27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Daawo: Guudlaawe oo gurmad ku tegay tuulo maanta Shabaab soo weerareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirSahbeelle Cali Guudlaawe ayaa galabta safar deg deg ah ku tegay deegaanka Cadaan-laxeey oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saakay barqadii ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab, isla markaana loogu dhigay cashir lama ilaabaan ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo fariisimo ku lahaa deegaankaas ayey soo weerareen Al-Shabaab, waxaana laga hortegay weerarkii ay doonayeen inay labo sano kadib dib ugu qabsadaan deegaanka muhiimka ah ee Cadaan-Laxey.

Cali Guudlaawe oo watay ciidan gurmad ah ayaa tegay Cadaanlaxey, waxaana halkaas isaga carartay kooxdii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, intaas kadib madaxweynaha HirShabeelle ayaa qabtay shir jaraa’id oo bulshada deegaankaas iyo ciidanka qaranka uu kula hadlay.

“Al-Shabaab iyagoo intaan ka xoog badan, kana xoolo badan ayaa laga fara-maroojiyey deegaankaan, afar sano iyagoo geeda hoostood ku jiray lagama yaabo in maanta ay dib u qabsadaan Cadaan-laxey,” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo u mahadceliyey ciidankii iyo shacabkii dagaalamay ee iska difaacay weerarkii Al-Shabaab.

Weerarka Al-shabaab ay maanta ku qaadeen tuulada Cadaan-laxeey ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Sh/Dhexe ay ka dhaceen dagaalo culus, kadib markii Al-Shabaab oo labo sano ka hor laga xoreeyey gobolkaas ay soo laba kacleeyeen.

Dhamaan degmooyinka gobollada HirShabeelle waxaa ka jira diyaar garow dagaal oo lamid ah kii labo sano ka hor ka curtay halkaas, deegaanada sida weyn ay dadku u diyaar garoobeen ee shacabku hubka lasoo baxay waxaa kamid ah Raage-Ceelle.

Sawirro laga soo qaaday shacabka hubkooda lasoo baxay ee deegaankaas ayaa muujinaya dhalinyarada iyo odayaasha oo qaatay hubkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaallada looga hortagayo kooxaha Khawaarijta ee dib ugu soo rogaal-celiyey gobolka.

Hoos ka daawo Cali Guudlaawe

Sawirro: Xasan oo soo arkay xaaladda tahriibayaasha ku xiran Libya, soona saxiixay…

0

Tripoli (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Mudane Cabdixamiid Dabaybah, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda Libya si gaar ah ugala hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta, iyo diblomaasiyadda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galay duruufaha adag ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku heysta xabsiyada Libya, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixamiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada dowladood ayaa waxaa heshiisyadaas u kala saxiixay wasiirrada iyo madaxda ay khuseyso, si kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale, iyo adeegyada bulshada.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga Qaranka, iyo Duqa Muqdisho ayaa heshiisyadaas u saxiixay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafka DF Soomaaliya iyo Jubaland oo galay marxalad xasaasi ah – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa maraya meel xasaasi ah, kadib markii labada dhinac ay hawada isku mariyeen eedeymihii ugu cuslaa.

Labada dhinac ayaa midba kan kale u jeedinaya eedeymo Shabaabnimo ah, iyadoo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu hoggaamiyaha Jubbaland ku eedeeyay in uusan dhab ka aheyn dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Xamza ayaa tilmaamay in maamulka Jubbaland uusan dadaal badan ku bixin sidii looga saari lahaa Al-Shabaab deegaanada uu weli ka haysto Jubbaland, isagoo muujiyay shaki la xiriira wada-shaqeyn labada dhinac ah.

“Markii Ciidanka Soomaaliyeed la weerarayo, Shabaab waa la dhex mari karaa, laakiin marka Shabaab la weerarayo lama dhex mari karo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, wuxuu adeegsaday oraah caan ah ee “Shaki maleh in ay laba Shabaab wada shaqeeyaan,” taasoo uu ula jeeday inuu jiro xiriir hoose oo ka dhexeeya hoggaanka Jubbaland iyo Al-Shabaab.

“Hubka loo adeegsaday ciidamada qalabka sida wuxuu ahaa mid loogu talagalay in lagu xoreeyo degmada Badhaadhe oo weli gacanta ugu jirta Shabaab,” ayuu yiri Xamza, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in ciidanka dowladda lagu beegsado halkii loo adeegsan lahaa xoreynta.

Eedeynta maxaa ka horreeyay?

Eedeynta Xamza waxaa ka horeysay mid uu horey u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ku sheegay in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, uusan marnaba si dhab ah dagaal ula gelin kooxda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jirto suuragalnimo ah in Axmed Madoobe uu dhowrayo xiriirkii hore ee uu la lahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeymahan gaarsiisay heer “inuu jiri karo heshiis qarsoodi ah” oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo kooxda.

‘Jawaabta Jubbaland’

Maamulka Jubbaland oo sheegay in uusan aqoonsaneyn dowlad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka leexatay arrimihii hortebinta u lahaa, ayna xagal daacisay dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayuu maamulku ku eedeeyay inuu siyaasadeeyay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

“Ma aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay Muqdisho ka jirto. Inta dowlad la isla ogolyahay laga helayo, Jubbaland waxay dalbaneysaa in si toos ah loola macaamilo,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo dhawaan weerar ku qaaday dowladda Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxda dowladda Federaalka, isagoo ku dhaliilay in ay dalka u horseedayaan burbur, islamarkaana ay siyaasadeeyeen wax kasta oo muhiim u ahaa shacabka iyo qaranka.

Isku soo wada duubo, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan maraya heer aad u liita, iyadoo ay jireen dagaallo toos ah oo dhex-maray ciidamada labada dhinac iyo eedeymo is-daba joog ah oo ku saabsan xiriirka lala leeyahay Al-Shabaab.

