27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Kenya oo ka hadashay tallaabadii ay Raaskambooni Kismaayo kaga celisay waftigii Amisom iyo DF

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhacdadii laba maalmood ka hor ka dhacday magaalada Kismaayo, halkaasi oo dagaal yahannada jabhadda Raaskambooni ay celiyeen wafti ka socday dowladda Somalia iyo Amisom.

Wasiirka Dalxiiska Kenya, Danson Mwazo ayaa cudur daar u yeelay tallabadaasi, islamarkaana difaacay.

Danson, oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa sheegay in loo baahnaa in marka hore qaban qaabo la sii sameeyo, ka hor inta aysan waftiga halkaas iman.

“Aniga iskama gali karo aqalka baqortooyada UK, waa in lasii sheegaa oo lasii diyaariyaa wax walba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu difaacay eedeymaha ku saabsan in dowladdiisa ay garab siiso maleeshiyada hal beel oo ay Kismaayo u qabatay.

“Maleeshiyo maahan, waa ciidan dowladeed, midda kalena aniga ma kala aqaano qabaa’ilka Soomaalida, Soomaalida waa isugu key mid” ayuu yiri.

Dhinaca kale Danson Mwazo ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya yahay mid aan cayineyn oo aan waqti lahayn.

Wasiirku, waxa uu sheegay in aan waqti loo qaban karin ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, waxaana uu sabab uga dhigay inay dagaal kula jiraan argagixiso.

Magacyada Soomaali ku geeriyootay dooni ay kaga tahriiibeen Libya.

Dhowaan ayay ahayd markii Soomaali badan ay ku dhinteen dooni ay saarnaayeen oo kula degtaya badda, ayaga oo ka tahriibay dalka Libya, kuna socda Talyanaiga.

Haddaba Caasimada Online ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah magacyadii dadkii halkaasi ku dhintay. Waxaa magacyadan nasoo garsiiyay mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Libya, hase yeeshee ma jiraan weli magacyo rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Somalia ee Libya.

1- Maxamed Muqtaar Cariif
2- Maxamed Cabdi Nuur
3- C/risaaq Faarax Qorane
4- C/qaadir Cilmi Wardheere
5- Maxamed Muslim Maxamed
6- Mahad Ceynte Xaashi
7- Ismaaciil Axmed Maxamed
8- Sadiiq Aadan Maxamuud
9- C/risaaq Maxamed Jaamac
10- Xasan Cabdi Axmed
11- Liibaan Maxamed Xasan
12- Shardi Maxamud Axmed
12 Cabdi C/laahi Guure
13- Haashim Axmed Cabdulle
14- Xamdi Xuseen Nageeye
15- Canab Axmed Faarax
16- Asli Cumar Abubakar
17- Nimco Crashiid Jaamac
18- Nuurto Axmed Maxamed Xasan
19- Cali Xasan Axmed
20- Leyla Cali Axmed
21- Leyla Yuusuf Axmed
22- Sahal Yuusuf Aadan
23- Leyla Cabdulle
24- Shamso Xasan

ILA TALI AQRISTE: “Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamij cusub oo aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark ala isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan aad ku darsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaada ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaa ama walaashaa. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada [email protected].

Talo doonka ugu horeeya ee barnaamijkan ILA TALI AQRISTE oo maanta nala soo xiriiraY waa gabar aan magaceeda kusoo koobeyno Ayaan, si aan u ilaalinayo Privacey-geeda oo joogtaa Seattle, Washington, USA.

Waxa ay qoraalkeeda usoo dhigtay sidan.

“Markii aan kow jeceylka u qaaday, waxaan aaminsanaa inaan qaatay go’aanka ugu wanaagsan nolosheyda, welina sidii ayaa aaminsanahay, hase yeeshee waxoogaa shaki ah ayaa nolosheeda hareeyay maalmahan.

Adduunka isaga ayaan ugu jeclahay, waa indhaheyga, nafteyda, dawadeyda iyo wax walba oo aan farxad ka heli karo, mase maleynayo in halka aan joogo uu isagana ila joogo.

Mar waxaan is iraahdaa adduunka adiga ayuu kuu jecel yahay, marna waxaan is iraahdaa inaad jirto iyo in kaleba kala ma oga, waayo waxaan arkay in si un uu igaga baxsanayo, haddana ii jaceyl gelinayo. Marka aan doonayo inana kulanno waxay igaga dhigan tahay wax aad u adag, oo 20 cudur ayaa kasoo sokeeya, marka aan teleefonkiisa waco, inta badan igama qabto, haddii uu iga qabtana, mashquul iyo si kasta oo uu hadalkeyga kaga baxsan karo ayuu sameeyaa.

