25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen degmada…

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare culus.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka kooxda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegaya inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen tobaneeyo ka mid ahaa xubnaha weerarka soo qaaday, ayna meesha uga carareen qaar kamid ah meydadka xubnaha looga laayay dagaalka maanta.

Sidoo kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, balse ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay guusha ka sheegatay dowladda dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.

Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana badanaa ku dagaalamayaa ciidamada huwanta iyo Khawaarijta Al-Shabaab.

Imaaraadka oo hadal yaab leh ka yiri qorshaha Trump ee barakicinta Reer Gaza

0

Washington (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Washington, Yousef al-Otaiba, ayaa taageeray qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka, kaas oo ku talinaya in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, isaga oo sheegay inuusan arag “ikhtiyaar kale.”

Hadalladan, oo uu ka jeediyay Shirweynaha Dowladda Adduunka ee Dubai Arbacadii, ayaa yimid xilli iska caabin xooggan oo caalami ah iyo mid goboleedba loo muujiyay qorshahaas, kaas oo lagu tilmaamay isir sifeyn.

Intii lagu guda jiray shirka, al-Otaiba ayaa la weydiiyay haddii Abu Dhabi ay la jaanqaadi karto maamulka Trump marka ay noqoto arrinta Gaza.

“Waan isku dayi doonnaa,” ayuu ku jawaabay, isaga oo qiray in Mareykanku si adag u wajahayo qalalaasaha Gaza.

“Laakiin ugu dambeyn, dhammaanteen xal-baaris ayaan ku jirnaa, welina ma naqaan halka ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri diblumaasiga.

Markii la weydiiyay haddii Imaaraadku ka shaqeynayo qorshe kale oo ka duwan kan Trump, al-Otaiba wuxuu ku jawaabay: “Ma arko wax kale oo lagu beddeli karo waxa la soo jeediyay. Haddii ay jiraan dad soo jeedin kara mid kale, diyaar baan u nahay inaan ka wada hadalno, balse weli lama soo bandhigin.”

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Masar ay Talaadadii ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo Gaza iyada oo aan la barakicin dadkeeda.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.

Arbacadii, Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed, ayaa telefoon ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, kaas oo uu uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo “nabad cadaalad ah oo Bariga Dhexe laga gaaro” iyada oo lagu saleynayo xalka laba dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee WAM.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa weli ku sii haysa Gaza xannibaad adag oo socotay 18 sano, iyada oo xaddidaysa sahayda cuntada, biyaha iyo daawooyinka. Ku dhowaad 2 milyan oo ka mid ah 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ayaa hadda gudaha ku barakacay, taas oo ka dhalatay dagaalka.

Qorshaha Trump ee barakicinta ayaa yimid xilli ay jirto xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis oo dhaqan galay 19-kii Janaayo.

Xabbad-joojinta ayaa u muuqata mid sii wiiqmeysay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Israa’iil ku hanjabtay inay dib u bilaabi doonto dagaalka, halka Xamaas ay hore u sheegtay inay dib u dhigi doonto sii deynta la haystayaasha haddii Israa’iil aysan fulin dhammaan shuruudaha heshiiska.

In kasta oo xabbad-joojintu si ku-meel-gaar ah u hakisay duqeymihii Israa’iil, haddana in ka badan 61,709 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 2023, halka in ka badan 14,000 oo kale lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, lagana cabsi qabo inay dhinteen.

Imaaraadka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Israa’iil 2020-kii, iyada oo la saxiixday Heshiiskii Abraham, kaas oo ay si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta iyo shacbiga Carabta. Tan iyo xilligaas, Imaaraadku wuxuu xiriir dhow la lahaa Israa’iil inkasta oo dagaalka Gaza uu socdo.

Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo lasoo qabtay maanta iyo kuwa kale oo la dilay

0

Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgal culus si wadajir ah uga sameeyeen aagga degmada Dhoobley ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Lafo-gari oo hoostaga degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada ah.

War kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana loo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in nolosha lagu soo qabtay sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed, oo ahaa horjoogaha maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay bartilmaameedsadaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta ah. Waxaana lagu khaarajiyey afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta, halka gacanta lagu dhigay dhagar-qabe Macallin Maxamed, oo ahaa horjooge maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale weli sii wada howlallada ay ka wadaan aagga degmada Dhoobley, waxaana ujeedka uu yahay in dagaalyahannada Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada ee ku yaaalla labadaasi gobol.

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan la yeeshay Abiy – Maxaa ka socda Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kulankaas ayaa ka dhacay Madaxtoyada Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalia.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtiga berri iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu ka dhacday Addis Ababa.

“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Afrika.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalka aan codey doonin waa lix dal, waxayna kala yihiin: Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

Maxaa galabta ka dhacay Stadium Muqdisho iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ciyaareed lagu soo dhaweeyey YouTuber-ka caanka ah ee Asad Xaajiyow ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, Asad ayaa heysta ‘Billada Adkeyga’ oo Madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey.

