Manchester United iyo Arsenal ayaa dagaal ugu jira soo xero gelinta xidiga kooxda PSV Eindhoven ee lagu qiimeeyo 17 milyan ee ginni Kevin Strootman, sida uu qoray wargeyska The Sun.
22-jirkaan qadka dhexe ee reer Holland ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah da’yarta qadka dhexe ugu wanaagsan ee kubada cagta dalka Netherlands wuxuuna si aad ah banaanka ugu soo baxay labadii sano ee u dambeysay.
Xidigaan ayaan wax qarsoodi ah ka dhigin dareenkiisa ku aadan inuu ka ciyaaro Horyaal ka xamaasad sareeya midka dalkiisa.
Rajadiisa ayaana ah inuu bisha soo aadan marka uu suuqu furmo uu ku biiro koox sare. AC Milan, Liverpool iyo Tottenham ayaa sidoo kale xidigaan isha ku haaya, laakiin United iyo Arsenal ayaa hugaaminaya loolanka saxiixiisa.
Wakiilka United u indha-indheeya Yurub Martin Ferguson iyo dhigiisa Arsenal Steve Rowley ayaa labadoodu xidigaan soo daawaday waxaana lagu niinasaa ‘Mark van Bommel-ka cusub’.
Ilo sare oo ka tirsan kooxda PSV ayaa daaha ka qaaday: “Ma ahan wax qarsoodi ah inuu Janaayo kooxda ka tegi doono. Su’aashu keliya waa halkee ayuu ku jeedaa?
“Waxay u egtahay inuu u socda midkood Manchester United ama Arsenal, labadooda ayaa aad isha ugu haaya.”
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Chelsea ayaa si kedis ah ugu biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, sida uu qorayo wargeyska The Sun.
Tabanaraha kooxda Blues Rafa Benitez ayaa kalsooni ku qaba inuu helo xidigaan lagu qiimeeyo 15 milyan ee ginni, wuxuuna doonayaa inuu ninka garabka ka ciyaara keeno kooxda ay xafiiltmaan kooxdiisa haatan ee Gunners.
Liverpool ayaa xidigaan muddo dheer ku raad joogtay halka ay labada koox ee gobolka Manchester si aad ah isha ugu hayeen.
Laakiin Chelsea ayaa u dirtay sarkaal soo indha-indheeya Walcott, waxayna doonayaan inay inta badan u isticmaalaan weerarka dhexe, halkaas oo ah meesha oo jecelyahay inuu ka ciyaaro xidiga heerka caalami ee dalka England.
Tababaraha KMG ah ee Chelsea Benitez ayaa bisha soo aadan lacago cadaan ah u isticmaali doona suuqa kala iibsiga.
Wuxuuna Walcott ku qiimeeyaa xidig aad u sareeya kasoo uu doonayo inuu weerarka ku taageero Fernando Torres.
Weeraryahanka, ayaa diiday inuu kooxdiisa Gunners qandaraaska u cusbooneysiiyo uuna isbuucii ka qaato 80 kun oo ginni, wuxuuna kooxda ka tegi xagaaga soo aadan marka uu qandaraaskiisu dhamaado.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Frank Lampard ayaa ka cabsi qaba inuu xilli ciyaareedkaani yahay kiisii ugu dambeeyey ee uu xirto maaliyada Chelsea, wuxuuna xidigaani ku jiraa qandarakaasii ugu dambeyey keliya lix bilood ayaana ka harsan.
Lampard ayaa doonaya inuu sii dheereeyo 12kii sano ee uu joogay Stamford Bridge, laakiin ulama muuqato inay sidaas wax u dhacayaan, iyadoo uu bisha soo aadan la wada xaajoon karo koox ajnabi ah.
Waxaa lala xiriirinaayey Los Angeles Galaxy, Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo ka dhisan Ruushka iyo Shiinaha laakiin wuxuu kaloo sheegay inuu door bidi karo inuu sii joogo Barclays Premier League.
“Ma noqon karto sanadkeygii iigu dambeeyey abid EPL,” ayuu yiri Lampard oo Chelsea kaga soo biiray West Ham 11 milyan oo ginni 2001. “Waxay iila muuqataa inay tahay xilli ciyaareedkeygii iigu dambeeyey, waxaan ahay qof weyn oo garan kara sida ay wax u dhacayaan.”
Markii wax laga weydiiyey wadahadal ku saabsan qandaraaskiisa, wuxuu ku daray: “Ma jiraan wax la qorsheeyey inta aan ogahay. Ma jiraan wadahadalo socda oo ku saabsan in qandaraaska la ii dheereeyo. Wax walba kooxda ayey ka go’aan. Waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah. Sida cad waqti aad u fiican ayaan halkaan kusoo qaatay.”
Markii uu Lampard kursiga keydka kasoo kacay kulankii shalay ay kooxdiisu guusha ka gaartay Monterrey ayaa waxaa sacab iyo sawaxan is qabsaday garoonka, maadaama aad xidigaan looga jecelyahay kooxda.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa isku diyaarinaya inuu Radamel Falcao ka dhigo xidiga ugu mushaarka badan kooxdiisa Chelsea, wuxuuna weeraryahankaan jeebka ugu shubi doonaa 10 milyan oo ginni sanad walba, hadii uu yimaado Stamford Bridge.
Weeraryahanka qaranka Colombia, ayaa ah ninka koowaad ee suuqa kala iibsiga diirada ugu saaran Chelsea, Bilyuuneerka Ruushka u dhashay ayaana doonaya inuu weeraryahanka Koonfur America ka dhigo weeraryahan kale oo magac leh ee uu keeno Galbeedka London.
Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Sportsmail ayaa ogaaday inay Blues 26-jirkaan ku dalban doonto heshiis ah inuu 200 kun oo ginni isbuucii ka qaato kooxda, si ay uga soo afduubtaan kooxaha doonaya.
Weeraryahanka haatan kooxda ku sugan Fernando Torres, ayaa ah ninka kooxda ugu mushaarka badan wuxuuna isbuucii ka qaataa 175 kun oo ginni.
Dhanka kale, xidiga 16-jirka ah ee Chelsea Connor Hunte oo ay horay u dooneysay Man United ayaa ku dhow inuu kooxdiisa Blues heshiis cusub oo waqti dheer ah la galo.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Ciidamada Kenya ee magaca Amisom ku jooga magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay xabsi dhigeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia
Xiisad weyn ayaa saakay ka taagan Kismaayo taas oo keentay xariga Sarkaalka iyo ciidamada la xiriray.
Wararka ka Imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xarigoodo uu yimid markii ay godood sameeyeen oo ay rabeen in xaafado ka tirsan Kismaayo ay la wareegaan.
Tan iyo markii talada lagala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed, dadka Soomaalida ah oo aad ugu mashquuli jiray arrimaha siyaasadda ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen waqtiyadii dambe. Waxaa haawanaya meelihii fadhi ku dirirada, waxaa yaraaday kaftanadii la isku tuur-tuuri jiray, faankii iyo anay taladu iga go’daa dhagaheygu ma maqal. Su’aasha keliya ee la is-weydiinayo ayaa ah qoladii fadhiidka aheyd ka warrama?
Kama wado in Sh Shariif dadku jeclaayeen, laakiin tallaabo walba oo uu qaado shariifku sheekay dhalineysay!. Mid amaana, mid ka hor-yimaada iyo mid caaya ayay dadku u qeybsanaayeen. Waxaan markaa is-weydiiyay waxa dadkani ka heli jireen waqtigii shariifka ee ay hadda waayeen.
Maskaxdeyda ayaan isla markiiba dib uga shaqeesiiyay, waxaana ii soo baxay waxyaabo badan oo qaar ka mid ah aan halkan ku soo tixi doono, dabadeed waxaan u garaabay dadkii sheekooyinka Shariif-ka sida tooska ah ugu taxnaa …waxaana kamid ahaa…..
Sh Shariif markii uu xukunka la wareegayay ka sokoow xubnihii tirada badnaa ee uu golaha baarlamaanka ku soo darsaday, waxaa barbar socotay oo iyadana xiisaheeda laheyd isaga oo koox ay awal isku jaal ahaayeen isku dhinacna xabbad u ridayeen uu dagaal kala hor yimid.