Haddaan muddo sidaa ahaado, waxaan dareemaa inay tahay waqtigii aan nafteyda samir siin lahaa, balse iima suurta gasho. Markii aan is iraahdo faraha ka qaad oo ha wicin, oo aan wax ku dhow toddobaad ka aamusnaado, isaga ayaa isoo raadiya wuu I xaal mariyaa, wuxuuna igu beeraa jaceyl aan baaxadiisa qiyaasi karin. Arrintan hal mar ma aysan dhicin oo waa ay soo noq noqotay, waxaan qiyaasay in 6 jeer uu sidaas sameeyay, haddana mar walba aan samrayay.

Waxaan is weydiiyay sida uu iga damacsan yahay, mararka qaar waxaan is iraahdaa waa daacad, mararka qaarna wxaaan isu dareemaa inaan la heyste u ahay, oo uu doonayo inaan meel kale u weecan isgaana uusan dan iga lahayn.

Arrintan aad ayay u fikrisay maksaxdeyda, waxaan kala dooran la’ ahay inaan isga daayo iyo inaan si aan wax kusii wado, oo rajo ku nool ahaado, go’aan ahna waan qaadan wayayay ee ILA TALI AQRISTE

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 6-aad)

Qeybti 6-aad   Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad 5-aad

Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxay oo moodday in ay tegayso. Oo maxay u tegaysaa ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: “Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.” ”Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad u celisay, oo salaaxiddii ku sii wadday.

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid? Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas baa miyir kuugu dambaysey.

Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtey.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin. In aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisay ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan in ay laba badhan go’een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay.

Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo u hubtaa qadaadkeeda sida ba’an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq tiranyseen waxaad ku calaacashay: “Alloow tooba! Alloow tooba!…” Iyaduna waxay kuugu jiibisey: “Aammiin!” Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninkeeda oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse isku si uga baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad.

Intii hore waad waallaydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay, oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi: “Aynu meel asturan tagnee ina keen.” Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay. Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen. Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi: …………LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Kismaayo: Weriyayaal lasii daayay.

Ku dhawaad Toban Wariye oo lagu haystay Magaalada Kismaayo ayaa dib xuriyadooda u helay kadib marki Wafdigii ay raaceen loo diiday inay galaan magaalada Taasna waxaa ay keentay In Wariya Kismaayo looga soo dhextago.

Wariyaashan oo u sheeqaya Idaacada dalka iyo Dibada,Wakaaladaha ayaa waxaa Muqdisho ka kaxeeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo Amisom laakiin ma aysan soo noqon.

Waxaa ay sheegeen Wariyaashan in mudo labo maalin ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo loogana digay inay wax dhaq dhaqaaq ah Sameeyaan iyadoo Isgaarsiinta magaalasdana la jaray.

Faarax Cabdi Warsame oo ah filim qaade ka tirsan wakaalada wararka AP ayaa u sheegay BBC-da in ka badan 38-saacadood  inay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa uu Wariyuhu hadalkiisa uu intaa ku daray  inuu u yimid Taliyaha haysta Garoonka Kismaayo waxaana uu ku wargeliyay inaysan fasax  u haysan inay magaalada galaan.

Faarax ayaa Carabaabay in lagu soo daayay dadaal dheer ka dib ay dib ugu soo noqotay diyaaradii markii hore soo qaaday,waxaana warar ay sheegayaan in Madaxwaynaha uu amray in lasoo celiyo wariyaasha

Xildhibaano u gudbiyay Jawaari arrin aysan ku farxi doonin Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Mudanayaan tiradoodu gaarayso 30 ayaa waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maanta u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada Somalia ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Saacid ilaa inta laga soo dhameystirayo.

Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in dastuurka dalka uu dhigayo inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada iyadoo aan lasoo dhameystirin, iyagoo sheegay in sababta ay sidan u yeeleen ay tahay si sharciga loo ilaaliyo.

Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia C/raxmaan Xoosh oo ka mid ah mudanayaasha gudbiyay qoraalkan ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu u sheegay in qoraalkooda uu u gudbin doono Madaxda Dowlada si ay go’aan uga qaataan.