Dhallinyarada ugu badan ee ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa halkaas isugu tegay galabta, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan weynihii galabta lagu qabtay Stadium Muqdisho.

Kulan ciyaareedkaan waxaa soo abaabulay wasiirka dhallinyarada iyo cayaataha XFS Maxamed Barre oo kulanka kasoo qeyb galay, sidoo kale waxaa joogay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Hay’adaha Ammanka ayaa kaalin cajiib ah qaatay maanta, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday si nabad ah, taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa galabta ku sugnaa Stadium Muqdisho.

Dhallinyaro iyo masuuliyiin is abaabulay oo goor hore soo bilaabay shaqadaan ayaa qabtay kulanka lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow, kaasi oo dhallinyarada lagu balamiyey Jimcihii maanta.

Asad Xaajiyow oo qeybaha dambe ee jirkiisa ay ka naafeeyeen Al-Shabaab oo ku weeraray magaalada Marka ayaa dhowaan ka yimid dalka Malaysia, halkaas oo 12 sano uu ku sugnaa, kuna noqday Youtuber caan ah.

Bandhiggaan lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ayaa ku soo aaday iyadoo xalay Muqdisho laga baajiyey Bandhig-faneed muran badan abuuray oo loo qaban rabay Fanaanadda Haboon Nuura oo ka timid magaalada Hargeysa, taasi oo loo dakaneeyey heestii ay wax ka qaaday ee “Malin Cadow Xamar ka daran.”

Kulankii galabta lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ee lagu qabtay Stadium Muqdisho wuxuu diray dhowr farriimood oo muhiim ah, kalsooni badan oo dhanka amniga ah oo reer Muqdisho ku cusub ayaa jirtay, taas oo mar kasta lagu amaano ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Is-jaceyl bulsho oo aan caadi aheyn ayaa jiray, dadkii soo buux dhaafiyey fagaaraha Stadium Muqdisho waxay taageero, dhiirigelin iyo garab istaag buuxa u muujiyeen dhibane Asad Xaajiyow, oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu aartay, kadib markii la dilay raggii weeraray.

Sidoo kale, kulankii Stadium Muqdisho wuxuu muujiyey in reer Muqdisho ay isku xiran yihiin, maadaama wax caqabad ah uusan la kulmin kulankaas, iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura oo iyadu diiday in reer Muqdisho ay ka raali geliso doorkii ay ku laheed heestii ay dhibsadeen ee lagu karbaashay xilli umadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.

Erdoğan: Trump wuxuu isku dhufsaday xisaab khaldan oo Bariga Dhexe ah

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sameynayo “xisaab qaldan” oo ku saabsan Bariga Dhexe, isagoo tilmaamay in rumeynta “beenta Sahayuuniyadda” ay sii hurinayso colaadaha.

Turkiga ayaa si cad u diiday qorshaha Trump ee ah in in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah laga saaro Marinka Gaza, Mareykankana uu la wareego maamulka aaggaas, loona beddelo “Riviera-da Bariga Dhexe”.

Sidoo kale, Turkiga wuxuu weerarka Israa’iil ee Gaza ku sifeeyay xasuuq, isagoo ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado dowladda Israa’iil.

“Waxaan ka xumahay in Mareykanku sameynayo xisaab khaldan oo ku saabsan gobolka. Lagama maarmaan ma ahan in la qaato hab aan tixgelin siin taariikhda, qiyamka iyo xikmadda gobolka,” ayuu yiri Erdoğan, sida lagu sheegay hadal uu siiyey wariyeyaasha xilli uu kasoo laabtay safarro uu ku tegay Malaysia, Indonesia iyo Pakistan.

“Barakicinta khasabka ah lama aqbali karo. Waa gaboodfall,” ayuu raaciyay Erdoğan.

Erdoğan ayaa sheegay inuu filayo in Trump uu fuliyo ballamihii ololihiisa doorashada ee nabad raadinta, halkii uu hurin lahaa colaado hor leh.

Waxa uu tilmaamay inuusan arkin wax calaamad ah oo muujinaysa xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka dhaqan gasha, inkastoo heshiis xabbad-joojin ah uu jiro oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, wuxuuna xusay in dunida Muslimku aysan weli qaadin tallaabo mideysan oo arrintan ku aaddan.

Tan iyo xabbad-joojintii Janaayo 19, Israa’iil waxay duqeysay Bariga Rafax, dumisay guryaha Falastiiniyiinta, waxayna dishay 92 Falastiini ah, taasoo muujineysa in Israa’iil aysan rabin in xabbad-joojintu noqoto mid rasmi ah.

