25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Shabaab oo joojiyay dhaqan lagu yaqaanay maalinta Ciidda kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo lagu jiro dabaal-degga malmaha munaasabadda Ciidul-fitriga ayaa waxaa lasoo warinayaa in deegaannada kooxda Al-Shabaab aan si wanaagsan looga Ciidan, isla markaana ay gebi ahaan kooxda joojisay dhoolatuskii ciidan ee ay sameyn jirtay maalmaha lagu jiro dabaal-degga Ciida.

Shalay iyo maanta laguma arkin deegaannada Al-Shabaab wax dabaal-deg ah iyo dhoolatus ay soo bandhigayaan dagaalyahannadooda, oo inta badan xilliyada Ciidaha la arki jiray, iyaga oo sameynayo dhoolatus ay kusoo bandhigayaan awooddooda ciidan.

Baraha bulshada iyo warbaahinta Al-Shabaab ayaa si weyn loogu baahin jiray bandhigga iyo dhoolatuska maleeshiyaadka kooxda, balse sanadkan ma jiro wax dhoolatus ah, sababo la xiriira culeyska haatan haysta kooxda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulmeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in wax dagaalyahannno lagu arkin deegaannada ay maamulaan Al-Shaaab, sida Galhareeri (Galgaduud), Jilib (Jubba Dhexe), Mubaarak (Shabeellada Hoose), Ceel Garas (Galgaduud), Buq’aqable (Hiiraan), Jowle (Mudug), iyo Kuunyo Barow (Shabeellada Hoose), halkaas oo ay farriisimo waa wayn ku leedahay kooxda.

Hoggaamiyeyaasha sare ee argagixisada ayaa dhankooda adeegsaday farriimo cod ah oo ku saabsan munaasabadda, iyaga ka baaqsaday inay si toos ah uga soo muuqdaan goobaha lagu oogayay salaadda Ciida.

Waa markii ugu horreysay oo deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab aan lagu arkin dagaal-yahannada kooxda iyo horjoogayashooda oo xilliyadaan oo kale kasoo muuqan jiray fagaarayaasha lagu ciidayo.

Sidoo kale, hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay arrintan, iyada oo su’aalo badan laga keenay, taas oo la xiriirta culeyska iyo cabsida haysata kooxda oo dhawaanahan lagu hayay howl-gallo dhulka iyo cirka ah oo lagu qaaday ilaa fariisinkooda wayn ee Jilib.

Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay weli sii wadaan dadaalkooda iyo howl-gallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, waxaana socda dagaallo toos ah iyo duqeymo lagu cuuryaaminayo kooxda.

Si kastaba, howl-gallada xoogooda ayaa haatan ka socda Shebeelooyinka iyo Galgaduud, waxaana jab culus loogu gaystay maleeshiyada kooxda oo laga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaanno badan.

Muxuu ka dhigan yahay go’aanka lama filaanka ah ee uu qaatay Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si lama filaan u qaatay go’aan uu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si ay talooyinkooda ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Muxuu ka dhigan yahay baaqa madaxweynaha?

Mursal Maxamuud Saney, oo ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage, ayaa BBC-da u sheegay in gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay ay tahay “fursad u baahan in laga faa’iideysto.”

Wuxuu intaa ku daray in hadda madaxweynuhu garowsaday inuu ka dhabeeyo hal-ku-dhiggiisa ahaa “Soomaali Heshiis ah.”

“Waxaa loo fasiri karaa, haddaan u jeedada ka abbaarno, in madaxweynuhu fahmay inuusan kaligiis ku filneyn talada dalka, ha noqoto dagaalka lagula jiro nimanka nabad-diidka ah. Waxay ka dhigan tahay wax weyn, waana talo mar hore loo baahnaa,” ayuu yiri Saney.

Mursal wuxuu sheegay in tani ay abuuri karto fursad ay Soomaalidu ku mideyn karto taladooda, balse wax walba ay ku xiran yihiin in siyaasadda laga heshiiyo.

“Wixii ka soo haray isaga kursigiisa waa inuu dhulka soo dhigo oo dhaho: ‘Soomaalidaa waa tanaa taladii, dhulkay iga taallaa ee aan heshiino.’ Kow waa inaan ka heshiino siyaasadda iyo awood-qaybsiga,” ayuu yiri Mursal Saney.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka ee Heritage ayaa xusay inuu qabo in dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo in si dhab ah looga wadahadlo arrimaha dalka.

“Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu ka dhabeeyo gogosha oo aysan noqon af-gobaadsi. Waa inuu miiska soo fariisto isagoo wax shuruud ah ku xirin. Qolyaha ka soo horjeeda dowladda waxaa loo kala qaadayaa labo: dowlad goboleedyada oo saamiley siyaasadeed dhab ah oo meesha ay joogaan ka arrimiya, iyana waa inay miiska soo fariistaan shuruud la’aan,” ayuu yiri Mursal.

Wuxuu intaa raaciyey in bulshada rayidka ahna ay qaataan doorka dhexdhexaadnimada oo ay u dhaxeeyaan ciddii is-haysata, si markay kala fogaadaan ay iskugu soo dhaweeyaan.

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda, ayaa la qaba Saney in madaxweyne Xasan Sheekh markan uu qiimeeyey in xaaladda dalku u baahan tahay midnimo iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed si hore loogu socdo.

Gurey wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah.
“Waxaa u furan mucaaradka iyo maamulada in la isugu soo dhawaado, waxa jira awgood.

Soomaaliya dagaal uguma badiso, kaliya anigu waxaan arkaa in talada dhulka la dhigo oo madaxweynuhu yiraahdo: ‘Shirka meesha lagu qabanayo idinku meeleeya si loogu arko in waxa uu ku baaqay ay dhab ka tahay,’” ayuu yiri Cabdiweli.

Shabeellaha Hoose oo lagu diyaariyay Macawiisleydii u badneyd + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ciidan oo Macawiisley ah ayaa lagu diyaariyay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

Ciidankan ayaa ka howl-galaya deegaanno kala duwan, si ay uga garab dagaallamaan ciidanka xoogga dalka oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo ka qeyb qaatay abaabulka ciidamadaan ayaa xaqiijiyay in Macawiisleyda loo diyaariyay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Shabaab, iyagoo si gaar ah uga faa’iidaysanaya aqoontooda deegaanka.

Guddoomiyaha Lambar 50 ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, hor dhigay baahida loo qabo in xukuumadda Dan-Qaran ay bixiso mushaarka iyo garaamka ay qaadanayaan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, si ay u helaan taageero dhaqaale oo rasmi ah.

Howl-gallada la qorsheeyay ayaa inta badan diiradda lagu saari doonaa dhulka u dhexeeya Afgooye iyo Marka, iyadoo ciidamadu la marsiinayo dhanka xeebta si ay uga hortagaan xubnaha Al-Shabaab ee halkaas ku sugan.

“Dadka deegaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay si iskood ah ula dagaallameen Khawaariijta, iyagoo iibsaday hubkooda iyo rasaastooda, waxaana ay qeyb ka ahaayeen dagaallo badan oo ka dhacay degmooyin kala duwan,” ayuu yiri guddoomiyaha Lambar 50.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray: “Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan u baahan nahay garaamkooda, saadkooda iyo miisaaniyaddooda, waayo iyaga ayaa si fiican u yaqaanna dhulka u dhaxeeya Nambar 50, Abuutey ilaa Gumeysi Diid.”

Booqashada Xamza ee Lambar 50

Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kula ciiday gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-dirirka ee deegaanka.

Ciidamadan ayaa dagaal culus kula jira Al-Shabaab, iyagoo gobolka ka wada hawl-gallo lagu ciribtirayo kooxdaas, taasoo toddobaadyadii u dambeeyay weerarro rogaal-celis ah kusoo qaaday halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga. Wuxuu ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya mar walba garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Shabaabka kusoo duulay dalka.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu shalay ugu tagay geesiyaasha dagaalka waxay muujinaysaa sida ay madaxda dowladda uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab-istaagga ciidamada difaacaya jiritaanka iyo qarannimada umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya khatar weyn oo ka imaanaysa Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay la socdeen koox wasiirro iyo saraakiil ah, ayaa diyaarad militeri ka raacay Muqdisho, taas oo ka dejisay deegaanka Lambar 50. Halkaas ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey, iyadoo ay halkaasi isugu yimaadeen ciidamada qaranka iyo shacabka deegaanka.

Salaadda Ciidda markii la tukaday kaddib, ayuu Xamza u jeediyey khudbad ay dhegaysanayeen shacabka magaalada iyo ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa goobta goobjoog ka ahaa wasiirro iyo saraakiil ciidan.

Ciidamada sugayey amniga Ra’iisul Wasaaraha intii uu joogay Lambar 50 ayaa saqdii dhexe ee habeen hore ka baxay Muqdisho, iyagoo isku fidiyey dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Lambar 50, si ay uga hortagaan weerarro ka yimaada Al-Shabaab, iyo xitaa hoobiyaal ay soo ridaan.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan Soomaaliya marka la eego dhanka argagixisada. Balse, nasiib wanaag, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si nabad ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Israel oo walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaq militari oo ay Masar ka waddo xuduudda

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Knesset-ka (Baarlamanka) Israa’iil ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Masar ka waddo Siinaay, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay dhaafeen xuduudaha uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee labada dal.

Hadalladan ayaa lagu soo bandhigay shir ka dhacay Knesset-ka oo cinwaankiisu ahaa ‘Xadka Israa’iil iyo Masar: Xaaladda Amni ee Isbeddelaysa,’ sida ay sheegtay warbaahinta Sama oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee JDN ee Israa’iil.

Ka qayb-galayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo in laga feejignaado xaalad kasta oo suurta-agal ah, iyagoo tilmaamay in horumarrada ka socda xadka Masar — oo ay ka mid yihiin ballaarinta ciidamada iyo casriyeynta hubka — ay khatar gelin karaan ammaanka Israa’iil.

Inkasta oo ay qireen in iskaashi amni uu ka dhex jiro labada dal xilliyo gaar ah, haddana waxay xuseen in tallaabooyinka qaarkood ee Masar ay mararka qaar ka hor imaan karaan danaha Israa’iil.

Illaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah kama soo bixin dhanka Masar ee ku aaddan hadalladan.

Taliyihii hore ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), Herzi Halevi, ayaa hore uga digay awoodda milatari iyo hubka casriga ah ee ay haystaan ciidamada Masar.

Sida uu qoray JDN, Halevi ayaa yiri, “Masar waxay leedahay ciidan ballaaran, hub casri ah, iyo tiro aad u badan oo askar dhulka ah,” isagoo intaas ku daray, “Haatan khatar toos ah ma jirto, balse xaaladdu wax ay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”

Dagaalladii Masar iyo Israa’iil iyo heshiiskii nabadeed

Masar iyo Israa’iil waxay dagaalameen dhowr jeer intii lagu jiray qarnigii 20-aad, kuwaas oo intooda badan salka ku hayey muran dhuleed, gaar ahaan deegaanka Siinaay. Dagaalkii ugu horreeyay wuxuu dhacay sanadkii 1948, kadib markii Israa’iil ay xornimadeeda ku dhawaaqday, taas oo dhalisay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948.

Dagaalladii kale ee waaweynaa waxaa ka mid ahaa:

Dagaalkii Suez (1956): Israa’iil, Britain, iyo France ayaa si wadajir ah u weeraray Masar si ay u xakameeyaan Kanaalka Suweys.

Dagaalkii Lixda Maalmood (1967): Israa’iil ayaa qabsatay Dhulka Siinaay, Dhulka Falastiiniyiinta, iyo Qudus Bari kadib dagaal lix maalmood socday.

Dagaalkii Yom Kippur (1973): Masar iyo Suuriya ayaa si lama filaan ah weerar ugu qaaday Israa’iil si ay dib ugu soo ceshadaan dhulalkii ay Israa’iil qabsatay 1967, taasoo keentay dagaal socday 19 maalmood.

Heshiiskii Camp David

Dagaalladii isdaba-joogga ahaa kadib, dadaallo nabadeed oo caalami ah ayaa lagu guuleystay markii la gaaray Heshiiskii Camp David sanadkii 1978. Heshiiskan oo uu martigeliyey madaxweynihii Mareykanka Jimmy Carter, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Masar Anwar Sadat iyo ra’iisul wasaarahii Israa’iil Menachem Begin.

Heshiiskan waxa uu horseeday in Israa’iil ay dib ugu celiso Siinaay Masar, iyadoo la dhisay xuduud nabadeed oo rasmi ah. Heshiiskii nabadeed ee rasmiga ah ee labada dal waxa la saxiixay 1979, taasoo Israa’iil iyo Masar ka dhigtay labadii waddan ee ugu horreeyay ee Carab ah iyo Israa’iil oo nabad rasmi ah gaara.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayay:

  • In Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Siinaay.
  • In labada dal ay aqoonsadaan midba midka kale.
  • In la sameeyo xuduud ammaan ah oo ay ilaaliso qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Inkastoo xiriirka Israa’iil iyo Masar uu xasiloonaa tan iyo heshiiskii Camp David, haddana labada dal waxay mararka qaar wajahaan loollan dhinaca amniga ah, gaar ahaan xuduudaha Siinaay, halkaas oo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubaysan ay mararka qaar khatar ku keenaan nabadda.

Farmaajo oo ka soo hadlay baaqii madaxweyne Xasan Sheekh, kuna taliyey hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal ka soo saaray gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku bilaabay “Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.”

Farmaajo ayaa sheegay in marar badan uu soo jeedinnay, in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada yihiin “masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho.”

“Sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirrigelinayo in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey.

“Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore wuxuu ku taliyey in meesha laga saaro tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.

“Annagoo adkaynayna waajibka qaran ee inaga saaran Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaan soo jeedinaynaa in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ku taliyey in la qiimeeyo duruufaha ay wajaheen ciidamada qaranka Soomaaliyeed, intii ay ku jireen howlgallada, “taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta deegaannada ku harsan gacanta argagixisada.”

Maxaa la gudboon Xasan iyo mucaaradka kahor gogosha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa haatan fidiyay gogol wadatashi ah oo ay qayb ka noqon doonaan madaxda siyaasiyiinta mucaaradka oo dhankooda aad usoo dhaweeyay baaqa madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay gogoshan iyo waxyaabaha laga filan karo, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo iyadoo lagu jiro sii laba kacleyna dagaalka Al-Shabaab.

Mr. Caynte ayaa marka hore ku baaqay in wax laga barto shirarkii hore u dhacay, isaga oo sheegay in madaxweyne Xasan iyo madaxda kale ay la gudboon tahay in ka fiirsadaan go’aannada ay gaarayaan oo uu tilmaamay inay reebi doono mahadhooyin siyaasadeed oo horleh, xilli dalka uu jiro xaalad adag.

“Haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday” ayuu yiri C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan la helin natiijo waxtar leh ay gogoshan noqon doonto mid ay fursad iyo macaash ka heli doonaan kooxaha Khawaarijta.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa ugu baaqay madaxda shireysa inay meel iska dhigaan danahooda gaarka ah oo ay bad-baadiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Gogoshan haddii ay soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona  Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.” ayuu mar kale yiri.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-

Gogosha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Hassan Sheikh Mohamud fidiyey ee yoolkeedu yahay (a) xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku galay sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyo (b) u midoobidda halganka xaq u dirirka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, waa mid mudan soo dhaweyn iyo bogaadin. Waliba in madaxweynuhu baaqaas kusoo beego iyadoo ay muddada xilheyntiisa sannad ka hartay waa ifafaale togan.

Ha yeeshee, haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday.

Labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay, koox loogu yeero “saamileyda siyaasadda” ayaa KA HESHIIYEY hubantii la’aanta siyaasadda, iyagoo KU HESHIIYEY hannaan doorasho oo ka arradan mabaadi’ida iyo akhlaaqda aasaasiga ah ee islaamnimada iyo Soomaalinnimada, KUNA HESHIIYEY iney si qayaxan u boobaan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay inuu si caddaalad iyo hufnaan leh u doorto dadka ku matalaya golayaasha baarlamaanka.

Haddaba, iyadoo maanka lagu hayo sooyaalkaas foosha xun, waxaan ku baaqayaa in laga baaqsado iney gogoshan noqoto mid LOOGU HESHIINAAYO muwaadinka Soomaaliyeed. Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.

Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxaa hubaal ah ineysan gaari karin yoolka labaad ee ah iska caabbinta argagixisada Al-Shabaab. Duruufta, dareenka iyo jawiga ay ku sameysmaan, kuna bullaalaan fallaagada hubeysan dunida oo dhan, waxaa ugu horreeya caddaalad darrada, eexda, takoorka iyo boobka hantida la wada leeyahay. Intaas oo aafooyin ahna waa kuwa maanta caadi ka noqday dalkeenna, isla markaana ragaadiyey dowladnimadeenna. Caloolna wixii ay ku bukootay laguma daaweeyo.

Ugu dambeyn, haddii ay gogoshan soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona  Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.

الهـم هـل بلغت

President Mohamud’s push: A turning point for Somali unity

Evaluating the Prospects for Sustainable Consensus

President Hassan Sheikh Mohamud has issued a formal invitation for a national reconciliation conference. After decades of internecine conflict and the persistent threat of Al-Shabaab, this initiative represents a pivotal moment for Somalia. Delivered during Eid al-Fitr celebrations, the invitation seeks to forge a unified front against extremism and rebuild the nation’s fractured foundations. This article examines the strategic implications of President Mohamud’s call, the initial responses from key political actors, and the profound challenges that must be addressed to achieve lasting national unity.

In the complex tapestry of Somali politics, where the echoes of gunfire mingle with the desperate cries for aid, a fragile hope for unity has emerged. President Mohamud’s invitation, while a bold and necessary gesture, arrives in a landscape scarred by deep-seated mistrust and the historical weight of failed reconciliation attempts. Is this initiative a genuine turning point, or merely another fleeting mirage in a nation perpetually grappling with its own internal divisions?

This dispatch delves into the intricate dynamics of Somali politics, where the battle against extremism is inextricably linked to the struggle for national cohesion. The recent positive responses from opposition leaders to President Mohamud’s invitation signal a potential paradigm shift, a tantalizing glimpse of a nation capable of transcending its deep-seated divisions. Yet, the shadows of the past loom large. Somalia’s history is punctuated by reconciliation conferences—from the 1993 Addis Ababa Agreement to the 2007 Mogadishu conference—each a testament to the persistent need for dialogue, but also a stark reminder of the immense challenges involved. These prior events underscore the fact that national reconciliation in Somalia is an extremely complex undertaking, often undermined by shifting alliances, deep-seated grievances, and the ever-present threat of spoilers.

The Strategic Gambit: President Mohamud’s Pursuit of National Redemption

President Mohamud’s formal invitation, delivered during the solemnity of Eid al-Fitr, was more than a mere political maneuver; it was a strategic gambit for national redemption, underscored by his acknowledgment that “the time has come for every Somali citizen to register their role in the nationwide fight against the group.” This gesture, born of necessity and perhaps a genuine desire for reconciliation, comes amidst simmering tensions with powerful Federal Member States and vocal opposition figures. The president’s recognition of the flaws inherent in “unilateral decision-making,” as noted by Mursal Mohamed Saney of the Heritage Institute, suggests a significant shift towards a “much-needed advisory approach.” However, as Saney rightly points out, success hinges on genuine power-sharing negotiations, a delicate and often elusive process in Somalia’s fractured political landscape. “What is missing from his approach is the need to ground it in reality by saying, ‘This is the leadership the country needs—let us negotiate.’ One key aspect is agreeing on political power-sharing,” Saney told the BBC.

The response, crucially, has been positive. Former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame, who initially urged the president to prioritize national unity, have now embraced the President’s call, describing it as “a positive step forward.” This nascent consensus, forged in the face of a common enemy, raises a fundamental question: can the shared imperative to defeat Al-Shabaab transcend the deep-seated political fissures that have long plagued Somalia? As President Mohamud stated, “We must unite in preserving the existence of a free, democratic Somali state.”

Beyond Military Solutions: The Necessity of a Comprehensive National Strategy

The battlefield, where tactical victories have been hard-won, is but one theater in this complex war. The over 3,500 ATMIS fatalities, a stark testament to the human cost, underscores the limitations of a purely military approach. Al-Shabaab, a master of asymmetric warfare and adept at exploiting political vacuums, cannot be defeated by force alone. As security analyst Prof. Osman poignantly observes, “Addressing Al-Shabaab requires more than military force; it demands addressing the underlying grievances that fuel recruitment and support, and a united national resolve.” This is not merely a security challenge; it is a battle for the soul of Somalia, requiring a comprehensive strategy that addresses the root causes of instability, including political marginalization, economic deprivation, and social injustice.

The Fragile Framework of Unity: Evaluating Political Will

The real battleground lies in the corridors of power, where political will is tested and national unity is forged or fractured. The opposition’s embrace of dialogue offers a glimmer of hope, but the path ahead is fraught with peril. Can President Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre translate this nascent consensus into tangible action? Can they bridge the chasm of mistrust and build a truly inclusive national strategy? The stakes could not be higher. Political fragmentation, as evidenced by recent clashes between federal and regional forces, has emboldened Al-Shabaab and exacerbated civilian suffering. The humanitarian crisis, compounded by climate change and the militants’ disruption of aid, demands a unified national response.

