26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ma tahay Qof rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa Muxammed (NNKH)?

Keligey ayaan ahaa, waxaan kujiray qol gaara, waxaan damcay inaan sameeyo xumaan. Aniga xumaan uma arkaya waxaas. Waxaan damcay inaan netka furo, heeso aan dhagaysta, sawirra xun xun aan daawado, aan dad caayo, anigoo waxyaabahaas oo dhan jecel inaan waqtiga ku dilo. Markii aan isu soo diyaariyey howlahaas inaan gudo galo, yaa waxaan is weydiiyey anigoonan jecleen inaan isweydiiyo su’aalo dhowr ah.

Yaan ahay anigu? Muslim sowma ahi?

Maxaan ku ahay Muslim? Sowma rumeysni nebi Muxammad (NNKH)?

Haddiiba aan rumeysnahay nebinnimadiisa markaas xaqiiqdii waxaan rumeysanahay jirintaanka Ilaahay.

Ma jecli doqonnimada, laakiin wixii uu igu yiri shaqsigii aan rumeysnaa, iyo wixii uu iga reebey iyo wixii uu i amray haddii aanan ka reebtoomin, oo aanan falin, markaas sow doqon u bareeray ma noqonaya ciqaabta arrinkaas?

Waxaan isweydiiyey yaa ciqaabtaasi fulinaya?

Wuxuu shaqsiga aan nebinnimada u rumeyey (NNKH), ii sheegey in uu Ilaahay fulinaya.

Haddaba warkaasi waa run xaqiiq ah.

Tusaale ayaan soo qaatay.

Haddii uu boqorka magaalladeyda uu nin iisoo dira oo uu igu yiraahda waxaas iyo waxaas haddaad samayso waalagu ciqaabi dab ayaana lagugu gubi, dabeetana uu iisoo dira rag iga ilaaliya waxa la iga reebey oo haddii aan falo u sheega boqorka. Markaas digtooni ayaan samayn lahaa si dhab. Markaas ma dhagaysan lahayn heesta haddii uu boqorka iga reebey anigoo ka cabsanaya ciqaabtiisa dabka, markaas ma beenin lahayn warka ninka uu iisoo direy, markaas ma daawan lahayn sawirro xun xun haddii uu iga reebi lahaa, markaas markaas, markaas, markaasi ma samayeen wax walboo uu iga reebey. Waana fulin lahaa wax walboo uu i amray.

Ninka aan sidaasi uga baqaya ee boqorka ah, ciqaabta ugu weyn ee uu i marsiin kara haddii aan amarkiisa khilaafo waxay tahay inuu halmar i gubo oo aan sidaas kudhinto.

Ka warrama Allaha weyniga badan ee keliga ah ciqaabtiisa, haddii aan caasiya nebigiisa iyo isaga. Haddii aan falo wuxuu iga reebey asagoo ii jeedo. Waa ciqaab naar olal badan oo 70 000 darajo ka xanuun badan dabka adduunka, waana mid aanan halmar ku dhimanayn ee aan weligey ku jiraya.

Haddii aan waxaas oo idil aan iska indha tira oo aan xumaantaasi ku dhiirada.

Wallaahi doqon baan ahay, mana rumeysni ciqaabta Alle, iyo jiritaankiisa, iyo Rasuullimada nebigiisa.

Haah!! maxaa yeeley haddii aan sidaas sameeyo, waxay ila tahay dhalanteed warkan la sheegaya, waxaana iga dhaadhacsan in lagu iman doono nooc riyo riyo ah oo aan xaqiiq ahayn.

Oo ma intii aan arkay dalaa’il iyo xujooyin cad cad oo agta Rabbigey ka yimid ayaan sidaas sameeynayaa? Ma waxaan dafiri karaa abuurkii hore, ee Ilaahay iyo in nolasha adduunyada ay iyadu tahay midda riyo riyada ah tan xaqiiqadana aan geli doonna marka aan tan adduunka ka toosno oo aan dhimanno?