“Dowlad aan dhameystirnayn in la ansixiyo waxay noqonaysaa in dastuurka dalka lagu tuntay, taasna ma ahan mid aan aqbalayno, waayo dastuurka waxaa sameeyay in lagu dhaqmo” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan (Jawari) ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha habeenkii xukuumada lagu dhawaaqay inuu si dhaqso ah ku horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Arintan ayaa waxay abuuraysaa muran soo dhexgalaya xukuumada iyo baarlamanka balse lama oga go’aanka ay xildhibaanadu qaadan doonaan, iyadoo xukuumada la horgeynayo baarlamaanka Maalinta Sabtida ah.

Xukuumada cusub ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir oo laba dumar ay ku jiraan, waxaana labada haweenka midood loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Somalia.

Arriintan ayaa caqabad cusub ku noqon doonta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorshahoodu ahaa in golaha wasiirada la ansixiyo ayada oo aan lagu soo darin wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Mucjisada nambarka Toddobaad (7)

Dunidan guudkeeda waxaa saaran oo aad ku arkeysa wax yaabo ku tusinaya waano iyo cibro qaadasho, waxaan ku eegeynaa qormadeena xikmadooyinka qaar oo laga helo tirooyinka xisaabta hadii aan soo qaadano xikmadooyinka ku jira number (7)

Ma ogtahay akhristow in (suuratul faatixa) inay tahay (7) aayadood.

Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) sabuul.

Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) saccood.

Ma ogtahay maalmaha isbuuca in ay yihiin (7) maalmood.

Ma ogtahay in salaada marka la sujuudo la dhigo dhulka (7) xubnood.

Ma ogtahay in salaada ciida la aqriyo takbiirta (7) jeer.

Ma ogtahay xajka marka la dawaafayo lagu wareego (7) jeer.

Ma ogtahay in buurta safwa orod lagu maro (7) jeer.

Ma ogtahay marka dhagax tuurasha ay tahay (7) jeer.

Ma ogtahay in samooyinka ay yihiin (7) samo.

Ma ogtahay in badaha ay yihiin (7) badood.

Ma ogtahay in dhulku uu yahay (7) arlo.

Ma ogtahay in qaaradaha dunida ay yihiin (7) qaaradood.

Ma ogtahay akhristow dagaalkii qaydara uu dhacay sanadkii (7) aad ee hijriyada.

Ma ogtahay in hadii ay ilmo kuu dhashaan maalinta (7) aad loo wan qalo.

Ma ogtahay in ilmaha lagu amro salaada marka ay gaaraan (7) jir.

Ma ogtahay in midabada qaanso roobaadka ay yihiin (7) midab.

Ma ogtahay akhristow in lamaaha is guursada ay (7) galaan.

Ma ogtahay in qur’aanka uu yahay (7) jalaad.

Ma ogtahay in maalinta qiyaamaha hooska alle mooye uusan jirin hoos kale ay harsan doonan hooska alle (7) qofood.

Ma ogtahay in albaabada naarta alle hanaga koriyee ay yihiin (7) albaab.

Ma ogtahay akhristow in malikii masar uu ku riyooday (7) riyo.

Ma ogtahay akhristow In taabashada eyga la meyro (7) jeer.

Ma ogtahay akhristow in caruurta nabi muxamad (NNKH) ay ahaayeen (7) caruur ah.

Ma ogtahay akhristow in dayaxa uu sameeyo bishii (7) wareeg.

hadaba akhristow bal malee oo raadi tiro ka xikmad badan number (7) oo yeelan karta si fooyinka aan kor ku soo sheegnay taasoo ay gaar u yihiin tirada number (7) xikmadaasi waxay tahay una badan diini oo uu alle ku galadeystay number (7) hodana ku ah xikmadahaasi.

W/Q: Mohamed Ahmed Halane

E-mail:[email protected]

Cristiano Ronaldo markaan wuxuu noqday Fanaan.

Sida muuqata ujeedku ma ahan in laga hadlo kubada cagta caalamka rabshana lagu kiciyo, Cristiano Ronaldo ayaana markan qaatay kataarka xilli uu xidiga Real Madrid muujiyey sida uu ugu hamuun qabo Musiga oo uu aad u jecel yahay.

Wuxuuna rajo ka qabaa xittaa inuu isticmaalo hees si ay kooxdu niyad wanaagsan u hesho ka hor ciyaaraha waa weyn.

Ronaldo iyo xidiga ay isku kooxda yihiin ee Pepe ayaa aaday Studio ku yaala gudaha Spain. Waxayna ahaayeen kuwa ku maqsuud qaba ka dib iyadoo uu Ronaldo heeso isku deyey, mana uusan ka gaabsan sida aysan u aheyn tani inuu bedelaayo xirfadiisa laakiin wuxuu kusoo koobay nasasho oo keliya.

Ka dib markii uu soo dhameystay Musiga xidiga reer Portugal ayaa yiri: “Musiga waa qeyb ka mid ah nolasheyda iyo qeyb ka mid ah nolosha dadka aad ayaan ugu dhowahay. Musiga la’aantiis nolasha maba aanan ku faraxsanaadeen. Waan jeclahay Musiga.

“Waqtiyada qaar waxaad ku caajiseysaa xeerarka kubada cagta. Waxaan jeclahay inaan wax kale sameeyo oo aan aheyn kubada cagta.

“Wey fiican tahay inaan qibrad u yeesho waxyaabo cusub sidaas darteed ayaan u imid Studio-ga Musiga iyadoo ay ila socdaan saaxiibdeey si aan usoo nasano aanan u sameyno maadeys.

“Waa markeygii iigu horeysay oo aan duubayo Rikoor Studio ah waana wax lagu riyaaqo.

“Dhamaanteen waan ka helnaa musiga sidaas darteed waxaan go’aan ku garnay inaan halkaan imaano.waxaan u maleynaa inaan aad ugu fiicanahay Musiga. Wax badan ayaana ku raaxeystaa.”

Halkaan Hoose ka daawo sawirada Ronaldo iyo Pepe oo ku raaxeysanaa Musiga.

 

 

 

 

 

 

 

 

Daawo Sawirrada: Dibad bax lagu taageeray Xukuumada R/W Saacid.

Daawo Sawirada Dibadbax lagu muujinayay Xukuumada Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Koonis ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo qaarkamid ah golahiisa Wasiirada ayaa ka qaygalay dibadbaxaan kana hadlay.

Baarlamanka oo dalbaday in la hor keeno Madaxwaynaha iyo R/W.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa waxaa ay ku dalbadeen in Baarlamanka ay horyimaadaan Madaxda Dowlada.

Ujeedka kulankan oo ahaa Mid looga hadlayay Xeer hoosaadka ayaa lagu lafa guray arimo badan oo lagu laalay Qodobo badan.

Inta uu Kulanka furnaa ayaa Mudanayaasha Baarlamanka waxaa ay gudoomiyaha Baarlamanka ka dalbadeen in la horkeeno Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon.

Kadib markii maalintii shalay Garoonka  diyaaradaha Magaalada Kismaayo laga celiyay Wafdi Dowlada iyo Amisom ka socday oo Ciidamada Raaskambooni ay is hortaageen.

Arintaas ayay doonayaan Baarlamanka in Madaxda Dowlada hadii ay Hogaanka Dalka  yihiiin ay jawaab cad ka keenaan in wafdi la hor istaago.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka carooday dhacdada Kismaayo,Waxaana Baarlamanka ay ka Codsadeen Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay horyimaadaan Baarlamanka si jawaab looga helo.

R/Wasaaraha Somalia oo Shacab badan ka hor qudbeeyay Maanta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay Xukuumada uu Ra’iisul Wasaaraha uu ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dibadbaxan ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya iyo qaybaha kale ee Bulshada oo kasoo kala tagay 16 degmo ee Muqdisho.

Ardayda ayaa qayb ka ahayd maanta Dibad baxaan oo ka qabsoomay Garoonka Stadium Koonis

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay banaanbaxan Xukuumada Shirdoon lagu taageerayay.

Ra’iisul Wasaaha iyo Golahiisda Wasiirada oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa tagay Koonis,waxaana Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu sheegay in Isbadal uu la imaan doono.

Waxaa uu Wacad kumaray Shirdoon in Xukuumadiisa oo Tobanka ah inay kafiicnaandoona Xukuumadihii dalka soo maray.

Lionel Messi: Kubada ayaa shabaqa geli weysay kulankii aan la ciyaarnay Celtic.

Lionel Messi ayaa sheegay in bandhigii Barcelona xalay guul daradu kaga soo gaartay Celtic uusan aheyn mid qalad ku dhacay, Catalans ayaana guul darro kasoo gaartay wareega Group-yada Champions League ka dib sedax sanadood.

Goolal ka kala yimid Victor Wanyama iyo Tony Watt ayaa shaki geliyey hugaanka Blaugrana ee Group G waxayna hada hugaanka ku heysa laba dhibcood taasoo cadaadiska kusii kordhneysa kooxda Tito Vilanova.

Ciyaarta ka dib, weeraryahanka reer Argentina ayaa sheegay inuusan xumeyn bandhigii kooxdiisu ayna abuureen Fursado badan balse wuxuu sheegay in goolhaye Fraser Forster uu ahaa midka guusha u horseeday kooxda ka dhisan gegeda Celtic Park — ee magaalada Glasgow.

“Waan sameynay wax walba oo haboonaa, waxaan u ciyaarnay si ka wanaagsan kulankii aan la ciyaarnay laba isbuuc ka hor, laakiin kubada ayaa shabaqa geli weysay,” ayuu Messi u sheegay saxaafada.

“Wax la mid ah ayaa ka dhacay Comp Nou. Waxay u ciyaarayeen qaab difaaceed waxayna sugayeen inay qaadaan Kootara Ataak. Aad ayey ugu raaxeysanayeen Koonooyinka iyo kubadaha dhaadheer, taasina waa sababta keentay inay dhaliyaan labadooda gool.”

Messi ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay ciyaartaani qiimo ugu laheyd Barcelona inkatoo ay qasaariyeen.

“Kulanka aad ayaan u daneyneynay, waxaad ka ogaaneysaa wixii aan dooneynay inaan sameyno, waxaan abuurnay fursado badan, laakiin ma aanan u dhameytirin sidii la rabay goolhayahooduna wuu wanaagsanaa,” ayuu ku daray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Baarlamanka oo kursi gaaban ugu fadhiya xukuumada Shirdoon!

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa mudo waxa uu la’aamusnaa inuu soo magacaabo RW, kadib maalmo aad ufarabadan oo ay shacabka iyo Baarlamankaba kawar sugayeen ayaa ugu danbeyntii waqtiga kama danbeysta maalin kahor waxa uu madaxweynaha soo magacaabay RW ku cusub siyaasada Soomaaliya(Cabdi Faarax Shirdoon Saacid).

Sida uu qorayo dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya RW waa inuu xukuumadiisa kusoo dhisaa mudo bil ah, waana xukuumadii ugu horeesay oo dastuuri ah kadib bur burkii doowladii Milatariga, qaabkii uu madaxweynaha ula soo daahay magacaabista RW ayaa RW Saacid isna ula soo daahay xukuumadiisa Cusub kahor hal maalin waqtigii logu talo galay inuu soo dhiso.

RW Saacid ayaa kadib is qabqabsi iyo dood dheer waxa uu soo magacaabay wasiiro kakooban 10 wasiir, waana xukuumadii ugu horeesay oo nuucaan oo kale ah kadib doowladihii KMG ahaa ee wadanka Soomaray marka loo fiiriyo xagga tirade, Nuuca iyo tayadaba.

RW Saacid ayaa kahor intuusan agacaabin Xukuumadiisa waxa uu kusoo xushay dhowr arimood, waxaana ugu horeeya xaga tayada, tirade wasaaradaha, saamiga qabaliga{4.5}.

1-Xagga Tayada:

Wasiirada 10-ka ah ee ay ka koobantahay xukuumadan Cusub, ayaa waxay yihiin kuwo leh aqoon durugsan iyo Khibrad shaqo, tusaale ahaan waxaa ku jira xubno horay wasiiro uga soo noqday xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay wada xasuustaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay qabatay xukuumadaas mudadii lixda bilod ahaa ee ay jirtay, sidoo kale xukuumadaan waxaa kujira wasiiro ku dhow dhow doowladaha Yurub iyo Mareeykanka watana shahaadooyin sar sare lehna Khibrado shaqo islamarkaasna ay kasoo shaqeeyeen wadamadaas, sidoo kale waxaa kujira wasiiradaan rag horay ula soo shaqeeyay hay’adaha gargaarka ee hoostaga QM.

 2-Tirada wasiirada:

Yareynta wasaaradaha waxaa jira dad soo dhaweeyay iyo kuwo aad udhaliilay, hadaan ku hormarno dadka ayidsan yareynta wasaradaha waxay ku doodayaan ineey lagama maarmaan tahay in layareeyo si ay isula jaan qaadaan si fudud islamarkaasna uu aad uyaraado qarashkaku baxa.

Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin iyo dad aad udhaliilay yareynta wasaaradaha, kuwaasoo iyagana ku doodaya ineeysan maslaxad ugu jirin ummada Soomaaliyeed yareynta wasiirada, waxay qabaan in Soomaalida aysan hada ubisleen siyaasada ku dhisan yareytnta maadama awooda lagu qaybsado hab qabiileed oo ah 4.5.

3-Qaanuunka qabaliga{4.5}.

Sidaan hiray usoo xusnay umada Soomaaliyeed in muda ahba waxay wax ku qaybsan jireen hab qabiil, waxayna Soomaalida uqaybsantaa 5 qaybood oo waaween, 4 kamid ahna waxaa lagu magacaabaa qabaa’ilka waaween xoogana leh, iyo qaybta 5-aad oo iyagana lagu magacaabay beesha 5-aad, waana dulmi ay kuheshiiyeen beelaha kale ee isku tilmaamay beelaha waaween, laakin waxaa xusid mudan in madaxda cusub ee hada wadanka Hogaamisa ay jabiyeen qaanuunkaas qabaliga ah mudana soo jiray.

RW Saacid ayaa 10 wasiir ee uu soo magacaabay kasoo xulay dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman iyo inuu kasoo xushay dadka aqoonta iyo khibrada uleh wasaaradaha dhamaan.

4-Nuuca Xukuumada: 

Xukuumadan cusub ayaa kaduwan xukuumadihii soo maray wadanka Soomaaliya, waana xukuumad aad ukooban talo leh ayna kadhex muuqdaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman, marka loo fiiriyo madaxda cusubna waxay fursad usiin doontaa ineey si aad ah isula jaanqaadaan maadaama ay tahay mid kooban ayna ku jiraan dad leh aqoon cilmiyeed iyo mid khibradba.

5-Kaalinta dumarka:

Xukuumadan ka kooban 10-ka wasiir ayaa waxaa jirta in haweenka Soomaaliyeed ay kuleeyihii labo kursi oo muhiim ah, amaba waxaa ladhihi karaa waxay kaheleen 20%, waxana markii ugu horeesay taariikhda Soomaaliya Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay haweeneey, waana marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, sidoo kale Drs Maryam Qaasim ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha Bulshada, waxaana waradeeda hoos imaan doona dhowr wasaaradood sida, wasaarada Tarbiyada, waxbarashada, Caafimaadka, shaqada iyo Isboortiga, taasna waxay kadhigantahay in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin Xukuumadan cusub.

Aragtida shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka:

Sidaan horayba usoo sheegnay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsamay sida loo soo xulay xukuumadan Cusub ee uu RW Saacid soo magacaabay, waxaa kaloo jiray qayb sadexaad oo katirsan bulshada Soomaaliyeed oo iyaga aanba wax muhiimad ah siinin magacaabista xukuumada cusub, kaliya dadkaan waa kuwo la dirira nolol maalmeedkooda.

Beesha caalamka ayaa durbadiiba soo dhoweeyay magacaabista xukuumada cusub, dowlada Ingiriiska ayaana ugu horeesay oo iyada si diiran usoo dhoweeyay sidokale Mareeykanka ayaa soo dhoweeyay iyo Faransiiskaba, laakin ilaa iyo hada waxaan soo dhoweyn laga haynin doowladaha jaarka nala ah sida Itobiya iyo Kenya waxaana taas ay siyaasiyiinta wax taxliiliya ku magacaabeen faragalinta ay ku hayaan gudaha Soomaaliya iyo ineey xukuumadan kadhax waayeen rag iyaga xulufo la ahaa oo ay quud dareeynayeen in lagu soo daro.

Baarlamanka Soomaaliya Malaga yaabaa ineey codka kalsoonida siiyaan xukuumadan?

Waxaa jirta maah-maah Soomaaliyeed oo leh{luuq-luuq maroow laasim wadaduu imaanaa} taas micnaheeda waxaan ula jeedaa RW Saacid iyo madaxweyne Xasan Shiikh hadeey soo magacaabeen xukuumad kooban oo tayo leh iyo hadii kaleba waxaa meel ufadhiya oo sugaya Baarlamanka islamarkaasna laga rabo ineey ansixiyaan wasiirada cusub, iyadoo xiriirka udhaxeeya golaha fulinta iyo sharci dajinta uu sanadihii ugu danbeeyay ahaa mid aad uxun, waxaana taas usabab ah in dhan walbo uu soo faragashto howsha dhanka kale.

Kadib ku dhawaaqista golaha wasiirada waxaa jiray hadalo iyo guux hoose oo kasoo yeeray qaar kamid ah baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ku goodinayay ineeysan codka kalsoonida siin doonin xukuumada, waxaana taas loo sababeeynayaa in qaar kamid ah xubnahaas ay iska waayeen xukuumada cusub si shaqsi ahaan iyo si qabiilba, sidaa darted waxaa jira shaki weyn oo laga qabo baarlamanka ineey lugta saaraan xukumadan oo ay codka udiidaan taasoo dhabar jab ku noqon doonta RW Saacid.

Chelsea oo ku dhow inay 5 milyan kula soo saxiixato daafaca midig ee Fluminese Wallace.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay 5 milyan oo ginni kula soo saxiixato xidiga daafaca dadabka midig ee reer Brazil Wallace. Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub ayaa laba sano ka hor 40%  yeelatay daafaca midig ee kooxda Fluminese ka dib markii uu Deco si xor ah ugu biiray kooxda.

Hada ayaa Blues dooneysaa inay lasoo saxiixato xidigaan kaasoo ay u aragto inuu yahay ciyaaryahan tayo leh, balse waxaa kula dhegan Manchester City, Juventus iyo Napoli.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Lukas Podolski oo ka cawday inay Arsenal ka ciyaarsiiso boos uusan ku wanaagsaneyn.

Lukas Podolski ayaa daaha ka qaaday inuusan la dhacsaneyn booska uu ka ciyaaro kooxdiisa Arsenal.

Tan iyo markii uu Koln kasoo dhaqaaqay intii lagu jiray xagaaga, weeraryahanku wuxuu ka ciyaarayey garabka bidix, Theo Walcott ayaana horay u codsaday in laga ciyaarsiiyo booska gool dhalinta isagoona ku xiray qandaraas cusub oo ay kooxdu ka hesho.

Walcott ayaa sedaxley shaqaba cuskiyey kulankii 7-5 ay Arsenal Capital One Cup-ka guul kaga gaartay Reading wuxuuna markaasi ka ciyaarayey booska weerarka dhexe Podolski ayaana rajo ka muujinaya in isna booskiisa la siiyo maadaama uu ku dhiban yahya ka ciyaarista garabka.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro booska weerarka dhexe,” ayuu yiri xidiga reer Jarmal.

“Garabka bidix waa inaan shaqo badan oo daafac ah qabtaa, waa inaan si joogto ah horay iyo gadaal ugu ordaa. Mana ihi ciyaaryahan ku wanaagsan garabka.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Roberto Mancini oo Agaasimaha Man City weydiisan doona inuu usoo iibiyo De Rossi.

Tababare Roberto Mancini ayaa weydiisan doona Agaasimaha Kubada Cagta ee Man City Txiki Begiristain inuu kooxda Janaayo loosoo xera geliyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Rome Daniele De Rossi. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Sky Blue ayaa xidiga reer Talyaani raadineysay dhamaan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay  laakiin wuxuu go’aansaday inuu iskala sii joogo kooxdiisa Giallorosi.

Si kastaba, De Rossi, oo 29 jir ah saaxiibadiis ku sugan Rome ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago caasimada Talyaaniga wuxuuna kooxda weydiisan doonaa in la suuq geeyo.

Rome ayaa xidigaan ku dooneysa 20 milyan oo ginni waxaana mushaarkiisa lagu sheegaa 100 kun oo ginni isbuucii.

Tani waxaa laga yaabaa inay dhibaato u keento City si ay u ilaaliyaan Xeerka Uefa Financial Fair Play.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Arsenal oo isha la raaceysa daafaca bidix ee kooxda PSV Eindhoven Jetro Willems.

Arsenal ayaa lasoo werinayaa inay markaan shiishka saaraneyso da’yarka dalka Holland ee ka ciyaara daafaca dambeedka bidix Jetro Willems iyadoo tababare Arsene Wenger uu raadsanaayo inuu kooxda kusoo dabaqo daafac adag oo dababka bidix ah. Sida uu qorat wargeyska Caught Offside.

Da’yarka PSV Eindhoven ayaa qeyb ka ahaa xulkii Holland ee tababare Bert Van Marwijk uu kaga qeyb galay ciyaarihii Euro 2012 waxaana xidigaan lala xiriirinaayey ilaa 2011kii inuu ka tago Philips Stadion.