Saldhiggii ugu weynaa ee Daacish oo la qabtay iyo arrinta lama filaanka ah ee dhacday

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa duhurnimadii maanta waxa ay maleeshiyada Daacish kala wareegeen dhawr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab.

Saldhigan ayaa ku yaalla halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex-mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Hawl-galkaan kooxda Daacish looga qabsaday saldhigyada cusub ayaa Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in aysan wax dagaal ah kala kulmin muddadii uu hawl-galku socday.

Arrintan ayaa lama filaan noqotay, maadaama la aaminsanaa in kooxdu ay ugu yaraan isku dayi doonto inay difaacato saldhigeedii ugu weynaa ee aagga buuraha Calmiskaad, xilli ay dagaal adag kula jiraan geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xeeladdan oo khubarada amnigu ku macneeyeen in mararka qaar noqon karto mid dhagareed ayaa waxaa hore u adeegsan jirtay kooxda Al-Shabaab, xilligii dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday 2022-2023.

Istaraatiijiyaddan ayaa ah in aan dagaal toos ah la’la gelin ciidanka dowladda, si khasaaraha loo yareeyo, oo looga baxo hadba goob, taas beddelkeeda in ciidanka miino dhulka loo geliyo, la marin habaabiyo, kolba doc iyo dib loo weeraro iyo iska daba wareeg.

Inkasta oo dagaalka Daacish laga gaaray horumar wanaagsan, haddana waxay khubarada amnigu ku talinayaan in aad loo feejignaado oo lagu dagmin xeeladaha cadowga naf la caariga ah.









Faah-faahinta weerar maanta laagu qaaday qunsuliyadda Ruushka ee magaalada…

0

Marseille (Caasimada Online) – Saddex walxaha qarxa ah oo gacan ku sameys ah ayaa lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Marseille ee koonfurta Faransiiska, Isniinta maanta ah, balse ma jirin cid wax ku noqotay, sida uu sheegay sarkaal boolis ah.

Labo ka mid ah walxaha qarxa ayaa qarxay, halka midda saddexaad aysan shaqeyn, sida uu sheegay sarkaalka, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay sannad-guuradii saddexaad ee duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Booliska ayaa go’doomiyay qunsuliyadda, waxaana wariyeyaal ka tirsan AFP ay maqleen qarax uu sababay robot-ka baarista waxyaabaha qarxa. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay weerarka, kuna tilmaantay “fal argagixiso.”

“Qaraxyada ka dhacay qunsuliyadda guud ee Ruushka ee Marseille waxay leeyihiin dhammaan astaamaha fal argagixiso,” ayay tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Maria Zakharova, oo la hadleysay warbaahinta Ruushka.

“Waxaan dalbaneynaa in waddanka martida loo yahay uu sameeyo baaritaan dhameystiran oo degdeg ah, iyo in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka xarumaha diblomaasiyadeed ee Ruushka,” ayay tiri Zakharova.

Faransiiska ayaa si dhaqso ah u cambaareeyay dhacdadan. “Faransiisku wuxuu cambaareynayaa weerar kasta oo wax u dhimaya amniga xarumaha diblomaasiyadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Xurmeynta, ilaalinta, iyo badqabka xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda waa qodobo aasaasi ah oo ku xusan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Bishii Febraayo 24, 2022, hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa duullaan ku qaaday Ukraine oo xulafo la ah reer Galbeedka, taasoo bilowday dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Saciid DENI waddo ma siin doonaa Xasan Sheekh kadib hadalkii ka soo yeeray

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa dadkiisa iyo ciidanka maamulkiisa u jiheeyay inay iska dulqaadaan argagixisada muddo fog ku jirtay buuraha Calmiskaad.

Dagaalka ayaa bil dhaafay, waxaana lasoo wariyay in ciidanka Puntland ay godad badan ka saareen dagaalyahannada argagixisada. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ka geystay buuraha Calmiskaad intii uu socday dagaalka.

Puntland waxay dagaalkan qaaday xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan colaad shaqsiyadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni.

Intii uu dagaalkan socday, Puntland wax gurmad ciidan ah, saanad, dhaqaale ama taageero kale kama helin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Sabtidii, intii uu furayay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sheegay in dowladda federaalka ay bixin doonto gurmadkii waajibka ku ahaa, ayna magacaabeyso guddi arrintaasi ka shaqeeya oo garab istaaga dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu horey u ballan-qaaday in uu argagixisada Soomaaliya soo afjari doono, balse dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ayaa hadda u muuqda mid uu si gaar ah u siyaasadeeyay.

Maxaa sababay hadalka cusub ee Xasan Sheekh?

Waxaa la aaminsan yahay in saddex arrimood ay keeneen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mowqifkiisa ka beddelo dagaalka Puntland:

  1. Guusha Puntland ee dagaalka – Puntland waxay si tartiib tartiib ah ugu sii siqeysaa guul, iyada oo aan wax taageero ah ka helin dowladda federaalka.
  2. Dibloomaasiyadda caalamiga ah – Dowladaha waaweyn ee caalamka, sida Mareykanka iyo Ingiriiska, waxay mudnaanta siiyeen dagaalka Puntland kula jirto argagixisada, iyaga oo si dhow ula shaqeynaya maamulka Deni, halka ay indhaha ka qarsanayaan xaaladda dowladda federaalka.
  3. Kor u kaca shacbiyadda Saciid Deni – Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu si weyn ugu soo kacay siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba, taas oo caqabad weyn ku noqon karta Xasan Sheekh.

Saddexdan qodob oo isku biiray ayaa la rumeysan yahay inay Xasan Sheekh ku riixayaan inuu wax uun ku darsado dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari.

Mowqifka Deni ma is beddeli doonaa?

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah: Saciid Deni ma siin doonaa jid Xasan Sheekh, mise wuxuu sii wadi doonaa istiraatiijiyaddiisa madax-bannaan?

Dadka sida dhow u yaqaan hoggaamiyaha Puntland waxay aaminsan yihiin in Deni uusan si sahlan mowqifkiisa u beddeli doonin. Wuxuu fahamsan yahay sida ay dowladda federaalka u dhibsanayso in Puntland ay hoggaamiso dagaalka argagixisada iyada oo aan helin taageeradii xaqa ahayd ee ay ka sugaysay Villa Soomaaliya.

Haddii Puntland ay guul ka gaarto dagaalka, saameynta siyaasadeed ee Xasan Sheekh ayaa hoos u dhacaysa, taasoo sii kordhin karta xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: Shacabka Sh/dhexe oo laba sano kadib la soo baxay hubkooda + Sababta

0

Raage Ceelle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in mar kale gobolkaasi uu ka curtay kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ay labo sano kadib dib ula soo baxeen hubkooda, si ay u dagaal galaan.

Raage Ceelle ayaa kamid ah degmooyinka waaweyn ee ay shacabka hubkooda lasoo baxeen, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen abaabul xooggan oo ay uga hortagayaan soo laba kacleynta maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sawirro laga soo qaaday deegaanka ayaa muujinaya dhalinyarada iyo odayaasha oo qaatay hubkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaallada looga hortagayo kooxaha Khawaarijta.

Shacabkan usoo istaagay inay iska difaacaan Al-Shabaab ayaa waxaa garab istaagaya saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee gobolka jooga, kuwaas oo ku dhiirrigeliyay halganka ay dib u bilaabeen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ciidamada deegaanka ee is-abaabulay in ay u baxaan goobaha xiisadda ka jirta, iyaga oo garab istaagaya ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kacdoonka cusub ee ka curtay Shabeellaha Dhexe ayaa ka dambeeyay, kadib markii toddobaadkii hore ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib u qabsadaan deegaannadii horay looga xoreeyay, sida Ceel Cali Axmed, Alkowsar iyo Biyo-Cadde, waxaase ka hor istaagay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Shabeellaha Dhexe waxaa haatan soo gaaray ciidamadii ugu badnaa oo ka yimid illaa gobollada dhexe, si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay furinta hore, si looga hortago qorshaha cusub ee Al-Shabaab iyo soo laba kacleyntooda HirShabeelle.

Xog cusub oo laga helay sida ay Puntland ku soo galeen ajaaniibta Daacish

0

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa haatan ka socda dagaal argagixiso midkii ugu adkaa oo ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda gobolka Bari.

Daacish ayaa ku xooggan dhulkan kala sarreeya, waxaana kooxda u dagaallama xubno ajaaniib iyo Soomaali isugu jira oo tababaro kusoo qaatay gudaha iyo dibadda intaba.

Haddaba, sidee ayay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish?

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa markii ugu horreysay shaaciyay xog cusub oo ku aaddan sida ay ajaaniibta Daacish, oo u badan xubnaha Carbeed, kusoo galeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, taas oo aan horay loo ogeyn.

Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha ajaaniibta ah ay ka kala yimaadeen dhowr dal oo u badan Carabta, ayna toos ugu biireen dagaalka Daacish ee gudaha Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sida ay ajaaniibta ugu suuragashay safarkooda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ajaaniibta Carbeed ee ku jira kooxda Daacish markii ay soo galeen deegaannada Puntland ay iska soo dhigeen qaxooti kasoo cararay colaadaha ka jira dalka Yemen, kadibna ay u gudbeen godadka ay ku dhuumaalaysaan Daacish.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ajaaniibta markii hore qaxooti ahaan kusoo dhaweeyeen dadka reer Puntland oo u qaatay walaalahooda, balse uu tilmaamay inay noqdeen cadow shisheeye oo kusoo duulay deegaankooda iyo dalkooda.

“Inta badan dagaallamayaasha argagixisada Daacish waxay Puntland kusoo galeen farsamo qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kadibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ajaaniibta qaar ay sidoo kale iska soo dhigeen dalxiisayaal, ayna kasoo dageen Itoobiya, kadibna soo galeen deegaannada Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan bilowday qorshe ballaaran oo ay ku xakamaynayso ajaaniibta soo galay deegaannadeeda, waxayna sidoo kale ururisay kuwii hore u joogay deegaannadeeda, oo qaarkood ay dib ugu celisay Itoobiya iyo dalalkii kale ee ay ka yimaadeen.

Wiilka Benjamin Netanyahu oo la masaafuriyey kaddib markii uu feeray aabihiis

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Israa’iil, Naama Lazimi, ayaa sheegtay in wiilka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la masaafuriyay kaddib markii uu feeray aabbihiis.

Lazimi waxay hadalkan ka sheegtay kulanka Guddiga Maaliyadda ee baarlamanka Israel ama Knesset-ka, iyadoo soo hadal qaadday maalgelinta safarka xaaska Netanyahu, Sara Netanyahu, ee Maraykanka iyo kharashaadka amniga ee loo qoondeeyay wiilkooda Yair Netanyahu, oo ku nool magaalada Miami.

“Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo joogitaanka muddo laba bilood ah ee xaaska Ra’iisul Wasaaraha, Sara Netanyahu, ee dibadda. Waxaan rabaa inaan ogaado cidda maalgelisay safarkan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyadda laga bixiyay,” ayay tidhi Lazimi.

Waxay intaa ku dartay: “Waxaan sidoo kale wax ka weydiinayaa wiilka Ra’iisul Wasaaraha, Yair Netanyahu. Warbixin hore ayaa sheegtay in amnigiisu ku kacayo illaa NIS 2.5 milyan (US$701,000) sanadkiiba.”

“Waxaan rabaa inaan ogaado in lacagtaan weli miisaaniyadda ku jirto iyo in wali lagu taageerayo joogitaanka wiilka Ra’iisul Wasaaraha dibadda, maadaama uu garaacay aabbihiis, taasoo lagu tilmaami karo dhaawac gaaray awoodda dowladeed.”

Markii xildhibaannada kale ay su’aalo ka keeneen sheegashadeeda, Lazimi waxay ku adkaysatay in wiilka Netanyahu “loo masaafuriyay dibadda.”

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa sheegashadaas ku tilmaamay “been cad” wuxuuna ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Naama Lazimi waxay lumin doontaa xasaanaddeeda oo ay bixin doontaa magdhaw, qof kasta oo faafiya beentaan xunna dacwad ayaa lagu soo oogayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xisbiga Likud.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska The Times of Israel bishii Maarso 2024, kharashaadka amniga ee Yair Netanyahu inta uu ku nool yahay guri raaxo leh oo ku yaalla Miami – oo ay ku jiraan darawal iyo ilaalo ka tirsan cutubka 730 ee Shin Bet – ayaa gaaraya 200,000 shekel (qiyaastii US$56,000). Arrintan ayaa noqotay dood sii xoogeysanaysa oo ka dhex taagan siyaasadda Israa’iil.

Amniga Yair ayaa la xoojiyay kaddib markii ay sii kordheen isku dhacyada militariga ee Israa’iil iyo Iran.

Xaaska Netanyahu, Sara, iyo wiilkooda kale Avner ayaa sidoo kale ilaalo ka hela hay’adda Shin Bet. Netanyahu laftiisa waxaa baadigoobaya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taasoo ku eedeysay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya shacabka Israa’iil, maadaama qoysaska maxaabiista ay Xamaas ku hayso Gaza ay ugu baaqayaan inuu dedejiyo dadaallada lagu soo deynayo ehelladooda.

Sawirro: Xasan oo si weyn xalay loogu soo dhoweeyey…

0

Tripoli (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli, caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Tripoli, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeelan doona Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda gobolka, danaha wadajirka ah, iyo iskaashiga labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibta, iyo dhammaystirka dadaallada lagu soo celinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya

Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya wuxuu soo bilowday xilligii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddafi, kaasoo taageero mug leh siiyey Soomaaliya, gaar ahaan xilligii burburka kadib. Liibiya waxay qeyb ka ahayd wadamada Carabta ee garab istaagay Soomaaliya xilliyadii adkaa, iyada oo bixisay deeqo waxbarasho, tababar ciidan, iyo taageero diblomaasiyadeed.

Sannadihii u dambeeyey, xiriirka labada dal ayaa hakad galay sababo la xiriira qalalaasaha ka jiray gudaha Liibiya. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jirta dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo dooneysa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo xal u helidda dhibaatooyinka tahriibta.

Soomaaliya ayaa si gaar ah u daneynaysa sidii loo fududeyn lahaa dib u soo celinta boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran xabsiyada Liibiya, kuwaas oo la kulmaya xaalado adag. Sidoo kale, labada dal ayaa ka wada shaqeynaya sidii looga hortagi lahaa shabakadaha tahriibka ee dhalinyarada ku qasbaya safarro halis ah oo ay badaha ugu dhintaan.

DF Somalia oo ka hadashay faro-gelinta Imaaraadka iyo tallaabo ay qaadeyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo hoosta ka xarriiqay inay jiraan tallaabooyin ay qorsheynayso Soomaaliya.

Fiqi oo wareysigaan siiyey VOA ayaa ugu horreyn la weydiiyey sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u aragto safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dalka Imaaraadka, iyadoo la siiyey maamuuska dal madax-bannaan.

Fiqi oo ka jawaabay su’aashaas ayaa yiri: “Horta Somaliland waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waan aragnay waxa Imaaraadku sameeyey, hadda wax kasta waxaa sabab u ah heerka aan joogno, balse waxaa socda qorsheyaal aan dejineyno.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa intaas ku sii daray: “Waad aragteen in Axmed Madoobe uu Kenya tegay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan raalli ka ahayn, marka qorshe guud ayaan ka yeelan doonnaa.”

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowlad-goboleedyada kale ay tagaan Imaaraadka, balse dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku xakameyneyso fawdooyinkaasi.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa fiican yahay oo ma xuma, laakiin waxyaabo qaar oo dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin ka qaadi doonto ayaa jira. Waxaan ka dhabeyn doonnaa in dalka Soomaaliya aanaan faragelin u ogolaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa caddeeyey in sida Imaaraadka ay jiraan dowlado kale oo si aan habbooneyn u farageliya arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xakameyn doono qorshaha ay diyaarineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii dambe sii kala fogaanayey sababo la xiriira faragelinta qaawan ee Imaaraadka Carabta uga imaaneysa dalka soo kabanaya, waxaana suurtagal ah in mar kale uu go’o xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa dulqaad, maadaama Xasan Sheekh doonayo in waddan kale uusan colaadin, sidoo kalena Imaaraadku uu meelaha qaar dhaqaale uga taageero Soomaaliya, taasi oo sababtay dulqaadka badan ee dowladda Soomaaliya ay u muujineyso sii socoshada xiriirka labada dal.

DF oo ku dhawaaqday inay doorashooyin ka qabaneyso Jubaland iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo bixiyay wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay Villa Soomaaliya qorsheyneyso inay dalka ka qabato, si awoodda loogu celiyo shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wax laga weydiiyay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in dadaal ballaaran uu socda, isla markaana xal laga gaari doono. Wuxuu xusay in xitaa maamullada Jubbaland iyo Puntland, oo haatan diidan qorshaha Villa Soomaaliya, ay ugu dambeyn ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaasi ku daray in laga gudbi doono nidaamkii hore ee caqabadda badnaa, dalkana ay ka dhici doonto doorasho daah-furan oo cadaalad ah.

“Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo. Doorashada way ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan dowladdooda, ayna u diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad jahawareer siyaasadeed ah oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka, kaas oo weli isku fahmi la’ yihiin madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.

Muxuu yahay shirka ay Soomaaliya maanta uga qeyb-gashay Jordan? + Sawirro

0

Amman (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgashay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Shirkan, oo ay Soomaaliya ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Horumarinta ee Jordan.

Shirka, oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dhijitaalka ah ee Carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tiknoolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu horumarinayo dhijitaleynta gobolka.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya, Maxamed Soomaali, ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah, la dhiirrigeliyo hal-abuurka tiknoolojiyadda, iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la yeeshay kulamo gaar gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka Carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dhijitaalka, loona xalliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Qaraxyo ay Al-Shabaab u soo waday Muqdisho oo laga hortagay – Sidee?

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana lala eegtay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha oo bartilmaameed ahaa ayaa ka dhacay afar deegaan oo kala ah Hawaay, Sablaale, Xaramka, iyo Arbacoow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana khasaare culus lagu gaarsiiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ka dhacday Hawaay lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyo waday, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka war heleen diyaaradaha dagaalka, kadibna ay ku dhufteen gantaallo culus.

Sidoo kale, duqeynta ka dhacday Sablaale ayaa lagu khaarijiyay xubno u badan ajaaniib ay kooxda u diyaarisay inay ka qayb qaataan dagaallada culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo intooda badan lagu laayay goobta lagu duqeeyay.

Waxaa kale oo la beegsaday horjoogayaal kale oo ku sugnaa deegaannada Xaramka iyo Arbacoow, oo iyaguna loo gaystay khasaare culus, kadib markii ay beegsadeen diyaaradaha xalay duqeymaha safmar ah ka fuliyay deegaannadaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in weeraradan dhanka cirka ah lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad, ayna gaareyso tirada dhimashada illaa sodomeeyo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana burbur xooggan laga dareemayaa afarta deegaan ee ay duqeymaha ka dhaceen, balse lagama heli karo xogo sugan, maadaama ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo inta badan qariya khasaaraha kasoo gaara weerarada cirka ah.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro culus oo lagu beegsado maleeshiyaadka argagixisada, oo iyaguna beegsada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM.

Somalia oo ku guuleysatay soo celinta awoodeedii QM

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay guul kale oo weyn, iyada oo 35 sano kadib ku guuleysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay guushan oo muddo dheer soo socotay, waxaana sidaas ay kusoo ceshatay awoodeedii Golaha Qaramada Midoobay.

Dowladaha aan bixin qaaraanka ma laha wax cod ah fadhiyada golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ayaa hadda ka baxday liiskaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, ayaa ka warbixiyay dadaalka ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku timid in ay ka baxdo dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Soomaaliyeed ay waqti badan ku bixiyeen sidii loo bixin lahaa qaaraanka, si Soomaaliya usoo ceshato awoodeeda, maadaama markii hore ay kulamada qaar ee Golaha Ammaanka QM ka ahayd dhageyste uun oo kaliya.

“Guusha ay ka dhigan tahay waxa ay tahay in sanad weliba la yeeriyo oo listiga Soomaaliya laga yeerin jiray, ergada iyo madaxda meeshaas tegta ay weji gabax kala kulmi jireen marka korkaaga lagu yeeriyo lacag lagu leeyahay Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay: “Mararka qaarkood waxaa la iska xiran jiray codka oo laguu diidayay, oo waxaad ahayd xubin dhageyste iska ah, halka dowladihii nala midka ahaa ay codeynayeen, go’aan ay leeyihiin ay gaarsiinayeen.”

Dhowaan, Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kana mid noqotay 15-ka xubnood ee golahaasi, waxaana bilowday xubinnimada cusub ee Soomaaliya, iyada oo laga dhawaajiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga QM iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

4 qodob oo Xasan Sheekh uu ka tegay inuu uga hadlo khudbaddiisa baarlamanka

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo khudbaddiisa dastuuriga ah ku taabtay qodobo muhiim u ah dowlad-dhiska, arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin dadweyne.

Kalfadhigan oo furitaankiisa ka dib dhacay ayaa waxaa ku gadaamnaa guux iyo hadal-hayn, balse ugu dambeyn wuxuu u qabsoomay si habsami leh, iyadoo in ka badan kala bar tirada guud ee Labada Aqal aysan soo xaadirin.

Madaxweynuhu wuxuu qeybtii hore ee khudbaddiisa ka akhriyay shaashadaha casriga ah ee lagu gudbiyo khudbadaha qoran ee loo yaqaan Teleprompter-ka. Waxay ahayd khudbad kooban oo si tifaftiran isu saaran, balse qeybihii dambe wuxuu ku noqday khudbadihii baahsanaa ee uu jeedin jiray, waxaana la socday tafaasiil aan isaga looga baahnayn oo ay jihooyinka shaqada ku leh ay ahayd inay sharraxaad ka bixiyaan.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa qodobada xasaasiga ah ee uusan Madaxweynuhu soo hadal-qaadin kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ay quud-darreynayeen inay afkiisa maqlaan.

Khilaafka Federaalka iyo Jubaland

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland, waxaa jiray dadaallo ay wadeen dhinacyo kala duwan kuwaasoo looga gol lahaa in xal loogu helo culeysyada ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee saameynta taban ku yeeshay isu socodka shacabka Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wasiirka Deegaanka ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Aadan Barre Ducaale, oo wareysi siiyay Abdijalil Show, ayaa ku caddeeyay inay Dowladda Kenya ku jirto dadaallo ay ku furdaaminayso khilaafka haatan taagan, taasoo ifafaallo iyo rajo galisay shacabka ku xayiran qeybaha kala duwan ee Jubaland.

Madaxweyne Xasan marnaba ma soo hadal-qaadin ismari-waagan siyaasadeed, taasoo culeys ku ah hannaanka doorasho ee uu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo. Maqnaashaha Jubaland ee Golaha Wadatashiga iyo Puntland oo hore uga baxday waxay ka dhigan tahay inaan loo dhammeyn jihada doorasho ee dalku aadayo.

Xadgudubka Imaaraatka ee gobannimada dalka

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweyn heer sare ah iyo qaabilaad maqaamkeedu u dhigmo hoggaamiye dowlad madax-bannaan u sameysay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaa isla shirweynahaas maqaamkooda hoos loogu dhigay madaxdii matalaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo shirkan uu u furnaa dowladaha, shirkadaha, shakhsiyaadka iyo maalgashadayaasha, haddana maqaamka la siiyay wafdiga Somaliland iyo dhaqaalaha ay Dowladda Imaaraatka ku bixisay inay u fududeyso inuu Cirro la hadlo warbaahinta caalamka, waxay ahayd fursad aysan Somaliland waligeed ka helin fagaarayaasha caalamka. Waa xujo diblomaasiyadeed oo u baahan inuu furo Madaxweyne Xasan, taasoo muujinaysa sida Imaaraatku aanu xushmad ugu haynin Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu tallaabooyin is xigxiga oo lagu difaacayo qarannimada iyo midnimada ka qaaday Dowladda Imaaraatka, wuxuuna hor caddeeyay Labada Aqal ee Baarlamaanka inaysan u dulqaadan doonin ku xadgudubka gobannimada Soomaaliya. Waa qodob kale oo laga filayay inuu Madaxweynaha khudbaddiisa ku xuso, meel adagna ka istaago. Wuxuuse xaalku noqday dhalanteed iyo dhaan-dabangaalle.

Iibinta dhulka danta guud ee Muqdisho

Bartamihii bishii May ee 2022 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka kusoo laabtay, wuxuuna qaaday tallaabooyin lagu barakiciyay dad shacab ah oo ku noolaa dhulalka Dowladda. Waxaa hubaal ah inay Dowladda xaq u leedahay inay dhulkeeda soo ceshato, balse su’aasha ku gudban ayaa ah: sidee dowladdu dhul dan guud ay uga soo celisay shacab oo isla shacab kale uga iibisay?

Waxaa jirta in ficilladaas ay ka dhasheen qaylo-dhaan, taasoo shacabkii guryahooda cagafta la galiyay, hoggaamiyayaasha mucaaradka ah – gaar ahaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame – iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ay isku si uga falceliyeen.

Inkastoo aan dhag-jalaq loo siinin, walina ay socdaan tallaabooyinka lagu baacsanayo dan-yarta, haddana waxaa laga filayay in Madaxweynuhu la yimaado qorshe uu ku sababeeynayo dib ula noqoshada Dowladda ee dhulalkaas iyo ka ganacsigooda, xeerarka iibka qaranka ee loo maray, iyo halka dhaqaalaha kasoo xarooday lagu bixiyay. Ilaa iyo hadda lama hayo caddeymo muujiyo in dhaqaalahaas lagu shubay qasnadda guud ee Dowladda.

Xil-haynta madax goboleedyada iyo doorashooyinka golaha deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashadiisa kaddib olole u galay in dalka laga hirgeliyo doorasho dadweyne oo dhammaan dalka ka qabsoonta. Waxaa la dhisay guddi laga soo xulay taageerayaasha Xisbiga Midowga iyo Horumarinta iyo xigtada mas’uuliyiinta ugu sarreeya dalka. Puntland iyo Jubaland qeyb kama aha qorshahan oo waa ay qaadaceen. Labadooduba waxay qabsadeen doorashooyin ay u madax-bannaan yihiin oo dib loogu doortay Deni iyo Madoobe.

Inkastoo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyay in doorasho qof iyo cod ah uu dalka ka hirgelinayo, dhaqaale malaayiin doollar ah loo diyaariyay, qalab casri ah oo hawshaas lagu qabtana lasoo iibiyay, haddana marnaba ma soo hadal-qaadin sidii bisha Juun ee sanadkan oo loo asteeyay doorashooyinka Golaha Deegaanka loo qaban lahaa.

Falanqeeyeyaasha waxay tilmaamayaan in hadalka Madaxweynaha laga dheehan karo inuu doonayo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sii sameeyo Dowlad Goboleedyada ku haray xayndaabkiisa, iyo in Gobolka Banaadir lagu sii hayo hannaanka magacaabista iyo qalinka hadba qofka fadhiya kursiga ugu sarreeya Villa Soomaaliya.

Isha: SomaliStream

Somalia oo marti-gelineysa dhinacyada isku haya dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay marti-geliso wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya colaadda ka jirta dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dagaalamayaan dowladda dhexe iyo kooxo falaago ah oo dowladda kasoo horjeeda.

Wasiir Fiqi, oo isagoo ku sugan Mareykanka, ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay u diyaar garowday marti-gelinta heshiisiinta reer Suudaan, maadaama Suudaan ay abaal weyn horay ugu gashay Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay soo martay colaado sokeeye, khibradda iyo waayo-aragnimada aan heysano waxay na bareysaa in meeshii hoose ee aan gaarnay in Suudaan aysan ku habbooneyn in loo horseedo, masuuliyad ayaa naga saaran badbaadinta Suudaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan indhaha ka fiirsan doonin Suudaan oo burbureysa, oo ku socota jidka wada-sinaashaha, dowlad iyo jabhado dagaalamaya iyo burburka oo sii baahaya.

“Suudaan waxay na garab taagneyd 30-kii sano ee Soomaaliya ay xaaladda burburka iyo soo kabashada ku jirtay. Waligeed safaaradda Suudaan lama xirin, mar bay noqotay safaaradda kaliya ee ka furan magaalada Muqdisho, iyadoo caalamka dhan uu isaga tegay dalkeenna. 70 kun oo arday Soomaaliyeed ah oo maanta ka mid ah masuuliyiinta xilalka noo haya ayey Suudaan waxbarasho noo siisay. Tababarka ciidankii dalka ee Shabaab Muqdisho ka saaray, xilligii Sheekh Shariif, waxaa noo dhistay Suudaan,” ayuu yiri Fiqi oo si kooban u cabbiray garab istaaggii Suudaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda sidaas u soo garab istaagtay Soomaaliya aysan dayici doonin.

