26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Shabaab oo ka faa’iideystay habacsanaan ku timid DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay ka faa’iideystaan hakadka ku yimid hawlgalada dib-u-xoreynta dalka, si ay dib ugu soo laabtaan dhulkii horaan laga saaray.

Shabaabka ayaa bartamihii bishan bilaa dagaal kula wareegay deegaano dhaca koonfurta Gobolka Mudug, ka dib markii ay soo banneeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Shabaabka ayaa tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

Sabtidii ayay weerar culus ku galeen saldhigga ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Dhanaane ee saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan halka lagu magacaabo Busleey.

Shabaabka oo xilligaasi dhowr saacadood haystay deegaankaasi ayaa la sheegay in markii dambe ay dib uga baxeen, iyagoona goobta ka qaatay gaadiid dagaal.

Sidoo kale Shabaabka ayaa subaxnimadii Talaadadii weerar xoogan ku galay deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay saacado ka dib banneeyeen deegaankaasi.

Waa weerarkii afaraad oo Shabaabka ku qaadaan Daaru-nimca, tan iyo markii laga saaray horaantii sanadkii hore. Weeraradii kan ka horreyay ayaana dhacay billihii June, September iyo December. Weerarkii bishii June ayayna Shabaabka ku burburiyeen Masjidka weyn ee Daaru-nimca.

Shabaabka oo galabtinimadii Talaadadii culeys soo saaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa illaa Arbacadii kula dagaalamayay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee la abaabulay. Dagaalkan ayaana ka dhacay deegaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoostagga degmadaasi.

Wararka laga helayo Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in baqdin ay ka jirto deegaankaasi, ka dib culeyskan ay Shabaabku soo saareen.

Xarardheere oo muddo dheer ay Shabaabku ka arriminayeen ayaa laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023, markaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen.

Hawlgalada oo billo ka hor si dardar leh uga socday deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan la aqoon waxa sababay gaabiska ku yimid.

Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole) oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in kororka weerarada Al-Shabaab ay ugu wacan tahay dib u dhaca ku yimid hawlgaladii dalka looga sifeynayay.

“Waxaad mooddaa in Al-Shabaab ay dib u soo kabasho sameysay, maadaama maalmahaan hawlgaladii deegaanadaasi ka socday uu dib u dhac ku yimid, oo ayagu haddeertaan ay isa soo awoodeeyeen, deegaanadii horey looga qabsadayna ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan waqtigaas uu hakadku galay hawlgaladii,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Axmed Kaboole ayaa intaasi ku daray “Marka Al-Shabaab jiritaankooda Gobolada Dhexe ama Hirshabelle ha noqoto ama Galmudug ha noqotee weli inay awooddoodii leeyihiin ay dib u soo noqon karaan oo deegaankii ay dhibaato ku hayaan, Ciidamadii Militariga ay dhaawacayaan, khasaare badana ay hadda gaysan karaan.”

Mar kasta oo hawlgaladu ay hakadaan waa mar walba, oo ay dib u soo laba kacleeyaan weerarada Al-Shabaab.

Burcad badeed kale oo isku dhiibtay ciidanka badda Hindiya, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad badeed Soomaali ah oo afduub u haysatay dooni kalluumeysi ayaa haatan isku dhiibay ciidamada badda Hindiya, sida ay warisay qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi oo soo xiganeyso saraakiil kamid ah ciidamada badda.

Kooxdan ayaa muddo waxaa gacanta ugu jirtay doon laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, taas oo ay la socdeen 23 shaqaale u dhashay waddanka Pakistaan.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal qaatay 12 saacadood, kadibna sidaas lagu qabtay burcad badeeddan oo isku dhiibay ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Waa kooxdii labaad oo burcad badeed ah oo ay gacanta ku dhigeyso Hindiya, waxayna ahayd dhowaan markii ciidamada badda dalkaas ay qabteen sodomeeyo burcad badeed ah.

Howlgal qaatay 40 saacadood ayaa lagu soo afjaray kooxdaasi oo afduub ahaan u haysatay markabka MV Ruen oo ay saarnayeen 17 shaqaale ah oo ugu dambeyn lasoo bad baadiyay.

Markabka ayaa laga lahaa dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Dhammaan xubnihii burcad badeedda ee gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay dalka Hindiya, halkaas oo ay todobaadkii hore ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

Wararkii ugu dambeeyay kulanka baarlamaanka ee go’aan ka gaarista dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah oo wadajir ah, kaas oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu dambeysay kulankan oo lagu meel marin doono wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka ayaa haatan socota, waxaana xildhibaanadu ay sii galayaan hoolka baarlamaanka oo lagu ballamay in xilli hore lasoo galo si loo gudaha galo dastuurka.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsan arrintan, inkastoo Villa Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka sare ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee ansixinta afarta cusub ee ugu horreyso dastuurka dalka

Waxyaabaha ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii maalinta berri ah uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Puntland ayaa dhankeeda horay cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo

Arrimo culus oo ka dhalan kara qorshaha Villa Somalia iyo sida uu xalka ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddii habka qarda-jeexa ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara afar arrimood.

Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay.

Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhisan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.

Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka.

Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.

Saddex, waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo.

Maxaa xal ah?

Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.

Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.

Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole.

Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.

Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada.

Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.

Haddii ay madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda mucaaradku xaldoon yihiin waa ay sahlan tahay in xal la helo.

W/Q: Afyare Cabdi Cilmi oo ah macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Sidoo kalena ku taqasusay cilmiga siyaasadda, kana qaatay PhD Jaamacadda Alberta, Canada.

Xog: Hanaanka loo sugo amniga madaxtooyada oo la adkeeyey labo arrin dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL waxaa adkaaday isku socodka aagga madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu soo kordhiyey baatiraano dheeraad ah, si looga hor tago weerarro kale.

Ciidanka ilaalada madaxtooyada ee Koofiya-casta loo yaqaano ayaa lagu amray inay baaritaanada adkeeyaan, qof kasta oo masuul ah waxaa laga dejinayaa gaarigiisa, kadibna toos ayaa loo baarayaa gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa la diiday in gudaha madaxtooyada lala galo wax hub ah oo aan sharci laheyn, sida ID-card u gaar ah hey’adaha ammaanka, xitaa bistooladaha ayaa lagu qabsanayaa agaasimayaasha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.

Askari kasta xiliga uu shaqada ku jiro wuxuu iska ilaalinayaa in wax uusan baarin ay dhaafaan, maadaama korkiisa ay Kaamiro ku xiran tahay, isla markaana rag badan loo xiray weerarkii dhawaan ka dhacay hotel SYL.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in qof aan wadan ID-card, gaar ahaan aqoonsiga hey’adaha degan gudaha madaxtooyada uu galo xeyndaabka, qofkii aan aqoonsi wadana waxaa laga reebayaa gaariga uu la socdo, hadii uu caadi u socdana iskaba daa.

Cabsida amni ee ka jirta aagga madaxtooyada waxaa barbar socda qorshaha dastuurka oo xasaasiyadiisa wata, berri ayaa lagu wadaa in labada aqal ee baarlamaanka la hor geeyo baarlamaanka, si ansixintiisa ay ugu codeeyaan.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa sii adkeeyey heeganka ay ku jiraan, maadaama xamaasad gaar ah uu leeyahay dastuurka oo dhinacyo badan ay diidan yihiin in loo meel marityo sida ay damacsan tahay Villa Somalia.

Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga digayaan baarlamaanka inay ansixiyaan dastuurka la hor keeni doono berri oo Sabti ah 30-ka Maarso, kaas oo sida ay sheegeen Xasan Sheekh oo ku marooqsano awooda baarlamaanka iyo xukuumadda.

Dad Kenyaan ah oo lagu laayey gudaha Soomaaliya iyo cabsi ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in lix qof oo Kenyan ah halkaas lagu dilay Jimcihii maanta.

Dadkan la dilay ayaa ahaa ganacsato u tallaabay dhinaca Soomaaliya, si ay dukaamo uga furtaan, waxayna halkaas u joogeen ganacsi.

Koox afka soo duubatay ayaa rasaas ku furay 6-da qof ee Kenyaanka ahaa, kwaas oo dhamaantood rag ah, waxayna ku baxsadeen gaari.

Kooxda Al-Shabab ayaa lagu tuhunsan yahay inay dilkaas gaysteen, maadaama ay aad u beegsadaan dadka Kenyaanka ah ee isaga gudba xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku ayaa sheegay in 6-da qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee dalka Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

“Meydkooda ayaa la keenayaa Libooye, si loo aqoonsado ragga la dilay, kadibna loo aaso, ragaas muddo ayey ku ganacsanayeen Libooye,” ayuu yiri guddoomiye Cali Manduku oo warbaahinta la hadlay.

Lama oga sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan sharixi karin sida lixda qof ay ku tageen Dhoobley, iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii, balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan, waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi oo shacabku isla fahansan yahay.

Markii uu maanta dhacay dil wadareedkaan walaac xoog leh ayaa soo food saaray Kenyaanka ku nool Dhoobley iyo deegaanada hoos taga, waxaana la aaminsan yahay in kooxda Al-Shabaab oo isku direysa labada shacab ee Soomaalida iyo Kenyaanka inay geysatay falkaas wuxuushnida ah.

Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo qoraal culus kasoo saaray qorshaha berri ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha berri lagu meel-marinayo wax ka beddelka dastuurka ee uu gadaal ka joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka wada-jirka ah ee labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in waxa berri ka dhici doona baarlamaanka ay muujineyso sida madaxweyne Xasan Sheekh uusan u danaynaynin wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu ka shaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

“Dastuurkan la rabo in lagu meel-mariyo hanaan sharci darro ah oo aanan haysanin aqbalaad bulsho iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadaama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga,” ayaa lagu yiri qoraalka labada madaxweyne.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..

Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga.

Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin.

Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena.

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri qorshaha VILLA SOMALIA ee wax ka beddelka dastuurka?

Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qoraal kasoo saaray qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia ay wado.

Fahad ayaa marka hore sheegay in dastuurka uusan ka baxeyn kumeel-gaar illaa laga helo afti dadweyne oo uu ku noqdo mid rasmi ah, sidaas darteed aysan waxba soo kordhineyn wax ka beddel lagu sameeyo, si loo dhameystiro.

“Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Yaasiin

Sheekada ah dastuur ayaa la dhammeystirayaa oo kumeel gaarka ayuu ka baxayaa waa mid aan bislayn waayo dastuurkan wax kasta oo laga baddalo wuxuu wali ahaanayaa kumeel gaar ilaa laga helo afti dadwayne oo uu ku noqdo mid rasmi ah.

Sidoo kale, inta ay Somaliland maqan tahay oo dalkuna uu kala qoqoban yahay dastuurku kama baxayo kumeel gaar.

Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!.

Mudane Xamze Cabdi Barre waa masuulkii ugu horreeyey oo taariikhda ku galay inuu horboodo xeer ku dhawaaqaya inuu yahay Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyey ee dalka.

Baarlamaanka 11aad isaguna malaga yaabaa inuu ku daydo Mudane Xamze oo ay u codeeyaan dastuurkan uu isku cabiray Madaxweynaha ee lagu tirtirayo dhammaan awoodihii Baarlamaanadii dalka soo maray oo idil?.

Maxaad ka ogtahay ‘waxa berri ka dhacaya’ baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtida berri ah oo bishu tahay 30-ka March, baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu cod u qaado ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa shalay lala wadaagay Xildhibaannada.

Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii maalinta berri ah uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhankeeda cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo.

Si kastaba, Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaysa in la meel-mariyo wax ka beddelka dastuurka oo madaxdii hore si adag uga horyimaadeen, waxaana socda isku-deygii u dambeeyay ee lagu doonayo in Sabtida berri ah loogu coddeeyo wax ka beddelka lagu muransan yahay.

Dowladda federaalka oo war yaab leh kasoo saartay wax ka beddelka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax wada-tashi ah uusan ka maqneyn wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud oo arrintaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in howsha wax ka beddelka dastuurka ay soo idlaatay, ayna u harsan tahay oo keliya in baarlamaanka uu meel-mariyo.

“Waa dhamaatay doodda dib u eegista wax ka beddelka dastuurka, waxaana haatan loo gudbay in baarlamaanka uu meel-mariyo dib u eegista lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay arrintaan “tallaabo taariikhi ah oo aan Soomaaliya horey uga dhicin,” isagoo hoos u dhigay diidmada Puntland ee dastuurka, oo uu sheegay inau horey qeyb uha aheyd wada-tashiyaddii dib u eegista dastuurka.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in aysan macquul noqon karin in geeddi socodka ummadda Soomaaliyeed uu la hayste u noqdo diidmada maamulka Puntland.

“Haddii xubin xubnaha kamid ah ay go’aansato inay ka maqnaato inay doorkeeda qaadato, xubintaasi Soomaalida inteeda kale iyo geeddi socodkiiyoo dhan ma iyaduu Hostage (la-hayste) u noqonayaa? Aniga meel ay macquul ka tahay u malayn maayo,” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaas kusii daray “Puntland waxay matalaad ku leedahay labada aqal ee baarlamaanka, kuwaasna ay yihiin kuwa ku ma talaya doodda dastuurka ee haatan go’aan gaaristeeda uu taagan yahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu maamulka Puntland oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka ku eedeeyay “in si iskeed ah u diiday ka qeyb noqoshada geeddi socodka dib u eegista dastuurka oo markii hore ay qeyb ka aheyd.

“Dowladda marar badan ayay Putin ugu yeertay shirka golaha wadatashiga qaran,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud.

Madaxweyne Muuse Biixi oo shaaciyey in la maroorsaday awooddii xukuumadda

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi ayaa imaneysa xilli uu weli Golaha Wakiilada horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo horey u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in golaha uusan awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore kusoo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha wakiilada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

“Xukuumadda waa midda awoodda sharciyeed u leh dejinta iyo ogolaanshaha ujeedooyinka barnaamijyada dowladda iyo waxyaabaha mudnaanta miisaaniyadda dowladda la siinayo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi oo bartamahii bishan miisaaniyaddaas dib ugu celiyay Golaha Wakiilada.

Inkasta oo si toos ah loogu sheegin qoraalka madaxweynaha waxyaabaha goluhu kusoo kordhiyay miisaaniyadda, haddana waxaa soo baxeysa in Biixi uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo dhinacyo kale ugu dareen miisaaniyadda.

Dhinacyada uu goluhu ugu daray lacagta ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidan beeleedyo ka jira deegaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Ciidan beeleedyadan ayaa ah kuwo hore uu u sheegay madaxweyne Muuse Biixi in la abaabuli doono ciidamo madani ah, xilli kal hore lagu kala baxay dagaalkii Laascaanood, inkasta oo aysan weli Somaliland ka quusan dib usoo celinta deegaanada sameystay maamulka ka madax-banaan.

Nidaamka cusub ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Somalia oo la horgeeyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dastuurka cusub ee ay madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya soo bandhigeen waxay ku doonayaan inay nidaamka dalka uga raraan nidaamka baarlamaaniga ah iyadoo loo guurayo habka madaxtooyada.

Haddaba, qormadayda waxaan uga jawaabayaa su’aalahan: Waa maxay ujeeddada geeddigan loo galayo? Maxaa ka dhalan kara? Ma jiraa hab kale oo la isku waafaji karo aragtiyaha kala duwan ee ka jira fagaaraha siyaasadda?

Ujeeddada loogu guurayo nidaamka Madaxtooyada

Bishii May ee sanadkii 2023 ayaa subax lagu waabariistay heshiis ay gaareen madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka oo aysan ku jirin Puntland. Heshiiskaas waxaa lagu sheegay in loo guurayo nidaamka madaxtooyada.

Waxaa jira saddex sababood oo loo qaateen ah oo keenaya in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda jira in dib loo qiimeeyo.

1. Inta badan waxaa iska-horyimaad madaxwenaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Dalku wuxuu yeeshay lix madaxweyne iyo 15 ra’iisul-wasaare tan iyo markii Carta lagu dhisay jamhuuriyadda saddexaad sanadkii 2000.

Madaxweyne baarlamaan doortay iyo Ra’iisul-Wasaare uu Madaxweyne magacaabay oo uu baarlamaan kalsooni siiyey ayaa mar walba qoorta isla-gala. Sidaa darteed, nidaamkani ma sii jiri karo. Waa sabab macquul ah.

2. Isma-keenayaan habka madaxweynaha lagu soo doorto iyo awoodaha uu leeyahay ee fulineed. Madaxweynaha waxaa soo doorta xubnaha baarlamaanka oo tiro ahaan ah 330 xubnood.

Xubnahani ma aysan ku imaan doorasho dadweyne sida baarlamaannadii Soomaaliyeed ee 1960-69. Waxay ku yimaadaan hab jacbur ah. Waxayna ku doortaan hab iibsi iyo musuq-maasuq ah madaxweyne leh awood fulineed oo buuxda.

Marka waxaa muddo dheer jirtay soo-jeedinno ku doodaya ha la baddalo habkan oo ha loo guuro nidaamyada jira midkood. Waxaa loo guuri karaa nidaamka baarlamaaniga oo uu ra’iisul-wasaare ku yimaad codka dadweynaha oo madax ka ah xisbiga guuleysta uu hoggaaminayo hey’adda fulinta.

Waa nidaam la yaqaan oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada adeegsadaan. Waxaa kale oo loo guuri karaa nidaamka madaxtooyada oo ah kan ay hadda dowladdu soo jeedisay. Habab kale oo isku-karis ahna waa la sameyn karaa.

3. Danta weyn ee ku riixaysa madaxda dowladda dastuurkan cusub waa wax-ka-baddalka nidaamka lagu soo dooranayo madaxweynaha. Weli ma dhicin madaxweyne markaas xukunka jooga oo teendhada lagu dooranayo madaxweynaha guul kala dheelmaday.

Waxaa abuurmay dhaqan-siyaasadeed oo baarlamaan kasta oo cusub oo la soo xulo madaxweynaha markaas xukunka jooga waa ay ridaan oo waxay doortaan mid cusub. Weliba, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Sheekh, ma jiro madaxweyne dib loo doortay.

Isaguna wuxuu bannaanka joogay oo uu xukunka ka maqnaa hal xilli oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukumayey dalka.

Haddaba, Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto.

Waxay is-tuseen inay taasi uga fursad roon tahay inay ku tartamaan nidaamkii madaxweynaha lagu dooranayey ilaa 1960-kii oo uu Madaxweyne Xassan Sheekhna ku yimid. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo.

Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen.

Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.

Waddada loo maray waa qardajeex. Iyadoo sababaha aan soo sheegay ka duuleysa ayay dowladdu soo jeedisay in la guuro. Waxay goosatay inay samayso dastuur cusub oo dantaas iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada iyo nidaamka doorashada ay ku jiraan.

Dhanka kale, lama soo bandhigin cilmi-baaris lagu sahmiyey nidaamkani inuu ka roon yahay kuwa kale. Lama sharxin sababaha aan nidaamyada kale loo eegin.

W/Q: Afyare Cabdi Cilmi, PhD
Research Professor, City University of Mogadishu.

FAROOLE oo weerar culus ku qaaday XASAN SHEEKH, ugana digay arrin dhici karta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa weerar afka ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u jeediyay eedeyn culus.

Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu beddelay gebi ahaanba dastuurkii Soomaalida ay heshiiska ku aheyd, uuna mid kale kala soo baxay jeebkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Senator-ka oo la hadlay BBC-da ayaa wuxuu uga digay madaxweynaha inuu kusii socdo qorshaha dastuurka oo ugu yeeray “tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in qorshahaan iyo rabitaanka Villa Somalia ay la riixayaan xubno ka trisan baarlamaanka oo uu sheegay inau dano gaar ah ka leeyihiin dowladda.

“Shakhsiyaad ka tirsan baarlamaanka oo iyagu mansab ka doonaya xukuumadda federaalka ayaa kala shaqeynaya (dowladda) in dastuurka dalka la beddelo,” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator-ka ayaa waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda ka dhalata wax ka beddelka dastuurka in ay madaxa u ridan doonaan labada gole ee baarlamaankan, oo ugu horreeyo guddoonka.

Hadalka Senator Faroole ayaa imanaya xilli maalinta berri lagu wado in lagu kala baxo wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan afarta cutub ee ugu horreysa, uuna baarlamaanka cod gacan taag ah u qaadi doono.

Kulankii shalay ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayuu guddiga dastuurka uu mudaneyaasha ugu qeybiyay nuqulkii ugu dambeeyay ee wax ka beddelka lagu sameeyay ee dastuurka.

Qodobada ku jira wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, ayada oo dhanka kalena uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo isagu ugu adkeysanaya si uu meel-mar u noqdo heshiiskii doorashooyinka ee golaha wadatashiga qaran, kaasi oo Puntland aysan qeyb ka aheyn.

Sawirro: Wasiirka difaaca oo qaaday tallaabo cusub kadib fadeexadii uu lugaha la galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur oo maalmihii dambe wajahayay waji-gabax la xiriira gudashada waajibaadkiisa shaqo, xilli uu culeys xooggan ka jiro furimaha ayaa qaaday tallaabo cusub.

Wasiirka ayaa bilaabay in uu dib ugu laabto howlihii dagaalka, isaga oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyay garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna FEI Shengchao ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib istaraatiiji ah oo uu kala dexeeyo xiriir soo jireen ah.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xoreynta, xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Kulankaan ayaa imanaya xilli wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya su’aallo laga keenay inuu u qalmo kursiga, ayada oo lagu eedeeyay in uusan u qalmin xilka uu hayo, oo muhiim u ah dagaalka socda iyo howl-galada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

Bankiga Adduunka oo u hanjabay DF iyo tallaabooyin culus oo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha.

Qoraalka Bankiga Adduunka oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii.

Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.

Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.

Bangiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;

  1.  Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
  2. Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
  3. Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
  4. Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
  5. Bangiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
  6. Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.

Sido kale waxa uu Bangiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.

Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah.

Erdoğan oo sanado kadib booqanaya AQALKA CAD

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal Turkish ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa kulankii ugu horreeyey ee uu ku yeesho Aqalka Cad ee xilliga maamulka Biden.

Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan, ayaa soo hagaagayey tan iyo markii Ankara ay bishii Janaayo ogolaatay xubinnimada Sweden ee NATO, kadib 20 bil oo dib u dhac ah oo niyad jab ku keenay Washington.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli sii jirta, oo ay qeyb ka tahay waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidammada Maraykanku ay xulafo la yihiin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Ankara ay u aragto argagixiso.

Washington ayaa sidoo kale ku cadaadisay Ankara inay wax badan ka qabato sidii loo joojin lahaa badeecooyinka u socda Ruushka ee ay sheegtay in loo isticmaalo dagaalka Moscow ee Ukraine.

Sarkaalkan ayaan wax faah-faahin oo dheeri ah ka bixin socdaalka, balse waxa uu sheegay in madaxa ugu sarreeya sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin uu la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo uu kala hadli doono socdaalka la qorsheeyay iyo arrimo kale oo xiriirka labada dhinac ah.

Khamiistii iyo Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo Wasiirka Difaaca Yasar Guler ayaa sidoo kale la kulmay wafdi Mareykan ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Washington ama safaaradda Mareykanka ee Ankara oo ku saabsan booqashada Erdogan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Biden iyo Erdogan ay sidoo kale u badan tahay inay ka wadahadli doonaan dagaalka Israel iyo Xamaas – iyadoo ay jiraan hadallo kulul oo Erdogan uu ku dhaleeceeyey ficillada Israel.

Biden iyo Erdogan ayaa sidoo kale ka wada-hadli doona iskaashiga difaaca labada dal oo ay ku jirto ansixinta dhowaan Turkiga loogu ogolaaday iibsashada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

Markab dagaal oo Ruushka leeyahay oo ku soo xirtay dekad ku taalla Geeska Afrika

0

Asmara (Caasimada Online) – Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov Khamiistii uu yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga

“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.

Eritrea ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow.

Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.

Isha: BBC

Muxuu yahay go’aanka culus ee ka soo baxay maxkamada ICJ ee Israel la dul dhigay?