“Xamaas ilaa hadda waxay fulisay ballamadeedii, halka Israa’iil, sida caadada u ah, aan lagu aamini karin hadalkeeda,” ayuu yiri Erdoğan.

Xabbad-joojinta ayaa wajahday cadaadis tan iyo markii Trump soo jeediyay qorshihiisa.

Xamaas ayaa toddobaadkan sheegtay inay hakisay sii-daynta laheysteyaasha sababo la xiriira jebinta heshiiska ee Israa’iil, iyadoo ku eedeysay inay hakisay keenista gargaarka iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka dagaalka. Cagaf-cagafyo ayaa ku sugan xadka Rafax oo sugaya in la geliyo Gaza.

Kooxdu waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xabbad-joojinta iyo fulinta wejiga xiga ee is-weydaarsiga maxaabiista “sida jadwalka loogu talagalay.”

Wejigii koowaad ee lixda toddobaad ee xabbad-joojinta waxaa lagu sii daayay maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo lagu beddeshay Falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil.

Turkiga, oo taageero xooggan u haya Xamaas, ayaa ku tilmaama dhaqdhaqaaq iska-caabin ah, halka reer Galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Erdoğan ayaa sheegay in muuqaalada is-weydaarsiga laheysteyaasha Gaza ay muujinayaan in Xamaas weli “aad u xooggan tahay maskax ahaan,” isagoo xusay in isbeddellada ka dhalan doona is-weydaarsigan ay mudan yihiin in si dhow loola socdo, lana sii wado dadaallada nabadda.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Addis Ababa + Ujeedka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaya shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Masuuliyiinta safarka ku wehliya madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaas oo ay taagneyd xiisaddii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa si weyn loogu xusuustaa hadalladii adkaa ee uu Itoobiya ku weerari jiray, intii uu taagnaa khilaafkii labada dowladood.

Magaalada Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo hagaagay tan iyo markii ay Addis Ababa hoos u dhigtay malafka is-afgaradkii Somaliland ay gashay horraantii sanadkii tegay, kaasi oo si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

CC Shakuur oo dacwo ah – Maxaa lagu sameeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in si tuugo ah lagu daabacay buugga Adkaysi, oo dhawaan uu bandhig u sameeyay.

Buuggan, oo uu Warsame ka qoray waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, caqabadaha ku gadaaman, iyo dhismaha dowladnimo, ayaa haatan si tuugo ah – qiimo aad uga jaban kan saxda ah – loogu iibinayaa gudaha magaalada Muqdisho.

Dhibaatadan kuma koobna oo kaliya Xildhibaanka, balse sidoo kale waxaa la daalaa dhacaya qorayaasha Soomaaliyeed, taasoo quwad-jebinaysa hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, iyo farshaxanka.

Sababta ugu weyn ee arrintan loo aanaynayo waa in aysan jirin ilaalin dhab ah oo lagu sugo xuquuqda daabacaadda. Taasi waxay sababaysaa in buug uu qof ku bixiyay maskax, waqti, tamar, iyo qarash si xatooyo ah dib loogu iibiyo.

“Hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, farshaxanka, iyo masraxa waa halka laga dheehdo ilbaxnimada ummadaha. Waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowro, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo, iyo dooqa qofnimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kasoo saaray arrintan.

Hoos ka aqriso qoraalka

Hal abuurka fikir, suugaan, fan, farshaxan iyo masrax waa halka la dheehdo ilbaxnimada ummadaha, waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowrto, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo iyo dooqa qofnimo. Sababaha loo tiirin karo in ay bulshadeenna uga dhex guulaysan la’yihiin waxaa ka mid ah;

1- In aysan jirin ilaalinta xuquuqda alifaadda. Sida halkan idiinka muuqata labadan buug ee “Adkaysi” iyo “Waa Inoo Muqdisho” oo uu galay maanshiil, waqti, tamar, iyo qarash, ayaa si tuugaysi ah lagu koobiyeeyey, qiimo jabana lagu iibinayaa. Ma oga ka iibinaya iyo midka iibsanayaba in ay hanti dhacayaan.

2- Dhiirragelin la’aan ka timaadda bulshada. Soomaalidu dhaqan uma laha aqriska, iibsiga buuggaagtaaa waa arrin la xariirta dhaqan aqooneedka bulsho. Alifaadda, daabacaadda iyo aqriskaba bulshadeenna hiddo uma laha, inkastoo ay Gobbolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) kaga horeeyaan inta kale.

Daaro waawayn iyo dabaqyo dhaadheer ayaa meel walba laga dhisayaa, laakiin ma jiraan Maktabado dadwayne oo wax lagu aqristo, kuwa buuggaagta iibiyana hal qol oo ciriiri ah ayey ku yaalaan, mana haystaan kalyanti, iyo dad xiiso u haya aqriska.

