25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in Dastuurka KMG ah uu caqabad weyn ku yahay dhismaha qarannimada.

Cali Geedi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka, ayaa soo dhoweeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, lana dhameystiro, maadaama uu muhiim u yahay dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystir, imisa sanno ayaa dowlad dhis Soomaali lagu jiraa, intaas oo sano ayuu kumeel-gaar ahaa, caqabad kale ma jirto waa dastuurka,” ayuu yiri Cali Geedi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ay inta badan qoddobadiisa iska hor imaanayaan, taasi oo caqabad ku noqotay in la dhameystiro dowladnimada Soomaaliya.

“Dastuurka qoddobadiisa iska hor imaanayan weeyi caqabad kale ma jirto, oo dowladihii oo dhan madaxa iyo mijaha la isku galiyay, marka waan jeclaan lahaa in wax laga beddelo, lana dhameystiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Geedi.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah uga howl-galaan arrintaan, si dastuurka uu uga baxo kumeel-gaarka.

“Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka 11-aad ee Labada Aqal inay ku deg-degaan oo dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada oo dhameystiraan, si umadda Soomaaliyeed dhibaatada uga baxdo. Waxaana la gudboon Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan in ay fahmaan in caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystiro dastuurka waaye, marka waa inay maslaxada umadda Soomaaliyeed fiiriyaan.”

Waxa uu intaas kusii daraya “Dastuurka Qur’aan ma ahan, marwalba wuxuu la saan qaadaya danaha shacabkaas iska leh waana la beddela. Maanta in qodob la beddelo ayaa loo baahanaya, berri in la beddelo loo baahanayaa, marka waa in maslaxada umadda Soomaaliyeed lagu saleeyo, oo waa in la saxo dastuurka.”

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay dowladda Xasan qorsheynayso in Baarlamaanka la horgeeyo wax ka beddelka Dastuurka, si loo waafajiyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May ee sanadkaan.

Hoos ka daawo muqaalka

PUTIN oo ka dhabeeyey ballan-qaadkii Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya.

Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya.

Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah.

Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg.

Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal.

Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka.

Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida.

Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow.

Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka.

Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys.

Mareykanka oo sheegay inay Soomaali fuliyeen weerarkii loo maleeyey Xuutiyiinta

Washington (Caasimada Online) – Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.  

Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha kusii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas.

Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.

“Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii.

Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.

Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri.

Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder.

Waxa uu sheegay in aysan wali caddeyn in gantaallada ballistic ga ah ay beegsanayeen USS Mason.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park. 

Xamza oo shaaciyay 3 arrin weyn oo ay ka shaqeynayaan, halka mid uu buuq hareeyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, xilli Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Xamza oo xalay la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayuu sidoo kale waxa uu ka sheegay in dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso cirib-tirka Shabaab iyo la-wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS ay kamid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ku boorriyey bulshada Kismaayo in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga cirib-tirayo argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, cirib-tirka Al-Shabaab, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, waxaana dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Wejigan ayuu horey madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu noqon doono mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, oo wejiga koowaad looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Deni oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda taagan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland.

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood.

“Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni.

Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan;

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)
7. Xassan Caballa Xassan Xubin

Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Sawirro: Xogta kulan maanta ka dhacay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya la-tashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyaan;

  1. Xoojinta fursadaha shaqada
  2. Kobcinta dakhliga
  3. Yareeynta saboolnimada
  4. Cirib-tirka Khawaaijta Al-Shabaab
  5. Dhammeystirka dastuurka
  6. Xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Waxa uu si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.

Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka, kaasi oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: R/W Xamza oo baaq cusub u diray Soomaalida

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laamiya, ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed u diray baaq muhiim ah.

Dhagax dhiga waddadaan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo, waxayna iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doono amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

Mudane Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale waxa uu shalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxay kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Xamza ayaa waxa uu markaas faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Aabe si arxan darro ah u dilay seddax gabar oo uu dhalay

Paris (Caasimada Online) – Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa qirtay inuu dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, kadib markii uu u gacan galay booliska.

Ninkaan ayaa iskiis isugu dhiibay adhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska.