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah.

Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague ayaa fartay Israa’iil inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, in gargaarka deg-degga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si deg-deg ah u hubiso “in aanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xad-gudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza,” maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan.

Israa’iil ilaa haatan wax fal-celina oo deg-deg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza.

Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay in aanay soo saarin amaro cusub.

PUTIN oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray reer Galbeedka xilli ay qorsheynayaan in…

Moscow (Caasimada Online) – Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii.

Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO.

“Ma lihin ujeeddooyin gardarro ah oo ku wajahan dalalkan,” ayuu yiri Putin, sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyey Khamiista maanta ah.

“Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.”

Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd.

Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukraine, Putin waxa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedeli doonin xaaladda Ukraine.

“Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin.

“Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.”

Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka.

“Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin.

Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda.

Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah.

Belgium, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ka mid ah dalalka ballan-qaaday inay ku deeqi doonaan F-16. Sidoo kale dalal badan ayaa ballan-qaaday inay ka caawin doonaan Ukraine inay u tababaraan duuliyayaashooda.

Xog: Xubno ka tirsan DF oo ku fashilmay inay dekeda ka gudbiyaan daroogo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ganacsatadii dalka keentay tubaakada halista ah ee loo yaqaano Taabuu-ga ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir, waxayna mareen hanaanka xabsi xalaaleynta, iyadoo loo dhaadhiciyey xabiga, si baaritaano dheeraad ah loogu sii sameeyo.

Waxaa soo baxay maanta xogo xasaasi ah oo sheegaya in kiiskaan ay ku lug yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Tayodhorka Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah maamulka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xubnaha kiiskaan u xiran ee maanta su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, kaas oo hey’adda Tayodhowka kala shaqeynayey koontoroolidda alaabaha ku jira kunteenadara laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.

Ganacsatada maxkamadda la geeyey ayaa maanta sheegay inay jiraan xubno ka tirsan hey’adda Tayodhowrka oo kula shirkoobay in markii ay dekedda ka soo dejiyaan tubaakada Taabuu-ga ay la fududeyn doonaan sidii looga bixi lahaa dekedda, si loogu iib geeyo gudaha dalka.

Waa markii ugu horeysay oo Tubaako hal kunteenar dhan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa tubaakadaan laga keenay dalka Sweden, waana nooc halis ah oo qofkii caba uu aad ugu sarqaamayo, sida ay noo sheegeen dadka yaqaana, waxaana la qirsan yahay in hadii Muqdisho ay soo geli laheyd Tubaakadaas ay halis ku noqon laheyd bulshada.

Kunteenarka siday Tubaakadaan halista ah ayaa fashilmay oo la qabtay markii is fahmi waa uu soo dhex galay ganacsatadii ka soo dejisay dekedda iyo xubnihii heshiiska la galay ee hey’adda Tayodhowrka, kuwaas oo markii hore balan-qaaday inay ka soo gudbi doonaan dekedda Muqdisho.

Markii ganacsatada keentay kunteenarka Tubaakada ah la su’aalay waxay cadeeyeen inay heysteen balan-qaad buuxa oo ku dhiirigeliyey inay dalka soo geliyaan Taabuugaan halista ah, taasi waxay badisay tuhunka, waxaana lagu celiyey xabsi si baaritaanadu u sii socdaan, loona raadiyo dadka kale ee kiiskaan u lugta leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kunteenarkaas waxaa ku jiray 49 kartoon uu Taabuu ah, waxaana markii ugu horeysay xogtiisa heshay maareeyaha hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya, taasi oo cusleysay in xubno ka tirsan hey’adda ay macaamil ka galaan, sidii dekedda looga soo gudbin lahaa Tubaakadaas halista ah.

Hey’adda Tayodhowrka Soomaaliya waxay baartaa Tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, waxaana saran masuuliyad weyn, dhawaan waxaa garoonka Muqdisho lagu qabtay 7 kunteenar oo Bur dhacay ah, kiiska Burkii dhacay ee la qabtay iyo dadkii dalka soo geliyey ayaa hadda loo gudbiyey maxkamadaha dalka.