Waa fara ku tiris dadka aqoonyahanka ah ee jaamacada dhigta ama ka baxay in ay iibsadaan buug ka baxsan muqararka Jamaacadda. Taasi waxay ka dhigan tahay in inta badan qofka Soomaaliga ah uusan lahayn qorshe aqris iyo aqoon kororsi joogta ah

3- Shirkadaha iyo ganacstada oo aan maalgashanin hal abuurka iyo wax soo saarka fikirka, dhaqanka, sooyaalka, hiddaha iyo suugaanta umadda. Uma arkaan in ay ribix ama faa’iido maaddi ah ka helayaan, taas ayaana sabab u ah in la waayo ganacsato maalgelinaysa aaladaha daabacaadda iyo wax soo saarka fikirka iyo fanka. Daaruhu way dumayaan haddii aysan jirin aqoon, ilbaxnimo, sharci iyo xeerar lagu ilaaliyo.

Xogta khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe soo baxayay khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, kaasi oo salka ku haya dhismaha guddiga dastuurka ee maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Dhawaan, xubno ka mid ah baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo in uu ku xadgudbay axdiga xeer-hoosaadka baarlamaanka, islamarkaana uu is hortaag ku sameeyay soo jeedinta dhismaha guddiga dastuurka.

Xildhibaannada ayaa markaas sidoo kale waxay sheegeen in guddoonka ku kacay xadgudub aan loo meel dayin, kuna tuntay axdiga ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo qoraya in laga hadlo arrimaha hortebinta u leh masiirka maamulka cusub.

“Guddoonka waxaan u gudbinay mooshin aan ku dalbanayno in xeerka dhismaha guddiga dastuurka golaha la horkeeno, isla markaana laga doodo, lana meel mariyo. Sidoo kale, guddoonka waxa uu xiray fadhigii golaha, iyada oo horyaalaan ansixinta hantidhowrka guud iyo akhrinta xeerka shaqaalaha rayidka ah, xildhibaannaduna ay diyaar u ahaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xildhibaannada.

Jaamac Yaasiin Warsame, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa isagoo iska difaacaya eedeymaha xildhibaannada wuxuu sheegay in soo jeedinta xildhibaannada loo gudbinayo hay’adaha ay khusayso si ay uga soo talo bixiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in soo jeedin kasta oo aan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, una baahan in la hubiyo sharcinimadeeda, uu u gudbinayo hay’adaha ay khusayso, si buu yiri “ay uga soo talo bixiyaan muddo aan ka badnayn saddex maalin shaqo.”

“Waxaan ku wargelinaynaa xildhibaannada soo jeedinta soo gudbiyay in hindise-sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-Khaatumo uusan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho midna, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo talo bixiyaan sharcinimada iyo sharci-la’aanta mooshinkan,” ayuu yiri guddoomiye Jaamac.

Khilaafkan ayaa imaanaya, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu dhammaadka sanadkii tegay ku dhowaaqay in ay lagama maarmaan tahay in SSC ay ka baxdo ku-meel-gaarnimada, lana magacaabi doono guddi diyaariya dastuur loo dhan yahay oo uu yeelan doono maamulka, kuwaas oo gebogabayn doono bartamaha sanadkan aan ku jirno ee 2025-ka.

12 qof oo ajaaniib ah oo ay afduubteen koox Soomaali ah oo la soo furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka badda Midowga Yurub ee Bariga Dhexe ayaa gacan ka gaystay in la sii daayo doon kalluumaysi oo Yemeni ah oo ay qabsadeen burcad-badeed Soomaali ah iyo 12 qof oo la-haystayaal ah, xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Ciidanka badda ee EUNAVFOR Atalanta ayaa Khamiistii sheegay in dhacdadaasi weli baaritaan ku socoto, iyagoo xaqiijiyay in 12-ka shaqaale ee saarnaa doonta ay badqabaan oo aan wax dhaawac ah soo gaarin.

Weerarka, oo toddobaadkii hore dhacay, ayaa lagu beegsaday doon dhaqameed (dhow) oo caadi ahaan ka shaqeysa biyaha Bariga Dhexe, meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya.

“Joogitaanka degdegga ah ee ciidamada Atalanta, gaar ahaan helikobterka, ayaa ahaa mid fure u noqday xoreynta doonta kalluumaysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay EUNAVFOR.

“Shaqaalaha doonta ayaa xaqiijiyay in burcad-badeedda la tuhunsan yahay ay ka tageen doonta kaddib markii ay ka xadeen alaabo shaqsiyeed iyo laba doon yar.”

Burcad-badeednimada ka dhacda xeebaha Soomaaliya ayaa gaartay heerkeedii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaangeliyay 237 weerar. Xilligaas, burcad-badeedda Soomaalida ayaa dhaqaalaha caalamka gaarsiiyey khasaare dhan qiyaastii $7 bilyan, iyadoo $160 milyan oo kamid ah lacagtaas loo bixiyay madax-furasho, sida ay sheegtay kooxda la socota arrimaha badaha ee Oceans Beyond Piracy.

Khatarta burcad-badeednimada ayaa hoos u dhacday markii ay bateen ilaalada badda ee caalamiga ah, dowlad dhexe oo xoogaysatay oo ka dhalatay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, iyo dadaallo kale oo lagu xakameeyay weerarradaas.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa dib u soo kordhay sanadkii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan ay sabab u tahay xasillooni darrada ka dhalatay weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marinka Badda Cas, kuwaas oo salka ku haya dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Sanadka 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Maraakiibta (International Maritime Bureau).

Sweden oo xukun adag ku riday nin lagu helay inuu Soomaaliya…

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.

Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya.

Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023.

Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas.

Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah.

Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

Itoobiya oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah TPLF

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray.

Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay.

Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray.

“Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray.

Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab.

Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018.

La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.

Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga.

Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.

Imaaraatka oo Somaliland ugu yeeray ‘Dal iyo Jamhuuriyad’

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso madax-bannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, ayada oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana maanta wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo, balse waxaa hadda caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ku talogal ah.

Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.”

Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka.

Wuxuu ammaanay doorka muhiimka ah ee maalgashiyada Imaaraadka, gaar ahaan kuwa Shirkadda DP World, oo xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo ka dhigay Dekedda Berbera xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Somaliland iyo dalalka deriska la ah.

Wuxuu sharxay in maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera aanu ku koobnayn horumarinteeda oo keliya, balse uu ku fiday dhismaha Aagga Xorta ah ee Berbera iyo Waddada Ganacsiga Berbera, taasoo xoojisay xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya, kana dhigtay Berbera goob soo jiidata maalgashi.

“Maalgashigan wuxuu xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna kalsooni dheeraad ah siiyay xasilloonida Somaliland iyo soo jiidashada ganacsiga, taasoo dhiirigelisay shirkado iyo maalgashadeyaal badan inay yimaadaan dalka,” ayuu yiri.

Isaga oo ka hadlayay isbitaallada ay maalgelisay Imaaraadka ee Berbera iyo Burco, ayuu xusay in adeegyada caafimaadka Somaliland ay la daalaa dhacayaan dhaqaale xumo, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhismaha isbitaalladan ay si weyn u horumarin doonto adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Markii la waydiiyay fursadaha maalgashiga Imaaraadka ee Somaliland, Cirro wuxuu sheegay in ay jiraan waaxyo badan oo leh awood sare, gaar ahaan xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, maadaama ay Somaliland leedahay 40 ilaa 50 milyan oo neef, ayna sannad walba dhoofiso ilaa 4 milyan oo ido ah xilliga Xajka.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay noqon karto bakhaar cuntadeed oo ay ku tiirsan karaan dalalka Gacanka Carabta, gaar ahaan dhinaca dhoofinta hilibka.

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay goobo dalxiis oo gaar ah, sida 150km oo xeebaha dabiiciga ah ah, ayna Dubai u jirto labo saacadood oo kaliya, taasoo ka dhigaysa meel ku habboon maalgashiga sector-ka dalxiiska iyo martigelinta.

Taliye Asad oo ku dhowaaqay arrin la xiriirta hannaanka doorasho ee muranka dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa markii u horreysay ku dhowaaqay inay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah.

Hanaankan doorasho ee taliska ciidanka booliska uu sheegay inuu diyaar ugu yahay si buuxda ayaa ah mid si weyn loogu muransan yahay, iyadoo weli ay ku adkeysaneyso dowladda federaalka inay dalka ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridka u arkaan mid aan cadaali aheyn, lagana leeyahay ujeedooyin kale.

Taliye Asad Diyaano ayaa hadalkan ka sheegay in shir kulanka todobaadlaha ah ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasi oo xalay ka qabsoomay xarunta taliska, uuna guddoomiyey taliyaha.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee kooxaha argagixisada gaysato, maadama ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay ka feejignaadaan ciidamadu dhagarta Khawaariijtu shacabka u maleegayaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu ka codsaday shacabka inay laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan, si markabiiba looga howl-galo, loogana qabto umadda.

Si kastaba, hanaanka doorasho ee qof iyo cod oo si weyn gadaal uga riixeyso Villa Somalia ayaa loo arkaa mid aan xilligaan la jaanqaadi karin wadci dalka, oo qeybo kamid ah ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa su’aal la geliyay heerka hufnaantiisa, maadaama illaa hadda uu la dhacsan yahay dhinac gaar ah.

Xilliga Israel qorsheysay inay weerarto nukliyeerka IRAN oo la ogaaday – Xog sirdoon

0

Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Israel ay u badan tahay inay bartamaha sanadkan weerar ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka ee Iran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Washington Post Arbacadii, ayada oo soo xiganeysa dhowr warbixin sirdoon.

Weerarkaas ayaa dib u dhigi doona horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo toddobaadyo ama bilo ah, balse wuxuu sare u qaadi doonaa xiisadaha gobolka, isaga oo halis gelinaya in colaad ballaaran ay qaraxdo, sida ay tilmaameen warbixinnada sirdoonka ee dhammaadkii xukuumaddii Biden iyo bilowgii maamulkii Trump, sida uu qoray wargeyska.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Israel, CIA, Hay’adda Sirdoonka Difaaca iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ay diideen inay ka hadlaan arrintan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Brian Hughes, ayaa u sheegay Washington Post in Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah.

“Inkastoo uu doorbidayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah ee Mareykanka kala dhexeeya xukuumadda Iran, haddana ma sugi doonno haddii Iran aysan diyaar u ahayn inay wadaxaajood sameyso, gaar ahaan waqti dhow,” ayuu Hughes u sheegay Washington Post.

Warbixinta ugu dhammaystiran ee sirdoonka ayaa la soo saaray horraantii Janaayo, waxaana diyaariyay waaxda sirdoonka ee Taliska Guud iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayey tiri Washington Post.

Warbixintaasi waxay ka digtay in Israel ay u badan tahay inay isku daydo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran ee Fordow iyo Natanz.

Saraakiil Mareykan ah oo xogogaal u ah sirdoonka, kuwaas oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay, ayaa u sheegay Washington Post in Israel ay rumeysan tahay in duqeyntii ay bishii October ku qaadday Iran ay wiiqday difaacyada cirka ee dalkaas, taasoo ka dhigtay mid u nugul weerar kale oo xiga, sida uu qoray wargeysku, inkastoo aan la magacaabin saraakiishaas.

Iran iyo Israel ayaa sanadkii hore dhowr jeer is-weeraray, iyaga oo isku aargudanaya, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayeen, gaar ahaan dagaalka Israel ka waddo Gaza.

Warbixinnada sirdoonka ayaa saadaaliyay labo ikhtiyaar oo weerar ah, kuwaas oo midkoodna uu Mareykanka ku lug leeyahay, gaar ahaan taageero dhinaca sirdoonka ah iyo buuxinta shidaalka diyaaradaha, sida lagu yiri warbixinta Washington Post.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu Isniintii siiyay Fox News ku sheegay inuu doorbidayo heshiis uu la gaaro Iran si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iran ay doorbidayso heshiis halkii ay dagaal geli lahayd.

“Qof walba wuxuu aaminsan yahay in Israel, oo naga helaysa taageero ama oggolaansho, ay si ba’an u duqeyn doonto. Laakiin anigu waxaan doorbidayaa in taas aanay dhicin,” ayuu Trump yiri.

Mareykanka, intii uu xilka hayay Madaxweyne Barack Obama, iyo xulafadiisa Yurub ayaa heshiis la galay Iran si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka, balse Trump, oo ay ku dhiirrigelisay dowladda Israel, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas taariikhiga ah, isaga oo dib u soo rogay cunaqabateynta Iran sanadkii 2018.

Tan iyo markaas, Iran ayaa dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka, iyada oo sare u qaadday heerka uruurinta uranium-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA).

Iran, Britain, France iyo Germany ayaa bishii Janaayo kulan ku yeeshay Geneva si ay ugu raad raacaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay TV-ga dowladda Iran.

Ujeedka wafdiga DF ee ku sugan Addis-Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dr. Cali Xaajii Aadam ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qeyb-galay madasha sanadlaha ah ee wasiirada caafimaadka Afrika.

Shirkan oo qayb ka ah shir madaxeedka Afrika, ayaa wasiirka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qeyb-galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah ayaa waxay u oggolaanaysaa wasiirada caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta caafimaadka qaaradda.

Sanadkan ayaa waxaa xoogga la saaraya adkaynta nidaamka caafimaadka, iyadoo laga faa’iideysanayo ballanqaadyada siyaasadeed. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah wasiirada caafimaadka Afrika ee ka qeyb-galay madasha iyo madaxda hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horgeynta ajandayaasha horumarinta caafimaadka Soomaaliya goobaha looga arrinsanayo caafimaadka adduunka.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii uu wasiirka caafimaadka Soomaaliya uu Geneva uga qeyb-galay shirka golaha fulinta ee hay’adda caafimaadka adduunka, halkaasi oo uu kulamo doceedyo kala duwan oo diiradda lagu saarayey horumarinta iyo hagaajinta caafimaadka kula qaatay madaxda iyo dalalka kasoo qeyb-galey shirka.







Muxuu Trump ka yiri dib u soo celinta dhulka Ruushka uu ka qabsaday Ukraine?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda.

Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”.

Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv.

Zelensky wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inta lagu guda jiro shir-madaxeedka difaaca Ukraine ee ka dhacaya Munich Jimcaha.

Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!”

Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa.

Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov.

Trump ayaa sidoo kale weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad in aysan u badneyn in Ukraine ay ku soo laabato xudduudaheeda ka hor 2014-kii, balse, isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da weydiisay, wuxuu yiri “dhulkaas qaar ayaa soo laaban doona”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku raacay Xoghayihiisa Difaaca Pete Hegseth, oo ka sheegay shir madaxeedka Nato horaantii Arbacada in aysan suurtagal ahayn in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga.

“Waxaan u maleynayaa inay taasi run tahay,” ayuu yiri Trump.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Ukraine ka siiso difaaca Ruushka, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Angela Rayner ay u sheegtay ITV in taageerada London ee Kyiv ay tahay mid “ku taagan”.

Isagoo qiimaynaya niyadda dadka caasimadda Ukraine, weriyaha BBC-da James Waterhouse waxa uu sheegay in hadalka Hegseth uu dhaawac ku noqon doono Kyiv.

Iyadoo muddo dheer la ogaa in maamulka cusub ee Maraykanku aanu u damqanayn Ukraine marka loo eego kii ka horreeyay, weriyahayagu wuxuu ku daray, hadal kasta oo Hegseth wuxuu u badan yahay inuu ka farxin doono Moscow oo keliya.

Waxaa jiray diidmo ka mid ahaanshaha Nato, aragti ah in Ukraine aysan ku guuleysan karin.

Zelensky waxa uu ku celceliyay in aan “wax wada hadal ah la yeelan karin Ukraine la’aanteed” – laakiin wadahadalka taleefoonka Trump iyo Putin ayaa dhacay isaga oo maqan.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa intaa ku daray: “Waxaan ku heshiinay inaan sii wadno xiriir dheeri ah oo aan qorsheyno shirarka soo socda.”

Baaqa u dhexeeya madaxda Maraykanka iyo Ukraine ayaa qaatay saacad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian oo la daabacay Talaadadii, Zelensky waxa uu soo jeediyay in dhulka uu Ruushka haysto ee Ukraine lagu beddelo dhulka Ukraine ay haysto ee gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed.

Afhayeenka Putin Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan macquul ahayn”.

“Ruushka waligiis kama hadlin, mana ka hadli doono beddelka dhulkiisa, ciidamada Ukraine waa laga saarayaa dhulkan.”

Iskahorimaadku wuxuu qarxay dagaal dhan walba ah markii Ruushku soo galay Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor.

Isku daygii Moscow ay ku dooneysay in ay kula wareegto caasimadda Kyiv waa la fashiliyay, balse ciidamada Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine ee bariga iyo koonfurta, waxaana ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dalkaasi.

Ukraine ayaa ku aargudatay madaafiic iyo duqeymo diyaaradeed, iyadoo sidoo kale weerar dhanka dhulka ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.

Khasaaraha saxda ah waa ay adag tahay in la helo sababo la xiriira sirta labada dowladood ee Ruushka iyo Ukraine, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun oo qof oo u badan askar la dilay ama la dhaawacay, malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ahna ay ka qaxeen guryahoodii.

Isha: BBC

Ciidanka DF oo howlgal kusoo furtay gaadiid iyo shacab u xayirnaa Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October waxaa si gaar ah looga fuliyay tuulada Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd bar-koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo shacab badan.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay fasaxaan gaadiidkii iyo dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa halkaasi, iyagoo bur-buriyay dhamaan barihii koontarool ee kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadan jirey, laguna dhibaateyn jirey, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howl-galka.

Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow, oo ah Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen dhamaan isbaarooyinkii ay kooxda dhigatay halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah.

“Ma aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Gaabow oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxa uu yiri “Intuu howl-galka socday waxay Libaaxyada Qarankeenna ee xoogga dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.”

Taliye Gaabow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada looga hortagayo dhibaatooyinka kooxda ku hayaan gaadiidka iyo shacabka ku safra waddooyinka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaran ayaa leh baro-kaantarool oo lagu baaro gaadiidka, islamarkaana looga qaato lacago baad ah oo ku sheegaan dhul maris ah.

Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee Suuriya laga rabo la shaqeyntiisa?

0

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku boorriyay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay la shaqeyso isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee gobolkaasi, isagoo martigeliyay shir khamiistii looga hadlayay mustaqbalka dalkan ku yaalla Bariga Dhexe.

Hadalka Macron ayaa imaanaya iyadoo hubaal la’aan ay ka jirto ka ballan qaadka Mareykanka ee gobolka. Shir Khamiistii ka dhacay magaalada Paris oo u dhexeeya dalalka Yurub iyo Carabta ayaa ahaa kii saddexaad ee looga hadlayo arrimaha Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii cadaadiska ku dhisneyd ee Bashaar Al-Asad bishii December, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah ee Suuriya, Asaad al-Shibani.