Waqtigaa qof weliba oo xaalka Soomaaliya la socday meel uu wax u qaado ayuu waayay, arrintaana waxay dhalisay sheekooyin xiiso badnaa oo aan la filayn in waqtiyadan nasoo mari doonaan, waana tan keentay in mar dambe Soomaalida qaar ka sameeyaan warbixin ay ugu magac dreen Sh Shariif Shalay & Maanta.
Shariif waxaa looga adkaaday doorashadii 10-ki september
Dooda 275-ta xildhibaan ee golaha baarlamaanka ee uu Sh Shariif la yimid ama laga siiyay kuraasta baarlamaanka waxay aheyd sheeko kale oo xiisaheeda wadatay loo qaadan waa ayayna aheyd waqtigaa, waxaan waqtiyadaa arki jiray dadka oo kacaa-fariista, wixii laga doodaba dadku markii dambe waa iska qanceen.
Magacaabistii golihii wasiirada Sh Shariif ayaa xigtay, sidoo kale shakhsiyaad kale oo Shaiifka la jaal ahaa ay wasiiro noqdeen, xabaddana dhinaca shariifka ka soo ridayay, xiisahii kooxaha islaamiyiinta ayaa cirka isku shareertay, illaa qaar badan oo kooxda Sh Shariif ka mid ah naftoodii ku waayeen magacyadii ay labaxeen ee wasiir hebel & wasiir hebel.
Xiisaha sheekooyinka Wasiiradii Sh Shariif intaa kuma ekeyn ee waxaa iyana xiiso gooni ah lahaa mid ka mid wasiiradiisa. Waa wasiir aan sheekadiisu sahlaneyn waqti badanna dadku hadal hayeen. Wasiirkan oo magacyo badan loogu bixiyay qaabka xirfadeysan ee uu u dhex mushaaxi jiray wasiiradii berigaa jiray isagoo hayay wasaaradda ugu muhiimsaneyd ee Maaliyadda. Waxaana xiisaha gaarka ah aheyd isagoo inta kooxahan isku maqnaayeen, dhaqaale faro badan ka dhex sameeyay.
Kaaga sii darane wuxuu markii loo soo jeestay in cuno-qabateyn lagu soo rogo, uu qaab xeeladeysan dusha uga yimid kuwii u tashaday. Iska daa in wax laga qaadee, waxay fursan weysay in wixii uu doono loo sameeyo sidii dhacday codsigiisii ahaa in raisal-wasaare Farmaajo la badalo. Inta howlahani oo dhan socdeen falanqeyntooda looma kala harin oo dadku waa mashquulsanaayeen.
Isku badalkii labada ra’isal-wasaare ee Sharmaarke & Farmaajo ama Farmaajo & Gaas waxay sidoo kale ahaayeen sheekooyin kale oo xiiso gooni ah lahaa, waxaana xiisaha u yeelayay qaabka qabaliga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto ee boos isku badalka loo yaqaanno. Fikradda ah “reer hebel hadday kugu xumaadaan ama kaa hor yimaado reer hebel ku badal” ayaa aad u socotay.
Dhismihii dowladdii Farmaajo & dhaqdhaqaaqii ay Muqdisho ka bilowday iyadoo warbaahintuna kaabeyso waxay lahaayeen xiiso kale, illaa laga soo gaaro qaabkii booska looga qaaday ra’isalwasaare Farmaajo, markaa oo sheekadu meel sare gaartay, fadhiyadana loo badsaday.
Si kasta oo xaal ahaa waxaa booskii Farmaajo soo buuxiyay Gaas oo dabkii markaa baxayay gaas ku sii shubay. Road-map, Kampalla Accord, Garowe Principles, London Conference, arrimihii dastuurka iyo odayadii guryahooda laga soo kaxeeyay waxay ahaayeen sheekooyin waaweyn oo xiiso lahaa waqti badanna fadhiyada lagu badsan jiray.
Xiisaha sheekooyinkii Sh Shariif waqtigiisa jiray qoraal kuma soo koobi karno, waxaa sidoo kale kamid ahaa safaradii dibedda ee aan kala joogsiga laheyn, safiiro badalkii, dhaqaalihii muranka dhaliyay, heshiiskii Badda iyo Dhulka ee muranka dhaliyay, iibsigii viso-oyinka, lunsashadii malaayiinta doolar, iska hor-imaadyadii isaga & Sharmaarke, isaga & C/weli, isaga iyo Faroole iyo kuwo kale oo badan.