The opposition’s demands for clarity on the agenda, timeline, and participants, as highlighted in their joint statement, are not mere procedural formalities; they are a litmus test for the president’s commitment to genuine dialogue. As Dr. Abdiweli Mohamed Gurey, a political analyst, stresses, “The President should demonstrate his sincerity by saying, ‘The venue for the conference is ready – where do you stand?’” This requires concrete actions and a transparent agenda, free from preconditions, as Mursal Saney emphasizes.

A Nation’s Reckoning: Forging a Path to Sustainable Stability

Somalia stands at a crossroads, where the choices made today will determine the nation’s fate for generations to come. To achieve sustainable stability, a paradigm shift is required, encompassing:

  • Genuine National Dialogue: A sustained and inclusive process, not a fleeting gesture, informed by the lessons of past reconciliation failures.
  • A Unified National Strategy: Transcending partisan interests to forge a common vision, addressing the complex root causes of instability.
  • Accountable Governance: Ensuring transparency and addressing grievances, fostering trust between the government and its citizens.
  • Justice and Reconciliation: Healing the wounds of the past, addressing historical injustices and promoting social cohesion.
  • Climate Resilience: Confronting the existential threat of climate change, which exacerbates existing vulnerabilities.
  • Equitable Aid Distribution: Reaching the most vulnerable, without political bias, ensuring aid effectiveness.
  • Security Sector Reform: Building a professional and accountable force, free from political interference.
  • Regional Cooperation: Strengthening alliances to combat cross-border threats, fostering stability in the Horn of Africa.
  • Civil Society Mediation: Facilitating a mediating role for civil society between conflicting parties.

Evaluating Somali Resolve: The Crucible of Hope

The world watches, with a mix of apprehension and hope, as Somalia embarks on this precarious journey. The opposition’s willingness to engage offers a rare opportunity, but the onus lies on President Mohamud and Prime Minister Barre to seize the moment. Can they forge a lasting consensus? Can they build a nation from the ashes of conflict, learning from the successes and failures of past reconciliation efforts? The answer, ultimately, lies in the resolve of the Somali people and the leadership of their nation.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Daawo: Muxuu R/W Xamza maanta kusoo arkay degaanka Lambar 50 ee Sh/Hoose?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeellada Hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq dirirka ee dadka deegaanka, kuwaas oo difaac adag iyo halgan ay Khawaraijta uga ciribtirayaan ka wada gobolkaas oo toddobaadyadaan ay Shabaab ku soo qaadeen weerarro rogaal celis ah.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ku soo duushay dalka.

”Waxaad la dirirteen Khawaarijta, waxaan ogahay inaad ciidan sameysateen oo aad iska celiseen, waxaan ogahay inaad xor tihiin, waan idinkugu hambalyeyneynaa guulaha aad ka gaarteen jihaadkii aad la gasheen cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo la hadlayay bulshada magaalada Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaysa sida ay Madaxda Dowladda uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga ciidamada difaacaya jiritaanka iyo qarannimada umadda Soomaaliyeed oo khatar weyn ay ku hayaan Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo koox wasiirro iyo saraakiil ah ay la socdeen ayaa diyaarad militeri ka qaatay Muqdisho, taas oo ka dejisay deegaanka Lambar 50, halkaas oo ciidamada qaranka iyo shacabka ku nool deegaanka ay ku soo dhaweeyeen.

Salaadda Ciidda markii la dukaday kadib ayuu Xamza u jeediyey khudbadaan, iyadoo goobta ay wada fadhiyeen shacabka magaalada iyo ciidamada qaranka, sidoo kalena ay goobjoog ahaayeen Wasiirro iyo saraakiil ciidan.

Ciidamada sugay amniga Ra’iisul Wasaaraha intii uu joogay Lambar 50 ayaa xalay saqdii dhexe ka baxay Muqdisho, iyagoo isku fidiyey dhulka miyiga ah ee Muqdisho ilaa Lambar 50 ka xage, si looga hortago weerarro ay soo qaadaan Al-Shabaab iyo xitaa Hoobiyaal ay soo ridaan.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah gobollada ugu halista badan Soomaaliya dhanka argagixisada, balse nasiib wanaag, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si nabad ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

Rooble oo war ka soo saaray tallaabada uu qaaday Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal ka soo saaray gogoshii uu xalay ku dhaaway Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u dhigayo siyaasiyiinta, taas oo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ay soo dhaweeyeen.

Rooble ayaa ugu horeyn bogaadiyey dagaalka ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada ‘duulanka ku soo qaaday diinta, dadka iyo dalka.’

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyey gogosha uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh inuu dhigayo, isagoo talo ka bixiyey sida ay ku haboontahay in looga faa’iideysto.

“Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay xalay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan  ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh,” ayuu yiri R/Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka uu soo saaray Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo hore u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag.”

Sidaan oo kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.”

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Muxuu AXMED Madoobe ka yiri gogosha wada-hadal ee uu fidiyey Xasan Sheekh?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in uu aad ugu farxay baaqii nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku saabsanaa inuu gogol wadatashi ah u fidiyo siyaasiyiinta iyo dadka rayiga ka duwan.

Axmed Madoobe waxa uu xusay in wadahadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in kooxdani ay tahay tan caqabadda ugu weyn ku ah koboca iyo baraaraha Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka in aanay waqti ku lumin khilaafaadka aan micnaha lahayn, balse ay feejignaantooda isugu geeyaan sidii looga guuleysan lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si cad oo rasmi ah uga jawaaba codsiga Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uu jeediyay fiidnimadii xalay.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, mar wax laga weydiiyay aragtida Puntland ee ku aaddan gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa iska fogeeyay inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u shaaciyay in Puntland ay soo dhaweynayso shir loo dhan yahay oo looga wada hadlo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan kasoo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu xalay jeediyay uu si faahfaahsan u sheegay inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay talooyinkooda qiimaha leh ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si ballaaran u mahadceliyay beesha caalamka, isaga oo qiray in “muddo dheer oo adag aad garab taagnaayeen Soomaaliya. Waxaad si hagar la’aan ah u taageerteen dib u dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaad dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn inuu maanta dib ugu laabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan waaweyn ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta dheeraad ah ee ku saabsan gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

 

Sheekh Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo jawaab ka soo saaray gogosha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.”

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.” 

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

Hoos ka aqriso bayaanka mucaaradka

Somalia opposition gives nod to unity dialogue

MOGADISHU, Somalia – Key figures within Somalia’s political opposition have cautiously welcomed President Hassan Sheikh Mohamud’s recent call for a national consultative forum, describing it as a “positive step forward.”

Former president Sharif Sheikh Ahmed, former prime minister Hassan Ali Khayre, along with politician Abdirahman Abdishakur Warsame, jointly issued a statement signaling their initial support for the dialogue initiative unveiled by President Mohamud during a televised address on the eve of Eid al-Fitr.

In their communique, the opposition leaders first felicitated the Somali populace on the occasion of Eid al-Fitr, offering prayers for the acceptance of their Ramadan fast and the strengthening of national unity and cohesion.

