27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Somalia: Military strikes kill 70+ Al-Shabaab militants

0

Mogadishu, Somalia – Somali government forces and allied local militias have killed more than 70 Al-Shabaab fighters in a series of military operations in the HirShabelle region, officials said Tuesday.

According to a statement from Somalia’s Ministry of Information, the operations targeted Al-Shabaab positions in several locations, including Caddow-Guray in Hiiraan, Ceel Cali Axmed, and the district of Al-Kowsar in Middle Shabelle.

The Somali National Army (SNA), supported by local militia groups, launched preemptive strikes to counter planned Al-Shabaab attacks in the region.

“More than 70 members of the Khawaarij [a term used by the Somali government to describe Al-Shabaab] were eliminated in operations carried out by the National Army and local forces,” the ministry said in a statement. “

The bodies of the militants, including key commanders, remain at the sites of the operations.”

The statement also confirmed that government troops and journalists embedded with state media visited the battle zones, capturing images of the aftermath, including destroyed militant vehicles and seized weapons.

NISA reports additional casualties

Separately, Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) reported that another 48 Al-Shabaab fighters were killed in three additional strikes across Middle Shabelle and Hiiraan.

In the first strike on Daarul-Nimca, 17 militants, including senior figures, were eliminated. A second operation in Al-Kowsar killed 19 more, while a third in Beerayabaal saw the deaths of 12 fighters, according to NISA.

The intelligence agency said the operations were aimed at disrupting Al-Shabaab’s leadership and operational capacity.

Somalia steps up anti-Al-Shabaab offensive

The Somali government has ramped up its military campaign against Al-Shabaab, which has waged a violent insurgency since 2007, seeking to overthrow the government and impose its own version of Islamic law.

The latest operations are part of a broader offensive to push the group out of its strongholds. Somali forces, backed by local fighters, have made gains in recent months, retaking several areas previously controlled by the militants.

Earlier this month, Al-Shabaab fighters attacked multiple villages in Middle Shabelle, temporarily seizing two before being driven out by Somali troops. Witnesses described intense fighting, with bodies of militants left scattered in the aftermath.

Somalia’s counterterrorism efforts have received backing from international partners, including the African Union and the United States, which have provided training, equipment, and intelligence support.

Authorities have urged the public to remain vigilant and cooperate with security forces to prevent further attacks. More military operations are expected in the coming weeks as Somalia continues its fight to weaken Al-Shabaab’s grip on the country.

Al-Shabaab, an Al-Qaeda-linked group, has been designated a terrorist organization by multiple countries and international bodies. It has carried out deadly bombings and attacks across Somalia and the broader region in its bid to destabilize the government and impose strict Islamic rule.

This article is based on statements from Somalia’s Ministry of Information and the National Intelligence and Security Agency (NISA). Independent verification of casualty figures is ongoing.

Daawo: DF oo xildhibaano ku xayirtay garoonka iyo khilaaf culus oo soo laba kacleeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in amarka looga hor istaagay safarkoodii Kismaayo ay bixiyeen Madaxweyne Xasan iyo Ra’iirul Wasaare Xamsa, sida ay ka soo xigteen saraakiisha amniga ee ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa ugu horeyn sheegay in Xasan Sheekh oo ciil qaba uu xukunka qabsaday, isla markaana uu ku jiro aar-gudasho, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan isaga ayaa la kulmi jiray caqabadahaan, sidii oo kale inui sameeyo waa aar-gudasho, saakay ayaan tagnay garoonka, maqribkii ayaan ka soo tagnay, berina waan ku laaba doonaa, si aan u jebino xayiraada saaran Jubbaland, xoog ayaan xayiraada uga qaadi doonaa shacabka Jubbaland,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire oo laga soo doorto Jubbaland.

Dhankiisa Xildhibaan Cumar Qalad-diid ayaa weerar culus ku qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa, isagoo sheegay in beeshii uu metelay ee Daarood loo adeegsanayo, si uu u dulmiyo, isagoo tusaale u soo qaatay cunaqabateynta Jubbaland iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii Daarood ah oo doonaya in Xamsa Barre uu barto ha fiiriyo cunaqabateynta la saaray Jubbaland iyo sida loola dhaqmayo Puntland, shalay xafladii ciidanka Asluubta wuxuu ka sheegay in Jubbaland aysan cunaqabateyn saareyn, anagoo xildhibaano ah oo xasaanad leh ayaa naloo diiday inaan tagno deegaankeenii, maxaad u maleyneysaa qof shacab ah?” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qalad-diid.

Xildhibaanadaan ayaa ku goodiyey in Jubbaland aysan sii saaraa doonin cunaqabateynta, iyagoo ka sheekeeyey dhibaatadii maanta ku qabsatay garoonka Aadan Cadde iyo qaabkii looga hor istaagay safarka.

“Dadka reer Jubbaland waxaa garoonka looga furtay qol lagu fatasho oo lagu bahdilo, dadkeenu ma istaahilaan in sidaas loola dhaqmo, Xasan Sheekh cadaawada uu u qabo Jubbaland waa tii geysay Raaskambooni, isagoo duulaan ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qalad-diid.

Waxay sheegeen in Baarlamaanka ay gey doonaan wixii ku qabsaday garoonka Aadan Cadde iyo sababta looga hor istaagay safarkii ay xaqa u lahaayeen ee Kismaayo ay ku tegi lahaayeen.

Xildhibaanada ayaa u mahadceliyey ciidanka amniga garoonka oo u sheegay in xafiisyada sare amar laga soo siiyey, sida ay sheegeenna si fiican ula dhaqmay, intii ay ku xayiraayeen garoonka.

Hoos ka daawo Xildhibaan hadlay

Duqeymo culus oo caawa ka dhacay Puntland iyo faah-faahin laga soo saaray khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Duqeyn lagu dilay 25 Xubnood oo ka tirsan Argagixisada Daacish ayaa caawa mar kale ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Miraale.

Goobta lala beegsaday duqeyntaas waxaa la sheegay inuu ku yaallo talis weyn oo muhiim u ahaa Daacish, sida Caasimada Online ay u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee dagaalka ku jira.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka, duqeyntaan ayaa lagu beegsaday xubno firxad ah oo isku aruursanayay taliskaas, kuwaas oo la aaminsan yahay inay qorsheynayeen weerar iska caabin ah.

Howlgalkaan waxa fuliyay saaxiibada caalamka, kuwaas oo si hagar la’aan ah u garab taagan dadaallada Soomaaliya looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Duqeynta ayaa qeyb ka ah dagaalka ballaaran ee ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, Puntland, si meesha looga saaro khatarta ay kooxahani ku hayaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaannada Kalriyaad, Saax, iyo Madaah ee gobolka Bari.

Howlgalkii maanta waxaa lagu burburiyay talisyo yar yar oo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada Daacish.

Ciidamada ayaa la wareegay agab ay kooxdaasi lahayd, sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dameero ay raranayeen argagixisadu, kuwaas oo loo adeegsanayay daabulidda sahayda kooxda.

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab-kii maanta la dilay – Yaa jooga goobihii dagaalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii maanta ka dhacay deegaano ka tirsan HirShabeelle, waxaana la dilay in ka badan 70 Shabaab ah.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ay maanta si wayn Khawaarijta ugu jabiyeen isku dayo la fashiliyay oo kooxdu ay ku soo qaaday weerarro ka dhacay dhowr deegaan.

“In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Caddow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, deegaanka Ceel Cali Axmed iyo degmada Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Ciidamada iyo weriyaal ka tirsan warbaahinta dowladda oo tegay goobaha dagaalka ayaa soo duubay muuqaalo iyo sawirro muujinaya sida Al-Shabaab maanta loogu xasuuqay degmada Al-Kowsar iyo deegaan lagu magacaabo Caddow-gurey oo hoos taga Buuloburde.

“Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgallada meydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal,” ayaa lagu yiri Warkaan ka soo baxay dowladda.

Inta ay socdeen hawlgalladaan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka, kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.

“Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgallada guulaystay ee maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhawaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay,” ayaa lagu yiri warka ay dagaalkii maanta ka soo saartay DF Soomaaliya.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Abwaan Nageeye oo dhowaan ku biiray Khawaarijta uu kamid ahaa xubnihii maanta lagu dilay dagaalka, inkastoo aan la soo bandhigin cadeymo rasmi ah.

Dhamaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana kooxda lagu laayey duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka iyo iska caabin toos ah oo ciidamada ay kala kulmeen dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.

 

NISA oo shaacisay xogta 3 howlgal oo lagu beegsaday Al-Shabaab iyo khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa waxaa looga hadlay khasaaraha saddex howlgal oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan maamulka HirShabelle, laguna beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka koowaad oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa ka dhacay deegaanka Daarul-Nimca, waxaana Al-Shabaab looga dilay 17 xubnood, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in laba mar ay kala dhaceen howlgalladaas, laguna jabiyay maleeshiyaadka kooxaha Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale, howlgalka labaad oo ka dhacay degmada Alkowsar ayaa lagu khaarijiyay 19 kale oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal.

Howlgalka saddexaad ayaa isna ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Beerayabaal, kadib markii laga fuliyay duqeyn culus oo lagu beegsaday argagixisada.

Tirada guud ee dhimashada maanta loo gaystay Al-Shabaab ayaa ah illaa 48 xubnood oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhex.e

“Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Si kastaba, HirShabeelle ayaa haatan ka curtay kacdoon cusub oo looga hortegayo soo laba kacleynta Al-Shabaab, oo dooneysa inay dib u qabsato gobolkaasi.

Puntland oo saanad afar nooc ah ka qabsatay Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo kale oo ay guullo ka gaareen ciidamada Puntland oo maanta ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Dhadaar oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Daacish, iyaga oo ka qabsaday saanad ay ka careen.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay qabsaeen saanad ka kooban 4 nooc sida rasaas, daawo, agab caafimaad iyo cunto qalalan oo ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in ciidamaday ay deegaanka ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah, si looga hortago dhagarta kooxda Daacish.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Dhadaar, waxa la qabtay Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan oo ay ka carareen Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo amni ka sameeyeen inta u dhexeysa Dhaadaar iyo Sheebaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa kusii siqaya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, waxaana shalay ay Daacish kala wareegeen dhowr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab, halkaas oo laga fara maroojiyay kooxda. Saldhigan ayaa ku yaalla halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex-mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Arrintan ayaa lama filaan noqotay, maadaama la aaminsanaa in kooxdu ay ugu yaraan isku dayi doonto inay difaacato saldhigeedii ugu weynaa ee aagga buuraha Calmiskaad, xilli ay dagaal adag kula jiraan geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Inkasta oo dagaalka Daacish laga gaaray horumar wanaagsan, haddana waxay khubarada amnigu ku talinayaan in aad loo feejignaado oo lagu dagmin xeeladaha cadowga naf la caariga ah.

HirShabelle oo sheegtay in dagaal lagu dilay Abwaan Nageeye Khaliif + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa goordhow ku dhawaaqay in dagaal lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khliif oo dhowaan uun ku biiray kooxda Al-Shabaab, kadib markii uu iska dhiibay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sida uu sheegay Daa’uud Xaaji Cirro, oo ah afhayeenka madaxweynaha HirShabeelle, oo qoraal soo saaray Abwaan Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Nageeye oo horay uga tegay Muqdisho uu qayb ka ahaa xubno weerar soo qaaday, balse ugu dambeyn lagu dilay isla goobta.

“Khawaarijkii Abwaan Nageeye ahaa waxa ku cibaadeystay geesiyaasha qaranka, waxa uuna ku ruux baxay degmada Alkowsar,” ayuu yiri Daa’uud Xaaji Cirro.

Caasimada Online si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashada HirShabeelle.

Dhinaca kale dagaalka oo cuslaa ayaa lasoo wariyay inuu soo gaaray illaa duhurnimadii maanta, wuxuuna u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubno badan laga dilay Al-Shabaab, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada maydad la sheegay inay ka carareen.

Xaaladda Alkowsar ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Deegaannada HirShabeelle ayaa haatan ka curtay kacdoon cusub oo looga hortegayo soo laba kacleynta Al-Shabaab, oo dooneysa inay dib u qabsato gobolkaasi.

 

Xogta diyaarad milatari oo maanta ku dhacday deegaan ay maamulaan Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad milatari oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay ku dhacday deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaalla gobolkaas, kadib cilad soo wajahday.

Diyaaradda oo ahayd Helicopter ayaa lasoo wariyay inay ku dhacday aagga deegaanka Kunyo-barrowe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la socday duuliyaha iyo laba nin oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddexda qof ee saarnaa diyaaradda ay ka bad-baadeen shilka, iyaga oo ka booday diyaaradda markii ay ciladda dareemeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale ku warramay in duuliyaha iyo labada nin kale ay u baxsadeen dhanka xeebta, halkaasina ay ka raaceen doon ay uga baxsadeen Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan diyaaradda ku dhacday deegaaka Kunyo-barrow ee gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa ka qayb-qaadata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.

Xogta DF oo qoraneysa shaqaale ka badan 30,000

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraneysa shaqaale gaaraya 30,506 oo xirfadle caafimaad ah. Shaqaalahan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah 5,000 oo haweenka adeegayaasha caafimaadka bulshada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshahan ay shaqaalaha caafimaad ku qoraneyso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa socon doona muddo illaa 2029-ka. Waana mid kamid qorshaha isbeddelka qaranka (NTP-2025-2029), kaasi oo Axaddii uu ansixiyau Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Sidoo kale, marka ay noqoto dhanka caafimaadka waxaa qorshahan ugu jira xoojinta Golaha Qaranka ee Mihnadleyasha Caafimaadka (GQMC), si ay si buuxda u gutaan shaqada loo igmaday, oo kamid yihiin;

  1. Bixinta shatiga oggolaansha shaqo ee xirfadlaha
  2. Hubinta tayada goobaha waxbarshada caafimaadka, iyo tayada adeegga xarumaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxay dowladdu qorsheynaysaa si loo xoojiyo horumarinta adeegga caafimaadka heerka labaad, in ay casriyeyso 18 isbitaal ee heer gobol iyo dhisidda 8 isbitaal heer maamul-goboleed, kuwaas oo bixin doona adeegga caafimadka takhasuska ah iyada oo ay iska-kaashanayaan dowladda iyo ganacsatada (PPPs).

Si kastaba, qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) ayaa tusaale u ah hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Sidoo kale wuxuu ku saleysan yahay ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si loo gaaro horumar waara.

Qorshaha NTP oo beddelaya qorshihii 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xambaarsan yahay qorshayaal dhowr ah oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, sida ay horey u sheegtay xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga doorashada oo maanta qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudigga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta howlaha loo igmaday doorashada, wuxuuna maanta shir muhiim ah ka furay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo shirka furay ayaa sheegay inay isugu yeeriyeen ururada siyaasadda, ayna u bilowdeen wada-hadallo xasaasi ah.

Cabdikariin ayaa u sheegay hoggaanka ururada uu la kulmo inay u diyaar garoobaan diiwaangelin, maadaama la aadayo xisbiyo iyo doorasho dadweyne.

“Maalintii aan shahaadada idin siino oo noqotaan ururo rasmi ah waxaa tihiin Real Stake-holders doodda siyaasadda Soomaaliya idinka ayaa hagi doono. Waxaan u taaganahay sidii uu dalkeenu u yeelan lahaa Xisbiyo rasmi ah oo jaan-gooya siyaasadda.”” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in doodda ay sii socon doonto, isla markaana ay badinayaan wada-hadallada iyo kulamada ay la qaadanayaan ururada siyaasadda.

“Shirka maanta waa noo furan yahay dooddu waa badnaan doontaa, wadahadalka wuu socon doonaan, hadda kadibna xarunteenna waa idin furnaan doontaa” ayuu raaciyay.

Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadeyso, xilli ay taagan tahay doodda culus ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka.

Ciyaaryahan Mesut Özil oo ku biiray siyaasadda Turkey, isaga oo noqday xubin sare

Ankara (Caasimada Online) – Ciyaaryahan Mesut Özil, oo horey ugu guuleystay Koobka Adduunka isagoo ka mid ah xulka qaranka Jarmalka, ayaa hadda si rasmi ah ugu biiray siyaasadda Turkiga, isagoo noqday xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalkaas.

Axaddii, Özil ayaa lagu soo daray guddiga dhexe ee go’aanka iyo fulinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) intii lagu guda jiray shir ka dhacay Ankara. Munaasabaddaas, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale dib loogu doortay hoggaanka xisbiga markii sagaalaad.

Ciyaaryahankan asal ahaan Jarmal-Turkish ah ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahaa Erdogan. Sannadkii 2019, madaxweynaha Turkiga ayaa ka mid ahaa markhaatiyaasha arooska Özil iyo xaaskiisa Amine Gulse, oo horey ugu guuleysatay tartanka quruxda Turkiga.

Intii uu ku jiray xirfaddiisa kubadda cagta, Özil wuxuu u ciyaaray kooxaha Real Madrid, Arsenal, iyo Fenerbahçe, isaga oo ku guuleystay horyaalka La Liga ee Spain iyo afar koob oo FA Cup ah oo England ah.

Wuxuu 92 jeer u saftay xulka qaranka Jarmalka, isagoo la qaaday Koobka Adduunka sannadkii 2014. Waxa kale oo uu shan jeer ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sannadka ee xulka Jarmalka, taasoo rikoor ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirkiisa xulka qaranka Jarmalka ayaa xumaaday kaddib Koobkii Adduunka ee 2018, markaas oo uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo ku eedeeyay warbaahinta Jarmalka iyo xiriirka kubadda cagta ee dalkaas (DFB) inay si cunsurinimo ah ula dhaqmeen.

“Markii aan guuleysano, waxaan ahay Jarmal, markii aan guul-darreysano, waxaan noqdaa muhaajir,” ayuu yiri waqtigaas.

Arrintan ayaa dhacday toddobaadyo kaddib markii Özil iyo Ilkay Gundogan, oo u ciyaara Manchester City isla markaana asalkiisu yahay Turkish, lagu dhaleeceeyay gudaha Jarmalka kaddib markii sawir ay la galeen Erdogan uu soo shaac baxay.

“Shaqadaydu waa ciyaaryahan kubadda cagta ah, ma aha siyaasi, kulankeenuna ma ahayn taageero siyaasadeed,” ayuu Özil ku sheegay hadal uu markaas bixiyay.

“Sida ay DFB iyo dad badan iila dhaqmeen awgeed, mar dambe ma doonayo inaan xirto funaanadda xulka Jarmalka. Waxaan dareemayaa in aanan la rabin, isla markaana wixii aan gaaray tan iyo markii aan qaranka ku biiray 2009 la illaaway.”

Tan iyo markaas, Özil wuxuu si firfircoon uga hadlay arrimaha siyaasadda iyo xuquuqda aadanaha.

Bishii December 2019, wuxuu si cad u cambaareeyay xasuuqa dowladda Shiinaha ku hayso Muslimiinta Uighur, taasoo caro gelisay Beijing. Kooxdiisii Arsenal ayaase si degdeg ah uga dheeraatay hadalkiisa.

Sanadkii xigay, wuxuu ka hadlay dagaalka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ee ka taagnaa gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, isagoo sheegay in dhulkaasi “sharciga iyo caalamkuba u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan, balse si sharci-darro ah loo haysto.”

Sidoo kale, Özil wuxuu si joogto ah u taageeraa xuquuqda Falastiiniyiinta, isaga oo si cad uga hor yimid tacaddiyada Israa’iil.

Özil ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ku biiro xisbiga AKP – Alpay Özalan, oo horey uga ciyaari jiray Aston Villa, ayaa xubin ka ahaa baarlamaanka Turkiga tan iyo 2018.

Maxay Turkey ka tiri heshiis ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweysay mira-dhalka heshiiskii ay garwadeen ka ahayd ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Muqdisho ay labada dhinac ku saxiixdeen heshiis nabadeed oo kor u qaadaya iskaashiga labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa taageeray heshiiskii u dambeeyay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.

“Heshiiska nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ay mas’uul uga noqon karaan arrimahooda,” ayuu yiri Hakan Fidan, oo la hadlay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab.” Fidan ayaa muujiyay rajo ah in arrimaha amniga Soomaaliya si dhab ah loo xallin karo haddii la helo taageero joogto ah oo caalami ah.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed, islamarkaana gaaray heshiisyo dhowr ah oo dhabaha u xaaraya deris wanaaga iyo iskaashiga amniga.

‘Heshiiska nabadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya’

Axaddii, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhameystiray heshiis dhigaya in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay howlgalo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Heshiiskan, oo lagu qeexay Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SOFA), wuxuu nidaaminayaa hawlgallada ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa Sabtidii hoggaamiyay wafdi sare oo socdaal shaqo hal maalin ah ku tagay magaalada Muqdisho, si loo gaaro heshiiskan.

Wafdigan waxaa ka mid ahaa Safiir Redwan Hussein, oo ah madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS), taasoo muujineysa muhiimada booqashada. Masuuliyiinta Itoobiya waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha NISA, Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali.

Si kastaba, heshiiskan wuxuu xoojinayaa doorka Itoobiya ee AUSSOM, isagoo dammaanad qaadaya in joogitaankooda milatari uu waafaqsanaan doono xeerarka hawlgalka. Heshiiska SOFA waxaa la filayaa inuu noqdo saldhig muhiim u ah Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Difaaca, kaasoo markii hore la saxiixay bishii Diseembar 2023.

Inkastoo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer ka howlgalayeen Soomaaliya, heshiiskan wuxuu calaamad u yahay hab-raac rasmi ah oo nidaamsan.

Labada dhinac waxay si cad u xaqiijiyeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee maamuli doonta qorshe kasta oo amni oo lala galo ciidamada shisheeye, taasoo muujinaysa dadaal lagu xallinayo xiisadaha ka dhashay howlgallo militari oo hore Itoobiya si gaar ah uga fulisay Soomaaliya.

Iskaashiga dhinaca sirdoonka, hawlgallo wadajir ah oo argagixiso la dagaallan ah, iyo horumarinta awoodda ciidanka ayaa noqon doona tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dal.

Faah-faahinta dagaal culus oo saaka ka dhacay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay aagga deegaanka Beera-yabaal ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar kula jarmaadeen fariisimo ciidamada iskaashanaya ay ku lahaayeen agagaarka deegaannada Beera-yabaal iyo Aboorey oo hoostagta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan, ayaa dowladda sheegtay inay ka gaartay guullo hor leh, iyadoo sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacabka hubeysan ay halkaasi ku laayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Dowladda ayaa sheegtay in dagaalkan ay ciidamadu Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal, halka ay laayeen tiro badan oo xubnihii soo weeraray ah.

“Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyay weerar naflacaari ah oo Khawaarijtu ku soo qaaday goobaha saakay lagu laayey, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ka socda Hiiraan ee lagu jabiyay Shababa ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in goordhow ay bulshada la wadaagi doonaan faah-faahinta sida loo fashiliyey dhagartii kooxda.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyey kooxda.

Si kastaba, goobihii uu saaka dagaalka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, oo si buuxda gacanta ugu haya.

Mareykanka oo markii ugu horreysay la saftay Ruushka – Arrin yaab leh oo dhacday

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Isniintii u codeeyay diidmada qaraar cambaareynaya duulaanka Ruushka ee Ukraine, isagoo diiday qoraal si ballaaran looga taageeray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qaadanaya mowqif cusub oo ku aaddan dagaalka Ukraine. Qaraarkan, oo ay taageereen dalalka Yurub si loo xuso sannad-guuradii saddexaad ee dagaalka, waxa uu helay 93 cod oo oggolaansho ah, 18 diidmo ah, halka 65 ay ka aamuseen.

Washington ayaa la safatay Moscow iyo xulafadeeda—Belarus, Waqooyiga Kuuriya, iyo Suudaan—iyadoo ka codeysay qaraarka.

Qaraarkan, oo helay taageero ka yar kuwii hore ee la xiriiray dagaalka Ukraine, waxa uu si adag u cambaareynayaa Ruushka, wuxuuna xoojinayaa madax-bannaanida dhuleed ee Ukraine iyo xurmeynta xuduudaheeda.

Mareykanka ayaa diyaariyay qaraar kale oo u gaar ah, iyadoo xiisadda u dhaxeysa Trump iyo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ay cirka isku shareertay.

Danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay, Vassily Nebenzia, ayaa ku tilmaamay qaraarka Mareykanka “tallaabo sax ah,” isagoo muujinaya in is-bedbedelka lama filaanka ah ee xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu la yimid Trump.

Si kastaba ha ahaatee, xulafada Mareykanka ee Yurub, gaar ahaan Faransiiska, ayaa soo jeediyay wax-ka-beddel lagu sameeyo qaraarka Mareykanka, iyagoo Golaha Guud u sheegay in aysan taageeri karin qoraalka haddii aan la saxin.

Dalalka Yurub, oo si adag u garab taagan Ukraine, ayaa ku adkeystay in qaraarka Mareykanka lagu caddeeyo in Ruushku yahay dalka qaaday “duulaanka ballaaran ee Ukraine.”

Hungary, oo uu hoggaamiyo Viktor Orban—hoggaamiyaha Yurub ugu janjeera dhinaca Ruushka—ayaa ka codeeyay wax-ka-beddellada.

Is-beddellada la sameeyay waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen madax-bannaanida dhuleed ee Ukraine, taasoo laga saaray nuqulkii hore ee qaraarka Mareykanka.

Qaraarka Mareykanka ayaa si weyn wax looga bedelay ilaa heer ay Washington ka aamustay cod-bixintii ugu dambeysay, taasoo keentay in Golaha Guud uu ansixiyo nuqulka wax laga beddelay.

“Xeelladihii Yurubiyaanka ee difaac ahaa waxay wiiqeen dedaalkii xooganaa ee diblomaasiyadeed ee Mareykanka maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri Richard Gowan, oo ka tirsan International Crisis Group. “Waxay u muuqataa in Mareykanku si khaldan u qiyaasay tirada dalalka ay codkooda beddeli karaan waqti gaaban gudaheed.”

Xilligii madaxweynihii hore Joe Biden, Mareykanku wuxuu ka mid ahaa taageerayaasha ugu adag ee qaraarradii hore ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo si adag u xoojinayay madax-bannaanida dhuleed ee Ukraine.

“Qaraarkan iyo wax-ka-beddellada lagu sameeyay ma joojin doonaan xasuuqa socda. Qaramada Midoobay waa in ay door muhiim ah ka qaadataa joojinta dhiigga daadanaya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay naga caawiyaan in ururku dib ugu laabto howshiisii asalka ahayd ee ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah,” ayey tiri safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, kahor cod-bixinta.

– Golaha Ammaanka oo diiradda saran –

Kadib cod-bixintii Golaha Guud, Mareykanka ayaa la filayey inuu qaraarkiisii hore u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay galabkii Isniinta.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka digay in Mareykanku uu diidi doono wax-ka-beddellada ay soo jeediyaan Ruushka ama dalalka Yurub.

Xeerarka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in Mareykanka iyo xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka aysan diidi karin wax-ka-beddellada lagu sameeyo qaraarrada Golaha Guud.

Si qaraar loo ansixiyo, Golaha Ammaanka waxa uu u baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo taageero ah, iyadoo aan mid ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah—Mareykanka, Britain, Faransiiska, Ruushka, iyo Shiinaha—u codaynin diidmo.

Xitaa haddii xubnaha Midowga Yurub ee Golaha Ammaanka—Faransiiska, Slovenia, Denmark, iyo Greece—iyo sidoo kale Britain ay ka aamusaan, qaraarka Mareykanka wuu gudbi karaa.

Tani waxay dhalinaysaa su’aasha ah in Faransiiska iyo Britain ay diyaar u yihiin inay adeegsadaan codkooda diidmada qayaxan (veto) markii ugu horreysay in ka badan 30 sano.

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Britain, Emmanuel Macron iyo Keir Starmer, ayaa toddobaadkan booqanaya Aqalka Cad si ay uga wada hadlaan xaaladda Ukraine, ayada oo shalay Macron uu la kulmay Trump, halka Starmer uu xigi doono.

“Ma arko sida Paris iyo London ay u taageeri karaan qoraal aad uga fog mowqifyadooda rasmiga ah ee Ukraine, balse sidoo kale ma arko sida ay u diidi karaan qaraarka,” ayuu yiri Gowan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Axaddii ku baaqay in nabad la gaaro “taasoo si buuxda u dhowraysa madax-bannaanida dhuleed ee Ukraine” isla markaana waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay.

Saraakiil sare oo Somali ah oo ku sugan Turkey + Ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.

Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee Ciidamada Caalamka.

Intii uu waftigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Talisyada tababarka ee Ciidanka Dhulka, Kulliyadda Layliga Saraakiisha, Dugsiyada Madaafiicda iyo Gantaalaha, Dugsiga Isgaarsiinta iyo Xarunta Carbisyada Ciidanka.

Saraakiishan ayaa sidoo kale indhaha soo saaray Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah iyo Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School) iyo Dugsiga Tababarka Komaandooska.

Kulamo ay waftigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada Ciidamada iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo howlgalinta Ciidanka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh iskaashi qoto dheer oo dhanka amniga iyo ciidamada ah, iyadoo Ankara ay Muqdisho ka taageerto tababarka ciidamada xoogga, kuwaas oo door muuqda ka qaata nabadeynta dalka iyo dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada.

Eritrea oo billowday abaabul ciidan xilli dagaalka Itoobiya uu qarka saaran yahay

0

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ku amartay keydka milatariga iyo askartii hore inay dib ugu soo laabtaan tababar, iyadoo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya sii xoogeysaneyso.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, dhammaan Eritreeyaanka da’doodu ka yar tahay 60 jir ee horey uga tirsanaa ciidamada ayaa looga baahan yahay inay isdiiwaangeliyaan xarumaha tababarka. Eritrea, oo ay ku nool yihiin dad ka yar 4 milyan, ayaa qaaday tallaabadan iyadoo laga cabsi qabo suurtagalnimada dagaal.

BBC Amharic ayaa xaqiijisay abaabulkan, iyada oo xiganeysa waraysiyo ay la yeelatay Eritreeyaanka ku sugan gudaha iyo dibadda dalka.

Intaa waxaa dheer, dowladda Eritrea ayaa soo rogtay xayiraado safar, taasoo mamnuucaysa in muwaadiniinta ka yar 50 sano ay dalka ka baxaan iyada oo aan loo haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid hay’adaha ay khuseyso.

Dadka ku nool caasimadda Asmara ayaa lagu wargeliyay sharciyadan cusub. Qof kasta oo u tegay xafiisyada deegaanka (Kebeles) si uu u helo adeegyada dowladda, oo ay ku jiraan rukhsadaha safarka, ayaa loo sheegay xeerarka la cusboonaysiiyay.

Haweeney Eritrean ah oo ku nool Yurub, una warramtay BBC Amharic iyada oo codsatay in aan la magacaabin, ayaa sheegtay in waalidkeed ay u baahnaayeen fiiso bixitaan. Waxay xustay in hooyadeed loo oggolaaday, halka aabbaheed la diiday—taasoo ay u malaynayso inay la xiriirto xayiraadaha cusub.

