26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

PUNTLAND ‘oo yeelaneysa’ awoodda dowlad madax-banaan hal sabab darteed

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo xalay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka ayaa sheegtay inay yeelaneyso awoodda dowlad madax-banaan.

Hoggaanka Puntland oo meel adag iska taagay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay, oo loo qaado afti dadweyne.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax-bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir deg deg ah oo xalay ay yessheen Golaha Wasiirrada Puntland.

Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee madaxweynanimo, sida uu sheegay hoggaanka Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso oo wada-shaqeyn la yeelaneyso cid kasta oo aqoonsan, kuna dhaqmeyso dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay 1-dii August 2012-ka.

Si kastaba, Go’aannada Puntland ayaa ah kuwa ay uga jawaabeyso tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya, ee uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Puntland oo go’aan culus la wadaagtay QM iyo macaamil toos ah oo billaabanaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kadib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa beesha caalamka, sida lagu yiri qoraal goordhoweyd kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la wadaagay Qaramada Midoobey qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland, kaasi oo ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kagala laabteen hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo hay’adaha Puntland, iyadoo la dardar-gelinayo wada shaqeyn toos ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Kulankaan ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, uuna qaadacay tallaabadi uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Si kastaba, Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee u horreysay dastuurka.

Aqriso: Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee la ansixiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubka 1–4-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa shalay lagu ansixiyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya. 212 mudane oo Golaha Shacabka ah oo lagu daray 42 mudane oo Aqalka Sare ah ayaa “Haa” ugu codeysay afartaan cutub, taas oo ka dhigan inuu ku maray aqlabiyad ay wadarteeda guud tahay 254 mudane.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ayaa muhiim u ahaa Madaxtooyada.

Waxaa soo koobeyna lixda qodob ee ugu muhiimsan cutubyada dastuurka ee shalay uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya?

1. Kursiga ra’iisul wasaaraha

Kadib markii ay xoogeysteen dadka diidan inuu dalka yeesho hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen ayey madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa bedelkeeda keensadeen ra’iisul wasaare uu eryi karo madaxweynaha markii uu doono.

Markii hore baarlamaanka oo keliya ayaa eryi karay ra’iisul wasaaraha, qodobkan wuxuu shalay baarlamaanka ku maray inuu madaxweynaha xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha xilligii uu doono, taasi oo daciifin doonta qiimaha kursiga.

Waxaa loo badinayaa in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay markii horeba halkaas u socdeen oo madaxweyne ku-xigeenka dhab ka aheyn.

2. Hanaanka doorashooyinka

Hanaanka doorashooyinka ee dalka ayaa laga dhigay qof iyo cod, waa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada labada sidaas lagu soo doorto.

Muddo sanad ah oo muddo kororsi ah ayaa horey loo siiyay madaxda maamullada, haddana haddii aan loo ogolaan doorasho dadban waxay u baahan doonaan waqti dheer, si ay u qabtaan doorasho qof iyo cod ah, halkaas muddo kororsi ama khilaaf midkood ayaa kasoo socda.

3. Xisbiyada

Tirada xisbiyada uu dalka yeelan doono ayaa waxaa laga dhigay saddex xisbi. Mucaaradka ayaa markii hore si weyn u diiday in labo xisbi lagu soo koobo dalka, laakiin waxaa shalay la ansixiyay saddex xisbi siyaasadeed, iyada oo lifaaq lagu soo saari doono sida ay kusoo baxayaan saddexda rasmiga ah.

4. Guddiga doorashooyinka

Dalka waxaa uu yeelan doona hal guddi doorasho. Tirada guddiga doorashooyinka waxaa laga dhigay 18 xubnood. Markii hore madaxda maamullada iyo dowladda dhexe waxay ku heshiiyeen 15 xubnood, laakiin hadda saddex ayaa lagu daray.

Waxaa kale oo meesha laga saaray in maamul goboleedyada xubno soo magacaaban, waxaana 18-kaba lagu mariyay in xukuumadda soo magacaabi doonto, iyada oo la tashaneyda dhinacyada ay khuseyso.

5. Magaca ragga xukuma maamullada dalka

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka shalay maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maanta meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal, waana mid kamid ah qodobada ay dadka Soomaalida badi isku raacsan yihiin.

6. Muddo xileedka

Marka Puntland laga reebo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa muddo xileedkooda ahaan jiray afar sanno, laakiin hadda waxaa laga dhigay guud ahaan dalka oo dhan inuu muddo xileedka yahay labada heer dowladeedba shan sanno.

Odowaa oo si cajiib ah ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.

Ugu horeyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.

Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.

Labada madaxweyne ee hore ee aniga qadarin baa u hayaa waa laba xildhibaan marka waxa ay ahayd in maanta inay yimaadaan halkan oo ay ka codeeyaan” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaannadu ay isku fac yihiin, isla markaana ay leeyihiin cod ay wax ku diidi karaan ama ku yeeli karaan.

“Waxaan idin sheegaa xildhibaan kama cod badna xildhibaan kale marka xildhibaannadu waxaa isku facee ha’is aaminaan, hana yimaadaan” ayuu sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah kooxda aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay waxa ay guul ka gaareen arrinta dastuurka oo ay muddo ka taagnayd dood.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xubnaha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif ay kasoo horjeesteen wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhankeeda tallaabadan qaadacday Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowlada dhexe.

Soomaaliya oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Sabtidii shalay ku meelmariyeen xildhibaanada labada gole wax ka beddelka dastuurka.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid geesinimo leh, isla markaana waa cusub u furay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqo iyo howl hadda ayay bilaabatay, waa cusub ayaana Soomaaliya u baryay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dalka.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha dastuurka waxa uu hoosta ka xariiqay inuu yahay mid ay Soomaali qoratay, isla markaana lagu diyaariyay hanti qaran oo Soomaaliyeed.

“Waa dastuur Soomaali qorotay, ayna ka dooday, Soomaalina ansixisay waxaana lagu diyaariyay aqoon, tabar iyo hanti Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Macallin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in afarta cutub ee la ansixiyay inay awood siinayaan shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan hoggaankooda.

“Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah waa maalin dadweynaha Soomaaliyeed loo soo celshay awoodoodii oo ay ku dooran lahaayeen madaxdooda” ayuu markale yiri.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh shalay u meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, mana jirin cid diiday, ama ka aamustay.

 

Si kastaba, waxaa weli go’aankan diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo iyadu ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland oo aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka

Garoowe (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Puntland

Xog: Halka laga keenay jaaygii hadal-heynta abuuray ee laga soo dejiyey dekeda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-heynta Jaay laga keenay dalka Turkiga oo laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, si loogu dhiso guryaha.

Sawirro laga soo qaaday ku dhowaad 10 carro gediye oo dekedda Muqdisho taagan, isla markaana Jaay sida ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Soomaaliya waxaa aad ugu badan dhagaxa oo laga sameeyo Jaay, sidoo kale inta badan dalka waxaa laga helaa Jaay aan warshadeyn u baahneyn.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed markii ay maanta ku arkeen baraha bulshada, waxaana ilaa hadda laga yaaban yahay sababta loogu baahday in Jaay laga soo dhoofiyo Turkiga.

Ganacsatada dalka keentay Jaaygaas ayaa laga soo xigtay inuu ka tayo fiican yahay kan Soomaaliya, balse ma jirto khasaaro lagu qabo Jaayga ama dhagaxaanta ay Soomaalidu ku dhisato guryaha.

Dowladnimada Soomaaliya oo aad u jilicsan ayaa loo aaneynayaa sababta dalkaan loo keenayo wax kasta, mana ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliya loo soo dhoofiyey waxyaabo laga helo dalka.

Hadda ka hor waxaa la keenay oo hadal heyn badan abuuray qudaar loo soo dhoofiyey Soomaaliya, sida Canbe iyo Moos, kuwaas oo si xad dhaaf ah uga baxa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa mar la sheegay in madax Ari ciiriin ah oo seejalan la keenay dalka, taas oo la yaab iyo niyad jab ku noqotay dadka Soomaaliyeed oo aan weli helin dowlad ka koontoroosha waxyaabaha loo soo dhoofinayo dalka.

Sawirro: Madaale oo maanta bixiyay abaal-marino lacag ah iyo ballan-qaad weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay tartanka Qur’aan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo mid sanadle ah ayaa waxaa taaba-geliya guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Madaale, waxaana ku tartamay ardey ka kala socday dugsiyadda Qu’aanka Kariimka ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa abaal-marino lacag ah siiyay ardeyda kaalmaha hore ka gashay tartankaan, kuwaasi oo kaalimaha u kala galay:

1- Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi (Kaalinta 1-aad). Waxa uu ka socday degmada Waabari.

2- Asmaa Maxamed Ibraahim (Kaalinta 2-aad) oo ka socotay degmada Wadajir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in guuleystayaasha kala galay kaalmaha 1-aad iyo 2-aad Waalidiintooda loo qaadi doono Xajka.

Waxa uuna ku amaanay ardayda xaafidul Qur’aanka iyo Waalidiintooda sida ay ugu da’daaleen xafidida Qur’aanka Kariimka oo ah daraja iyo maqaamka sare oo uu gaaro qofka muslimka ah.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta, xildhibaano, culuma’udiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal degmo, ururka haweenka gobolka, macalimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

3 askar oo dhac ka geysatay magaalada MUQDISHO oo xukun adag lagu riday maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shantaan eedeysane ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha Koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan Taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa ayaa kusoo Baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen Taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen.

Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha Taariikhdu markii ay aheyd Todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka.

2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka.

3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Daawo: Nin qarax ku weeraray Masaajid oo lagu qabtay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Holwgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa yimid, kadib markii weerar loo adeegsaday qarax bam-gacmeed ah lagu qaaday Masaajid ku yaalla mid kamid ah xaafadaha magaaladaas-, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay falkaasi oo isku dayay inuu baxsado, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe.

Mas’uul u hadlay Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay weerarkaas iyo sida lagu soo qabtay eedeysanaha oo uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta.

“Ninka falka gaystay, isla markii ayaa horay laga qabtay ciidanka Asluubta ayaa howlgalay gacanta ayaana lagu soo dhigay” ayuu yiri mas’uulka u hadlay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan falalka ammaan darri ee lidka ku ah amniga magaalada Baydhaba.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka” ayuu mar kale yiri.

Baydhaba ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay halkaas ka gaysaneysay kooxda Al-Shabaab.

QM oo fara-gelisay xiisadda DF iyo Puntland iyo kulan xasaasi ah oo ka socda…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallo xasaasi ah ayaa goordhoweyd uga bilowday Madaxtooyada Garoowe madaxweynaha Puntland iyo ergeyga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya.

Wada-hadalladan oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saaraya khilaafka sii xumaaday ee Puntland iyo Villa Somalia, kaasi oo cirka isku sii shareeray kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka.

Kulanka madaxweyne Saciid Deni iyo ergayga QM Catriona Laing ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Puntland ayaa meel adag iska taagtay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka, ayada oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa sidoo kale la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ayadu waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ee muhiim u ahaa Madaxtooyada, waana midka diidmada u badan wajahaya.

Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay nin fal argagax leh gaystay, kadib markii…

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland oo sameeyay howlgal saacado badan qaatay ayaa gacanta kusoo dhigay nin darawal ah oo habeen hore fal argagax leh ka gaystay magaalo xeebeedka Berbera ee isla maamulkaasi, kadib markii uu si arxan darro ah u jiiray ilmo yar oo 9 sano jir ah, kadibna uu ka baxsaday goobta.

War kasoo baxay booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegaya in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jaamac lagu qabtay isaga oo baxsad ah magaalada Burco.

“Eedaysane Maxamed Farxaan Jamac oo ahaa darewalkii waday baaburkii jiidhay ilmaha yar ee 9 jirka ah ayaa laga soo qabtay Magaaada Burco kadib markii uu baxsaday isla habeen hore” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Gaariga uu shilka gaystay ninkan ayaa sidoo kale horay loo qabtay, kadib markii uu shilka dhacay, ayada oo darawalkii baxsadka ahaana ugu dambeyn lasoo qabtay.

“Ciidanka boolisku waxay sheegeen inay hore uxidheen baaburkii shilka gaystay. Ciidanka booliska ayaa sheegay inay sidoo kale inay ku daba-jireen koox dhalinyaro ah oo la socotay eedaysanaha markii shilku dhacay” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Inta uu howlgalkan uu socday ayaa waxaa lagu qabtay in ka badan 300 oo gaadiid ah oo ay isku nooc yihiin baabuurka shilka gaystay, si loo soo helo eedeysanaha hadda la qabtay.

“Hawl-gal qaatay mudo 24 saacadood ah ayaa lagu soo qabtay eedaysanaha iyo baaburkii uu watay , waxaa arinkaasi loo xidhay in ka badan 300 gaadiid ah” ayaa lasii raaciyay.

Somaliland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in darawalkan la marsin doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, maadaama uu dil gaystay.

Maamulka gobolka Tigrey oo arrin xasaasi ah ka codsaday dowladda Mareykanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online ) –Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigrayga (TIRA), ayaa u sheegay xubnaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo ku sugan gobolka Tigray in Heshiiskii colaad joojinta ee Pretoria loo baahan yahay in dadaal weyn ay geliyaan dhammaan saamileyda siyaasadda si loogu hirgeliyo si buuxda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warantay in Getachew uu u sheegay xubnaha senate-ka ee booqashada ku yimid in dadka Tigray-ga aysan awoodin in ay nabad buuxda ku naaloodaan sababo la xiriira dhaqan gelinta buuxda ee heshiiskii Pretoria.

In beesha caalamka oo ay ku jirto dawladda Maraykanku ay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa dhibaatada ay la kulman dadka Tigrayga.

Iyadoo la xaqiijinayo dib u soo celinta madax-bannaanidii dastuuriga ahayd ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyo in gacan laga geysto dib u soo celinta dadkii ka barakacay guryahooda, ayuu yidhi Getachew.

Booqashada xubnaha senate-ka Mareykanka ay ku tageen gobolka Tigreega ayaa ka dambeysay xiisaddii u dhaxeysay dowlad deegaanka Tigreega iyo Axmaarada iyadoo ay wali taagan tahay xal u helida maqaamka Galbeedka iyo qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Tigray.

Deegaanadaas oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo gacan saar la leh. Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Amxaarada.

Dawladda Maraykanka ayaa ah mid ka mid ah daneeyayaasha muhiimka ah ee fududeeyay heshiiskii Pretoria ee November 2022-kii.

Xasan Sheekh oo war culus soo saaray kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin taariikh ah oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada dheer soo socday.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  tilmaamay in dastuurka uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dhameystiro.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu baaqay baarlamaanka Soomaaliyeed inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan dhammeystirka dalka, si loo turxaan bixyo qodobada harsan.

waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka” ayuu mar kale..

Ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay si aqlabiyad leh maanta ku meel-mariyeen xildhibaannada ayaa kusoo aaday, xilli ay diidan yihiin mucaaradka iyo Puntland.

Cumar Cabdirashiid, Khayre iyo CC Shakuur oo qaadacay tallaabadii baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka.

Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynaynaa in
masuuliyadda iyo caaqibo xumida ka dhalata dastuur bedelidda ay qaadayaan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada aqal ee
Baarlamaanka”” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Horay madaxweynayaashii hore ee dalka, Farmaajo iyo Shariif ayaa sidaan oo kale u diiday wax ka beddelka dastuurka, waxaana sidoo kale kasoo horjeedo hoggaanka Puntland.

R/Wasaare XAMZA oo soo saaray sheegasho yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeysay guusha maanta laga gaaray wax ka beddelka dastuurka oo ay ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal.

Xamza ayaa ku faanay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, sida uu hadalka  dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka laga leeyahay dhammeystirka dastuurka ku sheegay si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Dhinaca ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada gole ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudashada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

“Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS” ayaa lagu yiri qoraalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Sida looga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka dalka.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Haddaba sidee looga faceliay tallaabada baarlamaanka Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada ee ku aadan ansixinta dastuurka.

Khaalid Aadan Cabdifitaax “Mashallah guul wayn ayay ummada Soomaaliyeedmaanta gaartay mar haddii dowladnimada Soomaaliya salka dhulka loo dhigay”.

Cabdullahi Maxamed Xaashi “Halkaan waa lagu kala adkaaday, diid ama yeel 4-ta cutub ee dastuurka”.

Bahja Cabdalle “Kuwii diidayay malmahaan aween mise fawda lee ka ahayd?”.

Axmed Taatiko ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Dastuur dhameystiran waa qaran dhameystiran”.

Khadar Cabdullahi “Waligey ma, arkin maanta kahor ayadoo howshu bilaa buuq bilaa diidmo iyo bilaa fowdo kusoo dhamaatay wada ogol isla ogol dalxoreeye guuleyso”.

Cabdicasiis Beereed “Maanta waa maalin taariikhi qaranka somalia iyo shacabka Soomaaliyeed weey guuleysteen hambalyo”

Puntland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka

“Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Maxay ka dhigan tahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo muddo dheer dood xoogan ay ka taagnaayd.

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid wax ka beddeleysa nidaamka dowladnimada dalka

“Dastuurka waxa laga beddalay waxay ahaayeen wax too toosin ah oo qurxin ah waxna waxay ahaayeen wax ku saabsan haylkalka & nidaamka dowladnimada” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in fursad ay siineyso shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dooran doonaan xildhibaannada iyo madaxweynahooda.

“Hadda waxa ugu badan ee laga beddalay waxay ahayd madaxweynaha iyo xildhibaannadu inay soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, doorashadaas oo ah qof iyo cod” ayuu raaciyay.

Dhankeeda xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka hadashay codeynta ka dhacday baarlamaanka ayaa sheegtay inay tahay guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, waxayna farriin u dirtay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee diidan dastuurka.

“Shacabka Soomaaliyeed way guulaysteen waxaan rabaa inaan farriin u diray dad waxaa jiray diidan, horta kursigan hal nin ayaa nasiib u yeelan kara ama hal madaxweyne ee waxaa ballan qaadeen  qof kasta inuu dhameystiri doono dastuurka hadda waxaan leeyahay kuligiina madaxweynayaal ma noqon kartaanee ninka uu jaaniska siiyay mara halooga faqo” ayay tiri xildhibaanaddu.

Qaali ayaa ugu dambeyn ugu baaqday xubnaha mucaaradka inay dhinacooda dadka kasoo raacaan, si loo dhammeystiro dastuurka KMG ah ee dalka

“Waxaan rajeynayaa inaad Idaacadaha soo fariisataan oo aad tiraahdaan Soomaali oo dhan way is raacdee, annagana waan raacnay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Qaali Cali Shire.

Xildhibaanada BF oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Arrintan ayaa soo afjareyso dood muddo dheer ka taagneyd dastuurka oo ay diidanaayeen mucaaradka, gaar ahaaan madaxweynayaashii hore iyo hoggaanka sare ee Puntland.