Their statement affirmed, “We welcome the invitation for consultations,” underscoring that “the enduring threat of terrorism and the evolving global political landscape necessitate a spirit of compromise, judicious deliberation, and pragmatic realism to safeguard our national sovereignty.”

Awaiting specifics on agenda and key stakeholders

However, the opposition leaders also emphasized the critical need for comprehensive details to ensure the efficacy and ultimate success of the envisioned forum.

“For this platform to yield meaningful outcomes and foster genuine unity in the defence of our nation and the ongoing counter-terrorism efforts, we anticipate further clarification regarding the precise agenda, the proposed timeline, and the indispensable stakeholders whose participation is vital for the forum’s success,” they articulated.

President Hassan Sheikh Mohamud, in his preceding address, had announced his intention to convene a broad spectrum of political actors and community leaders to solicit their insights and contributions towards bolstering the fight against “Khawaarijta” (widely understood to be a reference to the Al-Shabaab extremist group) and the establishment of a contemporary, democratic, and federal system of governance grounded in the constitution and existing legal frameworks.

The President lauded the political leadership for their shared understanding that “we are not divided on the imperative to confront the Khawaarijta, but rather united in our aspirations to construct a robust democratic government that serves our nation’s interests.”

Urgency of unified action against extremism

“I am extending an invitation to all political stakeholders to contribute their perspectives to the ongoing campaign against the Khawaarijta,” President Mohamud declared, simultaneously expressing profound gratitude to the Somali National Army for its unwavering dedication to the struggle against Al-Shabaab.

Furthermore, he sincerely appreciated the international community’s sustained support, acknowledging that “Throughout a protracted and arduous period, you have stood resolutely by Somalia. You have provided invaluable support for reconstructing a modern and democratic state. We extend our deepest thanks; you have helped our nation reach a point from which regression is no longer a viable prospect.”

This cautiously optimistic response from prominent opposition figures emerges at a pivotal moment for Somalia as it continues its protracted struggle against the Al-Qaeda-affiliated Islamist insurgency of Al-Shabaab.

The group, which has maintained a relentless campaign of violence for years, frequently orchestrates attacks in the capital, Mogadishu, and across various regions of the country.

President Hassan Sheikh Mohamud, who secured re-election in May 2022, has made restoring security and stability a paramount objective of his administration. His government has been actively engaged in a concerted effort to counter Al-Shabaab’s influence, often in close collaboration with international partners.

The term “Khawaarijta,” with its historical connotations of a radical early Islamic sect, is commonly employed in Somali discourse to denote extremist groups such as Al-Shabaab, highlighting their perceived deviation from mainstream Islamic teachings.

Al-Shabaab’s overarching aim remains the overthrow of the internationally recognized Somali government and the imposition of its own austere interpretation of Sharia law.

Sharif Sheikh Ahmed served as President of Somalia from 2009 to 2012. Hassan Ali Khayre held the office of Prime Minister between 2017 and 2020. Abdirahman Abdishakur Warsame has previously contested the presidential elections. Their collective, albeit conditional, acceptance of the dialogue initiative suggests a potentially significant step towards fostering greater political harmony within the nation.

Sirdoonka Mossad oo loo xil saaray qorshihii ay diideen Soomaaliya iyo dalal kale

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amray hay’adda sirdoonka Mossad in ay aqoonsato waddamo oggolaan kara inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo laga rarayo Marinka Gaza, sida lagu sheegay warbixin la shaaciyay Jimcihii.

Inkasta oo dalal dhowr ah ay horey u qaabileen tiro yar oo ah Falastiiniin xanuunsan — badankoodna carruur ah oo loo qaaday daaweyn — haddana weli ma jiro waddan aqbalay inuu martigeliyo tiro bada oo reer Gaza ah. Sidoo kale, dadka reer Gaza laftooda ma muujinayaan rabitaan ah inay si ballaaran u guuraan.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sii waddo dadaalka lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza, iyadoo taageero xooggan ka helaysa xubnaha xulafada midigta-fog ee xukuumadda Netanyahu, oo ay ka mid yihiin Bezalel Smotrich iyo Itamar Ben Gvir.

Dadaalkaas ayaa helay dhiirrigelin siyaasadeed bishii hore markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe ah in Mareykanku la wareego Gaza oo uu meesha ka saaro dhammaan dadka ku nool — oo gaaraya laba milyan.

Trump ayaa dib uga laabtay qorshahaas aan si buuxda loo qeexin, isagoo sheegay inaanay jirin Falastiiniin si khasab ah loo rarayo, isla markaana beeniyay in qorshahaasi uu la macno yahay nadiifin qowmiyadeed.

Israaiil waxay iyaduna sheegtay inaysan dadka reer Gaza ku qasbi doonin inay baxaan. Si kastaba, weli lama caddeyn sida dadkaas loogu qancin karo inay si iskood ah u guuraan, iyo waxa dhici doona haddii dadaalkaasi guul-darro ku dhaco.

Sida lagu sheegay warbixin uy qortay warbaahinta Axios, dowladda Mareykanka ma ahan mid si firfircoon u hirgelinaysa qorshaha Trump, iyadoo ergayga Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu xoogga saarayo sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad-joojinta iyo heshiiska lagu sii deynayo la-haysteyaasha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Xiriirka Israel ee Soomaaliya iyo dalal kale

Israaiil ayaa isku dayday inay buuxiso kaalintaas, iyadoo la gashay wadahadallo ay la leedahay dalal ay colaado ragaadiyeen sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Indonesia iyo dalal kale, si loo eego suurtagalnimada inay qaabilaan Falastiiniin, sida lagu sheegay warbixinta Axios oo soo xiganaysa laba masuul oo Israa’iili ah iyo masuul hore oo Mareykan ah. Wadahadalladaasi illaa hadda wax natiijo ah lagama gaarin.

Warbixinno hore ayaa sidoo kale muujinayay in Suuriya, Suudaan, iyo Somaliland — oo ah gobol gooni u goosed ah oo ka tirsan Soomaaliya — laga yaabo in loo arko meelaha suuragalka ah ee dadka reer Gaza loo raro, qorshe ay Israa’iil iyo Mareykanku si gaar ah isha ugu hayaan.

Maamulka Falastiin iyo dalalka Carabta ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada lagu doonayo in dadka reer Gaza lagu raro meel ka baxsan dhulkooda, iyagoo ku doodaya in dadkaasi ay xaq u leeyihiin inay ku sii nagaadaan Gaza. Waxay sidoo kale ka digeen in qorshahani uu hurin karo dagaallo cusub iyo kororka xagjirnimada.

Israaiil iyo Mareykanka waxay ku doodayaan in Gaza aysan mar dambe ammaan ahayn kaddib in ka badan sanad iyo bar oo weerarro Israa’iil ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Xamaas, sidaas darteedna dadka reer Gaza waa in la siiyo fursad ay ugu guuraan meel nabdoon. Hase yeeshee, diidmada Israa’iil ee ah inay si cad u ballanqaaddo in dadka baxaya loo oggolaan doono inay mar dambe ku soo noqdaan, ayaa sii xoojisay shakiga laga qabo ujeeddooyinkeeda.

Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan xilligii Netanyahu uu booqday Aqalka Cad, intii lagu jiray dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojinta iyo sii-deynta la-haysteyaasha — heshiis ay hormuud ka ahaayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Heshiiskaasi wuxuu hakiyay dagaal socday 15 bilood oo ka socday Gaza, kaasoo bilowday 7-dii Oktoobar 2023, markii ururka Xamaas uu horkacay weerar ay ka qayb qaateen in ka badan 5,000 oo dagaalyahan oo ku duulay Koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, intooda badanna ay ahaayeen rayid, halka 251 kalena ay qafaasheen.

Dagaalkaasi wuxuu Gaza u geystay burbur baaxad leh, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo qorshe dib-u-dhis dhammaystiran, kaasoo Israa’iil ay ku adkaysatay inuu ka koobnaado maamul cusub oo beddela xukunka Xamaas.

Masar ayaa si degdeg ah u soo bandhigtay qorshe kale oo Carbeed, kadib markii dalalka Carabta ay ka cabsadeen soo-jeedintii Trump ee ahayd in Gaza dib loogu dhiso sidii “Riviera-da Bariga Dhexe.”

Qorshaha Carabta wuxuu soo jeedinayaa in guddi madax-bannaan oo ka kooban khubaro farsamo ay muddo lix bilood ah si ku-meel-gaar ah u maamulaan Gaza, kadibna ay maamulka ugu wareejiyaan Maamulka Falastiin. Waxa kale oo uu qorshuhu oggolaanayaa in dadka reer Gaza ay sii joogaan dhulkooda inta dib-u-dhisku socdo — taasoo si cad uga duwan qorshaha Trump oo doonaya in dhammaan dadka la raro.

Dowladda Trump ayaa ilaa hadda diraysa fariimo is burinaya oo ku saabsan qorshaha Masar.

Cawad oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay warqadda uu Xasan Sheekh u diray Trump

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka.

Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysan Maarso 16, oo ay heshay Reuters, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran.

Maxay diblomaasiyad ahaan ka dhigan tahay warqaddan?

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u sheegay in warqaddan ay ka muuqato “degdeg, tabardarri, iyo quus uu madaxweynaheennu qabo.” Wuxuu intaa raaciyey inaan loo baahnayn in la arko warqaddan.

Danjire Cawad ayaa xusay inaysan muuqan in dalabku ka yimid dalka Maraykanka, oo ay ahayd inay muuqato doonistooda goobahan iyo in loo maro kanaallo diblomaasiyadeed oo labada dal ah.

“Waraaqda ayaan ka garanaynaa haddii ay jirto. Warqaddu waxay ku bilaaban lahayd annigoo tixraacaya tixraacyo kulamo hore ama teleefoonkeenii hore, tixraac ayey yeelan lahayd, marka halkan tixraac kama muuqdo. Hadda qof kasta wuxuu doonayaa inuu Trump is jeclaysiiyo,” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan ku caawiya Soomaaliya, iyagoo sidoo kale tababara ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran.

Madaxweyne Trump ayaa muddo xileedkiisii labaad ee Aqalka Cad qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalalka saboolka ah ee dunida.

Maxaa ka dhalan kara warqadda?

Inkasta oo aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin warqaddan ay aragtay Reuters, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qaba inaysan muuqan ilaa hadda waxa Soomaaliya ay ka helayso dhankeeda qorshahan.

Cawad ayaa qaba in warqaddan ay ka dhalan karto “inay cod xooggan siiso oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland, oo ay ka faa’iidaysato,” ayuu BBC-da u sheegay.

“Dalka Soomaaliya, bad, berri, iyo hawada sare, waxaa mas’uuliyad qaanuuni ah ka saaran tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan Dowladda Federaalka oo keliya ayaa heshiis u geli karta. Qasab ma ahan in ay dowladda dalka oo dhan ka taliso….

“Sharci ahaan, heshiis way la geli kartaa dal kale sida Maraykanka isticmaalka hawada, dekedaha, iyo gegida diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskaasna waxa uu noqonayaa mid qaanuun ahaan sax ah,” ayuu yiri Dr. Ahmed Ali Khayre, oo ah Lataliye Sharci, Bare Jaamacadeed, PhD.

Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah.

Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Boosaaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah.

Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

SOMALILAND oo shaacisay arrin ay muujisay warqaddii uu Xasan Sheekh u diray Trump

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay warqad ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Maraykanka, taasoo lagu codsanayay in Washington la wareegto maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso xasillooni-darro siyaasadeed iyo dadaal kasta oo lagu horjoogsanayo aqoonsiga Somaliland.

“Waa arrin muujinaysa in hoggaaminta Xasan Sheekh ay tahay mid aan culayska qaadi karin, khaasatan marka la eego arrimaha Somaliland. Mar kasta oo uu maqlo aqoonsiga Somaliland, nooc waali ah ayuu galayaa. Xusuuso waalida ka haysatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo gaadhay heer uu heshiis qarsoodi ah la galo Turkiga,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Waxa uu intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu yahay mid qoto dheer oo soo bilaabmay wakhti hore, gaar ahaan golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Wasiirka ayaa xusay in xeerka cusub ee difaaca Maraykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo, taasoo muujinaysa in Maraykanku noqon doono dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada.

“Maraykanku wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle, isaga oo xusay in Somaliland diyaar u tahay inay noqoto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo gacan ka geysata dib u dhiska dalkaas.

Wasiir Ayaanle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaariyay warqado badan oo uu u diray Washington si looga hor istaago aqoonsiga Somaliland.

“Wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya oo dhan bixiyo si uu uga hortago aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Maraykanka.

Jariiradda Semafor iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahiyay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maarso 16 u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasoo lagu codsaday in Maraykanka la wareego maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Warqadda ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo lagu maamulayo dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si loo xoojiyo saameynta Maraykanka ee gobolka, looga hortago tartamayaasha shisheeye, loona hubiyo marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah.

Hase yeeshee, Wasiir Ayaanle ayaa sheegay in goobaha la xusay — dekedaha iyo saldhigyada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland — aanay ka hoos shaqaynin dowladda Soomaaliya.

“Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran, balse xaqiiqadu waa in Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u maamulaan goobahaas,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay maamulkii dalka, isla markaana warqadda ay u dirtay Trump waxba kama beddeli karto xaqiiqada ah in Somaliland ay heli doonto aqoonsi.

“Haddii Somaliland hesho aqoonsi, waxay noqon doontaa dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Daawo: Xasan Sheekh oo si cajiib ah u qeexay go’aankiisa soo afjaridda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo inta badan khudbadiisii Ciidda uga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo heerka ay gaarsiisan tahay ka go’naashihiisa in laga guuleysto kooxdaas, ayaa ugu horrayn aad u amaanay ciidamada qaranka, isagoo u sameeyey ballan-qaadyo muhiim ah.

Xasan Sheekh ayaa khudbaddan ku caddeeyey in wax kasta ay uga muhiimsan tahay soo afjaridda kooxda Al-Shabaab, isagoo yiri: “Waxaa naga go’an wax kasta iyo qiimo kasta inaan u hurno sidii loo gaari lahaa dhammaadka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed, oo hadda maraya rajadii ugu dambeysay.”

Madaxweynaha, oo si dadban u xusay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyadiisa, ayaa yiri: “Wax kasta oo dhaca nama cabsi gelinayso tallaabooyinka naf-la-caariga ah ee ay sameynayaan Khawaarijtu.”

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sii muujiyey sida uu dagaalkan uga go’an yahay, ayaa intaas ku sii daray: “Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda, suurtagal ma aha inaan aamino in karaamo madaxtinimo iyo sharaf aan yeelanayo inta qof argagixiso ah uu khatar ku yahay jiritaankeena, sharafteena, iyo midnimadeena.”

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay Ciidamada Qaranka oo ka adkaaday Khawaarijta. “Waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay, waxaana ugu baaqayaa ciidamadeenna joogtaynta jihaadka,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay mudnaanta koowaad ilaa saddexaad sii doonto ciidamada qaranka, tayeyntooda, qalabeyntooda, iyo horumarintooda: “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeenow dadkeenu idinkey idinku jiifaan.”

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynuhu u sheegay in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray koox yar oo Khawaarij ah, oo aan ‘dalka, dadka, iyo diinta midna u naxaynin.’ “Waa ku mahadsan tihiin taageerada aad u heysaan, una muujiseen ciidamada qaranka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in aysan jirin cid gabaad u noqon karta Khawaarijta. “Dhammaan ballamihii aan galnay waxay caddeynayaan in aysan jirin cid loogu dulqaadan doono garab siinta Khawaarijta. Ka fogaada goobaha ay joogaan, waa noo hadaf, waana la beegsanayaa,” ayuu yiri.

“Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay oo mar dhow qormi doonta taariikh loo diiwaan gelin doono waagii Khawaarijta la jebiyey. Qof kasta ha raadsado halkii uu taariikhdaas uga qormi lahaa. Waxa is haya waa xaqa iyo baadilka, waxaana guuleysanaya xaqa, sida Ilaahey noogu caddeeyey Qur’aankiisa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sawirro: Sida looga ciiday Muqdisho iyo guud ahaan dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciidda lagu tukaday goobaha fagaarayaasha.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa goobihii lagu tukaday salaadda ciidda, ayada oo madaxda ugu sareysa dalka ay shacabka kala soo qeyb galeen tukashada salaadda ciidda.

Sidoo kale, saaka waxaa saxmad ka jiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaagu qabanayeen carruur iyo waalid gacmaha is haya, kuwaas oo u socdaalayay goobaha loo diyaariyay ciidda iyo tamashleynta.

Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka kula tukaday salaadda Ciidul-Fidriga, isaga oo ay weheliyeen kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha dowladda, iyo howlwadeennada qaranka.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay kaddib salaadda ciidda ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada, iyo is-garab istaagga ummadda muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii bisha Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan garab istaagga halyeeyada difaacaya qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud, iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni, iyo barwaaqo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa munaasabadda ciidda awgeed si gaar ah ugu hambalyeeyay taliyeyaasha, saraakiisha, askarta, iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sugan furimaha dagaalka, difaacayana qarannimada, midnimada, iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumannaan ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qayb galay tukashada salaadda Ciidul-Fidriga oo maanta la oogay.

Madaxweyne Cirro oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, ayaa tukashada salaadda Ciidul-Fidriga kala qayb galay kumannaan qof oo ku tukanayay Masjid Jaamaca magaalada Hargeysa.

Salaadda kaddib, madaxweynuhu wuxuu bulshada u jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa, taasoo ku saleysan muhiimadda ay leedahay nabadda, wada-jirka, iyo isku-duubnida bulshada.

Mudane Cirro ayaa ugu horreyntii bulshada Somaliland Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii, iyo camalkii wanaagsanaa ee ay sameeyeen bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka reer Somaliland, ku bogaadiyay munaasabadda Ciidul-Fidriga, isaga oo Alle uga baryay inuu sanadkan, sanadkiisa kale ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo dambi-dhaaf.

Si kastaba, munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.






















Jarmalka oo wacad ku maray aargudasho aan wax lala harin oo ka dhan ah Mareykanka

Berlin (Caasimada Online) – Jarmalka ayaa sheegay inuu rajaynayo in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis ku saabsan canshuuraha cusub ee Mareykanku kusoo rogay baabuurta, balse waxa uu digniin ka bixiyay in “wax kasta miiska saaran yihiin,” si uu u aarguto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay canshuur dhan 25 boqolkiiba oo lagu soo rogi doono baabuurta, gaadiidka fudud, iyo qalabka baabuurta ee laga keeno dibadda, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada.

Canshuurahaasi waxa ay dhaqan geli doonaan Khamiista toddobaadka dambe, balse Jarmalka — oo ah dhaqaalaha ugu weyn eurozone-ka isla markaana ah mid ka mid ah soo saarayaasha baabuurta ee ugu waaweyn Yurub — ayaa xusay in Midowga Yurub uu raadineyo “wadahadal qoto dheer” oo lala yeesho Mareykanka.

“Khasaaruhu wuxuu ku dhacayaa dhinac walba”

Afhayeenka dowladda Jarmalka, Steffen Hebestreit, ayaa carrabka ku adkeeyay in “murannada ganacsi ay khasaaro ku keeni doonaan dhinac kasta.” Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan isku dayeynaa inaan gaarno xal.”

“Waqtigan xaadirka ah, EU waxay weli rajaynaysaa inay gaarto heshiis wadaxaajood ah oo Mareykanka lala yeesho si looga fogaado dagaal ganacsi,” ayuu ku yiri Berlin.

Si kastaba ha ahaatee, Hebestreit wuxuu xusay in haddii wadahadaladu midho dhalin waayaan, “way caddahay in Yurub ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab-celin ah.”

“Waqtigan xaadirka ah wax kasta waa miiska saaran yihiin, wax walbana waa la eegayaa,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Madaxa sare ee EU, Ursula von der Leyen, ayaa horey u sheegtay inay “si qoto dheer uga xumaatay” canshuuraha Mareykanka, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu “sii wadi doono raadinta xal wadahadal lagu gaari karo.”

Kahor inta aanay canshuurahaasi dhaqan gelin, madaxa ganacsiga EU, Maros Sefcovic, ayaa wadahadallo kula yeeshay Washington mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump.

Trump ayaa sidoo kale hanjabay inuu soo rogi doono canshuuro kale oo baaxad leh oo ka dhan ah Midowga Yurub, kaas oo leh faa’iido ganacsi oo weyn oo uu la leeyahay Mareykanka.

Jarmalka oo khasaaro la kulmi kara

Shirkadaha baabuurta Jarmalka sida Volkswagen, BMW, iyo Mercedes — oo horeyba cadaadis uga dareemayay suuqa muhiimka ah ee Shiinaha — ayaa si gaar ah ugu nugul khasaaraha ka dhalan kara canshuuraha cusub ee Mareykanka.

Berlin ayaa si xooggan uga soo horjeesatay tallaabada Trump, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock, ay Khamiistii sheegtay in canshuuraha Mareykanka ay ugu dambeyn dib ugu soo noqon doonaan Mareykanka laftiisa.

“Qofka burburiya guriga oo dhan isagoo doonaya inuu saqafka dib u casriyeeyo, ugu dambeyn wuxuu hor istaagayaa burbur,” ayay tiri Baerbock.

Al-Burhan oo dhaartay kadib jabkii uu gaarsiiyey kooxda ay taageerayaan Imaaraadka

Khartoum (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada milateriga Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Sabtidii ballan qaaday in ciidamadiisu ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay ciidamada Dacmu Sariic ama Rapid Support Forces (RSF) hubka dhigaan.

Burhan oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee telefishinka tan iyo markii milaterigu dib u qabsaday caasimadda Khartoum toddobaadkan, ayaa sheegay in dhammaadka dagaalka burburka ba’an u keenay dalka ee socday ku dhowaad laba sano uu suurtagal noqon karo “haddii maleeshiyadu hubka dhigto.”

Wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada wadahadal lala yeesho kooxda Imaaraadku taageeraan ee RSF, isagoo ballan qaaday in dagaalyahannada ugu dambeeya ee kooxdaas la baacsan doono.

“Ma cafin doonno, mana la heshiin doonno, mana wadahadli doonno,” ayuu yiri Burhan, isagoo intaa ku daray in guusha la gaarayo keliya marka “kacaanigii ugu dambeeyay laga ciribtiro gees walba oo Suudaan ah.”

Khudbadda Burhan waxay timid maalmo yar uun kaddib markii uu si guul ah ugu soo laabtay qasriga madaxtooyada oo gacanta RSF ku jiray tan iyo markii dagaalku qarxay ku dhowaad laba sano kahor.

Burhan oo kasoo degay diyaarad milatari, ayaa dhulka u jilba joogsaday si uu u dhunkado dhulka, kaddibna gacan taagay isagoo kor u haya, kahor inta uusan albaabbada madaxtooyada ka galin.

Milateriga oo muddadii 18-ka bilood ahayd ee lasoo dhaafay la kulmay khasaaro culus, ayaa billaabay weerar xooggan bishii November ee sanadkii hore, kaas oo ay kusoo siqeen bartamaha Suudaan una ruqaansadeen caasimadda.

Toddobaadkii hore, ciidamada ayaa guul degdeg ah ka gaaray Khartoum, iyagoo dib ula wareegay qasriga madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, iyo xarumo kale oo istiraatiiji ah.

RSF ayaa dib u gurtay, inkastoo hoggaankeeda uu weli ku adkeysanayo mowqifkooda, iyagoo ku dhawaaqay in aysan marnaba is dhiibayn.

Saacado kaddib markii Burhan dib ugu laabtay qasriga madaxtooyada, RSF waxay shaacisay “iskaashi ciidan” ay la galeen garab ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan (SPLM-N), oo maamula qaybo ka mid ah gobollada Kordofan Koonfureed iyo Blue Nile ee koonfurta dalka.

SPLM-N ayaa horay ula dagaallantay labada dhinac, kahor inta aysan bishii hore heshiis siyaasadeed la saxiixan RSF si ay u dhisaan dowlad kale oo mucaarad ah.

Fiidnimadii Khamiista, goobjoogayaal ku sugan magaalada Damazin ee gobolka Blue Nile ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha iyo biyo-xireenka Roseires, oo ku dhow magaalada, ay markii ugu horreysay weerar dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah kala kulmeen RSF iyo xulafadooda tan iyo bilowgii dagaalka.

Milaterigu ayaa markii dambe sheegay inay soo rideen diyaaradaha drones-ka ee RSF.
Sabtidii, RSF waxay sheegtay inay la wareegeen saldhig milatari oo qiyaastii 140 km u jira Damazin.

Dagaalku wuxuu burburiyay Suudaan, isagoo dilay tobanaan kun oo qof, barakiciyay in ka badan 12 milyan oo qof.

Hadda, dalka waxaa si dhab ah loogu kala qaybsamay laba dhinac: milaterigu wuxuu gacanta ku hayaa waqooyiga iyo bariga, halka RSF ay maamusho inta badan Darfur ee galbeedka iyo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka.

Somali President vows to eradicate Al-Shabaab

Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has reiterated his government’s unwavering commitment to defeating the Al-Shabaab militant group, stating that this goal takes precedence over all else.

In a speech marking the Eid al-Fitr holiday, the President lauded the efforts of the Somali National Army and pledged continued support for their advancement in the fight against the insurgents.

Speaking in Mogadishu, President Mohamud emphasized the critical importance of ending the threat posed by Al-Shabaab, a group linked to al-Qaeda that has been waging a violent insurgency in Somalia for over a decade.

“We are determined to sacrifice everything and any price to achieve the end of the Khawaarij enemy of the Somali nation, who are now in their last hopes,” President Mohamud declared in his address, using the term “Khawaarij,” historically referring to a breakaway sect in early Islam and now often used to describe extremist groups.

Undaunted by attacks

While not explicitly mentioning a specific incident, President Mohamud alluded to a recent attack targeting his convoy, stating that such acts of violence would not deter the government’s resolve.

“Whatever happens will not frighten us from the self-sacrificing steps taken by the Khawaarij,” underscoring the government’s defiance in the face of continued threats.

President Mohamud further emphasized his personal commitment to the ongoing counter-insurgency efforts.

“As the President of the Republic, it is impossible for me to believe that I will have presidential dignity and honor while a single terrorist threatens our existence, our honor, and our unity,” he stated, highlighting the existential threat Al-Shabaab poses to Somalia.

The President expressed strong confidence in the Somali National Army’s ability to defeat Al-Shabaab and called on them to maintain their momentum.

“We are confident that victory is near, and I urge our forces to continue the jihad,” he said, using the term “jihad” in the context of the struggle against the militant group.

President Mohamud assured the armed forces that they would remain the government’s top priority, focusing on enhancing their capabilities, providing necessary equipment, and supporting their overall development.

He used a Somali proverb to emphasize the nation’s reliance on its soldiers: “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeenow dadkeenu idinkey idinku jiifaan,” which translates to “He who is relied upon for sleep should not sleep; our forces, our people rely on you.”

Message to the Public

Addressing the Somali populace, President Mohamud stated that the time of fearing a small group of “Khawaarij” who have no compassion for the country, its people, or its religion is over. He thanked the public for their continued support of the national army.

The President issued a stern warning against harboring or supporting Al-Shabaab, stating that the government would not tolerate any assistance to the group.

“All the promises we have made demonstrate that there will be no tolerance for anyone who supports the Khawaarij. Stay away from their locations; they are our target and will be targeted,” he affirmed.

Looking ahead, President Mohamud expressed his belief that Somalia is on the verge of a significant historical moment – the defeat of Al-Shabaab. He called on every Somali citizen to play a part in this achievement.

“The Somali nation has and will soon write a history that will be recorded for the time when the Khawaarij were defeated. Everyone should seek where they will be written in that history. Right versus wrong is at stake, and right will prevail, as God has made clear to us in his Quran,” the President concluded.

President Hassan Sheikh Mohamud’s strong remarks come at a time when the Somali government, with the support of international partners, is engaged in a renewed push to dislodge Al-Shabaab from its remaining strongholds in the country.

The fight against the group has been protracted and complex, but the President’s Eid address signals a continued determination to achieve peace and security for Somalia.