“Mowqifka Soomaaliya waa in la adkeeyo dowladnimada Suudaan, wixii khilaaf ah oo jira waxaan dooneynaa in wadahadal lagu xaliyo. Gogosha wadahadalka, ilaa laga heshiiyo, Soomaaliya waxay dhigeysaa Muqdisho,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa wareysigaan ku caddeeyey in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dowlad kale ay huriso colaadda ka jirta dalka Suudaan.

“Waxaan ka soo horjeednaa cid kasta oo faragelineysa arrimaha gudaha ee dadka Suudaan, weliba faragelin taban,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan Wasiir Fiqi waxaa ka horreeyey war-saxaafadeed ay Soomaaliya kasoo saartay marti-gelinta wadahadallada colaadda Suudaan, xilligaas oo Kenya ay iyana sheegtay inay marti-gelin doonto dhexdhexaadinta reer Suudaan.

Waxaa jira loolan ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku kala hormaraya dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya colaadda Suudaan, balse guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo Jabuuti kasoo jeeda, ayaa taageeray doorka Soomaaliya, isagoo Kenya ku eedeeyey inay taageerto falaagada dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, sidaas darteedna aysan dhexdhexaadiye noqon karin.

Somalia slams UAE over diplomatic overtures to Somaliland

0

Mogadishu (AFP) – Somalia has criticized the United Arab Emirates (UAE) over its recent diplomatic engagements with Somaliland, warning that such actions could undermine Somalia’s territorial integrity.

The criticism follows Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro’s visit to the UAE, where he was received with diplomatic honors typically reserved for heads of state.

The Somali government views this as part of a broader pattern of foreign interference in its internal affairs, and officials have signaled plans to curb such engagements.

Somaliland’s UAE visit sparks controversy

President Irro’s recent trip to the UAE marked his first official foreign visit since assuming office. During his stay, he met with senior Emirati officials and attended the World Government Summit in Dubai from February 11 to 13, 2025.

The discussions reportedly focused on economic partnerships in key sectors, including trade, infrastructure, and investment.

The visit was particularly notable for the level of diplomatic recognition Irro received, including access to high-level meetings and the provision of a private jet for his travel.

Somali officials have interpreted these gestures as a potential signal of Emirati support for Somaliland’s long-standing quest for international recognition.

While the UAE has not formally recognized Somaliland as an independent state, its engagements with the region have drawn criticism from Mogadishu, which insists that all foreign dealings with Somali territories should go through the federal government.

Somali government’s response

Somalia’s Minister of Foreign Affairs, Ahmed Macallin Fiqi, responded to the visit, emphasizing that Somaliland remains an integral part of Somalia.

“We have seen the UAE’s engagement with Somaliland officials. While we value our relationship with the UAE, actions that contradict Somalia’s sovereignty are concerning,” Fiqi said in a recent interview.

He also pointed to a broader issue of Somali federal member states conducting foreign relations independently of Mogadishu. He referenced the recent visit of Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam (Madobe) to Kenya, which took place without federal approval.

“These unsanctioned foreign engagements by regional leaders necessitate a comprehensive policy to regulate international relations and prevent potential threats to our national unity,” Fiqi added.

Somaliland’s quest for recognition

Somaliland, a self-declared independent region in northern Somalia, has operated as a de facto state since declaring secession in 1991.

Unlike the rest of Somalia, it has maintained a stable government, held regular elections, and established its own security forces. However, no country, including the UAE, has officially recognized its independence.

Despite its lack of recognition, Somaliland has pursued foreign partnerships, particularly with Gulf states.

The UAE has played a significant role in Somaliland’s economic development, investing in infrastructure projects and maintaining strategic security interests in the region.

In 2017, Somaliland’s parliament approved a deal allowing the UAE to establish a military base in the port city of Berbera. The agreement, which also included the redevelopment of Berbera’s airport, deepened the economic and security ties between the two sides.

The move was opposed by the Somali government, which saw it as a challenge to its sovereignty.

Strains in Somalia-UAE relations

Relations between Somalia and the UAE have been complex, alternating between cooperation and tension.

While the UAE has provided humanitarian and financial aid to Somalia, its direct dealings with Somali regional states—bypassing Mogadishu—have been a recurring contention.

In recent years, the Somali government has accused the UAE of meddling in its internal affairs, including supporting political opposition groups and fostering closer ties with federal member states.

Mogadishu has emphasized the need for a unified foreign policy approach, stating that international engagements involving Somali territories should be coordinated through the federal government.

“Somalia is committed to maintaining positive diplomatic relations, but foreign engagements must align with the country’s sovereignty and constitutional framework,” Fiqi said.

The Somali government has signaled its intention to introduce new policies regulating how federal member states engage with foreign governments.

The aim is to prevent unilateral agreements that could affect national unity or be seen as tacit recognition of Somaliland’s independence.

Fiqi oo shaaciyey cawaaqibka go’aanka uu Mareykanka ka qaatay Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto hakinta uu Maraykanku ku sameeyay taageerada milatari iyo gargaarka uu siin jiray Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso kaalinta uu Maraykanku banneynayo.

“Arrintaas culeys dhaqaale ayey nagu tahay, waa la ogyahay dhaqaalaha dowladda Soomaaliya waa xaddidan yahay. Sanadkii hore qorshaha miisaaniyadeed ee Soomaaliya waa la dejiyay, balse laguma tashan in kaalmada Maraykanka ay meesha ka bixi doonto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in safarka uu Maraykanka ku tegay uu yahay mid Maraykanka looga codsanayo in Soomaaliya laga reebo dalalka laga hakiyay taageerada.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaarsatay qorshayaal lagu buuxinayo hakadka soo kordhay. Bilaha hore culeys wuu keeni doonaa, laakiin haddii aan isku tashi muujino, waan ka guul gaari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Fiqi.