Ninkan oo 41 jir ah, ayaa tegay saldhigga booliska ee magaalo xeebeedka waqooyi ee Dieppe “si uu u sheego inuu dilay saddexdiisa caruur,” waxaa sidaas yiri dacwad oogaha magaalada.

Booliska ayaa sheegay inay meydka saddexda gabdhood ka heleen gurigiisa magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris.

Laba ka mid ah caruurta ayaa midi lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, halka mida kale loo maleynayo inuu ceego ku dilay.

Waxaa la helay ayaga oo dedan, halka midka saddexaadna uu meydkiisa dul saarnaa kursiga fadhiga, sida ay muujinayso natiijada hore ee baaritaanka.

Aabaha ayaa 2021-kii lagu helay dambi rabshadeyn qoys, ayuu yiri qof ku dhow kiiska. Waxaa la soo saaray amar u diidaya inuu u dhowaado qoyskiisa, balse markii dambe waa laga qaaday.

Ninkan ayaa la dhigay xabsiga booliska, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Daawo: Beesha Saleebaan oo wareejisay ciidan cusub oo qeyb ka noqon doona…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa wareejiyay ciidan cusub oo loogu tala-galay ka qeyb qaadashada dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Nabadoonnada iyo odayaal kasoo jeeda beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa ciidankan geeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan ciidamadii hore ugu sugnaa halkaasi, ee qeybta ka ah dagaalka socda.

Nabadoonnada iyo Odayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarardheere ayaa sheegay inay ku soo biireen halganka socda qeybaha dhiman dhameystirkiisa, sidoo kalena ay tallo wadaag la noqdaan dadka halkaasi degan.

“Waxaa kusoo biirnay in aan wax kasta oo wanaag ah oo loo sameynayo degmada Xarardheere iyo dadkeeda in aan qeyb ka ahaano,” ayuu u dhignaa hadalka Nabadoonnada iyo Odayaasha beesha ee halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la siyaasadeyn dagaalka socda, oo beelaha kalena ay kaalintooda ka qaatan gulufka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, “Waxaa naga mamnuucan oo anagu iska mamnuucnay oo walaalaha kalena ka dooneyna in aan la siyaasadeysan halganka lagula dirirayo Khawaarijta.”

“Dadka kasoo jeeda degmada Xarardheere waa inay soo gurmadaan, oo wax ka xasiliyaan dalka, horumarkiisana wax ka qabtaan. Umadda Soomaaliyeed ee gobolkaan kasoo jeeda waa ugu baaqeyna, nabadda na deeqda oo derisnimada iyo walaalnimada na deeqda.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in degmada loo dhameystiro adeegyada muhiimka, maadaama ay muddo gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay, islamarkaana ay hesho dhamaan adeegyada dowliga ah.

“Ballanteenu waxay tahay in Khawaarijta cirib-tirno, oo dal, diin iyo dad intaba duleystay. Waana in taakulo nooc walbana loo fidiyo ciidamada kala duwan ee dagaalka ku jir.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay lahayd Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa howl-gal qorsheysan oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab ka fuliyay bariga gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa lagu bartilmaameydsaday fariisin kooxda ay ku lahayd deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Budbud ee bariga gobolka Galgaduud.

Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo hogaaminaayey ciidanka deegaanka ee howl-galka la fuliyey ciidanka xoogga dalka, waxaa kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan khasaare xooggan, illaa haddana uu socda.

Ciidamada ayaa toogtay Lix kamid ah dagaal-yahaanada Shabaab ee ku sugnaa xarunta la weeraray, halka sidoo kale gacanta looga dhigay Hubkii ay adeegsanayeen dagaal-yahaanada howl-galka lagu Khaarijiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka kooxda ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida ay horey u shaacisay dowladda.

Israel yo Xamaas oo ku heshiiyay hal arrin oo cusub

0

Gaza (Caasimada Online) – Israel iyo Xamaas ayaa Isniinti shalay isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabad-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.

Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.

33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay xalay sii deysay Israel ayaa aroornimadi hore ee saaka oo Talaada ah gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed.

Baski waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel ayaa marki uu soo galay waddooyinka Ramallah la kulmay sacab iyo qeylo farxadeed oo ay kusoo dhaweeyeen Falastiiniyiinta Ramallah.

Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel.

Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israa’iiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.

Labada maalin ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta oo kala ah Talaadada maanta ah iyo Arbacada berrito ah ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.

Ciidamada Kenya oo garaac ku dilay afar dhallinyaro ah

Nairobi (Caasimada Online) – Meydadka afar nin oo dhalinyaro ah ayaa maanta laga helay Beer ay leeyihiin ciidamada Kenya, wuxuuna dilka dhalinyaradaas ka careysiiyey dadka deegaanka.

Afarta dhalinyarada ah ee meydkooda la helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beerta dalaga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley.

Raggaan ayaa la sheegay in qorshahoodu uu ahaa inay gurtaan Galey ka soo hartay dalaggii beeraha Kenya ee dhawaan soo go’ay.

Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan, taas oo aad looga carooday, maadaama ay xiri kareen, iyagoo aan dilin.

Dadka ku nool deegaanka uu falkaas dil wadareedka ah ka dhacay ayaa tilmaamay in meydadka qaar qabaan dhaawacyo rasaas ah.

Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socdo baaritaan culus oo arrinta ku saabsan.

Saciid Deni oo si yaab leh uga hadlay xiisadda ka taagan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa si yaab leh uga hadlay xiisadda arrimaha doorashooyinka ka dhalatay ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan magaalada Garoowe.

Saciid Deni ayaa wareysi uu siiyay Hanoolaato wuxuu ku sheegay in aad loo buun-buuniyay xaaladda nabad-galyo ee ka dhalatay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeey isaga iyo mucaaradka Puntland.

Inkasta oo uu garawshiyo ka bixiyay saameynta iyo walaaca dadka ka qabaan arrinta, haddana waxa uu sheegay in dadka lagu barakiciyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda.

“Waxaa aad uga walaacsanahay dhibaatada ay dhaliyeen wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay Social Media-ha,” ayuu yiri Saciid Deni oo sheegay in xaaladdu degan tahay oo aysan jirin xaalad aloosan oo ay degan tahay xaaladda caasimada Puntland ee Garoowe.

“Haddii khilaaf iyo is af-garan waa’ uu jirina wada-hadal iyo in miiska dushiisa lagu xaliyo ayaa rejaynaynaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hoos u dhigay xiisadda ka dhalatay arrimaha doorashooyinka maamulka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa, isaga oo meesha ka saaray in ay jirto nabad-galyo darro iyo cabsi dagaal oo ka taagan gudaha maamulka.

Si kastaba, Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Daawo: Labo askari oo maanta ciidamada DF looga arrin ay ka gaysteen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka xasilinta caasimada Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah looga siibay tuutaha ciidamada qaranka, kadib markii lagu helay xad-gudub ay u geysteen bulshada.

Labadaan askari ayaa maanta la soo hor taagay ciidankii ay ka tirsanaayeen, kadibna waxaa ciidanka hortiisa tuutaha uga siibay Gaashaanle Aadan Jeelle Taliyaha guutada Boolis Militeri.

Labadaan askari ayaa lagu helay kiis la xiriira dhac dadweyne, waxaana laga dhex qabtay caasimadda, iyadoo guud ahaan fagaarahaan looga ruqseeyey ciidamada qaranka.

“Labadaan askari oo ka tirsanaa ciidankaan waxay ka been sheegeen dhaartii ay mareen, waxay dhac u geysteen shacab masaakiin ah, iyagoo ugu awood sheeganaya tuutaha iyo qorigii lagu iibiyey canshuurta shacabka,” ayuu yiri Taliye Jeelle.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa yiri “Labadaan nin maanta wixii ka dambeeya askar maaha,” wuxuuna ciidanka hortiisa uga siibay tuutaha.

Ciidamadii fadhiyey goobta ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in la ruqseeyey askartaan, “shacabka ayaaly ku laabanayaan, looma baahna askari markii awood la siiyo shacabkiisa u adeegsanaya,” ayuu yiri Gaashaanle Jeelle.

