeel dheer, heer markay xanuunsata xataa ay tiir ku tiirsan jirtay oo ay qiyaamu leylka ku tukan jirtay sidaas.

Waxay ka qeyb qaadatay xaadisadii ifkiga ee Caa’isha lagu khadfay duullaankii Muraysiic markii laga soo noqday kadib, taasoo markii xadka laga oofiyey ay toobad weyn la timid.

Xamnah markii saygeedii geeriyooday kadib, waxaa guursaday saxaabi Jaliil ah oo aad u fadli badnaa, kaasoo ahaa Dalxah bin Cubaydillaahi, kana mid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey. Waxay u dhashay iimaamkii weynaa ee caabbidka ahaa ee la oran jirey Maxammad ibnu Dalxa, ee caanka ku ahaa Muxammad As- Saajid.

Xamnah waxaa la sheegaa inay gaartay khilaafadii Cali.

Ilaahay ha u nuuriya qabrigeeda, hana u waasiciya. Aamiin

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
______________________________________________________
Afeef: Qormadani lama daabacan karo idan la’aan, waxa ugaartahay qoraha iyo webka caasimada.net

HRW oo ku baaqday in la sii daayo wariye ku xiran Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la sii daayo wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo hadda ku xiran magaalada Muqdisho.

Aggaasimaha guud ee bariga Africa HRW Daniel Bekele ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay sii daayaan wariye Cabdi Casiis iyo haweeney kuwaasoo oo loo heesto kiis ku saabsan kufsi loo geestay mid ka mid ah dumarka ku nool meelaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho.

“Dowladda cusub ee Soomaaliya waa in ay hubanti ka dhigto ciidamada booliska in aysan xad gudub kula dhaqaaqdo dadka rayidka ma ahan in ay qayb ka noqdaan dhibka waa in ay qayb ka noqdaan xalka” ayuu yiri Mr. Bekele.

Bishan 10-keedii ayaa hey’adda dambi barista ee dowladda Soomaaliya oo loo soo gaabiyo CID-da waxa ay u yeertay wariye Cabdi Casiis Koronto, kaasoo uu yeeray Gen: Cabdulaahi Xasan Bariise, kaddib markii uu ka wacay taleefon ay lee dahay haweeney la sheegay in ay kufsadeen rag xiran dharka ciidamada dowladda.

Wariyaha ayaa loo heestaa wareysi uu la yeeshay haweeneydan oo sheegtay in ay kufsadeen askar ka tirsan dowladda.

Warka laga sameeyay haweeneyda ayaa baahiyay TV-ga caalamiga ee Al Jazeera taasoo ay ka carootay CID.

Sidoo kale hey’adda CID waxa ay su’aalo weydiisay dhowr suxufiyiin kale oo ay ka mid yihiin Wariyaha qaybta carabiga Al Jazeera, Cumar Faaruq, iyo Tifaftiraha radio Simba Cabdicasis Maxamed Diiriye, kaasoo hal habeen ku xirnaa xarunta sirdoonka.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu meel fagaaro ah ka sheegay in wax la qaban doono dhibaatooyinka suxufiyiinta iyo dadka rayidka loo geesto.

Bekele ayaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu ka dhabeeyaa waxyaabihii uu horrey u ballan qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairob

Maxaad ka taqaan xanuunka la yiraah Jirrada 5-aad (Erythema Infectiosum)

Muxuu yahay jirrada shanaad?

Jirrada shanaad waa jirro sahlan oo uu keeno fayras loo yaqaan ‘human parvovirus B19’. Safka jirrada shanaad waxay badi ka dilaacdaa xaanada ilmaha iyo dugsiyada.

Waa maxay calaamadaha xanuunka jirrada shanaad?

Ilmaha bukaa badi wuxu yeeshaa dhabano guduudan (“xabuubka dhaban-dhirbaaxan”) maalmaha hore, waxa dabeed yimaada finan gaduuda gacmaha, lugaha iyo dhabarka. Si aan badnayn, ilmuhu wuxu yeelan karaa finan cuncun leh (sharaabaadka iyo galoofyada. Xabuubku wuxu badi ku raystaa 7 ilaa 10 maalmood, laakiin wuu iman karaa oo tegi karaa ayaamo ama xataa bilo.
Calaamadaha hargabka ama qandho ayaa laga yaabaa in la arko kahor xabuubka. Dadka waaeyn ee qaba jirrada shanaad waxa isku arki karaan xubna xanuun iyo xabuub. Caruurta qaar iyo dadka waaeyn ee qaba jirrada shanaad ma yeeshaan calaamooyin.

Intee ayey gaadhsiisan tahay ba’naanta xanuunka jirrada shanaad?

Jirrada shanaad waa sahlan tahay iyaadana iska tagta. Dadka ay daciiftay nidaamkooda iska caabinta jirrooyinku ama qaba xanuunada dhiiga ama dhaxlay jirrooyinka dhiiga, hase ahaatee, jirrada shanaad waxay noqon kartaa halis oo waa in lala tashado takhtar. Jirrada shanaad waxay ku keeni kartaa dhib uur-ku-jirta muddada uurka. ka uurka leh ee la kulma jirrada shanaad waa inay arkaan takhtarkooda.

Siduu qofku u qaadi karaa xanuunka jirrada shanaad?

Fayraska keena jirrada shanaad waxa laga arkaa dheecaanada neefsiga (duufka sanka, afka iyo dhuunta). Fayrasku wuxu ku faafaa markuu qof taabto dheecaan qof qaba.

Intee in le’eg ayey ku qaadataa inuu qofku qaado jirrada shanaad kadib marka uu qofka la kulmo?

Badi wuxu qaataa 4 ilaa 14 maalmood min wakhtiga qaba ay calaamooyin ka muuqanayaa.

Goorma ayaa qofka qaba jirrada shanaad uu cid qaadsiin karaa?

dadka qaba jirrada shanaad waa faafin karaan kahor intaanay ka soo yaacin xabuubku. Kuwa leh finanka lagama qaadi karo.

Sideen u gargaari karaa kahortaga faafitaanka xanuunka jirrada shanaad?

• Gacmaha si fiican u dhaq oo ku dhaq saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib markaad sanka iska nadiifiso ama afka.
• Dabool hindhisada iyo qufaca oo ku rid xaashida xashiishka.
• Nadiifi, dhaqdhaq, oo jeermiska ka-dil alaabta caruurtu ku ciyaarto ee xanaanada ilmaha kadib taabashada candhuuf.
• Iska-jir wadaaga cuntada, cabbitaanka iyo alaabta qof ahaaneed ee afku taaban karo sida qalabka cuntada lagu cuno, cadayga ama tuwaalada.
• Ilmahaaga ku hay guriga markuu qandho qabo.

Maxay tahay daawada xanuunka gacanta, cagta iyo afka? (Hand, foot and mouth disease)

Sida badan, raysashada calaamooyinka (oo ah, raysashada qandhada, xanuunka iyo cuncunka) ayuun baa ha daawada keliya ee looga baahan yahay jirrada shanaad.

Haddii ilmahaygu qaado xanuunka gacanta, cagta iyo afka, inuu ka joogo miyaa iskuulka?

Maya, maadaama aanu lahayn calaamada kale oo u baahan ka saaris.

W/D:  Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed