27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

Dimishiq (Caasimada Online) – Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Daawo: Qaabkii XASAN u dalacsiiyey saraakiisha Gorgor ee difaacay Xarardheere

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar taariikhi ah ku tegay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku soo qaadeen weerar culus oo ay doonayeen inay kula wareegaan, balse ay awoodi waayeen.

Maxaxweynaha ayaa maanta kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada Xarardheere, isagoo u khudbeeyey ciidanka.

Guusha ugu weyn ee safarka Madaxweynaha waa inuu dalacsiiyey dhammaan saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka ee kooxaha Khawaarijta ah ka difaacaya degmada Xarardheere iyo deeganaada hoos taga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh inuu dalacsiiyo askarta iyo saraakiil xigeenada ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale saraakiishii iyo ciidamadii joogay halka uu khudbadaan ka jeediyey ayuu ka codsaday inay salaan ka gaarsiiyaan ciidamada ku maqan furimaha iyo kuwa duurka fog ee degmada difaaca uga jira, taas oo muujineysa laxawga ay madaxweynaha ku hayaan ciidamada naftooda horayaasha ah.

Wasiirradii la socday ee gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ayuu sheegay inay soo dhameystiri doonaan baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo bulshada degmada Xarardheere, isagoo ka balan qaaday in safarkaan uusan noqa doonin kii ugu dambeeyey ee Xarardheere uu ku tegay, balse uu ku laaban doono halkaas.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee booqda degmada Xarardheere, waxayna booqashadiisaan ku soo aaday xili ay adagtahay xaaladda magaaladaas oo Shabaab ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse Xasan Sheekh ayaa maanta shacabka iyo ciidamada ku sugan degmadaas dareensiiyey inay astaan u yihiin halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xogta safarkii Xasan iyo Qoor Qoor ay ku tageen Xarardheere iyo Ceeldheer

Xarardheere (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug.

Safarka Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa daaraa dardar-galinta howlgallada dib u xoreynta dalka, isagoo dhiirigalin u sameeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa min hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo ka hor ay Shabaab isku dayeen inay xoog kula wareegaan, balse lagu laayey.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay shacabka iyo ciidamada ku sugan degmada Xarardheere ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kicitimay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha ayaa mar kale fagaare kula hadlay shacabka degmada Ceeldheer,  Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka, wuxuuna ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda, si halganka ay ku jiraan uu u guuleysto.

SOMALILAND oo dhibco siyaasad ka heshay ansixinta wax ka beddelka dastuurka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegtay in aysan arrintaasi waxba ka quseyn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa sheegay in talllaabaddii Sabtida ay soo afjareyso rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jirtay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waa shaqo ay iyagu (Soomaaliya) ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin midaasi,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC-da.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kaliya oo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur iyada u gaar ah, kaasi oo loo codeeyay sannadkii 2001-dii, wuxuuna iska yeel-yeel ku tilmaamay in xildhibaanno reer Somaliland oo ka tirsan BF ay wax ka ansixiyeen dastuurka.

“Qof ka qoran halkan (Somaliland) in uu dembi ka galay oo xilka markuu ka dhamaadana ay tahay in uu cafis weydiisto (madaxweynaha Somaliland) siduu dal u ma talayaa?,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan.

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa fursad siyaasadeed ‘aan la fileyn’ ka heshay tallaabadda ay Sabtidii qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu baarlamaanka marsatay wax ka beddelka dastuurka ee ay rabtay, kaasi oo uu xalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan.

Villa Somalia oo ka baxday heshiiskii madax goboleedyada iyo waxa ka dhalan kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lasoo warinaya inay gadood ka qaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uumadaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.

Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;

1. Haykalka dowladnimada

Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.

2. Tirada xisbiyada

Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

3. Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed

Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.

Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah.

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamullada go’aannadii u dambeeyay wax talo ah laga siinin, waxa kale oo Villa Somalia hoos iskaga dhigtay dhowr jeer oo ay afartaan maamul dalbadeen in la qabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waxay hadda ku sugan yihiin Boqortooyada Sacuudiga oo ay Cumro u joogaan, halka la filaayo inuu maalmaha soo aadan ku biiro Qoor-Qoor.

Illaha ku dhow-dhow xubnahaan waxay warinayaan inay gadood ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh howsha u qaabeeyay iyo inay qaarkood ka fikirayaan inay tallaabooyin deg deg ah qaadan Ciidda kadib, maadaama ay badi isbeddeleen wixii ku qornaa heshiiskii ay la galeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.

DF durba miyey jabisay dastuurki la ansixiyay Sabtidii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo durba lagu macneeyay “inay jabisay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.”

Dastuurka la ansixiyay oo xalay uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”

Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo baahinayay safarkii uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay furimaha hore ee dagaalka, ayay waxay Mudane Axmed Qoor-Qoor ugu yeertay “madaxweynaha Galmudug” halka uu dastuurka Villada meel-marsatay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyaha Galmudug”.

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maalinkaas meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal.

Sida muuqata warbaahinta dowladda ayaa faham buuxa ka haysan dastuurka Sabtidii meel-marka noqday, waxayna tallaabadan dhinaca kale shaki gelinaysa in wax ka beddelka dastuurka uu dhaqan-gal noqdo, maadaama ay durba dowladda ay u muuqato mid jabisay qodob kamid ah dastuurka ay meel-marsatay.

Dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya, ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna xalay saxiixay madaxweynaha.

NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badnaa ee mar qura isa soo dhiiba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka NISA ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood, kana soo goostay kooxda arxanka daran ee Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.

Dood yaab leh oo laga keenay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay nuqulka wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamaanka, kaasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.

Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaki galiyay nuqulka wax ka beddel ee madaxweynaha uu saxiixay, xilli uu sheegay in baarlamaanka laga qariyay wax ka beddelka saxda ee loo coddeeyay, sida uu ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in illaa iyo haatan cid aragtay aysan jirin nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, islamarkaana aan la garanayn waxa uu madaxweynaha xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka

Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub.

Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9-ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag.

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo.

Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystay ka ah?.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo muhiim u ah dagaalka kooxda Al-Shabab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta ciidanka geesiyaasha ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, si dhiig cusub loogu shubo gulufka uu gaabiska ku yimid.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale indhaha soo saari doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la’isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda.

Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran, lagana gaaray guullo wax ku ool ah.

Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda.

Si kastaba, booqashada haatan madaxweynaha ku tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa imaneysa, xilli dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.

Maxay tahay arrinta yaabka leh ee banaanka usoo baxday kadib tallaabadii Madaale?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixin ay Caasimada Online ka qortay kormeer uu duqa magaalada Muqdisho xalay ku tegay suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa ka dhashay falcelin la xiriirta bilicda suuqa iyo dhammaan wadooyinka muhiimka ah ee gala.

Cabdullahi Maxamed Suldaan oo kamid ah saaxibada ku xiran boggeenna Facebook oo lagu daabacay warbixintan ayaa farriin culus u diray guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isaga oo u marsiiyay Shabakadda Wararka Caasimada Online.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddoomiyuhu wax ka qabto qashin qubka yaalla isgoyska Bakaaraha oo muuqaal ahaan aan wanaagsaneyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guddoomiyaha inuu meesha tego, isla markaana uu soo arko xaaladda adag ee ka jirto halkaasi oo muhiim u ah suuqa isku socodka dadweynaha.

“Madaale waxad u sheegtaan isgoyska Bakaaraha qashin qub ayuu isku beddelay. Hasoo eego” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Suldaan oo ka falcelinayay warbixinteenna.

Madaale booqashadiisa xalay kuma aadanayn bilicda Bakaaraha, laakiin ujeedka waxa uu ahaa u kuurgelida isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada habeenkii ah, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Intii uu ku jiray kormeerkan duqa magaalada Muqdisho wuxuu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.

Bakaaro ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay isbeddel wayn oo dhinaca amniga, waxaana horay u booqday taliyaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

QM oo ka digtay halis weyn oo ka dhalaneysa xiisadda DF Soomaaliya iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa haatan si toos ah usoo faragelisay xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo haatan ku kala tegay arrinta dastuurka KMG ah.

Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing oo shalay booqatay Garoowe ayaa ka warbixisay safarkeeda iyo kulan ay la qaadatay Saciid Deni.

Catriona Laing oo ka hadashay khilaafka soo xoogeystay iyo go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dalku uusan horey u socon karin Puntland oo maqan, loona baahan yahay in xal loo helo khilaafka taagan ee labada dhinac.

Waxa kale oo ay sheegtay in arrintan iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ay kala hadashay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo Axaddii ku kulmeen caasimadda Garoowe.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu u sheegay inuu diyaar u yahay in xal loo helo muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha dastuurka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka maqlo madaxweynaha Puntland in ay ka go’an tahay in uu isku dayo in arrintan xal loo helo, si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay,” ayay tiri ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Puntland ayaa maalin kahor ku dhowaaqday inay aqoonsigii kala laabtay dowladda dhexe, kadib meel-marintii wax ka beddelka dastuurka oo ay horay digniin culus uga soo saartay.

NISA oo xalay MUQDISHO ku qabatay rag qaraxyo waday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu qabtay laba nin oo doonayay inay falal ammaan darri ka gaystaan gudaha caasimada.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay si gaar ah ugu howlayeen diyaarinta qaraxyo lagu qabtay, xilli ay gacanta ku dhigayeen ciidamada ammaank ee dowladda Soomaaliya.

“Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay si wadi doonto howlgallada ka socda Muqdisho.

“Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa alaabo weeraro iyo dilal ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan ku qaaday hoteelka caanka ah ee SYL.

Saameynta ka dhalan karta go’aanka Puntland ay xiriirka ugu jartay DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaareen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, kadib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel-mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

“Dowladda Puntland waxay halkan ku hakisay dhammaan wadashaqeyntii iyo xiriirkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay saqdii dhexe.

Xiriirka waxaa dib loo soo celin lahaa oo kaliya haddii Muqdisho ay “soo celiso oo ay raacdo dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka”, iyo sidoo kale wadatashiyada ku saabsan arrimaha amniga iyo xaqiijinta in si cadaalad ah loo qaybiyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan, ayaa intaa lagu sii daray.

Sidaas oo kale waxay Puntland sheegeen inay u dhaqmayaan “sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin” sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay.

Maxaa ka dhalan kara go’aanka Puntland?

Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa soo taagnaa in muddo ahba, waxaana dadka u dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya ay sheegayaan, in saameyntiisa uu wato go’aankan ugu dambeeyay ee Puntland.

Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka.

Haddaba aan eegno dhowr arrimood oo go’aankan uu saameynayo.

Dhaqaalaha

Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo haya’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, inkasta oo xiriirkoodu xumaa labada dhinac haddana ay Puntland lumin karto fursaddaas, maaddaama ay gabi ahaanba hadda jartay xiriirkii dowlada federalka.

Puntland ayaa sidoo la xasuustaa inaysan kaalin weyn ku lahayd heerkii dayn cafinta muddooyinkii danbe laga soo bilaabo muddo xilledkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan helin kaalmadii beesha caalamku siiyeen Soomaaliya qaybtii ay ku lahaayeen sida uu BBC-da horaan u sheegay wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Waxbarashada

Tani waa qodob kale oo muhiim u ah Puntland, marka la eego kaalinta ay ku leedahay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalalka ka taageera waxbarashada.

Inkasta oo Puntland iyo dowladda federalka isugu maandhaafeen xal u helidda arrintaas, oo ayba dowladda dhexe hakisay deeqaha waxbarasho ee Puntland ka heli jirtay dowlada federalka xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, haddana tani waa caqabad ay mar kale la kulmi karaan ardayda deegaanadasi sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Arrimaha bulshada

Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka kaliya ma saamayn dhanka siyaasadda oo kaleiya, basle waxaa kale oo saamayn togan uu ku yeeshay arrimaha bulshada.

Puntland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aan ka qayb galin ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo ka dhacay Muqdisho, sababo ay ku tilmaameen inay kala heshiin dowladda dhexe hannaankaas sida uu horaan BBC u sheegay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid.

Waxyaabaha uu dhaawici karo khilaafka cusub ee labada dhinac

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday xilligii xukuumaddii Cabdirixmaan Maxamed Faroole, ka dib kala aragti duwanaan ka dhalatay hannaanka wada shaqaynta ilaa xilligaas marnaba ma fiicnayn wada shaqaynta Garoowe iyo Muqdisho sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo arrimaha Soomaaliya ka faallooda wasiirna ka soo noqday dowladda dhexe.

Wuxuu Mukhtaar sheegay in qodobbadan yihiin kuwa dibu dhac uu ku imaan karo haddii uu sii socdo khilaafadka ragaadiyey dhinacyada.

Mideynta canshuuraha

Soomaaliya ayaa hadda maraysa heer falanqeeyasha dhaqaalahu ay ku tilmaameen mid soo kabasho fiican ah ka dib markii dalalkii daynta ku lahaa Soomaaliya ay ka cafiyeen.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu biirtay daladda bulshada bariga Afrika taas oo ah madal dhaqaale oo xoog leh. Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar tani waxaa ku imaan kara dhibaato haddii aysan dowladda dhexe la imaan midaynta canshuuraha dalka.

Puntland ayey deegaannadeeda ku yaallan ilo dhaqaale oo muhiim u ah dalka.

La-dagaallanka Al-Shabaab

Madaxeynaha Soomaaliya ayaa ajandayaashiisa hor tabeninta leh kaalinta hore ka galiyey in Soomaaliya laga cirrib tiro kooxda al-Shabaab oo muddo dhowr iyo toban sano ah dagaal kula jirta dowladda.

“Dagaalka dowladdu kula jirto al- Shabaab waxyaabaha muhiimka u ah waxaa ka mid ah in la helo kalsooni iyo wadajir, lagana wada shaqeeyo sidii looga adkaan lahaa, marka taas qudheeda waxaa ku iman kara dibu dhac weyn” ayuu BBC u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Xiisadda Soomaaliya kala dhaxaysa Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii diblomaasiyadeed ee ugu weynkaa ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeeya dowladda Itoobiya.

Xiisadda labada dal ayaa timi ka dib markii Addis Ababa ay heshiis ku wada gaareen Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaas oo si weyn uga caraysiisyey Muqdisho.

Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBCda u sheegay in khilaafka hadda ee Puntland iyo dowladda dhexe uu saamayn ku yeelanayo arrintaas maaddaama sida uu sheegay loo baahnaa midnimo gudaha oo Soomaaliya dhexdeeda ah.

“Waxaan is leeyahay arrintan iyo doorkii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kaga jawaabtay ay ahayd mid ay ku heshay dowladda federalku kalsooni ummadeed basle taas waxaan is leeyahay waxay wax gaarsiin kartaa waxa hadda taagan” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Gurey.

Xaggee laga aadaya halka la joogo?

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar, waxaa wakiillada beesha caalamku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda.

“Beesha caalamku waxay isku dayi doonaan inay culays ku saaraan labada dhinac sidii loo wada hadli lahaa oo laysu soo jiidi lahaa balse khilaafka ayaa u muuqda inuu taagan yahay meeshii u dambaysay” ayuu yiri Maxamed.

Sidaas oo kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilligan laga gudbo khilaafadyada

“Soomaalinimadu in la kala tago maha, dani kuma jirto, caqli maaha, waxaan aaminsanahay in markasta laysaga soo dhawaado arrintaas” ayuu yiri Gurey.

Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ee Puntland kaas oo salka ku yahay wax ka mida qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.

Wada-shaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

Isha: BBC

Erdogan oo guul darro wayn kala kulmay doorashada

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi.

Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada haya ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ay taladoodu hayeen ka hor doorashadi shalay.

Guusha CHP ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo xisbigiisa AKP oo rajo ka qabay, in ay dib u soo ceshadaan caasimadda ganacsiga ahna magaalada ugu weyn ee Istanbul, oo gacantooda ka baxday sannadki 2019-ki.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu, duqa magaalada Istanbul Ekram Imamoglu oo ka socda xisbiga mucaaridka ee CHP ayaa codbixinti Istanbul ee shalay ka helay 50.6%, halka murashaxi matalayay xisbiga AKP uu Murat Kurum, oo horay u soo noqday wasiirka deegaanka uu helay booqolkiiba 40.5%.

Magaalada Ankara ayaa waxaa isna dib ugu guuleystay duqa magaalada Mansur Yavas, Yavas oo ahaa duqa Ankara tan iyo sannadki 2019-ki ayaa isna ka tirsan xisbiga CHP. 25 boqolkiiba ayuu kaga badiyay murashaxi kula tartamayay doorashadi shalay.

Guud ahaan CHP ayaa doorashadi Axadi shalay dhacday ku guuleystay ilaa 36 gobol, oo ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga. Taasoo uga dhigan guushi ugu weyneyd ee ay ka gaaraan madaxweyne Erdogan tan iyo marki uu tala Turkiga la wareegay sannadki 2002-di.

Khudbad uu xalay ka jeediyay balakoonka qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara, ayuu madaxweyne Erdogan ku qirtay guuldarada xisbigiisa kasoo gaartay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axadi dhacay.

Wuxuu sheegay in shacabka uu farriin diray, farriintaas oo uu xisbigiisu falanqeyn iyada oo si geesino leh naftooda u dhaleeceyn doono.

“Nasiib darro, sagaal bilood kaddib guushii doorashadi 28-ki May, waanu heli weynay natiijadi aan ka rabnay doorashadan dowladaha hoose. Qaladaadkeena dib ayaan u sixi doonnaa isla markaana toosin doonnaa wixi aan gafnay.”

Doorashadan ayaa loo arkaa mid tijaabo u aheyd mucaaradka oo raja ka qaba, in doorashada madaxtinimada ee sannadka 2028-ka ay uga guuleystaan xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka sagootiyey safiirkii Shiinaha + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale Safiirka ayaa tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.

Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah saaxiibada ugu weyn ee Soomaalidu ay leedahay, waana soo jireen xiriirka salka adag oo Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirada Shiinaha ee Soomaaliya ka howlgala oo mid kasta oo maandheydkiisu yahay labo sano ayaa dalkaan ka taga iyagoo qiraya saaxiibtinimada iyo wanaagga Soomaalida.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u arka wadan istaraatiiji ah oo ku haboon saaxiibtinimada, sidoo kale Shiinaha ayaa daneynaya in geeska Afrika uu ku yeesho dhaqdhaqaaq muuqda, halka fursadaas uu ka heli karana waa Soomaaliya.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda guud.

Madaale ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay, mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ujeedka duqa Muqdisho ayaa ahaa u kuurgelidda isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii ah, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda maalmaha Ciidul-Fidriga oo foodda innagu soo haayo.

Inta uu ku jiray kormeerkan duqa Muqdisho wuxuu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Shacabka caasimada ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan.

Bakaaro ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay isbeddel wayn oo dhinaca amniga, waxaana horay u booqday taliyaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Xog: Madaxweyne Xasan oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha la filayo inuu gaaro degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa booqdan doono degmada Ceeldheer, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ku biiraya MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin heer Federaal & heer dowlad-Goboleed, waxaana ujeedka uu yahay inay dhiirageliyaan ciidamada Xoogga dalka ee la dagaalamaya Shabaab.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar sare ayaa booqdan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la’isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran,

Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda.

Si kastaba, booqashadiisa haatan lagu wado inuu ku tego Galgaduud iyo Mudug ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.

Navigating change: Somalia’s constitutional milestone

March 30 marks a significant day in Somalia’s journey toward democracy and governance reform. The bicameral federal parliament, in a historic session held in Mogadishu, voted to amend the nation’s constitution for the first time since the 1960s. These amendments, emerging after weeks of debates and deliberations, reflect a profound transformation in the political landscape of Somalia, notably expanding the president’s powers, including the authority to appoint and dismiss the prime minister. The importance of this day comes from its momentum and its potential to significantly impact the future of Somalia, if realized.

Despite some opposition from former presidential candidates and other opposition forces, the overwhelming number of MPs in favor—211 MPs and 42 Senators present, voting by show of hands—underscored a broad consensus and a strong drive for change. This determination suggests a significant political mobilization within the parliament and signals a robust appetite for progressing towards a more inclusive and effectively governed Somalia.

The amendments touched upon several key areas critical to Somalia’s future: freedom of expression, women’s representation, leadership system, the number of political parties, and the composition of the Electoral and Boundaries Commission. Notably, these changes are not just procedural tweaks but are intended to directly impact the fabric of Somalia’s statehood and democracy. For instance, the revisions enhance the legal framework for freedom of expression and promise greater participation of women in legislative councils and political parties, although falling short of the 30% representation often pushed by “International Community”..

While today’s amendments represent a significant leap forward, it’s part of a longer journey. The decision to postpone voting on provisions related to the right to life, age of maturity, and religion, with 11 chapters and other provisions still pending, indicates that the constitutional review process is an ongoing endeavor, likely to extend over the coming months, or even years. Among the provisions pushed back is the special status of the Capital.

The opposition, notably from former presidential candidates, underscores the diverse spectrum of views within Somali politics. However, the significant majority in favor of the amendments highlights a prevailing consensus among lawmakers on the necessity of these changes for the nation’s advancement. This reflects a collective recognition of the importance of evolving governance structures to better meet the needs of Somalia today and in the future.

What this means for Somalia

These constitutional amendments represent more than just legal changes; they signify a commitment to progress, democracy, and a more equitable society in Somalia. By aligning governance structures with the aspirations of its people and the demands of modern statehood, Somalia is laying down the groundwork for future developments and signaling a new era of hope and potential.

As Somalia continues on this path of reform, the implications of today’s amendments are profound, promising to reshape the core formation of Somalia’s statehood and its democratic journey. Despite the challenges ahead and the long road to full constitutional review, today’s success marks a beacon of progress in Somalia’s commitment to building a fairer, more inclusive society.

W/Q: Mohamed Haji

Beesha caalamka oo war lama filaan ah ka soo saartay qorshaha DF ee dhameystirka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda dalka, kuwaas oo loogu baaqay inay u hoggaansamaan hanaan wadar-ogol ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah.

“Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wax weyn ayey dowladda federaalka uga dhigan tahay taageerada beesha caalamka ee qorshaha dhameystirka dastuurka oo wajahaya mucaaradad weyn oo maxali ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hor yimid ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo hadda beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.

Mucaaradka dowladda waxaa dhabarjab weyn ku ah go’aanka beesha caalamka oo taageertay qorshaha dowladda federaalka, halkii ay doonayeen in beesha caalamka ay u kala dab-qaado iyaga iyo dowladda federaalka.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay go’aankii Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, kadib markii ay shir deg-deg ah isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka kasoo baxay Puntland?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si aan caadi ahayn uga falceliyay go’aanka Puntland oo ku dhowaaqday inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan oo kale, sida ay ku sheegtay bayaan culus oo ay xalay soo saartay.

Aweys Xasan: “Nin dano qaas leh oo tuulada Garowe isku so xiray cid uma joojineyso taas ugow Somalia maanta waa dhaqaaqday wallee Saciid Deni laaluush Somalia ku siiso waa isku dhamaaday”.

Maxamed Cali: “Bal meeshaas biya la’aanta idinku ognahy masiirka Soomaaliya afduub uma heysan kartaan, caqabadda Soomaaliya inay Puntland tahay Soomaali waa aragtay”.

Maxamuud Cabdi “Madaxweyne Xasan ilaa Goorma ayaa la lahaa dalka gadaal ha ucelin?. Dawladda Puntland waxay qaadatay Go’aan saxa Republic of Puntland”.

Muna Kaamila ayaa sidoo kale waxay tiri “Horay ha loo socda oo focus ha la saaro time danbe dad aan Soomaalinimo Iyo Qaranimo rabin yaan lagu dhumin”.

Taliye Taajir “Deniyow ciyaarta naga daa oo Puntland haka dhigan Ak47 siyaasadeed oo lagu dagaalamo”.

Cabdirisaaq Axmed: “Weli wax cusub kuma arag qoraalka intaan waa intii aan wada naqiinay uun”.

Farxaan Qorane ayaa isaguna ku yiri fal-celintiisa “Somaliland baa ka dhaw Puntland horaa u ogaaa taasi!”.

Zakariye Cali Dayib: “Odayaal waaweyn oo marwalbo caraysan, marwalbo oo laga xanaajiyana garanaya kaliya ereyga ” waan goosaneynaa”.