Abaabulka milatari ayaa u muuqda mid ballaaran, waxaana la faray in ay is-diiwaangeliyaan dad ay ka mid yihiin kuwa qaba xaasas ee leh carruur iyo sidoo kale kuwa horey uga baxsaday waajibaadka qaran.

Mas’uuliyiintu waxay ballanqaadeen in kuwa dib u soo laabta aysan la kulmi doonin wax ciqaab ah. Sidoo kale, maxaabiis horey uga tirsanaa milatariga balse aan lagu xukumin dambiyo culus ayaa la sii daayay si ay dib ugu biiraan ciidamada.

Haween badan oo safarro ganacsi u taga Turkiga iyo Imaaraadka Carabta si ay uga keenaan badeecooyin yar-yar ayaa sidoo kale saameyn uu ku yeeshay xayiraadaha safarka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in haweenka laftooda dhowaan lagu wargeliyo inay u soo xaadiraan xarumaha tababarka milatariga.

Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa walaac dhalisay, iyadoo laga cabsi qabo suurtagalnimada dagaal.

Toddobaadkan, dowladda Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay “colaad hurinayso” kaddib markii madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, uu maqaal ku qoray Al Jazeera. Maqaalkiisa, Mulatu wuxuu ku eedeeyay in Eritrea ay la shaqeyneyso garab ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) si ay Itoobiya u wiiqdo.

Iyadoo ay jireen warar sheegayay in dowladda Eritrea ay xirtay safaaraddeeda Addis Ababa, mas’uuliyiintu way beeniyeen sheegashadaas. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada dal ayaa weli kacsan, waxaana jira cabsi laga qabo in xaaladdu kasii darto.

Dagaal culus oo ka dhacay xuduudda Kenya iyo Itoobiya iyo Kenya oo dirtay ciidamo

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si weyn u adkaysay amniga xadka ay la wadaagto Itoobiya, halkaasi oo la geeyey ciidamo dheeraad ah, kadib weerar ay fuliyeen rag hubaysan, kaas oo ay mas’uuliyiintu ku sifeeyeen isku dhac xuduudeed. Ugu yaraan 22 qof ayaa weli la la’yahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa Isniintii sheegay in dowladda Kenya ay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta Itoobiya si loo helo dadka maqan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Turkana, Jeremiah Lomorukai, kalluumaysato Itoobiyaan ah ayaa Sabtidii waxay isku dhaceen dhiggooda reer Kenya ee ka kalluumaysta webiga Omo. Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa xaqiijiyay in 15 doonyood la waayay.

Booliska Turkana ayaa Axaddii sheegay in la la’yahay 22 kalluumaysato Kenyan ah, halka 15 doonyood la xaday. Dhanka kale, lix kalluumaysato ah oo ka tirsan qowmiyadda Dasenech ee Itoobiya ayaa la badbaadiyay oo dib loogu celiyay dalkooda.

Dhinaca Itoobiya, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadka, sida uu Isniintii shaaciyay guddoomiyaha degmada Dasenech, Tadele Hatte.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo, ayaa Axaddii uga digay warbaahinta iyo bulshada faafinta warar aan la xaqiijin, isaga oo xusay in arrimaha amniga aan lagu buunbuunin karin warar aan sal lahayn.

“Dhacdadan waxay ka dhacday dhanka Itoobiya, waxaana baaritaan ku haya kooxaha amniga, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka, Guddoomiyaha Degmada iyo Kooxaha Sirdoonka Degmada, si loo helo xog dhamaystiran,” ayuu yiri Omollo.

Wuxuu intaas ku daray: “Marka aan helno xog rasmi ah, waxaan la wadaagi doonnaa bulshada. Hadda waxa aan ugu baaqayaa in si taxaddar leh loo wajaho arrintan, maadaama amnigu yahay arrin culus oo aan la buunbuunin karin sababo kasta ha noqotee.”

Bulshada Turkana ee Kenya iyo qowmiyadda Dassanech ee Itoobiya ayaa si wadajir ah u wadaaga dhaqaale ku salaysan xoolo-dhaqashada iyo kalluumaysiga.

Gobolka ayaa horey waxaa uga dhacay weerarro xoolo-dhac ah oo lala beegsaday tuulooyin daris ah. Dowladda Kenya ayaa horey u kordhisay ciidamada kaydka ee xadka ka howlgala, balse dambiilayaashu waxay inta badan u baxsadaan dhanka Itoobiya.

Wasiir Murkomen ayaa sheegay in Kenya ay qorshaynayso inay dhisto bar xuduudeed rasmi ah si dhammaan dadka soo galaya dalka loo hubiyo.

Burcad-badeed Soomaali ah oo haystay markab oo arrin lama filaan ah sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad-badeed Soomaali ah oo muddo shan maalmood ah gacanta ku hayey doon kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen ayaa ka baxsaday markabka, sida ay sheegeen saraakiisha Isniintii.

Bayaan ay soo saareen ciidamada badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR Atalanta) ayaa lagu sheegay in weerarka burcad-badeedka ee dhacay 17-kii Febraayo uu bartilmaameedkiisu ahaa doon dhaqameed nooca dhow, oo ka shaqeysa biyaha Bariga Dhexe, waxaana weerarku ka dhacay agagaarka magaalada Eyl ee Soomaaliya.

