25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Shil diyaarad oo ka dhacay garoonka Muqdisho iyo DF oo war ka soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 (DH8D) ayaa maanta shil ku gashay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay maamusho UNSOS ayaa la kulantay cilad farsamo oo ku timid taayirkeeda hore, kaddib markii ay ka duushay garoonka saacaddu markay ahayd 11:16 waqtiga maxalliga ah, iyada oo kusii jeeday Baydhabo.

Kaddib markii la ogaaday ciladaas, shaqaalaha duulimaadka ayaa go’aansaday inay dib ugu laabtaan Muqdisho. Diyaaradda ayaa si nabad ah ugu degatay garoonka Aadan Cadde iyadoo isticmaalaysa caloosheeda (belly landing) saacaddu markay ahayd 13:28 waqtiga maxalliga ah.

Ma jirin wax khasaare ah, waxaana dhaawaca soo gaaray diyaaradda uu ahaa mid yar, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Mas’uuliyiintu waxay ka shaqeynayaan sidii diyaaradda looga saari lahaa dhabaha ay ku degatay (runway) saddexda saacadood ee soo socda, si howlihii caadiga ahaa ee garoonku dib ugu soo noqdaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda duulista rayidka.

Hay’adda ayaa shaacisay in baaritaan la sameyn doono si loo ogaado sababta keentay cilada taayirka hore.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Maamul goboleedyada qaar oo caqabad ku ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilowday dagaalka kooxaha argagixisada, waxaa soo baxaysay in dowlad goboleedyada qaarkood uusan dhab ka aheyn dagaalka, amase ay caqabad ku yihiin in kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab laga ciribtiro dalka.

Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo ku sugan yahay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay jiraan maamul goboleedyo aan si buuxda uga qeyb qaadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo la hadlaya boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayuu Taliye Xasan Ciraaqi shaaca ka qaaday in maamulladan aysan dooneyn in laga ciribtiro maleeshiyadka Shabaab dalka.

“Waxaa jira maamul goboleedyo aan qeyb ka ahayn dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo raba in ay guuleystaan. Waa arrin la ogyahay, mana ahan wax la dhageysan karo. Shacabka Soomaaliyeed go’aan bay qaateen, go’aankaasina waa mid lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha.

Inkasta oo uusan taliyuhu magacaabin maamul goboleedyada uu ku eedeeyey in aysan dooneyn in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu tilmaamay in maamullada aysan dooneyn in laga adkaado Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay in howlg-allada sii socon doonaan, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay garab istaagaan Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay taageeraan dadaallada dowladda ee la-dagaalanka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina, Taliye Xasan Ciraaqi ayaa bogaadiyay guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka Shabaab uu sii socon doono ilaa guul buuxda laga gaarayo.

Xasan Abgaal oo farriin cajiib ah direy kadib baaqii kasoo yeeray Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa ka jawaabay baaqii uu dhawaan diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo gogol wadatashi ugu fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo saamileyd siyaasadda.

Xasan Abgaal ayaa marka hore si buuxda u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo helo talo midaysan oo dalka lagu hago marxaladdan xasaasiga ah.

“Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee isdiidan inay u istaagaan danta guud, ayna madaxda qaranka ku garab istaagaan dagaalka kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda iyo dowladnimo sal adag leh.

“Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada,” ayuu yiri Xasan Abgaal.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan geesinimada leh waa astaanta hoggaan masuul ah, kana tarjumaysa rabitaan dhab ah oo lagu xoojinayo midnimada shacabka Soomaaliyeed, lana dardargelinayo hanaanka dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.

Waa fursad taariikhi ah oo aan la dayici karin, si wadajir looga hortago dhibaatooyinka dib-u-dhigay horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan si xushmad leh ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan danta guud, ayna garab istaagaan Madaxda Qaranka, si loo suuliyo khatarta Khawaarijta, loona xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda, iyo dowladnimo sal adag leh. Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada.

Sidoo kale, waxaan ku dhiirrigelinayaa in aan dhigno aasaas adag oo ku saleysan midnimo, wadajir iyo is-aaminaad, si aan u dhisno mustaqbal Soomaaliyeed oo barwaaqo ah, ka foga khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadiyey horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Ugu dambayn, guusha dhabta ah waxay u sugnaatay shacabka Soomaaliyeed ee si mideysan ugu istaagay difaaca qarannimadooda, islamarkaana garab taagan Ciidamada Qalabka Sida ee naf-hurnimada ugu jira xoraynta dhulka iyo ilaalinta karaamada qaranka.

Soomaaliya ha noolaato! Horumar ha lagu gaadho midnimo, xasillooni iyo dowladnimo waarta!

Xiisadda SOMALILAND iyo SSC-Khaatumo oo weji cusub yeelatay – Maxaa cusub?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan xuduudka u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa kasii dartay, iyada oo xaaladdu isu beddeshay mid ay ku lug leeyihiin afduubyo lala beegsanayo dadka rayidka ah.

Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Somaliland ay degaanka Bohol ku qafaasheen dad rayid ah oo ka soo jeeda degmada Xuddun, kuwaasoo hadda lagu hayo magaalada Burco.

Jawaab ahaan, maleeshiyaad kale oo taageersan SSC-Khaatumo ayaa iyaguna qafaashay dad u dhashay Somaliland, taasoo sii hurisay xiisadda colaadeed ee labada dhinac.

Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo jiidda hore ee dagaalka ayaa muujinaya diyaar-garow dagaal, iyadoo Somaliland ay xoojinayso ciidamada ku sugan furimaha hore.

Dagaalka labada dhinac ayaa dib u qarxay horraantii bishii hore, xilli ay xukuumadda Somaliland deegaanno ka tirsan Sool ka wadday qorshe lagu qaramaynayo maleeshiyo beeleedyada SSB iyo G36, kuwaasoo samaysmay xilligii ay colaadaha joogtada ahi ka taagnaayeen deegaannadaas.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay wada-hadal ku wajahayso arrinta gobolka Sool, oo haatan ay maamusho SSC, haddana marnaba ma joojin abaabulka ay ka waddo jiidda hore.

SSC ayaa dhankeeda xaqiijisay in dagaalka ay kula jirto Somaliland uu sii socon doono, iyadoo hoggaamiyaha maamulka KMG ah uu xusay in Ceerigaabo muhiim u tahay maamulkiisa, halkaasi oo bishii na dhaaftay uu ku sugnaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa dab kusii shidaya xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, taasoo caqabad ku noqon karta dadaallada nabadeed ee xal loogu raadinayo colaadda.

Siyaasiyiinta K/Galbeed oo caddeeyey mowqifkooda gogosha uu fidiyey Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Maanshiil oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweysay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ku aadanaa qabashada shir qaran oo wada-tasho ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in gogosha uu dhigay madaxweynaha ay kusoo aaday xilli muhiim ah, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro.

“Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Maanshiil.

Sidoo kale waxa ay madashu intaasi ku dartay in baaqa madaxweynaha ay u aragto inuu yahay tallaabo boggaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha kale ee ka jira dalka, sida dagaalka Al-Shabaab.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sidoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in arrintan ay abuureyso rajo yadadiilo u leh shacabka Soomaaliyeed, loogana gudbi karo caqabadaha gudaha ee haatan jira.

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu dhawaan jeediyey ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

Gogoshii XASAN SHEEKH kadib, kooxda Farmaajo oo shaacisay arrimo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Cabdirashiid Duqa oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa marka hore soo dhaweeyay shirka wadatashiga ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, waxaase uu tilmaamay in madaxtooyada looga fadhiyo inay caddeyso goorta la qabanayo, cidda ka qayb-galeyso iyo ajendaha guud ee shirka wadatashiga ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in weli aanu caasuumaad ramis ah soo gaarin dhankooda, ayna jawaab ka sugayaan kooxda Villa Soomaaliya.

“Madaxtooyadu marka ay ku baaqeyso shir qaran oo noocaan oo kale ah waxaa jira tallaabooyin is xig-xiga oo loogu gogol xaarayo sidii shirkaas looga dhabeyn lahaa arrimahaasna weli may dhicin waxaa kamid ah in uu soo baxo bayaan lagu caddeeyo goorta, goobta iyo cidda kasoo qayb-galeyso” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Marka inta aynan is waydiin Madaxweyne Farmaajo ma ka qayb-galayaa mise kama qayb-galayo waxaa ka horreysa in horta madaxtooyada ay Process-ka ay dhammeystirto oo casuumaadda ay qolo walba u dirto, marka weli casuumaad nama soo gaarin”.

Dhanka kale, wxuuu ka hadlay xiisadda dhex oogan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, isagoo ku taliyay in madaxweynuhu doono madaxda maqan.

“Haddii ay taagan tahay car iyo wir oo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood loo jaray waaran soo qabasho ah marka ay halkaas taagan tahay runta la’isku sheegayaa, shirkan waxaa muhiimaddiisu ay tahay in talo wadaag la yeesho, waxaana la rabaa in madaxweynaha uu doono madaxda maqan” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka oo uo u tilmaamay in hal dhinac laga raray, sida uu hadala u dhigay.

“Qaabka doorashooyinka loo galayo, guddiga ka shaqeynaya iyo dastuurka waxaas oo dhan waxaad moodaa inuu yahay Process uu keligiis isku koobay madaxweynuhu, dowladihii xubnaha ka ahaa DFS qayb kama ah, waxayna ahayd in shaqada la’isla wado” ayuukusii daray.

Farmaajo oo horay bayaan usoo saaray ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

“Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ““Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,”.

Xogta saraakiil iyo askar lagu dilay XAMAR intii lagu jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Boolis Milataaro Gaashaanle Aadan Jeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo ay uga dhinten askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xasilinta ee loo xilsaaray amniga guud ee caasimada.

Aadan Jeelle ayaa xaqiijiyey in intii ay ku guda jireen howlgalladii lagu sugay amniga bishii Ramaadaan ay ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsanaa Boolis Milataaro, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku shahiideen howlgallo ay fuliyeen.

Taliyuhu ma shaacin tirada askarta iyo saraakiisha ka dhintay oo uu Alle uga baryay inuu u naxariisto, kana waraabiyo Jannadii Fardowso.

“Bishii Ramadaan gudaheeda intii aan ku guda jirnay ciidana way naga shahiideen, saraakiilna way naga shahiideen, iyada oo weliba ay tahay bil Ramadaan ay Sooman yihiin, waxa ay u dagaalamayeena waxa ay ahayd badqabka shacabka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Aan u duceyno, iyaga oo Sooman ayay shahiideen, Ilaahey ha u naxariisto, Jannadii Fardowso Alle haka waraabiyo”.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in guul wayn ay ka gaareen howlgallada ay sameeyeen, isla markaana ay si nabad ah ku soomeen dadka Soomaaliyeed, kuna fureen, maadaama haatan loo dabaal-degayo munaasabadda Ciidul-Fitriga.

“30-kii cisho ee lasoo dhaafay qof naga mid ah oo hurday ma jiro, saacad kasta ayaan soo jeednay, xilli kasta ayaan u diyaarsaneen waajibaadka iyo xaalad kasta oo soo kororta, runtii waana ku guuleysanay maanta dadka Soomaaliyeed si nabad ah ayay ku Soomeen,Ilaahey ayaa mahadaa iska leh” ayuu mar kale yiri Taliye Aadan Jeelle.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray reer Muqdisho, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah nabad-geylada.

Muqdisho ayaa haatan ka nasatay weeraradii qaraxyada ahaa iyo dilalkii ay ka gaysan jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana ay ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe.

Howlgallo is daba joog ah ayaa inta badan ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwa Xasilinta iyo Nabad-sugidda ay ka sameeyeen caasimada iyo nawaaxigeeda.

Donald Trump oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibedda ka dhigay saddex dal oo Carab ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Isniintii inuu qorshaynayo booqasho uu ku tagayo Sacuudi Carabiya horaanta bisha May, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddadiisa labaad ee xilka madaxweynaha.

Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu halkaas ku saxiixo heshiis maalgashi oo weyn, iyadoo sidoo kale uu kadib booqan doono dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaa laga yaabaa inay noqoto bisha soo socota ama inyar kadib,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta isagoo ku sugan Xafiiska Oval ee Aqalka Cad.

Afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrinkan ayaa sheegay in bartamaha bisha May loo asteeyay waqtiga safarka. Trump ayaa horey u booqday Sacuudiga iyo Israa’iil, isagoo ka dhigay dalalkii ugu horreeyay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddo xileedkiisa koowaad ee sannadkii 2017.

Trump ayaa mar kale ku celiyay hadallo uu sheegay bilowgii Maarso, isagoo xusay in ujeedka safarkiisa Sacuudiga uu yahay in la saxiixo heshiis lagu maalgashanayo dhaqaalaha Maraykanka, kaas oo gaaraya ilaa $1 tirilyan oo doollar, oo ay ku jiraan iibka qalabka militariga.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in heshiisyo noocaan oo kale ah lala saxiixi doono Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

“Shaqooyin badan ayaa la abuuri doonaa labadaas ama saddexdaas maalmood gudaheed,” ayuu yiri Trump, inkastoo madaxweynuhu uusan faah-faahin gaar ah ka bixin heshiisyadan.

Arrimaha kale ee laga yaabo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah dagaalka saddex sano jirsaday ee Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dagaalka hadda ka socda Gaza, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Sacuudi Carabiya ayaa door muhiim ah ka ciyaartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, iyadoo martigelisay wadahadalladii lagu raadinayay xabbad-joojinta ee Ruushka iyo Ukraine.

“Fursadda safarada caalamiga ah ee madaxweynaha waa arrin hadda laga baaraan-degayo. Weli qorshe rasmi ah lama diyaarin, waxaana faahfaahin dheeraad ah la bixin doonaa marka si rasmi ah loo soo saaro,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ka hor hadalka Trump.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa ballanqaaday inuu dalal dheeraad ah ku dari doono Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo ahaa heshiisyo lagu caadiyeeyay xiriirka Israa’iil iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka, kuwaas oo uu maamulkiisii hore soo abaabulay.

Trump ayaa sheegay in dalal badan ay xiisaynayaan inay ku biiraan heshiisyadaasi. Aqalka Cad ayaa si gaar ah u tilmaamay Sacuudi Carabiya inay noqon karto dal ku soo biira heshiisyadan, balse Sacuudiga wuxuu marar abdan sheegay in aanu geli doonin heshiis Israel ilaa laga ogolaado dal ay yeeshaan Falastiiniyiinta.

Taliye Xasan Ciraaqi oo loo diray deegaanada Galmudug iyo abaabul culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taliyaha Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Gaashaanle Xasan Ciraaqi u dirtay Galmudug, si uu halkaas uga bilaabo abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Xasan Ciraaqi oo hadda ku sugan magaalada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug ayaa wada qorshe culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan Galmudug ay ka bilaabayaan howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si looga xoreeyo deegaannada ay ka haystaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sidoo kale farrriin u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay taageeraan dagaalka scoda.

“Siyaasiyiinta haddey doonayaan in ay dalka ka taliyaan waa in dowladda ku taageeraan dagaalka adag ee lagula jiro kooxaha Nabad-diidka ” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa jirto maamul goboleedyo runtii aan qeyb ka aheyn dagaalka khawaarijta oo raba in ay khawaarijta guuleysto, taana waan ognahay, wax la dhageysan karo ma ahan, ummada Soomaaliyeed go’aan bay qaadatay, go’aankaasina waa socdaa, waana mid cadawga Kawaarijta ah looga ciribtiraayo dalka”.

Waxaa sidoo kale qorshahan qayb ka ah Daraawiista Galmudug iyo ciidamada deegaanka oo iyaguna abaabulka wax ka wada, si looga hortego argagixisada.

Dhinacyadan kala duwan ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah ka wada demada Wisil, kuwaas oo looga hadlayo diyaar garowga howlgallada ka bilaabanayo halkaasi.

Horay Xasan Ciraaqi ayaa uga qayb-qaatay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo ku sugnaa aagga degmada Aadan Yabaal, waxaana hadda loo sii wareejiyay deegaannada Galmudug oo laga bilaabayo howlgallo kale.

Waxaa kale oo sarkaalkan lagu xasuustaa inuu hoggaaminayay ciidamadii ay horay dowladdu ugu daabushay deegaannada Jubbaland, gaar ahaan aagga Raaskambooni, kuwaas oo dagaal la galay ciidamada uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kadibna lasoo jabiyay, taas oo keentay in qaar kamid ah ciidanka Soomaaliyeed ay galaan dalka Kenya.

Si kastaba, ha’ahaatee, maaalmihii la soo dhaafay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan ayaa waday qorshayaal lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo tegay furimaha hore ee dagaalka ee HirShabelle.

Horjooge iyo maleeshiyaad la socday oo howlgal lagu dilay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Qansaxdheere, waxaana lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

Saraakiil u hadashay Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in horjoogaha la dilay uu Khawaarijta u qaabilsanaa lacaga Zakawaat-ka, isla markaana uu dhibaato ku haya shacabka ku dhaqan degmada Qansaxdheere iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Sidoo kale inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay Mooto Al-Shabaab u siday Raashiin la sheegay inay si qasab ah uga soo qaateen shacabka.

Koonfur Galbeed waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannadeeda, si loo soo afjaro kooxda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Koonfur Galbeed ee ka dhacay aagga degmada  Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal ay gaareen gobollada Baay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

“Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo.

Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed.

“Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu yiri.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa weli ku xoogan xubnaha Al-Shabaab, waxayna deegaanno ka joogaan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, waxaana intaas sii dheer inay go’doon galiyeen magaalooyinka waa wayn ee maamulkaasi.

Xogta guddi sare oo Midowga Afrika u dirayo waddanka…

0

Juba (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay qorshe uu guddi sare oo loo yaqaan ‘guddiga xigmadda’ ugu dirayo magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan.

Ujeedka guddigan ayaa lagu sheegay in uu gacan ka geysto dadaallada lagu xasilinayo xiisadaha taagan iyo xoojinta dib-u-heshiisiinta kaddib rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Nasir.

Go’aanka lagu dirayo Guddiga Xigmadda ayaa yimid kaddib wada-hadallo dhex maray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Youssouf Ali, iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir.

Dhinacyada ayaa isla falanqeeyay muhiimadda dhexdhexaadinta iyo sidii loo hirgelin lahaa Heshiiska La Cusboonaysiiyay ee Xallinta Khilaafka Koonfurta Suudaan (R-ARCSS) si loo xaqiijiyo nabad waarta.

“Midowga Afrika wuxuu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Koonfurta Suudaan. Waxaan sii wadaynaa dadaallada nabadeed annaga oo dhiirrigelinayna wadahadal iyo is-afgarad dhab ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Wafdigan sare, oo ka kooban hoggaamiyeyaal la ixtiraamo, ayaa kulamo la yeelan doona dhammaan dhinacyada ay khusayso, iyagoo diiradda saaraya yareynta xiisadaha iyo kor u qaadista wadahadal wax ku ool ah.

Dadaalladan diblomaasiyadeed waxay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo Midowga Afrika uu ka wado gobolka, isaga oo la kaashanaya hay’ado ay ka mid yihiin IGAD, EAC, iyo saaxiibbada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhinacyada kala duwan ee isku haya dalkaasi inay u hoggaansamaan heshiisyada nabadeed iyo in la xoojiyo dadaallada dib-u-dhiska qaranka, si Koonfurta Suudaan ay u hesho mustaqbal nabdoon oo xasilloon.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay taageerada xasilloonida iyo nabadda Koonfurta Suudaan.

Daawo: Guddoomiyaha Lambar 50 oo wax yaab leh uga sheekeynaya R/W Xamza

Lambar 50 (Caasimada Online) – Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, Maxamed Maxamuud Abuukar, ayaa shalay si cajiib ah ugu warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku tegay deegaankaan, lana soo ciiday shacabka iyo ciidamada.

Guddoomiyaha oo ah nin dhalinyaro ah oo askari ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha u warbixinayey muddo shan daqiiqo ah, wuxuuna ka sheekeeyey sida ay isaga difaacaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ay kala kulmeen shacabka iyo ciidamada ku nool deegaankaas Lambar 50.

Waxaa xusid mudan in Al-Shabaab ay qabsadeen deegaano muhiim ah oo Awdheegle, Sabiib iyo Caanoole ay ugu horeeyaan, balse Lambar 50 ay foodda geli waayeen, taas oo lagu amaanay shacabka iyo ciidamada deegaankaas oo isku duubni muujiya mar kasta.

Guddoomiyaha Lambar 50 ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay tirada ciidamada u diiwaan gashan deegaanka ee la dagaalama Al-Shabaab, wuxuu si qiiro leh uga sheekeeyey marxaladda cuno, mushaar iyo duruufaha caafimaad ee ciidanku ay ku nool yihiin.

Wuxuu sheegay inay aad u garanayaan Shabaab-ka dagaalkooda, “Ra’iisul Wasaare dadkaan reer Lambar 50, waxay iibsadeen xoolahoodii, waxayna ku soo gateen qoryo ay isaga difaacaan cadowga, qof kasta qori ayuu wataa, qeyb qeyb ayaan isku raacnaa waxaana duurka ka raadsanaa cadowga Khawaarijta ah, waan garaneynaa dagaalkooda, waana naga cabsadaan, meel aan ku arki karno ma imaadaan,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Lambar 50.

Wuxuu codsaday in ciidanka deegaanka loo qarameeyo oo Mushaar loo qoro, sidoo kale wuxuu codsaday in ayaga loo diro dhulka cadowgu joogo si ay u xoreeyaan, maadaama ay garanayaan dagaalkooda iyo kaartooyinka ay adeegsadaan.

Guddoomiya ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay deegaanada iyo degmooyinka kale ee ku xeeran ay u gurmadaan markii ay Shabaab soo weeraraan, “Ra’iisul wasaare askar badan ayaa nooga dhaawacantay dagaaladii ugu dambeeyey, Awdheegle seddax askari ayaa nooga dhaawacantay, rag Kalena waa nooga dhinteen, waxaan codsaneynaa in markii aan dagaal galno dhaawaceena diyaarad loo soo diro,” ayuu yiri.

Lambar 50, waxaa shalay loogu tegay dad u diyaarsan halgan dhab ah, madaxdii tagtay waxay u kuurgaleen mar xaladda dhabta ah, waxayna indhahooda ku soo arkeen odayaal, haween iyo dhalinyaro ay ka muuqdaan dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab, waxayna madaxda u cadeeyeen in hadii la taakuleeyo ay Shabeellaha Hoose oo dhan ka xorey karaan Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo madaxdii kale ee shalay la socotay ayaa iska dhexgalay ciidamadii deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan Lambar 50, ciidamada ayaa heystay hubkooda, waxaana halkaas ka dhalatay hadal-heyn amni oo dadka qaar ay khatar ka muujinayeen, balse booqashadii shalay ee Lambar 50, waxay banaanka keentay halgan cajiib ah oo dadka deegaankaas ay ku jiraan.

Hoos ka daawo guddoomiyaha Lambar 50 oo u waramaya R/W Xamza.

Caynte oo ka digay in shirka uu ku baaqay Xasan Sheekh uu noqdo mid loogu heshiiyo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo dhoweeyey gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh ee saamileyda siyaasadda dalka, balse waxa uu ku baaqay in laga baaqsado inay gogoshan noqoto mid loogu heshiinayo muwaadinka Soomaaliyeed.

“Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan,” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. 

Hoos ka aqriso qoraalka

Gogosha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fidiyey ee yoolkeedu yahay (a) xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku galay sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyo (b) u midoobidda halganka xaq u dirirka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, waa mid mudan soo dhaweyn iyo bogaadin. Waliba in madaxweynuhu baaqaas kusoo beego iyadoo ay muddada xilheyntiisa sannad ka hartay waa ifafaale togan.

Ha yeeshee, haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday.

Labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay, koox loogu yeero “saamileyda siyaasadda” ayaa KA HESHIIYEY hubantii la’aanta siyaasadda, iyagoo KU HESHIIYEY hannaan doorasho oo ka arradan mabaadi’ida iyo akhlaaqda aasaasiga ah ee islaamnimada iyo Soomaalinnimada, KUNA HESHIIYEY iney si qayaxan u boobaan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay inuu si caddaalad iyo hufnaan leh u doorto dadka ku matalaya golayaasha baarlamaanka.

Haddaba, iyadoo maanka lagu hayo sooyaalkaas foosha xun, waxaan ku baaqayaa in laga baaqsado iney gogoshan noqoto mid LOOGU HESHIINAAYO muwaadinka Soomaaliyeed. Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.

Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxaa hubaal ah ineysan gaari karin yoolka labaad ee ah iska caabbinta argagixisada Al-Shabaab. Duruufta, dareenka iyo jawiga ay ku sameysmaan, kuna bullaalaan fallaagada hubeysan dunida oo dhan, waxaa ugu horreeya caddaalad darrada, eexda, takoorka iyo boobka hantida la wada leeyahay. Intaas oo aafooyin ahna waa kuwa maanta caadi ka noqday dalkeenna, isla markaana ragaadiyey dowladnimadeenna. Caloolna wixii ay ku bukootay laguma daaweeyo.

Ugu dambeyn, haddii ay gogoshan soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.

Maxa tahay fadeexadda Qatar-gate ee hareysay Israel?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Isniintii maanta si degdeg ah uga baxay maxkamadda dacwaddiisa musuq-maasuqa si uu uga markhaati furo baaritaan kale oo ku saabsan suurta-galnimada xiriirka ka dhexeeya la-taliyeyaashiisa iyo Qatar, sida ay ku warrantay warbaahinta dadweynaha Israa’iil ee KAN.

Booliska ayaa xaqiijiyay in laba qof oo looga shakisan yahay kiiskan, oo Israa’iil loogu magac daray “Qatar-gate,” la xiray Isniintii. Wax faah-faahin dheeraad ah lama bixinin sababo la xiriira xayiraad maxkamadeed oo saaran kiiskan.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha kama uusan jawaabin codsiga warbaahinta, halka ilo ku dhow Netanyahu ay xaqiijiyeen warbixinta. Warbaahinta KAN ayaa sheegtay in Netanyahu uusan ahayn eedaysane, balse uu ka markhaati furi doono xafiiskiisa ku yaalla Qudus.

Netanyahu, oo dacwado kale oo musuq-maasuq ah uga socdaan maxkamad, kuwaas oo uu si adag u beeniyay, ayaa ku tilmaamay eedeymaha la-taliyeyaashiisa iyo Qatar “war been abuur ah” iyo olole siyaasadeed oo isaga ka dhan ah.

Masuul ka tirsan dowladda Qatar ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas, isagoo ku sifeeyay inay yihiin “olole sumcad dil ah” oo lagula kacayo Qatar.

Olole sumcad u dhisid Qatar ah

Sida ay baahiyeen warbaahinta KAN iyo wargeyska bidixda u janjeera ee Haaretz, la-taliyeyaasha Netanyahu ayaa lagu tuhunsan yahay inay abaabuleen ama qayb ka ahaayeen olole lagu hagaajinayo sumcadda Qatar ee caalamka. La-taliyeyaashu si buuxda ayay u beeniyeen eedeymahaas.

Isniintii hore, Netanyahu wuxuu magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil si uu u beddelo taliyaha hadda xilka haya, kaas oo lagu muransanaa, maadaama uu gacanta ku hayo baaritaanka xiriirka Qatar.

Netanyahu wuxuu u magacaabay Eli Sharvit, oo horey u ahaa taliyaha ciidanka badda ee Israa’iil, si uu u beddelo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, oo weli xilka haya ilaa laga gaarayo go’aanka maxkamadda sare ee la xiriira arrinta shaqo ka saarkiisa.

Go’aanka dowladda ee shaqo ka saarista Bar, oo xukumayay baaritaanka xiriirka Qatar iyo saddex la-taliye oo ka tirsan xafiiska Netanyahu, ayaa kiciyay mudaaharaadyo xooggan oo ka dhacay Tel Aviv iyo Qudus.

Netanyahu wuxuu sheegay inuu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Bar kadib fashilkii amni ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, taasoo sababtay maalintii ugu dhimashada badnayd Israa’iil iyo bilowgii dagaalka Gaza.

Maxkamadda Sare ayaa xayirtay shaqo ka eryidda Bar waxayna qorsheyneysaa inay go’aan ka gaarto dacwooyinka ka dhanka ah 8-da Abriil, balse waxay ogolaatay in Netanyahu sii wato wareysiga musharaxiinta beddelaya Bar inta laga gaarayo go’aanka.

Xubnaha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyo ururo u dooda xuquuqda madaniga ah, ayaa maxkamad geeyay go’aanka shaqo ka eryidda Bar, iyagoo ku dooday in waqtiga tallaabadan la qaaday uu cabsi gelinayo in la carqaladeeyo baaritaanka Shin Bet iyo booliska oo la bilaabay dabayaaqadii Febraayo, kaas oo lagu baadhayay xiriirka suurtagalka ah ee ka dhexeeya la-taliyeyaasha Netanyahu iyo Qatar.

Doorka Qatar ee wada-hadallada xabbad-joojinta

Qatar, oo aan Israa’iil u aqoonsanayn dal cadow ah, ayaa hoy u ah qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xamaas. Sidoo kale, Qatar iyo Masar ayaa dhex-dhexaadin ka waday Israa’iil iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin ka hirgasha Gaza.

Bar, oo door muhiim ah ka qaatay wadaxaajoodkii xabbad-joojinta iyo sii deynta la-haystayaal bishii Janaayo, ayaa sheegay in shaqo ka saaristiisa ay leedahay dano is khilaafsan, taasoo waxyeellaynaysa baaritaanka Qatar.

Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka, xarigga la sameeyay maalintaas, iyo isku dayga shaqo ka eryidda Bar ay yihiin qorshe lagu horjoogsanayo xil ka saarkiisa iyo isku day lagu doonayo in Netanyahu xafiiska laga saaro.

Shaqo ka eryidda Bar wuxay hurisay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo Netanyahu iyo dowladdiisa oo la xiriira sida ay u maareeyeen dagaalka Gaza. Dibadbaxyadu waxay sii socdeen Isniinta maanta ah iyadoo kumannaan qof ay ka qayb galeen, kuwaas oo u arkayay xil ka qaadista Bar isku day lagu wiiqayo hay’adaha dowliga ah.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu dagaalka Gaza sii dheereynayo si uu uga faa’iideysto la-haystayaal weli ku jira Gaza, halka sidoo kale loo arkayay inuu isku dayayo inuu iska ilaaliyo baaritaannada ka socda Shin Bet iyo booliska.

Netanyahu wuxuu Axaddii sheegay in dib u bilowga dagaalka Gaza, oo burburiyay xabbad-joojintii laba bilood socotay, uu ahaa isku day lagu cadaadinayo Xamaas si ay u sii deyso 59 la-haystayaal ah oo weli lagu haysto gudaha Gaza.

Shaqo ka eryidda Bar iyo dibad-baxyada la socda ayaa la filayaa inay sii kordhiyaan cadaadiska siyaasadeed ee ka saaran Netanyahu, maadaama xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ay sii xoogaysanayaan.

Su’aalo xasaasi ah oo ka dhashay gogosha uu fidiyay Xasan iyo mugdi ku gadaaman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan fidiyay gogol wadatashi qaran ah, taasoo ka dhasheen su’aallo badan oo mugdi gelinaya dhab ahaanshaha baaqan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu diriyay baaqa gogoshan wuxuu ka gaabsaday inuu si rasmi ah u caddeeyo cidda lagu casuumay, waqtiga uu shirkaasi qabsoomi doono, iyo qodobada si gaar ah looga doodi doono. Wuxuu si guud u tilmaamay in looga hadlayo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowlad casri ah, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

Su’aallaha ka dhashay hadalka madaxweynaha

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in hadalka Madaxweynaha uu si dadban uga meermeeray qodob muhiim ah: casuumaadda mucaaradka. Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in hadalkiisa ay ka maqnaayeen tilmaamo cad oo muujinaya in shirka lagu martiqaadayo mucaaradka, taasoo dhalisay su’aalo badan oo la xiriira jihada uu shirku u qaadan doono.

Haddii aysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku saabsan cidda la casuumayo, waxaa laga yaabaa in gogoshaasi ay noqoto mid aan lahayn saamayn wax ku ool ah.

Tan ayaa loo fahmi karaa xeelad uu madaxweynaha iskaga yareynayo cadaadiska siyaasadeed ee saaran, kana imanaya gudaha iyo dibadda. Iyadoo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya laga soo xiganayo in aanay jirin go’aan cad oo lagu martiqaadayo dhinacyada mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid si ula kac ah uga fogaaday martiqaad rasmi ah sababo dhowr ah awgood.

  1. Hubanti la’aanta ka-qaybgalka Jubaland iyo Puntland: Ma jiro hubin la xiriirta in Jubaland iyo Puntland ay ogolaan doonaan ka-qaybgalka shirka, maadaama xiriirkooda dowladda dhexe uu muddooyinkii dambe ahaa mid aan hagaagsanayn.
  2. Diiradda oo la saarayo dagaalka argagixisada: Madaxweynaha ayaa doonaya in shirka uu noqdo mid xoogga lagu saarayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, halkii uu u leexan lahaa dhinaca loolanka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu waqti kasbado, si uu u abuuro fursad uu kula jaanqaado dhinacyada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Isaga oo aan caddayn ajandaha shirka iyo cidda ka soo qaybgali doonta, wuxuu iska ilaalinayaa inuu si toos ah u hor yimaado mucaaradka, taasoo uga dhigan in uu sii xoojiyo gorgortanka siyaasadeed.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in shir qaran la qaban karo oo keliya haddii la helo dadaallo horudhac ah, sida kulammo farsamo oo dibadda ka dhaca, si loo dhiso ajandaha shirka.

Wada-hadaladaasi hordhaca ah ayaa fure u noqon kara xal u helidda kala fogaanshaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland.

Doodda doorashada mise dagaal: Maxaa miiska saaran?

Hadalka Madaxweynaha wuxuu muujinayaa in dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada uu u baahan yahay taageero ballaaran oo ka timaadda dhinacyada siyaasadda.

Waxaa muuqata in haddii shirka qaran la qabto, Madaxweyne Xasan Sheekh uu halis ugu jiro inuu lumiyo awoodda uu hadda u leeyahay hoggaaminta dagaalka, islamarkaana ay suuragal tahay in laga xaajoodo isbeddello siyaasadeed, oo ay ku jirto doorashada qof iyo codka ah.

Hadal-jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh waxay u muuqatay mid uu ku kasbaday kalsoonida qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyadoo isla markaana meesha ka saartay in beesha caalamka ay cadaadis kale ku saarto.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in hadalkiisa uu curyaamiyo abaabul ka dhan ah dowladda oo la sheegay in laga wado qaar ka mid ah caasimadaha reer Galbeedka.

Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid xilligan doonaya in uu wakhti kasbado, halkii uu si toos ah ugu dhawaaqi lahaa shir qaran oo cad. Waxa uu diiradda saaraya sidii uu u heli lahaa taageero caalami ah oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo ka meermeeraya arrimaha siyaasadda gudaha.

Sida uu shirkan u qabsoomi doono iyo cidda lagu casuumayo ayaa wali ah su’aal taagan, taasoo laga yaabo inay go’aamiso jihada siyaasadeed ee dalka bilaha soo socda.

DF oo ku dhowaaqday ciqaab adag oo la marinayo askarigii ka soo baxa furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ka ku dhawaaqay in tallaabo adag laga qaadi doono askar kasta oo ka baxda furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Wuxuu si cad u sheegay in aan la aqbali doonin in askartu dib uga gurato jiidda hore ee dagaalka, isagoo xusay in ciqaab adag ay sugayso ciddii amarkan jebisa.

Taliye Mahad ayaa xusay in sharciga ciidanka uu si cad u qeexayo in askariga ka baxa safka dagaalka uu wajahayo ciqaab adag, taasoo noqon karta xabsi ama dil toogasho ah.

Wuxuu intaa ku daray in waalidka askarigaas lala xisaabtami doono, lagana jari doono wixii taageero dhaqaale ah ee dowladda ay siin jirtay qoyska.

“Askari ka carara dagaalka lama cafinayo, xabsiga ama dil toogasho ayaa sugaya. Xitaa waalidkiis lagala xisaabtami doonaa, waayo iyaga ayaa koriyay oo waxbaray,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in askarta si geesinimo leh uga qeyb qaadata dagaalka lagu abaalmarin doono. Wuxuu ballan-qaaday in geesiyaasha u dhabar-adeyga dagaalka lagu siin doono bilado sharafeed iyo gunooyin dhaqaale, si loo dhiirrigeliyo dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dhammaan ciidamada in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Arrinta keentay in Trump si weyn uga caroodo Putin kadib wada-hadal dhexmaray

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.

Wareysi uu siiyay NBC News, Trump wuxuu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in Putin uu dhaawacay kalsoonida lagu qabo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, taasoo sii adkayn karta xalka siyaasadeed ee dagaalka.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay in Mareykanka uu canshuur sare kusoo rogi doono waddamada weli iibsada shidaalka Ruushka haddii Putin uusan ogolaan xabbad-joojin.

Hadalladan waxay muujinayaan isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Trump ee ku aaddanaa Putin, iyadoo hore loo tuhunsanaa inuu u janjeero dhinaca Moscow.

Cadaadiska Trump ee Ruushka iyo Ukraine

Lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, Trump wuxuu si toos ah ugu eedeeyay Zelensky inuusan dooneyn tanaasul si dagaalka loo soo afjaro. Dhanka kale, wuxuu si xushmad leh ula hadlayay Putin, taasoo sare u qaaday tuhunka Yurub ee ku aaddan xiriirkooda.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkiisa cusub wuxuu muujinayaa mowqif ka duwan midkii hore, wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu cadaadis dhaqaale saaro Ruushka haddii aysan jirin isbeddel dhab ah oo lagu gaari karo nabad.

“Waxaad dhihi kartaa waan carooday markii Putin uu shaki geliyay kalsoonida Zelensky, sababtoo ah taasi ma aha wax sax ah,” ayuu yiri Trump intii lagu guda jiray wareysiga.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ruushku qaadan waayo xabbad-joojin, Mareykanka uu si toos ah u beegsan doono dhaqaalihiisa.

“Waxaan canshuur dheeraad ah saari doonaa dhammaan shidaalka iyo badeecadaha kale ee Ruushka,” ayuu yiri, isagoo xusay in tallaabadan ay dhaqangal noqon doonto bil gudaheed haddii aan heshiis la gaarin.

Canshuuraha cusub waxay saameyn doontaa waddamada sida Shiinaha iyo Hindiya oo ah kuwa ugu badan ee shidaalka Ruushka iibsada, taasoo cadaadis dheeraad ah saari doonta Moscow.

Dhinaca kale, Zelensky ayaa sheegay in Putin uu wali raadinayo marmarsiiyo uu dagaalka u sii jiitamo.

“Ruushku wuxuu wali ciyaaraya isla xeeladdii uu isticmaalayay tan iyo 2014,” ayuu ku qoray baraha bulshada, isagoo ka digay in Mareykanka iyo Yurub aysan noqon kuwo jilicsan oo Ruushka u oggolaada inuu ku sii adkaysto dagaalka.

Trump ayaa la filayaa inuu Putin kala hadlo arrintan toddobaadkan, xilli dagaalka Ukraine uu sii dheeraanayo, khasaaruhuna uu sii kordhayo.

Daawo: Maxaabiis badan oo hal mar laga daayay xabsiyo ku yaalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 114 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa la sii daayay kadib cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Maxaabiistan ayaa ahaa kuwo galay dambiyo fudud.

Maxaabiistan ayaa laga sii daayay Xabsiga Dhexe iyo Xabsiga MBC ee ku yaalla Ex-Koontarool Afgooye, iyagoo dib u helay xorriyadooda xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Fitriga.

Mas’uuliyiinta laamaha cadaaladda iyo maamulka xabsiyada ayaa sheegay in maxaabiistan ay hore u dhammaysteen qeyb ka mid ah xukunadooda, isla markaana ay mudanayeen cafis madaxweyne.

Maxaabiistan ayaa waxaa si weyn looga dareemay wajiyadooda farxad iyo reyn-reyn, iyagoo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda cafiska uu u fidiyay.

Sii-deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib-u-heshiisiinta iyo fursad siinta dhalinyarada sameeyay khaladaad yar-yar, si ay dib ugu laabtaan noloshii caadiga ahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanad walba xilligan oo kale cafis u fidiya maxaabiista aan dambiyada culus gelin, taasoo qeyb ka ah dhaqanka caadiga ah ee munaasabadda Ciidul-Fitriga.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sidee ayay bulshadu uga falcelisay arrinta uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan fidiyay gogol wadatashi ah oo ay qayb ka noqonayaan madaxda siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda.