Dhanka gargaarka, Wasiirka ayaa sheegay in hay’adda Maraykanka ee bixisa gargaarka bini’aadannimada, USAID, ay si weyn u kaalmeyn jirtay Soomaaliya oo soo martay abaaro iyo marxalado kala duwan oo aad u dhib badnaa.

“Runtii, Soomaalidu waxay geli lahayd xaalado khatar ah haddii hay’addaasi aysan kaalmeyn,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Abaarihii Soomaaliya ku dhuftay 2022 macaluul ayey isku beddeli lahaayeen haddii kaalmada hay’adda USAID aysan jiri lahayn.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay xaaladda Soomaaliya xun tahay, iyadoo hay’adda SoDMA ay ka digeyso roob-yari.

“Marka, weli dowladda Soomaaliya waxay rabtaa inay xiriir wanaagsan la sameyso dowladda Maraykanka, si haddii dowlado si gaar ah xaaladooda loo tixgelinayo ay jiraan, Soomaaliya lagu soo daro – ilaa inta ay cagaheeda ugu istaagayso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Fiqi.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis rasmi ah ka gaaray joogitaanka ciidanka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhameystiray heshiis dhigaya in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay howlgalo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Heshiiskan, oo lagu qeexay Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SOFA), wuxuu nidaaminayaa hawlgallada ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Talaabadan waxay ka dhalatay wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii lagu guda jiray booqasho ay ku yeesheen Addis Ababa 14-16-kii Febraayo. Labada dhinac ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashiga militari.

Booqasho sare iyo wadahadallo amni

Sabtidii, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hoggaamiyay wafdi sare oo socdaal shaqo hal maalin ah ku tagay magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa ka mid ahaa Safiir Redwan Hussein, oo ah madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS), taasoo muujineysa muhiimada booqashada.

Masuuliyiinta Itoobiya waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali.

Wadahadalladooda ayaa diiradda saaray halisaha amniga ee gobolka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Labada dal waxay markale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo xusay doorka muhiimka ah ee ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku lahaayeen Soomaaliya tan iyo 2007.

Xoojinta joogitaanka ciidamada Itoobiya

Heshiiskan wuxuu xoojinayaa doorka Itoobiya ee AUSSOM, isagoo dammaanad qaadaya in joogitaankooda milatari uu waafaqsanaan doono xeerarka hawlgalka. Heshiiska SOFA waxaa la filayaa inuu noqdo saldhig muhiim u ah Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Difaaca, kaasoo markii hore la saxiixay bishii Diseembar 2023.

Inkastoo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer ka howlgalayeen Soomaaliya, heshiiskan wuxuu calaamad u yahay hab-raac rasmi ah oo nidaamsan.

Labada dhinac waxay si cad u xaqiijiyeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee maamuli doonta qorshe kasta oo amni oo lala galo ciidamada shisheeye, taasoo muujinaysa dadaal lagu xallinayo xiisadaha ka dhashay howlgallo militari oo hore Itoobiya si gaar ah uga fulisay Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in la xoojiyo taageerada la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, si loo hubiyo in kala-guurka amni uu si habsami leh u dhaco marka uu dhammaado hawlgalkii AUSSOM.

Iskaashiga dhinaca sirdoonka, hawlgallo wadajir ah oo argagixiso la dagaallan ah, iyo horumarinta awoodda ciidanka ayaa noqon doona tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dal.

Dib-u-heshiisiinta Ethiopia iyo Soomaaliya

Heshiiskan militariga waxa uu daba socdaa dib-u-heshiisiin ay Ethiopia iyo Soomaaliya gaareen kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo sannad socday, kaasoo ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland ee ku saabsanaa marin badeedka.

Dib-u-heshiisiintan waxaa si rasmi ah loogu xalaaleeyay Ankara Declaration, oo Turkiga dhexdhexaadiye ka ahaa.

Bishii Janaayo 2024, Itoobiya waxay saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) ay la gashay Somaliland, oo ah gobol iskiis ugu dhawaaqay madaxbannaanida Soomaaliya.

Heshiiskan wuxuu Itoobiya u ogolaanayay inay hesho 20 km oo xeeb ah oo u dhow magaalada dekedda leh ee Berbera, si ay halkaas uga horumariso xarumo ciidan iyo ganacsi. Bedelkeeda, Itoobiya waxay ballanqaaday inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan u aragtay mid ka dhan ah qarannimadeeda, taasoo dhalisay xiisado diblomaasiyadeed oo xoogan iyo hanjabaado la xiriira in la eryo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Turkiga ayaa dhexgalay muranka, wuxuuna martigeliyay wadahadallo lagu qabtay Ankara 12-kii Diseembar 2024, halkaasoo hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Ankara Declaration, iyagoo ballan qaaday inay si nabad ah uga wadahadlaan arrintan, iyagoo ilaalinaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo danaha ganacsiga Itoobiya.

Inkasta oo horumar laga sameeyay xallinta khilaafka, haddana caqabado ayaa weli jira. Itoobiya si rasmi ah ugama laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland, taasoo walaac xooggan ka dhex abuurtay madaxda Soomaaliyeed, kuwaasoo arrintan u arka khatar weyn oo ku wajahan madax-bannaanida dalka.

Dhinaca kale, dalal ay ka mid yihiin Masar ayaa sidoo kale xiiso gaar ah u muujiyay gobolka, taasoo sii adkeynaysa xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Heshiiska militariga ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn u saameyn doona mustaqbalka iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo sidoo kale la eegayo saameynta ay ku yeelan karto khilaafka diblomaasiyadeed ee la xiriira heshiiska Somaliland.