Willems ayaa boos Line-up ah ka heysta PSV, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay si heer sare ah ku bilaabato Horyaalka Eredivisie halka ay dhibic ka dambeeyaan kooxda hugaanka heysa ee FC Twente.

Wenger ayaa loo arkaa mid Albaabka tusin doona xidiga reer Brazil Andre Santos kaasoo ay kooxdu ku eedeysay inuu si aan caqli gal aheyn Funaanada uga bedeshay Robin Van Persie, iyadoo lagu eedeeyey inuu sumcada kooxda hoos u dhigay xilli ciyaaryahanka laga reebay kulankii 2-2 ku idlaaday ee Gunners ay booqatay Schalke.

Xidiga dalka England Kieran Gibbs ayaa lagu amaanay sida uu uga soo baxay booskiisa daafaca bidix laakiin nasiib xumo dhaawac ayaa soo gaaray taasoo Wenger ku qasbeysa inuusan ka meermeerin doonashada 18 jirkaan Willems, kaasoo uu macalinka reer France u arko dooq ku fiican Emirates Stadium.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Pep Guardiola oo ku dhowaanaya inuu qabto shaqada Tababarenimo ee Man City.

Pep Guardiola ayaa kusii dhowaanaya inuu qabto shaqada tababarenimo ee Manchester City xilli lala xiriirinaayo in Roberto Mancini albaabka la tusi doono xagaaga. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa kubada cagta ka qaadanaayey sanad nasasho ah ka dib markii uu kooxda reer Spain ka tegay dhamaadkii sanadii hore.

Hada wakiilkiisa ayaa daaha ka rogay in kooxda heysata Horyaalka England ay ka mid tahay kooxaha doonaya tababaraha heerka caalami ee dalka Spain.

Jose Maria Orobitg ayaana hoos u dhigay inay keliya AC Milan rabto tababaraha: “Albaabkoodu wuu u furan yahay, sida kooxo Manchester City, Chelsea iyo kuwo kale.

“Pep wuxuu dhegeysan doonaa dalabyada ka dibna wuu ka fikiri doonaa.

“Laakiin ma aanan ka hadlin wax quseeya Milan sababtoo ah Guardiola kooxna ma qabanaayo ilaa xilli ciyaareedka soo aadan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Ferguson: Ujeedkeygu waa inay Man Utd ku guuleysato shan koob oo Champions League ah.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inay Manchester United u tartanto Rikoorka u yaala Liverpool kaasoo ah inay heysato shan koob oo Yurub ah ka dib markii ay Red Devils iska xaadirisay Wareega 16ka Uefa Champions League.

“Marka aan milicsano Taariikhda kooxdeena, waxaan ku guuleysanay koobab badan waxaana doonayaa inaan mar kale ku guuleysto aan qowska galno sida Liverpool, oo ah kooxda aan la xafiiltano, Bayern Munich iyo Ajax,” ayuu yiri Ferguson, kaasoo ay kooxdiisy koobkaan ku guuleysatay Sedax jeer.

Manchester United ayaa loo calaamadeeyey inay u gudubtay wareega 16ka ka dib markii ay xalay 3-1 ugu awood sheegteen Braga oo goolka uga hormartay laakiin markii dambe ay ka dhaliyeen sedax gool.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Madaxwayne Xasan oo hogaaminaya dibad bax Muqdisho ka dhacaya.

Wararla aynu ka helayno saakay Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta muqdisho uu ka dhacayo dibad bax balaaran oo lagu taageerayo Xukuumada Tobonka Wasiir ee Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dhaqaaq dadka Shacabka ayaa ka socda degmooyinka waa wayn ee Muqdisho kuwaa oo ka qaybgalaya dibad baxa maanta oo khamiista ah qabsoomaya laguna taageerayo Wasiirada Cusub.

Sida ay wararka ay leeyihiin Madaxwayanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagi doona goobta uu dibadbaxa ka dhacayo ee Stidium Banaadir Isaga iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon halkaas oo dadka ay kula hadli doonaan.

Amaanka Caasimada Soomaaliya ayaa la adkeeya iyadoo xalay lasii howlgaliyay Ciidamada inay amaankeeda sugaan halka uu ka dhacayo dibad baxa.

Madaxwayanah Iyo Ra’iisul wasaarihiisa ayaa doonaya maanta muujiyaan  inay u diyaar garooween howlgalkooda afarta sano ee soo aadan.