Gogoshan uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si weyn u soo dhaweeyay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu u arka fursad wax lagu sixi karo, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira-dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha, aan looga maarmin ka mira-dhalinta gogosha.”

Sidoo kale, bulshada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka fal-celiyay arrintaan, iyagoo badankood soo dhaweeyeen, halka qaar kale ay ku adkeeyeen madaxweynaha inuu ka mira-dhalinta gogosha uu fidiyay.

Fal-celinta shacabka

Aweys Haji Muhamuud: “Waqti kursi la isku qabsado lama taagno marka hore Al-Shabaab ayaa iska xoraynaysa kadibna ha idin ahaato is-qab-qabsi. Mar kale, Al-Shabaab hala xureeyo, Soomaaliya.”

“Muhiimada in lala shiro mucaaradka ma ahan oo kaliya iyaga maanta waxey qaban karaan ma jiraan xil raadis leh, laakiin waa in Puntland iyo Jubaland lala heshiiyo, kuwaas haddii lala heshiyo wax walba wey ku hagaagayaan. Laakiin sida Farmaajo, hadey dhacdo sida Farmaajo, lee kugu dhici,” ayuu yiri Xuseen Omaari.

Ugaas Abdirashid Yahye: “Haddii aad xitaa shirtaan wax miro-dhal ah ma soo saraysaan mushkilada hadda jirta, mid kala kusii dareysan, shir oo shir badan balse wax wanaagsan soo saara iskana dhafa sida hore ee intaa shirtaan, hadana inaan waxba qaban jirin.”

“Waan soo dhaweyneynaa hadalka madaxweynaha ka bulsho ahaan.
Haddii suurtowdo inay dhacaan shirkan la isugu yeerayo madaxda gobollada iyo saamileyda siyaasadda, laba mid ayay noqoneysaa: 1. In madaxweynuhu tanaasul uu sameeyo oo ah doorasho qof iyo cod in uusan ku tashan. 2. In shirkaas meesha lagugu kala tagi doona is-faham waa siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamed Maame Cadde.

Xamse Cali: “Xasan Sheekh ha aaminina, waxaanu xalay ku hadlayay waligiis kama dhabayn doono, Sheekh Shariifow ergaadi ku dooran lahaa inoo sii aruuri.”

Cabdiraxmaan Cali Maxamed: “Maanta haloo midoobo goynta cancer-ka dalka ka soo dhashay, gacal, xigaal iyo in qof lagu xumeeyo midna ma lahan nimankaani.”

“Haddii idinka isku mashquushaan ogaada Al-Shabaab inay idiin qabsaneyso, ee joojiya, waxaad raadineysaan waxa ka soocaya Khawaarij, oo an idiin kala reebeynin, ee hala ciribtiro. Joojiya waran, waran ku taaga,” ayuu yiir Maxamed Yuusuf Indhaceel.

Siciid Cadow: “In la isfahmo waa muhiim. Kaligey aan isku filanshay majirto, cid isku filan majirto. Gacmo wadajir, wax ku gooyan.”

“Maanta waqti siyaasadeed laga hadlo lama taagno oo dalkeena lagu soo duulay. Laakiin nasiib wanaagsan, siyaasiyiin xumaha, umadda Soomaaliyeed wey baratay,” ayuu yiri Xamda Xuseen Cali.

Shabaab oo joojiyay dhaqan lagu yaqaanay maalinta Ciidda kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo lagu jiro dabaal-degga malmaha munaasabadda Ciidul-fitriga ayaa waxaa lasoo warinayaa in deegaannada kooxda Al-Shabaab aan si wanaagsan looga Ciidan, isla markaana ay gebi ahaan kooxda joojisay dhoolatuskii ciidan ee ay sameyn jirtay maalmaha lagu jiro dabaal-degga Ciida.

Shalay iyo maanta laguma arkin deegaannada Al-Shabaab wax dabaal-deg ah iyo dhoolatus ay soo bandhigayaan dagaalyahannadooda, oo inta badan xilliyada Ciidaha la arki jiray, iyaga oo sameynayo dhoolatus ay kusoo bandhigayaan awooddooda ciidan.

Baraha bulshada iyo warbaahinta Al-Shabaab ayaa si weyn loogu baahin jiray bandhigga iyo dhoolatuska maleeshiyaadka kooxda, balse sanadkan ma jiro wax dhoolatus ah, sababo la xiriira culeyska haatan haysta kooxda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulmeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in wax dagaalyahannno lagu arkin deegaannada ay maamulaan Al-Shaaab, sida Galhareeri (Galgaduud), Jilib (Jubba Dhexe), Mubaarak (Shabeellada Hoose), Ceel Garas (Galgaduud), Buq’aqable (Hiiraan), Jowle (Mudug), iyo Kuunyo Barow (Shabeellada Hoose), halkaas oo ay farriisimo waa wayn ku leedahay kooxda.

Hoggaamiyeyaasha sare ee argagixisada ayaa dhankooda adeegsaday farriimo cod ah oo ku saabsan munaasabadda, iyaga ka baaqsaday inay si toos ah uga soo muuqdaan goobaha lagu oogayay salaadda Ciida.

Waa markii ugu horreysay oo deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab aan lagu arkin dagaal-yahannada kooxda iyo horjoogayashooda oo xilliyadaan oo kale kasoo muuqan jiray fagaarayaasha lagu ciidayo.

Sidoo kale, hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay arrintan, iyada oo su’aalo badan laga keenay, taas oo la xiriirta culeyska iyo cabsida haysata kooxda oo dhawaanahan lagu hayay howl-gallo dhulka iyo cirka ah oo lagu qaaday ilaa fariisinkooda wayn ee Jilib.

Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay weli sii wadaan dadaalkooda iyo howl-gallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, waxaana socda dagaallo toos ah iyo duqeymo lagu cuuryaaminayo kooxda.

Si kastaba, howl-gallada xoogooda ayaa haatan ka socda Shebeelooyinka iyo Galgaduud, waxaana jab culus loogu gaystay maleeshiyada kooxda oo laga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaanno badan.