Waxaan damcay inaan waxaas oo idil dafira oo aan laad ku maro, anigoo is illawsiinaya, kana qoomameynaya sababtii aan isu weydiiyey su’aalahaasi.

Waxaan durba soo xasuustay hadal laabta ii qaboojiyey oo aan kala soo dhex baxay kitaabka aan qaadan waayay wuxuu iga reebaya, kaasoo ah ”Alle waa qafuuru raxiim”.

Aad baan u farxay.

Haa Alle waa qafuuru Raxiim, naxariis badan, wuuna ii dembi dhaafi doonaa ayaan iska dhaadhiciyey.

Ku qabso ku qadi meysid ayay sheekadii ii noqotay. Laakiin xaal wuxuu is baddalay markaan soo xasuustay inay daran tahay ciqaabtiisa (Shaddiidul Ciqaab).

Labo dariiq ayaa ii furmatay oo ah

In aan waxa kan xumaanta aan sameeyo, oo aan noqdo qof aanan yaqiinsaneen yaqiin dhab ah iyo xaqiiq in la isasasoo saaraya, oo la is xisaabinaya (laakiin afka ka yiraahda soo saariddu waan rumeysanahay iyo ciqaabtuba).

Ama in aan waxan ka reebtooba, oo aan noqdo qof yaqiinsan yaqiin dhab ah, kana cabsada carada Alle.

Markaasaan xasuustay weynida Alle, oo waxiday, oo aan ku xamdiyey, oo aan weyneeyey. Allaahu akbar.

Walaalkay Muslimka ahaw, walaashey Muslimadda ahay, is weydii xumaan marka aad samayneyso, ma ogtahay inaad dafireysa jiritaanka Rabbi, ma ogtahay inaad dafireysa rumeynta nebi Muxammad (NNKH), ma ogtahay inaad dafireysa isasoo saarka Qiyaamaha iyo Janno iyo naar.

Nebigu (NNKH), wuxuu yiri ”Qof Muslima ma sinneysto”. Macnaha iimaankii (rumeyntii xaqa Qiyaamaha, isasoo saarka, naar iyo Janno) ayaa laabtiisa laga saaraa, markaasuu xumaanta ku dhacaa. Wal ciyaadu billaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

Duleedka Gelinsoor oo lagu dagaalay

Caasimada Online ayaa warar dheeraad ah ka heshay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Gelinsoor ee gobolka Mudug ,kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega deegaanada gobolka Mudug iyo ximan iyo xeeb,waxaana la sheegayaa inaan la ogeyn waxyaabaha keenay dagaalka ka dhacay xalay duleedka degmada Gelinsoor.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayay isku adeegsadeen labada dhinac,dhawaqa rasaasta waan ka seexan weynay”Sidaa waxaa caasimada Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka degmada Gelinsoor.

Sida wararka aan ku helayno lix ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka oo xilli habeen ah dhacay,waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan  oo isugu jira dadka dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa degmada Gelinsoor u jira qiyaasti 40 Km dhanka waqooyi Galbeed,waxaana la sheegayaa in beelaha dagaalamay marar badan ay ku dagaalameen halkaasi.

Daawo Sawirrada: R/W Saacid oo soo bandhigay ajaanib lasoo furtay

Moqdisho, 12, jan, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku soo bandhigay sadex nin oo ay burcad badeed afduub u haysteen in ka badan labo sanadood, sadexda nin ayaa u dhashay dalka Siiriya waxaana la kala yiraahdaa Ridwaad Khaalid Daaha, Mu’ayid Hani Weliyow iyo Yahye Cali Cabsi.

Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo ka warbixinaya qaabka loo soo daayey iyo dareenkiisa ayaa yiri.

“Aad waxaan ugu faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyadooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuda bini’adamka ayaa xorriyadooda looga haystay muddo ka badan labo  sanadood, kadib markii la afduubtay iyagoo la socday markab la yiraahdo  Orna  oo ay wateen bishii Dec, 2010. Waa nasiib daro mana jirto wax sharaxaad ah oo laga bixin karo sidii ay u waayeen xoriyadooda, shacabka Soomaaliyeedna waa ka tacsiyeeynayaan in muddo intaas le’eg la haysto dad aan waxba galabsan. Waxaan halkaan uga soo jeedinayaa mahad naq balaaran maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay nala jooggaan qaar ka mid ah masuuliyiintooda oo xil iska saaray sidii   la haystayaashaan u dhashay dalka Siiriya ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda mana jiraan wax madax furasha ah oo laga bixiyey siidayntooda”

Dhankakale  Ra’iisul Wasaare “Saacid” ayaa sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin dowladooda cusub una garab taagayn yihiin.

“Tani waxay markhaati ka tahay sida ay ugu kalsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed  dowladda cusub  oo muddada gaaban jirtay, waxaana muuqata sida Burcad badeedku u qaateen baaqa dowaldda  oo ahaa in dadka ku howlan burcad badeednimada ay faraha kala baxaan. Sidoo kale dowaldu waxay balan qaadaysaa inta ay jooggaan muwaadiniintaan u dhashay dalka Siiriya  magaalada Muqdisho in ay dowladu bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsaha badana dowladdu ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii,  arinkaasna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka. Waana ka xunahay wixii gaaray mana ahayn go’aan dad Soomaaliyeed ay gareen ee waa arin ay ku dhaqaaqeen dhalinyaro caadaystay burcad badeednimo”

Sidoo kale Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo haystay afduubka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda, isagoona u mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay siidayntooda iyagoon  bixin wax madax furasho ah.

Arritaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burcad badeed gaaraysa 100 ay ka tanaasuleen falalkii xumaa ee ay gacanta kula jireen muddooyinkii u danbeeyey, isla markaana maalmo ka hor lasii daayey saddex nin oo u kala dhashay waddamada Siiriya iyo Sirilaanka, kadib markii ay isku howshay sii dayntooda dowladda Soomaaliya.

—-Dhamaad—-

Daawo Sawirrada

rw (1)rw (3)rw (4)rw (7)rw (8)rw (9)

Daawo Muuqaalkaan Yaabka Badan.

Muuqaalka Maanta Aqristoow waa Muuqaal La Yaab leh oo aan u arkay mid marka aad aragtaan aad la yaabeeysaan  kaas oo ah Aroos Xabado loo ridaya hadane Xabadahaasi halis qatar ah oo sababi karto dhimasho.

Hadaba Aqristoow Daawo ma dabaal dagmaa sidaan mise waa cawaanimo waan la yaabnee nala arag adinkana Aqristayaasheena Qiima Badan.

HALKAAN HOOSE RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA:

XOG: Fowsiya oo Baarlamanka looga yeerayo si looga xaqiijiyo midnimada

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, ayaa su’aalihii ay ka war wareegtay markii ay warbaahinta wareysi siisay, waxaa lagu hor weydiin doonaa Baarlamanka Somalia, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horey magaalada Hargeysa uga sheegtay inay u dhiman doonto gooni isu taagga Somaliland, ayaan ilaa iyo hadda si cad u qeexin, haddii mowqifkaas ay ka laabatay iyo in kale.

Fowsiya ayaa sidoo kale carro xoogan ku abuurtay Somalia markii wareysi ay bixisay ku tiri “Somalia waa dalkeyga, Somaliland-na, waa dalkeyga”, ayada oo markaas Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Somalia ku qeexeysa dal madax banaan.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia ay wadaan qorshe Fowsiya lagu horkeenayo baarlamanka, si ay u caddeyso waxa ay ula jeeday faalloyinkaasi.

“Somalia ma ahan laba dal, oo waa hal, Somaliland-na waa qeyb ka mid ah Somalia, sidaa darteedn ayaynu ka dooneyno inay si cad u qeexdo hadalkeeda” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada wada qorshaha Fowsiya lagu hor geynayo Baarlamanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, sababo la xiriira qorshaha oo weli qabyo ah.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro tuhun xoogan oo ku aadan Fowsiya, isdaa darteedna la doonayo in wax kasta la kala caddeeyo, oo arrintan ay meel u dhacdo.