Goobta ciidankaan lagu ruqseeyey askartaan waa xero ciidamada xasilinta Muqdisho ay ku leeyihiin xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo lagu feyliyey askar badan, si loo hor-geeyo labada askari ee fagaaraha looga saaray ciidanka.

Sidoo kale goobta waxaa ku sugnaa saraakiisha wacyi-gelinta ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ciidamada xasilinta caasimada ku baraarujiyey in bulshada ay u dhaarteen aysan kula kicin wax xad-gudub ah.

Hoos ka daawo

Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay cabsi la sheegay inay soo wajahday kadib markii…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.”

Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta.

“Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Si kastaba, ONLF ayaa waxaa muddo waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in ururkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si siman xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka Soomaalida.

Illaa haddana majiro wax xal ah oo laga gaarey khilaafkaasi, inkasta oo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta, waana ka gaabsaday guddoomiye Maadey ka hadalkeeda.

Xujo weyn oo hortaalla Ra’iisul Wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xamza ayaa hal sano iyo bar kahor ka soo tagay magaalada Kismaayo, isaga oo Axmed Madoobe kasoo qaatay Xildhibaan u muuqday abaalmarinta kaalintiisi fududeynta dib usoo doorashadii Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland 2019-kii, markaas oo la qabtay doorasho aan nooceeda hore loogu arag labada heer dowladeed ee Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in guddigii doorashada uu qabaa’ilka ku yiri kursi walba 3 qof u keensada kadibna qofkii uu Axmed Madoobe qaato ayaa Xildhibaan idin ah.

Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda, haddana booqashada Xamza ee maanta ee magaalada Kismaayo ayaa wadan wax su’aallo siyaasadeed ah oo ka imaanaya reer Jubbaland.

Markii Xamza laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa ku kala qeybsamay sida uu kaalin uga qaadan doono xal siyaasadeedka gobolkaasi kala taagna dhowrka sano.

Qaar waxay qabeen in uusan wax aragti ah ka laheyn arrimaha Jubbaland ama uusan u abuurneyn dhiiranaan siyaasadeed, qaarna waxay qabeen inuu gacanta ka qaban karo Axmed Madoobe.

Sanad kadib magacaabistiisi qolada hore ayaa u dhoweyd xaqiiqada oo ra’iisul wasaaruhu si weyn ayuu uga baxsaday inuu furo qadiyada Jubbaland xilli uu Axmed Madoobe si weyn ugu raftay reer Gedo, dhinaca kalena uusan waxba u hanbeynin qabaa’ilka kale ee deegaanka.

Siyaasadda qeybta badbaadada mar adiga ayaa isfurta marna duruufaha ayaa ku furta. Xamza oo u dhowaa inuu magac xumo siyaasadeed ka qaado sida uu iskaga indho tiray arrimaha Jubbaland, ayaa waxa furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dagaalka ka dhigay ajendihiisa koowaad, gadaalna iskaga dhigay arrimaha doorashooyinka ee heer maamul goboleed.

Inkasta oo ay jiraan dad badan oo weli diidan inuu Axmed Madoobe iska fadhiyo meesha, haddana Xamza xitaa haddii uusan rabin inuu wax ka qabto ama uusan ka qaban karin wuxuu hadda haysta fursad uu iskaga jeedin karo dadka reer Jubbaland, taasi oo ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran.

Safarka ra’iisul wasaare Xamza ee magaalada Kismaayo wuxuu kusoo aadaya iyada oo uu taagan yahay qorshe ku saabsan in la beddelo haykalka dowladnimada oo la tirtiro jiritaanka kursiga ra’iisul wasaaraha, iyada oo la qaadanayo nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) hoggaamiyaha Jubbaland oo wax ka saxiixay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii May ayay hadda wararka sheegayaan inuu cago jiid bilaabay kadib markii uu la kulmay dad badan oo siyaasiyiin ah oo ay magac guud wadaagan, kuwaasi oo diidan isbeddelka uu wado Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza inkasta oo uu xafiiskiisa sheegay inuu Kismaayo u tegay u kuur-galida xaaladaha daadadka, la-dagaalanka argagixisada iyo inuu mashaariic dhagax dhigo, haddana taas waxaa ka muhiimsan in uu Axmed Madoobe dib ugu soo qanciyo inuu kaalintiisa ka qaato fulinta heshiiskii hore loo wada galay.

Madaxda maamullada qaar ayaan hore idinku sheegnay inay hal ujeedo ka lahaayeen heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, qoddobkaas oo ahaa muddo kororsigooda, balse aanay dhamaan qoddobada kale rabin inay kala shaqeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo hadda u soo shaac baxeysa si tartiib ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo daah-furay Hiigsiga Somalia ee 2060 – Muxuu yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka.

Hiigsiga 2060-ka ayaa saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laa-laabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.












Maxkamadda ciidamada oo ku dhowaaqday xukunka Cabdikaafi Nuur Yuusuf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunka Dable Boolis Cabdikaafi Nuur Yuusuf, oo isagu muwaadin u dilay muran kala dhexeeyay askari kale.

Cabdikaafi ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cali Cabdi Cali, falkaasi oo ka dhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley 5-tii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex-maray marxuumka iyo Sarkaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhex-galay, waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka, oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

April 2023 ayay aheyd markii madaxweynaha uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Khadar Maxamed Berxood: “Cabdi Waare ma lagu booday mise musuqii ayaa soo qabtay.”

“Xukuumadda iyo ergada wee iska ag dhaw yihiin madaxweynaha caadi ma ahan dad wa qancis sida hore loogu socon laha,” ayuu yiri Gacal Xuseen.

Maxamed Cabdirashiid Kheyre ayaa isna waxa uu yiri “Ergadii hore meel ku sheega?.”

“Hambalyo Xildhibaan Cumar Xaashi Allaha kula garab-galo hawsha cusub ee lagu idmay,” ayuu yiri Axmed Ceydiid.

Cabdulqadir Maxamed Tahliil: “Nin saaxiibtinimo iyo dad isku wad ku fiican inaad tahay waxaa lagu garanaa xukuumaddii inaad ka garab dhistay xukuumad kale oo wadda ergo ah.”

Cali Yare Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Shaqo waanaagsan Mudane.”

“Ergay? Ma dal kale ayaa loo magacaabay? Sow dalku malahan xukuumad leh wasiiro?,” ayuu yiri Cawil Cali Xaashi.

Cabdullaahi Yare Cabdi: “Waare ma danjiraa laga dhigi rabaa tolow.”

“Xasan Sheekh waxa ugu wayn ee uu ilaaliya waa saaxiibtinimada hadaad saaxiibo tihiin xil ku waayi maayo meel aan jirinba intuu magac u sameeyo uu mushaar wasiirna kuu qori,” ayuu yiri Sahal Muumin.

Cabdullaahi Cabdi ayaa isna waxa uu yiri “Soomaaliya Ergay gaar ah oo qof loo magacaaba ma harin, waa isku dhammaaatay. Magacaabiidda soo socota eray bixinteeda ayaa ka dhib badnaan doonta magacaabisteeda.”

Xildhibaano kudlad cusub maanta uga dhawaaqay Muqdisho kana horyimid…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana u badan xubnaha mucaaradka ayaa maanta Kudlad la magac baxday Toosin Qaran uga dhawaaqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedkooda iyo sidoo kale Kudlada ay maanta ku dhawaaqeen, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saartay Kudlada, isaga oo sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dastuurka dalka.

“Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxaan halkan kaga dhawaaqeynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magacaas oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in sidoo kale Kudladan ay meteleyso guud ahaan shacabka Soomaaliya, loona dhisay la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe.

“Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri.

Sidoo kale xildhibaannadan ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirarkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka iyo wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya.

“Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo lagu yiri “Waxaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox gaar ah ay go’aan ka gaari karaan maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed”.

Ugu dambeyn xildhibaannada ku dhawaaqday Kudlada cusub ayaa ka hadlay fatahaadaha iyo dagaalka Al-Shabaab, waxayna farriin u direen xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan fareynaa xukuumadda in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan fatahaadaha ay gurmad deg-deg ah gaarsiiyaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay.