26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Puntland oo heshiis la gaartay ITOOBIYA xilli ay taagan tahay xiisada badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta.

“Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan u muuqata mid maqaam midkii hore ka sarreeya siineysa xiriirka maamulka Puntland.

Tallaabadan cusub ee ay qaadeen Puntland iyo Ethiopia ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa xukuumadda Addis Ababa.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Hoggaanka Puntland oo markaas meel adag iska taagay ansixinta dastuurka ayaa tan iyo markaas ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay.”

Sababta uu weli u fuli la’yahay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib illaa hadda weli ma fulin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee furista xuduudka labada dal, xilli ay Kenya soo saartay amar sii dheereynaya inuu waqti dhow dhaqan-gal noqdo.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in mardhow dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, ayadoo walaac ka muujisay saameynta amni ee ka dhalan karta howl-galka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya.

Raymond Omollo oo ah Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya oo la hadlay Nation Africa ayaa shaaciyay in go’aankan uu yimid kadib markii “ay qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhamaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.”

Go’aankan sii dheereynaya furista xuduudka labada dal ayaaa kusoo beegmaya sagaal bilood kadib markii ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka kadib wada-tashiyo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa uu xiran yahay muddo ku siman 12 sano.

Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysata gudaha Kenya, oo ayadu feejignaan dheeraad ah ku jirtay tan iyo markii ay howl-gallada tooska ka bilowdeen Soomaaliya.

Kenya ayaa ka cabsi qabta in dagaalamayaasha kooxda qaarkood ay usoo gudbaan dhankeeda, ayaga firxad ka ah howl-gallada lagu beegsanayo ee ay iska kaashanayaan ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka hubeysan ee Macawiisleyda.

CC Shakuur oo dalbaday in BF looga yeero wasiirro ku kacay gabood fal loo gaystay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  y Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, kadib markii la eryay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka hor inta aan shaqada laga joojin gabadhan uu u hanjabay wasiirka Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kadib qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter-ka), waxaana ku xigtay in shaqadii laga joojiyay Samira, kadib warqad ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey” ayuu qoraalkii ku yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay xidhibaanka in baarlamaanka looga yeero wasiirka u hanjabay gabadha iyo kan ka joojiyay shaqada, si wax looga waydiiyo arrintaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan.

Caddaalad dari ka xanuun badan ma laha in ruux aan si kale kaaga itaal roonayn uu magaca dowladda kuugu awood sheegto, gaar ahaan haweenka iyo beelaha loo tirada sheegto.

Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay.

Bulshada Rayadka ah iyo Warbaahinta madaxabannaan waa in ay falkan canbaareeyaan, si uusan u noqon mid sii socda oo qof walba bawdkiisa ugu soo dhaca.

Caburrintu waa hubka ugu culus ee Rajiimka fulayga ee ka baqa ra’yiga kale, waa xeeladda lagu qariyo kalsooni darrida iyo karti xumida.

“Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn

Dabar kaa celshaa jirin

Dalka maamulkiisii

Sida loogu dabar go’ay

Ninkii doonayoow maqal”.

Abwaan Cabdi Qays.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Samira Gaid iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaqadii looga joojiyay Samira, kaas oo ku qornaa Luqadda Engilishka.

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Samira Gaid ayaa qoraaladeedii ugu dambeysay si wayn uga hortimid wax-ka-beddelka Dastuurka dalka oo ay todobaadkii hore meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.

Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay weerar toos ah oo dhanka afka ah oo uu isna maalin kahor ku qaaday Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo u muuqday mid hanjabaad loogu diray Samira Gaid.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keeneyso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Si kastaba Kooxdii hore ee NN ee Farmaajo ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hey’ado sidaan oo kale ay shaqada uga joojiyeen.

Nabadoon Xasan Cali oo si arxan darro loogu dilay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah oo Nabadoon caan ahaa xalay loogu gaystay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Maruumka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Cali Muude ayaa waxaa dabley hubeysan ay u dileen tuulada Casir Maal oo hoostegtaga magaaladaasi.

Xilliga la dilayay Nadoonka ayaa la socday gaari ay kala dageen ragga hubeysan oo kadib xabad ku furay, illaa ay nafta kaga baxdo goobta.

Nabadoon Maxamed Xasan oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa faahfaahin k bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo beegsaday Marxuumka.

“Dabley hubeysan ayaa dhexda u gashay waa la istaajiyay oo la aqoonsaday soo dag ayaa ka dhahay, kadibna kaligiis ayay wateen, wayna dileen” ayuu yiri Nadoon Maxamed Xasan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mid kamid ah dableyda ka dambeysay dilka Nabadoonka gacanta lagu soo dhigay, kuwa kalena lagu raad joogo.

Waxaa kale oo uu intaasi k daray in dilkaasi aanay ka dambeyn kooxda Al-Shabaab, balse ay gaysteen koox uu ku sheegay ma naxayaal isa soo abaabushay.

“Nimanka dilay cid kale ma’aha Shabaabna ma aha ee waa niman ay isku hayb yihiin, haddana mid kamid ah waa la haayaa isaga iyo qorigiisa” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee HirShabelle ayaa weli baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan dilka loo gaystay Nabadoon Xasan Cali Muude.

Dilka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhaca Shabeelaha Dhexe oo ay sidoo kale ku badan yihiin dagaal beeleedyo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Xog: Madaxweyne Deni oo ku wajahan Imaaraadka Carabta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay booqasho uga bilaaban doonto.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay safarka Saciid Deni ee Imaaraadka Carabta, kaas oo uu maanta uga bixi doono magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadibna uu usii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu kusoo ciidi doono magaalada Abu Dubai oo uu shantii sano lasoo dhaafay intiisa badan kusoo ciidayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale kulamo iyo shirar gooni gooni ah uu la yeelan doonaan madaxda dalkaas oo haatan galaangal xoogan ku leh arrimaha siyaasadda ee maamulka Puntland.

Socdaalka Deni ayaa imaanaya, xilli haatan ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso Puntland iyo dowladda federaalka, kadib wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Puntland oo ka carootay ansixinta dastuurka ayaa ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, waxayna sheegtay inay kala laabatay kalsoonidii iyo aqoonsigii.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo Saciid Deni, tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland sideedii Janaayo ee sanadkan 2024-ka.

IRAN oo ku dhaaratay inay ciqaabi doonto ISRAEL kadib markii laga dilay 7 sarkaal

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadadii ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Joe Biden oo cambaareeyay fal ay Israel ka gaysatay GAZA

Washington (Caasimada Online) – Madxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey weerar dhanka cirka ah oo ciidamada Isra’il ku dileen shaqaale safal oo u shaqeynayey hay’ad laga leeyahay Mareykanka oo la yiraahdo World Central Kitchen (Jikada Adduunka), taas oo hawlo quudin ah ka haysa marinka Qasa.

Todobo ruux oo u kala dhashay Mareykanka, Britain, Kanada, Australia iyo Poland ayaa Isniintii lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Isra’il oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayey meel ka tirsan marinka Qasa. Waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey darawalkoodi oo u dhashay Falastiin.

Madxweyne Joe Biden ayaa si aan looga baran Israa’il canaan kala dul dhacay, wuxuuna ku eedeeyey in aysan xil ku filkan iska saarin bedbaadinta shaqaalaha gargaarka ee ku hawlan caawinta shacabk tabaaleysan. Biden ayaa Isra’il ka dalbaday in baritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkaas, islamarkaana ciddii geysatay caddaaladda la hor keeno.

Dowladda Isr’il ayaa lagu khasbay in ay qirato falkan ay ciidamadeedu geysteen, kaas oo ay ku tilmaantay ‘gef weyn’ oo aan loo baahneyn in uu dhaco. Ra’isul Wasaare Benjmin Netenyahu ayaa dhacdadan ka hadlay ayaa ku andacoodey in ciidamadoodu si kama’ ah u dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ballanqaaday in in uu sameynayo wax walbo oo lagu xaqiijinayo in falkaas oo kale dib u dhaco.

Tirda samefaleyaasha lagu diley Qasa tan iyo bishii Oktoober ee kal hore ayaa kor u dhaafaya 196,. Waxaana walaac laga muujinayaa bedqabka shaqaalaha gargarka oo bartilmaameed u noqday dilal aan loo aabbadayin.

Xog: Xasan Sheekh oo mar kale ka guuraya Muqdisho iyo qorshaha cusub ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida la qorsheeyey hadii aysan wax iska bedelin, madaxweynuhu wuxuu Dhuusamareeb u guurayaa 10-ka bishaan Abriil, waxaana toos u bilaabanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’

Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaaladii Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka balan-qaaday in Shabaab-ka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo hada ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay argagixisadu joogto.

Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamadii Guutada Abuu-dujaana oo ka baxday Camaara iyo Bacaadweyne ayaa ku sugan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli aan la kulmi wax dagaal ah, balse tiranaya tabashooyin aan badneyn oo dhanka mushaarka ah.

Sidoo kale qabaa’il kasta ayaa heysta ciidamo badan oo abaabulan una diyaarsan inay wajahaan Khawaarijta, ciidan aan guuto ka yareyn oo u diiwaan gashan daraawiishta Galmudug ayaa iyaguna jooga aagga Wisil.

Xasan Sheekh ayaa hadda go’aansaday inuu dib u abaabulo ciidamadaas oo la galo dagaalka, Shabaab-na laga soo dhameeyo gobollada dhexe, wuxuuna howlgalkaas ka hoggaami doonaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo la qorsheeyey inuu dego wixii ka dambeeya 10-ka bishaan Abriil.

Xogta sababta Xamza caawa uu u tegay Kaxda + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Affur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada.

Xamza ayaa intaas ku sii daray intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan lagu guuleysteen caqabado badan oo kamid yihiin, Khawaarijta, ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaaj-ta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimaduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

Howlgal lagu beegsaday horjoogayaal guri ku shirsanaa oo ka dhacay Sablaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus loogu geystay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaamadeedsaday howlgalka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah guriga la bartilmaameedsaday waxaa ka socday shir xasaasi ah oo xubno Shabaab ah ay halkaas ku lahaayeen.

Shabaab-ka la duqeeyey waxay ka shirayeen sida ay ka yeelayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka, Haramcad iyo boolis-militeri ay ka bilaabeen aagga deegaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in guriga la duqeeyey uu joogay oo shir guddoonka xubnaha halkaas ku shiraayey uu ahaa ninkii Shabaab guddoomiyaha uga ahaa Sh/Hoose, balse weli lama xaqiijin inuu geeriyooday.

Kooxda Al-Shabaab waxay culeys badan kala kulmeysaa ciidamada dowladda ee ka gudbay xeebaha bari ee Muqdisho, kuwaas oo u sii ruuqaansanaya deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha loo geysanayo kooxda ayaa ah kuwo ay ku naafoobeen, maadaama ay ka quusteen inay meel isugu tagaan oo shiraan ama isku gudbaan oo wadooyin iyo gaadiid ay ku safraan.

Guriga lagu duqeeyey ee Sablaale ku yaalla waxaa la sheegay inay joogeen ku dhawaad 30 horjooge iyo maleeshiyaad badan, kuwaas oo ajendaha shirkooda uu ahaa dagaalka dowladda iyo howlgallada kooxda looga sifeynayo Sh/Hoose.

Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay furimaha dagaalka ee Galmudug, isagoo balan qaaday inuu dib u abaabulayo dagaalka kooxda, isla markaana ay ka go’antahay in deg deg dalka looga xoreeyo, wuxuuna dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidankii Khawaarijta ka difaacay Xarardheere.

Sawirro: Xasan Sheekh oo deg deg u tegay Sacuudiga kadib markuu u yeeray boqorka

Jiddah (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomalaiya iyo Sacuudiga.

Arrimaha ajendaha ku jira ee wadahadalka madaxweynaha iyo boqorka diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal ay wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotadheer, waxaana hadda socda qorshe lagu sii xoojinayo xiriirkaas muhiimka ah ee labada dal.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa ee Soomaalidu ay soo martay.

Shirarka madaxda Sasuudiga uu la yeela doono kadib, Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Sacuudiga ayaa inta badan madaxda dalalka saboolka ah casuumaad u dira, si ay uga faa’iideystaan cumrada iyo xajka, maadaama dalkiisa ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee loo dawaaf tago.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sacuudiga u heysa abaal xoog leh, maadaama ay soo garab istaageen xilli adag, ilaa hadana uu Sacuudigu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Halis ku wajahan Somaliland oo laga digay – Maxay tahay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa digniin culus kasoo saaray halis la saadaalinayo inay ku wajahan tahay deegaanada maamulkaasi, taas oo la sheegay inay ka dhalan karto roobabka la filayo inay da’aan.

Booliska ayaa farriin culus u dirau shacabka oo ku wargeliyay inay waxyeelooyin ay gaysan karaan roobabkaasi, loona baahan yahay in laga taxadaro.

Digniintan ayaa toos loogu diray shacabka ku dhaqan gobollada fog, ayaga oo laga dalbaday inay ka fogaan goobaha dooxyada iyo biyo mareenada.

“Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah” ayaa lagu warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa fariintan gaar ah iyana loo diray darawallada gaadiika ee isaga kala goosha deegaanada Somaliland, si ay u yareen xawaaraha socodkooda.

“Waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhamaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic)” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL”.

Dhankeeda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu’ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen iyo goobaha biya mareenada ah.

Digniintan ayaa imaneysa, iyada oo roobabkii deyrta ahaa ee da’ay dhamaadkii sanadkii tagay ay sababeen daadad iyo fatahaado geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray guryo badan, taasi oo illaa hadda aysan kasoo kabsan dadka qaar waxyeelladii kasoo gaartay.

Sawirro: Ciidamada DF oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo iyana ku sugan halkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii ay kooxdu weerar toos ah ku qaaday Daaru-Nimca, kaas oo ay muddo kooban kula wareegtay deegaanka, kadibna dib looga saaray.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay dagaalyahanada Al-Shabaab, maadaama wajigii koobaan deegaano dhaca gobolkaasi looga xoreeyay.

 

 

Daawo: Xamza oo u hanjabay siyaasiyiinta diidan arrinta dastuurka, ugana digay inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo Sabtidii meel-mar noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah, isaggoo ku af-gobaadsaday inay xukuumadda ka go’an tahay dhageysiga ciddii tabasho qabta.

‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu tallaabaddii Sabtidii ku macneeyay mid bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meel-mariyey, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad afur ah oo loogu mahad-celinayey guddoonka, xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka, oo ayagu ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka.

Hoos ka daawo

War cusub oo kasoo kordhay dagaalka Diinsoor

Diindoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay ku baxday xiisaddaasi, waxayna ciidamo kala dhex dhigtay labada dhinac, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca Diinsoor.

Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda degmada, kuwaas oo guullo hordhac ah laga gaaray.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay ciidamada la geeyay Diindoor iyo dadaallo nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayo labada beelood.

Dagaalladan oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii guud ee magaaladaas oo gashay xaalad adag.

Diinsoor ayaa waxaa kusoo noqnoqday xiisado dagaal oo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi, waxaana marar badan lakala dhex dhigay heshiis marar badan burburay.

Koonfur Galbeed marka laga tegao dagaal beeleedyada kusoo laa laabtay, haddana waxaa dhibaato ku haya Al-Shabaab oo go’doon gelisay inta badan deegaanada maamulkaasi

Waa kuma Soomaaliga ugu horreeyay ee uu Abiy Axmed u magacaabay ku-xigeenkiisa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra’iisul wasaare ku-xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.

Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaaliduba kamid yihiin.

Inta shirku uu socday waxaa mas’uuliyiin badan oo shirka kasoo qayb galay ay su’aalo ku weydiinayeen ra’iisul wasaaraha, iyadoo Soomaalidu ay qayb ka ahayd, waxana qaarkood ay weydiiyeen saamiga siyaasadeed ee Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaalida degta dowlad deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa gunaanadka shirka waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Aadan Faarax uu u magacaabay kuxeenkiisa.

Waa kuma Aadan Faraax?

Aadan Faarax waa siyaasi Soomaali-Itoobiyaan ah, isla markaana siyaasadda dalkaasi in badan kusoo dhex jiray, isaga oo lasoo shaqeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo hoggaanka ugu sareeya dowlad deegaanka soo qabtay.

Waxa uu mar soo ahaa afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya isaga oo markaas beddelay Keria Ibraahim sanadkii 2020-kii, waxa uuna sidoo ahaa kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Inta uusan isbedelku dhicin ee dowladdii hore, waxa uu sidoo kale soo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dhismaha magaaloyinka, sidoo kale waxa uu barasaab ka noqday magaalada Diri dhaba.

Isbedelkii marka uu dhacay ayuu mar labaad noqday madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalida, shirweynihii xisbiga PP ayuu u tartamay gudoomiye kuxigeenka 1-aad isagoo tartan la galay saddex qof, waxa uuna noqday qofkii ugu codka badnaa isagoo helay 1330 cod marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ahaa qofkii ugu codka badnaa, waxaa uu noqonayaa qofka xiga.

Hadda waa ku-xigeenka xisbiga talada dalka haya ee Prosperity Party ee loosoo gaabiyo P-P, waxa uuna isku wadi doonaa labada shaqo ee ku-xigeenka xisbiga iyo kuxigeenka ra’iisul wasaaraha.

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda Itoobiya uu shaqsi Soomaali ah qabto xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo darajo u dhigantaba.

Aaadan waxa u bartay culuumta dhaqaalaha iyo beeraha, waxaana hadda uu noqonayaa shaqsiga labaad ee ugu sarreeya Itoobiya.

Waxaa qeybo kamid ah warbixintaan laga soo xigtay BBC.

Ninkii gubay kitaabka Qur’aan-ka oo maydkiisa laga helay…

Oslo (Caasimada Online) – Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Axmed Madoobe saaxiibkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada.

Dr. Cabdirashiid wuxuu leeyahay qibrad u sahli karta in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

Dr. Cabdirashiid Jiley waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waana saaxiibka dhow ee Axmed Madoobe iyo Xamza Barre, waxaana laga soo doortay Jubbaland.

Ninkaan ayaa ah siyaasi degan, aqoonyahan ah, kana mid ah siyaasiyiinta dejisay qorshaha uu xukunka isaga joogo Axmed Madoobe in ka badan 10 sano.

Magacaabidda Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Xasan Sheekh uu ku guuleystay in baarlamaanka uu marsiiyo 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka, sidoo kale Xasan ayaa la sheegay in xildhibaanada qaar uu balan qaadyo u sameeyey.

Xasan Sheekh ayaa horay u magacaabay dhowr ergay, waxaana lagu tilmaamaa madaxweynaha ugu ergada badan oo daadejiyey awoodiisa, si loo fududeeyo adeegyada dowladda.

Wuxuu horay u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland, ergayga nabadeynta, ergayga abaaraha, ergayga xasaradaha iyo arrimaha qaxootiga, hada oo ergayga caafimaadka uu magacaabay iyo xubno kale oo ergo uga ah howlo badan oo kala duwan.

 

Sawirro: Horjooge ka tirsan Shabab oo u gacan galay NISA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug.

Horjoogahan isa soo dhiibay ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sii uu dowladda isugu dhiibo, ayada oo ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Ninkaan ayaa waxaa la marsiin doona habraaca loo diyaariyey xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya hay’adda NISA, qeybteeda Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii NISA ay soo bandhigtay Shabaab badan oo kasoo goostay kooxda, xilli ay wajahayaan guluf dagaal oo ka dhan ah, ayna iska kaashanayan ciidamada geesiyaasha iyo shacabka hubeysan.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka koobneyd 10 xubnood, ayaa shalay lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaas isa soo dhiibay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsana wax ay ugu yeeraan Jabhadaha, ayaga oo qaarkoodo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.