Sheekooyinkaas, doodahaas & falanqeyntuba waa socdeen llaa ugu dambeyntii Sh Shariif shan farood & calaacal booska looga qaaday isaga & saaxiibkiisii ay jidka dheer isla soo mareen ee Shariif Xasan Sh Aadan. Inkastoo doorasho ku sheegeen in looga qaaday, haddana cid walba waa ka dharagsaneyd waxa meesha ka socday, taas oo qorshu ahaa sidii labadaa oday (waa shariif-yadee) meesha looga qaadi lahaa. Laakiin dadkii sidii la ogaa jiif & joogba u diiday taageeridda in mar ay arkaan Shariifyada oo siyaasadda ka maqan, waxaa la waayay meel ay jaan & cirib dhigeen waqtigan la joogo.
Waan ogahay oo farxad kuma maqna, arrimo kalena kuma mashquulsanee waxay u badan tahay in ay arkeen wax aysan fileyn. Qaar ka mid ah oo aan weydiiyay waxa loo waayay, wax jawaab ima siin. Waxaa hubaal ah in dadkii hadalka badnaa ay hadalkii yareeyeen, fadhiyadii badnaa lagu kala kacay, wax la iska wareysto la waayay, xitaa in dowlad Soomaaliyeed dhisan tahay shaki ayay kaa galinayaan. Qaar baan arkay iyagoo xisbiyada Somali-land tirinaya dushana ka akhrinaya, malaha wax u dhaama oo ay ka sheekeeyaan ayay waayeen.
Waxay filayeen in dowlad carcarteeda qabta meesha iman doonto,heshiisyo waaweyn geli doonta, dhaqaale badan sameyn doonta, dhaqdhaqaaq & wax-qabad la iman doonta, sheekadii xiisaha badneyd ee siyaasadda Soomaalida halkeedii uga sii socon doonto.
Niyad-jabkii ugu horreeyay waxay qaadeen markii madaxweynaha ku qaadatay 30 casho ku dhowaad in uu ra’isalwasaare ku magacaabo. Waxaa ugu sii biiray magacaabistii wasiirada oo intii oo kale qaadatay, nooca wasiirada ee la magacaabay iyo dowladdii oo ka dhammaan weysay arrimo hoose oo aan agaasime ka badneyn, sida dhuxusha Kismaayo taalla, burcad-badeedda Puntland & Somali-land ku xiran iwm. Caajiskii ugu weynaana wuxuu koray markii dowladdii dhammeyd ee la yiri RASMI baad tihiin meel ay wax u dhaqaajiso weyday.
Ma garanayo waxay yeeli doonaan markay maqlaan wasiiro ku-xigeeno 20 ah ayaa la soo wadaa ee ay wasiiradii kasareeyay 10-ka yihiin, ma qosli doonaan? Ma qeylin doonaan lama oga!. Waxayse u muuqataa in sidaas uu nalka uga sii dansanaan doono 4-ta sano ee soo socota, haddiiba dowladdani sii jirto. Inkatsoo qaarkood aan ka maqlayay iyagoo leh “kuwan (waa dowladdee) afar sano oo dambe lama sugi karo”, mase fahmin waxay ula jeedeen.
waxaanse ku soo gabaynayaa waa muuqataa in dowladdii Sh Shariif la tabay, laakiin la arki doone haddii xiisahaasi wax iska badalaan waqtiyada soo socda….
Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa soo saaray qeybo kale oo ka mid ah sawirradiisa taxanaha ee Isma Lahayn.
Amin ayaa sawirradaas uga hadlaya waxyaabihii lama filaanka ahaa ee aan marnaba la maleysaneyn ee ka dhacay dalka Somalia ama qabsaday Soomaalida joogto caalamka intiisa kale.
Haddaba shan arrin oo ka yaabiyay Amin iyo Sawirradiisa Isma lahayn nala arka.
Bonn (Caasimada Online) Sida uu qoray wargeyska Der Spiegel ee ka soo baxa dalka Germalka, waxa magaalada Bonn ee dalkaas lagu xiray labo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in doonayeen in ay qarxiyaan saldhigyo ciidan.
Labadan qof ayaa la soo qabtay markii laga helay boorsooyinkooda walxa qaraxa sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka Germalka.