“Suuriya waa in ay si cad u sii waddaa dagaalka ka dhanka ah dhammaan ururada argagixisada ah ee fidinaya fowdada,” ayuu yidhi Macron. “Haddii Suuriya ay go’aansato in kaalin iskaashi ah la sameyso” isbahaysiga caalamiga ah, Faransiisku waa uu taageeri doonaa tallaabadaasi, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shirka Paris ee Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dalalka ka qeybgalaya shirka ayaa ujeedkiisu ahaa in la isku duba rido dadaallada lagu taageerayo isbedel nabadeed, iyadoo xukuumadda cusub ee Dimishiq ay hoosta ka xarriiqday in ay dooneyso in ay hagaajiso xiriirka reer Galbeedka.

Macron waxa kale oo uu ugu baaqay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay ciidamada uu Mareykanku taageero ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta Suuriya ee SDF “in ay si buuxda uga qeybgeliso” marxaladda kala guurka ah ee Suuriya, isaga oo ugu yeeray in ay yihiin “xulafo qaali ah”.

“Waxaan filayaa in mas’uuliyadda idinka saaran maanta ay tahay isku dhafka iyo sidoo kale in aad u oggolaataan ciidamadan in ay idinku soo biiraan,” ayuu yiri.

Khamiistii, qabanqaabiyeyaasha shir ka dhacaya Dimishiq si loo jaangooyo mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka ayaa sheegay in wadahadalladaasi ay ka qeyb gali doonaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya marka laga reebo maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga bari iyo kuwa daacadda u ah Assad.

Inta badan jabhadihii hore ee kacdoonka waday ayaa ku heshiiyey inay kala diraan askartooda ayna ku biiraan ciidamada cusub ee Suuriya iyo laamaha ammaanka, balse SDF-ta ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ayaa ilaa hadda diidan in ay sidaas oo kale sameeyso.

Xoogagga SDF ayaa isku dhacyo kula jira kooxaha uu Turkiga taageero ee waqooyiga Suuriya, waxayna Kurdiyiinta ka walaacsan yihiin in ay lumiyaan guulo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo ay gaareen tan iyo markii ay go’aansadeen in ay waqooyi bari maamulkooda ka dhistaan intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas.

Waxaa socda wadahadal u dhaxeeya SDF iyo dowladda Dimishiq.

Gargaar dheeraad ah ayaa muhiim u ah si loo gaaro dib u dhis nabadeed inta lagu jiro kala-guurka ka dib Assad. Dalku waxa uu u baahan yahay in uu dib u dhiso guryaha, korontada, biyaha iyo kaabayaasha gaadiidka ka dib ku dhawaad 14 sano oo dagaal ah. Qaramada Midoobay ayaa 2017-kii ku qiyaastay in ay ku kici doonto ugu yaraan 250 bilyan oo doolar, halka khubarada qaar ay hadda sheegayaan in tirada ay gaari karto ugu yaraan $400 bilyan.

Iyadoo ay jiraan qaybo yar oo wax soo saar sameeya iyo shaqaalaha dowladda oo qaata mushahar u dhigma ilaa $20 bishii, Suuriya waxa ay noqotay mid ku tiirsan lacagaha xawaaladaha lagu diro iyo gargaarka bini’aadantinimo. Laakiin qulqulka gargaarka ayaa hoos u dhacay ka dib markii maamulka Trump uu bishii hore joojiyay kaalmada dibadda ee Mareykanku uu bixiyo.

AP + VOA

Xamaas oo war cusub soo saartay xilli laga cabsi qabo inuu burburo heshiiska Israel

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.

Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta.

Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.

Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro.

Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay.

Bayaan ay soo saartay, Xamas waxay sheegtay in dhex-dhexaadiyeyaashu ay ballanqaadeen in “dhammaan caqabadaha la qaadi doono.”

Daqiiqado kadib, afhayeenka Xamas, Cabdul Laahiif al-Qanuu, ayaa khadka taleefanka ugu xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in saddexda maxbuus la sii deyn doono Sabtida.

Telefishinka qaranka Masar ee Qahera TV, oo si dhow ula shaqeeya hay’adaha ammaanka dalkaasi, ayaa ku warramay in Masar iyo Qatar ay ku guuleysteen xallinta khilaafka.

Labada dal ee Carbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta Xamas, iyagoo fududeeyay heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay Janaayo, kadib 15 bilood oo dagaal ah.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa si kastaba wajahaya caqabado culus toddobaadyada soo socda.

Wajiga koowaad ayaa dhammaan doona horraanta bisha Maarso, lamana gaarin weli wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan wejiga labaad, kaasoo Xamas ay ku sii deyn doonto tobannaan maxaabiis ah, iyada oo Israa’iil laga doonayo in ay soo afjarto dagaalka.

Isha: VOA