Sida xildhibaanka inoo sheegay waxaa Fowsiya looga wici doonaa Baarlamanka, marka ay kasoo laabtaan fasaxooda kadib markii uu xirmay kalfadhigoodii ugu horeeyay, ayada oo tirada xildhibaanada aadka ugu carreysan Fowsiya ee wada tallaabadan ay gaarayaan illaa 45.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa marka ay warbaahinta la hadleysa waxa ay isku daydaa inay farxad geliso labada dhinac ee Somalia iyo maamulka Somaliland, ayada oo diidan inay midnimada Somalia ka dhigto muqaddas.

Waxa ay sidoo kale nasiib u yeelaty oo wareystay weriyayaal aan sidii la doonayay u weydiin s’aalaha si hadaladeeda ay u kala saarto.

Daawo Video: Ilmahaaga yar ma hor dhigi lahayd Libaax raba inuu cuno?

Mararka qaar fara ka cayaarka, waxa uu gaaraa meel aan loo baahneyn. Qoysas Mareykan ah ayaa ilmahooda yar yar hor dhigaya Libaax, ayaga oo ay cayaar ka tahay, balse waxaa ka xiga Muraayad. Video-ga waxaad ka arki doontaa Libaaxii oo u bax baxsanaya ilmihii yaraa inuu cuno, balse ka waran haddii muraayadda jabto oo uu kasoo dhex baxo, illeen wax kasta waa suurta gal’e. Bal nala daawo video-gan adaa yaabi doonee.

Wariye Cabdi Casiis koronto oo wali la baadi goobayo, kadib markii…..

Waxaa walli baadi goob loogu jiraa halka lala aaday Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim “Koronto”, oo dhawaan ay xerteen ciidamada booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaanan la  ogeyn halka ay la aadeen ciidamada booliska ,wallow la sheegay inay ku warejiyeen ciidamada hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Wariyaal ka tirsan Radio Dalsan oo la hadlay Caasimada Online xafiiska Muqdisho ayaa sheegay in ilaa iyo iminka wax hadal ah aysan ka heynin wariyaha iyo hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilaa iyo hadda lama hayo sababta keentay xariga wariye Koronto oo ciidamada booliska ay xereen islamarkaana ku wareejiyeen hayada nabad sugida qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warbixin dhawaan uu baahiyay Tv-ga Aljazeera ee xaruntiisa tahay dalka Qatar,taasi oo ku aadaneyd kufsiga lagu hayo haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha ee kuyaala magaalada Muqdisho.

R/W Saacid oo soo bandhigay wax qabadka xukuumaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa, isaga oo faah faahin dheer ka bixiyay waxqabadka Xukuumada ee mudada 55-ta maalmood ah ee ay jirtay, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.

“Maanta waa maalintii 55-aad ee Xukuumadda Isbedel-doonka ah ee Soomaaliya ka dhalatay, Baarlamaankuna ansixiyay November 16, 2012,  Xubnaheeda iyo Barnaamijkeeda Waxqabadka”.

“Maanta waxa aan mareynaa kala bar 100-kii maalmood ee ugu horeysay ee Xukuumaddan, Waxaanan doonayaa inaan caddeeyo himilada Xukuumaddeena ee Isbedel-doonka ah.

Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku darey: “Marka hore, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in aan ka hortagnay wixii dawladihii hore curyaamin jiray. Waxaa jiri jirtay in khilaafaadyo soo dhexgalaan hay’addaha ugu sareeya  Dowladda Sida, Madaxtooyada, Xukuumada iyo Baarlamaanka, wax ka sokeeya Wadajir waxba kuma suurtagali karaan, sidaasi owgeed, waxaan xoogga saarnay midnimada iyo wada shaqeynta saddexdan hay’addood, waxaana u shaqeynaa sida ugu wanaagsan uguna quruxda badan si ay u hirgalaan howlihii Dayacmay ee Dowladda”.