Der Spiegel ayaa waxa uu lee yahay qofka koowaad ee laga shakiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Daahir, waxana laga soo xiray goob Internet Café ah, sidoo kale ninka kale ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Bashiir, kaasoo laga soo qabtay buundo ku taalla deegganka Rhine.
Raggan ayaa mid ka mid ah lagu helay Vidio muujinaya in uu qarxin rabay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Bonn.
Warkan markii uu soo baxay ayaa la sheegay in la xiray goobo badan oo ku yaalla magaalada Bonn.
Labadan nin ayaa la sheegay in si wayn loogu yaqaano waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana waxa la xiray sannadkii 2008-dii, kaddib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Cologne/Bonn airport, waxa ay rabeen markaas in ay u duulaan Amsterdam.
Saraakiisha ammaanka Germalka waxaba ay lee yihiin labadan qof ayaa doonayay in ay soo aadan dalka Uganda, si ay Soomaaliya ama Pakistan u soo aadaan isla markaana ay ku biiraan kooxaha xiriirka la leh ee Al Qaed.
Sannadkii 2003-dii ayaa magaalada Bonn , waxa laga dhisay Masjid iyo Iskuul ay maalgalinayaan kooxo Wahaabiyiin ah oo ka soo jeeda waddanka Saudi Arabia, laakin dowladda ayaa xirtay markii ay walidiin badan ay ka soo caroodeen.
Nairobi (Caasimada Online) Sida ay qortay wakaalada wararka AP, koox British oo ka mid ah ciidamada la dagaalama burcad-badeeda Soomaalida ayaa ugu baaqay shirkadaha iskaleh maraakiibta ganacsiga, in ay hubiyaan in lacag madax-furasho la siiyo burcad-badeeda Soomaalida.
Kooxdan ayaa ayaa ku talisay in la ogaado in ka badan 3,00 oo milyan oo dollar in madaxfurasho ahaan loo siiyay burcad-badeeda Soomaalida tan iyo sannadkii 2008-dii.
Waxa hoos u dhacay weerrarada burcad-badeeda Soomaalida, kaddib markii ciidamo badan oo hubeysan loo soo daabulay biyaha Soomaaliya sannadkii ugu dambeeyay.sidoo kale maraakiibta ganacsiga ayaa iyana sameestay illaalo gaar ah oo waardiyeeya.
Ra’iisal wasaaraha British-ka David Cameron ayaa sheegay taallada caalamiga in ay wax badan ka badashay weerrarada burcad-badeeda Soomaalida.
Wiilkaan cusub ee gabadhaan ku larmay nolasheeda waxaa la yiraa ‘Cismaan’ waa nin xoogaa tuulada u badan, labiskiisa u badan Macawisaha qurxoon ee markaas la daneynaayo ayaana hami ku dhaliyey Safiya laakiin bacaad cidlo ah ayey qoor sagaaryo ku heysaa oo waxaa sugaya Jaamac.
Gabadhii ayaa wiilkii tiri caawa ii imaad laakiin wiilku wuxuu dhib ka marayaa sidii uu ku heli lahaa markuu guriga tago, maba kala yaqaan jiif Rag iyo mid Dumaroo waayo arag kuma ahan Shukaansiga gabdhaha looga soo kiciyo gurigooda.
Safiyo hooyadeed Caabiyo ayaa jiifatay habeenkaas booskii gabadha, Safiyana waxay ka duruqday jiifka reerka habeenkaas maadaama ay ballan laheyd.
Cismaan wuxuu yimid gurigii wuxuuna kala fiirshay sida loo jiifo qofka banaanka reer xoogaa uga baxsan waa Safiyo laakiin isagu wuxuu u heystaa duqii reerka, inta u xaluushay duqii oo jiifa bedelkii gabadha ayuu garabka ka riixay wuxuuna ku yiri: “Soo bax waa Cismaane.”
Kama uusan waalin Oday Maxamed, wuxuuna ogaaday in gabadhiisu wiil kale la jaan xiratay, wuuna ka daba kacay, Cismaan markii uu arkay nin soo socda xaalka ayaa ku xumaaday wuxuu isku deyey inuu carar sameeyo, laakiin Maxamed ayaa ku yiri: “ha cararin, waxaan ahay Safiya aabaheed, gabadhaan wiil ayaa la siiyey, ogoow hadii aan maalin dambe akteeda kugu arko wixii kugu dhaca kuguma dhigine.”
Laakiin waxaas kama daadegayaan gabadhaan oo waxay ka taagan tahay: “Nin aan rabo ayaan raacayaa intii mid aanan rabin I roorsan lahaa.”
Akhristeyaal qeybtii sedaxaad ee sheekadii la magac baxday, Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday? halkaan ha inoo joogto.
Sida Caadiga ah Saaxiibada ku xiran Shabakada Caasimada.com waxaan marba idiin soo xulnaa Muuqaal aan is dhihi karno waad ka heleysaan kaas oo aan ka soo xigano Shabakadeena dhanka Muuqaalka ah ee Daawo24.com.
Hadaba Aqristoow Muuqaalka aan Maanta idiin soo xulnay waa muuqaal ka hadlaya Dhibaatada Qaadka uu ku hayo Soomaalida ku nool Qurbaha waana Shortfilm xiiso leh oo marka aa daawato aad qosleeysid.
Kulanka oo ah mid toddobaadle ah waxa shir guddoominaayay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon wax yaabaha looga hadlay waxa ka mid ahaa ammaanka iyo qabsashadii magaalada Jowhar ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Kulanka oo ay Saxaafadda Bannaanka ka joogtay ayaa aakhirkii waxa laga soo saaray qoddobada soo socda:-
Ugu horreyn waxa shirka warbixin ku aadan guullaha ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada iyo heshiiskii dhanka Gaashaandhigga ee Turkiga iyo Soomaaliya looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu labadaasi qodob Golaha Wasiirrada faah faahin ka siiyey.
Golaha Wasiirrada ayaa waxa ay markaasi kadib meel mariyeen oo ay ansixiyeen heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo heshiisyadaasina uu horey usoo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadana waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka maadaama ay Golaha Wasiirrada maanta meel mariyeen.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka hadleen in hantidii Qaranka lagasoo celiyo dadkii xilalka soo qabtay waxaana loo qabtay mudo ku eg inta ka harsan sanadka cusub ayadoo sidoo kalena ay Golaha Wasiirradu ka hadleen sidii loosoo celin lahaa hantida Dowladdii dhexe ee Dibadda taasi oo iyana loo saaray gudi uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay ka hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed taasi oo Golaha Wasiirradu ay isku raaceen in la qaado talaab walbo oo lagu hormarin karo waxbarashada Dalkeenna.
Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.
Afhayeenka baarlamaanka Jabuuti ayaa shaley sidoo kale la hadlay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu booqday maanta dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horreeyay ee uu afhayeenka baarlamaanka Jabuuti uu yimaado waxaana la mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Chelsea ayaa u gudubtay Finalka Koobka Kooxaha Aduunka ka dib markii ay 3-1 kaga talaabsatay kooxda Mexico ka dhisan Monterrey.
Goolasha Chelsea waxaa daqiiqadii 17-aad daaha ka rogay Juan Mata, wuxuuna shabaqa si habsami leh ugu hubsaday kubad uu ka helay Ashley Cole.
Chelsea ayaana wixii intaas ka dambeeyey caadeysatay inay weerar is daba joog ah ku qaado shabaqa Monterrey fursado badan ayeyna iska qasaariyeen.
Jesús Aldo De Nigris ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa kasoo taabto Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii uu karoos ka helay Sergio Pérez, laakiin wuu iska qasaariyey ka dib markii uu goolhayuhu cadaadis saaray, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.
Markii la isku soo laabtay ayaa Chelsea weeraro hajuun ah ku qaaday Monterrey, ciyaarta oo qeybtii labaad hal daqiiqo socoto ayaana waxaa shabaqa kasoo taabtay Fernando Torres oo dhaliyey kubad ay isku sareen daafacyada Kooxda Mexico.
Fernando Torres ayaana kasoo shaqeeyey laba daqiiqo ka dib gool ay iska dhaliyeen Monterrey Ka dib markii uu geeska bidix kubad farsameysan uga soo tuuray Mata oo isna is lahaa u dhiib Oscar balse Darvin Francisco Chávez oo is lahaa kubad difaac ayaa shabaqa kooxdiisa si aan kas aheyn ugu leexshay.
Jesús Aldo De Nigris ayaana kooxda Mexico goolka calanka u dhaliyey dhamaadkii ciyaarta. Balse waxba uma gelin maadaama goolal badan lagu lahaa.
Chelsea ayaa kama dambeysta Koobka Kooxaha Aduunka la ciyaari doonta kooxda Corinthians oo guul 1-0 ah kasoo gaartay Al-Ahly.
Goor dhaw waxaa lagu dhawaaqay wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dawlayaasha Xukuumada Somaliya ee Dr Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu hogaamiyo waxaana iminka soo baxaya hadal heyn dad xilalka loo magacaabay.
Xukuumada Somaliya ayaa sheegtay inay shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay ku doorteen markii la arkay siday uga soo bixi karaan howsha loo igmaday.
Xubnaha Wasiirada maanta la magacaabay waxaa ka dhex muuqda ilaa 3 haween ah kuwaasi oo iyagu xilal kala duwan loo magacaabay waxaana taasi ay qeyb ka noqoneysaa qoondadii haweenka ku yeelan lahaayeen Dawlada Cusub ee Somaliia
Juventus ayaa mushaar 90 kun oo ginni Isbuucii ah u balan qaadeysa Theo Walcott hadii uu kusoo biiro bisha Janaayo, sida uu qoray Talksport.
Arsenal ayaa ka cabsi qabta inay Walcott weyso bisha Janaayo ka dib markii uu diiday inuu qandaraas cusub kooxda la galo.
Maadaama uusan Arsene Wegner qiran inuu iibinaayo xidiga heerka caalami ee dalka England inta lagu jiro bisha Janaayo, waxaa loo qaatay dabeecadiisii hore, ka dib markii uu cadeeyey inuusan iibin doonin Cesc Fabregas iyo Samir Nasri xilli sidaan oo kale uu suuqu u furmaayey.
Labadaas ciyaaryahan ayaana ku kala biiray Barcelona iyo Manchester City iyagoo ka tegay Emirates, waxaa isna booskaas maray Robin Van Persie oo xagaagaan ku biiray Manchester United, Theo ayaana ah ciyaaryahan kale oo magac weyn oo qarka u saaran inuu ka tago Gunnres.
Markii uu diiday Walcott inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Manchester United ayaan qarsan damaceeda ku aadan xidigaan, laakiin Juve ayaa sidoo kale dooneysa.
Kooxda Serie A ayaa United u weysay Van Persie laakiin waxay diyaar u yihiin inay markooda kaga adkaadaan saxiixa Walcott, waxayna usoo bandhigeysaa heshiis uu Isbuucii kaga qaadanaayo 90 kun oo ginni, waxaana sidoo kale laga ciyaarsiinayaa booska gool dhaliyaha.
Walcott ayaa bisha soo aadan lagu iibsan karaa 8 milyan oo ginni wuxuuna ku jiraa waqtigiisii ugu dambeeyey ee Arsenal ka hor inta aysan kooxda si xor ah ku lumin.
Kooxda AC Milan ayaa heshiis ganacsi la gashay kooxda Shiinaha ka dhisan ee Guangzhou Evergrande, oo uu macalin u yahay Marcello Lippi.
Waxaa la ogyahay inuu Agaasimaha Guud ee Milan Adriano Galliani kulan la qaatay kooxda Isbuucaan intii lagu jiray booqashadooda Talyaaniga, laakiin heshiiska ayaa hada xaqiijiyey.
“Adriano Galliani ayaa si niyad adeyg ah oo fiican usoo dhoweeyey madaxweynaha kooxda Shiinaha Ghuangzhou Evergrande, Liu Jong Zhuo,” ayaa lagu yiri Warbixn la aqriyey.
“Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya labadaan koox waa la saxiixay waana la iibiyey isgacan qaad iyo dhoola cadeyn ayaana dhamaanteen na dhex maray. Galliani wuxuu siiyey Madaxweynaha kooxda Shiinaha Funaanad ay No.8 iyo magaciisa Liu dhabarka dambe kaga xardhan tahay.