Markabka, oo lagu magacaabo Saytuun-2, ayaa gacanta burcad-badeedka ku jiray ilaa Sabtidii, sida ay sheegtay EUNAVFOR. Burcad-badeedda ayaa watay jaranjarooyin iyo hub, taasoo muujinaysa inay u badan tahay inay doonayeen inay weerarro kale fuliyaan iyagoo doonta kalluumeysiga u adeegsanaya sidii saldhig guur-guura.

“Burcad-badeedka ayaa ka baxay doonta kalluumeysiga kadib markii ay xadeen qaar ka mid ah alaabtii shaqaalaha markabka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada badda ee Midowga Yurub. Waxa ay intaas ku dareen in shaqaalihii Saytuun-2 ay hadda badqabaan oo xor yihiin.

Weerarada burcad-badeedka oo sii kordhaya

Weerarkii 17-kii Febraayo wuxuu dhacay maalmo un kadib markii burcad-badeed kale ay weerareen doon kalluumeysi oo kale oo laga lahaa Yemen. Weerarkaasi wuxuu ugu dambeyn kusoo dhammaaday iyadoo burcad-badeedku ay baxsadeen, halka shaqaalihii markabka ay badbaadeen iyagoo aan waxyeello gaarin.

Burcad-badeednimada ka jirtay xeebaha Soomaaliya ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sanadkii 2011, xilligaas oo la diiwaangeliyay 237 weerar. Sida ay sheegtay kooxda la socodka burcad-badeednimada ee Oceans Beyond Piracy, falalka burcad-badeedka xilligaas waxay dhaqaalaha caalamka ugu kaceen qiyaastii $7 bilyan oo dollar, halka madax-furasho ahaan loo bixiyay $160 milyan oo dollar.

Halisaha burcad-badeednimada ayaa si weyn hoos ugu dhacay kadib markii ay sare u qaadeen howlgallada ciidamada badda caalamiga ah, dowladda Soomaaliya ay xoojisay maamulkeeda, iyo dadaallo kale oo lagu xakameynayay falalka burcad-badeedka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa sanadkii la soo dhaafay dib u soo laba-kacleeyay, taasoo qeyb ahaan la xiriirta amni-darrada ka dhalatay weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marinka Badda Cas ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qaza.

Sida ay sheegtay International Maritime Bureau, sanadka 2024 waxaa laga diiwaangeliyay toddobo weerar oo burcad-badeednimo ah oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Daawo: Guudlaawe oo gurmad ku tegay tuulo maanta Shabaab soo weerareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirSahbeelle Cali Guudlaawe ayaa galabta safar deg deg ah ku tegay deegaanka Cadaan-laxeey oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saakay barqadii ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab, isla markaana loogu dhigay cashir lama ilaabaan ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo fariisimo ku lahaa deegaankaas ayey soo weerareen Al-Shabaab, waxaana laga hortegay weerarkii ay doonayeen inay labo sano kadib dib ugu qabsadaan deegaanka muhiimka ah ee Cadaan-Laxey.

Cali Guudlaawe oo watay ciidan gurmad ah ayaa tegay Cadaanlaxey, waxaana halkaas isaga carartay kooxdii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, intaas kadib madaxweynaha HirShabeelle ayaa qabtay shir jaraa’id oo bulshada deegaankaas iyo ciidanka qaranka uu kula hadlay.

“Al-Shabaab iyagoo intaan ka xoog badan, kana xoolo badan ayaa laga fara-maroojiyey deegaankaan, afar sano iyagoo geeda hoostood ku jiray lagama yaabo in maanta ay dib u qabsadaan Cadaan-laxey,” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo u mahadceliyey ciidankii iyo shacabkii dagaalamay ee iska difaacay weerarkii Al-Shabaab.

Weerarka Al-shabaab ay maanta ku qaadeen tuulada Cadaan-laxeey ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Sh/Dhexe ay ka dhaceen dagaalo culus, kadib markii Al-Shabaab oo labo sano ka hor laga xoreeyey gobolkaas ay soo laba kacleeyeen.

Dhamaan degmooyinka gobollada HirShabeelle waxaa ka jira diyaar garow dagaal oo lamid ah kii labo sano ka hor ka curtay halkaas, deegaanada sida weyn ay dadku u diyaar garoobeen ee shacabku hubka lasoo baxay waxaa kamid ah Raage-Ceelle.

Sawirro laga soo qaaday shacabka hubkooda lasoo baxay ee deegaankaas ayaa muujinaya dhalinyarada iyo odayaasha oo qaatay hubkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaallada looga hortagayo kooxaha Khawaarijta ee dib ugu soo rogaal-celiyey gobolka.

Hoos ka daawo Cali Guudlaawe

Sawirro: Xasan oo soo arkay xaaladda tahriibayaasha ku xiran Libya, soona saxiixay…

0

Tripoli (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Mudane Cabdixamiid Dabaybah, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda Libya si gaar ah ugala hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta, iyo diblomaasiyadda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galay duruufaha adag ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku heysta xabsiyada Libya, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixamiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada dowladood ayaa waxaa heshiisyadaas u kala saxiixay wasiirrada iyo madaxda ay khuseyso, si kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale, iyo adeegyada bulshada.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga Qaranka, iyo Duqa Muqdisho ayaa heshiisyadaas u saxiixay Dowladda Federaalka Soomaaliya.