Waxqabadka iyo Dhaqanka Xukuumada:

Soo celinta Dawladnimada waxaa saldhig u ah u adeegga Shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed Xukuumaddeydu waxay xoogga saartay 100-ka maalmood ee ugu horreeya in ay muujiso in ay shacabka u adeegeyso. Sidaa awgeed, waxaan goostay in aanaan ka bixin dalka gudihiisa mudaddaasi. Waxa aan doonaynnaa in marka hore aan kasbanno kalsoobnida dadweynaha oo aan ku dadaalno waxqabadka iyo baahinta adeegga Dawladda annagoo ku tashanaynna awoodeenna. Marka aad taas muujiso ayuu imaan doontaa taageerada kale ee caalamkuna.

Xiriirka Caalamka iyo dalalka Deriska:

Xiriirka aynu la leenahay Caalamka iyo Dalalka Deriska ah ma jiro maanta maalin uu ka wanaagsan yahay. Maalin kasta wey noo yimaadaaan, waanan u tagnaa waxaanan u wada shaqeynaa si aad u dhow. “Waxa arrintaas tusaale u ah booqashooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey dalalkii uu tagay oo dhan. Haatana uu ku tegi doono dalka Mareykanka oo uu casuumaad rasmi ah ka helay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid.

Dhanka Ammaanka:

Markii uu ka hadlayey sugidda Ammaanka gudaha waxa uu Ra’iisal Wasaare Saacid yiri: “Ammaanka Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Ra’iisal Wasaaraha oo lagu qaado gaadiid Gaashaaman ma ahan amniga, balse sugidda Amniga ee Muhiimadda inoo leh waa midka dadweynaha” auu sheegay Ra’iisal wasaare Saacid waxana uu ku darey: “Isbaarooyinkii ka badnaa 60-ka, maanta hal kama yaallo, waana siyaasadda sugidda amniga dadweynaha iyo xasiloonida il gaar ah ayaan ku heyneynaa, intii yareyd ee aanu jirnayna in ka badan 7 Milyan oo Dollar ayaannu u qorsheynay inaannu ku sugno ammaanka dadweynaha, adinka oo ka war qaba tabarta Dowladda, runtiina wey ku yartahay, sababtoo ah ammaanka dadka waa muhiimadeena koowaad”.

Argagixisada iyo Kooxaha Nabad-diidka ah:

Ra’iisl Wasaare Saacid waxa uu yiri: “wey naga go’antahay inaanu la dagaalanno Argagixisada hubeysan, waana baabi’ineynaa, waanan ka sifeyneynaa dalka si shacabkeennu uga ammaan helo, Caalamkuna uga ammaan helo. Bal eega inta fashil ku dhacday Argagixisada, qaraxyadii ay ka fulin jireen maalin kasta dalka waa la xakameeyey oo inta la fashiliyay ayaa ka badan inta ay fuliyaan”.

 

Burcad Badeedda:

“Bal eega Burcad badeedkii sida ay hoos ugu dhacday Afduubkoodii iyo dhibaateyntoodii. Taasina waxay ku timid dadaalka la geliyay, markii horena dhaqanka Soomaalida ka mid ma aheyn Burcad badeednimo iyo Jidgooyo” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in Burcadkii dadka qafaalan jiray ay marayaan inay dadka ay heystaan sii daayaan si bilaa shuruud ah.

“Miiskaan aan fadhiyo waxaan ku qaabilay saddex ruux oo Ajnabi ah oo muddo labo sano ka badan ay afduub u heysteen Burcadu, waxaana idiin cadeynayaa inaan khasab loo soo furan, waxay ku qanceen wadahadaladii dowladdu la sameysay iyada oo aan wax Laaluush ah ama madaxfurasho ah la siinin, waxaanuna sugeynaa inta kale ee harsan dhamaantood la sii daayo” ayuu mar kale yiri isagoo ugu hambalyeeyey maamulka Ximan iyo Xeeb dadaalkii ay u galeen inay Burcad badeeda ka dhaadhiciyaan inay ka tanaasulaan fikirkaasi khaldan.

Balanqaad:

“Waxaanu balan qaadaynaa inaanu kala shaqeyneyno sidii ay dhalinyaradaasi Burcad badeeda ah sidii ay noloshooda wax uga bedeli lahaayeen oo ay u horumarin lahaayeen noloshooda”.