“Ghuangzhou waxay ku guulesatay Labadii Horyaalka ee ugu dambeeyey dalka Shiinaga. Guangzhou Evergrande waxay sanadkaan horyaalka ku qaaday 58 dhibcood, iyadoo shan dhobcood ka sareysa kooxda Jiangsu Sainty. Waxay guul gaareen 17 kulan, shan kulan barbaro ayey galeen, shan kulana guul darro ayaa soo gaartay waxayna dhaliyeen 51 gool marka loo fiirsho 29 gool oo usoo hartay farqi ahaan.”
Waxaa jiray warar xan ah oo ku saabsan heshiiskaan inay ciyaaryahano Shiineys ah bisha Janaayo amaah ku heleyso Milan iyadoo lagu kala bedelanaayo ciyaartoyda Akadeemiga.
Macalin Jose Pep Guardiola ayaa daaha ka qaaday inay Arsenal tahay dooqiisa koowaad marka uu tababarenimada kusoo laabanayo hadiiba uu imaanayo Horyaalka Premier League, sida ay qortay shabakada Goal.com.
Tababaraha u dhashay Spain ayaa lala xiriirinaayey kooxo ka dhisan Ingiriiska sida Chelsea, Manchester United iyo Manchester City ka dib markii uu ka tegay Barcelona isagoo sanad nasiino ah ka qaadanaya kubada cagta.
Kooxda Maalqabeenka ah Paris St. Germain ayaa sidoo kale xiiso u qabtay macalinkaan, sida aadka ah ugu soo shaac baxay kooxda Catalans.
Wuxuu qiimeynayaa dalabyada u imaanaya sanadka cusub Arsenal ayaana lasoo werinayaa inay noqoneyso kooxda ugu sareysa liiska kooxaha doonaya shaqadiisa.
“Doorashada Goardiola ee Horyaalka Ingiriiska waa kooxda Arsenal,” ayey dhahayaan Ilo ay soo xigatay Goal.com. “Kooxda ayaa xiiseyneysa shaqadiisa marka la gaaro sanadka cusub.”
Macalinkii hore ee Barcelona ayaa 14 koob u qaaday kooxdiisii hore, marka lagu daro Laba Champions League iyo Sedax Horyaal oo La Liga ah, intii lagu jiray afar sano oo uu Comp Nou horkacaayey, Arsene Wenger ayaana waqtigaas ku jiray waayihiisa Koob la’aanta.
Si kastaba, Isha laga soo xigtay warkaan ayaa cadeysay: “Guardiola ma doonayo inuu aado Chelsea. Wuxuuna ka welwel qabaa wax quseeya nasiibkiisa. Wuxuu sidoo kale xiriir fiican kala dhexeeyaa Wenger.”
Chelsea ayaana u weecan karta Jurgen Klopp hadii ay ku guul darreystaan inay Guardiola xagaaga soo aadan keenaa Stamford Bridge.
Ryan Giggs ayaa soo arkay qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo wuxuuna sheegay inuu haatan wadadaas cagta saaray Wayne Rooney weeraryahanka Manchester United.
Rooney ayaa laba gool ka dhaliyey kulankii Manchester derby waxayna ka dhigeysaa inuu .afar gool dhaliyey labadiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League. Ka hor goolashaan, si kastaba, Sir Alex Ferguson ayaa qirtay inuu weeraryahanka reer England uusan goolal ku filan dhalin marka loo barbar dhigo Robin van Persie.
Maadaama ay yihiin laba ciyaaryahan oo kala gedisan, Giggs ayaa aaminsan inuusan Rooney aheyn ciyaaryahan ‘Isugu goolasha isla jecel’ bedelkeedana uu asxaabtiisa goolasha u abuuro.
“Weyne wuxuu leeyahay qaabka uu ciyaaryahan goolal u dhaliyo, laakiin hadii uu jiro qof goolal badan dhaliya ma ahan mid aan abuurid badneyn,” ayuu yiri Giggs.
“Aad ayuu ugu farax san yahay inuu goolal dhaliyo uuna goolal muhim ah weliba dhaliyo sidii uu sameeyey Axadii.
“Waa sida Cristiano uu halkaan ku ahaa, wuxuu dhaliyey goolal badan. Weyne wuxuu dhalin karaa goolal intaas ka badan.
“Wuxuu dhalin karaa goolal, wuuna abuuri karaa. Waa fiicnaan lagu daray wanaag inuu goolal ka dhiliyo City.”