Tacadiga Weriyeyaasha:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inay hoos u dhacday dilkii Weriyeyaasha lagu hayay intii ay xukuumadani jirtay, waxayna ku timid dadaalka Sugidda Amniga. Ma ogolin mana ogolaan doono in la dhibaateeyo u adeegayaasha saxaafada, waana ka difaaceynaa caddowga dilaya ee oranaya maxaad wax nooga sheegeysaan, waxaanse idinkula dar daarmayaa inaad qalinkiina iyo codkiina ku taageertaan Isbedelka, Nabadda iyo Dowladnimada.

Abaaraha:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii  iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waanu ka fikireynaa”.

War-xuma tashiilka:

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay taageeraan Isbedelka cusub, yaan lagu mashquulin fadhi ku dirir iyo awoodii hebelbaa lunsaday” ayuu yiri isagoo xusay in Dowladdu ay ku dhisantahay Dastuurka ayna xushmeynayaan madaxda oo dhan “Yaan lagu fikirin hebel iyo hebel inta isku dhacaan aan ku garab noqdo hebel, kadibna halkaasi shaqo ha kaaga soo baxdo, taasi waa la soo dhaafay dibna loogu noqon mayo Insha allah, War-xuma tashiilkana waa in la iska daayaa”.

Gobolada iyo Maamulada dalka:

“Dhanka Jubba-land beryahaan dambe waxaa ka jira xasarado, xukuumadana siyaasada ay ku wajaheyso wey cadahay, wax la qarinayana ma ahan. Waxaana ka rabnaa in qeybaha qolyaha Nabad diidka ah ay ku harsan yihiin laga saaro, markaasi kadibna dadka degan dhulkaasi ay sameystaan Maamuladooda, balse waa in Dowladdu hogaaminta dhismaha maamulka ay yeelataa, waana in la waafajiyaa Dastuurka qodobadaasi ayaana saldhig u ah dhismaha maamulka Jubbooyinka” ayuu tilmaamay R.wasaare Saacid oo xusay in arrintaasi ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan degaanadaasi, dalalka deriska ah iyo caalamkana ku taageersan yihiin.

Maamulka Galmudug:

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadiisa maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo dhow inuu kala dhaxeeya, isagoo u hambalyeeyey hogaanka maamulkaasi, isagoo u rajeeyey horumar.

Maamulka Puntland:

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda maamulka Puntland wuxuuna u diray hambalyo sida ay u xaliyeen arrimahooda gaarka ah, maadaama ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka jireen xaaladdu adag, isagoo u rajeeyey inuu alle u siyaadiyo horumarkaasi.

Maamulka Somaliland:

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu kaga hadlay shirkiisan jiraa’id Maamulka Somaliland iyo Wadahaladii u socday Dowladda iyo madaxda maamulka Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay inay dhowaantan bilaaban doonaan wadahadaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in Wadahadaladani ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay inay wax lagu taamo tahay Midnimada ummadda iyo wadajirkeedu.

Oday 80 jir oo Caalamka ka Yaabsaday Kadib 6 Sano uu dul taagnaa Qabriga Xaaskiisa oo dhimatay. “VIDEO”

Oday 8o jir oo Caalamka ka yaabsada kadib 6 sano oo uu dul taagnaa Qabriga Xaaskiisa asagoo ka sheekeeynaya sababaha keenay in uu qabriga xaaskiisa dul taagnaado.

Hadaba Aqristoow horay ma u aragtay arintaan oo kale nala wadaag muuqaalkaan oo nala daawo aqristoow muuqaalkaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAAN:

 

Xafiiska Ra’isul Wasaare Saacid oo Maanta War Culus ka soo baxay.

Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood. 

Muqdisho, 11, jan, 2013…..Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

 Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. 

Markuu arkay:            In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

                                               qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood, 

Markuu arkay:            Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

                                             loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood; 

Markuu tix-geliyey:   Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay:     Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo: 

a)  Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b)  Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaaWasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c)  Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaaWasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

Shaqo Wacan

Kenya ayaa Welwel kii ugu weynaa ka Muujisey Dadka Soomaaliyeed ee Dib ugu laabanaya Dalkooda

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka Bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxaa Dalka Kenya ka Bilowdey Qaraxyo , Dilal , Dagaalo hase yeeshee gelitaankaasi waxaa uu keenay in Ciidamada Kenya ay si toos ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed oo markii hore halkaa u tagey in ay ka helaan Nabadgelyo

Dhibaatadaas waxay saameeyeen Dadka Soomaaliyeed kii ka soo jeedey “Gobolka Waqooyi bari” iyo kii ka tagey dalka Soomaaliya waxaana dadka Soomaaliyeed lagula kacay Dil, Xarig Hanjabaad iyo Boob iyadoo si gaar ah loo Bartilmaameedsadey qof kasta oo Soomaali ah meeshuu doono ha ka yimaado , waxaana Xabsiyada dalkaas ka buuxa dad fara badan oo Soomaali ah iyadoo Dawlada Kenya arritaan uga timid Dhaleeceeyn aad u weyn.

Dadka soomaaliyeed ee ku noolaa Mudada dheer Wadankaasi kuna ganacsanayey Hanti aad u balarana ku yeeshey ayaa Bilaabey in ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya waxaa dadkaasi dalka Kenya uga baxayaan Diyaarado iyo Gaadiidka dhinaca Dhulka ah , waxaana Gobolada Soomaaliyeed maalin weliba ku sii qul qulaya dad fara badan oo ka yimid Wadankaasi qaarkood waxay soo Xaraasheen Hantidii ay ku lahaayeen ha noqoto Guryihii dhaadheeraa ee ay halkaasi ka dhisteen sidoo kale waxay Xaraasheen Hantidii kale ee ay ka mid ahaayeen Gawaari iyo Badeecooyinka kale .

“Markii horeba dhib baan ku qabney Ciidamada Kenya marka waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ee weli ku Harsan Wadankaasi oraahdaan “Nin Gurigaadii kuugu dilaya kiisa kuuma Dhaafayo” ee inta ay goori goor tahay wadankaasi isaga soo baxa meel idiin ka wanaagsan ma jirto Wadankaada “ayuu yiri Ismaacil Xasan oo aan kula kulaney mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

“Weligeen dadka Soomaaliyeed Madaxfurasho ayaa loogu haystey Wadanka Kenya Madaxfurashadii baa sii balaaratey oo ku darsantey Dil iyo Boob marka waxaa dadka Soomaaliyeed aan kuula talinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo guuraan Dalkaasi oo wadankooda Maalgashadaan “ayey tiri Xaawo Cali oo markii ay ka soo degeysey Garoonka wadatey dhowr Caruur ah iyadoo sii raacisey “Waa Ilaah Mahadii haddi aan dib ugu soo laabtey Wadankeygii .

Qulquka dadka Soomaaliyeed ee Wadanka Kenya waxaa la sheegey in uu dhabar jab ku noqdey Dowlada Kenya waxaana la xaqiijiyey in dhaqaalihii ka soo geli jirey Dowlada Kenya Ganacsiga dadka Soomaaliyeed uu hoos u dhacay, sidoo kale waxaa ugu darsamey markii iyana uu hoos u dhacay Dhaqaalihii ka soo Xaroon jirey dadka Dalxiiska ah waxaana dadka Saadaaliya Dhaqaalaha Kenya waxay sheegeen in Kenya uu ku soo fooleeyahay Qalalaase Dhinaca Dhaqaalaha ah kii ugu weynaa waxaana Durba dalkaasi ka bilowdey in Bankiyada lagala baxo Lacagaha, sidoo kale Dhaqaalihii ay ka heli jirtay Dowlada Kenya Xeryaha Qaxootiga ee dadka Soomaaliyeed ku lahaayeen Wadankaasi oo isagana meesha ka sii baxaya, hadaba la arki doono waxa uu ku damabeeyo wadanka Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]